25.2 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

Wararkii ugu dambeeyay Falastiiniyiin lagu dilay GAZA iyo Daanta Galbeed

0

Gaza (Caasimada Online) – Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay, in duqeyn ay ciidamada Isra’il ku garaaceen qeybo kala duwan oo ka tirsan Gaza Arbacadi lagu dilay, ugu yaraan 34 Falastiiniyiin ah .

Duqeymahaasi ayaa lala beegsaday iskuul ay maamusho Qaramada Midoobay oo ay ku nool yihiin dad barakac ah, iyo laba guri oo kale oo ku yaalla xerada qaxootiga Nuseyraat.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in lix ka mid ah dadka la dilay ay ka tirsanaayeen shaqaalaheeda.

Isbitaallada Cawda iyo Al Aqsa ayaa sheegay in iskuulka Al Jouwcaani ee Nuseyraat lagu dilay 14 qof oo ay ku jireen haweeneey iyo laba carruur ah. Sidoo kale 18 kale ayay sheegeen in lagu dhaawacay duqeynta.

Milatariga Isra’il ayaa sheegay in ay bartilmaameedsadeen dagaalyahanno ka tirsan Xamaas oo iskuulka dhexdiisa ku diyaarinayay weerar sid aay sheegeen.

Dhanka Daanta Galbeed ee dhulka la heysto, ciidamada Israa’il ayaa weerar dhulka iyo cirka ah ku qaaday dhowr degm, iyaga oo sheegay in ay baacsanayaan malleeshiyaad balse dilay dad rayid ah sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka iyo wasaaradda caafimaadka ee Falastiiniyiinta.

Ilaa siddeed qof ayaa la xaqiijiyay in weeraradaasi lagu dilay.

Madaxweynihi hore ee Peru Alberto Fujimori oo geeriyooday

0

Lima (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Peru, Alberto Fujimori, oo caan ku noqday doorki uu ka ciyaaray horumarinta dhaqaalaha dalkaasi, balse markii danbe xabsi u galay xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ayaa Arbacadii geeriyooday.

Gabadha uu dhalay Fujimori, Keiko Fujimori ayaa qoraal ay ku daabcday barta X ku sheegtay in aabaheed oo ahaa 86 jir uu u dhintay cudurka kansarka oo ay sheegtay in uu muddo dheer la il-darnaa.

Fujimori, oo ahaa wiil ay iska dhaleen lamaanne kasoo jeeday Japan oo Peru qaxootinimo ku galay. Isaga oo aanan aqoon badan loo laheyn ayuu si lama filaan ah ugu guuleystay doorashadi madaxtinimada ee sannadki 1990-kii.

Wuxuu salka u dhigay oo uu xasiliyay dhaqaalaha Peru, kaddib marki uu xakameeyay sicir-bararka, isla markaana shaqooyin u abuuray malaayiin qof.

Wuxuu kale oo shirkado gaar ah u baddalay shirkado badan oo ay dowladda maamuli jirtay, sidoo kalana laalay tacriifta ganacsiga.

Hase yeeshee, waxaa marki danbe loo xiray eedo la xiriiray gabood-fallo ka dhan ah aadanaha oo oo ka dhashay dagaal dhiig badan ku daatay oo ay dowladdiisa la gashay fallaagada Maoist-ga.

Qoor Qoor oo xilkii ka qaaday wasiir muhiim ah oo xiisadii Xarardheere loo adeegsaday

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa caawa bedelay wasiirkii wafaafinta xukuumadiisa oo ahaa xubin firfircoon.

Qoor Qoor ayaa soo saaray dikreeto uu ku magacaabay Cali Maxamuud Faarax inuu noqdo wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska dowlad goboleedka Galmudug.

Wasiirkii xilkaan laga qaaday Abshir Cabdi ayaa ka mid ahaa wasiirrada ugu dhow Qoor Qoor ee sida dhow ula shaqeeya.

Abshir Cabdi oo laga qaaday xilkaan Cali Seeko loo magacaabay ayaa ka soo jeeda Beesha Saruur, waxaana suurtagal ah in xilka qaadistaan ay salka ku heyso xiisad ka taagan magaalada Xarardheere.

Wasiir hore Abshir ayaa ka mid ahaa xubnihii ugu muhiimsanaa ee Qoor Qoor kala shaqeeyey in is-bedel uu ku sameeyo maamulka degmada Xarardheere, iyadoo xilka laga qaaday guddoomiyihii hore ee degmadaas.

Wasiir Abshir oo beesha Saruur ku metelayey siyaasadda Galmudug ayaa hormuud u ahaa isbedelkaas, wuxuuna kaalin ka qaatay in xoog iyo xeelad Xarardheere lagu geeyo guddoomiyihii uu magacaabay Axmed Qoor Qoor, ugu dambeyntiina waa ku guuleyteen taas.

Saruur ayaa aad ugu kala jabay arrintaas, waxayna xogo kala duwan ka soo baxayaan sababta uu Qoor Qoor xilkii ugu qaaday saaxiibkiis, kadib markii uu u isticmaalay xilka qaadistii guddoomiyaha Xarardheere oo inta badan beesha Saruur ay ka carootay.

Xubno xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Qoor Qoor iyo Saruurkii carooday ay wadahadal galeen, isla markaana lagu heshiiyey in la tuuro Wasiir Abshir, isla markaana la magacaabo xubin lagu qancinayo gadoodka beesha iyo qodobo kale oo ay ka tabanayeen maamulka Galmudug.

Duullimaadyadii Soomaalida ee Kenya oo xayiran iyo xaalad cakiran oo taagan

0

Nairobi (Caasimada Online) – Shaqadii garoonka diyaaradaha caalamiga ah Joma Kenyatta ee caasimadda dalka Kenya ayaa hakad galay, iyadoo shaqaalaha duulista ay sameeyeen shaqo joojin ay kaga cabanayaan soo jeedin ah in xarunta laga kireeyo shirkad laga leeyahay dalka Hindiya.

