30.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 6, 2026

DFS oo dhowaan xilka ka qaadeysa…

0

Marko (Caasimada onile) Sida warar aan heleyno ay sheegayaan  dowlada Soomaaliya ayaa waxa ay wadaa qorshe ay xilka qaadis ah oo ka dhan ah gudoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii , kadib cabasho ku aadan maamulkaas oo ay shacabka gobolkaas muujiyeen .

Waxaa jirtay Hakin dhanka Shaqada ah oo lagu sameeyay gudoomiyaha  Gogobolka kadib markii shacabka gobolkaas ay cabasho ka muujiyeeen gudoomiyaha gobolkaas , taas oo uu ka dambeeyay ra’isul wasaaraha Soomaaliya Cabdi faarax Shirdoon Saacid.

Qorshaha xilka looga qaaday Siidii , ayaa waxa la tilmamaya inay gobolkaas ka wadaan Wasaaradaha arimaha gudaha iyo amniga iyo Sidii kale wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Waxaana dhawaan la sugayaa inay garaan mas’uuliyiinta ugu sareysa labadasi wasaradood sida qorshuhu uu yahay.

Hore ayay odayasha dhaqanka waxay u soo gudbiyeen dacwad ka dhan ah Gudoomiyaha gobolka Shabeelha hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii, waxaa odayaashu cabashoodu ku soo bandhigeen in loo baahan yahay in si deg deg ah ay dowlada Soomaaliya wax uga qabato.

Dhowaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolkaas waxaa ka dhacay dagaal beeleedyo u dhexeeya beelo halkasi wada dega, waxaana mudooyinkii ugu dambeeyay muuqanayay in gobolkaas ay ka jirto isku tuur tuur ku aadan Jidgooyooyin gobolkaas yaala , kuwaas oo qaarkood la sheegay inay u yaalaan Mas’uuliyiinta maamulka gobolkaas oo Siidii uu ka mid yahay iyo ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya waxay sheegtay inay qaadeyso guud ahaan isbaarooyinka yaala gobolka Shabeelaha Hoose inkastoo wali ay muuqaneyso cabasho ku aadan saameynta isbaaroyinkaas oo ay muujinyaan gaadiidleeyda wadadaasi isticmaasha.

Caasimada online

Xafiiska Marko

[email protected]

 

 

DHAGEYSO: Cali Maxamed Geedi oo mar kale war yaab leh ku hadlay

0

Nairobi (Caasimada online) Cali Maxamed Geedi, Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa wuxuu ka warbixiyay aragtidiisa ku adan Shirweynaha dib u heshiisiinta qaran ee maalintii shalay aheyd ka furmay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya  iyo aragtidiisa ku aadan Shirkaas uu furay Madaxweyne Xasan Sheekh .

Geedi, wuxuu sheegay in shirkaas uu yahay mid aan loo dhameyn oo ay wataan dad dano gaar ah leh oo ay u yeeratay sida uu sheegay dowlada Soomaaliya , waxaana uu ku tilmaamay mid umuuqda inaysan wax wanaagsan ay kasoo baxayn sida uu hadalka u dhigay.

Mustaqbal wanaagsan oo ay Soomaalidu jecleysato ayuu sheegay in aan marnabad laga sugeyn Shirkaas, Waxaana arintaas uu ku sababeeyay in dowlada Soomaaliya shirkaas ay ku casuumtay dad gaar ah oo sida uu shaaciyay ay isku danyihiin dowlada Soomaaliya .

Sidoo kale Geedi, ayaa soo hadal qaaday shirka Bilgium ka furmi doona 16-ka bishaan , ayaa  ku tilmaamay mid dalxiis ah Maadaama sida uu sheegay dowlada looga fadhiyo iminka inay isku keento maamulada dalka oo qaarkood siyaasad ahaan kasoo horjeeda dowlada Soomaaliya

Maamulada Punland Somaliland iyo qeybo ka mid ah gobolada Soomaaliya ayuu sheegay inay dowlada Siyaasad ahaan kasoo horjeedaan , waxaana uu shaaciyay in iyadoo aan arimaha gudaha aan la xalin aan loo gudbi karin mida dibadda iyo ka qeyb galka Shir caalami ah oo Soomaaliya ku saabsan .

Ugu Dambeyn dowlada Soomaaliya ayuu ku sheegay in mudadii sanadka aheyd ee ay jirtay ay ku fashilmatay wax ka qabashada dhanka amniga iyo midda dhanka bini aadanimada ah ,  Arimaha dibadda oo dowlada Soomaaliya ay shegto inay horumar ka gaartay ayuu eedi sheegay inay ka muhiimsan tahay midda gudaha .

