25.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

DF oo qaaday tallaabo culus kadib xoreyntii Mesegawaa + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ku aadan magaalada Mesegawaa ee gobolka Galgaduud, kadib markii dhowaan laga xoreeyay maleeshiyaadka Al-Shabaab oo muddo dheer ku sugnaa halkaasi.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa maanta Muqdisho ka dirtay gaadiid siday shixnad gargaar oo loogu tala-gaay shacabka ku dhaqan magaaladaasi.

Gargaarka oo gaaraya illaa 10 gaari oo nooca xamuulka ah ayaa haatan ka dhaqaaqay Muqdisho, waxaana la filayaa inuu saacadaha soo socda gaaro halkaasi, si loogu qaybiyo shacabka Mesegawaa oo muddo kadib helaya adeegyada dowladdooda Soomaaliya.

“Gaadiidkaan ayaa sida gargaar ka kooban qeybaha kala duwan ee raashinka, waxa ayna gaarayaan 10-gaari oo ah nuuca xamuulka qaada, iyadoo SoDMA mucaawinadan ugu talagashay shacabka ku nool Mesegawaa oo dagaal adag kula jira khawaarijta” ayaa lagu yiri waraxaafadeed kasoo baxay Hayadda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya ee SoDMA.

Sidoo kale hay’addaha ayaa intaasi kusii dartay in arrintan ay qayb ka tahay fulinta amarkii madaxweyne Xasan Sheekh ee ahaa in gargaar la gaarsiiyo deegaanada la xoreey.

SoDMA ayaa sidoo kale ballan qaaday inay sii wadi doonto dadaalladeeda, ayna garab istaagi doonto bulshada Soomaaliyeed ku dhaqan gudaha dalka.

“Hay’adda SoDMA waxaa ka go’an fulinta awaamiirta Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul wasaaraha XFS oo ah in goobaha laga saaro khawaarijta bulshada ku nool ay gaarsiiso gurmad kasta oo la heli karo, ka fulinta mashaariicyo iyo gaarsiinta deegaannadaas adeegyada aas aasiga u ah bulshada” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Galgaduud ayaa waxaa weli kasii socda gulufka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo lagu xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo hoostaga maamulka Galmudug.

Xog: Shariif oo u yeeray xildhibaanada Hawiye iyo arrin xasaasi ah oo miiska saaran (Sawirro)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Beelaha Hawiye ee ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku shiray Guriga Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed, iyagoo ka wadahadlay arrimo xasaasi ah.

Kulankaas ayaa looga hadlay xaalada guud ee dalka iyo dhibaatada heysata shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda Muqdisho.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen qaar kamid ah xubnihii ka qeyb galay kulankaas Xildhibaannada ayaa si weyn u gorfeeyey culeyska ay wajahayaan ganacsatada Muqdisho, gaar ahaan canshuuraha ay ka qaado dowladdu oo aad ay uga cabanayaan.

Sidoo kale xildhibaanada ayaa kulankaan ku soo hadal-qaaday dhibaatooyinka Khawaarijta Al-Shabaab uga imaanaya ganacsatada dhanka, kuwaas oo bilaabay burburin iyo hanjabaad ay ku hayaan ganacsigooda.

Xalay ayey kooxda Al-Shabaab gubtay suuqii ugu weynaa deegaanka Ceelasha Biyaha, kadib markii ay ku xireen miinooyin, maadaama ay ganacsatada suuqaasi u hoggaansameen amaradii dowladda.

Xildhibaanada kulankaan isugu yimid ayaa falanqeyn dheer kadib isku raacay in la dhageysto cabashooyinka ka imaanaya qeybaha kala duwan ee bulshada iyo ganacsatada, loona istaago sidii wax looga qaban lahaa culeysyada jira.

Kooxda Al-Shabaab oo weli lacago baad ah ka qaada ganacsatada ayaa bilowday hanjabaad iyo ficilo ay kula dagaalamayaan ganacsiga Muqdisho, maadaama dowladda Soomaaliya ay ka adkaatay kooxda, kuna soo rogtay cunaqabateyn adag.

Dowladda ayaa kordhisay canshuuraha ay ka qaado ganacsatada, taasi oo dhalisay gadood ganacsi oo maalmo badan ka jiray Muqdisho, inkastoo wax un xal ah la gaaray, hadana waxaa jira tabashooyin badan oo ganacsatada Muqdisho ay ka qabaan dowladda, kuwaas oo u baahan in si dhab ah loo xaliyo.

Daawo: Xubno Shabaab ah iyo horjoogahoodii oo howlgal lagu dilay

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada HirShabelle iyo kuwa Macawiisleyda ay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeen deegaano dhaca galbeedka gobolka Shabeelaha Dhexe.

Howlgalkan oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Jariirow ayaa waxaa lagu beegsaday horjooge iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa halkaasi.

Inta la xaqiijiyay waxaa howlgalkan lagu dilay ugu yaraan saddex xubnood oo uu ku jiro horjoogahooda, waxaana weli sii socda howlgallada ay wadaan ciidamada huwanta.

Xubnaha la khaarijiyay ayaa xilliga uu dhacayay ku howlanaa qaadista lacago baad ah oo ay ka aruurinayeen dadka deegaanka.

