27.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 6, 2026

Arrin dhibaato loogu qabay Muqdisho oo sidoo kale ka billaabatay Hargaysa

0

Hargeysa( Caasimada Online) – Dilalka qorsheysan ayaa ah arrin dhibaato xooggan looga qabo magaalada Muqdisho, balse iminka waxaa sidoo kale laga soo sheegayaa magaalada Hargeysa ee waqooyiga Somalia.

Kooxo hubeysan ayaa xalay magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland  waxay ku dileen alaha u naxariistee   Cumar Cismaan Nadiif Baraf  oo ka mid ahaa dhalinayarad ku dhaqan magaaladaas .

Saqdii dhexe ee xalay ayaa la sheegay in ruuxan lagu toogtay agagaarka Buundo weyn ee magaalada Hargeysa , iyadoo uu soo gaaray dhaawac halis ahaa kadib markii  Risaas ay ka haleeshay qeybta sare ee jirkiisa.

Inkastoo dhaawaca wiilkan loola cararay Cusbitaalka Magaalada Hargeysa si xaalkiisa caafimaad loo baxnaaniyo , ayaa goob joogayaan Hargeysa ku sugan waxay sheegayaan in dhaawacaas markii dambe uu u geeriyooday .

Ruuxii ka dambeeyay dilka wiilkan dhalinyarada ah ayaa waxaa la xaqiijiyay inay gacanta kusoo dhigeen ciidamada amniga Hargeysa , iyadoona su’aalo lagu weydiinayo saldhigga magaalada Hargeysa .

Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa magaalada Hargeysa kusoo kordhayay dilalka ka dhaca waxaana bishii hore sidan oo kale barmaha magaaladaas lagu dilay wiil dhalinyaro ah.

Ilaa iminka ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilalka kusoo badanaya magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland, walina kama aysan hadlin Saraakiisha amniga ee Maamulkaas.

Caasimada online

Xafiiska Hargeysa

[email protected]

Xildhibaan shaaciyey arrin dhici lahaa haddii uu shirkii Addis fashilmi lahaa

0

Kismaayo (Caasimada online) Dowlada Soomaaliya ayaa dhawaan waxay heshiis kula soo saxiixatay Magaalada Adis-Ababa ee dalka Ethipopia maamulka Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, kadib Khilaf soo jiitamayay muddo ka badan Sanad ah.

C/qaadir Sandheere, Waa mudane ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya, Sidoo kalena wuxuu qeyb ka ahaa gudigii dowlada ee Shirkii Adis-Ababa, wuxuu sheegay uu goob joog ka ahaa waxa  Kismaayo ka soconayay Muddii Sanadka aheyd ee uu khilaafka jiray , isagoo sheegay in arintu ay kaweyntahay Sida Shacabku ay u moodaan Khilaafkana uusan Soomaalida u dhexeen Balse ay jirto faragalin shisheeye.

Wuxuu sheegay inay Jiraan dalal dano gaar ah ka leh Soomaaliya inay ka shaqeynayaan kala qeybonta dadka si ujeedooyinkooda ay u gaaraan inkastoo uusan carababin.

Xildhibaankan ayaa shaaciyay inay iminka xalbuuxa u keeneen Shacaka Gobolada Jubbooyinka Gedo, Qodobadii lagu heshiiyayna ayuu tilmaamay inay yihiin kuwo qoran Shacabkana ay horgeyn doonaan Si ay saxaan waxyaabihii ay soo qaldeen  isgoo sheegay inaysan habka ay heshiiskaas ay u mareen aaney jirin qaab ka haboonaa ay u mari lahaayeen.

Cadaadis Dhanka Beesha caaalamka ah ayuu sheegay inay jirtay , inkastoo uu rajo wanaagsan ka Muujiyay dhaqan galinta qodobadii lagu heshiyaya ayaa hadane wuxuu quus ka muujiyay hadii labada dhinac ay hishiiskaas dhaqan galin waayaan , isagoo sheegay inay taasi fursad siineyso dalalka u hanqal taagaya Soomaaliya kuwaas oo kusoo dul gambanaya Siyaasiyiin Soomaaliyeed Sida uu sheegay.

