25.2 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

GAZA oo ay u buuxsantay 11 bilood oo DAGAAL ah

0

Gaza (Caasimada Online) – 11 bil ayaa Sabtidi shalay u buuxsantay dagaalka lagu hoobtay ee Marinka Gaza, iyada oo ay wali ciidamada Isra’il sii wadaan duqeymaha cirka ah ee ay ka wadaan Gaza iyo dagaalka dhulka ah oo ay kula jiraan dagaalyahannada Xamaas iyo kooxaha kale ee Falastiiniyiinta.

Ilo-wareedyada caafimaadka ayaa Sabtidi sheegay, in duqeymo ay ciidamada Isra’il 48-ki saac ee lasoo dhaafay ka geysteen qeybo kala duwan oo ka tirsan Marinka Gaza ay ku dileen ilaa 61 qof oo Falastiiniyiin ah.

Meelaha ay dadka rayidka ah intooda badan ku dhinteen ayay wararku sheegayaan in ay ku jiraan guryo dad rayid ah ay deganyihiin oo ku yaalla xeryaha qaxootiga ee Jabaaliya iyo Nuseyrat ee Marinka Gaza.

Millatariga Isra’il ayaa sheegay in ay bartilmaameedsadeen xarun ay ka howlgalaan Xamaas oo ku taalla Jabaaliya. Kooxaha caafimaadka Falastiin waxay sheegeen in duqeynti ugu danbeysay ee Sabtidi shalay lagu dilay guud ahaan 28 Falastiiniyiin ah.

Garabyada hubeysan ee Xamaas, Islamic Jihad garabka millatariga ee Fatax ayaa sheegay in ay ciidamada Israa’iil kula dagaalameen guud ahaan Qaza Sabtidi isla markaana ay u adeegsadeen gantaalada lidka taangiyada iyo bambaanooyinka hoobiyeyaasha.

Dhanka kale qoyska Ayshenur Ezgi Eygi oo ah muwaadinad Mareykan ah oo asal ahaan kasoo jeeday Turkiga oo Jimcihi lagu dilay Daanta Galbeed xilli ay ka qeybgaleysay mudaaharaad looga soo horjeeday Israil, ayaa dalbaday in dilkeeda lagu sameeyo baaritaan madax bannaan.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa isna ku baaqay baaritaan.

Daawo: Koonfur Galbeed oo si yaab leh uga jawaabtay hadalkii odayaasha Hawiye

0

Marka (Caasimada Online) – Masuul ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo ka soo jeeda beelaha Hawiye ayaa maanta hadlay isagoo u jawaabaya odayaashii beelaha Hawiye ee sheegay in Koonfur Galbeed aysan ku laheyn wax metelaad ah, isla markaana Laftagareen uu u diiday xubnihii ay maamulkaas ku lahaayeen beelaha Hawiye.

Sarkaalka u hadlay Hawiyaha reer Koonfur Galbeed ayaa ku magacaaban Isku duwaha Maaliyada ee maamulka gobolka Sh/Hoose, waxaana lagu magacaabaa Mustaf Axmed Hilowle, wuxuu sheegay in shirkiisa jaraa’id ay qeyb ka yihiin masuuliyiin badan oo ka soo jeeda beelaha Hawiye oo xilal ka haya maamulak K/Galbeed.

Mustaf Hilowle ayaa ku gacan seyray hadalkii odayaasha Hawiye, wuxuuna sheegay in beeshaas ay xilal badan ka heyso maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Laftagareen, wuxuuna eedeyntaas ku tilmaamay waxba kama jiraan.

“Waxaan cadeyneynaa in hadalkii ka soo yeeray odayaasha beelaha Hawiye aysan waxaba ka jirin oo Koonfur Galbeed loo dhan yahay, masuuliyiinta Hawiye ku metesha maamulka K/Galbeed aniga ayaa kamid ah,” ayuu yiri isku duwe Mustaf Hilowle.

Wuxuu sheegay in hadii ay tabasho qabaan ay ku habooneed inay ayaga oo ku metela Koonfur Galbeed lasoo wadaagaan si ay maamulka ugu gudbiyaan.

“Iyagoo odayaal dhaqan ah inay yiraahdaan maamulkaas wax metelaad ah kuma lihin waan laga haboonaa, wax ka jirana malaha warkaas, waa arin siyaasadeed oo Koonfur Galbeed lagu beegsanayo,” ayuu yiri masuulkaan ka tirsan maamulka gobolka Shabeellada Hoose.

Odayaasha uu u jawaabay isku duwahaan waxay ka cabanayeen in Madaxweyne Laftagareen uu siiday in beelaha Hawiye ay qaataan kursiga madaxweyne ku xigeenka maamulkaas, maadaama dastuurku uu qorayo maamullada dhana ay leeyihiin madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen.

Hoos ka daawo

Daawo: DF oo soo qabatay rag Shabaab u diyaariyeen in ay ka howlgalaan Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada ayaa maanta lasoo taagay rag ka tirsanaa Al-Shabaab oo loo diyaariyey ka dagaalamaan deegaanada Somaliland, balse fashilmay oo soo galay gacanta hey’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Ragaan oo gaaraya 4 ayaa lagu kala qabtay magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo, waxaana la hor keenay maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Soomaaliya, iyagoo qoraal ah.

Waxaa ku jira nin oday ah oo Ugaaska ay u bixiyeen, kaasi oo dalka Jarmalka uga yimid inuu ku biro Al-Shabaab, Ugaaska ayaa Al-Shabaab ugu magacaawnaa guddoomiyaha degmada Burco ee gobolka Togdheer ee Somaliland.

Xubnahaan ka tirsanaa Al-Shabaab waxay ka soo kala jeedaan magaalooyinka Burco iyo Hargeysa, meel kala duwan oo koonfurta Soomaaliya ah ayey tababaro ku soo qaateen, aagga Jilib ayey dhowr sano joogeen, waxaana loo diyaarinayey sidii ay Somaliland uga fuli lahaayeen falal argagixiso.

Cabdikariin Ibraahim Cilmi, waxay Shabaab u magacaabeen Ugaaska beeshiisa Isaaq, waa nin oday ah oo ka yimid dalka Jarmalka, wuxuu sheegay inuu yahay cuuryaan, waxaana loo magacaabay guddoomiyaha degmada Burco.

Guddoomiye Shuute ayaa wareysi dheer la yeeshay Ugaaska, isagoo weydiiyey su’aalo adag muddo 10 daqiiqo ah, ninkaan ayaa sheegay in jaceylka uu u qabo kooxda uu uga yimid Jarmalka, balse waxaa lagu qabtay Muqdisho isagoo dhuumaaleysanaya.

Xeer ilaalinta ayaa soo bandhigtay cadeymo muujinaya in qaar ka mid ah ragaan ay tashkiilanayeen bulsho ka badqabta fikirka guracan ee Khawaarijta, sidoo kale waxay qirteen in magaalooyin kala duwan ay tageen, iyagoo faafinaya fikirka argagixisada.

Qaar kamid ah ragaan waxaa lagu qabtay Gaalkacyo iyagoo u socda Somaliland, magaalooyinka ay ku kulmeen waxaa ka mid ah Beledweyne, fariimo ay u direen gabdho ay shukaansanayeen oo xambaarsan fikirka argagixisada ayaa lagu soo bandhigay fadhiga maxkamadda.

Hoos ka daawo

 

Sawirro: Magaalada Garoowe oo caawa gubaneysa

0

Garowe (Caasimada Online) – Dab xoog leh ayaa caawa fiidkii ka kacay kaalin Shidaal oo ku taalla magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Waxaa ilaa hadda socda daminta iyo la tacaalida dabkaas oo ah mid xoogan, sida ay ku waramayaan goobjoogayaal qeyb ka ah gurmadka socda.

Dabka ayaa markii hore ka kacay Geerish gaadiidka lagu dayactiro oo ka ag-dhowaa Kaalinta Shidaalka ee 3CC oo dabku gaaray, markii lagu guul-dareystay in la demiyo.

Dabka ayaa sii fiday oo gaaray heer la xakamey waayo markii uu qabsaday kaalintaas Shidaalka oo ka mid ah goobaha Shidaalka lagu iibiyo ee ugu waaweyn magaalada Garowe.

Sidoo kale dabku wuxuu burburiyey oo ku sii faafayaa goobo ganacsi oo aaggaas ku yaalay, maadaama la xakameyn waayey kaalintii shidaalka iyo Garaashkiina uu soo baabi’iyey.

Gaadiidka Dab-damiska iyo kooxaha gurmadka degdegga ah ayaa ku howlan ilaa xakamaynta iyo daminta dabkaas, waxaana caqabad noqotay goobta dabku ka kacay oo ahayd isku raran aan lahayn jidad badan oo laga gali karo.

Ma jiraan wax Khasaare nafeed ah oo Garoowe laga soo weriyey, laakiin waxaa burburtay hanti badan, dabkuna wuxuu ku sii siqayaa goobop ganacsi oo horleh.

Muxuu Yuusuf Madaale ku diiday inuu u dhaqmo sida gudoomiyeyaashi ka horeeyay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ka qayb-galay Barnaamijka Dood Furan ee Telefishinka Universal ayaa waxaa laga waydiiyay arrimo ku aadan xaaladda magaalada Muqdisho iyo mararka qaar dibad-baxyada ka dhaca.

“Markii banaanbaxyo dhacaan gudoomiyeyaashii gobolka sida AUN Eng.Yariisoow, Taabid iyo Cumar Filish Intay banaanbaxayaasha dhax tagaan bay qancin-jireen adigana Gudoomiye Madaaloow Xabad iyo Askar baa kaasoo horreysa, maxaa kuu diiday sidoodii oo kale? Ayuu waydiiyey mid kamid a ka qayb-galayaasha doodda.

Intaas kadib waxaa hadalka qaatay duqa Muqdisho oo sheegay in dibad-baxyada ay hadda ka yaraadeen sidii hore, isaga oo xusay in ay suuragal tahay in dadka isku soo baxaya ay kusoo dhex dhuuntaan Al-Shabaab, sababtaasna uu uga baaqsado inuu tego.

“Banaan-baxyada markii hore haddii ay badnaan jireyn hadda ma badna oo waa hal iyo labo mararka qaarkood waxaa dhici kareyso nimankii aad ogeedeen ayaa laga yaabaa inay ku hoos jiraan” ayuu yiri guddoomiye Madaale.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in maamulkiisa uu mar kasta ku dadaalo xallinta arrimaja markaas laga cawdo, isaga oo tusaale usoo qaatay xalkii ugu dambeeyay ee laga gaaray cabashada Bajaajleyda.

“Marka inaan u tego oo la hadlo oo iska kala taga yiraahdo waxaan ka door biday inay waxa ay ka cabanayeen inaan abaaro oo ka shaqeeyo, Bajaajleydii hadda ugu dambeysay waxay ka cabanaayeen kuli waa ka shaqeynay” ayuu mar kale yiri guddoomye Madaale.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “In wax la xalliyo ayaa sax ah ee haddii la dhex istaago iyo haddii aan la dhex istaaginbo oo inta laga soo tago la’iska daneysto wax wayn masoo kordhineyso”.

Itoobiya oo eedeyn yaab leh u jeedisay madaxda Somalia

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya Field Marshal Birhanu oo haatan ku sugan magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda kala dhexeysa Soomaaliya.

Field Marshal Birhanu oo khdubad ka jeediyay munaasabadda dabbaaldegga sannad-guurada 47-aad ee taliska bariga Itoobiya ayaa si weyn u dhaleeceeyay madaxda Soomaaliya, wuxuuna ku eedeeyay inay la shaqeeyaan cadowga Itoobiya oo uu kala jeedo Masar.