Boqolaal rakaab ah ayaa ku xayiran garoonka, kaas oo ah xuddunta ugu weyn ee bariga Afrika.

Ururka shaqaalaha duulista ayaa ka digay shaqo joojin aan la cayimin kadib markii ay dawladda Kenya ku guul-darraysatay inay faahfaahin ka bixiso heshiiska muranka dhaliyay.

Dowladda Kenya ayaa si cad u diiday soo jeedintaas ururka shaqaalaha duulista, iyadoo sheegtay in garoonku uu ku shaqeeyo si ka baxsan awoodiisa, isla markaana uu u baahan yahay maalgashi gaar ah, si loo tayeeyo.

Qaar kamid ah shaqaalaha iyo dad kale oo u soo hiiliyey ayaa saakay soo dhoobtay jidadka soo gala garoonka, iyagoo yeerinaya turumbooyin caag ah, isla markaana ku dhawaqaya “Shirkadda Caddaani ha baxdo.”

Muuqaallo laga soo duubay dadkii banaanbaxa dhigay waxaa ka soo muuqday askari boolis ah oo ul ku garaacaya dibad-baxayaasha.

Duulimaadyada saakay baaqday waxaa ka mid ah duulimaadyadii aadi lahaa Muqdisho, waxayna arrintaan si weyn u saameysay Soomaalidii ka safri laheyd Nairobi.

Haashim Cali oo ah maamulaha guud ee Primier Airlines ayaa BBC uga warramay xaaladda garoonka, waxa uu sheegay in xaalku yahay mid cakiran oo saameyn ku yeeshay shaqo joojinta shaqaalaha hey’adda duulista Kenya ay sameeyeen, ugu yaraan saddex duulimaad ayaa saakay ka baaqday shirkadda Haashim.

“Dadka safarka ah oo ay Soomaali ku jirto ayaa ilaa xalay saqdii dhexe taagnaa garoonka, kuwaas oo aan u sheegnay markii danbe in ay guryahooda aadan” ayuu yiri Haashim oo kamid ah maamulayaasha shirkadaha diyaaradaha maanta baaqday ee ku xayirmay Nairobi.

SOOMAALIYA oo heshay taageero hor leh iyo DALAL u digay dowladda ITOOBIYA

0

Qaahira (Caasimada Online) – Guddiga wasiirada arrimaha dibedda ee dalalka Carabta ayaa maanta xaqiijiyey taageerada xoogan ee qaraniada Soomaaliya, iyaga oo dalalkan uga digeen Itoobiya ku xad-gudub madax-banaanida dalkeenna.

Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi oo shir guddoomiyey kulan gaar ah oo heer wasiirrada arrimaha dibedda ee dalalka Carabta ee u xilsaaran taageerada Soomaaliya oo lagu qabtay xarunta Jaamacadda Carabta ee Qaahira, ayaa waxaa lagu xoojiyay madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.

Shirkan oo qeyb ka ahaa fadhiga 162-aad ee Shirka Jaamacadda Carabta ee heerka wasiirrada arrimaha dibedda, ayaa waxaa si gaar ah diirada loogu saaray sidii loo xoojin lahaa garab-istaagga dalalka Carbeed iyo taageeridda Soomaaliya si loo difaaco madax-banaanideeda.

Guddiga ayaa bayaan ay soo saareen si wadajir ah ugu xaqiijiyey inay taageersan yihiin Soomaaliya, waxayna gebi ahaanba ka digeen fara-gelinta shisheeye ama isku day kasta oo lagu waxyeelleynayo madax-banaanida Soomaaliya.

Sidoo kale waxay wasiiradda ugu baaqeen wadamada deriska ah gaar ahaan Itoobiya inay ka fogaato ficillada wax u dhimi kara xasilloonida Soomaaliya iyo mandiqadda ama waxyeeleyn kara madax-banaanida dalka.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Sacuudiga, Baxrayn, Muritaaniya, iyo Masar oo ay weheliyaan Safiirka Jabuuti u fadhiya Masar iyo Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa si wadajir ah u diiday heshiiskii beenaadka Itoobiya ay ku doonayso in ay qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliya damaaciso.

Sidoo kale waxay dhanka kale mawqifkooda ku caddeeyeen in gobolada Waqooyi (Somaliland) ay yihiin qeyb ka mid ah dalweynaha Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaanka guddiga.

Bayaankan ayaa waxa kale oo uu muujinayaa sida ay uga go’an tahay Jaamacadda Carabta iyo dowladaha xubnaha ka ah inay difaacaan oo ilaaliyaan qaranimada Soomaaliya, iyadoo la raacayo mabaadi’da caalamiga ah ee faragelinta ka madax-bannaan iyo ilaalinta xuduudaha dhuleed.

Xogta hub culus oo saarnaa diyaaradihii MASAR ee yimid magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa nooca hub ee ay sideen diyaaradihii dowladda Masar ee daba-yaaqadii bishii Augusta yimid garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Diyaaradahan ayaa hubka ay sideen waxaa kamid ahaa gantaallada lidka taangiyada ee garabka laga rido ee dhalaaliya taangiyad ee loo yaqaan Shoulder Fired Anti-Tank Missiles, kuwaas oo tiradoodu gaarayso illaa 141, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen saraakiil milateri.

Sidoo kale waxa kamid ahaa qalabka ay sideen diyaaradaha Masar ee yimid Muqdisho, Radar-ka soo qabta diyuurada dagaalka, kaas oo ka kooban laba sad ama labo qalab oo mid kasta si gooni ah u shaqeyn karo.

Miinooyinka loogu talo-galay in ay qarxiyaan taangiyada oo aad u horumarsan ayaa iyagna kamid hubka la keenay Muqdisho. Inkasta oo aad looma hubin tiradooda, haddana waxay ilaha nala hadlay inoo xaqiijiyeen in ay kor u dhaafayaan 1500.

Hubkan oo hordhac lagu sheegay ayaa waxaa lagu wareejin doona ciidamada Soomaaliya, wuxuuna qeyb ka yahay heshiiska difaac iyo amni ee dhawaan ay gaareen labada dal ee Masar iyo Soomaaliya.

Imaatinka hubkan ayaa sidoo kale kusoo aadaya xilli ciidamada Masar la filayo inay yimaadan Soomaaliya, taas ka sakowna Qaahira waxa ay tayeyn doontaa oo hub iyo qalab ay siineysaa ciidamada Soomaaliya.

Heshiiska dhanka amniga ee Soomaaliya iyo Masar ayaa imanaya xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda Itoobiya kala dhaxeysa Soomaaliya, sidoo kalena uu Qaahir iyo Addis Ababa ka dhaxeeyo khilaafka diblumaasiyadeed ee salka ku haya webiga Niilka oo Itoobiya ka sameysatay biyo xireen weyn.

FAHAD oo shaaciyay halka jid ee Xasan u furan si uu meel mar u noqdo qorshihiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa shaaciyay jidka keliya ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku qaban karo doorasho qof iyo cod ah oo haatan uu si weyn ugu dhagan yahay.

Fahad ayaa soo qaatay afar xaaladood oo uu sheegay in midkood uun ku hirgasho doorasho qof iyo cod ah, isaggoo xusay in mid keliya u shaqeyn karto Xasan, haddii uu kaas diidana aysan u soconeyn sida uu hadda wax u wato, sida uu sheegay.

Midda u shaqeyn karta madaxweyne Xasan Sheekh ayuu sheegay inay tahay “heshiis wadar ogol ah oo dalka ku aado doorasho qof iyo cod ah,” xilli uu si weyn mucaaradka u diidan yahay qorshaha doorasho ee Xasan uu diyaarinayo.

“Madaxweyne Xasan Sheekh afartaas jid waxaa ugu dhaw inuu heshiis wadar ogol ah ku raadiyo doorasho dadweyne. Midda shanaad ee uu kaligiis wato waxaa la dhahaa ANAA GATAY, ANAANA GADISTAY, waana riyo hurdadeeda uu kasoo toosayo subaxnimada 16-ka May 2026,” ayuu Fahad ku yiri qoraal uu soo saaray maanta.

Hoos ka aqriso qoraalka Fahad oo dhameystiran;

Dunida oo dhan afar xaaladood midkood bay ku hirgashaa doorasho qof iyo cod.

𝗞𝗼𝗼𝘄: In Madaxweyne kaligii talis ah uu qabto doorasho, qofkay shacabka doortaanna uu xilka ku wareejiyo. Sidaas waxaa yeelay Madaxweynihii hore ee Kenya Danial Arap Moi.

𝗟𝗮𝗯𝗼: In quwado shisheeye qasabto oo ay diyaariso hab doorasho dadweyne loogu dareero, kadibna xilka lagu wareejiyo dowladdaas ay shacabku doorteen. Sidaas waxay ka dhacday Ciraaq iyo Afgaanistaan.

𝗦𝗮𝗱𝗱𝗲𝘅: In heshiis siyaasadeed lagu gaaro, oo si wadar ogol ah lagu qabto doorasho heshiis lagu wada yahay. Sidaasna, waxaa tusaale fiican u ah maamulka gooni goosadka ah ee Soomaaliland.

𝗔𝗳𝗮𝗿: In Madaxweynaha xilka ku fadhiyo uu ku dhawaaqo in uusan musharax ahayn, uuna xilka ku wareejiyo hogaamiyaha ay shacabka doortaan. Sidaasna waxay ka dhacday Suudaan iyo Muuritaaniya.

Madaxweyne Xasan Sheekh AFARTAAS jid waxaa ugu dhaw inuu heshiis wadar ogol ah ku raadiyo doorasho dadweyne. Midda shanaad ee uu kaligiis wato waxaa la dhahaa ANAA GATAY, ANAANA GADISTAY, waana riyo hurdadeeda uu kasoo toosayo subaxnimada 16ka May 2026.

SOMALILAND oo qaaday tallaabo cusub oo ka dhan ah MASAR, ayada oo xirtay…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah Masar, ayada oo ku dhowaaqday in ay xirtay Maktabad ay  Masaarida ku lahaayeen magaalada Hargaysa.

Bayaan kasoo baxay Somaliland ayaa lagu sheegay in la xiray Maktabadaasi, iyadoo geesta kale lagu xusay in is-afgaradkii ay horraantii bishan gaareen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed laga gaaray guul wax ku ool ah.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday in la xidhay maktabaddii Masaarida ee magaalada Hargeysa, iyada oo geesta kale uu guul ku soo dhammaaday is-fahankii dawladaha Somaliland iyo Itoobiya,”  ayaa lagu yiri qoraalkan oo lagu baahiyay telefishanka ku hadalka afka xukuumadda Somaliland.

Somaliland ayaa iyadu si lamid ah Itoobiya khatar u aragta ciidamada Masar ee la filayo inay yimaadaan Soomaaliya, iyada oo maamulka Biixi uu si weyn uga xumaaday heshiiska difaac ee Soomaaliya iyo Masar, taas oo keentay xirista Maktabadii Masaarida ee Hargeysa.