Bur burinta goobaha Shacabka ee Dhawaan Kismaayo laga sameeyay ayaa wuxuu sheegay inay Maamulka Jubba ka madaxbanaan yihiin , waxaana uu sheegay inay arintaasi wataan ciidamada Kenya ee Kismaayo Ku sugan , waxaase uu shaaciyay in qodabada heshiiska ay qeyb ka aheyd in dib u dhis lagu sameeyo goobihii shacabka laga burburiyay dhawaan.

Heshiiska Adis- Ababa ee labada dhinac ee Maamulka Axmed Madoobe, ee Jubba iyo dowlada Soomaaliya ayuu ku sheegay inuu yahay mid wanaagsan isla-markaana ay dani ugu jirto Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dadka dega deegaanada iyo degmooyinka gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

Faroole oo ku fadeexoobay Nairobi iyo Beesha Caalamka oo arrin uu horey u diiday qasab ku ogoleysiisay “XOG”

0

Nairobi (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa shalay shaaca ka qaaday inuu taageeray heshiiska dowladda Somalia iyo kooxda Jubba ku dhex maray magaalada Addis-Ababa, inkasta oo maamulka uu horey u mucaaraday.

Taageerada Puntland ayaa timid sida la sheegay markii Faroole uu magaalada Nairobi kula kulmay Axmed Madoobe, hase yeeshee Caasimada Online waxa ay soo ogaatay arrin taasi ka duwan. Aqri go’aankii ay Puntland ku taageertay heshiiska

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen diblomaasiyiin ku sugan magaalada Nairobi, beesha caalamka ayaa Faroole ku qasabtay inuu taageero heshiiska, uuna ka laabto mowqifkiisa hore.

Waxaa wararku ay sheegayaan in Faroole loo sheegay in haddii uusan taageerin heshiiska uu ku lumin doono dhaqaale iyo taageero badan oo uu ka helo beesha caalamka

Faroole ayaa maalin kadib markii heshiiska uu dhacay waxa uu si cad ugu sheegay wakaaladda wararka Reuters in heshiiska uu ahaa mid lagu qiyaanay maamulka Jubba, oo DF ay ku adkaatay, waxaana cad in dhowr malamood kadib markii uu Faroole la kulmay Axmed Madoobe uusan mowqifkiisa ku beddeli karin.

Dhinaca ujeedada Faroole uu u jooga magaalada Nairobi oo ah inuu beesha caalamka ka dhaadhiciyo in Puntland ay shirka Belgium uga qeyb gasho si madax banaan ayaan weli lagu guuleysan.

Kullan uu Faroole la qaatay Midowga Yurub, oo arrintaas ku saabsanaa, ayaan wax jawaab ah lagu siin, waxaana laga dhageystay kaliya codsigiisa, kadibna laga tagay.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

Madaxweyne Xasan: DF Somalia dib ayey uga laabatay go’aankeedii hore

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Xasan Sheikh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ah ay ka laabatay go’aan horey ay u gaartay oo shacab badan ay ka qeyliyeen.

Go’aankaasi ayaa waxa uu la xiriiray in dadka shacabka ah laga saaro dhammaan xarumaha dowligi ah iyo kuwa dadweynaha ee magaalada Muqdisho, taasi oo dad badan guryo la’aan dhigtay.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in go’aaankaasi wax laga beddelay oo shacabka laga saari doono oo kaliya meelaha ay diyaar tahay in dib loo dhiso, dowladdana ay ka howl gasho.

“Xarun dowladeed oo aan la dhiseyn iminka kama saareyno shacabka, tani waxa ay fursad siin doontaa in dad badan ay guryo ay ku noolaadaan sii raadsadaan, ayada oo dowladdana ay ka caawin doonto” ayuu yiri madaxweynaha.

Si kastaba, madaxweynuhu wuxuu sheegay in goobaha hadda in dib loo dhiso ay diyaar tahay in ay qasab tahay in laga baxo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dhageyso: Wax kasta oo aad u baahan tahay inaad ka ogaato shir-weynaha qaran ee maanta ka furmay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online)- Waxaa magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay shirweyne dib u heshiisiin qaran ah kaas, oo ay kasoo qeyb galayaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed , iyadoona qaban qaabada shirkaasina ay laheyd dowlada soomaaliya .

