27.8 C
Mogadishu
Wednesday, May 6, 2026

XOG: Gen. Fartaag oo doonaya laba xil midkooda iyo Madoobe oo u deyriyey

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe, ayaa heshiiskii uu la galay dowladda Somalia kaga tanaasulay waxyaabo badan oo ay ka mid ahaayeen:- Madaxweynenimo, Jubbaland iyo ku xigeenkiisa Gen. Cabdullahi Sheikh Ismaaciil Fartaag.

Heshiiska ayaa dhigaya in hogaamiyaha Jubba uu yeelan doono saddex ku xigeen. Saddexdaas ku xigeen ayaa kala ah saddexda guddoomiye ee gobol ee gobollada maammulka uu ka kooban yahay ee Jubbasa Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.

Sidaa darteed maadaama uusan jirin madaxweyne, waxaa isna meesha ka baxay madaxweyne ku xigeenkii oo ahaa Fartaag.

Si kastaba Fartaag ayaa iminka qal qaalo xooggan ugu jira inuu helo guddoomiyaha gobolka Jubbada Hoose ama Jubbada Dhexe, maadaama gobolka Gedo uu boos kaga banaaneyn.

Heshiiska waxaa ku xusan in maamulka gobolka Gedo oo uu horey u magacaabay ra’iisul wasaare Saacid uu sidiisa ahaan doono, sidaa darteedna waxaa la magacaabi doonaa guddoomiyaha gobolka Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

Waxaa muuqata in Fartaag ay caqabad ku hor gudboon tahay, maadaama ninka ah guddoomiyaha gbolka Gedo ay isku beel yihiin, islamarkaana ay jiraan beelo badan oo deggan labada Jubba oo iyagana xilal doonaya.

Magacaabista labada guddoomiye ee gobol, ayaa sidoo kale lagala tashan doonaa dowladda federaalka ah sida ku dhiggan heshiiska, taasi oo ah caqabad labaad oo heysata Fartaag.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sidoo kale sheegeysa in Axmed Madoobe uu mar horeba si dadban ugu deyriyey saaxiibkiisa, una sheegay in labada xil ay hor fadhiyaan beelo tiro badan.

Waxaa muuqa in Fartaag uu meel cidlo ah kusoo dhicay, waa tii horey loo yiri Siyaasaddu ma lahan saaxiib joogto ah ee waxay leeddahay dan jooto ah.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
Caasimada@livecom

Xog: Dhageyso: Faroole oo lagu xiray garoonka diyaaradaha ADDIS, loona diiday saxiixa heshiiska DF & Jubba

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Faroole, ayaa shalay lagu xanibay garoonka diyaaradaha magaalada Addis-Ababa, xilli uu isku dayayey inuu ka qeyb galo xiritaankii wada-hadallada DF iyo maamulka Jubba.

Faroole oo isbaheysi la ahaa Axmed Madoobe, ayaa la sheegay inuu dhaliilsanaa qodobada heshiiska oo la gaaray maalintii talaadada ahayd, balse la saxiixay shalay oo arbaco ahayd, sidaa darteedna uu doonayey inuu ka hor taggo inta aan qallinka lagu duugin.

Sida warku sheegayo Faroole, oo kasoo tagay Nairobi, ayaa telefonka kula xiriirayey maalmahan Axmed Madoobe, oo ka dhego adeegay baaqyada Puntlanad islamarkaana doortay inuu nabadda qaato, lana heshiiyo DF.

Dowladda Ethiopia ayaa la sheegay inay Faroole u sheegtay inuusan ka qeyb gali karin saxiixa heshiiska, islamarkaana aan xittaa loo ogolaan inuu gudaha u galo magaalada Addis-Ababa, ayada oo laga cabsi qabay inuu carqaladeeyo saxiixa heshiiska.

Go’aankan, ayaa waxaa sidoo kale ku lug lahaa wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Somalia Nicholas Kay, oo ka cabsi qabay in Faroole uu saameyn weyn ku yeelan karo Axmed Madoobe, sidaa darteedna heshiiska uu ku bur buri karay.