Itoobiya oo shalay soo bandhigtay guulihii ay gaartay sannadkii 2016 ee tirsiga dalkaasi, ayaa soo bandhigtay sawirkii madaxweynaha Somaliland iyo kan ra’iisul wasaaraha Itoobiya xiligii ay saxiixayeen is-afgaradka.

Bandhiga Itoobiya ayaa loo fahmay in xukuumadda Abiy ay ka go’antahay inay hirgaliso heshiiska, oo wali aan rasmi noqon, kaas oo Somaliland ay sheegtay inuu dhow yahay in si buuxda loo saxiixo heshiiska.

Si kastaba, heshiiska labada dhinac ayaa sababay in uu xumaado xiriirkii dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana laga cabsi qabaa in xiisadda labada dhinac ay kasii darto haddii Abiy u bareero xad-gudubka uu kula kacay madax-banaanida Soomaaliya.

Daawo: Meelo ka mid ah Muqdisho oo la mamnuucay in dabaqyo laga dhiso

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta soo saaray awaamiir culus oo uu ku mamnuucayo in dabaqyo dhaadheer laga dhiso goobo cayiman oo magaalada caasimada ee Muqdisho.

Maamulka gobolka ayaa mamnuucay in dabaqyo ama dhismayaal dhaadheer laga dhiso agagaarka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade, gaar ahaan degmooyinka ku hareereysan sida: Xamar weyne, Xamar-jajab, Waaberi, Wadajir iyo Dharkeynleey qeybta Jaziira.

Sidoo kale waxa uu maamulka sheegay in laga bilaabo maanta oo ay taariikhda tahay 11-ka bisha 9 ee 2024 uu dhaqan-gal yahay amarkaan, islamarkaan aan laga dhisi karin dhismo dheer gudaha garoonka Aadan Cade iyo Xalane hareerahooda.

“Waxaa la mamnuucay oo kale in dabaqyo dheer laga dhisi karin bar-kontrolada laga soo galo garoonka Aadan Cade, guri aan ka dheereyn saddex dabaq,” ayuu yiri afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo la hadlay warbaahinta.

Waxa uu intaas kusii daray “Laga billaabo maanta in aan laga dhisi karin xeendaabka garoonka Aadan Cade iyo Xerada Xalane guri aan dhismahiisu ka dheereen hal dabaq.”

Maamulka gobalka Banaadir ayaa ku goodiyay in ciddii ku xad-gudubta ama u hoggaansami weyda awaamiirtan laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

Awaamiirtan cusub ee uu maanta soo rogay maamulka gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in loo gaaray sababo la xiriirta amniga garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade, kadib cabasho ka timid diyaaradaha caalamiga ee yimaada garoonka.

Hoos ka daawo muuqaalka

Turkiga oo billaabay qorshe culus oo uu Soomaaliya uga sameynayo xarunta tijaabada…

0

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa haatan wada-hadallo cusub kula jirto dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana ay wadaa qorshe culus oo ay ku dooneyso in dalka uga sameysaneyso xarun lagu tijaabiyo gantaallada iyo dayax-gacmeedyada.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u sheegay in wada-hadalladu ay marayaan meel xasaasi ah, isla markaana Turkiga uu doonayo inuu isku ballaariyo Soomaaliya, maadaama uu haatan saaxib la yahay, isla markaana uu ka taageero dhanka milatariga.

Qorshahan ayaa qayb ka ah kordhinta masaafada gantaallada gudaha laga sameeyo, gaar ahaan Tayfun, oo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu sheegay sanadkii 2022 in lagu tuuri karo masaafo dhan 560 kiiloomitir (350 mayl).

Turkiga ayaa leh barnaamij muddo dheer soo socday oo ku saabsan tijaabinta gantaallada masaafo dheer iyo in ay qayb ka noqdaan tartanka hawada sare ee caalamka.

Arrintan weli kama hadlin dowladda Soomaaliya, waxaana la-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali uu diiday in uu faah-faahin ka bixiyo wada-hadallada socda iyo qorshaha Turkiga ee ku aadan sameysashada xarun lagu tijaabiyo gantaallada iyo dayax-gacmeedyada.

Soomaaliya ayaa ku habboon in laga gano gantaallada Turkiga ee loo tuurayo Badweynta Hindiya, iyadoo sidoo kale loo arko meel ku habboon in laga sameeyo xarun hawada sare, sida ay qabaan khubarada amniga.

Si kastaba, Turkiga ayaa waxa uu ka mid yahay quwadaha shisheeye ee si joogto ah u xoojinaya xiriirkooda Soomaaliya tan iyo markii uu Soomaaliya usoo gurmaday 2011-kii.

SOMALILAND oo war culus kasoo saartay dhaqan-galka heshiiskii badda ee Itoobiya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa war culus kasoo saartay heshiiska badda ee ay horraantii sanadkan la gashay Itoobiya, kaas oo dhaliyay xiisad u dhexeysa dowladda Soomaaliya iyo maamulka ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Ciise Kayd oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in la gaaray waqtigii dhammeystiri lahaa heshiiska, isla markaana la dhaqan-geli lahaa.

Go’aankan ayaa wasiirka wuxuu is toos ah ugu wargeliyay xafiisyada diblomaasiyadeed ee caalamiga ah ee magaalada Hargeysa, sida lagu sheegay qoraalka.

“Wasiirka arrimaha dibadda Dr Ciise Kayd ayaa maanta ka warbixiyey xafiisyada diblomaasiyadeed ee caalamiga ah ee Hargeysa ku sugan. Waxa uu ku wargeliyay in heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya uu dhammaaday, isla markaana uu dhow yahay in loo beddelo heshiis sharci oo rasmi ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa ka hadlay xiisadda kasii dartay iyo arrinta Masar, isaga oo sheegay inay walaac ka qabaan ciidamada Masar ee la keenayo.

Ciise Kayd ayaa xusay dhaq-dhaqaaqa ay haatan bilowday Masar ay colaad horleh ka hurin karto gobolka Geeska Afrika, arrintaas oo halisteeda leh.

“Wasiirka waxa kale oo uu diblumaasiyiinta caalamiga ah ee Hargeysa ku sugan u sheegay walaaca dowladda Somaliland ka qabto ciidamada Masar ee la soo dhoobay dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, kuwaas oo gacan ka geysta colaadaha mandaqada.”

Tallaabada Somaliland ayaa uga sii dari kartay xiisadda, maadaama weli dowladda federaalka ay diidan tahay heshiiska baddaa, waxaana fashilmay laba shir oo ay Addis Ababa iyo Muqdisho ku yeesheen Turkiga, waxaana hadda loo ballansan yahay kulan 3-aad.

Qorshaha safarka Xamza uu ku tegay Baydbaba + Sawirro

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi u hoggaaminayo ayaa goordhow ka dagay garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo, halkaa soo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Xamza iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud kusoo dhaweeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed, wasiiro, xildhibaanno iyo boqolaal shacab ah.

Intaas kadib ra’iisul wasaaraha ayaa loo galbiyay xarunta madaxtooyada Koonfur Galbeed, halkaas oo uu kulan gaar ah kula qaadan doono madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen, si uu ugala hadlo xiisadda sii kululaaneyso ee kala dhexeyso dowladda dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in Xamza uu diray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana uu wakiil uga noqon doono dhex-dhexaadin la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda taagan ee ka dhalataya arrimaha Itoobiya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online ra’iisul wasaaraha ayaa doonaya inuu Laftagareen ku qanciyo  inuu yimaado magaalada Muqdisho, kadibna ambaqaado xalinta arrimaha taagan iyo tabashada ay qabto Koofur Galbeed.

Xiisadda ayaa dhowaan cirka isku shareertay, kadib markii maamulka Laftagareen uu ka horyimid qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan sida loo wajayo arrinta Itoobiya, waxaana deegaanada maamulkaasi ka dhacay dibadbaxyo lagu taageeray ciidanka Itoobiya.

Sidoo kale waxaa jirtay xildhibaanada taageeray Koonfur Galbeed, kuwaas oo iyana dab ku shiday xiisadda haatan taagan oo yeelatay waji cusub, kuwaas oo u mahaceliyay Laftagareen.

“25-Xildhibaan ee taageertay rabitaanka shacabkooda waxay noola mid yihiin 13-SYL, waxaan la dareenahay rabitaanka shacabka Koonfur Galbeed,” ayuu horay u yiri Lafta-gareen oo la fahamsan yahay inuu gadaal ka taagan yahay qorshaha dad Soomaaliyeed ku taageerayaan Itoobiyaanka.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, laakii arrimahan waxay kusoo aadayaan xilli haatan Koonfur Galbeed ay ku soo wajahan tahay doorasho si weyn loogu loolami doono.

Villa Somalia iyo mucaaradka Koonfur Galbeed oo laba QODOB ku heshiiyay + Xog

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo xoogleh, kuna aadan doorashada kusoo foodka leh maamulka Koonfur Galbeed ee uu hadda hoggaamiyo Cabdicasiis Laftagareen.

Villa Soomaaliya oo qayb ka ah qorshaha socda ayaa lagu soo warramayaa inay u yeertay xubnaha mucaaradka ee Koonfur Galbeed, gaar ahaan Madasha la magac baxday MAAN-SHIIL si looga wada-hadlo xaaladda taagan iyo arrimaha ka cusub Koonfur Galbeed.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka uu goobjoog ahaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), waxaana lagu heshiiyey labo qodob oo kala ah in jawi doorasho loo abuuro maamulka iyada oo loo marayo Golaha Wadatashiga Qaranka iyo in xubnaha mucaaradka ay tagaan magaalada Baydhaba wax kasta oo ay ku qaadan karto.

Qodobka tagitaanka Baydhaba ayaa adkaan doono iyadoona keeni karto iska-hor-imaad hubeysan maadaama maamulka Laftagaree uusan raali ka ahayn.

Dhinaca kale waxaa maata Baydhaba isna ku wajahan ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo la kulmi doono madaxweynaha Koonfur Galbeed, si loo qaboojiyo xiisadda taagan.

Sida ay ogaatay Caasimada Online ra’iisul wasaaraha ayaa ku qancin doono madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen inuu yimaaDo magaalada Muqdisho, loona ambaqaado xalinta arrimaha taagan iyo tabashada ay qabto Koofur Galbeed.

Xiisaddan ayaa cirka isku shareertay dhowaan, kadib markii maamulka Laftagareen uu ka horyimid qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan sida loo wajayo arrinta Itoobiya, waxaana deegaanada maamulkaasi ka dhacay dibadbaxyo lagu taageeray ciidanka Itoobiya.

FIQI oo dhaq-dhaqaaqyo culus ka wada Qaahira + Sawirro

0

Qaahira (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo haatan ku sugan dalka Masar ayaa dhaq-dhaqaaqyo culus ka wada magaalada Qaahira oo uu uga qayb-galay shir caalami ah.

Fiqi ayaa xaadiray meertada 162-aad ee shirka Golaha Jaamacadda Carabta Heerkiisa Wasiir Arrima Dibadeed, kaas oo ka qabsoomay xarunta dhexe Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar.

Intiisa badan waxaa shirka diiradda lagu saaray xaaladihii u dambeeyay ee gobolka, gaar ahaan duulaanka iyo barakicinta gardarrada ah ee lagu haayo shacabka reer Falastiin oo ay weli duqeymo ku hayaan ciidamada Israel.

Sidoo kale madaxda Carbeed ee ka qayb-galay shirka ayaa si wadajir ah hoosta uga wada xariiqay muhiimadda ay leedahay in shacabka Falastiiniyiinta loo fududeeyo gaarsiinta Kaalmada Bani’aadannimo, lana dhaqan galiyo xabad joojin shuruud la’aan ah, si mandiqadda loogu soo dabaalo xasilooni waarta.

Waxaa sidoo kale la filayaa in wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya uu sii wado kulamadiisa, isaga oo gargaar ula shiri doono madaxda Masar iyo kuwa kale oo isugu tegay magaalada Qaahira.

Arrimaha muhiimka ah ee uu la shar tegayo Fiqi ayaa waxaa ugu muhiimsan sii dhaqaajinta heshiiska difaaca ee labada dal iyo sidii loo sii hormarin lahaa iskaashiga cusub ee Soomaaliya iyo Masar.

Dhaq-dhaqaaqyadan aya waxa ay kusoo aadayaan, xilli haatan gobllka ay ka taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay heshiiska badda, taas oo u dhexeyo xukuumadaha Muqdisho iyo Addis Ababa.

Xiisadda ayaa haatan yeelatay waji cusub, kadib markii ay kusoo biirtay dowladda Masar oo ay Wabiga Nile isku hayaan Itoobiya, waxaana Qaahira ay ciidamo usoo direysaa Soomaaliya, kuwaas oo beddalaya ciidamada Itoobiya, marka uu dhammaado howlgalka ATMIS.

AXMED KARAASH oo DF u diray hanjabaad ka dhan ah qorshaheeda shidaalka

0

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa qoraal hanjabaad ah ka soo saaray hadalkii uu sheegay wasiirka batroolka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo hor tegay guddi ka tirsan golaha shacabka oo kulan su’aalo weydiin ah ugu yeeray.

Wasiirka oo hortegay guddiga Kheyraadka ee golaha shacabka ayaa wajahay su’aalo intooda badan ku saabsanaa shidaalka Soomaaliya, wuxuuna soo bandhigay xog badan.

Wasiirka Batroolka Soomaaliya ayaa sheegay in dhamaadka sanadkaan iyo bilowga sanadka cusub ay Soomaaliya soo saara doonto Kheyraadkeeda Shidaalka, isagoo shaaciyey meelaha ugu badan oo shidaalka ku jiro.

Galmudug, gaar ahaan aagga Hobyo ayuu sheegay in Shidaalka ugu badan uu ku jiro, isla markaana laga bilaabi doono shidaal qodista, sidoo kale goobihii uu tilmaamay waxaa ka mid ahaa Ceelka Shiidaalka ee Holhol, kaasi oo dowladda Soomaaliya ay qorsheysay in laga howlgalo.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Axmed Karaash ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter (X) wuxuu ku sheegay inuu dhageystay hadalka Wasiirka Batroolka XFS uu ku shaaciyey inay saxiixeen xirmooyin Shidaal oo uu ka mid yahay Ceelka Shiidaalka ee Holhol.

“Waxaan la wadaagaynaa Shirkadaha Caalamiga ah inaan wakhti kaga lumin Ceelka Holhol iyo khayraadka kale ee deegaanadaasba, aysana jirin cid awood u leh inay heshiis ku soo gasho, iyadoon loo marin dariiq saxa oo heshiis lagu wada yahay,” ayuu soo qoray madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Axmed Karaash.

Puntland iyo dowladda federaalka ayaa ku kala tegay wax kasta oo ay wadaageen, inkastoo aysan Puntland ku dhiira karin inay sheegato in sida Somaliland ay gooni isku taag sameyso, hadana waxaba uga reeban dowladda dhexe, Karaash oo hadalkaan yiri kama tirsana hadda maamulka ku kacsan dowladiisa ee Saciid Deni uu hoggaamiyo.

Ciidanka PSF oo soo saaray digniin lagu xirayo garoonka Boosaaso, kadib markii…

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSF-ta ee ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa maanta soo saaray digniin culus oo lagu xirayo garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.

Qoraal kasoo baxay taliska ayaa waxaa lagu sheegay in garoonka diyaaradaha Boosaaso loo beddalay xero ciidan, isla markaana laga wareejiyay gacantii rayidka.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in askar oo dhaawac ah oo ka tirsan ciidanka PSF-ta laga hor istaagay inay isticmaalaan garoonka Boosaaso, horayna loogu diiday in saraakiishooda ay ka baxaan garoonka.

PSF ayaa ku goodisay inay qaadeyso tallaabo ciidan, waxayna shacabka ugu baaqday inay ka fogaadaan aagga garoonka, si aysan waxyeelo uga soo gaarin halkaasi.

“Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ma ahaan doono goob u xiran ciidamo gaar ah ama qoys gaar ah waxaan uga digeynaa dhammaan shacabka ku dhaw garoonka Boosaaso in ay isaga fogaadaan. Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ma ahaan doono goob u xiran ciidamo gaar ah ama qoys gaar ah” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay ciidamada PSF.

Shirkadaha diyaaradaha ayaa sidoo kale la faray inay hakiyaan duulimaadyadooda, illaa inta garoonka gacantiisa lagu celinayo dadka rayidka ah.

“Shirkadaha diyaaradaha sidoo kale waxaa uga digayna isticmaalka garoonka illaa lagu soo celinayo gacanta rayidka” ayaa mar kale lagu yiri warka qoraalka ah.

Arrintan ayaa durbo dhalisay xiisad xoogan oo laga dareemay Boosaaso oo ay horay ugu dagaalameen ciidamada PSF-ta iyo kuwa kale oo taabacsan madaxtooyada maamulkaas.

 

Nin soo celiyay shidaal uu dowladda Soomaaliya ka dhacay 1991-kii (Warbixin)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Muumin Fiidow Rooble, ayaa dib dawladda Soomaaliya dib ugu celiyay shidaal uu 33 sano ka hor ka bililiqeystay magaalada Muqdisho.

Muumin oo dhowr siddeetan jir ah haddana ku nool degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa toddobaadkan maamulka dawladda ee degmadaas ku wareejiyay 50 liitar oo shidaal ah oo uu ka qaatay xerada Afisyooni 1991-kii, isaga oo sheegay in uu culimada kala tashaday dib u celinta shidaalkaas.

“Maalintaas waxaan qaatay 50 litir oo layga siistay 600 oo shilin Soomaali ah, iyada muggaas ay ila qummanayd inkasta oo ay xoolo xaaran ah ay ahaayeen,” ayuu Muumin u sheegay BBC-da.

“Lacagtaas qaraabada iyo qoyska ayaa raashin u siiyey,” ayuu sii raaciyey.

Muumin ayaa dhanka kale sheegay in maalintaa ay xaaladdu qasnayd ee dhinac walba bililiqadu ka socotay ay ahayd “wax aan la suuraysan karin.”

“Waxa Alla wixii dawlad ama shacab lahaa waa la bililiqaystay maalintaas,” ayuu yidhi Muumin.

Muumin ayaa iska guday xoolihii kaddib markii uu la tashaday culimada diinta, isaga oo meel la wada arko iskaga guday qaantaas.

“Markii aan ogaaday in waxan danbi yahayna sharciga Islaamka ayaan u kuur galay oo aan ogaaday in waxani xoolo shacab yihiin oo ay tahay in la iska bixiyo, meel fagaare ah ayaanan ku dhiibay,” ayuu Muumin BBC-da u sheegay.

Sida oo kale oday Muumin ayaa qaba in dadka kale ee la midka ahaa isaga ama si uun u dhacay xoolo umadeed ay iyaguna iska bixiyaan int aanay dhiman.

“Waa xaqa bini’aadamka in la sika bixiyaa oo la iska reebaa, aakhrio markii la gaadho qof kasta waa la su’aalaa wixii uu qaaday,” ayuu sheegay Muumin Fiidow Rooble.

Wakhtigaas waxaa gebi ahaanba meesha ka baxay nidaamkii iyo kala danbayntii iyada oo ay burburtay Dawladdii Dhexe, kaddib markii jabhado hubaysani ay ku baaheen cidhifyada iyo gudaha dalka, kuwaas oo ridey Dawladdii milateriga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre.

Tacaddiyo gudeed iyo ku takrifal awoodeed oo muddo dheer ay kooxihii diiddanaa Dawladdii Miletariga ahayd tirsanayeen ayaana keentay xaaladdaas sida ay qabaan taariikhyahannadu.

Wixii ka dambeeyay 26-kii January, 1991, Soomaaliya waxay lugaha la gashay colaado sokeeye iyo dagaallo kale oo sababay macluul iyo gaajo, qax, barakac iyo dhimashada dad badan.

Shirar dib u heshiisiin oo is xigxigay oo ka dhacay meelo kala duwan ayaa Soomaaliya loo qabtay, inta badan ma ay midho dhalin.

Ku dhawaad 20 sano kaddib burburkii qaranka, shirkii Carta ee Jabuuti ayaa lagu doortay madaxweyne ku meel gaar ahaa – waxaa loo doortay Cabdiqaasim Salaad Xasan. Waxaa dhidibbada loo aasay qeyb ka mid ah dowladnimada cusub ee Soomaaliya.

Sannadkii 2004 ayaa dib u heshiishiin kale oo la xidhiidhay nidaamka federaalka ee maanta jira lagu soo unkay dalka deriska ah ee Kenya.

Isha: BBC

Dood kulul oo dhex-martay Trump iyo Kamala Harris

0
Philadelphia (Caasimada Online) –  Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Kamala Harris oo Dimoqraadi ah, iyo Madaxweynihii hore Donald Trump oo Jamhuuri ah, ayaa habeenkii Talaadada yeeshay dood adag oo muhiim u ah ololaha doorashada madaxtinimada Mareykanka ee 5-ta November.

Labada musharax ayaan waligood kulmin ama xitaa taleefan kuma wada hadlin, laakiin waxay xalay isaga horyimaadeen ayaga oo masaafo yar isku jira Xarunta Dastuurka Qaranka ee Philadelphia.

Trump iyo Harris ayaa isku weeraray arrimo ay ka mid yihiin dhaqaalaha, socdaalka, amniga, siyaasadda arrimaha dibedda iyo in haweenka ay iska soo ridi karaa ilmaha uurkooda ku jira iyo in kale.

Trump ayaa ku eedeeyey maamulka madaxweyne Biden ee Harris ay madaxweyne ku-xigeenka ka tahay inuu sabab u yahay sicir-bararka ka jira dalka.

“Sicir barar ma jirin xilligayga. wax sicir barar ah ma jirin. Sicir-bararkii ugu sarreeyay ayay keeneyn, malaha taariikhda waddankeenna, waayo weligay ma arag waqti ka xun. Dadku ma bixi karaan oo iibsan karaan cereal, ama hilib, ama ukun ama wax kale,” ayuu yiri Trump.

Hase yeeshee Harris ayaa sheegtay in Trump uusan lahayn wax qorshe dhaqaale ah.

“Donald Trump wax qorshe ah idin ma hayo. Marka aad eegto qorshihiisa dhaqaalena, waa canshuur dhaaf loo sameeyo maal-qabeenada oo kaliya,” ayey tiri.

Marka ay noqoto in haweenka ay iska soo ridi karaa ilmaha uurkooda ku jira iyo in kale, Harris ayaa tiri “Qofna ma ahan in uu ka tago caqiidadiisa ama waxa uu aaminsan yahay si uu wax u ogolaado. Dowladda iyo Donald Trump waa in aysan haweeney u sheegin waxa ay jirkeeda ku sameyneyso.”

Balse Trumo ayaa sheegay inuu taageersan yahay in arrintaas ay go’aan ka gaaran gobollada, oo aanay go’aamin dowladda federaalka.

“Muddo 52 sano ah waxay isku dayayeen inay Roe V Wade u dhaafaan Gobolada, iyada oo loo marayo garaadka iyo awoodda lix garsoore oo Maxkamadda Sare ah, waanu awoodnay inaan taas samayno. Hadda waxaan aaminsanahay waxa ka reeban kufsiga, iyo nolosha hooyada. Waxaan awoodnay inaan gayno gobollada, wayna u codaynayaan, markuu ugu horraysay baad arkaysaa, waa arrin 52 sano dalkeenii kala qeybisay,” ayuu yiri.

Xamza oo maanta tegaya Baydhaba + Qorshaha

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kusii jeeda magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Xamza ayaa Baydhaba u tegaya sidii uu wada-hadallo ula yeelan lahaa madaxweynaha Koonfur Galbeed oo haatan khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo Villa Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Xamza uu diray madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana uu wakiil uga noqon doono dhex-dhexaadin la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda taagan ee ka dhalataya arrimaha Itoobiya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online ra’iisul wasaaraha ayaa ku qancin doono madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen inuu yimaaDo magaalada Muqdisho, loona ambaqaado xalinta arrimaha taagan iyo tabashada ay qabto Koofur Galbeed.

Xiisaddan ayaa cirka isku shareertay dhowaan, kadib markii maamulka Laftagareen uu ka horyimid qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan sida loo wajayo arrinta Itoobiya, waxaana deegaanada maamulkaasi ka dhacay dibadbaxyo lagu taageeray ciidanka Itoobiya.

Sidoo kale waxaa jirtay xildhibaanada taageeray Koonfur Galbeed, kuwaas oo iyana dab ku shiday xiisadda haatan taagan oo yeelatay waji cusub, kuwaas oo u mahaceliyay Laftagareen.

“25-Xildhibaan ee taageertay rabitaanka shacabkooda waxay noola mid yihiin 13-SYL, waxaan la dareenahay rabitaanka shacabka Koonfur Galbeed,” ayuu horay u yiri Lafta-gareen oo la fahamsan yahay inuu gadaal ka taagan yahay qorshaha dad Soomaaliyeed ku taageerayaan Itoobiyaanka.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, laakii arrimahan waxay kusoo aadayaan xilli haatan Koonfur Galbeed ay ku soo wajahan tahay doorasho si weyn loogu loolami doono.

Xog: Macalimiintii Muqdisho oo Shabaab aaday, halisna ugu jira duqeyn iyo DF oo ogaatay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa u yeertay Macalimiinta goobaha waxbarashada ee iskuullada iyo jaamacadaha, waxaana xaalad halis ah ku jirta macalimiintii u hoggaansan tahay amarka kooxda Al-Shabaab.

Xaaladaan waxay taagan tahay muddo todobaad ah, macalimiin badan ayaa kooxda ugu tagtay tuulada Tawakal ee gobolka Shabeellada Hoose, kuwaas oo u hoggaansamay amarkii Al-Shabaab.

Macalimiinta qaar waxaa u suurta gashay inay dib ugu soo laabtaan Muqdisho, markii ay soo kala dhamaadeen Al-Shabaab, balse kuwo kale ayaa weli ku xayiran gobolka Shabeellada Hoose deegaano ka tirsan oo Shabaab heystaan.

Kooxda ayaa ku qasabtay macalimiinta ay tagaan dhulka ay sida dhuumaaleysiga ah ku joogaan, intii qaadatay amarkooda waxaa ogaatay dowladda Soomaaliya, taasi oo keentay inay Muqdisho ku soo laaba waayaan

Markii laga reebo tiro kooban oo macalimiintaas uga soo laabatay Muqdisho, hadana Caasimada Online waxay ogaatay intooda badan inay ku xayiran yihiin dhulka howdka ah ee Tuulada Tawakal oo ka tirsan gobolla Sh/Hoose.

Hey’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa ka warhelay qorshaha macalimiintaasi ay u baxeen, waxaana ku adkaatay inay Muqdisho ku soo laabtaan, maadaama dembiga ay galeen ay ku muteysanayaan xabsi iyo maxkamadeyn.

Macalimiinta ayaa halis ugu jirta in lala beegsado duqeymaha ay fuliyaan ciidamada xoogga iyo la howlgalayaashooda caalamka, waxayna Al-Shabaab ku hayaan dhulka howdka ah, iyadoo habeenba meel la geeyo, sida ilo xog ogaal ah ay Caasimada Online u xaqiijiyeen.

Ma heystaan taleefano ay kula hadlaan qoysaskooda, maadaama kooxda Al-Shabaab aysan ogoleyn oo taleefanadii ay ka uruurisay, inta badan xogta macalimiintaas waxaa soo dusiyey xubno kamid ah macalimiintii kasoo laabatay Al-Shabaab, kuwaas oo deg deg uga soo laabtay deegaanadii looga yeeray.

Kooxda Al-Shabaab ayaa cagajugleyn iyo beegsi culus ku heysa macalimiinta, ganacsatada iyo dad badan oo shacab ah oo dhaqaale ay ku tuhmayaan, horay sidaan oo kale waxay ugu yeereen iimaamyada qaar ka mid ah Masaajidda Muqdisho, kuwaas oo ugu tegay kooxda deegaanada ay joogaan, cashirana ka soo qaatay Al-Shabaab.