25.5 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

Al-Shabaab iyo ciidamada Itoobiya oo dagaal culus uu ku dhex-maray XUDUR

0

Xudur (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal qaraar oo maanta ka dhacay degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada Itoobiya ee ku sugan halkaasi, waxayna xaaladdu tahay mid cakiran.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu yimid, kadib markii xoogag Al-Shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen saldhig ay leeyihiin ciidanka Itoobiya, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal foolka fool ah.

Dagaalka oo saacado badan qaatay ayaa la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana sidoo kale xigay madaafiic ay rideen ciidanka Itoobiya ee la weeraray.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee soo kala gaaray labada dhinac, waxaana yar macluumaadka laga helayo dagaalka dhex-maray Al-Shabaab iyo ciidamada Itoobiya.

Al-Shabaab oo war kaso saartay dagaalkan iyo weerarka ka horreeyay ayaa guul sheegatay, waxayna sheegtay in khasaare lixaadleh ay u gaysatay ciidanka Itoobiya.

Dhankooda saraakiil u hadashay ciidanka la weeraray ee ku sugan magaalada Xudur ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka lagu qaaday, isla markaana haatan ay howlgallo amni xaqiijin ah ka waday aagga lagu dagaalamay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana dib u laabtay maleeshiyaadkii kooxda Al-Shabaab ee weerarka ku qaadan saldhigga ciidanka Itoobiya ee ku yaalla degmada Xudur.

Bakool ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana sidoo kale kus ugan ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS.

Natiijada imtixaanka dugsiyada sare iyo arday badan oo dhacday

0

Muqdisho  (Caasimada Online) – Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday natiijada rasmiga ah ee imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ee dugsiyada sare ee dalka, kaas oo ay u fariisateen illaa 36,034 Arday.

Wasaaradda ayaa sheegtay inay imtixaanka ku gudbeen arday gaareysa 33,666 oo dhigata iskuulo kala duwan oo ku kala yaalla magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka.

Kaalinta koowaad waxaa kusoo baxay Zakariye Xuseen Maxamed oo dhigta iskuulka Al-marwaazi oo ku yaalla degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, sida ay shaacisay wasaaraddu.

“Kaalinta 1’aad waxaa galay 𝐙𝐚𝐤𝐚𝐫𝐢𝐲𝐞 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐢𝐬𝐦𝐚𝐚𝐧, oo ka socday 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐚𝐚𝐝𝐢𝐫, Dugsiga 𝐀𝐥-𝐦𝐚𝐫𝐰𝐚𝐳𝐢 𝐃𝐞𝐲𝐧𝐢𝐢𝐥𝐞, darjada uu heleyna waa 𝟖𝟗%” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxaa sidoo kale imtixaankan ku dhacay arday badan oo tiradooda gaareysa 2,366 Arday, sida ku cad natiijada ay ku dhowaaqday wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Dhanka kale wasiirka waxbarashada Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay  in dowladdu sannadkan waxbarasho siinayso 3,000 Arday, isla markaana fursad gaar ah la siin doono  gabdho soo gudbay.

Waxaa kale oo uu xusay in la bari doono tababbar macallinimo iyo Tababbarka Caafimaadka oo la baranayo mudo saddex sanno ah tan oo ah fursad u gaar ah hablaha Soomaaliyeed.

Dowladda federaalka ayaa sanadihii ugu dambeeyay qaadeysay imtixaanaadka mideysan ee dugsiyada sare, waana mid kamid ah guulaha waa wayn ee uu dalku gaaray.

Xogta shir Muqdisho uga furmay DF iyo maamullada oo qeyb ka tahay beesha caalamka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir muhiim ah oo u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, kaasi oo qeyb ka yihiin wakiiladda caalamka.

Shirkan oo uu daah-furay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cali Yuusuf Xoosh waxaa goobjoog ka ahaa qaar ka tirsan wasiirrada arrimaha gudaha ee dowlad-goboleedyada, maamulka gobolka Banaadir iyo saxiibada caalamka.

Wasiirka arrimaha gudaha oo halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday guulihii mashruucii dhammaaday ee JPLG, isaga oo sheegay in muddada uu socday 15 sano ah laga hirgeliyey dhammaan dowlad goboleedyada iyo maamullada dalka sida; Somaliland, Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland halka gobolka Banaadirna uu wax badan ka helay ayna ka faa’ideysteen 46 degmo oo dalka ah.

Waxaa kale oo uu qeyb ka ahaa qorshayaasha magaalooyinka iyo kobcinta dakhliga degmooyinka, dhismaha goobaha lagu qabto adeegyada aasaasiga ah sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo faya dhawrka., kaabayaasha degmooyinka sida; wadooyinka, isbitaallada, iskuullada, ceelasha iwm.

“Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedyada, SSC-Khaatumo iyo Maamulka Gobolka Banaadirna waa ku bogaadinayaa hawlaha ay wadaan waxaana kula dar-daarmayaa inay labo-jibaaraan dadaalkiis si adeegga iyo dowladnimadaba loogu dhoweeyo muwaadiniinta,” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale, wasiir Cali Xoosh ayaa shaaciyay 5 faa’iido oo muhiim ah oo uu xambarsaan yahay mashruuca uu ku saabsan yahay shirkan maanta u furmay dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, kuwaas oo kala ah;

1. In saldhig looga dhigo, oo lagu dul shaqeeyo Mashruucii JPLG sida dhameystirka mashaariicdii socotay ee dowladaha hoose.

2. Dowlad-Kaab waxaa la socda mashaariic cusub oo la fulin doono 5-ta sano ee soo socota.

3. Dowlad-Kaab inta uu socdo waxaa la ballaarin doonaa degmooyinka iyada oo la tayeyn doona howlaha.

4. Dowlad Federaalka ah, waxaa ka go’an in Mashruucan Muhiimka ah loo qareemmo, oo dhaqaale loo raadiyo.

5. Mashruucan Dowlad-Kaab waxaa uu kabi doobaa dhismaha Mashaariic dhismo ee Dowlada Hoose ee soo socda.

Puntland oo MA-GAFE u aqoonsatay madaxweyne XASAN + Sababta

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa shaaciyay inuu Ma-gafe u aqoonsaday madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Dirir ayaa ku dhowaaqay arrintaan, isaggoo madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu xanibay dhamaan mashaariicdii laga fulin lahaa deegaanada maamulka, inkasta oo dowladda dhexe ay horey ugu eedeysan Deni inuu hortaagan yahay arrintaan.

Wasiirka oo wareysi siiyay Radio Daljir ayaa madaxweyne Xasan Sheekh u adeegsaday magaca Ma-gafe oo sida caadiga ah loo yaqaan shakhsiyaad qawleysato ah, kuwaasi oo lacag madax-furasho ah ka qaata tahriibayaasha.

“Xasan Sheekh Maxamuud waa Ma-gafe waxa uu isbaaro u dhigtay dhammaan mashaariicdii horumarinta ee laga fulin lahaa Puntland,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxa uu rabaa in haddii aan isagu maamulayn uu sidaasi ku xannibo marka wa qof Ma-gafe ah oo isbaaro dhigtay.”

Sidoo kale wuxuu madaxweyne Xasan ku eedeeyay dastuur jebin iyo ku tumashada sharcigii lagu soo doortay, uuna ku howlan yahay baabi’inta nidaamka dowladnimada Soomaaliya, taasi oo uu sheegay inay tahay mid aan gebi ahaanba la aqbali karin.

Maamulka Puntland iyo dowladda dhexe ayaa muddo si toos ah u wada-shaqeyn, ayada oo uu si weyn u saameeyay khilaafka labada nin ee u sareeye waa Xasan Sheekh iyo Saciid Deni, kuwaas oo isa seegay tan iyo markii uu Xasan magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha.

Maxay tahay xarunta sida weyn loogu baahna ee si rasmi ah u daah-furtay DF? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa si rasmi ah u howl-gashay xarunta bangiga dhiigga qaranka, taas oo si toos ah u shaqeyn doonta wixii maanta ka dambeeya, sida uu ku dhowaaqay wasiirka caafimaadka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan.

Munaasabadda shaacinta ololaha dhiigga bixinta ayaa waxaa wasiirka ku wehlinayey xidhibaano ka tirsan BF, agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Guuleed Cabdijaliil, maamulka agaasimaha bangiga dhiigga, agaasimaha isbitaalka Banaadir iyo xubno kale.

Dhamaan madaxdii maanta tagtey ee uu hogaaminayey wasiirka caafimaadka ayaa dhiigooda ku deeqey waxay noqdeen mas’uuliyiintii ugu horreysey ee si mutadawacnimo ah usii bixiya maadaama ololahan ay ka wada qeyb qaadan doonaan dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Dhismaha bangiga dhiigga ayaa soo marey heerar kala duwan waxaana ugu dambeyn lagu guuleystey dhamaystirkiisa iyo in uu si toos ah u howl-galo maalintii shalay oo ay taariikhdu aheyd 26, August 2024.

Tan ayaa qeyb ka ah gaaritaanka yoolka horumarinta caafimaadka guud ee dalka, sidoo kale wuxuu si weyn u xoojin doonaa silsilada sahayda caafimaadka ee xudunta udub dhexaadka u ah kaydinta dhiiga iyo muwaadinku si sahlan uu uga dhiman dhiig la’aan.

Howl-galinta Bangiga dhiigga waa tallaabo aad u wayn oo loo qaaday dhinaca horumarinta adeegyada caafimaadka guud ahaan, sidoo kale waa tallaabo horay loogu qaaday xaqiijinta hiigsiga xukuumadda Dan-Qaran ee ku qeexan qorshaha qaranka, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.

Sidoo kale waa tallaabo door muhiim ah ka ciyaareysa yoolka fog ee ah in ay bulshadeennu ku naalooto caafimaad haqab-tiran.

Bangigan ayaa fududayn doono hellitaanka dhiigga xilli kasta oo loo baahan yahay iyo in muwaadinka Soomaaliyeed la yiraahdo dhiig baa loo waayey, taas oo caqabad wayn ku aheyd in muwaadinka u baahan loo hello gargaarka dhiigga, waxa uuna bangigan ka qayb qaadan doona in ay fududaado bixinta adeegga caafimaadka gaar ahaan xilliyada gurmadka.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka ayaa sidoo kale ku dhawaaqey ololaha bulshada Soomaaliyeed ugu qeyb qaadan karto keydinta dhiigga si looga maarmo in mararka ay dhacdo xaaladaha deg-degga ah in baraha bulshada laga naadiyo dhiigagga loo baahan yahay ama la waayo.

Wasaaradda caafimaadka ayuu sheegay inay ka go’an tahay horumarinta iyo tayeynta caafimaadka, si loo gaaro yoolka fog ee hiigsiga horumarinta caafimaadka, maadaama caafimaadku yahay kan ugu muhiimsan adeegyada bulshada.

DF oo kaalmo lacageed siisay dadkii ku waxyeeloobay qaraxii LIIDO + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa kaalmo lacageed gaarsiiyay qaar kamid ah dadkii dhawaan ku waxyeeloobay weerarkii bahalnimo ee ka fhacay xeebta Liido.

Guddiga gurmadka qaran ee qaraxii Liido ayaa xarunta qaran ee howl-gallada gurmadka deg-degga ah ee hay’adda maareeynta musiibooyinka kula kulmay ehellada dadkii ku naf-waayay weerarkii argagaxiso ee billowgii bishaan ka dhacay xeebta Liido.

Guddiga ayaa min $2000 oo doolar oo taakulo ah guddoonsiiyay ehellada 36 qof oo ku dhintay weerarkaas.

Sidoo kale waxay ballan-qaadeen in aan intaas looga hari doonin oo si gaar ah dowladda Soomaaliya kaga war-qabi doonto dhammaan walaalaha wax-yeelladu gaartay.

Guddiga ayaa sidaan oo kale, hore qoondo lacageed u guddoonsiiyay dadka dhaawacyadu ka soo gaareen weerarka fulaynimada ah ee argagaxiso.

Guddoomiye Maxamuud Macalin Cabdulle oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay sii wada doonaan kaalmeynta dadkii waxyeeloobay qaraxaasi, isagoo ka digay wax uu ku sheegay “been abuurka baraha bulshada.”

“Waxaa jira kuwo aan bahda warbaahinta ka tirsaneyn oo Facebook-yada wax ku qora ilaahayna aan ka baqeyn oo marka loo gurmanayo dadka Soomaaliyeed been u sheega gurmadka socdana aan ka qeybqaadan,” ayuu yiri guddoomiyaha SODMA.

DAGAAL toos ah oo laga cabsi qabo inuu ka dhex qarxo Israel iyo…

0

Tel Aviv (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa sheegtay in ay qaaday mowjado duqeymo ah oo ka dhacay koonfurta Lubnaan si ay uga hortagto gantaallo waaweyn iyo kuwa diyaaradaha aan duuliye lahayn oo ay soo qaadeen Xisbullah.

Diyaaradaha ayaa burburiyay kumanaan gantaalada kooxda hubaysan ee Iran ay taageerto subaxnimadii Axada, sida uu sheegay militariga Israel. Ururka Xisbullah iyo xulafadooda Amal ayaa sheegay in saddex dagaalyahan laga dilay.

Ururka Xisbullah ayaa sheegay in ay wali ku guulaysteen in ay ku dhuftaan 320 gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn Israa’iil si ay uga aargoostaan ​​dilka taliye sare. Sida laga soo xigtay militariga Israel, hal askari oo ka tirsan ciidamada badda ee Israel ayaa la dilay.

Mareykanka ayaa sheegay inuu ka shaqeynayo sidii looga fogaan lahaa xaalad kale oo colaadeed ka dib 10 bilood oo colaado ah taasoo sare u qaaday cabsida laga qabo dagaal dhan walba ah.

Waxaa jiray ku dhawaad ​​maalin kasta rasaas la is weydaarsanayay xadka Israa’iil iyo Lubnaan tan iyo maalin kadib markii uu bilowday dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ee Gaza 7-dii Oktoobar. Ma jirin wax horumar ah oo laga gaaray wareegii ugu dambeeyay ee wadahadalada nabada Gaza ee uu Maraykanku taageerayo ee ka dhacay Qaahira.

Kahor inta aysan bixin, Xamaas waxa ay sheegtay in ay iska diiday shuruudo cusub oo Israa’iil ah, waxa ayna Israa’iil ku eedeysay in ay ka laabatay balamo. Israa’iil ayaa diiday in ay wax ka beddesho dalabaadkeeda tan iyo wareegii ugu dambeeyay ee wadahadalladii horaantii Luulyo.

Ururka Xisbullah ayaa sheegay in ay u dhaqmayaan sidii ay u taageeri lahaayeen kooxda Falastiin, oo sidoo kale ay taageerto Iran. Xamaas iyo Hezbollah labaduba waxa ay Israa’iil, UK iyo waddamo kale ka ku qeexeen inay yihiin ururro argagixiso.

Tan iyo bishii Oktoobar, in ka badan 560 qof ayay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan in la dilay, kuwaas oo u badan dagaalyahannada Xisbullah, halka 26 rayid ah iyo 23 askari lagu dilay Israa’iil, sida ay masuuliyiintu sheegeen. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhawaad ​​200,000 oo qof ay sidoo kale ku barakaceen labada dhinac ee xadka.

Isha: BBC

Howlgalladii QM ee Gaza oo istaagay kadib tallaabo ay qaaday Israel

Gaza (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay – Qaramada Midoobay ayaa sheegtay Isniintii in amaradii ugu dambeeyey ee ay bixisay Israa’iil ee ku aaddanaa in laga guuro qaybo mida marinka Qaza inay sababeen inuu joogsado hawlihii gargaarka bini’aadanimo ee ka socday marinka Qaza.

“Laga bilaabo saaka, kama shaqeyneyno marinka Gaza,” sidaasi waxaa saxaafadda u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay, isaga oo intaa ku daray in aysan ka bixi doonin dhulkan go’doonsan.

Axadii ayaa ciidamada Israel waxay soo saareen amaro cusub oo lagu farayo dadweynaha inay ka guuraan qaybo ka mida Deir al-Balah oo ku taalla badhtamaha Qaza, halkaas oo Qaramada Midoobay ay u rartay qaybaha ugu muhiimsan hawlgalkeeda marinka Qaza, bishii May, ka dib markii ay Israa’iil amarka ku bixisay in laga guuro magaalada Rafax ee ku taalla Koonfurta Qaza.

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, amarkan guurista ee ay Israa’iil soo saartay ayaa noqonaya kii 16aad ee ay soo saaraan bishan gudaheeda.

Masuulkan oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay haysato saacado yar oo ay ku rarto shaqaaleheeda caalamiga ah iyo kuwa Falastiiniyiinta ah, iyo boqolaal qof oo kale oo ku tiirsan iyo weliba qalabka halkaas u yaalla isla markaana ay u raraan deegaanka Al-Mawasi oo ka mida deegaanada ay Israa’iil u calaamadisay inay yihiin marin ammaan ah.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Israa’iil ay amar ku bixisay in laga guuro illaa 86% oo ka mida dhulka Qaza, taasoo keenaysa in dad gaadhaya 2 million oo qof in la isugu geeyo dhul aad u yar.

Kacdoon ka dhashay qorshe ay Al-Shabaab dhaqaale uga sameynayaan Geela – XOG

0

Marka (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa bilowday qorshe culus oo dhaqaale ay uga sameyneyso dadka reer Miyiga ah ee dhaqda Geela, kuwaas oo dhibaato badan ay ku heyso kooxdu, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Al-Shabaab waxay deegaanada ay joogaan ka sameysteen xeryo waaweyn oo Geela baadida ah ama aan cidi ilaashaneyn ay ku xareystaan, kadibna waxay dadkii lahaa ka qaadaan lacago baad ah.

Dadka Geela dhaqda ee ku nool dhulka fog-fog ee miyiga ah ayaa ka cabanaya dhibaatada Khawaarijta, kuwaas oo farriin u soo diray dowladda, iyagoo codsanaya in laga soo gaaro oo laga kiciyo cadowga.

Sidoo kale, ragga Geela dhaqda ee ku nool deegaanada ay Shabaab joogaan ayaa cadeeyey inay diyaar u yihiin inay hubka qaataan oo Shabaab iska dhiciyaan, hadii ay helaan garabka dowladda.

Sida xogtaan ay ku heshay Caasimada Online, Kooxda ayaa bilowday inay xareystaan Geela baadida ah, kadib markii uu yimaado qofkii lahaa oo raadinaya waxay u jarayaan Boono 150 doolar ah, hadii Geeliisa uu ka soo helo xerada wuxuu bixinayaa 3 u dhig hal dhig ama mararka qaar kala bar.

Waxay qorshahaan u sameeyeen nidaam ay dhaqaale badan uga samey karaan xoolaha ay duurka ka qabsadaan ee ka soo lumay dadkii lahaa, mararka qaarna waxay xubnaha noo waramay sheegeen inay ka xeystaan si ay xerada u geystaan Geela hadii uusan markaas qof la joogin, xitaa isagoo aan baadi aheyn oo daaqaya aagii loogu tala galay.

3 ka mid ah xeryaha Geelaas lagu xareeyo ee dadka lagu baado waxay ku yaalaan Sh/Hoose, gaar ahaan deegaanada Buulo-Fulaay, Leego iyo Farsooley, xubnaha xogtaan na siiyey ee xoola dhaqatada ah waxay noo cadeeyeen inay si adag uga gadoodeen qorshaha kooxda, balse weli aysan helin cid ku garab siisa inay dagaalamaan.

Sidoo kale waxaan ogaanay in qorshahaan ay dhaqaalaha uga abuurayan Geela daaqsinka ah uu ka dhaqan galay dhamaan deegaanada ay joogaan, taasi oo aad ay uga caroodeen dadka xoolo dhaqatada ah, kuwaas oo dalbanaya inay laga xoreeyo cadowgaan ku heysta xoolahoodii.

Ruushka oo in ka badan 100 gantaal ku garaacay Ukraine iyo xaalka oo kasii daraya

0

Kyiv (Caasimada Online) – Ruushka ayaa Isniintii garaacay inta badan magaalooyinka Ukraine, isaga oo weerarkaasi cirka ahaa u adeegsaday tiro badan oo gantaallo ah iyo diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ee bambooyinka tuura.

Weerarkaasi oo uu madaxweyne Volodymyr Zelenskyy ku tilmaamay mid “wuxushnimo ah” ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen ugu yaraan afar qof, halka ay dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Ciidamada cirka ee Ukraine ayaa sheegay in wax ka badan 100 gantaal iyo tiro badan oo diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ee Ruushka ay gantaallo ka soo rideen dhinacyada bari, waqooyiga, koofurta iyo gobollada dhexe.

Waxay kaloo sheegeen in weerarka uu bilowday saqdii dhexe ee xalay isla markaana ay sii socdeen ilaa waaberigii.

Waxaana weerarkaasi lagu tilmaamay kii ugu weynaa ee uu Ruushka ku qaado Ukraine muddo todobaadyo ah.

Ra’isulwasaaraha Ukrain Denys Shmyhal ayaa sheegay in ciidanka Ruushka ay illaa 15 gobol oo ka tirsan Ukraine ku garaaceen gantaallo isugu jira, kuwa diyaaradaha darooniska, gantaallada Kuruuska ee maraakiibta laga soo tuuro, kuwa guuxooda ka dheereeya iyo kuwa baalistiga.

Meelaha la duqeeyay waxaa ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Kyiv. Duqa magaalada Vitali Klitschko ayaa sheegay in duqeymaha ay carqaladeeyen biyaha iyo korontada.

Halis horleh oo ka taagan badda cas kadib weerar cusub oo ay fuliyeen Xuutiyiinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maraykanka ayaa ka digaya masiibo deegaan oo ka dhalan karta badda cas ka dib weerar ay fallaagada Xuutiyiinta Yemen ay ku qaadeen markab shidaal usbuucii hore.

Safiirka Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield ayaa goor dambe oo Axadii ahayd, u soo jeedisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in uu ” cambaareeyo” weerarka Xuutiyiintu ay ku qaadeen MT Delta Sounion.

“Ficilada naxariis darada ah ee Xuutiyiintu waxay halis ku yihiin inay abuuraan masiibo deegaan oo cawaaqib xun ku leh gobolka,” ayay Linda Thomas-Greenfield ku soo qortay barteeda X.

Waxay sheegtay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu dalbado in si degdeg ah loogu hoggaansamo qaraarkii bishii Janaayo ee Xuutiyiinta ugu baaqaya inay si degdeg ah u joojiyaan weerarrada ay ku hayaan maraakiibta maraya Badda Cas.

Xuutiyiinta oo ay taageerto Iran ayaa sheegay Khamiistii inay beegsadeen markab watay calanka Giriiga, taasoo qayb ka ahayd ololahooda ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga ee maraya badda cas, iyaga oo taageero u muujinaya Falastiiniyiinta xilli uu socdo dagaalka Israel iyo Xamaas ee Gaza.

Kooxaha gurmadka degdegga ah ayaa ka daadgureeyay shaqaalihii markabkaas saarnaa, ka dib markii la weeraray, taasoo keentay in markabka uu dab qabsado.

Howlgalka ciidamada badda cas ee Midowga Yurub ee Aspides ayaa sheegay in markabka uu siday 150,000 metric ton oo saliid ceyriin ah.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka Matthew Miller ayaa Sabtidii sheegay in Xuutiyiintu “ay caddeeyeen inay diyaar u yihiin inay burburiyaan hannaanka kalluumaysiga iyo bii’adda ama deegaanka ee gobolka, taas oo bulshada Yemen iyo bulshooyinka kale ee gobolkuba ay ku tiirsan yihiin”

Ololaha Xuutiyiinta ayaa hakad galiyay maraakiibtii ganacsi ee isaga kala gooshaysay badda cas iyo gacanka cadmeed,taasi oo keentay in shirkado badan oo maraakiib ah ay marakiibta u rogaan wadooyin dhaadheer oo qaali ah.

Qaar ka mid ah macluumaadka sheekadan waxaa laga soo xigtay Associated Press iyo Reuters + Voa

Diyaaradaha is-qarxiya oo lagu qabtay Gaalkacyo iyo Al-Shabaab oo diyaariyey qorshe halis ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen xubno ay ku tilmaameen inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab iyo hub Soomaaliya ku cusub oo la sheegay inay wadeen.

Xubnaha ayaa gaaraya 7 xubnood oo ciidamada ammaanku sheegeen inay gacanta ku hayaan dayaaradaha bilaa duuliyaha ah, gaar ahaan nooca is qarxiya ee loo yaqaanno Kamikaze.

“Dadkan laga shakisan yahay ayaa la soo qabtay, kadib markii la helay xog ciidan oo ah inay hub sidaan” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan madaxda ciidamada amaanka ee Puntland oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo.

Dayaaradahaas bilaa duuliyaha ah oo Yemen aad looga isticmaalo ayaa la aaminsan yahay in Puntland ay ka soo galeen dhanka magaalada Boosaaso, waxaana xilliga la qabanayey loo sii waday magaalada Gaalkacyo.

Sarkaalkaas ka tirsan madaxda ciidanka Puntland wuxuu intaas ku daray in dayaaradaha iyo dhowr qof oo siday lagu qabtay inta u dhaxaysa Garowe iyo Gaalkacyo.

“Markii aan dabagal ku samaynay kadib waxaan gacanta ku soo dhignay tiro kale oo ah dad looga shakisan yahay inay fal dambiyeedka ku lug lahaayeen,” ayuu yiri sarkaalka.

Dayaaradaha bilaa duuliyaha ah oo tiradooda lagu sheegay 5 dayaaradood waxaa hadda gacanta ku haya ciidanka amniga ee Puntland, waxayna sheegeen in sidoo kale ay gacanta ku hayaan 7-da qof ee la tuhunsan yahay, kuwaas oo baaritaan lagu wado.

Sarkaalka ka tirsan madaxda ciidanka Puntland faahfaahin kama uusan bixin baaritaanka – Haddaba maxaan ka naqaan daroonka is qarxiya ee loo yaqaanno Kamikaze.

Diyaaradaha noocaan ah waa kuwo ku cusub goobaha dagaallada, waxaana hadda aad u isticmaala Ruushka iyo Ukraine iyo Xuutiyiinta Yemen, inkastoo ay jiraan dalal iyo kooxo haysta, waxaana dalalka haysta ama samaysta ka mid ah Israa’iil, Maraykanka, Kuuriyada koofureed, Turkiga, shiinaha iyo Iiraan.

Waa diyaarado xajmi ahaan yar, xawaarahoodu gaabiyo, joogga ay ku duulaanna uu yahay mid aan la arki karin, masaafo ahaanna duuli kara maylal badan, waxayna sidaan qaraxyo. Waxay awood u leeyihiin inay ka dhuuntaan Radarka.

Waxay dul heehaabaan bartilmaameedka, marka la cayimo bartilmaameedkana way ku dhacaan, ayadoo qaraxyadana ay burburiyaan bartilmaameedka. Waxaa kale oo loo yaqaan “Daroonta is burburisa”.

Waxaa inta badan loo isticmaalaa in ay ka talaabaan safka hore ee dagaalka oo ay cadawga gadaal ka maraan, ayna halkaa ka faltamaan, sidoo kale waxaa loo adeegsadaa in lagu weeraro gaadiidka iyo barta taliska ciidanka.

 

Madaxweyne Xasan oo xil cusub u magacaabay Jeneraal Gaafoow

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Sarreeye Gaas Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud in uu noqdo La-taliyaha arrimaha ciidamada qalabka sida ee madaxweynaha.

Sarreeye Gaas Gaafoow ayaa khibrad durugsan u leh sugidda amniga gudaha iyo difaaca Qaranka, isagoo horey u soo noqday taliyaha hay’adaha nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka.

Ninkan ayaa waxa kale oo horey u noqday agaasimaha socdaalka iyo jinsiyadaha. Sidoo kale mas’uuliyado kale ayuu dalka ugu soo shaqeeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa faray la-taliyaha arrimaha ciidamada qalabka sida in uu doorkiisa ka qaato qorsheyaasha qaran ee dib u dhiska ciidamada, si loo dhammaystiro guulaha xoreynta iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu madaxweynaha u rajeeyey in Eebbe uu ku guuleeyo shaqada culus ee loo magacaabay.

Magacaabistan ayaa imaneysa xilli uu madaxweynaha dardar-gelinayo howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyada oo dhawaan uu bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka.

Si kastaba, waxaa heer geba-gebo ah maraya wejiga hore ee dagaalka, oo hadda dhameystirkiisa dhiig cusub lagu shubayo, si loo guda-galo wejiga xiga oo xoog badnaan doona kan hore.

Maxay yihiin 13 qodob ee amniga la xiriira ee guushooda sheegatay xukuumadda Xamza?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya oo dhawaan laba sano jirsatay ayaa soo bandhigtay waxyaabihii u qabsoomay labadii sano ee lasoo dhaafay, ayada oo xukuumadda ra’iisul wasaare ku faantay illaa 13 qodob oo dhanka amniga ah.

Warbixintan ayaa ku dul istaagi doona qodobaddan, oo kan u horreeyay ay xukuumadda ka dhigtay dagaalka Al-Shabaab iyo deegaanadii la xoreeyay. Sida ku qoran buugga waxqabadka ay soo bandhigtay xukuumadda, waxaa kooxda laga xoreeyay labadaasiu sanno illaa 215 goobood.

Goobahan ayaa isugu jira degmooyin, deegaanno, tuulooyin iyo baro kontorool oo kooxda gacanta ugu jiray, kuwaas oo ka kala tirsan dowlad-goboleedyada HirShabelle, Galmudug, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, sida lagu yiri waxqabadka xukuumadda.

“Labadii sano ee xukuumaddan jirtay waxa ay ciidanka qaranku fuliyeen 978 howlgal dagaal oo lagu qaaday kooxaha Khawaarijta ah. Sidoo kale waxay ciidanka qaranku dileen in ka badan 5,000 oo ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda,” ayaa lagu yiri qoraalka xukuumadda.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalka in la xiray 10,231 barood oo kooxda ay ku laheyd baraha internet-ka oo isugu jira Website-yo, Facebook, Telegram, Tiktok iyo Twitter (X).

“Xukuumaddu waxa ay ku guuleysatay mideynta culimada Soomaaliyeed iyo inay aragti mid ah ka qaataan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

Xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza ayaa waxa kale oo ay sheegtay inay ku guuleysatay fashilinta damacii guracnaa ee ka dhanka ahaa qaranimada Soomaaliyeed ee dowladda Itoobiya ay ku kacday.

“Xukuumaddu waxa ay heshiisyo difaac oo muhiim u ah amniga qaranka la gashay dowladaha Turkiga, Masar, EU, Mareykanka, UAE, Uganda iyo Suudaan.

Biixi oo sheegay in uusan dhaqan-galeyn go’aankii DF, weerarna ku qaaday Xasan

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horreysay ka hadlay go’aankii dowladda federaalka Soomaaliya ay ku fartay shirkadaha iyo xawaaladaha ka shaqeeya Somaliland in ay adeegooda ku bixiyaan magaca Soomaaliya.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu rabo in uu cuna-qabateeyo Somaliland, isaggoo sheegay in aysan marnaba gudaha Somaliland ka dhaqan-galeyn amaradda noocaasi ah ee kasoo baxa dowladda federaalka.

Biixi oo hadal ka jeediyay munaasabad ka qabsoomtay magaalada Hargaysa ayaa sheegay in go’aanka xawaaladaha lagaga joojinayo isticmaalka magaca ‘Somaliland’ aanu socon doonin, isaggoo weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh.

“Talo xumada koowaad waxa weeyi madaxweynaha Xamar joogaa, isaga oo Xamar aan gurigiisa ka xukumin, oo meel walba ajinabi u ilaalinayaan ayuu waxa uu meel walba soo saaraya waraaqo uu leeyahay Somaliland diyaaradi ma tagi karto, baananku ma tagi karaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu intaas kusii daray “Naftii hafar gurigiisa ma ilaalin karo.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya aanu ahayn colaad ka timid dadka shacabka ah, laakiin ay tahay mid ka timid koox uu sheegay “in ay jar ka tuurayan Soomaaliya.”

Waxa uuna intaas ku daray “in anay waxba ka qaadi karin Somaliland,” isla markaana ay iska difaacayaan cid kasta oo khatar galisa.

Hadalka madaxweyne Biixi ayaa imanaya xilli dowladda federaalka ay shirkadaha xawilaadaha, gaar ahaan Dahabshiil, Jubba Express iyo adeega Paysii iyo weliba shirkadaha kale ee lamidka ah u qabatay in magaca Soomaaliya ay adeeg kasta ku qoraan ugu dambeyn 1-da bisha soo socota ee September.

“Fulinta amarkaan waxaa la farayaa shirkad kasta oo wada shaqeyn ay kala dhaxeyso shirkadaha ku xadgudbaya qaranimada Jamhuuriyadda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri amarka dowladda federaalka.

Wasaaradda Ganacsiga oo si gaar ah uga soo baxay amarkan ayaa ku wargelisay shirkadii ama xawaaladii jebisa amarkaan in loo tixgeli doono inay si bareer ah u jebisay amarka dowlada kana soo horjeedo qaranimada Soomaaliya.

Muxuu yahay go’aanka ay maanta DF ka dhaqan-gelisay dekedda Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u dhaqan-gelisay hanaanka khidmad dhimista ee dhawaan uu go’aamiyay qaraarkii golaha wasiirrada Soomaaliya.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa go’aanka dhaqan-gelisay, kaas oo lagu dhimayo 50% lacagta looga qaado iskaanka lagu hubiyo badeecadaha kasoo dega dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.

“Wasaaradda Maaliyadda waxa ay ganacsatada Soomaaliyeed la wadaagaysaa in maanta oo Isniin ah taariikhduna tahay 26-ka Agoosto 2024, si rasmi ah loo dhaqan-geliyo heshiiska khidmad dhimista ee lagu go’aamiyay qaraarkii gilaha wasiirada JF qodobkiisa 5-aad, faqradiisa 1-aad kuna saabsan in la dhimo khidmada laga waado iskaanka lagu hubiyo badeecadaha,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda maaliyadda.

Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalka “Si loo horumariyo dakhliga dowladda, wasaaradda maaliyadda waxaa ka go’an in ay si hufan ugu adeegto bulshada, isla markaana loo dhimriyo shacabka Soomaaliyeed iyo ganacstada canshuur bixiyeyaasha ah oo door muhiim ah ku leh sare u qaadidda dakhlkga gudaha.”

Wasaaradda ayaa sheegtay inay ku dadaaleyso had iyo goor in la xaliyo cabashooyinka ganacsatada Soomaaliyeed, xilli uu dhawaan khilaaf xooggan soo kala dhex galay ganacsatada Muqdisho iyo wasaaradda maaliyadda.

Toddobaad kahro unbey aheyd markii golaha wasiirrada ay meel-meriyeen qaraarka lagu dhimay qiimaha laga qaado ganacsatada, ayada oo sidoo kale qararkan lagu baabi’iyay heshiisyo dhowr ah, kuwaas oo kamid yihiin:

(b) Heshiiska lagu fuliyo adeegyada la socodka koonteenarada ee electrooniga ah (electronic container tracking) oo ay horay loo galay.

(t) Heshiiska lagu fuliyo adeega dhaqista koonteenarada (container cleaning services) oo horay loo galay.

(j) Heshiiska fayadhawrka ee Dowladda Hoose.

Maxkamadda oo maanta xukun adag kasoo saartay kiiska dilka TOOXOOW

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun adag kasoo saartay kiiska dilka Marxuum Axmed Nuur Tooxoow, kaas oo loo haystay Mahad Cali Madoobe.

Mahad Madoobe oo ka tirsan ciidanka deegaanka ee degmadda Deyniile ayaa loo soo xiray inuu si bareer ah uu degmadda Daaru-salaam ugu dilay Marxuum Axmed Nuur Tooxoow, taariikhdu markii ay aheyd 29 bishii Afaraad ee sanadkaan 2024.

Marxuumka oo heystay bastoolad sharciyeysan ayaa isaggoo maraya laamiga Daaru-salaam, gaarina wato waxaa jidka u istaagay Eedeysane Mahad Cali Maxamuud Madoobe, kaasi oo gaariga joojiyey kuna amray inuu bastoolada soo wareejiyo.

Balse marxuumka ayaa ka diiday maadama uu bastooladda u heystay sharciga hubka ee ay bixiso wasaaradda amniga, intaas kadibna eedeysanaha ayaa xabado ku furay.

Marxuum Tooxoow ayaa halkaasi ku geeriyooday, isla maalintii uu dilka geystay ayaana lasoo qabtay eedeysanaha.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday saddex iyo tobankii bishaan.

Garsoorka maxkamadda ciidamada qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Mahad Cali Maxamuud Madoobe dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Axmed Nuur Tooxoow.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka maxkamadda darajada koowaad ee ciidamadda qalabka sida.

Maxay tahay Tallaabada ay qaadi karto DF kadib hanjabaadda Al-Shabaab?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab oo markii ugu horreysay si adag uga hadashay canshuurta iibka ee ay soo kordhisay dowladda Soomaaliya ayaa ku hanjabtay inay beegsan doonto shirkadaha iyo bangiyada dalka ee fuliyay markii dowladda.

Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere oo digniintan soo saaray ayaa arrintan ku tilmaamay dhac loo geysanayo hantida shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in canshuurtani ay billow u tahay baneysashada hantida Ummadda Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

Cali Dheere ayaa u digay ganacsatada iyo bangiyada dalka ee fuliyay qaadista canshuurtaas, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay hantidooda kala baxaan muddo isbuuc ah oo maanta ka bilaabaneyso, sida uu ku sheegay shirkiisa jaraa’id Sheekh Cali Dheere.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed ku wargelineynaa inay muddo hal isbuuc ah oo ka bilaabaneyso 26 August 2024 ay hantidooda kala baxaan bangiyada iyo shirkadaha fududeynay boobka lagu bililiqeysanayo hantida bulshada” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Haddaba maxaa la gudboon DF Soomaaliya, kadib hanjaabadda Al-Shabaab?

Falanqeeye Maxamed Xaadir Nuur oo wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa ka hadlay arrintan, wuxuuna sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay ka hortegto dhagartka Al-Shabaab, si looga feejignaado inay beegsato ganacsatada iyo shirkadaha.

Maxamed Xaadir ayaa sidoo akle xusay in hay’adaha amniga ee dowladda looga baahan yahay inay ilaaliyaan ganacsatada kadib digniinta kooxda Al-Shabaab.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waa inay ilaalisaa ganacsatada digniinta Al-Shabaab kadib, si looga hortego inay burburiso hantidooda. ” ayuu yiri aqoonyahanku.

Waxaa kale oo uu raaciyay “Haddii dowladdu diyaar ka tahay ama ka go’an tahay waxay xoojin doontaa amniga, waxayna abuuri doontaa qorshayaal amniga caasimada lagu sugaayo”.

Si kastaba, digniinta Al-Shabaab ayaa kusoo aadey saacado uun, kadib markii shalay ay kooxda qaraxyo ku burburisay goobo ganacsi oo ku yaallay Ceelasha Biyah ee duleedka Muqdisho, waxaana lagu sheegay sababta ay u beegsadeen xiridda kaamirooyinka CCTV.

PUNTLAND oo ka war heshay xubno Shabaab ah oo soo galay Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in xubno ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab ay si dhuumaaleysi ah ku galeen magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, halkaas oo laga cabsi qabo inay ka abuuraan falal amni darro.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, xubno la tuhunsanyahay oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa la dareemay inay galeen magaaladaas oo kamid ah meelaha ugu amniga wanaagsan dalka, maadaama ay tahay xudunta Puntland oo ugu wayn maamullada ka jira.

Guddoomiyaha Gobolka Nuagal, Cabdiraxmaan Xaaji Abshir (Qaanqaa) oo warbaahinta la hadlay ayaa isaguna xaqiijiyay jiritaanka arrintan, wuxuuna sheegay in Garoowe ay soo galeen sharwadaal ka shaqeynaya inay falal amni darro ka geystaan magaaladaasi.

Cabdiraxmaan Qaanqaa ayaa shacabka ugu baaqay in aan guryaha laga kireyn karin qof aan la garaneyn, si loola socdo dhaq-dhaqaaqa cid kasta oo soo galeysa magaalada.

Sidoo kale wuxuu faray darawallada gaadiidleyda in aysan soo qaadin qof aan la garaneynin, si looga hortago cid kasta oo halis ku ah amniga Puntland.

Dhinaca kale waxaa lagu soo warramayaa in laamaha ammaanka maamulka Puntland ay dhankooda bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo iyo howlgallo lagu xaqiijinayo amniga guud ee magaalada Garoowe, si looga hortago xaaladda kasoo korortay gudaha magaaladaasi.

Waxaa kale oo la kordhiyey baraha koontaroolada ee magaalada Garowe iyo saacadaha shaqada ee ciidamada ammaanka, si looga feejignaado dhagarta kooxda Al-Shabaab.

Arrintan ayaa kusoo aadayo, maalmo uun kadib markii dhowaan ay Puntland ku toogatay waqooyiga Gaalkacyo 10 ka tirsanaa Al-Shabaab oo horay dil toogasho ah loogu xukumay.

Sheekh Cali Dheere oo usoo hanjabay ganacsatada iyo bangiyada kadib tallaabadii DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka guud ee kooxda Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo muuqaal iska soo duubay ayaa markii ugu horreysay si adag uga hadlay canshuurta iibka ee ay dhawaan soo rogtay dowladda Soomaaliya.

Sheekh Cali Dheere oo digniin culus soo saaray ayaa marka hore arrintan ku tilmaamay dhac loo geysanayo hantida shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in canshuurtani ay billow u tahay baneysashada hantida Ummadda Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan rabnaa inaan caddeyno mowqifkeenna ku aadan ficillada boobka iyo burcadnimada ah ee ka socda dalka, gaar ahaan Muqdisho, haddii aan nahay Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin wax badan ayaan ka hadalnay falalka gurracan ee uu cadowga ku hayo ummadda Soomaaliyeed, waana ka dignay hagar-daamooyinka ganacsatada Soomaaliyeed ee lagula wareegayo hantidooda” ayuu yiri Afhayeenka kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu u digay ganacsatada iyo bangiyada dalka ee fuliyay qaadista canshuurtaas, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay hantidooda kala baxaan muddo isbuuc ah oo maanta ka bilaabaneyso, sida uu ku sheegay shirkiisa jaraa’id Sheekh Cali Dheere.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed ku wargelineynaa inay muddo hal isbuuc ah oo ka bilaabaneyso 26 August 2024 ay hantidooda kala baxaan bangiyada iyo shirkadaha fududeynay boobka lagu bililiqeysanayo hantida bulshada” ayuu mar kale yiri Cali Dheere.

Sidoo kale waxaa sii raaciyay “Waxaan dadweynaha u sheegeynaa in muddadaas ay hantidooda ugala bixi waayaan ay ayagu qaadayaan mas’uuliyadda wixii ka yimaada arrintaa iyada ah”.

Dgniinta Al-Shabaab ayaa kusoo aadey saacado uun, kadib markii shalay ay kooxda qaraxyo ku burburisay goobo ganacsi oo ku yaallay Ceelasha Biyah ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana lagu sheegay sababta ay u beegsadeen xiridda kaamirooyinka CCTV.