26.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

Xasan Sheekh oo iclaamiyay shir deg deg ah + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo warramayaa inuu iclaamiyay shir deg deg ah, kaas oo ay isugu imaanayaan Golaha Amniga Qaran, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Ujeedka shirkan ayaa ah mid looga arrinsanayo xaaladaha soo kordhay, gaar ahaan arrimaha ammaanka iyo farogelinta ay weli Itoobiya ku heyso arrimaha Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in shirkan si gaar ah diiradda loogu saarayo dhaq-dhaqaaqyada maamulka Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen_ ka bilaabay gobollada Baay iyo Bakool, kadib markii laga soo dhaweeyay ciidamada Itoobiya, lagana diiday ciidamada Masar oo lagu beddalayo.

Golaha Amniga Qaranka ee uu hadda isugu yeeray madaxweynaha ayaa la filayaa inay soo saaraan go’aanno culus oo ku aadan xiisadda taagan iyo sidii loo fulin lahaa qorshaha imaatinka ciidamada Masar oo qayb ka noqon doono howlgalka cusub ee beddalaya ATMIS.

Tallaabada madaxweynaha ayaa imaaneyso ayada oo deegaannada Bakool, Hiiraan, Baay, iyo Gedo ayaa laga dareemay kacdoon ka dhan ah heshiiska ay Soomaaliya la gashay Masar, iyada oo bulshada deegaanka la abaabulay, si ay taageeraan ciidanka Itoobiya.

Dhinaca kale qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ayaa dhankooda kasoo horjeestay tallaabada uu qaaday Laftagareen, waxayna sheegeen inay kasoo horjeedo madax bannaanida Soomaaliya.

Isku soo wada duubo, arrimahan ayaa imanaya xilli ay dowladda federaalka ay dooneyso inay ka saarto ciidamada Itoobiya howl-galka nabad ilaalinta, iyadoo u aragta xukuumadda Addis Ababa inay ku xad-gudubtay qaranimada Soomaaliya kadib is-afgaradkii badda ee la saxiixatay Somaliland, kaas oo illaa hadda aysan ka noqon.

Sawirro: Degmadii labaad ee dalka oo laga soo dhaweeyay Itoobiya, lagana diiday Masar

0

Waajid (Caasimada Online) – Degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa noqotay degmadii labaad ee lagu qabto dibadbax lagu taageerayo ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaanada Koonfur Galbeed, sidoo kalena lagu diidayo keenista ciidamada Masar.

Dibadbaxan aya waxaa horkcayay guddoomiyaha degmada Waajid Maxamed Macallin Yusuuf, waxaana uu sheegay inay taageerayaan sii joogitaanka ciidanka Itoobiya.

Sidoo kale waxaa qaar kamid ah dadkii ka qayb-galay banaanbaxa ay sheegeen in deegaanadooda aysan ka howlgeli doonin ciidamada Masar ee lagu bedalayo kuwa Itoobiya.

Dibad-baxayaasha ayaa sitay boorar ay ku qoran yihiin “ma rabno Masar” iyo “soo dhawoow Itoobiya”, taas oo fajaciso ku noqotay dad badan, maadaama ay hadda meel xasaasi ah mareyso xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sidoo kale dibad-baxayaasha ayaa ku ammaanay ciidamada Itoobiya dadaalka dheeriga ah ee ay ku bixiyeen sidii ay gobolka uga difaaci lahaayeen Al-Shabaab, iyagoo u arka ciidankan in ay naftooda u hureen amniga dadka deegaanka.

Waxaa kale oo ay dowladda federaalka Soomaaliya ugu baaqeen in ay diiradda saarto xallinta arrimaha Itoobiya kala dhaxeeya, halkii ay abuuri caqabad hor leh, oo ay u arkaan imaatinka ciidamada Masar.

Shalay ayay ahayd markii sidaan oo kale dibad-bax kan lamid ah loogu qabtay degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, kaas oo isna lagu taageeray ciidanka Itoobiya.

Isku soo wada duubo, arrimahan ayaa imanaya xilli ay dowladda federaalka ay dooneyso inay ka saarto ciidamada Itoobiya howl-galka nabad ilaalinta, iyadoo u aragta xukuumadda Addis Ababa inay ku xad-gudubtay qaranimada Soomaaliya kadib is-afgaradkii badda ee la saxiixatay Somaliland, kaas oo illaa hadda aysan ka noqon.

Sawirro: Xildhibaannada beelaha Hawiye oo 4 qodob soo saaray, kuna dhowaaqay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanaha Beesha Hawiye oo mar kale xalay kulan xasaasi ah ku yeeshay gudaha magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan cabashada kasoo yeereyso ganacsatada Muqdisho.

Kulankan oo laga soo saaray go’aanno culus ayaa waxaa sidoo kale ka qayb-galay ganacsato ,siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameed ka soo jeeda Beesha Muddulood, waxaana dhinacyadu ay ka wada-hadleen culeysyada jira iyo qaladaad ay sheegeen inay gaysaneyso dowladda Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale shirka laga soo saaray 4 qodob oo xasaasi ah, ayada oo lagu iclaamiyay shir ay xildhibaannada Hawiye ku sheegeen in lagu badbaadinayo dalka, isla markaana ay isaga bari yeelayaan dhibaato ay sheegeen inuu gaysanayo madaxweyne Xasan Sheekh.

Falanqeyn iyo dood dheer ka dib waxaa la isku raacay:-

1. Waxaa la doortay guddi qabaqaabo Shirweyne Hawiye si Hawiye uu isaga badbaadiyo, ummadda soomaaliyeedna ugu badbaadiyo ,isagana bari yeelo khatarta jirta iyo in magaca dowladeed lagu geysanayo ku tagrifal awoodeed taas oo uu masuuliyadda koowaad leeyahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Shiikh Maxamuud maadaama iyagu ay leeyihiin gacan qabashadiisa oo u uku abirsado, badankoodna ay lahaayeen sababta guushiisa .

2. In xal loo helo cabashada xarka goostsya ee Ganacsatada Soomaaliyeed oo Gobolka Banaadir iyo Nawaaxigiisa ka haysta dhiigmiirad aan u naxaynin taas oo ay u dheer tahay codowga Khawaarijta oo amarro naf lacaarinimo ay ka muuqato dul dhigay.

3. In Gogosha la balaariyo oo lagu casuumo dhamaan wax garadka qabaa’ilka Soomaaliyeed ,sabatoo ah hab dhaqanka rajiimka talada haya maahan mid u adeegaya danta guud ee Shacabka ,midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed.

4. In Siyaasiyiinta dalka loogu baaqo in ay u I staagaan ka qeyb qaadashada toosinta dowladnimada si aan dalka uga dhicin haadaan aan laga soo saari karo iyo in Soomaaliya ay noqoto goob ay ku hardamaan dalal leh maslaxadooda gaarka ah.

Shirkan ayaa daba socday shir hore oo ay xildhibaannadan ku yeesheen guriga madaxweyniii hore Sheekh Shariif, kaas oo looga hadlay xaaladaha soo kordhay, gaar ahaan culeyska ganacsatada ee ku aadan canshuuraha ee lagu rogay reer Muqdisho.

JABUUTI oo keentay qorshe dekad xal u ah khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa mar kale war cusub kasoo saartay xiisadda diblumaasiyadeed ee haatan u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo gaartay meeshii ugu xumeyd.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf ayaa BBC-da u sheegay in dalkiisa uu hayo qorshe xal u ah khilaafka labada dal ee ka dhashay heshiiska badda ee horaantii sanadkan dhex-maray madaxweynaha Somaliland iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Maxamuud Cali Yuusuf ayaa shaaca ka qaaday in Jabuuti ay diyaar u tahay in Itoobiya ay siiso marin biyood iyo sidoo kale deked, si xiisadda loo soo afkaro.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in dekeddaas ay noqon doono dekedda magaalada Tadjoura oo 100 KM u jirta xuduudka Itoobiya, isla markaana leh waddo horay loo dhisay.

“Markaa marin-u-helidda badda ee Itoobiya dhib kuma ahaan doono” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in hindisahan uu madaxweyne Geelle uu la wadaagi doono Madaxweynaha Xasan Maxamuud  iyo Ra’iisul wasaare biy Axmed inta uu socdo shir-madaxeedka Shiinaha iyo Afrika ee Beijing ka furmaya 4-ta bisha September ee sanadkan.

Hadalkan kasoo yeeray Jauuti ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli halkeedii tahay xiisadda Addis Ababa iyo Muqdisho, waxaana fashil kusoo dhamaaday labada kulan oo ay labada dhinac ku yeesheen magaalada Ankara, si ay uga wada-hadlaan xiisadda dhexdooda ah.

Si kastaba, Itoobiya ayaa marar badan ku cel-celisay inay lama huraan tahay inay hesho marin biyood iyo deked, lamana oga sida ay arrintan wax uga beddali doonto xiisadda taagan iyo heshiiskii uu Abiy la galay Muuse Biixi, kaas oo dhaliyay carada Soomaaliya.

Shabaab oo qarxiyay suuqa Tabeelaha Sheekh Ibraahim

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo xoogan oo saaka laga maqlay xaafadda Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho, kaas oo lala beegsaday goobaha ganacsi ee ku yaalla suuqa xaafaddaasi oo ka tirsan degmada Garasbaaley ee gobolka Banaadir.

Qaraxyada oo labo ahaa ayaa gilgilay Tabeelaha, waxaana xigtay gubashada suuq wayn oo ku yaalla halkaas oo uu dab xoogan qabsaday, kadib qaraxyada lala eegtay.

Suuqaan oo aad u camirnaa, isla-markaana hanti badan ay dhextiilay ayaa lasoo wariyay in dhammaantii uu dhulka dhigay dabka qabsaday, sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay beegsatay goobahaasi ganacsi, kadib markii la sheegay in lagu xiray Caamirooyinka qarsoon ee CC TV.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lagu howlanyahay daminta dabka ka kacay suuqaan oo ah mid weyn oo illaa iyo iminka maareentiisu ay qaadatay waqti badan.

Weerarkan waxaa ka horreeyay mid kale oo dhowaan ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha, kaas oo isna ahaa qaraxyo lala eegtay goobo ganacsi oo gebi ahaanba gubtay.

Si kastaba, dhacdooyinkan is xig-xiga ayaa imaanaya, xilli Ceelasha Biyaha iyo deegaanada u dhow ay maalmahan howlgallo culus ka wadeen ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Dacwaddii loo haystay nin lagu eedeeyey inuu lacag ka dhacay DF oo la laalay

Bathesda (Caasimada Online) – Maxkamad federal oo Mareykan ah ayaa laashay kiis dacwadeed ay dowladda Mareykanka kusoo oogtay qareen degan gobolka Maryland, oo ku eedeysnaa inuu dhacay hantida dowladda Soomaaliya.

Jeremy Wyeth Schulman, oo ah 48 jir, ayaa December 2020 lagu soo oogay dacwado la xiriira inuu ku lug yeeshay qorshe si khiyaano ah looga soo qaaday hay’ado maaliyadeed lacag gaareysa 12.5 milyan oo dollar, oo ka mid ah hantida dowladda Soomaaliya, islamarkaana uu boqolaal kun oo dollar siiyay shirkad sharci oo qaadatay in ka badan 3 milyan oo dollar oo lacagtaas ka mid ah.

Dacwadaha loo haystay Schulman ayaa waxaa ka mid ahaa musuq-maasuq banki, been xalaaleyn lacag, iyo lacago si sharci-darro ah la isaga gudbiyey banki.

Si kastaba, garoosre Paula Xinis, oo ah xaakimka maxkamadda federaalka Mareykanka ee degmada Maryland, ayaa Jimcihii shalay laashay kiiska ka dhanka ah Schulman kadib markii ay sidaas codsatay dowladda Mareykanka, oo ka laabatay dacwadda oo soo socota muddo saddex sano ka badan. 

Warqadda kasoo baxday garsooraha laguma shaacin sababta ay dowladda Mareykanka u codsatay in kiiska la laalo. 

Dacwadda markii hore lagu soo oogay Schulman iyo xubno kale ayaa waxaa ka mid ahaa; in ay isku dayeen inay si sharci-darro ah gacanta ugu dhigaan maamulka boqolaal milyan oo dollar ah oo ka mid ah hantida Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, ee taalla bankiyada caalami ah, taasi oo la hakiyey markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii. 

Sida ku xusneyd dacwadda la laalay, Schulman ayaa bankiyadaas u geeyey dokumentiyo lagu sheegay in la been-abuuray, si uu gacanta ugu dhigo maamulka malaayiin dollar oo ah hantida dowladda Soomaaliyeed, intii u dhaxeysay 2010 illaa 2014.

Schulman ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu boqolaal kun oo dollar oo magdhow ah ka qaatay shirkad sharci, taasi oo si aan sax aheyn u qaadatay 3.3 milyan oo dollar oo ka mid ah lacagta dowladda Soomaaliya.

Schulman ayaa horey dowladda federaalka Soomaaliya ugu matalay kiisas dhowr ah, oo ay ka mid yihiin baaritaanka eedeymo musuq-maasuq oo ay soo jeediyeen kooxda QM ee kormeerka Soomaaliya iyo Eritrea (UN Monitoring Group for Somalia and Eritrea).

DF oo laga dalbaday inay ciidamo gayso BAKOOL kadib talaabadii maamulka Laftagareen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Abuukar oo kamid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ee kasoo jeeda deegaanada koonfur Galbeed ayaa si adag uga hadlay dibad-baxii ay shalay soo abaabushay Koonfur Galbeed ee ka dhacay degmada Xudur, kaas oo lagu diiday ciidamada Masar, balse lagu soo dhaweeyay ciidanka Itoobiya.

Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday i n arrintaan aysan raalli ka ahayn, isla markaana shacabka ay metalaan looga faa’iideystay daruuf amni oo ku geedaaman, wuxuuna xusay in Itoobiya ay tahay midda kusoo xadgubtan madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

“Maanta Itoobiya iyada ayaa ka gar darran Soomaaliya oo aduunkana waa ogyahay Soomaalina waa og tahay in madax banaanideeda qarameed iyo baddeeda lagu soo gar darooday wax Soomaali raali ku noqoneyso ma’aha, shacabka aan mataleyno raalli kama ah daruufbaa looga faa’iideystay” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Abuukar.

Sidoo kale wuxuu farriin culus u diray dowladda federaalka, isaga oo ka dalbaday inay ka hortegto arrintan, isla markaana ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Danab iyo Gorgor ay si deg-deg ah ku geyso gobolka Bakool.

“Hal farriin baan rabaa inaan halkan ka diro dowladda Soomaaliyeed waajib baa idinka saaran sida hadaba laga bilaabay gobollada ciidamada Soomaaliyeed maanta la tababaray amnigooda ay ku filan yihiin waxaan codsaneynaa in si deg-deg ah gobolka Bool ciidamo loo geeyo, weliba ciidamada sida gaarka ah u tababaran oo Danab iyo Gorgor ay kamid yihiin” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Abuukar.

Xildhibaanka oo sii hadlayay ayaa shaaca ka qaaday in dalka oo dhan ay mas’uul ka tahay dowladda dhexe, go’aanka ciidamada baxaya iyo kuwa imaanayana laga rabo iyada, wuxuuna xusay in dowlad goboleed uusan geli karin arrin ku saabsan ciidamada shisheeye.

“Dowladda Soomaaliyeed waddankan iyada ayaa mas’uul ka ah ciidankii joogi lahaa iyo ciidankii ka bixi lahaaba dowladda Soomaaliyeed ayaa mas’uul ka ah dowlad goboleed gaar ulama geli karo dowlad ciidankii joogi lahaa iyo kuwii la keeni lahaaba”  ayuu sii raaciyay.

Isku soo wada duubo, arrimahan ayaa imanaya xilli ay dowladda federaalka ay dooneyso inay ka saarto ciidamada Itoobiya howl-galka nabad ilaalinta, iyadoo u aragta xukuumadda Addis Ababa inay ku xad-gudubtay qaranimada Soomaaliya kadib is-afgaradkii badda ee la saxiixatay Somaliland, kaas oo illaa hadda aysan ka noqon.

Daawo: Cali Wajiis oo soo bandhigay 3 sifo oo cajiib ah oo Masar la wadaagto Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cali Wajiis oo kamid ah culimada ugu waaweyn Soomaaliya ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku amaanay go’aanka uu qaatay markii ay Itoobiya ku soo xadgudubtay qaranimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.

Sheekh Cali ayaa sheegay in Masar ay tahay dalkii ugu haboonaa ee cadowga Itoobiya ay Soomaalidu u kaashan laheyd, isagoo soo bandhigay seddax sifo oo Soomaaliya iyo Masar ay ka mideysan yihiin.

“Masar waa dal Islaam ah oo Carab ah oo Afrikan ah, saddexdaas sifo waan wadaagna, markii muslimiintu hiil isaga baahatana waa isisiiyaan, waxaana na fareysa diinteena Islaamka, marka Masar waa dalkii ugu haboonaa oo na garab istaagi lahaa,” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Sidoo kale Sheeqa ayaa sheegay in dalka labaad ee Soomaaliya ugu dhow uu yahay Turkiga oo isna islaam ah, isagoo taasi ju macneeyey in Soomaaliya ay ku socoto jidkii toosnaa oo xaqeeda ay ku difaaca laheyd.

“Nabigeena CSW ayaa ka dardaarmay in muslimintu ay isku gurmadaan markii culeys soo wajaho, sidaan ognahay Itoobiya waa gaalo in markii ay nagu soo duusho aan islaamka garab ka raadino waa banaantahay,” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Shiiqa ayaa sheegay in Itoobiya ay bilowday inay u cagajugleyso Soomaaliya oo ah wadan islaam ah, sidoo kale wuxuu sheegay in Masar ay waligeed saameyn ku laheyd arrimaha ka socda Geeska Afrika.

Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in dagaalka Soomaalida iyo Itoobiyaanka uu soo bilowday sanadihii 1910-kii, wuxuuna sheegay in Itoobiyaanku ay ku jebi jireen dagaalada ay la galaan Soomaalida.

Sidoo kale Masar ayuu ku tilmaamay wadan waligiis garabtaagnaa qadiyadaha Soomaaliya, isagoo tusaale u soo qaatay dagaalo adag oo labad dal u dhaxeeyey oo Masaaridu ay ku garab siiyeen Soomaalida.

Hoos ka daawo

Daawo: Xildhibaano qiyaano qaran ku eedeeyey Laftagareen, kana soo saaray dalab xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Xildhibaanada BFS ee ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ayaa caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, iyagoo si adag uga hadlay abaabulkii bulsho ee Jimcihii ka dhacay magaalada Xudur ee gobolka Bakool, halkaas oo banaanbax loogu hiiliyey Itoobiya uu ka dhacay.

Xildhibaanada oo soo saaray war-saxaafadeed ayaa eedeymo xasaasi ah u jeediyey Madaxweynaha K/Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, iyagoo soo jeediyey in lagula xisaabtamo qaladka uu ka gelayo qaranimada Soomaaliya.

Xildhibaanada ka soo jeeda K/Galbeed ayaa sheegay inay ka naxeen wixii ka dhacay degmada Xudur oo gef ku ahaa qaranimada Soomaaliya, iyagoo Laftagareen ku eedeeyey inuu soo abaabulay dadkii dhigay banaanbaxa.

“Shacabka u banaanbaxay Itoobiya ee Xudur ku nool waxay ku jiraan go’doon adag oo Khawaarijtu ay gelisay, waxaana talaabadaas ku qasbeysa cabsida ay qabaan, taasna waxaa u sabab ah joogitaanka sharci darrada ah ee Laftagareen,” ayuu yiri Xildhibaan Balaag oo akhriyey bayaanka.

Wuxuu sheegay in Laftagareen uusan ogoleyn in Khawaarijta laga xoreeyo K/Galbeed, taasi oo deegaanada Koonfur Galbeed ka dhigtay meel uusan ka socon dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta.

“Taliska ciidanka xoogga dalka wuxuu diyaariyey ciidan ka badan labo guuto iyo saldhig weyn oo ciidanka Danab looga dhisi lahaa Koonfur Galbeed, balse waxaa si cad u hor istaagay qorshahaas madaxweynaha deegaanka Cabdicasiis Laftagareen,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xildhibaan Balaag.

Xildhibaanada ayaa warkooda ku sheegay in Soomaaliya ay tahay dal madax-banaan oo heshiis la geli kara cid kasta, “Dowladda Itoobiya marnaba xaq uma laha inay ku soo xadgudubto Soomaaliya, waxaana masuul ka ah ilaalinta qaranimada Soomaaliya xukuumadda federaalka Soomaaliya.”

Sidoo kale xildhibaanada ayaa war-saxaafadeed kooda ku yiri “Joogitaankiisa sharci darrada ah ee Laftagareen wuxuu uga faa’iideystay inuu galo qiyaano qaran, wuxuuna khatar ku yahay jiritaanka Soomaaliya iyo xasiloonida deeganaada Koonfur Galbeed, waxaan dowladda dhexe xusuusineynaa in Laftagareen uu galay qiyaano qaran oo mudan in lagula xisaabtamo.”

Hoos ka daawo

DF oo tallaabo culus ka qaaday nin Muqdisho ka geystay arrin laga wada carooday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka howlgala Saldhigga Booliska dagmada Deyniile ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysane Cabdiqani Daahir Shire oo loo heysto inuu si bareer ah Cagaf ugu jaray geedo waaweyn oo ku yaalay xaafada Gubta ee degmadaas.

Booliska ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in eedeysanahaan la horgeydoono Maxkamadda awooda u leh,  iyagoo sidoo kale uga digay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan xaalufinta geedaha nacfiga u leh dadka, duunyada iyo deegaanka.      

Muuqaal laga duubay ninkaan oo Geed weyn jaraya ayaa aad ugu faafay baraha bulshada saacadihii lasoo dhaafay, arrintaan ayaa salka ku heysa dhismaha waddo laami ah, balse in la jaro geedkaas waa laga baaqsa karay, waana inta loo heyto ninkaan.

Guddoomiyaha degmada Deyniile oo ka hadlay arrintaas ayaa sheegay in Geedkaas loo jaray si aan ku talagal aheyn oo Cagaftu ay ku dhacday, balse waxaa la hayaa muuqaalo muujinaya in si ku talagal ah Geedka loo jaray.

Dhinaca kale Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Soomaaliya oo ka hadashay kiiskaan ayaa digniin adag kasoo saartay Jarista Dhirta oo xiligaan muhiim u ah dalka, dadka iyo duunyada, maadaama is bedel xoog leh uu ku yimid cimillada adduunka oo dhan.

“Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Soomaaliya waxa ay ku bogaadineysaa Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed soo qabashada eedeeysanihii ku xad gudbay Geedka ee deegaanka nabaad guurka u horseeday, jarista iyo nabaad guurinta dhirta waa danbi ku xusan sharciga ilaalinta deegaanka,” ayaa lagu yiri qoraal ka kasoo baxay wasaaradda deegaanka.

Wasaaradda ayaa cidii ku kacda inay dhirta jarto ku wargelisay inay la tiigsan doonto sharciga, “Waaanna bulshada Soomaaliyeed ku boorineynaa in ay ilaaliyaan deegaanka, kana dhowraan wax kasta oo dhibaato ku keeni kara” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wasaaradda deegaanka ayaa ammaan iyo bogaadin u jeedisay dadweynaha Soomaaliyeed ee iyaguna ka dhiidhiyey falkii guracnaa ee lagu jaray dhirta, ayadoo ku tilmaantay natiijo muujineysa yididiilada in dadkeennu markaan garteen qiimaha dhirtu u leedahay deegaanka.

Somaliland oo war culus ka soo saartay qorshaha Masar ay u timid Soomaaliya

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa si adag uga hortimid taageerada milateri ee dawladda Masar ay u fidisay dowladda federaalka Soomaaliya, iyagoo tallaabadaas ku macneeyey inay tahay mid halis ku ah xasiloonida gobolka Geeska Afrika.

War-saxaafadeed ka soo baxay shirkii golaha wasiirrada Somaliland ayaa looga digay taageerada milateri ee Masar, taas bedelkeedana waxay Masar u soo jeediyeen in ay Qaza taageero uga baahan tahay.

“Golaha wasiirradu waxa uu si adag uga digayaa xoogaga shisheeye ee meelaha fog-fog looga soo daabulayo gobolka Geeska Afrika oo ay ka mid yihiin ciidamada Masaaridu ku soo daabulayso Muqdisho,” ayaa lagu yiri bayaanka Somaliland.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray “Ciidamada Masar waxaa Muqdisho uga baahi badan Qaza oo u baahan gurmad walaalnimo, maadaama ay deris la tahay, isla markaana ay heystaan darxumo, colaado iyo macaluul daran.”

Xukuumadda Somaliland ayaa ku dooday in taageerada milateri ee Masaaridu inaanay wax weyn u soo kordhinayn Soomaaliya, balse ay jiraan dano gaar ah oo ay Masaaridu arrintan ka leeyihiin.

War-Saxaafadeed kale oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha debedda ee Somaliland ayaa isna lagu muujiyey dareenka Somaliland, iyaga oo beesha caalamkana ugu baaqay inay arrintan cambaareeyaan, kana horyimaadaan.

Qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha debedda Itoobiya ayaa lagu sheegay, in tallaabada ay qaaday Masar inay halis ku tahay amniga gobolka oo saamaynaya Somaliland, taas bedelkeedana aanay daawade ka noqonaynin.

Dawladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa hore u gaaray heshiis difaac iyo mid amni, waxaana tallaabadaasi ay dhashay, in Masar ay Soomaaliya soo gaarsiiso taageeradii milateri ee ugu horraysay muddo 40 sanadood ah kadib.

Masar ayaa danaynaysa inay qayb ka noqoto ciidamada nabad ilaalinta ee bedeli doona hawlgalka haatan socda ee ATMIS, halka Itoobiya ay noqon doonto dalka kaliya ee la bixi doona dhamaan ciidankiisa ku jira ATMIS.

Sawirro: Munaasabad weyn oo ka dhacday safaaradda Turkiga ee Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa galinkii dambe ee maanta xarunta safaaradda Turkiga ee Muqdisho ka qabsoomtay munaasabad heer sare ah oo xuska 102-aad ee Maalinta Jamhuuriyadda Turkiga.

Munaasabaddan ayaa waxaa lagu xusayay taariikhda dheer iyo guulaha Turkiga ka gaaray horumarka iyo dowlad-dhisidda tan iyo markii ay noqotay jamhuuriyad.

Munaasabaddan ayaa waxaa dowladda federaalka uga qeyb-galay ku-simaha ra’iisal wasaaraha ahna ra’iisal wasaare ku-xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac, guddoomiyaha golaha shacabka Aadan Madoobe iyo madax kale.

Mudane Saalax Axmed oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shacabka iyo dowladda Turkiga, isagoo ku ammaanay dadaalkooda ku aaddan horumarinta dowladnimada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in Turkiga iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xiriir saaxiibtinimo iyo mid walaaltinimo oo soo jireen ah, oo ku dhisan is-ixtiraam, iskaashi, iyo taageero is-dhaafsi, taas oo lagu arko mashaariicda horumarineed ee Turkigu ka wado Soomaaliya iyo taageerada uu siiyo shacabka Soomaaliyeed.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir saaxiibtinimo oo qoto dheer, iyada oo horraanta sanadkan ay labada dhinac qalinka ku duugeen heshiiska dhanka difaaca ah, kaas oo xukuumadda Ankara u ogolaanaya inay la wareegto difaaca biyaha Soomaaliya.

Labada dal ayaa sidoo kale dhawaan gaaray heshiis baaris shidaal ah, kaas oo dhigaya in Turkiga uu shidaal ka baari doono saddex aag oo ku yaalla gudaha biyaha Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia oo weerar culus ku qaaday madaxda DF

0

Addis Abab (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia ayaa weerar afka ah ku qaaday mas’uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya.

Taye Atske Selassie ayaa ku eedeeyay madaxda dowladda federaalka qaarkood hadallo cadawtinimo ah, iyadoo ay sii xumaanayso xiisadda u dhaxeysa labada dal ee deriska ah.

“Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Soomaalida ayaa hawlahooda caadiga ah ka dhigtay inay ballaariyaan khilaafaadka,” ayuu yiri Wasiir Taye oo warbaahinta kula hadlay magaalada Addis Ababa.

Isaga oo tixraacaya ku lug lahaanshaha Itoobiya ee howl-gallada nabad ilaalinta ee Soomaaliya tobankii sano ee lasoo dhaafay, diblumaasiga ugu sarreeya Ethiopia ayaa intaa ku daray “in saraakiisha Soomaaliya ay udub dhexaad u yihiin hadalkooda si ay u wiiqaan nafhurnimada askarta Itoobiya ay u bixiyeen dalka.”

Dhinaca kale, waxa uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia in dowladdiisa ay dooneyso in xiisadda taagan ay ku xaliso si nabad ah, xilli dhawaan lagu kala kacay wejigii labaad ee wada-hadallada kadib markii Ethiopia ay ka gows qabsaday ka laabashada is-afgaradkii Somaliland.

“Itoobiya waxay doonaysaa inay ku xalliso khilaafka kala dhexeeya Soomaaliya si nabad ah iyo dadaallo dublamaasiyadeed” ayuu yiri Wasiir Taye.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmay xilli ay xukuumadda Abiy Axmed ay ka gil-gilatay imaatinka Masar, oo maalmo kahor magaalada Muqdisho ay timid diyaarad milateri oo dalkaasi laga leeyahay, taas oo qeyb ka ah qorshaha Masar ay uga mid noqoneyso howl-galka cusub ee nabad ilaalinta.

Masar oo ah waddan uu muddo dheer khilaaf diblumaasiyadeed kala dhaxeeyay Ethiopia, muran ka dhashay biyo-xireenka weyn ee Addis Ababa ay ka dhistay webiga Nile-ka ayaa muujisay in ay ku howl-galka cusub kamid noqoto wax adag ku noqonaysa Ethiopia.

Maamulka Lafta-gareen oo qaaday tallaabo yaab leh oo ka dhan ah MASAR

0

Xudur (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa markale si yaab leh u muujiyey diidmada ciidamada Masar, kadib markii ay dowladda federaalka meel adag iska taagtay in Itoobiya ay qeyb ka noqoto howl-galka cusub ee soo socda.

Dibad-baxayaal u muuqday in lasoo abaabul ayaa waxay maanta isugu soo baxeen degmada Xuddur ee gobolka Bakool, kuwaasi oo sita boorar ay ku qoran yihiin “ma rabno Masar” iyo “soo dhawoow Itoobiya oo rabnaa”, taas oo fajaciso ku noqotay dad badan, maadaama ay hadda meel xasaasi ah mareyso xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dibad-baxan looga soo horjeeday in ciidamada Masar ay badalaan kuwa Itoobiya ee hadda ku sugan gobolka Bakool ayaa waxaa dadweynaha ku wehlinayay mas’uuliyiinta gobolka Bakool.

Dibad-baxayaasha ayaa ku ammaanay ciidamada Itoobiya dadaalka dheeriga ah ee ay ku bixiyeen sidii ay gobolka uga difaaci lahaayeen Al-Shabaab, iyagoo u arka ciidankan in ay naftooda u hureen amniga dadka deegaanka.

Ka qeyb-galayaasha dibad-baxa ayaa sheegay sida ay uga xun yihiin in ciidamada Itoobiya  lagu badalo ciidamada Masar, oo iyaga laftigooda ay ka dhaxeyso xiisadda salka ku haysa webiga Nile.

Sidoo kale waxay dowladda federaalka Soomaaliya ugu baaqeen in ay diiradda saarto xallinta arrimaha Itoobiya kala dhaxeeya, halkii ay abuuri caqabad hor leh, oo ay u arkaan imaatinka ciidamada Masar.

Isku soo wada duubo, arrimahan ayaa imanaya xilli ay dowladda federaalka ay dooneyso inay ka saarto ciidamada Itoobiya howl-galka nabad ilaalinta, iyadoo u aragta xukuumadda Addis Ababa inay ku xad-gudubtay qaranimada Soomaaliya kadib is-afgaradkii badda ee la saxiixatay Somaliland, kaas oo illaa hadda aysan ka noqon.

Ujeedka shir u dhaxeeyay DF iyo QM oo maanta ka dhacay Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta dhexe ee hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka ee SODMA ayaa maanta marti-galisay kulan muhiim ah, kaas oo si bille ah loogu gorfeeyo xaaladaha bani’aadannimo ee dalka.

Kulankaan ayaa wuxuu u dhaxeeyay hay’adda SODMA, xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadannimada (OCHA) iyo narnaamijka horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP).

Kulanka ayaa si wadajir ah u shir-guddoomiyay guddoomiyaha hay’adda SODMA Maxamuud Macallin Cabdulle iyo ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay George Conwey.

Waxaa diiradda lagu saaray kulanka sidii loogu diyaar-garoobi lahaa shirka madasha arrimaha bani’aadannimada (CHF) ee dhawaan lagu wado inuu qabsoomo, sidii dhaqaale soo kabasho loogu aruuri lahaa dadkii ay wax-yeelleysay saameynti El-nino iyo qorshaha ku aaddan abaarta La-nina.

Sidoo kale qodobbada laga wada-hadlay waxaa kamid ah sidii loo garab istaagi lahaa dadka uu saameeyay dab xooggan oo dhawaan ka kacay Suuqa Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar.

Sida ay sheegayso xog ururinta dabkaasi ayaa baabi’iyay 900 oo goobo ganacsi ah, islamarkaana burburiyay dhaqaale lagu qiyaasay $1.5 milyan ilaa $2 milyan.

Sidoo kale wuxuu waxyeelleeyay dabkaasi dhawaan ka kacay suuqa Hanti-wadaag ee Jowhar hab-nololeedka illaa 5,000 oo qoys.

Macalin Mahdi oo shaaciyay sabab yaab leh oo askarta ku kalifta dhaca shacabka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha qeybta booliska gobolka Banaadir Macalin Mahdi ayaa shaaciyay sababta ka dambeysa dhaca ay askarta qaar u geystaan dadka shacabka ah.

Taliyaha ayaa sheegay in dhibaatada noocan ah uu ka dambeeyo qamaarka 1xbet, isaggoo walaac ka muujiyay sida daran ee askarta dowladda qaarkood ay u isticmaalaan qamaarkan.

1xbet ayaa noqday sababta u weyn u yahay ee ka dambeeya kororka fal dambiyeedyada ka dhex dhaca askarta dowladda, sida uu shaaciyay taliyaha booliska gobolka Banaadir.

Taliyaha ayaa sheegay askar badan markii ay helaan mushahaarkooda, inay ku isticmaalaan 1xbet, kuwaas oo marka uu ka dhamaado u dhaqaaqa dhaca shacabka, si ay u helaan dhaqaale ay ku cayaaraan isla qamaarkn, taas oo dad badan la yaab ku noqotay.

“Khamaarkan markii ay ku ciyaaran mushaharkooda iyo qoryahooda iyagoo ka bilaabaya wax ka yar shan ama toban dollar, waxay galaan falal dambiyeedyo, sida dhaca moobilafa iyo xitaa inay dilaan dadka diida inay dhiibaan telefoonadooda,” ayuu yiri Taliye Macalin Mahdi.

Waxa uu intaas kusii daray “Dowladda tallaabo adag ayey ka qaadi doonta khamaarkan iyo askarta isticmaasha.”

Taliyaha ayaa ugu dambeyntiina xaqiijiyay in dowladda federaalka ay qaadayso tallaabooyin ay arrintan wax kaga qabanayso, iyada oo dhaqan-gelinaysa mamnuucidda barnaamijyada khamaarka oo ugu horreeyo kan loo yaqaano 1xbet.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey usoo saartay amar lagu mamnuucayo 1xbet, kaasi oo si weyn u saameeyay dhalinyarada Soomaaliyeed, marka laga imaado askarta oo iyagu shaqo muhiim ah u igman, hase ahaate ma noqon mid dhaqan-gal ah.

Itoobiya oo sheegtay inay daawade ka noqonayn arrimaha socda xilli Somalia…

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa si adag uga hadashay xaaladda ammaanka ee gobolka Geeska Afrika iyo weliba walaaca ay ka qabto xilliga kala guurka ee ciidamada Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ee ATMIS, kuwaas oo lagu bedelayo hawlgal cusub.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ee Itoobiya ayaa lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin halista ka iman karta hannaanka ay haatan wax u socdaan, taasi oo ay sheegeen inay khatar amni ku keeni karto gobolka.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Itoobiya ayaa sheegtay “in baaqyo kala duwan oo ka soo baxay Itoobiya iyo dalalka ku deeqay ciidamada, inaan si dhab ah loo qaadanin.”

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay “in aanay Itoobiya daawade ka noqonaynin, xilli ay dhinacyada kale ku hawlan yihiin inay qaadaan tallaabooyin ay xasilooni darro kaga abuuryaaan gobolka.”

Waxay intaas kusii dareen, inay si dhow ula soconayaan isbedellada ka socda gobolka ee taabanaya danohooda qaranka.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay dowladda Masar ay Soomaaliya u fidisay kaalmo milateri, taas oo noqonaysa, kaalmadii ugu horraysay ee nooceeda ah ee ay Soomaaliya siiyaan muddo afartan sannadood ka badan.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa isku maandhaafsan heshiiskii ay wada galeen Itoobiya iyo Somaliland ee ku aaddanaa in Itoobiya laga kireeyo marin biyood, sidoo kalena Masar iyo Itoobiya ayuu ka dhaxeeya loollan xooggan oo ku aaddan ka faa’iidaysiga biyaha webiga Niilka.

War kasoo kordhay ninkii lagu eedeeyey inuu 5 gabdhood oo Soomaali ah ku dilay…

0

Washington (Caasimada Online) – Heshiis qirasho ayaa miiska u saaran wiil uu dhalay wakiilkii hore ee gobolka St. Paul oo lagu eedeeyay in uu gaari soo kaxeeyay iyada oo uu shidan yahay nalka cas ee istaagga.

Shilkan ayaa ka dhacay koonfurta Minneapolis xagaagii hore kaasoo shilka ku dilay shan gabdhood oo dhallinyaro ah.

Dhagaysiga Talaadadii ee maxkamada degmada Hennepin County, Kaaliyaha Xeer Ilaaliyaha Degmada Paige Starkey ayaa maxkamadda ka akhriyay dalabka Derrick John Thompson.

Starkey ayaa sheegay in dalabka qirashadu uu sii furnaan doono ilaa taariikhda maxkamadda xigta, taasoo loo asteeyay Noofambar 4.

Thompson, oo 28 jir ah kama uusan hadlin dhegaysigii Talaadadii, kaas oo socday 7 daqiiqo oo kaliya.

Dhageysiga dacwada ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubno ka tirsan qoysaska iyo asxaabta gabdhaha dhalinyarada ah ee geeriyooday, qaarkood ayaa wajiyadooda laga dheehanayay murugo halka kuwa kalana ay ilmeynayeen.

Gabdhaha shilka ku geeriyooday ayaa kala ahaa Salma Maxamed C/qaadir oo 20 jir ahayd, Sabiriin Maxamuud Cali oo 17 ahayd, Sahra Liibaan Geesaade 20 jir, Sagal Burhaan Hersi 19, iyo Siham Adan Odawa oo Iyana 19 jir ahayd.

Thompson, oo sidoo kale wajahaya eedeymo federaal ah oo la xiriira shilka, waa wiil uu dhalay xildhibaankii hore ee Minnesota John Thompson, kaasoo matalay St. Paul’s East Side 2021.

Derrick Thompson waxa uu ku jiray xabsiga dowlada dhexe ee Sherburne ilaa Diseembar 18, markaasoo la soo taagay maxkamad federal ah. Dhageysiga xeerbeegtida kiiskaas ayaa loo muddeeyay Oktoobar 7.

Sannadkii 2020, Thompson waxaa lagu xukumay California ka dib kiis lagu helay 2018, kaas oo uu ka baxsaday askar kadib markii baabuur oo uu ku dhuftay haweeney.

Waxay koomo ku jirtay dhowr toddobaad. Waxa uu ku jiray tijaabo kiis markii uu dhacayay ama uu sababayay shilka Minneapolis.

Sawirro: Itoobiya oo qaaday talaabo halis ah oo ka dhan ah qaranimada Soomaaliya

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sameeyey talaabo adag oo qar iska tuurnimo ah, kadib markii uu Somaliland u soo magacaabay safiir u gaar ah, taasi oo sii hurineysa xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka gudoomay “safiirka cusub ee ka socda dalka Itoobiya” tani ay Soomaalida caawa ku noqotay layaab.

Qoraalkaan waxaa lagu soo lifaaqay sawirrada Muuse Biixi oo warqadaha ka guddoomaya sarkaalkaan uu soo magacaabay Abiy Axmed oo ku dhici waayey inuu aqoonsi siiyo Somalialnd, balse ku sasabay safiir aan sharci aheyn.

Hoos ka akhriso qoraalka ka soo baxay xafiiska Muuse Biixi:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka gudoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirka Cusub ee Itoobiya u fadhiyi doona Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Teshome Shunde Hamito ee dhawaan la soo magacaabay.

Safiirka ayaa Madaxweynaha Qaranka Somaliland u soo gaadhsiiyey  salaan diiran oo uu uga siday Ra’iisal Wasaaraha Dalka Itoobiya, Mudane Abiye Ahmed Ali. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo dhaweeyey Safiirka cusub, waxaanu u rajeeyey in Alle ku asturo xilka iyo masuuliyadda loo soo magacaabay.

Sidoo kale waxa shirka lagaga wada hadlay arrimaha amniga Gobolka Geeska Africa, adkaynta xidhiidhka labada dal ee walaalaha ah iyo iskaashiga mustaqbalka labada dal iyo shacabkaba

Maxaa ka jira in ISRAEL ay ogolaatay in macbad laga dhiso barxadda Al-aqsa?

0

Gaza (Caasimada Online) – Markii ugu horreysay abid, Israa’iil waxay oggolaatay inay maalgelin u qoondayso “socdaallada la hago” ee Yuhuudda ee aagga ku hareereysan Masjidka Al-Aqsa.

Wasaaradda Dhaxalka Israa’iil, oo uu hoggaamiyo wasiir Amichai Eliyahu, oo xubin ka ah xisbiga awoodda Yuhuudda, ayaa qaddar lacag ah u qoondaysay mashruucan cusub ee magaalada qadiimiga ah ee Bariga Quddus.

Sida laga soo xigtay maamulka warbaahinta Israa’iil, lacagta ay wasaaraddu u qoondaysay waa 2 milyan oo sheqel, oo u dhiganta ku dhawaad 550 kun oo doollarka Maraykanka ah.

Wasiir Eliyahu, oo xubin ka ah xisbi uu hoggaaminayo wasiirka amniga qaranka Itamar Ben-Gvir, ayaa muddo raadinayey ogolaanshaha.

Hurinta dagaal diimeed

Ku dhawaaqista maalgelinta ayaa timid maalin kadib hadallo muran dhaliyay, iyadoo uu Ben-Gvir su’aal galiyay xaaladda Quddus, Wuxuuna muujiyay taageerada uu u hayo dhismaha macbadka Yuhuudda ee Qudus.

Hadalka Ben-Gvir ayaa isla markiiba ku kallifay xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu inuu ka jawaabo isagoo leh “ma jiro wax isbeddel ah.”

Sarkaal ka tirsan waaxda Waqafka Islaamiga ah ee Quddus ayaa BBC-da u sheegay, isagoo diiday in magaciisa la shaaciyo, in Israa’iil ay doonayso inay gobolka ka ifiso wasiirradeeda xagjirka ah sida Ben Gvir iyo Eliyahu.

Waxa uu sheegay in Israa’iil ay ka faa’iidaysanayso duruufaha dagaalka iyo shuruucda deg-degga ah si ay xukunkeeda ugu soo rogto qaab “ciidan iyo mid xoog ah,” sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in waxa ka dhacaya barxadda Masjidka Al-Aqsa ay yihiin xad-gudubyo kicinaya dareenka Muslimiinta, taas oo hurinaysa dagaal diimeed ay adag tahay in la saadaaliyo cawaaqibka ka dhalan kara.

Waxa uu tilmaamay in umadda Islaamka iyo Carabtu ay “dayaceen” waajibaadka ka saaran Xarumaha barakeysan, haddii ay ahaan lahayd siyaasad ama mid caalami ah, isaga oo intaa ku daray in ay tahay “Xaq nadiif ah oo ay muslimiintu leeyihiin”.

Mas’uulkan ayaa sheegay in mawqifkooda uu yahay mid adag si ay u ilaashadaan kaalintooda Masjidka Al-Aqsa.

Tani ma ahayn markii ugu horeysay ee Ben-Gvir uu ku baaqayo in Yuhuuda loo ogolaado inay ku cibaadeystaan aagga Al-aqsa. Horaantii bishaan, in ka badan 2,000 oo Yuhuud ah ayaa la galay dhismaha isaga oo kor u taagay calanka Israa’iil si ay u xusaan waxa loogu yeero “burburkii macbadka”, taasoo dhalisay falcelin cambaareyn ah.

Waqtigaas, wuxuu ku dhawaaqay in lagu cibaadeysan doono barxadaha gudaha, taas oo loo arkayay isbeddel cad oo ku yimid heshiisyadii xaaladda taariikheed ee ka mamnuucaya dadka aan muslimka ahayn inay ku cibaadeystaan halkaas oo ay oggolaadaan in Yuhuudda ay booqdaan waqtiyo gaar ah.

Bilihii iyo sannadihii lasoo dhaafay, muuqaallo badan ayaa la faafiyay kuwaas oo muujinaya Yahuudda oo halkaas ku cibaadeysaneysa si ka baxsan heshiisyadii la saxiixay.

Laakiin booliiska Israa’iil ayaa had iyo jeer ku dhawaaqa inay ilaalinayaan xaaladda hadda taagan oo ay ka hortagayaan in tallaabo “sharci darro ah”.

Carabta iyo falcelinta caalamiga ah

Afhayeenka madaxtooyada Falastiin, Nabil Abu Rudeyh, ayaa ku tilmaamay hadalka Ben Gvir inay yihiin kuwo aad khatar u ah, wuxuuna yiri “Al-Aqsa iyo goobaha barakeysan waa khad cas, mana ogolaan doono in gebi ahaanba la taabto.

Boqortooyada Haashimiyada ee Urdun ayaa ku baaqday mowqif cad oo caalami ah oo ay ku cambaareyneyso, kagana hortageyso isbedel kasta oo ku yimaada xaaladda hadda taagan.

Masar ayaa cambaareysay hadalladaas oo ay u aragtay mas’uuliyad darro, iyadoo ka digtay khatarta sii socota waxa ay ku tilmaantay “xadgudubyada Israa’iil,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Masar.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa cambaareysay hadalka Ben Gvir, iyadoo ku nuuxnuuxsatay diidmada Boqortooyada Sacuudiga ee hadallada “xagjirnimada iyo kicinta”, waxayna carrabka ku adkeysay baahida loo qabo in la ixtiraamo heerka taariikhiga ah iyo sharciga ee Masjidka Al-Aqsa.

Qaramada Midoobay ayaa ka faallootay hadalka Ben-Gvir, iyadoo sheegtay inay halis ugu jiraan inay uga sii daraan xaaladdii hore ee kacsanayd iyo inay yihiin “mid aad u liidata”.

Inkasta oo qaar ka mid ah dalalka caalamka laga cambaareeyay Israa’iil, waxaa jira xitaa ka hoggaamiyaha mucaaradka Yair Lapid, kuwaas oo dhaleeceeyay Ben-Gvir dhaqdhaqaaqyadii dhawaa, iyo in aagga Al-aqsa laga dhiso Macbad.

Balse khilaafka Israa’iil ee arrintan ayaa ku saabsan ficillada qaar ka mid ah wasiirrada mayalka adag ee xukuumadda Netanyahu.

Isha: BBC