Shirka, ayaa si habsamileh wuxuu uga soconayaa hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho waxaana ka qeyb galaya ergadii ay dowlada Soomaaliya shirkaasi ku casuuntay oo tiro ahaan kaagaray in ka badan 200 oo xubnood oo qeybaha kala duwan ee bulshada ah .

Amnaaka goobta shirka uu ka socdo ayaa aad loo adkeeyay , waxaa ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya ay soo buux dhaafeyeen wadada maka al-mukarama iyo sidoo kale inta u dhexeysa Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Isgoyska KM4 .

Afhayeenka Madaxweynaha Somalia ahna la taliyaha Madaxweynaha Eng: Cabdiraxman Cumar Cusman Yarisow ayaa ka warbixiyey wax kasta oo aad u baahan tahay inaad ka ogaato shirkaasi furmaya maanta, isaga oo wareysi siiyey VOA.

Halkan hoose ka dhageyso

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Cudur halisa oo ku baahaya Somalia iyo cabsi xooggan oo jirta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta caafimaadka ee Soomalaiya ayaa sheegay inay korodhay tirada kiisaska cudurka dabaysha oo haatan dhan 160 kiis. Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in kiisaskii ugu dambeeyey laga soo sheegay gobolka Bari ee Somalia, waxayse dhakhaatiikrtu sheegeen inay ku kalsoon yihiin in xakamaynta cudurkan.

Haaruun Macruuf oo ka mid ah weriyayaasha Idaacadda VOA, ayaa khadka telefoonka ee Muqdishu kula xidhiidhay Dr Cabdikariim Casayr Cali oo khabiir ku ah cudurkan, kana mid ah dhakhaatiirta ku lug leh oloolaha la dagalanka dabaysha, waxaan auu ugu horrayn weydiiyey kiisaskii ugu dmabeeyey.

Wareysiga oo dhan hoosta ka dhageyso

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Heshiiska Jubba, Mise Jubbaland?

0

Sideedaba, xal u raadin dhibaato jirta ama heshiisna laga gaaro colaad iyo muran socda, ha noqdo mid u dhexeeya labo shakhsi, kooxo is hay, mid ka taagan bulso dhexdeed ama gaarsiisan heer dowladeed, waa arrin lagu farxo oo mudan inla la soo dhaweeyo madaama heeshiisku keenayo inla gudbo mashaakil, laguna tilaabsado isaf-garad, nabad iyo horumar.

Iyadoo ay taas jirto, ayaa arrinta colaadda siyaasadeed abuurtay ee ku saabsan maamul u sameynta, wax loo bixiyay, JUBBALAND oo inta ay tahay mushkilo Soomaaliyaad inla eg ama ka culus ah dhibaato qorshe iyo naqshad, (Plan setting) lagu soo dhisay wadamada dariska ah, salkana loo dhigay magaalada Kismaayo maamulka xaqiiqdiisu tahay mid dalka lagu soo galiyay qaab suuqmadow ah, (Clandestine), islamarkiibana loogu yeeray dowlad goboleed qayb ka ah hanaanka federaalka Soomaaliyeed!!

Dhinac kale, waxaa is weydiin mudan maxaa dowladda Soomaaliya ku kalifay inay heshiiska qaabkan ah la gasho maamulka ururka Raaskambooni iyo taageerayaashiisa u dhaqdhaqaaqa ee jooga magaalada Neyroobi ee iyagu, asal ahaan, alifay magaca sameyska ah, (Fabrication) ee Jubbaland

Waxaan la ogyahay in shirarkii urur goboleedka IGAD ee la qabtay sanadkan 2013-ka, gaar ahaan Kalfadhigii 22-aad ee aan Caadiga Aheyn ee madaxdda dalalka IGAD ku yeesheen Addis Abaab 24-kii May iyo shirkii ugu danbeyay ee ka dhacay Kambaala 4-tii Augoost oo ay ku kulmeyn madaxda wadamada ciidamadoodu joogaan Soomaaliya, dhammaan shirarkaas waxaa lasoo jeediyay in dowladda Soomaaliya ay iyadu leedahay hogaaminta maamul u sameynta gobolada dalka iyo dib u heshiisiinta bulshada ku dhaqan goboladaas

