25.2 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

Ururka ONLF oo si adag uga jawaatay hadal kasoo yeeray taliyaha militariga Itoobiya

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Ururka ONLF ayaa ka jawaabtay hadal la sheegay in uu ka soo yeeray taliyaha militariga dalka Itoobiya Birhanu Jula.

Bayaan ay soo saartay ayay ku sheegtay in ay dowladda Itoobiya uga fadhiyaan in ay faahfaahin ka bixiso islamarkaana ay kala caddeyso hadalka taliyaha.

Afhayeenka ONLF oo BBC la hadlay ayaa sheegay in arrintan ay la yaab ku noqotay islamarkaana aan al aqbali karin.

Cabdulqaadir Xassan Hirmooge (Caddaani) ayaa farta ku fiiqay in ONLF ay hadalkaas u aragto daandaansi.

“Wax yaab ah ayay noqotay oo nagu cusub, in lugaha geedaha lagu marmaro oo xoogag Itoobiya ay col yihiin lagu tilmaamo inay naga dambeeyeen arrimahaas daandaansi ayaan u aragnaa”

Hadalka ONLF ayaa daba socday hadal la sheegay inuu dhawaan jeediyay taliyaha guud ee militariga dalka Itoobiya Birhanu Jula.

Codka la sheegay inuu yahay kan Birhanu oo dhowaan laga sii daayay mid ka mid ah warbaahinta gudaha Itoobiya, ayaa wuxuu ku sheegay in Masar ay tahay cadawga taariikhiga ah ee Itoobiya, islamarkana ay abuurtay jabhado ka dhan dowladda Itoobiya, ayna ka mid tahay ONLF. Balse dowladda Itoobiya iyo ciidamadaba ma aysan xaqiijin.

Afhayeenka ayaa dhankiisa sheegay in horey ay Itoobiya heshiis ula galeen islamarkaana ay nabadda qaateen taasina ay tahay siyasaddooda qeexan ee cad.

“Annaga waad ogeyd lix sano ka hor ayaan heshiis nabad-galyo qaadannay si nabad ah ayaan dhulkeena uga halgameynay, deegaanka ugu nabadsan ayuu dalkeenu ahaa wlina yahay nabad istaraatiji ah ayaanu qaadannay in halgankeennu uu nabad ku socdo dadkeenuna ay ka faa’iideystaan markaas ONLF aragtideeda siyaasigaha ma qariso oo way cadeysay inay jidkaa nabadda hayso,” ayuu intaa ku daray.

Mr Caddaani ayaa carrabka ku adkeeyay in ONLF ay imika tahya xisbi siyaasi ah oo shaci ah islamarkaana aan waligood lagu eedeyn in ay shisheeye ka dambeeyaan.

“Xisbi siyaasi ah oo sharci ah ayaa nahay, xisbi siyaasi ah oo wadanka ka jiro weeye, xisbi siyaasi ah oo nabad qaatay weeye, ONLF cid madax-adeeg ku sheegto waa laga yaabaa inay jirto laakiin inay cid kale ku ladhan tahay ama ka dambeyso ama ku adeegato waligeed cadowgeeda iyo naasixeeda midna kama soo yeerin,” ayuu yiri Mr Caddaani.

Afhayeenka ONLF ayaa xusay in Itoobiya ay ka sugayaan labo jawaabood midkood oo ah in ay cadeeyaan in hadlkaas ay si ula kac ah u yiraahdeen ama ay ka cudur daartaan.

“War jiraaba cakaaruhu iman wixii ka soo baxa waan arki doonnaa, waxaan ka fileynaa inay caddeeyaan mowqifkooda oo ay dhahaan waan idinla qasadnay ama ay dhahaan arrintaasi khalad ayay ahayd marka iyagay u taallaa jawaabta ay ka bixinayaan” ayuu intaa raaciyay.

Dhanka kale ONLF ayaa sheegtay in heshiiskii ay Itoobiya la galeen ay ka fushay boqolkiiba 20 islamarkana uusan wada hirgalin.

“Boqolkiiba 10 ama 20 ayaa ka fushay sida in xabbad-joojin ay dhacday oo ah dagaalkii Itoobiya iyo ONLF u dhaxeeyay oo si nabad ah aan u dhaqdhaqaaqno laakiin dhibaatada asalka ahayd ee ah inaan dareemeyno gumeysi inaan dareemeyno gacan-bidxeyn inaanu xasuuq soo marnay inaanu mag-dhaw ku leennahay Itoobiya inaanu ictiraaf ku leennahay dambiyadii ay naga gashay arrimahaasi oo dhan xal laga gaarin” ayuu yiri Mr Caddaani.

Sanadkii 2018 ayay ahyad markii ay ONLF iyo dowladda Itoobiya heshiis ku kala saxiixdeen magaalada Casmara ee xarunta dalka Ertreya.

Qodobka ugu weyn wuxuu ahaa xabbad joojin, taasoo ay ONLF dhankeeda ku dhawaaqday , Itoobiyana ay sidaa kaga saartay “Liiska ururrada argagixisada ah”.

ONLF waxay mudo dheer ku jirtay halgan ay ku doonaysay in ay ku xoreyso deegaanada Soomaalida Itoobiya, marxalado kala duwan ayuu halgankii hubaysnaa ee ONLF soo maray.

Waxey dagaalo la galeen ciidamadii dalkaasi Ethiopia ee hoos tagayay maamuladii kala duwanaa ee soo xukumayay dalkaasi.

Isha: BBC

Xog: Maxaa iska beddelay yaboohii Jabuuti ee Itoobiya?

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Jabuuti ayaa mar kale sheegtay inay u yaboohday Addis Ababa heshiis deked wadaag, tallaabadaas oo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda ka dhex aloosan dalalka Geeska Afrika ee Itoobiya iyo Soomaaliya.

Xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa aad u xumaaday markii Itoobiya ay bishii Janaayo heshiis muran badan dhaliyay oo dhinaca badda ah la gashay maamulka gooni u goosadka ah ee Soomaaliya ee Somaliland.

Heshiiska is-afgaradka (MoU) ayaa siinaya Itoobiya oo ka mid ah dalalka ugu waaweyn adduunka ee aan bad lahayn in ay hesho bad, balse Soomaaliya ayaa ku cambaareysay in ay weerar ku tahay madax-bannaanideeda.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Mahamoud Ali Youssouf ayaa sheegay in dowladiisa ay ku yabooheyso in dekadda Tadjoura ay si wada jir ah u maamulaan Itoobiya, balse waxa uu beeniyay in ay qorsheynayaan in gabi ahaan u gacan gelinayaan

“Waxa aan u soo jeedinay Itoobiyaanka ma ahan in aan ka iibino dekedda Tadjoura, weligeed su’aal ma gelin bixinta ama iibinta dekedda,” ayuu u sheegay suxufiyiinta Isniintii.

“Waa dhaxal qaran oo aan weligeed cidna laga iibin doonin,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in taas beddelkeed “si wadajir ah ayaan u maamuleynaa (dekadda)”.

Dekaddan oo ay ku kacday $60-ka milyan, islamarkaana la furay 2017, ayaa waxay marin u siinaysaa Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, taasoo ka mid ah marinnada ugu waaweyn caalamka ee ganacsiga badda.

Mahamoud Ali Youssouf ayaa sheegay inay muhiim u tahay Djibouti oo dhaqaalaheeda ku tiirsan ganacsiga caalamiga ah iyo maraakiibta inay haysato ganacsiga Itoobiya.

Afhayeenka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, Billene Seyoum, si degdeg ah ugama jawaabin codsi ay u dirtay AFP oo ku saabsanaa falcelin.

Sida ku cad heshiiskii 1-dii Janaayo ee ay la gashay Addis Ababa, Somaliland waxay ogolaatay inay 20 kiiloomitir (12 mayl) oo xeebteeda ah muddo 50 sano ah ka kirayso Itoobiya oo doonaysa inay ka samaysato saldhig ciidan iyo deked ganacsi.

Taas beddelkeeda, Somaliland waxay sheegtay in Itoobiya ay siinayso aqoonsi rasmi ah, inkasta tani aysan marnaba xaqiijin Addis Ababa.

Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir aan fadhin iyo dagaal dhuleed, iyado laba dagaal uu dhexmaray dabayaaqadii qarnigii 20-aad.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa Axaddii ka digay in dalkiisa uu “dullayn doono” dal kasta oo khatar ku ah madax-bannaanideeda, kadib markii Addis Ababa ay ku eedaysay jileyaal aan la magacaabin inay doonayaan inay “qalqal-geliyaan” Geeska Afrika.

Hadalladan ayaa yimid kadib markii Qaahira — oo muddo dheer xiisad ay kala dhaxeysay Addis Ababa, taasi oo ku saabsan biyo-xireenka weyn ee Itoobiya ee webiga Niilka Buluuga – ay bishii hore qalab milateri u dirtay Soomaaliya.

Masar ayaa sidoo kale ku yaboohday in Soomaaliya la geeyo ciidamo ka hoos shaqeeya howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee bedeli doona ciidamada nabad ilaalinta ee hadda jira ee loo yaqaan ATMIS, sanadka soo socda.

Itoobiya ayaa hadda kaalin weyn ku leh ATMIS oo gacan ka siisa ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab.

Qorshaha Turkiga ee hawada sare iyo saldhig wayn oo uu ka hirgalinayo Soomaaliya

0

Ankara (Caasimada Online) – Saacadihii la soo dhaafay waxaa si wayn loo hadal hayay qorshe dowladda Turkiga ku dooneyso in ay Soomaaliya kaga hirgaliso saldhig wayn oo laga dirayo Gantaalada hawada sare.

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa waxaa u socda wada-hadalo ku saabsan dhismaha saldhiga gantaallada hawada sare ee Geeska Afrika.

Ilo-wareedyo si dhow ula socda arrintaan ayaa sheegay in barnaamijka gantaalaha ballistic-ga ee Turkiga ay Soomaaliya ku doorteen maadaama ay ku taal cidhifka bari ee Afrika iyo badweynta Hindiya aadna ugu dhaw dhul baraha.

Dowladda Turkiga ayaa dhowr sano waday qorshe ay ku dooneyso in ay ku gaarto hawada sare.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay sanadka 2021 qorshe 10 sano soconaya oo loogu tala-galay barnaamijka hawada sare ee dalkiisa.

Warar soo baxayey xilligaas ayaa sheegayey in barnaamijkan uu u baahan yahay in laga dhiso goobta gantaallada laga soo rido Soomaaliya.

Ilo-wareedyo Turki ah oo la socda qorshaha dowladda ayaa u sheegay bishii February 2021 in Turkiga uu qorsheynayay inuu Soomaaliya ka dhiso saldhig hawada sare ah, kaasi oo ku kacaya  dhaqaale gaaraya 1 bilyan oo dollar ah, si ay u gaaraan dayax 2028.

Dhismaha iyo dayactirka saldhiga ay Soomaaliya ka doonayaan ayaa la qorsheynayaa in ay ku baxdo ku dhawaad ​​350 milyan oo doolar.

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa wada saxiixday heshiis la xiriira dhinaca difaaca, waxaana hadda u socdo wada-hadallo la xiriira hirgelinta saldhig wayn oo Turkiga doonayo inuu ka sameysto gudaha Soomaaliya, si uu uga diro gantaalada hawada sare.

Ugaaska beesha Murusade oo geeriyooday iyo Xasan Sheekh oo war kasoo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde ayaa maanta ku geeriyooday magaalada barakeysan ee Makkah Al-Mukarramah ee dalka Sacuudi Carabiya.

Ugaas Cabdullaahi Faracadde oo ahaa Ugaaska Beesha Murusade ayaa door weyn kasoo qaatay nabadeynta iyo dowlad dhiska, waxaana geerida Ugaaska war kasoo saaray madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde.

Madaxweynaha ayaa xusay kaalinta mugga leh ee uu Ugaas Cabdullaahi, ka qaatay nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay doorkii uu Ugaasku ku lahaa xoojinta dowladnimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi oo maanta ku geeriyooday magaalada Barakeysan Ee Makka Al-Mukarramah. Ugaasku wuxuu ahaa astaan iyo tiir weyn oo dhaqan, door muhiim ahna ka qaatay nabadeynta, isku xirka iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan ayaa Alle uga baryay in uu marxuumka ka waraabiyo jannadii Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa, iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa tacsiyadeeyey geerida ku timid Ugaas Cabdullaahi Faracadde.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diray guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskiisa iyo dhaqanka Soomaaliyeed, geerida ku timid Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi (Fara-cadde) oo ka mid ahaa duubabka dhaqanka Soomaaliyeed ee facaweyn, muddo dheerna kaalin wax ku ool ah ka soo qaatay nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo dowlad-dhiska Soomaaliyeed.”

Marxuumka ayuu Alle u weydiiyay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Xog: DENI iyo QOOR-QOOR oo kulmaya iyo ujeedka

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan ay ku kulmaan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo, halkaas oo uu ku sugan yahay Saciid Deni oo isagu gobolka Mudug saldhigtay tan iyo markii uu ka soo laabtay safarkiisi dibadda.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, labada nin ayaa saacadaha soo socda magaalada Gaalkacyo ku yeelan doona kulan xasaasi ah, kaas oo si weyn loogu gorfeyn doono arrimaha khuseeya labada dhinac.

Xogaha ayaa intaasi ku daray in kulanka madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland uu miiska u saaran yahay qodobo ay kamid yihiin iskaashiga labada dhinac ee arrimaha amniga iyo qodoba kale oo khuseeya danaha labada maamul ee Puntland iyo Galmudug.