Xogta ay heshay Caasimada Online, ayaa waxaa sidoo kale xaqiijiyey afhayeenka ururada bulshada rayidka ah ee Puntland Dr Daahir Cumar, oo sheegay inuu la xiriiray xubno kasoo jeeda Puntland oo u xaqiijiyey in Faroole la xannibay.

Dr. Daahir oo aan xalay la xiriirnay ayaa sheegay in Faroole uu ku xanibnaa garoonka, hase yeeshee xog aan goor dambe helnay ayaa sheegeysa in markii dambe Faroole loo ogolaaday inuu dib ugu laabto Nairobi.

Dowladda Puntland ayaa ka niyad jabtay heshiiska, waxaana ay u aragtay in Axmed Madoobe lagaga badiyey, inkasta oo waxa laga shaqeeyey ay yihiin un danta umadda Soomaaliyeed, waxaana hadda deg deg u xumaaday xiriirkii Faroole iyo Axmed Madoobe.

Puntalnd weli kama aysan hadlin heshiiska ammaan iyo dhaliil, intaba.

Halkan ka dhageyso wareysiga Dr. Daahir Cumar

Afhayeenka-Ururada-Bulshada-Rayidka-Puntland

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Xog: Magaalada JigJiga oo laga fidiyey gogol Daarood (Isbaheysi cusub)

Jig-Jiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Mxamuud Cumar ayaa magaalada Jigjiga gogol ugu fidiyay guud ahaan beelaha Daarood, si ay ugu hadlaan mustaqbalka iyo midnimada beesha Daarood.

Durba waxaa bilowday in Isimo ka socda Maamul Goboleedka Puntland ay ku qulqulaan magaalada Jigjiga oo horay ay ugu sii sugnaayeen wafuud ka socotay Xukuumadda Faroole, waxaana dhawaan gaaray waxgarad iyo Isimo ka socda deegaanada Puntland.

Wax faah faahin rasmi ah oo shirkaasi laga haayo ayaan jirin iyo xiliga rasmiga ah uu furmayo, hase ahaatee waxaa jira warar sheegaya in diirada lagu saari doono Midnimada Beesha Daarood, Xiriirka ka dhaxeeya, iyo arrimaha Puntland ee khilaafka Siyaasadeed ka jira sidii xal loogu heli lahaa iyo in si nabdoon doorashada Puntland u dhacdo bisha Janaayo ee soo socoto.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Waxgarad ka tirsan Beesha Daarood ee Muqdisho ku sugan iyo kuwa Gobolada Geddo aysan shirkaasi ka qeybgeli doonin, kuwaasi oo u arka shir gaashaanbuursi ah oo siyaasadeysan, waxayna xubnahaasi ay taageersan yihiin Dowladda Federaalka Somalia.

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka ayaa dhawaan mar uu ka hadlayay arrimaha Jubbooyinka wuxuu sheegay in Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin Maamulka Axmad Madoobe isla markaana wuxuu eedeeyay Dowladda Federaalka Somalia.

Isha: Warfaafiye.com

Video: Shacabka magaalada Muqdisho oo u riyaaqay arrinta nuucaan ah!

Caasimada Online: Magaalada  muqdisho waxaa ka biloowday arin aad loogu farxay taas oo ah in Mustaqbalkii Dhalinta Soomaaliyeed lagu dhisayo taas oo ah mid ay ka wada shaqeynayaan Guddiga Isboortiga kubadda Cagta Soomaaliyeed iyo Xiriirka aduunka ee fifa.

Waalidiinta Soomaaliya ayaa waxaa lagu arkayaa garoomada kubadda cagta ayagoo soo kaxeynaya Caruurtooda si ay qeyb uga noqdaan ilmaha la tababarayo ee la doonaya in mustaqbalka ay u noqdaan laacibiin heer caalami ah.

