26.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

Dowladda Mareykanka oo qaaday tallaabo ka dhan ah hogaamiyaha cusub ee Xamas

0

Gaza (Caasimada Online) – Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa Talaadadi shalay ku dhawaaqday eedo danbiyeed oo ka dhan ah hoggaamiyaha Xamaas Yaxya Sinwaar iyo saraakiil kale, kuwaas oo lala xiriirnayo in ay ka danbeeyeen weerarkii todobadii October ay Xamaas ku qaadday waqooyi Isra’iil.

Maxkamad heer federal ah oo ku taalla magaalada ayaa madaxda Xamaas ku soo oogtay 7 fal-danbiyeed oo ay ku jiraan shirqoolka ah in taageero agab ah loo fidiyo urur argagixiso shisheeye taasoo keentay dhimasho, shirqool dil muwaadiniin Maraykan ah iyo shirqool lagu maalgelinayo argagixisada.

Waxay kaloo dacwadani ku eedeysay Iran iyo ururka Xibsullah ee Lubnaan, in ay taageero isugu jiro dhaqaale iyo hub ay ka mid yihiin gantaallo iyo saanad millatari siiyeen Xamaas, isla markaana Xamaas hubkaasi u adeegsatay weerarki waqooyiga Isra’il.

Yaxya Sinwaar ayaa hadda ku dhuumaaleysanayo surin la isaga duso oo dhulka hoostiisa ah oo ku yaalla Marinka Gaza. Waxaa horay madaxiisa dil u dul dhigtay dowladda Isra’il.

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay, in saddex ka mid ah eedeysanayaasha la rumeysanyahay in ay dhinteen.

Xasan Sheekh iyo Afwerki oo ka wadahadlay qodobo xasaasi ah + Sawirro

0

Beijing (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Eritrea Isaias Afwerki ayaa kulan-doceed ku yeeshay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha oo shir weyn ay uga qeyb gelayaan.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha Gobolka.

Sidoo kale labada Madaxweyne ayaa xoojiyey ahmiyadda iskaashiga dagaalka lagula jiro argagixisada iyo sare u qaadida danaha istaraatijiyeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Eritrea.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha, halkaasi oo uu kaga qeyb galayo Shir madaxeedka Afrika iyo Shiinaha.

Shirkan oo muhiimad weyn u leh xiriirka labada dhinac ee Afrika iyo Shiinaha ayaa lagu gorfey doonaa iskaashiga dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, ganacsiga, warshadaha, caafimaadka iyo amniga.

Waxaa xusid mudan in shirkaas uu ka qeyb gelayo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, xili uu taagan yahay khilaaf adag oo ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana suurtagal ah in kulamo ay Shiinaha ku dhex maraan dhinacyada ama ugu yaraan ergo ka kala socota.

Sidoo kale waxaa shirkaas ka qeyb gelaya madaxweynayaasha Masar iyo Eritrea oo sida Soomaaliya uu khilaaf qarka u saaran gacan ka hadal kala dhexeeyo Itoobiya, waxaana socda isku day qaar kamid ah madaxda Afrika ay ku doonayaan inay ku dhex-dhexaadiyaan dalalka gobolka ee is khilaafsan.

Rag soo dhacay $10,000 oo Muqdisho lagu qabtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa galabta shir jaraa’id qabtay, isagoo shaaciyey in lasoo qabtay dad badan oo loo heysto dhac dadweyne, kuwaas oo shabakad lacag badan dhacday ay ku jirto.

Kiisaska uu boolisku soo bandhigay waxaa ugu weyn in lasoo qabtay rag dhacay 10 kun oo doollar, waxaana ku socota baaritaan, sida uu sheegay Afhayeenka Booliska.

“Waxaa lasoo qabtay dad dhacay lacag gaareysa 10 kun oo doolar, kuwaas oo ahaa shabakad isku xiran oo dadka ku dhacay qaab farsameysan, baaris ayaana ku socota ayuu yiri Afhayeenka Booliska.

Afhayeenka ayaa xaqiijiyay in ciidamada ammaanka ay soo qabteen burcaddii ugu badneyd, kadib howlgallo qaatay laba toddobaad oo laga sameeyay gudaha caasimada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu tirada dadka lasoo qabtay ku sheegay inay gaarayaan 70 ruux oo qaarkood kasoo muuqday baraha bulshada, iyaga oo gaysanaya dhac toos ah.

“Ilaan 70 oo isugu jiro dhac hubeysan iyo dad dhacay lacag gaareyso $10 kun oo shabakad ahaa si farsameysan uga dhacay dadkii lahaa hantidaas ayaa lasoo qabtay,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska.

Cabdiftaax Aadan Xasan ayaa sidoo kale xusay in dhammaan dadkan la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Dadkan waxay isugu jiraan kuwa toos maxkamadda loo horgeyn doono oo cadeyntoodii wata iyo kuwa baaris ay u dhiman tahay, lana caddeyn doono dambigooda” ayuu hadalkiisa raaciyay Afhayeenka Booliska.

Ku dhowaad 100 qof oo loo haysto dambiyo culus oo lagu soo bandhigay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay gudaha magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ayaa xaqiijiyay in ciidamada ammaanka ay soo qabteen burcaddii ugu badneyd, kadib howlgallo qaatay laba todobaad oo laga sameeyay gudaha caasimada.

Sidoo kale wuxuu tirada dadka lasoo qabtay uu ku sheegay illaa 70 ruux oo qaarkood kasoo muuqday baraha bulshada, iyaga oo gaysanaya dhac toos ah.

“Ilaan 70 oo isugu jiro dhac hubeysan iyo dad dhacay lacag gaareyso $10 kun oo shabakad ahaa si farsameysan uga dhacay dadkii lahaa hantidaas ayaa lasoo qabtay” ayuu yiri.

Cabdiftaax Aadan Xasan ayaa sidoo kale xusay in dhammaan dadkan la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Dadkan waxay isugu jiraan kuwa toos maxkamadda loo horgeyn doono oo cadeyntoodii wata iyo kuwa baaris ay u dhiman tahay, lana caddeyn doono dambigooda” ayuu raaciyay.

Waxaa kale oo uu u mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed oo uu sheegay inay ku garab siiyeen booliska soo qabashada eedeysanayaasha hadda xiran

“Soo qabashada kooxahan waxaa sahashay wada shaqeynta Booliska iyo Shacabka Soomaaliyeed” ayuu mar kale yiri afhayeenku.

Maalmihii dambe ayaa waxaa gudaha caasimada howlgallo ka waday ciidamada Booiska, kuwa Xasilinta Caasimada iyo Nabad-sugidda, si looga hortago falalka amaan darrida ah.

Odayaasha Koonfur Galbeed oo ka horyimid tallaabadii maamulka Lafta-gareen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladaha soo kordhay, gaar ahaan taageeradii Koonfur Galbeed ee ciidanka Itoobiya.

Odayaashan ayaa si weyn uga soo horjeestay tallaabadii uu qaaday maamuka uu hoggaamiyo Cabdicasiis Laftagareen iyo dibad-baxyadii ka dhacay gobolka Bakool.

Mid kamid ah odayaasha oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in marnaba aysan taageeri doonin Itoobiya, ayna yihiin dad Soomaaliyeed oo leh dal xor ah.

“Annaga Itoobiyaan ma nihin,mana noqon doono Soomaali ayaa nahay, Digil iyo Mirifle ayaa nahay” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha ka hadlay kulanka.

Nabdoon kale oo isna hadalka qaatay ayaa ku eedeeyay maamulka Koonfur Galbeed inuu soo qasbay shacabkii dibad-baxay, wuxuuna sheegay in dadkaas ay waayeen daryeel dowladnimo.

“Ummaddaas wacyigelin bey wayday gacan qabad ayay wayday, dul taagnaasho ayay wayday, waana lasoo qabsay” ayuu yiri.

Kadib tallaabadii Koonfur Galbeed ee taageerada loogu muujiyay Itoobiya ayaa waxaa dalka uu galay marxalad cusub, kadib markii xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo kasoo jeeda deegaanada maamulkaasi ay iyaguna dhankooda taageero u muujiyeen dowladda Itoobiya.

Xagee ayey ku dambeeyeen lacagihii Al-Shabab ka qaadi jireen garoonka iyo dekedda?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo maanta ka hadlay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay arrimo ku aadan dagaalka dhaqaale ee lagu qaaday Al-Shabaab.

Al-Cadaala ayaa shaaca ka qaaday in la cuuryaamiyay dhaqaalihii kooxda, isla markaana la joojiyay inta badan lacagihii baadda ahaa ee ay ka qaadi jireen shacabka.

Wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku guuleystay iay jarto lacagihii Al-Shabaab ka heli jirtay garoonka iyo dekedda Muqdisho, taas oo uu tilmaamay inay xoog uga qaadan jirtay ganacsatada Soomaaliyeed.

“Waxaa la jaray tubooyinkii uga furnaa dekadda iyo garoonka mana jiro garoon iyo dekad ay canshuuraan” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Al-Cadaal ayaa sidoo kale farriin u diray shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqa inay garab istaagaan dowladda, si looga hortago dhibaatada Al-Shabaab.

“Fursaddan waxaan uga faa’iideysanayaa inaan baaq u diro bulshada Soomaaliyeed oo aan u sheego waddankeena haddii ay mushkilo ka jirto dhibaatada ugu ballaara waxaa iska leh Khawaarijta waana wax ay toos u sababeen iyo wax ay si dad badan u sababeen” ayuu raaciyay.

Waxaa kale oo uu yiri “Caqabadda koowaad in adeegga dowladda uu gaaro shacaba cidda hortaagan waa Khawaarijta, haddii ay dowladnimadeenna nutineyso waa iyada”.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay dagaal dhowr waji leh ugu qaaday Al-Shabaab, waxaana ugu muhiimsanaa dagaalka tooska oo lagu xoreeyay dhul ballaaran iyo midka dhaqaalaha.

DF oo talaabo culus qaaday, kadib isbaaro lasoo dhigtay duleedka MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa maanta soo xiray askari isbaaro dhigtay duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo dhowaan muuqaalkiisa lagu baahiyay baraha bulshada ee Internet-ka.

Eeedeysanaha oo lagu magacaabo Faysal Ibraahim Samow ayaa loo haystaa inuu gaadiidka lacago baad ah uga qaadayay deegaanka Weydow ee degmada Garasbaaley ee gobolka Banaadir.

Booliska ayaa sheegay in laga qaadi doono tallaabo adag oo sharciga waafaqsan, isla markaana la horgeyn doono maxkamad.

“Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Dharkenleey ayaa gacanta kusoodhigay eedaysane Faysal Ibraahim Samow oo ku eedaysan inuu isbaaro u dhigtay muwaadiin Soomaliyeed deegaanka weeydow” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale booliska ayaa uga digay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya inay ku xad-gudbaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, maadaama uu jiro amar sare oo kasoo baxay madaxda dalka.

“Anagoo fulinayna amarka madaxda Qaranka waxaan markale uga digaynaa ciidamada kala duwan ee Dowlada in ay lacago baad ah ka qaadaan shacabka” ayaa lasii raaciyay qoraalka.

Soo qabashada askarigan waxay ku timid, kadib markii baraha bulshada lagu baahiyay muuqaalkiisa, isaga oo lacag baad ah ka qaadaya mid kamid darawallada BL-ka ee ka shaqeeya waddada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, taas oo dhalisay falcelin xoogan.

Masar iyo Soomaaliya oo samaynaya dhoola-tus ciidan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya iyo Masar ayaa go’aan ku gaaray inay si wadajir ah u sameeyaan dhoolatus milatari, xilli ay xiisad xooggan ka taagan tahay gobolka.

Dhoolatuskan ayaa la filayaa in la qabto bishan dhexdeeda, ayada oo ay ka qeyb qaadan doonaan ciidamada dhulka, cirka iyo badda ee labada dal, sida laga soo xigtay illo dhanka ammaanka oo ku dhow Masar.

“Dhoolatusku wuxuu diri doonaa fariin cad oo ku saabsan sida ay nooga go’an tahay iskaashiga iyo ilaalinta Soomaaliya. Waxay macnaheedu noqon doonaan wax ka badan kaliya dhoolatus dagaal,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha ammaanka dalka Masar.

Soomaaliya iyo Masar ayaa dhawaan gaaray heshiis dhanka difaaca, ayada oo uu bilowday qorshe ay ciidamada Masar uga qeyb noqonayaan howl-galka cusub ee nabad ilaalinta Soomaaliya.

Xogta dhoolatuskan wadajirka ah ayaa soo baxeysa maalin uun kadib markii Qaahir ay sheegtay inay Golaha Ammaanka ee QM u gudbisay qoraal ay uga hortimid wax ay ugu yeertay “siyaasadda halka dhinac ee Itoobiya ee ku aaddan biyo xireenka Gerd.”

Qaahira ayaa diiday inay Itoobiya ku sii socoto dhamaystirka dhismaha biyo xireenka iyo buuxinta kaydkeeda, iyada oo aan laga tashi galin Masar.

Si kastaba, dhoolatuskan ayaa u muuqda mid muujin kara in uu sii kordhin karo xiisadda u dhaxeysa labada dal ee Jaamacadda Carabta iyo Itoobiya, sida ay saraakiisha ammaanka u sheegeen The National.

Baarlamaanka Somaliland oo go’aan ka gaaray xasaanad ka xayuubinta xildhibaan Abiib

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta la geeyay xasaanad ka xayuubinta Xildhibaan Maxamed Abiib Yuuusuf, oo shalay la xiray.

Mudaneyaasha golaha ayaa cod aqlabiyad ah ku diiday xasaanad ka xayuubinta la geeyay golaha, ayada oo sidaas uu ku burau qorshaha xukuumadda Muuse Biixi ay rabtay inay golaha uga saarto Abiib.

57 xildhibaan oo saaka ka soo xaadiray golaha ayaa 3 muddane oo kamid ah ogolaadeen in maamuus ka xayuubin lagau sameeyo xildhibaan Maxamed Abiib, halka ay diideen 51 xildhibaan.

Sidoo kale waxaa ka aamusay 2 muddane, iyada oo guddoomiyuhuna uusan codeyn, waxaana sidaas kusoo dhamaatay soo jeedintii xeer ilaalinta ee maamuus ka xayuubinta xildhibaan Maxamed Abiib.

Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa shalay lagu xiray magaaladda Hargeysa, illaa haddana golaha wakiilada arrintaan kama bixin faah-faahin, marka laga imaado inuu cod aqlabiyad ah ku diiday qorshihii xukuumadda rabtay in golaha looga saaro Abiib.

Xildhibaanka ayaa hadda waxa uu ku xiran yahay xabsiga Mandheera, oo u dhexeysa magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, sida ay sheegeen xubno kala duwan oo ka tirsan xisbiyada iyo ururada mucaaradka.

Xabsigan ayaa ay mid fac weyn oo ilaa berrigii kacaanka dadka lagu xiri jiray, waana xabis horey loogu xiray siyaasiiyiin badan oo reer Somaliland ah.

Waa xabsi badanaa la la doonto dadka la doonayo in aanan la booqan ama laga yaabo in xarigoodu horseedo booqashada iyo isu-imaatinka dad badan.

Si kastaba, dastuurka iyo xeerarka Somaliland ma ogola in la xiro mudane ka tirsan golaha wakiilada ilaa inta marka ugu horreyso laga qaadayo xasaanada, waana midda maanta soo dadajisay in xukuumadda ay golaha geyso xasaanad ka xayuubinta Abiib, taas oo socon weysay kadib markii ay ka codeeyeen inta badan xildhibaannada.

Sawirro: Xasan Sheekh oo billaabay qorshe culus oo ka dhan ah gardarrada Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay qaar kamid ah diblomaasiyiinta caalamiga ah ee Muqdisho ku sugan, isagoo warbixin ka siiyey xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee gilgileysa gobolka.

Kulamada oo gaar ahaa ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh maanta la yeeshay xubno ay ka kid yihiin Ergeyga joogtada ah ee Denmark u fadhiya Qaramada Midoobay Ms. Christina Markus Lassen, safiirka Denmark ee Soomaaliya Steen Sonne Andersen iyo Agaasimaha siyaasadda horumarinta iyo maaliyadda ee Afrika Mr. Ketil Iversen Karlsen.

Villa Somalia waxay qoraal Twitter-ka lagu baahiyey ku sheegtay in kulamadaas looga wadahadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga istiraatijiyadeed ee Soomaaliya iyo Denmark ee dhinacyada amniga, isbeddelka cimilada, dowlad-dhisidda, iyo horumarka.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen xubno xog ogaal ah, Madaxweynaha iyo diblomaasiyiinta uu maanta qaabilay ayaa kulamadooda diiradda ku saaray xiisada Itoobiya iyo Soomaaliya, waxayna madaxweynaha la wadaageen walaaca ay qabaan iyo in wadahadalku uu xal u yahay xiisadaan.

Waxaa jiray kulan kale oo isla maanta uu Xasan Sheekh xafiiskiisa kula yeeshay Safiirka dalka Sweden u fadhiya Soomaaliya Joachim Waern, kaasi oo si gaar ah ula kulmay Madaxweynaha.

“Madaxweynaha iyo danjiraha intii uu socday kulankooda waxay sahmiyeen siyaabaha loo sii wanaajin karo iskaashiga Soomaaliya iyo Sweden ee dhinacyada muhiimka ah ee danaha iyo faa’iidada u leh labada dhinac,” ayaa lagu yiri qoraal ay madaxtooyadu ka soo saartay kulankaas.

Xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa hadda weli joogta dagaal adag oo diblomaasiyadeed, waxaana muuqata in Soomaaliya ay ku adkaatay dagaalka diblomaasiyada, isla markaana ay dunida tustay inay Itoobiyaanku qaldan yihiin.

Markaan waxaa laga cabsi qabaa inuu bilowdo gacan ka hadal, maadaama dalal kale oo Masar iyo Turkiga ay ugu horeeyaan ay soo farogiyeen xiisadda, isla markaana soo garab istaageen Soomaaliya, iyagoo dalka keensaday ciidan, diyaarado iyo dabaabaad ciidan.

Sida loo qabtay xildhibaan Abiib iyo halka lagu hayo – Xog

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ayaa kasoo baxaysa xariga Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, kaasi oo shalay lagu xiray magaalada Hargeysa.

Xildhibaanka laga soo doorto Gobolka Awdal ayaa horey u wajahayay dacwad Xeer-ilaalintu ay ku dooneyso in laga qaado xasaanada si ay ugu soo oogaan eedeymo la xiriira faafinta sirta ciidanka,

Kalfadhiga bilowga ah ee dhowr jeer laga dhex baafiyay Xildhibaan Abiib ayaa la filayay in uu ka go’aan gaaro codsiga xeer-ilaalinta ee xasaanad ka xayuubinta mid ka mid ah xildhibaanada ku cusub Golaha Wakiilada Somaliland, ee muddo koobaan caan uga dhex noqday golahaas.

Sida loo qabtay xildhibaan Abiib

Xildhibaan Maxamed Abiib oo ah mid ka mid kuwa ugu magaca weyn xildhibaanada laga soo doorto gobolka Awdal, oo ay xiisad siyaasadeed oo la xiriirta heshiiskii Addis Ababa iyo Hargeysa ka taagneyd, ayaa saacado dheer ku xiran meel aanan si rasmi ah loo shaacin oo ka mid ah gudaha Somaliland.

Xildhibaan ayaa horey u wajahayay eedeymo dhowr ah oo uu ka gudbiyay xafiiska Xeer-Ilaalinta Somaliland, kuwaas oo ay ka mid yihiin qaran-dumisnimo, sumcad dilka ciidanka, u-hiilin cadow, iyo ka-hor-imaanshiyaha danaha qaranka.

Waxa la xiray xilli uu kasoo dagay diyaarad FlyDubai oo ka timid Dubai, halkaas oo uu ku maqnaa muddo.

Waxa uu ka maqnaa kulamadii Golaha kadib markii dib loo furay, iyada oo dhowr jeer laga dhex baafiyay fadhiga isaga iyo xubno kale oo fasax la’aan ka maqnaa kulada.

Sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadkii xildhibaan ku sugayay garoonka diyaaradaha Cigaal, waxaa Xildhibaanka oo akhbaar moog ah laga dhex qabtay goobta ay ku nastaan dadka madaxda ah ee garoonka ka dhoofaya ama kasoo degaya wax yar uun markii uu soo galay.

Koox rag dharcad ah oo ka tirsan sirdoonka Somaliland ayaa garbaha ka galay xildhibaanka iyaga oo weydiistay in uu soo raaco.

Si aan rabshad iyo is-jiid-jiid laheyn ayuu Xildhibaan Abiib u galay gaari ay wateen ciidamada dharcadka ah. Ciidankaas ayaa watay saddex gaari oo muddo dheer ba ku sugayay xildhibaanka banaanka garoonka, sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka xildhibaanka ku sugayay goobta.

Wixii markaas ka dambeeyay dib looma arag, ciidamada amniga iyo sirdoonka Somaliland kama aysan hadlin.

Xildhibaanka hadalka badan ee su’aalaha badan waxa uu noqonayaa xildhibaankii labaad oo la xiray inta ay jirto xukuumada madaxweyne Muuse Biixi.

Xildhibaan kasoo jeeday Sool ee lagu magacaabo Maxamed Axmed Dhakool ayaa sanadkii 2019kii noqday xildhibaankii ugu horreeyay ee gudaha Somaliland lagu xiro.

Maxkamada gobolka ayaa diiday xarig xildhibaankaas, go’aanka oo ay xukuumada iyo hay’adaha amniga ay iska indho-tireen, sida uu sheegay sharciyaqaan Mubaarik Cabdi Ismaaciil, oo sheegay in Xildhibaan Dhakool sideed iyo afartan maalin kadib lagu sii daayay dedaalo ay sameeyeen odeyaasha dhaqanka.

Murashaxa Xisbiga Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi “Cirro” ayaa xarigga xildhibaanka ku tilmaamay mid dastuurka lagu jabinayo, iyada oo hadal kaas la mid ah uu jeediyay guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka ee xubinta ka ahaa xildhibaanka la xiray ee Kaah, Maxamuud Xaashi.

“Xadhigga Xildhibaan Maxamed Abiib waa gef sharci iyo Dastuur Jabin cad,” ayuu ku yiri bartiisa Facebook Cabdiraxmaan Cirro.

“Waxaan u aragnaa gef midnimada iyo wada-jirka umadda laga galayo, waxaan u aragnaa tallaabo lagaga gal-galanayo doorashada afaafkeedii la joogo,” ayuu yiri guddoomiye Maxamuud Xaashi.

Maxamuud Xaashi ayaa ka mid ahaa tiro xildhibaano Somaliland ah oo ahaa kuwii ugu horreeyay ee ee xukuumadii madaxweynihii geeriyooday ee Cigaal ay eedeysay sanadkii 2000dii.

Halka lagu xiray xildhibaan Abiib  

Baadigoob ay hoggaanka xisbiga Waddani iyo Urur Siyaasadeedka Kaah inay ku ogaadaan halka lagu hayo Xildhibaan Maxamed Abiib iyo inay booqdaan si ay xaalkiisa usoo ogaadaan ayaa guuldarro kusoo dhamaaday kadib markii ay booqdeen xarunta dembi-baarista Somaliland oo markii hore la tuhmayay.

“Madax fara badan baa tagtay xaruunta CID-da meelo badnna haddaan ku soconaa inaanu ka war-doonno ilaa iyo hadda ma sugna lamana yaqaanno meel la geeyay,” ayuu yiri Maxamuud Xaashi.

Waxaa kale oo markii dambe beenoobay tuhun ah in xildhibaanku ku xiran yahay xarunta sirdoonka Somaliland.

Xubno kala duwan oo ka tirsan Xisbiyada iyo ururada mucaaradka ayaa sheegay in ay ogaadeen in Xildhibaan Maxamed Abiib ku xiran yahay xabsiga Mandheera, oo u dhexeysa magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.

Waa xabsi fac weyn oo ilaa berrigii kacaanka dadka lagu xiri jiray. Warqad kasoo baxday Golaha Wakiilada Somaliland oo lagu canbaareeyay xariga xildhibaanka waxaa lagu xaqiijiyay in xildhibaanka hadda lagu hayo xabsiga Mandheera, oo horey siyaasiiyiin badan oo reer Somaliland ah loogu xiray.

Waa xabsi badanaa la la doonto dadka la doonayo in aanan la booqan ama laga yaabo in xarigoodu horseedo booqashada iyo isu-imaatinka dad badan.

Dastuurka iyo xeerarka Somaliland ma ogola in la xiro mudane ka tirsan Golaha Wakiilada ilaa inta marka ugu horreyso laga qaadayo xasaanada. Kalfadhi aan caadi ahayn oo ay horey u yeesheen Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ku guuldareystay in xasaanada looga xayuubiyo xildhibaanka, sida uu codsaday xafiiska Xeer-ilaalinta Somaliland.

Ciidanka RRU-da ee lagu eedeeyey xariga Abiib

Sannadkii 2012 ayaa la aasaasay RRU (unugta hawlgalka degdegga), waxayna ka mid yihiin Ciidanka Birmadka ee Booliska Somaliland oo markii hore la oran jiray SPU (Unugta ilaalada gaarka ah). Ciidanka Birmadka ee Somaliland wuxuu ka kooban yahay labadaas qaybood ee kala ah RRU iyo SPU.

SPU hawshooda ugu weyn waxay ahayd inay ilaaliyaan amniga hay’adaha iyo diplomaasiyiinta, laakiinse unugta RRU oo si wanaagsan u tababaran una qalabaysan ayaa lagu soo kordhiyey 2012.

Dhaqaalaha iyo tababarka

Dawladda Ingiriiska ayey wararku sheegayaan inay ciidankaas ka taageeri jirtay dhaqaalaha. Sidoo kale wuxuu ingiriisku ka taageeri jiray dhanka tababarka, laakinse dawladda Ingiriisku marnaba si toos ah ugama aysan hadlin taageerada ay siiso ciidanka RRU ee Somaliland.

Tababarka ciidankaas ay qabaan ayaa la mid ah kan milateriga, waxaana durba billowday cabasho in laga keeno, taaso la xiriirta in isbeddel lagu sameeyo RRU.

Mid ka mid ah dadka aadka uga hadli jiray qaabka hawlgal ee ciidankaas oo aynaan magaciisa sheegayn sababo amni dartood ayaa ka warramay sababta ay u saluugsanaayeen qaabka ay ciidankaas u dhaqmaan “ciidankan waxay qabaan tababar la mid ah kan milateriga, waxaana loogu tala galay inay argagixisada la dagaallamaan, sidaa darteedna ma ahayn in shacab loo adeegsado, waayo waxay isticmaalayaan awood aad u xad dhaaf ah.”

Cabashada ka imaanaysay ciidankaas markii ay badatay ka dib ayey dawladda ingiriisku joojisay taageeradii dhaqaale iyo tababar ee ay ciidankaas siin jirtay.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa joojinta dhaqaalihii ingiriisku ku bixin jiray ciidankaas u xaqiijiyey diblomaasiyiin uu la hadlaayey 2020.

“Waxaa muhiim ah in hoosta laga xariiqo in dhaqdhaqaaqyada argagixisada UK oo kaliya ay taageeraysay qaybaha la dagaallanka argagixisada ee RRU iyo SPU waxaana taageerada UK ay dhamaanaysaa 31 Maarso, waxayna arrintan sugaysaa dalalka xubnaha ka ah midowga Yurub oo uu ku jiro danjiraha midowga Yurub inay galaan beddelka gargaarkii xukuumadda UK ay ku bixin jirtay unugyada la dagaallanka argagixisada ee Somaliland.”

Isha: BBC

Sawirro: Shir xasaasi ah oo laga yeeshay xaaladda Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka furmay shir muhiim ah oo looga hadlayo xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha bani’aadanimo ee ka jira gudaha dalka.

Shirkan oo uu daah-furay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac ayaa waxaa soo qaban qaabisay Hay’adda SoDMA, waxaana sidoo kale ka qayb-galaya wakiilo caalami ah oo ka socda hay’adaha Samafalka.

Muddada uu socdo shirka ayaa waxaa looga hadlay xaaladaha la xariira arrimaha bani’aadannimo ee dalka, iyadoo diiradda lagu saaray xaaladaha bani’aadannimo ee hadda taagan.

Sidoo kale waxaa lagu qiimeyn doonaa wixii qabsoomay iyo in meesha laga saaro caqabadaha ka jira arrimaha gargaarka.

Guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macallin oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shirkan la qabto lixdii biloodba mar, isla markaana uu horay uga qabsoomay magaalooyinka Baydhaba iyo Kismaayo.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in kulankan diiradda lagu soo saarayo xaaladaha adag ee la xiriira nolosha ee ka taagan Soomaaliya, si gaar ah abaar uu sheegay in la filan karo bilaha soo socda.

Maxamuud Macallin ayaa sheegay inay ku jiraan diyaar garow guud, si looga jawaabo xaalad kasta oo bani’aadanimo oo soo kororta.

Soomaaliya ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay abaaraha iyo fatahaadaha, taas oo saameyn ku yeelatay nolosha qoysas badan oo Soomaaliyeed.

Danjire Daahir Geelle: Itoobiya waxay kasoo horjeeddaa in Soomaaliya ay dhisato…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta XFS Ambassador Daahir Maxamuud Geelle oo ka hadlay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa sheegay arrin ay kasoo horjeedan Itoobiyaanka.

Danjire Geelle ayaa sheegay in Itoobiya ay kasoo horjeedo, isla markaana ay dhib ku tahay in Soomaaliya ay dhisato ciidan awood leh.

“Itoobiya waxay kasoo horjeedaa oo dhib ku ah in Soomaaliya ay dhisato ciidan awood leh, waana midda ay ka jiifan la’dahay,” ayuu yiri wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya Amb. Daahir Maxamuud Geelle.

Sidoo kale wuxuu intaas sii raaciyay in daan-daansiga Itoobiya uusan salka ku hayn heshiiska lala galay Masar, balse ay diiddan tahay in ay Soomaaliya xoog yeelato ama amni iyo horumar ay gaarto.

Ugu dambeyntiina wuxuu sheegay in Itoobiya ay ka dhaadhici la’dahay “in aynu nahay laba dal oo deris ah oo aynu nabad ku wada noolaano iyo in ay Soomaaliya u madax-banaanan karto danaheeda guud iyo cidda ay xiriirka la samaysanayso.

Xiisadda labada dal ayaa sare u kacday todobaadkan markii ay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya soo gaareen labo diyaaradood oo nooca C-130 oo laga leeyahay dalka Masar.

Tallaabadan ayaa muujineysa billowga heshiiskii horraantii bishii August la saxiixay markii madaxweynaha Soomaaliya uu booqasho ku tagay magaalada Qaahira.

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masaari ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika dhamaadka sanadkan, iyadoo 5,000 oo kale la sheegay in si gaar ah loogu daabuli doono, taas oo durba oo walaac xooggan ay ka muujisay Itoobiya.

Xogta safarka Xasan Sheekh uu ku tegay Beijing + Sawirro

0

Beijing (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha.

Madaxweyne Xasan iyo wafdiga uu horkacayo ayaa halkaasi uga qeyb-gali doona shir madaxeedka Afrika iyo Shiinaha oo ka furmaya magaalada Beijing ee dalkaasi.

Shirkan oo muhiimad weyn u leh xiriirka labada dhinac, ayaa lagu gorfeyn-doonaa iskaashiga dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, ganacsiga, warshadaha, caafimaadka iyo amniga.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale waxaa lagu wadaa inuu kulamo gooni-gooni ah la qaato madaxda sare ee dowladda Shiinaha iyo xubnaha kale ee qeybta ka ah shirkaan.

Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir diblumaasiyadeed wanaagsan, ayada oo Beijing ay siiyo xukuumadda Muqdisho taageero dhowr jiho ah, wuxuuna shirkaan qeyb muhiim ah ka qaadan doona iskaashiga labada dhinac.

Si kastaba, dowladda Shiinaha ayaa kamid ah dowladdaha taageerada siiya Soomaaliya, ayada oo dhowr jeerna ay labada dhinac heshiisyo kala duwan kala saxiixdeen, kuwaasi oo qeyb ka ah horumarinta Soomaaliya.

Somalia tightens control over coastal waters with new rules

0

Mogadishu (Caasimada Online) – Somalia has enacted stringent new maritime regulations to manage vessel movement within its territorial waters better.

Announced by the state-owned Somalia National News Agency (SONNA) over the weekend, the directive marks a significant step in the country’s efforts to reassert control over its vast, historically under-regulated coastline.

Under the new rules, any vessel entering or operating within Somali national waters must fly the Somali flag. Additionally, ships passing through Somali waters must notify the country’s maritime authorities and adhere to the Ministry of Ports and Marine Transport regulations.

This move is part of a broader strategy to strengthen Somalia’s sovereignty over its maritime domain, which spans one of the longest coastlines in Africa.

Reviving the maritime sector

Introducing these regulations is a crucial component of Somalia’s broader initiative to revive its maritime sector, which has suffered from years of neglect due to prolonged civil unrest.

Since the collapse of the central government in 1991, Somalia’s naval laws, last updated in 1989, have become outdated and ineffective, leaving the nation vulnerable to illegal, unreported, and unregulated (IUU) fishing.

Estimates suggest that Somalia loses up to $300 million annually due to such illicit activities, making it imperative to modernize its maritime governance.

By mandating the flying of the Somali flag and requiring vessels to report their presence, Somalia aims to establish greater oversight and control over its waters.

This move is expected to curtail IUU fishing and other illegal activities, such as piracy and toxic waste dumping, which have plagued the region for decades.

Geopolitical Implications in the HofA 

Somalia’s new maritime directive also comes against increasing geopolitical tensions in the Horn of Africa. One significant development is the recent agreement between Ethiopia and Somaliland, a self-declared independent region of Somalia, regarding using the Berbera port in the Gulf of Aden.

This agreement grants Ethiopia access to the port without the requirement to fly the Somali flag, as Somaliland does not recognize Mogadishu’s authority.

The situation presents a complex challenge for Somalia’s new regulations, as the country’s central government in Mogadishu needs to recognize Somaliland’s independence.

The lack of a unified approach to maritime governance could lead to conflicts or inconsistencies in how these regulations are enforced, particularly in the waters off Somaliland.

Adding to the complexity, Djibouti has recently offered Ethiopia alternative access to the Port of Tadjourah, potentially reducing Ethiopia’s reliance on the Berbera port.

These regional developments highlight the strategic importance of Somalia’s coastline and the need for a coherent and enforceable maritime policy.

Strengthening naval capabilities 

To bolster its maritime security, Somalia signed an earlier this year defense and economic pact with Turkey. The agreement includes provisions for Turkey to train and equip the Somali navy, enhancing its capabilities to combat terrorism, piracy, IUU fishing, and other maritime threats.

This partnership is a critical element of Somalia’s strategy to regain control over its coastal waters and protect its maritime resources.

The Somali coastline has gained a notorious reputation as a hub for piracy, particularly during the peak of pirate activity in the early 2000s. Although international naval patrols, such as the European Union’s EUNAVFOR Atalanta mission, have reduced the incidence of piracy in the region, recent events suggest a resurgence.

Last December, Somali pirates captured the Maltese-flagged bulker Ruen, marking the first successful hijacking of a commercial vessel off the Somali coast since 2017. This incident, along with others involving both small fishing boats and large merchant ships, underscores the ongoing security challenges in the region.

Emerging threats 

In addition to piracy, Somalia is facing new security threats, including the potential use of suicide drones by insurgent groups. Just last week, authorities in Puntland, a semi-autonomous region in northeastern Somalia, seized a cache of drones believed to be linked to Al-Shabaab or ISIS-Somalia.

These drones, which were allegedly smuggled through Bosaso port, represent a significant escalation in the tactics employed by terrorist groups operating in the region.

The discovery of these drones comes at a time of heightened concern over a possible alliance between Al-Shabaab and Houthi rebels in Yemen, who have been targeting merchant shipping in the Gulf of Aden.

U.S. intelligence has warned that such an alliance could further destabilize the region, posing a direct threat to international shipping routes.

International efforts and future outlook

In response to these emerging threats, the European Union’s EUNAVFOR Atalanta mission, initially launched in 2008 to combat piracy off the coast of Somalia, has seen renewed focus.

Although there were discussions in recent years about scaling back international naval patrols to encourage Somalia to take greater responsibility for its maritime security, the resurgence of piracy and the rise of new threats have underscored the need for continued international cooperation.

As Somalia moves forward with its new maritime regulations, the success of these efforts will largely depend on the country’s ability to enforce the rules and address the broader security challenges in the region.

With the support of international partners like Turkey and the continued vigilance of global naval forces, Somalia has an opportunity to reclaim control over its waters and secure its maritime future.

However, the complexities of regional geopolitics and the ongoing threats from piracy and terrorism will require sustained attention and a coordinated approach.

Benjamin Netanyahu oo dib isaga riixay arrin dowladda Mareykanka ku cadaadinayso

0

Tel Aviv (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Israel Benjamin Netanyahu ayaa dib isaga riixay cadaadis gudaha iyo dibadda uga yimid Isniinti, kaas oo looga dalbanayo in uu aqbalo heshiis xabbad-joojin ah oo uu la gaaro Xamaas, si loo dhameeyo coladda Gaza iyo in dib Isra’il loogu celiyo la heystayaasha reer Isra’il ee ku sugan Gaza.

Cadaadiskan ayaa yimid, kaddib marki lix ka mid ah la heystayaasha meydadkooda laga helay god dhulka hoostiisa ah oo ay ku hayeen Xamaas. La heystayaasha ayaa la sheegay in la dilay wax yar ka hor inta aysan ciidamada Isra’il gaarin halka lagu hayay.

Natanyahu ayaa sheegay in aysan jirin cid uga dadaal badan sii deynta la heystayaasha, isla markaana uusan aqbaleyn in arrintaasi loogaga khudbeeyo.

Wuxuu kaloo ku celiyay in Isra’il ay dib ula wareegeyso Marinka Gaza, gaar ahaan dariiqa loo yaqaanno Philadelphi ee isku xira Rafax iyo Masar, halkaas oo uu sheegay in ay tahay marinka Xamaas loo soo mariyo hubka.

Xamaas iyo Masar labaduba waa ay beeniyeen eedda Natanyahu.

Boqollaal kun oo Israa’iiliyiin ah ayaa habeenki Axadda ku mudaaharaaday magaalooyinka waaweyn, iyaga oo dalbaday in xukuumadda Natanyahu ay aqbasho heshiiska xabbad-joojinta Gaza si loo soo daayo la heystayaasha.

Mudaaharaadyo kale ayaa xalay ka dhacay bannaanka guriga Natanyahu ee bartamaha Qudus, iyo sidoo kale bannaanka hore ee xisbiga Likud ee uu hoggaamiyo Natanyahu.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Isniintii sheegay in Natanyahu uusan shaqo wax ku ool ah ka qaban wadahadallada heshiiska xabbad-joojinta iyo sii deynta la heystayaasha. Isaga oo sheegay.

Dhanka kale, Dowladda Ingiriiska ayaa Isniinti ku dhawaaqday in ay joojineyso qaar ka mid ah hubka ay u dirto Isra’il, sababo la xiriira iyada oo ka baqeysa in ay ku jabiso xeerarka caalamiga ah.

Daawo: Maxkamadeynta qoys si yaab leh ula shaqey jiray Al-Shabab oo billaabatay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta lasoo taagay qoys lacago badan u aruuriyey kooxaha Khawaarijta ah, qoyskaan ayaa ka kooban Aabe labadiisa xaas iyo gabadhiisa.

Lacag dhan $12,615,109.9 ayuu qoyskaan akoonadiisa u marsiiyey Al-Shabaab, waxaana ogaatay dowladda Soomaaliya.

Akoonada la marsiiyey lacagtaan ayaa ku dhow 10, waxaana la keenay cadeymo muujinaya in lacagtaas ay gacanta u gashay Al-Shabaab, sida uu cadeeyey xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.

Aabaha reerka waxaa la weydiiyey lacagta ay Shabaab sii jireen markii uu u sameeyo hal akoon, iyadoo la adeegsanayo magaciisa, wuxuuna sheegay in lasii jiray 25 doolar oo kaliya.

“Dalaal ayaan ahaa, waxay Shabaab igu dhaheen noo soo sheeg guryaha beeca ah iyo kuwa la iibsado, waxaa jira rag sideyda oo kale ula shaqey jiray,” ayuu yiri eedeysane Xasan oo ah Aabaha reerkaan lii heysto maalgelinta Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay in akoonada lagu sameeyey magacyada gabdhahaan uu isagu ka dalbaday, isagoo sheegay in wax baqdin ah uusan ka qabin dowladda, isla markaana uusan ogeyn in la ogaan karo.

Howlaha wadashaqeynta qoyskaan iyo Al-Shabaab ayaa socday muddo lix bilood ah, waxaana akoonadooda lagu gudbiyey lacag ka badan 13 milyan oo gashay gacanta Al-Shabaab, sida uu sheegay dembi oogaha kiiskaan.

Hoos ka daawo

Dhageyso: Jabuuti ma waxay Itoobiya siineysaa dekad ganacsi mise saldhig militery?

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay inay Ethiopia u soo bandhigtay hindise cusub oo xalin kara baahida ay Ethiopia u qabto helista marin biyood, laguna xalin karo khilaafka ka taagan gobolka oo hadii uu gacan ka hadal isu bedello saameyn kara guud ahaan dalalka gobolka.

Hindisaha Jabuuti ayaa ah in Ethiopia ay ka hesho deked dalka Jabuuti, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Maxamuud Cali Yuusuf, balse wuxuu cadeeyey in dekedda ay u yaboohayaan Ethiopia ay tahay mid ganacsi oo aysan ku jirin mid milatari, rajana ay ka qabaan in Ethiopia ay ka soo jawaabto.

“Hadii dagaal dhaco gobolkeena oo dhan ayuu saameynayaa, Soomaaliya iyo Itoobiya waxaan ku dadaali doonaa inay xal u helaan khilaafkooda, waxaan nahay wadan yar oo hoggaamiya IGAD, laakiin talooyinkeena aad ayaa loo dhageystaa, labada dhinacba waa na ixtiraamaan, waxaan Alle ka rajeynaa inaan ku guuleysano xalinta khilaafkaan,” ayuu yiri wasiirka u hadlay Jabuuti.

Wasiirka Maxamuud ayaa rajo badan ka muujiyey in khilaafka labada dalka wadahadal lagu dhameyn karo, “madaxda labada dal hadii ay wada fariistaan oo wax badan falanqeeyaan waxaan aaminsanahay in wax kasta diblomaasiyad lagu dhameyn karo,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti.

Sidoo kale wasiirka oo hadalkiisa cadeeyey ayaa sheegay in Itoobiyaanku ay u baahan yihiin deked ay wax kala soo degaan, in kastoo baahida dekedaha ay u bahaan yihiin ay badan tahay, hadana wuxuu sheegay in deked ganacsi ay siinayaan, hadii xal loogu helayo khilaafkaan.

Wasiirka ayaa sheegay in Itoobiya ay la wadaageen in dekedaan ay uga qeyb qaadanayaan xal u helidda khilaafka kala dhaxeeya Soomaaliya ee salka ku haya dekedaha, wuxuuna sheegay inay ka war sugayaan jawaabta Itoobiya.

“Waxa aan Itoobiya u ogolnahay saldhig military kuma jiro, ganacsiga bulshada inuu ka faa’iideyso ayaan ugu talagalnay, intaas wax dheer malaha, waana la wadaagnay masuuliyiinta ugu waaweyn dalkaas, gaar ahaan Ra’iisul Wasaaraha, waana ka sugeynaa jawaabtooda,” ayuu yiri Wasiir Maxamuud Cali Yuusuf.

Hoos ka dhageyso wareysi uu siiyey VOA

 

Xog: Laba arrin oo sabab u ah kala furashada madaxweyne FARMAAJO iyo FAHAD

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa shalay shaaciyay inay kala furteen madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ay ahaayeen saaxiib dhow oo siyaasadeed.

Kadib shaacinta Fahad ee  ay kala tageen saaxiibka, waxaan baaris ku ogaanay in kala-gurashada madaxweynihii hore ee Farmaajo iyo isaga ay salka ku hayso laba arrimood oo xasaasi ah, kuwaasi oo kala ah;

1. Xiriirkii dowladda Qatar

Sida aan xogta ku helnay, waxaa si toos ah isugu xirmay Farmaajo iyo sirdoonka Qatar oo markii hore uu wakiil ka ahaa Fahad Yaasiin. Dood iyo khilaaf tallaabadan ka dhashay ayaa muddo soo jiitamayay, illaa uu soo dedejiyay kala-furashada xulafadii Nabad iyo Nolol.

Xiriirka tooska ah ee Farmaajo iyo Qatar waxaa caawiyay saluug ay labada dhinacba ka qabeen hannaankii uu Fahad u maareeyay qarashaadkii ay dawladda Qatar ku bixin jirtay taageeridda nidaamkii Farmaajo iyo ololihii dib-u-doorashada ee guuldarreystay 15-kii May 2022.

2. Raalli-gelinta Xigta iyo Raadinta Xeelad Xuub-dhacsi

Wararku waxa ay sheegayaan in Farmaajo uu in muddo ah la kulmayay cadaadis uga imaanaya jilba-culusta beeshiisa oo ay ku jiraan ganacsato uu taakulo siyaasadeed ka helo, kuwaas oo ku qancinayay in uu heysto fursad uu isaga nadiifin karo eedihii loo heystay maamulkiisa, taas oo ay shardi uga dhigeen in uu iska fogeeyo raggii xulufada la ahaa sida Fahad Yaasiin.

Farmaajo, oo u muuqda mid aragtidaas la dhacay, ayaa la soo werinayaa inuu hadda quud-darreynayo in gefafkii iyo garaafooyinkii siyaasadeed ee ka soo gaaray muddo xileedkiisi hore uu ku geddiyo raggii talada la lahaa, kaddibna uu xulufo cusub kasbado isaga oo isku ekeysiinaya nin dib u saxaya wixii uu qalday.

Waxaa muuqata in dhaxalkii shanta sano ee Nabad iyo Nolol uu ku soo dhammaaday dhaliilo laga kala dhuumanayo.

Hase ahaatee, si kasta oo ay raggii wada joogay u kala jeestaan, waxaa calaamad su’aal saaran tahay sida ay ugu suurtogeli doonto in uu mid kasta goonidiisa u soo xiro xisaabaadkii hore ee ay dartood u kala xarig-furteen.

“Xildhibaanada Itoobiya taageeray waa in sawiradooda liis madow la galiyo haddii…”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed ayaa meel adag iska taagay in baarlamaanka Soomaaliya laga taageero Itoobiya oo ku kacday xad-gudub ka dhan ah qarannimada dalkeenna.

Xildhibaan Ilyaas ayaa dalbaday in liiska madow la galiyo sawirada xildhibaannada ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya taageerada u muujiyay Itoobiya oo ay xilligaan is-hayaan Soomaaliya.

“Xildhibaanada Itoobiya taageeray hadii ay cudur daaran waayaan sawiradooda liis madow hala galiyo, waxaan ka xumahay in aan kamid noqdo baarlamaanka 11-aad oo taariikhda u gashay taageerada Itoobiya,” ayuu yiri xildhibaan Ilyaas oo kamid ah mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Waxa uu intaas kusii daray “Siyaasadda waa isku riix-riixi karnaa ee waa idinka qaldantay ee soo laabta, haddii aad ku dhiiran weydaan maalinta adag ee ku jirno, waxaan rabaa umadda Soomaaliyeed sawiradooda waa haysataan ee liis madow galiya oo wax dambe ha ka aqbalina.”

Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Itoobiyaanka aysan u tureyn gobol ama qabiil gaar ah ee ujeedkoodu yahay boobka dhulka Soomaaliyeed, “si isku siman ayey u rabaan in ay noo boobaan oo noo dhacaan.”

“Mustaqbalka caruurtayda iyo caruurta Soomaaliyeed ayaa u daneynaya, taariikhda umadda Soomaaliyeed ayaa rabaa in aan u daneeyo ee qof walba dalkaaga adiga leh ee dhulkiisa iyo baddiisa loo socdaa oo wax aan siyaasadeyn karno maaha.”

Dad badan ayey fajaciso ku noqotay in xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay taageero u muujiyaan Itoobiya oo haatan ku kacday xad-gudub ka dhan ah qarannimada dalkeenna, maadaama aysan aheyn waxa la isku hayo wax mucaaradad gala.

Hoos ka daawo muuqaalka