Madaxweyne Qoor-Qoor oo mar kale u sharraxan madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa la rumaysan yahay in uu taageero ka haysto dhinaca Deni oo asagu horey u qabsaday doorasho uu kusoo laabtay.

Qoor-Qoor oo muddooyinkii dambe la xirnaa Villa Somalia ayaa hadda isku diyaarinaya sidii uu markale u soo laaban lahaa, xilli uu madaxweyne Xasan Sheekh hortaagan yahay in maamullada ay qabsadaan doorasho iskood ah, maadaama uu ku dhagan yahay doorasho qof iyo cod ah.

Si kastaba, Galmudug ayaa gashay waqti doorasho aan kala cadeyn sida ay wax u dhacayaan ama hanaanka doorasho ee la aadayo, ayada oo Qoor-Qoor uu wajahayo culeys uga imaanaya musharaxiinta mucaaradka ee u taagan kursiga uu ku fadhiyo.

Muxuu yahay gantaalka uu Ruushka ka cabsi qabo in lagu soo weeraro dhowaan?

0

Moscow (Caasimada Online) – Waxaa jira astaamo muujinaya in Maraykanka iyo UK ay maalmo gudahood Ukraine uga qaadayaan xayiraadda ka saaran in ay gantaalada ridada dheer ee ay siiyeen ku weerarto bartilmaameedyo ku yaal gudaha Ruushka.

Ukraine ayaa horay u haysatay gantaaladan, laakiin waxay rukhsad u haysataa oo qura in ay ku rido bartilmaameedyo ku eg xayndaabka soohdinteeda. Ukraine ayaa in muddo ah ka tuugeysey dalalka gantaallada ugu deeqay in ay xayiraadda ka qaadaan si ay ugu duqeyso goobo ku yaal gudaha Ruushka.

Haddaba maxay dalalka reer galbeedku uga cago-jiidayaan tillaabadan, maxayse gantaaladani ka beddeli karaan gooabaha dagaalka?

Waa maxay Storm Shadow?

Storm Shadow waa gantaal nuuca joogga hoose ku duula ah oo ay wada sameeyaan dalalka Ingiriiska iyo Faransiiska, kaas oo ridadiisu gaareyso fogaan dhan 250km (155 miles). Faransiisku waxay uga yeeraan Scalp.

Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa horay u siiyey Ukraine gantaaladan, laakiin waxay ku xireen sharuud ah in Kiev ay u adeegsan karto bartimaameedyo ku yaal gudaha dalkeeda oo qura.

Gantaalkan ayaa waxaa laga ridaa diyaarad xiimeysa, ka dibna wuxuu si iskiis ah ugu duulaa xawaare aad u sarreeya, isaga oo joog hoose ku gooshaya, ka hor inta uusan isagoo qarax xooggan xambaarsan ku hooban bartilmaameedkiisa.

Storm Shadow ayaa loo arkaamid ku habboonb daloolin dhismeyaasha shubka ka sameysan ee lagu keydiyo rasaasta iyo agabka kale ee dagaalka, kaas oo Ruushku u adeegsado duulaanka uu ku hayo Ukraine.

Laakiin marka la eego qiimaha gantaalkan oo halkii xababa ku kaceyso ku dhowaad 1 milyan oo Doolarka Mareykanka ah, iska rid maaha. Wuxuuse u baahan yahay in si beeqaansan loo isticmaalo. Sida in lagu dhex daro raxan diyaaradaha iswada oo raqiis ah, si loo daaliyo, islamarkaana jahowareer loogu rido difaaca lidka gantaallada.

gantaalka Storm Shadow waxaasi weyn loogu adeegsaday in lagu burburiyo saldhigyo ay ciidamada badda Ruushku ku leeyihiin Badda Madow, sida dekedda Sevastopol ee gobolka Cremea..

Justin Crump, oo ah khabiir arrimaha militariga ka faallooda islamarkaana madax ka ah shirkad la yiraahdo Sibylline, ayaa sheegaya in gantaalka Storm Shadow uu si weyn uga dhex muuqday hubka Ukraine, islamarkaana uu daqarro culculus gaarsiiyey bartilmaameedyo Ruushku ku leeeyahay dhulka uu ka haysto Ukraine.

“La yaab ma leh Kyiv u ololeyso in laga qaado xayiraadda ka saaran in ay gantaalka Storm Shadow ku weerarto gudaha Ruushka., gaar ahaan garoomada diyaaradaha dagaalku ka soo duulaan”, ayuu yiri Justin Crump.

Maxay Ukraine hadda u daneyneysaa gantaalkan?

Magaalooyinka Ukraine iyo goobaha furinta hore ku yaal ayaa wehel u noqday weerarro joogto ah oo uga imaanaya dhanka Ruushka, ku waas oo laga soo qaado maraakiib taalla badda Madow. Gantaallada lagu duqeeyana waxay u badan yihiin kuwo aalaaba halakeeya goobaha ciidamada, iyo sidoo kale xarumaha halbowlaha u ah adeegga bulshada, sida isbitaallada.

Kyiv ayaa had iyo goor ku catowda in gardaduub loo xiray maadaama aan loo ogoleyn in ay duqeyso saldhigyada laga soo qaado weerarrada uga imaanaya Ruushka.

Madasha Amniga Globec oo bishii hore ka dhacday magalaada Prague ayaa laga sheegay in saldhigyada ciidamada cirka ee Ruushku ay ka difaac adag yihiin goobaha shacabka Ukraine.

Ukraine ma haysato hub iyo hal-abuur ay u gacan bannaan tahay si ay isaga caabbiso hadimada ku soo foogan, sida diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo masaafo dheer gaari kara, si ay u soo burburiyaan saldhigyada laga soo maleego duullaanka Ruushka.

Isha: BBC

Shirkad uu qeyb ka yahay safiir Soomaaliyeed oo lacag ku haysata safaarada Kenya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Shirkad ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed ayaa dacweysay, kana guuleysatay safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, balse Caasimada Online waxay ogaatay arrin yaab leh oo la xiriirta kiiskan.

Shirkadda dacweysay safaaradda waxay dayac-tir sameysay, sida ay sheegtay, safaaradda intii uu joogay safiirkii hore Maxamuud Tarsan, balse hadda waxay sheegatay lacag dhan 25 Milyan oo shilanka Kenya ah, una dhiganta $193,000 (Boqol sagaashan iyo saddex kun) oo doolarka Mareykanka ah.

Maxkamadda ayaa safaaradda Soomaaliya ee Kenya ku xukuntay inay bixiso lacagtaas, halka safaaraddu ay weli ku doodeyso in la bixiyey lacagtii lagu dhisay dhulka ay safaaraddu ka degan tahay Nairobi.

Caasimada Online waxay heshay xogta dhinacyo kale oo ku lug-yeeshay kiiskaan, ayada oo wararka qaar ay sheegayaan in dayac-tirka lagu sameeyey guri uu Kenya ku leeyahay safiirkii hore ee safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), balse dusha laga saaray safaaradda

Sanadkii 2022 ayaa lacagtaan lagu soo dalacay safaaradda, maadaama uu xiligaas safiir ka ahaa Tarsan, wuxuu ku guuleystay in deyntaas uu uga tago, halka qolada iska leh shirkadda dhismaha fulisay ay ku adkeysatay in lacagtaas ay ku leeyihiin safaaradda.