Iyadoo shirarka madaxada IGAD lagu adkeeyay in Dowladda Soomaaliya ay qabto shirweyne qaran oo lagu daweynayo arrinta Kismaayo iyo maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka, ayaa waxaan figrad toosan aheyn in si gaar ah loo tilmaamo ama loo soo jeediyo in dowladdu si gaar ah u maamusho ilaha dhaqaale ee dekadda iyo ayroboorka magaaldada Kismaayo, taasoo bixineysa sawir ah in dowladdu tahay mid dheef doon ah oo loolan dhaqaale kula jirta maamulka Kismaayo!!

Haddii aan si kale u sheego, waxay aheyd arrin taabaneysa sumacad dowladda, haddii la tixgaliyo waajibka guud ee looga baahanayahay inay ka qaadato xal u helidda dhibaatada Jubbooyinka, in si gooni ah loo soo qaado in dowladdu ay maamusho dhaqaalaha kasoo baxa dekadda iyo ayroboorka, arrintaas oo sameyneysa macno ah: inta kale ee arrimaha gobolka inay gaar u tahay maamulka Raaskambooni oo, sida laga war qabo, xeel iyo xoog kula wareegay talada maalada Kismaayo

Runtii, waxaa leys weydiinayaa maxaa arrinta Jubbooyinka geeyay Addis Abaaba, kana dhigay arrin dowlado kale iyo ururo ay xal u raadinteeda ku lug yeeshaan?!

Su’aashaas waxay dhalineysaa isweydiin kale oo muhiim ah taasoo ah: dalku miyuusan ka bixin marxaladdii ku meel gaarka aheyd; sidaa awgeed, mashaakilka siyaasadeed ee hadda ka jira gobolada dalka ama ay dhici karto in mustaqbalka ay ka dhacaan gobollo kale, miyaysan aheyn arrin u gaar ah Soomaaliya, lagana rabo dowladda iyo baarlamaanka inay xal Soomaaliyeed u raadiyaan?!

Dadku waxay heshiiskan Addis Abaab ka dhacay ugu biyo diidsanyihiin, kuna doodayaan: haddii ay dowladdu ogolaatay xaqiiqada ka jirta Kismaayo oo ah in maamulka Jubbalaand yahay mid ay wadamo shisheeye gadaal ka riixayaan, sidaas daraadeena ka tan weyn iyada, maxay dowladdu ka yeeleysaa beelaha ku dhaqan gobolada Jubooyinka ee aan marnaba ogolaaneyn in iyagoo aan raalli aheyn talada dagaanadooda dad kor ka yimid loo gacan galiyo

Qodobada heshiiska Addis Abaaba lagu saxiixay waxaa ka mid ah in hogaanka hadda ka jira Kismaayo uu labo sanno si ku meel gaar ah u maamul gobolada Jubbooyinka, goboladaas oo noqonaya Gobolka Gedo, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose; islamarkaana hogaamiyaha Kismaayo uu magacaabayo gudoonka labada gobolada ee kale!

Siday ahaataba, Dowladda Soomaaliya oo aad moodo inay door bidday qaabkaas inay kula tacaasho ama, ugu yaraan, ku dabciso culeyska ka saaran arrimaha walaacsan ee Jubooyinka, dhinac kalena u muuqata in maareynta fulinta barnaamijyadeed siyaasadeed uusan JADWAL fiican ku socon, gaar ahaan, marka la fiiriyo dhinaca ka qaybgalinta iyo xiriirinta waxgaradka bulshada, (Public engagement policy); arrintaas oo lagama maarmaan u ah dib u heshiisiinta iyo xaqiijinta midnimada bulshada

Heshiiskan ay magaalada Addis Abaaba ku wada saxiixeyn 27-ka Augoost 2013 labada dhinac ee Dowladda Dhexe iyo maamulka Kismaayo ka taliya, dhinaca shuruucda, dibiicad kasta uu yeesho  iyo waxuu keenaba, waxaa ka horeeya oo tixgalin mudan sida ay u arkaan beelaha kala duwan ee gobolada Jubbooyinka ku nool

Haddii ugu danbeyntii arrinta hashiiska ay noqoneyso mid Soomaaliyeed oo joojineysa colaadda iyo muranka, waxaa haboon in dulqaad iyo ka dhur sug lagu qaabilo, mas’uuliyad weyna la muujiyo madaama ay arrintu u dhamaaneyo maslaxda guud ee dalka.

