28.1 C
Mogadishu
Wednesday, May 6, 2026

Sawirro: Horumarka Muqdisho oo arrin kale oo farxad leh ay kusoo biirtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkad tii ugu weyneyd ee dhalisa Korontada ayaa lagu soo bandhigay magaalada Muqdisho, taasoo dabooli doonta baahida koronto ee ka jirta Muqdisho iyo gobolada kale ee dalka.

Munaasabad lagu soo bandhigayay shirkaddan cusub oo lagu magacaabo Teknopower ayaa waxaa hirgeliyay Ganacsato Soomaaliyeed iyadoo injineero dibada laga keenay oo u kala dhashay dalalka Ugandha, Kenya, Tanzania, Ethiopia iyo Erateria ay ka howgeli doonaan.

Shirkadan Teknopower ee looga dhawaaqay Muqdisho ayaa waxay soo bandhigtay Dab dhaliyeyaal waaweyn oo ay ku howlgeli doonto, iyadoo Injineeradii munaasabada ka soo qeyb galay oo isugu jiray Soomaali iyo ajaanib ay sheegeen in qorshaha hirgalinta shirkadan koronto dhalinta ee Teknopower uu soo socday muddo badan, islamarkana lagu guuleystay in xafiiskeeda weyn laga furo magaaladda muqdisho.

Madaxa shirkadda Teknopower Maxamed Daahir ayaa sheegay in shirkaddooda ay ka qeyb qaadan doonto dib u dhiska dalka isla markaana u diyaarsan yihiin daboolida baahida tamarta korontada guud ahaan dalka.

Wuxuu sheegay Maxamed Dahir in shirkaddooda ay xiriir wada shaqeyn la leedahay shirkado waaweeyn oo muddo soo jiray oo dalka dibadiis ka howl gala badankoodana soo shaqeeynayay mudo dheer oo ka badan 100 sano.

Markii ay burburtay dowladdii dhexe ee dalka 1991-kii waxaa meesha ka baxday adeegii tamarka iyo koronta dhalinta ay qaban jirtay dowladdii dhexe, waxana xiligaasi wixii ka danbeeyay dalka ka howlgala shirkaddo gaar loo leeyahay oo sidii la rabo looga helin adeega  rasmiga ah ee Koronto.

koronto-1koronto-2koronto-3koronto-4koronto-5koronto-6koronto-7koronto-8koronto-9

Isha: Warfaafiye.com

Ethiopia oo xaqiijisay heshiiska DFS iyo Axmed Madoobe sheegtayna in…

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Ethiopia ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in dowladda federaalka ah ee Somalia iyo kooxda Axmed Madoobe ay heshiis buuxa ku gaareen wada hadalladii uga socdy magaalada Addis-Ababa ee caasimada dalkaas. Halkan arag warkii heshiiska

Wasiirka Arrimaha dibedda Ethiopia Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa war kooban oo uu soo dhigay boggiisa twitter-ka shaaca kaga qaaday heshiiska oo dhacay habeenkii talaadada.

Waxa kale oo uu sheegay in heshiiska qalinka lagu aasi doono maanta oo arbaca ah.

“Waxaan idiin hayaa war wanaagsan, dowladda Somalia iyo Jubba waxa ay heshiis ku gaareen magaalada Addis-Ababa. Waa maalin u weyn Somalia iyo gobolka. Waxaa heshiiska la saxiixi doonaa beri (Arbaco)” ayuu ku yiri Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus qoraalkii uu soo dhigay twitter.

Qoraalkii uu soo dhigay twitter oo aan ka qabanay screen shot ayaa ahaa sidan:-

Tedros

Caasimada Online
Xafiiska Washington DC
[email protected] 

Turkey oo Muqdisho ka dhisay dhismo ay isticmaali karaan 1.8 Milyan oo qof

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkey ayaa sheegtay inay sii wadi doonto taageerada ay u fidiso Soomaaliya, si loo xaqiijiyo horumarrada kala duwan ee ka billowday dalka.

Shirkadaha Cetin Group iyo Kosuva ayaa la sheegay inay sii wadayaan dib u dhiska ay ka wadaan garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee Muqdisho, halka wakaaladda horumarka iyo xiriirka caalamiga ah ee Turkey ay dhiseyso waddo 23 km ah oo garoonka ku xiraysa magaalada Muqdisho.

Dhismaha cusub ee labada shirkad ay kusoo kordhinayaan garoonka Aadan Cabdulle ayaa la sheegay in sanadkii ay isticmaali karto 1.8 milyan oo qof.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkey Ahmet Davutoglu ayaa sheegay in kooxaha argagixsada ah ay hor taagan yihiin horumarka Soomaaliya, laakiin ay sii wadi doonaan taageerada ay u fidinayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Dowladda Turkey ayaa la sheegay in qiyaas ahaan 400 oo milyan oo doollar ay ku bixineyso gargaarka iyo horumarka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Obama: Waxaa jiri doonta jawaab laga bixinayo falkii ay geysatay Syria

Washington DC (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa go’aan ku gaaray inay jiri doonto jawaab laga bixiyo falkii dawlada Syria lagu eedeeyay ee ahaa in ay isticmaashay hubka sunta ah ee kiimikada.

Aqalka Cad ayaa sheegay in Madaxweyne Obama uu haatan arrintaas kala shaqeeynayo kooxdiisa dhinaca Amniga Qaranka.

Afhayeenka Aqalka Cad Jay Carney ayaa sheegay in aan shaki  ku jirin in sunta gaaska ah loo isticmaalay duleeydka magaalada  Dimishiq 21kii  bishan August.

Madaxweynaha ayaa rumeeysan in fal aad u xun la sameeyay uuna mudan yahay in falkaasi jawaab laga bixiyo, isla-markaana uu qadan doono talabada ku haboon tasoo  lagala tashan doono hogamiyayaasha congreeska iyo dalalka ay saaxibada yihiin Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Washington DC
[email protected]

Arrin la xiriirra Lacago Been abuur ah oo maanta la xukumay (Warbixin)

Garoowe (Caasimada online) Waxaa maanta oo Arboco ah  Maxkamada darajada 1-aad ee magaalada Garoowe xukun ku sameysay Lacago been abuur ah oo ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada Maamulkaas kadib Waxa la sheegay in la ogaaday baaritaano lagu sameeyey lacagtaasi inay been abuur ahayd iyadoo markii dambe ay maxkamadu amartay ama ay ku xukuntay in la gubo.

K adob baaritaano la sameeyay waxaa la ogaaday in lacagaasi ay yihiin kuwo been abuur ah,waxaana Kuxigeenka xeerka ilaaliyaha guud ee Maxkamada Garowe Maxamed Xareed uu sheegay inay lacagaasi  saameyn weyn ku yeesheen dhaqaalaha deegaanada Maamulka Puntland.

Waxaana warar ay sheegaan  in lacagaasi markoo dambey ay maxkamadu go’aamisay in la gubo sidaasi darteedbna lagu gubay bangiga dhexe ee maamulkaas oo guud ahaan lacagihii gacanta maamulka soo galay ee been abuurka ahaa lagu gubay .

Lacagta maanta maxkamada ay amartay in ugu dambeyn la gubo ayaa cadad ahaan gaareysay 216,715,000 (Labo boqol toban iyo Lix kun todobo boqol iyo shan iyo Toban kun) Shillin Somali, iyadoona laga shaki qabo inay ka timid gobolada dhexe ee dalka.

Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa cabasho xoogan ay ka jirtay deegaanada gobolada dhexe ee dalka iyadoona haatan ay muuqaneyso inay saameyn xoogan ay lacagaasi been abuurka ah ku yeesheen deegaanada uu ka rimiyo maamulka Puntland.

Caasimada online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

DEG DEG: Shirka Addis-Ababa oo ugu dambeyn heshiis lagu gaaray

Addis Ababa (Caasimada Online) War hadda soo dhacay wuxuu sheegayaa in shirkii Addis Ababa uga socday xubnaha ka kala socday dowladda federaalka Soomaaliya iyo mid ka mid ah garab-yada isku haya Kismaayo oo ah Axmed Madoobe lagu heshiiyey.

Labada dhinac ayaa maalmahan ku shirayay Addis Ababa, waxaana shirkooda caqabad ku noqday qodobo  ay ka mid yihiin cida maamuleysa garoonka iyo dekedda Kismaayo.

Shirka ayaa labadii cisho ee la soo dhaafay qarka u saarnaa in lagu kala boodo, tusaale, xubnaha dowladda waxa ay ku dhaganaayeen in lagu wareejiyo maamulka dekedda iyo garoonka.

Laakin arrinta muranka dhalisay waxaa soo dhex-galay waddamada Ethiopia, Kenya, Midowga Afrika, IGAD, Qaramada Midoobay iyo diplomaasiyiin kale, waxaana la sheegay in arrinta dekedda iyo garoonka Kismaayo heshiis laga gaaray.

Inkasta oo aan la shaacin qaabka loogu heshiiyey, oo lagu sheegi doono war-murtiyeedka berri, balse xog si gaar ah ay u heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Axmed Madoobe muddo lix bilood ah uu sii maamuli doono dekedda iyo garoonka Kismaayo.

In lagu dhawaaqo heshiiska shirka ayaa la sheegay in uu hakad ugu jiray qoddobkan oo labada dhinac ay isku maandhaf-sanaayeen iyagoona kala joogey meelo kala fog.

Isku soo duub maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in la qabto xafladda xiritaanka shirka, waxaana lagu dhawaaqi doonaa qoddobo muhiim ah oo ay ku kala saxiixan yihiin Faarax Sheekh Cabdiqaadir Wasiiru dowlaha madaxtooyada iyo Axmed Maxamed Islaam oo ahaa hoggaamiyaha garab ka mid ah dhinacyada isku haya Kismaayo.

Si kastaba, laba cisho ka hor ayey ahayd markii sidan oo kale heshiis loo gaaray, haddana subaxdii ay ergada beddeleen fikirkooda, waxaana suurta gal ah in amr kale ay sidaas dhacdo, inkasta oo aysan u badneyn markan.

Dhinaca kale, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Villa Somalia kula kulmay odayaal iyo wax-garad ka soo jeeda gobalada Jubbooyinka, wuxuuna kala hadlay shirka Addis Ababa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

KASHIFAAD: Cabdi Weli Gaas iyo Cali Geedi oo ku biiray shirka Addis-Ababa

Addis Ababa (Caasimada Online) Warar soo baxay oo la isla dhex marayo ayaa sheegaya shirka Addis Ababa ka socda ay ku biireen ra’iisal wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, Cali Maxamed Geed iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Raggan afarta ah ayaa la sheegay in uu u yeeray danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nichols Key, kaasoo la sheegay in uu arkay in wax badan ka qaban karaan khilaafka ka dhex taagan DF Somalia iyo Maamulka Axmed Madoobe.

Magaalada Addis Ababa waxaa horrey ugu sunaa Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas, sidoo kale waxaa maanta gaaray Addis Ababa  Cali Maxamed Geedi.

Xubnahan  Qaswadayaasha ay u bixisay Shabakadda Caasimada Online ayaa qaar ka mid ah la sheegay in ay taageersan yihiin maamulka Axmed Madoobe.

Dhinaca kale, wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray magaalada Addis Ababa oo ay ku shirayaan xubnaha dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Axmed Madoobe ayaa sheegaya in shirka uu maanta ku sigtay in lagu kala boodo, isla markaana ergada halkaas joogta ay ka soo ambabixi lahayd Addis Ababa, balse ugu dambeyn lagu heshiiyey.

Waddamada Kenya iyo Ethiopia oo dabada ka riixaya shirka Addis Ababa ayaa isku soo dhaweeyay labada dhiac, waxaana ay doonayaan in la isku soo dhawaado.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Qarax caawa ka dhacay Muqdisho iyo dhimasho badan oo jirta

Muqdisho (Caasimada Online) War hadda soo dhacay wuxuu sheegayaa in caawa qarrax lagu weerraray ciidamada dowladda ee ku sugan xaafadda Ceymiska ee degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho.

Inta la ogyahay seddax qof ayaa ku dhintay oo labo ka mid ah yihiin ciidamada dowladda, tira intaas ka badana waa ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa marka uu dhacay waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan dowladda kuwaasoo baaritaan ka sameeyay goobta, waxaana ay soo qabqabteen dhowr qof oo u badan dhallinyaro.

Magaalada Muqdisho habeenadii ugu dambeeyay waxaa ka dhacayay qaraxyo iyo dilal qorsheesan, waxaana qaraxyadan ay ku soo beegmayaan iyadoo maanta madaxweynaha Soomaaliya uu ku dhawaaqay golaha ammaanka qaranka Soomaaliya.

Gollahan ayaa la sheegay in looga gun lee yahay in ay go’aan kama dambees ah ka qaataan howlaha ammaanka dalka.

 Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

XOG: Al-Islaax iyo Dam-Jadiid oo shir ku yeeshay Muqdisho + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Talaado [27.08.2013] shir uu ugu soo gabagaboobay xubno ka tirsan Ururada Islaax iyo Dam-Jaiid oo uu ka tirsan yahay madaxweynaha Soomaaliya.

Shirkan oo indhaha saxaafadda laga qariyay ayaa seddax cisho ka socday magaalada, waxaana looga hadlay siddii ay midoobi lahaayeen labada garab oo kal horre ka soo go’ay urur weynaha Islaax oo dhawaan kala jabay.

Shirka labada dhinac waxaa u matalayay min 100 xubnood kuwaasoo markii dambe doortay guddoomiyaha ururka iyo guddoomiyaha golaha shuurada.

Sida ay Shabakadda Caasimada Online ay u sheegeen illo ku dhow-dhow shirka waxaa looga dhawaaqay magac kulmiye labada garab balse magacaas si dhab ah looma helin.

Yaa madax u ah guddomiyaha labadan garab?

Sida wararna aanu helnay ay sheegayaan waxaa madax u ah oo guddoomiyaha ururka loo magacaabay Maxamed Xaaji.

Waa qof noocee ah?

Maxamed Xaaji waa qof muddo ah ku jiray qaybaha waxbarashadda ee dalka, wuxuu ka tirsan yahay garabka Dam-Jadiid oo ah Urur Islaami ah balse qunyar socod ah.

Wuxuu goobta ka sheegay in labadan garab ay yihiin kuwii ugu muhiisanaa ee ururka Islaax oo si fiican u soo shaacbaxay sannadkii 1978-dii.

Yaa loo magacaabay guddiga Shuurada?

Waxaa loo magacaabay guddiga shuurada Ismaacil Hurre, wuxuu ka tirsan garabka dhawaan ka soo go’ay ururka Islaax.

Wuxuu isna goobta ka sheegay in ururka cusub uu soo celin doono sharraftii Islaax uu lahaa.

Shirkan in labto waxaa lagu dhawaaqay bishii April ee sannadkan, markii si rasmi ah loo shaaciyay in labada garab ay midoobeen.

ISLAAX Waa urur noocee ah?

Ururka Al-Islaax waxa uu si fiican dalka uga howl billaabay sannadkii 1991-kii xilligaas oo meesha laga saaray dowladdii madaxweyne Siyaad Barre, waxa ay door muhiim ka qaateen horrumarinta dhinaca waxbarashadda dalka.

Ma cadda wax yaabaha keenay in labadan urur ay midoobaan isla markaana ay ku dhawaaqaan hal magac iyo hal hadaf.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Agaasimahii Nabad sugida Soomaaliya oo su-aal mucjiso ah soo bandhigay (Bal fur Maskaxdaada oo ka jawaab)

Agaasimahii Hay’adda Nabadsugida Somalia Ahmed Macalin Fiqi oo inta uu siyaasadda ku biirin ahaa Macalin wax ka dhiga Isguulada Waxbarashada Muqdisho ayaa shacabka Soomaaliyeed ku maaweeliyay su-aal adag ,oo xisaab ah.

Ahmed Macalin Fiqi wuxuu sheekadiisa ciwaan uga dhigay maskaxdaada fur?

Shaati aad jeclaatey ayaa qiimihiisa lagu yiri $97.00, jeebkaaduna waa maran yahey oo maba heysatid wax lacag ah, Waxaad ku oroday waalidiintaa oo aad wax ku tabeysey, meesha kuugu dhow oo aad wax ka heli karteyna ah. Hooyadaa ayaa ku siisey $50.00 oo deyn, aabana si la mid ah $50.00 ayuu ku deymiyey.

Hadaba 50 + 50 = 100.

Waxaad shaatigii ku soo gadatey $97.00

Hooyadaa ayaad dib uga celisey lacagtii ay ku deymisey $1.00

Aabahaana si la mid ah Waxaad dib ugu celisey $1.00

Adiguna nafley ayaad tahee Waxaad qaadatey $1.00

Taasoo la macna ah: In hooyadaa kugu leedahey $49.00

Aabahaana sidoo kale $49.00

Xisaab ahaan waxey soo baxeysaa 49+49=98 ?!

Marka lagu daro $1.00 ee aad adigu qaadateyna waxey wadarta Guud noqoneysaa $99.00.

Hadaba waxaa halkaan ka dhiman oo meel uu jaan cirib dhigey la la’yahey $1.00?

Waxaa la iska rabaa in la soo helo doolarkaas maqan???

By Ahmed Macalin Fiqi
https://www.facebook.com/ahmed.fiqi.7?hc_location=stream

SAWIRRO: Madaxweyne Xasan Sh. oo dhisay gole cusub oo ujeedku yahay…

Muqdisho (Caasimada online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta wuxuu magacaabay Golaha iga Amniga qaranka Soomaaliya , kaas oo sida la sheegay badalay Guddigii Amniga qaranka oo la magacaabay xilligii dowladii KMG aheyd iyadoo Golahaan uu yeelanayo Xogheyn gaar ah oo dabagal ku sameysa fulinta go’aanadda Golaha Amniga Qaranka.

Golaha Amniga Qaranka Soomaaliyeed waxaa shir guddoominaya Madaxweynaha Qaranka Soomaaliyeed, waxaana xubin ka ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Wasiiradda Gaashandhiga, Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Maaliyadda, Arrimaha Dibedda iyo Garsoorka. Sidoo kale waxaa xubno farsamo ka ah Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga, Booliska, Nabadsugidda iyo Asluubta.

Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya wuxuu beeniyay in dowlada Soomaaliya ay ku fashilmatay sugiida amniga taasina ay soo dadajisay in Golahan lagu dhawaaqay , waxaana uu sheegay in mudadii ay jirtay ay dowladu amniga wax badan ay ka qabatay.

Madaxweynaha oo furitaankii shirkii ugu horreeyey maanta shir guddoominayey ayaa yir “ Golaha Amniga Qaranka Soomaaliyeed waa hay’adda ugu sareysa Qaranka oo dajineysa Siyaasadda iyo Istraatiijiyada Amniga Qaranka Soomaaliyeed si loo sugo amniga iyo xaquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ay ugu horreyso amniga rayidka, gaar ahaan haweenka iyo carruurta Soomaaliyeed. “

Lama oga arintan waxay ka badali doonto Amniga Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya waxaana hore u jiray Guddiga amniga qaranka Soomaaliya kaas oo la dhisay xilligii Dowladii KMG aheyd .

Halkaan hoose ka dhageyso Codka Afahyeenka Madaxweynaha

Halkana ka dhageyso Golaha amniga qaranka oo la magacabay

Golaha-amniga-qaranka-1Golaha-amniga-qaranka-2Golaha-amniga-qaranka-3Golaha-amniga-qaranka-4

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Daawo Video: Warbixin naxdin leh oo laga diyaariyay Shaqalaha Shabelle

Caasimada Online:  Warbixin nexdin leh oo laga diyaariyay nolasha iyo shaqada Idaacada Shabelle oo ka mid ah Idaacadaha Madaxa banaan ee ka howl gala Magaalada Muqdisho waxaadna ku arkeysaa Muuqaalkani arimo badna oo naxdin leh.

Qaar ka mid ah Wariyayaasha Idaacada Shabelle ayaa ku nool nolol tan ugu cabsida badan ayagoo qaarkood anan banaanka idaacada u bixin muddo bilo ah halka qaar kalana markii ay baxayaan la baarayo markii ay idaacada dib ugu soo noqonayaana la baarayo waxeeyna ka war bixinayaan Nolasha ay ku nool yihiin.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA: