25.2 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

Saciid DENI oo loo gudbiyay warbixin 5 qodob ka kooban

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay warbixinta shaqooyinka laga qabtay gobolka Mudug ka dhegaystay masuuliyiinta dowladda ee ku sugan gobolka Mudug.

Mas’uuliyiintaan oo uu hoggaaminayo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha wakiillada Puntland Maxamed Ciise (Awoowe), ayna qeyb ka yihiin xubno ka mid ah goleyaasha dowladda iyo hay’adaha madaxa banaan, saraakiisha laaamaha amniga, la-taliyeyaal madaxweyne, maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo.

Waxaa madaxweynaha lala wadaagay warbixinta shaqooyinka qabsoomay iyo kuwa socda oo kala ah;

1. Amniga iyo sida looga shaqeeyay degmada Gaalkacyo oo ay bulshadu boggaadisay lagana dareemay iyo qorsheyaasha lagu horumarinayo Amniga oo isagoo qoraal ah lala wadaagay Madaxweynaha .

2. Nabadeynta iyo xallinta Colaadaha soo noqnoqday ee ka dhaca Gobolka Mudug.

3. Qorshaha biyaha looga saarayo magaalada oo ay guddiga loo xil saaray soo bandhigeen iyadoo qiimeyntii iyo wixii farsamo ah ee loo baahanyahay lasoo diyaariyey.

4. Dhismaha Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Gobolka, iyadoo la dhisay Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Buursaalax iyo Xarfo, halka degmada Jariban howsheedu socoto.

5. Dhismaha Waddooyinka.

* Waxaa xariga laga jaray wejiga koowaad ee Wadada Laamiga ah ee bartamaha magaalada marta iyadoo qeybaha kale ee Wadada la qorsheeyay in la billaabo.

* Waxaa la qorsheeyay dhismaha wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Xarfo.

* Waxaa la saxiixay Heshiiska dib-u-dhiska iyo dayactirka Wadada isku xirta Gobolada Puntland oo ay wada galeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Shirkadaha dhisaya.

Ugu dambeyn, madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan ee la qabtay oo ah ujeedooyinkii Wafdigu u yimi Gobolka Mudug, wuxuuna kula dardaarmay masuuliyiinta in la dardargeliyo shaqooyinka socda iyo kuwa qorsheysan si loo dhameystiro muddada lagu suganyahay gobolka Mudug.

Muxuu yahay heshiiska is-afgaradka ee Soomaaliya iyo Kenya ay kala saxiixdeen?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya ayaa kulankoodii khamiislaha ahaa waxaa maanta ay ku meelmariyeen heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Kenya, kaas oo ku saabsan iskaashiga Dalxiiska.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Daauud Aweys ayaa sheegay in heshiiskan is-afgardka uu yahay mid lagu xoojinayo iskaashiga dalxiiska ee labada dal.

Waxaa uu intaa ku daray in Kenya ay ka mid tahay dalalka Afrika ee ku fiican dhanka dalxiiska islamarkana ay heshiiskani isku afgarteen.

“Heshiiskaan is-afgarad waxaa uu ku saabsan yahay is-afrad u udhaxeeya jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya iyo jamhuuriyadda Kenya waliba dhinaca dalxiiska,” ayuu yiri Mr Aweys.

Wasiirka ayaa sheegay in ay jirto rejo dhaqaale oo mustaqbalka laga qabo dalka Soomaaliya islamarkana ay doonayaan ka faaideysiga fursadaasi.

“Dowladda fedraalka ee Soomaaliya iyada oo muhiimad siinaysa adeega dalxiiska iyo rejada dhaqaale ee laga qabo awgeed ayaa waxay soo waday barnaamijyo ku saabsan in dib loo qaabeyo dalxiiskii Soomaaliya,” ayuu yiri wasiir Daa’uud.

Dalka Kenya ayaa ka mid ah dalalka qaaradda Afrika ee ku wanaagsan dhanka dalxiiska waxaana sanad kasta soo booqda ku dhawaad 2 milyan oo dalxiisayaal ah.

Kenya waxa ay diiwaangelisay 1.96 milyan oo dalxiisayaal ah sannadkii 2023 , sida lagu xusay warbixin uu soo saaray michadka dalxiiska ee dalka Kenya .

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ayaa xusay in darasad ay sameeyeen uu uga soo baxay in iskaashi dhanka dalxiiska ah lala yeesho dalalka dariska ee ay Kenya ka mid tahay.

“Sanadkii hore dowladda waxay ku guuleysatay inay sameyso daraasad ku saabsan dalxiiska Soomaaliya iyo qaabka ugu haboon oo loo hagaajin karo marka darasadaasi waxyaabaha nooga soo baxay waxaa ka mid ah iskaashi inaan la yeelano dalalka sida wayn ugu hormaray dalxiiska ee gobolka gaar ahaan dalalka dariska marka heshiiskan qeyb ayuu arrintan ka yahay,” ayuu intaa ku daray.

Maxaa ka mid ah waxyaabaha la iska kaashan doono?

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Daauud Aweys oo faahfaahin ka bixinayayay ayaa sheegay in dhinacyo badan oo dalxiiska la xiriira ay labada dal iska kaashan doonaan.

Mr Aweys ayaa xusay in dhanka tacliinta la xiriirta dalxiiska, suuqeynta iyo cilmi-baarista ay ka mid yihiin meelaha ay iska kaashan doonaan Kenya iyo Soomaliya.

“Labada wadan waxay iska kaashan doonaan dhinaca cilmi-baarista, dhinaca suuq geynt dalxiiska dhinaca waxbarshada dalxiiska,” ayuu yiri.

Wasiirka ayaa farta ku fiiqay in imikaba Soomaaliya ay leedahay adeegyo dalxiis sida hoteelo waawayn, balse loo baahan yahay in la sii casriyeeyo si caalamka loola jaan-qaado.

“Haatan-ba Soomaaliya marka la fiiriyo dhinaca adeegyada dalxiiska way ka jiraan huteelo iyo adeegyo kale laakiin waxaa loo baahan yahay in la casriyeeyo iyaga oo la jaanqaadi kara wadamada hor maray dhanka dalxiiska sida dalalka dariska ay ak mdi yihiin,” ayuu yiri Mr Aweys.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Daauud Aweys ayaa shegay in haddii dadal badan la galiyo dib u dhiska dalxiiska Soomaaliya uu dalka saami wanaagsan ka heli karo dhaqaalaha dalxiiska Afrika.

“Soomaaliya marka la eego kheyraadka ay leedahay haddii dhinacaasi si wanaagsan loogu jeesto waxaa hubaal ah in ay Soomaaliya ka heli karto saami aad u wanaagsan ee dakhligaasi dalxiiska Afrika,” ayuu intaa ku daray.

Ka hor dagaaladii sokeeye waxay Soomaaliya ka mid ahayd dalalka Afrika ee ay dad badan u soo dalxiis tagi jireen.

Isha: BBC

ITOOBIYA oo qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda kala dhaxeysa Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa ciidamo badan oo gaashaaman kusoo daabushay xadka ay la wadaagto Soomaaliya, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda u dhaxeysa labada dal.

Tallaabadan ayaa imanaysa maalmo un kadib markii Masar ay Soomaaliya la saxiixatay heshiis milateri, kaasi oo 10 kun oo askari oo Masar ah lagu keenayo gudaha Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka noqonaya howl-galka cusub ee nabad ilaalinta ee soo socda.

Dowladda federaalka ayaa dooneysa in ciidamada Itoobiya aysan kamid noqon howl-galka cusub ee nabad ilaalinta, maadaama ay ku kacday xad-gudub ka dhan ah qaranimadeeda, beddelkeeda ay u galaan ciidamada Masar.

Dhaq-dhaqaaqa ciidan ee Itoobiya ayaa uga sii dari kara xiisadda kala dhaxeysa Soomaaliya, taas oo salka ku haysa is-afgaradkii Somaliland ee badda, kaas oo Itoobiya siinayay ogolaansho ay kusoo gaarto biyaha Soomaaliya.

Is-afgaradkaas oo si weyn uga carootay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu meel xun gaarsiiyay cilaaqaadkii Itoobiya, ayada oo labada dhinacna ay si weun usii kala fogaadeen.

Isku-dayo la rabay in xal looga gaaro xiisadda labada dal ayaa illaa hadda mira-dhalin, ayada oo Turkiga uu laba jeer Ankara isugu keenay wasiirada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Itoobiya, wax natiijo ahna lagama gaarin wada-hadalladaasi.

Labada dal ayaa markale u ballansan wejiga saddexaad ee wada-hadallada uu Turkiga garwadeenka ka yahay, mana muuqato isbeddel xal looga gaari xiisadda, ayada oo tallaabooyinkii u dambeeyay ay xiisadda gaarsiiyeen meel xasaasi ah oo walaac xooggan abuurtay.

Sawirro: R/W Xamza oo kulan laba ujeedo leh la qaatay madaxda laba maamul

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa hoygiisa kulan muhiim ah kula yeeshay madaxweyne ku-xigeennada dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland Cali Daahir Ciid iyo Maxamuud Sayid Aadan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa labada masuul ka dhageystay warbixinno la xiriira xaaladda deegaannada dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland, iyaga oo Xamza la wadaagay duruufaha ka jira deegaanada labada maamul.

Intii kulanka uu socday waxaa diirada la saaray la-dagaalanka argagixisada, ayada oo ra’iisul wasaaraha kula dardaarmay in ay xoojiyaan howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, kuna dadaalaan sidii looga sifeyn lahaa meelaha ay kaga harsan yihiin deegaannada Galmudug iyo Jubbaland.

Madaxweyne ku-xigeennada labada maamul ayaa dhankooda uga mahad-celiyay ra’iisul wasaaraha soo dhaweynta uu u sameeyay iyo wada-shaqeynta kala dhaxeeysa dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne ku-xigeennada dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland ayaa horay sidan oo kale ula kulmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo ay kamid yihiin dastuurka, doorashooyinka iyo dagaalka Al-Shabaab.

Dhincyada ayaa is dhaafsaday aragtiyo iyo sida loo wajihi karo marxaladda kala guurka ah, ayada oo ujeedka kulanan uu yahay mid Villa Somalia ugu diyaarabeyso doorashooyinka soo socda iyo isbeddalla la filan karo.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka jira xaalado siyaasadeed oo gudaha iyo dibadda ah, waxaana is haya dowladda iyo mucaaradka, ayada oo halkeedii weli tahay xiisadda Itoobiya.

Sawirro: XASAN oo kulan xasaasi ah la qaatay dhiggiisa Shiinaha + Qodobada

0

Beijing (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta wada-hadallo laba geesood ah Madaxtooyada Beijing kula yeeshay Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping.

Labada madaxweyne ayaa kulankooda looga hadlay xiriirka labada dal iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay Villa Somalia.

Sidoo kale waxay isku afgarteen in kor loo qaado xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal ee Shiinaha iyo Soomaaliya, lana gaarsiiyo heer sareeya oo iskaashi istiraatiiji ah iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan ee u daneynaya labada shacab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay siyaasadda labada dal ee ku salaysan taageerada iyo garab istaagga midnimada dhuleed ee labada dal mid kasta uu u hayo kan kale, si wafaaqsan xeerarka caalamiga ah ee gobanimada iyo dowladnimada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shiinaha Xi Jinping ayaa xusay ballan-qaadka Shiinaha ee ku saabsan in la xoojiyo iskaashiga kala dhexeeya dalkiisa Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Si gaar ah wuxuu Mr. Jinping u carabaabay dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga kaabeyaasha nolosha iyo ganacsiga, amniga cuntada iyo isbeddelka cimilada.

Sidoo kale madaxweyne Xi ayaa ku dhawaaqay deeq dhan 200 milyan oo yuan oo lagu taageerayo qorsheyaasha mudnaanta u leh Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir diblumaasiyadeed wanaagsan, waxayna Beijing ay siiyo xukuumadda Muqdisho taageero dhowr jiho ah, ayada oo dhinacyadu horey u gaareen heshiisyo kala duwan, kuwaasi oo qeyb ka ah horumarinta Soomaaliya.







Danjire Khadiija Cosoble oo gaartay magaalada Brussels

0

Brussels (Caasimada Online) – Safiirka cusub ee Wadamada la isku yiraahdo Benelux iyo Midowga Yurub Khadiija Cosoble Cali ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Brussels ee dalka Belgium. 

Ambassador Khadiija Cosoble Cali, ayaa sheegtay in ay si hufan ugu adeegi doonto bulshada Sooamaliyeed ee ku nool dalalka Benelux. 

Khadiija Cosoble, oo si weyn ay u soo dhaweeyeen qaar ka mid ah Jaaliyadda, Soomaaliyeed ee ku nool waddanka Belgium iyo ururka Hidda-dhoor oo ka dhisan dalkaas, ayaa waxaa ay ka mahadcelisay sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyey.

Fahdiya Maxamed Cabdullaahi oo ah qunsulka safaardda Soomaaliya ee Belgium iyo Midowga Yurub iyo Cabdiqani Yaasiin Maxamed oo ah xooghayaha koowaad ee safaaradda, oo qeyb weyn ka qaatay soo dhoweynta safiirka cusub, ayaa waxaa ay sheegeen in ay farxad weyn u tahay in ay la shaqeyaan Marwa Khadiija Cosoble oo ah qof aqoonayahan ah, waxtarna u leh bulshada Soomaaliyeed. 

Danjire Khadiija Cosoble Cali, ayaa la filayaa in dhawaan ay kulamo la qaadato jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool waddamada Benelux, sida Belgium, Holland, iyo Luxemburg,wadamadaas oo ay ku nool yihiin Soomaali badan.

Sawirro: Cali Guudlaawe oo isugu yeeray Guddiga Gurmad Qaran, kalana hadlay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddiga Gurmadka qaran oo ay ugu horeyaan Wasiirrada Wasaaraddaha, Cafimaadka, Waxbarashada iyo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Xarunta NEOC ku qaatay kulan diiradda lagu saaray sidii jawaab soo kabasho looga bixin lahaa khasaaraha ka dhashay dabkii ka kacay suuqa Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinta SoDMA ee xaaladda suuqa ee lagu ogaaday safarkii u kuur galidda ahaa ee Guddoomiyaha Hay’adda ku tagay Jowhar.

Warbixintaan waxaa lagu xusay in dabku baabi’iyay 900 oo goobo ganacsi ah, burburiyay dhaqaale dhan $2 milyan ilaa 2.5 milyan, isla-markaana wax-yeeleeyay hab-nololeedka 5,000 oo qoys.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa Hay’adda SoDMA iyo Guddigu Gurmadka Qaran ku booriyay dedaalka socda ee dadka khasaaruhu gaaray lagu garab istaagayo.

Xubnaha Guddiga ayaa ballan-qaaday in si wax ku ool ah loo taageeri doono dadka ceyrtoobay ee gacan-qabadka deg-degga ah u baahan.

Xaalada suuqa ayaa hadda tartiib tartiib u soo laabaneysa, waxaana la dhisayaa goobihii ku gubtay suuqa, dadka qaar waxaa gaaray gurmad ay u fidiyeen dadkii la damqaday khasaaraha gaaray.

Maanta Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Guddiga Gurmadka qaran ayaa ka wada hadlay sidii jawaab soo kabasho ah looga bixin lahaa khasaaraha ka dhashay dabkii burburiyey suuqa Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar.

Daawo: Xildhibaannada K/Galbeed oo ka hadlay raali gelintii xildhibaanada Hawiye

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ayaa aqbalay raali gelin uga timid xildhibaanada beelaha Hawiye, iyagoo farriin u diray dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadkii ay horay wax uga tabanayeen.

Xildhibaan Cabdirashiid Jiley oo ka tirsan golaha shacabka ayaa u hadlay xildhibaanada reer Koonfur Galbeed wuxuu sheegay in dad warkooda fursad ka dhex arkay ay abuureen xiisad weyn oo ayaga lagu dhibaateynaayo.

Xildhibaan Yuusuf Geelle iyo Senator Siciid Siyaad oo metelaya xildhibaanada, waxgaradka iyo guud ahaan bulshada beelaha Hawiye ayaa raali gelin siiyey xildhibaanadii Koonfur Galbeed ee maalmihii lasoo dhaafay warbaahinta mariyey hadallo loo arkay inay ugu hiilinayaan Itoobiya.

Shir jaraa’id oo galabta ay si wadajir ah u qabteen xildhibaanada labada garab ee is raali geliyey ayaa qolo kasta waxay cadeysay in wixii dhacay halkaas looga gudbay oo warka intaas lagu dhameeyo, bulshada Soomaaliyeed oo isku duubana laga doonayo inay dalkooda difaacdaan.

“Warkeenna dad ayaa ka arkay fursad ay Soomaali ku kala fogeyn karaan, anagu Ethiopian ma taageerin, si buuxda ayaan u aqbalnay raalli galinta xildhibaanada matalayey dadka Banaadir,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdirashiid Jiley.

Jiley ayaa sheegay in 25-kii xildhibaan ee reer K/Galbeed ee hadlay uusan xanaf laheyn war-saxaafadeedkii ay jeediyeen, isla markaana ay ka hadleen dareenka shacabkooda, balse dowlad kale aysan u hiilin.

Sidoo kale Xildhibaan Cabdirashiid Jiley ayaa sheegay in odayaashii hadlay, agaasimayaashii iyo guud ahaan bulshada gobolka Banaadir ay raali gelintooda ka qaateen, isla markaana ay diyaar u yihiin ka shaqeynta dowlad dhiska Soomaaliya.

“Bulshada reer K/Galbeed waxaan u sheegeynaa inaan ka wadashaqeyno wadajirka umadda iyo difaaca dalka, anagoo ku hadleyna afka reer K/Galbeed waxaan aqbalnay raali gelintii, idinkuna nala qaata, wanaaga iyo dowladnimada inaan ka wada shaqeyno ayaa noo balan ah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xildhibaan Cabdirashiid Jiley.

Hoos ka daawo

GAZA oo gashay xaalad si weyn looga dayrinayo

0

Gaza (Caasimada Online) – Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa sheegay in inka badan hal milyan oo qof oo ku nool bartamaha iyo koonfurta Gaza bishii Agoosto ee tagtay aysan helin sahay caafimaad iyo gargaar cunto.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in xaaladda bini’aadanimo ee Gaza ay weli tahay mid ka baxsan ama ka sareysa masiibooyinka.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in millatariga Israa’iil ay diidayaan in kooxaha caafimaadka ee xidhiidhka la leh ololaha tallaalka dabaysha ay gaaraan aagagga ku yaal koonfurta gobolka.

Xamaas ayaa ku eedaysay ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu in uu fashiliyay heshiis xabbad joojin ah oo uu diiday in uu ka soo saaro ciidammada xadka Qaza ee Masar.

40,878 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa ku dhimatay dagaalka Israel ee Gaza, halka dhaawaca la tilmaamay in uu marayo 94,454 tan iyo markii uu bilowday dagaalka ee 7-dii October ee sanadkii tagay.

Dhinaca kale, xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin in lagu guul daraystay soo afjarista heshiis xabbad-joojin ah oo ka dhaqan gala Gaza iyo in la sii daayo la haystayaasha Israa’iil ee ku jira gacanta kooxaha Falastiiniyiinta.

Walaaca golaha ammaanka ayaa imanaya, xilli ay sii kordheyso colaadda Falastiiniyiinta iyo Isra’aa’iiliyiinta, iyada oo todobaadkan lasoo helay meydadka lix ka mid ah la heystayaasha Israa’iiliyiinta iyo halka tobnaan Falastiiniyiin ah lagu dilay rabshado ka dhacay Daanta Galbeed.

Xasan Sheekh oo gardarada Itoobiya ka sheegay…

0

Beijing (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomalaiya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad dheer ka jeediyey shirka Shiinaha iyo Afrika ee Beijing ka socda, wuxuuna ka hadlay arrimo badan oo xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya ay ku jirto, isagoo ugu horeyn Shiinaha ku amaanay abaabulka shirkaan weyn ee la isugu keenay madaxda Afrika, sidoo kale wuxuu ka hadlay dagaalka argagixisada ee ka socda Soomaaliya.

“Shiinaha waa saaxiib wanaagsan oo taariikhi ah oo aan dooneyno inaan xoojino xiriirka naga dhexeeya dhammaan dhinacyada faa’iidada wadaagga ah, iyadoo la raacayo qaab-dhismeedka madashan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu sheegay in si Afrika ay u gaarto  awoodeeda buuxda, inay lama huraan tahay in wadajir loo abuuro mustaqbal wadaag ah oo lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo amni caalami ah, taas oo saldhig u noqon doonta horumarinta iyo casriyeynta qaaradda.

“Maadaama maanta Afrika ay hoy u tahay inta badan colaadaha dunida, waa inaan laba laabno dadaalkeenna si aan u xakameyno rabshadaha iyo faafitaanka hubka, isla markaana aan u dhisno aasaas adag oo lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo horumar waara,” ayuu yiri.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladiisu ay si geesinimo leh ugu guuleysatay dagaallada ka dhanka ah kooxda argagixisada caalamiga ah ka haray ee Al-Shabaab iyo Daacish, isla markaana ciiidamada Soomaaliya ay si weyn u jabiyeen argagixisada, iyagoo taageero ka helaya shacabka iyo howlgalka ATMIS.

“Waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan waddamada Afrikaanka ah ee ciidanka iyo booliska ku tabarucay ATMIS, waana muuqataa in dadaalkayaga wadajirka ah iyo naf-hurnimada aan galnay ay keentay xasillooni Soomaaliya gudaheeda, Geeska Afrika, iyo qaaradda Afrika oo dhan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku sheegay in natiijada, heshiiska (MOU) ay Itoobiya la saxiixatay maamulka goboleed ka tirsan Soomaaliya uu khatar cusub ku yahay dadaalada gobolka, qaaradda iyo guud ahaan adduunka.

“Illaa hadda, dadaalkayaga ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah wuxuu sababay xoraynta in ka badan 80 magaalo, tuulooyin iyo deegaanno kale, qabashada ama dilidda hoggaamiyeyaal argagixiso oo sar-sare. Waxaan sii wadaynaa dagaalkaan ilaa laga tirtiro Al-Shabaab, waxaana shacabka Soomaaliyeed ay heli doonaan fursad ay si nabad ah ugu dhistaan noloshooda, bulshadooda, iyo qaranimadooda,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa sheegay in xilligan casriga ah ee dunida isku xiran tahay, amnigu uusan aheyn mid ku kooban xuduudaha qaaradaha, isla markaana aysan suurtagal noqon karin in la gaaro nabad waarta iyo ammaan caalami ah, iyadoo ay jirto horumar la’aan iyo fursado aan sinayn oo adduunka ah.

“Sidaa darteed, iyadoo loo marayo qorshaha madashan, waxaan rajeyneynaa in xiriirka Afrika iyo Shiinaha uu dib u eegis ku sameeyo oo uu xoojiyo dadaallada lagu dhiso laguna ilaaliyo nabadda qaaradda Afrika, iyadoo mudnaanta la siinayo qorshayaasha hormarineed,” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasab Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay si xoog leh u garabtaagan tahay  Siyaasadda Hal Shiine, isla markaana si weyn ay uga mahadcelinayso dowladda Shiinaha taageerada joogtada ah ee madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya ay u muujiso, si waafaqsan shuruucda caalamiga ah iyo qawaaniinta Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

“Soomaaliya waxay ku faraxsan tahay inay Shiinaha ku weheliso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Janaayo 2025, iyadoo noqoneysa xubin aan joogto ahayn muddo labo sano ah. Waxaan rabnaa inaan iskaashi la sameyno dhammaan xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka, oo Shiinaha kujiro, si aan u horumarino nabadda iyo amniga caalamka,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa gabagabadii khudbadiisa yiri “Khibradda Soomaaliya waxay na tuseysaa in xasillooni-darro meel kasta ay khatar ku tahay dhamaan caalamka. Sidaas darteed, waa in aan wadajir u wajahnaa caqabadaha argagixisada iyo ammaan la’aanta, si aan u dhisno mustaqbal wadaag ah oo leh nabad waarta iyo ammaan caalami ah.”

“Nabad waarta iyo ammaan caalami ah waa arrin muhiim u ah horumarka caalamka oo dhan. Aan wadajir u gaadhno yoolkan muhiimka ah,” ayuu khudbadiisa ku soo gabagabeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shirweynaha iskaashiga Shiinaha iyo Afrika.

Daawo: HAWIYE oo raali-gelin ka bixiyey arrin ay ka caroodeen reer K/Galbeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Yuusuf Geelle iyo Senator Siciid Siyaad oo metelaya xildhibaanada, waxgaradka iyo guud ahaan bulshada beelaha Hawiye ayaa raali gelin siiyey xildhibaanadii Koonfur Galbeed ee maalmihii lasoo dhaafay warbaahinta mariyey hadallo loo arkay inay ugu hiilinayaan Itoobiya.

Kulamo dheer oo xildhibaanada Hawiye oo u badan xildhibaanada metela Habargidir iyo xildhibaanada Digil iyo Mirifle ay ku yeesheen Muqdisho ayaa waxaa ka soo baxday in Xildhibaanada Hawiye ay raali gelin siiyaan xildhibaanada Raxanweyn iyo guud ahaan bulshada reer Bay iyo Bakool.

“Umadda Soomaaliyeed badeeda iyo barrigeeda hadii lagu soo xad-gudbo waxaan midnimo ahayn laguma difaaci karo, reer Koonfur Galbeed waa walaalaheen Ethiopian ma jecla ee raalli ahaada,” ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf Dhegey Geelle Ugaas.

Kulanka ayaa ka dhacay xarunta golaha shacabka, waxaana isugu yimid xubno ka socda labada gole ee baarlamaanka oo xiisadaan ay si gaar ah u quseysay, waxayna faahfaahin ka bixiyeen sababta keentay inay raali gelin bixiyaan xildhibaanada Hawiye.

“Xildhibaanadii hadlay ee beelaha Digil iyo Mirifle hadii xildhibaano kale u jawaabi lahaayeen waxay arrintu ahaan laheyd mid iska caadi ah, balse xildhibaanada waxaa looga soo jawaabay banaanka, waxayna ka dacwoodeen odayaal iyo agaasimayaal u soo hanjabay, gartaasi waa na qabatay, waxaana ka bixinay raali gelin,” ayuu yiri Senator Saciid Siyaad.

Sidoo kale Xildhibaan Yuusuf Dhegey ayaa dadka uu afkooda ku hadlay ee ka soo jeeda beelaha Hawiye ka codsaday in la joojiyo hadallada xanafta leh ee arrintaas ku saabsan, maadaama ay raali gelin ka bixiyeen.

“Dad badan oo xilal haya oo naga soo jeeda ayey warar deel qaaf ah ka dhaceen, maamulada, odayaasha, agaasimayaasha iyo qof kasta oo ka soo jeeda cidda aan afkooda ku hadleyno waxaan ka codsaneynaa in doodaan lasoo afjaro oo wixii dhacay laga daawoobo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xildhibaan Yuusuf Dhegey Ugaas.

Sidoo kale Xildhibaanada u hadlay beelaha Hawiye ee raali gelinta bixiyey ayaa sheegay in hadalkii xildhibaanadaasi ay sheegeen lagu turxaan bixiyey kulankii ay maanta yeesheen, isla markaana aysan ku arkin wax badan oo qaladaad ah, isla markaana ay u tixgelinayaan xildhibaano tabasho qabay oo xaq u halaa inay ka hadlay waxyaabaha dhibaya bulshada ay metelaan.

Hoos ka daawo

Sawirro: Madaxweyne Lafta-gareen oo kulamo xasaasi ah ka wada magaalada Nairobi

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa halkaasi ka wada kulamo kala duwan oo uu la yeelanayo wakiiladda beesha caalamka.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa maanta la kulmay safiirka dowlada Sweden ee Soomaaliya Joachim Waern, waxaana kulankooda diirada ku saareen iskaashiga labada dhinac iyo mashaariicda horumarineed.

Madaxweynaha iyo safiirka ayaa iska xog waraystay mashaariicda dhinacyada horumarka iyo dib u dhiska ee dowlada Sweden ay ka tageerto maamulka Koonfur Galbeed, sidii loo xoojin lahaa gaar ahaan mashaariicda adeegyada bulshada iyo kaabiyaasha dhaqaalaha

Kulankan ayaa waxaa madaxweyne Lafta-gareen ku wehlinayey wasiirka amniga Xasan Cabdulqaadir Maxamed iyo la-taliyaha madaxweynaha arimaha siyaasada Xuseen Xasan Cabdi.

Sidoo kale, madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa isla maanta Nairobi kula kulmay danjiraha dowlada France u fadhiya Kenya iyo Soomaaliya Amp Arnaud Suguet.

Madaxweyne Lafta-gareen iyo danjire Arnaud Suguet ayaa waxay sidoo kale kulankooda kaga wada-hadleen taageerida mashaariicda horumarineed ee socda, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Socdaalka Lafta-gareen oo lagu sheegay mid shaqo, ayaa kusoo aadaya xilli ay xiisad xooggan ka taagan tahay maamulka Koonfur Galbeed, taas oo salka ku haysa go’aankii dowladda federaalka Soomaaliya ee bixitaanka ciidamada Itoobiya.









Xasan oo laga lumiyay furihii BF – Sidee wax u dhaceen?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulamadiisa loo xayiray cabsi laga qabo inay gacanta iskula tagaan xildhibaanno dhawaan warbaahinta iskaga hanjabay.

Xildhibaanno dhanka madaxweynaha raacsan reer ahaan iyo siyaasad ahaanba iyo kuwo kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed oo taageeray dadkii dhawaan isugu soo baxay degmooyinka Xudur iyo Waajid ayaa warbaahita, kulamo caadi ah iyo telefoono iskaga hanjabay.

Sida aan kasoo xiganay mudnayaal ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe ayaa si weyn ugu mashquulsan inuu xaliyo xiisaddan.

Inta uu xiisaddan ka xalinayo waxaa la sheegay in guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu go’aansaday in uusan furin golaha shacabka, si looga baaqsado in ay xaaladdu kasii darto.

Haddaba, inuu golaha furmi waayo iyo inuu sii kala qeybsamo yaa dhib ku qaba?

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu dhawaan golaha wasiirrada ee dowladda federaalka ah marsaday sharciga doorashooyinka iyo midka axsaabta, iyada oo mucaaradka ay diidan yihiin.

Waxaa kale oo marhore baarlamaanka loo gudbiyay sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka. Fadhiyada soo socda ee baarlamaanka waxaa la rabay in saddexdaas arrimood diirada la saaro, laakiin hadda jihadii baarlamaanka waa kala qeybsantay.

Xildhibaanno rabay inay madaxweynaha iska iibiyaan oo sidaasi wax uga qaatan iyo qaar difaacanaya xilal ay hadda haystaan iyo sidoo kale dhalinyaro siyaasadda ku cusub oo hab beel isku abaabulay ayaa Xasan Sheekh liin uga dhiijiyay baarlamaankii isugu toosnaa ee uu aamisnaa inay si fudud sharciyaddan kusoo marin doono.

Hadda in sharci la mariyo baarlamaanka waxaa ka horreysa in laga doodo ma kala badbaadi doonaan xildhibaannada haddii uu kulanka qabsoomo, iyada oo labada dhinac si weyn iskugu hanjabeen.

Kala qeybsanaantan iyo baaqashadan aad ayey u dhibaysaa madaxweyne Xasan Sheekh oo hadda si weyn ugu mashquulsan sidii uu kursiga kusii haysan lahaa.

Dadka ka faallooda siyaasadda Soomaaliya ayaa qaar aaminsan yihiin in sida ay u dhaqmeen xildhibaannada taageersan madaxweyne Xasan Sheekh inay adkeyn karto in wixii hadda ka dambeeya si fudud lagu marsado baarlamaanka.

Xasan Sheekh Maxamuud oo waayahan dambe siyaasadiisa furo u noqdeen xildhibaanno ku cusub siyaasadda, iskana tuuray jilib culustii la joogi jirtay ayaa la sheegay inuu hadda xoog badan gelinaayo in xiisaddan laga damiyo si uu danihiisa uga gaaro baarlamaanka.

Ma cadda inuu Sheekh Aadan Madoobe si deg-deg ah uga guuleysan doono xalka howshan, iyada oo kulamo arrintaan la xiriira oo qabsoomay 48 saac ee lasoo dhaafay la sheegay in aanay kasoo bixin natiijooyin wax ku ool ah.

Xog: JABUUTI oo jawaab ka sugeysa Itoobiya xilli ay kasii dareyso xiisadda Soomaaliya

0

Beijing (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa markale ku celisay inay doonayso in Itoobiya 100% ay maamusho dekedda Tadjoura ee xeebta dalkaasi, si xal looga gaaro xiisadda kala dhaxeysa Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa mar uu ka hadlayay shir madaxeedka Shiinaha iyo Afrika in madaxda Itoobiya ay ka sugayaan jawaab la xiriirta qorshahan ay Jabuuti miiska soo saartay, si xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya xal looga gaaro, taas oo u muuqata mid kasii dareysa.

Wasiirka ayaa rejo wanaag ka muujiyay in Itoobiyaanka ay aqbalaan dalabka Jabuuti ee inay la wareegto dekedda Tadjoura, si xal kama dambeys ah looga gaaro xiisadda ka dhex aloosan labada dal.

Toddobaadkii hore ayey aheyd markii uu isla wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti caddeeyey in Jabuuti ay doonayso inay Itoobiya si dhameystiran u maamusho dekedda Tadjoura ee xeebta Jabuuti.

“Waxaan ku jirnaa duufaanta, waxaana isku dayeynaa inaan ku dadaalno sidii aan u caawin lahayn dalalka sida Suudaan oo kale ah iyo sidoo kale inaan isku dayno inaan dhimno xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti.

Dalabkan ay Jabuuti ku sheegtay mid ay ku damineyso xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa dhanka kale waxaa fahamsan yahay in xukuumadda Geelle ay dooneyso inay si rasmi ah u hanato Itoobiyaanka, oo haddaba uu suuqooda ku tiirsan yahay dekedda Jabuuti.

Si kastaba, dalabkan oo haddey aqbasho Itoobiya soo afjari kara xiisadda ka dhalatay damaceeda badda Soomaaliya, ayaa u muuqda mid aysan ku deg-degi doonin, maadaama la fahamsan yahay inay rabto dhul badeed ay milkiso ee aysan u socon deked ay kireysato ama saami ku yeelato.

C/Casiis Lafta-gareen ma ka faa’iideysan doonaa fursada ay siiyeen Xasan iyo kooxdiisa?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xujo culus ayaa hortaalla hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xiisad markii hore u muuqatay inay laheyd meel laga qabto ama laga xisaabiyo ayaa hadda isku rogtay beelo is-eryanaaya iyo xildhibaanno uu buuqooda sababay in mar labaad uu baaqdo kulankii golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Sheekh Aadan Madoobe, guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa la sheegay inuu go’aansaday in uusan furin golaha illaa banaanka lagu soo xalinayo xiisadda taagan ee ka dhalatay arrintii Xudur iyo xildhibaannada kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee dilka loogu hanjabay.

Lafta-gareen sida iska cad wuxuu maanta haystaa fursad aan soo marin intii uu xafiiska joogay Xasan Sheekh, waana inay beeshiisu 90% ka careysan tahay sida loola dhaqmay xildhibaanadooda, iyagoo durba kun tillaabo dib uga baxay nidaamka Xasan Sheekh.

Dad u muuqday inay iska iibinayaan madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mowduucii midnimada iyo difaaci dalka u beddelay wax uu Xasan Sheekh leeyahay ama ay reer gaar ah leeyihiin, taas oo si weyn u kala qeybisay bulshada.

Mucaaradnimada iyo gadoodka deg-degta ah ee curtay ee reer Koonfur Galbeed ay u qaadeen madaxweyne Xasan Sheekh waa mid Lafta-gareen siin karta dib u doorasho fudud, haddii uu ku dhawaaqo doorasho dev deg ah.

Fursadan oo kale Saciid Cabdullaahi Deni ayey soo martay, waana uu ka faa’iideystay. Waxaa la xasuusta iyada oo reer Puntland si weyn u diidan yihiin Saciid Deni ayuu Xasan Sheekh Muqdisho ka yiri “Puntland 24 saac ayey ku dumeysa” taasina waxay reer Puntland ku qasabtay inay Saciid Deni ku faro adeygaan, iyaga oo cadaawad deg deg ah u qaaday nidaamka Xasan Sheekh.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sidoo kale la xasuusta inuu isla isbuucaasi uga sii daray xaalka, isaga oo ka hadlayay arrimaha Puntland. Hadaladdii xanafta lahaa ee Xasan Sheekh iyo Xamza ee la xiriiray arrimaha Puntland waxay Saciid Deni siiyeen jaceylka reer Puntland iyo inuu dib ugu soo laabto kursiga, iyada oo loo arkay qofka qura ee reer Puntland ka difaaci kara Xasan Sheekh iyo kooxdiisa.

Maanta fursad taas lamid ah waxay soo martay Lafta-gareen. Waxaa si aan la fileyn u taageeray Xildhibaanno iyo siyaasiyiin markii hore diidaana, sidoo kale shacabka kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa xooggooda maray dhanka Lafta-gareen.

Waxaana la isku raacsan yahay in haddii uu maanta doorasho aado in uusan jirin qof kale oo kursiga ka qaadan kara marka la cabiro heer kulka siyaasadeed ee reer Koonfur Galbeed.

Inkasta oo marka la fiiriyo xaaladda dalka ku jiro ay Lafta-gareen waajib ku tahay inuu midnimada dalka ilaaliyo, dowladnimada guudna u dhimriyo, haddana markii indhaha siyaasadda lagu eego kooxda Xasan Sheekh la joogta iyaga oo isleh Xasan Sheekh qanciya ayey dhinaca Lafta-gareen u abuureen fursad siyaasadeed oo xoog leh.

Waa ilduuf labaad oo ku kaceen Xasan Sheekh iyo kooxdiisu labo sano gudahood, taas oo muujinaysa faham xumadooda siyaasadeed, waxaana hadda la eegaya haddii uu Lafta-gareen fursadaan ka faa’iideysanayo iyo haddii uu midnimada dalka darteed u cafinaayo qalad siyaasadeedkan ay galeen Xasan Sheekh iyo kooxdiisu.

Sawirro: Xasan Sheekh oo guddoomiyay shir xasaasi ah oo ku saabsan biyaha Somalia

0

Beijing (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir doceed muhiim ah oo ku saabsan iskaashiga dhaqaalaha buluugga ee Soomaaliya iyo Shiinaha intii lagu guda jiray shirweynaha Shiinaha iyo Afrika ee ka dhacay Beijing.

Shirkaan ayey hoggaamiyayaasha iyo wakiilada dalalka Afrika iyo Shiinaha uga wada-hadlayaan xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo istaraatijiyadaha horumarineed ee Afrika iyo Shiinaha.

Wasiirka kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga Axmed Xasan Aadan ayaa kaalin muhiim ah ka qaatay shirka isaga oo soo bandhigay sida Soomaaliya ugu heellan tahay horumarinta dhaqaalaha buluugga iyo baahiyaha dalka ee ku aaddan casriyeynta kaabayaasha kalluumeysiga.

Shir doceedkan waxaa ka qeyb-galay daneeyayaal muhiim ah wuxuuna ujeedadiisu ahayd in la xoojiyo iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha buluugga, iyada oo mudnaan la siinayo isticmaalka waara ee kheyraadka badaha si loo gaaro koror dhaqaale.

Wada-hadallada ayaa sidoo kale taabtay maalgashiga suurtagalka ah ee Shiinaha ee kaabayaasha badda ee Soomaaliya, sida dhismaha dekedaha casriga ah iyo xarumaha farsamaynta, kuwaas oo muhiim u ah kobcinta warshadaha kalluumeysiga dalka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada-hadalay barnaamijyada cilmi-baarista wadajirka ah si loo fahmo oo loo ilaaliyo nidaamka deegaanka badda.

Dowladda Shiinaha ayaa muujisay ahmiyadda ay u leedahay inay taageerto Soomaaliya iyada oo loo marayo kanaallo kala duwan, oo ay ku jiraan caawinaad dhaqaale, khibrad farsamo, iyo barnaamijyo awood dhisid.

Taageeradan ayaa kaalin weyn ka ciyaari karta sidii Soomaaliya ay u gaari lahayd yoolalka horumarineed iyo sidii loo xoojin horumarada dhinaca Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Bulluugga ee dalka.

Si kastaba, shir doceedkaan ayaa ahaa madal loogu tala-galay xoojinta xiriirka labada dhinac ee Soomaaliya iyo Shiinaha, isagoo dhiirri-gelinaya iskaashiga labada dowladood si loo hormariyo koritaanka dhaqaale waara.

Golaha Wasiirada oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta xiisadda Itoobiya + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Xukuuumadda Soomaaliya oo maanta shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa qaaday tallaabo la xiriirta xiisadda kasii dareysa ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Shirkan oo uu guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa intiisa badan diiradda lagu saaray xiisadda taagan, gaar ahaan ilaalinta madax banaanida dalka.

Golaha oo bayaan culus soo saaray ayaa guud ahaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay u istaagaan difaaca madax banaanida Soomaaliya.

Hoos ka akhriso bayaanka oo dhammeystiran:-

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa looga hadlay ilaalinta madax-bannaanida, wadajirka ummadda Soomaaliyeed, amniga iyo la dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah.

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa loogu baaqay dadka Soomaaliyeed;

In ay si wadajir ah u difaacdaan madax-bannaanida, gobonnimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

In laga fogaado wax kasta oo keeni kara kala qeybsanaan bulshada dhexdeeda ah.

In laga wada shaqeeyo hirgelinta xasillooni siyaasadeed, meelna looga soo wada-jeesto ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah iyo wax walba oo khatar ku ah qarannimadeenna.

Golaha ayaa uga mahadceliyey Ciidanka qalabka sida iyo shacabka Soomaaliyeed kaalintooda ku aaddan difaaca dalka iyo la dagaallanka Khawaarijta.

Sidoo kale shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu meelmariyey Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Kenya, kaas oo ku saabsan iskaashiga Dalxiiska.

Saraakiisha ugu sarreysa ciidamada Itoobiya oo yimid…

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa mar kale maanta qaaday tallaabo cusub, waxayna saraakiisha ugu sarreeya ciidamada usoo dirtay magaalada Jigjiga ee xarunta is-maamulka Soomaalida Itoobiya.

Taliyaha guud ee Ciidanka Itoobiya Berhanu Jula iyo wafdi uu hoggaaminayo oo uu ku jiro ku xigeenkiisa Janeraal Abebaw Taddese ayaa maanta ka dagay garoonka magaalada Jigjiga, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Waxaa soo dhaweynta ka qayb-galay madaxweyne Mustafe Cagjar, hoggaanka Nabadgalyada Dayib Axmednuur iyo mas’uuliyiin kale oo kamid ah ismaamulka Degaanka Soomaalida.

Ujeedka safarka saraakiishan Itoobiyaanka ah ayaa waxaa lagu sheegay inay la xiriirto ka qaybgalka xuska 47-aad ee !asaaska Ciidamada Taliska bariga Itoobiya oo markii u horreysay lagu qabanayo magaalada Jigjiga.

Taliyeyaasha ayaa maalmo sii joogi doono halkan, waxaana lagu soo warramayaa in munaasabadda xuska ay socon doonto muddo todobaad ah, sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida.

Sidoo kale taliye Burhanu Julla xarigga ka jaraya xarunta tababarada taliska ciidanka bariga Itoobiya oo laga furayo xerada Garabcase oo ku taalla duleedka magaalada Jigjiga.

Arrimahan waxay kusoo aadayaan, ayada oo ay kasii dareyso xiisadda u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya oo haatan waji cusub yeelatay, kadib markii ay kusoo biirtay Masar oo weli Itoobiya isku hayaan wabiga Nile.

Itoobiya waxay maalmihii lasoo dhaafay magaalooyinka u dhow xadka Soomaaliya ka wadday dhaq-dhaqaaqyo milatari oo u muuqdo inay u diyaar garoobeydo dagaal cusub.
Maamulka Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa hadda qaaday dhabihii dagaalka, wuxuuna soo badhigay hub culus oo ay ku jiraan Gantaallada Balastikada ee M-20, waxayna tani muujineysaa in Itoobiya ay markan diyaar garowday dagaal toos ah.

Dhammaan, tallaabooyinkan ayaa sii hurinaya xiisadda haatan ka taagan gobolka oo ku dhow in la’is fara saaro, maadaama dhinacyada uu mid kasta sameynayo dhaq-dhaqaaq iyo abaabul ciidan oo aad u wayn.

 

Sheekh Shariif oo ka digay abaabul qabyaaladeysan oo uu sheegay inuu ka socdo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka digay wax uu ugu yeeray abaabulka qabyaaladeysan ee baryahan danbe hareeyay baraha bulshada iyo Siyaasadda Soomaaliya.

Sheekh Shariif ayaa ku eedeeyey madaxda dowladda federaalka Soomaaliya inay ku mashquulsan yihiin kala qaybinta cududda shacabka Soomaaliyeed halkii ay ka shaqayn lahaayeen isku duubnida dadka. Hoos ka aqriso qoraalka Shariif. 

WAR-SAXAAFADEED 

Waxaan aad uga xumahay abaabulka qabyaaladeysan oo baryaan danbe hareeyay baraha bulshada iyo Siyaasadda Soomaaliya, kaasoo dhawacaya wadajirka umadda Soomaliyeed iyo masiirkooda, sidaa awgeed, waxaan kadigayaa fal kasta oo dhaawici kara madaxbannaanida dhuleed, Badeed iyo cireed ee Soomaaliya, waaxana u arkaa dariiqa kaliya ee aan ku difaaci karno dalkeena inuu yahay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, iyadoo aan loo eegayn degaan, koox iyo qabiil toonna.

Waxaan ka xumahay in madaxda dowladdu ay ku mashquulsan tahay kala qaybinta cududda shacabka Soomaaliyeed halkii ay ka shaqayn lahaayeen isku duubnida dadka. Waxaa muuqata in madaxweynaha JFS aysan u qiyaasnayn khatarta dalku ku jiro iyo sida maanta loogu baahan yahay in laga shaqeeyo tillaabo kasta oo keeni karta midnimada iyo wadaajirka Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay ku noolyihiin. 

Waxaa wax aad looga xumaado ah abaabulka iyo dhiirri-gelinta qabyaaladda huwan iyo hadalada aan habboonayn ee la isku marinaayo warbhaahinta, waxaana cad in ay meesha ka maqantahay doorkii xukuumadda oo gabtay howlihii kaga aadanaa jiheynta, mideynta iyo u abaabulka dadka soomaaliy- eed sidii ay dalkooda u difaacan lahaayeen.

Waxaan ugu baaqayaa ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay ka gudbaan qabiilaysiga, is-collaysiga iyo khalaafaadka dhexdooda ah, una midoobaan difaaca qarankooda. Waxaan xasuusinayaa shacabka Soomaaliyeed inay dowladdoodii ku waayeen qabyaalad sidaa daraaddeed wakhtigaan aysan habboonayn in jidkaas xun dib loo raaco. 

Ugu danbayn waxaan ugu baaqayaa madaxda dowladdu inay wax ku eegaan indho qaran ee aysan kusoo hoos noqon wax kala dhantaalaya awoodda dadka. Marka la joogo difaaca dalka waa inay meesha ka baxdaa kanaa igasoo hor-jeeda iyo kanaan isku koox nahay. Madaxda Qaranku waa inay la yimaadaan aragtidii la isugu wadi lahaa sha- cabka loogana gudbi lahaa isu adeegsiga awoodda dowladeed.

Sawirro: Al-Shabaab lagu beegsaday goob ay isku diyaarinayeen iyo taliska oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgal ka dhanka ah Khawaarijta oo Ciidamada Qaranka iyo Saaxiibada Caalamiga ay iska kaashadeen ayaa galabta ka dhacay Koofurta Gobalka Mudug, gaar ahaan deegaano hoos taga degmada Xarardheere, waxaana howlgalkas lagu beegsaday goobo ay xubno ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab isku uruursanayeen.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen saraakiil ka tirsan taliska ciidanka xoogga dalka, Khasaare xoog leh ayaa Al-Shabaab lagu gaarsiiyay howlgalkaas oo loo adeegsaday duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka, inkastoo aysan soo bandhigin tiro rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha la gaarsiiyey kooxda.

Dhinaca kale, waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir looga hadlaayay taageerada ciidamada qalabka sida, waxaana shirkaan diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa garab istaagga Ciidamada Soomaaliya.

Shirka waxaa ka qeyb-galay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Ibraahim Sheekh Muxidiin, La taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macallin Maxamuud, kusimaha Taliyaha Booliska ahna Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) madaxda UNSOS, Taliyaha Ciidamada ATMS, Safiirada UK iyo Mareykanka ee Soomaaliya iyo madax kale.

La-taliyaha Amniga Qaranka iyo madaxda kale ee Ciidamada qalabka Sida oo kulankaan khudbado ka jeediyay ayaa dul-istaagay sida hagar la’aanta ah ee Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed looga caawiyay taageerada saadka iyo tababarada.

Dhanka kale, Wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhigga XFS Cumar Cali Cabdi ayaa maanta xarunta wasaaradda ku qaabilay wafdi saraakiil ah oo ka socda Ururka Bariga iyo Bartmaha Afrika oo aan xubin ka nahay.

Ujeedada safarka wafdiga ayaa ahaa is dhexgal iyo sidii ay Soomaaliya warbixin uga siin lahaayeen shaqada Guddiga Difaaca ee Ururka Bariga iyo Bartamaha Afrika oo Soomaaliya door muhiim ah ka qaadan doonto iskaashiga dhinacyada Amniga iyo Difaaca.

Wasiir Cumar ayaa sheegay in Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay dardargalin doonaan hawlaha muhiimka ah ee Ururka Bariga iyo Bartamaha Afrika.