Sida jirta, heshiisku waxuu ifinayaa in magaca gobolka loo daayay sidii hore, lagana reebayo ereyga qalaad ee ‘LAND’ -eraygaas oo muuqaal xun, (Negative image) u yeelay JOGORAAFIGA siyaasadeed ee dalka ka dib burburkii ku yimid dowladdii dhexe ee Soomaaliya

Arrinta la sugayo waxay tahay sida aw u dhaqamo hogaanka maamulka JUBBA ee ku meel gaarka ah. Waxaa la filayaa in xiriirka ka dhexeen doona labadan dhinac ee heshiiska gaaray uu dhinac toosan u socdo, kuna soo baxo mid Soomaali ka dhexeeya oo aysan dowlado kale soo faro-galin ama aan ku xirnaan wadamada dariska

Haddii xaalku uusan sidaas noqon, hesheeskan wax macno ah ma yeelanayo, arrintuna waa halkeedii; waa JUBBALAND oo ah aag iyo dhul gaashaman, (Buffer Zone) oo looga taliyo meel aan Soomaaliya aheyn!!

Qalinka: Xassan Xayle

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

DUBAI oo looga shirayo SOMALIA

0

Muqdisho (Caasimada online) Kulankii seddexaad  oo looga hadlayo arimaha burcad badeeda ee ka dhacaya isku taga imaaraadka carabta ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa dib u dhiska qaranka Soomaaliya iyo la dagaalanka burcad badeeda.

Dowladaha  Caalamiga  iyo ururada ka qeyb galaya shirkaasi ayaa la sheegay inay ka shaqeyn doonaan sidii wadajir diirada loogu saari lahaa dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo dib u qaabeynta amaanka Somaliya.

Waxyaabaha kale ee la doonayo in diirada lagu saaro shirka ka furmaya isku taga imaaraadka carabta waxaa ka mid noqon doona arimaha cadaalada, habka amaanka, amaanka badda iyo arimo kale.

Inka badan 500 ka qeyb galayaal, wasiir arimo dibadeedyo, saraakiil sar sare oo dowladaha iyo qabiiro dhanka badda ah ayaa la sheegay in kulanka oo todobaadka soo socda ka dhacaya Dubia ay ka qeyb gali doonaan.

Simon Ancona, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Badda dalka Ingiriiska ayaa sheegay in wax wanaagsan ay tahay maqalka hoos u dhac ku yimid weeraradii ay qaadi jireen kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Marka loo eego warbixino ay soo saareen hayadaha dhanka badda waxaa hoos udhac uu ku yimid weeraradii ay geysan  jireen kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Daawo Video: Weli ma kugu dhacday arintaan oo kale “YAAB”

Caasimada Online:  Caalamka aan joogno maalin walba waxaad ku arkeysaa arin kaa yaabisa taas oo ah kaamirooyinka Qarsoon ee inta badan bulshada looga yaabsado ayaa waxaan maanta idiin heyaa Muuqaal Cajiib ah oo dad badani ka yaabiyay.

Muuqaalkani ayaa ah mid cusub oo loo is ticmaalayo erayga B kaas oo ah Xaraf qof socda duudka looga dhajinayo kadibna lagu dhahayo B ayaa kugu dhagan Talloow qofkii maxuu sameynayaa markii loo sheego in B ku dhagan yahay nala daawo Video cajiib ah oo malaayiin qof ka qosliyay.

HALKAAN KA DAAWO:

Puntland oo Is-beddeshay: Heshiiskii Addis-Ababa, waan taageereynaa

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Puntland ayaa tageerey heshiiskii dhowaan ku gaareen magaalada Addis Ababa maamulka Jubba iyo dowlada Federaalka.

Puntland ayaa sheegtay inay qaadatay go’aanka kadib markii shalay Sept 1, 2013 kulan saacado badan socdey ku wada qaateen magaalada Nairobi wafti ay kala hogaaminayaan hogaamiyaha  maamulka Jubba iyo Madaxweynaha dowladda Puntland.

