DF oo faririn u dirtay Barclays Bank

Muqdisho (Caasimada Online)   Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa  walaac ka muujisay tallaaabada ay qaadeen bannaanka caalamiga kuwaasoo joojiyay xiisaabaadka xawaaladaha Soomaalida.

Shir golaha wasiirada Soomaaliya ay ku yeesheen Muqdisho oo ay shir guddoomineysay  kusimaha ra’iisal wasaaraha Somalia ahna wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa loogu baaqay baannaanka caalamka in ay go’aankaas ka laabtaan.

Wasiirka ayaa sheegtay  go’aanka Bangiga Barclays in uu yahay mid abuuraya xaalad bini’aadannimo oo aad u adag.

Wasiir Fowsiya ayaa ku celicelisay in dowladda Soomaaliya ay dadaal xooggan u gasli doonto badbaadinta nidaamka xawaaladaha dalka oo dad badan ay ku tiirsan yihiin

Bangiga Barclays  ayaa ku dhawaaqay in dhammaadka bishan uu joojin doono wadashaqeenta xawaaladaha Soomaalida, waxaana sababta lagu sheegay in ay jiraan cabsi ballaaran.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in wax dhib ah aysan baannaanka caalamiga kala kulmi doonin lacagaha la soo marsiiyo xawaaladaha Soomaalida.

Si kastaba, hey’addo qiyaasaad sameeyay ayaa lagu ogaaday in sannad kasta Soomaaliya loo soo diro 162-Milyan oo dollar, lacagtaas waxaa ay ka badan tahay lacagta gargaar ahaan ay UK u siiso Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho