27.8 C
Mogadishu
Friday, June 20, 2025

PUNTLAND oo ku ciil baxday Universal TV soona ceyrisay “Maxaad Khudbadii Faroole ee Brusels u tabin weyseen?”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada online) Sida wararka naga soo gaaraya deegaamada Maamulka Puntland ay shegayaan waxaa guud ahaan la xiray xafiiyadii TV-ga Univessal uu ku lahaa deegamada Maamulka Puntland .

Kadib Bayaan kasoo baxay Axmad Shiikh Jaamac,  wasiirka warfaafinta Puntland ayaa lagu sheegay in Si rasmi ah shaqadii looga joojiyay Tv-ga Universal ilaa amar dambana uusan ka shaqeyn karin deegaamada Maamulka Puntland.

Sababta Shaqada looga joojiyay Universal ayaa lagu sheegay in si bareer ah ay ula dagaalameen wafdigii uu madaxwaynaha Puntland hoggaaminayay ee ka qayb galay Shirkii New Deal 16-ka bishaan ku qabsoomay magalada Brussels.kaasoo Somalia yabooh dhaqaale loogu aruurinayay.

Shirkaasi ayaa waxaa khudbad ka jeediyey Faroole, balse majirin id tabisay, taasi oo ka carreysiisay Puntland.

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sida tan

”Wasaaraddani waxay aragtaa in mulkiilayaasha Tv-gaasi ,falalkooda gurracan ku raalligelinayeen.xafiisyo ku yaal Muqdisho, kagana rabeen cunto rakhiis ah iyagoo xafiisyadaas horay ula sii galay heshiis gobannnimada ka fog, markii xafiisyadda Tv-gaas gaar u siyeen soo tebinta wararka shirkaasi”.

Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa sheegay xogo badan oo ay haleen dhanka shacabka iyo dowladaba,inay garowsadeen in shaqada Universal laga joojiyo,.wuxuna yiri”Sidaas darteed,wasaaraddani, iyadoo difaacays shafarta iyo xaquuqda shacabka reer Puntland, laga bilaabo saacadda 8:00-subaxnimo ee taariikhdu tahay -sabti 21/09/2013, waxay joojisay oo mamnuucday dhammaan howlgalladii Tv-ga UNIVERSAL ee gudaha Dowladda Puntland(Illa war danbe).

”Shacabka reer Puntland meel kasta oo ay dunida ka joogan way yaqaanaan tallaabooyinka habboon ee uu ka qaadayo Tv-gaas xagxagtay sharaftiisa”. ayuu hadalkiisa raaciyay

Inkastoo la sheegay in Baahin la’aanta Khudbadii faroole la rumeysan yahay inay wax ka ogaanyeen midowga Yurub ayaa hadana waxaa ay noqotay mid muran badan keenta isla markaana maanta Tv-gii Universal howshii uu ka hayay Puntland looga joojiyay.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News