25.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

DF oo amar culus duldhigtay shirkado iyo xawaalado ka shaqeeya Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS ayaa soo saartay amar ay ciwaan uga dhigtay “ilaalinta qaranimada iyo madax-banaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya.”

Amarkaan ayaa ku socda shirkadaha<span;> 𝐃𝐚𝐡𝐚𝐛𝐬𝐡𝐢𝐢𝐥, 𝐉𝐮𝐛𝐛𝐚 𝐄𝐱𝐩𝐫𝐞𝐬𝐬, 𝐢𝐲𝐨 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠𝐚 𝐏𝐚𝐲𝐒𝐢𝐢 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐞𝐥𝐢 𝐛𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐚𝐥𝐞 𝐞𝐞 𝐥𝐚 𝐦𝐢𝐝𝐤𝐚 𝐚𝐡.

Shirkadahaan ayaa adeegooda ku bixiya magaca Somaliland, iyagoo muujinaya inay u aqoonsan yihiin dal ka madax-banaan jamhuuriyadda Soomaaliya, taasi oo ka careysiisay dowladda federaalka Soomaaliya.

“Xawaaladaha iyo shirkadaha ay wargelintaani ku socoto waxaa la farayaa inay joojiyaan xadgudubka lidiga ku ah gobanimada jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, isla markaana ay ka saaraan mareegaha iyo hababka kale oo ay isticmaalaan magaca Somaliland, kuna koobaan kaliya magaca Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda ganacsiga Soomaaliya.

Wasaarada ayaa shirkadahaas u qabatay in magaca Soomaaliya ay adeeg kasta ku qoraan ugu dambeyn 1-da bisha soo socota ee September.

“Fulinta amarkaan waxaa la farayaa shirkad kasta oo wada shaqeyn ay kala dhaxeyso shirkadaha ku xadgudbaya qaranimada Jamhuuriyadda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalkaan.

Wasaaradda Ganacsiga ayaa ku wargelisay shirkadii ama xawaaladii jebisa amarkaan in loo tixgeli doono inay si bareer ah u jebisay amarka dowlada kana soo horjeedo qaranimada Soomaaliya.

Hoos ka akhriso qoraalka

Daawo: Senator Muuse Suudi oo runta u sheegay PUNTLAND

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ayaa maanta ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyo dowladda federaalka maamulka Puntand.

Muuse Suudi ayaa si weyn u dhaliilay Puntland, wuxuuna sheegay in dhankeeda ay ka jirto caqabadda, ayna diidan tahay inay la shaqeyso dowladda dhexe.

“Waxa diidan inay dowladda la shaqeeyaan waa Puntland shirarka la wada qabto iyagaa inay kasoo qaybgalaan diiday, cid wax ka qaban kartana ma jirto” ayuu yiri Senator Muuse.

Senatorka ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in uusan jirin dhaqaale laga goostay Puntland, ayna ka lacag badan tahay maamullada kale, sida uu hadalka u dhigay.

“Qolo dhaqaale laga gooyay ma jirto Puntland 750 ay shaqaale ahaan lacag ku qaadataa, aniga dowlad goboleedkayga wuxuu wax ku qaataa 150, waxaa ku xiga Galmudug 250 ayay ku qaadataa, waxaa kusii xiga Koonfur Galbeed 500 ayay wax ku qaadataa” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Qoftii sad-boob qabtay, haddii ay haddana xaqiraad qabto iyo imaan darro meel la gaynaayo ma naqaano, annaga gobolkan 5 miyan ayaa dagan xaquuq ay leeyihiin malaha dadka waa nabad galashaan, waana soo dhaqeeyaan”.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay arrimaha doorashooyinka ee dalka, maadaama uu jiro khilaaf u dhexeeyo mucaaradka iyo dowladda, isaga oo sheegay inuu soo dhaweynayo in laga gudbo doorashada dadban, lana aado mid ay dadweynaha soo dooranayan hoggaanka.

“Horta doorasho qof iyo cod ayay u socotaa khilaaf dadka madaxda ka ah dowlad goboleedyada dhexdooda inay ka heshiyaan ayaa laga rabaa” ayuu sii raaciyay.

Wasaaradda arrimaha dibadda oo u yeertay safiirada magacaaban + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa maanta isugu yeertay dhammaan safiirada magacaaban ee ku sugan magaalada Muqdisho, si loogu diyaariyo inay si toos ah ugu guda galaan shaqooyinka dhowaan loo igmaday.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa maanta safiirada cusu tababar uga furay Machadka Diblomaasiyadda, waxayna isugu jiraan illaa 12 safiir iyo 2 qunsul oo ay dhowaan ansixiyeen golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Cali Balcad oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in safiirada laga doonayo inay ka soo dhalaalaan ammaanada iyo mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday.

