25.2 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

Daawo: Xildhibaanno ka horyimid tallaabadii uu qaaday Aadan Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa ka horymid tallaabadii uu dhowaan qaaday guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo mamnuucay shirarka jaraa’id ee lagu qabto banaanka xarunta Villa Hargeysa.

Go’aanka oo maalin kahor soo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in hadda kadib la joojiyay shirarka jaraa’id ee lagu qabto gudaha iyo bannaanka xarunta baarlamaanka iyo in xittaa wareysiyo lagu qaado hakaasi.

Amarkan ayaa toos loola wadaagay warbaahinta, gaar ahaan wariyeyaasha soo tabiyay wararka la xiriira Baarlamaanka iyo doodaha xasaasiga ah ee ka jira, waxaana go’aankan si toos ah u saameynayaa shaqada warbaahinta madaxa bannaan ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Cabdirisaaq Ciid oo ka jawaabayay tallaabadan ayaa sheegay inay tahay mid aan qaban xildhibaannada, sidoo kalena lagu caburinayo warbaahinta madaxa bannaan.

“Waxaa nasoo gaartay in Idaacadaha laga mamnuucay inay baarlamaanka hortiiisa ay wararka ku duubtaan runtii suurtagal ma’aha, wax na qabta ma’ah, Ummadda Soomaaliyeedna cadaalad uma ah” ayuu yiri xildhibaan Cabdirsaaq Ciid.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “”Suurta gal ma’ahan in Xildhibaanada loo diido in ay la hadlaan warbaahinta oo ay cabshaha shacabka gudbiyaan, midaasi waa caburin mana yeeleyno”.

Dhankeeda Xildhibaan Faa’iso Maxamed Jayte oo arrintan si kulul uga hadashay ayaa tiri “Anaga bur iyo bariis ma gadno, meeshan hadal ayaan uj oognaa, cid naga celin kartana maleh”.

Shirarka jaraa’id waxaa badanaa qabanayay xildhibaannada mucaaradka ku ah dowladda kuwaas oo  dhaliilo culus u jeedinayay madaxda ugu sarraysa dalka.

Si kastaba, lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa arrintan, balse waxaa lala xiriirinayaa xiisadda ka dhalatay hadalladii dhowaan kasoo yeeray xildhibaannada kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee taageeray Itoobiya, kadib shir jaraa’id oo ay ku qabeen bannaanka xarunta Golaha Shacabka, taas oo dhalisay caro xoogan.

Danjiraha Soomaaliya ee Mareykanka oo ballan qaad u sameeyay saaxibadiisa SIMAD

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha cusub Soomaaliya ee dalka Mareykanka Daahir Xasan Carab oo xalay munaasabad sagootin ah loogu sameeyay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay mas’uuliyiadda culus loo igdamay, isaga oo ballan qaad u sameeyay saaxibadiisa Jaamacadda Simad oo iyagu soo qaban-qaabiyay munaasabadda.

Ugu horreyn Daahir Carab ayaa u mahadceliyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo u magacaabay xilka danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay inuu qaadan doonto talada bahda diblumaasiyiinta safaaradda, si horay loogu sii wado shaqada.

“Allaha ii fududeeyo xilka Safiirka Mareykanka ee Madaxweynuhu ii magacaabay, waxii talo ah bahda safaaradda ayaan ka qaada doonaa.” ayuu yiri Danjire Daahir Carab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uu xoogga saarayo xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Maraykanka, isaga oo soo bandhigay dardaaran uu siiyay madaxweynaha.

“Madaxweynaha wuu ila dardaarmay, waxa uu u yiri Dowladda hadda joogta waxyaabaha ay Maraykanka ka rabto waa waxyaabo iska kooban waxaana kamid ah in la xoojiyo xiriirka labada Dal, in la kobciyo dhaqaalaha & dhanka waxbarashada” ayuu mar kale yiri danjiraha cusub Soomaaliya ee Maraykanka.

Ugu dambeyn Daahir Carab ayaa ballan qaad gaar ah u sameeyay saaxibadii Jaamacadda Simad, maadaama uu ahaa guddoomiyahoodii, kahor inta aan xilkan loo magacaabin, isaga oo tusaale usoo qaatay sheeko hore oo ka ka dhacday magaalada Beledweyne.

“Hadda kahor nin aan saaxibo nahay oo reer Beledweyne ah ayaa waxaa sagaashameeyadii usoo baxay leen Ingiriiska ah kadib wuxuu wacay dadki xaafadda deganaa, si loogu duceeyo kulanka ayuu ka istaagay wuxuu yiri ma i maqleysiinoo reer Buulo-Xaabley haddaan Ingiriiska tego qof halkan joogi doono ma jiri doono” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

BF Soomaaliya oo dib u furmay, kadib maalmo uu hakad galay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta dib u billowday kulamadii caadiga ah ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay hakad galay, sababo la xiriira xiisadda hareysay Golaha ee ka dhalatay kala aragti duwanaashaha xildhibaannada.

Wararla ayaa sheegaya in haatan baarlamaanka Soomaaliya uu mid kamid ah kulamadiisa ku leeyahay xarunta Villa Hargeysa, si loo sii amba qaado howlaha shaqo ee horyaallo.

Saddexdii kulan ee ugu dambeysay ayaa baaqday, sababo la xiriira is qab-qabsiga xildhibaannada, kadib markii ay xiisad ka dhalatay mudanayaal taageeray Itoobiya.

Sababta ugu wayn ee muranka ka dhashay waa arrinta Itoobiya gaar ahaan joogitaanka ciidamadeed oo laga taageeray Koonfur Galbeed, xildhibaannada kasoo jeedana ay la dareen noqdeen dadkooda, ayna soo dhaweeyeen Itoobiya.

Xaaladda ayaa isku rogtay is qab-qabsi iyo in mooshin laga diyaariyo xildhibaannada taageeray Itoobiya, balse waxaa arrinta soo farogeliyay guddoonka sare oo shaaciyay in xa laga gaaray kala aragti duwanaashihii xildhibaannada, kadib kulan ka dhacay xafiiska guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Sidoo kale waxaa jiray go’aan culus oo kasoo baxay guddoonka baarlamaanka oo warbaahinta looga mamnuucay inay waraysiyo iyo shirar jaraa’id xildhibaannada uga duubaan gudaha iyo bannaanka xarunta Villa Hargeysa.

Amarkan ayaa toos loola wadaagay warbaahinta, gaar ahaan wariyeyaasha soo tabiyay wararka la xiriira baarlamaanka iyo doodaha xasaasiga ah ee ka jira, waxaana go’aankan si toos ah u saameynayaa shaqada warbaahinta madaxa bannaan ee magaalada Muqdisho.

Si kastaba, dib u bilaabidda kulamada baarlamaanka ayaa kusoo aaday, xilli todobaadkii hore is-faham buuxa laga gaaray khilaafka soo kala dhex-galay xildhibaannada, kadib dadaallo uu sameeyay guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Ciidamada Liyu Boolis oo laayay dad badan oo SHACAB ahaa

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Faah-faahinoo dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal gelinkii dambe ee shalay ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Shabeelle ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa waxa uu dhex-maray ciidamada Liyu Boolis iyo maleeshiyaad deegaanka ah oo ku sugnaa duleedka degmada Cadaadle ee gobolka Shabeelle, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada oo ku baxay muran ka taagnaa halkaas ay isku dhaceen maleeshiyaadka deegaanka, waxaana goobta oo ay ku sugnaayeen dad badan oo rayid ah ku dhintay ku dhowaad 20 qof.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo ka warbixiyay dhacdadan ayaa sheegay in goobta lagu dilay shacab badan, kuwa kalena ay dhaawacmeen, halka qaar kalena la waayay meel ay jaan iyo cirib dhigeen.

“Hoggaanka nabad galyada gobolka Shabeele dadki ay kulaayen duleedka Cadaadle wax dhintay iyo wax dhaawac ah iyo wax baxsaday oo ilaa hada la’layahay ayay noqden dadba dhiig bax u dhintay o wax qaada waayay” ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana haatan dhaq-dhaqaayo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga degmada Cadaadle ee gobolka Shabeelle.

Si kastaba, illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka deegaanka oo ku aadan dhacdadaas shacabka lagu laayay ee lagu eedeeyay ciidamada Liyu Boolis.

Dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo ka soo dacwooday wasiir ka tirsan DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Wasaaradaha dowlad goboleedyada dalka iyo Agaasinka caafimaadka gobolka Banaadir ayaa soo saaray bayaan ay ku joojiyeen, dacwana uga gudbiyeen wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo dhowr qodob ka kooban.

Wasaaradaha warkaan soo saaray oo wasaaradda caafimaadka Puntland kaliya ay ka maqan tahay ayaa sheegay in wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya ay caqabad weyn ku tahay mashaariicda caafimaadka ee dalka ka socota.

Wasiirrada ka dacwooday wasiirka caafimaadka dowladda dhexe waxay sheegeen in bishii 3-aad ee sanadkaan ay kula kulmeen Muqdisho, isla markaan tabashadii iyo wadashaqeyn la’aantii ay ka cabanayeen aan ilaa hadda waxaba laga qaban, sidaas darteed ay hadda ku qasbanaadeen inay xiriirka u jaraan wasaaradda caafimaadka heer federaal.

Wasiirada dowlad goboleedyada ayaa sheegay inay ka jawaabayaan warqad cabasho ah oo uga timid agaasimayaasha guud ee wasaaradaha caafimaadka dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo agaasinka caafimaadka gobolka Banaadir, waqadaas waxaa ku cad dhamaan caqabadaha taagan, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

1- In wasaaradda caafimaadka heer federaal ay hey’adaha ku amartay in aysan la shaqey karin wasaaradaha caafimaadka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

2- In Mashruuca Damal Caafimaad oo Bangiga Adduunka uu maalgelinayo, qeybtiisa wasaaradaha caafimaadka dowlad goboleedyada ay wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka caqabad ku noqotay in laga faa’iideysto, isla markaana ay khasaareyso lacag dhan 25 milyan oo doolar.

3- In Mashuuca COVID-19 aysan waxaba ka dhaqaaqin oo wasaaradda heer federaal ay xayirtay, isla markaana uu ku egyahay 2025 isagoo wax cusbooneysiin ah aan laheyn, taasi oo ka dhigay inay khasaareyso lacag dhan 48 milyan oo doolar.

4- In mashruuca CCU shaqaalihii loogu tala galay isbitaallada caafimaadka aan la qaadan oo muddo sanad ah uu wasaaradda caafimaadka heer federaal u xayiran yahay, mashruucaas ayaa dhacaya Abriil 2025.

Qodobada ay ku xusan yihiin caqabadaha ay wasaaradaha caafimaadka dowlad goboleedyadu ku qabaan wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka, waxay gaarayaan 12 qodob oo warqadda aad ka akhrisa kartaan.

Sidoo kale waxay dacwo u gudbiyeen madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo duqa Muqdisho, iyagoo u sheegay inay wasaaradda caafimaadka heer federaal ay ku heyso caqabado isugu jira kuwo lasoo dhaafay, kuwo hadda taagan iyo kuwo soo wajahan.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka wasiirrada:

Darawal u dhashay Urdun oo dilay saddex Isra’iliiyin ah, kadib markii…

0

Gaza (Caasimada Online) – Masuu’liyiinta Isra’il ayaa Axaddii sheegay, in nin hubeysan oo u dhashay dalka Urdun uu saddex qof oo Isra’ili ah ku dilay Marinka Allanby ee ay dadka Urduniyiinta u yaqaannaan Buundada Boqor Xuseen oo ah marin isku xira xadka Urdun iyo Daanta Galbeed ee dhulka la heysto.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay, in ninka hubeysan oo watay baabuur xammuul ah oo ka yimid dhanka Urdun uu ku soo dhawaaday isgoyska Allenby, kaddibna rasaas ku furay ciidamada ammaanka Israa’iil.

Waxay kaloo sheegeen in saddex qof ee uu dilay ay ahaayeen rayid ay da’doodu aheyd 50 sano jirro. Ninkan oo la xaqiijiyay in uu ahaa muwaadin u dhashay dalka Urdun ayaa ku dhintay is rasaaseyn dhex martay isaga iyo ciidamada Isra’il ee ilaalila marinka laga soo galo Daanta Galbeed.

Waa weerarkii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ka dhaca xadka Urdun ay la wadaago Isra’il tan iyo 7-dii October, markaasoo ay Xamaas weerartay koofurta Isra’il.

Dhanka Gaza, saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay, in duqeymo cirka ah oo ay Israa’iil ku bartilmaameedsatay guri ku yaalla magaalada Jabaaliya Axaddii ay ku dileen, Mohammad Morsi, oo ahaa agaasime ku-xigeenkii hay’adda gargaarka deg-degga ah ee Gaza.

Weerarkaas ayaa sidoo kale lagu dilay afar xubin oo ka mid ah qoyska Maxammed Mursi. Isra’il wali kama aysan hadlin dilka mas’uulkaasi.

Adeegga Gurmadka degdegga ah ee Gaza ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay, in dilka Morsi uu ka dhigay xubinti 83-aad oo ka mid ah qoyskiisa iyo qaraabadiisa ee lagu dilo Gaza, tan iyo 7-badi bishi October.

ABIY oo si yaab leh ugu goodiyay Soomaaliya iyo Masar iyo waxa laga filan karo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa soo saaray hadal u muuqda hanjabaad ku socoto Soomaaliya iyo Masar, oo dhawaan dhinaca isa-saaray.

Itoobiya iyo Masar oo ay ka dhaxeyso cadaawad salka ku haysa biyo xireenka webiga Niilka ayaa xilligaan waxay heshiis difaac wada saxiixdeen Soomaaliya, iyada oo uu socdo qorshe ciidamada Masar lagu keenayo gudaha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in uusan dalkiisa ku duulin waddan kale balse haddii la isku dayo in lasoo weeraro ay iska difaaci doonnaan, ayna taas diyaar u yihiin marwalba.

Sidoo kale waxa uu dadkiisa ugu baaqay in ay muujiyaan midnimo, taasi oo muujineysa in uu ku gubaabinayo dagaal, xilli laga cabsi qabo Soomaaliya inay noqoto furinta dagaal ee Masar iyo Itoobiya.

“Itoobiya waligeed dal kale kuma duulin balse kuwa nagu soo duulay waligood guul nagama gaarin, waxa aan iska difaacnay kuwa halista ku ah qarannimadeena,” ayuu yiri Abiy farriin cusub oo uu saaray.

Hadalkan ayaa waxa uu kusoo beegmayaa iyada oo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu diiday la kulanka Abiy oo billowgii sanadkaan Somaliland la gaaray is-afgarad xad-gudub ku ah midnimada dalka.

Sidoo kale wuxuu imaanaya xilli madaxda dowladda Itoobiya ay saacadihii lasoo dhaafay fariimo kala duwan jeediyeen, kuwaas oo intooda badan laga dheehan karaa “diyaargarow dagaal” iyagoo intq badan ku cel-celiyeen isticmaalka ereyga “cadowga”.

Si kastaba, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sugayaa in ay jawaab ka bixiso hadallada qalafsan ee kasoo yeeraya madaxda Itoobiya, xilli labada dhinac bartamaha bishaan u ballansan yihiin wada-hadal uu Turkiga garwadeen ka yahay.

Daawo: Mukhtaar Roobow oo su’aal adag laga weydiiyey Sheekh dil ku hanjabay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee xukuumadda Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa galabta wajahay su’aalo adag oo guddiga arrimaha diinta ee golaha shacabka ay ka weydiiyeen waxyaabaha khuseeya wasaaradda ee ka dhex socda dowladda.

Mid ka mid ah su’aalihii ugu adkaa waxaa weydiisay xildhibaan Faa’isa Jeyte, waxayna tiri “Waaiir Mukhtaar mid kamid ah culimadii aad ku casuumateen shirka ayaa yiri qofkii dowladda Xasan Sheekh mucaarada hala dilo, marka ma dowladdaa ka dhex bilowdeen?”

Wasiir Mukhtaar Roobow oo ka jawaabay su’aasha Xildhibaan Faa’isa Jeyte ayaa sheegay in hadalkaas qof yiri uusan garaneyn, isla markaana aysan masuul ka aheyn hadal wadaad yiri.

“Waa ogtihiin culimo meel isugu timid midba meel ayey mas’aladu la geleysaa, marka anigo ma ogi qof yiri qof kale hala dilo, waxaasna wasaaraddu maauul kama aha,” ayuu yiri Waaiir Mukhtaar oo iska fogeeyey eedeynta xildhibaan Faa’isa Jeyte.

Xildhibaanada kale ee guddiga ah ee goobta su’aalo weydiinta ah joogay ayaa Wasiirka si cad ugu sheegay in arrinta ay xikdhibaan Faa’iso sheegtay ay jirto, isla markaana wadaadka ay ka hadlayaan uu si toos ah u yiri hadalkaas.

Mukhtaar Roobow oo is jilcinaya ayaa ku jawaabay “in hadalkaas la yiri waa dhici kartaa, balse qorshihii loo qabtay shirkaas kuma jirin dadka in dil loo iclaamiyo, waxaana ka bixineynaa raali gelin, hadii qof aan soo casuumanay uu hadalkaasi ka soo yeeray,” ayuu yiri Mukhtaar Roobow.

Sidoo kale, Wasiirka Diinta Soomaaliya ayaa wajahay su’aalo kale oo u badan kiisas ku saabsan xajka iyo sidii loo maareeyey, iyadoo xildhibaanadu ay si adag u weydiiyeen su’aalo ku saabsan qaabka loo qeybiyey qoondadii reer Puntland ay ku lahaayeen xujeyda.

Su’aalo weydiinta ayaa socotay muddo labo saac ah, waxaana Wasiir Mukhtaar Roobow ku wehliyey oo qaar kamid ah su’aalaha ka jawaabayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta Ibraahim Nadaara.

Hoos ka daawo

Go’aanka kama dambeysta ah ee kiiska askar NISA iyo booliska oo lagu dhowaaqay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda sare ee ciidmada qalabka sida ayaa maanta go’aan ka soo saartay kiiska Dable Nisa Mahad Cali Cabdi (Madaxeey) iyo Dable Bol. Cadnaan Muuse Maxamed.

Labada nin oo ka wada howl-galayay bar lagu hubiyo gaadiidka oo ku taalla isgoyska Taleex ee degmadda Hodan, ayaa lagu eedeeyey dil ka dhashay Is qab-qabsi ka bilowday Deysmada mid kamid ah gaadiidka dadweynaha iyo cida is ka leh ka gudashada waajibka hubinta iyo amarka fasaxida.

27-kii bisha lixaad ee sanadkaan is-rasaaseyn dhex-martay labada eedeysane ayaa waxaa ku geeriyooday Cabdiraxmaan Cusmaan Muuse oo ku howlanaa xalinta khilaafka ka dhex jiray Mahad iyo Cadnaan.

Xafiiska xeer ilaalinta iyo ehellada Marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Muuse ayaa racfaan ka qaatay xukunkii maxkamadda darajada koowaad ay horey ugu riday labada eedeysane 28-kii August, xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ayaa mar kale codsaday qaadista kiiskaan.

Maxkamadda sare ee ciidamadda qalabka sida oo aqbashay dalabkii racfaanka, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

1- Dable Nisa Mahad Cali Cabdi (Madaxeey) ayey maxkamada sare ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cismaan Muuse.

2- Dable Bol. Cadnaan Muuse Maxamed ayaa isna lagu xukumay 6 sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Sareeyo-guuto Liibaan Cali Yaroow, guddomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida.

Culimada Soomaaliyeed oo soo saaray bayaan culus oo la xiriira damaca Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Culimada Soomaaliyeed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa umadda Soomaaliyeed ugu baaqay in dalka laga difaaco gardarrada cadowga Itoobiya.

Baaqan ayey culimaddu kusoo saaren war-murtiyeed ay kasoo saareen damaca guracan ee Itoobiya, xilli maalmihii u dambeeyay ay culimada ka shirsanayeen, waxayna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeen inay u istaagaan difaaca diinta iyo dalka.

Culimada ayaa ugu horeyn bayaanka ay soo saareen ku adkeeyay midnimada umadda Soomaaliyeed, waxaana qodobada ay soo saareen kamid ah;

1. Culimada Soomaaliyeed waxa ay adkeynayaan midnimada ummadda Soomaaliyeed.

2. Culimada waxa ay bulshada qeybaheeda kala duwan ugu baaqayaan in ay u midoobaan difaaca dalka, kana fogaadaan wax walba oo kala fageyn karo midnimada iyo wadijraka ummadda Soomaaliyeed.

3. Waxa ay culimada ka digayaan dadka ku hoowlan kicnta iyo iska horkeenka bulshada ee faafinayo hadalada aan saxda ahaayn ee lagu marin habaabinayo shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntiina waxay culimada Soomaaliyeed ay dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u istaagaan sidii dalkooda ay uga difaaci lahayeen Itoobiya oo ay ku tilmaameen “cadow” iyo cidkasta oo soo damaacisa dhulkeenna.

Bayaankan kasoo baxay culimada ayaa wuxuu xoojinayaa mowqifka dowladda iyo midda shacabka Soomaaliyeed oo iyagu meel adag iska taagay is-afgaradkii Itoobiya ee Somaliland ee Abiy ugu bareeray meel-marinta damaca baddeena.

Odayaal dhaqameedyo iyo xubno kale oo maanta ku biiray shirka ka socda Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka wadatashiga miisaniyadda dowlada ee 2025 oo maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo biiray xubno cusub.

Shirka waxaa maanta ka qeyb-galay odayaasha dhaqanka, haweenka, ganacsatada iyo ururrada bulshada rayidka, kuwaas oo madaxda wasaaradda usoo jeediyay su’aallo la xariira hanaanka miisaniyadda qaranka ee 2025 ka.

Shirka oo furmay shalay waxaa sidoo kale maanta kusoo biiray wasiirka wasaaradda maaliyadda Biixi Iiman Cige oo safar shaqo ah ugu maqnaa dalka Mareykanka iyo wasiiru-dowlaha wasaaradda.

Kasoo qeyb-galayaashii shirka ee maanta ayaa waxay hordhigeen wasiirka maaliyadda iyo xubnihii kale ee matalayay wasaaradda oo ay kamid ahaayeen wasiiru-dowlaha, agaasimaha miisaaniyadda iyo agaasimaha guud ee dakhliga su’aallo muhiim ah oo la xiriira arrimaha miisaaniyada dowladda.

Shirkaan wadatashiga diyaarinta miisaaniyadda dowladda ee 2025-ka ayaa la filayaa in la soo gaba-gabeeyo bari oo Isniin ah, halkaas oo lafilayo in ay ka soo baxaan tallooyin wax ku ool ah oo wax badan kusoo kordhin doona hab diyaarinta miisaaniyadda oo la filayo in ay ka duwanaan doonto kuwii hore.

Kulankaan wadatashiga miisaaniyadda oo ah mid sanad walba la qabto ayaa sanadkaan waxa uu kaga duwan yahay sanadihii hore in laga soo hormariyay xiligii la qaban jiray oo aheyd marka la diyaaro kadib, balse si hada loo helo talo iyo gikir miro-dhal ah ayaa la qabanayaa ka hor inta aanay hey’ad waliba soo gudbinin qoondadeeda Sanad laha ah.

Si kastaba, xiritaanka shirka ayay wasaaraddu ka filaysa natiijo iyo talooyin wax ku ool ah in ay ka soo baxaan kulanka wadatashiga miisaaniyadda 2025-2026, oo ah mid muhiim ah.







War cusub oo kasoo kordhay wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya ee Turkiga

0

Anakara (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa la filayaa inay mar kale sii amba qaadaan wada-hadalladii uga socday dalka Turkiga ee horay u fashilmay.

War cusub oo soo  baxay ayaa sheegaya in labada dal ay mar kale sii bilaabayaan wada-hadalladooda, isla markaana 17-ka bishaan ay isugu tegayaan magaalada Anakara, waxaana dhex-dhexaadinaya Turkiga oo dadaal ku bixinayo sidii ay xal u gaari lahaayeen.

Wasiirada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Itooobiya ayaa lagu soo warramayaa inay sii tagayaan Turkiga, iyaga oo gogol xaar u ah wadahadalkan oo aan la fileyn inuu foolka ka fool noqdo.

Kulankan ayaa noqonayo kii saddexaad oo ka dhaca Ankara, waxaana horay natiijo la’aan usoo dhammaaday labada kulan ee hore ee ay yeesheen Muqdisho iyo Addis Ababa.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in kulankan uu noqon doono midkii u dambeeyey, yada oo haddii lagu heshiin waayo ay dhici karto kala tag wayn iyo inay wadahadallada burburaan.

Soomaaliya ayaa weli ku adkeysaneya mowqifkeeda ku aadan in marka hore Itoobiya ka laabato heshiiskii ay la gashay Somaliland, halka weli Itoobiya ay dhankeeda ku adkeysaneyso go’aankeeda iyo dhaqan-gelinta heshiiskaas oo ay ka carootay dowladdu.

Xiisadda ka dhalatay heshiiskan ayaa cirka isku sii shareertay, waxaana si weyn looga dareemay gobolka, kadib markii ay kusoo biirtay Masar oo dhowaan heshiis difaac la gashay Soomaaliya, kaas oo dhigaya in ciidamo Masaari ah la keeno gudaha Soomaaliya, taas oo iyana ay ka hortimid Itoobiya oo ay wabiga Nile isku hayaan dowladda Masar.

BOOLISKA oo war yaab leh kasoo saaray hoobiyeyaal lagu garaacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo qoraal kooban soo saaray ayaa si la yaableh uga hadlay weerarkii hoobiyeyaasha ee xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, ayada oo lala eegtay dhowr degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in jugta qaraxyada la maqlay ahaayeen kuwa dheemish ah oo la dhashay baco ay Al-Shabaab dhigeen dhowr goobood oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu boolisku xaqiijiyay in wax khasaare ah uusan jirin, isla markaana magaalada ay tahay nabad, sida lagu shaaciyay qoraalka.

“Waxaan Shacabka Caasimadda ku nool ogaysiinaynaa in dhawaqa ay maqleen ay tahay uun baco ladhigay dhawr goobood oo kala duwan, khawaarijta cadawga ummadda Soomaaliyeed, wax khasaara nafeed ah majiraan marka laga reebo wax yeelo gaartay guryo jiingada ah oo bacaha la dhigay” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Sidaas awgeed, wax dhib ah majiraan magaaladuna waa nabad”.

Ku dhowaad 10 hoobiye ayaa xalay la maqlay, waxayna ku kala dhaceen degmooyinka Xamarweyne, Xamarjajab, Waabari iyo Yaaqshiid, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Sidoo kale waxaa lasoo wariyay in hoobiyeyaasha qaarkood ay ku hoobteen xaafado u dhow xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ay gaysteen.

Waxaa sidoo kale ilo wareedyadu innoo sheegeen in hoobiyeyaasha qaarkood ay ku hoobteen xaafado ay dagan yihiin dad shacab ah, iyadoo burburka muuqaallada guryo ay ay daganaayeen dad rayid ah lagu baahiyay baraha bulshada.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii sidaan oo kale tiro hoobiyeyaal ah loogu garaacay xaafado ka tirsan degmada Wadajir, gaar ahaan bartilmaameedyo u dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyay ay kooxda qaraxyo ka fulisay gudaha magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, gaar ahaan Ceelasha Biyaha iyo qaybo kamid ah degmada Garasbaaley ee gobolka Banaadir.

MASAR oo soo iibsaneysa diyaarado dagaal, xilli ay kasii dartay xiisadda taagan

0

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa qorsheyneyso in haatan diyaarado cusub oo dagaal ay kasoo iibsato Shiinaha, xilli ay sii kordheyso xiisadda kala dhexeysa Itoobiya.

Masar ayaa heshiis cusub la gashay waddanka Shiinaha, iyada oo ujeedadu tahay, si ay u iibiso diyaaradaha dagaalka ee J-10C, isagana bedasho diyaaradaheeda F-16 ee Fighting Falcons.

Ilo wareedyo kala duwan oo lagu kalsoonaan karo ayaa laga soo xigtay in heshiiska ay Masar diyaaradahan kusoo iibsaneyso la saxiixay bishii August ee sanadkan 2024-ka.

Haddii ay Masar hesho diyaaraddan dagaalka waxay ka dhigeysaa dalkii labaad ee haysta diyaaradaha J-10C, waxaana ka hrreeyay waddanka Pakistan.

Arrintana ayaa dhalisay hadal hayn xoogan oo ku aadan diyaaradaha cusub ee haatan raadsaneyso Masar oo ay si weyn isku hayaan dowladda Itoobiya.

Itoobiya ayaa dhankeeda wax u muuqdo diyaar-garow dagaal ku jirta, waxaana dhowan ay soo bandhigtay gantaallada balaastikada ah ee M-20, oo ay keentay xadka Soomaaliya.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa imaanayo maalmo uun kadib markii Masar ay Soomaaliya la saxiixatay heshiis milateri, kaasi oo 10 kun oo askari oo Masar ah lagu keenayo gudaha Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka noqonaya howl-galka cusub ee nabad ilaalinta ee soo socda.

Dowladda federaalka ayaa dooneysa in ciidamada Itoobiya aysan kamid noqon howl-galka cusub ee nabad ilaalinta, maadaama ay ku kacday xad-gudub ka dhan ah qaranimadeeda, beddelkeeda ay u galaan ciidamada Masar.

Wararkii ugu dambeeyay hoobiyeyaashii xalay lagu garaacay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay tiro hoobiyeyaal ah oo xalay lagu garaacay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo qalqal ku beeray shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Ku dhowaad 10 hoobiye ayaa la maqlay, waxayna ku kala dhaceen degmooyinka Xamarweyne, Xamarjajab, Waabari iyo Yaaqshiid, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Sidoo kale waxaa lasoo wariyay in hoobiyeyaasha qaarkood ay ku hoobteen xaafado u dhow xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ay gaysteen.

Waxaa sidoo kale ilo wareedyadu innoo sheegeen in hoobiyeyaasha qaarkood ay ku hoobteen xaafado ay dagan yihiin dad shacab ah, iyadoo burburka muuqaallada guryo ay ay daganaayeen dad rayid ah lagu baahiyay baraha bulshada.

Booliska Soomaaliya oo ka hadlay dhacdadan ayaa sheegay in qaraxyada la maqlay ay ka dhasheen bacasho dheemish ah oo ay tilmaameen in Al-Shabaab ay ku cabsi galinayeen shacabka ku dhaqan caasimada.

Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaana weli soconayo baaritaano dheeraad ah oo ay wadaan laamaha ammaanka, si gacanta loogu soo dhigo dambilayaashii ka dambeeyay falkaasi argagaxa ku beeray reer Muqdisho.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii sidaan oo kale tiro hoobiyeyaal ah loogu garaacay xaafado ka tirsan degmada Wadajir, gaar ahaan bartilmaameedyo u dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyay ay kooxda qaraxyo ka fulisay gudaha magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, gaar ahaan Ceelasha Biyaha iyo qaybo kamid ah degmada Garasbaaley ee gobolka Banaadir.

Saraakiil MAREYKAN ah oo tegay furinta hore dagaalka Shabellaha Dhexe + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeya Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Cadow iyo wafdi saraakiil Mareykan ah ayaa maanta gaaray furinta hore ee dagaalka ee dhinaca gobolka Shabeelaha Dhexe.

Saraakiisha Mareykanka ee wehlinaya taliyaha ciidamada Xoogga dalka waxaa kamid ah taliyaha howlgallada gaarka ah ee ciidamada Mareykanka Colonel David Haskell, kuwaas oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay halkaasi.

Sidoo kale waxay saraakiishan kulamo la qaateen saraakiil ka tirsan Xoogga dalka ee ku sugan Shabeelaha Dhexe, ayada oo kulanka looga hadlay sidii kooxda Al-Shabaab looga sifeyn lahaa goobaha ay wili kaga suganyihiin deegaanada HirShabelle iyo guud ahaan dalka.

Taliye Ibraahim Sheekh Muxyidiin oo kulanka ka hadlay ayaa amray saraakiisha ay la kulmeen inay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Argagixisada iyadoo la kaashanyo dadka Deegaanka oo diyaar u ah dagaalka cadawga.

Dhankooda saraakiisha ka socota Mareykanka ayaa soo dhaweeyay howlgalkaan, waxayna cadeeyeen inay diyaar u yihiin dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta, ayna ka qaadan doonaan doorkooda.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Shabeelaha Dhexe dib looga bilaabay howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan aagga degmada Ruun-nirgood ee gobolkaasi.

Maalin kahor waxaa sidoo kale gobolka ka dhacday duqeyn culus oo lala beegsaday Al-Shabaabka ku sugan hawdka u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Si kastaba, Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waa wayn ee ka qayb-qaata dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, wuxuuna sidoo kale taageero siiyaa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxa aad u baahan tahay in aad ka ogaato doorashada madaxtinimada Mareykanka

0

Washington (Caasimada Online) – Dadka dalka Maraykanka u dhashay ayaa bisha Nofembar dooran doona madaxweynaha hogaamin doona. Cod bixinta ayaa si aad ah loogala socon doonaa dunida oo dhan.

Waxay kaloo u codayn doonaan xubnaha koongareeska oo kaalin muhiim ah ka cayaari doona in la ansixiyo shuruucda saamaynta weyn ku yeelan kara nolosha dadka Maraykanka.

Haddii aad tahay muwaadin Maraykan ah oo da’diisu tahay ama ka badan tahay 18 sano, waxaad xaq u leedahay in aad codkaaga ka dhiibato doorashada madaxtinimada oo la qabto afartii sanaba hal mar.

Waa goorma doorashada

Doorashada 2024 waxaa la qaban doonaa maalinta Talaadada ee bisha nofembar ay tahay 5, sanandka 2024.

Qof ka guulaysta ayaa muddo xilhaynteedu tahay 4 sano qaban doona hogaanka aqalka cad, taasoo bilaabanaysa bisha Janaayo ee sannadka 2025.

Dhinaca adduunweynaha marka la eego, hogaamiyaha Maraykanka wuxuu leeyahay xorriyad aad u balaaran oo uu ku matalo dalka marka dibadda.

Yey yihiin murashaxiinta, sideese loo soo magacaabaa

Labada xisbi ee waaweyn ayaa soo magacaaba murashixiinta madaxweynenimada, ayadoo tiro cod bixinno loo qaado kuwaasoo loo yaqaanno “isreebreeb (primaries)”, waana kuwo ay dadku ku xushaan qofka ay doonayaan inu xisbiga ku hogaamiyo doorashooyinka guud.

Xisbiga Jamhuuriga, madaxweynihii hore, Donald Trump, ayaa helay taageerada xisbigiisa marloo eego dadka isaga ka soo horjeeda.

Wuxuu noqday qofka uu xisbigu sida rasmiga ah u soo magacaabay, shirweynihii xisbiga ee Milwaukee, Wisconsin.

Dhinaca xisbiga dimoqradaadiga, Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka, Kamala Harris ayaa noqotay qofka la soo magacaabay. Waxay tartanka ku soo biirtay markii uu ka baxay madaxweyne Joe Biden.

Ms Harris ayaa taageero aad u weyn ka heshay xisbiga dimoqaraadiga gudihiisa shirweynihii xisbiga ee ka dhacay Chicago bishii Agoosto.

Maxay u taagan yihiin xisbiyada Dimoqraadiga iyo Jamhuuriga

Xisbiga Dimoqaraadiga waa xisbi siyaasadiisa tahay mid liberal ah, ayadoo ajendihiisana uu ku dhisan ayahay in la dardar galiyo xuquuqaha madaniga, daryeelka bulshada iyo isbeddelka cimilada.

XIsbiga Jamhuuriga waa xisbi muxaafid ah, waxaa kaloo Maraykanka gudihiisa looga yaqaan GOP (Grand Old Party). Wuxuu u ololeeyaa in canshuurta la dhimo, in la yareeyo baaxadda xukuumadda, iyo xayiraado adag oo lagu soo rogo socdaalka iyo ilmo iska soo rididda.

Sidee loo qabtaa doorashada madaxtinimada Maraykanka

Qofka guulaysta ma aha qofka helay codadka ugu badan ee dalka oo dhan. Taa beddelkeeda waa in labada murashax ay u tartamaan inay ku guulaystaan loollanka dhamaanba kontonka gobol.

Gobol kasta wuxuu leeyahay tiro cayiman oo loo yaqaanno codadka electoral college, taasoo ku salaysan tirada dadka ku nool. Guud ahaan codadkaas waa 538, qofka guulaystana waa murashaxa hela 270 cod iyo wixii ka badan.

Gobolladaas oo dhan laba ka mid ah ayaa qofka ku guulaysta aqlabiyadda uu kursiga helaa.

Inta badan gobolladu dhinac ayey u badan yihiin, sidaa darteed diiradda waxaa la saaraa in lagu guulaysto 12 gobol, waxaana loo yaqaanaa gobollada lulanaya oo micnaheedu yahay inay hadba dhan raacaan (swing states), codadkoodana waa kuwo aan la saadaalinkarin.

Waxaa suurtogal ah in murashax uu ku guulaysto codadka shacabka ee dalaka oo dhan laakinse ku guuldarraysta codadka electoral college, sida ku dhacday Hillary Clinton 2016.

Yaa kale oo la doortaa

Indhaha oo dhan waxay ku sii jeedaan madaxtinimada, laakinse cod bixiyeyaasha waxay kaloo doortaan xubnaha aqalka koongareeska – halkaasoo shuruucda lagu ansixiyo.

Koongareeska wuxuu isugu jiraa aqalka wakiillada ooleh 435 kursi oo loo codeeyo, iyo 34 kursi oo ah senetka ooiyagana kloo tartamo.

Xisbiga jamhuuriga ayaa wakhti xaadirkan gacanta ku haya koontaroolka aqalka wakiillada halkaasoo ah meesha laga soo bilaabo kharashaadka xukuumadda, halka senetka oo u codeeya magacaabista xukuumadda ay gacanta ku hayaan xisbiga dimoqraadiga.

Labadaas aqal waxay ansixiyaan shuruucda , waxayna sidoo kale hubiyaan qorsheyaasha aqalka cad.

Goorma ayaa la ogaada qofka guulaysta

Inta badan qofka guulaysta waxaa lagu dhawaaqaa habeenka doorashada, laakinse sannadkii 2020 tirinta codadka ayaa dhowr maalmood qaadatay.

Xilliga doorashada ka dambeeya waxaa loo yaqaanaa ‘kala guur’, haddii madaxweynaha la baddalayo.

Waa xilli maamul cudub uu imaanayo, kaasoo ay ku jiraan wasiirro, si loo abuuro qorshaha muddada cusub ee xil haynta.

Madaxweynaha waxaa si rasmi ah loogu dhaariyaa xafiiska bisha Janaayo, xaflad loo yaqaanno ‘caleemosaar’, waxayna ka dhacda xatabadda aqalka capitol Hill ee Washington DC.

Isha: BBC

Toogasho ka dhacday dalka Mareykanka + Khasaaraha

0

Washington (Caasimada Online) – Booliska gobolka Kentucky ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in hubeysan oo wali baxsad ah uu Sabtidi shalay ilaa 7 qof ku dhaawacay meel u dhaw waddada 75-ka ee marta gobollo badan oo Mareykanka ah.

Boolisku waxay sheegeen in ninka looga shakisanyahay in uu ka danbeeyay toogashada uu ku dhuumaaleysanayo dhul qallalan oo u dhaw keymaha koofurbari ee baadiyaha gobolka Kentacky.

