Dhageyso: Khilaafka Ahlu Sunna Wal Jamaaca oo Sii xoogeysanaya

Dhuusomareeb (Caasimada online) Waxaa wali Muuqanaya in uu aad usii xoogeysanayo Khilaafka hogaanka ururka Ahlu Sunna , waxaana jira warar is khilaafsan oo ay warbaahinta isku marinayaan , taas oo muujinaysa in heerkii ugu sareeyay uu gaaray khilaafka Soo kala dhexgalay.

Sheekh Cabdi Cali Fiidoow, oo ahaa gudoomiyaha gobolha Fulinta ururkaas balse dhawaan hogaanka ururkaas ay shaaciyeen inay xilkii ka qaadeen kadib markii Baarlamanka Maaamulkaas ay kala noqdeen kalsoonida ayaa sheegay in Ragga sheegay inay xilka ka qadeen ay kasoo horjeedaan dowlada Soomaaliya.

Wuxuu ku eedeeyay in Mar uu Muqdisho waan waan dowlada iyo Maamulka Ahlu sunna ah ay ku amreen inuu dib ugu laabto Galgaduud  balse taas uu ka biyo diiday maadaama Sida uu sheegay uu isagu doonayay in la mideyo Dowlada Soomaaliya iyo Ahlu Sunna balse raga xilka ka qaaday ay ka biyo diidanaayeen arintaas.

Halkaan ka Hoose dhegayso Sheekh Cabdi Cali Fiidoow

Halkaan ka Dhageyso Sheekh Cabdi Cali Fiidoow

Dhanka kale Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir oo ah Gudoomiyaha Guddiga talada Ahlu Sunnada Gobolada dhexe ee dalka oo isna dhankiisa Laanta Afka Soomaaliga ee VOD-la hadlay wuxuu sheegay inay been abuur tahay hadalka kasoo yeeray Sheekh Cabdi Cali.

Wuxuu sheegay in dowlada ay iyaga kusoo dhaweeyeen gobolka Galgaduud isla-markaana ay ka shaqeeyeen isku soo dhawaanshiyaha iyo mideynta Ahlu sunna iyo waliba dowlada Soomaaliya .

Halkaan ka Hoose dhegayso Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir

Halkaan ka Dhageyso Sheekh Cumar Sheekh Cabdu qaadir Aadan

Arintan ayaa axay muujineysa in uu sii xoogeysanayo khilaafka labada dhan waxaana iminka Muuqanaya in dhanwaliba uu sheeganayo in uu ka shaqeeyay mideynta dowlada iyo Ahlu Suunna.

Ciidamada Ahlu sunna ayaa dhawaan waxaa lala mataaneeyay ciidamada dowlada Soomaaliya iyadoona meesha laga saaray magaca ciidamada ahlu sunna , taas oo muujinaysa midnimada dowlada Soomaaliya iyo ahlu sunnada gobolada dhexe oo markii hore laba magic kala lahaa .

Caasimada online

Xafiiska dhuusomareeb

Caasimada@live.com