Geedi, ayaa isagu wuxuu siyasad ahaan si aad ah uga soo horjeedaa dowlada Soomaaliya, waxaana dhowr jeer oo hore uu warbahinta u sheegay in dowlada Soomaaliya ay ku fashilanta waxka qabashada Soomaaliya , Afahyeenka Madaxweynaha Soomaaliya Engneer: C/raxman Yariisoow, ayaa Siyaasigan wuxuu ku tilmaamay mid hore ugu fashilmay siyaasadda iyo hogaanka Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka Cali Maxamed Geedi

HALKAAN KA DHAGEYSO CALI MAXAMED GEEDI

Caasimada online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

Madaxweyne Xasan oo tagay gobol, mid kalena ku wajahan maanta

0

Muqdisho (Caasimada online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wfdi uu hogaaminayo ayaa manta markii ugu horeysay Safar dhul ah wuxuu ku tagay magaada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose .

Madaxweynaha Waxaa lagu galbiyay gaadiidka Gaashaaman oo ay horboodayaan ciidamada nabad ilaalinta Soomaaliya u jooga ee AMISOM  kuwaas si aad ah u sugayay amniga wafdiga madaxweynaha Soomaaliya .

Waxaa si aad ah loo adkeeyqay amniga wadada isku xirta Muqdisho ilaa Maro halkaas oo lagu gadaamay ciidamo amniga xaqiijiya kuwaas si aad ah dhaqadhaqaayada shacabka iyo gaadiidka wadadaas ku socdaalayay la soconayay.

Ujeedka wafdigan ayaa sida la sheegay waxay tahay sidii ay u dhameystiri lahaayeen heshiiska  beelo wada daga gobolkaas oo dhawaad dagaal uu dhexmaray.

Dhinaca kale Madaxweynaha dowlada Federaalka ayaa la filayaa in maanta 3 Sept,2013 u dhoofo magaalada Baydhabo.

Wararka aan ka heleyno Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlada Federaalka safarkiisa uu ku wehelin doono wasiirkiisa arrimaha gudaha iyo amniga.

Safarka Madaxweynaha dowlada Federaalka ayaa la rumeysan yahay inuu la xiriiro diidmada shacabka dagan gobolada Bay iyo Bakool ku gacan seyreen dhowaan heshiiskii lagu gaarey magaalada Addis Ababa.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka socda qaban qaabada shirweyne la rabo in lagaga dhawaaqo maamul goboleed kaas oo la filayo inuu qayb ka noqdo gobolka Shabeelada Hoose.

Wixii wararkaas kasoo kordha ka daalaco Caasimada online

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Qorshihii Shariif Xasan oo lagu wado in uu dhowaan dhaqan galo “XOG”

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Abaabul loogu jiro sidii lagu dhisi lahaa Maamulka Koonfurta Somalia ayaa ka socda Degmada Baydhabo ee Gobolka Bay, halkaasoo ay tan iyo shalay gaarayeen waxgarad iyo aqoonyahno kasoo jeeda Gobolada Bay iyo Bakool.

Qorshaha shirkan iyo maamulkaba ayaa waxaa in muddo ah ka shaqeynayey afhayeenkii hore ee Baarlamanka Somalia Shariif Xasan Sheikh Aadan, oo in muddo ahba si hoose u waday olole.

Maamulka ayaa qorshuhu yahay inay ku midoobaan gobollada Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

Shariif Xasan ayaa la rumeysan yahay inuu isku diyaarinayo madaxweynaha maamulkaasi oo magaciisa noqon doono South West State.
Shirka ayaa imanaya ayada oo beelaha kasoo jeeda Bay iyo Bakool ay xiriirka u jareen dowladda Somalia.

Waxagaradka iyo xubnaha beelaahaas ayaa ayaa waxay ku eedeeyeen Madaxda DF inay heshiis la galeen maamul ka mid ah maamulada dalka ka jira iyagoo ku qancinaya rabitaankooda.

“Halkan [Baydhabo] waxaa ka socda abaabul loogu jiro sidii loo sameyn lahaa maamul ay dadka Deegaanku leeyihiin, kaasoo aan ku casuunay inay kasoo qaybgalaan Xildhibaanada iyo Wasiirkada DF ugu jira Digil iyo Mirifle” ayuu yiri Cali Shiino oo ah Afhayeenka Waxgaradkii kulanka yeeshay.

Afhayeenku wuxuu sheegay inay xiriirka u jareen Dowlada iyagoo kasoo horjeeda talaabadii ay heshiiska kula gashay Sh. Axmed Madoobe oo horay u ahaa Madaxweynihii Maamulkii Jubaland hadana ah Hogaamiyaha Maamul KMG ah oo loogu magac-darayo Jubba.

Dhanka kale Villa Somalia oo ka hadashay cabashada kasoo yeertay dadka ku nool Gobolada Bay iyo Bakool ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay la hadasho si ay u dhageysato fikirkooda ku aadan shirkaas iyo waxa ay dhab ahaan ka cabanayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
[email protected]

Faroole oo jooga Addis-Ababa, kana codsaday Ethiopia gacan, kadib markii ay fashilmeen dadaalladii Nairobi

0

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole, ayaa booqasho ku tagay magaalada Addis-Ababa dalka Ethiopia, halkaasi oo uu mar kale ka billaabay olole siyaasadeed oo ka dhan ah dowladda Somalia.

Faroole ayaa xalay hotel ku yaalla magaalada Addis-Ababa kireystay isaga oo ka codsaday wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia Tedros Adhanom inuu halkaasi ugu yimaado, ayada oo markii dambena labada dhinac ay ku kulmeen halkaasi.

Faroole oo casho u sameysay Adhanom, ayaa ku dacweeyay dowladda federaalka ah ee Somalia oo uu ku eedeeyey inay dastuurka wax ka beddeshay kana codsaday Ethiopia inay taageerada kala laabato.

faroole addisWaxa uu sidoo kale Faroole ka codsaday dowladda Ethiopia inay Puntland gacan ku siiso sidii Midowga Yurub looga dhaadhicin lahaa inuu u ogolaado in Puntland ay si madax banaan uga qeyb gasho shirka New Deal.

Arrintan ayaa timid kadib markii kullamo toddobaad qaatay oo Faroole uu ku lahaa Nairobi, oo uu kula kulmay safiirada caalamka aysan wax natiijo ah kasoo bixin, sidaa darteedna uu gacan ka raadiyey Ethiopia.

Dowladda Ethiopia ayaa sida aan wararka ku helnay Faroole u sheegtay inaysan waxba ka quseyn dhibka uu sheegay inuu dhex yaalloisaga iyo dowladda federaalka ah ee Somalia.

Waxaa sidoo kale Ethiopia ay u sheegtay Faroole inaysan wax shaqo ah ku lahayn shirka New Deal.

Si kastaba, waxa ay u ballan qaaday xiriir wanaagsan iyo wixii kaalmo kale oo ay Ethiopia awoodo.

Faroole ayaa la sheegay inuusan ku qancin jawaabaha wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia uu ka helay, uuna codsaday inuu la kulmo ra’iisul wasaare Hailmariam.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
[email protected]

VIDEO qosol leh: Xasan Sheikh oo TV wax ka xayeysiinaya weli ma aragtay

Muqdisho (Caasimada Online) – TEDx waa barnaamij ujeedkiisu yahay dhacdooyin dadku iskood u abaabulaan iskuna keena qeybaha bulshada, si loo abuuro khibrado wax ku ool ah. TEDxMogadishu waa munaasabado ay dadku qaban doonaan si ay isku weydaarsadaan fursahooda iskuguna xirmaan.

Barnaamijkan, ayaa waxaa iidheh yar u sameeyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Xasan Sheikh Maxamuud, oo sidoo kalena u sheegay shacabka muhiimadda TEDxMogadishu.

Halkan ka daawo madaxweynaha oo ka hadlaya TEDxMogadishu.

HALKAAN KA DAAWO:

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

GALMADA UURKA DABADIIS!!

Waxaa jirta in dheddiga xayawaanka aan caqliga lahayn kuwooda uurka lihi ay diidaan inuu labkoodu abaahiyo, ha yeeshee dhinaca bani’aadmiga arrintu taasi waa ay ka duwan tahay.

U galmooshada hooyada uurka lihi wax dhibaata ah u geysan mayso iyada iyo uurjiifkeeda toona, waase hadday galmadaasi ku dhacdo jawi taxaddar iyo feejignaani ku dheehan yihiin, welibana la isticmaalo hababka galmo ee ku habboon.

Rabitaanka dumarku xilliga ay uurka leeyihiin isku mid ma aha oo qaarkood waa uu kordhaa qaar kalena yaraadaa. Guud ahaan mar kasta oo ay dhalmadu soo dhowaato, waxaa kordha ka fekerka ay hooyadu ka fekereyso ilmeheeda yar ee soo socda, iyadoo isu diyaarineysa hooyanimo, sidaasi buuna rabitaankeedii jinsi si tartiib-tartiib ah isugu dhimaa.

Waxaa ragga looga digayaa inay haweenkooda u galmoodaan afarta usbuuc ee ka horreeysa dhalmada, sababtoo ah galmada xilligaas ahi si kasta oo ay nadaafadda ugu dadaalaan haddana waxay keentaa inuu cambarka galo jeermis khatar ahi. Cambarku kolka uu caadiga yahay waxa uu awood u leeyahay inuu dilo jeermis kasta oo dibadda kaga yimaada isaga oo adeegsanaya dheecaanno sun ah oo uu soo daayo.

Ha yeeshee xilliga dambe ee uurka gidaarradiisu gebi ahaantoodba waa ay qallalan yihiin, oo dabacsan yihiin, diyaarna u yihiin dhalid. Waxaa intaa dheer dub-duleedka habdhiska taranka oo gebi ahaanba  kala baxbaxaya, oo balballaaranaya, iyo xididdada ilma-galeenka oo iyana kala furfurmaya, jeermiskuna uu dabeeto si fudud ku geli karayo.

