26.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

Xog: Itoobiya oo Soomaaliya ka wada labo arrin oo halis ah iyo xubno kala shaqeynaya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa dejisay qorshayaal culus oo ka dhan ah Soomaaliya, kuwaas oo dadka Soomaaliyeed intooda badan aysan faham ka heysan, halka qaar ay siyaasiyiin ku jiraan oo Soomaali ah ay Itoobiyaanka ka caawinayaan hirgelinta qorshahaas.

Xildhibaano ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo ku jira Baarlamaanka Soomaaliya ayaa laf-dhabar u ah labo u jeedo oo Itoobiya ay ku niyad jebineyso Soomaalida, caalamkana ugu sheegeyso in Soomaaliya laga rabo ciidankooda, dowlada federaalkana ay ku egtahay oo ka taliso Muqdisho kaliya oo gobollada aysan maamulin.

Sidoo kale Itoobiya ayaa dooneysa inay gudaha Soomaaliya ka abuurto xiisado qabiil, si gaar ah waxaa hadda socda qorshe la isaga horkeenayo beelaha Hawiye iyo Raxanweyn, masuuliyiin reer Koonfur Galbeed ah ayey xogtaan sheegeysaa inay Itoobiyaanka la fulinayaan qorshahaan.

Labada qorshe ee Itoobiya ay wado mid waa u hirgalay oo waxay abaabushay shacabka qaar kamid ah degmooyinka Koonfur Galbeed, waxayna direen farriin ay caalamka ugu sheegayaan inay rabaan Itoobiyaanka, taasi oo dhabarjab ku ah qorshaha dowladda Soomaaliya oo dooneysa inay dalka ka saarto ciidamada Itoobiya dhamaadka sanadkaan.

Qorshaha labaad waa in la isku diro beelaha Hawiye iyo Digil iyo Mirifle, maalmo ka hor waxaa Muqdisho shir jaraa’id ku qabtay xildhibaano badan oo ka soo jeeda K/Galbeed, kuwaas oo sheegay inay la dareen yihiin shacabka ay metelaan, balse waxaa u jawaabay xildhibaano iyo siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda beelaha Hawiye.

Hadalkii xildhibaanada waxaa ka dhashay buuqii ay rabtay Itoobiya, waxayna reer Koonfur Galbeed arrinta u bedeleen mid qabiil, waxay sheegeen in Hawiye ka xigsanayo dowladnimada Soomaaliya, taasna aysan aqbali karin.

Caasimada Online waxay heysaa xog sheegeysa in xildhibaanada taageerada u muujiyey Itoobiya ee Muqdisho jooga ay doonayaan inay Baydhaba aadaan oo sheegaan inay la baxsadeen naftooda, isla markaana ay beegsanayaan beelaha Hawiye, waxayna Itoobiyaanka ka dalba doonaan inay difaacaan, hadii qorshahaan aan si kale looga hortegin.

Muqdisho waxaa ka socda dhaqdhaqaaq aan muuqan oo ka dhan ah xildhibaanadaas oo ku dhacay kiis lagu tilmaamay ‘qiyaano qaran’ balse hadii ay dareemaan in la beegsanayo waxaa suurtagal ah inay Baydhaba aadaan oo Itoobiyaanka la saftaan, isla markaana reer Koonfur Galbeed ay xiriirka u jaraan dowladda dhexe ee Soomaaliya, difaacna ka dalbadaan Itoobiyaanka oo soo abaabulay qorshahaan halista ah.

Dhanka kale, Itoobiya waxay wadaa qorshe ay ku abaabuleyso shacabka reer Gedo, si lamid ah reer Xudur ayey doonayaan inay ka soo dhex hadlaan oo halkaas ay ka dhacaan banaanbaxyo lagu dalbanayo in dalka aan laga saarin ciidamada Itoobiya.

Odayaasha dhaqanka reer Gedo ayaa qorshahaan horay uga diiday ciidmaada Itoobiya ee Gedo jooga, waxayna u cadeeyeen in aysan dooneyn inay galaan arrimaha ku saabsan joogitaankooda Soomaaliya, balse waxay bilaabeen siminaaro 3 bilood socday oo dadka ay uga dhaadhicinayaan qorshahooda.

Sida ay ogaatay Caasimada Online qorshaha Itoobiyaanka waa in maalmaha soo socda uu banaanbax lamid ah kii Xudur ka dhaco Garbahaarey iyo magaalooyinka kale ee gobolka Gedo ee ciidamada Itoobiya ay joogaan, balse lama oga sida ay ku suutageli doonto.

 

Xogta hoobiyeyaal maanta lagu garaacay agagaarka garoonka Aadan Cadde

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyeyaal ah oo saaka aroortii hore lagu garaacay agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo si weyn looga dareemay gudaha caasimada.

Illaa 4 hoobiye ayaa la sheegay inay ku dhaceen qaar kamid ah xaafadaha degmada Wadajir, gaar ahaan kuwa u dhow garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyey in qaar kamid ah hoobiyeyaasha ay ku dhaceen xaafadda Ceelqalow, waxaana jira khasaare u badan dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah.

Hoobiyeyaasha ayaa waxaa laga maqlay degmooyinka qaar ee gobolka Banaadir, waxaana haatan socda dhaq-dhaqaaq ay wadaan laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkan.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha hay’adaha amniga oo ku aadan hoobiyeyaasha lagu garaacay agagaarka garoonka caalamiga ah ee Muqdisho.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi ah ku socda shaqada garoonka oo ma jiro wax saameyn ah oo uu ku yeeshay weerarka hoobiyeyaasha ee lala damacsanaa.

Marar badan kooxda Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale hoobiyeyaal ugu garaacday caasimada, waxaana lagu bartilmaameedsaday madaxtooyada iyo xerada Xalane.

Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyay ay kooxda qaraxyo ka fulisay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

DF oo qaaday tallaabo ay ku yaraneyso culeys ka dhashay go’aan kasoo baxay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaaday inay joojisay in canshuurta iibka laga qaado isbitaallada magaalada Muqdisho, kadib markii cabasho wayn ay ka timid dhanka bahda caafimaadka.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa ku dhowaaqay go’aankan, wuxuuna sheegay inay tixgeliyeen cabashada isbitaallada, isla markaana ay ka dhaafeen canshuurka gadista ee ay dhowaan soo rogtay wasaaraddu.

“Canshuurka gadista (VAT) waxaan idin kugu bishaareyneynaa inaan ka deynay isbitaallada magaalada Muqdisho” ayuu yiri wasiir Cabdiqafaar Cilmi Xaange.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay ogaadeen in inta badan canshuurtan aan laga qaadin waddamada Afirika, isla-markaana ay garteen inay mudnaan siiyaan daryeelka caafimaadka.

“Waxaan ogaanay in Afrika canshuurtan aan laga qaadin isbitaalla ama wax yar uun ay bixiyaan, marka DFS iyada oo u damqaneyso daruufaha ay dadka ku jiraan iyo daryeelka caafimaadka baahiyaha loo qabo canshuurta meesha way ka saareysa” ayuu sii raaciyay.

Dhinaca kale wasiir ku xigeenka ayaa ka hadlay baahiyaha ka jira isbitaallada ay maamusho dowladda, gaar ahaan Martiini wuxuuna ballan qaaday in koronto dambe laga jari doono isbitaalka, isla markaana mas’uuliyadda ay qaadi doonto wasaaradda maaliyadda.

“Waxaan kale oo idin kuugu bishaareyneynaa koronta dambe oo caawa kadib idin ka go’eyso ma jiri doonto,BECO halkan waxaan ka fareynaa in isbitaalka ay korontada usoo dayso, mar kalena aysan ka xirin” ayuu mar kale yiri wasiir ku xigeenka maaliyadda.

Ka noqoshada go’aanka ayaa yimid, kadib markii dhowaan Muqdisho lagu xiray maamullada afar isbitaal oo kala ah Shaafi, Kalkaal, Somali Sudanese iyo Muqdisho Hospital, ka dib markii ay diideen in ay bukaannada ka qaadaan canshuurta iibka adeegga caafimaadka, waxaana kadib la’isugu yimid kulan deg-deg ah oo xal looga gaaray arrintan.

 

PUNTLAND oo ka jawaabtay eedeyntii uga timid QM

0

New York (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Carruurta iyo Isku dhacyada Hubeysan, iyo Guddiga QM ee Xuquuqda Carruurta, ayaa si wadajir ah waxay ugu baaqeen Soomaaliya inay meesha ka saarto xukunka dilka carruurta iyo da’yarta kuwaasoo dil lagu xukumo sababo la xiriira inay galeen dembiyo iyagoo ay da’doodu ka yar tahay 18.

Warsaxaafadeed kasoo baxay QM ayaa lagu sheegay in khubarrada QM ay ka walaacsan yihiin aadna u cambaareynayaan dilkii 17-kii August magaalada Gaalkacyo loogu fuliyay da’yar lala xiriiriyay al-Shabaab.

“Dhammaan afarta da’yar waxay ka yaraayeen 18 xilligii ay dembiyada galayeen, sida uu xaqiijiyay Guddiga Xaqiijinta Da’da ee Puntland.

“Saraakiisha QM ayaa xusuusinaya maamulka Puntland iyo dowladda federaalka ee Soomaaliya in Cahdiga QM ee Xuquuqda Carruurta (CRC), Cahdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Badqabka Carruurta, iyo sidoo kale Dastuurka Soomaaliya, ay dhammaanba carruur ku qeexayaan qof walba oo da’diisa ay ka yar tahay 18. Dilka wuxuu meel uga dhacayaa Cahdiga Xuquuqda Carruurta, kaasoo Soomaaliya ay meel marisay sanadkii 2015,” ayay intaa raacisay warbixinta.

Saraakiisha QM ayaa sidoo kale ugu baaqay Puntland iyo dowladda Soomaaliya in carruurta lala xiriiriyo isku dhacyada hubeysan, ayna ku jiraan kuwa ay QM u aqoonsatay kooxaha argagixisada, loola dhaqmo inay yihiin dhibbanayaan.

“Waxay ugu baaqayaan maamulka Puntland inay soo afjaraan in carruurta lagu maxkamadeeyo maxkamadaha militariga iyo inay dhowraan carruurta.”

Waxaa sidoo kale war-saxaafadeedka lagu sheegay in loo baahan yahay in degdeg loo sii daayo dhammaan carruurta xiran loona soo gacan geliyo QM si dhaqan-celis loogu sameeyo.

Waxaa sidoo kale loogu baaqay Puntland inay isbeddel ku sameeyaan sharciga ka dhanka ah argagixisada si loogu dabaqo qeexidda da’da carruurta sida ku xusan Sharciga Caddaaladda Da’yarta Puntland.

Dhowaan ayay sidoo kale ahayd markii hay’adda QM u qaabilsan arrimaha carruurta ee UNICEF ay soo saartay bayaan ay ku sheegtay in maxkamad militari oo ku taalla Puntland ay dil toogasho ah ku xukuntay carruur aan wali qaanqaarin.

Maxay Puntland ka tiri?

Dowlad goboleedka Puntland ayaa beenisay eedeyntaas ay u soo jeedisay hay’adda caruurta ee Qaramada Midoobey ee UNICEF.

Wasiirka warfaafinta ee Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo BBC la hadlay markii ay soo baxday warbixinta UNICEF, ayaa sheegay in dhammaan dadka toogashada lagu xukumay ee lagu fuliyay ay ahaayeen “qaan qaarro lagu helay dambiyo.”

Waxaa uu intaa ku daray in dadka la toogtay intooda badan ay xabsiga muddo dheer ku jireen ka hor intii aan la xukumin.

“Xaqiiqda waxaa weeyaan Puntland dad carruur ah ma toogan, dadkaas la toogtay intooda badan saddex sano in ka badan ayay xabsiga ku jireen,” ayuu yiri Ceydiid.

Wasiirka ayaa sheegay in dadka la toogtay la xaqiijiyay da’dooda iyo falal dambiyeedyada ay galeen.

“Muuqaalkooda waad arkeyseen qof 30 jir ka yar kuma jirin da’dooda iyo dhalashadoodana waa la xaqiijiyay inay dad waawayn oo qaan-gaadh ah yihiin fal dambiyeedkoodana ay qirteen oo cidina ku qasbin,” ayuu inta ku daray.

Wasiirka warfaafinta ee Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa carrabka ku adkeeyay in hay’aadaha caddaaladda ay mareen dhammaan hab-raacyadii loo baahnaa ka hor inta aan xukunka lagu ridin eedeeysanayaasha.

“Qiraalkooda iyo baaritaankooda ayaa isla caddeeyay inay dinuubtaas galeen racfaana loo ogolaaday muddo saddex sana ah oo waliba mar labad iyo mar saddexaad dib loo maxkamadeeyay si baaritaanka intii uga sii xaqiiqo bato haddi ay helaan wax xujooyiin ah oo ay isku difaaco helaanloo ogaalay oo fursad la siiyay,” ayuu yiri Mr Ceydiid.

Waxay ahayd 17-kii bishan markii dil toogasho ah lagu fuliyay 10 dhalinyaro ah oo sida ay maxkamadda sheegtay lagu helay in ay al-Shabaab ka tirsanaayeen ayna ku lug lahayeen dilal ka dhcay magaalada Galkacyo.

Maxay tiri hay’adda UNICEF?

Hay’adda Qaramada u qaabilsan carruurta ee UNICEF ayaa sheegtay in ay aad uga xuntahay xukun dil ah oo dabayaaqadii todobaadkii hore lagu fuliyay afar dhalinyaro ah maamul goboleedka Puntland.

Bayaan ay soo saartay bishii August ayay ku sheegatay in dadkan lagu helay dambiyo ay galeen xilli ay caruur ahaayeen oo ay dad’doodu ka hooseysay 18 sano jir laguna eedeeyay inay al-Shabaab ka mid ahaayeen.

“Xukunnada ayaa waxaa riday maxkamado ciidan, kuwaasoo aan lahayn hab-raac gaar ah oo caddaaladda lagu mariyo carruurta, isla markaana aan ahayn meel carruurta lagu xukumo,” ayaa lagu yiri bayaanka Unicef.

Unicef ayaa xustay in guddiga xaqiijinta da’da Puntland oo ay ku jiraan wakiillo ka socday maamulka Puntland ay la kulmeen dhalinyaradan, waxaana ayna ogaadeen in ay ahaayeen dad aan qaan-gaarin xilliga la qabanayay, isla markaana aan lagu xukumi karin dil toogasho ah.

Hay’adda carruurta ee Qaramada Midoobey waxa ay ka codsatay maamulka Puntland in ay ka hortagaan xukunnada dilka ah ee la fulinayo, waxaana ay ugu baaqday in nidaamka caddaaladda loo maro dhammaan dhalinyarada aan qaan-gaarka ahan ee loo xiro in ay ku biireen kooxaha hubeysan markii ay da’doodu ka yarayd 18 sano, iyadoo la raacayo sharciga carruurta Maamulka Puntland iyo waajibaadka saaran dowladda ee ku aaddan waajibaadka caalamiga ah ee xuquuqul insaanka ee ku xusan heshiiska xuquuqda carruurta.

Bayaanka ay soo saartay hay’adda Unicef ayaa lagu yiri “Unicef waxay ku boorinaysaa maamulka Puntland in caruurta ku biiray kooxaha hubeysan ay ula dhaqmaan sidii dhibanayaal, islamarkana dib u eegis lagu sameeyo hannaanka garsoor ee hadda jira si loo hubiyo in carruurta aan la horgeyn oo lagu xukumin maxkamadaha ciidamada, ayna helaan habraac garsoor oo ku habboon waafaqsana Xeerka Caddaaladda Carruurta Puntland iyo Axdiga Xuquuqda Carruurta oo ay Soomaaliya ansixisay.

Isha: BBC

Golaha ammaanka oo war culus soo saaray kadib guul-darrada xabad-joojinta Gaza

0

Gaza (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Arbacadii muujiyay sida ay uga xun yihiin in lagu guul daraystay soo afjarista heshiis xabbad-joojin ah oo ka dhaqan gala Gaza iyo in la sii daayo la haystayaasha Isra’il ee ku jira gacanta kooxaha Falastiiniyiinta.

Walaaca Golaha Ammaanka ayaa imanaya, xilli ay sii kordheyso colaadda Falastiiniyiinta iyo Isra’aa’iiliyiinta, iyada oo todobaadkan lasoo helay meydadka lix ka mid ah la heystayaasha Israa’iiliyiinta iyo halka tobnaan Falastiiniyiin ah lagu dilay rabshado ka dhacay Daanta Galbeed.

Danjiraha Slovenia ee Qaramada Midoobay Samuel Žbogar oo hadda ah Shir-guddoomiyaha Golaha Ammaanka, xilkaas oo ah mid meerta ah oo bishiiba uu waddan guddoomiyo, ayaa sheegay in ay jirto caro laga dareemay dunida oo ku saabsan, sida bulshada caalamka ugu fashilantay loogu guuldarreystay dhibaatada Falastiin ka jirto iyo sii deynta dadka la heystayaasha Isra’il.

Wuxuu kaloo sheegay in bulshada caalamka ay ka careysantahay joogsi la’aanta dagaalka ka socda Gaza.

Hadalka danjirahan ayaa yimid, kaddib kulan ay codsatay Isra’il oo uu Goluhu isugu yimid Arbacadi, kaddib dilki Gaza loogu geystay lix ka mid ah tobnaanka reer Isra’il ee gacanta ugu jira Xamaas iyo kooxaha kale ee ka dagaallama Gaza.

Sidoo kale, danjiraha Aljeeriya ee Qaramada Midoobay ayaa isna Golaha Ammaanka ka codsaday in ay ka hadlaan rabshadaha sii baahaya ee Daanta Galbeed, halkaas oo ay Qaramada Midoobay sheegtay in ciidamada Isra’il ay ku dileen ugu yaraan 30 qof oo Falastiinyiin ah oo ay ku jireen 7 carruur ah

Daawo: Beesha Hawiye oo si adag uga hortimid beegsi uu bilaabay Lafta-gareen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Hawiye ayaa si adag uga hortimid beegsi ay sheegtay in maamulka Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Cabdicasiis Lafta-gareen uu ku hayo beesha Gaaljecel.

Afhayeenka Beelaha Hawiye Nabadoon Cabdinuur Axmed Diiriye oo warbaahinta u akhriyay war-saxaafadeed kasoo baxay shir ay maanta beesha ku yeelatay magaalada Muqdisho, kaasi oo looga horyimid beegsiga maamulka Lafta-gareen ee beesha Gaaljecel.

Shirkaan oo ay ka qeyb-galeen duubabka waaweyn ee Hawiye, waxaana loogu baaqay maamulka Lafta-gareen inuu joojiyo ciidamada uu ku daabulayo deegaanka Yaaqbari weyne ee lagu beegsanayo beesha Gaaljecel.

“Odayaasha beesha Hawiye waxaa u cuntami weysay in awooddii maamulkaas oo dhan loo adeegsado beesha Gaaljecel,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye.

Sidoo kale waxay odayaasha dhaqanka Hawiye ugu baaqeen madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya inay soo fara-geliso arrintaan.

Odayaasha dhaqanka Hawiye ayaa waxa kale ay aqbaleen inuu sii socdo shirka looga tashanayo Shabeellaha Hoose iyo maamulka Koonfur Galbeed, iyagoo gogol nabadeed u fidiyay beelaha dega Shabeellaha Hoose oo dhan.

“Waxay odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye cadeynayaan in aysan cabasho ka aheyn qabiil ee ay cabasho ka yihiin maamulka Koonfur Galbeed, waxayna ugu baaqayaan maamulka Koonfur Galbeed inuu joojiyo beegsiga beesha gogosha maanta dhigtay ee Gaaljecel Saran-soor.”

Hoos ka daawo muuqaalka

Xamsa oo qodobo xasaasi ah kala hadlay danjiraha Qatar

0

Muqdisho (Caasimada Online)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar u fadhiya Soomaaliya, Dr. Abdullah Bin Salem Al Nuaimi.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Dankiraha ayaa yeeshay kulan diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dowladda Qatar taageerada ay siiso Soomaaliya ee dhinacyada amniga, kaabayaasha dhaqaala iyo horumarinta adeegyada asaasiga ah.

Dhankiisa, Danjiraha Qatar ee Soomaaliya Mudane Abdullah Bin Salem Al Nuaimi ayaa xusay inay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh, ee ay mar walba la garab taaganyihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Qatar ayaa si joogto ah u taageerta Soomaaliya, waxaana ka dhexeeya xiriir aan duugoobin oo Qatar ay kula jaan-qaaday marxaladaha soo kabashada ah ee Soomaaliya ay dhexda kaga jirto.

Mashaariicda ay Qatar ka fuliso Soomaaliya waxaa ka mid ah dhismayaasha jidad waaweyn oo isku xira Muqdisho iyo gobollada dalka, gaar ahaan jidadka caasimadda ku xira Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale Qatar ayaa Soomaaliya ka balan qaaday fulinta mashaariic kale oo badan, maadaama dalkaan uu u baahanyahay dib u dhis badan oo burbur baaxad leh uu ka soo gaaray waayihii dowlad la’aanta.

 

Xasan Cali Kheyre oo digniin ka soo saaray arrin ka soo korortay xad-gudubka Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa digniin culus kasoo saaray hanaanka lagu wajahayo xiisadda Itoobiya ee salka ku haysa damaca baddeena.

Kheyre ayaa waxa uu sheegay in duullaanka Itoobiya looga gudbi karo oo keliya isku-duubni iyo midnimo, isla markaana laga fogaado wax walba oo dhaawici kara wadajirka umadda Soomaaliyeed.

“Dalkeennu wuxuu wajahayaa duullaan shisheeye oo ay ku soo qaadday Itoobiya, waxaana uga gudbi karnaa dhiifooni, isku-duubni, iyo midnimo, iyo in aan ka foggaanno wax waliba oo dhaawici kara wadajirka bulshadeenna,” ayuu Kheyre ku yiri qoraal uu soo saaray maanta.

Waxa uu intaas kusii daray “Koonfur Galbeed iyo deegaannada kale ee Soomaaliyeed ee ay maanta joogaan ciidamada shisheeye kuma imaan jaceyl loo qabo ee waxaa keentay duruufta amni ee dalka ka jirta.”

Dowladda federaalka ayuu ujeediyay in ay masuuliyad gaar ah iska saarto sidii ay u dabooli lahayd baahida amni ee deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, ayada oo xaqiiqada qaraarna lagu wajaho caqli saliim ah, si looga maarmo ciidan shisheeye.

“Dariiqa maanta dalka looga bad-baadinayo duullaanka Itoobiya nagama xigo dhanka qabyaaladda, kala-qeybinta bulshada, iyo in dalka iyo dowladnimada laga xigsado reer Koonfur Galbeed,” ayuu yiri ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan ka digayaa hadallada xanafta, dhiillada, iyo qabyaaladda xambaarsan ee warbaahinta la isu marinayo, oo abuuraya khilaaf hor leh, siina kala dhantaalaya midnima ummaddeenna.”

Ugu dambeeyntiina wuxuu madaxda sare ee dalka ugu baaqay inay la yimaadan aragti qaran, waaqici ah, islamarkaana jiheyn karta bulshada, mideyna karta cududda iyo caqliga dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan madaxda Dalka ugu baaqayaa in ay mudnaanna siiyaan danta guud, kana fogaadaan wax walba oo kala qeybin kara midnimada dalkeenna iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed.”

XASAN oo qaaday tallaabo kale oo xiisadda Itoobiya ah – Muxuu sameeyay maanta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta wada-hadal khada taleefoonka ah la yeeshay Madaxweyne ku xigeenka Midoowga Yurub ahna Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga Mudane Josep Borrell, isaga oo ka hadlay arrimo ku aadan xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay  muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee amniga Soomaaliya iyo dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaaamayo Al-Shabaab, waxayna adkeeyaan ilaalinta xasilloonida iyo nabadgelyada gobolka.

Wada-hadalkan ayaa kusoo aaday, xilli ay kasii dareyso xiisadda diblumaasiyadeed ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana haatan soo saddaxeeyay dalka Masar.

Maamulka Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa hadda qaaday tallaabo kale oo hurineyso xiisadda, wuxuuna soo badhigay hub culus oo ay ku jiraan Gantaallada Balastikada ee M-20, waxayna tani muujineysaa in Itoobiya ay markan diyaar garowday dagaal toos ah.

Wararka ayaa sheegaya in gantaalladan oo Sawirradooda lagu baahiyay baraha bulshada iyo ciidamo la geyn doono magaalooyin u dhow xadka Soomaaliya, gaar ahaan D.D.S.

Dhankooda Soomaaliya iyo Masar ayaa go’aan ku gaaray inay si wadajir ah u sameeyaan dhoolatus milatari, xilli ay xiisad xooggan ka taagan tahay gobolka.

Dhoolatuskan ayaa la filayaa in la qabto bishan dhexdeeda, ayada oo ay ka qeyb qaadan doonaan ciidamada dhulka, cirka iyo badda ee labada dal, sida laga soo xigtay illo dhanka ammaanka oo ku dhow Masar.

“Dhoolatusku wuxuu diri doonaa fariin cad oo ku saabsan sida ay nooga go’an tahay iskaashiga iyo ilaalinta Soomaaliya. Waxay macnaheedu noqon doonaan wax ka badan kaliya dhoolatus dagaal,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha ammaanka dalka Masar.

CC SHAKUUR oo si yaab leh u difaacay reer K/Galbeed kadib tallaabadii ay qaadeen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal xasaasi ah soo saaray ayaa ka hadlay dooda culus ee ka dhalatay taageeradii uu maamulka Koonfur Galbeed u muujiyay ciidamada Itoobiya ee hadda jooga Soomaaliya.

Warsame ayaa ayaa shaaca ka qaaday in Koonfur Galbed aysan heshiis bada lagu bixiyay aysan la gelin Itoobiya, isla markaana aanu jirin sabab loo beegsado maamulkaasi.

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in laga haboon yahay in arrinta la qabiileeyo, isla markaana dano gaar ah oo siyaasadeed ooga faa’iideysto xiisadda taagan.

Siyaasigan oo sii hadlaya ayaa shaaca ka qaaday in difaaca dalka iyo danaha qaranka ay mas’uul tahay dowladda Soomaaliyeed oo uu tilmaamay inay tahay cida leh go’aanka ay ku joogayaan ama ay ku baxayaan ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS.

Hoose ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

Ka hortagga damaca Itoobiya waa masuuliyad dowladeed ee ma aha mid beeleed, waxna kama galo oday magac qabiil ku hanjaba iyo shaqaale rayad ah oo siyaasad lugaha loo geliyo, balse waa kaga sii dareen, maadaama uu hadalkoodu dhiilo qabiil kiciyey, bulshadiina kala irdheeyey.

Waxaase damaca looga hortegi karaa midnimo gudaha ah, dadaal diblomaasiyad oo dibedda ah iyo siyaasad waaqici ah oo lagu dheelitiro duruufaha qalafsan ee dalkeenna ka jirta ee keenay in Itoobiya looga maarmi waayo nabad ilaalin iyo la dagallanka AS.

Reer Koonfur Galbeed lama saxiixan MoU bad lagu bixiyey Itoobiya, ATMIS kuma soo darin ciidankeeda nabad ilaalinta, heshiiska difaaca ah ee ciidankeeda ATMIS ka baxsan dalka ku joogaanna lama gelin, waa dulmi iyo gardarro waxa loo beegsado.

Soomaaliyeey waa in aan garawsanaa in ku xadgudubka gobonimada dalkeena uusan qabiil ama maamul gobol midkoodna wax ka goynin. Dowlad-qaran uunbaa dal difaaci karta, waxna ka goyn karta loollaanka joqraafi siyaasadeed ee Gobolka, gaar ahaan kan la xariira amniga Badda Cas iyo biyaha Webiga Niil, iskumana heli karno in aan kala adkaanno, cadawgeenana ka adkaano, mana jiro maanta cudur nooga wayn hoggaan xumo iyo midnimo la’aan.

Daawo: Xildhibaan ku qabsaday wasaarad ka tirsan DF dalbashada lacag yar + Jawaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda sare ee wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa hortegay xildhibaanno ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo la xisaabtan la yeeshay hoggaanka wasaaradda, si wax looga waydiiyo wax-qabadkooda.

Kulanka waxaa goobjoog ahaa wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadan iyo agaasimaha guud Dr. Guuleed Cabdijaliil, waxayna su’aallo uga jawaabeen guddiga ay hortageen ee labada gole.

Arrimaha wax laga waydiiyay waxaa kamid ah lacag $12 milyan ah oo loogu talagalay in lagu hormariyo machadka caafimaadka iyo waxa hortaagan iyo illaa iyo hadda.

Xildhibaan Cabdulqaadir oo kamid ah xubnaha kulanka ka qayb-galay ayaa su’aal ka keenay sababta ay wasaaradda caafimaadka u dalbato lacago yar, ayada oo haysto fursado muhiim ah oo ay ku qaadan karo lacago badan oo ay ku socod siiyo shaqadeeda.

“Waxaa jirta in sanadkii hore lacag yar aad dalbateen maxaa sababay adinkoo lacagtaas mashruuca loogu talagalay sanad kasta lacag badan la dalban karo, ma kabaasigiina yar, macquul maahin in 2021 mashaariic soo bilaabatay illaa iyo hadda la dhaho lacag yar ayaa laga isticmaalaa? ayuu waydiiyay xildhibaan Cabdulqaadir oo kulanka ka qayb-galay.

Intaasi kadib waxaa hadalka qaatay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, Mudane Guuleed Cabdijaliil oo si faah-faahsan uga jawaabay su’aasha xildhibaanka, wuxuuna hoosta ka xariiqay in aanu gaabis jirin, isla markaana lacagahaasi ay qaar ka isticmaaleen, laguna fuliyay mashaariic muhiim ah, kuwa kalena ay soo socdaan.

“Gaabis la sheegi karo hadda ma jiro lacagaha loogu talagalay mashruuca lama wada isticmaalin, laakiin waxbaa laga isticmaalay, waxaana usoo gudbi karaa is xisaab ah oo dukuminti ah” ayuu ku jawaabay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka.

Agaasime Guuleed ayaa sidoo kale ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan mashruuca Damal Caafimaad iyo sida looga faa’iideystay, kaas oo la gaarsiiyay gobollo badan.

“Mashruuca Damal Caafimaad wuxuu ka kooban yahay 4 qaybood lacagta loogu talagalay mashuuraca 75% waxay aadeysay adeeg bixin waxa soo haray waxay isugu jiraan lacago loogu talagalay in mashruuca dadka maamulaayo ay mushaaraad u noqdaan inta soo hartayne wasaaradda karaankeeda lagu dhiso” ayuu mar kale agaasime Guuleed.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Si guud mashruucaan bilaabashadiisa daaha ku yimid ayaa waxaa dhana sameeyay”.

Itoobiya oo soo bandhigtay gantaallada balastikada ee M-20 iyo qorshaheeda

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya oo haatan xiisad xoogan ay kala dhexeyso dalalka Soomaaliay iyo Masar ayaa qaaday tallaabo uga sii dari karto xiisadda haatan taagan, taas oo laga cabsi qabo inay dagaal isku rogto.

Maamulka Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa hadda qaaday dhabihii dagaalka, wuxuuna soo badhigay hub culus oo ay ku jiraan Gantaallada Balastikada ee M-20, waxayna tani muujineysaa in Itoobiya ay markan diyaar garowday dagaal toos ah.

Wararka ayaa sheegaya in gantaalladan oo Sawirradooda lagu baahiyay baraha bulshada iyo ciidamo la geyn doono magaalooyin u dhow xadka Soomaaliya, gaar ahaan D.D.S.

Sidoo kale Itoobiya waxa ay 24-kii saac ee lasoo dhaafay sameysay dhaq-dhaqaaq xoogleh oo ay uga jawaabeyso tallaabooyinka ay qaadaan Soomaaliya iyo Masar oo dhowaan wada gaaray heshiis difaac, sidoo kalena ku ballamay in Masar ay ciidamo usoo dirto gudaha Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa sii hurin karta xiisadda haatan ka taagan gobolka oo ku dhow in la’is fara saaro, maadaama dhinacyadu uu mid kasta sameynayo dhaq-dhaqaaq iyo abaabul ciidan.

Dhankooda Soomaaliya iyo Masar ayaa go’aan ku gaaray inay si wadajir ah u sameeyaan dhoolatus milatari, xilli ay xiisad xooggan ka taagan tahay gobolka.

Dhoolatuskan ayaa la filayaa in la qabto bishan dhexdeeda, ayada oo ay ka qeyb qaadan doonaan ciidamada dhulka, cirka iyo badda ee labada dal, sida laga soo xigtay illo dhanka ammaanka oo ku dhow Masar.

“Dhoolatusku wuxuu diri doonaa fariin cad oo ku saabsan sida ay nooga go’an tahay iskaashiga iyo ilaalinta Soomaaliya. Waxay macnaheedu noqon doonaan wax ka badan kaliya dhoolatus dagaal,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha ammaanka dalka Masar.

Si kastaba, dhoolatuskan ayaa isna u muuqda mid sii kordhin karo xiisadda u dhaxeysa labada dal ee Jaamacadda Carabta iyo Itoobiya, sida ay saraakiisha ammaanku sheegeen.

Sisi oo maanta tegay Turkiga iyo qorshe culus oo socda

0

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-Sisi ayaa maanta booqasho ku tegay dalka Turkiga, kadib in ka badan 10 sano oo xiriirka labada dal uu liitay.

Booqashada Madaxweynaha Masar ayaa muujinaysa dhamaadka colaad muddo sanado ah u dhaxaysay isaga iyo madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan.

Masar iyo Turkiga ayuu cilaaqaadkoodu meesha ka baxay markii xukunka si awood ah looga tuuray madaxweynihii hore ee Masar, Maxamed Mursi, taasi oo Turkigu ka carooday.

Sidoo kale Turkiga ayaa xiligaas qaaday talaabo uu ka carooday Madaxweyne Cabdifataax Al-Sisi, kadib markii uu marti geliyey mucaaradka Masar, xiisada ayaa iskeed u qabowday, maadaama uu dhintay madaxweynihii la afgembiyey ee Masar Maxamed Mursi.

Sarkaal sare oo u hadlay Turkiga ayaa warbaahinta u sheegay in kulamada u bilowday labada madaxweyne looga arrinsanayo sidii meesha looga saari lahaa wixii khilaaf ah, isla markaana labada dal ay isaga kaashan lahaayeen sidii loo joojin lahaa colaadaha ka taagan bariga dhexe.

“Safarka Sisi ee Ankara wuxuu horseedi karaa xiriir cusub oo ganacsi, siyaasadeed iyo mid militeri, waxayna Masar iyo Turkiga ka bilaabi doonaan iskaashigooda, sidii loo joojin lahaa dagaalada ka socda Bariga Dhexeo o kan Xamaas iyo Israa’iil uu ugu horeeyo,” ayuu yiri.

Dareenka ay wadaagaan labadaan wadan ee ku aadan duulaanka Israa’iil ay ku heyso dadka reer Falastiin ayaa soo dedejiyey in la hagaajiyo cilaaqaadka Masar iyo Turkiga.

Bishii Febraayo sidaan oo kale ayuu Madaxweynaha Turkiga u booqday Masar, sidoo kale khilaafkii labada wadan ka dhexeeyey ayaa aad u sameeyey dhaqaalahooda.

Khilaafka u dhaxeeya Sooamaliya iyo Itoobiya ayaa ku jira ajendaha ay ka wadahadlayaan Turkiga iyo Masar, maadaama labada dal ay garab siinayaan Soomaaliya, Masar ayaa ku soo biireysa howlgalada ka socda Soomaaliya, halka Turkigu uu horay u joogay dalka, waxayna ka mideysan yihiin qadiyadda difaaca Soomaaliya.

QM oo war culus kasoo saartay tallaabo ay qaaday Puntland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa Talaadadi shalay ugu baaqday Dowladda Soomaaliya, in ay carruurta ka yar da’da 18-ka sano ee lagu xakumo dilka toogasho aanan lagu fulin ciqaabtaasi.

Bayaan ay si wada jir ah u soo saareen Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta iyo colaadaha hubaysan, iyo Guddiga Qaramada Midoobay ee xuquuqda carruurta, ayay ku sheegeen in ay aad uga walaacsanyihiin isla markaana ay si adag u cambaareynayaan xukun dil ahaa oo 17-kii bishi na dhaaftay ee August ee sannadkaan 2024-ka lagu fuliyay afar dhallinyaro ahaa, taas oo ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee Puntland.

Dhallinyaradaasi da’da yaraa ayaa lagu helay danbiyo ay galeen inti ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.

Dhammaan afarta wiil ee dhalinyarada ahaa ee la toogtay ayay da’doodu ka yareeyd 18 sano, xilliga ay dambiyada galeyeen sida ay xaqiijiyeen guddiga xaqiijinta da’da ee Puntland.

Saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa bayaankooda ku sheegay, in maamulada Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xasuusinayaan, in Axdiga Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Carruurta, Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta iyo sidoo kale Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, ay dhammaan ku qeexan yihiin, in ilmo uu yahay qof kasta oo da’diisu ka yar tahay 18.

Saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo dhammaan carruurta ku xiran xabsiyada, isla markaana loo gacan geliyo Qaramada Midoobay si carruurta looga taageero dhaqan celinta.

Isha: VOA

Dagaal beeleed lagu hoobtay oo ka dhacay GALGADUUD

0

Caabudwaaq (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed dib uga qarxay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, kaas oo dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Bali-Seenyoone oo u dhaxeeya magaalooyinka Caabudwaaq iyo Cadaaado, wuxuuna soo gaaray illaa xalay, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ugu yaraan 10 qof oo isugu jiro dhinacyadii dagaalamay ayaa ku geeriyooday dagaalkan, halka ay ku dhaawacmeen 20 kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in beelaha dagaalamaya ay isku haystaan dhul bannaan oo ku yaalla halkaasi, waxayna arrintu ay isku rogtay dagaal uu dhiig badan ku daatay.

Xaaladdaya ayaa maanta kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa goobihii lagu dagaalamay oo ay isku horfadhiyaan labada dhinac.

Sidoo kale ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay Galmudug oo ku aadan dagaalkaasi lagu hoobtay ee ka dhacay deegaankeeda.

Gobollada dhexe oo ay weli ka socdaan howlgallo xorey ah ayaa waxaa haddana ka qarxay dagaal beeleedyo wajiyo kala duwan leh oo saameyn ku yeeshay Galgaduud iyo Mudug.

SHIINAHA oo madaxda Afrika ku qancinaya qorshe faa’iido weyn u leh dalkiisa

0

Beijing (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Beijing ee caasimadda Shiinaha ka dhacaya shir madaxeedka Shiinaha iyo dalalka Afrika, kaas oo la filayo in lasoo gaba-gabeeyo lixda bishaan September.

Madaxweyne Xi Jinping ayaa la filayaa in uu isku dayo in madaxda Afrika uu ku qanciyo in ay Shiinaha ka iibsadaan alaabo badan.

Qorshahan ayuu Shiinaha rabaa in Afrika uga iibiyo wax soo saarkiisa, sida baabuur korontada ku shaqeysa ee Shiinaha, iyo alaabaha kale ee tiknoolojiyadda ee uu Shiinaha soo saaro.

Tan ayaa Shiinaha u horseedi karta faa’iido aan caadi aheyn, xilli uu dhaqaale badan ku bixiyo dalalka Afrika, oo ku loolamaan dalal ay kamid yihiin Mareykanka.

Dhinaca kale, madaxda Afrika ayaa iyaguna la rajeynayaa in ay shirka la tagaan qorshayaal ay Shiinaha uga dalba doonaan maalgashigiisa Africa iyo in uu iibsado wax soo saarka qaaradda Africa.

Shirka Shiinaha iyo Afrika ayaa waxaa diirada lagu saari doona iskaashi dhinaca tiknoolajiyaddii, iyada oo Shiinaha uu ka qeyb ka qaatay dhismaha kaabayaasha dijitaalka ee Afrika, wuxuuna kalkaan daneynaya sidii isbeddel cusub qaarada Afrika ugu sameyn lahaa gaar ahaan dhinaca dijitaalka.

Si kastaba, Qaaradda Afrika ayaa waxaa si weyn ugu loolamayaa quwadaha ugu dhaqaalaha badan dunida oo Shiinaha kamid yahay, waxaana loo arkaa shirkaan mid muhiim u ah iskaashiga Afrika iyo Shiinaha.

Xogta howlgal culus oo lagu laayay Al-Shabaab badan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay howl-gallo ay iska kaashadeen ciidamada Xoogg dalka iyo saaxibada caalamiga ah oo 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe.

Howlgalka koowaad oo ka dhacay tuulada Geed Ma’arke oo hoos tagta Degmada Ruunirgood ayaa waxaa lagu Khaarijiyay 14 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadib markii la duqeeyay, iyaga oo isku aruursanayay halkaasi.

Sidoo kale howlgalka labaad oo ka dhacay deegaanka Ceel Heelle ayaa waxaa isna lagu dilay 5 xubnood oo kale, halka lagu burburiyay gaadiid iyo saldhigyo kale.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Muqdisho, 4 September 2024: ku dhawaad 19 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibada caalamka kaas oo ka dhacay deegaanno ka kala tirsan gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

Hawlgalka koowaad oo socday muddo ka badan 24-saac ayaa ka dhacay tuulada Geed Ma’arke oo hoos tagta Degmada Ruunirgood, halkaas oo ay isku diyaarinayeen Khawaarijta,  goobtaas ayaa lagu dilay ilaa iyo 14 ka tirsan Khawaarijta.

Hawlgalka labaad ayaa lagu beegsaday goob Isbaaro u ahayd cadowga oo ay doonayeen inay ku baadaan dadka safarka ah, kuna taalla deegaanka Ceel Heelle, waxaana goobtaasi lagu dilay shan xubnood oo Khawaarij ah.

Sidoo kale fariisinka Ceel Heelle waxaa lagu burburiyay gaadiid dagaal oo cadowgu kala soo baxsadeen halka uu ka dhacay howlgalka koowaad, kuwaasi oo ay ku jiraan gaari nooca loo yaqaano Cabdi-Bilaha iyo gaari booyad ah.

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya geesiyaasha shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka ayaa labo jibbaarey howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, iyadoo dowladda ay ka go’antahay ciribtirka cadowga Khawaarijta ah.

Goob ay isku urursanayeen Al-Shabaab oo la duqeeyay

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay duqeyn culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab laga fuliyay qaybo kamid ah gobolkaasi, taas oo dhalisay khasaare xoogleh.

Duqeynta ayaa si gaar ah uga dhacday deegaanka Cali Hayle oo u dhow xadka ay wadaagaan gobollada Galgaduud ee Shabeelaha Dhexe, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka, waxaana lagu garaacay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ka hadlay weerarkan dhanka cirka ah ayaa sheegay in lagu beegsaday saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaas, isla markaana laga war helin dhaq-dhaqaaq iyo abaabul ay ka wadeen deegaanka lagu duqeeyay.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in khasaare culus lagu gaarsiiyay howlgalkan, sidoo kale lagu burburiyay saldhigyo iyo xarumo muhiim ah oo ay ku lahaayeen deegaanka Cali Hayle.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi dhanka cirka ee lagu qaaday.

Duqeyntan waxaaka horreysay mid kale oo ka dhacday deegaano hoostaga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay ku sugan yihiin Shabaab kale.

Deegaanada Galmudug ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo xoreyn ah, isla markaana ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

Dowladda Mareykanka oo qaaday tallaabo ka dhan ah hogaamiyaha cusub ee Xamas

0

Gaza (Caasimada Online) – Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa Talaadadi shalay ku dhawaaqday eedo danbiyeed oo ka dhan ah hoggaamiyaha Xamaas Yaxya Sinwaar iyo saraakiil kale, kuwaas oo lala xiriirnayo in ay ka danbeeyeen weerarkii todobadii October ay Xamaas ku qaadday waqooyi Isra’iil.

Maxkamad heer federal ah oo ku taalla magaalada ayaa madaxda Xamaas ku soo oogtay 7 fal-danbiyeed oo ay ku jiraan shirqoolka ah in taageero agab ah loo fidiyo urur argagixiso shisheeye taasoo keentay dhimasho, shirqool dil muwaadiniin Maraykan ah iyo shirqool lagu maalgelinayo argagixisada.

Waxay kaloo dacwadani ku eedeysay Iran iyo ururka Xibsullah ee Lubnaan, in ay taageero isugu jiro dhaqaale iyo hub ay ka mid yihiin gantaallo iyo saanad millatari siiyeen Xamaas, isla markaana Xamaas hubkaasi u adeegsatay weerarki waqooyiga Isra’il.

Yaxya Sinwaar ayaa hadda ku dhuumaaleysanayo surin la isaga duso oo dhulka hoostiisa ah oo ku yaalla Marinka Gaza. Waxaa horay madaxiisa dil u dul dhigtay dowladda Isra’il.

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay, in saddex ka mid ah eedeysanayaasha la rumeysanyahay in ay dhinteen.

Xasan Sheekh iyo Afwerki oo ka wadahadlay qodobo xasaasi ah + Sawirro

0

Beijing (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Eritrea Isaias Afwerki ayaa kulan-doceed ku yeeshay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha oo shir weyn ay uga qeyb gelayaan.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha Gobolka.

Sidoo kale labada Madaxweyne ayaa xoojiyey ahmiyadda iskaashiga dagaalka lagula jiro argagixisada iyo sare u qaadida danaha istaraatijiyeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Eritrea.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha, halkaasi oo uu kaga qeyb galayo Shir madaxeedka Afrika iyo Shiinaha.

Shirkan oo muhiimad weyn u leh xiriirka labada dhinac ee Afrika iyo Shiinaha ayaa lagu gorfey doonaa iskaashiga dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, ganacsiga, warshadaha, caafimaadka iyo amniga.

Waxaa xusid mudan in shirkaas uu ka qeyb gelayo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, xili uu taagan yahay khilaaf adag oo ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana suurtagal ah in kulamo ay Shiinaha ku dhex maraan dhinacyada ama ugu yaraan ergo ka kala socota.

Sidoo kale waxaa shirkaas ka qeyb gelaya madaxweynayaasha Masar iyo Eritrea oo sida Soomaaliya uu khilaaf qarka u saaran gacan ka hadal kala dhexeeyo Itoobiya, waxaana socda isku day qaar kamid ah madaxda Afrika ay ku doonayaan inay ku dhex-dhexaadiyaan dalalka gobolka ee is khilaafsan.