Kiiskaan ayaa cagaha la galay safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga oo lagu magacaabo Fatxudiin Cali Osbito, kaasi oo la sheegay inuu wax ka leeyahay shirkadda dacweysay safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, kuna sheegatay lacag dhan 25 Milyan oo shilinka Kenya ah, kuna dhow $200,000.

Waxay noqotay arrin yaab leh in safiir Soomaaliya, Fatxudiin Cali Osbito oo dowladda Soomaaliya ay u magacowday safiirka Soomaaliya u jooga Ankara, uu ku lug yeesho dacwad ka dhan ah dowladdiisa, ayada oo haddii ay sida wax u jiraan sax tahay uu dowladda mari karay.

Safaaradda ayaa ku adkeysatay in lacagtaas aan lagu laheyn, maadaama la hayo cadeymaha in dowladda Soomaaliya bixisay kharashkii lagu dhisay safaaradda, sida Caasimada Online ay u xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim ah.

Daawo: Xildhibaano u badan reer Koonfur Galbeed oo ku dhawaaqay qorshe culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay gole ay ku mideysan-yihiin oo shaqeynaya ‘midnimada iyo difaaca dalka, doorasho waqtigeeda ku dhacda iyo la xisaabtanka hay’adaha dowladda.’

Xildhibaanada ku midoobay golahaas oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa xusay qodobada ay ka shaqey doonaan oo gaaraya 14 qodob.

“Ka Shaqeynta doorasho waqtigeeda ku dhacda oo heshiis lagu wadayahay” ayaa lagu yiri qodob ka mid ah war-saxaafadeedka oo xildhibaanadu ay si gaar ah hoosta uga xariigeen.

Waxay sheegeen in dalku ku jiro caalad siyaasadeed oo adag, iyagoo hoggaaminta dowladda ku tilmaamay mid guracan, isla markaana ay ka shaqey doonaan sidii loo toosin lahaa waxyaabaha qaldan.

“Si wadada saxda ah loogu soo celiyo hoggaanka dowladda federaalka, waxaan dhisnay gole ay ku mideysan yihiin qaar ka mid ah xildhibaanada labada Aqalka oo u istaagay xal u helidda mugdiga siyaasadeed oo dalku galay iyo qaladaadka dowladeed ee ka jira golayaasha dowladda,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Xildhibaanadu waxay sheegeen inay dhibsadeen isku milan ka dhex-jira hey’adaha dowladda oo laga rabay inay iskula xisaabtamaan shaqada, taasi oo sida ay sheegeen khilaafsan dastuurka dalka.

“Xoojinta la dagaalanka argagixisada iyo difaaca Qaranka” ayaa lagu yiri qodob ka mid ah war-saxaafadeed, balse laguma soo hadal qaadin Itoobiya oo ah cadowga koowaad ee Soomaaliya, waxaana xusid mudan in Xildhibaanadaan ay yihiin kuwii maalmo ka hor Muqdisho uga dhawaaqay inay la dareen yihiin dadka reer Bay iyo Bakool oo sheegay inay rabaan Itoobiya.

Hoos ka daawo

Mukhtaar Roobow oo farriin hanjabaad ah u diray macalimiinta dugsiyada Qur’aanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee XFS ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay dowladdu digniin ugu dirtay macalimiin xogtooda la hayo oo qorsheynaya inay u hoggaansamaan fikirka guracan ee Khawaarijta.

Warkaan ka soo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta waxaa lagu socod siiyey dhammaan Macalimiinta Dugsiyada Qur’aanka iyo Ducaada Soomaaliyeed, sida mu’adin, imaam masjid, khadhiib ama daaaci ah.

Wasaaradda oo cuskaneysa bayaan ay soo saartay bishii 2-aad ee sanadkii 2023 oo lagu mamnuucay la macaamilka iyo u tagista kooxaha Khawaarijta ayaa qoraalkaan ku tiri.

“Wasaaradu waxay xog ku heysaa in ay weli jiraan Macalimiin Dugsi Qur’aan iyo culimo qorsheynaya in ay u hogaansamaan amarada Khawaarijta, isla markaana ku howlanyhiin aadista goobaha khawaarijtu ku dhuumaaleysato.”

Shirarkii ugu dambeeyay ee Culimada Soomaaliyeed ee ku qabsoomay Muqdisho Oktoobar 2022 iyo Janaayo 2023, ayaa laga soo saaray Fatwooyin Sharci ah oo ka dhanka ah la macaamilka kooxaha Khawaarijta.

“Wasaaraddu waxay u cadeyneysaa in qof kasta oo macallim dugsi Qur’aan, mu’adin, imaam masjid, khadhiib ama daaaci ah ee lagu helo la macaamilka khawaarijta ama u hogaasamida amarradooda, in laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan, isla markaana aan loo haynin wax cudur daar ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee XFS.

Caasimada Online ayaa habeen ka hor baahisay xogtaan, waxaana ogaanay in macalimiin badan ay u tageen Al-Shabaab, kuwaas oo la isugu geeyey deegaanka Tawakal ee gobolka Sh/Hoose, halkaas oo qaarkood ay weli ku xayiran yihiin, maadaama ay ogaatay dowladda Soomaaliya oo hadii ay Muqdisho ku soo laabtaan la xirayo, lana maxkamadeynayo.

Al-Shabaab, sidaan oo kale ayey sanad ka hor macalimiinta dugsi Qur’aanka iyo Imaamyada masaajidda ugu yeereen, waana u tageen intooda badan, waa arrin halis ah, maadaama dadkaas ay soo xambaarayaan fikirka gaaleysiinta iyo gumaadka dadka ee kooxdu duurka kula jirto.

Waxaa xusid mudan in macalimiinta aaday kooxda ay isugu jiraan kuwo dhiga iskuulo, jaamacado iyo dugsiyaal lagu barto Qur’aanka, dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadu ka saaran tahay in dadkaan shacabka ah ee aqoonyahanka ah ay ka badbaadiso kooxdaas arxanka daran, balse si lamid ah Shabaab-ka ayey warbaahinta uga hanjabeysaa.!

Xog: Mugdi ku gadaaman heshiis soo saaris shidaal oo Soomaaliya la gashay Qatar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya oo dhawaan la gashay dowladda Qatar heshiis shidaal qodis ayaa waxaa soo baxeysa daah-furnaan la’aan ku gadaaman hanaanka shidaal soo saarista dalka.

Heshiiskan oo ah nooca “wadaagga wax soo saarka” ayaa shirkadda Alkhaliij u ogolaanaya howl-galinta saddex ceel-shidaal oo ku yaalla berriga Koofurta Soomaaliya, ceelashaan mid kamid ah waxa uu ku yaallaa meel 30KM kaliya u jirta Muqdisho, sida uu sheegay Cabdicasiis Al-daleemi oo ah madaxa fulinta shirkadda Al-khaliij.

“Waxaa lagu heshiiyay ilaa seddex goobood oo dhanka barriga aha kuma jiro wax dhanka badda ah , sidaa darted waxaa la qaadi doona tillaabooyiin degdeg ah Goobahan waxaa hore looga sameeyay sahmin waxayna ahayd talaabadii ugu horeysay ee mashaariicda sahaminta, sidaa darteed waan sii dhamaystiri doonaa,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Laakiin sahminti hore waxaa laga joogo muddo 20 sano ah ama ka badan maraka qaarkood, markaa waa lagama maarmaan in lagu celiyo sahmin cusub, iyadoo xooga la saarayo baarista dhulka hoose iyo muuqaalkiisa, waxaana xigi doona in la qodo taas oo aan rajaynayno inay kasoo baxaan wax miro dhal ah.”

Saddexda goobood ee shidaal qodista laga billaabayo ayaa ah goobo 20 sano ka hor baaris lagu sameeyay, laguna ogaaday inay jirto fursad ah in shidaal ama gaas uu ku jiro.

Heshiiskan oo aan wasaaradda Batroolka ka codasanay faah-faahintiisa nooma suurta-gelin in aan helno, balse nuuca heshiiska oo afka qalaad lagu yiraahdo “production sharing agreement” waa hab ay dowladahu kula heshiiyaan shirkada ajnabi ah oo shidaalka soo saara, oo maal-geliya kharashka ku baxaya kadibna saami ku yeesha shidaalka la soo saaro.

Hesshiiska waxaa daraf ka ah shirkad Soomaaliyeed oo la yiraahdo Gulfsom oo bahwadaag la ah Al-khaliij oo maalgelinta qeyb ka bixineysa. Baaris aan sameynay waxaan ku ogaanay in shirkadaan la diiwaan-geliyay sanadkan aan ku jirno ee 2024, halka uu guddoomiye ka yahay mid kamid ah masuuliyiinta bangiyada maxalliga ah.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in telefoonada xiriirka ee ku xusan degelka shirkaddan ay ku qoran tahay magaca gabar uu dhalay guddoomiyaha, halka cinwaanka xafiiska shirkadda adeegsato uusan aheyn mid jira.

Mas’uuliyiinta shirkaddan oo aan la xiriirnay, si aan wax uga weydiino arrimaha, kama jawaabin wicitaankeena.

Si kastaba, arrimahan ayaa abuuraya daah-furnaan la’aan guud oo ku gadaaman howlaha shidaal barista iyo soo saarista Soomaaliya, kuwaas ooo inta badan la sheego in loo maro hanaan mugdi badan ku gadaaman yahay.

Muqdisho: Askar dishay sarkaal ciidan oo maanta xukun adag lagu riday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun adag kasoo saartay kiiska sarkaal ciidan oo la dilay, falkaasi oo dhacay habeen ku tariikheysan 16-ka bisha 2 ee sanadkaan.

Dable Asluub Maxamed Axmed Cabdi (Musiibo Qaran), Dable Xoogga Jaamac Cabdiqani Jaamac “oo maqane ah” iyo Axmed Daahir Cabdi (Qiiqaalka) “oo maqane ah”, ayaa lagu soo eedeeyey jidgooyo iyo dhac ay ka dhalatay dhimashada ex-labo xidigle Cabuqaadir Muxudiin Aadan oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka.

Marxuumka iyo mid kamid ah saaxibadiisa ciidmada oo ka soo baxay goobtooda shaqo oo aheyd xerada Damaanyo ayaa ku soo dhex dhacay eedeysanayaasha oo isbaaro u taalla laamiga dheer ee Xoosh ee degamdda Garasbaaley

Eedeysane Maxamed Musiibo Qaran oo ku hubeysnaa qoray Ak 47 ayaa labo xabad ku dhuftay marxuumka, isaggoona ka qaatay bistooladii uu watay.

Hay’addaha ammaanka oo ku raad-joogay eedeysaneyaasha, ayaa gacanta ku dhigay Dable Asluub Maxamed Musiibo Qaran 14-kii bishii April ee sanadkaan, waxaana baxsad ah Dable Xoogga Jaamac Cabdiqani Jaamac iyo Axmed Daahir Cabdi (Qiiqaalka).

Baaris dheer kadib xafiiska xeer ilaalinta ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday 10-kii bishaan.

Garsoorka maxkamadda ciidamada qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku kala xukuntay;

1- Maxamed Axmed Cabdi (Musiibo Qaran) dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Cabuqaadir Muxudiin Aadan.

Halka Jaamac Cabdiqani Jaamac iyo Axmed Daahir Cabdi (Qiiqaalka) oo labaduba maqane ah ay maxkamadu ku xukuntay min sideed sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamadda qalabka sida.

Xasan Sheekh oo ku jahwareersan laba hab midii uu Lafta-gareen kula ceeshi lahaa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa Talaadaddii ka dhacay kulan u dhaxeeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha mucaaradka ee Koonfur Galbeed.

Kulankan oo uu dalbaday madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yimid 24 saac kadib markii Cabdicasiis Lafta-gareen uu farriimo weerar ah kasoo tuuray magaalada Baydhabo, isaggoo la saftay dadkii iskugu soo baxay magaalooyinka Xudur iyo Waajib ee dalbaday inay ciidanka Itoobiya sii joogaan dalka. Dhinaca kalena uu halyeey ku tilmaamay xildhibaannadii difaacay dhacdadaas.

Isla maalintaas wuxuu Xasan Sheekh howl-galiyay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe, oo uu u diray inuu Lafta-gareen la hadlo oo xaalada dejiyo kuna qanciyo inuu yimaado shirka soo socda ee Golaha Wadatashiga Qaran.

Isla madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu habeen hore wada-tashi deg deg ah oo arrimaha Koonfur Galbeed la xiriira ugu yeeray xubno ka tirsan xisbigiisa UPD, isaggoo aad uga careysan wixii uu ku hadlay Lafta-gareen, waxayna doodooda ku saleysneyd inay dagaal siyaasadeed u diyaar garoobaan.

Markale isla madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ra’iisul wasaare Xamza iyo Taliyaha NISA Sanbaloolshe kala hadlay inay Baydhabo tagaan oo ay Lafta-gareen xaaladiisa soo dejiyaan.

Afartaasi tallaabo waa laba dagaal ah iyo laba nabad raadin ah, waana 48 saac gudahood, waxaana sameeyay hal qof, dabcan tani waa jahwareer siyaasadeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh laba unba mid laga filaayay, laakiin tallaabooyinkan is-burinaya waxay shaki xoog leh kusii abuurayaan Lafta-gareen. Xasan Sheekh haddii Lafta-gareen uu nabad ka rabo ma aheyn inuu mucaaradkiisa u yeerto, haddii uu dagaal rabana ma aheyn inuu Sheekh Aadan Madoobe farriin nabadeed u dhiibo.

Tani waa caddeynta sida madaxweynaha ugu sugan yahay xaalad siyaasadeed oo aan fadhin. Kulankii shalay ee Xasan Sheekh iyo mucaaradka Koonfur Galbeed marka laga tago inuu Xasan goodin uga jeedo kulanka, haddana xogta labada dhinac laga helay waxay ku eekeyd laba qodob.

Mid waa inuu Xasan Sheekh fasaxay dhaq-dhaqaaqa siyaasadeed ee mucaaradka Koonfur Galbeed, sida inay tegi karaan magaalada Baydhabo iyo deegaanada kale ee maamulka oo olole bilaabi karaan.

Midna waa inuu Xasan Sheekh ku yiri mucaaradka Koonfur Galbeed, shirka soo socda ee Golaha Wadatashiga Qaran haddii ay maamullada iga diidan inay arrinta guddiga doorashada iyo sharciga doorashooyinka igala shaqeeyaan waxaan qaadan doona go’aan deg deg ah, waxaana iska kaashan doona sidii Lafta-gareen loo bixin lahaa.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa shalay tegay Baydhabo, iyada oo ujeedka yahay inuu xaalka Lafta-gareen soo dejiyo, oo uu kusoo qanciyaa inuu Muqdisho yimaado oo uu ka qeyb-galo shirka soo socda ee Golaha Wadatashiga Qaran, oo Xasan Sheekh uu la galo wada-hadal cusub.

Mar haddii Xasan Sheekh deg deg ugu yeertay mucaaradka Koonfur Galbeed isaga oo Lafta-gareen u jawaabaya ma cadda sida inta dhiman la isku aamini karo. Dowladdana waxaa ka muuqata jahwareer inay garan la’dahay dariiqa ay u mareyso waxa ay rabto ayey leeyihiin dadka ka faalloonaya mowduucan.

Dad ku dhow dhow Lafta-gareen ayaa laga soo xiganaya inuu kasii carooday labada tallaabo ee madaxweyne Xasan Sheekh u qaaday dhinaca dagaalka, taasina ay humaag badan gelin doonto sii wada socoshada.

Sawirro: Golaha Wasiirada oo maanta ansixiyay xeer xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah ayaa ansixiyey xeerka dhismaha xafiiska amniga qaranka oo ay wasaaradda amniga guduha soo gudbisay.

Shirka oo uu guddoominaayey ra’iisul wasaare ku-xigeenka Saalax Axmed Jaamac ayaa waxaa wasaaradaha qaar ee xukuumadda looga dhageystay warbixninno ku aadan xaaladda guud ee dalka.

Waxaa warbixinta kulankii maanta looga dhageystay wasaaradaha amniga gudaha iyo gaashaandhigga. Wasaaradda Amniga ayaa ka hadashay howlaha sugida amniga, gaar ahaan deegaannada ka tirsan caasimadda iyo deegaannada hoos yimaada.

Sidoo kale, wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya ayaa iyadna ka warbixisay howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda qeybo kamid ah dalka.

Intii kulanka uu socday, golah ayaa warbixin muhiim ah oo la xiriirta waxbarashada aas-aasiga ah iyo midda sare ee ardayda Soomaaliyeed waxa uu ka dhageystay wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare.

Si kastaba, xeerkan ay maanta ansixiyeen golaha wasiirrada ee soo gudbiday wasaaradda amniga ayaa ah mid xasaasi ah, oo door muhiim ah ka ciyaaraya dhismaha xafiiska amniga qaranka.

Xogta kulamo xasaasi ah oo dhex-maray R/W Xamza iyo Laftagareen + Sawirro

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Macluumaad dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa wada-hadallo gaar ah oo dhex-maray madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo shalay gaaray magaalada Baydhaba.

Kulanka oo xalay ka dhacay xarunta madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa waxaa looga hadlay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka Laftagareen iyo madaxweyne Xassan Sheekh oo sii xoogeystay kadib markii ay Koonfur Galbeed soo dhaweysatay dowladda Itoobiya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulanka ayaa ahaa mid adag oo aan waxba la’isku reeban, isla markaana la’isku riiqmay, maadaama lagaga hadlay qodobo xasaasi ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in illaa iyo hadda aan wax horumar ah laga gaarin, balse ay sii socdaan wada-hadallada, maamaada ra’iisul wasaaraha oo weli joogo Baydhaba.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha iyo madaxweyne Laftagareen ayaa maanta si wadajir ah u guddoomiyaya shirka golaha wasiirada maamulkaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah oo ay kamid yihiin amniga, siyaasada iyo xoojinta wada-shaqaynta wasaaradaha heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Ra’iisul Wasaare Xamza iyo Taliye Sanbaloolshe oo hadda ku sugan Baydhabo ayaa u tagay xallinta xiisada siyaasadeed ee madaxweyne Lafta-gareen iyo Villa Somalia, iyada oo uu diray madaxweyne Xasan Sheekh, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Lafta-gareen ayaa lasoo warinayaa inuu qorsheynayo qabashada doorasho gaar ah, waxaana la sheegayaa in saraakiisha Itoobiya ee Baydhabo jooga ay ku cadaadinayaan tallaabadaas inuu qaado, xilli uu dhawaan warbaahinta ka beer laxawsaday reer Koonfur Galbeed.

Qorshaha Lafta-gareen oo Itoobiyaanka gadaal ka riixayaan ayaa waxaa la sheegay inay uga dan leeyihiin si uu uga furto Villa Somalia iyo qorshaheeda doorasho qof iyo cod, xilli ay Addis Ababa iyo Muqdisho ka dhex aloosan tahay xiisad salka ku haysa is-afgaradkii Abiy uu la gaaray Muuse Biixi.

Si kastaba, Xiisadda Villa Somalia iyo Koonfur Galbeed ayaa dhowaan cirka isku shareertay, kadib markii maamulka Lafta-gareen uu ka horyimid qorshaha Villa Somalia ee ku aadan sida loo wajahayo arrinta Itoobiya, waxaana deegaanada maamulkaasi ka dhacay dibad-baxyo lagu taageeray ciidanka Itoobiya.

Dagaal xooggan oo maanta dib uga qarxay gobolka MUDUG + Khasaaraha

0

Towfiiq (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in daaal beeleed lagu hoobtay uu maanta ka dhacay deegaanka Buuq oo hoostaga degmada Towfiiq oo dhacda bariga gobolkaasi, kaas oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa soo bilowday gelinkii dambe ee shalay, wuxuuna soo gaaray illaa saaka, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhintay dagaalkan, halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 30 kale, waxayna dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay isugu jiraan rayid iyo dhinacyadii dagaalamay.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana is horfadhiya maleeshiyaadka dagaalamay oo helayo gurmadyo kala duwan, taas oo uga sii dareysa xiisadda.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay maamullada Galmudug iyo Puntland oo ku aadan dagaalka lagu hoobtay ee dib uga qarxay gobolka Mudug.

Wuxuu dagaalka kusoo aaday, xilli muddooyinkii ugu dambeeyey ay Galmudug iyo Puntland ku howlanaayeen sidii loo baajin lahaa coladda deegaankaasi oo muddo dheer soo jiitamaysay siweynna u ragaadisey horumarka deegaandaasi.

Si kastaba, gobollada dhexe ayaa waxaa kusoo laa laabta colaado sokeeye, waxaana dagaallo kala duwan ay ka socdaan Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

PUNTLAND oo jawaab culus ka bixisay hanjabaadii ciidanka PSF

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa qaaday tallaabo culus oo la xiriirta xiisadda kasoo cusboonaatay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kadib markii dhowaan hanjabaad culus ay soo saareen ciidanka PSF ee fadhiggoodu yahay gudaha magaaladaasi.

Taliska PSF oo maalin kahor qoraal soo saaray ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha Boosaaso loo beddalay xero ciidan, isla markaana laga wareejiyay gacantii rayidka, sidoo kalena askar oo dhaawac ah oo ka tirsan ciidanka PSF-ta laga hor istaagay in laga dhoofiyo garoonka Boosaaso.

PSF ayaa sidoo kale ku goodisay inay qaadeyso tallaabo ciidan, waxayna shacabka ugu baaqday inay ka fogaadaan aagga garoonka, si aysan waxyeelo uga soo gaarin halkaasi.

“Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ma ahaan doono goob u xiran ciidamo gaar ah ama qoys gaar ah waxaan uga digeynaa dhammaan shacabka ku dhaw garoonka Boosaaso in ay isaga fogaadaan. Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ma ahaan doono goob u xiran ciidamo gaar ah ama qoys gaar ah” ayaa lagu yiri qoraal maalin kahor kasoo baxay ciidamada PSF.

Intaas kadib Puntland ayaa jawaab ka bixisay hanjabaadda PSF, waxaana xalay kulan ay isugu yimid maamulka gobolka Bari iyo saraakiisha ciidamada, kaas looga hadlay xaaladda amni ee magaalada Boosaaso, wararka la xiriira khalkhal galinta.

Guddoomiyaha gobolka Bari, Cabdirisaaq Cali Saciid oo madasha ka hadlay  ayaa ganafka ku dhuftay hadalka kasoo yeeray ciidanka PSF, wuxuuna hoosta ka xariiqay in nabad-gelyo xumo aysan ka jirin magaalada Boosaaso.

Sidoo kale wuxuu baaqay ciidanka PFS inay ka fogaadaan wax kasta oo abuuri karo nabad-gelyo darro, si loo ilaaliyo xasiloonida magaalada.

“Waxaan rabnaa in shacabka magaalada in ay ogaadaan in aysan jirin nabad galyo xumo, waxaan uga digeynaa dadka nabad galyo darrada abuuraya in ay ka fogaadaan” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Bari.

Arrintan ayaa durbo dhalisay xiisad xoogan oo laga dareemay Boosaaso oo ay horay ugu dagaalameen ciidamada PSF-ta iyo kuwa kale oo taabacsan madaxtooyada maamulkaasi.

Nin iyo xaaskiisa oo si arxan darro ah loogu dilay Galgaduuud + Sababta

0

Cadaado (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo xalay ka dhacday deegaan hoostaga gobolka Galgaduud, kadib markii hal goob lagu dilay nin iyo xaaskiisa oo ay weerareen maleeshiyaad hubeysan.

Falkan ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhexeysa magaalooyinka Godinlabe iyo Cadaado ee gobolkaasi, waxaana lasoo wariyay in dhacdadan ay la xiriirto aano qabiil.

Marxuumka ayaa kasoo jeeday Cadaado, waxaana lagu magacaabi jiray Cilmi Cumar, ayada oo lala dilay xaaskiisa, xilli ay ku sugnaayeen gurigooda, kaas oo sidoo kale dab la qabad siiyay.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay dilka lamaanahaasi, wuxuuna sheegay in loo dilay aano qabiil darteed, ayada oo ay baxsadeen maleeshiyaadkii ka dambeeyay falkaasi oo lasoo wariyay inay kasoo jeedaan dhanka deegaanka Gadoon ee gobolka Galgaduud.

“Allaha u naxariistee waxa ay maleeshiyaadku dileen nin la yiraahdo Cilmi Cumar iyo naagtiisa, waxaana dilay maleeshiyo ka soo jeedo beesha degtay Gadoon oo gabadha iyaga ayay islahaayeen, ninkuna dhinaca Cadaado ayuu kasoo jeeday, hal goob ayaana lagu dilay  guriga ayaana loogu tegay” ayuu yiri.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo mas’uuliyiinta gobolka oo ku aadan dilka argagaxa leh ee loo gaystay dadkaasi.

Dilkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii u dambeeyay ay dagaallo ka socdeen qaybo badan oo kamid ah gobolka Galgaduud, kuwaas oo u dhexeeyo maleeshiyaad beeleedyo ku sugan halkaasi.

Sawirro: 10 nin oo loo haysto dambiyo culus oo lagu soo bandhigay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya, gaar ahaan qaybta gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay illaa 10 eedeysane oo loo haysto inay dhibaatooyin kala duwan ka gaysteen qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Eedeysanayaasha oo sawirradooda lala wadaagay warbaahinta ayaa loo haystaa inay gaysteen dil, dhaawac iyo dhac, isla markaana ay qalqal-gelinayeen amniga caasimada.

Qoraal kasoo baxay Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in haatan lasoo xiray eedeysanayaasha, isla markaana lagu soo qabtay howlgalladii ugu dambeeyay.

“Howlgal ay sameeyeen Ciidanka Boliiska Gobalka Banaadir oo kaashanaya Hay,adaha amaanka Caasimadda ayaa soo xiray eedeysanayaal gaaraya 10 xubnood, kuwaas oo geestay falal iskujira Dil,Dhaawac iyo dhac dadweyne ka geestay, Dagmooyin kala duwan ee Caasimadda” ayaa lagu yiri qoraalka kooban ee kasoo baxay taliska Booliska.

Sidoo kale wuxuu Boolisku intaasi ku daray in raggan lala tiigsan doono sharciga, lana horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan,

“Waxaa ku socota baaris waxaana la mar siindoonaa cadaaaladda” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Booliska Gobolka Banaadir.

Dhinaca kale Booliska ayaa farriin u diray shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho, wuxuuna ka dalbaday inay kala shaqeeyaan amniga, soona wargeliyaan halis kasta,

“Waxaa shacabka Caasimadda ku nool laga codsanayaa in ay nala soo wadaagaan cidwalba oo ammniga lidi ku ah, adiga oo nagala soo xariiraya xafiiska Gurmad ee Ciidanak Boliiska Soomaaliyeed 991 amma [email protected].” ayaa lasii raaciyay qoraalka Booliska.

Maalmihii u dambeeyay waxaa caasimda ka socday howlgallo amni xaqiijin ah oo lagu soo qabtay burcaddii ugu badneyd, sidoo kalena lagu fashiliyay weeraro qaraxyo ah.

Xog: Sababta rasmiga ah ee SOMALILAND ay u xirtay maktabaddii Masaarida

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa shalay shaacisay inay albaabbada u laabtay Maktabadda Dhaqanka ee dalka Masar ee magaalada Hargeysa.

Maktabaddan oo uu ku socday dayactir ayaa waxay ku taallaa meel u dhow Madaxtooyada Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Ciise Kayd oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in sababo dhanka ammaanka ah loo xiray maktabadda, isla markaana muddo loo qabtay in shaqaalaha ka shaqeynayay ay isaga baxaan Somaliland.

“Waxaa jira oo dowladda Somaliland ay aqoonsatya walaacyo amni oo halis ku ah qaranka, sidaa darteed wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah waxay go’aansatya in lagama maramaan ay tahay in si joogto ah loo xiro Maktabadda Dhaqanka ee Masar, kuwa ka shaqeeynayana dalka laga saaro muddo 72 saacadood ah,” ayuu yiri Ciise Kayd.

“Go’aankan ma aha mid fudud, laakiin badbaadada muwaadiniinteenna waa mas’uuliyad qaran oo muhiim ah. Waan ognahay Masar hubka ay kusoo daldashay dowladda Muqdisho oo aan aaminsannahay inay waxyeeleyso nabadgelyada iyo xasiloonida mandiqadda,” ayuu yiri.

Dr Ciise Kayd ayaa sidoo kale sheegay inuu soo dhammaaday heshiiskii is afgarad ee badda ee horraantii sanadkan ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya.

Maxay tahay maktabaddan?

Maktabaddan oo haatan uun la doonayay in dib loo furo ayaa waxaa ku socday dhisme. Qalabkii iyo buugaagtii lagu furi lahaa ayaa waxay haataan yaallaan Dekedda Berbera, dhawaan ayaana la filayey in la soo raro, sida uu sheegay mid ka mid ah shaqaalaha oo diiday in magaciisa la shaaciyo.

Shaqaalaha meesha ka shaqayn jiray ee shaqaale ahaanta ugu qoran ayaa gaaraya ilaa shan.

Maxamed Cabdi Daa’uud oo ah taariikhyahan ku nool magaalada Hargaysa ayaa sheegay in markii ugu horreysay ee Masaaridu ay tageen Hargeysa ay tahay qiyaastii bilowgii 1964, iyagoo xilligaas furay madraso bilaash ah.

Maxamed oo qudhiisa mar ka mid noqday ardaydii madrasada ayaa yiri: “Iskuulka muddo ayuu socday ilaa 1969. Waxay sidoo kale sameeyeen maktabad wixii ka dambeeyay 1966 meelahaas, waxayna ka fureen meel u dhow Shaleemadii Qaranka Hargeysa oo ay kireysteen.”

Maktabadda ayaa waxaa markaa magaceeda la oran jiray Maktabadda Islaamiga ah ee Masar, sida uu sheegay Maxamed.

Muddo kadib ayaa maktabadda loo soo wareejiyay meel u dhow madaxtooyada Somaliland, iyagoo dhisme ku waday fooq ilaa labo dabaq ah.

“Filimo af Carabi ah ayaa lagu daawan jiray si bilaash ah, si ay dhalinyarada usoo jiitaan. Dhaqan Masaari ah ayay sideen aflaamta, sida dagaallo iyo heesaha iyo qoob ka ciyaarka dalkaas,” ayuu intaa raaciyay.

Maktabaddan oo burburkii Soomaaliya kadib isaga guurtay Hargeysa, ayaa waxaa haatan la doonayay in dib loo furo, iyadoo dhismaha uu ku socday casriyeyn. Somaliland ayaa ku amartay injineerrada iyo shaqaalaha inay degdeg isaga baxaan halkaas.

Maxamed ayaa sheegay in sababta ay Somaliland u xirtay maktabaddan ay u muuqan karto inay tahay “Kolley Masaaridu waxay u janjeertay dhanka midnimada Soomaaliya marka la eego taariikhdoodii hore,” ayuu yiri Maxamed.

Isha: BBC

Xog: Xamza iyo Sanbaloolshe oo Baydhaba u tegay baajinta qorshe xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo wafdi u hoggaaminayo oo uu qeyb ka yahay Taliyaha NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa xalay ku hoyday magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaare Xamza iyo Taliye Sanbaloolshe ayaa Baydhabo u tagay xalinta xiisada siyaasadeed ee madaxweyne Lafta-gareen iyo Villa Somalia, iyada oo uu diray madaxweyne Xasan Sheekh, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen illo wareedyo ku sugan Baydhabo, waxaa haatan kulan u socdaa labada dhinac sidii loo qaboojin lahaa xiisadaas, isla markaana madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen u aqbali lahaa shirka soo socda ee golaha wadatashiga qaran.

Lafta-gareen ayaa lasoo warinayaa inuu qorsheynayo qabashada doorasho gaar ah, waxaana la sheegayaa in saraakiisha Itoobiya ee Baydhabo jooga ay ku cadaadinayaan tallaabadaas inuu qaado, xilli uu dhawaan warbaahinta ka beer laxawsaday reer Koonfur Galbeed.

Qorshaha Lafta-gareen oo Itoobiyaanka gadaal ka riixayaan ayaa waxaa la sheegay inay uga dan leeyihiin si uu uga furto Villa Somalia iyo qorshaheeda doorasho qof iyo cod, xilli ay Addis Ababa iyo Muqdisho ka dhex aloosan tahay xiisad salka ku haysa is-afgaradkii Abiy uu la gaaray Muuse Biixi.

Xiisadda Villa Somalia iyo Koonfur Galbeed ayaa dhowaan cirka isku shareertay, kadib markii maamulka Lafta-gareen uu ka horyimid qorshaha Villa Somalia ee ku aadan sida loo wajahayo arrinta Itoobiya, waxaana deegaanada maamulkaasi ka dhacay dibad-baxyo lagu taageeray ciidanka Itoobiya.

Sidoo kale waxaa jirtay in xildhibaannada maamulkaasi ay taageereen qorshaha Koonfur Galbeed ku rabto Itoobiyaanka, kuwaas oo iyana uga sii darah xiisadda haatan taagan oo yeelatay waji cusub, kuwaas oo uu umahad-celiyay Lafta-gareen.

Si kastaba, waxaa haatan isha lagu hayaa waxa kasoo bixi doona kulamada xasaasiga ah ee madaxda dowladda federaalka ee ku sugan Baydhabo iyo maamulka Koonfur Galbeed uga socda caasimada maamulkaasi.