Waxay weliba ugu sii daran tahay oo uu jeermisku haystaa fursaddii ugu fiicnayd waqtiga dhalmada, isaga oo jirka haweeneydu uu waqtigaasi tamar dhigayo, gabayana awooddii uu iskaga caabiyi lahaa cudurrada. Haddaba, waxa loo baahan yahay ah in xilligaasi aannu soo sheegnay laga fogaado fal kasta oo keeni kara jeermis dibadda ka yimaada, kaasi oo khatar gelinaya haweeneyda iyo uurjiifka labadaba.

W/Q: Sabriye Macallin Muuse

Maamul goboleed cusub oo la filayo in dhowaan looga dhowaaqo…..

0

Muqdisho (Caasimada online) Waxgarad iyo Siyaasiyiin hore Xilal kala duwan uga soo qabtay talada Maamulka gobolka Hiraan ayaa waxay shaaca ka qaadeen in maamulka iminka talada haya ee uu hogaamiyo Cabdi Faarax Laqanyo inuu waxtigii loo idmaday uu ka idlaaday.

Laqanyo , ayaa siyasiyiintan  waxay sheegeen in loo doortay inuu hogaan u noqdo gobolka  Hiiraan muddo lix bilood ah mudadii loo doortayna ay u dhamaatay sidaasi darteed loo baahan yahay inuu kursiga isaga dago.

Gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Dabageed ayaa sheegay inay ku mashquulsan yihiin sidii ay usoo dooran lahaayeen gudoomiye cusub oo uu yeesho maamulka gobolka Hiiraan, si maamulka talada iminka hayo badal uu ugu noqdo sida uu shaaciyay.

Sidoo kale Axmed Cabdale Cismaan Inji oo mar soo noqday gudomiye ku xigeen dhinaca siyaasada maamulka gobolka Hiiraan ayaa Maamulka talada haya ku eedeeyay in mudadii ay xilka hayeen aysan waxba qaban.

Maamulka iminka talada haya ee gobolka Hiiraan isla markaana uu hogaamiyo Cabdi Faarax Laqanyo ayaanan wali arimhaas oo dhan aanan ka hadlin .

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

Tirada baabuurta ka shaqeysa Xamar oo la shaaciyey (Imisa kun?)

0

Muqdisho (Caasimada Online) Tira koob uu sameeyay Xafiiska Iskaashitada gaadidka dadweynaha, waxaa lagu ogaaday in magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ay ka shaqeeyaan gawaari lagu qiyaasay tiradooda shan kun.

Guddoomiye ku-xigeenka guddigaas Maxamed Rashiid Maye oo saxaafadda shir jaraa’id u qabtay ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay ka shaqeeyaan maanta 4954-gawaari oo ah kuwa dadweynaha ay raacaan, wuxuu sheegay  in baabuurtaaas ay qaar aadaan gobalada dalka balse ay ka amababaxaan caasimada Muqdisho.

“Waxaan ku guuleesanay in aan tirakooba sax ah aan ka soo saarno baabuurta ka shaqeeysa caasimada, waxaa hadda diiwangalinay ilaa 4954-baabuur oo ah kuwa dadweynaha” ayuu yiri Mr. Maye.

Wuxuu kaloo sheegay guddoomiye ku-xigeenka guddiga iskaashitada gaadidleyda in ay baabuurtaas ku kala qori doonaan 17-ka degmo ee magaalada Muqdisho.

“Waxaan billaabi doonaa mardhow in baabuurtaas aan ku kala qorno degmooyinka gobalka Banaadir arrintaas meel fiican ayey noo mareysaa” ayuu markale yiri Maye.

Ugu dambeen wuxuu soo dhaweeyay dayactir dowladda Turkiga ay ka wado qaybo ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho, wuxuuna dowladda Soomaaliya ka coday in ay furaan wadooyinka lagu xiray dhagxaanta ee magaalada la dhigay.

Dad badan oo arrimahan yaqaana ayaa leh magaalada Muqdisho baabuurta ka shaqeesa iyo wadooyinka ku yaalla waa Kaaf iyo Kala dheeri waayo baabuurrta ayaa ka badan, wadooyinkana waa ku burbursan.

Ka sakow baabuurta oo Muqdisho ku soo badatay haddana waxaa maalin kasta magaalada lagu arkaa baabuur shilal gashay oo isku dhacday.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Howl-gallada Ciidanka DF oo u gubday Masjidyada (Maxaa dhacay xalay?)

0

Afgooye (Caasimada Online) Degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose, waxaa xaley ka dhacay howlgal ballaaran oo ay sameeyeen ciidamada DF, kaasi oo lagu soo qabqabtay dad u badan dhallinyaro.

Howlgalkaas ayaa wuxuu ka dhacay labo Masjid oo ku yaalla xaafadda Xaawo Taako, waxaana dadka la soo qabqabtay markii salaada cishaha laga baxay.

Dadka la soo qabtay ayaa la geeyay saldhigga ciidamada Afgooye, waxaana qaar ka mid ah dadka la sheegay in la sii daayay kuwaasoo u badnaa dad da’ ah sida ay lee yihiin dadka deeganka.