Sidoo kale agaasimaha Machadka Diblomaasiyadda, danjire Cabdulqaadir Amiin Sheekh, ayaa ka hadlay tababbarkan oo la xiriira Diblomaasiyadda in safiirrada cusub, Qunsulada iyo diblomaasiyiinta looga baahanyahay in ay aqoontooda ku lifaaqaan waddaniyadda oo ay muujiyaan karaamada shaqo iyo matalaad,

Waxaa kale oo uu kula dardaarmay in waxwalba ay ka hormarinayaan danta qaranka, wuxuu intaa ku daray in tababarkani uu wax badan ka tari doono ilaalinta danta qaranka.

Ugu dambeyn kusimaha xoghayaha joogtada ahna agaasimaha waaxda Afrika ee wasaaradda arrimaha dibadda Shaafici Nuur Calas ayaa sheegay safiirrada iyo qunsulada guud looga baahan yahay sare u qaadidda maqaamka dalka iyo sumcaddiisa.

Magacaabista safiiradan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, ayada oo ujeedka lagu sheegay si loo dhameystito danaha diblomaasiyadeed ee aan ka leenahay dalalka caalamka.

Al-Shabaab is urursanayay oo jab culus la gaarsiiyay

Janaale (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga dalka ay maanta howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolkaasi, kaas oo khasaare lagu gaarsiiyay kooxda.

Howlgalka oo ay fuliyeen ciidamada 14 October ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanada kala ah Kaaytooy, Mushaani, Majabta iyo Waagaade oo dhamaantood hoostaga Janaale.

Qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu faah-faahiyay howlgalkaasi, iyada oo lagu sheegay in jab xoogan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

“Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 66-aad ee guutada 14-ka October ayaa howlgal ay Khawaarijta ku gaarsiiyeen jab xooggan ka fuliyay tuulooyin hoostaga deegaanka Janaale ee gobolka shabeellaha hoose” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa warsaxafaadeedka lagu sheegay in ciidamada ay heleen xogta Al-Shabaab oo isku uruursanayay halkaasi, si ay u soo wareeraan fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS, balse lagu qaaday weerar dhowr jiho ah oo lagu jabiyay.

Geesiyaasha Qarankeenna oo helay xogta Khawaarij isku Abaabuleysay inay soo weeraraan fadhiyada guutada 14-ka October iyo Atmis ee Janaale ayaa weerar dhowr jiho ah kaga hortagay damicii Argagixisada, khasaarre xoog leh ayaana ku gaaray goobihii lagu weeraray Maleeshiyaadkii ay Khawaarijtu diyaarineysay” ayaa mar kale lagu yiri qoraaka.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah Shabeelaha Hoose, gaar ahaan aagga Janaale.

Inta badan waxaa gobolka isku fara saara ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo weli ku xoogan deegaano kamid ah gobolkaas oo ay kasoo abaabulaan weeraro iyo qaraxyo.

AQALKA SARE oo ku dhegan madaxda maamul goboleedyada + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Iftin Xasan Baasto oo laga soo doorto Jubbaland oo maanta hadal ka jeediyay kulanka Golaha Aqalka Sare ayaa weerar culus ku qaaday hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada dalka, isagoo u jeediyay eedeymo culus.

Iftin Baasto ayaa sheegay in madaxda maamul goboleedyada ay noqdeen caqabadda koowaad ee dalka, isla markaana ay hortaagan yihiin horumarka shacabkooda.

Senatorka ayaa tusaale usoo qaatay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay inay ku hagrdeen madaxweyne Xasan oo safka hore uga jiro hoggaaminta dagaalkaasi.

“Ilaa hadda ma hayno madaxweyne dowlad goboleed ummaddii uu xukumayay oo uu horjoogay inuu soo hor istaago hoggaamiyo kaalintii iyo doorkii uu lahaa uu ka qaato. Igu sawir mid meel meel u tago waa laga yaabaa” ayuu yiri Senator Iftin Xasa  Baasto.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxay caqabad ku yihiin ciidamada qaranka Soomaaliya oo ah ciidamadii naftooda u hurayay inay saacad kasta la daba taagan yihiin caqabad iyo ceebeyn”.

Senator Iftin Baasto oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in loo baahan yahay in lala xisaabtamo dowlad goboleed kasto, si looga wax looga qabto caqabadaha jira.

Madaxda dowlad goboleedyada in caqabadda ugu wayn dalka yih ay yihiin, isla xisaabtana ay u baahan yihiin” ayuu mar kale yiri Senatorku.

