25.2 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

Nabadoon oo shaaciyey qorshe yaab leh oo Laftagareen ka dhex wado Hawiye iyo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Badbaado Bulsho Nabadoon Abaabul ayaa si adag uga jawaabay qorshaha madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen uu ugu hiilinayo dowladda Itoobiya, nabadoonka ayaa warbaahinta kula hadlay Muqdisho.

Nabadoon Abaabul ayaa sheegay in Laftagareen uu ku fashilmay inuu doorasho qabto, isla markaana kursi jecli ay u geysay in Itoobiyaan uu hoos galo, “Cabdicasiis kuu qari meyno jooji waxaa wado Soomaaliyaa tahay Xabashi ma tihid,” ayuu yiri.

Nabadoonka ayaa sidoo kale sheegay in Laftagareen uu deegaanada Koonfur Galbeed u diiday siyaasiyiintii ka soo jeeday isagoo taas bedelkeed ku aoo dhaweynaya Itoobiyaanka, isagoo arrintaas ku tilmaamay wax yaab leh.

“Dadkii Bay iyo Bakool u dhashay ayaad u diiday deegaankooda, markaasaa Xabashi noo soo dhoobtay, taas kaama yeeleyno, halu daalin,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in xildhibaanadii go’aankiisa ku taageeray uu u aqoonsaday SYL 2, “kuwa diiday damaca Itoobiyaanka aad dabada ku wadato maxaan ugu yeereynaa? Iyaga ayaa xaq u leh in magacaas loo bixiyo ee magac ha u soo bixiyo.”

“Dalkaan wax Hawiye iyo Raxan weyn la yiraa kama socdaan, waxaa loo kala baxay Soomaali iyo Xabashi, ninkaan wuxuu wadaa boor isku qaris iyo xasarad abuur, dadka u banaanbaxay waa jufadiisa hoose, Raxanweyn maaha,” ayuu yiri Nabadoon Abaabul.

Nabadoon Abaabul ayaa sheegay in xaqa beelaha Raxanweyn uu yahay doorasho iyo inay iska wareejiyaan ninkaan Soomaalinimada diidan, isagoo ku guudiyey in taasi ay horgeli doonto.

“Amxaaro ayaan rabaa iyo Amxaaro ma rabno isku qaba meyno Soomaali waa mideysan tahay, Laftagareen waa fashilmay ee doorashada haka wareego, xaqa Raxanweyna waa doorasho, Laftagareen magacaaga lee ku baaba’aaya tan ee ka joog Soomaaliyaa tahay, isaga iyo Muuse Biixi meesha aad ku dambey doontaana ilama fiicna,” ayuu yiri Nabadoon Abaabul oo ka soo jeeda Mudullood.

Hoos ka daawo

Puntland oo qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah Xasan

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni ayaa qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah dowladda federaalka, waxaana mar kale Puntland ay eedeymo culus u jeedisay Xasan Sheekh.

Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisa ku eedeeyay in Soomaaliya ay ku rideen god dheer, ayna sabab u tahay siyaasad xumo darteed.

Dirir ayaa shaaca ka qaaday in Villa Soomaaliya ay qaadatay siyaasad ka dhan ah cid kasta oo kasoo horjeeda, taasoo keentay in xiriirka u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada uu xumaado, meeshana ay ka baxdo wada shaqeyntii labada dhinac.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in aan la aqbali karin sida ay wax ku waddo dowladda dhexe, ayna tahay arrin walaaceeda leh, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa muuqata in dowladda Federaalka ay ku dhaqmayso siyaasad aan la aqbali karin oo cid kasta oo ka soo horjeeda ku caburineysa,” ayuu yiri Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir.

Sidoo kale wuxuu “Haddii aan wax laga qaban, waxaa jiri doona khatar weyn oo ka dhan ah dowladnimada Soomaaliya oo sii xumaanaysa.”

Waxaa kale oo uu dowladda federaalka ku eedeeyay inay ku guul-dareystay fulinta nidaamkii heshiiska lagu wadaa ahaa ee uu ugu horreeyo ku dhaqanka dastuurka.

Ugu dambeyn wuxuu shaaca ka qaaday in dowladda dhexe ay joojisay dhammaan mashaariicdii muhiimka ah ee dowlad goboleedyada, wuxuuna ugu baaqay 5-ta maamul goboleed inay isku yimaadaan oo ay ka wada-hadlaan xaaladda adag ee haatan taagan.

DF Somalia oo dalab culus u dirtay dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya

0

New York (Caasimada Online) – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Cusmaan Baalle oo hadal ka jeediyay kulanka Golaha Ammaanka ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka, isaga oo farriin culus u diray dalalka ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya, maadaama lagu jiro xilli adag oo kala guur ah.

Abuukar Baalle ayaa ugu baaqay waddamada qaybta ka ah howlgalka sii dhammaanaya ATMIS inay dhowraan madax-banaanida Soomaaliya oo uu tilmaamay inay tahay lama taabtaan.

Waxaa kale oo uu ku booriyay inay waddamadu u hoggaansamaan sharciga caalamiga ah iyo qaab-dhismeedka gobolka, si looga hortago xiisad horleh oo ka dhacda Geeska Afrika.

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa ka digay in danaha dalalka ciidamada shisheeye ay mararka qaar keeni karaan mugdi khatar gelin kara xasiloonida dalka iyo guud ahaan gobolka.

“Haddii aan la tixgelin xeerarka caalamiga ah iyo midnimada dhuleed, waxaa dhici karto in talaabooyinkaas loo qaato gardarro” ayuu khudbaddiisa ku yiri Abuukar Baalle.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay taagan tahay xiisad diblumaasiyadeed oo u dhexeyso dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya oo kamid ah waddamada ay ciidamada ka joogaan dalka, taas oo ku xadgdubtay madax bannaanida Soomaaliya, kadib heshiis sharci darro ah oo uu ra’iisul wasaare Abiy Axmed horraantii sanadkan 2024 la galay Somaliland.

Si kastaba, xiisadda ayaan haatan yeelatay waji cusub, kadib markii ay kusoo biirtay Masar oo iyana heshiis difaac la gashay Soomaaliya, waxaana ka carootay dowladda Itoobiya oo ay xukuumadda Qaahira isku hayaan arrinta Wabiga Nile oo muddo dheer soo taagneyd.

