27.8 C
Mogadishu
Wednesday, May 6, 2026

Dhgayeso: Xasan Sh. oo ka warbixiyay waxqabadka DF ee sanadkii tagay

Muqdisho (Caasimada online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa maanta wuxuu ka warbixiyay waxqabadka Mudadii sanadka aha oo ay jiratay dowladiisa , iyadoona su’aalo ay ka weydiinayeen Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo dibadiisa kuwaas oo ku qotmay dhamaantood waxqabadka dowlada uu hogaamiyo.

Xasan Sheekh oo Marti ku ahaa Barnaamijka Kulanka Todobaadka ee Talafashinka qaranka Soomaaliya iyo Raadiyaha dowlada ayaa faah faahin buuxda wuxuu ka bixi waxyaabihii u suura galay dowlada iyo waxa ka dhimacn halka sano oo ay jirto dowladiisa.

ugu horeyn Madaxweyne Xasan ayaa Qudbad Soconeysay Muddo ka badan 37 -Daqiiqo wuxuu uga waramay is bad badalka Siyaasadda waxa u qabsamoonay iyo waxa ka dhiman inta uusan xilka qaban sida xaalku uu ahaa iyo kadib markii uu xilka uu qabtay sida ay wax noqdeen , iyadoo intaasi ka dibna ay si toos ah u bilaawdeen weydiimah dadweynaha Soomaaliyeed ee kunool dal iyo dibad.

Dhanka siyaasadda

Madaxweynuhu wuxuu sheegay mudadii koobneyd oo ay jirtay dowladiisu inay horumar ka gaartay dhanka siyaasadda , waxaana uu sheegay inay higsanayaan in 2016-ka ay dhacdo doorasho xur ah oo ay dadku safaf dhaa dheer u galaan .

Dhaqaalaha iyo bixinta Mushaaraadka

Wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya markii ay xilka la waregeysay qasnada dowladu inay aheyd mid faaruq ah , hayeeshee dadal dheer ka dib caalamka ay ka heshay caawinaad iyi garab qabasho buuxda .

Shaqaalaha rayidka dowlada iyo waliba ciidamada dowlada Soomaaliya ayuu sheegay inay bilaabeen Mushaaraadkooda , iyagoona bil wabila si toos ah oo aan wax is daba marin aysan ku jirin ay u helayaan .

Dhanka amaanka

Xasan sheekh wuxuu sheegay in dhanka amniga ay wax badan ka qabatay , waxaana uu shaaca ka qaaday inay jiraan qorshayaal balaaran oo ku aadan sugidda dhanka amniga ah si falalka amni ee xilliyada qaar dhaca looga hortago.

Shirarka iyo dib u heshiisiinta

Wuxuu sheegay inay Dowladu qabay shirara la isugu keenayo bulshada isagoona tusaale usoo qaatay shirkii,  garsoorka, iyo shirkale oo markii ugu horreysay looga hadlay siyaasada tacliinta dalka, sidoo kale bishan soo socota ayuu tilmaamay in Muqdisho lagu qabandoono  shirweyne Qaran oo looga hadlayo mustaqbalka siyaasada dalka,  kaas oo ay ka qeybgalayaan ilaa 200 ergo ah sida uu sheegay.

Dowladda Sooomaaliya ayuu sheegay inay wado dadaalo ku aadan sidii lagu hormarin lahaa tacliinta iyo nidaamka waxbarasho ee dalka , si loo helo bulsho aqoon leh , waxaana shacabka Soomaaliyeed uu ka dalbaday inay barbar istaagaan dowlada Soomaaliya .

Wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in dowladiisu ay guuleysan doonto , isagoo guusha dowladiisu ku xiray sida shacabka soomaaliyeed ay uga qeyb qaataan dib u dhiska iyo taaageedara dowlada Soomaaliya .

Dhanka kale madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka jawaabay su’aalo ay soo weydiiyeen dhageystayaal ku sugan dalka iyo dibada, wuxuuna ka jawaabay su’aal ku aadaneyd sababta ay ciidamadu u xoreyn la’yihiin deegaano hor leh ayaa yiri’’ Ciidamadeenu ma dagaalami karaan ilaa ay doonto AMISOM iney dagaasho taasnina waxaa sabab u ahaa cunaqabateyntii dhinaca hubka aheyd oo na saarnaa inkastoo an ku guuleysanay in la qaado cunaqabateynta,  hadana waxaan suurtagalinay inaan  gaadiid iyo hub u iibino,  hoggaan cusubna u magacaawno iyo dhismaha cidamanka oon hagaajino’’

Madaxweynaha ayaa ka hadlay in dowladu ay dadaal badan ugu jirto hirgelinta nidaamka Federaaliisimka ah,  isagoo tilmaamay in aysan jirin qawaaniinta hageysa Federaalka isagoo xusay in dowladu ay dadaal ugu jirto sidii loo diyaarin lahaa qawaaniinta federaalka,  wuxuuna dhinaca kalena xusay iney gobolada usii magacaabeen maamulo KMG ah.

‘’Heshiiska  adis’ababa wuxuu ahaa mid meel dhexe la isugu yimid iyadoo dowladu wax badan ka tanasushay maamulkaasina uu sidoo kale ka tanasulay wax badan uu jeclaan lahaa, heshiiskaasina wa bilow waana sii dhaneystiridoona dowladuna waxey diyaar u tahay iney ka hortagto wax kastoo keenaya colaad ku so laabata deeganadaasi’’ ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa su’aalo kala duwan uga jawaabay dhageystayaasha ku dhaqan gudaha dalka iyo daafaha caalamka.

Ugu dambeyn Madaxweyne Xxasam Sheekh ayaa ka jawabay Su’aalo badan oo ku qoromay waxqabadka dowlada Soomaaliya e madadii Sanadka aheyd oo ay jirtay , isagoona si toos ah shacabka uga jawabayay su’aalaha ay soo weydiiyaan.

Halkaan ka dhegeyso Codka Madaxweynaha Soomaaliya

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

VIDEO: Damaashaadka Xeebta LIIDO

Caasimada Online:  Shacabka Muqdisho iyo Qurba Joogta Soomaalida ayaa maalin walba oo jimco ah waxeey u soo damaashaad tagaan Xeebta weyn ee Liido ayagoo halka afarxada maalinta jimcaha kula qeyb sada Familkooda iyo asxaabtooda.

Amaanka Goobta Xeebta ee Liido waxaa aad u sugaya Ciidamada Dowlada oo ilaalinaya in ay halkaa ka dhacaan falal wax u dhimaya amaanka goobta iyo in wax yeelo ay soo gaaraan Shacabka tirada badan ee u soo damaashaad taga Maalinta Jimcada Xeebta Liido.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Puntland oo ku dhowaaqday dagaal ka dhan ah Somaliland iyo xiisad kacsan

Garowe (Caasimada Online) – Xili Booqasho afar maalin qaadatay uu ku joogo deegaanka Taleex Madaxwayne ku xigeenka Puntland ayaa iminka waxaa soo baxaya in Maamulka Puntland qorshaynayo weerar ka dhan ah Maamulka Somaliland kaas oo la rabo in lagula wareego Gobalka Sool.

TaliyahaCiidamada Daraawiishta Degmada Taleex ayaa si cad u sheegay in Ciidamada daraawiishta ee deegaanka heegan buuxa la galiyay islamarkaana loo diyaariyay dagaal ay ku qaadan Ciidamada Somaliland ee ku sugan Magaalada Laascaanood.

Taliye  Cali Baale oo ah Madaxa Ciidamada deegaanka waxa uu sheegay in Ciidamada yahiin kuwa qalabaysan waxa uuna sheegay in dagaal ka dan ah ku qaadi doonaan deegaanada ay ka joogaan Gobalka Sool Ciidamada Somaliland.

Cali Baale waxa uu sheegay in ay wadaan qorshe la doonayo in Gobalka Sool looga xureeyo Maamulka Somaliland sida uu sheegay waxa uuna xusay in deegaanada Gobalka Sool Somaliland si xoog ah ku haysato muda sanooyin ah.

Mr Baale waxa uu sheegay in qorshahaan uu qayb ka noqon doono Maamulka Khaatumo waxa uuna tilmaamay in labada dhinac iska kaashan doonaan dagaalka ka dhanka ah Maamulka Somaliland ee a qorshaynayo in dhawaan lagu qaado Laascaanood si gacanta Puntland ugu soo nqoqoto.

Xilidhibaan Saadaq Garaad oo ka mid ah Golaha Baarlamanka Puntland ayaa sheegay dhawaan in Puntland diyaar u tahay in ay xurayso Gobalka Sool iyo deeganada kale ee Somaliland xooga ku qabsatay waxa uuna xildhibaanka sheegay in dhawaan tilaabadaa la qaadi doono.

Madaxwayne Ku xigeenka Puntland Cabdi SamadCali Shire wali kama uusan hadlin arintaa laakiin dhinaca kale waxa ay walaac ku haysaa booqashada Cabdi samad Maamulka Somaliland waxa ayna booqashadaa ku macneeyeen mid khal khal lagu galinayo amniga Somalialnd iyo wada noolashaha dadka deegaanka ku dhaqan.

isha: Wehelmedia

Dhageyso: Beelo DF kalsoonida kala laabtay una yeertay xildhibaanadooda

Beydhabo (Caasimada online) – Waxgaradka iyo odayaasha kasoo jeeda deegaanada gobolada Baay iyo Bakool ayaa waxay sheegeen inay kalsoonidii kala noqdeen dowlada Soomaaliya ka dib heshiiskii kasoo baxay Shirkii Adis Ababa ee Maamulka Jubba iyo dowladda Soomaaliya.

Suldaan Shariif Cali Xasan , oo kamid ah salaadiinta ka soo jeeda gobolka Baay ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay aqoonsi sii say Shaqsi aan u qalmin hogaaminta dalka gaar ahan deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo.

Kadib kulan ay ku yeesheen Magaalada Beydhabo ee xarunta Gobolka Baay, ayay odayaashaas waxay shjaaca ka qaadeen inay kalsoonidii kala laabteen dowlada Soomaaliya marba hadii dowlada Soomaaliya ay aqoonsatay Maamulka Axmed Madoobe.

Suldaan Shariif Cali Xasan, wuxuu warbahinta usheegay kadib kulankaas in heshiiskii Adis-Ababa uu horseedayo kala qeybinta Shacabka , Waxaana uu sheegay in Kulankii Adis-abab iyo go’aankii kasoo baxay aan laga sameyn la tashi balse Shaqsiyaad uu sheegay inay dano gaar ah leeyihiin ay ujeedooyihkoodii ka gaareen.

Wuxuu sheegay inay u yeerayaan Mudanayashooda ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya inay sida ugu dhaw ay yimaadaan Beydhabo , waxana uu shaaciyay in kalsooni kala noqoshada dowlada ee kasoo yeertay aaney aheyn go’aan afka ah balse ay ku adkeysan doonaan.

Halkaan ka dhageyso Suldaan Shariif Cali Xasan

Dowlada Soomaaliya ayaa dhawaan waxay heshiis kula soo saxiixatay Magaalada Adis-Ababa ee dalka Ethiopia Maamulka Jubba ee uu majaraha u hayo Axmed Mdoobe.

Caasimada online

Xafiiska Beydhabo

[email protected]

Kashifaad: Xasan & xaq darrada Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxyaabaha ugu weyn ee madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh uu ku heystay Axmed Madoobe, ayaa waxaa ka mid ahaa in maamulkiisa aan loo dhameyn, oo dad ka mid ah kuwii deegaanka laga qadiyey xaqooda.

Sidaa oo ay tahay wixii uu ku eedeeyey Axmed Madoobe, ayuu Xasan Sheikh kaga dhaqmaa magaalada Muqdisho, sida ay ku eedeeysay mid ka mid ah beelaha beesha uu kasoo jeedo isaga ee Abgaal.

Beesha Mataan Cabdulle ee Wacbudhan Abgaal, ayaa ku dhaleeceysay Xasan Sheikh inuu duudsiiyey xaqooda.

Kullan ayaa Muqdisho ku yeelatay ayaa beesha Mataan waxa ay madaxweynaha ku eedeysay inuu u diiday xaqooqda, kana door biday nin jecleysi iyo qabiileysi.

Beesha Mataan Cabdulle oo ah dadka deegaan ahaan u leh Muqdisho, ayaa sheegtay in madaxweynaha ay ka doonayaan xaqooda, maadaama Somalia ay tahay Federal iyo nin kasta iyo deegaankiisa.

Afhayeen u hadlay Mataan Cabdulle, ayaa wuxuu sheegay in lagu haayo dhibaato seddex qaybood isugu jirta, wuxuuna ku kala sheegay Deegaanka, dadka iyo dalka.

Waxa uu sheegay in madaxweynaha uu ixtiraamay Axmed Madoobe iyo dadkiisa markii ay la dagaaleen, sidaa darteedna haddii uusan nabad ku qiimeyn ay ayagana dagaal ku dhacsan doonaan xuquuqdooda.

Sidoo kale dadka Deegaanka, ayuu sheegay inay dhibaato ku qabaan Ciidamada Militariga ee Dowladda, xilli ay dadku doonayaan inay booqdaan qoysaskooda, iyadoo uu sheegay in la soo adeegsado askarta Dowladda.

Dhageyso codka Afhayeenka

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

DHAGEYSO: AXMED Madoobe oo la hadlaya Col. Barre Hiiraale

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka KMG ah ee Jubba, oo dhowaan heshiis la galay dowladda federaalka ah ee Somalia, ayaa maanta shaaca ka qaaday inay wada-hadal la geli doonaan Col. Barre Aadan Shire Hiiraale, oo sheegta madaxweynaha Jubaland.

Xildhibaan horey uga tirsanaa baarlamanka Somalia, imikana ka mid ah saraakiisha maamulka Jubba, ayaa shaaca ka qaaday in dadaallada nabadeed aysan ku ekaan doonin hehsiiska dhex maray Jubba iyo DF oo kaliya.

Waxa uu caddeeyey in maamulka Jubba oo uu ugu horeeyo hogaamiye Axmed Madoobe ay isku dayi doonaan inay heshiis la gaaraan dhammaan dhinacyada kaoso horjeeda maamulkaasi oo uu ku jiro Barre Hiiraale oo jooga duleedka Kismaayo.

Col. Hiiraale ayaa in mudda ahba ku hanjabayey inuu weerar dib ugu qaadi doono Kismaayo, islamarkaana ka qabsan doono kooxda Axmed Madoobe.

Si kastaba Hilowle oo wareysi siiyay warbaahinta Kismaayo24 ayaa sheegay inay sameyn doonaan wax kasta oo ay kaga hortagi karaan dagaal dib uga dhaca magaalada Kismaayo.

Halka ka dhagyeso hadalladiisa

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

5 qalad oo ay DF SOMALIA ku gashay wada-hadalladii Addis-Ababa (Aqri)

Sida aan Lawada Socono Dowlada Soomaaliya & Maamulka uu Hogaaminaayo Axmed Madoobe Waxaa Madal & gogol loo dhigay Magaalada Adis – Ababa taas oo ugu danbayntii Heshiis ay labada dhinac ku kala Saxiixdeen , Hadaba Markaad si Qota dheer u eegtid Qodobada Heshiiska Wuxuu Noqonayaa Mid Ka Tarjumaayo Daciifnimada Dowlada Federaalka Soomaaliya oo Si dadban Axmed Madoobe ugu Gacan galisay Deegaanada Jubboyinka oo Qilaaf Xoogan u Kataagnaa dhiig badana kudaatay , Aragtidayda Magacii Jubbaland oo la badalay Micno Ma lahan Mana Keenaayo Isbadal Kusalaysan Higsasho Siyaasad Cusub & Himilo Xanbarsan Soo Afjarida Wadiiqadii Dagaal & Ismaandhaafkii dhaliyay Daadashada dhiig badan Sababayna Qalalaaso Ku Salaysan Hayb Sooc beeleed .

Cidna Kama Qarsoona Wixii Ka dhacay Kismaanyo & dhibaatadii ugu danbaysay ee Galaaftay Nolosha Boqolaal qof oo Soomaali ah, hadaanse inyar dib u Milicsado Jaangoyntii Siyaasadii Sababtay Dagaaladii Kismaanyo Waxaa Qayb libaax leh Ka Qaatay Dowlada Soomaaliya oo hifanaysay Hanashada Dakada & Airport- ka Kismaanyo & Jabhada Raaskanbooni oo Fulinayso Dano daahsoon & Damaaci Muuqdo oo Kenya ay ka lahayd Deegaanka Hodanka ah ee Jubbaland Waxaase Musiibadaas Ku Waxyeeloobay Dadkii Asalka & Jirida u ahaa Deegaanada Jubbooyinka Kuwaas oo Taangiyada & Maraakiibta dagaal ee Kenya Lagu baacsaday laguna Xasuuqay , Waxaana Xaqiiq ah Beelo Badan oo Asal u ahaa Fidinta Nidaamka Siyaasada Dowlada madaxweyne Xasan Sheekh in Lagu Bahdilay Shirkii Adis – Ababa Balse inta aanan Gorfayn oo aanan Cadayn dhaliisha uu leeyahay Heshiiskii Adis – Ababa & Qaladaadka ay Dowlada ay gaysatay intuu Socday Shirka Adis-Ababa , aan dib u Milicsado Daraasad kooban oo La Xiriirto Dagaaladii Kadhacay Kismaaynyo & ujeedadii ay ku Qotameen.

Tiro laba Jeer Dagalo Xoogan ayaa Ka dhacay Magaalada Kismaanyo Dagaaladaasi oo Lahaa ujeedooyin Siyaasadeed & Ismuujin Beeleed ayaa Waxaa Si weyn ugu Lug Lahaa Dowlada Soomaaliya , Maamulka C/raxmaan Faroole , Dowlada Kenya oo dano aan daahsooneen ka Leh Gobolka & beelaha Deegaanka oo intooda badan Waday Xifaaltan & ismuujin Ku Salaysan Deegaanka & Waliba Muruqa ay Beel kasto Kuleedahay Deegaanka .

Soomaali badan oo aan aniga Ka Mid ahay arrinta Jubooyinka Waxaan u Arkaynay , Hadaf Ku Salaysan Hirgalinta Aragtida Dowlada Soomaaliya & Fidinta Maamulkeeda oo ay Wadeen Beelaha Sade Daarood , Gaaljecel , Cowr-Male , Shiiqaal & Kuwa Kale oo ay isku Xulufa ahaayeen Waxayna Marwalbo Talada Deegaanka Ka dhigaayeen Mid u Taal Umada Soomaaliyeed & Dowlada Dhexe ee Soomaaliya Waxaana dhanka Kale Ka Soo Horjeeday Beesha Absame oo Taageero Militiri & Mid dhaqaalo ka helayso Dowlada Kenya & Maamulka Puntland ee uu Hogaamiyo C/raxmaan Faroole Kuwaasi oo Lahaa Dano ka dhan ah Jiritaaanka Dowlada Xasan Sheekh Haba kala Duwanaadaan Danahaase , Waxaan ayaduna Meesha Siyaasad Muuqato Kulahaa Dowlada Soomaaliya oo Raadinayso in Siyaasadeeda & Hanaanka Maamulkeeda Ka Tilaabsado Magaalada Muqdisho , Waana Hubaal Rabitaankii Dowlada Soomaaliya inay u Nafwaayeen Dad badan Sidoo Kalana Taageerida Dowlada Soomaaliya Waxaa lagu Colaadiyay laguna Barakiciyay SHacab Taag daran oo eersaday Siyaasada Dowlada oo ay u dhaga Raaricyeen Maxaase dhacay.

Dowlada Soomaaliya ayaa Magaalada Adis – Ababa Mudo Kula Gorgortamaayay Axmed Madoobo oo Ku Shaqaynaayo danaha C/Raxmaan Faroole & Raga Ku Kacsan Dowlada ee Jalaafooyinka Ka dhanka ah Wado oo ay ugu Horeeyaan C/Wali Gaas , Cali Khaliif Galayr & Geedi oo Mansab doon ah dantoodana ka dhex arkay inay Jilbaha dhulka ugu dhuftaan Dowlada Madaxweyne Xasan Sheekh , Maba Xumee Dowlada Waxay Ogolaatay in ergada Jubbaland uu Hogaamiyo Cumar C/rashiid oo deegaan ahaan Ka Soo jeedo Maamulka Puntland kaas oo La aaminsanyahay inuu Si toos ah u Matalaayo C/faroole , ayada oo aanba Madasha Lagu Soo hadal qaadin Umada Soomaaliyeed ee dagto Jubbaland kuwaas oo u dhintay u dhaawacmay loona Barakicayay Taageeradii ay u Muujiyee Dowlada Soomaaliya Taas oo ah Godob & eex laga galay Bulshada Jubooyinka Mana Muuqato Saamaxaad ay Fidisay Bulsha weynta Reer Jubbalan Sidoo kalana wali Lama hayo Raali garayn & Qancin Ka timaado dhanka Dowlada si ugu Yaraan Loo dhiso Mooralka & Niyada dadkii Aragtida Dowlada Xamar joogto kuwaayay Naftooda hantidoodana Lagu banaystay .

Qaladaadka Dowlada Ay Gashay Shirkii Adis – Ababa.

Wadarta Qodobadii Lagu Heshiiyay waxay ahaayeen dhowr & labaatan Qodob Kumana Jiro Hal Qodob oo Xal u ah Arimaha Qalafsan ee Beelaha & Bulshada Jubooyinka inta badana waa kuwo u faa’iidaynaayo Axmed Madoobe oo aanan Wadan Xulufo Deegaan oo ka Baxsan in Yar oo Hayb ahaan ku Raacday Kuna Taageertay Waxaana Lagu Xaqiray Umad Farabadan oo Isku Bahaystay dan Qaran & Mid deegaan hadaanse Muujiyo inta aan Ka gaaro Xusuusta Maskaxdana ay ii ogolaato Xusidooda Waaa Kuwaan hoos Ku Tixan :

1. Dowlada Soomaaliya Waxay gashay Qalad La Xiriiro Nidaamka Wada Xaajoodka Waayo Beelihii wada Dagay Jubbaland waxay Kala Kulantay Axmed Madoobe oo Beeshiisa Mooyee Cid kale Taageero Ka haysan .

2. Dowlada waxay Qalad Kugashay inay u Ogolaatay Cumar C.rashiid inuu Qayb ka ahaado Wada Xaajoodka Halka dadkii Deegaanka u dhashay dhibaatada ugu darana ay Kala dhexaysay Axmed Madoobe aanba Magacooda La Xusin oo ay Noqdeen suul Fara Kama tirsano .

3. Dowlada waxay Markale Ogolaatay Arinkii Gacan Ka hadalka Sababay dhiiga Badadana Ku daatay oo ahayd Ismagacaabidii Axmed madoobe .

4. Dowlada waxay Qalad ku gashay Heshiiskii La Saxiixay Marnaba laguma Xusin Mudnaanta ay leeyihiin & Masiirka Danbe ee Ciidamadii Mabda’a Dowlada Ku dagaalamaayay Duurkana ilaa hada Ugu jiro .

5. Dowlada Waxay Qalad ku gashay in Shirka Xamar Ka dhacaayo ay Axmed Madoobe uu Oga Qayb Galo Maqaam Hogaamiye taas oo Shaki Galisay in Ergada Ka Qaybgalaysana uu Asaga Soo Xulanaayo , taas oo arinta Ka Dhigayso Cunaqabatayn Ka Daran Madficii Kenya kulaysay dad badan oo Ka Soo Horjeeday Axmed Madoobe Kana Dhigayso Shacabka Jubbaland nin Hal Guran Qaraacay dhana uma Fiyooba .

Gabagabadii Waxaan Qoraalkayga Ku Soo Afmeeraya inaan Xusuusiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Arin uu Hilmaamay kaas oo asagana dhabar Jab ku ah Bulshada Reer Jubbaland aydin & een aan harin ku ah Waxaana Xusuusinayaa Madaxweynaha in Reer Jubbaland aysan Mudnayn inuu Meel Cidla ah dhigo Waayo Waa dadkii aragtida dowlada Xambaarsana ahaana in Laga Talagaliyo , Fikir Buuxana Kama haysto Sababta Dowlada Soomaaliya u doorbiday inay Gorgortan Siyaasadeed la gasho Axmed Madoobe Mana garan Karo in Madaxweyne Xasan uu dan biday inuu Wadiiqadaan Ku Yareeyo Cadaadiska Siyaasadeed ee haysto asagoo ka iishay iskana Indha tiraayo dhibanayaashii Dartiis u waxyeeloobay , hadaysa Jirto Fikirkaan Waxaa Xaqiiq ah in laga eexday Bulshada Jubbaland oo hadii ay Taageeri lahaayeen Aragtidii Kismaayo Lagu waday ayba Suuragal ahaan Lahayd in dhidibada Loosiibo Dowlada Xasan Sheekh .

W/Q Maxamed Xasan Haliil

Cellphone : +27735918316

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online.

 

James McAnulty oo noqday qofkii ugu horeeyey ee runta u sheega Faroole

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa halkaasi kulamo kula leh safiirada beesha caalamka ee fadhiya magaaladaaas, oo uu ugu tagayo xarumahooda.

Shalay waxa uu Faroole la kulmay wakiilka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Somalia James P. McAnulty oo uu kala hadlay arrimaha Somalia islamarkaana uu u gudbiyey dacwo ka dhan ah ah dowladda federaalka Somalia.

Faroole ayaa u sheegay James P. McAnulty in dowladda Somalia ay beddeshay dastuurkii sida uu sheegay ay ku heshiisheen Soomaalida, sida adarteedna uu doonayo in wax laga qabto.

McAnulty ayaa Faroole u sheegay in Mareykanka uusan caddeyn karin in Dowladda Somalia ay beddeshay dastuurka.

Waxa kale oo uu Faroole u sheegay inay haddiiba sida uu wax u sheegay ay u jiraan in xildhibaano iyo wasiiro kasoo jeeda Puntland ay ku jiraan dowladda Somalia, sidaa darteedna, haddii ay jiraan qaladaad ay tahay in ayaga ay ka hadlaan.

“Sababta ay Puntland xildhibaano iyo wasiiro ugu leedahay Dowladda waa inay matalayaan dadkooda, sidaa darteedna haddii ay jiraan qaladaad deegaankooda laga galay ayagaa wakiil ka ah, ayagana wax cabasho ah kama soo yeerin”.

Wakiilka Mareykanka ayaa dhinaca kale u sheegay Faroole, in Mareykanka uu taageersan yahay heshiiskii ay dowladda la gashay maamulka KMG ah ee Jubba, ayana u riyaaqsan yihiin dadaallada ay waddoo dowladda.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Faroole “Puntland waxa ay wadaa sidii ay uga maarmi lahayd DF Somalia”

Nairobi (Caasimada Online) Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi-Raxmaan Maxamed Faroole, oo Wareysi dheer siiyay Wakaalada Wararka Reuters ayaa ka ha hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay in maamulkiisa uu hakiyay xiriirka uu la lahaa dowladda dhexe ee Soomaaliya in ay wadaan qorshe ay ismaamul ka go’ay Soomaaliya u sameesan lahaayeen.

Faroole muxuu ka sheegay in ay hakiyaan xiriirka DF Somalia iyo Puntland?

Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in sababta ka dambeesa in ay joojiyaan xiriirka kala dhexeeyay iyaga iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya uu yahay markii dowladda ay ka gaabisay hirgalinta nidaamka fedaraalka, kaasoo la rabay in ay billowdo muddada sannadka ah ee u dhammaaday hadda.

Wuxuu sheegay in maamulkiisa uu wado qorshe uu ku xoojinaayo siddii ay uga go’i lahaayeen dowladda Soomaaliya oo ay u sameesan lahaayeen maamul iyaga u gaar ah.

Faroole ayaa sheegay in Puntland ay ka faa’ideesan doonto Kheyraadka dhinaca shidaalka ee ku jirra deegannada ay maamulaan, kuwaasoo uu sheegay in hadda la billaabay siddii loo baari lahaa.

Faroole Muxu ugu yeeray dowladda dhexe?

Madaxweyne Faroole ayaa Wareysiga uu siiyay wakaalada wararka Reuters wuxuu ku sheegay in dowladda dhexe ay la mid noqotay dowladii Maxamed Siyaad Barre ee Millitariga ahayd, taasoo awoodeeda inta badan laga maamuli jiray caasimada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in marnaba arrintaas aysan dooneynin isla markaana sheekadaas ay maanta soconeynin, wuxuu ku hanjabay in dhammaan heshiisyadii ay la lahaayeen dowladda dhexe in la joojiyay.

Faroole ayaa sheegay in dowladda aysan hadda diyaar u ahayn hirgalinta nidaamka fedaraalka maadama halka ay jirto ayuu yiri dowlad fedaraal ah.

Shidaal baaris ayaan billownay

Madaxweynaha Puntland ayaa shaaciyay in maamulkiisa uu hadda billaabay in uu qandaraas uu madax bannaaan yahay la galo shirkado laga lee yahay waddamada Canada iyo Australia, kuwaasoo uu sheegay in shidaal baaris ay ka wadaan  deegannada uu maamulka Puntland uu ka arrimiyo.

Si kastaba, dadka siyaasadaha rogroga waxa ay lee yihiin hadalka Faroole waa mid uu dadka reer Puntland uga jeedinaayo qorshihiisa ku saaban doorashada maamulkaas oo lagu wado in ay dhacdo bisha January  sannadka na soo aadan 2014-ka.

Faroole ayaa dhawaan muddo sannad ah iskiis ugu korarsaday xafiiska markii ay u dhammaatay xilliga loogu talagalay in uu sii hayo maamulkiisa, waxaana arrintaas si weyn u cambaareyay siyaasiyiinta iyo wax-garadka reer Puntland.

Faroole waa nin caan ku ah in uu jahwareer galiyo dowladdaha Soomaaliya soo maray, wuxuuna arrintaas u sameeyaa markii uu ka waayo danihiisa sidaas waxaa leh dadka ku xeel dheer arrimaha siyaasadda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

 

Dhageyso: Muxuu Tarsan ku tilmaamay Dhibaatada ugu weyn ee Somalia?

Muqdisho (Caasimada online) Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, Gudoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa dhibaatada uguweyn ee xilligan Soomaalliya heysata inay tahay Waxbarasho la’aan.

Wuxuu sheegay in dhalinta Soomaaliyeed aaney Nasiib u yeelan 20-kii sano ee ugu dambeysay iyna ku koreen nabad la’aan taasina ay keentay in la fahmi waayo waxa ay noloshu tahay sida uu tilmaamay.

Tarsan, wuxuu sheegay in loo baahan yahayin la xoojiyo sare u qaadista waxbarashada Soomaaliya , waxaana dhalinta Soomaaliyeed uu ugu baaqay inay xoogga Saaraan horumarinta dhanka waxbarasha.

Si loo helo arday tayo leh oo saameyn ku yeeshaa Bulshada ayuu sheegay in Jaamacadaha Soomaaliya laga doonayo inay xoogga Saaraan tayeenta ardaydooda , isagoo sheegay in hadii la helo arday aqoon leh ay taasi fududeyneyso in Soomaaliya Mustaqbalka dhaw ay hiigsato horumar.

Halkaan hoose ka dhageyso codka gumoomiye tarsan

Halkan ka dhageyso Gudoomiye Tarsan

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Diyaaraddii ugu weyneyd oo 20 sano kadib kasoo degtay Muqdisho

Diyaaradii ugu Weyneyd oo Xamuul Sida ayaa mudo 20 Sano ka dib Maanta ka Soo Degatay Garoonka Magaalada Muqdisho.

Diyaaradan oo nuuceedu ahaa Boeing 747 ayaa waxa y kireeysneeyd shirkad laga leeyahay dalka turkiga taasoo dhawaan la rajeeynayo inay si buuxdo ula wareegto gacan ku heynta iyo maareeynta howlaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada muqdisho.

Diyaaradan ayaa waxaa saarnaa tan dhan 70 mitirig tan oo ah qalabkii ay ku shaqeyn lahayd shirkada la wareegeeyso howlaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Mareeyaha hay’adda duulista iyo saadaasha hawada Inj Cali Maxamuud Ibraahim oo soo cagadhigashada diyaarada ee garoonka ka dib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ku soo dagista diyaaradan xamuulka ah ee garoonka ay ahmiyad gaar ah ugu fadhiso dowlada soomaaliyaa,maadaama ay tahay markii u horeeysay mudo 20 sano ka badan oo diyaarad xamuul ah oo nuucaan oo kale ah ay ku soo degato garoonka magaalada muqdisho.

Inj Cali Maxamuud  Ibraahim ayaa sheegay in ay walwal ka qabeen sida ay diyaaradan ku soo cagadhigan karto garoonka Aadan cadde,isagoo sheegay in si looga gaashaanto qatarro lagala kulmi karay Runweyga garoonka ay sameeyeen dadaalo iyo khibrado looga hor tagi karo hadii uu qaladaad dhaco.

Inj Cali Maxamuud ayaa intaasi ku daray In mudo aan dayactir lagu sameeyn laamiga ay ka haadaan ama ku soo degtaan diyaaradaha,iyadoo  marka la eego culeyska soo degashada iyo kicitaanka diyaaradana uu yahay mid aad u balaaran.

Inj Cali ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in dayactir garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde looga sameeyo dhinacyo badan oo ay ka mid tahay baaxada Parkingka diyaaradaha,isagoo xusay in garoonka uu maalin kasta sameeyo duulimaadyo u dhaxeeya 50 ilaa 70 duulimaad.

diy 1diy 2diy 3diy 4diy 5diy 6

 

Isha: Radio Muqdisho

Kufsiga Somalia iyo warbixin cusub

Nairobi (Caasimada Online) Hey’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International, ayaa warbixin ay soo saartay Jimcaha maanta ah, waxaa lagu sheegay in xeryaha ay deggan yihiin dadka soo barakacay ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho ay wajahaan tacadiyo dhinaca galmada ah iyo dhiibaateen loo geesto.

Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in dumarka ku nool xeryaha kumeel gaarka ay cabsi soo wajahday maadama ay weli taagan yihiin xadgudubyada  ka dhanka ah dumarka.

Haweeney u qaabilsan hey’adda dhinaca la talinta dhinaca dhibaateenta  dumarka ayaa sheegtay in warbixinno iyo xog uruurin ay ka soo sameesay magaalada Muqdisho, ay muujinayaan tacadiyada dhinaca galmada ee ka jirra magaalada Muqdisho in uu baahay.

Amnesty International, waxa ay wareesatay gabar 13-jir ah, taasoo la sheegay in dhawaan la kufsaday, waxa ay hey’adda u sheegtay in dhaawac uu ka soo gaaray falkaas, waxana ay sheegtay in ay u geesteen rag ku labisan dharka ciidamada dowladda.

Hey’adda ayaa sheegtay in ay yertahay jawaabaha laga bixiyo tacadiyda dhinaca galmada ee loo geesto dumarka ku nool goobaha lagu soo barakacay, waanta tan sababtay in dumarka loo geesto falalkaas aysan ku wargalin booliska.

Hey’adda ayaa sidoo kale daboolka ka qaaday in amni darida ka jirta dalka iyo iyagoo aan heesan ciidamo waardiyeeya in dumarkaas lagu kufsado goobaha ay ku nool yihiin.

Amnesty International ayaa sheegtay in gabar 14-jir oo lagu kufsaday xerada ay ku noo shahay, uu hadda soo wajahay dhibaato badan, waayo gabadhan horrey ayey u qabtay xanuunka qalalka sida lagu sheegay warbixinta hey’adda.

Hey’adda ayaa sidoo kale sheegtay in 7% falalka kufsiga ee ka dhaca goobaha xeryaha kumeel gaarka ee magaalada Muqdisho in ay geestaan rag la bisan dharka ciidamada.

Sannadkii la soo dhaafay 2012-ka waxaa Soomaaliya ka dhacay tacadiyada dhinaca galmada , waxaa lagu sheegay falalkaas in ay ku dhaw yihiin 18,000 oo ah kiisas kufsi ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

 

 

Shir Kismaayo ka dhacay maanta iyo awood qeybsiga Jubba oo billowday

Kismaayo (Caasimada Online) Magaalada Kismaayo waxaa maanta ka dhacay shir looga hadlaayo mustaqbalka Jubbooyinka iyo shirkii Addis Ababa ay ku yeesheen dowladda Soomaaliya iyo maamulka Axmed Madoobe.

Shirkan oo ka dhacay xarunta Jaamacadda, oo ah halkii lagu doortay Axmed Madoobe waxaa looga hadlay sida laga yeelayo soo xulida labada golle ee fullinta iyo sharciyeenta, ee loo sameenaayo maamulka Jubba.

Shirkan waxaa ka hadlay mas’uuliyiin uu ka mid yahay Xildhibaan Cabdirashiid Xidig, kaasoo sheegay in uu soo dhaweenaayo heshiiska ka dhacay Addis Ababa.

Kulanka waxaa joogay ku dhawaad 400 oo qof,waxaana muddo bil ah loogu daray Axmed Madoobe in uu soo dhammeestiro maamulka kumeel gaarka ee Jubba.

Waxaa dadkii ka hadlay ka mid ahaa madasha, ku simaha Axmed Madoobe, Macalin Maxamed oo ahaa guddoomiyihiin shirka Jaamacadda.

Shirka waxaa lagu soo bandhigay sida loo qaybsan karo maamulka Jubbaland, laga qaybgalin karo dadka sheeganaya madaxweynanimada.

Si kastaba, saakay ilaa galabta waxaa magaalada Kismaayo ka socday isku soo bax lagu soo dhaweenaayo shirka Addis Ababa, dadka ayaa watay boorar ay ku sawiran yihiin madaxweynaha Soomaaliya iyo Axmed Madoobe.

 Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

 [email protected]

Xaqiiqda Amiin Caamir: Maxaa kaaga baxay labadan sawir gacmeed?

Washington DC (Caasimada Online) – Amiin Caamir marar badan waxa uu daabacay sawirro gacmeedyo dad badan ka qosliyey. Sawiradaas qaarkood waa ammaan, qaarna waa aflgaado iyo weerar shaqsiyeed.

Waxaa dhacda in mararka qaar waqti kooban gudihiis uu Amiin Caamir hal qof uu ka sameeyo laba sawir gacmeed, oo midna yahay ammaan midna yahay aflgaado iyo weerar.

Dad badan ayaa aamisan in hadba ay ku xiran tahay sida aad ula macaamisho Amiin. Tusaale hadaad lacag siiso wuu ku amaanayaa, hadaad u diidana waa weerar iyo aflgaado, ama si fudud u dheh: Shufto Internet.

Labadan sawir ee hoos ka muuqda, wuxuu Aamin sameeyey laba bil gudahood, isku eeg kadibna ka dhiibo fikirkaaga waxa kaaga baxay:-

amin 1amin 2

Caasimada Online
Xafiiska Washington DC
[email protected]

Daawo Video: Weli ma aragtay dhacdo Nuucaan oo kale ah

Caasimada Online:   Haweeney u dhalatay dalka China ayaa damacday iney nafteeda haligto, kadib markii ay isu diyaarisay iney daaqada dabaqa 17-aad ee dhismaha ay daganeyd iska Tuurto, hase ahaatee si cajiib ah oo farsameysan loo badbaadiyay.China-Women

Dhacdadan oo ka dhacday dhismaha la yiraahdo Tongren ee Koonfurta dalka China oo ka tirsan Gobolka Guizhou.

Haweeneydan ayaa fuushay Daaqada dabaqa 17/aad, kadibna waxay ku istaagtay marwaxada Aircondition-ka iyadoo ilbiriqsi gudahood boodi rabto ayaa si xirfadeysan loo badbaadinayaa.

HALKAAN KA DAAWO:

Dhageyso: Shir ka dhan ah heshiiskii DF Somalia iyo Jubba oo ka dhacaya…

Beydhabo (Caasimada online) Waxaa maanta  galinka dambo lagu wadaa inuu Shir ballaaran oo ka dhan ah heshiiskii Maamulka Jubba iyo dowlada Soomaaliya ay shalay ku gaareen Magaalada Adis-Ababa , ka dhoco Magaalada Beydhabo ee xarunta Gobbolka Baay

Sida qorshuhu uu yahay kulankaas waxaa diiradda lagu saari doonaa ka doodistay Qodobadii kasoo baxay shirkii Adis-Ababa kusoo idlaaday, kaas oo ay dhinacyada kulanka maanta Beydhabo ku yeelanaya ay aad uga soo horjeedaa.

Kulanka waxaa kasoo qeyb galaya waxgaradka , odayaasha iyo guud ahaan bulshada kasoo jeeda magaalada Beydhabo ee xarunta Gobolka Baay, waxaana laga sugayaa sidii ay go’aan isku mid ah ay uga qadan lahaayeen Heshiiska Maamulka Jubba iyo dowladda Soomaaliya.

Afhayeenka Maamulka gobolka Baay, ahna Xoghayaha maamulkaas , Maxamed Isxaaq Ibraahim ayaa si cad u sheegay in beelaha ku Abtirsada Digil iyo Milifle ay sicad uga biyo diidan yihiin qodobadii kasoo baxay Shirkii Adis-Ababa ee Maamulka JUBBA iyo dowlada Soomaaliya.

Sidoo kale Malaaq Shiino oo kamid ah waxgaradka kasoo jeeda Gobolka Baay ayaa warbaahinya u sheegay inay siweyn uga soo horjeedaan heshiiska Axmed Madoobe iyo dowlada Soomaaliya iyo in hogaanka gobolada Jubbooyinka iyo Gedo loo gacan galiyo Maamulka uu hogaan u yahay Axmed Madoobe.

Wuxuu sheegay in qodobadii kasoo baxay shirkii Adis-ababa inay yihiin kuwo aysan ku qanaxsaneyn isla markaana ay kasoo horjeedaan , isagoo sheegay in aan la tashi dadweyne arintaas lagu sameyn sida uu sheegay.

Dowlada Soomaaliya ayaa heshiis buuxa waxay la gashay maamulka KMG ah ee Axmed Madoobe, kaas oo hogaan u ah gobolada Jubbooyinka iyo Gedo , inakstoo ay soo baxayaan dhaliilo arintaas laga Muujinayo.

Halkaan ka dhageyso Malaaq Shiino

Caasimada online

Xafiiska Beydhabo

[email protected]

Sawirro: Ra’isul wasaare Saacid oo Booqday Xarunta Bankiga Dhexe

Muqdisho (Caasimada online) Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), Ra’iisalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya  ayaa maanta Kormeer ku tagay Bankiga dhexe ee Soomaaliya , iyadoona halkaasi maanta laga bilabay Mushar Bixin  Shaqaalaha dowlada Soomaaliya .

Maxamuud Xasan Suleymaan, Wasiirka Wasaarada Maaliyada Xukuumadda Somaaliya oo gudaha Bank-iga qudbad ka jeediayay ayaa sheegay inay Bilaabeen Bixinta  mushaarka Shaqaalaha Rayidka dowlada ,  taasi oo ay ka caawineyso Dawlada Norway.

Wuxuu sheegay inay aad ugu farsaxsan yihiin in qeybtii ugu horeysay  ay lacago ku qaateen barnaamijka la yiraahdo (Special Financy Facilaties) kaas oo shaqaaalaha ka caawin doona inay helaan Musharaadkooda Bil waliba.

Wasiirka Wuxuu sheegay inay bilaabeen Waji Cusub oo ku aadan Bixinta Musharaadka shaqaalaha dowlada iyo sidoo kale hey’adaha kala duwan ee dowlada Soomaaliya kaas oo wax badan ka badali doona qaabkii mar kii hore ay aheyd.