HALKAAN KA DAAWO:

Taliye ka tirsanaa nabad sugidda dalka Somalia oo Muqdisho lagu dilay

Muqdisho (Caasimada online) Kooxo Hubeysan ayaa degmada Kaxda ku dilay Khaliif  Maxamuud Cali Talihii ciidamada Nabad sugiida degmadaas, sida uu xaqiijiyay gudoomiyaha degmadaas .

Kadib markii xalay ay kooxo hubeysan ay wadada u galeen Taliyihii Nabad Sugidda kadibna risaas ay is weydaar sadeen ilaalada taliyaha iyo waliba kooxihii weerarka ku qaaday , taasi oo sababtay ugu dambeyn in halkaasi uu geeriyoodo kadib risaas dhowr ah oo haleeshay .

Sidoo kale wuxuu dhaawac soo gaaray laba kamid ah ilaaladii taliyaha sida uu xaqiijiyay Cabdiwali Yuusuf Cumar, gudoomiyaha degmada Kaxda , isagoo sheegay nuusan ogeen Khasaaro intaasi ka badan , waxaana uu  sheegay in weerarkaas uusan ku tilmaami karin inay ka dambeysay cid gaar ah .

Cabdiwali Yuusuf Cumar gudoomiyaha degmada Kaxda ayaa sheegay inay wadaan baaritaano ku aadan ragii dilkaasi ka dambeyay .Maanta ayaana lagu wada in lagu aaso magaalada Muqdisho,

Kooxihii dilka geystay ayaa ka baxsaday halka ay dhibaatadaas ka geyteen ,  mana jirto ilaa iminka cid sheegatay dilkaas loo geystay Khaliif  Maxamuud Cali Talihii ciidamada Nabad sugiidadegmada Kaxda.

Shalay ayay aheyd markii uu ka bad baday isku day dil ah gudoomiye kuxigeenka degmda Kaaraan ee gobolka Banaadir, waxaana dilkan uu qeyb ka noqonyaan dilal mudooyinkan kusoo kordhayay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

DHAGEYSO: Madaxweyne sheeganaya Jubaland oo ka hadlay heshiiska

Kismaayo (Caasimada online) Axmed Faarax Ducaale oo ka mid ah ragii isku magacabay hogaanka gobolada Jubbooyinka iyo Gedo , kuna dhawaqay inuu yahay madaxweynaha Maamulka Jubbland , ayaa dhaliilay go’aankii kasoo baxay Shirkii Adis-Ababa ee maamulka Jubba iyo dowlada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in heshiiskaas uu yahay mid aan habooneyn isla-markaasina lagu fududaaday , isagoo sheegay in heshiiskaas uusan keeneyn Nabad iyo barwaaqo ka dhalata , balse uu horseedayo dhibaaato ka dhalata gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Goobta heshiiskaas lagu qabtay ayuu sheegay inay tahay sida uu shaaciyay halkii laga maleegay lagana abaabulay Bur Burka Soomaaaliya ,  wxaana dhamaan waxyaabihii lagu heshiiyay uu sheegay inay yihiin kuwo horseedaya dhibaato ka dhalata gobolda Jubbooyinka iyo Gedo.

Wuxuu sheegay inay haboonaan laheyd inay dowlada la sameyso dhamaan shacabka goboladaas inay la sameyso la tashi , balse ay iskaindho tirtay isagoo ku canaantay inay ku fududaatay go’aankaas ay qaadatay.

Halkan ka dhageyso

Halkaan ka dhageyso Axmed Faarax Ducaale

Kadib kulan muddo Isbuuc ah ka soconayay magaalada Adis – Ababa kaas oo u dhexeeyay dowlada Soomaaliya iyo Axmed Madoobe ayaa shlay si rasmi ah la isugu raacay in Axmed Madoobe loo magacabo Hogaamiyaha Maamulka Jubba kaas oo talada Jubbooyina iyo gedo heyn doono ugu badnaan Muddo laba Sano ah.

Caasimada online

Xafiiska kismaayo

[email protected]

 

 

Warbixin: Markab kalumeyso oo lagu afduubtgay Somalia

Muqdisho (Caasimada online) Kooxaha Burcad  Badeedda Soomaalida ah ayaa lagu soo waraayaa inay afduubteen Markab nuuca Kuluumeysiga ah oo lagu Magacaabo Thai Union 3 sida ay shaaciyeen Ciidamada Badda Midowga Yurub ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya .

Wararku waxay sheegayana in markabkaan uu kasoo shiracanayay meel  qiyaastii meel 650 miles u jira xeebaha Soomaaliya xilligii gacanta lagu soo dhigayay sida saraakiisha ciidanku ay sheegeen .

Sida ay qortay wakaladda wararka ee  (AP),  Ciidamada Badda ee  Midowga Yurub ay ka war heleen Afduubka markii shaqaalaha doonta saran ay la kulmeen weerar kaga yimid rag hubeysan oo u qaab ekaa Burcada ka qowleysata xeebaha Soomaaliya iyo goobaha ka baxsan.

Midowga Yurub ayaa isku dayay inay diyaarad kula dul heehaabaan goobta tuhunka uu ku jiro ee ah in lagu afduubtay Doonta ayna arkeen Dhalinyaro hubeysan oo doonta saran iyo shaqaalihii Doontaasi.

Markabkani Thai ayaa noqonya kii afarad oo ay Kooxaha Burcad Badeeda ay gacanta kudhigaan labadii todobaad ee u danbeeyay,sida lagu daabacay AP.

Kooxaga burcada badaha Soomaaliya aya afduub kula dhaqaaqa maraakiibta isticmaashaa xeebaha Soomaaliya kuwaas oo ay ka qaataan lacago madax furasho ah.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Axmed Madoobe oo si aad ah u amaanay madaxweyne Xasan iyo Faarax oo isna ka hadlay heshiiska

Addis Ababa (Caasimada Online) Iyadoo galabta si rasmi ah magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia loogu soo gabagabeeyay shir ay la haayeen wafuud ka kala socotay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Axmed Madoobe, waxaa la wereystay labada dhinac.

Idaacadda VOA ayaa Wareysiyo la kala yeelatay wasiirka madaxtooyada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabduqaadir oo dowladda u matalayay shirka iyo Axmed Maxamed Islaam oo ah hoggaamiyaha kumeel gaarka maamulka Jubba.

Wareysiga Faarax Maxaa ugu waaweynaa?

Wax yaabaha lawey diiyay wasiirka madaxtooyada Soomaaliya waxaa ka mid ahaa sida uu arko shirka ka dhacay  Addis Ababa.

Wuxuu ku jawaabay in heshiiska uu ku yimid siddii loo xalin lahaa mushkiladaha ka taagan Jubbooyinka, wuxuu shegay in maamulkaas uu hoggaamin doono Axmed Maxamed Islaam.

Wuxuu sheegay in Axmed Madoobe uu soo dhisi doono guddoomiyaasha Jubbada Dhexe iyo Gedo, balse dowladda ayaa la socon doona sida loo soo dhisaayo ayuu yiri.

Mar la weydiiyay in qoddobo ku saabsan sida loo maamulaya dhaqaalaha dekedda Kismaayo, wuxuu sheegay in wax la isku khilaafo aysan jirin, Dekedda in ay tahay Asset-ka dowladda ama dhaqaalaha, marka lix bil kaddib in lagu wareejin doono dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in shirka markii ugu horreysay ay soo qaban qaabiyeen isaga iyo Axmed Madoobe, wuxuu sheegay in Isfahan waa uu jiray balse markii dambe la isku raacay.

Wuxuu sheegay in arrimaha u yaalla dowladda Soomaaliya aan la rabixin in lagu mashquulo arrimahan, wuxuu sheegay in maalmaha soo socda shir lagu qaban doono magaalada Muqdisho isla markaana shir kale lagu qaban doono Kismaayo.

Axmed Madoobe muxuu Wareysiga ku sheegay?

Hoggaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam oo wax laga weydiiyay sida uu arko heshiiska, wuxuu sheegay in heshiiskan uu yahay mid albaab cusub u furaya Soomaaliya,

Wuxuu sheegay nin kasta oo raba in wax qaso in uu soo qaadanayay arrimaha Jubbooyinka, marka wuxuu yiri “ Haddii markii hore uu dhariga daboolka ka qaadnaa hadda waa la dooboolay oo ma jiri doonto meel maraq dambe lagu daarto”.

Waxaa kaloo la weydiiyay sida uu arko maamulka kumeel gaarka ee Jubba iyo magaca la isku raacay?

Wuxuu sheegay Axmed Madoobe in maamulka Jubba (Jubba Administrations) ama (Jubba Land) aanu wax isbadal ah sameeneynin magaca ee balse waxa uu qabanaayo iyo sida uu u shaqeeyo ay muhiim tahay, wuxuu sheegay oo kale in uu magacaas soo dhaweenaayo.

 Waxaa kaloo la weydiiyay sida uu ugu qancay in lix bil kaddib in garoonka diyaaradaha iyo dekedda Kismaayo lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya?

Wuxuu sheegay in wax kasta ay Isfahan yihiin, wuxuu sheegay in muddada lixda bil ee gacanta kuhayaan maamulka garoonka iyo dekedda uu socon doono wadatasho, kaddina dowladda ay soo diri doono ergo, balse wuxuu sheegay in dhaqaalaha ka soo xarooda lagu maareen doono deeganka oo aan meel kale lageen doonin.

Waxaa wax laga weydiyay in maleeshiyaadka u dagaalama iyo kooxaha kale ee ku sugan seddaxda gobal lagu daro ciidamada dowladda?

Wuxuu sheegay in uu soo dhaweenaayo haddii ciidamadaas la mideenaayo oo laga dhigaayo ciidamo qaran (Somali National Arm), balse wuxuu daboolka ka qaaday in ay jiri doonaan ciidamo gaar u ah maamulka Jubba ee madaxda ka yahay.

Ugu dameen waxaa wax laga weydiiyay caqabadaha ugu waaweyn ee shirka ku yimid kaasoo ku sigtay in uu burburo?

Axmed Madoobe ayaa sheeegay in caqabadaha ugu weyn ee labada dhinac ka hor yimid ay ka mid ahaayeen sida loo qaadan karo qoddobada qaar, balse  wuxuu  daaha ka qaaday in wafdiga dowladda Soomaaliya ay muujiyeen tanaasul iyo biseel, kuwaasoo uu sheegay in ay ka go’need in heshiis laga gaaro qoddobada la isku hayay.

Wuxuu ammaanay madaxweynaha Soomaaliya oo uu sheegay intii shirka uu socday markasta taleefon kula socday xaaladda sida meesha ay mareysay, wuxuuna intaas ku daray in madaxweynaha uu lahaa waa in Option kale la keenaa markii qoddobada qaar la isaga hor yimaado.

Sidoo kale Axmed Madoobe wuuxu sheegay in wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia uu dedaal ballaarn ugalay in uu shirka heshiis lagaaro.

Halkan ka dhageyso  Wareysi ay siiyeen VOA

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

2 haween oo MUQDISHO lagu toogtay caawa iyo galabta, Sabab?

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho maanta iyo caawa waxaa lagu toogtay labo dumar ah.

Mid ka mid haweenka waa ciidan, waxaana rag ku hubeysan bastoolado ay galabta ku toogteen gudaha Suuqa-Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Haweeneyda ciidanka ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Nadiifo Wiilo, waxaana markii la toogtay goobta ka baxsaday kooxda falka geesatay, mana jirto cid loo soo qabtay.

Dhinaca kale, waxaa caawa xaafadda Xamar-Jadiid ee degmada Warta Nabadda (Ex-Wardhiigleey) lagu toogtay haweeney makhaayad ku lahayd halkaas.

Sida ay lee yihiin goobjoogayaal, dableey bastoolada ku hubeysan ayaa dilay haweeneyda oo ku jirtay goobteeda shaqada, waxaana markii dilka uu dhacay goobta soo gaaray ciidamada ammaanka degmada, kuwaasoo baaritaan ka sameeyay halkaas.

Haweenyda ayaa la oran jiray Farxiyo Cabdi, waxaana la sheegay in laga toogtat maskaxda isla markaa goobta ayey ku dhimatay.

Ma cadda wax yaabaha loo dilay haweeneydan oo aan ka tirsaneen dowladda, balse waxaa la lee yahay Makhaayadeeda waxaa yimaada ciidamo kuwaasoo ku qayila halkaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

FG: Fadlan barta macnaha LIKE, warkan oo kale ma mudna like, waayo waa dad geeriyooday, hadaad tahay aqriste warkan ha saarin LIKE, sababta warkan loo qoray kaliya waa in la ogaado xaaladda dalka ka jirta iyo wixii dhacay. Mahadsanid

VIDEO: Muuqaalkii ugu dambeeyay ee bilicda Muqdisho (Farxad la ilmey)

Muqdisho (Caasimada Online) –  Muqdisho waxeey ka soo kabaneysaa burburkii xooganaa ee gaaray sanadihii dowlad la’aanta aheyd waxaana haatan laga dareemaa in dib u soo ceshaneyso Bilicdeedii ay la heyd bariisamaadka Caasiamda Dalkeena ee Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya dhismooyin xoogan iyo dayartir dhanka Wadooyinka Muqdisho waxaana iska kaashanaya Maamulga gobolka banaadir iyo Ganacsatada Muqdisho.

Goobaha muhiimka ah ee  isha qabaneyso ee aad ka dareemi karto soo celinta bilicda Magaalada ayaa muuqaal qurux badan laga soo duubay ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DFS oo canshuur soo rogtay maanta

Muqdisho (Caasimada online) Dowlada Soomaaliya ayaa waxay maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday inay canshuur ka qaadeyso  shirkadaha isgaarsiinta dalka ,ka dib kulan maanta ka dhacay Muqdisho oo wada qaateen mas’uuliyiinta shirkadahaas iyo waliba Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliya C/llaahi Ciilmooge Xersi.

Kulanka  waxaa  looga hadlayay sidii lagu hormarin lahaa shirkadaha isgaarsiinta dalka ,iyadoona kulankaasi uu ahaa mid ay al-baada ay u xirnaayeen  ayaa markii uu soo dhamaaday kadib waxaa Saxaafadda u waramay C/laahi Ciil Mooge Xirsi Wasiirka warfaafinta Soomaaliya.

Ciil Mooge, wuxuu sheegay in maanta kadib shirkada  isgaarsiinta dalka laga qaadi doono lacago canshuur ah , waxaana uu carabka ku adkeeyay in laga gudbay nidaamkii iyo waliba xilligii KMG sida uu sheegay dowladuna ay tahay mid rasmi ah caalamkana aqoonsi buuxa ka heysata.

Muddii 20-ka sano aheyd horumarkii ay dalka ka hirgaliyeen shirkadaha isgaarsiinta dalka ayuu ugu hambalyeeyay isagoona mahad celin u jeediyay , waxaana uu markale intii uu qudbadaasi waday uu ku celiyay in haatan wixii ka dambeeyay ay dhamaatay nidaam la’aantioi lagana qaadi doono lacago canshuur ah .

Markii  labaad ayay  Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya waxay kulan layeelato Shirkadaha ka jira dalka,

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

 

DAAWO SAWIRRADA: Howlgalkii ugu ballaarnaa oo laga sameeyay Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) Ciidamada Maamulka Axmed Madoobe, ee ka arimiya magaalada Kismaayo iyo  sidoo kale ciidamada AMISOM ayaa maanta waxay howlgal xoogan waxay ka sameeyeen xaafada Guulwade ee magaaladaas.

Waxaa dib  usoo laabtay isku socodka gaadiidka iyo waliba isgaarsiinata oo hawada ka maqneyd tan iyo markii uu saaka howlgalkaasi bilaawday , waxaana dadka deegaanka ee ku dhaqan magaalada sheegeen in markii uu waagu u baryay ay in dhohoodu qabteen ciidamo indhaha ay u xiran yihiin oo dul jooga.

Howlgalka, ayaa maanta xoogiisa wuxuu ka dhacay xaafada Guulwade ee magaalada Kismaayo, waxaaana goob jeege ku sugan xaafadaas oo caasimada online u waramay ayaa sheegay in dhamaan dhalinyada maanta xaafadaasi laga qab qabtay u ku heyb yihiin Cornel: Barre Hiiraale , iyadoo aanan la ogeen sabata arintaas ka dambeysay.

Dadka deegaanka ayaa muujinaya baqdin xoogan oo arintaas ku wajahan waxaana ay kuu sheegaan in howlgalkaas uu ahaa mid qorshe iyo dano gaa ar ahaa laga lahaa inkastoo , qaarna ay si weyn u soo dhaweeyeen howlgalkaas .

Wali kama aysan hadlin maamulka magaalada Kismaayo ee maanta howlgalkaasi ka sameeyay magaalada Kismaayo.

P8080313 P8080309 P8080308

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Afmadow

Muqdisho: DF oo mar kale Balan qaad usameysay Ciidamadeeda (Dhageyso)

Muqdisho (Caasimada online) Kulan looga hadlayay sidii Shacabka Soomaaliyeed guud ahaan ay Amniga uga qeyb qaadan lahaayeen una cawin lahaayeen dowlada Soomaaliya, ayaa maanta wuxuu ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Kulanka waxaaa qeyb ka ahaa Saraakiisha ciidamada Amniga , Xubno ka socda wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga qaranka iyo sidoo kale qeybaha kale ee bulshada Soomaaliyeed , gaar ahaan kuwa reer Muqdisho.
Wuxuu ka dhacay Xarunta Gaadiidka Booliiska Soomaaliyeed ,Waxaana Furitaankii Kulankaas  ugu horeyn ka hadlay Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Generaal Saacid, isagoo sheegay in arimo badan ay wax ka qabasho u baahanyihiin gaar ahaan amniga.
Shacabka Soomaaliyeed ayuu u jeediyay codsi iyo baaq ku wajahan Sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen Sugidda dhanka Ammaanka ah ,  isagoona taasi ku micneeyay in ciidamada Boolisku kaligood aaney waxba qaban karin.
Isbadal deg deg ah ayuu sheegay in lagu sameyn doono ciidamada dowlada Soomaaliya , isagoo sheegay in taasi looga gol leeyahay sidii ciidamadu ay u caawin lahaayeen shacabka Soomaaliyeed  wax qabad dhab ahna ay ula imaan lahaayeen.
Jaamac Oday, Wasiir ku xigeenka Wasaarada amniga iyo arimaha gudaha  oo halkaasi isna dhankiisa ka hadlay ayaa sheegay in ciidanka Booliiska Soomaaliyeed lagu sameynayo dib u habeyn ku aadan la dhaqanka Bulshada Soomaaliyeed.
Xilliyada qaar magaalada Muqdisho waxaa ka dhaca falal ka dhan ah amniga , waxaana dowlada Soomaaliya ay dadaal xoogan ugu jirtaa sidii ay wax uga qaban laheyd xaalka amni ee caasimadda Soomaaliya.
Halkaan hoose ka dhageyso codka Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed
1 2 3 4 5
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho