27.2 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

“Xildhibaanada Itoobiya taageeray waa in sawiradooda liis madow la galiyo haddii…”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed ayaa meel adag iska taagay in baarlamaanka Soomaaliya laga taageero Itoobiya oo ku kacday xad-gudub ka dhan ah qarannimada dalkeenna.

Xildhibaan Ilyaas ayaa dalbaday in liiska madow la galiyo sawirada xildhibaannada ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya taageerada u muujiyay Itoobiya oo ay xilligaan is-hayaan Soomaaliya.

“Xildhibaanada Itoobiya taageeray hadii ay cudur daaran waayaan sawiradooda liis madow hala galiyo, waxaan ka xumahay in aan kamid noqdo baarlamaanka 11-aad oo taariikhda u gashay taageerada Itoobiya,” ayuu yiri xildhibaan Ilyaas oo kamid ah mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Waxa uu intaas kusii daray “Siyaasadda waa isku riix-riixi karnaa ee waa idinka qaldantay ee soo laabta, haddii aad ku dhiiran weydaan maalinta adag ee ku jirno, waxaan rabaa umadda Soomaaliyeed sawiradooda waa haysataan ee liis madow galiya oo wax dambe ha ka aqbalina.”

Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Itoobiyaanka aysan u tureyn gobol ama qabiil gaar ah ee ujeedkoodu yahay boobka dhulka Soomaaliyeed, “si isku siman ayey u rabaan in ay noo boobaan oo noo dhacaan.”

“Mustaqbalka caruurtayda iyo caruurta Soomaaliyeed ayaa u daneynaya, taariikhda umadda Soomaaliyeed ayaa rabaa in aan u daneeyo ee qof walba dalkaaga adiga leh ee dhulkiisa iyo baddiisa loo socdaa oo wax aan siyaasadeyn karno maaha.”

Dad badan ayey fajaciso ku noqotay in xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay taageero u muujiyaan Itoobiya oo haatan ku kacday xad-gudub ka dhan ah qarannimada dalkeenna, maadaama aysan aheyn waxa la isku hayo wax mucaaradad gala.

Hoos ka daawo muuqaalka

Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ka dhex oogan oo weji cusub yeelatay kadib markii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa weji cusub yeelatay, kadib markii ay dowladea Itoobiya soo saartay bayaan u muuqday baqdin, goodin iyo doonis qarsoon.

Qoraal ayd dhawaan soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee waddanka Itoobiya ayaa lagu sheegay inay Itoobiya si dhow ula socoto dowladdo raba inay xiisad ka abuuran gobolka Geeska Afrika.

Addis Ababa ayaa ku goodisay in aanay gacmaha laaban doonin, iyada oo dhinacyadaasi qal-qal amni ka abuurayaan gobolka. Inkasta oo bayaanka Itoobiya dal gaar ah lagu xusin, haddana waxay Itoobiya ku riixday Soomaaliya inay gacan-saar la leedahay kooxo u ooman inay xasillooni darro ka abuuran gobolka.

Bayaanka Itoobiya waxaa ku jirtay inay ka walaacsan dariiqa uu ku socdo gobolka. Farriinta Itoobiya ayaa kusoo aaday 24 saac kadib markii diyaarado milateri oo Masar leedahay ay kaalmo milateri geeyeen Soomaaliya.

Labada dal ee Soomaaliya iyo Masar ayaa dhawaan gaaray heshiis amni oo dhinaca barriga u badan, waxay kale oo Masar aqbashay inay qeyb ka noqoto howl-galka cusub ee Midowga Afrika ee ka bilaabanaya Soomaaliya bisha Janaayo ee sanadka soo aadan.

Masar iyo Itoobiya waxaa waayihii dambe ka dhex taagneyd xiisad ka dhalatay biyo xireenkii ay Itoobiya ka sameysay webiga Niil. Dadka arrimaha gobolka ka faallood waxay aaminsan yihiin inay Soomaaliya noqon karto furin cusub oo labadan dal iyo dano badan oo gobolka ah isku hirdiyaan.

Muqdisho iyo Addis Ababa waxaa dhex yaalay khilaaf tan iyo bishii Janaayo ee sanadkan, kadib heshiiskii Itoobiya ay la gashay Somaliland. Waxaana sida ay hadda wax ku socdaan bixineysa odoros uga sii dari kara xaaladda.

Masar fursad ayey u aragtaa inay hesho meel kale oo ay ka damqin karto Itoobiya kadib markii ay awoodi weysay inay joojiso biyo-xireenkii ay Itoobiyaanka ka sameeyeen aagga webiga Niilka.

Dhinaca kale, dowladda Itoobiya waxay muujineysa sida ay u diidan tahay inay ciidankeeda kala baxdo Soomaaliya ama in laga saaro howl-galka cusub ee Midowga Afrika ee dhawaan ka bilaabanaya Soomaaliya.

Waxaa la aaminsan yahay inay Mareykanka iyo dowladdo waaweyn kala hadleen in laga caawiyo rabitaankooda sii joogista Soomaaliya, iyagoo u sameeyay sababo badan oo amni.

Soomaaliya ayaa si weyn ugu dhawaatay Turkiga iyo Masar tan iyo markii ay Itoobiya soo damaacisay biyaheeda, waxaase su’aal weyn ah sida ay Muqdisho siyaasad ahaan ugu diyaarsan tahay is-waafajinta badbaadeeda iyo danaha amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay raadinayaan Masar iyo Turkiga.

Ankara ayaa weli Itoobiya u aragta saaxiib weyn ok ay ku leedahay Geeska Afrika, taas oo sidoo kale su’aal gelinaysa inta ay dhan tahay waxa ay Turkiga u huri karaan Soomaaliya marka qadiyaddan la eego ama haddii ay xaaladda faraha ka baxdo.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo nidaamkiisa ayaa dhawaan loogu baaqay inay qadiyadahan isa-saaran iyo dalalkan kala danaha ah arrintooda inay ka dhigaan mowduuc qaran oo si weyn looga doodo, si loo helo aragti intaan ka xoog badan oo loogu diyaar garoobo fal-celin walba oo ka timaada dalalka maanta la is-hayo iyo kuwa danahooda qarsoon yihiin ee dib kala imaan kara damacyo filan waa ah.

Soomaaliya inay noqoto garoonkii colaadda ee gobolka ma xiiso badan, laakiin markii dalkaaga si cad loogu soo duulo waxaa ku qasban tahay in aad qoriga dabka dhinacaaga ka qabsato oo aad ugu yaraan muujiso inay wax walba ka suurtooban haddii aan lagu nabad-gelin.

Daawo: Shirka beesha Sacad oo laga soo saaray bayaan xasaasi ah oo loogu digay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirweynaha aaya ka tashiga beesha Sacad ee dagta Mudug iyo Galgaduud oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa laga soo saaray war-murtiyeed xasaasi ah, oo looga hadlay arrimo dhowr ah oo qeyb ka tahay doorashada maamulka Galmudug.

Shirka oo ay ka qeyb ka ahaayeen waxgaradka, odayaal dhaqameedka beesha, ganacsato, siyaasiyiin iyo xildhibaannada labada aqal ee DFS iyo kuwa Galmudug ayaa waxaa looga arrinsanayay xaaladdaha ka jira dalka iyo deegaannada beeshu dagto, iyadoo si gaar ah loo gorfeeyay dadaallada nabadeynta ee socda, iskacaabinta duullaanka Shabaab iyo tabashooyin ka dhashay siyaasadda maamulka Galmudug.

Shirka oo ay kasoo baxeen go’aanno culus ayaa loogu baaqay beelaha dega Galmudug in ay iska wareystaan xaaladda amni, tan siyaasadeed iyo midda horumarineed ee ka jirta deegaanadda si loo badbaadiyo Galmudug, isla markaana loo yagleelo nidaam doorasho oo looga gudbo jahwareerka siyaasadeed ee ka jira Galmudug.

Go’aanadda kasoo baxay shirka oo dhowr qodob ah ayaa u dhignaa sidan;

1. Shirku wuxuu cambaaraynayaa hadalada khiyaanada qaran ah ee kasoo yeeray qaar ka mid ah xildhibaanada federaalka ll ay ku taageereen cadowga ummadda Soomaliyeed ee Ethiopa, isla markaana uga horyimaadeen heshiiskii taariikhiga ahaa ee dowladda shexe la gashay dalka Masar ee aannu walaalaha nahay. Shirka ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu baaqaya in ay u middoobaan difaaca iyo madaxbannaanida dalkooda.

2. Shirka wuxuu xaqiijiyay madaxbannaanida dawladda Soomaaliya, kuna tilmaamay heshiisyada iyo iskaashiga dalalka kale kuwa xoojinaya wadajirka dalka iyo dadka.

3. Shirweynuhu wuxuu ugu baaqayaa maamulka Galmudug inuu ka fogaado wax walba oo keeni kara deggenaansho la’aan iyo kala qaybin bulsho, taas oo dhaawici karta xasilloonida deegaanka, wiiqi karta dagaalka lagula jiro argagixisada, burburinna karta waanwaanta laga dhex wado beelaha colaaddu kala irdheysay.

4. Maadaama uu dhammaaday muddo xileedkii maamulka Galmudug, Shirku wuxuu ugu baaqayaa madaxda dawladda Dhexe in ay hirgaliso doorashooyin madaxbanaan oo xor ah si meesha looga saaro hubanti la’aanta siyaasadeed ee ka jirta Galmudug iyo maamuladda la midka ah.

5. Shirku wuxuu ugu baaqayaa dhammaan beelaha Galmudug in ay iska kaashadaan difaaca dalka, la-dagaallanka argagixisada, qaabaynta hirgelinta doorasho wakhtigeeda dhacda, iyo nabadaynta beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya qaar ka mid ah deegaanadda.

6. Shirka wuxuu ugu baaqayaa beelwaynta Sacad in la xoojiyo xirlirka wanaagsan ee kala dhexeeya beelaha Galmudug iyo Soomaalida kale, loona guntado sidii Galmudug loogu soo dabaali lahaa heshiisiin, isfaham iyo kalsooni deegaanka u noqota dhaxalgal.

7. Shirku wuxuu qorsheeyay diyaarinta gogol looga arrinsanayo aayaha beelwaynta Sacad oo ka dhici doonta magaalada Gaalkacyo.

Hoos ka daawo muuqaalka

Xogta kulan Xasan Sheekh uu la yeeshay madaxweyne ku-xigeennada laba maamul

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay madaxweyne ku xigeennada maamul goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland, isaga oo kala hadlay arrimo xasaasi ah.

Xasan ayaa Cali Ciid iyo Maxamuud Sayid Aadan la yeeshay kulan gaar ah, kaas oo ay sidoo kale ka qayb-galeen xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Soomaliya.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in kulankan looga wada-hadlay xaalada guud ee dalka ,arrimaha dastuurka, dorashoyinka iyo la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale lasoo wariyay in madaxda uu la kulmay ee Galmudug iyo Jubbaland uu ku boggaadiyay horumarrada ay ka sameeyeen maamulladooda iyo doorka ay ka qaateen howlgallada xoreynta ee haatan ka socda gudaha dalka Soomaaliya.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in kulanka lagu soo qaaday arrimaha siyaasadda si gaar ah doorashada, maadaama madaxda maamullada ay ka dhammaadeen muddo xileedka.

Dhincyada ayaa is dhaafsaday aragtiyo iyo sida loo wajihi karo marxaladda kala guurka ah, ayada oo ujeedka kulanan uu yahay mid Villa Somalia ugu diyaarabeyso doorashooyinka soo socda iyo isbeddalla la filan karo.

Hadal-heyn xoogan ayaa ka dhalatay is aragga madaxweyne Xasan Sheekh iyo labada madaxweyne ku xigeen maamullada Galmudug iyo Jubbaland, maadaama kulankooda uu kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla markaana xaaad kacsan laga dareemayo gudaha dalka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka jira xaalado siyaasadeed oo gudaha iyo dibadda ah, waxaana is haya dowladda iyo mucaaradka, ayada oo halkeedii weli tahay xiisadda Itoobiya.

Xildhibaan MAXAMED ABIIB oo lagu xiray Hargeysa

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Somaliland ayaa shaagaya in goordhow magaalada Hargeysa lagu xiray Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiilada maamulkaasi.

Abiib ayaa xilliga la xirayay ka yimid dalka Isu Tegga Imaaraadka Carabta, waxaana qabtay sirdoonka Somaliland, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Lama oga sababta ramsiga ah ee loo xiray xildhibaanka oo maalmo kahor isaga oo ku sugan Imaaraadka weerar afka ah xukuumadda Muuse Biixi, sidoo kalena duray SNM.

Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa muddo dheer ay is hayaan madaxweyne Biixi, waxaana dhowaan xeer-ilaalinta Somaliland uay ka gudbisay dacwad ku aadan maamuus ka xayuubin, si loo wajaho eedeymo ay usoo jeediay xukuumadda Somaliland.

Ujeedka ugu wayn ee maamuus ka xayuubinta Maxamed Abiib ayaa la xiriirtay qorshe ay wadatay madaxtooyadu oo doonayso inay xirto si loo maxkamadeeyo.

Xildhibaanka ayaa isagana iska difaacay xukuumada, wuxuuna ku laabtay Boorama oo laga soo doorto, halkaas oo uu abaabul bulsho ka sameeyay, kadib markii laga taageeray.

Si kastaba, ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Somaliland oo ku aadan xarigga Xildhibaan Maxamed Abiib, ayada oo su’aal ay ka taagan tahay qaabka loo wajahay, maadaama uu yahay xildhibaan, welina aan laga qaadin xasaanadda.

Xog: Qorshe xasaanadda looga qaadayo 20 xildhibaan + Magacyada iyo qabiiladooda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa socda qorshe xasaasi ah oo xasaanadda looga xayuubinayo 20 xildhibaan oo ku dhiiraday inay taageeraan Itoobiya oo duulaan ku ah qaranimada Soomaaliya, waxayna Caasimada Online heshay liiska magacyada xildhibaanadaas oo loo heysto dembi qiyaano qaran ah iyo qabiilada ay kasoo jeedaan.

Waxaa Muqdisho ka socda kulamo xasaasi ah oo ku saabsan arrintaan, liiska 20-kaan xildhibaan ayaa loo gudbiyey guddoonka golaha shacabka, waxaana suurtagal ah in arrintaan waanwaan laga galo, maadaama ay socdaan dadaalo badan, xildhibaanada qaarna ay sheegeen inay qaldameen oo raali gelin bixinayaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mid kamid ah 20-kaas Xildhibaan xafiiskiisa ka eryey, waxaana Cabdirashiid Jily oo akhriyey warsaxaafadeedkii xildhibaanada ka soo jeeda Koonfur Galbeed ee taageeray Itoobiya, Xildhibaan Cabdirashiid ayaa ahaa Ergeyga Madaxweynaha u qaabilsan arrimaha caafimaadka.

Liiskaan hoose ka akhriso magacyada iyo qabiillada 20-ka xildhibaan ee qarka u saaran in xasaanada laga xayuubiyo ee lagu soo oogo dembi qiyaano qaran ah:

1. Xildhibaan Dr. Abdirashid Mohamed Nor (Jilley) – Mirifle/Jiroon
2. ⁠Xildhibaan Alwiya Sayid Abdullahi – Digil/Geledi
3. ⁠Xildhibaan Luul Ibrahim Omar Hassan  – Digil/Dabare
4. Xildhibaan Sahur Haji Ulusow Hassan Digil/Shanta Caleemood
5. ⁠Xildhibaan Abdirahman Isaaq Mohamed – Mirifle/Eylo
6. ⁠Xildhibaan Abdikadir Abdirahman Dhure – Digil/Garre
7. ⁠ Xildhibaan Ali Sheikh Mohamed Nur – Digil/Shanta Caleemood
8. ⁠ Xildhibaan Hassan Abdi Noor Abdi – Mirifle/Geledle
9. ⁠ Xildhibaan Maryan Mohamed Ali  Digil/Jiido
10. ⁠ Xildhibaan Mohamed Adan Mohamed – Mirifle/Heledi
11. ⁠ Xildhibaan Mohamed Wardere Adan – Mirifle/Reer Dumaal
12. Xildhibaan Sadiq Abdullahi Abdi Hassan Mirifle/Hubeer
13. ⁠ Xildhibaan Aweys Hussein Moalim Beesha Shanaad/Hintire
14. ⁠ Xildhibaan Abdalla Hussein Ali – Dir/Biimaal
15. ⁠ Xildhibaan Farhia Mohamed Abdi – Dir/Biimaal
16. ⁠ Xildhibaan Abdullahi Mohamed Ali – Mirifle/Yantaar
17. ⁠ Xildhibaan Mukhtar Ahmed Hassan Saajid – Hawiye/Wacdaan
18. ⁠ Xildhibaan Abdulkadir Sh Ali Baraka – Mirifle/Garwaale
19. ⁠ Xildhibaan Ahmed Mashruuc Daarood/Ogaadeen
20.  Xildhibaan Mohamed Hassan Mohamed Murjaan – Digil/Tunni

DF oo beenisay arrintii uu sheegay madaxweyne Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa beenisay in dal kale lagu wareejinayo maamulka hawada Soomaaliya kadib markii ay soo baxeen warar sidaas sheegaya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal uu xalay soo saaray ku yiri “Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaan uga digaynaa hirgelinta qorshaha la xiriira in dal shisheeye ay ku wareejiyaan maamulka hawada Soomaaliyeed, taas oo ah tallaabo dhaawacaysa qarannimada iyo madaxbannaanida Soomaaliyeed.” 

Waxa uu intaas ku daray “Gacan ku haynta maamulka hawadu waa arrin taabanaya amniga Qaranka iyo madaxbannaanida dalkeenna, damaca haatan socoda ee Imaaraadka Carabta loogu wareejinayona waxa uu dib u celinayaa dadaallada naf hurka ahaa ee dib u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed.” 

“Waxaa nasiib darro ah in dano shakhsi ah oo aan laga fiirsan awgeed maanta loo burburiyo dhaxalkaas ay wadaagaan shacabka Soomaaliyeed.”

Si kastaba warkaas ayaa waxaa beeniyey Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya. 

“Hawada Soomaaliya waa astaan qaran, waxayna sameysay horumar lataaban karo tan iyo markii ay kusoo laabatay gacanta Dawladda Soomaaliya. Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay ummadda Soomaaliyeed u caddaynaysaa in aanay suurtogal ahayn in HAWADA dalka ay gacan kale umaamusho Soomaaliya mana jiro qorshe ay Dawladdu ogtahay oo arintaa suurtogal kadhigi kara,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adda. 

Warar maalmahan la isla dhex-marayey ayaa sheegayey in Imaaraadka Carabta lagu wareejinayo maamulka hawada Soomaaliya, balse wararkaas ayaa ahaa kuwa aan sal adag lahayn.

Waxaa sidoo kale jiray warar sheegayey in lacagaha hay’adda ay ka hesho diyaaradaha maraya hawada Soomaaliya lagu shubo akoono dibadeed oo ku yaalla Imaaraadka Carabta, kuwaas aan weli caddeymo loo hayn.

Farmaajo oo qaatay go’aan uu kaga tegayo saaxiibadiis iyo goorta uu la wadaagay

0

Istanbul (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa galabta shaaciyey inay iskaashigii siyaasadda ku kala tageen Farmaajo, isagoo aan bixin faahfaahin intaas dheer, waxaana soo baxaya xogo ku saabsan waxyaabihii sababay kala tagga kooxdii Farmaajo ee Nabad iyo Nolol.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulan uu dalbaday Farmaajo ayaa Arbacadii toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, halkaas oo Farmaajo uu ku soo bandhigay go’aankiisa ololaha doorashada dambe.

Farmaajo ayaa saaxiibadiis Fahad Yaasiin, Kulane Jiis iyo Cabdishakuur Cali Mire u cadeeyey in ololihiisa dambe ee doorashada aysan qeyb ka noqon doonin, wax garab ahna uusan uga baahneyn.

Sida ay sheegeyso xogtaan xubnahaasi waxay la yaabeen go’aanka uu ka qaatay hoggaamiyahoodii, dood dheer kadibna Farmaajo wuxuu ku adkeystay go’aankiisa, halka ayaguna ay u sheegeen in arrintaas ay kasoo tashanayaan.

Intaas waxaa xigtay warqadii uu galabta soo saaray Fahad Yaasiin oo sheegay in Farmaajo ay ku kala tageen wadajirkii siyaasadda, isla markaana uu u rajeynayo mustaqbal wanaagsan, isagoo aan faahfaahin ka bixin sababtii loo kala tegay.

Fahad ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku yiri “Laga bilaabo maanta, oo ay taariikhdu ku beegan tahay Ida Sebteembar 2024, waxaa soo idlaaday wadajirkii iyo wada socodkii siyaasadeed ee aan la lahaa Madaxweyne hore Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxaana cid walba u caddaynayaa in aanan qayb ka ahayn ololihiisa siyaasadeed ama doorasho.”

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Waxaan muddo ka badan 10 sano saaxiibo siyaasadeed ahayn Madaxweynihii 9aad ee dalka Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo, sidoo kalena muddo ka badan 5 sano maamulkii uu hoggaaminayay kasoo qabtay xilal kala duwan oo ii sahlay inaan dalkayga iyo dadkayga si hufan oo daacadnimo ah ugu soo adeego.

Anigoo dhawraya waayahaas wanaagsanaa ee aan isla soo marnay, misana ilaalinaya dhaqanka suubban, kana fogaanaya inaan faahfaahin ka bixiyo sababaha, waxaan ummadda Soomaaliyeed la wadaagayaa go’aannadan soo socda;

1. Laga bilaabo maanta, oo ay taariikhdu ku beegan tahay Ida Sebteembar 2024, waxaa soo idlaaday wadajirkii iyo wada socodkii siyaasadeed ee aan la lahaa Madaxweyne hore Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxaana cid walba u caddaynayaa in aanan qayb ka ahayn ololihiisa siyaasadeed ama doorasho.

2. Waxaan la yeelan doonaa dhammaan saaxiibada aan talo wadaagga nahay wada tashi iyo kulamo looga arrinsanyo ambaqaadka cusub, waana idin la soo wadaagi doonaa xilliga ku haboonaato.

3. Waxaan si mug iyo maqaam buuxa leh uga mahadnaqayaa Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo masuuliyadihii uu ii igmaday iyo kalsoonidii uu isiiyay intii uu ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda, waxaana u rajaynayaa mustaqbal wanaagsan.

4. Waxaan raalli galin buuxda siinayaa cid walba oo dhibsata go’aankan ama lama filaan ay ku noqoto, waxaanse ugu qalbi qaboojinayaa in tallaabadan ay tahay mid danta guud ee qaranka u adeegaysa, kana fog danaysi shakhsi ah.

 

Shir xasaasi ah oo u socda Sheekh Shariif iyo Guudlaawe

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in haatan shir xasaasi ah uu gobolkaas uga socdo madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha HirShabelle Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe).

Labada madaxweyne oo mar kale isugu tegay deegaanka Burka Dirineed ayaa haatan leh shir gaar ah oo looga hadlayo colaadaha kusoo laa laabtay gobolka.

Shirkan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ah wasiirro, xildhibaanno iyo odayaasha dhaqanka, si xal loogu helo colaadda beelaha ee ka jirta halkaasi.

Ujeedka shirka hadda socda ayaa ah mid lagu soo afjarayo gogol nabadeed oo muddo dheer tiilay deegaankan, waxaana lagu dhameynayaa colaadddii u dhexeysay beelaha Cabdalle Caroone iyo Celi Cumar oo marar badan ku dagaalamay halkaasi.

Mas’uuliyiinta ayaa la filayaa inay soo saaraan go’aanno culus oo xal loogu raadinayo in mar kale uusan dhiig ku daadan deegaanada dhaca xeebta ee Shabeelaha Dhexe.

Horay sidaan oo kale laba beelood oo walaalo ah ayaa lagu heshiisiiyay Burka Dirineed, taas oo iyana lasoo gabagabeeyay todobaadyo ka hor.

Dib u heshiistan ayaa waxaa waqti badan geliyay madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo kaashanaya HirShabelle iyo odayaasha dhaqanka ee deegaanka.

Si kastaba, dadaalladan ayaa meesha ka saaraya colaaddii muddada dheer ka jirtay halkaasi, gaar ahaan dagaal beeleedyada iyo dilalka la xiriira aanooyinka qabiil

Soomaaliya oo guul wayn gaartay, kadib dayn cafintii

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horumar wayn oo dhanka dhaqaalaha sameysay kadib dayn-cafintii dalka, sida uu shaaca ka qaaday wasiirka maaliyadda Biixi Iimaan Cige.

Wasiirka oo haatan ku sugan dalka Mareykanka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay hormar la taaban karo gaartay bilihii lasoo dhaafay, taasina ay ku timid guushii wayneyd ee laga gaaray Barnaamijka Dayn-cafinta.

Biixi Iimaan Cige ayaa qiray in dayn-cafintii kaddib uu dalka sameeyay horumar dhanka dhaqaalaha ah, taasina ay muujineyso dedaallada sida wadajirka ah iyo guulaha muuqado ee la gaaray.

Soomaaliya, dayn-cafinta kaddib waxa ay sameysay horumar dhanka dhaqaalaha ah, waana arrin lagu farxo, ” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Biixi Iimaan Cige.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay safarkiisa dalka Mareykanka iyo kulamo gooni gooni ah oo uu la qaatay madaxda hay’adda lacagta adduunka iyo bangiga adduunka oo uu kala hadlay halka uu dalka marayo iyo isbaddelka ka jira.

Dhinaca kale, wasiirka maaliyadda Soomaaliya ayaa boggaadiyay Soomaalida ku dhaqan Mareykanka, isaga oo sheegay  in ay jiraan dad badan oo Soomaali ah oo guullo waa weyn ka gaaray dhanka Ganacsiga, taasina loo baahan yahay.

Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay sameyneysay kobac dhaqaale oo wayn, waxaana jira fursado kale oo ay sahashay dayn-cafinta, maadaama la helayo maal-gashadeyaal caalami ah.

Isbedallada la dareemay waxay ku yimaadeen dadaalka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay sidii loogu talagalay loo qaado canshuuraha oo muhiim u ah kobaca dhaqaalaha ee guud ahaan dalka.

Maxay Itoobiya dhiillo ugu aragtaa isbahaysiga cusub ee Soomaaliya iyo Masar?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Isbaheysiga Milatari ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Masar ayaa ka socda Geeska Afrika, taas oo Itoobiya si gaar ah uga careysiisay, waxaana jira walaac laga qabo in iskaashigu uu noqdo mid ka badan dagaal afka ah.

Xiisaddan ayaa sare u kacday todobaadkan markii ay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya soo gaareen labo diyaaradood oo nooca C-130 oo laga leeyahay dalka Masar.

Tallaabadan ayaa muujineysa billowga heshiiskii horraantii bishii Agoosto la saxiixay markii madaxweynaha Soomaaliya uu booqasho ku tagay magaalada Qaahira.

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masaari ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika dhamaadka sanadkan, iyadoo 5,000 oo kale la sheegay in si gaar ah loogu daabuli doono.

Itoobiya, oo kamid ahayd dalalka caawinayay Soomaaliya marka ay noqoto dagaalka lagula jiro dagaalyahannada xiriirka la leh Al-Qaacida, isla markaana ay Masar isku hayaan biyo-xireen weyn oo ay ka dhistay webiga Niil, ayaa sheegtay in aysan “iska taagnaan doonin, xilli ay dowlado kale qaadayaan tallaabooyin xasillooni darro ku ah gobolka.”

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ka jawaab celiyay, isagoo yiri Itoobiya waa inay joojisaa “baroorta” iyadoo qof walba “uu goosan doono wixii uu beertay” taasoo muujineysa xiriirkooda diblomaasiyadeed oo hoos u dhacay muddo bilo ah.

Maxay Itoobiya uga xun tahay falcelinta Soomaaliya?

Soomaaliya kaliya ma aysan keenin ciidamada dowladda Masar oo kaliya oo Itoobiya ay u aragto cadawgeeda, balse waxay sidoo kale shaacisay in ciidamada Itoobiya aysan ka mid noqon doonin ciidamada Midowga Afrika laga bilaabo bisha Janaayo ee soo socota.

Tani waa markii saddexaad ee ciidamo lagu daabulo Soomaaliya tan iyo markii hawlgalka taageerada nabadda ee Midowga Afrika uu bilaabmay, kii ugu horreeyay waxaa la geeyay 2007 bilo kadib markii ciidamada Itoobiya ay ka soo gudbeen xadka si ay gacan uga geystaan la dagaallanka Al-Shabaab, oo markaas gacanta ku haysay caasimadda Soomaaliya.

Waxaa jira ugu yaraan 3,000 oo askari oo Itoobiyaan ah oo hoos taga howlgalka Midowga Afrika ee hadda socda, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Toddobaadkii hore, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Itoobiya ay kala baxayso 5 ilaa 7,000 oo askari oo kale oo ku sugan dhowr gobol oo heshiisyo laba geesood ah ay kala saxiixdeen, haddii aysan ka bixin heshiiska dekedda ee ay la gashay Somaliland.

Itoobiya waxay taasi u aragtaa dharbaaxo fool ka fool ah, sida uu hadalka u dhigay wasiirkeeda arrimaha dibadda, “wax-u-huriddii ay askarta Itoobiya u galeen Soomaaliya.”

Ka bixitaanka ciidamada ayaa sidoo kale Itoobiya ka dhigi doonta mid u nugul weerarada Al-shabaab, sida uu BBC u sheegay Christopher Hockney, oo ah cilmi baare sare oo ka tirsan machadka Royal United Services Institute.

Qorshaha la qorsheeyay in ciidamada Masar la geeyo xuduudkeeda bari ayaa sidoo kale Itoobiya ka dhigi doona mid cabsi gaar ah leh, ayuu raaciyay.

Masar ayaa u aragta biyo-xireenka Niilka ee Itoobiya oo ku yaal galbeedka dalka khatar jirta, waxayna ka digtay mar hore inay qaadi doonto “tallaabo” haddii ammaankeeda la halis galiyo.

Warbixintan qeybo kamid ah waxaa laga soo xigtay BBC.

Ciidamada Macawiisleyda oo isaga baxay Xarardheere

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda ay isaga baxeen guud ahaan degmada Xarardheere oo maalmahaan ay ka taagnayd xiisad ka dhalatay xilka qaadis dhowaan lagu sameeyay guddoomiyihii maamulka degmadaas, Maxamed Yuusuf Kulmiye.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in ciidamada hubeysan ee deegaanka laga saaray goobihii ay kaga sugnaayeen degmada Xarardheere, si loo qaboojiyo xaaladda magaaladaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in amar sare oo kasoo baxay madaxda dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug looga fogeeyay ciidamada Macawiisleyda magaaladaasi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa isna magaalada Muqdisho soo aaday guddoomiyihii xilka laga qaaday Maxamed Yuusuf Kulmiye oo weli diidan xilka qaadista uu ku sameeyay madaxweyne Qoor Qoor.

Shalay waxaa Xarardheere ka dhacay dagaal kooban oo dhex-maray ciidamo taabacsan guddoomiye Kulmiye iyo kuwa kale oo la socday guddoomiyaha cusub ee lasoo magacaabay, kuwaas oo ay is rasaaseyn ku dhex-martay halkaasi.

Khilaafka xilka looga qaaday guddoomiyihii hore ee Xarardheere, isla markaana dhaliyay xiisadda taagan ayaa ka dhashay hadal uu maalmo ka hor sheegay, xili uu magaaladaas ku soo dhaweynayey musharax Madaxweynaha Galmudug Liibaan Shuluq oo Xarardheere tegay.

Guddoomiye Maxamed Yuusuf Kulmiye ayaa maalinkaas sheegay in Galmudug ay ku jirto muddo kororsi, isla markaana loo baahan yahay in deg deg doorasho loo aado, basle maalintii xigtay ayuu raali gelin ka bixiyey hadalkiisii, isagoo sheegay in Galmudug uu ka taliyo Axmed Qoor Qoor, hadalkaasna uu ku qaldanaa.

Si kastaba, xaaladda murugsan ee degmada Xarardheere ayaa laga digayaa sii socoshadeeda, maadaama ay saameyn karto dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab oo horay looga xoreeyay magaaladan, kadib sanado ay maamulayeen.

Farmaajo oo digniin kasoo saaray qorshe ay waddo DF oo dal kale loogu wareejinayo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dowladda Soomaaliya uga digay qorshe uu sheegay in dal kale loogu wareejinayo maamulka hawada Soomaaliya.

Hoos ka aqirso qoraalka Farmaajo

Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaan uga digaynaa hirgelinta qorshaha la xiriira in dal shisheeye ay ku wareejiyaan maamulka hawada Soomaaliyeed, taas oo ah tallaabo dhaawacaysa qarannimada iyo madaxbannaanida Soomaaliyeed.

Gacan ku haynta maamulka hawadu waa arrin taabanaya amniga Qaranka iyo madaxbannaanida dalkeenna, damaca haatan socoda ee Imaaraadka Carabta loogu wareejinayona waxa uu dib u celinayaa dadaallada naf hurka ahaa ee dib u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed.

Soo celinta hawada dalkeenna waxaa lagu bixiyey dadaal ay hureen khubaro Soomaaliyeed, hanti iyo qorsheyaal diblumaasiyeed oo adag.

Waxaa nasiib darro ah in dano shakhsi ah oo aan laga fiirsan awgeed maanta loo burburiyo dhaxalkaas ay wadaagaan shacabka Soomaaliyeed.

Qalabka casriga ah ee yaalla garoommada iyo xarunta maamulka hawada Soomaaliyeed iyo khubarada waddaniga ah ee ku shaqaysa oo sannado koobaan dalkeenna ku gaarsiiyey heerka ugu sarreeya ee Class A ee dhanka hawada waxay caddayn u tahay in aysan jirin baahi loo qabi karo in shirkado iyo dalal shisheeye ay la wareegaan maamulka hawadeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sameeyey xil ka qaadis la xiriirta xiisadda ITOOBIYA

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Cabdirishiid Maxamed Nuur Jilley oo ahaa Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku booriyay dhammaan muwaadiniinta iyo masuuliyiinta dalka in ay u istaagaan waajibka kaga aaddan difaaca Qaranka,  maaddaama dalkeennu iyo dadkiisuba ay wajahayaan halis jiritaan oo uga imaanaysa dibadda, taas oo liddi ku ah gobannimada, wadajirka iyo midnimada Qaranka Soomaaliyeed.

Cabdirishiid Jilley ayaa xilkaas hayey dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, waxaana u magacaabay Xasan Sheekh oo ka dhigtay Ergayga u qaabilsan arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada.

Xildhibaan Cabdirishiid Jilley ayaa shalay warbaahinta u aqriyey war ay si wadajir ah u soo saareen xildhibaano ka soo jeeda Koonfur Galbeed, kuwaas oo diiday Masar, soona dhoweeyey in Itoobiya ay dalka sii joogto.

Xildhibaanadaas ayaa si cad u sheegay inay  ku mowqif yihiin oo la dareen yihiin dadkii banaanbaxa ka dhigay Xudur ee taageeray Itoobiyaanka, isla markaana diiday in ciidamada Masar la keeno Soomaaliya.

Sidoo kale xildhibaanada K/Galbeed ayaa shalay madaxda dowladda federaalka ka dalbaday inay baarlamaanka horkeenaan heshiiska ay Soomaaliya la gashay Masar, iyagoo muujiyey diidmo adag oo ka dhan ah Masar.

Xildhibaanadaas ayaa si toos ah u taageeray qorshaha Itoobiya, waxayna kala  kulmeen cadaawad iyo caro ay u qaadeen dadka Soomaaliyeed oo diidan damaca Itoobiya iyo qadiyadda ay ka hadleen.

Xil ka qaadista Cabdirishiid Maxamed Nuur Jilley ee caawa uu sameeyey Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa salka ku heysa dhaqdhaqaaqa ay bilaabeen xildhibaanada kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo jaceyl laga yaabay u muujiyey Itoobiyaanka.

FAHAD oo ku dhowaaqay in ay kala tageen FARMAAJO

0

Doha (Caasimada Online) – La-taliyihii hore ee amniga qaranka ee madaxweyne Farmaajo, iyo agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin ayaa ku dhowaaqay in ay dhammaatay wada-shaqeyntaa siyaasadeed ee kala dhaxeysay madaxweyne Farmaajo.

Fahad ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku yiri “Laga bilaabo maanta, oo ay taariikhdu ku beegan tahay Ida Sebteembar 2024, waxaa soo idlaaday wadajirkii iyo wada socodkii siyaasadeed ee aan la lahaa Madaxweyne hore Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxaana cid walba u caddaynayaa in aanan qayb ka ahayn ololihiisa siyaasadeed ama doorasho.”

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran

Waxaan muddo ka badan 10 sano saaxiibo siyaasadeed ahayn Madaxweynihii 9aad ee dalka Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo, sidoo kalena muddo ka badan 5 sano maamulkii uu hoggaaminayay kasoo qabtay xilal kala duwan oo ii sahlay inaan dalkayga iyo dadkayga si hufan oo daacadnimo ah ugu soo adeego.

Anigoo dhawraya waayahaas wanaagsanaa ee aan isla soo marnay, misana ilaalinaya dhaqanka suubban, kana fogaanaya inaan faahfaahin ka bixiyo sababaha, waxaan ummadda Soomaaliyeed la wadaagayaa go’aannadan soo socda;

1. Laga bilaabo maanta, oo ay taariikhdu ku beegan tahay Ida Sebteembar 2024, waxaa soo idlaaday wadajirkii iyo wada socodkii siyaasadeed ee aan la lahaa Madaxweyne hore Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxaana cid walba u caddaynayaa in aanan qayb ka ahayn ololihiisa siyaasadeed ama doorasho.

2. Waxaan la yeelan doonaa dhammaan saaxiibada aan talo wadaagga nahay wada tashi iyo kulamo looga arrinsanyo ambaqaadka cusub, waana idin la soo wadaagi doonaa xilliga ku haboonaato.

3. Waxaan si mug iyo maqaam buuxa leh uga mahadnaqayaa Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo masuuliyadihii uu ii igmaday iyo kalsoonidii uu isiiyay intii uu ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda, waxaana u rajaynayaa mustaqbal wanaagsan.

4. Waxaan raalli galin buuxda siinayaa cid walba oo dhibsata go’aankan ama lama filaan ay ku noqoto, waxaanse ugu qalbi qaboojinayaa in tallaabadan ay tahay mid danta guud ee qaranka u adeegaysa, kana fog danaysi shakhsi ah.

Fahad Yasin, La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka

DF oo awaamiir cusub kasoo saartay isticmaalka badda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday awaamiir cusub oo lagusoo rogay maraakiibta isticmaala biyaha Soomaaliya.

Maraakiibta soo galaya ama isticmaala Soomaaliya ayey dowladda ku amartay in ay siteen calanka Soomaaliya, taas oo qeyb ka ah istaraatiijiyad ballaaran ee lagu wanaajinayo amniga qaranka iyo u hoggaansanaanta shuruucda dalka.

Sidoo kale waxaa la faray maraakiibta isaga kala goosha badda Soomaaliya inay marka hore “og” soo siiyaan maamullada dalka ka jira, una hoggaansamaan nidaamka ay u dejisay wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda.

Awaamiirtan ayaa looga dan leeyahay in lagu kordhiyo kormeerka iyo xakameynta dhul-badeedka Soomaaliya, sida ay sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxay sidoo kale dowladda u aragtaa awaamiirtan cusub kuwo hoosta ka xariiqaya sida ay Soomaaliya u doonayso in ay ku xoojiso amniga baddeeda, loogana ilaalin lahaa falalka sharci darrada.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa xilli ay Soomaaliya dhawaan heshiis difaac oo dhanka badda ah ay la saxiixatay dowladda Turkiga, iyada oo ka caawin doonta ilaalinta amniga baddeeda illaa muddo 10 sano ah.

Arrimahan oo dhan ayaa imanaya xilli ay dowladda federaalka Soomaaliya xoogga saarayso sidii meesha looga saari is-afgaradkii xad-gudubka ku ahaa qaranimada Soomaaliya ee Itoobiya ay gashay Somailand, kaas oo Addis Ababa u ogolaanayay inay soo gaarto biyaha dalkeenna.

Galka Itoobiya: Xalka keliya ee u furan Soomaaliya kadib damaca ABIY AHMED

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa mareysa meel xasaasi, xilli ay weli Itoobiya ku dhagan tahay is-afgaradkii Somaliland ee Itoobiya loogu saxiixay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Damaca Itoobiya oo lagu tilmaamo mid soo jireen ah, uuna hadda u bareeray ra’iisul wasaare Abiy Axmed, ayey Soomaalidu u kala harin diidmadiisa, inkasta oo dhaliil laga muujiyay hanaanka madaxda dowladda u wajaheyso arrintaan.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka digay damaca guracan ee Itoobiya ayaa soo jeediyay afar qodob oo uu sheegay inay xal u noqon karaan, ayna si mideysan bulshada Soomaaliyeed uga hortagi karto qorshaha Abiy.

“Xalku wuxuu yahay an aan gobonimada dalkeena difaacano, cidna aanan ku halaynin, xin iyo ku xumayn loo qabo maamulka madaxweyne Xasana lagu dayicin dhul Soomaaliyeed, sababtoo ah madaxda maanta joogtaahi beri way tegayaan, waxa harayana waa dalka iyo dadka iyo sumcadaada shakhsiga ah,” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan oo dhameystiran;

Soomaali kuma kala harin diidmada heshiiskii is afgaradka ahaa ee ay wada saxiixdeen Abiy Axmad iyo Muuse Biixi.

Shacabka Somaliland ayaana ugu badnaa dadkii diiday. Baarlamaanka Soomaaliya si buuxda ayuu u garab istaagay Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa, wuxuu soo saaray qaraar cad oo uu Madaxweynuhu saxiixay, wuxuu iyadoo la hor keenin ansixiyey heshiiskii lala galay dawladda Turkiga ee la sheegay in lagu difaacayo badda Soomaaliya.

Dhammaan madaxdii hore ee dalka iyo kuwa talada damaca ka jiro waxay garab istaageen Madaxweynaha iyo Xukuumadiisa. Waxaa ku xigtay Madaxweynaha oo Markab dulsaaran lana sheegay in uu yahay markabkii difaaci lahaa Badda Soomaaliya, haddana waxaan maqalnay in Soomaaliya iyo Itoobiya uu wadahadal uga socdo Ankara, Turkiyana dhexdhaxaadinayso, kulan kale loo ballansanyahay.

Innaga iyo Itoobiya;

Shacabka Soomaaliya iyo madaxdiisu isku aragti kama aha Itoobiya. Shacabku mar walba Itoobiya way ka digtoon yihiin, laakiin Madaxda talada markaa haysa waxay Itoobiya kula macaamilaan dareenkooda halka uu maalinkaa tagaan yahay. Ma jirto siyaasad qaran iyo istiraatiijiyad qowmi ah oo aan Itoobiya kula falgalno.

Waxaa tusaale u ah waxay naga bareen Itoobiyada cusub labadii maamul ee Madaxweyne Xasan Sheekh markii uu Jigjiga booqda 2016-kii, iyo Madaxweyne Farmaajo markii uu Qalbidhagax dhiibayey, iyo sidii ay labaduba ONLF ugu tilmaameen argagexiso, Itoobiyana ugu sifeeyeen dal walaal ah oo ay shucuubta labada dal isku direen maamulladii hore ee labada dal soo marayna.

Mar waliba waxaa naloo aqrinayey cashar ku saabsan Itoobiya cusub, Itoobiyana maamulkeeda ayaa isbdelayey, laakiin Istaraatiijiyadeeda isma bedelaynin.

Waxaana taas sii adkaynaya in xukuumada Madaxweyne Xasan ay sanad ka hor Itoobiya la saxiixatay heshiis difaac, kana sugayeen in ay qayb ka qaataan wejigii labaad ee dagaalka AS iyo gulufkii loo bixiyey Libaaxii Madoobaa (Black Lion), waxay gobollo dalka qaarkood ku joogaan magac ATMIS iyo heshiis laba geesood ah. Sidaasoo ay tahayna waxaa la isku diidi karin;

1- In Itoobiya aysan u socon bad iyo dekad ganacsi oo ay badeeco kala soo degto, waxaa caddayn u ah in saamiga 19% ahaa ee laga siiyey Dekedda Berbera ay maalgashan wayday, ka dibna lagala laabtay, Dawladda Soomaaliyana muran kama keenin adeeg ganacsi.

2- Waxay la isku diidi karin in Itoobiya ay doonayso dhul badeed iyadu leedahay oo ay xukuntu, gobonimada dalkeedana hoos yimaada.

3- Waxaa kaloo la isku khilaafi karin in gobonimada, wadajirka dhuleed iyo midnimada Soomaaliya ay lama taabtaan tahay, difaaceedana waajib qaran yahay.

Waxaase la dhaliilsan yahay sida ay madaxda dalka u maareeyeen loolanka Itoobiya naga dhexeeya.

1- Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisu kama aysan shaqayn midaynta dadka Soomaaliyeed, taa bedelkeeda waxay ku kala irdheeyeen meelmarinta dantooda siyaasadeed ee gaarka ah.

2- Ma furin albaab talo wadaag si la iskula meeldhigo siyaasad, istiraatiijiyad iyo qorshe heshiis lagu yahay oo lagu wajaho damaca Itoobiya.

Xalku wuxuu yahay;

1- In aan gobonimada dalkeena difaacano, cidna aanan ku halaynin, xin iyo ku xumayn loo qabo maamulka Madaxweyne Xasana lagu dayicin dhul Soomaaliyeed, sababtoo ah madaxda maanta joogtaahi beri way tegayaan, waxa harayana waa dalka iyo dadka iyo sumcadaada shakhsiga ah.

2- Madaxweynow weli waxaad haystaa fursad aad dadka ku midayn karto, waxayse kuugu kacaysaa in dantaada shakhsiga ah tan qaranka ka hormariso.

Balse, haddii aadan qabkaaga meeldhegan karin, tanaasulna la iman karin, tusaalana u noqon karin in aad dantaada tan dalka ka hormariso, cid kale ha ka sugin in ay sidaa yeesho.

3- Madaxweyne waa in aad talada ballaariso, si loo helo siyaasad cad, istiraatiijiyad qeexan iyo qorshe midaysan oo lagu wajaho damaca Itoobiya.

Waxaa kaloo lagama maarmaan ah in aad qof jeclaysi meel iska dhigto oo aad xulato kaadir aqoon, karti iyo xirfad ku hubaysan oo culayska arrinka u babac dhigi kara.

4- In meesha laga saaro kala hadalka iyo in masuul walba oo dawladeed uu baraha bulshada ama warbaahinta wixii ku soo dhaca ka sheego.

Siyaasad dowladeed waxaa lagu yaqaan in ay hal mid ah tahay, hal af leedahay, hal meelna ka baxdo.

Somalia’s moment of truth: When lawmakers betray their nation

0

In the complex network of HoA politics, few relationships are as delicate as the one between Somalia and Ethiopia. Lately, attention has been drawn to this intricate situation, as Ethiopia’s past military invasion into Somalia in 2006 has not only caused tension in diplomatic relationships but also exposed a significant and concerning rift within Somalia’s political sphere. 

The focus is on a group of Somali legislators who, in an unexpected and divisive decision, openly showed approval for Ethiopia’s actions. Many Somalis feel betrayed by this action, causing them to doubt the loyalty of their regional leaders and elected representatives. 

Understanding the importance of this situation requires taking into account the historical context. Somalia and Ethiopia have a lengthy history characterized by frequent conflicts and disputes over territory. Many Somalis still vividly remember past wars and invasions, and the sight of Ethiopian troops on Somali land brings back painful memories and triggers long-standing anxieties. 

In this situation, the behaviors of these legislators are especially concerning. By supporting a foreign country that is seen as an aggressor by many Somalis, they have not only neglected their responsibility to defend Somalia’s sovereignty but have also harmed the country’s already weak unity. 

Currently, the Federal Government of Somalia is undergoing a pivotal challenge. The international community will closely examine how Somalia responds to this internal crisis, alongside the Somali people. The government needs to act quickly and decisively in order to regain trust in its institutions and send a clear message that disloyalty will not be accepted. 

Pursuing legal action against the legislators implicated is not only about punishment; it is about maintaining the rule of law and safeguarding the integrity of Somalia’s constitution. These PM’s were sworn in to prioritize Somalia’s well being and security above all else. By backing an aggressors actions they may have crossed a line into treasonous territory – betraying the very people who put their faith in them and weakening the sovereignty they were entrusted to safeguard. 

The government must proceed with caution and ensure that all legal procedures are transparent and fair in compliance with Somalia’s laws and global process standards. It is important to avoid seeking revenge hastily and instead pursue justice in a way that can be scrutinized and deter future betrayals.

The leaders of Parliament play a part in the situation. Members who have violated their oaths should be held accountable as protectors of Somalia’s legislative branch. Disciplinary actions and potential removal from parliamentary positions should be considered, in addition to any legal actions from the central government.

Nevertheless, it is crucial to consider the circumstances and understand that the individuals in charge, despite being lawmakers, have personal ties and various motivations driving their decisions, instead of being viewed as detached decision-makers. Comprehending the motivations behind their decisions. Whether due to misguided beliefs or personal motivations. It is crucial to tackle the root causes and develop strategies to avoid repeat incidents. 

Moreover, it is a sign of the ongoing challenges facing the growing democracy in Somalia. Despite making advancements in rebuilding its institutions and pursuing peace after years of unrest, events like this highlight the fragility of these successes and the constant need to protect them.

Somalia faces numerous challenges ahead. Addressing the betrayal by lawmakers is just the first step in a long process of promoting national unity and state development. Upholding sovereignty and democratic leadership requires brave decisions and thoughtful actions.

Ultimately the Federal Government of Somalia and the Parliaments leadership are, at a juncture. How they handle this situation will not shape their historical legacy but also steer the country’s future course. By fairly addressing those who have violated their sworn duties they can uphold Somalia’s sovereignty and demonstrate the robustness of its democratic system. 

At this moment, all eyes of the world are on Somalia. This is an opportunity to demonstrate resilience during times of danger and internal conflicts. It offers an opportunity to demonstrate that in challenging circumstances, the resolve of the people and commitment to laws can prevail. In order to ensure a future for Somalia, its leaders must show courage, truthfulness, and unwavering commitment to equity.

Ismail D. Osman: Former Deputy Director of the Somalia National Intelligence & Security Agency (NISA). Specializing in writings on Somalia, the Horn of Africa’s security, and geopolitical landscapes with an emphasis on governance and security. Contact: [email protected]. Twitter: @osmando

Madaxweyne XASAN Sheekh oo la tagay hal-abuurkii mucaaradnimada – Sidee?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid kamid ah qodobada ugu hadal-haynta badan fadhiyada waaweyn ee siyaasiyadeed ee Soomaaliya, waa in uusan dalka laheyn mucaarad macno leh oo si fiican ula dhigta nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh.

Iyada oo dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ay gashay qaladaad badan oo ay boobtay dhulkii danta guud, faagatay qabuurihii, musuqii uu xarko goostay, saddex jeer ay sameysay canshuur kordhin aan adeeg cusub la socon, dagaalkii argagixisada ay kasoo laabatay, dastuurkii ku xad-gudubtay, doorashadii maamullada diiday, dalkiina dhaqaale la’aan ku riday, ayaa dhinaca kale waxaa maanta muuqan mucaarad ka shaqeynaya in nidaamka jira la dheeli-tiro, lagana badbaadiyo aragtida ay dantii guud ugu beddelanayaan dano gaar ah.

Itaal-xumada iyo aragti gaabnida ka muuqata mucaaradka maanta ayaa dadka qaar ku qasabtay inay Xasan Sheekh Maxamuud uu ahaa ninkii iska lahaa aragtidii mucaaradnimada xilligii laga soo horjeeday nidaamkii Farmaajo.

Xasan Sheekh xilligii uu mucaaradka ahaa wuxuu awooday inuu subixii odayaasha qaabilo, duhurkii haweenka qaabilo, oo galabkii uu dhalinyarada arko, oo habeenkii uu ganacsatada la shiro, uu asbuuciina laba jeer uu tego Xalane oo ajnabiga la fariisto, oo lacag aruuriyo oo asbuuc walba xildhibaanno shiriyo, oo maalmaha qaarna qabiilo shiriyo oo maalin taliyaasha ciidanka raadiyo, maalina hub aruursado, oo doodaha waaweyn fariistay, oo sidoo kalena maqaalo naqdina ku qoro warbaahinta caalamiga ah.

Waxa uu intaas oo dhan ka shaqeynayay, ama iibinayah in nidaamka jooga la dheelitiro, lagana hortago hagar-daamadooda, la isla qorsheeyo sidii loo bixin lahaa oo aan marna culeyska laga dulqaadin kooxdii talada haysay.

Shaqadaas wuxuu Xasan Sheekh Maxamuud bilaabay markii uu Farmaajo xukunka joogay hal sano iyo lix billood. Maanta Xasan Sheekh wuxuu tallada jooga labo sano iyo saddex bilood, mana jiro mucaarad intaas sameyn kara ama dhabaheeddii haya.

Hadda si fudud waxaad u dhihi kartaa Xasan Sheekh ayuu ahaa hal abuurkii iyo caqligii Farmaajo la diriray, taasina waa midda sahashay inuu isagu beddelo. Xasan Sheekh inkasta oo uu leeyahay ceebo badan oo hab xukunka, musuqa iyo qabyaaladda la xiriira, haddana lama dafiri karo inuu leeyahay hal abuur uu maalin xukunka ku qaadan karo maalina mucaaradnimo xooggan ku jili karo.

Rag sheegan jiray inay hal abuur mucaaradnimo leeyihiin, ama ay dhiseen aragtidii Farmaajo la dirirka ayaa hadda fashilmay oo Facebook ka badin waayay.

Madaxweyne Xasan Sheekh haddii uu dhawaan meel-marsado cutubyada dhiman ee dastuurka, daynta lacageed ee uu sugayana uu helo, ciidan beeleedka uu waayahan dhisanayana ay u dhameystirmaan, shuruucda doorashooyinka iyo guddiga doorashadana uu qaato, intan waa kasii xoog badnaan doona waana adkaan doonta in xukunka si fudud looga qaado.

Dal walba oo ay ka jirto dowlad dimuqraadi ah waa u baahan yahay inuu jiro mucaarad awood leh oo dheelitiri kara dowladda, si uusan xukunka u noqon mid boqortooyo, mana cadda in mucaaradka maanta kasoo horjeeda Xasan Sheekh inay firaaqaas muuqda buuxin karaan xilliyada soo aadan.

SOOMAALIYA iyo Itoobiya oo mar kale aan is-hureyn iyo mid Soomaalida seegan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Itoobiya iyo Soomaaliya waxay u muuqdan kuwo aan is hureyn, markaad eegto wixii ka dhacay Xudur iyo farriintii maalmo ka hor ka timid Hiiran iyo Gedo, ee ay dad Soomaali ah kula safteen Itoobiya.

Labada dal waxay horey u dagaalameen labo jeer 1964 iyo 1977. Mar walba dagaalku wuxuu lahaa ruux iyo waxyaabo kiciya dareenka dadka, oo Dowladdihii jiray u sahlay iney shacabku bixiyan xoog, xoolo iyo naf. Sidoo kale madaxdu waxay ahaayeen dad la jecelyahay oo hadalkooda loo hoggaansamo.

Sida ku xusan diiwaanka, dagaalkii 1964, Dowladdu waxay dadka ku kicineysay dhulka maqan iyo wadaniyad waxaana joogtay madax lagu yaqaano wadaniyad oo indho u ahaa dagaalka sida Aadan Cade, Cabdirashiid Cali Sharmaake, Cabdullaahi Ciise iyo Jeneraal Daaud.

Dagaalkii 1977, ruuxda dagaalku waxay aheyd iney Soomaali leedahay awood ciidan iyo hub ay dhulka maqan kusoo ceshato, waxaana joogay madax iyo saraakiil kalsooni ciidan lagu qabo oo dagaalka hormuud u ahaa sida Maxamed Siyaad Bare, Maxamed Cali Samatar, Maxamed Nuur Galaal, Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo saraakiil kale.

2024, hadii la is huri waayo, madaxda aragtida dagaal ee Soomaaliya hormuud u noqon kara waa Xasan Sheekh Maxamuud, Jaamac (madaxa na furan), Ibraahim Sheekh Muxdiin iyo Sanbaloolshe.

Hadaba iyadoo maanta ay Soomaaliya Federaal tahay, gobolladeena qaar ay Itoobiya dad Soomaali ah ka hadal-siisay, lix gobal oo dalka ka mid ah ay ciidanka Itoobiya joogan, Xasan Sheekh uusan aheyn madaxweyne shacbi ah oo la jecel-yahay, Dowladnimadeenii ajinabi ilaaliyo, argagixiso dhexdeena lagu abuuray.

Maxaa noqon kara ruuxda ama aragtida mideyn karta dadka Soomaaliyeed si loo difaaco dalka, Yeyse tahay iney ummadda la hadlan oo warkoodu wax gooya, la aaminaya, oo kicin kara dadka?

W/Q: Abdullahi Osman Farah