Abiy Ahmed oo hanjabaad cusub soo diray xilli ay kasii dareyso xiisadda gobolka

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Axaddii ka digay in dalkiisa uu “dulleyn doono” dal kasta oo khatar ku ah madax-bannaanideeda, xilli ay xiisado ka taagan yihiin gobolka aan xasillooneyn ee Geeska Afrika.

Itoobiya oo la sheegay in ay tahay dalka labaad ee ugu dadka badan Africa, ayaa waxaa uu khilaaf kala dhaxeeya Soomaaliya, kaasi oo ka dhashay heshiis dhinaca badda ah oo Ethiopia la gashay maamulka la baxay Somaliland.

Xiriirka Masar ee Itoobiya ayaa sidoo kale aan wanaagsan, taasi oo la xiriirta biyo-xireenka weyn ee Itoobiya ee wabiga Nile.

“Nala taaban maayo! Si kastaba ha ahaatee, waanu ceebayn doonnaa cid kasta oo ku dhiirrata inay noo hanjabto si aan iyaga uga leexino,” ayuu Abiy ka yiri xaflad lagu xusayay maalinta Qaranimada oo ka dhacday caasimadda Addis Ababa.

“Cidna kalama xaajoon doono madax-banaanida iyo karaamada Itoobiya,” ayuu sii raaciyay.

Itoobiya ayaa bishii hore ku eedaysay dalal aan la magacaabin in ay doonayaan in ay “qalqaliyaan xasilloonida gobolka” ka dib markii Masar ay saanad milateri u dirtay Soomaaliya ka dib heshiis iskaashi milateri oo ay kala saxeexdeen Qaahira iyo Muqdisho.

Masar ayaa sidoo kale ku yaboohday Soomaaliya in la geeyo ciidamo ka tirsan howlgalka cusub ee Midowga Afrika oo sanadka soo socdabedeli doona ciidamada nabad ilaalinta ee hadda loo yaqaan ATMIS.

Itoobiya ayaa hadda gacan weyn ku leh ATMIS, iyadoo ka gacan siisa ciidamada Soomaaliya dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab.

Balse dowladda Soomaaliya ayaa aad uga carootay heshiiskii bishii January ee sanadkan ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland, kaasi oo Addis Ababa siinaya marin baddeed, iyadoo Somaliland ay dhinaceeda sheegtay in ay aqoonsi ka heli doonto Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in heshiiskaasi uu ahaa mid lagu weeraray madax madax-banaanideeda dhuleed.

Turkiga ayaa dhex dhexaadiyey wadahadalo aan toos ahayn oo u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, si loo xaliyo khilaafka, balse ma aysan sameyn wax horumar ah oo la taaban karo.

Qaahira iyo Addis Ababa ayaa sannado badan waxaa ka dhex jiray khilaaf, iyagoo is dhaafsanayay ereyo kicin ah oo ku saabsan mashruuca biyo-xireenka weyn ee Itoobiya, kaasoo Masar ay sheegtay inuu khatar ku yahay ammaankeeda biyaha.

Xamza oo war culus ka soo saaray xiisadda Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta khudbad ka jeediyay magaalada Muqdisho ayaa mar kale ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Xamza ayaa shaaca ka qaaday inay ka go’an tahay difaaca qaranimada Soomaaliya, isaga oo ku booriyay shacabka inay ilaaliyaan wadajirka iyo madax bannaanida dalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in Itoobiya ay doonayso labo jid midkood in ay xoog ku qaadato badda Soomaaliya ama in loo hirgaliyo heshiiska ay la galeen Somaliland.

“Itoobiya waxay rabtaa in sidii ay u saxiixatay MoU-ga loogu daayo ama ay xoog ku qaadato, taas wax aan hayno majirto Itoobiyana halkaas ayay taagan tahay” ayuu yir.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday arrinta Masar oo xiisadda sii kordhisay, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay xaq u leedahay inay iskaashi la samaysato dal kasta oo dan u ah dadka iyo dalka.

“Xaq-baan u leenahay haddii aan Soomaali nahay haddii aan dowlad kale u tegnay oo Carbeed oo aan dhahnay annagana na caawiya oo ay dheheen waa idin caawineynaan, micnaheeda ma’aha inaan ku duuleyno dowlad kale” ayuu mar kale yiri ra’iisul wasaaruhu.

Ugu dambeyn wuxuu si xoogan u dhaliilay siiyaasiin uu sheegay in ay bulshada iska horkeenayaan, isla-markaana ay marin habaabinayaan arrinta badda oo uu tilmaamay in waajibka koowaad ay tahay in la difaaco.

Wasiir Jaamac oo si kulul ugu jawaabay Laftagareen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo qoraal dheer soo saaray ayaa si adag ugu jawaabay madaxweynaha Koonfur Galbeed oo shalay ka hadlay xiisadda Itoobiya, isaga oo la saftay xildhibaanadii taageeray Itoobiya.

“25-Xildhibaan ee taageertay rabitaanka shacabkooda waxay noola mid yihiin 13-SYL, waxaan la dareenahay rabitaanka shacabka Koonfur Galbeed,” ayuu shalay yiri Lafta-gareen oo la fahamsan yahay inuu gadaal ka taagan yahay qorshaha dad Soomaaliyeed ku taageerayaan Itoobiyaanka.

Jaamac oo jawaab ka bixiyay hadalkan ayaa tilmaamay in SYL ay tahay astaan gobonimo oo mudan in la sharfo, maadaama ay tahay taariikh ay leedahay Ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray shacabka Koonfur Galbeer ee u banaanbaxay Itoobiya, wuxuuna ugu baaqay in loo hoosaaseeyo cadow uu sheegay inay horay u diideen awoowayaasheen.

“Si gaar ah, waxaan ula hadlayaa dadkeyga ka soo jeeda deegaannada Baay, Bakool iyo Shabeellada Hoose, marna ma dhici karto in naloo hoosaasiyo cadaw taariikhi ah oo ay awoowyaasheen diideen in uu dhulkeena boobo dadkeenana gumeeyo” ayuu yiri.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhameystiran;’-

GOBANNIMADA QARANKA SOOMAALIYEED

Waajibka kowaad ee maanta iyo goor walba oo la joogo naga saaran jiilasha naga dambeeya waa in aan ku sinno Soomaaliya oo mid ah, xor ah, kheyraadkeeduna bad qabo.

