Dhageyso: Madaxweyne Xasan oo la kulmay Wafdi ka socday Sweden

Muqdisho (Caasimada online) Madaxweyne dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaamaanta  la kulmay Wafdi ay hogaamineysay wasiirka xiriirka caalamiga ah ee dowladda Sweden.

Kulanka Wafdigan iyo Madaxweyne Xasan ayaa ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Waxaana kulanka kadib Madaxweynuhu uu sheegay  inay ka wada hadleen adkeynta xiriirka labada dal sida amaanka iyo horumarinta kaalmada Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiiradda xiriirka caalamiga ah ee dowladda Sweden oo dhankeeda hadashay waxa ay dowlada ku amaantay dadaalkeeda waxa ay sheegtay in Soomaaliya ay ku taagaarayaan dhaqaalo si ay mar kale u istaagto

Dalala  badan oo caalamka ah ayaa sheega mar waliba inay Soomaaliya ka caawinaya Arimo ah ka mid yihiin Siyaasadda Dhaqaalaha iyo Bini aadanimada,  Kadib markii caalamku uu aqoonsaday in dowlada iminka jirta aysan aheyn Mid KMG ah .

Soomaaliya ayaa dowladihii Soomaray 22-kii Sano ee ugu dambeeyay waxay ahaayeen kuwo KMG ah , hayeesheb caalamka ayaa iminka 22- sano kadib wuxuu u qoonsaday in Soomaaliya ay ka gudubtay Marxaladii KMG nimada isla-markaana ay u gudubtay dowlad taam ah.

Halkaan ka dhageyso Kulaka M/weynaha iyo Wafdiga Maanta Muqdisho Soogaaray

Halkaan ka dhageyso Codadka kulanka Madaxweynaha iyo wariirada Xiriirka caalamiga ah ee Sweden

Caasimada online

Xaafiisma Muqdisho

Caasimada@live.com