27.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 6, 2026

Daawo Video: Bilicda iyo horumarka magaalada xarunta u ah Puntland

0

Caasimada Online: Magaalada xarunta u ah Maamul Goboleedka puntland ee Garoowe waxaa ka soconayo horumar dhanka Bilicda iyo Ganacsiga waxaana ku soo badanaya dhismooyinka Cajiibka ah.

Magaalo ahaa Muuqaalkeeda waxaa ka dareemi kartaa dhismooyinka ilqabadka leh ee magaalada ka hir gelinayaan Qurba Joogta Soomaalida ee reer Puntland ee ku noqonaya Wadanka.

HALKAAN KA DAAWO:

 

 

Fallanqeyn: Hadii Bisaddu iska tagto, Jiirku wuu cayaaraa.!!!!

0

Hadii dibiga beer qoday,ubaxeeda daawado,ileyn kama ay daasheen, tuurtiisu dowliga,birta dabada ugu xiran,!!! Waa murti uu Soomaalida u qotomiyay Alaha ka saamaxo danbigiisee Abwaan C/qaadir Xirsi YamYam,si ay dhaxal ugu noqoto, isagoo ka eegay halka ay ku arooreyso oo ah.hadii howl kasta oo la qabanayo aaney jirin natiija wanaagsan oo ka dhalata,isla markaana ay kaga qancaan dadkii howshaas daalka iyo dayaca ka soo maray,xaalku waa weel dabada ka duleela oo biyo lagu shubayo,balse hadeey arkaan bulshadoodii oo guranaya mirihii ka dhashay howshiihagar la’aaneed  ee ay soo qabteen,waa hubanti in ay iloobayaan wixii habaas iyo haraad ay ka soo muteen hirgalinta howshooda,

Hada Soomaaliya marka aad eegto dadaalada ka soconaya,waa howlo ad-adag oo loo hurayo naf,maal iyo waqtiba,hadana waa ay yar yihiin natiijoojinka qurxoon ee ka dhasha,marka laga reebo kuwa si  dhaanta sidii hore u socda oo aan xiriir la laheynarima kale oo la doonayay in ay isku xiriir sanaadaan si loo higsado howlo wada qurxoon oo dadka qabtay  looga mahadceliyo,marka la daawadana lagu wada qanci karo,hadiise maalin kasta howl la qabto lagana tago iyadoo aan la dhameystirin ama aan laheyn qurux la daawado,macnaheedu waxa ay tahay dibigii beerta qoday ee hadana ka  sii durduriyay isaga oo aan daawan quruxda uu u diyaariyay howshii uu qabtay,

Hade weli ararta aan dumay,dulucdeedi maangalin,waana faallo daba dheer,aanse ka eego doc kale,oo mudooyinkaan danbe la oran karosafka hore ayey kaga jirtaa  hadal heynta iinta dowladu leedahay maadaama ay sanad jirsatay,lagana yaabo in dad badani wax iska weydiinayaan waxa ka hirgalay qodobadii madaxda dowladeenu bilowgii horeba la soo gole joogsadeen in ay fulin doonaan mudada ay u qidmeynayaan shacabkooda,

Waan hubaa in guri kasta,geed kasta.iyo gole kasta oo tiro soomaaliyeed oo qaan gaar ahi isugu timaado lagu xanto ama looga tooqo hadba dhaliishaka muuqata dowlad  kasta oo soomaaliya yeelato,iyadoo ay yar yihiin inta xigsata dhanka wanaaga iskuna xilqaama in ay dowladnimada ku darsadaan talooyin iyo fikrado laga yaabo in ay wax ka tari lahaayeen arimaha iminka cakiran ee la dhaqaajin la’yahay,iyagoo ku gororinaya maskaxdooda in dowladnimadu ay tahay wax la wada leeyahay oo aaneey gaar u laheyn inta markaa shukaanta u heysa,

Bal aan idiin dulgeeyo halka aan u dan leeyahay, oo ah mid ka mid ah caqabadaha ku hor gudban in soomaaliya yeelato dowlad awood leh,taasoo laga yaabo in ay dad badani ila dareemayaan, waayoo,maanta soomaaliya uma baahna,in loo dhiso dhismayaal waaweyn hadana lagu wareejiyo dhagxaan amnigooda ilaaliya,uma baahna in warshado aan sii jiri doonin laga hirgaliyo,in ganacsi balaaran oo shaqsiyaad ku  taajiraan loo abuuro, in jaakado,garfaatiyo iyo mobialo tira badan loo soo qaato,in xeebaha Liido iyo Jaziira maalinba kooxi isku sawirto,in gaadiidka aan xabaduhu Karin  loo soo daabulo,in aanan isku madadaalino xaflado iyo shirar aan mira dhal laheyn,anagoo awoodna in aan qabano howl muuqata oo mustaqbalka jiri karta,in qurba joogtu u soo aado indha indheyn iyo xaqiiqo raadin, hadana uu qof kasta naftiisa ku aamino hotel ama xaafad gaara,in idaacado ajnabiya iyo kuwa soomaaliyeedba la iska soo xanto,in halkii laga shaqeyn lahaa dowladnimada loo soo shaqo tago,in dal iyo dibadba aan isku sheegno dhalanteed isla markaana aan daawano  riwaayad ayhal abuureen abwaano ajaanib ah oo ma dhamaato ah,