Wax walba oo kale oo aan ka gaabinno waa naloo cafin karaa, balse waajibka na saaran waa in aan ammaanadi ay awowyaasheen nagu soo simeen aan u wareejinno si dhammeystiran oo nadiif ah.

Ma jiro qof xaq u leh in ku takrifalo gobannimada, midnimada iyo danaha qaranka soomaaliyeed.

Waxaa si gaar ah sharaf noogu ah aniga iyo inta ila midka ah in aan doonta siyaasadda iyo u adeegista qaranka aan ka soo raacnay fagaarayaasha halganka, gobannimo u dirirka, iyo iska caabinta cadawga soojireenka ah ee ummadda soomaaliyeed.

Taariikhda difaaca qaranka soomaaliyeed waa qori isu dhiib, marba heer soo mareysay. waxaana naga go’an in dhimbisha difaaca qaranka oo nool aan uga tagno jiilasha naga dambeeya.

Si gaar ah, waxaan ula hadlayaa dadkeyga ka soo jeeda deegaannada Baay, Bakool iyo Shabeellada Hoose, marna ma dhici karto in naloo hoosaasiyo cadaw taariikhi ah oo ay awoowyaasheen diideen in uu dhulkeena boobo dadkeenana gumeeyo.

Cabdulqaadir Sakhaawadiin Sh Uweys oo ahaa wiil Tunni ah, Digil ah reer koonfurgalbeed ah ayaa ahaa aasaasihi SYL iyo hoggaamiyihi 13ki halgamaa ee gobannima doonka casriga ah hoggaamiyay.

SYL-nimadu waa astaan gobannimadoon, heeryadiidnimo iyo taariikh sharafeed ay tahay in la dhowro. Xildhibaannada iyo siyaasiyiinta reer Koonfur Galbeedna waxaan xasuusinayaa in kuraasta ay ku fadhiyaan ay yihiin kuraas gobeed oo leh sooyaal sharfan oo ay tahay in si gaar ah loo dhowro. Waxaan ku fadhinaa kuraas ay milkiilayaashooda dhabta ah yihiin Cabdulqaadir Sakhaawadiin, Maxamed Cusmaan Baarbe, Xaaji Maxamed Xuseen iyo halgamayaal aan tira lagu koobi karin oo ah aabayaasha halganka taariikhiga ah ee difaaca qaranka soomaaliyeed.

Waxaan ku faraxsanahay in ogaalka iyo fahamka heerkaa gaarsiisan ay leeyihiin rag iyo dumar badan oo maanta indho u ah siyaasadda Koonfur Galbeed. Waxaase waajib naga wada saaran yahay in aan garbaduub u xirno cid walba oo wasakheyneysa sooyaalka quruxda badan ee aan huwannahay.

Deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyo dadka gobta ah ee daga uma qaadi karno dhegxumo iyo wax dhaawacaya sumcaddooda taariikhiga ah, kana weecsan taxanaha sooyaalkooda gobannima doonka ku asteysan. Qof walba oo naga mid ahna waa in uu dareenkaa qabaa kuna dhaqmaa.

Sidaan taariikhda ka baranay, Koonfur Galbeed iyo dadkeedu marna gogol soo dhaweysa uma noqon doonaan cadawga taariikhiga ah ee qarannimadeena.

ALLOW YAA DARWIISHKII FARRIIN DABACSAN GAARSIIYA;

IN DARIIQADII NOOSHAHOO, DIHINA SOO GAADHAY;

OO UU DABKUU SHIDAY, RAG KALE DOGOBYO SII SAARAY;

Ujeedo qarsoon oo Jabuuti ka laheyd yaboohi Itoobiya ee dekedda oo banaanka yimid

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti oo dhawaan u yaboohday Itoobiya inay si toos ah ula wareegto dekedda Tadjoura, si xal looga gaaro xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa dib uga laabatay, iyada oo banaanka usoo baxay qorshe qarsoon oo ay ka laheyd arrintaasi.

Jabuuti ayaa sii deysay hadal ay ku sheegtay in aysan ka wadin in Itoobiya ay siinayso deked ee ay ula jeeday in suuqa dekedda Tadjoura kor loo qaado, islamarkaana ay isticmaalan Itoobiyaanka si aysan u waayin macaamiishooda u weyn ee Itoobiya.

Itoobiyaanka ayaa hadda ku tiirsan ganacsi ahaan dekedda Jabuuti, oo ay wax kala soo dagaan, waxayna dowladda Jabuuti uga dan laheyd inay sii xajisato Itoobiyaanka, si aysan ugu guurin Somaliland iyo Eritrea.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay inuu hadalkiisu ahaa in Itoobiyaanka usoo bandhigayeen in ay wada maamulaan waxna kala degto dekeddaasi, taas oo ka fog hadalkii uu horey usii daayay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ujeeddadu ahayd in ay haystaan macamiishooda u weyn ee Itoobiya, si aanay ugu guurin Somaliland iyo Eritrea, isaggoo meesha ka saaray in dhawaaqooddii hore uu ahaa in dekedda Tadjoura ay siinayaan Itoobiyaanka.

Itoobiya ayaa wax jawaab ah ka bixin tan iyo markii uu soo baxay yabooha Jabuuti, waxaana muuqata in Itoobiyaanka ay ku baraarugsanayeen qorshaha qarsoon ee Jabuuti ka laheyd tallaabadaasi, kaas oo ugu dambeyn ay banaanka keentay.

Itoobiyaanka ayaa iyagu raba deked aan kiro aheyn oo ay milkiyaan, waana midda illaa maanta ay ugu dhagan yihiin is-afgaradkii sharci darrada ahaa ee Somaliland, kaas oo ay meel adag iska taagtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Damaca Itoobiya ee biyaha Soomaaliya ayaa muddo fog soo jiray, waxaana heshiiska Abiy la galay Muuse Biixi muujinaya sida ay Itoobiyaanka uga go’an tahay inay helaan bad, taas oo haddii ay kusii madax adeygaan sababi karta dagaal gacan hadal ah oo dhex-mara labada dal.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo farriin culus diray kadib tallaabo uu maanta qaaday + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamza Cabdi Barre ayaa maanta dhagax dhigay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu soo celinayo adeegyada muhiimka ah iyo tayeynta kaabayaasha dowladnimada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in xarumaha dowladdu ay noqdaan kuwo u qalma shaqada iyo adeegyada ay siiyaan shacabka.

Waxa uu baaq culus u diray dhammaan dadka ku sugan ama deggan xarumaha dowladda in ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan, si loo siiyo fursad dib-u-dhiska iyo horumarinta adeegyada qaran.

“Waa muhiim in aan ku shaqeyno xarumo dowladeed oo tayo leh, kuwaas oo bixiya adeegyo hufan oo dadka Soomaaliyeed ka faa’iidaystaan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Waxa uu intaas kusii daray “Dib-u-dhiska xaruntaan waa qayb ka mid ah qorshaha ballaaran ee dib-u-dhiska xarumahandowladda, si aan u hubinno in dowladdu ay si hufan u shaqeyso oo shacabku ay helaan adeegyada ay u baahan yihiin.”

Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaaruhu baaq u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya qaar kamid ah gobollada dalka, isaga u jeediyey in ay colaadda nabad ku badalaan, xiligaanna aan la joogin waqtigii la daadin lahaa dhiigga dad ehel ah, maadaama ay dadka Soomaaliyeed halgan ugu jiraan sidii ay isaga difaaci lahaayeen cadowga gudaha iyo dibedda.

Dib-u-dhiska wasaaradda arrimaha gudaha ayaa kamid ah qorshaha xukuumadda Dan-Qaran ee dib-u-habaynta xarumaha dowladnimada, si loo xaqiijiyo helitaanka adeegyo tayo leh, si toos ah looga fuliyo xarumaha dowladda, iyadoo ay qayb ka tahay dadaallada sare loogu qaadayo hey’adaha dowladda iyo kaabayaasha muhiimka ah ee dalka.

Ciidamada Itoobiya oo dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabay gudaha Soomaaliya

0

Baardheere (Caasimada Online) – Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa bilaabay dhaq-dhaqaaqyo culus, waxaana lagu soo waramayaa inay la wareegeen dhamaan garoomada diyaaradaha ee gobolka Gedo.

Garoomada muhiimka ah ee ciidamada Itoobiyaanka la saldhigteen ayaa waxaa kamid ah kuwa degmada Luuq, Doolow, iyo Baardheere.

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in dowladda federaalka Soomaaliya ay qorsheyneyso in kumanaan askari oo ka socda Masar lagu beddelo ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan Soomaaliya, oo ayagu jooga inta badan gobollada xaduudaha la’leh Itoobiya.

Itoobiyaanka ayaa haatan kalsooni ka haysata maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, kuwaas oo horey si cad uga soo horyimid in ciidamada Itoobiya laga saaro deegaanadooda, xilli ay shaacisay dowladda Soomaaliya in aysan sii joogi doonin dalka haddii aysan ka laaban is-afgaradkii sharci darrada ahaa ee Somaliland.

Tallaabadan ayaa daba socot mid ay horey dowladda Itoobiya ay ciidamo badan oo gaashaaman ugu sool daabushay xadka ay la wadaagto Soomaaliya, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda u dhaxeysa labada dal.

Tan ayaa imanaysa maalmo un kadib markii Masar ay Soomaaliya la saxiixatay heshiis milateri, kaasi oo 10 kun oo askari oo Masar ah lagu keenayo gudaha Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka noqonaya howl-galka cusub ee nabad ilaalinta ee soo socda.

Dowladda federaalka ayaa dooneysa in ciidamada Itoobiya aysan kamid noqon howl-galka cusub ee nabad ilaalinta, maadaama ay ku kacday xad-gudub ka dhan ah qaranimadeeda, beddelkeeda ay u galaan ciidamada Masar.

Dhaq-dhaqaaqa ciidan ee Itoobiya ayaa uga sii dari kara xiisadda kala dhaxeysa Soomaaliya, taas oo salka ku haysa is-afgaradkii Somaliland ee badda, kaas oo Itoobiya siinayay ogolaansho ay kusoo gaarto biyaha Soomaaliya.

Is-afgaradkaas oo si weyn uga carootay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu meel xun gaarsiiyay cilaaqaadkii Itoobiya, ayada oo labada dhinacna ay si weyn usii kala fogaadeen.

Aqriso: Dowladda Itoobiya oo warqad calaacal ah u dirtay QM, codsina u jeedisay Masar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u gudbisay dacwo ka dhan ah dowladda Masar oo ay ku eedeysay ‘hanjabaado iyo rabshado soo noqnoqday oo iyaga ka dhan ah’ waxayna Itoobiya codsatay in Masar ay tixgeliso.

Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa maanta warqad u dirtay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxayna uga codsatay in golaha ay ka fiirsadaan hanjabaadaha soo noqnoqday ee Masar u jeedineyso Itoobiya, taas oo ka hor imaaneysa axdiga Qaramada Midoobay.

Sida ku cad qoraalka uu diray Wasiirka arimaha dibadda Itoobiya Taye Atzik-Salase wuxuu dowladda Masar ka codsaday in ay ka tanaasulaan mowqifkooda macangagnimada ah iyo dalabaadkooda aan macquulka ahayn ee ku saabsan dhismaha iyo ka shaqaynta biyo xireenka Renaissance iyo sidoo kale in loo hogaansamo mabaadii’da caalamiga ah.

Warqada ay wasaaradda arimaha dibadda Itoobiya u dirtay Golaha Ammaanka ayaa ku soo aadeysa xilli ay maalmo ka hor sidaan oo kale dowladda Masar u dirtay warqad kale.

Wasiirka arimaha dibadda Masar, Dr. Badare Abdulati ayaa warqad sidaan oo kale uu ugu diray madaxweynaha Golaha Ammaanka wuxuu ku sheegay in Masar ay xaq u leedahay in ay qaaddo tallaabooyin lagama maarmaan ah, si loo xaqiijiyo ammaankeeda biyaha.

Sidoo kale warqadaas Masar waxay ku sheegtay in aysan si buuxda u aqbalin siyaasadda go’doominta ee Itoobiya ee biyo xireenka Renaissance.

“Masar waxay diyaar u tahay inay qaado tallaabo kasta oo waafaqsan axdiga Qaramada Midoobay, si ay u ilaaliso jiritaankeeda iyo ilaalinta danaha dadkeeda,” ayaa lagu yiri qoraalkii ay Masar u dirtay golaha Ammaanka, kaasi oo ka horeeyey kan maanta ay dirtay Itoobiya.

Masar iyo Itoobiya ayaa warqado u qoray Golaha Ammaanka, iyagoo midba midka kale uu eedeynayo, xiisadda ayaa cirka isku shareertay markii ay Masar ciidankeeda keentay Soomaaliya, taasi oo cabsi iyo walaac nadan ku abuurtay Itoobiya.

Kadib heshiiskii milatari ee ay dhawaan wada gaareen Qaahira iyo Muqdisho, Masar ayaa ciidamadeeda soo dhoobtay Soomaaliya, waxayna isku diyaarineysaa inay bedesho doorka howlgalka gudaha Soomaaliya, iyadoo bedeleysa ciidanka Itoobiya oo gabi ahaantiisba laga saarayo Soomaaliya.

Muqdisho: Xukun adag oo lagu riday koox loo haysto dil iyo ku takrifal awoodeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ayaa xukunno kala duwan kasoo saartay kiiska eedeysanayaal gaaraya todobo, kuwaasi oo loo heysto dil, qal-qal gelin amni iyo ku takrifal dhul dowladeed.

Eedeysaneyaasha ayaa racfaan kasoo qaatay xukun ay horey ugu riday maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada, ayada oo ugu dambeyn ay maanta maxkamadda sare xukun kasoo saartay, xubnahan oo kala ah;

1. Dable xoogga Mahdi Colaad Xiireey
2. Dable xoogga Nuur Daahir Xersi
3. Dable xoogga Xasan Cabdulle Samatar
4. Dable xoogga Maxamed Khaliif Xuseen
5. Dable xoogga C/qani Cali Xaaji
6. Dable xoogga Nuur Cabdi Maxamed iyo
7. Dable xoogga Axmed Xasan Maxamed

Baaris dheer kadib xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiisaskan, fadhiyo kala duwan kadib, maxkamadda darajada koowaad ayaa xukun ka soo saartay 4-ta bishii Augusta ee sanadkaan, balse xukunsaneyaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunkii lagu riday.

Maxkamadda sare ee ciidamada oo aqbashay dalabkii racfaanka ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

  • Dable xoogga Mahdi Colaad Xiireey iyo dable xoogga Nuur Daahir Xersi ayeyaxkamadda sare ku xukuntay inay bixiyaan boqol halaad oo geel ah “diyo muqalado ah” ahna magta Marxuum Cabdullaahi Maxamed Ibraahim iyo min shan sano oo xabsi ciidan ah.
  • Dable xoogga Xasan Cabdulle Samatar ayey maxkamadu ku xukuntay todobo sano oo xabsi ciidan ah.
  • Dable xoogga Maxamed Khaliif Xuseen, dable xoogga Cabdiqani Cali Xaaji, Dable xoogga Nuur Cabdi Maxamed iyo dable xoogga Axmed Xasan Maxamed ayey maxkamadda sare ee ciidamada qalabka ku xukuntay min 3 sano oo xabsi ciidan ah.

Xukunkan ayaa waxaa warbaahinta la wadaagay Sareeye-guuto Liibaan Cali Yaroow, guddomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida.

Laamaha amniga magaalada Muqdisho oo qaati ka taagan Prank – Sidee wax u dhaceen?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adaha ammaanka ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in lagu sameeyo Prank, iyaga oo bulshada uga digay arrintaan oo kusoo badaneysa magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Guddoomiyaha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in lala xisaabtami doonno dad uu ku tilmaamay in ay hay’adaha amniga degmadaas ku sameynayaan Prank ama loo yaqaan kaftan ciyaareed

Waxa uu soo bandhigay xog-baaris ay ku sameeyeen kiisas cabasho ah oo la xiriiray in degmada Kaxda dad looga dhacay telefoonnada gacanta, balse baaris dheer kaddib ay caddeeyeen in hal qof oo keliya looga qaatay degmadaas.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhalinyarada qaar ee cabashada dhaca telefoonka u gudbiyay hay’adaha ammaanka ay markii dambe u sheegeen in ay ku sameynayeen Prank, halka qaar kale ay iibsadeen.

“Amnigu Prank ma galo, kama aqbalaayo oo waan cafiyay kuwii sidaas sameeyay, rabbul-cizza ma cafin doonno, tallaab ayaa laga qaadayaa, waalidiinta ordayoo ee la xiriiraya laamaha ammaanka ee cabashada gudbinaya waxa aan leeyahay hubiya wiilashiina waxa ay barteen, iyaga ayaa iibsaday telefoonnadooda,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Kaxda.

Sidoo kale wuxuu digniin u diray saraakiisha iyo mas’uuliyiin kale ee degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ka shaqeeya, isaggoo ku hanjabay in sharciga lala tiigsan doonno mas’uulkii ama askarigii ku xad-gudba shacabka.

“Mawaadinka haddii uu qaldamo xaq uma lihid in aad tunto, muwaadin inta ay bistoolad la baxaan ama feer la dhacaan kama aqbali doonno, sarkaalka ciidanka katirsan ee qori ku qabta qof Shacab ah lagama aqbalaayo,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Waxa uu intaas kusii daray “Muwaadinka dhibbanaha ah adigana ha aamusin ee imoow, waala qabanaa oo sharciga ayaa la horgeynayaa.”

Si kastaba, muddooyinkii dambe waxaa isa soo tarayay kiisaska dhaca la xiriira ee laamaha ammaanka loo gudbinayo, iyada oo ciidamaduna ay bilaabeen raad-raaca kiisaskaasi oo qaarkood ay dad usoo qabteen, halka ay barbar socdaan kuwa kale oo lagu sheegay “kaftan ciyaareed”, kuwaas oo jahwareer ku riday laamaha ammaanka.

Ehud Barak: Israel waxay qarka u saaran tahay guuldarro

Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Israel, Ehud Barak ayaa rajo xumo ka muujiyay in la xaqiijin karo guusha ay raadinayaan Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Wasiirada xagjirka ah ee ka tirsan xukuumaddiisa.

Ra’iisul Wasaare Netanyahu iyo Wasiirada mayalka adag ayaa isku dhaarsaday in la sii wado dagaalka ay ciidamadu kaga jiraan Marinka Gaza, illaa iyo inta laga wiiqayo awoodda militari ee Xamaas.

Ehud Barak, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Israel ayaa sheegay in Israel ay wajaheyso waqti adag, kaas oo keeni kara burburka Israel, haddii aan si dhakhsa ah loo soo afjarin colaadda Gaza.

Waxa uu sheegay in Israel ay kala daadaneyso, isla-markaana aysan muuqan wax istiraatiijyad ah ama qorshe dagaal, oo xukuumaddu ay ka leedahay dagaalka galay bishii 12-aad.

Waxa kaloo uu sheegay in Israel aysan suurtagal ahayn inay guul dhameystiran ka gaarto dagaalkan, si ka duwan taasina ay iyadu qarka u saaran tahay guuldarro.

“Xaqiiqadu waa adag tahay. Israel ma aysan guuleysan October 7-deedii, kumana guuleysan doonto dagaalka ka socdo Gaza. Dhab ahaantii waxaan ku dhownahay guuldarro, intii aan guuleysan lahayn,” ayuu yiri Ehud Barak.

Ehud Barak oo wareysi siiyay Wargeyska Israel Hayom ayaa ka digay burburka Isreal, isagoona Netanyahu iyo kooxdiisa ugu baaqay inay qaataan heshiiska nabadda ee lagu soo afjarayo dagaalkan, xitaa haddii xabsiga laga sii wada deynayo dhammaan maxaabiista Falastiiniyiinta.

“Israel waxay u baahan tahay inay u diyaargarowdo in la joojiyo dagaalka Gaza, si looga hortago xaalad kale, iyada oo loo marayo heshiiska maxaabiis is dhaafsiga.” Ayuu yiri Barak.

Barak ayaa intaasi ku daray “Heshiiska ayaa keeni kara in la dejiyo xaaladda iyo inay hoos u dhacaan weerarada Xisbullah, xitaa haddii heshiisku uu yahay mid ku-meel-gaar ah.”

Netanyahu iyo Wasiirada midigta fog ayaa dhegaha ka fureysanaya baaqyada joogtada ah ee uga imanaya shacabka Israel, siyaasiyiinta iyo Saraakiisha Ciidamada ee ku talinaya in la joojiyo dagaalka, si la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Gaza loo soo sii daayo.

Daawo: Wasiir Mukhtaar Roobow oo si cajiib ah uga hadlay qadiyadda Ahlusunna

0

Muqdisho (Caasimada Online)- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee XFS Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa hortegay guddiga arrimaha diinta ee golaha shacabka oo su’aalo adag ka weydiiyey arrimo ay ku lug leedahay wasaaradda uu hoggaamiyo.

Xildhibaanada ayaa Wasiir Mukhtaar Roobow weydiiyey sababta uu shirweynihii culimada Soomaaliyeed ee Muqdisho lagu qabtay ugu casuumi waayey culimada Ahlusunna.

Wasiir Mukhtaar ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay wada Ahlusunno yihiin, sidoo kale wuxuu sheegay in culimada Suufiyada ay metelaad ku lahaayeen shirarkii loo qabtay culimada.

“Ahlusunna waxaan la dhihin Soomaaliya kama jiraan, dadka Soomaaliyeed oo dhan waa Ahlusuno, laakiin duquuqu Suufiya shirkaas waa yimaadeen mashaa’ikh badan ayaa ka joogtay, hadii qof kasta yiraahdo meeshii anigaa ka maqan waa dhibaato, dadka dhana lama wada qanci karo, hoolka Hotel Jazeera culimada Soomaaliyeed ma wada deeqo,” ayuu yiri Mukhtaar Roobow.

Wasiir ayaa carabka ku adkeeyey in culimada Soomaaliyeed ay shirkaas u dhamaayeen, “waad ogtihiin Nabigii ilaahey soo diray ayey dad ka hor yimaadeen oo wax ka sheegayeen, anaga maxaa naloo maleynayaa,” ayuu yiri Wasiir Roobow.

Wuxuu qiray in culimada Duruuqu Suufiya ay wadankaan u soo halgameen, isla markaana ay shir guddoon ka ahaayeen shirweynihii culimada Soomaaliyeed ee dowladu qabatay, “Sheekh Suufiyare ayaa guddoomiye ka ahaa guddigii shirka culimada soo abaabulay, Sheekh Maxamed Baari oo ka mid ah culimada ugu waaweyn Suufiyada ayaa joogay,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku sii daray “Qof shakhsi ah tabasho waa qabi karaa, laakiin dhamaanteen ayaa Ahlusunno ah, culimada Suufiyadana waa joogtay shirkaas, culimada waxaa naga go’an inaan isku wadno, waa noo siman yihiin dhamaan culimada Soomaaliyeed.”

Culimada Ahlusunna ayaa shirkaas ka qabtay tabasho badan maadaama aan lagu casuumin intooda badan, sidoo kale waxay mar kasta ka cabtaan Wasiir Mukhtaar Roobow oo sida ay sheegeen aad u diidan jiritaankooda, inkastoo ay toos u dagaalameen waayihii uu Mukhtaar Roobow ku jiray Khawaarijta Al-Shabaab.

Hoos ka daawo

Xasan Sheekh oo la xiriiray madaxweynaha Algeria – Maxay ka wadahadleen?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa maanta khadka taleefanka kula hadlay madaxweynaha Aljeeriya Cabdulmajiid Tabbuun, isagoo ugu hambalyeeyey dib u doorashadiisa.

Labada madaxweyne ayaa wadahadalkooda hoosta uga xarriiqay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga labada dal.

Madaxweynaha Algeria, Abdul Majid Tebboune ayaa dib loo doortay markii Afaraad, sidoo kale waa mid ka mid ah hoggaamiyaasha sida weyn u taageera qadiyadda Falastiin.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha dib loo doortay ee Aljeeriya waxay wadahadalkaan si qota dheer ugu lafagureen caqabadaha hareeyey Afrika iyo danaha ay wadaagaan labada dal.

Sidoo kale, labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay xiisadda ka soo cusboonaatay gobolka Geeska Afrika, taasi oo u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, halka Masar oo muddo dheer uu khilaaf kala dhexeeyey Itoobiya ay hadda dib uga soo biirtay xiisadda.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa galay dagaal diblomaasiyadeed oo Soomaaliya loo qiray inay kaga guuleysatay Itoobiyaanka, waxaana hadda laga cabsi qabaa gacan ka hadal saddex geesood ah oo Masar iyo Soomaaliya oo dhinac ah ay ku jiraan.

Madaxweynaha Algeria, Abdul Majid Tebboune, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya caawa ku dhiirigeliyey in xiisadda la qaboojiyo ilaa xad, lagana baaqsado dagaal toos ah.

Maxaa maanta ka socda magaalada Muqdisho? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta Muqdisho uga qeyb-galay shirka amniga iyo isbeddelka cimilada oo looga hadlayey sida ay isugu xiran yihiin arrimaha cimilada iyo amniga.

Mudane Saalax ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay fahamka sida uu isbeddelka cimiladu saameyn toos ah ugu yeelanayo amniga, gaar ahaan Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa wuxuu si gaar ah uga hadlay abaarta, daadadka, iyo barakaca oo si joogto ah u saameeya bulshooyinka, taasoo sababaysa in khilaafyo soo ifbaxaan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xukuumadda Dan-Qaran ay dadaal xooggan ku bixineyso in la abuuro siyaasado waara oo wax ka qabta halista cimilada, si loo ilaaliyo amniga dalka.

Waxa uuna ku boorriyey dhinacyada in ay lagama maarmaan tahay in la sameeyo iskaashi heer qaran iyo heer caalami ah, si loo abuuro xalka mustaqbalka ee arrimahan.

Ugu dambeyntiina wuxuu soo dhoweeyay dadaalka hey’adaha caalamiga ah sida UNDP oo ka shaqeynaya sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo sidii amniga iyo deegaanka loogu xiri lahaa siyaasad cad oo midaysan.

Muuse Biixi oo fasiraad cusub ka bixiyay heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya ee badda

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa markale ku celisay inuu dhaqangali doono heshiiskii arrimaha badda ee horraantii sanadkan ay la gaareen dowladda Itoobiya.

Heshiiskaas oo ballanka uu ahaa in 30 cisho rasmi looga dhigo ayaa illaa hadda far loo qaadin kadib markii carro xooggan ka muujisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maalmahan deegaanada Somaliland ku maraya safarkiisi ololaha dib u doorashada ayaa ka hadlay arrimaha heshiiska ay la gaareen dowladda Itoobiya, imaatinka ciidanka Masar ee gudaha Soomaaliya, wada-hadalladii iyaga iyo dowladda federaalka iyo qodobo kale.

Muuse Biixi waxa uu sheegay in aanay jirin wax bad ah oo ay siinayaan dowladda Itoobiya, balse heshiiskooda uu yahay mid ay badda kaga kireynayaan, waxaana uu dhinac iskaga riixay dadka ku eedeynaya inuu dhul ama bad Soomaaliyeed bixinayo.

Yaa kireynaya? oo ah dooda u weyn ee hadalkiisa ka dhalaneysa dhowr jeer oo hore ayuu Muuse ka jawaabay, waxaana markale sheegay in aanay Somaliland cidna fasax uga rabin arrimaha la xiriira deegaanadeeda. Wuxuuse weli Muuse is-ilowsiinaya in aan maamulkiisa la aqoonsaneyn.

Hoggaamiyaha Somaliland wuxuu soo hadal qaaday ciidanka ka imaanaya dhinaca waddanka Masar, kuwaas oo aqbalay inay kamid noqdaan howl-galka cusub ee Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Biixi in Masar xasillooni darro soo wado, oo ay kordhineyso dhibaatada gobolka oo ay duullaan tahay, waxaana uu dowladda federaalka ah ee Soomaaliya si weyn ugu dhalleeceyay tallaabadaas.

Waxa uu intaa ku daray Muuse Biixi Cabdi in aanay jirin fursad wada-hadal ah oo u hartay dowladda federaalka ah iyo Somaliland, si kooban wuxuu u yiri “ninka Masaari iisoo watay nabad igama rabo”.

Muuse Biixi wuxuu kale u jawaabay dad uu sheegay inay heshiiska diimeeyen oo ay isaga ku eedeeyeen inuu dowlad kiristaan ah heshiis la galay.

“Sharciga Sacuudiga u ogolaaday inay heshiis la galaan Shiinaha iyo Mareykanka ee annaga noo diiday waa kitaabkee,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Si walba, Xiisaddii ka dhalatay heshiiskii uu Muuse Biixi u saxiixay dowladda Itoobiya ayaa weli taagan, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay ku guuleysatay inay go’doon siyaasadeed galiso Itoobiya, wallow maamulka Abiy Axmed ku adkeysanayo inuu dhaqangal noqdo is-afgaradkii ay Muuse Biixi la gaareen ama uu wax kale u gooyo.

Lafta-gareen oo dib u istaadhay khilaafkii BF iyo arrin cusub uu maanta ku dhowaaqay

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo maanta dalka dib ugu soo laabtay safar maalmo qaatay oo ugu maqnaa dalka dibaddiisa ayaa si weyn loogu dhaweeyay magaalada Baydhabo.

Lafta-gareen oo soo dhaweynta kadib hadal u jeediyay dadweynaha ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay hadalladii dhawaan kasoo yeeray caasimada, taas oo ula jeedo xiisaddii ka dhalatay taageeraddii shacabka reer Koonfur Galbeed iyo xildhibaannadooda u muujiyeen ciidamada Itoobiya.

Khilaafkan oo maalmo ka taagna baarlamaanka ayaa xal laga gaaray, wuxuuna hadalka Lafta-gareen u muuqda mid dib loogu istaadhayo xiisadda, isaggoo sheegay in beegsiga reer Koonfur Galbeed lagula kacay ay wax u dhimeyso midnimada, sida uu hadalka u dhigay.

“25-Xildhibaan ee taageertay rabitaanka shacabkooda waxay noola mid yihiin 13-SYL, waxaan la dareenahay rabitaanka shacabka Koonfur Galbeed,” ayuu yiri Lafta-gareen oo la fahamsan yahay inuu gadaal ka taagan yahay qorshaha dad Soomaaliyeed ku taageerayaan Itoobiyaanka.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka Koonfur Galbeed ee ku nool dalka iyo dibaddaba midnimo iyo inay ka shaqeeyaan danaha deegaankooda, isaggoo si weyn u amaanay tallaabaddii ay qaadeen xildhibaannada maamulkaasi oo dhawaan xiisad ka abuuray baarlamaanka Soomaaliya.

Hadalka Lafta-gareen ayaa imanaya xilli ay xildhibaannada Koonfur Galbeed ay aqbaleen raali-gelin uga timid xildhibaanada beelaha Hawiye, iyagoo farriin u diray dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadkii ay horay wax uga tabanayeen.

Xildhibaannada reer Koonfur Galbeed ayaa sheegay in dad warkooda fursad ka dhex arkeen ay abuureen xiisad weyn oo ayaga lagu dhibaateynaayo.

Xildhibaan Yuusuf Geelle iyo Senator Siciid Siyaad oo metelaya xildhibaanada, waxgaradka iyo guud ahaan bulshada beelaha Hawiye ayaa raali gelin siiyey xildhibaanadii Koonfur Galbeed ee maalmihii lasoo dhaafay warbaahinta mariyey hadallo loo arkay inay ugu hiilinayaan Itoobiya.

Shir jaraa’id oo dhawaan ay si wadajir ah u qabteen xildhibaanada labada garab ee is raali geliyey ayaa qolo kasta waxay cadeysay in wixii dhacay halkaas looga gudbay oo warka intaas lagu dhameeyo, bulshada Soomaaliyeed oo isku duubana laga doonayo inay dalkooda difaacdaan.

Jawaab la’aanta Itoobiya ee yaboohii Jabuuti oo muujinaysa damac halis ah

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dhawaan dowladda Jabuuti ayaa ugu yaboohday dowladda Itoobiya inay siinayso deked ay si buuxda u maamushaan oo xigta dhanka xadka Jabuuti ay la wadaagto Eritrea, si loo soo afjaro khilaafka gobolka xasillooni darrada galiyay ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa wareysi ku sheegay ballan-qaadkan, wuxuuna raaciyay inay sababta tahay sidii loo kala bad-baadin lahaa labada waddan ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Balse yaboohaasi qaaliga ah illaa hadda kama soo jawaabin dowladda Itoobiya, sidoo kale Itoobiya ayaa horey u diiday inay qaadato saami 19% ah oo laga siiyay dekedda magaalada Berbera sanadkii 2018, markaas oo maamulka dekedda lagu wareejiyay shirkadda Imaaraadka laga leeyahay ee DP World.

Inay Itoobiya diiday inay qaadato saamiga laga siiyay dekedda magaalada Berbera, haddana ay ka aamusto dalabka dekedeed ee uga yimid dowladda Jabuuti waxay muujineysa in aysan Itoobiya raadineyn marin ganacsi.

Sida iska cad Itoobiya laba hadaf ayey leedahay, mid waa deked ay toos u yeelayo iyo midda labaad oo ah saldhig ciidan, waana midda keentay in aanay kasoo jawaabin farriinta Jabuuti, sidoo kalena aanay qaadan saamigii ganacsi ee laga siiyay dekedda Berbera.

Dekedda ay Jabuuti ugu yaboohday Itoobiya waa fahamsan tahay Addis Ababa in aysan toos u qaadan karin balse ay tahay mid ganacsi, sidoo kalena aanay ka dhigan karin saldhig ciidan.

Maamulka Somaliland iyo guud ahaan Soomaalida waa inay tani baraarug ku ridaa. Ciddii maanta Itoobiya u fasaxda biyaha Soomaaliya waa hubaal in aanay berri ka kicin karin.

Yabooha dekedeed ee ka yimid Jabuuti wuxuu sii fashiliyay qorshaha Itoobiya. Ra’iisul wasaare Abiy Axmed wuxuu fagaareyaal badan ka sheegay in 120 milyan ee Itoobiyaanka ah inay xaq u leeyihiin inay helaan bad ay ku ganacsadaan.

Laakiin hadda si fudud ayey Jabuuti u tustay caalamka in uusan hadalka Abiy Axmed sax aheyn oo doonistooda ganacsi ku eekeyn.

Xiisada u dhaxeysa labada waddan ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa weli taagan, waxaana la filayaa in bartamaha bishaan inay markale labada waddan isku arkaan magaalada Ankara ee waddanka Turkiga, xilli aanay wax weyn oo macno leh kasoo bixin wejiyadii hore ee wada-hadallada.

Nin bililiqeystay hanti ay lahayd dowladdii Siyaad Barre oo hadda soo celiyay + Sawirro

0

Maxaas (Caasimada Online) – Mid kamid ah Odayaasha ku dhaqan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa maanta sameeyay arrin cajiib ah, isla markaana si weyn loogu bogaadiyay, kadib markii uu soo celiyay shidaal uu horay uga bililiqeystay dowladdii hore ee milatariga ee uu hoggaamiyaha ka ahaa madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

Ninkan oo lagu magacaabo Muumin Fiidow Rooble, isla markaana 85 sanno jir ah ayaa sheegay in markii ay dhacday dowladdii hore, dalkana uu galay burburka uu ka qayb-qaatay bililiqada shidaal ay lahayd dowladda oo xilligaas u gacan galay dadka shacabka ah.

Muumin Fiidow ayaa sheegay inuu isaga uu qaatay 50 liitar oo shidaal, haddana uu go’aansaday inuu shidaalkaas dib ugu soo celiyo dowladda Soomaaliyeed.

Wareysiyo uu bixiyay ayaa waxa ku sheegay inuu dareemay inay xaaraan tahay falka uu sameeyay, kadibna uu la tashaday culimada, sidaasna uu kusoo celiyay.

Aabe Muumin Fiidow ayaa shidaalkan geeyay xarunta maamulka degmada Maxaas, waxaana kala wareegay guddoomiyaha degmadaasi oo sidoo kale u mahadceliyay.

”Aniga oo ah Muumin Fiidow oo ku nool Maxaas, waqtigii ay dhacday dowladii Maxamed Siyaad Barre in la bililiqeestay shidaalkii dowladda oon loo aabo yeelin, waxaan kamid ahaa dadkii bililiqeestay shidaalkaasi, waxaa maalintaas iga soo gaaray 50 liitar, culmida markaan weediiyay waxa ay ii sheegeen in shidaalkaasi qaanta ah kaliya ku wareejin karo dowlad maadaama ay dowlad laheyd, waxaana ku wareejiyay guddoomiyaha degmada Maxaas, si aan maalinta qiyaamo la iigu qabsan shidaalkaasi” ayuu yiri Muumin Fiidow.

Tallaabada uuq aaday Aabahan Soomaaliyeed ayaa si weyn loogu boggaadiyay, maadaama uu gartay inuu iska soo celiyay shidaalkaas oo kamid ahaa hantidii qaranka ee la boobay.