25.5 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

XOGTA maraakiib dagaal oo kusoo wajahan SOOMAALIYA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maraakiib dagaal oo ka socda Turkiga ayaa ku soo wajahan biyaha Soomaaliya, tan oo qeyb ka ah heshiiskii difaac ee labada dal ay qalinka ku duugeen.

Maraakiibta dagaal ayaa biyaha Soomaaliya ka ilaalin doonaan cadowga ku soo xad-gudba xeebaha, kalluumaysiga sharci-daradda, sunta lagu soo shubo iyo wixii la mid ah. Sidoo kale Turkiga ayaa ciidamo badeed u dhisaya dowladda Soomaaliya, sida uu qabo heshiiska iskaashiga difaaca badda iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in dhamaadka bisha September ama bilowga October uu Turkiga usoo diro xeebaha Soomaaliya markab kale oo shidaal baaraya oo saddex balook oo badda dhexdeeda ah loo malaynayaa in gaas iyo saliid ay dhex ceegaagaan.

Shaqadan ayaa waxaa loo xil-saarya shirkad dowladda Turkiga leedahay ee TPAO, taas oo qabaneysa baarista iyo soo saarka shidaalka Soomaaliya, iyadoo taasi muujineyso sida Turkiga uga go’an tahay inuu Soomaaliya kaalmo waaweyn ka qaato siiba dhinacyada dhaqaale kabis, dhisid ciidan oo cudud xooggan leh iyo abuurid ilo dhaqaale oo cusub.

Waxaa kale oo xusid mudan in Turkiga shirkado laga leeyahay ay haatanba maamulaan garoonka diyaaradaha Adan Cadde iyo dekedda oo ah illaha dhaqaalaha ugu weyn dalka, iyadoo dhanka militeriga ay dowladda Turkiga tababarto ciidamo booliska iyo militeriga ka tirsan iyo kuwa cirka, taasi oo qeyb uga qaadaneyso dib u dhiska ciidanka qaranka oo lagu wado inay mas’uuliyadda amniga kala wareegaan ATMIS marka la gaaro bisha December ee sanadkan.

Dabayaaqada sanadkaan ayaa lagu wadaa in la soo saaro shidaalkii ugu horreeyay ee laga qodo gudaha Soomaaliya, kaasi oo la filayo in uu noqdo maaddada ceeriinka ah, kadibna loo diri doono tijaabo baaritaan, sida uu kal hore sheegay wasiirka batroolka iyo macdanta ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale rajeynaysa in shidaal qodista la bilaabo horraanta sanadka 2025-ka, sida uu sheegay wasiirka batroolka, iyada oo dowladda federaalka ay tallaabooyin dhowr ah u qaaday in laga faa’iideysto khayraadka shidaalka, waxayna heshiis arrinkaas ku saabsan la gashay dowladda Turkiga.

Xukunka dil ka dhashay haweeney mareysay bar kontorool oo ku taal Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidmada qalabka sida ayaa maanta go’aan ka soo saartay kiiska Dable Nisa Mahad Cali Cabdi (Madaxeey) iyo Dable Bol. Cadnaan Muuse Maxamed oo ka wada howl-galayay bar lagu hubiyo gaadiidka oo ku taalla isgoyska Taleex ee degmadda Hodan.

Labada sarkaal ayaa ku eedeysan dil ka dhashay is qab-qabsi ka bilowday deysmada mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha oo ay la socotay haweeney iyo cidda iska leh ka gudashada waajibka hubinta iyo amarka fasaxida.

Arrintaan ayaa markii dambe isku beddeshay in hub la isku adeegsado, waxaana 27 bisha 6 ee sanadkaan is rasaaseen xaafadda Taleex ee Degmadda Hodon ku dhex-martay Dable Nisa Mahad Cali Cabdi “Madaxeey” iyo Dable Bol. Cadnaan Muuse Maxamed.

Rasaasta ayaa waxaa ku dhintay Cabdiraxmaan Cusmaan Muuse oo ku howlanaa xalinta khilaafka ka dhex jiray labadooda.

Baaris dheer kadib xafiiska xeer ilaalinta ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday toban iyo todobadii bishaan.

Garsoorka maxkamadda ciidamada qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Mahad Cali Cabdi (Madaxeey) dil toogasho oo ah qisaasta marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Muuse, halka Cadnaan Muuse Maxamed uu Garsoorku amray in Xoriyadiisa la siiyo.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamadda qalabka sida.

DF Soomaaliya oo soo faro-gelisay xiisadda ka taagan Ceerigaabo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya oo bayaan culus soo saartay ayaa ka hadashay xiisad horleh oo haatan kasoo cusboonaatay degmada Ceerigaabo iyo agagaarkeeda ee gobolka Sanaag, taas oo dhalisay khasaare xoog leh.

Xiisadda oo u dhexeyso ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaad hubeysan ayaa isku rogtay dagaal shalay ka dhacay halkaas oo lagu dilay ugu yaraan illaa 5 qof.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa waxaa lagu sheegay in si dhow ay ula socoto colaadda halkaasi ka taagan, ayna aad uga xun tahay.

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  XFS waxay so dhow ula socotaa xiisadda ka taagan degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag iyo deegaanada ku dhow, iyadoo nasiib darro u aragta khasaaraha xanuunka badan ee ka dhashay”ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda arrimaha gudaha.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay inay doorkeeda ka qaadan doonto sidii loo joojinlahaa dhiigga daadanaya, si looga hortago colaad horleh.

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS waxay diyaar u tahay in ay ka gaysato wax alle wixii kaga aadan sidii loo heli lahaa xal waara oo ku dhisan wada-hadal iyo is-faham” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay in wasiirka arrimaha gudaha Cali Xoosh uu xiriir toos ah la sameeyay maamulka iyo dadka deegaanka, uuna ka hadlay joojinta dagaalka, si loo ilaaliyo nabadda iyo xisiloonida ka jirta halkaasi.

Wsiirka ayaa ugu baaqay waxgaradka deegaanka oo ay ugu horreeyaan culimada inay u istaagaan xallinta xaaladaha kasoo kordhay aagga degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanag.