Ra’iisalwasaaraha Somaliya Cabdi Faarax Shirdoon isna dhaniisa  sheegay inay rajeynayaan bilowga barnaamijkaan inuu noqdo mid sil silad ah oo dib iskugu xiranta hormar uhorseeda Dawlada Soomaaliya si gaar ahna ugu mahad celiyee Dawlada Norway oo Wasaarada Maaliyada kala qeyb qaadaneysa bixinta Mushaarka Shaqaalaha Dawlada.

Xukuumadda Soomaaliya aya dadaal dheeri ah ugu jirta horimarinta shaqaalaha dowlada Soomaaliya , iyadoo la kashaneysa Dowladaha caalamka , gaar ahan dalalka deeqa bixiya , inkastoo ay jiraan dhaliilo oo jeedinayo .

HADALKA RA’IISUL WASAARAHA

Halkaan ka dhageysio Mushaar Qeybinta dowlada.

bank 1bank 2bank 3bank 4bank 5

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

7 faa’iido oo Dowladda Somalia ugu jirta heshiiska ay la gashay Jubba

Waaxaan cidna ka qorsooneyn in heshiisku yahay kheyr sida quraankuba noo sheegay قال تعالي والصلح خير
Hadaba waa maxay faa,iidada ugu jirta dowlada iyo shacabka soomaaliyeed intaba heshiiskaan?

Waxaa lagusoo kobi karaa faa,iidada heshiiskaan ilaa 7-qodob oo waaweyn sida :-

1-Waxaa ka faa,iidaaya 2-da dhinac ee heshiiyay dowladu wexey heshay deegaan weyn oo muhiim ah oo kusoo biiray dhulka ey ka taliso oo awooda dowladu maamul ahaan iyo meletari ahaanba ey ku faafeyso halka Sh Axmad Madoobana uu isna helay aqoonsiga dowladda Soomaaliya iyo maamulkii oo asaga gacantiisa ku jira ilaa 2-sano si sharciya hadow si saxa u shaqeeyo oo qaranimo iyo dadkasbasha ahna la hubo in dib loo dooran doono mustaqbalka.

2-In heshiiskaasu ow ilaalinaayo sharafta iyo madaxbanaanida Soomaaliya ee ey xaq u leedahay in dowladda Soomaaliya ey dalkeeda iyo dadkeeda ey toos ula heshiiso faragelinta shisheeyana meesha ka baxdo taasoo ah guul weyn oo siyaasadeed oo ey 2-da dhinac ey taaba geliyeen shacabka soomaaliyeedna laga rabo iney ugu hanbalyeeyaan.

3- Heshiiskaanu woxow albaabada u furaayaa in gobolada kale ee weli aan dadkoodu ka tashan dhismaha deegaanadooda iney wax badan ka faa,iideestaan arimaha maamul u sameynta JUBOOYINKA siiba maamul goboleedyada hadda laga diyaarinaayo gobolada dhexe ee 3-da ah sida mudug,gal guduud,iyo hiiraan. sidoo kale gobolada EX BANAADIR iyo gobolada BAY iyo BAKOOL haddaba haddii bartamaha iyo kofurta somaliya ey ka dhismaan 4-taas maamul goboleed oo hadda la yagleeyay kan jubooyinka kuwakale ee 3-da ahna faraha lagu haayao ayaa iyaduna ah tusaale wanaagsan oo maamulkaanu uu sinaayo gobolada kale.

4-Waxaa heshiiskaanu meesha ka saaraayaa shakigii laga qabay dowladda dhexe iney ogoshahay in dadku ey dhistaan maamul goboleedyo iyagu ey soo doorteen taasoo maalmahaan dadbadan oo siyaasiyiin ahu ey dowlada ku eedeynaayeen hasa yeeshee ey hadda cadaatay in tuhunkaasu meesha ka baxay dowladda Soomaaliyana ey ogoshahay in dadku madaxdooda deegaanada ey iyagu doortaan laakin ey arintaasu ahaato mid waafaqsan sharciga iyo distuurka.

5-Heshiiskaanu woxow jaanis weyn siinaayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee maleeshiyaadka ah oo helaaya iney ka guuraan maleeshiyaad qabiil una guuraan ciidama qaran taasoo wax badan ka tereysa xagga nabadgelyada wadanka iyo in laga maarmo ku tiirsaanaanshaha ciidamada shisheeye iyo soo afjarida dagaalada iyo isubowda qaawinta qabaa,ilka dagaaladu ragaadiyeen taas bedelkeedana dalka loo dhiso ciidan qaran oo taya leh.

6- Waxaa laga faa,iidaayaa heshiiskaan in dadka Soomaaliyeed ee dagaaladii iyo dulmigii wadankaan ka taagnaay muddo 50 sano ka badan in laga daawoobo oo dib loogu heshiiyo wada maamulidda deegaanada leesla dego oo qabaa,ilku ey si xaq ah wax u qeybsadaan dadki sedbursiga raabayna isha la wada saaro looguna duceeyo in ilaahey iimaanka geliyo, si loo bilaabo dibu dhiska dalka iyo horumarintiisa.

7-Waxaa meesha ka baxay dowlad goboleedyo gacan ku rimis ah oo loogu talagalay in dowlada dhexe lagu wiiqo laguana arbusho sida ninki shirbay yiri (DAR ALLA LOOMA DUUBINE DAASHAA LAGU DUMIRABAA). iyadoo marmarsiimo looga dhiganaayo waa in dadka loo ogolaadaa iney iyagu dowlado qabyaalad ku dhisan oo aan dowlada dhexe shaqo ku leheyn iyo xeeraraka adalka loo dhisay taasoo ah khatar weyn oo dowladnimada iyo qaranimadaba wiiqeysa taasna hadda meesha waaba ka baxday oo waxaa la helay qaab y dadkuna maamuladooda ku dhisan karaan dowladdoodana u hoos imaankaraan.

Haddaba walaalayaal iyadoo maanta loo baahanyahay in dalka si dhaqsa ah loo yagleelo dowladnimadiisa iyo amaankiisa waa in dowladda dhexe iyo maamulkaasba loo hanbalyeeyo leeskana ilaaliyo dantaas weyn ee qaran in laga dhex akhriyo dano yar ayr ee qabiil amaba qofeed tan qarankana indhaha laga qabsado taasoo ah mid u khidmeyneysa cadawga umada iyo kuwa argagixiska ku qaraabta.

waxaan ilaahey ka baryeynaa in ilaahey xaalkeena noo hagaajiyo aamiin.

walaakiin Sheekh Cali Wajiis
[email protected] 

W/Q: Hussein Qurac

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online