Taliyaha ciidamada Macawiisleyda ee galbeedka gobolka Shabeelaha Dhexe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ka go’aan tahay la dagaalanka Al-Shabaab, ayna sii wadi doonaan howlgallada xoreynta ee ka socda deegaanada maamul goboleedka HirShabelle.

“Waxaa naga go’aan inaan ka ciiidan dagaalano, Soomaalinimo ayaan u dhimaneynaa iyo nimanka diinta beenta ka sheegaayo” ayuu yiri taliyuhu.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegatay HirShabelle.

Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa weli ka soconayo howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda.

Wadahadallada xabbad-joojinta Gaza oo lagu kala booday

Gaza (Caasimada Online) – Wadahadallado heerkoodu sarreeyay oo Axaddii shalay ay magaalada Qahira ku yeesheen ergooyin ka socday dowladaha dhexdhexaadinaya Isra’il iyo Xamas, ayaa mar kale ku soo dhammaaday is afagan-waa, sida uu xaqiijiyay sarkaal sare oo ka tirsan Dowladda Mareykanka.

Wadahadalka oo ay qeyb ka aheyd Isra’il balse ay ka maqneyd Xamaas, ayaa dhamaaday iyadoo aysan wax natiijo ah kasoo bixin, balse sarkaalkan ayaa sheegay in ay sii socon doontaan maalmaha soo socodo.

Sarkaal Mareykanka ah oo codsaday in aanan la magac-dhabin ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay, in lagu heshiisay in guddiyo darajadoodu hooseyso ay baaqi ku sii ahaan doonaan magaalada Qahira, si ay u sii wadaan wadahadalka.

Wuxuu sheegay in wadahadalladan Qahira ay soo billowdeen Khamiisti lana soo gaba gabeeyay Axaddii shalay, isla markaana wixi kasoo baxay ay ahaayeen miro wax ku ool ah, iyada oo ay dhinacyadu ku dadaaleen sidii loo gaari lahaa heshiis kama dannbeys ah.

Arrintan ayaa ku soo beegantay, xilli ay Isra’il iyo Xisbullah ay Axaddii is weydaarsadeen boqollaal madaafiic ah oo ku kala dhacay Lubnaan iyo Israil.

Firdhiye oo tegay furimaha dagaalka ee Goojacadde, kana hadlay qadiyadda SSC

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan weyn ayaa maanta lagu qabtay xerada ciidamada SSC-Khaatumo ee deegaanka Guumays ee gobolka Sool, halkaas oo lagu xusay sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii ciidamada Somaliland laga saaray xerada Goojacadde iyo deegaanno ka tirsan gobolka Sool.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo la hadlay boqolaal ka tirsan ciidamadiisa oo ku sugan jiidda Guumeys ayaa sheegay in ay maanta ka xoog badan yihiin sidii ay ahaayeen sanad ka hor markii uu socday dagaalkii dhex maray iyaga iyo Somaliland.

“Ciidankeennu sanad ka hor iyo maanta wuxuu awood badan yahay maanta, waxa uu tayo roon yahay maanta, waxa uu tiro badan yahay maanta, waxaa maanta barbar taagan ummadda Soomaaliyeed ee midnimada jecel dhamaantood, waxaynu difaacayno waa dalkeenna iyo dadkeenna inaan dhibaato dambe loo geysan iyo midnimada iyo wadajir ka qaranka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo.

Cabdulqaadir Firshiye ayaa u mahad celiyay cid kasta oo ku gacan siisay sanad ka hor dagaalkii ay la galeen Somaliland, isagoo sheegay in aan marnaba laga tanaasuli doonin qadiyaddii ay u dagaalameen dadkii uga dhintay dagaal 8-bilood ay kula jireen Somaliland.

Goojacadde sanad ka hor wuxuu ahaa taliskii ugu weynaa ee ciidamada Somaliland ay ku lahaayeen aagga bari, hada waa taliska ugu weyn ciidamada SSC Khatumo oo qadiyadoodu sanad jirsatay.

SSC ayaa sameysay muddo sanad ah hormar weyn, waxaa si KMG ah maamul ka tirsan dowladda federaalka ugu aqoonsatay dowladda dhexe ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu hoggaamiyo, halka Somaliland ay sanadkaan soo gaartay guul-daradii ugu weyneed abid.

Hadda Somaliland waxay u muuqataa inay ku qanacday guul daradeedii Goojacadde iyo lumintii Laascaanood, Sool iyo beelaha Daarood ee Dhulbahante iyo Warsangeli.

Muuse Biixi ayaa maalmo ka hor tegay saldhigii ay degeen ciidamada Somaliland ee sanad ka hor dagaalka looga saaray Laascaanood iyo Goojacadde, wuxuuna ku goodiyey in Somaliland dagaalka wadi doonto ilaa ay ka noqoto qaran la aqoonsan yahay.

 

Daawo: Xasan Sheekh oo 40 arday waxbarasho jaamacadeed oo PhD ah u diray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – 40 Arday oo fursad waxbarasho oo PhD ah uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka siiyey Jaamacadda Nabadda Qaramada Midoobay ayaa aqoon kororsi loogu diray dalka Uganda.

Ardaydaan ayaa maanta diyaarad looga qaaday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxayna koorso aqoon kororsi ah ku soo qaadanayaan Jaamacada Makarera ee dalka Uganda.

Dhamaan gobollada dalka ayey ka kala yimaadeen 40-ka arday ee aqoonyahanada ah ee ka faa’iideystay safarkaan aqoon kororsiga ah ee dalka Uganda ay ugu baxeen.

Ardayda maanta baxday oo warbaahinta kula hadashay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud uga mahad celiyey fursadaan qaaliga ah ee uu siiyey.

Aqoonyahan kasta waxa uu maanta sheegay deegaanka uu ka yimid, sida uu dareenkiisu yahay taqasuskiisa iyo waxay kaga dhigan tahay fursadaan uu siiyey Madaxweyne Xasan Sheekh oo horay uga baxay Jaamacadaan.

Madaxweynaha ayaa xafladii qalinjebintiisa ka balan-qaaday in jaamacadda uu ka bixinayo ilaa 100 aqoonyahan oo qaadanaya heerka 3-aad ee waxbarashada Jaamacadda PhD.

Jaamacadda Makareri ee dalka Uganda ayaa lagu qaadanayaa koorsooyinkaas aqoon kororsiga ah, in kastoo aan warbixintan lagu shaacin inta ay soconeyso ama ardaydaan ay ku maqnaaneyso.

Hoos ka daawo

Xog ka cusub diyaaraddii Itoobiya ee ku dhinteen dad Soomaali ku jirto

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Waxaa soo baxeysa in la qariyay xogta diyaaraddii Ethiopian Airlines ee bur buri jirtay, taas oo nooceedu ahaa 737 MAX.

Sida uu shaaciyay maamule hore oo ka tirsanaa shirkadda diyaadaha ee Boeing waxay shirkaddu qarisay xogta cilad ay laheyd diyaaraddaasi, isaggoo tilmaamay inay laheyd diyaaraddu cilad dhanka dabka ah.

Ninkaan oo horay u maamuli jiray xafiiska shirkadda ee Washington ayaa haatan hogaamiya koox la yiraahdo hay’adda badbaadada duulimaadka, wuxuuna sheegay in shirkadda ay ogeyd cilad diyaaradaasi.

Diyaaraddan oo lix sano kahor burburi jirtay oo ay ku dhinteen 157 qof ee ay Soomaalidu ku jirtay ayaa waxay laheyd cilad dhinaca dabka ama korontada ah, sida uu shaaciyay maamulahan hore, oo sheegay in shirkaddu ay qarisay arrintaasi.

Sidoo kale waxa uu intaas ku daray in diyaaradu ay konotoroolka lumin kartay mar walba oo ay ku duulayso joog hoose, sidoo kalena cillado badan ay lahayd.

Hay’adda uu ninkaan hogaaminayo ayaa waxay sheegtay in inka badan 1,000 diyaaradood oo ay nuuca Boeing ah oo haatan hawada ku jira ama la adeegsado ay halis ugu jiraan in ay wajahaan cillad dhinaca dabka ah oo ay sabab u tahay qaabka ay shirkaddu markii horeba u sameysay diyaaradda.

Waxa uu sheegay in diyaaraddu markii ay lix daqiiqo uun ka sii maqan tahay garooonka Bole ee Addis Ababa in cilladu ku bilaabatay. Diyaaradda ayaa ah kuwii ugu dambeeyay nuuca 737 Max ee xilligaas Boeing sameysay.

Sidoo kale isla nuuca 737 Max ayaa kol hore waxay ku burburtay dalka Indonesia iyada oo ay ku dhinteen ilaa 189 qof.

Waxaa la sheegay in nidaamka kontoroolka duulimaadka ee Boeing ee loo yaqaano MCAS ay cillad badan ku timaado, taas oo sababta in diyaaraddu ay dhulka ku dhacdo iyada oo wali la isku dayayo in la kontoroolo.

Hadal uu yiri Xamza oo ‘kala shaki xooggan’ ka abuuray gudaha Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maalmo kahor kulan su’aallo lagu weydiinayay ka sheegay in haddii uu isbeddel ka dhaco Somaliland ay si fiican iskula jaan-qaadi doonaan.

Waxa uuna hadalkiisa sii raaciyay inay taas ka shaqeynayay, isaggoo yiri “Haddii ay doorasho ka ka dhacdo Somaliland oo ay madax cusubi ay timaado, waxa aan rajeyneyna in aan isla jaan qaadi doono, oo Soomaaliya oo mid ah oo walaalo ah aan heli doono.”

Hadalkan ayaa durba kala shaki xooggan ka abuuray gudaha Somaliland, ayada oo xukuumadda Somaliland ay musharaxa xisbiga Waddani ka dalbatay inuu caddeeyo mowqifkiisa, xilli uu Xirsi Cali Xaaji oo ragga ugu culus xisbiga uu ku tilmaamay “riyo maalmeed”.

Hase yeeshe, Cabdinasir Buuni oo hadda ah wasiirka xiriirka golayaasha iyo arrimaha dastuurka ee Somaliland ayaa ku dooday farriinta ra’iisul wasaare Xamza aysan ku socon Xirsi, ee ay tahay mid toos u taabaneyso Ciro, sidaas darteedna aysan jawaabta Xirsi oo keliya ku filneyn hadalkaasi.

Xisbiga Waddani ayaa ah kan ugu tunka weyn ee mucaarada, ayada oo loo tiriyo haddii uu isbeddel ka dhaco Somaliland inuu la wareegi doono xukunka, xilli xukuumadda Muuse Biixi uu hoggaamiyo ay wajaheyso eedeymihii ugu badnaa oo ugu weyn tahay “oogida dagaallo gudaha ah.”

Arrinka wasiirka ayaa dadka qaarkii u arkaan mid siyaasadeed oo la doonayo in galaan-gal loogu yeesho ololaha doorashada Somaliland ee bisha November dhacaya.

Balse wasiirka ayaa sii adkeeyay hadalka kadib markii uu ku doodday in xisbiga Kulmiye iyo Ucid oo kaliya ay aaminsan yihiin Somaliland ee Waddani aanu aaminsaneyn Somaliland, laakiin taasi ay ka hor imaanayso mowqifka xisbiga Waddani oo uu danbeeyay bayaankii uu saaray guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ee lagu sheegay in siyaasadda Waddanina ay tahay dadka Somaliland oo mid ah, oo beesha caalamka kamid ah.

Somaliland oo ayadu ku doodda inay ka go’day Soomaaliya muddo ka badan 30 sano ayaa weli helin wax aqoonsi ah, ayada oo caalamk auu intiisa badan ula tacaamulo siddii maamul goboleed ka tirsan Soomaaliya.

Si kastaba, xiisadda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxay cirka isku shareetay kadib markii madaxweynaha xilka kasii degaya ee Muuse Biixi Cabdi uu horraantii sanadkan Addis Ababa uu Abiy Axmed kula saxiixday is-afgarad lagu bixinayo badd, taas oo ay ka carootay dowladda federaalka Soomaaliya.

Xamza iyo Swan oo yeeshay kulan xasaasi ah iyo arrimaha looga hadlay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta qaabilay Sii-hayaha Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Labada masuul ayaa kulankoodan uga wada-hadlay xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya, xilli ay laba sano jirsatay xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza.

Mudane Xamsa ayaa Qaramada Midoobay uga mahad-celiyey taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay u fidiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dadaalka ay geliyaan dhinaca arrimaha bini’aadanimada.

Sidoo kale waxa uu muujiyey sida ay xukuumadda Dan-Qaran uga go’an tahay in ay si dhow ula shaqeyso QM, iyada oo xoogga la saarayo arrimaha ahmiyadda u leh xukuumadda si loo xaqiijiyo guulaha la hiigsanayo.

Swan oo bilo ku sugan Muqdisho ayaa weli wada kulamo xasaasi ah oo uu la yeelanayo madaxda dowladda dhexe, isaga oo horay ula kulmay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, oo ay ka wada-hadleen dhisidda guddi farsamo oo wadaag ah oo kala matalaya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo ujeedkooda shaqo uu yahay unkidda Xafiis Qaramada Midoobey ku yeelato dalka.

Sidoo kale waxa ay isla soo qaadeen sare u qaadida iskaashi wax-ku-ool ah iyo iskuduwid sarraysa si loo gaaro ujeeddooyinka wadaagga ah ee ka shaqaynaya hannaanka kala guurka ee la qorsheeyay.

Waa markii labaad ee uu James Swan qabanayo xilkan, balse markan waa kusime, isaga oo si KMG usii hayn doono, waxaana uu dhameystiri doonaa howsha xafiiska UNSOM oo la qorsheynayo in sanadkan dib u eegis lagu sameeyo.

Isku soo wada duubo, Swan oo horay xilka Ergeyga QM ee Soomaaliya u soo qabtay sanadihii 2019-2022, si fiicana u yaqaana madaxda Soomaalida ayaa waxaa hadda hortaalla sidii uu dhinacyada is-diidan isugu soo jiidi lahaa, si miiska wada-hadalka la iskugu yimaado, waana mid kamid ah shaqooyinka adag ee imaatinkiisa uu markaan la koowsanayo.

SOMALILAND oo ku dhowaaqday tallaabo ay qaadeyso kadib amarkii kasoo baxay DF

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa si adag uga jawaabtay tallaabaddii ay shalay qaaday dowladda federaalka Soomaaliya, taas oo ay ku fartay shirkadaha iyo xawaaladaha ka shaqeeya Somaliland in ay adeegooda ku bixiyaan magaca Soomaaliya.

Amarka dowladda federaalka Soomaaliya oo si gaar ah ugu socday shirkadaha Dahabshiil, Jubba Express iyo adeega Paysii iyo weliba shirkadaha kale ee lamidka ah ayaa waxay adeegooda ku bixiya magaca Somaliland, iyagoo muujinaya inay u aqoonsan yihiin dal ka madax-banaan jamhuuriyadda Soomaaliya, taasi oo ka careysiisay dowladda federaalka Soomaaliya.

“Xawaaladaha iyo shirkadaha ay wargelintaani ku socoto waxaa la farayaa inay joojiyaan xadgudubka lidiga ku ah gobanimada jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, isla markaana ay ka saaraan mareegaha iyo hababka kale oo ay isticmaalaan magaca Somaliland, kuna koobaan kaliya magaca Soomaaliya,” ayaa lagu yiri amar kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.

Xukuumaddq Somaliland oo iyaduna si adag uga jawaabtay amarkan ayaa sheegtay inay tallaabo adag ka qaadi doonto shirkaddii u hoggaansanta warqadda kasoo baxday dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Cali Mareexaan ayaa sheegay in dowladda Xasan Sheekh ay dambi ka gashay Somaland iyo shacabkeeda, sidaas darteedna ciddii u hoggaansanta ay kula xisaabtami doonaan.

“Warqadda lagu qoray Villa Soomaaliya ama meesha yar ee 50-ka dowladood degan yihiin ee aan gaari karin Deyniile, cida waxaa tix-galisaa ee Somalilanf ah kuna dhaqanta ee amarkaas fulisa Somaliland iyo shacabkeeda ayay dambi ka galeen Somaliland-na way kula xisaabtamaysa,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Somaliland.

Jawaabta Somaliland ayaa imaneysa xilli dowladda federaalka ay shirkadahaas u qabatay in magaca Soomaaliya ay adeeg kasta ku qoraan ugu dambeyn 1-da bisha soo socota ee September.

“Fulinta amarkaan waxaa la farayaa shirkad kasta oo wada shaqeyn ay kala dhaxeyso shirkadaha ku xadgudbaya qaranimada Jamhuuriyadda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri amarka dowladda federaalka.

Wasaaradda Ganacsiga oo si gaar ah uga soo baxay amarkan ayaa ku wargelisay shirkadii ama xawaaladii jebisa amarkaan in loo tixgeli doono inay si bareer ah u jebisay amarka dowlada kana soo horjeedo qaranimada Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo sameeyay ballan-qaad la xiriira labada sano ee soo socota

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay khudbad ka jeediyay bandhigga waxqabadka xukuumadda DanQaran ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka.

Xasan Sheekh ayaa si gaar ah hadal jeedintiisa diiradda ugu saaray horumarada dowladda, wuxuuna sheegay in labada sano ee soo soctaa ay ka wanaagsanaan doonaan, labadii sano ee u dhammaatay dowladdiisa.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay soo socoto mashaariic waa wayn, isla markaana ay wax badan u tari doonaan shacabka Soomaaliyeed.

“Labada sano ee soo socotaa waa ka duwanaan doonaan, labadii sano ee la soo dhaafay, mashaariic aad u waaweyn ayaan soo kordhin doonaa, waana balan qaadeynaa taas” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiaqay in aan la in kiri karin waxqabadka dowladdiisu la timid labadii sano ee la soo dhaafay  taasi oo uu sheegay inay ku timid midnimada iyo wadashaqeynta dawladda dhexdeeda.

“Orodkii iyo xawaarihii aan labo sano ku soo gaarnay, labada sano ee dhiman waa in aan ka sii dheeraynaa, kana duwanaadaan kuwii hore, mashaariic aad u waaweyn ayaan soo kordhin doonaa waana balan qaadaynaa taas” ayuu mar kale Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hadalkan ayaa kusoo aaday xilli haatan dowladda federaalka ay la kulmeyso mucaarado xoogleh oo aad u dhaliilsan, sida ay wax ku wadaan Xasan iyo Xamza, waxaana kamid ah xubaha sida wayn u dhaleeceeya hoggaanka dalka xildhibaano ka tirsan labada Gole.

Macallimiintii ugu badneyd oo u fariisatay imtixaanka wasaaradda waxbarashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si rasmi ah u billowday imtixaan ay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ku qaadaneyso macallimiin cusub oo gaaraya illaa 3 kun oo macallimiin ah, kuwaas oo ka howlgeli doono goobaha waxbarashada ee dowladda.

Imtixaankan oo ah mid qaran ayaa waxaa uu ka furmay magaalada Muqdisho iyo dowlad goboleedyada dalka oo uu ku jiro maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo la hadlay warbaahinta ayaa faah-faahiyay imtixaankan, wuxuuna sheegay inay isku soo diiwaan-geliyeen 26540, balse dib u qiimeyn kadib imtixaanka loo ogolaaday macallimiin gaareysa illaa  13,250

“Waxaana halkaanu ku daah-furnay imtixaanka ay galayaan macallimiinta soo dalbaday shaqada macallinimo ee sanadkan 2024, tirada macallimiinta soo dalbatay waxay ahaayeen 26540, markii dib loo eegay waxaa soo haray 13,250” ayuu yiri wasiirka waxbarashada.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Dhammaan dadka la reebay waxaa loo furay fursad ah cabasho, si waxa ay ka cabanayaan usoo gudbisadaan. Dadkii cabashadooda ay sax noqoto waxaa loo ogolaaday inay imtixaanka galaan”.

Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegay in imtixaanka lagu galayo illaa 45 goobood oo ay wasaaraddu ugu talagashay ku kala yaalla Muqdisho iyo gobollada dalka.

“Waxay maanta 13 kaas kun imtixaanka ku galayaan 45 goobood oo ka tirsan dalkeenna Soomaaliya, 19 degmo oo dowlad goboleedyada ku yaallo iyo 14 goobood oo gobolka Banaadir ah ayay imtixaanadaas ku galayan” ayuu mar kale yiri Faarax Sheekh C/qaadir.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in macallimiinta kusoo gudbo imtixaankan ay mar kale sii mari doonaan imtixaan kale oo afka ah, kadibna sidaas lagu qaadan doono.

“Maanta imtixaanka la galayo isagana markii la saxo dadka kusoo gudba waxa ay geli doonaan imtixaan kale oo afka ah, laakiin kuwa aan ku gudbin iyagana waxa ay leeyihiin fursad ah inay cabasho soo gudbiyaan, si ay loogu hubiyo natiijada” ayuu mar kale yiri.

Wuxuu gabagabadii yiri “Shaku ma laha 13 kun oo 3 kun laga qaadanayo in aad iyo aad u adag tahay tartankana u culus yahay, waxaana la qaadan doonaa inta ugu darajada sarreysa, iyada oo mudnaanta lasiin doono gabdhaha macallimiinta ah”

 

 

 

PUNTLAND oo jawaab ka bixisay eedeyntii QM ee toogashadii ragga Al-Shabaab

0

Garoowev(Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Diriir oo hadal siiyay warbaahinta ayaa si adag uga jawaabay eedeyntii uga timid Hay’adda carruurta u qaabilsan Qaramada Midoobay ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano UNICEF.

Warbixin ay dhowaan shaacisay hay’adda ayaa waxaa looga hadlay toogasho ay Puntland ku fulisay 10 ka tirsanaa Al-Shabaab, taas oo ka dhacday waqooyiga Gaalkacyo, waxaana UNICEF ay sheegtay in ragga la toogtay ay ku jireen carruur aan weli qaan gaarin.

Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir ayaa ku gacan seyray eedeyntaasi, wuxuuna sheegay in dhammaan dadka la toogtay ay ahaayeen  qaan-gaar, isla markaana lagu helay dambiyo argagixiso oo ay gaysteen Puntland, sida weeraro qaraxyo ah iyo dilal qorsheysan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in kahor inta aan la toogan raggaasi la marsiiyay baaritaano, isla-markaana la xaqiijiyay in dhamaantood ay ka weyn yihiin qaan-gaaro.

“Dadweynaha waxaa loo xaqiijin karaa in midkoodna kuwa la toogtay aysan da’doodu ka yareyn 30 sano. Da’dooda iyo aqoonsigooda si taxadar leh ayaa loo xaqiijiyay si loo hubiyo inay qaangaar yihiin, waxayna si iskood ah u qirteen dambiyadooda,” ayuu yiri Dirir.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiaqay in dilkooda loo maray habab sharci ah oo ay ku jiraan baaritaano rasmi ah iyo tijaabooyin badan, sidoo kale shaqsiyaadka la xukumay  la siiyay muddo 3-sano ah si ay racfaan uga qaataan xukunka lagu riday.

10-ka xubnood ayaa toogashadooda waxa ay dhacday 17-kii bishan August, waxaana ay kala ahaayeen:-

1. Xukmane Xasan Jaamac Maxamed 2. Xukmane Liibaan Aadan Muuse 3. Xukmane Barkhad Cawil Xirsi 4. Xasan Muuse Axmed 5. Xukmane Cabdiqaaliq Warsame Barre 6. Xukmane Cadde Cabdullaahi Maxamed 7. Xukmane Maxamed Cabdisalaan Axmed 8. Xukmane Cabdiraxmaan Faysal Salaad 9. Xukmane Cabdiqani Farxaan Cabdullaahi iyo 10. Xukmane Cabdisalaan Sahal Shucayb.

Daawo: Xasan oo shaaciyay canshuurtii ugu badneyd oo hal dhinac uga soo xaroota

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ka qayb-galay bandhigga waxqabadka xukuumadda DanQaran oo xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo ku aadan canshuurta dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horreyntii shacabka Soomaaliyeed farriin culus u diray, wuxuuna ku boggaadiyay inay garab istaagaan dowladda, ayna bixiyaan canshuuraha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday canshuurta laga qaado kirada guryaha magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in markii hore ay kasoo xaroon jiray lacag 600oo kun, balse ay haatan gaartay illaa hal milyan oo dollarka Mareykanka ah.

“Guryaha kiradooda maalin dhaweyd waxaan aad iyo aad uga farxay oo wasaaradda maaliyadda waxay noo sameysay persentation waxay soo bandhigtay saddexdii sano ee lasoo dhaafay sanad kasta 600 oo kun ayaa kasoo xaroon jirtay bishiina waxay noqoneynaa 50 kun,” ayuu yiri madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tusaale usoo qaatay canshuurtii soo xarootay bishii July ee sanadkan, wuxuuna shaaciyay in wasaaradda maaliyadda ay kusoo dhacday bishaas hal milyan oo ah kirada guryaha.

“Maalin dhaweyd waxaan aad ugu farxay Report ay ii keentay wasaaradda maaliyadda bishii July ee naga dhamaatay kirada guryaha inay hal milyan oo lacag ah ay kasoo xarooto waa bishii July bis 50 kun sida ay usoo kordheysay milyan ayay marowsaa” ayuu yiri.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay canshuurta cusub ee iibka ee bishan dhaqan gashay, wuxuuna sheegay in iyadana ay ka qayb qaadaneyso kobaca dahqaalaha dalka.

“Canshuurta aan hadda isku haysanaa waa canshuur ku waajibtay koobkaas shaaxa ah iyo dhaladaas biyaha ah, haddii ganacsadaha jumlo wax kusoo iibsado canshuur lagama rabo laakiin halkii shay ee qofkii isticmaalayay ka gaday meeshaas waayay qofka ay canshuurta saaran tahay” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dameyntii madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri “Laba gacmood oo lacag is dhaafsaday canshuur ayaa ku waajibeysa inta ay doonto iyo magaca ay doonto hala ahaado”.

DF oo baaris ku hayso saraakiil ciidan oo la shaqeysa Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku xigeenka Xeer-ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Axmed Cabdalla oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyay inay jiraan saraakiil iyo askar ka tirsan dowladda oo haddane gacan saar la leh kooxda Al-Shabaab.

Axmed Cabdalla ayaa sheegay inay helaan xog rasmi ah oo ku aadan saraakiisha ciidan ee la shaqeysa maleeshiyaadka Al-Shabaab, weliba iyaga oo ku dhex jira laamaha amniga.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay xubnaha la tuhunsan yahay ay ka tirsan talisyada Xoogga dalka, Booliska iyo Nabad-Sugidda, sida uu hadalka u dhigay.

“Argagixisada ayaa xog laga helay waxaa laga ogaaday in saraakiil iyo ciidan ay la shaqeeyaan oo ku dhex jira laamaha amniga, sidaas aawgeed laamihii amniga dabagal ayaa lagu sameeyay ama Milatari ha ahaado ama Boolis ama ha’ahaado Nabad-Sugid” ayuu yiri Axmed Cabdalle.

Ku xigeenka Xeer-ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidamada ayaa tilmaamay in haatan dabagal ku hayaan shaqsiyaadkaasi, ayna soo qaban doonaan si loo maxkamadeeyo.

“Qaar maxkamadda ayaa horkeenay, qaar horay ayaan u horkeenay oo waa la la xukumay, qaar kale baaris ayaa noogu socoto waana horkeeni doonaa kuwa kalena dabagal ayaa noogu socdo waa lasoo qaban doono” ayuu mar kale yiri xeer-ilaaliye ku xigeenka.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in cid kasta oo lagu helo la shaqeynta kooxda Al-Shabaab ay ku kacday qiyaano qaran, lagulana xisaabtami doono dambigaasi culus.

“Haddii aan soo qabano saraakiisha la shaqeysa Al-Shabaab maxkamadda ayaa horkeeni doonaa ayadoo wax isxaan ah loo sameyn doonin oo cadaaladda la marsiinaayo, sababtoo ah qiyaano qaran ayay sameeyeen, waaa dambi aad u culus” ayuu mar kale kusii daray.

Hadalkan wuxuu kusoo aadayaa, xilli dowladda Soomaaliya ay haatan dagaa adag ay kula jirto kooxda Al-Shabaab oo laga xoreeyay dhul aad u ballaaran.

Suuqyada waa wayn ee Ceelasha Biyaha oo qaraxyo lagu gubay + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo xoogan oo xalay laga maqlay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, kuwaas oo lala beegsaday goobaha ganacsi ee ku yaalla suuqyada waa wayn ee deegaankaasi.

Qaraxyo is xig-xigay ayaa mar qura ka dhacay Ceelasha, waxaana xigtay gubashada goobaha ganacsiga oo intooda badan gubtay.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay toos u beegsatay goobahaasi ganacsi, kadib markii la sheegay in lagu amray inay xiraan Caamirooyinka qarsoon ee CC TV.

Xaalad kacsan ayaa weli ka jirta Ceelasha Biyaha, waxaana sidoo kale ku sugan ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo iyaguna baaritaano dheeraad ah ka wada halkaasi.

Weerarka ka dhacay Ceelasha waxaa ka horreeyay qaraxyo kale oo todobaadkii hore ka dhacay halkaasi, kuwaas oo loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Si kastaba, dhacdooyinkan is xig-xiga ayaa imaanaya, xilli Ceelasha Biyaha iyo deegaanasa u dhow ay maalmahan howlgallo culus ka wadeen ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Al-Shabaab oo soo buux dhaafiyay duleedka Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in shalay iyo maanta ay Al-Shabaab soo buux dhaafiyeen deegaano u dhow magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamul goboleedka Jubbaland.

Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa inay dhaq-dhaqaaqyo horleh ka bilaabeen agagaarka deegaanada Buulo-xaaji iyo Cabdalle Biroole oo dhaca galbeedka gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ujeedka kooxda Al-Shabaab uu yahay inay weeraraan deegaanadii ugu dambeeyay ee laga qabsaday oo ay kamid ah magaalada Buulo-xaaji.

Sidoo kale waxaa dhaq-dhaqaaqan ka war helay ciidamada dowladda iyo Daraawiishta Jubbaland oo iyagana isku fidiyay aagga Kismaayo, si ay uga hortagaan Al-Shabaab.

Xaalad kacsanaan ah ayaa laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Jubbada Hoose kuwaas oo ay wadaan labada dhinac.

Indhowaanahan waxaa Jubbooyinka ka socday howlgallo ay iska kaashanayaan ciidamada huwanta, waxaana jiray weeraro ay soo qaadeen Al-Shabaab oo isla iyaga lagu jabiyay.

Si kastaba, waxaa mar kasta la filan karaa inuu dagaal ka dhex-qarxo labada dhinac, iyada oo cabsi xoogleh ay soo wajahday dadka rayidka ah ee ku dhaqan halkaasi.

Daawo: DF oo caawa qabatay bandhigii ugu weynaa – Maxaa ka socda Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa qabatay bandhig weyn oo ku saabsan waxqabadkeedii labadii sano ee lasoo dhaafay, kaasi oo ka socda magaalada Muqdisho.

Dhamaan Golaha Wasiirrada oo Ra’iisul Wasaare Xamsa uu hogaaminayo ayaa isugu tegay Hotel Royal Palace oo ku yaalla degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, halkaas oo lagu soo bandhigayo waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb gelaya bandhiggaan, waxaana wasiir kasta laga dhageysanayaa warbixintq waxyaabihii u qabsoomay xukuumadiisa, labadii sano ee xafiiska uu joogay.

Wasaaradaha Xukuumadda ayaa soo diyaarsaday guulihii ay gaareen iyo waxqabadka u hirgalay labadii sano ee xafiiska ay joogeen.

Wasaaradda kasta waxay hoolka uu bandhiggaan ka socdo geysatay waxyaabaha ay caanka ku tahay ama ka shaqeyso, waxaana kormeeraya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee lasoo bandhigayo waxaa ka mid ah guulaha laga gaaray dagaalka Al-Shabaab, kobcinta dhaqaalaha, waxbarashada, dib u dhiska iyo arrimo kale oo badan oo wasaarad kasta ay qeyb u xil-saaran tahay.

Markii uu soo idlaado kulankaan Bandhigga ah oo ka soo bilowday kulankii dadweynaha ee habeenkii Khamiista su’aalaha lagu weydiinayey Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa khudbado ka jeedi doona Xamsa Cabdi Barre iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo hoggaamiya xukuumadaan.

Hoos ka daawo

DF oo amar culus duldhigtay shirkado iyo xawaalado ka shaqeeya Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS ayaa soo saartay amar ay ciwaan uga dhigtay “ilaalinta qaranimada iyo madax-banaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya.”

Amarkaan ayaa ku socda shirkadaha<span;> 𝐃𝐚𝐡𝐚𝐛𝐬𝐡𝐢𝐢𝐥, 𝐉𝐮𝐛𝐛𝐚 𝐄𝐱𝐩𝐫𝐞𝐬𝐬, 𝐢𝐲𝐨 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠𝐚 𝐏𝐚𝐲𝐒𝐢𝐢 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐞𝐥𝐢 𝐛𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐚𝐥𝐞 𝐞𝐞 𝐥𝐚 𝐦𝐢𝐝𝐤𝐚 𝐚𝐡.

Shirkadahaan ayaa adeegooda ku bixiya magaca Somaliland, iyagoo muujinaya inay u aqoonsan yihiin dal ka madax-banaan jamhuuriyadda Soomaaliya, taasi oo ka careysiisay dowladda federaalka Soomaaliya.

“Xawaaladaha iyo shirkadaha ay wargelintaani ku socoto waxaa la farayaa inay joojiyaan xadgudubka lidiga ku ah gobanimada jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, isla markaana ay ka saaraan mareegaha iyo hababka kale oo ay isticmaalaan magaca Somaliland, kuna koobaan kaliya magaca Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda ganacsiga Soomaaliya.

Wasaarada ayaa shirkadahaas u qabatay in magaca Soomaaliya ay adeeg kasta ku qoraan ugu dambeyn 1-da bisha soo socota ee September.

“Fulinta amarkaan waxaa la farayaa shirkad kasta oo wada shaqeyn ay kala dhaxeyso shirkadaha ku xadgudbaya qaranimada Jamhuuriyadda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalkaan.

Wasaaradda Ganacsiga ayaa ku wargelisay shirkadii ama xawaaladii jebisa amarkaan in loo tixgeli doono inay si bareer ah u jebisay amarka dowlada kana soo horjeedo qaranimada Soomaaliya.

Hoos ka akhriso qoraalka

Daawo: Senator Muuse Suudi oo runta u sheegay PUNTLAND

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ayaa maanta ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyo dowladda federaalka maamulka Puntand.

Muuse Suudi ayaa si weyn u dhaliilay Puntland, wuxuuna sheegay in dhankeeda ay ka jirto caqabadda, ayna diidan tahay inay la shaqeyso dowladda dhexe.

“Waxa diidan inay dowladda la shaqeeyaan waa Puntland shirarka la wada qabto iyagaa inay kasoo qaybgalaan diiday, cid wax ka qaban kartana ma jirto” ayuu yiri Senator Muuse.

Senatorka ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in uusan jirin dhaqaale laga goostay Puntland, ayna ka lacag badan tahay maamullada kale, sida uu hadalka u dhigay.

“Qolo dhaqaale laga gooyay ma jirto Puntland 750 ay shaqaale ahaan lacag ku qaadataa, aniga dowlad goboleedkayga wuxuu wax ku qaataa 150, waxaa ku xiga Galmudug 250 ayay ku qaadataa, waxaa kusii xiga Koonfur Galbeed 500 ayay wax ku qaadataa” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Qoftii sad-boob qabtay, haddii ay haddana xaqiraad qabto iyo imaan darro meel la gaynaayo ma naqaano, annaga gobolkan 5 miyan ayaa dagan xaquuq ay leeyihiin malaha dadka waa nabad galashaan, waana soo dhaqeeyaan”.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay arrimaha doorashooyinka ee dalka, maadaama uu jiro khilaaf u dhexeeyo mucaaradka iyo dowladda, isaga oo sheegay inuu soo dhaweynayo in laga gudbo doorashada dadban, lana aado mid ay dadweynaha soo dooranayan hoggaanka.

“Horta doorasho qof iyo cod ayay u socotaa khilaaf dadka madaxda ka ah dowlad goboleedyada dhexdooda inay ka heshiyaan ayaa laga rabaa” ayuu sii raaciyay.