Waxaa kullanka uu yimid ayada oo horey madaxweynaha Puntland Faroole uu sheegay inuusan taageersaneyn heshiis.a

Warsaxfadeedkaan ayaa waxaa ku xusan in dowlada Puntland tageereyso go’aan walba oo xal loogu gaarayo arrimaha murugsan ee Somalia.

Halkan ka akhri warsaxafadeedka waxaa uu qoran yahay sidatan: 

Dowladda Puntland Waxay Soo Dhoweynaysaa Heshiiskii ay Wada Saxiixdeen Dowladda Federaalka iyo Jubaland

WAR SAXAAFADEED

Dowladda Puntland waxay soo dhoweynaysaa Heshiiskii ay magaalada Addis Ababa ku wada saxiixeen Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Maamulka Jubaland, heshiis kaasoo qeexaya nidaamka maamulka iyo dowladnimada oo waafaqsan Dastuurkii Federaalka Soomaaliya oo lagu wada heshiiyay.

Puntland waxay ammaan usoo jeedinaysaa labada Wafdi ee Soomaaliyeed oo ka qeybqaatay wada-hadalo miro dhal ah, iyagoo ku midaysan helitaanka Dowlad Soomaaliyeed oo ku dhisan nidaamka Federaalka, midnimada iyo dimuqraadiyadda.

Maanta waxaa magaalada Nairobi kulan ku yeeshay wafdiga Dowladda Puntland uu hogaaminayey Madaxweyne Cabdiraxman Shiikh Maxamad Farole iyo wafdiga Jubaland oo uu hogaaminayey Madaxweyne Axmed Maxamad Islam (Axmed Madobe), iyadoo shirkaasi looga hadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqaynta u dhaxeeya Puntland iyo Jubaland iyo sidii loo taageeri lahaa heshiiska cusub oo maamul la wada aqoonsanyahay u dhisaya gobollada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo, ee koonfurta Soomaaliya.

Puntland waxay aqoonsantahay ayna ammaanaysaa doorkii muhiimka ahaa ay ciyaartay Dowladda Ethiopia oo ah Gudoonka Urur-goboleedka IGAD iyo Beesha Caalamka, oo ay ka mid yihiin Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay, oo fududeeyey wadahadaladii ka socday muddo todobaad ah magaalada Addis Ababa.

Puntland waxay diyaar u tahay inay ka caawiso maamulka Jubaland dhisida hey’daha dowliga ah waxayna Puntland mowqifkeedu yahay inay taageerto wadahadalo siyaasadeed, dib u heshiisiin Qaran iyo cadaalad, iyo dowlad-wanaag si loo hormariyo nabadeynta dalka Soomaaliya.

— DHAMMAAD —

Caasimada online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

Baladweyne oo la fashiliyay qarax la doonayay in lagu weerraro AMISOM

0

Baladweyne (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiran ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay fashilyeen weerar is-qarxin oo lagu weerari lahaa fadhiisin ay joogeen.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Baladweyne oo saakay la hadlay Idaacadaha maxaliga ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen ninkii maleegayay falka sidoo kale wuxuu sheegay in ay baxsadeen afar qof oo la jiray.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale tilmaamay in ay gacanta ku soo dhigeen wax-yaabihii la qarxin lahaa iyo hub kale.

Magaalada waxaa saakay ka socda howlgalo ballaaran oo ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM in kastoo aan la soo sheegin wax saameen ah oo ay ku yeesheen howlihii caadiga ah ee magaalada, waxaa furan goobaha waxbarashada iyo goobaha dukaamada.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka hortagaan weerar la rabay in lagu qaado xarumaha ay joogaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Dhageyso: M/weyne Xasan Muxuu ka yiri Shirka weynaha qaran ee Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada online) Madaxweyanaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,  oo ka hadlay Shirweynaha dib U heshiisiinta qaran ee Soomaaliya oo maanta Muqdisho si rasmi ah uga furmay , wuxuu sheegay in loo baahan yahay in bulshada Soomaaliyeed ay fikir wanaagsan oo wax qabad leh  la yimaadaan.