Somaliland oo dhankeeda ka hadashay waxa ay sheegtay in xiisaddan ay ka dambeeyaan  kooxo cadow ku ah bulshada oo doonaya inay ka horkeenaan maamulkooda.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxay ugu baaqaysaa dadka walaalaha ah ee degaanada koonfurta gobolka Sanaag ee ay  shalay shaqaaqadu ka dhacday in ay nabadda ilaaliyaan, kooxaha cadawga ku ah nabadda ee bulshada iska horkeenayana ay meel uga soo wada jeestaa” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka Somaliland.

Masar oo qalab milateri iyo ciidamo kasoo dajisay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa Salaasadii shalay waxay Soomaaliya gaarsiisay gargaarkii milateri ee ugu horreeyey, in ka badan afartan sannadood.

Baraha bulshada iyo qaar ka mid ah mareegaha warbaahinta gudaha ayaa shalay lagu baahiyay sawirada qalab milateri iyo ciidamo lagu sheegay inay Masaari yihiin oo garoonka Muqdisho ka dagay.

Saddex ilo-wareed diblomaasiyadeed ah iyo kuwo dowladda Soomaaliya ka tirsan ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in tallaabadan ay u badan tahay inay sii xoojin doonto xiisadda ka dhaxeysa Somali iyo Masar oo dhinac ah iyo Ethiopia.

Diblomaasi magaciisa qariyay ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in talaabada Soomaaliya ay hubka uga keensatay Masar, ee ay ku colaadineyso Ethiopia ay la mid tahay iyadoo dab ku cayaareysa.

Wasaaradaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Masar, iyo afhayeen u hadlay dowladda Itoobiya ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsiyo ay Reuters u gudbisay oo la la xiriira inay ka hadlaan arrintan.

Masar iyo Soomaaliya ayaa sannadkan si weyn isugu soo dhawaaday ka dib markii Itoobiya ay heshiis horudhac ah la gashay maamulka Somaliland kaas oo ay uga kireyneyso Ethiopia dhul xeebeedka badda cas ah oo bedkiisu garayo 20 km, taa bedelkeeda ay Ethiopia aqoonsan doonto madax-banaanida Somaaliland.

Dowladda Somaliya ayaa ayaa heshiiskaas ku tilmaantay mid ku xad-gudbay Qaranimadeeda, waxayna sheegtay inay kaga hortagayso wax walba oo lagama maarmaan ah.

Isha: VOA

Maamullada 4 isbitaal oo waa wayn oo lagu xiray MUQDISHO + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in xabsiga loo taxaabay maamullada afar isbitaal oo waa wayn oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlayay canshuuraha iibka ee ay soo rogtay dowladda federaalka ayaa sheegay in xittaa ay saameysay bukaanada ku jira isbitaallada, isaga oo sheegay in arrintaas muddo saddex maalin ah loo xiray maamullada Isbitaallada Shaafi, Kalkaal, Somali Sudanese iyo Muqdisho Hospital, kuwaas oo hadda dib u helay xoriyadooda.

“Saddex maalin waxaa xirnaa maamulayaasha isbitaallada Shaafi, Kalkaal, Somali Sudanese, iyo Muqdisho Hospital, ka dib markii ay diideen in ay bukaannada ka qaadaan canshuurta iibka adeegga caafimaadka” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaanka.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay :Waxay maraysaa in bukaan ay dowladdu siin waysay adeeggii caafimaad ee uu xaqa ugu lahaa uu markuu jirado ee uu jeebkiisa iska daawaynayo laga qaado canshuur”

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo shalay madaxda wasaaradda maaliyadda iyo agaasimeyaasha isbitaallada ay ka wada-hadleen sida canshuurta gadista ay u saameysay adeegyada caafimad ee ay bixiyaan Isbitaalada magaalada iyo in dowladda ay siiso tixgalin gaar ah xarumaha caafimadka si lamid ah wadamada ku bahoobay Bulshada Barig Afrika.

Hoos ka akhriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhammeystiran:-

Dowladdu waxay canshuur ka qaaddaa badeecadaha ka soo dega dekadda iyo garoonka diyaaradaha, goobaha ganacsiga, guryaha iyo gaadiidka, waxay lacag ka qaaddaa adeegyada kale ee dadwaynaha, waxay madaxda dowladdu iibiyaan hantidii shacabku lahaa ee danta guud, dhul iyo dhismayaal.

Canshuurta laga qaado shacabka iyo hantida ummadda ee la iibiyo midkoodna looguma adeego, waxaana caddayn u ah in labadii isbitaal oo weligood adeegga caafimaad ee bilaashka ah bixin jiray (Banaadir iyo Martiini) lacag laga dhigay.

Intaas kuma ay ekaan ee waxaa Saddex maalin xirnaa maamulayaasha isbitaallada Shaafi, Kalkaal, Somali Sudanese, iyo Muqdisho Hospital, ka dib markii ay diideen in ay bukaannada ka qaadaan canshuurta iibka adeegga caafimaadka.

Waxay maraysaa in bukaan ay dowladdu siin waysay adeeggii caafimaad ee uu xaqa ugu lahaa uu markuu jirado ee uu jeebkiisa iska daawaynayo laga qaado canshuur.

Tani canshuur maaha, dawladnimo maaha ee waa Isbaaro iyo madax furasho, shacabka xusuusinaysa waayihii hoggaamiye kooxeedka.

Dulmiga caynkaan ah oo la diidaa waa dawladnimo.

SOMALILAND oo qaaday tallaabo la xiriirta xiisadda ka taagan SANAAG

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadashay xiisadda kasoo cusboonaatay gobolka Sanaag, gaar ahaan aagga Ceerigaabo, taas oo u dhexeyso ciidanka Somaliland iyo maleeshiyaad hubeysan.

Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaaca ka qaaday in kooxo cadow ku ah bulshadu ay ku howlanyihiin dhibaatada ka taagan halkaasi.

Sidoo kale wasaaradda ayaa xustay in ujeedka uu yahay in la’iska horkeeno bulshada halkaasi deggan iyo Somaliland

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale baaq loogu diray shacabka oo laga dalbaday inay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida deegaanka, si looga hortago dagaal mar kale ka dhaca koonfurta gobolka Sanaag.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxay ugu baaqaysaa dadka walaalaha ah ee degaanada koonfurta gobolka Sanaag ee ay  shalay shaqaaqadu ka dhacday in ay nabadda ilaaliyaan, kooxaha cadawga ku ah nabadda ee bulshada iska horkeenayana ay meel uga soo wada jeestaa” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeeda.

Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa sidoo kale ciidamada amar ku siisay in ay tallaabo ka qaadaan kooxo abaabulan, oo ay sheegtay inay halis ku yihiin nabad-geylyada.

Dhankeeda SSC-Khaatumo ayaa si adag uga hadashay xiisaddan, waxayna Somaliland ku eedeysay inay dagaal ka hurineyso magaalada Ceerigaabo, ayna ku dishay dad shacab ah.

Golaha wasiirada Khaatumo oo xalay shir aan caadi ahayn ku yeeshay gudaha magaalada Laascaanood ayaa soo saaray warsaaxafadeed ay ku cambaareeyeen dilalkii ka dhacay halkaasi.

“Waxaan tacsi ka direynaa shaqooyinkii ka dhashay falkaa argagixisanimo oo mar labaad shacabka SSC weerar lagu soo qaaday oo lagu dilay laba wiil oo ka tirsan shacabka SSC-Khaatumo” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay soo saareen golaha wasiiradu.

SSC-Khaatumo  ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay la socoto dhaq-dhaqaaq gar-darro ah oo ay sheegtay in Somaliland ay ka waddo halkaasi, waxayna ku eedeysay argagixisanimo.

Ugu dameyn golaha ayaa faray ciidamadda SSC-Khaatumo inay galaan heegan buuxa, isla markaana u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Somaliland.

Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday xero ku taalla duleedka BALCAD

0

Balcad (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar culus oo ay xalay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada Xoogga dalka ay ku leeyihiin duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Weerarka oo ku bilowday madaafiic ayaa waxaa lagu ekeeyay xero ay ciidamada milatariga Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Raaxoy oo dhaca inta u dhexeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar, waxaana xiga dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac.

Dadka deegaanka ayaa soo wariyay in dagaalka uu saacado badan qaatay, isla markaana weerarka madaafiica kadib ay maqleen rasaasta ay isweydaarsanayeen labada dhinac.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan iyo weerarka ka horreeyay, maadaama ay ahayd xilli habeen ah oo aanan la heli karin xog rasmi ah.

Ciidamada dowladda dhankooda waxay saraakiil u hadashay sheegeen inay ka hortegeen A-Shabaabkii weerarka soo qaaday, ayna dib u celiyeen.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana aagga Balcad howlgallo culus ka wada ciidamada Xoogga dalka oo baadi goob ugu jiro raggii weerarka kusoo qaaday.

Ammaanka waddada xiriirisa labada magaalo Balcad iyo Jowhar ayaa muddooyinkan aad u liitay, waxaana weeraro dhabagal ah iyo qaraxyo ka fulisa kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay Al-Shabaab wajigii koowaad ee dagaalka, haddana waxaa weli ka socdo howlgalo ay iska kaashanayaan ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.

Horjoogayaal kasoo baxsaday Al-Shabaab oo isku soo dhiibay DF

0

Ceeldheer (Caasimada Obnline) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ay isa soo dhiibeen horjoogayaal baxsad ka ah kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo usoo gacan galay dowladda federaalka Soomaaliya.

Laba sarkaal oo ka tirsan kooxda, isla markaana watay qoryo AK47 ah ayaa ciidamada Xoogga dalka waxay kusoo dhaweeyeen degmada Ceeldheer ee gobolkaasi.

Xubnahaan ayaa qayb ka ahaa maleeshiyaadka ku dhuumaaleeysanayay dhulka howdka ah ee u dhaxeeya Ceeldheer iyo Cowswayne, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska ciidanka Xoogga dalka.

“Xubno ka tirsan Khawaarijta oo baxsad ah ayaa isku soo dhiibay ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Degmada Ceeldheer ee Gobalka Galgaduud.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Ciidanka XDS ayay la soo sameeyeen xariir, waxaana hada gacanta ku haaya geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed”.

Ceeldheer iyo agagaarkeeda ayaa waxaa weli howlgallo culus ka wada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo halkaas kula dagaalamaya maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay xubnaha Al-Shabaab ee isku soo dhiiba dowladda, kadib markii uu kordhay cadaadiska lagu lagu kooxda.

SSC iyo Somaliland oo qarka u saaran dagaal – Maxaa soo kordhay?

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Xiisadda dagaal u dhexeysay Somaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa haatan kasii dareysa, waxaana labada dhinac ay bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo si weyn looga dareemay gobollada Sool iyo Sanaag.

Wararka ayaa sheegaya in xiisaddan ay sii hurisay dilal iyo rabshado ka dhacay Ceerigaabo, kadib markii ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaad hubeysan ay isku dhaceen.

Dilkii ugu dambeeyay ayaa waxaa loo gaystay Salmaan Aadan  Cabdi Madoobe, waxaana ka horreeyay dilka laba qof oo kale oo deegaan ahaan kasoo jeeda SSC-khaatumo.

Golaha wasiirada Khaatumo oo xalay shir aan caadi ahayn ku yeeshay gudaha magaalada Laascaanood ayaa ka shiray xaaladaha soo kordhay, waxayna soo saareen warsaaxafadeed ay ku cambaareeyeen dilalkii ka dhacay magaalada Ceerigaabo ee waqooyiga Soomaaliya.

“Waxaan tacsi ka direynaa shaqooyinkii ka dhashay falkaa argagixisanimo oo mar labaad shacabka SSC weerar lagu soo qaaday oo lagu dilay laba wiil oo ka tirsan shacabka SSC-Khaatumo”.

SSC ayaa shaaca ka qaaday inay la socoto dhaq-dhaqaaq gar-darro ah oo ay sheegtay in Somaliland ay ka waddo halkaasi, waxayna ku eedeysay argagixisanimo.

“Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu si dhow isha ugu hayaa, ulana socdaa falalka ay ku kacayaan maamulka argagixisada ah ee Somaliland, wuxuuna si adag u cambaareynayaa falalkan oo la xiriira socdaalkii dagaal hurinta ee uu horjoogaha Somaliland ku yimid magaalada Ceerigaabo iyo gobolka Sanaag” ayuu mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Khaatumo ayaa sidoo kale wacad ku martay inay jawaab cad ka bixineyso daan-daansiga Somaliland, haddii aysan ka waantoobin waxa ay ka wado dhulkeeda.

“Gardarooyinka ka socda Ceerigaabo ee daan-daansiga ah jawaabtoodu waxay noqon doontaa mid cad, haddii aan laga waantoobin falalka argagixisada ah” ayaa lasii raaciyay.