Taliyaha ayaa shaaca ka qaaday inay ka go’an tahay inay difaacaan madax-banaanidooda, haddii tallaabo loo soo qaado dhankooda, sida uu ku goodiyay

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in ciidamadu ay diyaar-garoobeen inay ka hortagaan wax kasta oo khalkhal gelinaya ammaanka, isla markaana ay difaacayaan dalkooda.

Taliyaha ciidamada qalabka sida ee Itoobiya ayaa sidoo kale ka digay wax uu ugu yeeray cadowga Itoobiya oo carqaladeynaya horumarkooda  iyagoo kaashanaya calooshood u shaqeystayaal iyo khaa’inul waddan gudaha ah.

Hadalkan wuxuu kusoo aadayaa, iyada oo weli halkeedkii ay tahay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, waxana haatan kusoo biirtay Masar oo iskaashi cusub la yeelatay dowladda federaalka, taas oo ay ka carootay dowladda Itoobiya.

Si kasataba, Soomaaliya ayaa Masar la saxiixatay heshiis milateri oo 10 kun oo askari oo Masar ah lagu keenayo gudaha dalka kuwaas oo qeyb ka noqonaya howl-galka cusub ee nabad ilaalinta ee soo socda.

Dowladda federaalka ayaa dooneysa in ciidamada Itoobiya aysan kamid noqon howl-galka cusub ee nabad ilaalinta, maadaama ay ku kacday xad-gudub ka dhan ah qaranimadeeda, beddelkeeda ay u galaan ciidamada Masar.

Daawo: Yuusuf Geelle oo u jawaabay odayaasha Hawiye

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas oo kamid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa u jawaabay odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye oo ka horyimid dadaal ay isaga iyo xildhibaanno kale sameeyeen kuna raalligeliyeen xildhibaannada Koonfur Galbeed.

Yuusuf Geelle ayaa marka hore raalligelin buuxda siiyay odayaasha, wuxuuna sheegay in ujeedkooda uu ahaa in la’isku soo dhowaado oo si deganaan ah loo dhameeyo muranka taagan.

“Waxaan rabaa inaan ka hadlo waxqabadkii maalmahan aan ka shaqeyneynay annaga oo u istaagnay aniga iyo xildhibaanno kale in mad-madow aan dhammeyno oo ka dhex jiray baarlamaanka ayaa haddane arrintaas waxa ay keentay dhinaca kale teamka kale oo odayaal ah inay si kale u arkaan” ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas.

Sidoo kale wuxuu sii intaasi sii raaciyay ‘Waxaan rabaa Ummadda Soomaaliyeed hortooda in aan raalligelin ka siiyo odayaashaas oo ah odayaasheennii wax kasta oo ay dhibsadeen oo shaqada aan ka shaqeyneynay ay ka dhibsadeen waxaan rabnaa inaan ka raalligelino”.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay arrinta badda, wuxuuna farriin culus oo midnimo ah u diray xildhibaannada labada Gole oo uu ugu baaqay inay u midoobaan difaada dalka.

“Abiy Axmed baarlamaankiisa ayaa waxa uu ka dhaadhicinayaa inuu dhulkeenna qabsado saas darteed baarlamaanka sharafta leh waxaan ka codsanayaa inaanan ku kala qaybsamin inaan badda difaacno oo dalka iyo dadka aan Itoobiya ka difaacno” ayuu mar kale yiri.

Odayaasha Beelaha Hawiye oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si weyn uga horyimid dhaq-dhaqaaqa xildhibaannada ee ka socda caasimada, waxay si gaar ah u diideen in raalligelin la siiyo xildhibaannadii horay u taageeray Itoobiya.

“Waxaa jiro xildhibaanno Beelaha Hawiye kamid ah oo siyaasadda ku metala ayaa raalli-gelin ugu tegay xildhibaannadii dareenka shacabka Soomaaliyeed geliyay ee Itoobiya ku taageeray baarlamaanka hortiisa, haddaba waxaa isla qaadanay in xildhibaanaddii tegay shalay iyo kuwii hore ay isku mid yihiin” ayuu horay u yiri afhayeenka Beelaha Hawiye.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Wax lala yaabo oo ugub ah waxaa ah nin xildhibaan ah oo odayaashiisii raalli-gelin ka bixinaya oo xaal ka bixinaya, waa wax aan la arag oo la maqal”.

Daneyn la’aanta Shiinaha ee Soomaaliya ma xaggooda mise waa xaggeenna?

0

Beijing (Caasimada Online) – Shiinaha oo kamid ah waddamada waa weyn ee dunida, isla-markaana haatan loollan adag kula jira Mareykanka ayaa mar kamid ahaa waddamada taageerada ugu badan siiya Soomaaliya, sidoo kalena la lahaa xiriir ku dhisan wax wada qabsi, kaas oo soo billowday 1960-meeyadii, wuxuuna xilligaas dalka ka fuliyay mashaariic waa wayn.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay isbeddalka haatan ku yimid xiriirka labada dal iyo daneyn la’aanta Shiinaha ee Soomaaliya, xilli haatan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan yahay magaalada Beijing.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Shiinaha ay mar xarun muhiim u ahayd magaalada Muqdisho, isla markaana uu ku lahaa xarunta ugu wayn ee Afrika, sidoo kalena uu dalka ka fulin jiray mashaariic waa wayn oo uu dhaqaale fara badan ku baxayay.

Siyaasigan ayaa tilmaamay in hadda dhammaan ay masha ka baxeen waxyaalahaasi, wuxuuna su’aal ka keenay halka uu gaabiska ka jiro Soomaaliya ama dhinaca Shiinaha.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

Dalka Shiinaha lixdameeyadii oo uu Soomaaliya kula beratamayey Midowgii Soofiyeedka wuxuu dalkeena u soo magacowday Zhang Yueh oo ka mid ahaa khubarada dunida Carabta iyo Afrika.

Safaaradooda Muqdisho waxay ahayd xarunta ugu wayn ee Afrika, waxaana xiligaa ka shaqaynayey 230 qof oo isugu jira diblomaasiyiin iyo shaqaale.

Inkasta uu dhaqaalaha Shiinuhu gaarsiisnayn sida uu maanta yahay, haddana Soomaaliya wuxuu siin jiray kaalmada horumarin ee Afrika ugu badan.

Maanta oo uu Shiinaha loollan kula jira Ameerika sidii uma muuqdo oo waa kaa labaatan iyo dhowr milyan ka hadlaya. Haddaba su’aashu waxay tahay, danayn la’aantu ma xaggeenaa mise waa xagooda?

Maxamed Kaafi oo maanta lagu fuliyay dilkii uu codsaday

0

Caabudwaaq (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Galgaduud ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay Maxamed Kaafi Cabdi oo horay dil uga gaystay degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolkaasi.

Maxamed Kaafi ayaa ugu dambeyn maanta laga oofiyay qisaasta Marxuum Duraan Jaamac Maxamed oo uu horay u dilay.

Sidoo kale waxaa fagaaraha lagu toogtay goobjoog ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, maamulka degmada iyo qaar kamid ah shacabka ku dhaqan degmada Caabudwaaq.

Horay Maxamed Kaafi oo kasoo muuqday maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa qirtay inuu dilka gaystay, waxaana lagu xukumay toogasho oo maanta lagu fuliyay.

“Dilkaa la’igu soo eedeeyay waan gaystay, weliba si kas ah ayaan u gaystay, kolley wuxuu u dhintay ayuu iga qabay” ayuu horay u yiri Maxamed Kaafi.

Sidoo kale wuxuu horay u dalbaday in laga oofiyo qisaasta marxuumka, maadaama uu maxkamadda horteeda ka qirtay inuu si kas ah u dilay

“Codsi ahaan waxaan soo jeedinayaa in la’iiga oofiyo xaq i saaran oo la’igu xukumo dil toogasho ah” ayuu mar akle yiri Maxamed Kaafi.

Caabudwaaq ayaa horay sidaan oo kale toogasho loogu fuliyay eedeysanayaal kala duwan oo dilal ka gaystay magaaladaasi, waxaana soo dhaweeyay bulshada deegaanka.

Daawo: Odayaasha Hawiye oo qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda taagan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka ee Beelaha Hawiye oo mar kale shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Odayaasha ayaa shirkooda si gaar ah diiradda ugu saaray muranka ka dhashay xildhibaannadii taageerada u muujiyay Itoobiya oo dhalisay carro aad u xoogan.

Ugu horreyn waxay ka biyo diideen raalli-gelin la siiyay xildhibaannada Koonfur Galbeed oo ay u tageen xildhibaanno kale oo kasoo jeeda Hawiye, kuwaas oo raalligelin siiyay, waxaase arrintaas haatan ka horymid oo xiisadda dab kusii shiday odayaasha Beelaha Hawiye.

Nabadoon Cabdinuur Axmed Diiriye oo ah Afhayeenka Beelaha Hawiye oo ka hadlay shirka jaraa’id ayaa shaaca ka qaaday in xildhibaannada bixiyay raalligelinta iyo kuwa taageeray Itoobiya ay isku mid yihiin, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa jiro xildhibaanno Beelaha Hawiye kamid ah oo siyaasadda ku metala ayaa raalli-gelin ugu tegay xildhibaannadii dareenka shacabka Soomaaliyeed geliyay ee Itoobiya ku taageeray baarlamaanka hortiisa, haddaba waxaa isla qaadanay in xildhibaanaddii tegay shalay iyo kuwii hore ay isku mid yihiin” ayuu yiri afhayeenka Beelaha Hawiye.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Wax lala yaabo oo ugub ah waxaa ah nin xildhibaan ah oo odayaashiisii raalli-gelin ka bixinaya oo xaal ka bixinaya, waa wax aan la arag oo la maqal”.

Waxaa kale oo uu Nabadoonku ku baaqay in shacabka Soomaaliyeed ay ilaashadaan wadajirkooda, ayna difaacaan madax bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

“Waxaan rabaa marka ugu horreyso inaan caddeyno in Odayaasha Hawiye ee Soomaaliyeed aysan cidna colaad, xumaan iyo dagaal midna aysan u qabin, haddana u qabin waan u taaganahay midnimada Ummadda Soomaaliyeed, waxaana ug baaqeynaa shacabka inay gacmaha is qabsadaan oo wadajirkooda ilaashadaan, dalkooda ayn difaacdaan” ayuu yiri afhayeenku.

Dhankiisa Imaam Cumar Macalin Abshir oo ka hadlay kulanka ayaa yiri “Xildhibaano nooma ahan oo Hawiye iyo Habar gidir ma mtalaan kuwa ralli galinta u geeyey xildhibaanadii Ethiopia taageeray ku bishaareysta”.


Shaqadii BF Soomaaliya oo istaagtay + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa gebi ahaan hakad-galay kulamadii Golaha Shacabka Soomaaliya, sababo la xiriira xiisadda hareysay baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee ka dhalatay kala aragti duwanaashaha xildhibaannada Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in uu baaqday kulankii maanta ee Golaha, iyada oo ilaa haatan aanay jirin faah-faahin kasoo baxday guddoonka sare ee baarlamaanka.

Kulankan waxaa ka horreeyay fadhiyo kale oo baaqday todoobaadkii hore, waxayna dhammaan dib u dhacydaan muujinayaan inay istaagtay shaqadii baarlamaanka.

Sababta ugu wayn waa muranka ka dhashay arrinta Itoobiya gaar ahaan joogitaanka ciidamadeed oo laga taageeray Koonfur Galbeed, xildhibaannada kasoo jeedana ay la dareen noqdeen dadkooda, ayna soo dhaweeyeen Itoobiya.

Xaaladda ayaa isku rogtay is qab-qabsi iyo in mooshin laga diyaariyo xildhibaannada taageeray Itoobiya, balse waxaa arrinta soo farogeliyay guddoonka sare oo shaaciyay in xa laga gaaray kala aragti duwanaashihii xildhibaannada, kadib kulan ka dhacay xafiiska guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Marka laga tego baaqashada kulanka maanta ee baarlamaanka, haddane waxaa jira go’aan culus oo kasoo baxay guddoonka oo warbaahinta looga mamnuucay inay waraysiyo iyo shirar jaraa’id xildhibaannada uga duubaan gudaha iyo bannaanka xarunta Villa Hargeysa.

Amarkan ayaa toos loola wadaagay warbaahinta, gaar ahaan wariyeyaasha soo tabiyay wararka la xiriira baarlamaanka iyo doodaha xasaasiga ah ee ka jira, waxaana go’aankan si toos ah u saameynayaa shaqada warbaahinta madaxa bannaan ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu isla go’aankan uu saameynayaa xildhibaannada qudhooda oo farriimahooda kusoo gudbin jiray shirarka ay ku qabtaan xarunta baarlamaanka, maadaama maanta kadib la mamnuucay.

Shirarka jaraa’id waxaa badanaa qabanayay xildhibaannada mucaaradka ku ah dowladda kuwaas oo  dhaliilo culus u jeedinayay madaxda ugu sarraysa dalka.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa arrintan, balse waxaa lala xiriirinayaa xiisadda ka dhalatay hadalladii dhowaan kasoo yeeray xildhibaannada kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee taageeray Itoobiya, kadib shir jaraa’id oo ay ku qabeen bannaanka xarunta Golaha Shacabka, taas oo dhalisay caro xoogan.

Qoor Qoor oo xaalad adag wajahaya iyo siyaasigii labaad oo garabkiisa baneeyay

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa haatan wajahaya xaalad adag oo ku aadan loolanka doorashada kusoo foodka leh, maadaama uu dhammaaday muddo xileedkiisa.

Dhaq-dhaqaaq siyaasadeed ayaa si weyn uga socda Galmudug, waxaana sidoo kale bilowday olole ay wadaan xubnaha musharixiinta ee kasoo horjeedo, kuwaas oo doonaya inay meesha ka saaraan Qoor Qoor, isla markaana uu isbeddal wayn ka dhaco Galmudug.

Arrimaha culeyska kusii badanaya madaxweyne Axmed ayaa waxaa kamid ah in deegaanada qaar ay musharixiinta ka bilaabeen ololahooda, isla markaana si weyn looga taageeray, waxaana kamid ah degmada Xarardheere, inkastoo Qoor Qoor uu tallaabo qaaday, kadibna xilkii uu ka xayuubiyay guddoomiyihii maamulka degmadaas Maxamed Yuusuf Kulmiye oo taageero u muujiyay musharraxa Liibaax Shuluq.

Sidoo kale waxaa jira siyaasiyiin saameyn leh oo 5 tii sano ee lasoo dhaafay la shaqeynayay Axmed Qoor Qoor, kuwaas oo hadda banneeyay garabkiisa, xilli uu wajahayo xaalad adag.

Siyaasiyiintaas waxaa kamid ah Cumar Shiddo wasiiru dowlihii madaxtooyada Galmudug oo dhowaan is casilay, sababo la xiriira loolanka loogu jiro doorashada ee haatan socda.

Waxaa sidoo kale haatan is casilay Axmd Shire Falagle oo la-taliye u ahaa madaxweynaha Galmudug, sidoo kalena horay usoo noqday wasiirka warfaafinta Galmudug.

Falagle oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in sababo isaga u gaar ah uu isku casilay, laakin waxaa la rumeysan in go’aankiisa uu  la xiriira arrinta doorashada Galmudug.

Hoose ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:

Anigoo ah La-taliyeyaha Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) magacaygu yahay Lataliye Axmed Shire Maxamed (Falagle) maanta oo ah Jimco bisha Septembarna Tahay 06/9/2024 waxaa Iska casilay shaqadii Lataliye Madaxweyne ee Galmudug.

Waxaa aad iyo aad ugu mahadcelinaa wada shaqayntii 5ta sano Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqor) oo marna Wasiirka Warfaafinta ii igmaday marna Lataliyenimo.

Ma jiro khilaaf iyo dhaliil Madaxweynaha iyo Aniga noo dhaxaysa Waa Saaxiibkay Shaqooyin Wax Ku Oola Wada Qabanay Inaa xilka Katago Waa Arimo aniga Ii Gaara.

Galmudug waxaan Urajeynayaa Midnimo ,Horumar,Nabad MADAXDII iyo Asxaabtii Aan Wada Shaqaynay ,iyo Shacabka Galmudug Waa Iga Cafis Cidwalba Oo  Wax aan katirsanayey Waxaana Cafis Ka Codsanaaya Inay I Cafiyaan intii wax iga tirsanayeay”

Xog: Madaxweyne Xasan Sheekh oo diiday in Shiinaha lagula kulansiiyo Abiy Axmed

0

Beijing (Caasimada Online) – Sida xubno xog ogaal ah ay Caasimada Online u sheegeen, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa diiday inuu la kulmo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed ayaa ku wada sugan magaalada Beijing ee dalka Shiinaha, halkaas oo ay uga qeyb galeen shirweynaha iskaashiga Shiinaha iyo Afrika.

Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Mauritania oo ay weheliyaan guddoomiyaha Midowga Afrika iyo madaxwaynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo ayaa la sheegay in ay isku dayeen in ay fududeeyaan wadahadalo ay Shiinaha ku yeeshaan Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed.

Xubnaha Caasimada Online la wadaagay xogtaan waxay xaqiijiyeen in Xasan Sheekh uu diiday kulankaas, balse Abiy Axmed ayaa daneynayey kulankaas.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horay ugu adkeysatay in aan wax wadahadal toos ah lagala yeelan doonin Itoobiya haddii aysan Addis Ababa ka laaban is-afgaradkii sharci darrada ahaa ee maamul goboleedka Somaliland uu u saxiixay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shirweynihii Beijing ka sheegay gardarada Itoobiya, wuxuuna caalamka ku wargeliyey in halista ka jirta gobolka ay sabab u tahay Itoobiya oo heshiis sharci darro ah la gashay maamul goboleed ka tirsan Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabeysa gardarada Itoobiya ayaa heshiis difaac la gashay Masar iyo Turkiga, waxayna arrintaasi cabsi badan ku abuurtay Itoobiyaanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa Turkiga ka ogolaatay dhex-dhexaadinta Itoobiya, balse Itoobiya ayaa diiday inay bedesho mowqifkeeda, waxayna dowladda Soomaaliya qaadatay go’aan aysan wadahadal kula geleyn Itoobiya ilaa ay cadeyso inay ka laabatay heshiiskii uu Muuse Biixi u saxiixay.

Guddoonka BF oo soo saaray go’aan culus oo ka dhan ah…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka sare ee Golaha Shacabka Soomaaliya oo qoraal kooban soo saaray ayaa shaaciyay go’aan culus oo saameynaya warbaahinta madaxa bannaan, gaar ahaan wariyeyaasha tega xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

Go’aankan ayaa waxaa lagu sheegay in maanta kadib lagu mamnuucay shirarka jaraa’id ee lagu qabto gudaha iyo bannaanka xarunta Villa Hargeysa iyo in xittaa wareysiyo lagu qaado hakaasi.

Amarkan ayaa toos loola wadaagay warbaahinta, gaar ahaan wariyeyaasha soo tabiyay wararka la xiriira Baarlamaanka iyo doodaha xasaasiga ah ee ka jira, waxaana go’aankan si toos ah u saameynayaa shaqada warbaahinta madaxa bannaan ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu isla go’aankan uu saameynayaa xildhibaannada qudhooda oo farriimahooda kusoo gudbin jiray shirarka ay ku qabtaan xarunta Baarlamaanka, maadaama maanta kadib la mamnuucay.

Shirarka jaraa’id waxaa badanaa qabanayay xildhibaannada mucaaradka ku ah dowladda kuwaas oo  dhaliilo culus u jeedinayay madaxda ugu sarraysa dalka.

Lama oga sababTa rasmiga ah ee ka dambeysa arrintan, balse waxaa lala xiriirinayaa xiisadda ka dhalatay hadalladii dhowaan kasoo yeeray xildhibaannada kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee taageeray Itoobiya, kadib shir jaraa’id oo ay ku qabeen bannaanka xarunta Golaha Shacabka, taas oo dhalisay caro xoogan.

Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda xildhibaan ka hadlay xayiraadda lagu soo rogay wariyeyaasha tagta Xarunta Villa Hargaysa oo ay ku shiraan Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, maadaama uu yahay go’aan culus oo saameyntiisa leh.

Si kastaba, waxaa todobaadkii hore istaagay kulamadii Baarlamaanka, sababo la xiriira kala arati duwanaashaha xildhibaannada, inkastoo haatan xal laga gaaray.

Arday badan oo ku dhintay dab ka kacay magaalada…

0

Nairobi (Caasimada Online) – Saraakiisha sare ee dalka Kenya ayaa sheegay, in ugu yaraan 18 arday ay ku dhinteen 27 kalana ay ku dhaawacmeen kaddib marki uu dab qabsaday guri ay daganaayeen ardaydani oo ku dhex yaallo dugsiga hoose ee Hillside Endarasha ee gobolka Nyeri ee dalka Kenya.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya Rigathi Gachagua ayaa Jimcihi sheegay in kaliyah 86 arday oo ka mid ah guud ahaan 150 arday oo iskuulka dhex daganeyd la tiriyay, sidaasi daraadeedna laga cabsi qabo in khasaaraha uu intani ka bato.

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa ku dhawaaqay in Kenya la geliyay saddex maalin oo baroor-diiq qaran ah, si loo sharfo carruurta ku go’day masiibada dabka ee Kenya.

Wali lama oga waxa sababay dabka oo billowday habeenki uu Jimcaha soo galay, balse booliska ayaa sheegay in ay billaabeen baaritaan ku aadan cidda sababtay iyo sida ay wax u dhaceen.

Afhayeenka booliska deegaanka Nyeri Resila Onyango ayaa sheegay in iskuulka ay wax ka dhigtaan carruur kan ugu weyn uu jiro 14 sano.

Israel oo duqeysay iskuul ay ku barakaceen shacabka Gaza

0

Gaza (Caasimada Online) – Ciidamada Isra’il ayaa Jimcihi shalay sii waday duqeymaha cirka ah ee ay ka wadaan Marinka Gaza, iyada oo dhanka kalana ay rabshado khasaaro sababay wali ka socdaan Daanta Galbeed ee dhulka la heysto ee Falastin.

Wakaaladda wararka maamulka Falastiin ee loo soo gaabsho WAFA ayaa aroornimadi hore ee Sabtida maanta ah ku warrantay, in ugu yaraan 13 qof lagu dilay 15 kalana ku dhaawacmeen, duqeyn cirka ah oo ay xalay ciidanka Isra’il ku bartilmaameedsadeen iskuul ay ku barakaceen qaxootiga Gaza iyo dhismo kale oo ay dad rayid ah daganaayeen oo ku yaalla Gaza.

Wakaaladda WAFA waxay kaloo sheegtay, in ugu yaraan 8 ka mid ah dadka lagu dilay duqeynta loo geystay iskuulka Xalima Sacdiya ee Xerada Jabaaliya, ay ahaayeen qaxooti.

Bayaan kasoo baxay ciidamada Isra’il ayaa lagu sheegay, in duqeynta Iskuulka Jabaaliya ay aheyd mid loo fuliyay si sugan laguna bartilmaameedsaday argagixisada sida ay hadalka u dhigeen.

Weerar kale oo ay ciidamada Isra’il ku duqeeyeen xerada qaxootiga Nuseeyraat ee bartamaha Gaza ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay ugu yaraan 5 Falastiiniyiin ah.
Dhinaca Daanta Galbeed ee dhulka la heysto, ciidamada Isra’il ayaa la sheegay in ay dileen haweeneey Mareykan ah oo ka mid aheyd dadka u dhaq-dhaqaaqo xorriyadda Falastin.

Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka Matthew Miller ayaa xaqiijiyay, dhimashada Ayshenur Ezgi Eygi. Aqalka Cad ayaa sheegay in dilka Ayshenur ay aad uga xunyihiin.

Maruuxmadda ayaa sidoo kale aheyd muwaadin Turkish ah, sida uu xaqiijiyay afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.

Isha: VOA

Daawo: Muuse Biixi oo si adag uga hadlay imaashaha Masar iyo go’aanka Somaliland

0

Togwajaale (Caasimada Online) –Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si adag uga hadlay heshiiska ay dowladda federaalka Soomaaliya la gashay dowladda Masar, isagoo ka digay khatarta Masar ay ku tahay gobolka, sida uu hadalka u dhigay.

Muuse Biixi oo galabta dadweyne isku soo baxay kula hadlay degmada Togwajaale ayaa ku celceliyey in heshiiskii ay la galeen Itoobiya uu dhaqan geli doono, isla markaana masiirkooda aysan u daba fariisa doonin Muqdisho.

“Qolada Xamar degan ee Masar saldhigga ciidan siisay, waxaan leenahay labo isma qabaneyso, inaad dhahdaan Soomaali ayaan mideyneynaa oo Xabashi nagu soo duushay ayaan iska difaaceynaa iyo Masar ayaan keensanayaa oo Somaliland ayaan xoog ku qabsanayaa wax suurtagal ah maahan,” ayuu yiri.

Wuxuu si adag u sheegay in imaasha Masar ee gobolka Geeska Afrika uu yahay khatar weyn, isagoo dowladda federaalka ku dhaliilay sababta ay heshiis ula galeyso wadan aysan xuduud wadaagin, iyagoo ka cararaya deriskooda.

“Ninka Masaari ii soo kaceystay heshiis igama rabo, Itoobiya anagu dhul ma siineyno ee waan ka kireynay, waxbaan is dhaafsanay waana ku qasbanahay oo deris baan nahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Muuse Biixi ayaa u jawaabay dadka ku dooda sababta ay Somaliland heshiis ula geleyso Itoobiya oo dowlad kirishtana ah, “Sharciga anaga kirishtanka noo diidaya, Sacuudigana u ogolaaday inay Shiinaha iyo Mareykanka heshiis la galaan, kitaabkee qoraya?” Ayuu yiri Muuse Biixi.

Madaxweynaha ayaa u jawaabay Soomaalida ku nool dalka Kenya ee ka soo horjeeda qorshaha Itoobiya ay heshiiska kula saxiixatay Somaliland, “qolada Kenya degan waxaan leeyahay aan ahaano dad deris ah, Soomaali hadaa rabtaan idinkaa wax ku darsa lahaa, xuduud ma wadaagno, Soomaalina ma rabtaan ee maxaa nagu heysataan?” Ayuu yiri.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in MoU Somaliland iyo Itoobiya uu banaanka soo dhigay cadow badan oo Masar gacal u arkaayey, isagoo dadkii uu la hadlaayey ugu baaqay inay garab istaagaan dadka ay u arkaan inay difaacayaan qadiyadda Somaliland.

Hoos ka daawo

Aqriso: DF Soomaaliya oo soo saartay bayaan dheer oo looga hadlay dhowr arrin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta soo saartay bayaan dheer oo ka kooban 23 qodob, kaasi oo looga hadlay arrimo dhowr ah, oo qeyb ka yahay safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee Shiinaha iyo tallaabooyinkii u dambeeyay ee ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sidoo kale waxaa qoraalkan oo ah warbixinta toddoobadlaha ee dowladda lagu soo qaatay xiisadda Itoobiya iyo baaqii golaha wasiirada ee “in loo midoobo difaaca dalka, laguna caddeeyay in Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta nabadda iyo xasiloonidda gobolka.”

Hoos ka aqriso qodobada oo dhameystiran

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgelayaa Shir Madaxeedka Shiinaha iyo Afrika oo ka dhacaya magaalada Beijing ee Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan gaar ah kula yeeshay magaalada Beijing, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha Mudane Xi Jingping.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Shir madaxeedkka Shiinaha iyo Afrika ee ka dhacay magaalada Beijing, isagoo sharaxay muhiimadda iskaashiga labada dal iyo horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shir guddoomiyay shir arrimaha iskaashiga Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya iyo Shiinaha ah oo ka dhacaya magaalada Beijing.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Beijing kulamo kula yeeshay Madaxweyneyaasha Libya, Eritrea iyo Kenya, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka labada dhinac.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khadka telefonka kula hadley Madaxweyne Ku-Xigeenka Midowga Yurub, Josep Borrell oo ay ka wadahadleen iskaashiga iyo wadashaqeynta labada dhinac.

7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, iyadoo kulankaasi looga wadahadley dardar gelinta hawlgalada dalka looga xorreynayo Khawaarijta Al Shabaab.

8- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xilka ka qaadey Xildhibaan Cabdirishiid Maxamed Nuur Jilley oo ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Qaahira kulan kula yeeshay dhiggiisa Masar, Mudane Mustafa Madbouly, waxaana kulankan looga wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaahiga labada dal.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo daah furay Qorshaha Qaran ee Wadiiqooyink Xalka Waara ee Barakaceyaasha.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo hoygiisa kulan kula yeeshay Madaxweyne Ku-Xigeennada maamulada Jubbaland iyo Galmudug.

12- Shirka Golaha Wasiirrada oo laga soo saarey baaq ku aaddan in loo midoobo difaaca dalka, isla markaana lagu caddeeyay in Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta nabadda iyo xasiloonidda gobolka.

13- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Danjiraha Qatar u fadhiya Soomaaliya Dr. Abdullahi Bin Salem Al Nuaimi, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka labada dal.

14- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa magaalada Muqdisho ka daahfuray Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), kaas oo looga hadlayo xaaladaha la xariira arrimaha bani’aadannimo ee dalka.

15- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay xuska 102-aad ee Maalinta Jamhuuriyadda Turkiga, oo lagu qabtay xarunta safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho.

16- Golaha Wasiirrada oo meel mariyay heshiis is-afgarad ee dhinaca dalxiiska oo ay gelayaan Soomaaliya iyo Kenya.

17- Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cabdillaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa tababbar ugu soo xiray qaar ka mid ah Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed xarunta Akadeemiyada Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

18- Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ayaa soo saartay war saxaafadeed ku saabsan jarista dhirta, iyadoo raacisay digniino culus oo ku aadan ku xadgudubka Sharciga Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka.

19- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys, ayaa tababbar lagu baranayo habka sameynta iyo soo saarista Filmada iyo Barnaamijyada Documentariga u soo xiray ilaa 30 xubnood oo ka kala socday warbaahinta qaranka, shirkadaha filimada sameeya iyo warbaahinta kale ee dalka ka jirta.

20- Wasiirka Qoyska iyo Horumatinta Xuquuqul Insaanka Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa qaabilay wakiilo ka kala socday hey’addaha UNICEF iyo UNSOM, waxaana kulankaasi looga hadley xoojinta sharciyada difaaca xuquuqda carruurta.

21- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa khudbad ka jeediyay Madasha Ganacsiga iyo Xirfadlayaasha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Mareykanka.

22- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Jabriil Cabdirashiid iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Axmed Moalim Fiqi, ayaa si wadajir ah uga qeybgalay shirkii 9-aad heerka Wasiir ee madasha Iskaashiga China iyo Afrika oo ka dhacay magaalada Beijing.

23- Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya shacabka Gobolka Hiiraan ayaa hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka sameeyay degaanno hoostaga degmada Halgan,halkaa oo ay ku burburiyeen fariisimo ay cadowga ku lahaayeen.

Booyadihii ugu badnaa ee shidaalka oo Soomaali ay leedahay oo ku xaniban xadka…

0

Khartoum (Caasimada Online) — Ku dhawaad laba boqol oo ah Booyado sida shidaal oo ku xanibnaa xadka dalka Koonfurta Sudan uu la wadaago dalka Sudan ayaa lagu soo warramayaa, in lagu amray in ay dib ula laabtaan shidaalka ay wadaan.

Lama oga ilaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee gaadiidkaan loogu amray in ay dib ula laabtaan shidaalka ay wadaan, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Koonfurta Sudan oo aarrintaan ku saabsan marka laga yimaado in ay amarka soo saartay.

Booyadahaan oo intooda badan ay leeyihiin ganacsato Soomaali ah ayaa ku wajahnaa magaalada Abyei ee xadka labada Sudan ku taalla sida uu BBC-da u sheegay mid ka mid ah darawallada gaadiidkaas oo lagu magacaabo Maxamed Cabbdirisaaq Axmed (Boqol).

Boqol wuxuu sheegay in muddadii ay jidka ku sii jireen koox burcad ah ay ka dileen nin magaciisa uu ku soo koobay Xuseen.Wuxuu sidoo kale sheegay in gawaarida ay leeyihiin Qaramada Midoobey kaliya loo oggalaaday in ay gudbaan.

Booyadahaan iyo gawaarida kale ee loo diiday in ay tagaan halkii bartilmaameedku ahaa ayaa markii hore qaarkood ka baxay dalka Kenya, halka qaarka kalena ay ka ambabaxeen magaalada Jubba ee caasimadda Koonfurta Sudan.

Muuqaallo baraha bulshada lagu baahiyay ayaa waxaa ka muuqanayay booyado badan oo saf dheer ku jira isla markaana tuban waddo dhinaceed oo lagu sheegay in ay leeyhiin dad Somaali ah.

Wada-yaasha ayaa sidoo kale sheegay in aysan ilaa iyo hadda wax caawin ah helin, maadama ay jirto safaarad Soomaaliya ku leedahay dalkaas.

Isha: BBC

ABIY oo qaaday tallaabo cusub xilli uu wajahayo culeys hor leh oo uga imanaya…

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa wajahaya cadaadis horleh, kaddib markii ciidanka federaalka lagu jebiyay dagaallo ay kala hortageen kooxaha wax iska caabbinta ee Amxaarada.

Cadaadiskan ciidanka ee Abiy oo sii kordhayay toddobaadyadii u dambeeyay ayaa wuxuu go’aansaday inuu kordhiyo ciidamada ka jooga furimaha dagaalka, sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo ku dhow ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Ra’iisul wasaare Abiy ayaa cabsi weyn ka qaba in ay aagga kusoo durkaan ama kusoo dhawaadaan kooxaha kasoo horjeeda saldhigyada ciidanka federaalka ku leeyihiin halkaasi.

Sidoo kale wuxuu xilligaan xoogga saaraya niyad dhiska ciidanka, isaggoo faray wasiirro ka tirsan xukuumaddiisa inay diiradda saaraan sidii ay niyadda ugu dhisi lahaayeen ciidamadooda oo qaarkood dib u goconaya askar ay dagaalka ku wada jireen oo u gacan galay xubnaha kasoo horjeeda.

Dagaalka ka socda ismaamulka Amxaarada ayaa culeys weyn ku haya xukuumadda Abiy Axmed, maadaama ay horay ugu jabtay dagaalladii ka dhacay maamulka Tigree, oo askar badan uu ku waayay, halka boqolaal kale looga qabsaday Abiy.

Arrimahan ayaa imanaya xilli uu ra’iisul wasaaraha Itoobiya wajahayo cadaadis caalami ah, kadib markii uu heshiis qaras ka tuurnimo uu la saxiixday Somaliland, kaas oo uu ku rabay riyo-maalmeedka marin badeed ay hesho Itoobiya.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo si weyn uga carootay heshiiskaas ayaa caalamka tustay xad-gudubka Abiy Axmed uu ku kacay, taas oo dhaawac weyn u geysatay meeqaamkii diblumaasiyadeed ee Itoobiya ku laheyd caalamka.