Wuxuu sheegay inay Jiraan dalal faqri ah oo aan heysan wax dhaqaalo ah Muuqaal ahaana u muuqda kuwo aan la jecleysan karin , hadana horumar ka gaaray dhanka Technology-yada kana mid ah wadamada caalamka ugu hormarsan .

Soomaalida ayuu sheegay in sidaasi si kasii wanaagsan looga fadhiyo inay dadaal u muujiyaan , isagoo sheegay in dhaqaale iyo aqoonba soomaalidu ay leeyihiin balse Fikirka wanaagsan ee wax dhisikara uun uu ka maqan yahay .

Guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay meel uga soo wada jeestaan xal u helidda Nabadda Soomaaliya , si 2017-ka dalka ay uga dhacdo doorasho xur ah.

Halkaan ka dhageyso Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud

Dhanka kale Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, Wasiirka arimaha Dibadda Soomaaliya ahna Ra’isul wasaare kus xigeenka  Soomaaliya sidoo kalana ah Kusimaha ra’isul wasaaraha Soomaaliya oo booqasho ku jooga dalka Sacuudi Carabiya ayaa ugu horeyn waxay kulanki maanka kusoo dhaqeysan qurba joogta Soomaaliyeed.

Ujeedka kulan weynaha dib u heshiisiinta qaran ee maanta Muqdisho ka furmay ayay ku sheegtay inay uga golleeyihiin Dhamaystirka qaabka siyaasadeed oo ku saleysan  geedi socod toosan horumarka  iyo isku finaanshiyaha Soomaaliya.

Waxay shegtay in loo bahanyahay in la qaado tilaabooyin wax ku ool ah oo loo wada dhanyahay sidaas darteed ayay dowlada Soomaaliya u qorsheysay shirara is daba joog ah oo la isugu soo dhaweynaya dhamaan bulshada soomaaliyeed ee wax tabaneysa.

Sidoo kale kulanka waxaa ka hadlay Aqoon yahano, Waxgarad, Siyaasiyin iyo qaar ka mid ah culimada Soomaaliya waxaana dhamaan ay shaaca ka qaadeen inay lagama maarmaan ay tahay helitaanka nabad ka dhalata gayiga soomaaliya iyo inay garbaha is qabsadaan shacabka la daalaadhaca dhibta cooladda .

Halkaan ka dhageyso Fowsiyo Yuusuf Xaaji

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

DEG DEG: Is-rasaaseyn xoogan oo ka dhacday agagaarka Villa Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) War hadda soo dhacay wuuxu sheegayaa in caawa meel ku dhow Villa Somalia uu iska hor imaad uu ku dhexmaray ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya.

Inta la oyahay seddax askarta ciidamada ayaa ku dhimatay tira intaas kabadana waa ay ku dhaawacmeen sida ay lee yihiin dadka goobjooga u ahaa dhacdada.

Ciidamada iska hor imaadka uu dhexmaray ayaa kala ahaa boolis iyo millitari waxaana rasaasta ay is-dhaafsanaayeen laga maqlaayay aqalka madaxtooyada Soomaaliya.

Si cad ah looma oga wax yaabaha sababahay iska hor imaadka ciidamadan ku dhexmaray degmada Warta Nabadda Ex-Wardhiigleey.

Dhinaca kale, waxaa caawa degmada Shibis ku qarxay baabuur laga soo buuxiyay wax yaabo qaraxa, baarbuurka ayaa la sheegay in uu ku qarxay meel ku dhow xarunta degmada.

Qaraxa kaddib waxaa soo gaaray goobta ciidamada ammaanka kuwaasoo ilaa hadda baaritaan wada sida uu sheegay goobjooge la hadlay Shabakadda Caasimada Online.

Markii uu qaraxa dhacay waxaa kala cararay dadkii degmada ee ku sugnaa goobaha laga shaaxo, waxaa la xiray goobaha ganacsiga ee degmada Shibis.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Nicholas Key oo dadka Beydhabo ka la hadlay go’aan ay ku dhawaaqeen

0

Baydhabo (Caasimada Online) Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Nichalas Key ayaa maanta tagay magaalada Baydhabo ee gobalka, wuxuu kulan la qaatay odayaasha beelaha Digil iyo Mirifle.