Ugu dambeyn waxaa la faray ciidamadda SSC-Khaatumo inay galaan heegan buuxa, isla markaana u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Somaliland.

“Waxaa la farayaa dhammaan ciidamad difaaca maamulka SSC-Khaatumo inay heegan sare ugu jiraan difaaca dalkooda iyo dadkooda, una diyaar garoobaan xaalad kasta oo imaan karta” ayaa lagu soo gabagabeeyay go’aanka kasoo baxay maamulka SSC-Khaatumo.

Weeraro qaraxyo ah oo xalay ka dhacay Baydhaba

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weeraro loo adeegsaday qaraxyo oo xalay Al-Shabaab ay ka gaysatay magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qaraxyada oo ahaa bambaano ayaa waxaa lagu weeraray laba guri oo ay dagan yihiin saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka ee maamulkaasi.

Labo sarkaal oo la weeraray guryahooda ayaa ka maqnaa xaafadda xilliga uu dhacayay weerarka, sida aanu kasoo xiganay dadka deegaanka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dad ehello ah oo ku sugnaa guryaha la beegsaday ay waxyeelo soo gaartay iyo qaar kamid ah ilaalada saraakiishaasi.

Kooxda weerarka fulisay ayaa sidoo kale lasoo wariyay inay baxsatay, waxaana haatan Baydhaba ka socda saraakiisha laamaha ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed.

Mas’uuliyadda weerarkan ayaa waxaa sheegatay kooxda Al-Shabaab, waxayna sheegtay in bartilmaameedkeeda uu u dhacay sidii ay qorsheysay, maadaama ay weerareen guryo ay daganaayeen saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, laakiin waxaa soconayo howlgallo ay wadaan ciidamada ammaanka oo lagu baadi goobayo raggii weerarka ka gaystay halkaasi.

Baydhaba ayaa waxaa habeennadii lasoo dhaafay weeraro ka gaysaneysay Baydhaba, waxaana dhowaan ay madaafiic ku gaaracday garoonka Shaati Gaduud ee magaaladaasi.

Guddoomiyihii Xarardheere oo diiday xilka qaadistii Qoor Qoor iyo khilaaf culus oo ka dhashay

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa bedelay guddoomiyihii degmada Xarardheere Maxamed Yuusuf Kulmiye, balse khilaaf culus ayaa ka dhashay xil ka qaadistaa, kadib markii uu ka horyimid guddoomiyihii xilka laga qaaday.

Guddoomiye Maxamed Yuusuf oo la hadlay Idaacadda Kulmiye wuxuuna sheegay in qorshaha Axmed Qoor Qoor uusan ka soca doonin degmada Xarardheere, isla markaana ay la dagaalami doonaan ciidamada uu soo diray.

Khilaafka xilka looga qaaday guddoomiyahaan ayaa ka dhashay hadal uu maalmo ka hor sheegay, xili uu magaaladaas ku soo dhaweynayey musharax Madaxweynaha Galmudug Liibaan Shuluq oo Xarardheere tegay.

Guddoomiye Maxamed Yuusuf ayaa maalinkaas sheegay in Galmudug ay ku jirto muddo kororsi, isla markaana loo baahan yahay in deg deg doorasho loo aado, basle maalintii xigtay ayuu raali gelin ka bixiyey hadalkiisii, isagoo sheegay in Galmudug uu ka taliyo Axmed Qoor Qoor, hadalkaasna uu ku qaldanaa.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Qoor Qoor ayaa soo magacaabay guddoomiye cusub, wuxuuna soo siiyey afar Cabdibile iyo ciidan uu ku qabsado Xarardheere, balse beesha Sacad ayaa Wisil ku celisay ciidankii Qoor Qoor soo diray, kuwaas oo u gudbi waayey Xarardheere.

Ciidamada deegaanka beesha Sacad, saraakiisha hoggaamisa iyo odayaasha dhaqanka degmadaas ayaa ku soo baxay khilaafkaan, waxayna jidgooyo dhigteen degmada Wisil, halkaas ayaa lagu galay wadahadal aan laga gaarin wax natiijo ah, sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.

Sidoo kale gudaha degmada Xarardheere waxaa ka taagan khilaaf culus oo qarka u saaran gacan ka hadal, beelaha qaar ayaa isku hub aruursanaya, beesha Saruur oo guddoomiyaha degmada iska leh ayaa labo u kala jabtay.

Sidoo kale beesha Saleebaan oo Axmed Qoor Qoor uu ka dhashay ayaa Xarardheere geysatay hub culus, waxaana mar kasta khatar loogu jiraa inay halkaas ka bilowdaan isku dhacyo sokeeye, iyadoo ay Al-Shabaab doonayaan inay dib u qabsadaan degmadaas.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Wararkii ugu dambeeyay xaaladda kasii dareysa ee GAZA

Gaza (Caasimada Online) – Falastiiniyiinta hadba dhinac ugu barakacayo Marinka Gaza ayaa isugu tagay dhinaca xeebta, xilli ay ciidamada Isra’ul sii wadaan dagaalka iyo duqeymaha Gaza gaar ahaan qeybaha koofurta iyo bartamaha oo ay Talaadadi shalay kula dagaallameen dagaalyahannada Xamaas.

Israel ayaa Talaadadi sheegtay in ay ciidankeedu ay soo badbaadiyeen mid ka mid ah laheystayaasha, kaas oo ay Xamaas koofurta Isra’il kasoo afduubtay 7-badi bishi October. Qaid Farhan Alkadi, ayay Isra’il sheegtay in lagu soo badbaadiyay howlgal ka dhacay koofurta Gaza.

Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa iyaguna sheegay in ugu yaraan 22 ruux oo Falastiiniyiin ah lagu dilay weeraro ay millatariga Isra’il ka geysteen qeybo badan oo ka mid ah Gaza.

Magaalada Qahirana waxaa wali kasii socda wadahadallada ay gar-wadeenka ka yihiin dhex-dhexaadiyaasha ka socda Mareykanka, Masar iyo Qatar, kuwaas oo afarti bil ee lasoo dhaafay riixayay xabbad-joojin ka dhaqan gasha Gaza iyo sii deynta la heystayaasha Isra’iiliyiinta ee Gaza.

Dhanka kale, ilo wareedyo xagga amniga ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay, in ciidamada Isra’il ay xalay duqeyn cirka ah ku bartilmaameedsadeen waqooyiga dalka Lubnan.

Wararka ayaa sheegaya in duqeynta lala beegsaday baabuur mararay meel u dhaw deegaanka Chaat ee xadka Lubnaan ay la wadaagto Suuriya. Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Bandhig sawireed iftiiminaya waayaha nolosha ee caruurta Soomaaliyeed oo lagu qabtay Matxafka Qaranka

Muqdisho, Soomaaliya – 28-ka Agoosto 2024 – Bandhig sawireed xiiso leh oo lagu magacaabo “Dhaliy Baydhaby” oo lagu iftiiminayo waayaha carruurta Soomaaliyeed ayaa maanta lagu soo gabagabeeyey Matxafka Qaranka Soomaaliya. Munaasabaddan, oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Somali Arts Foundation (SAF) iyo UNICEF, ayaa waxay dadka kasoo qeybgalay loogu soo bandhigay sawiro ka tarjumaya nolol-maalmeedka carruurta ku nool xeryaha barakacayaasha ee magaalada Baydhabo.

Bandhiggan xiisaha badan, oo lagu soo bandhigay sawirro uu qaaday Saciid ‘Fadhaye’ Axmed Muuse, ayaa ka koobnaa sawirro xambaarsan dareen xooggan oo ka sheekeynaya nolol-maalmeedka 40 carruur ah oo ku dhex nool bulshooyinka ugu nugul ee Soomaaliya. Sawir kastaa wuxuu muujinayaa adkeysiga, rajada, iyo caqabadaha maalinlaha ah ee carruurtan ay wajahayaan.

Bandhiggan ayaa ahaa gunaanadka mashruuc ballaaran oo ay SAF, oo ay taageerayso UNICEF, ku doonayso inay kor ugu qaaddo codadka carruurta laga tirada badan yahay. Iyada oo loo marayo taxane aqoon-isweydaarsi farshaxan iyo sawir-qaadis ah, carruurtani waxay fursad u heleen inay si hal-abuur leh u muujiyaan waaya-aragnimadooda, taasoo ku soo gabagabowday sawirrada dareenka banii’aadanimo xambaarsan ee lagu soo bandhigay munaasabadda.

“Sawirradani waxay muujinayaan codadka carruurta muddada dheer la aamusiyey,” ayay tiri Wafaa Saeed, Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya. “Waa inaan dhageysannaa codadkan, fahannaa sheekooyinkooda, oo tallaabo ka qaadnaa si aan u ilaalinno xuquuqdooda.”

Xafladda ma ahayn oo kaliya bandhig faneed ee waxay sidoo kale ahayd safar soo koobaya waayaha nololeed ee ubadka Soomaaliyeed. Waxyaabihii ugu muhiimsanaa waxa ka mid ahaa sawir-gacmeed ay carruurtu sawireen, muuqaal muujinaya waayo-aragnimadooda iyo rajada mustaqbalka ee ay hiigsanayaan.

“Farshaxanku wuxuu awood u leeyahay inuu wax bogsiiyo, inuu sheego sheekooyin aan ereyadu karin,” ayuu yidhi Fadhaaye Axmed Muuse. “Carruurtan waxay la soo noolaadeen dhibaatooyin aan la qiyaasi karin, haddana waxay heleen hab ay ku muujiyaan rajadooda iyo riyooyinkooda iyagoo adeegsanaya farshaxan. Sheekadooda waxay mudan tahay in dunidu aragto oo maqasho.”

Bandhiggu sidoo kale wuxuu soo bandhigay sheekooyin qiiro leh oo laga soo ururiyey carruurta iyo bulshooyinkooda, kuwaas oo sawirrada macno iyo xamaasad ku kordhinaya. Sheekooyinkan waxay muujinayaan baahida degdega ah ee loo qabo in la kordhiyo taageerada iyo ilaalinta carruurta ku nool Soomaaliya, gaar ahaan kuwa laga tiro badan yahay.

Guusha “Dhaliy Baydhaby” waxaa iska kaashaday hay’ado dhowr ah. Ururka Save Somali Maginalized and Minorities Organisation (SASMO) ayaa door muhiim ah ka ciyaartay fududaynta ka qaybgalka carruurta, iyada oo hubinaysa in aan codkooda la maqlin oo keliya balse loo dabbaaldego.

“Bandhiggan wuxuu cadeynayaa waxa la gaari karo marka aan wada shaqeyno si aan u awoodsiinno kuwa ugu nugul bulshadeena,” ayay tiri XXX, wakiil ka socda SASMO. “Carruurtani waxay noo muujiyeen adkaysigooda iyo awooddooda, waana mas’uuliyaddeena inaan ku taageerno qaab kasta oo suurtagal ah.”

Intaa waxa sii dheer, Sagal Cali, oo ah Agaasimaha Fulinta ee Mu’asasada Fanka Soomaaliyeed, ayaa iyaduna ka warbixisay aragtideeda ku aaddan muhiimadda bandhigga: “Waxaan aaminsanahay awoodda uu farshaxanka u leeyahay in uu isbedel keeno, bandhiggani wuxuu caddeeyey sida hal-abuurku u noqon karo qalab awood leh oo loogu ololeeyo xuquuqda carruurta.  Markaan siino carruurtan fursad ay ku muujiyaan xirfadahooda, waxaan sidoo kale muujineynaa baahida degdega ah ee loo qabo in sheekooyinkooda la maqlo oo bulsho weynta wax ka qabato.”

Markii bandhiggu soo dhammaaday, farriintu waxay ahayd mid cad, sheekooyinka carruurtan waa inay keenaan ficil. SAF iyo UNICEF waxa ay sahminayaan fursadaha ay “Dhaliy Baydhaby” ku geyn karaan gobollada kale, iyaga oo rajaynaya in ay dhaliyaan wada-hadal caalami ah oo ku saabsan xuquuqda iyo baahiyaha carruurta Soomaaliyeed.

“Sawirada halkan lagu soo bandhigay maaha farshaxan oo keliya – waa baaqyo waxqabad,” ayay tiri Caasho Cabdullaahi Axmed. “Waa in aan hubinno in ilmo kasta oo ku nool Soomaaliya, iyo adduunka oo dhan, uu helo fursad uu ugu noolaado nolol sharaf iyo rajo leh.”

Bandhiga “Dhaliy Baydhaby” waxa uu saameyn ku yeeshay dhammaan dadkii ka soo qeyb galay, taasoo xasuusin xooggan u noqotay adkeysiga ubadka Soomaaliyeed. Iyada oo la adeegsanayo kaamarada, da’yartan ayaa la siiyay madal ay sheekadooda kula wadaagaan adduunka – taas oo caddaynaysa awoodda isbeddelka ee farshaxanka.

***DHAMAAD***

 

Photography Exhibition Highlights Lived Experiences of Somali Children from under-served communities: A Journey Through Their Eyes

Mogadishu, Somalia – 28th August 2024 – A groundbreaking photography exhibition, “Dhaliy Baydhaby: Through Their Eyes – Lived Experiences of Somali Children,” concluded today at the National Museum of Somalia. The exhibition hosted at the Somali National Museum, was organized by Somali Arts Foundation (SAF) in collaboration with UNICEF, offered a rare and intimate glimpse into the lives of children from underserved IDP camps in Baidoa, Southwest State.

This powerful exhibition, featuring the work of renowned Somali photographer Said Ahmed Musse‘ Fadhaye’, brought together striking images that  tell the stories of 40 children living in some of Somalia’s most marginalized communities. Each photograph captured moments of resilience, hope, and the daily challenges these children face.

The exhibition was the culmination of a larger initiative by SAF, supported by UNICEF, to amplify the voices of marginalized and minority children. Through a series of art and photography workshops, these children were given the opportunity to express their experiences creatively, culminating in the powerful imagery displayed at the event.

“These images are more than just photographs; they are the voices of children who have been silent  for far too long,” said  Wafaa Saeed, UNICEF Somalia Representative. “We must listen to these voices, understand their stories, and take action to protect their rights.”

The event displayed art as a tool to journey through some of the lived experiences of children in Somalia. Among the highlights was a mural painted by the Mogadishu based artists Abdinasir ‘4C’ Abdulkadir Mohamed, in collaboration with the children, which display a vibrant depiction of their shared experiences and hopes for the future.

“Art has the power to heal, to tell stories that words cannot,” said Said Ahmed Musse ‘Fadhaye’. “These children have lived through unimaginable hardships, yet they have found a way to express their hopes and dreams through art. Their stories deserve to be seen and heard by the world.”

The exhibition also featured deeply personal narratives collected from the children and their communities, adding context and depth to the images. These stories highlighted the urgent need for increased support and protection for children in Somalia, particularly those from minority and marginalized communities.

The success of “Dhaliy Baydhaby” was made possible through the collaboration of several organizations. The Save Somali Marginalized and Minorities Organization (SASMO) played a crucial role in facilitating the participation of the children, ensuring that their voices were not only heard but celebrated.

“This exhibition is a testament to what can be achieved when we work together to empower the most vulnerable among us,” said Muhdin Isack, the Executive Director of SASMO.  “These children have shown us their strength and resilience, and it is our responsibility to support them in every way we can.”

Adding to this, Sagal Ali, Executive Director of the Somali Arts Foundation, shared her perspective on the significance of the exhibition: “We believe in the transformative power of art, and this exhibition has demonstrated how creativity can serve as a powerful tool for advocacy. By collaborating closely with the children and giving them a platform, we highlight not only the urgent need for their stories to be heard and addressed by the wider community, but also the fundamental truth that every child deserves and needs a safe and healthy childhood”

As the exhibition drew to a close, the message was clear, the stories of these children must inspire action. SAF and UNICEF are exploring opportunities to take “Dhaliy Baydhaby” to other regions, hoping to spark a wider conversation on the rights and needs of Somali children.

“The images displayed here are not just art—they are calls to action,” said Aisho Abdullahi Ahmed. “We must ensure that every child in Somalia, and around the world, has the opportunity to live a life of dignity and hope.”

The “Dhaliy Baydhaby” exhibition has left a lasting impact on all who attended, serving as a powerful reminder of the resilience of Somali children. Through the lens of a camera, these young voices have been given a platform to share their stories with the world.

***END***

DF oo shaacisay goorta uu dalka imaanayo Markabka Turkiga ee shidaalka qodaya + Video

0

Muqdiaho (Caasimada Online) – Wasiirka Macdanta iyo Batroolka ee dowladda federaalka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa ka warbixiyey halka uu marayo qorshaha sahminta iyo soo saaridda shidaalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in gudaha bisha dhalaneysa ee September uu dalka soo gelayo Markabkii Turkiga ee sahminta ku bilaabi lahaa shidaalka Soomaaliya, kaas oo sahmin kadib bilaabi doona qodista shidaalka Soomaaliya.

Wasiirka Cabdirisaaq oo ka qeybgalay kulankii bandhigga waxqabadka xukuumadda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyey fursadaha Soomaalida ugu jira heshiiskii ay la gashay Turkiga, hadii uu dhaqan-galo.

“Dadka ugu horeeya ee heshiiskaas ka faa’iideysanaya waa dhalinyarada Soomaaliyeed oo shaqo abuur ka heli doona shidaalka dalka laga qodayo. Lacagaha ka soo xaroonaya waxay noqo doonaan kuwo lagu dhiso kaabayaasha dhaqaalaha dalka, dalalka ugu horeeya dhaqaalaha dunida ayaan ka mid noqo doonaa,” ayuu yiri Wasiir Cabdirisaaq Cumar.

Heshiiskaan rajada ku abuuray dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ayaa Ankara lagu kala saxiixday 18-kii July 2024, waxaana lagu wadaa inuu dhaqan galo inta lagu guda jiro bilaha ugu dambeeya sanadkaan 2024-ka.

“Dhamaadka bishaan September waxaa dalka imaanaya Markabkii sahminta shidaalka ka bilaabi lahaa badda Soomaaliya, labo ilaa saddex bilood ayey Markabkaas ku qaadaneysaa baarista Shidaalka, kadibna waxaan rajeyneynaa in bilowga sanadka 2025-ka uu dalka ka bilowdo qodista shidaalka,” ayuu yiri Wasiirka Batroolka Soomaaliya.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay markii ugu horeysay ku biireyso Hay’adda caalamiga ah ee Atoomikada ama Nukkeyrka Adduunka, taas oo horay dalalka caalamka ay ugu wada biireen, markii laba reebo afar dal oo Soomaaliya ay ku jirto.

Wasiirka ayaa sheegay inay jiraan heshiisyo badan oo Soomaaliya ay la gashay Caalamka, sidoo kale wuxuu sheegay in dhowaan ay wasaaraddiisu horgeynto golaha wasiirrada sharciga Macdanta Soomaaliya, kaasi oo ka madax badnaan sharciga Batroolka oo hadda heshiisyo waaweyn oo kan Turkigu ku jiro lagu galay.

Hoos ka daawo

Qof qaba cudurka Furuqa Daanyeerka oo lagu arkay deegaanada Soomaalida

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa ku dhawaaqay in shaqsi lagu arkay astaamaha cudurka Furuqa Daanyeerka la karantiilay, kiiskaan ayaa lagu shaaciyey warbixin uu soo saaray Xafiiska Caafimaadka ee dowlad Deegaanka Soomaali Galbeed.

Xanuunkaas oo loo yaqaano Monkeypox ayaa noqday xaalad caafimaad oo caalami ah, waxaana la karaantiilay qofkii lagu arkay dhulka dowlad deegaanka, kadib markii korkiisa ay ka soo baxeen nabro waaweyn.

Xafiiska Caafimaadka Dowlad Deegaanka ayaa warbixintiisa ku sheegay inay wadaan baaritaan dheeraad ah, si loo ogaado in dad kale oo ku sugan deegaanka ay qaadeen xanuunkaas.

Ku-xigeenka xafiiska caafimaadka ee deegaanka, Maxamed Ayaanle, ayaa Idaacada BBC u sheegay in dheecaanno laga qaaday qofka lagu arkay xanuunka, waxaana loo diray machadka caafimaadka dadweynaha ee dowladda federaalka Itoobiya, si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo.

Sida uu sheegay gudoomiye ku xigeenka xafiiska caafimaadka qofka lagu arkay calaamadaha xanuunkan nabraha badan ayaa laga helay degmada Qabri-bayax ee dhulka dowlad deegaanka.

Qoraal ka soo baxay xafiiska caafimaadka ee dowlad deegaanka ayaa lagu yiri “Xirfadlayaasha caafimaadka ee la geeyay degmada Qabri-Bayax ayaa ku dhawaaqay in lix qof oo isku qoys ah ay soo sheegeen calaamadaha furuqa laba toddobaad ka hor”.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu xusay in shaqsiyaadka laba toddobaad ka hor lahaa calaamadaha ay “ka soo kabteen” cudurka. Si kastaba ha ahaatee, xafiisku wuxuu sheegay in calaamad noocan oo kale ah lagu arkay laba qof oo kala ah Aabe iyo Wiil, Waxa uu xusay in xaaladda labada qof ay soo hagaageyso.

Fadeexad weyn oo kusoo baxday shirkadaha maamula garoonka iyo dekedda Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hantidhowraha Guud ee Qaranka, Axmed Ciise Guutaale ayaa maanta soo bandhigay fadeexad culus oo lagu helay shirkadaha Albayrak iyo Favori LLC oo maamula garoonka Aadan Cadde iyo dekedda wayn ee magaalada Muqdisho.

Hantidhowraha ayaa maanta soo bandhigay natiijada shan baaris oo lagu sameeyay hay’adaha dowladda iyo sidoo kale labadaan shirkadood oo ah kuwa ajanabi ah.

“Si waafaqsan Sharciyada Xafiiska Hantidhowrka Guud iyo kan Maareynta Maaliyadda Guud, Xafiiska Hantidhowrka Guud waxa uu la wadaagayaa dadweynaha natiijada 5 baaris oo uu sameeyay, kana soo saaray 8 warbixin” ayaa lagu yiri warbixinta.

Hantidhowraha ayaa shaaca ka qaaday in Albayrak iyo Favori aysan soo gudbin warbixinta maaliyadda ee laga rabay, si loo ogaado saamiga rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya.

“Sida uu xqiijiyay xafiiska xisaabiyaha guud ee dowladda labada shirkadood midoodna lama wadaagin warbixinadooda maaliyadood oo soo maray baaris hantidhowr oo madax bannaan si loo caddeeyo, loona ogaado dhab ahaan cadadka saamiga lacageed ee DFS ay yeelaneyso” ayaa lagu yiri warbixinta uu soo saaray Hantidhowraha guud ee qaranka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in labada shirkadood ay jabiyeen heshiisyadii ay kula jireen dowladda federaalka, maadaama ay diideen soo gudbinta warbixinta maaliyadda.

Sidaas darteed maadaama shirkadaha Albayrak iyo Favori ay jabiyeen, kuna xadgudbeen heshiiska dheef wadaagga ah ee ay kula jiraan dowladda Soomaaliya, isla markaana aysan usoo gudbin xafiiska xisaabiyaha guud warbixin maaliyadeed soo martay baaris hantidhowr madax bannaan ugu dambeyn muddada ku cad qandaraasyada kadib dhammaadka sanad maaliyadeed walba, sidaas aawgeed xafiiska hantidhowrka guud uma suuragelin inuu xaqiijiyo in qidmadda dheef wadaagga ah oo dhan 34,261371 dollar ay tahay mid si dhab loo xisaabiyay, loona hantidhowray marka la fiiriyo cadadka dakhliga ay labada shirkadood qabteen iyo saamiga DFS, maadaama ay labadooduba si joogta ah u jabiyeen heshiiska” ayuu mar kale yiri Hantidhowraha oo faah-faahiyay warbixinta uu maanta soo saaray.

Sidoo kale baarista uu sameeyay Hantidhowrka ayaa lagu ogaaday in la waayay malaayiin dollar oo aan lagu soo shubin qasanadda dhexe ee dowladda federaalka, sida uu shaaciyay Hantidhowraha.

Waxaa kamid ah meelaha la tilmaamay saddex safaaradood, qunsiliyad guud iyo laba hay’adood, kuwaas oo uu Hantidhowrku sheegay inay isticlaameen lacagihii ay qabteen, kahor inta lagu shubin qasnadda dhexe ee dowladda.

“Dakhli ay qabteen saddex safaaradood, qunsiliyad guud iyo laba hay’adood ayaa lagu isticmaalay isla goobtii lagu qabtay, kahor inta aan lagu shubin qasnadda dhexe ee dowladda, sidoo kalena aan lagu muujin warbixin maaliyadeedka uu soo gudbiyay xafiiska xisaabiyaha guud” ayuu yiri Hantidhowraha guud ee qaranka.

Hantidhowraha ayaa sidoo kale soo bandhigay lacagaha ku maqan safaaradaha saddexda ah, wuxuuna sheegay inay qabteen ku dhowaad saddex milyan oo dollar,taas oo aysan ku shubin qasanadda dhexe, sidoo kalena aysan soo gudbin xiisaabkii xirkii laga rabay.

“Safaaradaha iyo qunsuliyadda la baaray ayaa uruuriyay dakhli dhan 2,790,000 safaaradahan ayaan soo gudbin xisaab xirka sanadlaha ah” ayuu mar kale yiri.

Labo sano kadib: Muxuu yahay waxqabadka mudan in lagu bogaadiyo dowladda Xasan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa Muqdisho ugu dabaal-degtay inay labo sano jirsatay.

Waxyaabihii ay soo bandhigeen aad uguma qancin dadweynaha, loomana arag wax gaarsiisan faan iyo xaflad intaas le’eg, laakiin waxaa jirta hal arrin oo aan la inkiri karin, taas oo ka qabsoomtay wasaaradda waxbarashada ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya labadii sano ee lasoo dhaafay.

Asbuucan waxaa imtixaan u fariistay 13,250 macalin, waxay u tartamayaan shaqo 3,000 macalin oo ay soo bandhigtay wasaaradda waxbarashada ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Imtixaankan ayaa lagu galay 45 goobood oo ay wasaaradda diyaarisay oo Muqdisho iyo gobollada dalka ku yaalla.

Waa mashruucii labaad ee shaqaaleysiin macalimiin ah. Wasaaraddan waxaa maamula Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ka yimid bahda waxbarashada.

Horey waxay wasaaraddan u shaqaaleysiisay 3,000 macalin oo hadda wax ka dhiga dugsiyada ay maamusho dowladda federaalka. Haatana 3 kun oo cusub ayaa la qaadanayaa oo imtixaan u fariisatay, kuwaas oo ay wasaaradda horey u sheegtay in mushaaradkooda la hayo.

Shaqaaleysiinta 6,000 macalin muddo laba sano ah waxaa lagu tilmaami karaa shaqadii ugu weynayd oo ay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ka qabato arrimaha bulshada labadii sano ee lasoo dhaafay.

Waxay kale oo tani muujineysa waxa u qabsoomi kara dalka haddii wasaarad walba loo dhiibo qof shaqadeeda iyo baahideeda yaqaan.

Baaris: Ku dhawaad $3 milyan oo laga waayay qasnada DF – Yey ku maqan tahay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hantidhworaha guud ee Qaranka Axmed Ciise Guutaale oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay warbixinta baarista ee 2023, taas oo lagu sameeyo hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya.

Hantidhowraha ayaa soo bandhigay natiijada shan baaris oo uu kasoo saaray siddeed warbixin oo faah-faahsan, kuwaas oo lagu muujiyay khaladaadka maaliyadda ee jira.

“Si waafaqsan Sharciyada Xafiiska Hantidhowrka Guud iyo kan Maareynta Maaliyadda Guud, Xafiiska Hantidhowrka Guud waxa uu la wadaagayaa dadweynaha natiijada 5 baaris oo uu sameeyay, kana soo saaray 8 warbixin” ayaa lagu yiri warbixinta.

Baaristan ayaa lagu ogaaday malaayiin dollar oo la waayay isla markaana aan lagu soo shubin qasanadda dhexe ee dowladda federaalka, sida uu shaaciyay Hantidhowraha.

Waxaa kamid ah meelaha la tilmaamay saddex safaaradood, qunsiliyad guud iyo laba hay’adood, kuwaas oo uu Hantidhowrku sheegay inay isticlaameen lacagihii ay qabteen, kahor inta lagu shubin qasnadda dhexe ee dowladda.

“Dakhli ay qabteen saddex safaaradood, qunsiliyad guud iyo laba hay’adood ayaa lagu isticmaalay isla goobtii lagu qabtay, kahor inta aan lagu shubin qasnadda dhexe ee dowladda, sidoo kalena aan lagu muujin warbixin maaliyadeedka uu soo gudbiyay xafiiska xisaabiyaha guud” ayuu yiri Hantidhowraha guud ee qaranka.

Axmed Ciise Guutaale ayaa sidoo kale soo bandhigay lacagaha ku maqan safaaradaha saddexda ah, wuxuuna sheegay inay qabteen ku dhowaad saddex milyan oo dollar,taas oo aysan ku shubin qasanadda dhexe, sidoo kalena aysan soo gudbin xiisaabkii xirkii laga rabay.

“Safaaradaha iyo qunsuliyadda la baaray ayaa uruuriyay dakhli dhan 2,790,000 safaaradahan ayaan soo gudbin xisaab xirka sanadlaha ah” ayuu mar kale yiri.

Hoos ka daawo:-

Al-Shabaab iyo ciidamada Itoobiya oo dagaal culus uu ku dhex-maray XUDUR

0

Xudur (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal qaraar oo maanta ka dhacay degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada Itoobiya ee ku sugan halkaasi, waxayna xaaladdu tahay mid cakiran.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu yimid, kadib markii xoogag Al-Shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen saldhig ay leeyihiin ciidanka Itoobiya, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal foolka fool ah.

Dagaalka oo saacado badan qaatay ayaa la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana sidoo kale xigay madaafiic ay rideen ciidanka Itoobiya ee la weeraray.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee soo kala gaaray labada dhinac, waxaana yar macluumaadka laga helayo dagaalka dhex-maray Al-Shabaab iyo ciidamada Itoobiya.

Al-Shabaab oo war kaso saartay dagaalkan iyo weerarka ka horreeyay ayaa guul sheegatay, waxayna sheegtay in khasaare lixaadleh ay u gaysatay ciidanka Itoobiya.

Dhankooda saraakiil u hadashay ciidanka la weeraray ee ku sugan magaalada Xudur ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka lagu qaaday, isla markaana haatan ay howlgallo amni xaqiijin ah ka waday aagga lagu dagaalamay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana dib u laabtay maleeshiyaadkii kooxda Al-Shabaab ee weerarka ku qaadan saldhigga ciidanka Itoobiya ee ku yaalla degmada Xudur.

Bakool ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana sidoo kale kus ugan ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS.