25.4 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

Qaraxyo is xig-xigay oo ka dhacay Muqisho + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxyo xoogan oo goordhow ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Qaraxyada oo is xig-xigay ayaa si gaar ah uga dhacay waddada laamiga, gaar ahaan dalcadda degmada Kaxda, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxyada ay ahaayeen labo, ayada oo nuucooda lagu sheegay miinada dhulka lagu aaso.

Khasaare badan ayaa lasoo wariyay oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah iyo askar ku sugnaa goobaha la qarxiyay.

Sawirro lasoo dhigay baraha bulshada ayaa sidoo kale muujinayo maydad iyo dhaawacyo dhulka daadsan oo gurmad deg deg ah loo fidinayo.

Sidoo kale halka uu qaraxu ka dhacay ayaa ahayd goob ay dhalinyarada tegaan, ayna sawirro ku galaan, maadaama ay u dalxiis tegaan halkaasi.

Guddoomiyaha maamulka degmada Kaxda oo goobta kula hadlay warbaahinta wuxuu xaqiijiyay dhimashada 5 wiil oo dhalinyaro ah iyo dhaawaca 8 kale oo ku sugnaa halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobta tegay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo halkaasi ka sameeyay baaritaano dheeraad ah.

Mareykanka oo war culus kasoo saaray xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa mar kale war cusub kasoo saartay xiisadda u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska badda ee horraantii sanadkan dhex-maray Somaliland iyo Itoobiya.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Richard Riley oo hadalkan dhawaajiyay ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in xal nabadeed oo lagu dhameeyo khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Mareykanka uusan marnaba aqoonsan doonin heshiiskaas oo xiisad ka dhex abuuray Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in nasiib darro ay tahay in Itoobiya ay kusii dheganaato heshiiskan oo uu tilmaamay inuu carqalad ka abuurayo gobolka Geeska Afrika.

“Aad ayaan uga warqabnaa oo si wada jir ah ayaan uga shaqeyneynaa si aan u hubino in xal diblumaasiyadeed laga gaaro xaaladdan hadda jirta. Waa xaalad nasiib-darro ah, qas badan, oo ka bilaabmatay Is-fahamka Somaliland iyo Itoobiya. Dabcan ma aqoonsanin, waxaanan isku dayeynaa in aan ku xalino dariiq diblomaasiyadeed” ayuu yiri Riley.

Dhankiisa Danjiraha Maraykanka u qaabilsan geeska Afrika Mike Hammer oo ka hadlay qaddiyadan ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, taas oo si weyn ugu dagaalameyso dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliya ay kasii taageeri dooonan la dagaalanka argagixisada, maamaama ay qayb ka yihiin la dagaallanka Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa horay u diiday heshiiska Addis Ababa iyo Hargeysa, isaga oo taageero u muujiyay madax banaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho: Muuqaal argagax leh iyo toogasho toos ah + Go’aan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta dhageysatay kiiska askar ka tirsan ciidamada dowladda oo uu is-fahamwaa soo kala dhex-galay, kuwaas oo isku qabsaday isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho.

Maxkamadda ayaa soo bandhigtay muuqaal argagax leh oo ay duubtay Kaamirada CCTV, taas oo laga daawaday israsaaseyn goobta ka dhacday oo dhalisay dhimasho iyo dhaawac.

Muuqaalka ayaa waxaa laga arkayay darawalka sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska oo toos rasaas ugu furayo askar iyo dad kale oo meesha joogay, waxaana toogashadaas ku dhintay hal askari oo ka tirsanaa isla ciidamada Booliska Soomaaliya oo ku sugnaa barta Siinaay.

Sababta keentay dagaalka ayaa ahayd in waddada oo xirneyd kadib gaariga looga shakiyay qarax oo goobta yiilay ay yimaadeen askar kale oo ka tirsan dharcadda NISA oo watay gaari Probox ah, waxaana eedeysane Yaasir Cabdullaahi Xirsi (Baakaay) uu isku dayay inuu xoog uga sii daayo goobta, taas oo keentay inay is khilaafsaan isaga iyo askartii kale.

Cali Xasan Cali waa askariga ku qornaa waardiyaha goobta, wuxuu ka sheekeeyay sida ay wax u dhaceen, isaga oo tilmaamay in Yaasir Cabdullaahi Xirsi (Baakaay) oo ah ninka lagu soo eedeeyay bilaabidda dagaalka uu kusoo furay rasaas, kadibna uu iska difaacay, kana dhaawacay gacanta.

“Markii aan gaariga daayay kadib waxaa ii yimid ninkan oo qoray wato kadibna xabad ayuu soo riday anigane naftaada badbaadso ayaan gacanta uga dhaawacay” ayuu yiri Cali Xasan.

Eedeysanaha oo isna maxkamadda kahor hadlay ayaa qirtay inuu rasaas furay, balse waxa uu sheegay in aanu caddeyn karin in rasaastaas ay haleeshay marxuumka.

“Dhib ayaa meesha ka dhacay oo buuq ah askar meesha joogtay ayaan is qabsanay sidaas aawgeed ayaa xabadaha u riday” ayuu isna ku jawaabay eedeysane Yaasir Cabdullaahi Xirsi (Baakaay).

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Ma caddeyn karo cidda dishay marxuumka iyo inay ku dhaceen xabadaheyga, ninkaas nin walaalkey ah ayuu ahaa oo aan isku koorsa ahayn wax dagaal ahna nagama dhexeynin”.

Waxaa sidoo kale goobta la keenay marqaatiyeyaal kala duwan oo goobjoog ahaa, kuwaas oo ay wareystay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Intaas kadib xeer ilaalinta ayaa dalbaday in eedeysane Yaasir Cabdullaahi Xirsi (Baakaay) lagu xukumo dil toogasho ah, dhanka kalena lasii daayo Cali Xasa Cali oo ay sheegtay in aanu laheyn wax dambe ah.

Ugu dambeyn guddoomiyaha maxkamadda Xasan Cali Nuur (Shuute) oo fadhigga soo xiray ayaa ku dhowaaqay go’aanka, wuxuuna sheegay in Yaasir Cabdullaahi Xirsi (Baakaay) lagu xukumay dil toogasho ah, halka uu amray in xorriyaddiisa lasiiyo Xasan Cali Xasan oo ay maxkamadda u aqoonsatay difaacu nafsi, una taagnaa shaqada loo igmaday ee qaranka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo maanta qaaday tallaabo kale + Sawirro

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo weli xiisad xoogan ay kala dhexeyso dowladda dhexe ayaa maanta qaaday tallaabo kale, wuxuuna kulan deg-deg ah isugu yeetay Senatorada Koonfur Galbeed ku metala Golaha Aqalka Sare Soomaaliya.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyada magaalada Baydhabo, iyada oo looga hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka.

Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska madaxweyne Laftagareen ayaa waxaa lagu sheegay in kulankan diiradda lagu saaray arrimo ay kamid yihiin xaaladda siyaasadeed ee ka taagan dalka, arrimaha ammaanka iyo sidoo kale hormarinta bulshada ku dhaqan Koonfur Galbeed.

“Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan gaar ah la qaatay Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dalka Deegan Doorashadoodu ay Tahay Koonfur Galbeed. Madaxweyne Laftagareen iyo Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa ka wada hadlay Arimaha Taagan ee Siyaasada Dalka, Hormarinta Bulshada iyo Amniga Guud ee Deeganada Koonfur Galbeed” ayaa lagu yiri warsaxaafadedka.

Dhaq-dhaqaaqa ay hadda bilaabeen Senetorada kasoo jeeda Koonfur Galbeed waxaa uga sii horeeyay xildhibaannada maamulkaas ee ku jira Golaha Shacabka oo 25 kamid ah ay si toos ah u taageereen shacabka Koonfur Galbeed ee u dibadbaxay ciidamada Itoobiya.

Arrimahan ayaa sidoo kale kusoo aadayo, xilli maalin kahor ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre uu booqasho ku tegay magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ee Koonfur Galbeed, halkaas oo uu kulamo kula yeesheen madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

Inta badan kulamada ayaa waxaa looga hadlay xiisadda u dhexeysa Villa Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed , balse ma jirto natiijo rasmi ah oo laga gaaray wada-hadalladaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada S/Land + Sawirro

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Koomiishanka doorashooyinka Somaliland ayaa maanta tallaabo u qaaday doorashada maamulkaasi, waxaana shahaadooyinka musharraxinimo uu guddoonsiiyay musharixiinta u taagan madaxweynaha ee maamulkaasi.

Munaasabad ka dhacday magaalada Hargeysa ayaa waxaa shahaadada musharraxinimo ku qaatay saddexda musharrax ee xisbiyada Somaliland oo kala ah Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi,oo ka sharaxan xisbiga Kulmiye, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo ka sharaxan xisbiga Waddani iyo Faysal Cali Waraabe oo ka sharaxan xisbiga UCID .

Sidoo kale saddexdaan xisbi iyo sidoo kale ururada kala ah Kaah, Hilaac, Barwaaqo, Rajo, Talo Wadaag, Shacabka iyo Horseed  ayaa loo ogolaaday in ay ka qaybgalaan doorashada ururada oo ku lamaanan doorashada madaxtooyada.

Diyaargarow xoogan ayaa haatan ka socda Somaliladn, kaas oo ku aadan doorashooyinka isku sidkan ee dhici doona 13 -ibsha November, kuwaas oo si weyn loogu loolami doono.

Sida qorshuhu yahay olola doorashada ayaa si rasmi ah u bilaabmi doono soo socota ee October, iyada oo musharixiinta saddexda ah ee is diiwaangeliyay  ay u tartami doonaan xilka madaxweynaha, halka ay madaxda ururaduna isku dayi doonaan in ay ururadooda u raadiyaan cod gaarsiiya xisbinimo.

Muddo dheer ayaa waxaa khilaaf xoogan uu ka taagnaa doorashada Somaliland, kaas oo sababay in muddo laba sano ah dib looga dhaco waqtigii loo asteeyay doorashadaasi.

Si kastaba, Somaliland ayaa hada u diyaar garoobeyso doorasho xasaasi ah oo ay ku loolami doonaan xisbitada talada haya Kulmiye oo wajihi doona Wadani iyo UCID.

   

Odayaasha beelaha Hawiye oo war culus soo saaray, una jawaabay Yuusuf Geelle

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa u jawaabay Xildhibaan Yuusuf Geelle (Dhagey) oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka oo dhowaan raalligelin siiyay odayaasha.

Ugaas Dhagey oo kamid ahaa xildhibaano isku howlay xallinta xiisaddii ka dhalatay hadalladii kasoo baxay xildhibaannadii taageeray Itoobiya ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay Muqdisho uga hadlay arrimo la xiriiray xiisaddaas oo si weyn u laba qaraxday.

“Waxaan rabaa inaan ka hadlo waxqabadkii maalmahan aan ka shaqeyneynay annaga oo u istaagnay aniga iyo xildhibaanno kale in mad-madow aan dhammeyno oo ka dhex jiray baarlamaanka ayaa haddane arrintaas waxa ay keentay dhinaca kale teamka kale oo odayaal ah inay si kale u arkaan” ayuu horay u yiri Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas.

Intaas kadib waxaa soo jawaabay odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye oo maanta warsaxaafadeed soo saaray, waxayna sheegeen inay aqbaleen raalli-geinta xildhibaanka.

Sidoo kale waxay u mahadceliyeen dhammaan xildhibaannada beelaha Hawiye ee ku jira labada Gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

“Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye waxa aqbaleen raalli-galintii Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas (Ugaas Dhagay) sidoo kale waxay u mahadcelinayaan dhammaan Xildhibaannada siyaasadda ku metala beesha” ayaa lagu yiri qoraalka Odayaasha.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Odayaasha ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Xildhibaan Ugaas Yuusuf Geelle (Ugaas Dhagay) waayo aragnimadiisa iyo xogaalnimadiisa sodon iyo dhowrkii sano ee dalkan soo maray, sidoo kale waxay ku dhiirogelinayaan dadaalkiisa odaytinimo”

Ugu dambeyn odayaasha Hawiye ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay midnimo iyo in si wadajir ah meel looga soo wada jeesto cadowga dalka, maadaama ay taagan tahay xiisad culus.

Dagaalka DF iyo Puntland oo meel xun gaaray, kadib arrin maanta dhacday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalka siyaasadeed ee haatan u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo Puntland ayaa kasii daray, kaas oo saameeyay wada-shaqeyntii iyo xiriirkii magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe oo gebi ahaanba meesha ka baxay.

Kala tega dowladda dhexe iyo maamulka Puntland ayaa sii kala fogeeyay arrimo badan oo muhii ah, wuxuuna uga sii daray xaaladda guu ee dalka.

Dagaalka haatan wuxuu gaaray meeshii ugu xumaa, waxaana kusoo biirtay warbaahinta dowladda oo si la yaableh uga hadashay shir xasaasi ah oo xalay madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ay ku yeesheen waqooyiga magaalada Gaalkacyo ew xarunta gobolka Mudug.

Shirka labada maamul ayaa waxaa si gaar ah looga hadlay iskaashiga amniga labada dhinac iyo waxyaabihii ka dhaqan-galay heshiisyadii hore, hayeeshee warbaahinta qaranka oo baahisay wadahadalladan ayaa ka tegtay sawirrada madaxweyne Saciid Dani iyo wasiiradiisa, waxaana ay qaadatay oo kaliya sawirrada safka madaxweyne Qoor Qoor iyo mas’uuliyiintii ku wehlinayay shirkaasi.

Arrintan ayaa dhalisay hadal hayn xoogan, waxaana ka falceliyay dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaaas oo si wayn u dhaleeceeyay warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Cabdiraxiin Cismaan ayaa yiri “Dagaal shaanshiyeed war ninka sawwirkiisa maxaa u reebteen Qoor Qoorba waa soo saarteenee mise TV-ga Qqoorta walaalihiis aa leh?”.

Siidow Macallin Siidow oo caan ka ah baraha bulshada ayaa isna ku jawaabay “See camal Deni Soomaali ma ahan miyaa walee Tvga Qaranka waa wasaqeyseen?”.

Maxamuud Maxamed Diiriye ayaa isaguna su’aal ka keenay arrintan “Oo sawirka madaxwayne Deni maxa uga tagteen?”.

Cabdikariin Geelle ” War waxaani colaadin iyo xifaaltan rageed maaha! Waa maxay sawirada halka dhinac ah?!”.

Luqmaan Cismaan “Hadhow baa lagu dhihi TV ga qaranka walee waaa la’is bartay. Waqtigiinana waa gabagabo waxaad haystan 1 sano iyo 8 bilood”.

Khaliif Jaamac “Sawirkii madaxwayne Saciid Deni maxaad u qariseen oo Qoor Qoor kaliya usoo dhigteen cabsi miyaa wali Ka qabtaan oday Deni”.

Tahliil Xuseen Axmed “Waxaani waa fadeexad tii ugu weynayd tv-ga qaranka wuxuu jarey sawirka Deni”.

Xog: Rooble oo dhoola-tus siyaasadeed ka billaabay Muqdisho – Maxaa dhacay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Muqdisho ka billaabay dhoola-tuskiisa u horreeyay oo u eg isu diyaarinta ololaha doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee 2026, kaddib markii uu shalay qado sharaf u sameeyay xubno u badnaa saaxibadiisa.

Xubnaha uu la kulmay Rooble ayaa waxaa ka mid ah; wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, wasiir ku-xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala, wasiirkii hore ee Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur, wasiirkii hore ee waxbarashada Cabdullaahi Carab iyo xubno kale.

Kulankan qadada ayaa lagu fallanqeeyay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa marxaladaha siyaasadeed ee soo socda, waxaana arrimaha laga hadlay ka mid ahaa arrimaha Koonfur Galbeed iyo HirShabeelle, iyadoo wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac uu hami sare ugu jiro xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed. 

Sidoo kale wasiirkii hore Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa isna damac ka leh kursiga Madaxweynaha HirShabelle. 

Waxaa lagu ballamay in kulamada wadatashiyada inay sii socdaan, isla markaana la sii wado qorshayaasha u diyaar garowga ololaha doorashooyinka kuwa labada dowlad goboleed iyo tan madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xog: Qorshe cajiib ah oo Al-Shabab lagu cunaqabateeyey oo ka dhaqan galay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee muhiimka ah ka hirgelisay qorshe culus oo Khawaarijta Al-Shabaab ay ku cunaqabateyneyso, gaar ahaan kuwa ku sugan gobollada dhexe.

Maalin kasta gaadiidka ka baxaya magaalada Muqdisho ee u socda gobollada HirShabeelle iyo Galmudug waxaa la diiwaan-geliyaa xogtooda oo dhameystiran, si Al-Shabaab aysan u helin wax fursad ah.

Dadka raacaya iyo alaabaha uu qaadayo gaari kasta ayaa la diiwaan-geliyaa oo la sawiraa, lagana reebaa muuqaalo cadeyn ah iyo sidoo kale waxaa la hubiyaa magaalada ay u safrayaan gaadiidka ka baxaya Muqdisho.

Xogta ay diiwaan geliyaan ciidamada ammaanka ee Muqdisho ka howlgala waxaa loo diraa dhamaan ciidamada jooga goobaha ay sii marayaan gaadiidka safraya, si loo tira koobo dadka iyo alaabaha oo Shabaab aan loogu geyn.

Tusaale, gaarigii ka baxa magaalada Muqdisho ee u socda magalaada Gaalkacyo ama magaalooyinka kale ee Sh/Dhexe, Hiiraan, ilaa Galgaduud iyo Mudug, markii la diiwaan geliyo xogtiisa, waxaa lagu hubinayaa magaalo kasta oo uu sii maro, ilaa uu ka tago magaalada uu u socdo.

Si lamid ah Muqdisho, magaalooyinka kale ee gobollada dhexe gaarigii kasoo baxaya waxaa laga diiwaan geliyaa xogta safarkiisa, qof kasta meesha uu u socdo iyo alaabaha uu wato ayaa la weydiinayaa, kadib waxaa ku kor-joogteynaya ciidamada ammaanka.

Gaarigii ka baxa Muqdisho ee dhex ku dejiya qof ama alaab, waxaa loo aqoonsanayaa mid u shaqeeya Al-Shabaab, wuxuuna muteysanayaa ciqaabta uu muteysto, maadaama kooxdaas la saaray cunaqabateyn adag oo gaajo ay ugu dhimanayaan dhulka howdka ah ee u dhow degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa mar hore joojisay in loo safro deegaanada ay joogaan kooxaha argagixisada ah ee dhaca bari ee Galmudug ama la geeyo raashin, shidaal iyo wax kasta oo sahay ah, taasi oo dhibaato culus ku noqotay argagixisada.

Caasimada Online, waxay aragtay muuqaal laga duubay dadka ka baxa Muqdisho oo raaca gaadiidka loo yaqaano Leylada ee laga raro suuqa weyn ee Bakaaraha oo ciidamada ammaanka ay diiwaan-gelinayaan xogtooda, si loogu dabajiro ilaa ay ka tagaan halkii ay u socdeen.

Dhowaan waxaa maxkamadda ciidamada Soomaaliya lasoo taagay 7 gabdhood oo aad u da’ yar, kuwaas oo laga qabtay Suuq Bacaad Muqdisho iyagoo gaari ka raacaya, una socda Horjoogayaasha Khawaarijta oo soo dalbaday, waxayna Maxkamadu amartay in gabdhahaas la geeyo goob lagu daryeelo, maadaama waalidkood dayacay.

Deni iyo Qoor Qoor oo ku heshiiyay 4 qodob oo xasaasi

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) –Madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa xalay kulan xasaasi ah ku yeeshay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kaas oo looga hadlay arrimo dhowr ah.

Kulankan oo saacado badan qaatay ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa heerarka kala duwan ee hay’adaha labadaas maamul oo daris, ayada oo diiradda lagu saaray iskaashiga dhanka amniga, nabadeynta iyo is-dhexgalka bulshada.

Sidoo kale waxaa shirkan saacadaha uu socday looga hadlay heshiisyadii ay horay u gaareen labada maamul, gaar ahaan guulaha laga gaaray iyo caqabadaha jira ee u baahan in haatan xal loo helo.

Intaasi kadib Puntland iyo Galmudug ayaa ku heshiisyay 4 qodob oo xasaasi ah, kuwaas oo kala ah:-

1-Xoojinra iskaashiga amniga, nabadeynta, ganacsiga, dhaqaalaha iyo isdhexgalka bulshada ee Puntland iyo Galmudug.

2-Qabashada kulamo heer wasiiro ah oo saddex bildoodle ah, si loo xaqiijinayo mirodhalka dadaalladii socday.

3-In mashaariic horumarineed laga hirgeliyo deegaanadii ay colaaduhu saameeyeen, si ay bulshada usoo kabato.

4-In labada dowladood ay si wadajir ah ay daraasad mideysan uga sameeyaan maareynta biyo-saarista degmada Gaalkacyo.

Ugu dambeyn waxay labada madaxweyne boggaadiyeen wada-shaqeynta hay’adaha kala duwan ee Puntland iyo Galmudug, iyaga oo bulshada labada maamul uga mahadceliyay sida ay uga shaqeeyaan amniga iyo nabad-gelyada deegaanka.

Macawiisleyda oo weeraray goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab + Khasaaraha

0

Halgan (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiran ayaa sheegaya in maanta ciidamo ka tirsan kuwa deegaanka ay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeen aagga degmada Halgan ee gobolkaasi, si looga xoreeyo xubnaha kooxda.

Macawiisleyda ayaa lasoo wariyay inay heleen xogta xubno Shabaab ah oo ku sugan halkaasi, kadiba ay weerareen, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale cagta la mariyey saldhigyo xarumo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, isla markaana uu jiro khasaare culus oo kooxda lagu gaarsiiyay howlgalka ka dhacay aagga degmada Halgan.

Sarkaal u hadlay ciidanka Macawiisleyda ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalkooda, ujeedkoodana uu yahay in Al-Shabaab ay ka saaraan deegaankada jinka wabiga.

“Khawaarijta meel kasta oo ay joogaan kama daba hari doono jinka wabiga iyo dhagaxyada inta u dhexeysa midkii joogo waxaan u sheegayaa inuu si deg-deg ah ga baxo,” ayuu yiri.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada.

Hiiraan ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo lagu xoreeya dhul aad u ballaaran.

Si kastaba, Hiiraan ayaa xudun u ah kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socda dalka, waxaana mar kale gobolkan laga abaabulayaa guluf ka dhan ah kooxda.

DF oo soo saartay warbixin ka kooban 26 qodob (Aqriso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay warbixin dheer oo ka kooban 26 qodob, taas oo looga hadlay dhacdooyinka toodobaadkii lasoo dhaafay.

Warbixinta ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray waxqabadka dowladda iyo guulaha laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gudaha dalka.

Hoos ka akhriso warbixinta oo dhammeystiran:-

Warbixinta Toddobaadlaha ee

Dowladda  Federaalka  Soomaaliya

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Aljeeriya, Mudane Cabdulmajiid Tabbuun, isagoo ugu hambalyeeyey dib-u-doorashadiisa.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la yeeshay Taliyha Ciidamada Mareykanka ee Saldhigga AFRICOM General Michale E. Langley, iyagoo ka wadahadley xoojinta iskaashiga dhinaca ammaanka ee u dhexeeya labada dal.

3-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlay difaaca qaranimada iyo midnimada bulshada ayaa ku booriyay shacabka Soomaaliyeed inay ilaaliyaan wadajirka iyo madaxbannaanida dalka.

4-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhagax dhigay dhismaha xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya.

5-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Baydhabo kula kulmey hoggaanka Koonfuur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

6-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la yeeshay kulan casho ah Madaxweyne ku-xigeennada Dowlad goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland Mudane Cali Daahir Ciid iyo Mudane Maxamuud Sayid Aadan.

7-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa qaabbilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Karin Johansson.

8-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Mudane Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa qaabbilay Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Marwo Karin Johansson oo uu wehliyo ku xigeenka Danjiraha Midowga Yurub Mudane Thomas Kieller.

9-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeybgalay Shirka Amniga iyo Isbeddelka Cimilada oo looga hadlayey sida ay isugu xiran yihiin arrimaha cimilada iyo amniga.

10-Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shir gudoomiyay kulanka guddiga maamul-wanaagga maaliyadda kaas oo ay ku mideysan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adaha Dhaqaalaha Adduunka ee wada-shaqeynta la leh dowladda.

11-Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa  magaaalada Qaahira kaga qayb galey kulanka 162-aad ee Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee Waddamada Jaamacadda Carabta.

12-Wasiirka  Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa magaalada Muqdisho tababar la xiriira xirfadaha kala duwan ee gurmadka degdegga ah ugu soo xiray shaqaale ka tirsan waaxyaha kala duwan ee SoDMA.

13-Wasiirka Qorsheynta Qaranka Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan ayaa magaalada Dhuusamareeb kaga qeybgaley shirka heer dowlad gobaleed ee Qorshaha Isbedelka Qaran, kaas oo lagu mideynayo qorshayaasha horumarineed ee heer qaran iyo heer dowlad goboleed.

14-Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aden, ayaa shir guddoomiyey kulan dhexmaray hogaanka kulliyadaha Culuunta Caafimaadka iyo mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka.

15-Wasiirka Hawlaha Guud ayaa soo  xiray shirka u dhexeeya Wasaraddaha Hawlaha Guud ee Dowlad Goboleedyada dalka iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya.

16-Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyadda Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange, ayaa Muqdisho ka furay shirka Wadatashiga Miisaaniyadda 2025-dalka.

17-Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa Muqdisho ku qabatay shirka wadatashiga miisaaniyadda dowladda ee 2025 oo ka qeyb galeen ganacsatada iyo qeybaha bulshada.

18-Wasiiru Dowlaha Caafimaadka Drs Maryam Maxamed Xuseen ayaa qaabbishay wafdi ka socday Ururka Caafimaadka Adduunka ee (WHO), kulankan ayaa looga wadahadley. xaaladaha caafimaadka ee dalka gaar ahaan sidii loo xakamayn lahaa cudurada dadka nugul.

19-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan la yeeshay madaxa xafiiska Afrika ee Hay’adda Boqor Salmaan Relief Center Mudane Yaziid Xamuud.

20-Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo kaashanaysa  Wasaaradda Awqaafta Hirshabelle ayaa wejigii labaad ee wacyi gelinta ka hortagga iyo la dagaallanka fikirka xagjirka ka bilowday Degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe.

21-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa magaalada Muqdisho ka furay Tartanka Kubadda Cagta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Degmada Balcad.

22-Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo kaashaneysa Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah (IFC), ayaa qabatay aqoon-isweydaarsi diiradda lagu saarayo xeer nidaamiyeyaasha tartanka suuqa isgaarsiinta iyo xargaha fiberka badda.

23-Culimada Soomaaliyeed oo shir jaraa’iid ku qabtay magaaladda Muqdishu ayaa shacabka Soomaliyeed ugu baaqay in dalka laga difaaco gardarrada cadowga dowladda Itoobiya.

24-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin oo uu wehliyo Taliyaha howlgallada gaarka ah ee Ciidamada Mareykanka Colonel David Haskell ayaa kormeer ku saabsan dardar gelinta hawlgalada ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabab ku tegay gobolka Shabeellada Dhexe.

25-Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukunno kala duwan kasoo saartay kiiska eedeysanaal gaaraya 7 kuwaasi oo loo heysto dil, qal-qal gelin amni iyo ku takrifal dhul dowladeed.

26-G/Sare Axmed Khalliif Jiinow ayaa loo doortay Madaxweyne ku xigeenka Golaha Garsoorka Militariga Afrika ee u qaabilsan gobolka Bariga Afrika, kadiba doorasho ka dhacdey dhacday magaalada Lusaka ee dalka Zambia.

Biden oo Aqalka Cad ku qaabilay hoggaamiyaha UK

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Jimcihi shalay Aqalka Cad kula kulmay Ra’isulwasaaraha Britain Keir Starmer, iyaga oo laba hoggaamiye ka wada hadlay taageerada ay u hayaan Ukraine iyo Israel iyo ammaanka mandiqadda la isku yiraahdo Indo-Pacific.

Biden ayaa u sheegay Starmer in Mareykanka ay ka go’antahay in uu Ingiriiska ku garab istaago taageeridda Ukraine si ay isaga difaacaan buu yiri duullaanka gardarrada ah ee Ruushka. Biden ayaa intaasi raaciyay “Way caddahay in Putin aanu ku guulaysan doonin dagaalkan”.

Kulankan ayaa imanaya xilli xulafada reer Galbeedka ay ka fakarayaan sidi ay u baddali lahaayeen siyaasaddooda ku aadan taageerada Ukraine, isla markaana doonaya in Ukraine ay u ogolaadaan in ay dagaalka ay kula jirto Ruushka u adeegsato gantaallada riddada dheer ee ay ugu deeqeen dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska.

Madaxda Mareykanka iyo Britain ayaa sidoo kale ka wada xaajooday rajada laga qabo xabbad-joojin laga gaaro dagaalka Gaza ee Isra’il iyo Xamaas.

Madaxweyne Biden ayaa billowgi kulanka ka dhacay Aqalka Cad ka sheegay, in ay ka hadli doonaan dadaallada lagu rabo in laga miro dhaliyo heshiiska xabbad-joojinta, si buu yiri loo soo daayo la heystayaasha ila markaana loo gaaro xabbad-joojin deg deg ah, taasoo ay raaci doonto buu yiri gargaar bani’aadannimo oo la geyn doono Gaza.

Kulanki Jimcihi ayaa ahaa kii labaad oo ay si fool-ka-fool ah u yeeshaan Biden iyo Starmer, tan iyo inti uu xafiiska looga taliyo Britain tagay ra’isulwasaaraha cusub bishi July.

Farmaajo oo war cusub soo saaray una tacsiyeeyey umadda Soomaaliyeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo war ka soo saaray geerida Ugaaskii beesha Murusade Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Faracadde ayaa Umadda Soomaaliyeed, ehlada marxuumka iyo Bahda Dhaqanka uga tacsiyeeyey geerida Ugaaska.

Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Faracadde ayaa maanta ku geeriyooday dhulka barakaysan ee Maka Al-mukarama, Ugaaska ayaa muddo xanuunsanaa.

“Ugaasku waxa uu ka mid ahaa tiirarka dhaqanka Soomaaliyeed, waxa uuna door ka soo qaatay dowlad-dhiska iyo nabadda dalka, isagoo xilliyo adag ka soo shaqeeyey horumarka iyo xasilloonida deegaannada Koonfurta dalka,” ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa Alle uga baryayay Marxuumka in uu fadhigiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo ummadda Soomaaliyeed, qoyska iyo qaraabada uu ka geeriyooday.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka tacsiyeeyey geerida Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde, oo ku geeriyooday magaalada barakeysan ee Makkah Al-Mukarramah ee dalka Sacuudi Carabiya.

Madaxweynaha ayaa xusay kaalinta mugga leh ee uu Ugaas Cabdullaahi, ka qaatay nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay doorkii uu Ugaasku ku lahaa xoojinta dowladnimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi oo maanta ku geeriyooday magaalada Barakeysan Ee Makka Al-Mukarramah. Ugaasku wuxuu ahaa astaan iyo tiir weyn oo dhaqan, door muhiim ahna ka qaatay nabadeynta, isku xirka iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Soomaaliya oo sheegtay inay taageerayso jabhadaha kasoo horjeeda Itoobiya haddii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku goodisay inay qaadi doonto tallaabooyin ay ku sheegtay “kala gurasho” haddii ay Itoobiya sii wado far-galinteeda iyo ku xad-gudubka qarannimada iyo midnimada Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Soomaaliya ay fursad u haysato inay cilaaqaad la sameysato jabhadaha kasoo horjeeda Itoobiya haddii ay sii socoto fara-gelinta Addis Ababa.

“Annagu hadda Itoobiya bur-burkeeda dooni mayno oo wax dan ah Soomaaliya iyo Geeska Afrika uguma jirto. Laakiin haddii ay kusii socdaan heshiisyada ay la galayaan kooxaha gooni-goosadka ah waa waddo noo furan in aan cilaaqaad la samaysano jabhadaha gooni-goosadka Itoobiya,” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Sidoo.kale waxa uu wasiirka markale meel adag iska taagay damaca Itoobiyaanka, isaggoo sheegay in Itoobiya ay rabto dhul badeed ay qaadato ee aysan dooneyn deked, taasina ay ka suurta-galeyn Soomaaliya, sida uu sheegay.

“Jabuuti ayaa laga siiyay deked leh kaabayaashii waddooyinka ahna meesha ugu dhow Itoobiya, laakiin Itoobiya uma socoto halkaas, waxay rabtaa dhaxalka jiilasha Soomaaliyeed ee soo socda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiir Fiqi.

Damaca Itoobiya ee biyaha Soomaaliya ayaa muddo fog soo jiray, waxaana heshiiska Abiy la galay Muuse Biixi muujinaya sida ay Itoobiyaanka uga go’an tahay inay helaan bad, taas oo haddii ay kusii madax adeygaan sababi karta dagaal gacan hadal ah oo dhex-mara labada dal.

Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay inay bixineyso qiimo kasta oo uu ku kacayo difaaca dhulkeeda, iyada oo fagaareyaasha caalamka uga adkaatay Itoobiya, kadib markii ay tustay sida ay ugu tumatay shuruucda caalamiga, uguna xad-gudubtay qarannimada dal kale.

IS-Somalia grows as financial hub; leader may rise to IS chief

0

Mogadishu, Somalia (Caasimada Online) – The Islamic State in Somalia (IS-Somalia) is becoming an increasingly significant financial player in global terrorism, according to a new report by the International Crisis Group (ICG).

While it may not have the battlefield dominance of its local counterpart, al-Shabaab, the group is gaining influence and playing a critical role in financing terror activities across the African continent.

The report also suggests that the leader of IS-Somalia could soon be in the running to become the overall leader of the Islamic State network, signaling a shift in the group’s global operations.

IS-Somalia, though smaller and less militarily active than al-Shabaab, has carved out a unique position within the broader Islamic State (IS) network.

According to ICG’s report, IS-Somalia has developed strong ties with other Islamic State affiliates across Africa, making it a key financial hub for terrorist activities on the continent.

Omar Mahmood, a senior researcher with ICG, highlighted the group’s influence, stating, “Al-Shabaab is by far a bigger threat. But at the same time, Islamic State Somalia has persisted despite significant odds against it. It has carved out a role within the wider IS network, particularly as a financial hub between affiliates and other parts of the Islamic State.”

Mahmood’s assessment suggests that while IS-Somalia may not control as much territory as al-Shabaab, its strategic importance lies in its ability to facilitate terror financing.

This has allowed IS-Somalia to maintain relevance within the global jihadist movement, despite having between 100 and 400 fighters, half of whom are believed to be foreign nationals.

Financial influence across Africa

The International Crisis Group’s report also sheds light on IS-Somalia’s financial operations. The group has been able to extend its influence beyond Somalia, financing terrorist operations in other African countries.

In 2020, the Islamic State restructured its African operations, placing affiliates in the Democratic Republic of Congo and Mozambique under the leadership of IS-Somalia. This move positioned Somalia as a key player in the Islamic State’s African expansion.

One of the factors contributing to IS-Somalia’s growing influence is its ability to generate revenue through illicit means. The group has established an extortion racket in the port city of Bosaso, one of Puntland’s most important commercial hubs.

Businesses in the region are coerced into paying protection money, which in turn funds IS-Somalia’s fighters and activities. This financial independence has allowed the group to persist and expand despite concerted efforts to dismantle it.

Somalia’s strategic vulnerability

Somalia’s weak central government and porous borders have made it an ideal breeding ground for terrorist organizations. Richard Tuta, a Kenyan counterterrorism expert, pointed out that the lack of strong institutions in Somalia has allowed terrorist groups like IS to operate with relative impunity.

“Somalia does not have strong institutions, so it’s easy for such groups to be compromised. It’s easy to undertake both illegal and legal fundraising for terrorism activity. And because of the country’s strategic location, it has a porous border, surrounded by an ocean, which is very hard to keep under surveillance, said Tuta.

Somalia’s strategic location, particularly in the Puntland region, has also played a significant role in the Islamic State’s African operations.

The proximity to the Arabian Peninsula and the vast coastline make it easier for IS operatives to smuggle goods, weapons, and personnel in and out of the region.

This geographical advantage further strengthens IS-Somalia’s position as a vital financial and logistical hub for terror operations across the continent.

Leadership challenges and future threats

The future of IS-Somalia’s leadership is a subject of ongoing debate. Abdulqadir Mumin, the current leader of IS-Somalia, has emerged as a potential candidate to become the overall head of the Islamic State.

Although Mumin survived a U.S. airstrike in May aimed at eliminating him, questions remain about whether he will assume leadership of the global IS network.

Mahmood from ICG noted that Mumin’s rise if confirmed, would symbolize the growing influence of IS in Africa. Now, whether he’s actually the head of the movement is something that’s disputed, Mahmood said.

“There are a couple of other figures that are in contention. But if Mumin were chosen, it would be a significant development, marking a new phase in IS’s African operations.”

The potential for Mumin to take over as the global leader of IS raises concerns about the group’s future activities in Africa. With more focus on Africa as a base of operations, IS could increase its attacks on both African governments and foreign interests in the region.

Counterterrorism efforts and challenges

In response to the growing threat of IS-Somalia, Puntland authorities have ramped up efforts to curb the group’s influence. Dozens of IS members have been arrested in the Bari region, with some facing execution or long-term imprisonment for their involvement in terrorist activities.

Earlier this year, six foreign Islamic State operatives from Morocco were arrested by Puntland authorities and deported.

Despite these efforts, experts like Mahmood argue that more needs to be done. The ICG report calls for greater cooperation between the Somali federal government and Puntland authorities to tackle the threat posed by IS-Somalia effectively.

It also urges international actors to pay closer attention to the group’s activities, particularly its role in financing terrorism across Africa.

While al-Shabaab continues to dominate headlines as Somalia’s most dangerous militant group, IS-Somalia is quietly becoming a formidable force.

Its financial influence, cross-border connections, and potential leadership shift could mark the beginning of a new chapter for Islamic State operations in Africa.

As the group continues to build its network and influence, regional and global actors must stay vigilant to prevent further destabilization in the Horn of Africa and beyond.

The international community, Somali authorities, and counterterrorism experts all agree that the Islamic State in Somalia may be small. However, its potential to cause significant harm across the region should not be underestimated.

Sweden oo ku dhowaaqday in ay $34,000 siineyso qofkiiba si uu dalkeeda uga baxo

0

Stockholm (Caasimada Online) – Sweden ayaa qorsheyneysa inay kordhiso, oo ay gaarsiiso illaa $34,000 lacagta la siinayo dadka soo-galootiga ah si ay uga tagaan dalkaas gabaadka u noqday dad ka soo cararaya dagaallada iyo caburinta, sida ay sheegtay dowladda garabka midig.

Dalkan Scandinavian-ka ayaa waxaa muddo tobanaan sano ah loo arkayey inuu yahay “mid ku sarreeya bani’aadannimada,” laakiin sannadihii la soo dhaafay waxa uu la xarbinayey sidii uu dadka cusub ee imanaya ugu dhex-mili lahaa bulshada.

Dadka soo-galootiga ah ee si iskood ah ugu laabanaya dalalkii ay ka yimaadeen laga billaabo 2026 waxay xaq u yeelanayaan inay helaan ilaa 350,000 oo karoon Swedish ah oo u dhiganta $34,000, sida ay shir jaraa’id ku sheegtay dowladda ay taageeraan xisbiga ka soo horjeeda soo-galootiga ee Sweden Democrats.

“Waxaan ku jirnaa isbedel ku yimid siyaasaddeena socdaalka,” ayuu wasiirka socdaalka Johan Forssell u sheegay warfidiyeenka, iyadoo dowladdu ay soo bandhigtay tallaabadii ugu dambeysay ee ay kaga hortagayso tahriibka.

Hadda, soo galootigu waxay heli karaan ilaa 10,000 oo karoon qof kasta iyo 5,000 karoon ilmaha, oo ugu badnaan qoyskiiba loo ogol yahay 40,000 karoon.

Kooxaha u dooda muhaajiriinta ayaan si deg deg looga helin falcelin ku aaddan go’aanka dowladda.

“Yaboohan waxa uu soo jiray ilaa 1984-kii, balse waa mid aan laga war qabin, waa mid yar oo dad yar ay isticmaalaan,” ayuu yiri Ludvig Aspling oo ka tirsan xisbiga Sweden Democrats.

Forssell ayaa sheegay in hal qof kaliya uu aqbalay yaboohan sanadkii hore.

Aspling ayaa intaa ku daray in haddii dad badan ay ogaadaan yaboohan oo la kordhiyo baaxadda, ay u badan tahay in dad badan ay qaataan lacagta oo ay dalka ka tagaan.

Waxa uu sheegay in dhiiri-gelintan ay u badan tahay in ay soo jiidato dhowr boqol oo kun oo muhaajiriin ah, kuwaas oo ahaa shaqo la’aan muddo dheer ama dakhligoodu aad u yar yahay una baahan cayrta dowladda si ay u noolaadaan.

“Kooxdaas waa tan aan is leenahay way xiiseyn doonaan,” ayuu yiri Aspling.

Yabooha noocan oo kale ah ayaa waxaa qaba dalal kale oo Yurub ah, kuwaas oo muhaajiriinta lacag ku siiya inay dalka ka tagaan.

Danmark waxa ay bixisaa in ka badan $15,000 qofkiiba, halka Norway ay bixiso ku dhowaad $1,400, France $2,800 iyo Jarmalka oo ah $2,000.

VOA

Sawirro: Xamza oo qaaday tallaabo ka hor inta uusan kasoo dhoofin BAYDHABA

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo maalmahan safar ku joogay magaalada Baydhabo ayaa galabta dib ugu soo laabtay caasimadda Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa inta uusan kasoo dhoofin garoonka magaalada Baydhabo, waxa uu kormeer ku tegay Terminalka garoonka oo la keenay qalab casri ah.

Qalabkan cusub ee ra’iisul wasaaraha indhaha soo saaray ayaa la filayo in uu gacan ka geysto hagaajinta adeega duulista hawada ee magaalada iyo Koonfur Galbeed guud ahaan.

Intii uu kormeerka ku guda jiray, ra’iisul wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay mas’uuliyiinta garoonka, kuwaas oo uga warbixiyay horumarada laga sameeyay qeybta duulimaadyada iyo adeegyada casriga ah.

Qalabka cusub ee la keenay garoonka Baydhabo ayaa ah mid kaalin weyn ka qaadan doona fududeynta safarrada, kordhinta amniga, iyo horumarinta adeegyada macaamiisha.

Xamza oo maalmihii dambe ku sugnaa Baydhaba, ayaa kulamo kala duwan la qaatay madaxweynaha Koonfur Galbeed, odayaasha dhaqanka, qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Kulammadaas oo uu goobjoog ka ahaa Lafta-gareen ayaa qeyb ka ah socdaalka raiisul wasaaraha ee Baydhabo oo ujeedkiisu ahaa xoojinga nabadda, wadajirka bulshada iyo horumarinta dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.








Dowladda oo shaacisay xilliga rasmiga ah ee la billaabayo shidaal qodista Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in si rasmi ah loo bilaabi doono bisha April ee sanadka soo socda qodista shidaalka xeebaha Soomaaliya.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta dowladda Soomaaliya Xil. Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo wareysi siiyay telefishanka dowladda ayaa sheegay in xilligaas uu bilaabi doono Turkiga shidaal qodista.

Sidoo kale waxa uu sheegay in soo saarista shidaalka ay tahay meesha keliya ee Soomaaliya uga bixi karto faqriga, korna loogu qaadi karo dhaqaalaha dalka.

“Dowladda Turkiga si dardar leh ayey ku wadaa inay muddo kooban kusoo gaba-bagayso shaqada ka horraysa qodista,” ayuu yiri wasiirka batroolka oo xusay in illaa 13 xirmo oo ku yaalla gudaha badda laga sameynayo shidaal baarista.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inuu jiro heshiis ay dowladda la gashau shirkad laga leeyahay Qatar, taas oo shidaal ka baari doonyo illaa saddex goobood oo dhinaca barriga ah oo Afgooye oo wax badan ka fogeyn caasimadda dalka ee Muqdisho.

“Illaa afar shirkadood ayay dowladda heshiis kula gashay shidaal baarista badda gudaheeda ah,” ayuu yiri wasiirka, isaggoo sheegay in goobaha shidaalka laga baarayo ay ku yaallan goobaha Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in badda Soomaaliya ay ku yaallaan in ka badan 200 xirmo oo la rumeysan yahay inuu shidaal ka buuxo, balse aan illaa hadda lagu sameyn sahmin sababo la xiriira walaaca dhanka ammaanka iyo khilaafaadka ka jira dalka.

Xog: Masar oo Soomaaliya keenaysa hub culus iyo noocyada laga soo rarayo Qaahira

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in toddobaadyada soo aadan ay dowladda Masar kasoo dejin doonto magaalada Muqdisho hub kale, xilli ay dhawaan keentay hub culus.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen illo wareedyo amni oo si dhow ula socda arrintaan, in Masar ay soo daabuli doonto hub cusub, oo daba socda kii horey u keentay dalka, waxaana naloogu sheegay noocyada lagu wado in lasoo raro iyo tiradooda, kuwaas oo kala ah;

1- Taangiyada dagaalka, oo tiradooda lagu sheegay illaa 21 xabbo.

2- Hubka lidka diyaaradaha oo casri ah. Tiradooda 90 illaa 110 ayaa naloogu sheegay.

3- Diyaaradaha dagaalka oo isugu jira Crafts iyo Helicopters. Isku jir tiradooda ayaa gaareysa ilaa 24.

4- Iyo qalab kale oo milateri.

Hubkan oo daba socda hubkii hore ee diyaaradaha dowladda Masar ay daba-yaaqadii bishii Augusta kasoo dejiyeen garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa lagu wareejin doona ciidamada Soomaaliya.

Masar ayaa dhawaan dalka keentay gantaallada lidka taangiyada ee garabka laga rido ee dhalaaliya taangiyad ee loo yaqaan Shoulder Fired Anti-Tank Missiles, kuwaas oo tiradoodu gaarayso illaa 141 iyo Radar-ka soo qabta diyuurada dagaalka, kaas oo ka kooban laba sad ama labo qalab oo mid kasta si gooni ah u shaqeyn karo, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen saraakiil milateri.

Miinooyinka loogu talo-galay in ay qarxiyaan taangiyada oo aad u horumarsan ayaa iyagna kamid hubka la keenay Muqdisho. Inkasta oo aad loo hubin tiradooda, haddana waxay ilaha nala hadlay inoo xaqiijiyeen in ay kor u dhaafayaan 1500.

Hubkan oo qeyb ka yahay heshiiska difaac iyo amni ee dhawaan ay gaareen labada dal ee Masar iyo Soomaaliya ayaa wuxuu kusoo aadaya xilli ciidamada Masar la filayo inay yimaadan Soomaaliya, taas ka sakowna Qaahira ay tayeyn doonto ciidamada Soomaaliya oo hub iyo qalab ay siineyso.

Isku soo wada duubo, arrimahaan ayaa imanaya xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda Itoobiya kala dhaxeysa Soomaaliya, sidoo kalena uu Qaahir iyo Addis Ababa ka dhaxeeyo khilaafka diblumaasiyadeed ee salka ku haya webiga Niilka oo Itoobiya ka sameysatay biyo xireen weyn.