27.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 6, 2026

Galamudug oo tageysa New Deal

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo maanta la hadlaayay wariyaasha ayaa sheegay in maamulkiisa uu ka qaybgali doono shirka New Deal ee ka dhacaya magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in maamulkiisa uu casuumaad ah uu ka helay Midowga Yurub, wuxuuna sheegay inta uusan u ambabixin Brussels in uu tagi doono magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

“Waxaan rabaa in aan maanta idiin sheego maamulka Galmudug wuxuu ka mid yahay maamulada lagu casuumay shirka Brussels, waxaana halkaas aan geen doono qorshaha maamulka u yaalla iyo wax yaabaha u hirgalay muddada uu jiray” ayuui yiri Cabdi Qeybdiid.

Wuxuu sheegay inay jiraan xubno kale oo ka tirsan maamulka Galmudug oo hadda ku sugan Muqdisho kuwaas oo ka mid noqon doona wafdigiisa u ambabaxi doona Brussels.

Ugu dambeen Cabdi Qeybdiid madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa rajo ka muujiyay shirka Brussels oo uu sheegay in looga hadlayo arrimo muhiim u ah Soomaaliya.

Si kastaba, shirkan oo dhacaya bishan September 16-keeda waxaa looga hadlayaa arrimaha Soomaaliya, waxaana qabanaya Midowga Yurub, waxaana looga gun lee yahay bal in beesha caalamka la tuso sida Soomaaliya ay u taageeri karaan.

Maamulka Puntland ayaa ka mid ah maamulada lagu casuumay shirkaas laakin ma cadda in ay ka qaybgali doonaan shirka Brussels maxaa yeeshay heshiiska Puntland iyo dowladda dhexe waayahan dambe ma wanaagsaneen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

Kulan lagu heshiisinayo FAROOLE iyo Axmed Madoobe oo ka dhacay Nairobi

0

Nairobi (Caasimada Online) – Magaalada Nairobi  ee Xarunta  Wadanka Kenya waxaa  xalay ka dhacay kulan  lagu heshiisiinayo Madaxweynaha Puntland  Dr Cabdiraxman Faroole  iyo  Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Sh Axmed Madoobe.

Kulankaan oo ka dhacay Hoteelka caanka ah ee Intercontinentaal  ee Magaalada Nairobi ayaa waxaa ka qayb galay Masuliyiinta aan kor ku soo xusnay iyo wufuud ay kala hogaaminayaan iyo waliba Ganac iyo Siyaasiyiin kala oo labada dhinac u kala dabqadayay.

Axmed Madoobe iyo Faroole oo ahaa rag saxiib ah oo  Siyaasada iku dhinac u wada ayaa waxaay ku kala irdhobeen  heshiiski Adis Ababa uu Axmed Madoobe kula saxiixday  Dowlada Somalia.

Madaxweynaha Puntland  Dr Faroole ayaa waxaa uu qabay in aan la aqbalin wax ka yar Jubbaland State of Somalia oo ah Maamul Goboleed buuxa balse taasi ma dhicin  waxaana  Axmed Madoobe u soo saxiixay Maamul KMG ah oo shaqaynaya mudo 2 sano ah waxaana arinkaasi ay ka caraysiisay Dr Faroole.

Si kasta  ha ahaate Kulankii xalay oo ay saxaafadu dibad joog ka ahayd ayaa  la cadayn karin waxaa ka soo baxay balse Warbaahinta wa ay ku daba jirta Nuxurki ka soo baxay Shirki xalay dib ayayna idinka soo tabindoonta Insha alah.

Source: Kismaayo24

Maxa tahay ujeedka uu MUQDISHO u tagay taliyiha ciidamada Burundi?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mr. Niyongabo Prime oo ah Taliyaha ugu sareeya ciidamada Dowladda Burundi iyo saraakiil ka tirsan qeybaha ciidamada Dowladda Burundi ayaa ka soo degay magaalada Muqdisho, waxaana taliyaha garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyay madax iyo saraakiil isugu jirta ciidamada Dowladda iyo Taliska AMISOM.

Taliyaha ciidamada Dowladda Burundi ayaa kulamo kala duwan la qaatay Wasiirka Gaashaandhigga DFi, Ra’iisal Wasaare K/Xigeenka ahna Wasiirka arrimaha dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Fowsiyo Xaaji Yuusuf iyo saraakiil ka tirsan Dowladda ayaa isla yeeshay kulamo socday muddo saacado ah.

Sareeye Guuto Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarsho) ayaa isna kulan la qaatay Taliyaha ciidamada Burundi, iyagoona ka wadahadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka Dowladaha Burundi iyo Soomaaliya.

Dhinaca kale Mr. Niyongabo Prime ayaa ka mahad celiyay soo dhoweynta uu kala kulmay magaalada Muqdisho, isagoona hoosta ka xariiqay in ujeedada socdaalkiisa ay la xariirto sidii uu kormeer ugu sameyn lahaa xaaladda ciidamada AMISOM, iyo talisyada kala duwan ee ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Daawo Video: Qurba Joogta iyo Damaashaadka Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online:  Qurba Joogta Soomaaliyeed ee dalka dib ugu laabanaya ayaa si nabad ah ugu damaashaadaya Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayagoo anan wax baqdin ah ku jirin marka loo fiiriyo Sanadihii hore.

Wadooyinka waaweyn ee Muqdisho waxaa buux dhaafiyay Gawaarida casriga ah ee ay wataan Qurba joogta dalka dib ugu soo noqonaya ayagoo ku damaashaadaya Magaalada Muqdisho ee nala daawo muuqaalka qurxoon ee laga soo duubay.

HALKAAN KA DAAWO:

Dhageyso: Gudoomiyihii Ahlu Sunna oo xilikii laga qaaday iyo jawaabtiisa

0

Muqdisho (Caasimada online) Waxaa maanta Sir rasmi ah ururka ahlu sunna waljamaaca ay ugu dhawaaqeen inay xilka ka qaadeen gudoomiyihii golaha Fulunta ururkaas Sheekh Cabdi Cali Fiidoow , kadib kuulan Baarlamaanka ururkaas ay maanta yeesheen.

Magalaada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayuu ka dhacay kulanka Maanta xilka looga qaaday Sheekh Cabdi Cali Fiidoow, iyadaoo qaab codeyntu ay u dhacday mid Fartaag ah , waxaana madasha kulankaas  goob joog ahaa 29 Xubnood oo 28 ka mid ah ay dalbadeen in xilka laga qaado.

Hal ruux oo ka mid ahaa ka qeyb galayaashii kulanka Maanta xilka looga qaaday gudomiyihii golaha Fulinta , waxaana xilka qaadistaasi ku dhawaaqay Sheekh Cumarsheekh C/qaadir  oo ah gudoomiyaha golaha talada Maamulkaas.

Wuxuu sheegay in mar hadii madasha kulanka ay goob joog ka ahaayeen 29 Xubnood 28 kamid ahna ay si cad kalsoonidii kala laabteen ay sidaas xilkii uga qaaden Sheekh Cabdi Cali Fiidoow, Gudoomiyhii hore ee goblaha talada Ururkaas.

Dhanka kale Sheekh Cabdi Cali Fiidoow, gudoomiyihii golaha talada Maamulkaas oo saxaafadda la hadlaya ayaa sheegay inay been abuur yihiin wararka sheegaya in xilkii laga qaaday , isagoo sheegay in aanan la garin mudadii lagu balamay.

Wuxuu sheegay in markii 02-03-2013 ee sanadkan loo dhiibayay lagu balamay inuu hogaan u noqdo Golaha Fulinta ururkaas Muddo Labo Sano ah , waxaana uu sheegay wali uu xilkiisii dhamaan balse ragisaga la shaqeeya uu waqtiga ka idlaaday sida uu sheegay.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa la hadal hayay in dhawaan xilka laga qaadi doono Sheekh Cabdi Cali Foodoow, hogaamiyihii golaha Fulinta ururka ahlu Sunna waljamaaca , taas oo ay warar kala duwan kasoo baxayaan .

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in arintan ay salka ku heyso Khilaaf soo kala dhexgalay hogaanka ururkaas , iyo kala qeybsanaan ku aadan Maamulka Cusub ee ay dowlada Soomaaliya usoo magacaawday Galgaduud.

Halkaan ka hoose dhegyso Xilka qadirta Sheekh Caabdi Cali Fiidoow.

Halkaan ka dhageyso Xilka qadirta Sheekh Cabdi Cali Fiidoow

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: qorshe DF ka damacsaneyd gobolka Sh/Hoose oo laga horyimid

0

Marko (Caasimada online) Maxamed Cusmaan Yariisoow, Guddoomiyaha Magaalada Marka ayaa si cad uga soo horjeestay Qorshe  Wasaarada arimaha gudaha ay ku doonayso in ciidanka deegaanka looga kaxeeyo Magaalada Marka ee xarunta Gobalkaasi.

Wuxuu sheegay in marnaba aanu aqbali doonin in ciidamada deegaanka laga kaxeeyo Marko ,isla-markaana la keeno ciidamo kale oo dowlada Soomaaliya ka socda taas oo uu ku tilmaamay mid aanan u cuntamin sida uu sheegay

Wuxuu eedeyn u jeediyay ciidamada dowlada Soomaliya ee gobolka Sheelaha Hoose isagoona shaaca ka qaaday in Iabaarooyinka ugu badan ay gobolkaas u yalan ciidamada dowlada Soomaaliya .

Inta u dhexeysa Siinka Dheer iyo Afgooyo ayuu sheegay inaysan Xisaab laheyn Jibgooyooyinka u yaala ciidamada dowlada Soomaaliya , waxaana uu arintaas ku tilmaamay in aanay dani ugu jirin gaadiidka isticmaala wadaas , isagoo sheegay inuu jiro gaabis dhanka hogaanka ciidanka ah.

Marka hada waxaa ku sugan wafdi uu hogaaminayo Agaasimaha Wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumadda Soomaaliya,kaasi oo qorshaah uu ujooga Marka ay qeyb ka tahay sidii ciidanka deegaanka halkaasi looga kaxeyn lahaa,inkastoo weli muran uu ka taagan yahay arintaasi.

Wali waxaa taagan xiisadda Shableeha Hoose, taas oo dhawaan heshiis laga garay inkastoo wali uu muuqanayo isku tuur  tuur ku aadan Cidda ay Isbarooyinka u yalaan gobolkaas , dowlada Soomaaliya saraakiil u hadashay waxay Maamulka gobolkaas ku eedeeyeen inay Isbaarooyinka iyaga u yaalaan , halka Mas’uuliyii maamulka ka tirsan ay ciida,ada dowlada Soomaaliya ku eedeeyeen arintan .

Waxaase shaki uusan ku jirin in Muqdisho iyo Marko inta u dhexeysa ay buux dhaafiyeen Isbaarooyin lacago badan looga qado gaadiidka wadadaasi istimcaala , inkastoo dowlada Soomaaliya ay dhawaan sheegtay inay guud ahaan isbaarooyinkaas maja xaabin doonto

 Halkaan ka dhageyso Gudoomiyaha Magaalada Marka

Caasimada online

Xafiiska Marko

[email protected]

Dhageyso: Banaanbax lagu taageeray heshiiskii Addis-Ababa, Muqdisho

0

 Muqdisho (Caasimada online) Waxaa Muqdisho ka dhacay Banaanbax lagu taageerayo dowlada Soomaaliya iyo go’aankii kasoo baxay Shirkii Adis-Ababa ,waxaa soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo ay kasoo qeybgaleen Guddoomiyaha Gobolka iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobalka Banaadir wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka ee xukuumada Soomaaliya iyo dad wayne aad u fara badan waxaana halkaasi heeso ka soo jeediyay fanaaniinta Hobolada Waabari.

Banaanbaxan ayaa wuxuu ka dhacay Daljirka daahsoon ee degmada Boondheere ee gobolka Banaadir , kaasi oo dadkii dhigayay ay ku qeylinayeen ereyo ka dhan ah Banaanbixii shalay ee Beydhabo iyo sida  ay ugu faraxsan yihiin go’aanka Shirkii Adis -Ababa.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo ka hadlay goobta Banaanbaxa uu ka socday ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu soo dhaweynayo heshiiskii dhawaan lagu soo gaba gabeeyay dalka Ethiopia waxaana uu sheegay Guddoomiyaha in Dowladda Soomaaliya ay ku tilaabsatay guul la taaban karo.

Tarsan ayaa ku tilmaamay kuwo dano gaar ah leh Dadka aan doonayn heshiis iyo isku soo dhawaansho inuu dhexmaro Soomaalida dhexdeeda sida uu sheegay waxaana carabka ku adkeeyay inaysan marnabada dadkaasi rabin horumarka umadda Soomaaliyeed.

Shalay Beydhabo oo ah xarunta gobolga Baay, waxa ka dhacay Banaanbax looga soo horjeedo dowlada Soomaaliya , waxaana odayaasha beelaha Digil iyo Milifle ay u dhawaaqeen inay kalsoonidii kala laabteen dowlada Soomaaliya.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

DF oo ka jawaabtay go’aanka Beelaha Digil iyo Milifle Baaqna u dirtay

0

Muqdisho (Caasimada online) Dowlada Soomaaliya ayaa waxay jawaab ka bixisay Dibadbaxyo looga soo horjeedo oo shalay ka dhacay magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay, iyo go’aan ay sheegeen odayaasha iyo Maamulka Gobolkaas inay ka qaateen dowlada Soomaaliya.

Engineer: C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow, afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiska Adis-Ababa qodob ka mid ah uu dhigayo in shir dib u heshiisiin ah oo loo qabto beelaha Dega gobolada Jubbooyinka , kaas oo ka dhacay Muqdisho iyadoo sida uu sheegay taasi looga golleeyahay qancinta beelaha dega Jubbooyinka iyo Gedo.

Wuxuu sheegay in beelaha Waxtabanaya loo baahan yahay inay xal wax ku raadiyaan , isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in qof waliba oo waxtabanaya uu yiraahdo ma aqoonsai dowlada iyo ereyo la mid ah tasina ay horseedeyso kala fogaanshiyaha umadda Soomaaliyeed

Dhinacyada wax tabanaya ayuu sheegay in looga baahan yahay inay ka qeyb galaan  shirka dhawaan ka dhici doona Muqdisho ee dib u heshiisiinta ah, waxaana uu tilmaamay in loo bahan yahay wax waliba wada hadal lagu dhameeyo.

Qancinta Shacabka ayuu sheegay inay u taagan tahay dowlada Soomaaliya, waxaana uu shaaca ka qaday inay sameynayan waxyaabaha ay u arkan inay ku qancin karan dhamaan beelaha Soomaliya s looga gudbo is qabqabsi yimaada.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Engneer: C/raxmaan Cumar, Cusmaan Yariisoow Afhayeenka  madaxtooyada Soomaaliya  wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya ay diyar u tahay qancinta cid waliba oo wax ka tabaneysa dowlada Soomaaliya .

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

War culus: DF “Heshiiska Addis-Ababa weli ma ahan mid dhameystiran”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii dalka Itoobiya ay heshiiska ku soo gaareen DF Somalia iyo Axmed Madoobe ayaa waxaa soo baxaayay mucaaradad weyn oo looga sp horjeedo heshiiskaas oo ay ugu horeyaan beesha Digil iyo Mirifle.

Afhayeen M/weynaha ahna la taliyaha dhinaca Saxaafad C/raxmaan Yariisoow ayaa sheegayin DF Somalia heshiiska ay ku soo gaartay Addis Ababa Dowlada Somalia uusan eheyn kii ugu danbeeyay ee lagu xalinaayay Jubooyinka balse uu yahay bilaaw.

C/raxmaan Yariisoow ayaa sheegay in heshiiskaas uusan eheyn mid dhameystiran balse waxa uu cadeeyay in dhameestirkiisa uu ka dhici doono magaalada Muqdisho oo layskugu geeni doono dhamaan dadka dega deegaanadaas.

Hadalkaan ka soo yeeray Afhayeenka M/weynaha ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili beelaha Digil iyo Mirifle ay shegeen in ay ka baxeen DF Somalia maadaama ay sheegeen in dul ay leeyhiin lagu wareejiyay Axmed Madoobe oo ay iyaga ku yilmaameen in uu yahay Jabhad.

Ugu danbentii C/raxmaan Yariisoow ayaa sheegay in DF Somalia ay diyaar u tahay in ay wax kasta ku dhameeso nabadeyn iyo dib u heshiisiin isaga oo sheegay in cidkasta ay ku qancin doonaan wadahadal.

Source: Hadaf News Network

DFS oo uu ka soo horjeestay maamul ay magacowday “Nama xukunto”

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Gudoomiye Kuxigeenka  gobolka Baay  Shiine Macalin Nuunoow, ayaa si cad u sheegay in dowlada Soomaaliya u aqoonsaneyn kadib go’aanka Beelaha Digil iyo Milifle ay ka qaateen dowlada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya aysan ka fiirsan go’aankii ay ku aqoonsatay maamulka Jubba ee Axmed Madoobe ,isagoo sheegay in wax dowlad ah aysan u aheyn isaga shaqsi ahaan , sida uu sheegay.

Shiine Macalin Nuunoow, Gudoomiye Ku xigeenka gobolka Baay ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya uu ka marmaamo sida uu sheegay mar hadii ay iyadu ka maarantay , isagoo carabka ku adkeyay inaysan  marnaba ka laaban doonin  go’aanka ay qaateen.beeshooda dowlda Soomaaliya

Shalay waxaa Beydhabo ka dhacay Banaanbax looga soo horjeedo dowlada Soomaaliya iyo heshiiskii Adis-Ababa ee Maamulka Axmed Mdoobe iyo waliba dowlada Soomaaliya .

Dowlada ayaa dhawaan kulan soconayay muddo Todobaad ah ku aqoonsatay maamulka jubba ee uu Axmed Madoobe , hogaanka u hayo, kaas oo si KMG ah muddo laba sano ah kaga howlgalaya gobolada Jubbooyink Gedo.

Caasimada Online

Xafiiska Baydhaba

[email protected]

Beesha Sade oo la safatay beel kale kuna gacan seertay go’aankii DFS

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Boot Cabdala Magan, oo ka mid ah Siyaasiyiinta kasoo Jeeda beesha Sade, ayaa sheegay inay ka beel ahaan kasoo horjeedaan Heshiiska Shirkii Adis-Ababa .

Wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya ay ku fududatay heshiiskaas , isla-markana uu kala qeybinaya wadajirka iyo walaalnimada bulshada wada degta gobolda Jubbooyinka iyo Gedo sida uu sheegay.

Magan, wuxuu sheegay in Beesha Sade aysan qaadaneyn wax aan u qalmin , waxaana uu carabka ku dhuftay inay ka beel ahaan bad baadsanayaan sharaftooda sida uu sheegay taasin aysan cidna uga hibeysaneyn.

Wuxuu sheegay inuu ku baaqayo inay muhiim tahay in Beelaha Digil iyo Milifle  lagu dhiira galiyo laguna taageero Go’aanka ay ka qaatee dowlada Soomaaliya ka beel ahaana ay soo dhaweynayaan.

Markii Ra’isul wasaaraha Soomaaliya uu gaaray Kismaayo ayuu sheegay inuu kala soo kulmay sharaf xumo iyo soo dhaweyn la’aan ,sida uu hadalka u dhigay Kismaayana ay awooda ugu badan ay ku leeyihiin ciidamada Kenya.

Sababta dowlada Soomaaliya ay u aqbashay maamulka Axmed Madoobe ayuu ku sheegay inay la yaaban yihiini ilaa iminka , isagoo ku sheegay in arintaas lagu dag dagay go’aan ka qaadashedeeda.

Wuxuu ku baaqay in si dag dag ah loo qabto shirweyne looga Soo horjeedo dowlada Soomaaliya iyo Heshiiskii Adis-Ababa kaas oo ay kasoo qeyb galayaan dhamaan dhinacyadii uu saameeyay heshiiskaas.

Dowlada Soomaaliya ayaa cadaadis kala kulmeysa beelo dega gobolada Koonfureed ee Soomaaliya , kuwaas oo saluugsan qaabkii uu kusoo idlaaday Shirkii Adis-Ababa iyo go’aanadii kasoo baxay.

Caasimada Online 

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

DF oo ay ku dheggan tahay beel ka mid ah 2 beel oo ay kala dhex gashay

0

Marka (Caasimada Online) – Ugaaska Beesha Biyo Maal Ugaas Axmed Sheekh Cali, ayaa wuxuu ka hadlay qaabka dowlada Soomaliya ay u wajahday heshiiskii dhawaan kasoo baxay kulan ka dhacay Muqdisho oo ku aadaana heshiisiinta Beelaha Biyomaal iyo Habargidir .

Kulanka oo ahaa mid lagu heshiisiinayay beelaha Biyo Maal iyo Habargidir ayaa go’aanadii kasoo baxay waxaa qeyb ka aha in la qaado Isbaarooyinka gobolka Shabeelaha Hoose yaala.

Ugaaska, ayaa sheegay in dhaqan gelinta Heshiiskaas ay dowlada Soomaliya u adeegsatay qaab amar ah sida uu sheegay , isagoo tilmaamay in in odayaal iyo ciidamo wada saareen Gaadiid dagaal kuwaas oo markii dambe ay u sheegeen inay nabada ka shaqeeyaan sida uu sheegay

Si aan nidaam nabadeed aheyn, ayuu sheegay inay u martay qaabka nabadeenta labada Beelood , waxaana uu sheega y inay haboonaan laheyd inay qaab dagan oo is xilqaamid ay ku jirto ay ku wajahaan .

Wuxuu sheegay inay jirto ka dhaadhicis la’an dhanka nabada ah oo ku saabsan  dhincyadii dhawaan gobolka ku dagaalamay, waxaana uu carabaabay inay muhiim tahay in Maleeshiyaadka labada dhinac inay waajib tahay in la baro qiimaha nabadda.

Dhawaan dagaal beeleed salka ku haya is qabqabsi ka dhashay isbarooyin yala Shabeelaha Hoose, ayaa wuxuu ka dhacay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Marka

Caasimada Online