Qeybta taliska booliska ee degmada Laurel ayaa qoraal uu soo dhigay barta Facebook ku sheegay, in dad badan lagu toogtay meel u dhaw waddada weyn ee gaadiidka gobollada aada maraan. Waxay kaloo sheegeen in jidkaasi ilaa 9 mayl la xiray.

Duqa degmada yar ee London ee gobolka Kentucky Randall Weddle ayaa sheegay in loo xaqiijiyay dhaawacyada 7 qof.

Sidoo kale qaarkood ayuu sheegay in ay ku dhaawacmeen shilal jidka ka dhacay oo ayay sababtay toogashada.

Toogashadan ayaa imaneysa laba maalin kaddib marki wiil yar oo hubeysnaa uu laba macallim iyo laba arday ku dilay dugsi sare oo ku yaalla gobolka Georgia. Falkaasi ayaa loo xiray wiil 14 jir ah iyo aabihiis oo loo heysto in uu u ogolaaday wiilka qoriga uu dadka ku laayay.

GAZA oo ay u buuxsantay 11 bilood oo DAGAAL ah

0

Gaza (Caasimada Online) – 11 bil ayaa Sabtidi shalay u buuxsantay dagaalka lagu hoobtay ee Marinka Gaza, iyada oo ay wali ciidamada Isra’il sii wadaan duqeymaha cirka ah ee ay ka wadaan Gaza iyo dagaalka dhulka ah oo ay kula jiraan dagaalyahannada Xamaas iyo kooxaha kale ee Falastiiniyiinta.

Ilo-wareedyada caafimaadka ayaa Sabtidi sheegay, in duqeymo ay ciidamada Isra’il 48-ki saac ee lasoo dhaafay ka geysteen qeybo kala duwan oo ka tirsan Marinka Gaza ay ku dileen ilaa 61 qof oo Falastiiniyiin ah.

Meelaha ay dadka rayidka ah intooda badan ku dhinteen ayay wararku sheegayaan in ay ku jiraan guryo dad rayid ah ay deganyihiin oo ku yaalla xeryaha qaxootiga ee Jabaaliya iyo Nuseyrat ee Marinka Gaza.

Millatariga Isra’il ayaa sheegay in ay bartilmaameedsadeen xarun ay ka howlgalaan Xamaas oo ku taalla Jabaaliya. Kooxaha caafimaadka Falastiin waxay sheegeen in duqeynti ugu danbeysay ee Sabtidi shalay lagu dilay guud ahaan 28 Falastiiniyiin ah.

Garabyada hubeysan ee Xamaas, Islamic Jihad garabka millatariga ee Fatax ayaa sheegay in ay ciidamada Israa’iil kula dagaalameen guud ahaan Qaza Sabtidi isla markaana ay u adeegsadeen gantaalada lidka taangiyada iyo bambaanooyinka hoobiyeyaasha.

Dhanka kale qoyska Ayshenur Ezgi Eygi oo ah muwaadinad Mareykan ah oo asal ahaan kasoo jeeday Turkiga oo Jimcihi lagu dilay Daanta Galbeed xilli ay ka qeybgaleysay mudaaharaad looga soo horjeeday Israil, ayaa dalbaday in dilkeeda lagu sameeyo baaritaan madax bannaan.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa isna ku baaqay baaritaan.

Daawo: Koonfur Galbeed oo si yaab leh uga jawaabtay hadalkii odayaasha Hawiye

0

Marka (Caasimada Online) – Masuul ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo ka soo jeeda beelaha Hawiye ayaa maanta hadlay isagoo u jawaabaya odayaashii beelaha Hawiye ee sheegay in Koonfur Galbeed aysan ku laheyn wax metelaad ah, isla markaana Laftagareen uu u diiday xubnihii ay maamulkaas ku lahaayeen beelaha Hawiye.

Sarkaalka u hadlay Hawiyaha reer Koonfur Galbeed ayaa ku magacaaban Isku duwaha Maaliyada ee maamulka gobolka Sh/Hoose, waxaana lagu magacaabaa Mustaf Axmed Hilowle, wuxuu sheegay in shirkiisa jaraa’id ay qeyb ka yihiin masuuliyiin badan oo ka soo jeeda beelaha Hawiye oo xilal ka haya maamulak K/Galbeed.

Mustaf Hilowle ayaa ku gacan seyray hadalkii odayaasha Hawiye, wuxuuna sheegay in beeshaas ay xilal badan ka heyso maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Laftagareen, wuxuuna eedeyntaas ku tilmaamay waxba kama jiraan.

“Waxaan cadeyneynaa in hadalkii ka soo yeeray odayaasha beelaha Hawiye aysan waxaba ka jirin oo Koonfur Galbeed loo dhan yahay, masuuliyiinta Hawiye ku metesha maamulka K/Galbeed aniga ayaa kamid ah,” ayuu yiri isku duwe Mustaf Hilowle.

Wuxuu sheegay in hadii ay tabasho qabaan ay ku habooneed inay ayaga oo ku metela Koonfur Galbeed lasoo wadaagaan si ay maamulka ugu gudbiyaan.

“Iyagoo odayaal dhaqan ah inay yiraahdaan maamulkaas wax metelaad ah kuma lihin waan laga haboonaa, wax ka jirana malaha warkaas, waa arin siyaasadeed oo Koonfur Galbeed lagu beegsanayo,” ayuu yiri masuulkaan ka tirsan maamulka gobolka Shabeellada Hoose.

Odayaasha uu u jawaabay isku duwahaan waxay ka cabanayeen in Madaxweyne Laftagareen uu siiday in beelaha Hawiye ay qaataan kursiga madaxweyne ku xigeenka maamulkaas, maadaama dastuurku uu qorayo maamullada dhana ay leeyihiin madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen.

Hoos ka daawo