27.2 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

SOOMAALIYA iyo Itoobiya oo mar kale aan is-hureyn iyo mid Soomaalida seegan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Itoobiya iyo Soomaaliya waxay u muuqdan kuwo aan is hureyn, markaad eegto wixii ka dhacay Xudur iyo farriintii maalmo ka hor ka timid Hiiran iyo Gedo, ee ay dad Soomaali ah kula safteen Itoobiya.

Labada dal waxay horey u dagaalameen labo jeer 1964 iyo 1977. Mar walba dagaalku wuxuu lahaa ruux iyo waxyaabo kiciya dareenka dadka, oo Dowladdihii jiray u sahlay iney shacabku bixiyan xoog, xoolo iyo naf. Sidoo kale madaxdu waxay ahaayeen dad la jecelyahay oo hadalkooda loo hoggaansamo.

Sida ku xusan diiwaanka, dagaalkii 1964, Dowladdu waxay dadka ku kicineysay dhulka maqan iyo wadaniyad waxaana joogtay madax lagu yaqaano wadaniyad oo indho u ahaa dagaalka sida Aadan Cade, Cabdirashiid Cali Sharmaake, Cabdullaahi Ciise iyo Jeneraal Daaud.

Dagaalkii 1977, ruuxda dagaalku waxay aheyd iney Soomaali leedahay awood ciidan iyo hub ay dhulka maqan kusoo ceshato, waxaana joogay madax iyo saraakiil kalsooni ciidan lagu qabo oo dagaalka hormuud u ahaa sida Maxamed Siyaad Bare, Maxamed Cali Samatar, Maxamed Nuur Galaal, Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo saraakiil kale.

2024, hadii la is huri waayo, madaxda aragtida dagaal ee Soomaaliya hormuud u noqon kara waa Xasan Sheekh Maxamuud, Jaamac (madaxa na furan), Ibraahim Sheekh Muxdiin iyo Sanbaloolshe.

Hadaba iyadoo maanta ay Soomaaliya Federaal tahay, gobolladeena qaar ay Itoobiya dad Soomaali ah ka hadal-siisay, lix gobal oo dalka ka mid ah ay ciidanka Itoobiya joogan, Xasan Sheekh uusan aheyn madaxweyne shacbi ah oo la jecel-yahay, Dowladnimadeenii ajinabi ilaaliyo, argagixiso dhexdeena lagu abuuray.

Maxaa noqon kara ruuxda ama aragtida mideyn karta dadka Soomaaliyeed si loo difaaco dalka, Yeyse tahay iney ummadda la hadlan oo warkoodu wax gooya, la aaminaya, oo kicin kara dadka?

W/Q: Abdullahi Osman Farah

Daawo: Mid ka mid ah xildhibaannadii taageeray Itoobiya oo raali-gelin bixiyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mukhtaar Saajid oo kamid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya, isla-markaana kamid ah xildhibaannadii shalay taageerada u muujiyay Itoobiya ayaa maanta war cusub soo saaray, isaga oo ka laabtay mowqifkiisii hore.

Saajid oo wareysi siiyay Somali Cable Tv ayaa marka hore raalli-gellin buuxda siiyay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, kadib taageeradii uu u muujiyay Itoobiya.

Xildhibaanka ayaa ku dooday in hadalkiisa si qaldan loo dhigay, isla-markaana looga faa’iideystay kicinta xaaladda taagan.

“Shacabkeyga qiimaha badan ee wanaagga iyo wixii maslaxadooda ka hadlay igu yaqaanay inaan af buuxdo ugu sheego kun jeer iga raalli ahaada haddii aad sidaas wax u garateen” ayuu yiri Xildhibaanku.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Itoobiya ma taageerin horay uma taageerin, hadda ma taageersani, mana taageeri doono warkaas ma cad-yahay” .

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in gobonimada Soomaaliya ay tahay lama taabtaan, wuxuuna farriin u diray Itoobiya oo haatan xiisad xoogan ay kala dhexeyso Soomaaliya

“Waxaan aaminsanahay gobanimada Soomaaliya lama taabtaan inay tahay, xuduudadeeda lama taabtaan inay tahay, Itoobiya hadda ayaan u sheegayaa haddii ay i maqleyso cidi foodeed kuma taageeraayo ee quuso” ayuu mar kale yiri Saajid.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xildhinaanadii kasoo jeeday Koonfur Galbeed ee taageeray Itoobiya iyo dhaqaaqeeda gobollada Baay iyo Bakool ay la kulmeen dhaleeceen xoogan iyo dhaliilo ay kala kulmeen inta badan shacabka Soomaaliyeed.

Hoos ka daawo muuqaalka

Muuse Biixi oo go’aan la xiriir xiisadda kala dhaxeysa DF kaga dhowaaqay Borama

0

Boorama (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa dhaq-dhaqaaq xoogan ka bilaabay halkaasi, si uu xal ugu helo tabashada reer Awdal.

Muuse Biixi oo khudbad u jeediyay dadweynihii soo dhaweeyay ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xiisadda kala dhalatay heshiiska badda ee uu maamulkiisu la galay dowladda Itoobiya.

Madaxweynaha Somaliland ayaa xiisadda dab kusii shiday, wuxuuna weerar afka ah ku qaaday dowladda federaalka ee hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Biixi ayaa mar kale ku celiyay diidmadooda Masar, wuxuuna ku eedeeyay in dowladda Soomaaliya inay u yeeraneyso hadal dowlad, laakiin aanay wax u dhimi doonin Somaliland.

“Maanta buuqa jiro ee Xamar waddo ama Masaari u yeer ama Mareykan u yeer ama Ruush ub yeero oo Somaliland dib u ogolaan meyso in Xamar looga taliyo, waayo taariikhda ayaa ataa tuseyso waxa ay qabsatay inta ay is maamuleysay” ayuu yiri madaxweynuhu.

Sidoo kale waxa toos ula hadlay shacabka Boorama, maadaama indhowaanagan ay xaalado kacsanaan ah ka jireen magaaladaasi, isaga oo ugu baaqay inay ilaaliyaan amniga, wadajirkooda  iyo qaranimada Somaliland,

“Nimcadaan aynu haysano waa qaranimadaan waa isku tashiga waa nabadda” ayuu mar kale yiri isaga oo la hadlayay reer Boorama.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waynu u duceyneynaa gobollada bariga waxaan ugu duceyneynaa in Ilaahey nabad ka xasiliyo oo ay ku gudbaan xaaladda ay ku jiraan”.

Hadalkan wuxuy kusoo aadayaa, ayada oo weli halkeedii ay tahay xiisadda badda, isla markaana ay kasii dartay xaaladda gobolka, kadjb markii lagu kala kacay wada-hadalladii Anakara ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya.

Lafta-gareen oo ku abaal-dhacay madaxweyne Xasan

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa lagu eedeeyay inuu ku abaal-dhacay, isla-markaana uu dhabarka jabiyay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii uu kala saftay Itoobiya oo xilligan xiisad xoogan oo ka dhalatay heshiiska badda ay kala dhexeyso Soomaaliya.

Maamulka Laftagareen ayaa si buuxdo taageero ugu muujiyay ciidamada Itoobiya, kadib dibadbaxyo ka dhacay degmooyinka Waajid iyo Xudur ee gobolka Bakool, kuwaas oo sidoo kale lagu diiday qorshaha Villa Soomaalia ee ku aadan keenista ciidamada Masar oo ku biiraya howlgalka cusub ee beddalaya ATMIS.

Siyaasiga Xasan Cabdi Guuleed oo kasoo jeedo Koonfur Galbeed, isla-markaana la hadlay Universal ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu fursad wayn siiyay Laftagareen, xilli uu dhammaaday muddo xileedkiisa, balse uu ku abaal-dhacay, isla-markaana uu abuurayo xaalad halisteeda leh oo ku aadan arrinta Itoobiya.

Xasan Cabdi Guuleed ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu hor istaagay xubnaha mucaaradka Koonfur Galbeed oo rabay in uu dhaco isbeddal, isla markaana doorasho laga qabto maamulkaasi.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud qaladkii koowaad ee uu galay waxa uu ahaa markii uu dalka yimid waxaa jiray niman guddoomiyeyaal baarlamaan hore oo rabay inay isbeddal sameeyaan oo doorasho laga qabto Koonfur Galbeed laakiin madaxweynaha ayaa kusoo baxay oo hakiyay, waxayna dhashay in maanta Laftagareen reer Xudur iyo reer Waajid inuu yiraahdo Itoobiyaa rabnaa dhaha” ayuu yiri Xasan Cabdi Guuleed.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Jaaniska uu Laftagareen illaa intaan kusoo gaaray sabab iyo waqti ayaa jiray waxaana xiisaddii jirtay qaboojiyay madaxweynaha oo dhiig joojin ka dhigay inuu Laftagareen sii fadhiyo. Maanta Laftagareen iyo Itoobiya oo is wata maba dhacdeen, laakiin qalad horay loo galay ayay ahayd”.

Siyaasigan oo sii hadlaya ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay in taageero gudaha ah loo muujiyo Itoobiya oo ah cadowga Soomaaliya, sidoo kalena duulaan ku ah baddeeda.

“Itoobiya waa cadow gaamuray, iyada ayaa duulaan nagu ah, baddeenna ayay si kibir ah ugu socotaa” ayuu mar kale yiri siyaasi Xasan Cabdi Guuleed.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in shacabka Soomaaliyeed ay midoobaan, isla-markaana ay garab istaagaan dowladdooda, si meel looga soo wada jeesto dowladda federaalka Itoobiya.

Itoobiya oo xiisad wayn ka abuurtay gudaha Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya oo ka xun Masar ayaa haatan bilowday inay xiisad ka huriso gudaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada Koonfur Galbeed, iyada oo adeegsaneyso maamullada gudaha, taas oo dhabar jab weyn ku ah dowladda federaalka.

Arrintan ayaa si weyn loo dareemay saacadihii lasoo dhaafay, kadib markii dibad-baxyo lagu taageerayo ciidamada Itoobiya, laguna diidayo kuwa Masar lagu qabtay degmooyinka Waajid iyo Xudur ee gobolka Bakool oo hoostaga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Dibad-baxayaasha ayaa sitay boorar ay ku qoran yihiin “ma rabno Masar” iyo “soo dhawoow Itoobiya”, taas oo fajaciso ku noqotay dad badan, maadaama ay hadda meel xasaasi ah mareyso xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sidoo kale dibad-baxayaasha ayaa ku ammaanay ciidamada Itoobiya dadaalka dheeriga ah ee ay ku bixiyeen sidii ay gobolka uga difaaci lahaayeen Al-Shabaab, iyagoo u arka ciidankan in ay naftooda u hureen amniga dadka deegaanka.

Tallaabadan ayaa keentay xiisad horleh iyo inay ku kala qayb-samaan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo siyaabo kala duwan uga hadlay qaddiyaddan.

Mudanayaal ka tirsan Golaha Shacabka, kana soo jeedo Koonfur Galbeed oo habeen hore shir ku yeeshay Muqdisho ayaa ka horyimid qorshaha maamulka Laftagareen, waxayna sheegeen in shacabka ku dhaqan gobolka Bakool, looga faa’iideysanayo daruufo nololeed oo haysta.

“Shacabka u banaanbaxay Itoobiya ee Xudur ku nool waxay ku jiraan go’doon adag oo Khawaarijtu ay gelisay, waxaana talaabadaas ku qasbeysa cabsida ay qabaan, taasna waxaa u sabab ah joogitaanka sharci darrada ah ee Laftagareen,” ayuu yiri Xildhibaan Balaag oo akhriyey bayaanka.

Garab kale oo xildhibaanno ah oo iyagana kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa shalay warbaahinta la hadlay, waxayna taageereen qorshaha socda, iyaga oo sidoo kale ka digay in colaadda wabiga Nile loo soo rarao gudaha Soomaaliya.

“Haddaba annaga oo ogeyno walaaca iyo dareenka dadkeena ay ka qabaan iyo mas’uuliyad naga saaran amniga iyo xasiloonida waxaan si weyn diidanahay in colaadda caalamiga ah ee wabiga Nile oo u horseedi karo dagaallo ka qarxa mandiqa Geeska Afrika oo lagu hoobto waxyeelo soo gaarta dadka loo soo raro gudaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada Koonfur Galbeed” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.

Dhankiisa Xildhibaan Cabdinuur oo u jawaabay xildhibaannada taageeray Itoobiya ayaa nasiib darro ku tilmaamay, maadaama ay weli jirto xiisadda ka dhalatay kiiska badda.

“Maanta waxaan is leeyahay baarlamaanka hortiisa xildhibaanada qaar ee kasoo galay Koonfur Galbeed waxa ay ka sheegeen waxay ahayd wax la yaab leh Soomaaliya, Soomaalibaa leh Itoobiya oo aan ognahay baddeenna inay meel walba kasoo doc doceyneyso in ay dhahaan Itoobiya joogisteeda taageereynaa waa wax nasiib darro ah” ayuu yiri Xildhibaan Cabdinuur oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Ummadda Soomaaliyeed waxaan leeyahay meel kasto oo aad joogtaan waa ujeedeen inta xildhibaan ee meesha soo istaagtay oo raalliga ka ah Itoobiya, isma lahayn aniga baarlamaanka hortiisa metalaaddii shacabka qaar kamid ah inay saas u hadlaayaan , waxaan leeyahay Itoobiya dalkaan nalama laha”

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga war sugayaa Villa Soomaaliya iyo waxa kasoo baxa shirka golaha amniga qaranka ee uu shalay iclaamiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, si looga hadlo xaaladaha soo kordhay.

Xogta dekadda ay JABUUTI sheegtay inay siinayso Itoobiya

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Xiisadda ka dhex taagan Soomaaliya, Masar iyo Itoobiya ayaa ku sii xoogaysanaysa gobolka geeska Afrika ka dib markii Masar ay gargaar military soo gaarsiiyey Soomaaliya afartan sano ka dib sida ay wakaalada wararka ee Rueters ay u sheegeen saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya oo la hadlay.

Itoobiya ayaa muujisay sida ay uga soo horjeedo in ciidamado ka socda Masar ay yimaadaan Soomaaliya kuwaas oo ka mid noqda howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee ka bilaabanaya Soomaaliya bilowga sanadka cusub.

Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa xiriirkoodu xumaaday ka dib markii ay heshiis is afgarad ah wada saxiixdeen Itoobiya iyo Jamhuuriyada Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland bishii janaayo ee sanadkan.

Itoobiya ayaa dhowr jeer mas’uuliyiinteedu sheegeen inay doonayaan inay galaangal ku yeeshaan gacanka cadmeed.

Wufuud kala matelaysa labada dal ayaa wareegyo wadahadallo ah ku yeeshay dalka Turkiga balse dhinacyada ayaan is arag wallow markii dambe wadahadalladu ay natiijo la,aan noqdeen.

Turkiga, Kenya iyo dalal saaxiib la ah labada dal ayaa isku dayey inay isku soo dhaweeyaan dhinacyada.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jamhuuriyada Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo waraysi gaara siiyey BBC-Focus on Africa ayaa ka hadlay xiisadda ka dhex taagan labada dal isagoo sidoo kale soo hadal qaaday dhex-dhexaadintii ay Jabuuti isku dayday.

Wuxuu sheegay in mowqif ahaan labada waddan ay aad u kala fogaayeen.

“Wax aan u baahanahay in aan ka fikirno waddahadallo meel dhexe la iskugu imaanayo oo miiska wadahadalka la iskugu yimaado iyadoo ay gacan ka geysanayaan Jabuuti, Kenya iyo dalalka kale ee gobolka, waxa aan u maleynayaa in ay gaari karaan isku tanaasul, laakin waxaa aas aas u ah wadahadalladan madaxbanaanida dalalka waa in la ixtiraamaa,” ayuu yiri Maxamuud Cali Yuusuf.

Wuxuu intaa raaciyey wasiir Maxamuud “Waan muhiim in Soomaaliya la dhegeysto hadalkeeda iyo fariinteeda, waxa aan sidoo kale ku dhawnahay in aan usoo jeedino Itoobiya taas beddelkeeda marin badeedka ay doonayaan.”

Maxay tahay dekada Jabuuti ay siinayso Itoobiya?

Mar BBC-du waydiisay waxa uu yahay waxa ay Jabuuti ahaan u soo jeedinayaan itoobiya ayuu sheegay Wasiirka arrimaha dibada ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf.

“Waxaan siineeynaa maamulka 100% dekad iyo marin cusub oo horey loo dhisay, markaa in ay Ethiopia isticmaasho badda wax dhibaato ah uma aragno. Waxa ay noqon kartaa Dekadda Tajura taas oo 100 Km u jirta xadka Itoobiya, taas oo horey aan ugu soo jeedinay, waxa uu Madaxweyne Geelle sidaasi u sameeyay in Itoobiya iyo Soomaliya ay xal gaaraan oo ay joojiyaan xiisadda.”

Cabsida Jabuuti xiisadda oo sii korortay

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, oo la weydiiyey cabsida ay ka qabaan haddii ay xiisaddu sii weynaato iyo haddii amaan darro ay timaado in ay soo gaareyso Jabuuti.

Wuxuu sheegay in hore gobolka ay u saameeyeen kooxda Al-Shabaab, haddeerna la wajahayo weerarada kooxda Xuutiyiinta ee gacanka Cadan iyo marin biyoodka Baabul-Mandab.

“In kasta oo Jabuuti ay tahay dal deggan oo ammaan ah haddana ma dhihi karno xiisadaha ka taagan deriskeenu nama saameynayaan. Sida aan hore u sheegay dareen weyn ayaan ka qabnaa haddii ay dhibaatadaasi ay isku bedesho xiisad toos ah,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti.

Jabuuti ayaa ugu baaqday labada dowladood iyo labada dalba in aanay hadallo ku sii hurrin xiisadda, wuxuuna intaa raaciyey inay diyaar u yihiin dhexdhexaadin iyagoo kaashanaya Kenya iyo dalalka kale ee gobolka.

“Waxa aan u safri donnaa Beijin maamlo gudahood halkaas oo aan haysano fursad ah in dhammaan hoggaamiyaasha aan kula kulmi doono halkaas. Waxa ay ila tahay waa fursad wanaagsan in Madaxweyne Geelle uu kula hadlo labada hoggaamiye ee Itoobiya iyo Soomaaliya, wuxuuna isku dayi doona in uu abaabulo Kulan haddii suurtagal ay tahay in ay iskugu yimaadaan IGAD si looga wadahadlo dhibaatada habka ugu wanaagsan ee aan awoodno,” ayuu yiri Maxamuud Cali Yuusuf, wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti.

Macawiisleyda oo deegaano cusub kala wareegay Shabaab

0

Halgan (Caasimada Online) –  Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ciidamada Macawiisleyda ay howlgallo culus ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Ciidamada deegaanka ayaa weeraray fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen agagaarka degmada Halgan ee gobolkaasi, waxayna dhulkaasi ka saareen xubnihii ku sugnaaa.

Saraakiisha howlgalka horkaceysay ayaa sheegay inay ka war heleen Al-Shabaab ku dhuumaaleysanayo deeegaannada howlgalka laga sameeyeen kadibna ay sidaas ku weerareen.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay cagta mariyeen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen ayna la wareegeen deegaanada hoos yimada degmada Halgan.

Waxaa kale oo ay saraakiishu sheegeen inay sii wadi doonaan howlgalladooda, isla markaana ujeedka uu yahay inay halkaasi ka xoreeyaan Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Macawiisleyda.

Hiiraan ayaa waxaa weli ka soconayo abaabul xoogan, waana halka uu kasoo bilowday kacdoonka ka dhanka ah Khawaarijta ee haatan ka socda gudaha Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay ee qarax lagu hoobtay oo ka dhacay Buulo-burte

0

Buulo-bure (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha qarax qarax lagu hoobtay oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan, kaas oo lala eegtay dad shacab ah.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa lala beegsaday maqaayad ku taalla bartamaha degmada, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawacba leh.

Duqa magaalada Buulo-burde Cabdisalaan Hagar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxa lagu sii diyaariyay maqaayadda, kadibna marka ay dadka isugu yimaadeen lagu qarxiyay, wuxuu ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in weerarkan qaraxa ah ay waxyeelo kasoo gaartay illaa 20 qof oo shacab ah, isla-markaana 5 kamid ah ay liidato xaaladdooda caafimaad.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daraya in mid kamid ah dhaawacyada daran uu geeriyooday afarta kalena ay usoo qaadeen magaalada Muqdisho, si loogu dabiibo xaaladdooda caafimaad.

Cabdisalaan Hagar oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay weli wadaan baaris ku aadan weerarka, ayna ku daba jiraan xubnihii soo maleegay, si gacanta loogu dhigay.

Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, inkastoo saameynta uu qaraxa gaystay laga dareemayo magaalada Buurde ee gobolka Hiiraan.

Magaaladan ayaa kamid ah meelaha uu ka socdo abaabulka dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo weli ka socdo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Liibiya oo xirtay Magafayaal kadibna burburisay…

0

Tripoli (Caasimada Online) – Dowladda Liibiya ayaa sheegtay Sabtidi in ay burburisay shabakad dadka tahriibisa oo ka dhisneyd dhinaca Koonfur-galbeed ee dalkaas, iyada oo la xiray xubno ka tirsan kooxdaas sida uu bayaan uu soo dhigay bogga Facebook ku sheegay, xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Liibiya.

Ciidamada ayaa xiray mid ka mid ah hogaamiyayaasha shabakadan magafa-yaasha ah iyo 10 xubnood oo kale oo lagu eedeeyay dil, xarig sharci darro ah, jirdil, iyo kufsi loo geystay muhaajiriin, sida lagu xaqiijiyay bayaanka.

Baaritaan ay dowalddu sheegtay in ay sameysay, ayaa muujiyay in kooxahani ay dhibaatooyin isugu jira xarig qasab ah, jirdil iyo baad ay ugu geysteen muhaajiriin gaareysa 1,300 oo qof. Dadkaan ayay u xirteen sifo ay uga qaataan lacago baad ah si loo sii daayo.

Liibaya ayaa fowdo lugaha la gashay, kaddib marki duullaan ay hogaamineysay NATO talada looga tuuray laguna dilay hogaamiyihi hore ee dalkaasi Muammar Gaddafi.

Wixi markaasi ka danbeeyay dalkaasi saliidda hodonka ku ah, ayaa waxaa taladiisa ku loollamayay laba dowladood oo ay kala taageeraan malleeshiyaad hubeysan.

Xamza oo safar qarsoodi ah ku tegay dal Soomaaliya siinaya taageero militari

0

Qaahira (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar, Mudane Mustafa Madbouly.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga, horumarka, ganacsiga iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan leh.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka labada dal, isagoo hoosta ka xarriiqay in sii adkaynta calaaqaadka taariikhiga ah ay tahay mid muhiim u ah labada dal.

Wuxuu sidoo kale muujiyay sida ay muhiimka u tahay in la abuuro iskaashi xooggan oo dhinaca amniga ah, si loo wajaho caqabadaha iyo khataraha guud ee ka jira gobolka, gaar ahaan la dagaalanka kooxaha khatarta ah sida khawaarijta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Masar uga mahadceliyey taageerada ay siiso, gaar ahaan deeqaha waxbarashada oo ay ka faa’iideystaan ardeyda Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaaraha Masar Mustafa Madbouly, ayaa carrabka ku adkeeyay in Masar ay diyaar u tahay in ay sii xoojiso taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, amniga, iyo arrimaha bulshada.

Wuxuu sidoo kale muujiyay sida ay Masar uga go’an tahay in ay sii wado deeqaha waxbarasho ee ay siiso ardayda Soomaaliyeed, taasoo qayb ka ah xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.

Kulanka labada Ra’iisul Wasaare ayaa ku soo aadaya xili safar qarsoodi ah uu Xamse ku tegay Qaahira, isla markaana ay circa isku sii shareereyso xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, Masar ayaa maalmihii lasoo dhaafay saanad ciidan iyo askar u soo dirtay Soomaaliya, waxaana la dhaqan gelinayaa iskaashi difaac oo ka dhan ah Itoobiya, kaasi oo Soomaaliya iyo Masar ay ku heshiiyeen.

ITOOBIYA oo ceeb wayn dhex istaajisay Somaliland iyo arrin soo shaac baxday

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Itoobiya ayaa ceeb wayn dhex istaajisay maamulka Somaliland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi oo maalin kahor shaaca ka qaaday in warqadaha aqoonsiga danjirenimo uu ka guddoomay safiir uu sheegay in Itoobiya usoo magacowday Hargeysa, kaas oo lagu magacaabo Teshome Shunde Hamito.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ka gudoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirka Cusub ee Itoobiya u fadhiyi doona Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Teshome Shunde Hamito ee dhawaan la soo magacaabay. Safiirka ayaa Madaxweynaha Qaranka Somaliland u soo gaadhsiiyeysalaan diiran oo uu uga siday Ra’iisal Wasaaraha Dalka Itoobiya, Mudane Abiye Ahmed Ali,” ayaa lagu yiri qoraal horay uga soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Intaas kadib Itoobiya ayaa haatan soo saartay warkan mid ka duwan oo ceeb wayn dhex istaajinaya Somaliland, waxaana soo hadlay ninka lasoo magacaabay Teshome Shunde Hamito.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxa uu ku sheegay in shaqadiisa ay tahay oo kaliya qunsiyadda Itoobiya ee Hargeysa, isla markaana uu si rasmi ah u bilaabi doono shaqada qunsulka guud ee loo igmaday.

Sidoo kale wuxuu ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono horumarinta labada dhinac iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka Addis Ababa iyo Hargeysa.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan si rasmi ah u bilaabo shaqadayda Qunsulka Guud ee Itoobiya ee Hargeysa, anigoo u bandhigaya Madaxweynaha Somaliland. Waxaan aad u rajeynayaa inaan ku guuleysano dadaalladayada aan ku horumarinayno xiriirka dhaqaalaha iyo labada shacab,” ayuu yiri Teshome Shunde Hamito.

Arrintan ayaa waji gabax ku ah Somaliland oo horay heshiiska badda ula gashay Itoobiya, kaas oo dhaliyay xiisad diblomaasiyadeed oo u dhexeyso dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Somaliland ayaa qorshaheeda ugu wayn ee heshiiskan wuxuu yahay inay ictiraaf ka hesho Itoobiya, iyadana ay sidaas uga beddalatay marin biyood, laakiin haatan ay soo wajaheen caqabado iyo culeys laga dareemay gobolka.

Tallaabada laga qaadayo xildhibaanadii Soomaaliyeed ee taageeray ITOOBIYA?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS Mudane Bashiir Macallin Cali ayaa ka hadlay taageeradii gobolka Bakool looga muujiyey damaca guracan ee dowladda Itoobiya uga jira badda Soomaaliya iyo sidoo kale Xildhibaanadii maanta taageeray joogitaanka Ciidanka Itoobiya, kuwaas oo ka soo jeeda deegaanada Koofur Galbeed  Soomaaliya.

Agaasime Bashiir ayaa sheegay in waligeed ay jiri jireen shisheeye kalkaal, kuwaas oo lahaa magacyo kala duwan, wuxuuna yiri “Waligeed-ba way jiri-jireen Shisheeye Kalkaalka u shaqeeya cadawga, waxayna lahaayeen magacyo Iyo sifooyin lagu garto, sida Calooshiis u shaqeyste, Shisheeye Kalkaal, Khaa’inul wadan Iyo Kuwa jaajuuska u ah Amxaarada.”

Agaasimaha ayaa dadkii u soo banaan baxay taageerada Itoobiya ku sifeeyey inay yihiin “KHAA’INUL WADAN” iyo dhammaan magacyada xun-xun ee loo yaqaanno Calooshood u shaqeystayaasha jaajuusiinta u ah Itoobiya.

Sido kale Agaasime Bashiir ayaa ugu baaqay guddoonka labada Aqal ee BFS in Xildhibaannada maanta taageeray Itoobiya inay mariyaan xeer-hoosaad-ka, kana qaadaan xassanadda ay ku ganbanayaan jawaasiista Itoobiya, si loo hor-geeyo sharciga.

Wuxuu Agaasimaha sido kale Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ku baraarugaan, iskana qabtaan Khaa’inul wadanka u shaqeeya Itoobiya.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu agaasimaha soo dhigay bartiisa Facebook:

Waligeed-ba way jiri-jireen Shisheeye Kalkaalka u shaqeeya cadawga, waxayna lahaayeen magacyo Iyo sifooyin lagu garto Calooshiis u shaqeyste,Shisheeye Kalkaal, Khaa’inul wadan Iyo Kuwa jaajuuska u ah Amxaarada.

Kuwa maanta; Banaanka lasoo istaagay inay taageersan yihiin Itoobiyaanka ayna jecelyihiin Amxaarada Cadawgeenna ah waxay ku sifoobeen “KHAA’INUL WADAN-NIMO”  iyo dhamaan magacyada  xun-xun ee loo yaqaanno Calooshood u shaqeystayaasha jaajuusiinta u ah Itoobiya, iyagoo bar-madow ku ah BFS.

Waxaa nasiib darro ah sido kalana nasab xuma ah in qof Soomaali ah uu taageero cadawga Itoobiya oo aan ognahay damacooda waallida ah ay ku doonayaan qaadashada Badda Iyo Barriga Soomaaliya.

Waxaa waajib ku ah Guddoonka Labada aqal ee BFS inay mariyaan xeer-hoosaad-ka kana qaadaan xassanadda ay ku ganbanayaan jawaasiista Itoobiya si loo hor-geeyo sharciga.

Waxaan Shacabka Soomaliyeed ku baraarujinayaa inay Iska qabtaan Khaa’inul wadanka u shaqeeya Itoobiya.

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo billaabay qorshe dagaal xilli ay is-hayaan Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Taliska Ciidanka Xoogga Dalka kulamo kula qaatay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, kulamadaas oo ku saabsanaa xoojinta amniga iyo xoreynta dalka.

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Saraakiisha hoggaaminaya qeybaha kala duwan ee Talisyada Ciidamada ayaa la wadaagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda warbixino ku saabsan howlgalada dalka looga sifeynayo argagixisada.

Kulankii galabta ka dhacay xarunta wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa looga hadlay xiisadda ka soo cusboonatay dhanka Itoobiya iyo dagaalka Al-Shabaab, iyadoo lagu qiimeeyey awooda ciidan ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday kulamo hoose oo intooda badan aan warbaahinta loo soo bandhigin, kuwaas oo saraakiisha ciidamada uu la yeelanayey, maadaama uu dalku galay xaalad labaad oo dagaal ma hurto ah.

Kulanka uu Xasan Sheekh maanta tuutaha u xirtay waxaa ka horeeyey mid maalin ka hor ka dhacay xarunta habarkhadiijo oo ah taliska guud ee Hay’adda NISA, kulankaas ayaa looga hadlay xaaladda amni ee dalka, inkastoo kii maanta uu uga duwanaa in xoogga lagu saaray qorshaha sugidda amniga caasimadda Muqdisho.

Labada kulanba Madaxweynaha ayaa warbixino ka dhageystay saraakiisha, iyadoo si weyn loo gorfeeyey inta uu gaarsiisan yahay damaca Itoobiya, waxa Soomaaliya la gudboon iyo sida cudud military loogu difaaci karo dalka.

Saraakiisha ciidamada Militariga, Nabad Sugidda iyo Booliska ayaa kulankii maalin ka hor ka dhacay Taliska NISA ku soo bandhigay warbixin ku saabsan sida ay ugu diyaar garoobeen khatar kasta oo qaranka uga imaa karta dibadda iyo tan gudaha ee Shabaab ka imaaneysa.

 

Xog: Dowladda Soomaaliya oo heshay diyaarado dagaal oo cusub + Dalka siiyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa haatan heshay diyaarado cusub oo ah kuwa qumaatiga u kaca, waxaana siiyay Talyaaniga, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Diyaaradahan oo tiradooda lagu sheegay illaa 4 ayaa horraantii todobaadkan waxaa si rasmi ah ula wareegtay dowladda federaalka, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Afarta diyaaradood oo ah Helicopter-ka ayaa noocoodu waxa uu yahay Bell 412EPX, kuwaas oo ay isticmaali doonaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in diyaaradahan uu qiimahooda ku kacayo illaa 16 milyan oo dollar, ayada oo sawirradooda si weyn loogu baahiyay baraha bulshada.

Diyaaradahan Helicopters-ka ah ayaa la filayaa in ay door muhiim ah ka qaataan dagaalka adag ee haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab, kaas oo galaya wajigiisa labaad.

Arrintan ayaa waxay noqoneysaa tallaabadii ugu horreysay ee ay qaaday dowladda dhexe, kadib cunaqabateyntii hubka ee dhowaan uun laga qaaday Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa horay u sheegay in la haysto fursad dahabi ah oo ay Soomaaliya kusoo iibsan karto hub waa wayn iyo diyaarado ay kula gaasho Al-Shabaab.

“Marka la qaado cunaqabateynta hubka, dowladda Soomaaliya waxay hadda haysataa madax-bannaani ay ku iibsan karto qalab kasta oo ciidan oo ay u aragto inay lagama maarmaan tahay, iyadoo aan loo baahnayn ogeysiis ama oggolaansho oo dhinacyo dibadda ah,” ayay horay u tiri dowladda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, waxaa diyaaradahan ka horreeyay kuwa kale oo ay horay usoo bandhigtay dowladda dhexe, kuwaas oo ka qayb-qaatay dabaal-daggii maalmaha xoriyadda ee 26-ka June iyo kowda Luulyo ee dhowaan ka dhacay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Djibouti grants Ethiopia port control to calm Somalia tensions

Mogadishu, Somalia – In a significant diplomatic move, Djibouti has proposed granting Ethiopia full management control over one of its ports, an offer to defuse the escalating tensions surrounding the contentious Memorandum of Understanding (MoU) between Ethiopia and Somaliland.

This MoU, signed earlier this year, has become a flashpoint in the region, drawing sharp criticism from Somalia and raising concerns about the stability of the Horn of Africa.

In an interview with the BBC, Djibouti’s Foreign Minister Mahmoud Ali Youssouf emphasized the importance of regional stability and respect for national sovereignty.

“We are offering Ethiopia 100 percent management of a port in the new corridor that has already been built,” Youssouf stated, referring to the strategically located port in Tadjoura, just 100 kilometers from the Ethiopian border.

This proposal is seen as a viable alternative to Ethiopia’s controversial port deal with Somaliland, which has sparked significant opposition from Somalia.

The controversial MoU: Fueling regional tensions

The MoU between Ethiopia and Somaliland, which grants Ethiopia access to the Somaliland coast for constructing a naval base, has exacerbated strained relations in the region.

Somalia, which views Somaliland as an integral part of its territory, has vehemently opposed the agreement. Public sentiment in Somalia has been inflamed, with protests erupting in Mogadishu and other parts of the country.

Somalia’s government, led by President Hassan Sheikh Mohamud, has taken a firm stance, demanding the revocation of the MoU as a precondition for any dialogue with Ethiopia.

In response to the MoU, Somalia expelled the Ethiopian ambassador and threatened to remove the thousands of Ethiopian troops stationed in Somalia unless the agreement was rescinded.

The situation has reached a critical point, with Somalia insisting that its sovereignty and territorial integrity must be respected.

Djibouti’s Role: Mediator and strategic partner

As Ethiopia’s key economic and strategic partner, Djibouti’s proposal to offer Ethiopia full management of the Tadjoura port is a significant gesture aimed at promoting dialogue and preventing further escalation.

Djibouti has long been Ethiopia’s primary gateway to the sea, and this new offer could solidify its role as Ethiopia’s main trade hub while preserving regional stability.

Youssouf, also a candidate for the next African Union Commission (AUC) Chairperson, stressed the need for dialogue between the conflicting parties.

“The positions of both countries on the issue are very far, very asymmetric, and we need them maybe to think about compromise dialogue,” he said. He emphasized that the sovereignty of nations should be at the core of these discussions, with Djibouti, Kenya, and other regional players potentially mediating.

Ethiopia’s Ambitions: The Quest for sea access

Ethiopia’s interest in the Somaliland port is driven by its long-standing ambition to regain access to the sea, a vital economic and strategic priority since losing its coastline after Eritrea’s independence in 1993.

Prime Minister Abiy Ahmed has made it clear that securing sea access is a top priority for his administration. The naval base proposed under the MoU with Somaliland is a crucial step toward Ethiopia’s goal of establishing itself as a regional maritime power.

However, this ambition has alarmed Somalia and raised concerns among other regional players, including Djibouti and Egypt, who have significant strategic interests in the Red Sea and the Gulf of Aden.

Djibouti, in particular, views Ethiopia’s deal with Somaliland as a potential threat to its own economic interests, especially given its reliance on port revenues from Ethiopian trade.

Regional implications: The threat of escalation

The Ethiopia-Somaliland MoU has also heightened security concerns in the region. Somalia has indicated that it only wants Ethiopian troops to participate in the new African Union mission if the MoU is revoked.

This stance has added another layer of complexity to the already tense situation, with the militant group Al-Shabaab, which has been waging an insurgency in Somalia for over a decade, potentially poised to exploit the instability.

Youssouf expressed his concern over the potential for the conflict to spill over into broader regional security issues, particularly given the existing threats from groups like Al-Shabaab and the Houthi rebels in the Gulf of Aden.

“We are all already affected by what has been done so far by the terrorist group Al-Shabaab in our region,” he noted, underscoring the interconnected nature of security in the Horn of Africa.

The International response: Support for Somalia

The international community has largely sided with Somalia in the ongoing dispute, with major powers and organizations such as the G7, the Arab League, and the Organization of Islamic Cooperation (OIC) condemning the MoU.

These entities have stressed the importance of maintaining Somalia’s territorial integrity and have called for a diplomatic resolution.

Turkey has emerged as a critical mediator in the conflict, hosting talks between Somalia and Ethiopia in Ankara. Although the initial discussions failed to yield a breakthrough, Turkish Foreign Minister Hakan Fidan is set to host a second round of negotiations in mid-September.

Egypt, which has its own ongoing dispute with Ethiopia over the Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD), has also thrown its support behind Somalia, further complicating the regional dynamics.

Wararkii ugu dambeeyay ee xiisadda magaalada Ceerigaabo

0

Ceerigaabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in maanta xaalad daganaasho ah laga dareemayo magaalada Ceerigaabo oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka socdeen shaqaaqooyin u dhexeeya ciidanka Somaliland iyo maleeshiyaad hubeysan oo ku dagaalamay magaaladaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Sanaag ee Somaliland Axmed Cabdi Muuse oo u warramay Telefishinka Universal ayaa xaqiijiyay in dagaalladii ka dhacay halkaasi ay ku dhinteen dad gaaraya illaa 7 qof, balse dadaallo ay sameeyeen ay ku guuleysteen inay la dajiyo xaaladda degmada.

Axmed Cabdi Muuse ayaa sidoo kale sheegay in shaqaaqada ay sababtay beelo dagaallamay, isla markaana aysan jirin cid kusoo duushay magaalada Ceerigaabo, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan ognahay inay reero shaqaaqo dhex-martay  cid kale oo Ceerigaabo kusoo duushay ma ogin reeraha ay shaqaaqadu dhex-maray meel fiican ayaa wada-hadalkooda uu marayaa manta iyo jawiga nabadda Ceerigaabo waa idinkaa arka” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Qof weliba nabad ayuu ku joogaa, nabad ayuuna ku soconayaa waxaan uga mahad-naqeynaa bulshada sida wanaagsan ee ay ula shaqeynayaan ciidanka qaranka”.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in haatan arrinta iyo xalkeeda ay ku jiraan odayaasha dhaqanka si xal loo gaaro, magaaladana ay dagan tahay.

“Waxaan u mahad-naqeynaa waayeelka wada-hadalka ku jira ee arrinta daadi’inaya Ceerigaabo waa nabad-gelyo, dhowr Ceerigaab ma jirto dadka xumaanta sheegayo waa iyaga” ayuu sii raaciyay.

Ceerigaabo iyo agagaarkeeda ayaa laga dareemay xaalad kacsanaan ah oo isku rogtay inay is eedeeyaan Somaliland iyo SSC-Khaatumo oo horay ugu dagaalamay gobolka Sool.

Daawo: Masar iyo Itoobiya oo laga cabsi qabo inay Koonfur Galbeed ku dagaalamaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ee kasoo jeeda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa taageeray Itoobiya iyo qorshaha ka socda deegaanada gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

Xildhibaannadan oo warsaxaafadeed soo saaray, kadib shir jaraa’id oo ay ku qabteen banaanka xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay la dareen yihiin shacabkooda oo shalay iyo maanta dibad-baxayo lagu taageerayo ciidamada Itoobiya, laguna diidayo kuwa Masar ka dhigay degmooyinka Waajid iyo Xudur ee gobolka Bakool.

Ugu horreyn xildhibaannada ayaa dhaleeceeyay madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna ku eedeeyeen in dowlado is diidan uu lasoo galay heshiisyo difaac oo aan la horkeenin Baarlamaanka Soomaaliya.

“Madaxweynaha DFS wuxuu heshiisyo amni iyo difaac oo badan uu la galay dowlado is diidan, kuwaas oo aan la horkeenin Golaha Shacabka, waxaana ka dhalan kara halis khatarteeda leh” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxa ay ka digeen in gudaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada Koonfur Galbeed loo soo raro xiisadda wabiga Nile, kadibna ay ku dagaalamaan Itoobiya iyo Masar.

“Haddaba annaga oo og walaaca iyo dareenka dadkeena ay ka qabaan iyo mas’uuliyad naga saaran amniga iyo xasiloonida waxaan si weyn u diidanahay in colaadda caalamiga ah ee wabiga Nile oo u horseedi karo dagaallo ka qarxa mandiqa Geeska Afrika oo lagu hoobto waxyeelo soo gaarta dadka loo soo raro gudaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada Koonfur Galbeed” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Dowlado is dagaashan in la’isku ballamiyo oo ay isku dul dagaalaan dalkeenna in laga shaqeeyo waa laga haboon yahay”.

Ugu dambeyn xildhibaannadan ayaa ugu baaqay dowladda dhexe in aysan qalalaase horleh ka abuurin Koonfur Galbeed, kana laabato in ciidamada Masar la geeyo halkaasi.

“Hoggaanka DFS waxaan u sheegeynaa horumarka ka socda deegaanka Koonfur Galbeed oo ah isku tashiga waa inay ku boggaadiyaan, laakiin inay qalalaase siyaasadeed, dagaal iyo burbur inay u horseedaan ma’aha” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.

Xildhibaannadan waxaa ka horreeyay kuwa oo kale oo kasoo jeeda isla Koonfur Galbeed oo xalay ku shiray Muqdisho, kuwaas oo iyagana kasoo horjeeday qorshaha maamulka Laftagareen ee ku aadan Itoobiya, waxayna sheegeen in dadka shacabka ah lasoo abaabulay, iyada oo looga faa’iideysanayo daruufo amni oo ku haysto gobollada Baay iyo Bakool.

Maxay DF ka tiri qaraxyada ay Al-Shabaab ku xirtay suuqyadii gubtay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya, Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo maanta khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday Iskuul Buluusiyo ayaa ka hadlay arrimo ku aadan weerarada qaraxyada ahaa ee ayAl-Shabaab ku qaadeen suuqyada Tabeelaha Sheekh Ibrhaahim iyo Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Fartaag ayaa shaaca ka qaaday in Khawaarijta ay tahay cadowga Ummadda Soomaaliyeed, haddana ay billowday inay qarxiso suuqyada, si ay u burburiso dhaqaalaha shacabka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in arrintan ay muujineyso awood yarida kooxda, maadaama lagu qaaday howlgal cirka iyo dhulka ah, kaas oo looga xoreeyay dhul aad u ballaaran.

“Waxaa la ogaaday in Khawaarijta ay yihiin cadowga Soomaaliya waa arkeynseen waxa allaala wixii bulshada laf dhabarka u ahaa iyo dhaqaalihii ayay markan la dagaalamayaan, awood kale waa waayeen” ayuu yiri wasiirka amniga gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxay bilaabeen in dukaamada gubaan inay maqaayadaha gubaan inay hoteellada gubaan iyo inay suuqyada gubaan”.

Waxaa kale oo uu farriin u diray shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay inay laba jibaaraan doorkooda ku aadan ka qayb-qaadashada dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo saaka laba qarax oo waa weyn lagu gubay suuqii Tabeelaha Sheekh Ibraahim, sababo la xiriiray markii lagu xiray Caamirooyinka CC Tv.

Suuqyadii Ceelasha Biyaha ayaa iyagana kasii horreeyay oo dhulka lala simay, waxaana weeraradan ku hanti beelay ganacsato badan oo Soomaaliyeed.

Ethiopia vs Somalia-Egypt: New military pact sparks tensions

The Horn of Africa, already a region plagued by complex geopolitical dynamics, faces increased tension due to a newly formed military alliance between Somalia and Egypt. This development has significantly unsettled Ethiopia, a key player in the region, raising fears that the growing discord could escalate beyond diplomatic exchanges.

The alliance, which includes plans for a substantial Egyptian military presence in Somalia, has sparked concerns about a potential conflict that could further destabilize an already fragile area.

Tensions reached a new high this week when two Egyptian C-130 military aircraft landed in Mogadishu, Somalia’s capital. The arrival of these planes marked the first concrete step in a military cooperation agreement signed earlier in August during a state visit by the Somali president to Cairo.

The deal includes deploying up to 5,000 Egyptian soldiers to Somalia by the end of the year, with an additional 5,000 potentially joining later. This military buildup has drawn sharp criticism from Ethiopia, which has long been a strategic ally of Somalia in its fight against al-Qaeda-linked militants.

Ethiopia, embroiled in a bitter dispute with Egypt over the construction of the Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) on the Nile River, views the presence of Egyptian troops in Somalia as a direct threat.

“We cannot stand idle while other actors take measures to destabilize the region,” stated an Ethiopian government spokesperson, highlighting the growing unease in Addis Ababa.

The Ethiopian-Somali rift: A historical context

The deteriorating relations between Ethiopia and Somalia are rooted in deeper historical and geopolitical issues. Ethiopia, a landlocked nation since Eritrea’s secession in the early 1990s, has long sought access to the sea.

This ambition was partly addressed earlier this year when Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed signed a controversial agreement with Somaliland, a self-declared republic, to lease a 20-kilometer section of its coastline for 50 years.

The deal has been met with hostility by Somalia, which considers Somaliland part of its territory and views Ethiopia’s actions as an act of aggression.

The Somali government fears that Ethiopia’s recognition of Somaliland could set a dangerous precedent, encouraging other countries to acknowledge Somaliland’s independence.

This move could weaken Somalia’s territorial integrity and embolden other separatist movements within its borders.

The deal has also alarmed Djibouti, another neighbor, which relies heavily on port revenue from Ethiopian imports. To de-escalate the situation, Djibouti has offered Ethiopia access to one of its ports. This gesture reflects the high stakes involved in the regional power play.

Egypt’s strategic interests: The Nile Dam dispute

Egypt’s involvement in Somalia is closely linked to its longstanding dispute with Ethiopia over the GERD. The Nile, a lifeline for Egypt, originates largely in the Ethiopian highlands, and the GERD project, which began in 2011, has been a point of contention ever since.

Egypt fears that the dam will significantly reduce its share of Nile waters, which are crucial for its agriculture and population. The Egyptian government has warned that any threat to its water security could have severe consequences.

For Ethiopia, however, the GERD represents a critical development project that could transform its economy by providing electricity to millions and powering industrial growth.

The impasse over the dam’s operation and water flow remains unresolved, with the most recent diplomatic efforts collapsing late last year.

Egypt’s military presence in Somalia is thus seen by many as part of a broader strategy to exert pressure on Ethiopia, potentially using the Horn of Africa as a new front in the Nile dispute.

Regional repercussions: The risk of conflict

The increasing militarization of the Horn of Africa, with foreign powers like Egypt and regional actors like Ethiopia and Somalia at odds, has raised concerns about the potential for armed conflict.

Ethiopia has already expressed its dismay at Somalia’s decision to exclude Ethiopian troops from the African Union (AU) peacekeeping mission starting next year.

The AU mission, which has been in place since 2007, has relied heavily on Ethiopian forces to combat al-Shabab militants in Somalia. The prospect of Ethiopian troop withdrawal and the deployment of Egyptian forces has created a volatile situation.

Experts warn that a direct clash between Ethiopian and Egyptian forces in Somalia could ignite a broader regional conflict, drawing in other countries with vested interests in the Red Sea’s strategic waterways.

Somaliland, which has its grievances with Somalia and Egypt, has cautioned that the presence of Egyptian military bases in Somalia could further destabilize the region.

The global stakes: Trade and diplomacy

The implications of a conflict in the Horn of Africa extend beyond regional borders. The Red Sea, a critical artery for global trade, sees approximately 17,000 ships pass through the Suez Canal each year, accounting for 12% of annual global trade. Any disruption in this area could have significant economic repercussions worldwide.

Recognizing the potential for a broader crisis, countries like Saudi Arabia, the United Arab Emirates (UAE), and Turkey have actively sought to mediate between the conflicting parties.

The UAE, with its substantial investments in Somaliland and Ethiopia, and Turkey, which maintains strong ties with Ethiopia and Somalia, are seen as key players in any diplomatic resolution. Talks mediated by Turkey are scheduled to begin in mid-September, with the international community closely watching the outcome.

As the Horn of Africa teeters on the brink of further instability, the international community faces the challenge of navigating a complex web of alliances, historical grievances, and strategic interests.

The military alliance between Somalia and Egypt has not only heightened tensions with Ethiopia but also underscored the fragility of peace in a region where conflicts can easily spill over into neighboring countries.

The coming months will be crucial in determining whether diplomacy can prevail or whether the Horn of Africa will become the latest theater in a long-running geopolitical struggle.

Xasan Sheekh oo iclaamiyay shir deg deg ah + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo warramayaa inuu iclaamiyay shir deg deg ah, kaas oo ay isugu imaanayaan Golaha Amniga Qaran, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Ujeedka shirkan ayaa ah mid looga arrinsanayo xaaladaha soo kordhay, gaar ahaan arrimaha ammaanka iyo farogelinta ay weli Itoobiya ku heyso arrimaha Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in shirkan si gaar ah diiradda loogu saarayo dhaq-dhaqaaqyada maamulka Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen_ ka bilaabay gobollada Baay iyo Bakool, kadib markii laga soo dhaweeyay ciidamada Itoobiya, lagana diiday ciidamada Masar oo lagu beddalayo.

Golaha Amniga Qaranka ee uu hadda isugu yeeray madaxweynaha ayaa la filayaa inay soo saaraan go’aanno culus oo ku aadan xiisadda taagan iyo sidii loo fulin lahaa qorshaha imaatinka ciidamada Masar oo qayb ka noqon doono howlgalka cusub ee beddalaya ATMIS.

Tallaabada madaxweynaha ayaa imaaneyso ayada oo deegaannada Bakool, Hiiraan, Baay, iyo Gedo ayaa laga dareemay kacdoon ka dhan ah heshiiska ay Soomaaliya la gashay Masar, iyada oo bulshada deegaanka la abaabulay, si ay taageeraan ciidanka Itoobiya.

Dhinaca kale qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ayaa dhankooda kasoo horjeestay tallaabada uu qaaday Laftagareen, waxayna sheegeen inay kasoo horjeedo madax bannaanida Soomaaliya.

Isku soo wada duubo, arrimahan ayaa imanaya xilli ay dowladda federaalka ay dooneyso inay ka saarto ciidamada Itoobiya howl-galka nabad ilaalinta, iyadoo u aragta xukuumadda Addis Ababa inay ku xad-gudubtay qaranimada Soomaaliya kadib is-afgaradkii badda ee la saxiixatay Somaliland, kaas oo illaa hadda aysan ka noqon.