Balse taa badalkeeda Soomaaliya,waxa ay u baahan tahay in la isku tanasulo oo la is cafiyo,in runta iyo dhagaha la isku furo,in si soomaalinimo  ah oo ficil ah meel la isugu geeyo maal,muruq iyo maskax sidii mar qura looga gudbi lahaa mushkiladaha na heysta,in la fahmo in laga wanaagsan yahay iyadoo aan la isku gudbi Karin, in dhulka koox koox loo sheegtolooguna kala noolaado caro madoow,caro gaduud iyo caro maanyo,,in qof kasta fahmo in aaneey wanaagsaneyn howl uusan isaguba maalintiisa qaban Karin in uu maalin walba ku dhaliilo qof kale oo maanta masuuliyad haya, in aaneey  ilbaxnimo aheyn in nidaam kasta la dumiyo iyadoo aan dalka loo heyn wax kale oo dhaama,in la iska daayo mashxaradaha beenta ah ee baroortu ka danbeyso,in la is aamino farahana laga qaado,fuulista faraska Federaalka ee aynaan maanta fahmsaneyn inta aan faraha looga guban, in taariikhdii la soo maray dib loo eego waxna laga barto,in si dhab ah loo wajaho furaha mushkiladda soomaaliya sida loo xalin karo,iyo sida ay u kala horeeyaan caqabaduhu,taasoo ah in marka hore howsha laga bilaabo  dhismaha ciidamada iyo sugida Aminiga, oo runtii hada aad moodo in si kala daadsanaani ka muuqto loogu daalayo wax ka qabashadeeda,marka Nabadgalyada la hantana loo gudbo qodobada kale ee na horyaala,sida hagaajinta sharciyada,Cadaalada iyo garsoorka,dib u dhiska dalka iyo  maamul wanaaga iyo horumarka kale ee dalku u baahan yahay.

Mar hadiise, la wada qirayo waxa koowaad ee maanta qof kasta oo soomaaliya uu u baahanahay in ay tahay Amni iyo xasilooni welina, laguna guuleysan la,yahay  sanado badan oo dowlado KMG ahi shaqeynayeen ka dib haba tabar yaraadaane,xataa in la hanto amaanka caasimada oo qura, iyadoo aan ognahay in ciidankeenu waajibaadkiisa u guto hadba sida loo howl galiyo oo aaneey qaladaadkan iyagu wax ku laheyn,maadaama aywaqti hore mar noqdeen ciidanka 2-aad ee Africa ay ku faanto,looguna magac daray {LIBAAXYADA AFRICA} uguna awoowda badanaa,hadana la heli karo kuwa higsada kuwii hore,balse su’aalaha mudan in la is weydiiyo ayaa waxey tahay,  maxaa hor taagan iminka in si dhab la dhiso ciidamo Qaran oo tayo iyo tiro leh, oo ka mira dhalin kara howsha loo igmado? Xageese aadeen ciidamadii 10-kii sano ee la soo dhaafay Dowladihii KMG ka ahaa loogu soo tababarayay, dalalka Jabuuti, Ugaandha, Kenya, Ithobiya, iyo xeryaha ku yaala gudaha dalkeena?  xagee la aadeen hubkii loo qeybiyay? Maxaa cadeyma ah oo loo hayaa qof kasta oo ka mid ahaa ciidamadaa iyo hubkii la siiyay si loola xisaabtamo? Aaway  kumanaankii  sarkaal ee sida xisaab la’aanta ah loo siiyay darajooyinkii  Qaranka,? xagee mareen saraakiishii maamuleysay ciidamadaa ama soo xulay markii horeba? Hadii la badaleyse ma jiraan dukumiinti tix raac leh oo xil wareejintoodala socday si loo daba galo hubkii iyo ciidamadii soomaaliya loo soo tababaray halka ay ku danbeeyeen? Yaa iska leh masuuliyadaas oo mudan in lagula xisaabtamo,?Maxaase dalkaan u diiday in mas’uul kasta iyo shaqadiisa lagula xisaabtamo, si loo kala xishoodo?Maxaa loo wada daawanayaa qaladaadka joogtadaa ee dhacaya,?Maxey tahay sababta qorshe la’aan weli kuwa kale loo sii tababarayo? Maxaa talada ciidamada loola wadaagi la’yahay saraakiishii iyo ciidamadii hore ee waaya araga ah,meel kasta ha joogaane,?maxaase laga bartay oo waaya aragnimo ah qaladaadkii ka soo baxay dib u dhiska ciidamada dalka,? shacabka mudo intee le’eg baa lagu sii qancin karaa iyadoo aan wax qabad muuqan in mar walba madaxda dalku ka hadlaan oo kaliya Amniga,saxaafaddase war ma u tahay in ay maalin kasta noo sheegaan waqtina ku lumiyaan kulan looga hadlayay Amniga oo muqdisho lagu qabtay,? intaa iyo in kaloo  ka  badan waa su’aalaha laga yaabo hadii la is weydiiyo,in ay wax ka tari  karaan Aminiga dalka, adiguna xaq baad u leedahay in aad qudhaadu is weydiiso hadii aad tahay ruux u damqanaya mustaqbalka dalkiisa,waayoo wax macnaa ma sameyneyso in waqtigeenu ku lumo dowlado aan noo qaban shaqo muuqata oo wax tar leh.

Yaananse ku sii fogaanin hadalkaa, waayoo waxaa suurtagal ah in aad aniga ila yaaban tihiin,ama aad jeclaan laheydeyn inaan ka aamuso arimahan,maxaa yeelay waxaan ka hadlayaa wax la wada og yahay oo lagu balamay in aan waxba laga qaban, balse jawaabta ugu macquulsan ee aad I siin kartaa waxa ay tahay,!! Ciidamadii waa iska kala tageen markeey  daryeel iyo mushaarba waayeen,ama ey arkeen iyaguba in aaneey madaxdoodu diyaar u aheyn in ay ka faa’ideystaan xoogooda,ana waxaan intaa ku sii darayaa,in ay  suurta gal tahay in ciidamadii u kala shaqo tageen, Ganacsatada, Maamul goboleedyada, Madaxdooda xilalka ka haya dowlada,Hoteelada, Safaaradaha, kuwa si gaar ah hey’ado u maamulaan iyo shirkado previte ah oo Un-ka iyo dowladuba ruqsad u siiyeen sugida amnigooda cid kasta oo ay dhaqaale kula hishiiyaan,iyagoo ka madax banaan ciidamada dowlada kana hub iyo nolol fiican, inta soo hartayna waa inta yaree maanta ka dhaqdhaqaaqeysa ciidamada dowlada kuna mintidaya howshooda iyaga oo laga yaabo ineey saluugsan yihiin sida ay wax u socdaan,

Mar hadii xaalku sidaa yahay,ciidamadiina cududoodii lakala qob qobay,amnigiina hadal mooyee si kale loo maareyn la’yahay,maxaa diidaya in cid kasta oo diidan dowladnimada ay dalka ka geysato falal amaan dara ah,  weliba lagu cayaaro quruxdii nolosha,dhismayaasha,gaadiidka iyo baalayaashii wadooyinka lagu xardhay,ileyn waa tii la yiri :-HADII BISADDU ISKA TAGTO, JIIRKU WUU CAYAARAAYE. !!!

WQ:- C/qaadir M.Faarax { Dulyar}

[email protected]

Muqdisho/Soomaaliya.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

 

Dhageyso: DF oo ku baaqday ka qeyb galka Shir Bari Muqdisho Ka furmaya

0

Muqdisho (Caasimada online) Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in maalinta Barito ah uu ka furmayo magaalada Muqdisho Shir looga hadlayo arimaha siyaasadda dalka , iyo sida isbadal nabadeed lagu heli karo , kaas oo ay ka qeyb galayaan guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.

Cabdi kariin Xuseen Guuleed , Wasriirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta wuxuu warbaahinta u sheegay inay Muhiim tahay ka qeyb qaadashada bulshada Soomaaliyeed ee  Shirka bari ka furmaya Muqdisho.

Waxyaabaha kulankaasi looga hadlayo ayuu shaaca ka qaaday inay ka mid yihiim arimaha Dastuurka, Nidaamka Federaalka, Arimaha Dib u heshiisiinta iyo waliba qorshayaasha dowlada Soomaaliya ee seddeda sano.

Shirkan ayaa sidoo kale waxaa ku xigi doona shir kale oo loo qabanayo Culimada Soomaaliyeed kaas oo ujeedkiisu uu yahay sidii bulshada Soomaaliyeed looga wacyi galin lahaa Fikrado qaldan oo sida wasiirka uu sheegay loo adeegsanayo qaab diimeed.

Wuxuu sheegay Guuleed, inay muuqaneyso in qolyo gaar ah ay diinta qaab qaldan u fasireen isla-markaana loo baahan yahay in culimada Soomaaliyeed ay doorkooda qaataan nabadeynta iyo hogaaminta Umadda Soomaaliyeed.

Waxaa jira siyaasiyiin iyo waxgarad dhaliilsanm qaabka dowladu ay wax ku dooneyso , inkastoo qaarna ay soo dhaweynayaan isla-markaana ay kuu sheegayaan inaysan jirin wado kale oo iminka nabada Soomaaliya lagu soo dabaali karo.

Halkaan ka dhageyso Wasiirka arimaha Gudaha iyo amniga qaranka

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Madaxweyne Obama: Waxaan go’aan ku gaaray in aan weeraro Syria

Washington DC (Caasimada Online) –  Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay inuu go’aansaday in Maraykanku uu weerar ku qaado dalka Syria kadib markii dalkaaasi uu isticmaallay hubka kiimikada.

Mr. Obama oo shacabka Maraykanka kala hadlay aqalka Cad ayaa wuxuu sheegay in weerarkani uusan noqon doonin faragelin aan dhammaad lahayn iyo ciidan ka socda Maraykanka oo gudaha u gala dalka Syria, balse uu noqon doono weerar xaddidan oo muddo kooban soconaya.

Madaxweyne Obama wuxuu sheegay in weerarku uusan bilaaban doonin ilaa ogolaansho uu ka helo aqalka congresska Maraykanka.

Obama wuxuu sheegay in tacadigii dhacay ee hubka kiimikada loo istimcaalay aysan kaliya kaliya ahayn in la baaro, balse ay sidoo kale tahay in laga horgago.

Barack Obama, wuxuu sheegay in Maraykanku uusan iska indho tiri karin wixii ka dhacay magaalada Dimishiq.

Xubnaha aqalka congress-ka Maraykanka ayaa haatan fasax ku maqan, waxaana filayaa inay bilaabi doonaan inay ka doodaan qorshaha madaxweynaha ee ka dhanka ah Syria maalmaha ugu horreeya ee bisha September.

Caasimada Online

Xafiiska Washington DC 

[email protected]

Cali Gaab oo galabta weerar ku qaaday Jidgooyo QM ay dhigatay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Taliyaha ciidamada wadooyinka Cali Gaab ayaa galabta wuxuu qaaday  dhagxaan la dhigay waddada u dhexeeya KM4 ilaa iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Sida uu saxaafadda u sheegay Cali Gaab, waxaa dhagxaanta dhigay kooxo qandaraas ka soo qaatay Xafiiska Qaramada Midoobe ee Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna intaas ku daray in dowladda iyo dhammaan hey’addaha iyo ciidamada wadooyinka aan lagu soo wargalin.

“Waxaan rabaa saxaafadda in aan galabta u sheegay waxaa laga billaabo KM4 iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho la dhigay dhagxaan iyo jidgooyin kuwaasoo dhib ku ah dadka iyo gaadidka, tallaabadan dowladda iyo hey’addaha ammaanka lala socodsiin, marka waxaa sameeyay kooxo qandaraas ka soo qaatay QM, iyadoo caasimada ammaan ay tahay in wadooyinka muhiimka la xiro waa dhib kale” ayuu yiri Cali Gaab taliyaha ciidamada Taraafikada.

Si kastaba, gawaarida iyo dadka isticmaala waddada xiriirisaa KM4 iyo ilaa garoonka diyaaradaha ayaa dhib ku qaba dhagxaan la dhigay bartamaha jidka, taasoo aan la oegeyn sababaha ka dambeesa.

Sidoo kale waxa ay dadweynaha iyo baabuurta ay sheegayaan in la xiray waddada KM4 ilaa Tarabuunka, waxaana halkaas deggan Safaarada Turkiga ee Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Sawirro: DF oo arrin ay ugu dambeysay 23 sano maanta u bandhigtay dadka

Waxaa maanta markii ugu horeeysay  Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa muddo 23 sano kadib waxa uu maanta qaadanayaa shaqaale cusub oo ku shaqeyn kara teknoloojiyadda cusub ee ay ku shaqeystaan bankiyada caalamka, iyadoo shaqalaaha cusub ee uu bankiga qaadanayo laga qaadayo imtixaan xagga aqoontooda ku saabsan.

Sarkaal u hadlay maanta Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in qaadista imtixaankani lagu qaadanayo 10 qof oo kamid noqonaya shaqaalaha bangiga dhexe  ee Soomaaliya, ay  ka dambeysay markii shaqaalihii hore ee bankigu lahaan jiray ay ka soo hareen shaqaale tiro yar oo aan wada dabooli karin howlaha baaxada weyn  ee Bankiga laga sugayo mustaqbalka dhaw.

Imtixaanaadka laga qaaday Ardaydaan ayaa waxaa laga sugayaa jawaabo si looga dhex saaro 10 qofood oo ka shaqeyn doono bank Dhexe ee Wadankeena Somalia.

bank1bank2bank3bank4bank5bank6

VIDEO: Ma aamineysaa in Magaalada Muqdisho ay yeelatay Bilicdaan.

Caasimada Online:  Sanadkaan 2013 waxuu noqday sanadkii ugu fiicnaa tan iyo burburkii dowladii dhexe kadib Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waxaa ka soconayo dhismooyin cusub iyo dadaalo dib loogu soo celinayo Bilicdii Magaalada ee luntay 23 sano ka hor.

Isma dhaheysid Muqdisho ayaa sidaan ah hadii aad booqato Caasimadii Dalka ee aad moogeyd wax ka yar Sanad Sababtuna waa bilicdii magaalda oo mar qura is badashay ee goormee kugu dambeeysay muqdisho oo sidaan ah.

HALKAAN KA DAAWO:

 

DHAGEYSO: QM: Maamulka Puntland waa in uu xushmeeyaa DF Somalia

Nairobi (Caasimada Online) – Wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Somalia Nicholas Kay, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xiisadaha siyaasadeed ee kavdhex oogan dowladda Somalia iyo maamul goboleedka Puntland.

Kay, waxa uu sheegay in xiisadahaaasi ay yihiin kuwa laga walaaco oo aan dan ugu jirin Somalia iyo horumakeeda.

Waxa uu ugu baaqay dowladda Somalia inay la shaqeyso maamul goboleedyada, islamarkaana waxa uu Puntland u sheegay in looga baahan yahay inay xushmeyso dowladda federaalka.

Halkan ka dhageyso

Warsaxaafadeed

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Dhageyso: Ciidamo ka socda AMISOM oo la geynayo Galgaduud, Sabab?

Dhuusomareeb (Caasimada Online) Cabdi Cali Fiidow, Gudoomiyaha Golaha Fulinta Ahlusuna  ayaa sheegay in ciidamo ka socda AMISOM ay soo gaarayaan deegaanada Galgaduud, si ay tababaro u siiyaan ciidamada dowladda ee ku sugan Gobolka.

Wuxuu sheegay inuu dhankiisa  soo dhoweynayo in dowladda Soomaaliya la ay wareegto Maamulka Galgaduud,  isagoo sheegay inuu ka mid ahaa dadkii ka shaqeeyey in Maamul dowladeed uu soo gaaro gobolka Sida uu sheegay.

Arintan waxay ka dambeysay Ka gadaal markii Dowlada Soomaaliya ay shalay si rasmi ah ula wareegtay ciidamada Maamulka ururka ahlu sunna ee gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya , kuwaas oo si rasmi ah uga mid noqday ciidamada dowlada Soomaaliya.

Ciidamada ka tirsan AMISOM ee la geynayo gobolka Galgaduud ayaa ah sida la sheegay Saraakiil macalimiin ah kuiwaas oo tababaro siin doona ciidamada dowlada Soomaaliya ee gobolkaas , si tayada ciidamada sare loogu qaado.

Wararka waxay sheegayaan in ciidamada dowlada Soomaaliya la dajin doono Xeradii qeybta 21aad ee degmada Dhuusa Mareeb, halkaasoo saldhig u noqon doona ciidamada dowladda ee ku sugan Gobolada Dhexe.

Dhanka kale wafdi uu hogaaminayo guddomiyaha cusub ee gobolka Galagaduud, Xuseen Cali wehliye Cirfo, iyo xubno ka socda ahlu sunna waljamaaca ayaa gaaray Degmooyin iyo deegaano ay ka mid yihiin Degmada Caabud waaq iyo sidoo kale degmada Xirale ee gobolkas .

Ahlu Sunna ayaa iminka dhexdooda waxaa ka muuqanya inuu kajiro Khilaaf Xoogan oo u dhexeeya hogaanka Maamulkaas , kaasi oo salka ku hayan maamulka cusub ee dowlada ay u soo magacaawday gobolka Galgaduud.

Halkaan ka dhageyso Sheekh Cabdi Cli Fiidoow

Caasimada online

Xafiiska dhuusomareeb

[email protected]

Mas’uuliyiinta DF oo lagu amray in ay ka Beydhabo isaga Baxaan (Dhageyso)

Muqdisho (Caasimada online) Magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay, waxaa lagu soo gaba gabeeyay Banaanbax looga soo horjeeday Hishiiska  dowlada Soomaaliya iyo Waliba Maamulka Axmed Madoobe.

Banaanbaxa oo ay kasoo qeyb galeen Siyaasiyiin, Aqoon yahano, waxgarad, Maamulka gobolka Baay, iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee Bulshada , ayaa dhamaan dadkii kasoo qeyb galay waxay muujinayeen sida ay uga xunyihiin go’aankii kasoo baxay shirkii Adis-Ababa.

Suldaan Shariif Cali xasan, oo ka mid ahaa Waxgaradkii  dibad baxa Soo qaban qaabiyay ayaa sheegay inay si caday u diidan yihiin go’aanka dowlada iyo Maamulka Jubba iyagoo sheegay inay si cad dowlada Soomaaliya ay uga Soo horjeedaan Mar hadii ay Aqoonsatay Maamulka Axmed Madoobe.

Sidoo  kale Suldaanka Wuxuu sheegay inay Wafdi ka socday dowlada oo ku sugnaa baydhabo ay ku amrayaan inay si deg deg ah kaga baxaan magaaladaasi Beydhabo, Maadaamada Dowlada Soomaaliya iyo iyaga uu xiriirkoodu u idlaaday.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qirsheynta ayaa qeyb kahaa wafdigii maanta lagu amray inay Beydhabo isaga Baxaan Maadaama xiriirkii dowlada uu dhamaaday .

Waxaa jira dhaliilo laga Muujinayo Heshiiskii Adis-Ababa ku dhexmaray Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Axmed Madoobe, inkastoo ay jiraan Dadbadan oo shirkaasi si aad ah usoo dhaweeyay kuwaas oo ay qeyb ka yihiin shaqsiyaad dowlada Mucaaradsanaa oo uu ka mid yahay Cali Maxamed Geedi.

Halkaan ka dhageyso Codka Banaanbaxay iyo Amarka Salaadiinta

Halkaan ka Dhageyso Suldaan Shariif Cali Xasan

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Warbixin: Muxuu Cali Maxamed Geedi ka yiri heshiiska DF & Axmed Madobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, ayaa ka hadlay heshiiskii Adis-ababa ku dhexmaray dowlada Soomaaliya iyo  Axmed  Madoobe, kaas oo ugu dambeyn lagu soo dhisay Maamulka Jabba.

Wuxuu guul ku tilmaamay go’aanka wada jirka ah oo ay garen dowlada Soomalaiya iyo maamulka Axmed Mdoobe ee Jubba, kaas oo ka shaqeyn doona Gobolada Jubbooynka iyo Gedo, waxaana uu sheegay in arintan ay gogol xar u tahay dhaqan galinta Nidaamka Federaalka Somalia.

Cali Maxamed Geedi, Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Jubba looga fadhiyo dhaqan galinta iyo ka dhabeynta go’aankii ay Adis-Ababa kusoo saxiixdeen.

Dhaqan-gelinta dastuurka ayuu kusheegay in lagu gaari karo horumar iyo nabad sal adag oo dalka ka dhalata .

Geedi, oo inta badan looga bartay dhaleeceynta dowlada Soomaaliya , isagoona ku dhaliili jiray wax qabad la’aan ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay qaaday tilaab loo baahnaa oo muhiim ah waxaana uu ku dhira galiyay inay sii xoojiso dadaalka ay ugu jirto nabad kusoo dabaalidda dalka.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

 

XOG: QM oo u digtay afar ka mid ah ra’iisul wasaareyaashi hore ee Somalia

Addi-Ababa (Caasimada Online) – Wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia, ayaa uga baaqay ra’iisul wasaareyaashii hore ee Somalia inay joojiyaan qaska iyo fowdada ka dhanka ah Dowladda Somalia oo ay wadaan, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.

Diblomaasiyiin ku sugan magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethiopia, ayaa Caasimada Online u sheegay in Nicholas Kay uu magaaladaas kula kumay Cmar Cabdirashiid, Cali Khaliif Galar, Cabdi Weli Gaas iyo Cali Maxamed Geedi.

Raggaasi ayaa magaalada Addis-Ababa looga yeeray maalintii ay is-afgaradka gaareen dowladda Somalia iyo maamulka Jubba ee Axmed Madoobe.

Sida ilaha diblomaasiyadeed ay u sheegeen Caasimada Online, Kay ayaa u sheegay ra’iisul wasaareyaashii hore in heshiiska DF iyo Jubba uu doonayo inaan la carqaladeyn, islamarkaana laga shaqeeyo horumarka dalka.

Xubnahaasi ayaa ku mideysan isbaheysiga qas-wadayaasha Somalia ee fadhigeedu yahay Nairobi.

Kay ayaa sidoo kale u sheegay ra’iisul wasaareyaashi hore in waxyaabaihii ugu weynaa oo ay dowladda ku dhaliileen ay ahayd arrinta Jubaland, taasna iminka lasoo afjaray.

Kay ayaa sida la sheegay ugu digay madaxdaas hore in beesha caalamka aysan ogolaan doonin qalalaase hor leh, cid kasta oo la dareemo inay ku leedahayana tallaabo laga qaadi doono.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
[email protected]

DAAWO VIDEO: Shacab su’aalo adag weydiinaya madaxweyne Xasan Sheikh

Muqdisho (Caasimada Online) – Barnaamijka kulanka todobaadka oo maalin kasta oo jimco ah ka baxa Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliya ayaa waxaa shalay marti ku ahaa Madaxweynaha  Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Barnaamijka ayaa waxaa ka qeyb galay shacabka Soomaaliyeed ee jooga gudaha dalka iyo dibedda, kuwaasi oo su’aalo adag weydiiyey madaxweynaha.

Su’aalaha la weydiiyey madaxweynaha ayaa ku saabsanaa arrimo badan oo dalka ka taagaan iyo sida madaxweynaha uu u wajahay ama uu u wajihi doono.

Hadaba Halkan ka daawo Barnaamijka

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Kenya oo sheegtay inay dib u dhigtay shir qorshihiisu ahaa in Somalia ay….!

Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday in dib u dhac uu ku yimid shir ay si wada jir ah u qaban lahaayeen iyada iyo dowlada federaalka Somalia kaasoo diirada lagu saari lahaa qaabka ugu haboon qaxootiga Somalia ee ku nool xerooyinka qaxootiga ee Dhadhaab dib loog helin karo dalkooda.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaarada arimaha dibada iyo ganacsiga caalamiga ah ayaa lagu sheegay in shirkaasi oo lagu madalsanaa bishan August 28-keeda iyo 29-keeda kaaso ka dhici lahaa magaalada Nairobi dib loo dhigay si fursad loo siiyo dowlada Somalia oo haatan wado la tashiyo iyo baarandagis.

Shirkaasi ayaa sidoo kale qayb ka noqon doono hey’adaha gargaar iyo dalalka caawiyo Somalia.

“Waxa sidoo kale la sheegay in shirka uu ku soo beegmaya shirkale oo looga hadlayo kaabayaasha dhaqaalaha kaasoo ka dhicacay magaalada Mombasa August 27-28” warka qoraaka ayaa intaasi ku daray.

Kenya ayaa sheegtay in shirkaasi ay iyadu soo agaasintay islamarkaana ay ka qayb gali doonaan Hey’ada Qaxootiga UNHCR iyo hey’ado kale.

Ula jeedka shirka ayaa ah in looga shaqeeyo qaababka, qiimaha iyo waqtiga ugu haboon ay qaxootiga Somalia ay dalkooda dib ugu laaban karaan, sida ay sheegtay wasaarada arimaha dibada ee dalkaasi.

Nus milyuun qof oo Somalia qaxooti ah ayaa ku nool dalka Kenya iyadoo tirada dadka ay sii kordhayaan sababo la xeriira colaadaha iyo abaaraha.

Dowlada Kenya ayaa dhawaan ku dhawaajisay in 80,000 qof dad ka badan oo Somali ah ay dalkooda ku laabteen bartamihi bishan.

Lama sheegin xilliga la qabano shirkaan oo dowlada Somalia ay sheegtay in uu leeyahay mudnaan gaar ah.

Isha: Hadaf News Network

VIDEO: Xeeb loo dalxiis tago oo mar qura isku badashay kala carar

Caasimada Online:  Goob Xeeb ah oo loo soo dalxiis tago ayaa mar qura lagu kala caray kadib markii halmar arin aysan filaneynin ay ka war helyn dadkii halka ku damaashadayay ee isaga kala yimid Qaarado kala duwan.

Dalxiisayaasha ayaa si jawi dagan iyo qorax ku heestay Xeebta balse arintu sidaa ma sii ahaan waxaa mar qura is badalay goobto oo uu soo galay hir ama daad xoogan oo ay ka war qabin waxaana halkaa ka dhacay kala carar oo qof walba nagtiisa halkaa kala baxsaday.

HALKAAN KA DAAWO:

Dad la soo qabtay dilkii taliyihii nabad sugida ee Kaxda, Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Maamulka degmada Kaxda ayaa ka warbixinyay howgal seddaxdii cisho ee la soo dhaafay ee ka socday degmadaas, kuwaasoo lagu soo qabqabtay dad badan oo dhallinyaro ah, kuwaasoo lagu tuhunsan yahay dilka Taliyihii nabad sugida degmada Kaxda.

Cabdiweli Yuusuf Cumar oo la hadlay mid ka mid ah Idaacadaha maxaliga ee Muqdisho ayaa sheegay in howlgalada ay ka wadeen degmada Kaxda looga gun lee yahay siddii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii ka dambeeyay dilka Khaliif oo ahaa taliyihii nabad sugida ee Kaxda.

Taliyaha ayaa isaga iyo ciidamo kale waxa ay ku dhinteen weerar kooxo hubeysan ay ku soo qaadeen degmada Kaxda seddax habeen ka hor.

“Maalmahan degmada waxaa ka socday howlgalo aan ku dooneyno in ammaanka ku xoojino iyo in aan ku soo qabano dadkii ka dambeeyay dilka taliyihii nabad sugida” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Kaxda.

Wuxuu kaloo uu sheegay guddoomiyaha in dadka la soo qabtay ay hadda ku socdaan baaritaan, isagoo intaas ku daray in cidkii lagu helo weerarkaas in loo wareejin doono hey’addaha ammaanka ee dalka si sharciga loo horgeeso sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu kaloo sheegay in la deen doono cid kasta oo dambi lagu waayo.

Degmada Kaxda ayaa dadka ku dhaqan waxa ay lee yihiin maalmihii dambe waxaa lagu soo daadiyay ciidamo fara badan kuwaasoo baara dadka iyo gawaarida.

Degmada Kaxda ayaa dhawaan ku soo biirtay degmooyinka magaalada Muqdisho, waxaana degmo ahaan u aqoonsatay dowladdii kumeel gaarka ee uu madaxweynaha ka yahay Shariif Sheekh Axmed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Sawirro: Ciidamadii ugu tirada badnaa oo maanta kusoo biiray DF Somalia

Dhuusa-mareeb-30-08-2013-War-saxaafadeed….Munaasabad ballaaran oo dib loogu furayay Xerada Ciidamada Xoogga dalka ee 21-aad ee Magaalada dhuusa-mareeb ayaa Gelinkii dambe ee Maanta lagu qabtay Dhismaha xaruntaas oo ku taalla magaalada dhuusa-mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud iyadoo si rasmi ah xarigga uu uga jaray dib u furitaanka Xerada Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen.C/Risaaq Khaliif Cilmi ,waxaana munaasabaddaasi goobjoog ka ahaa,Saraakiisha Taliska Xoogga dalka ee 21-aad,Saraakiisha sarsare ee Ahlusunna Waljamaaca ,Odayaasha Dhaqanka,siyaasiyiin iyo martisharaf kale oo lagu casuumay munaasabadda.

Munaasabadda ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay Guddoomiyaha saddexda Gole ee Ahlusunna Waljamaacad Sh.Ibraahim Sh.Xasan Guureeye, waxa uuna xusay in maanta wixii ka dambeeya Ciidamada Ahlusunna Waljamaaca ay ku biireen Ciidamada Xoogga dalka islamarkaana ay ka qeybqaadan doonaan hirgelinta Nidaamka Dowladnimo ee Gobollada Dhexe ee dalka.

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka General c/risaaq Khaliif Cilmi oo maanta ka hadlay Munaasabadda ayaa ugu horreyn waxa uu salaam sharaf uu ka siday madaxda Qaranka Somalia guddoonsiiyay Ciidamada Ahlusunna ee maanta si rasmi ah ugu biiray Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Somalia,isagoo ballanqaadey in Taliska Xoogga dalka uu dammaannad qaadayo bixinta Xuquuqda ay leeyihiin Ciidamada Ahlusunna ee maanta la midoobay Xoogga dalka, waxa uu intaasi sii raaciyay abaanduuluhu in Labo neef oo Geel ah loo qalayo Ciidamada Ahlusunna ee kamid noqonaya Xoogga dalka.

Generaalku waxa uu tilmaamay in maanta wixii ka dambeeya ay Ciidamada lagu xareynayo Xerada ay kala mid noqonayaan Ciidanka Xoogga dalka dhinacyada Xanaaneynta,Qalabeynta,Taakuleynta,Xuquuqda iyo waajib siinta Ciidamada Qalabka sida ee Jamhuuriyadda Somalia. Generaal C/Risaaq Khaliif Cilmi Abaanduulaha Xoogga dalka Somalia ayaa maanta munaasabadda ka xusay in Ciidamada lagu xareynayo Xerada 21-aad loogu magac daray ( Cali Boobaaye 2- ) magacaas oo ah Ciidamadii ugu horreeyay ee lagu aas-aasay Xoogga dalka ,isagoo farta ku fiiqay in Dowladda Soomaaliya ay dib u dhiseyso Xeradan islamarkaana tababar dalka gudihiisa iyo Dibaddiisa loogu qaadi doono Ciidamada Ahlu-sunna ee ay qarameynayso Dowladda Soomaaliya si ay u helaan Xuquuq lamid ah kuwa Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Somalia.

Saraakiisha Ahlusunna ayaa Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka ku wareejiyay Gaadiid dagaal iyo Ciidamo aad u farabadan oo loogu talagalay in lagu daro Ciidanka Xoogga dalka si loo qalabeeyo. Dib u furitaanka Xeradan ayaa qeyb ka ah hirgelinta Heshiiskii ay Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya la gashay Maamulka Ahlu-sunna waljamaaca Bishii March 2013,waxaana ay noqonaysa Xero laga maamulo Ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan Gobollada Dhexe gaar ahaa Mudug ,Galgaduud iyo Hiiraan,iyadoo Talis cusub loo soo magacaabay Xeradan oo aan shaqeynayn muddo ka badan 20 Sano.

DSC00589 DSC00590 DSC00601 DSC00602 DSC00622 DSC00628 DSC00636 DSC00640 DSC00663 DSC00664 DSC00666 DSC00667 DSC00681 DSC00687 DSC00690 DSC00695 DSC00746 DSC00751 DSC00589 DSC00640

Cabdiweli Gaas oo ka hadlay heshiiskii Addis Ababa sheegayna in…..

Addis Ababab (Caasimada Online) Ra’iisal wasaarihii hore ee xukuumaddii KMG ahayd ee Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali oo saxaafadda kula hadlayay maagalada Nairobi ayaa soo dhoweeyay heshiiskii ay magaalada Addis Ababa dhawaantan ku kala saxiixdeen DF Somalia iyo Maamulka Axmed Madoobe.

Cabdiweli Gaas ayaa heshiiska ku tilmaamay mid dhabaha u xaaraya in dalka meelaha gacanta dowladda ku jirta laga hirgiliyo nidaamka fedaraalka.

Wuxuu ka dhawaajiyay in heshiiskaas uu billow u yahay siddii maamullada kale ee dalka ugu dayan lahaayeen

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay labada dhinac ee ku heshiiyay Addis

Ugu dambeen, Cabdiweli Gaas ayaa tilmaamay in dowladda fedaraalka Soomaaliya looga baahan yahay in dalka ay ka hirgeliso nabadgelyo, dib-u-heshiisiin iyo xasillooni

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in uu yahay musharrax doorashada maamulka Puntland oo sannadka soo socda lagu wado in ay dhacdo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi .

 

Dhageyso: Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka jawaabay go’aankii Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha DF Somalia Xasan Sh. Maxamuud ayaa markii ugu horeysay ka hadlay go’aankii ay Puntland xiriirka ugu jartay dowladda dhexe.

Xasan Shiikh ayaa hadalkan ku sheegay warbixin uu shacabka Muqdisho uga jeediyay Warbaahinta DF, isagoo sheegay inay ka xun yihiin Puntland ay mar keliya ku dhawaaqdo inay xiriirka u jarto DF.

“Puntland waxaan xusuusanaa inay tiir u tahay dhismaha Dowlada Federalka Somalia, dhaqaale badan iyo waqtina ay ku bixisay, dhowr jeerna shirar lagu qabtay Puntland, kuwaasoo looga tashanayay dowladnimada Somalia, balse waxaan garan la’ahay sababta keentay in Puntland ay xiriirka u jarto DF,”  ayuu Madaxweynuhu hadalkiisa ku yiri.

Dhageyso hadalka madaxwyenaha

Madaxwayne-Xasan-Sheekh-oo-Faroole-u-Jawaabay (2)

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Muxuu Madaxweyne Xasan ka yiri Heshiiskii Adis-Ababa?

Muqdisho (Caasimada online) Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya  ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay Shirkii dhawaan lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Adis-Ababa ee dalka Ethiopia , kaas oo lagu soo dhisay Maamulka KMG ah ee Jubba ee hogaamiyo Axmed Madoobe.

Wuxuu guul taariikhi ah ku tilmaamay Heshiiskaas , isagoo sheegay in dowlada Soomaaliya ay ka xuntahay dagaalkii dhawan ka dhacay Kismaayo , waxaana uu shaciyay in dowlada ay mar waliba u taagan tahay nabadeynta BulshadaSoomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuu tilmaamay in mar hadiiba la xaliyay arintii muranka badan dhalisay loo baahan yahay in xal laga gaaro caqabadaha kale ee ku hor gudban dowlada Soomaaliya isla-markaana keeeni kara inuu khilaaf yimaado.

Dhanka kale wuxuu ka hadlay Go’aankii dhawaan Maamulka Puntland uu ka qaatay dowlada Soomaaliya , isagoo sheegay in uusan u muuqan Khilaaf heerkaas gaarsiisan oo keeni kara inay go’aan heerkan ah ay qaadato Puntland.

Wuxuu sheegay inuu ka xunyahay go’aankaas ay qaadatay Puntland isla-markaana uu sii horseeday kala fogaanshiyaha bulshada Soomaaliyeed wxaana uu carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in gacmaha la is qabsado.

Madaxweynah Soomaaliya ayaa ugudambeyn wuxuu shacaka Soomaaliyeed ka dalbaday inay caawiyaan isla -markaana ay muujiyaantaageeridda dowladda Soomaaliya si dowladu ay horu socod u sameyso .

Halkaan ka dhageyso Madaxweyne Xasan

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]