Sida illo ku dhow-dhow kulankaas u sheegeen Shabakadda Caasimada Online, waxaa kulanka inta badan looga hadlay sababta ka dambeesa in shaley magaalada uu ka dhaco bannaanbax looga soo horjeedo heshiiskii dhawaan dowladda iyo maamulka Axmed Madoobe ay ku gaareen Addis Ababa.

Afhayeenka beelaha Digil iyo Mirifle, Malaaq Cali Cabdiraxmaan Shiino oo la hadlay Idaacadda Radio Baydhabo, ayaa sheegay in danjire Key ay kala hadleen sida ay uga xun yihiin heshiiska dowladda iyo Axmed Madoobe ku gaareen Addis Ababa.

Wuxuu sheegay in heshiiskaas in ay taageeraan Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay in uu ahaa qalad, waayo wuxuu yiri Axmed Madoobe wuxuu ahaa hoggaamiye Jabhad oo xoog ku qabsaday Kismaayo.

“Nicholas Key waxaan u sheegnay in aan raali ka ahayn in Nin meesha uu ka yimid aan la aqoon in loo aqoonsado madaxweyne, eed baan u jeedinay QM iyo Midowga Afrika taasoo ah in aysan diyaar u ahayn in maamul u dhisaan dadka ku dhaqan gobalada Baay iyo Bakool, waxaan kulan yeelanay muddo seddax saac, wuxuu noo sheegay in fariinteena uu gaarsiin doono meelo badan” ayuu yiri Malaaq Shiino afhayeenka beelaha Digil iyo Mirifle.

Mar la weydiiyay in ay ka laabteen go’aan shaley ay ku dhawaaqeen oo ah in ka go’een dowladda Soomaaliya isla markaana xildhibaannada iyo wasiirada ay ku lee yihiin dowladda la soo bixi doonaan?

Wuxuu sheegay in go’aankooda uusan wax iska badalin isla markaana ay ku taagan yihiin go’aankooda, wuxuuna sheegay in maalinta barri in ay sugayaan wafdi xildhibaanno iyo wasiiro ah oo ka soo jeeda Baay iyo Bakool in ay tagi doonaan Baydhabo.

Si kastaba, waxaa dad xog-ogaal ah ay lee yihiin bannaanbixii shaley ka dhacay Baydhabo waxaa ka dambeeyay Shariif Xasan Sheekh Aadan afhayeenkii hore ee baarlamaanka, waxaana arrintaas la og Proff Maxamed Cismaan Jawaari guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Dowladda ilaa hadda kama hadlin bannaanbixii shaley, in kastoo maanta magaalada Muqdisho uu ka dhacay bannaanbax lagu soo dhaweenaayo heshiiskii Addis Ababa.

Waxaa dibadbixii maanta Muqdisho ka dhacay ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baydhabo

Soomaali tagtay dal aysan Soomaalidu tagi jirin oo si xun la yeelay

0

Bulgaria (Caasimada Online) Wasaaradda  arrimaha gudaha dalka Bulgaria ayaa maanta Axad sheegtay in ciidamada ammaanka dalkaas ay gacanta ku dhigeen 24-kii saac ee la soo dhaafay 106-qof oo sharci daro ku socotay kuwaasoo laga soo qabtay soohdinta waddamada Bulgarian iyo Turkiga.

Dadkan 79-ka mid ah waxay u dhasheen dalka Syria, waxaa kaloo jira 13-qof oo Soomaali ah,siddeed qof oo Maali ka soo jeeda iyo lix qof oo u dhashay dalka Iiran.

Sida ay lee dahahay wasaaraddaa arrimaha gudaha Bulgaria, kooxdan sida sharci darada u socotay ayaa 55-ka mid ah waa rag, halka 15 ay yihiin dumar 66-da kale waa carruur.

Waxaa hadda lagu hayaa xarun kumeel gaar oo ku taalla deegan u dhow soohdinta Turkiga, taasoo lagu magacaabo Elhovo oo ka tirsan dalka Bulgaria.

Ugu dambeen warka ka soo baxa wasaarada arrimaha gudaha dalka Bulgaria ayaa lagu sheegay in dumarka iyo carruurta loo fidiyay daryeel caafimaad maadama ay in muddo ah ku soo jireen safar dheer.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka London