26.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

Maxaa ka jira in ISRAEL ay ogolaatay in macbad laga dhiso barxadda Al-aqsa?

0

Gaza (Caasimada Online) – Markii ugu horreysay abid, Israa’iil waxay oggolaatay inay maalgelin u qoondayso “socdaallada la hago” ee Yuhuudda ee aagga ku hareereysan Masjidka Al-Aqsa.

Wasaaradda Dhaxalka Israa’iil, oo uu hoggaamiyo wasiir Amichai Eliyahu, oo xubin ka ah xisbiga awoodda Yuhuudda, ayaa qaddar lacag ah u qoondaysay mashruucan cusub ee magaalada qadiimiga ah ee Bariga Quddus.

Sida laga soo xigtay maamulka warbaahinta Israa’iil, lacagta ay wasaaraddu u qoondaysay waa 2 milyan oo sheqel, oo u dhiganta ku dhawaad 550 kun oo doollarka Maraykanka ah.

Wasiir Eliyahu, oo xubin ka ah xisbi uu hoggaaminayo wasiirka amniga qaranka Itamar Ben-Gvir, ayaa muddo raadinayey ogolaanshaha.

Hurinta dagaal diimeed

Ku dhawaaqista maalgelinta ayaa timid maalin kadib hadallo muran dhaliyay, iyadoo uu Ben-Gvir su’aal galiyay xaaladda Quddus, Wuxuuna muujiyay taageerada uu u hayo dhismaha macbadka Yuhuudda ee Qudus.

Hadalka Ben-Gvir ayaa isla markiiba ku kallifay xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu inuu ka jawaabo isagoo leh “ma jiro wax isbeddel ah.”

Sarkaal ka tirsan waaxda Waqafka Islaamiga ah ee Quddus ayaa BBC-da u sheegay, isagoo diiday in magaciisa la shaaciyo, in Israa’iil ay doonayso inay gobolka ka ifiso wasiirradeeda xagjirka ah sida Ben Gvir iyo Eliyahu.

Waxa uu sheegay in Israa’iil ay ka faa’iidaysanayso duruufaha dagaalka iyo shuruucda deg-degga ah si ay xukunkeeda ugu soo rogto qaab “ciidan iyo mid xoog ah,” sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in waxa ka dhacaya barxadda Masjidka Al-Aqsa ay yihiin xad-gudubyo kicinaya dareenka Muslimiinta, taas oo hurinaysa dagaal diimeed ay adag tahay in la saadaaliyo cawaaqibka ka dhalan kara.

Waxa uu tilmaamay in umadda Islaamka iyo Carabtu ay “dayaceen” waajibaadka ka saaran Xarumaha barakeysan, haddii ay ahaan lahayd siyaasad ama mid caalami ah, isaga oo intaa ku daray in ay tahay “Xaq nadiif ah oo ay muslimiintu leeyihiin”.

Mas’uulkan ayaa sheegay in mawqifkooda uu yahay mid adag si ay u ilaashadaan kaalintooda Masjidka Al-Aqsa.

Tani ma ahayn markii ugu horeysay ee Ben-Gvir uu ku baaqayo in Yuhuuda loo ogolaado inay ku cibaadeystaan aagga Al-aqsa. Horaantii bishaan, in ka badan 2,000 oo Yuhuud ah ayaa la galay dhismaha isaga oo kor u taagay calanka Israa’iil si ay u xusaan waxa loogu yeero “burburkii macbadka”, taasoo dhalisay falcelin cambaareyn ah.

Waqtigaas, wuxuu ku dhawaaqay in lagu cibaadeysan doono barxadaha gudaha, taas oo loo arkayay isbeddel cad oo ku yimid heshiisyadii xaaladda taariikheed ee ka mamnuucaya dadka aan muslimka ahayn inay ku cibaadeystaan halkaas oo ay oggolaadaan in Yuhuudda ay booqdaan waqtiyo gaar ah.

Bilihii iyo sannadihii lasoo dhaafay, muuqaallo badan ayaa la faafiyay kuwaas oo muujinaya Yahuudda oo halkaas ku cibaadeysaneysa si ka baxsan heshiisyadii la saxiixay.

Laakiin booliiska Israa’iil ayaa had iyo jeer ku dhawaaqa inay ilaalinayaan xaaladda hadda taagan oo ay ka hortagayaan in tallaabo “sharci darro ah”.

Carabta iyo falcelinta caalamiga ah

Afhayeenka madaxtooyada Falastiin, Nabil Abu Rudeyh, ayaa ku tilmaamay hadalka Ben Gvir inay yihiin kuwo aad khatar u ah, wuxuuna yiri “Al-Aqsa iyo goobaha barakeysan waa khad cas, mana ogolaan doono in gebi ahaanba la taabto.

Boqortooyada Haashimiyada ee Urdun ayaa ku baaqday mowqif cad oo caalami ah oo ay ku cambaareyneyso, kagana hortageyso isbedel kasta oo ku yimaada xaaladda hadda taagan.

Masar ayaa cambaareysay hadalladaas oo ay u aragtay mas’uuliyad darro, iyadoo ka digtay khatarta sii socota waxa ay ku tilmaantay “xadgudubyada Israa’iil,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Masar.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa cambaareysay hadalka Ben Gvir, iyadoo ku nuuxnuuxsatay diidmada Boqortooyada Sacuudiga ee hadallada “xagjirnimada iyo kicinta”, waxayna carrabka ku adkeysay baahida loo qabo in la ixtiraamo heerka taariikhiga ah iyo sharciga ee Masjidka Al-Aqsa.

Qaramada Midoobay ayaa ka faallootay hadalka Ben-Gvir, iyadoo sheegtay inay halis ugu jiraan inay uga sii daraan xaaladdii hore ee kacsanayd iyo inay yihiin “mid aad u liidata”.

Inkasta oo qaar ka mid ah dalalka caalamka laga cambaareeyay Israa’iil, waxaa jira xitaa ka hoggaamiyaha mucaaradka Yair Lapid, kuwaas oo dhaleeceeyay Ben-Gvir dhaqdhaqaaqyadii dhawaa, iyo in aagga Al-aqsa laga dhiso Macbad.

Balse khilaafka Israa’iil ee arrintan ayaa ku saabsan ficillada qaar ka mid ah wasiirrada mayalka adag ee xukuumadda Netanyahu.

Isha: BBC

Xogta weerar lagu qaaday Masjidka SOOMAALIDA ee Minnesota

0

Minneapolis (Caasimada Online) – Imaamka masjidka Daarul Xikma ee magaalada Minneapolis ee gobolka Minesota ayaa sheegay in weerar loo geystay masaajidkaasi xilli habeen ah.

Waxa uu sheegay in laamaha ammaanku ay baarayaan falkan islamarkaana aan wali la aqoonsan ninkii falkaasi weerarka ah u gaystay masaajidka.

Hay’adaha ammaanka Maraykanka ayaa ku howlan baarista weerarka lagu qaaday Masjidkan ku yaalla magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota oo ay leeyihiin Soomaalida ku nool dalkaas.

Dadka weerarka fuliyay oo ilaa haatan aan la aqoonsan ayaa baxsad ah balse waxaa ku raad-joogga ciidamada ammaanka ee Maraykanka, gaar ahaan kuwa sida qaaska ah ugu qaabilsan daba-galka kiisaska noocaan oo kale.

Tuhunka ugu weyn waxa uu yahay in koox ay ahaayeen dadkii weerarkaas soo abaabulay, balse uu keliya ka fuliyay hal qof oo laga daawaday Kaamirooyinka muuqaallada ay duubeen si raad-raaca booliska uu ugu fududaato soo qabashadiisa.

Imaamka Masjidkaan oo lagu magacaabo Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay in ciidamada u tagay ay su’aalo weydiiyeen lana wadaagaan macluumaad inta uu hayo.

Sidoo kale waxa uu rajo ka muujiyay in lasoo qabtay si looga hortago weerarro kale oo halkaas ka dhici kara.

Qoor Qoor oo magacaabay gobol cusub iyo qorshe culus oo socda

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Galmudug ayaa magacowday gobolka cusub oo la yiraahdo Galwaaq, kaasi oo laga jarayo gobollada Mudug iyo Galgaduud oo ay ka taliso Galmudug, go’aan ayaa galabta ka soo baxay shirkii golaha wasiirrada.

Wax faahfaahin ah lagama bixin soohdinta uu yeelanayo iyo degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka cusub ee Galwaaq, balse waxaa la sheegay in lagu ansixiyey kulankii maanta ee golaha wasiirrada Galmudug.

Qoor Qoor iyo ku xigeenkiisa Cali Ciid ayaa wada joogay kulankaas, waxaana magacaabida gobolkaan cusub loo gudbiyey baarlamaanka Galmudug, si ay u ansixiyaan, si lamid ah golaha wasiirrada.

Hoos ka akhriso qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug:

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo uu goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug.

Ugu horreyn golaha ayaa warbixin buuxda oo ku saabsan amniga deegaannada Dowladda Galmudug ka dhageystay wasiirka wasaaradda Amniga.

Intaas kaddib Goloha ayaa dood dheer ka yeeshay wajiga koowaad ee unkidda gobollo cusub oo ka mid noqonaya Gobollada Dowladda Galmudug, waxaana dood dheer kaddib goluhu cod gacan taag ah ku ansixiyay goboleynta Gobolka Gal-Waaq , kaasoo oo loo gudbin doono golaha wakiillada Dowladda Galmudug si loo dhammeystiro ka mid noqoshadiisa gobollada Dowladda Galmudug.

Ugu golaha ayaa warbixin la xariirta halka uu marayo qorshaha dhismaha Dekedda Hobyo ka dhageystay wasiirka wasaaradda Dekedaha, isagoo wasiirku shirka golaha ka dhex sheegay xilliga sida rasmiga ah uu u billaaban doono dhismaha Dekedda.

 

Xog: Xasan Sheekh oo saraakiisha ciidamada isugu yeeray kulan looga hadlay xiisadda Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan deg deg ah galabta isugu yeeray saraakiisha ciidamada qaranka Soomaaliya, kulankaas ayaa ka dhacay xarunta weyn ee NISA ee Habarkhadiija, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Kulankaas oo ahaa mid xasaasi ah waxaa looga hadlay xiisadda Soomaaliya kala dhexeysa Itoobiya iyo sida cadowga looga difaaci karo dalka, hadii uu dagaal toos ah ka dhex qarxo labada dal.

Madaxweynaha ayaa warbixino ka dhageystay saraakiisha, iyadoo si weyn loo gorfeeyey inta uu gaarsiisan yahay damaca Itoobiya, waxa Soomaaliya la gudboon iyo sida cudud military loogu difaaci karo dalka.

Saraakiisha ciidamada Militariga, Nabad Sugidda iyo Booliska ayaa kulankaas galabta ku soo bandhigay warbixin ku saabsan sida ay ugu diyaar garoobeen qatar kasta oo qaranka iga imaa karta dibadda.

Sidoo kale Madaxweynaya ayaa saraakiisha weydiiyey waxyaabihii ka dhaqan galay go’aano lagu gaaray shir kan ka horeeyey oo Muqdisho ka dhacay, sida aan ku helnay xogtaan.

Waxaa la xisaabiyey ciidamada heeganka ah iyo goobaha ay kala joogaan, sidoo kale waxaa laga hadlay khataraha ka imaan kara ciidamada Itoobiya ee jooga gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa Madaxweynaha warbixin laga siiyey dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta iyo natiijada laga gaaray fulinta amar uu bixiyey Xasan Sheekh oo ciidanka Xasilinta Caasimadda loogu jiheeyey daafaha Muqdisho, si looga hortago khatarta Khawaarijta.

Saraakiisha ayaa madaxweynaha u sheegay in duleedka Muqdisho ay ka socdaan howlgallo joogto ah, khataro badan laga hortegay iyo in dad badan lagu soo qabtay howlgallada ka socda daafaha caasimadda ee amarkiisa lagu aaday.

Kulankaan ayaa ku soo aaday xili xalay ay dowladda Itoobiya soo saartay bayaan cabasho, cabsi iyo codsi laga akhristay, kaasi oo ay walaac uga muujineyso fulinta bilaabatay ee heshiiska military ee Soomaaliya ay la gashay Masar oo ah cadowga koowaad ee Itoobiya.

Sawirro: MADAALE oo indhaha soo saaray maandooriye halis ah kadibna lagu gubay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa kormeeray howlgal ay ciidanka booliska Soomaaliyeed kusoo bandhigeen Maandooriyaal halis ku ah bulshada caasimadda.

Maandooriyahan halista ah ayaa waxaa maanta lagu gubay goob fagaare ah oo ku yaalla duleedka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Goobta lagu soo bandhigayay Maandooriyahaan waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir mudane Maxamed Yabooh, Taliyaha qeybta guud gobolka ee ciidanka booliska Soomaaliyeed G/sare Macalin Mahdi iyo saraakiil kale.

Taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee ciidanka booliska Soomaaliyeed G/sare Macalin Mahdi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Maandooriyaha iyo adeega Internet-ka ee loo yaqaano 1xbet uu caqabad ku yahay xasiloonida caasimadda iyo horumarka bulshada.

Guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa ugu digay cid kasta oo ku howlan isticmaalka iyo ka ganacsiga Maandooriyaha iney ka waan toowaan cidii lagu soo qabtaana sharciga lala tiigsan doono.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa wada olole lagula dagaalamayo waxyaabaha maanka dooriya oo muddooyinkii dambe kusoo badanayay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Maandooriyaha ayay laamaha amnigu ku tiriyaan waxyaabaha ugu weyn ee qeybta ka ah amni darrada, xilli ay ciidamada kala duwan ee dowladda ay ku howlan yihiin xaqiijinta amniga caasimada, oo sidii hore amni ahaan kasoo wanaagsananeysa.

Ballan-qaadyada aan weli fulin ee maanta ka wada-hadleen Somalia iyo Sacuudiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wada-hadal cusub kala yeelatay dowladda Sacuudiga ballan-qaadyo muhiim ah oo aan weli fulin.

Guddoomiyaha hay’adda SODMA Maxamuud Macallin Cabdulle oo maanta xarunta qaran ee howl-gallada gurmadka deg degga ah ee NEOC ku qaabilay safiirka Soomaaliya ee Boqortooyada Sacuudiga Danjire Aweys Xaaji, ayaa looga hadlay daba-galka ballan-qaadyadii hore.

Shirkaan ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin sidii Danjire Aweys u daba-gal diblomaasiyadeed ugu sameyn lahaa ballan-qaadyo ay hore dalka ugu yabooheen xarunta King Salmaan iyo Sa’udi Fun.

Balan-qaadyadaas ayaa la xariiray mashaariic hormarineed iyo gargaar oo ay ku jiraan dhismaha xarumaha gargaarka deg-degga ah ee maamul gobolleedyada.

Mashaariicda muhiimka ee qeybta ka ahaa ballan-qaadyada Sacuudiga ayaa waxaa kamid ah ceelal biyood, bakhaarrada gargaarka, qalab caafimaad, dab-damisyo iyo ambalaasyo, kuwaasi oo qaarkood la soo ansixiyay walina soo gaarin hay’adda SODMA, oo wakiil ka ah dowladda federaalka ah.

Sacuudiga ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, islamarkaana xilligan taageero kala duwan siisa dowladda federaalka Soomaaliya.

Ganacsatadii ugu badneyd oo lagu xiray MUQDISHO iyo sababta ka dambeysa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xirtay ganacsato badan oo u hoggaansami waayey nidaamka canshuurta iibka ee lasoo rogay, taas oo dhowaan uu ka dhaqan-gashay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiqafaar Xaange oo u warramay Telefishinka Universal ayaa sheegay in xasbiga la dhigay ganacsato kor u dhaafeysa illaa 100 qof, isla markaana loo haysto inay hareer mareen nidaamka qaadista canshuuraha.

Cabdiqafaar Xaange ayaa sheegay in ganacsatada lasoo xiray ay adeegsanayeen taleefoono gaar ah oo loogu dirayay lacagaha, halka ay ahayd inay adeegsadaan Merchant oo ah adeegga la canshuurayo 5%, haddii uu lacag ku tuuro qofka wax iibsanayo.

“Dad badan oo isku dayay inay ka leexdaan waddadii loogu talagalay canshuurta ka leexday, isla markaana isticmaalayo lamaro gaar ah ayaa soo baxay maanta an idin la hadlayo waxaa xarumaha dowladda la horkeenay dad ka badan 100 qof oo lagu qabtay iyaga oo ku ganacsato lambaro oo ka leexday Merchant” ayuu yiri wasiirku Xaange.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in ganacsatada laga rabo inay adeegsadaan oo kaliya lamarbka Merchant-ga, haddii kale ay wax ku iibsadaan lacag kaash ah oo kaliya.

“Ganacsiga waxaa waajib ku ah inuu wax ku kala iibiyo oo kaliya Merchant, haddii kale oo uu laca caddaan ah wax ku gadanayane waa la ogol yahay” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ganaaxyadu ay sii socon doonaan, isla markaana ay dowladda il-gaar ah ku heyn doono xarumaha ganacsi ee dhaqan-geli waayo go’aanka.

“Xeerka ganaaxa ee canshuuraha wuxuu u dhaqan-galayaa si tartiib tartiib ah, maalin kastana sidaas ayay u soconeysaa” ayuu sii raaciyay

Golaha wasiirada oo ansixiyay magacaabista mas’uul cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa uga hadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan xaaladda dalka, waxaana sidoo kale lagu ansixiyay magacaabista mas’uul cusub.

Shirka oo ahaa mid xasaasi ah waxaa guddoomiyey ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, ayada oo inta badan ay goobjoog ahaayeen wasiirada.

Golaha ayaa ugu horreyntii ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee magacaabista Maareeye ku-xigeenka Hey’adda Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha, kaas oo noqonaya  Mudane Cabdiraxmaan Siciid Axmed.

Intaas kadib golaha ayaa guda galay dood kale oo ku aadan Heshiis ku saabsan iskaashiga Dhaqaalaha iyo horumarinta oo u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, kaas oo isna shirka lagu meel-mariyay.

Sidoo kale waxaa shirka lagu soo bandhigay warbixino  kala duwan oo la xiriira amniga, habka bixinta ruqsadda gaari wadista iyo dhaqan gelinta canshuurta gadista, taas oo uu dhawaan goluhu ka soo saaray qaraar lagu dhaqan gelinayo.

Waxaa kale oo golaha wasiirada ay ka hadleen ammaanka iyo dagaalka Al-Shabaab, ayaga oo bogaadiyay guulaha ay gaareeb ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

Khamiis weliba ayaa la qabtaa shirka golaha wasiirada Soomaaliya, waxaana looga hadlaa xaaladda dalka ammaanka iyo qorshaha xukuumadda ee markaasi taagan.

PUNTLAND oo amar siisay ciidankeeda kadib diyaaradihii lagu qabtay Gaalkacyo

0

Garoowe (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland Sarreeye Guuto Muumin Cabdi Shire oo ku sugan waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa la kulmay saraakiisha amniga gobolka Mudug, isaga oo kala hadlay arrimaha ammaanka ee gobolka.

Muumin Cabdi Shire ayaa ugu horreyntii boggaadiyay howlgalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay gobolka Mudug, kaas oo oo lagu qabtay xubno Shabaab ah iyo kuwa kale oo liddi ku ahaa amniga magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale taliyaha ayaa ku amray dhammaan hay’adaha ammaanka inay laba jibbaaran howlgallada lagu xaqiijinayo amaanka, si looga hortegao weerarada kooxaha Argagixisada.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in la howlgelin doono ciidamo isku dhaf ah oo howlgallo ka bilaabi doono Gaalkacyo, si loo xoojiyo ciidamada halkaas ku sugan.

Amarka lasiiyay ciidamada Puntland ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhowaan magaalada Gaalkacyo lagu qabtay diyaarado Drones ah oo raggii waday oo gaaraya illaa 7 nin.

Diyaaradaha oo ahaa kuwa aan duuliyaha lahayn ayaa waxaa noocooda lagu sheegay kuwa is qarxiya ee loo yaqaanno Kamikaze, waaxaana loo waday kooxda Al-Shabaab.

Muddooyinkii u dambeeyay Puntland ayaa xoojisay amniga deegaanadeeda, waxayna gacanta kusoo dhigtay Shabaabkii ugu badnaa oo qaarkood lagu toogtay maamulkaasi.

Maxay ka dhigan tahay hanjabaadda kasoo baxday Ethiopia?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Ethiopia ayaa shalay si adag uga hadashay xaaladda ammaanka ee gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan walaac ay sheegtay in ay ka qabto xilliga kala guurka ee ciidamada Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ee loo soo gaabsho ATMIS, kuwaas oo lagu bedelayo hawlgal cusub.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha debedda ee Ethiopia ayaa lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin, halista ka imaan karta, hannaanka ay haatan wax u socdaan, taasoo ay sheegeen inay khatar amni ku keeni karto gobolka.

Ethiopia ayaa si gaar ah uga digtay dhaq-dhaqaaqa Masar ee Soomaaliya, waxayna sheegtay in arrintaan ay halis ku tahay amnigeeda iyo guud ahaa ka gobolka.

Sidoo kale waxa ay ku hanjabtay inay qaadi doonto tallaabo kasta oo ay uga hortegeyso arrintan, ayada oo ku dooday in Soomaaliya uu uga baxay dhiig iyo dhacaanba.

Haddaba Maxay ka dhigan tahay hanjabaadda kasoo baxday Ethiopia?

Cabdigafar Wardheere oo ka faallooda arrimaha caalamka, kuna nool gobolka Virginia ee dalkan Mareykanka ayaa wareysi uu siiyay VOA kaga hadlay xaaladaha soo kordhay ee la xiriira arrimaha Soomaaliya iyo Ethiopia, wuxuuna sheegay in hanjabaaddan ay abuuri karto colaad horleh, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in Soomaalidu ay baraarugto.

“Waxay noqo kartaa inay Itoobiyaanka yiraahdaan annaga Soomaalida wax badan baan gelinay waa ka duu-duubaneynaa wixii hadda ka dambeeyana cadow u arkaan oo ay ciidamadooda iyo waxooda kala baxaan marka meeshaas waxaa moodaa in loo baahan yahay in Soomaalidu si fiican uga baaraan degto oo ay fiiriso habka ay u kala guranayaan Soomaaliya iyo Itoobiya” ayuu wareysigaan ku yiri aqoonyahan Cabdigafar Wardheere.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Ethiopia ay isku dayeyso in Soomaaliya ay kala qub-qubto, iyada oo adeegsaneyso siyaasad, soona mareyso dowlad goboleedyada dalka.

“Waxay isku dayeysaa inay Soomaalida cadaadis saarto oo bilowdo inay u kala dab qaado ama dhex gasho gobolladeed iyo dowladihii yaryarka ahaa waxaas oo dhan inay isku deydo oo siyaasaddeeda tashwiish ku furto” ayuu mar kale yiri Falanqeeye Cabdigafar Wardheere.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Masar, wuxuuna shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ay heshiis la geli karto dal kasta oo carbeed oo xulafadeeda ah, wuxuuna intaasi ku daray in arrintan ay keentay xadgudubka Ethiopia ee heshiiska badda.

“Soomaaliya Masar, Turki, Ciraaq iyo carab kasta heshiis-bey la geli kartaa horta taas la’iskuma hayo” ayuu mar kale yiri aqoonyahanku

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Su’aashu waxaa weeye waxaan oo dhan maxaa keenay? Soomaalidu ciidan xoog badan maleh marka inay xulafadeeda raadsato oo meel kasta marto waxaa keenay markii lagu xadgudbay madax-bannaanideeda”.

 

BOOLISKA oo soo xiray askari xagdub wayn ka gaystay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa soo xiray askari ka tirsan ciidamada Booliska oo ku sugnaa degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, kaas oo ay gaystay xadgudub wayn oo uu kula kacay muwaadiniin Soomaaliyeed.

Askariga oo lagu magacaabo Dable Maxamed Xuseen Warsame ayaa waxaa xiray ciidanka booliska saldhigga Dharkenley, ayada oo kadib loo taxaabay xabsiga.

Qoraal kasoo baxay oo kasoo baxay taliska booliska gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in askarigan loo haysto gef uu u geystay muwaadiniin Soomaaliyeed, isaga oo soo duubay muuqaal ku baahay baraha bulshada.

Muuqaalka ayaa waxaa laga arki arkaa askariga oo eryana dad shacab ah, isla markaana ku qabanay qoray uu ammaankiisa furan yahay, taas oo dhalisay caro xoogan.

Booliska oo ka duulaya arrintaasi ayaa Dable Maxamed Xuseen Warsame kusoo eedeeyay inuu gaystay qalqal-gelin amniga, isla markaana uu dhibaato kula kacay dad shacab ah.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in eedeysanaha la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Dharkeynley ayaa sooxiray askari katirsan Ciidanka Boliiska oo u gafay muwaadiniin Soomaaliyeed. Waxaa la horgeyn doonaa Maxkamadda awooda uleh.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska Booliska.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa booliska uu waday howlgalo culus oo lagu soo qabtay askar iyo dad kale oo ku eedeysay inay falal liddi ku ah amniga ka gaystee caasimadda.

Al-Shabaab iyo ciidamada ATMIS oo dagaal culus uu ku dhex-maray Buulo-mareer

0

Buulo-mareer (Caasimada Online) – Faah-faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar culus oo ay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab xalay ku qaadeen saldhig ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin gudaha magaalada Buulo-mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka kadib ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay Al-Shabaabka weerarka qaaday iyo ciidamada ku sugnaa halkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaal muddo saacad ka badan uu socday dagaalka, ayada oo dhawaqa rasaasta laga maqlayay meelo aad u fog fog.

Wararka ayaa intaasi kusii daray in ciidamada ATMIS ay iska caabin adag saameeyeen, taas oo keentay in la jebiyo xubnaha Al-Shabaab weerarka kusoo qaaday Buulo-mareer.

Khasaare kala duwan ayaa sidoo kale lasoo wariyay inuu ka dhashay dagaalka, waxaana saaka maydadka xubno katirsan kooxda Al-Shabaab lagu arkay duleedka Buulo-mareer.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana aagga magaaladaas haatan howlgallo iyo dhaq-dhaqaaqyo ka wada ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka ATMIS.

Horay Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale usoo weerartay ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda ee deggan magaalada Buul-mareer, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 57 askari.

Aaskarta Uganda ee markaas lagu laayay Buulo-mareer ayaa dhaliyay hadal hayn xoogan, waxaana xittaa ka hadlay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Museveni oo sheegay in askarta la cabsi-geliyay markii ay iska-caabin lahaayeen dagaalyahanda Al-Shabaab, taasina mas’uul ka ahaayeen taliyaasha oo dhiira-gelin waayay ciidamada xiliga weerarka bilowday, iyagoo u cararay dhanka degaanka Golweyn, oo ATMIS saldhig kale ku leedahay.

 

Daawo: Wasiir Jaamac oo ka hadlay taageerada Imaaraadka iyo damaca Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta tegay xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho, halkaas oo tababar culus uu uga socdo ciidamo ay gacanta ku heyso oo tababarkooda ay bixineyso dowladda Imaaraadka Carabta.

Wasiirka ayaa dowladda Imaaraadka uga mahadceliyey tababarrada ciidamada xoogga Soomaaliya iyo kaalmada kale ee dowladda Soomaaliya ay siiso.

Wasiir Jaamac ayaa sheegay in dowladda Imaaraadka ay kaalin weyn ka geysatay dhismaha ciidamada Soomaaliya, waxyaabaha uu ku amaanay Imaaraadka waxaa kamid ah sida dowladda Soomaaliya ay uga gacan siisay in amni lagu soo dabaalo magaalada Muqdisho.

Imaaraadka ayaa Soomaaliya u tababaray ciidamada xasilinta caasimadda Muqdisho ee loo yaqaano Boolis Military iyo guutooyin kale oo ka tirsan xoogga dalka, kuwaas oo ku maqan furimaha dagaalka, kuna baacsada Khawaarijta Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa sidoo kale u mahadceliyey dowladaha kale ee Soomaaliya ka gacan siiya dhismaha ciidanka oo dalkaan uu maahi weyn u qabo, isagoo ciidamadaan cusub kula dardaarmay inay ka faa’iideystaan tababarka uguna adeegaan dalkooda.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa warbixin ka siiyey dhalinyaradaan halganka xoreynta dalka iyo halka uu marayo, isagoo ku war-geliyey in dadka Soomaaliyeed iyo saaxiibadooda kale ee ciidanka xoogga dalka ay ka sugayaan inay gacan ka geystaan sidii argagixisada dalka looga xoreyn lahaa.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay damaca Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya, “Waxaad la socotiin in badeena iyo dalkeena la soo damaaciyey, idinka ayuu dalkaan difaac idinka sugayaa, dadka Soomaaliyeed mucaarad iyo muxaafid, masuul iyo shacab, waxay ka siman yihiin in taako ka mid ah dhulkooda aan la qaadan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Jaamac.

Hoos ka daawo

Wararkii ugu dambeeyay markab ku gubanayo Badda Cas iyo Xuutiyiinta oo…

Sanca (Caasimada Online) – Howlgalka Iran ee Qaramada Midoobay ayaa Arbacadi sheegay, in kooxda Xuutiyiinta Yemen ay ogolaatay in doonyo iyo maraakiib gurmad ah ay gaaraan, markab wada saliid ceyriin oo ku gubanaya Badda Cas, kaddib marki ay malleeshiyo ka tirsan Xuutiyiinta weerareen todobaadki hore.

kabkan oo wata calanka Giriiga ayaa wada ilaa hal milyan oo barmiil oo saliid ceyriin ah. Saraakiisha markabka ayaa ka digay in saliidda ku daadaneysa badda ay keeni karto mid ka mid ah khataraha ugu weyn ee dhanka deegaanka ah ee soo marta caalamka.

Qoraal kasoo baxay xafiiska holgalka Iran ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegau, in iyada oo la tixgelinayo walaaca dhinacyada bani’aadannimada iyo deegaanka ay Ansarullah oo ay ula jeedaan Xuutiyiinta aqbashay bay tiraahdeen, in doonyo iyo maraakiib gudmad ah u tagaan markabka burburaya.

Afhayeenka Xuutiyiinta Yemen, Mohammed Abdulsalam ayaa Arabacadi u sheegay Reuters, in aysan jirin wax xabbad-joojin ah, balse ay kaliya kooxdu ogolaatay jiidista markabka shidaalka ee Sounion, ka dib markii dalal badan oo caalamka ah oo kooxda lasoo xiriiray ay taasi codsadeen.

ISRAEL oo weerar kale ku qaadday Khan Younis

Gaza (Caasimada Online) – Taangiyada ciidamada Israa’iil ayaa gunta magaalada Khan Younis ee koofurta Gaza gaaray Arbacadi shalay, isla markaana duqeeyay qeybo badan oo ku yaalla Marinka Gaza, kaddib dagaallo qaraar oo ay dhexmaray iyaga iyo dagaalyahanno ka tirsan Xamaas.

Dadka deegaanka Khan Younis ayaa sheegay in taangiyada Israa’iil ay si lama filaan ah u soo galeen bartamaha magaalada Khan Younis, iyaga oo intaasi ku daray in ciidanka Isra’iil ay amreen in dadka ka baxaan bariga magaalada taas oo ku qasabtay qoysas badan in ay si dhaqso ah u cararaan, halka kuwo kale oo bandanna ay wali ku go’doonsanyihiin halkaasi.

Ilaha caafimaadka Gaza ayaa xaqiijiyay in duqeymihi shalay lagu dilay ugu yaraan 34 Falastiiniyiin ah. Duqeyn ka dhacday Khan Younis ayay saraakiishu sheegeen in lagu dilay 11 ruux.

Magaalada bartamaha ku taalla ee Deyral Balax, halkaas oo ugu yaraan hal milyan oo qof ay gabbaad ka dhiganayaan, ayay saraakiisha caafimaadka sheegeen, in duqeyn ay ciidanka Isra’il ku bartilmaameedsadeen guryo dad barakac ah ay daganaayeen lagu dilay 8 qof.

Xerada Nuseyraat ee bartamaha Marinka Gaza, saxafi lagu magacaabo Maxammed Cabid-Rabbo iyo babadh la dhalatay ayaa ka mid ahaa dad lagu dilay duqeyn lagu bartilmaameedsaday gurigooda,

Wasaaradda caafimaadka Gaza ayaa sheegtay, dilka wariye Cabd-Rabbu uu noqonayo kii 172-aad ee Gaza loogu geysanayo wariyaasha tan iyo 7-badi October ee sannadki hore.

Daawo: DF oo xog cusub ka bixisay amarkii ay duldhigtay Ethiopian Airlines iyo Flydubai

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maareeyaha Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan ayaa faahfaahin ka bixiyey awooda dowladda ee dhanka hawada iyo sababtii ka dambeysay amarro culus oo Hay’adda ka soo baxay maalmihii lasoo dhaafay.

Maareeyaha ee u waramay SNTV ayaa la weydiiyey sababta keentay Diyaaradaha Ethiopian Airlines iyo Flydubai lagu amro inay Hargeysa raaciyaan magaca Soomaaliya, halka markii hore ay raaci jireen magaca Somaliland.

Wuxuu sheegay in diyaaradahaas ay ka soo dacwoodeen dadka Soomaaliyeed oo Website-kooda ku arkay magaca Somaliland oo dal madax-banaan ay ka dhigayaan, kadibna wuxuu sheegay in talaabadaan ay ka dhalatay.

“Madaxda Diyaaradaha Ethiopian Airlines iyo Flydubai waxaan u cadeynay mowqifkeena cad iyo inay u hogaansamaan shuruucda dalka, waana u hoggaamsameen waan uga mahadcelineynaa,” ayuu yiri.

Maareeye Axmed Macalin Xasan ayaa ku faanay in dowladda Soomaaliya ay si buuxda u maamusho hawada dalka oo sida uu sheegay ka weyn dhulka.

“Hay’adda Duulista Soomaaliya, waxay gacanta ku heysaa 100% hawada u dhaxeysa Hindiya, Yemen, Ethopia, Kenya, Sishalis, xuduudkeena dhulka hawo ka badan ayaan si buuxda u maamulnaa, sababtoo ah dowladda Hindiya toos ayaan isugu wareejinaa hagitaanka diyaaradaha, maadaama ay dhanka hawada xuduud kala leenahay,” ayuu yiri Maareeye Axmed Macalin.

Sidoo kale Maareeyaha ayaa sheegay in hawada Soomaaliya ay 60% tahay bad, “40% kaliya ayaa dhul ah, intaas anaga ayaa maamulna waxaana ka soo saarnaa lacag, maadaama ay ka kireysan tahay diyaaradaha mara maalin kasta, hawada dalkeena,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Maareeyaha ayaa sheegay in diyaaradii wax u dhibeysa gobanimada ama jebisa shuruucda Soomaaliya ay ka celi karaan hawada dalkeena, iyadoo aan la adeegsaneyn hub iyo wax lamid ah oo la adeegsanayo shuruucda caalamka.

Hoos ka daawo

Daawo: DF oo farriin yaab leh u dirtay Cali Dheere Afhayeenka Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle ayaa galabta hanjabaad u diray Afhayeenka Khawaarijta Al-Shabaab Cali Dheere iyo xubnaha kale ee ku jira kooxdaas, kuwaas oo dadka Soomaaliyeed ku laaya dhalinyaro ay qaldeen.

Taliyaha ayaa Cali Dheexe ugu baaqay in jihaadka uu carruurta ku qasbayo uu soo galo, maadaama uu dhalinyarada ugu sheekeeyey inay jano gelayaan, wuxuu isaga ka dalbaday inuu qarax isku soo xiro oo janada soo doonto.

“Sheydaan Cali Dheeroow hadii jihaadku dhab kaayahay kasoo baxa keymaha oo qaraxa ugu horeeya isku soo xir dhalinyarada ha khaldine,” ayuu yiri Taliye Dayax Cabdi Cabdulle.

Taliyaha ayaa hadalkaan ka sheegay goob ay Hooyooyinka Soomaaliyeed ee ku midoobay daladda “Hooyo u hiili qarankaaga” ay sahay ciidanka loogu tala galay ku wareejinayeen.

“Dadka Soomaaliyeed iyo bulshada Gobolka Banaadir waa fahmeen dhagartii Khawaarijta cabsi gelina waxaba waa uga qaadi weyseen, waa kuwaas hooyooyinkii na garab taagan, waa aamusin weydeen, waa kuwaan maanta na garab taagan, cid Khawaarij ka cabsaneysa iyo cid garab taagan midna ma jirto,” ayuu hadalkiisa ku soo daray.

Taliyaha ciidanka dhulka ayaa Cali Dheere iyo kooxdiisa ugu baaqay in carruurta ay qaldeen aysan ku halaagin dadkooda ee hadii uu jihaadka ay sheegayaan uu dhab ka yahay ay dagaalka soo galaan oo is qarxiyaan, hadii ay jano ku helayaan.

“Geedaha iyo godadka ka soo baxa hadii jihaadku dhab idinka yahay, Cali Dheere isku soo xir gaariga ugu horeeya ee qaraxa ah, dadka Soomaaliyeed waa kugu fahmeen in carruurtaadii ay Jaamacado dhiganayaan, wiilashada yaryarna aad soo qaldeysid, si dadkooda ay u halaagaan,” ayuu yiri.

Jeneraal Dayax ayaa farriin u diray dhalinyarada la qalday, “isaga taga argagixisada, kusoo laabta dadkiina, ka towbad keena wixii aad qaribteen, dowladda waxaa ka go’an inay soo dhaweyso qof kasta oo muwaadin ah oo aan gacan ku dhiigle aheyn,” ayuu yiri Taliye Dayax.

Hoos ka daawo

Maxaan ka naqaan Jabhadda cusub ee ka dilaacday duleedka Hargeysa

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa markale ka dilaacday gudaha Somaliland jabhad cusub, taasi oo saldhigatay goob aan masaafo ahaan kasii fogeyn magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Jabhaddan ayaa hadda saldhig ku leh degmada Balligubadle ee gobolka Hawd ee Somaliland oo qiyaastii magaalada Hargaysa 65KM koofurta kaga beegan, una dhow xuduudda Itoobiya.

Haddaba maxay tahay jabhaddan iyo ujeedka ka dambeeya?

Jabhaddan ayaa ka dhalatay cadaalad darro ay Somaliland ka tirsanayaan shacabka deegaanka Balligubadle, gaar ahaan saami-qeybsiga maamulka, sida uu sheegay Iid Jiciir Aw-Axmed oo deegaanka ka soo jeeda, kana mid ahaa xubnihii SNM.

Ninkan oo xog ogaalna u ah sidii ay jabhaddan ku bilaabatay oo la hadlay BBC ayaa waxa uu yiri “Balse waa mid ku timid rabitaanka shacabka deegaanka Balligubadle oo tirsanayey cadaalad darro dhanka baarlamaanka iyo doorashooyinka a.”

Waxa uu intaas kusii daray “Markii la dhagaysan waayey ayaa rag dhallinyaro ah oo deegaanka ka soo jeeda ay hubka qaadeen, ayagoo diiddanaa sida wax loo wado.”

Qiyaasta tirada raggaas ayuu sheegay inuusan ogeyn, balse ay u badan yihiin rag ka soo jeeda beesha degta Balligubadle, isagoo markaa iska ilaalinayey in uu tiro khaldan bixiyo, wuxuuse intaa ku daray in jabhaddu ay samaysantay muddo qiyaastii aan bil iyo bar ka badnayn.

Iid oo ka mid ah dadka deegaan ahaan loo tiriyo jabhadaas laakiinse aan xubin ka ahayn wuxuu BBC u xaqiijiyey xog markii horeba soo gaartay oo ah in jabhadaas ay diiddan tahay doorashooyinka isku sidkan ee lagu wado inay dhacaan bisha Nofembar.

“Tabasho iyo cadaalad darro weli halkeedii taagan oo aan la xallin ayey jabhaddu ka aasaasantay, taasoo ah mid ay qabaan reerka reer Balligubadle. Somaliland waxay ku aasaantay saami qaybsiga beelaha, markii loo gudbay dimoqaraadiyadda waxaa yimid xeerar wada qabyo ah oo kan baarlamaanku ka mid yahay oo dadku aysan kuraasta isku si ugu soo baxayn,” ayuu yiri.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Bil matal, waxaa jira laba xildhibaan oo midna uu ku dhacayo 5,500 oo cod, midna uu ku soo baxayo 800 oo cod, waana wax qof u fiirsaday mooyee uusan qof kale garan karin, waxayna arrimahaas ka mid yihiin arrimaha tabashada ee beeshan ay qabto.”

Dhinaca kale, Suldaan Abshir Cabdi Boodhle oo kamid yahay odayaasha dhaqanka ee deegaankaas ayaa isna meel fagaare ah ka taageeray Jabhaddan, isaggoo yiri “Reerkii aan wax u doonnay ee aan wax ugu maqnayn halkaasey maanta ku dhan yihiin, waxaannu qaadannay wax allaale wixii ay qaateen, sababtoo ah wax noo hooseeya ma jiro.”

Si dhab ah looma oga halka uu ku dambeyn doono jiritaanka jabhadda, ayada oo horey Somaliland uga sameysmeen jabhaddo badan, kuwaas oo markii dambe arrintooda lagu dhameeyay waan-waan iyo heshiis ay la gashay xukuumadda.

XOGTA maraakiib dagaal oo kusoo wajahan SOOMAALIYA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maraakiib dagaal oo ka socda Turkiga ayaa ku soo wajahan biyaha Soomaaliya, tan oo qeyb ka ah heshiiskii difaac ee labada dal ay qalinka ku duugeen.

Maraakiibta dagaal ayaa biyaha Soomaaliya ka ilaalin doonaan cadowga ku soo xad-gudba xeebaha, kalluumaysiga sharci-daradda, sunta lagu soo shubo iyo wixii la mid ah. Sidoo kale Turkiga ayaa ciidamo badeed u dhisaya dowladda Soomaaliya, sida uu qabo heshiiska iskaashiga difaaca badda iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in dhamaadka bisha September ama bilowga October uu Turkiga usoo diro xeebaha Soomaaliya markab kale oo shidaal baaraya oo saddex balook oo badda dhexdeeda ah loo malaynayaa in gaas iyo saliid ay dhex ceegaagaan.

Shaqadan ayaa waxaa loo xil-saarya shirkad dowladda Turkiga leedahay ee TPAO, taas oo qabaneysa baarista iyo soo saarka shidaalka Soomaaliya, iyadoo taasi muujineyso sida Turkiga uga go’an tahay inuu Soomaaliya kaalmo waaweyn ka qaato siiba dhinacyada dhaqaale kabis, dhisid ciidan oo cudud xooggan leh iyo abuurid ilo dhaqaale oo cusub.

Waxaa kale oo xusid mudan in Turkiga shirkado laga leeyahay ay haatanba maamulaan garoonka diyaaradaha Adan Cadde iyo dekedda oo ah illaha dhaqaalaha ugu weyn dalka, iyadoo dhanka militeriga ay dowladda Turkiga tababarto ciidamo booliska iyo militeriga ka tirsan iyo kuwa cirka, taasi oo qeyb uga qaadaneyso dib u dhiska ciidanka qaranka oo lagu wado inay mas’uuliyadda amniga kala wareegaan ATMIS marka la gaaro bisha December ee sanadkan.

Dabayaaqada sanadkaan ayaa lagu wadaa in la soo saaro shidaalkii ugu horreeyay ee laga qodo gudaha Soomaaliya, kaasi oo la filayo in uu noqdo maaddada ceeriinka ah, kadibna loo diri doono tijaabo baaritaan, sida uu kal hore sheegay wasiirka batroolka iyo macdanta ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale rajeynaysa in shidaal qodista la bilaabo horraanta sanadka 2025-ka, sida uu sheegay wasiirka batroolka, iyada oo dowladda federaalka ay tallaabooyin dhowr ah u qaaday in laga faa’iideysto khayraadka shidaalka, waxayna heshiis arrinkaas ku saabsan la gashay dowladda Turkiga.

Xukunka dil ka dhashay haweeney mareysay bar kontorool oo ku taal Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidmada qalabka sida ayaa maanta go’aan ka soo saartay kiiska Dable Nisa Mahad Cali Cabdi (Madaxeey) iyo Dable Bol. Cadnaan Muuse Maxamed oo ka wada howl-galayay bar lagu hubiyo gaadiidka oo ku taalla isgoyska Taleex ee degmadda Hodan.

Labada sarkaal ayaa ku eedeysan dil ka dhashay is qab-qabsi ka bilowday deysmada mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha oo ay la socotay haweeney iyo cidda iska leh ka gudashada waajibka hubinta iyo amarka fasaxida.

Arrintaan ayaa markii dambe isku beddeshay in hub la isku adeegsado, waxaana 27 bisha 6 ee sanadkaan is rasaaseen xaafadda Taleex ee Degmadda Hodon ku dhex-martay Dable Nisa Mahad Cali Cabdi “Madaxeey” iyo Dable Bol. Cadnaan Muuse Maxamed.

Rasaasta ayaa waxaa ku dhintay Cabdiraxmaan Cusmaan Muuse oo ku howlanaa xalinta khilaafka ka dhex jiray labadooda.

Baaris dheer kadib xafiiska xeer ilaalinta ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday toban iyo todobadii bishaan.

Garsoorka maxkamadda ciidamada qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Mahad Cali Cabdi (Madaxeey) dil toogasho oo ah qisaasta marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Muuse, halka Cadnaan Muuse Maxamed uu Garsoorku amray in Xoriyadiisa la siiyo.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamadda qalabka sida.