Howlgalkan ayaa la sheegay in looga gun lee yahay siddii ammaanka magaalada Afgooye loo xoojin lahaa maadama dhawaanahan ay ka dhacayeen falal ammaanka ka dhan ah.

Maamulka iyo ciidamada ammaanka degmada Afgooye kama hadlin howlgalka xaley ka dhacay xaafadda Xawaato ee degmada Afgooye.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

M/weyne Xasan Sheikh oo kulan la leh Maamulka & Waxgaradka Sh/Hoose

0

Marko (Caasimada online) Xasan Sheekh Maxamuud , Madaxweynaha Soomaaliya  iyo Wafdigii uu hogaaminayay ee maanta gaaraya magaalada  Marko ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose ayaa kulamo waxay la qaadanayaan odayaasha, Waxgaradka iyo Maamulka gobolkaas.

Kulanka ayaa salka ku haya isweydaarsiga dhaqangalka Heshiis dhawaan dhexmaray Labo Beel oo wada dega gobolka Shabeelaha Hoose , iyadoo Ujeedka Safarka madaxweynaha ee gobolkaasna lagu sheegay inay tahay ka qeyb galka xaflad arintaasi ku aadan oo Marko ka dheceysa.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa safarka Marko uu ku tagay ku wehliyay Wasiirada Gaashaandhigga iyo Arimaha Gudaha iyo sidoo kale Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Qeybaha kala duwan ee hey’adaha amniga dalka .

Dhawaan gobolkaas Waxaa dirir xoogan ay ku dhexmartay Beelaha Habargidir iyo Biyomaal inkastoo markii dambe arintaas ay ku bexeen xubno ka tirsan dowlada Soomaaliya oo xiisadda dagaal xaliyay .

Dagaalka beelahaas ayaa markii hore wuxuu ku bilaawday is qabqabsi ku aadanaa Isbaarooyin lasoo buux dhaafiyay degmooyinka iyo deegaanada gobolkaas , kuwaas oo qaab qabiil gobolkaas ugu badanayay .

Wararka aan heleyno ayaa waxay sheegayaan in maanta guud ahaan Jidgooyooyinkii gobolkaasi yaalay la qaaday , iyadoona arintaas loo aaneynayo Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee wadada xiriirisa Muqdisho ilaa Marko.

Caasimada online

XafiiskaMarko

[email protected]

 

Somali ah oo lagu xukumay Malaysia

0

Muqdisho (Caasimada online) Seddax muwaadin Somali ah ayaa lagu xukumay min 10 sano oo xarig ah halka muwaadinka afaraad lagu xukumay 8 sano oo xarig ah, sida ay sheegeen goysaska dadka la xukumay, go’aankaasi maxkamada sare ee dalk Malaysia, waxaana lagu eedeeyay afartaasi Somalida ah inay rasaas ku fuereen askar Malaysia ah oo ku sugan gacanta cadan labo sano ka hor.

Axmed Cismaan Jamaal oo 30 jir ah, Cabdi Ciid Xasan oo 22 sano jir ah iyo Cabdixakiin Mahdi Cabdi oo 22 sano jir ah ayaa waxaa lagu xukumay mid 10 sano oo xabsi ah, sida uu ku dhawaaqay qaadi Datuk Mahdi Azman.

Iyadoo lagu salaynayo xaqiiqda dambiga lagu eedeeyay dhamaantood ayaa la sheegay inay tahay isku day weerar ay ku qaadeen dooni maraysan gacanta Cadan, waxaana la sheegay inay rasaas ku fureen askar Malaysia ah.

Sidoo kale waxaa la sheegay inay iskudayeen inay la wareegaan shaqaalaha saarnaa markab lagu magacaabi ATM, iyadoo la sheegay inay rasaas ku fureen.

Waxii ka dambeeyay sanadkii 2011 waxaa sii kordhay weerarada ay geysanayaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida, waxaana xiligaasi u suuro gashay inay geystay 286 weerar.

Dalka Malaysia ayaan aheyn wadaanka kaliya ee lagu maxkamadeyo burcad badeeda Soomaalida, laakiin wadamada South Korea, Holland, United States of America iyo Kenya ayaa marar badan waxaa ka dhacay xukun burcad badeeda Soomaalo ah lagu fuliyay.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dab xooggan oo MUQDISHO ka kacay

0

Muqdisho (Caasimada online) Wararka  naga soo gaaraya degmada Hodan gaar ahaan Xaafadda Seybiyaano ayaa waxa ay sheegayaan in goob lagu keydiyo Shidaalka uu ka kacay damboogan , oo sababay khsaaro kala duwan .

Wararku waxay sheegayaan in dabka uu saameyn xoogan u geystay goobo ka baxsan halka uu ka kacay waxaana wararku ay sheegayaan inuu ku fiday guryo ka agdhawaa halka uu dambaas ka kacay.

Dabka oo ka kacay markiisii hore xarun lagu keydiyo Shidaalka ayaa ku fiday goobo uu kamid yahay Suuqa Caanaha lagu iibin jiray ee degmada Hodan iyo sidoo kale halkii lagu iibinjiray Qaadka .

Wararka ay heleyso Shabakadda Caasimada online ayaa waxay sheegayaan in dabka uu ahaa mid aad u xoogan , kaas oo sababay khasaaro hantiyadeed iyo min nafeed intaba inkastoo warar kala duwan ay kasoo baxay saameynta dabkaas.

Inkastoo aan si dhab ah lo xaqiijin hadana wariye ku sugan goobta dabka uu ka kacay ayaa soo sheegaya in dabka uu Burburiyay goobo ganacsi oo aad u badan oo ay qeyb ka tahay Maqaaxi ka agdhaweyd Keydka shidaal ee maanta uu dabka ka kacay.

Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya iyo waliba gaadiidka dab damiska ayaa durba goobta soo gaaray waxaan soconaya gurmad lagu soo daabulayo dadkii dabkaasi uu saameynta ku yeeshay isla-markana ay waxyeelada kasoo gaartay iyo waliba dadaal lagu damibayo dabkaas.

Halkaan hoose ka dhageyso codka dabka

Halkaan ka dhageyso Waraysi Saafi Cabdi Casiis

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

DEG DEG AH: Ciidamo Maraykan ah oo gudaha u galay SOMALIA

0

Hobyo (Caasimada Online) War hadda soo dhacay wuxuu sheegayaa in goordhow ay gudaha ugaleen degmada Hobyo ee gobalka Mudug cutubyo ka tirsan ciidamada mariiniska ee dowladda Maraykanka.

Ciidamadan oo watay diyaaradaha qumaatiga u kaca, ayaa waxaa la socda ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug, waxaana ay hadda dhaqdhaqaaqyo ka wadaan goobaha ay joogaan burcad-badeeda Soomaalida.

Wararkii u dambeeyay waxa ay sheegayaan in isgaarsiinta degmada Hobyo ayaa caawa jaran waxaana loo maleenayaa in ay jareen ciidamada Maraykanka ee ku sugan Hobyo.

Ciidamadan ayaa ka soo kacay Markab dagaal oo ku sugan badweynta Hindiya, waxaana dadka deeganka ay lee yihiin ciidamada waxa ay dadweynaha ku amreen in ay guryahooda aysan ka soo bixin.

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Hobyo oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online ayaa walaac ka muujiyay ciidamada caawa soo galay degmadooda.

Ma cadda ilaa hadda wax yaabaha ay u tageen ciidamadan degmada Hobyo, maadama xilliga uu yahay habeen.

Hobyo waa meelaha ugu waaweyn ee saldhigyada ay ku lee yihiin kooxaha burcad-badeeda Soomaalida kuwaasoo gacanta ku haya shaqaale iyo maraakiib ganacsi.

Wixii warar ah ku soo kordha kala soco Shabakadda Caasimada Online.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

 

 

BARRE Hiiraale oo ka fiirsanaya shirka Muqdisho & Odayaal Digil iyo Milifle ah oo tageeray Axmed Mdoobe

0

Kismaayo (Caasimada online) Odayaasha dhaqanka  beelaha Digil iyo Milifle ee ku dhaqan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa qaadacay Banaanbixii maalin ka hor ka dhacay magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay,ee looga soo hor jeeday dowlada Soomaaliya iyo heshiiskii Adis-Ababa ee Maamulka Jubba iyo dowlada .

Kadib kulan magaalada Kismaayo maanta ay ku yeesheen odayaasha iyo waxgaradka Digil iyo Milifle ee ku nool gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa waxay ku shegeen inay si aad ah uga soo horjeedaan waxa maalin ka hor Beydhabo ka dhacay iyo go’aanka ay qaateen qaar ka mid odayaasha Beelahaas ee ku nool gobolada Baay iyo Bakool.

Nabadoon Cabdi Aadan Isxaaq, oo kamid ah odayadii maanta Kismaayo kulanka ku yeeshay ayaa sheegay in ay dhankooda taageersan yihiin go’aankii kasoo baxay Heshiiskii Adis-Ababa ee lagu soo dhisay maamulka Jubba , isagoo ugu baaqay in go’aanka ay gaareen odayaasha beeshoodaah ee Baay iyo Bakoolku dhaqan inay dib uga laabtaan.

Xildhibaanada kasoo jeeda labada beel iyo Digil iyo Milifle ayuu sheegay inuu ku dhiira galinayo inay howshooda qaran gutaan ,isla-markaana ay ka fogaadaan siyaasiyiin iyo waxgarad uu sheegay inay dano gaar ah ay leeyihiin .

Dhanka kale Saraakiisha ciidamada Barre Aadan Shire Hiiraale, ayaa waxay sheegeen inay ka fiirsan doonaan shirweynaha dib u heshiisiinta qaran ee ka soconaya magaalada Muqdisho .

Xasan Qaasim Warsame oo kamid ah sarakiisha ciidamada Barre Aadan Shire Hiiraale, kuna hadlyay afka Bare Hiiraale, ayaa Wuxuu sheegay inay kulan balaaran dhexdooda isagu imaan doonaan islamarkaana ay go’aan cad ka qadan doonaan shirkaka soconaya Muqdisho.

Wuxuu sheegay in aysan qorshaha ugu jirin inay taageeraan maamulka KMG ah ee Jubba hayeeshee waxa kaliya ee ka dhexeeya inay tahay tagaal sida uu sheegay.

Sidoo kale Cornel: Maxamed Ibaraahim Buule , oo sina saraakiisha Barre Hiiraale ka tirsan ayaa sheegay inay iyagu ka mid yihiin ciidamada dowlada Soomaaliya balse uu dagaal kala dhexeeyo Maamulka ay dowladu aqoonsiga siisay ee Jubba.

Waxaa jira dhaliilo ku aadan shirka ka soconaya Muqdisho ee maanta sida rasmiga ah u furmay iyo waliba aqoonsiga dhawaan dowlada ay siisay maamulka Jubba ,inkatoo dowlada Soomaaliya ay si cad u sheegtay inay soo dhaweeneyso cid kasta oo wax tabaneyso.

Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

 

DFS Somalia oo Heshiis la saxiixatay Bankiga Islaamka (Faah-faahin)

0

Jiddah (Caasimada online) Xukuumadda Soomaaliya ayaa magaalada Jidda ee dalka Sacuudi Carabiya waxay heshiis kula saxiixatay Banki-ga Islaamka kadib kulan ay wafa qaateen Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo Sidoo kale  Dr. Axmed Maxamed Cali.

Waxaana Heshiiskaas dowlada Soomaaliya u Sixiixay Wasiiru Dawlaha Arimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Federalka Soomaaliya Dr. Maxamed Nuur Gacal, halka Bankiga Islaamkana uu u sixiixay Gudoomiyaha Bankigaas Dr. Axmed Maxamed Cali..

Warsaxaafadeed Heshiiskaas ku aadan ayaa waxaa soo saaray Ridwaan Xaaji Cabdi wali Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya, waxaana uu u qornaa sidan

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” oo ku sugan magaaladda Jidah ee Boqortooyadda Sucuudiga ayaa maanta waxaa uu heshiisyo la gaaray Bankiga Islaamka oo fadhigiisu yahay magaaladda Jidah ee boqortooyadda Dalka Sucuudiga.

Heshiiskan oo ka dhacay xarunta Bankiga Islaamka waxaa Soomaaliya u matalayay Wasiiru Dawlaha Arimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Federalka Soomaaliya Dr. Maxamed Nuur Gacal, halka Bankiga Islaamkana uu u saxiixay Dr. Axmed Maxamed Cali oo ah Gudoomiyaha Bankiga Islaamka.

Heshiiska is-afgaradka guud ee labadda dhinac ay kala saxiixdeen ayaa socon doonaa  ilaa 2020, kaas oo wax looga qaban doono dib usoo noolaynta hay’adaha Dawladda iyo tababaro oo loo samayn doono shaqaalaha kala duwan ee Dawladda Soomaaliya. Sidoo kale heshiiskani waxaa qabyb ka ah in Bankiga islaamku uu ka shaqeeyo ururinta lacagaha kaalmadda ee Dawladaha Islaamku ay ugu tala galeen Soomaaliya, fududaynta heshiisyadda iyo adeegyadda daymaha.

Dhanka kale waxaa Dawladda Soomaaliya iyo Bankiga Islaamka ay isla garteen  $ 32 Miliyan oo Doolar oo lagu fulin doono mashriic dag dagah oo ay kamid yihiin Adeegyadda Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha  iyo Goboladda ay abaaruhu sida weyn u saameeyeen.

“Waxaan uga mahad-naqaynaa Bankiga Islaamka mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya uu ka fulinayo  iyo iskaashiga joogtada noqon doona ee maanta aan isku af-garannay kadib muddo dheer oo Bankigu uu xayiray kaalmooyinkii Soomaaliya, Soomaaliya waxaa ay ku socotaa dariiqii ay kusoo kaban lahayd.” Ayuu yiri Ra’iusl Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”

Gudoomiyaha Bankiga Islaamka  Dr. Axmed Maxamed Cali oo kulan gaar ah kula yeeshay Ra’isul Wasaaraha Qasriga Martida ee Boqortooyadda ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Bankiga islaamku uu yahay mid soo jireen ah , dib loo fasaxyo kaalmooyinka maadaama Soomaaliya ayu kusoo noqotay xasilooni 22 sano kadib , waxaana uu balan qaaday in ay diyaar u yihiin ka qaybgalka dhismaha dalka iyo horumarinta mashaariicda kale ee horumarineed.

Caasimada online

Xafiiska Jiddah

[email protected]

Daawo Video: Qudbadii M/weynaha ee Shirweynihii Qaran ee maanta furmay.

Caasimada  Online:   Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta furay Shirweynaha Qaranka ee Siyaasadda iyo Tiigsiga 2016 oo ka bilowday Muqdisho, oo muddo 5 cisho ah socon doono.

Madaxweynaha waxaa ku wehliyey furitaanka shirkan Sii Hayaha Raiisul Wasaaraha, ahna Raiisul Wasaare ku xigeen iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Marwo Fowzia Yusuf Haji Adam, Wasiiro, Xildhibaano, Guddoomiyaha Gobolka ahna Duqa Magaalada, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM, safiirada dalalka safaaradaha u joogaan Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha oo khudbad taariikhi ah ka jeediyey madasha shirka ayaa u mahadceliyey ka soo qeybgalayaasha shirkan muhiimka ah isla markaana ku dhiiri geliyey inay muddada 5ta maalmood ah ay juhdi fara badan geliyaan sidii ay uga soo talo bixin lahaayeen habka ugu habboon ee loo gaari karo doorashooyin xor ah oo ka dhaca dalka sanadka 2016ka.

HALKAAN KA DAAWO:

DHAGEYSO: Puntland oo mucaaraday shirka maanta ka furmay Muqdisho

0
Garoowe (Caasimada online) Maamulka Puntland  ayaa Maanta Si rasmi ah waxayugu so hor jeesteen shirkan dib u heshiisiinta qaran ee maanta Maagaalada Muqdisho ka furmay, kaasi oo ay sheegeen inaysan waxba ka quseyn .
Wasiirada Warfaafinta iyo maaliyada Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe, aya waxay si cad u sheegeen inay kasoo horjeedaan Shirka ka furmay Muqdisho, waxaana ay sheegeen inay inaan iyaga lagu Casuumin Maamaada  dhawaan xarigga ay u jiratay dowlada Soomaaliya.
Axmad Shiikh Jaamac, Wasiirka warfaafinta Puntland  oo ugu horayntii la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya uu kaliyku yahay shirka ka socda Muqdisho oo aan gaarsiisneyn sida uu yiri deeganada kale ee Soomaaliya gaar ahaan deegaanada uu ka arimiyo Maamulka Puntland.
Faarax Cali Jaamac, Wasiirka Maaliyada Puntland oo dhankiisa ka hadlay kulanka Maanta Garooweka dhacay, ayaa wuxuu sheegay in maamulka Puntland uusan waxba ka quseyn maadaama sida uu hadalka u dhigay Puntland aaney ka mid aheyn dowlada Soomaaliya kalsoonidida ay goor hore kala noqotay.
Puntland waxay si cad u sheegtay in wax waliba oo shirkaas kasoo baxa inaysan iyaga waxba ka quseyn , isla-markaana ay kasoo horjeedaan .
Dhawaan ayay Puntland waxay ku dhawaaqday inay kalsoonidii kala noqtay dowlada Soomaaliya , maadama sida ay sheegeen wax laga baday qodobo dastuuri ahaa , inakstoo dowladu ay arintaas ka hadashay .
Caasimada online
Xafiiska Garoowe

 

Shaqaale Ajnabi ah oo la weeraray

0

Hargeisa (Caasimada online) Shaqaalahan oo ka socday Shirkada baareysa Shidaalka ee ayaa saaka waxay socdaal ku tageen deegaanka lagu weeraray  oo ku yaala Bariga gobalka Togdheer , halkaas oo ay qorsheynayeen inay shidaal baaris ka sameeyaan inkastoo ay ka bad baadeen .

Kooxo hubeysayn ayaa la shaaciyay inay weerarkaas ka dambeeyeen waxaana risaas xoogan ay ku fureen baarayasha shidaalka xilli howshooda shaqo ay gudanayeen ,

Ilo ku dhaw Dhaw shaqaalaha Ajaaniibta ah ee weerarka lagu qaaday ayaa sheegay in weerarkaas uu aha mid ka dis ah oo shaqalaha lala eegtay xilli ay shaqo ku mashquul saneeyeen inkastoo aysan wax  khasaaro ah kasoo gaarin .

Warar aya sheegaya in ilaa iminka lala’yahay gaadiid ay wateen shaqalaha weerarka lagu soo qaday iyo qaar ka mid ahaa shaqaalhii Baarayaasha ahaa , kuwaas oo la tuhun san yahay inay dhex jiireen keynta weyn ee deegaanka Gunbur libaax, kasib markii lasoo weeraray

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland si ay arintaas daba gal ugu sameeyaan , si rasmi ah looma sheegin dalka ay u dhasheen shaqaalahan ajaaniibta ah ee la weeraray inkastoo la xaqiijiyay inay ahaayeen baarayaal shidal oo la shaqeynayay shirkadda Ganel Energy.

Wali kama aysan hadlin arintan maamulka Somaliland, sidoo kale ma jirto cid sheegatay weerarka Shaqaalahan ajaaniibta ah.

Caasimada online

Xafiiska  Hargeisa

[email protected]