Waxaa kale oo uu farriin u diray Golaha uu ka tirsan yahay ee Aqalka Sare oo uu ugu baaqay inuu qaatay kaalintiisa, uuna la xisaabtan la yeesho maamullada dalka.

“Runtii Aqalka Sare waxaa looga baahan yahay inaan la xisaabtan dhab ah kor-joogteyn joogto ah oo laga baqin la yiraahdo war shalay waxaan ummadda kuu dhiibatay Ilaahey uguma aanan baqin caqabadaa ku tahay ee ka daa dhibaatada shacabka” ayuu yiri Iftin.

Koonfur Galbeed oo war culus kasoo saartay xiisadda ka taagan SH/HOOSE

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa war kasoo saaray xiisadda ka dhalatay isbaarooyinka lasoo dhigay duleedka degmada Wanlawayn ee gobolka Shabeelaha Hoose, taas oo dhalisay dagaal u dhexeyso ciidanka amniga iyo maleeshiyaad deegaanka ah.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Koonfur Galbeed oo oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa nasiib darro ku tilmaamtay isbaarooyinkaasi, waxayna sheegtay inay khatar ku yihiin amniga iyo sidoo kale nolosha dadka shacabka ah.

Sidoo kale wasaaradda ayaa boggaadisay howlgallada ay wadaan ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed oo maalin kahor dagaal la galay maleeshiyaadka ku sugan Yaaqbiriweyne.

“Waxaan cod dheer ku sheegeynaa in ay banaan tahay in lala dagaalamo, lana tirtiro kuwa xadkagudbay kana soo horjeedo Nabadgalyada, habeen iyo maalinna u taagan dhibaateenta dadweynaha Masaakiinta ee ku safra Waddooyinka Deegaanada Dowladda koonfur Galbeed Soomaaliya” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay K/ Galbeed.

Hoose ka akhriso warsaxaafadeedka:-

24-8-2024; War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa u qornaa sidan:

“Waxaa nasiib darro ah in aan wali kusii aragno waddooyinka dalkeenna muhiimka u ah isbaarooyin sharci darro ah oo ay dhigtaan kooxo dano gaar ah leh. Tani waxay si toos khatar ween ugu tahay horumarka, nabadda, iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed”.

Isbaarooyinkan waxay sababeen: Nabadgelyo-darro, Hor-istaag Dhaqaalaha, Kala-fogaansho bulsho, kala shaki iyo Amni daro baahsan.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda koonfur Galbeed Soomaaliya waxay xoojineysaa si buuxdana ugarab taagan tahay xoogaga amniga ee wada Howlgalka sifeynta isbaarooyinka, oo horeyna madaxda Dowladda go’aano cad ka soo saareen in aan la aqbali karin isbaarooyin sharci dara ah shaar walbo haloo galiyee, ayadoo la adeegsanayo: Wacyigelin iyo Xiriir Dadweyne, Sareynta Sharciga, Xoojinta iyo kaladanbeyta, ladagaalanka wax walbo oo liddi ku ah Amniga iyo Nabadgalyada deegaanada Dowladda kgs.

Waxaan cod dheer ku sheegeynaa in ay banaan tahay in lala dagaalamo, lana tirtiro kuwa xadkagudbay kana soo horjeedo Nabadgalyada, habeen iyo maalinna u taagan dhibaateenta dadweynaha Masaakiinta ee ku safra Waddooyinka Deegaanada Dowladda koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ilaahay asagoo ka hadlaayo kuwa noocaas ah ayna banaantahay in halmeel looga soo wada horjeesto ilaahay quraankiisa waxa uu ku yiri:

﴿ إِنَّمَا جَزَاءُ الَّذِينَ يُحَارِبُونَ اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَيَسْعَوْنَ فِي الْأَرْضِ فَسَادًا أَن يُقَتَّلُوا أَوْ يُصَلَّبُوا أَوْ تُقَطَّعَ أَيْدِيهِمْ وَأَرْجُلُهُم مِّنْ خِلَافٍ أَوْ يُنفَوْا مِنَ الْأَرْضِ ۚ ذَٰلِكَ لَهُمْ خِزْيٌ فِي الدُّنْيَا ۖ وَلَهُمْ فِي الْآخِرَةِ عَذَابٌ عَظِيمٌ﴾

Ugu dambayntii, waxaan ugu baaqeynaa dhammaan bulshada ku dhaqan deeganada dowladda koonfur Galbeed Soomaaliyeed in ay si wadajir ah uga hortagaan isbaarooyinka, isla markaana ay ka qeyb qaataan dib u dhiska iyo horumarinta deegaanada.

Wadajir baynu ku gaadhi karnaa horumar iyo Nabad galyo waarta.

Dhammaad.

Maxkamadda Sare iyo waxyaabaha ka cusub kiiska Sayid-Cali

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee dalka ayaa maanta fadhigii koowaad oo rasmi ah maanta ka yeelatay kiiska ninkii gubay xaaskiisa Sayid Cali Macallin Daa’uud, kaas oo ay horay dil ugu soo xukumeen maxkamadda darajada koowaad iyo tan racfaanka ee gobolka Banaadir.

Fadhiga oo maanta uu guddoomiyay Baashe Yuusuf Axmed oo guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa waxaa ka qayb-galay xeer-ilaalinta qaranka, qareennada difaacaya Sayid-Cali, ehellada iyo warbaahinta.

Ugu horreyn waxaa fursad la siiyay qareennada oo sharraxaad ka bixiyay sababaha ay mar kale usoo qaateen racfaanka, waxayna ku celiyeen dooddoodii hore ee ahayd in aanu si kas Luul Cabdicasiis u gubin seygeeda Sayid Cali oo isna goobjoog ahaa maxkamadda.

“Marqaatiyaashii iyo Dhakhaatiirtii gacanta ku heysay Marxuumad Luul midna ma sheegin in uu Sayid Cali dilay xaaskiisa” ayuu ku dooday Abuukaate Cali Xalane.

Sidoo kale waxaa jiray dood kulul oo dhex-martay Abuukaataha iyo guddoomiyaha Maxkamadda Sare, taas oo ku aadaneyd sababaha uu cuksanayo dooddiisa.

“Lama yaqaano Luul waxay u dhimatay halkee ka keenteen ayadoo dhaqaatiirtu sheegeen iney u dhimatay gubasho? Ma Ciddii falka sameysay ayaa la la’yahay? ayuu yiri guddoomiye Baashe

Dhankiisa Xeer ilaaliye ku xigeenka Yaxye Maxamuud oo Maxkamadda ka hor hadlay ayaa isna celiyay isla doodihii hore, wuxuuna sharraxaad ka bixiyay baarista ay sameeyeen muuqaalka guriga oo ay heleen, dadka ay wareysteen oo ay ku jiraan dhaqaatiirta.

”Waxaan maxkamada keenay markhaatiyaal nool nool oo cadeynaya in ay maqlayeen AUN marxuumad Luul oo leh walalow ha igubin miyaadan muslim ahayn oo ashahaadaneyso”

Ugu dambeyn waxaa fadhiga soo xiray guddoomiye Baashe Yuusuf oo sheegay in fadhi kale la’isugu imaan doono, isla markaana ay doodda halkeeda kasii socon doonto

“Maxkamadda maanta intaas ayaan kusoo xireynaa Insha allah, fadhi kale ayaa lasoo mudeyn doonaa” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo soo xiray fadhigga.

Weerar loo adeegsaday Mindi oo ka dhacay Jarmalka

Solingen (Caasimada Online) – Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay afar kalena dhaawac halis ah ayaa ka soo gaaray weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Solingen ee galbeedka Jarmalka, sida ay booliisku sheegeen.

Weerarka ayaa dhacay xilli lagu guda jiray xaflad ka dhacaysay bartamaha magaalada fiidnimadii Jimcaha. Ninka weerarka geystay ayaa lagu soo waramayaa in uu wali baxsad yahay.

Shabakadda Bild ayaa sheegtay in nin si aan kala sooc lahayn u tooriyeeyay dad wadada marayay. Baadi-goob ballaaran ayaa hadda socda, iyadoo la arkayo diyaaradaha qumaatiga u kaca ee booliska oo dul heehaabaya magaalada.

Maamulka magaalada ayaa dadka ka codsaday in ay ka baxaan aagga suuqa Fronhof, iyadoo booliisku ay xayndaabyo ku xireen aagaas sababo ammaanka ah ka dib weerarka.

Kooxaha gurmadka deg degga ah ee goobta ku sugan ayaa la arkayay iyagoo daweynaya dadka dhaawacmay, sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka.

Booliska ayaa markii dambe halkaas geeyay 40 gawaarida gaashan ah si ay ugaarsadaan tuhmanaha falka tooraydaa gaysay sida laga soo xigtay Bild. Gaadiidkan waxaa hoggaaminaya sarkaal ka tirsan booliska gaarka ah ee SEK

Wadooyinka ayaa la xiray, waxaana dadka deegaanka laga codsaday inay guryahooda ku ekaadaan, iyadoo ciidamada ay baaritaan wadaan.

Philipp Müller, oo ka mid aha qabanqaabiyeyaasha xafladda, ayaa sheegay in kooxaha gurmadka deg dega ay ku howlanaayeen badbaadinta nolosha sagaal qof sida wargayska Solinger Tageblatt uu wariyey

“Dadku way naxeen, laakiin si nabad ah ayay fagaaraha uga baxeen,” ayuu yiri Mr Müller.

Goobjooge la yiraahdo Lars Breitzke, ayaa u sheegay wargeyska in uu ogaa in ay wax qaldan yihiin markii uu masraxa ku arkay heesaa ay wajigiisa ka muuqatay wax yaab leh.

Ninka weerarka gaystay ayaa la rumaysan yahay inuu si ula kac ah minida qoorta ugala dhacay dhibanayaasha sida ay ku warrantay warbaahinta Jarmalka.

Afhayeenka u hadlay Booliska oo lagu magaaco Alexander Kresta, oo ay soo xigatay mareegta Spiegel ayaa sheegay “waxaan hadda u maleyneynaa in uu ahaa hal qof” ka dib markii uu la hadlay dad badan oo goobjoogayaal ah.

Solingen, waa magaalo ku taalla galbeedka gobolka North Rhineland-Westphalia oo caan ku ah warshadaha birta, waxaa halkaa ku nool ilaa ilaa 160,000 oo qof. Waxay u jirtaa qiyaastii 25 km bari kaga beegan tahay magaalada Düsseldorf halka jihada koonfureedna ay ka xigto magaalada Cologne.

Dhacdadan ugu dambaysay ee tooriyaynta ayaa timid wax ka yar hal toddobaad tan iyo markii wasiirka arrimaha gudaha Jarmalku uuay ku baaqay in la qaado tallaabooyin adag oo ku saabsan dembiyada mindida.

Daawo: Aabe Cabdicasiis oo dalab culus u gudbiyay Maxkamadda Sare ee dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Aabe Cabdicasiis Maxamed oo dhalay marxuumad Luul oo ahayd xaaskii Sayid-Cali Macallin Daa’uud ayaa maanta soo saaray dalab culus ku aadan kiiskiisa gabadhiisa, xilli ay maanta guda gashay Maxkamadda Sare ee dalka.

Aaabe Cabdicasiis ayaa dalab toos u ah gudbiyay Maxkamadda Sare, wuxuuna ka codsaday inay cadaalad u raadiso gabdhiisa, ayna si xaq ah ugu kala xaq soorto labada dhinac.

Waxaa kale oo uu rajo wanaagsan ka qabo in kiiska uu soo dhammaan doono, isla markaana uu heli cadaalad.

“Xaalkeeda normal waayay waxaan sugayaa cadaalad ayaan Ilaahey ka sugeynaa xaqa hala ilaaliyo dadka haloo kala xaq sooro, cidna yaan loo eexan” ayuu yiri Aabe Cabdicasiis.

Sidoo kale waxaa weli socota dooda maxkamadda, iyada oo marka hore la dhegeystay qareennada difaacaya eedeysanaha oo iyagu rafcaan usoo qaatay Maxkamadda Sare.

“Marqaatiyaashii iyo Dhakhaatiirtii gacanta ku heysay Marxuumad Luul midna ma sheegin in uu Sayid Cali dilay xaaskiisa” ayuu doodiisa ku yiri Abuukaate Cali Xalane.

Waxaa sidoo kale la dhegsetay xafiiska xeer ilaalinta oo isna sharraxaad ka bixiyay dacwadda loo haysto Sayid Cali Macallin Daa’uud oo uu kiiskiisu soo maray marxalado kala duwan.

”Waxaan maxkamada keenay markhaatiyaal nool nool oo cadeynaya in ay maqlayeen AUN marxuumad Luul oo leh walalow ha igubin miyaadan muslim ahayn oo ashahaadaneyso” ayuu yiri Xeer-ilaaliye ku xigeen Yaxye Maxamuud.

Sayid-Cali Macallin Daa’uud waxaa horay xukuno dil ah ugu riday labax maxkamadood oo kala ah maxkamadda darajada koowaad iyo midda racfaanka ee gobolka Banaadir.

Go’aan kama dambeys ah oo laga gaaray kiiska walaalo loo haysto dilka guddoomiyihii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta ku dhowaaqday xukunka kama dambeysta ah ee Daadir Cali Cismaan iyo Cabdullahi Cali Cismaan oo loo haystay dilka guddoomiyihii deegaanka Mareereey ee gobolka Shabeelaha Dhexe Xuseen Xasan Mool-gale.

Maxkamadda Sare ayaa walaalahan wada dhashay kiiskooda kasoo saartay xukun, waxaana dil lagu ridday Daadir Cali Cismaan oo ah qisaasta marxuum Xuseen Xasan Mool-gale. halka ay maxkamaddu xoriyaddiisa dib ugu celisay Cabdullahi Cali Cismaan.

Kiiskan ayaa soo maray marxalado kala duwan, waxaana Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada ay xukun kasoo saartay 30-kii bishiin June ee sanadkan , balse Xukunsaneyaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunkii lagu riday.

Hoose ka aqriso go’aanka ay soo saartay Maxkamadda Sare

Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida ayaa xukuno kala duwan kasoo saartay kiiska Daadir Cali Cusmaan & Cabdullaahi Cali Cusmaan oo loo heysto dilka Marxuum Xuseen Xasan Mool-gale oo ahaa guddoomiyihii deegaanka Mareereey ee gobolka Shabeelada dhexe, falkaasi oo dhacay taariikhdu markii ay aheyd Sodonka Bishii Maarso ee sanadkan.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiisaskan , fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukun ka soo saartay Sodonkii bishii Juun ee Sanadkaan, balse Xukunsaneyaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunkii lagu riday.

Sagaal iyo Tobanka bishaan Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka Sida oo aqbashay dalabkii racfaanka, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

Daadir Cali Cismaan ayey Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Xuseen Xasan Mool-gale, halka
Cabdullaahi Cali Cusmaan ay Maxkamadu xorriyadiisa dib u siisay.

Sida uu warbaahinta u sheegay Sareeye Guuto Liibaan Cali Yaroow Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida.

DAGAAL culus oo dhex-maray ATMIS iyo Shabaab

0

Afgooye (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo u dhexeeyay kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada ATMIS oo maanta ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaadka Al-Shabaab ay weeraro ku qaadeen saldhigyo ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin deegaanada Daanow iyo Buur-Colow ee gobolkaasi, waxaana xigay dagaallo toos ah oo dhex-maray labada dhinac.

ATMIS oo si kooban uga hadashay dagaalkan waxa ay shaacisay inay iska difaacday weerarka uga yimid Al-Shabaab, isla markaana ay iyaga gacanta ku hayaan deegaanada lagu dagaalamay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhankeeda guul wayn ka sheegtaya weerarada ay ku eekeysay saldhigyadaasi, waxayna xustay inay dishay askar ka tirsanaa ciidamada ATMIS, walow aysan shaacin tiradooda rasmiga ah.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana weerarada kadib howlgallo sameeyay ciidamada ATMIS oo kaashanaya kuwa dowladda ee ku sugan Shabeelaha Hoose.

ATMIS ayaa hadda waqtigeedu dhammaad yahay, waxaana la filayaa in dabayaaqada sanadkan ay isaga baxaan gudaha Soomaaliya, maadaama la diyaariyay howlgal cusub oo bedalay, kaas oo ay dhowaan ansixiyeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Si kastaba, dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufu oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada huwanta ee ku sugan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, xilli ay weli sii socdaan howlgallada xoreynta ee ka socda gudaha dalka.

Maxkamadda Sare oo bilowday dhageysiga kiiska ninkii gubay xaaskiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee dalka ayaa maanta si toos ah u guda gashay kiiska ninkii gubay xaaskiisa Sayid Cali Macallin Daa’uud, kaas oo ay horay dil ugu soo xukumeen maxkamadda darajada koowaad iyo tan racfaanka ee gobolka Banaadir.

Maxkamadda sare ayaa goordhow gudaha gashay kiiskan, ayada oo fadhigaan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo ay maxkamadda sare ka yeelaneyso kiiska Sayid Cali Macallin.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed ayaa fadhiya hoolka, waxaana sidoo kale goobjoog ah xeer ilaalinta iyo qareennada difaacaya eedeysanaha.

Sidoo kale waxaa maxkamadda ku sugan ehellada labada dhinac, waxaana ku jira Aabe Cabdicasiis Maxamed oo muddo dheer sugayay cadaaladda gabadhiisa Luul.

Aabe Cabdicasiis oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in kiiska uu soo dhammaado isla markaana uu helo cadaalad.

Kiiska Sayid Cali Macallin Daa’uud ayaa qaatay muddo dheer, wuxuuna soo maray heerar kala duwan, wuxuuna maanta joogaa heerkii ugu dambeeyay ayada oo laga war dhowrayo go’aanka Maxkamadda Sare oo noqon doono kan ugu dambeeyay.

Sayid Cali waxay horay loogu helay inuu gubay xaaskiisii oo uur lahayd dhacdadaas oo ka dhacday degmada Dharkenley, waxaana aad uga xumaaday dadka Soomaaliyeed.

Xog: Al-Shabaab oo dhaqaale badan ka hela il ay dowladdu ogtahay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa jirta il dhaqaale oo weyn oo weli u furan kooxda Al-Shabaab, taas oo dhaqaale badan ay ka sameeyaan sanad kasta, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Bilaha ugu horeeya sanadka Hijriyada ee taariikhda Islaamka, Al-Shabaab waxay dadka reer miyiga ah ka aruursadaan xoolo ay ugu yeeraan Zakawaad, kuwaas oo qaab xoog ah looga qaado inta badan qoysaska.

Geela, Lo’da iyo Ariga ayey Shabaab ka qaataan dadka xoolo dhaqatada ah ee ku nool dhulka miyiga ah ee Soomaaliya, gaar ahaan gobollada koonfurta iyo bartamaha bari ee dalka.

Dadka Soomaaliyeed ee xoolo dhaqatada ah waxay cabasho badan ka qabaan qaabka looga qaado xoolahaas, diinta Islaamka waxay cadeysay in xoolaha ay xoogga ku qadanayaan Al-Shabaab aysan Zako ku ansaxeyn, taasi oo dadka qaar ku kaliftay inay mar kale xoolahooda Sakada uga bixiyaan si sharci ah, halka Al-Shabaab-na ay xoog uga qaataan.

Dowladda Soomaaliya waa ogtahay arrintaan, laakiin weli wax talaabo ah kama qaadin, iyadoo uu socdo guulo badana laga gaaray qorshaha kooxdaas lagu cunaqabateynayo, ra’iisul wasaaraha ayaa xalay sheegay in 40% lagu guuleystay in la cuuryaamiyo dhaqaalaha Al-Shabaab soo geli jiray.

Shabaab waxay xoolaha ugu jecelyihiin Geela oo dhaqaale badan ay ka helaan, waxayna si joogto ah ugu iib geeyaan dhulka ay dowladdu joogto, iyagoo adeegsanaya ganacsato ka dalaala kala gudbinta xoolaha ay Shabaab ka soo dhacaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool miyiga fog.

Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee xorta ah ayaa lagu kala iibsadaa xoolaha, dhaqaaluhuna wuxuu dib ugu laabtaa Al-Shabaab, taasi oo khatar ku ah amniga qaranka iyo qorshaha dowladda ee la dagaalanka cadowga Khawaarijta ah ee umadda Soomaaliyeed ku habsaday.

Daawo: Hoggaamiyaha Ahlusunna oo ka hadlay dilalka ka socda Galmudug iyo cidda ka dambeysa

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Hoggaamiyaha guud ee culimada Ahlusunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa khudbadii Jimcaha ee maanta ku soo qaatay mowduuc xasaasi ah oo hadal-heyn dhaliyey.

Macalinka ayaa ka digay in dadka hub la isugu dhiibi oo ay is dilaan, isagoo si weyn uga digay in qof islaam ah la dilo, balse dadka baraha bulshada uga falceliyey khudbadda Macalin Maxamuud ayaa ku eedeeyey ‘in horay uu dadka isugu diri jiray’ xiligii Ahlusunna.

Macalin Maxamuud ayaa ku dheeraaday tusaaleynta sida ilaahey u xarimay in la dilo qof islaam ah, wuxuuna sheegay in qofkii dila uu ku waarayo Naarta Jahanaba, isagoo ku taliyey in laga hortago dagaalada qabaa’ilka ee Galmudug ka socda iyo dadka hubeynaya shacabka.

Sidoo kale Macalin Maxamuud ayaa ka digay in dadka reer Miyiga ah la hubeeyo, kuwaas oo aan laheyn aqoon iyo garaad badan oo ka xakameynaya qof kale ee islaamka ah ee aan mudneyn in la dilo.

Waxyaabaha uu ka digay Macalin Maxamuud waxaa ka mid ahaa in xukunka awood lagu raadiyo, iyadoo la hurinayo colaad, la hubeynayo dad nabad ku jiray iyo in loo bareero in umadda la laayo, si xukunka loo qabsado.

Macalinka ayaa ka digay in talada dalka ama deegaanka loo dhiibo qof jaahil ah oo xurmada dadka kale aan garaneyn, wuxuuna dadka fursadda heysta ugu baaqay inay doortaan dadka mudan inay hoggaamiyaan bulshada ee wax bartay.

Dadka aragtidooda uga dhiibtay qeybta faalada khudbadii Macalin Maxamuud ee maanta ayaa ku dhaliilay sidii ay u dhaqmi jirtay Ahlusunna waayihii ay hubeysneed, xiligaas oo dagaalo badan ay la gashay maamulka Galmudug oo dhismihiisii ay ka soo horjeedeen, walow ugu dambeyntii laga awood batay.

Maamulka Madaxweyne Qoor Qoor ayaa ka adkaaday Ahlusunna, iyadoo xoog hubka looga dhigay, Dhuusamareeb iyo Guriceel ayey dagaalkii ugu qaraaraa kula galeen ciidamada dowladda, xiligaas waxaa aad looga naxay dagaalka ay u bareertay culimadii la jeclaa ee Ahlusunna, kaasi oo dhalinyaro badan oo muhiim ahaa ay ku dhinteen.

Hoos ka daawo

 

 

Daawo: Madaale oo abaal-marinaya qoysaska askartii isku dhigtay qaraxa

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ay wehliyaan saraakiil, culimo iyo masuuliyiin kale ayaa kormeer iyo dhiiragelin ugu tagay cutubyo ka tirsan Ciidamada Amniga ee Howlgalka daafaha Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa si gaar ah ugu kuur-galay xaaladda ay ku shaqeynayaan ciidamada amniga ee ka howlgala duleedka degmada Garasbaaley ee magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa ku amaanay ciidmada sida geesinimada leh oo ay naftooda ugu hureen bad-baadinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

Madaale ayaa si gaar ah u xusay 4-marxuum oo ka tirsanaa ciidamada amniga oo isku dhigay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lala damacsanaa in lagu dhibaateeyo shacabka, asigoona balan qaaday in uu ka-faalad qaadayo qoysaskooda.

“Gaarigi Leyla Calaawiga ahaa ee Qaraxa ka buuxay wiilashii isku dhigay waxay bad baadiyeen shacab badan, maamulka Gobolka Banaadir wuxuu damaanad qaaday nololsha qoysaskooda” ayuu yiri guddoomiye Madaale.

Guddoomiye Madaale ayaa saraakiisha laamaha amniga ku wareejiyay Deeq isugu jirtay 20-Neef oo Ari ah iyo raashin, taasi oo qeyb ka ah dhiira-gelinta, ka warqabka iyo kor joogteynta ciidamada ku howlan sugida amniga iyo bad-baadinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

Kormeerkaan ayaa waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Taliyaha Hey’adda NISA ee Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Degmada Garasbaaley, Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag, Culuma’udiin iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Laamaha Amniga.

Hoos ka daawo

Dilaalinta hubka ee dal xad-wadaag yihiin Soomaaliya oo sameeyay arrin yaab leh

0

Sanca (Caasimada Online) – Dallaaliinta hubka ee Yemen ayaa si aan gabbasho lahayn u adeegsanaya barta baraha bulshada ee X, ee loo aqoon jiray Twitter, iyagoo iibinaya qoryaha nooca Kalashnikovs, bistoolado, iyo bambooyin.

Ganacsatada ayaa ka howlgala caasimadda Sanca iyo meelo kale oo ay heystaan Xuutiyiinta, oo ah koox ay taageerto Iiraan isla markaana ay dowladaha Mareykanka iyo Australia u yaqaannaan argagixiso.

“Laguma fekeri karo in iyaga [dallaaliinta hubka] inaysan wakiil ka ahayn Xuutiyiinta,” ayuu yiri safiirkii hore ee Britain u fadhiyay Yemen, Edmund Fitton-Brown, oo haatan ka shaqeeya Mashruuca Kahortagga Xagjirnimada.

“Dallaaliinta madaxa bannaan ee isku dayay inay ka faa’iidaan ka ganacsiga hubka, [tusaale ahaan] dowladda Yemen, degdeg bey u xiri lahayd.”

Baaritaan uu sameeyay wargeyska The Times ayaa lagu ogaaday in dhowr akoon oo Yemen laga leeyahay ay heystaan astaanta buluugga ah ee xaqiijinta.

The Times iyo BBC ayaa labadaba la xiriiray X si ay uga jawaabaan arrintan, balse ilaa iyo haatan ma helin wax jawaab ah.

Inta badan shuruucda waxyaabaha lasoo dhigo bartan ayaa la hakiyay kadib markii milkiilaha cusub Elon Musk uu iibsaday shirkadda sanadkii 2022.

Xayeysiimaha ayaa intooda badan lagu soo bandhigaa luqadda Carabiga waxaana marka hore loogu talogalay macaamiisha Yemen ee dalkaasi halkaasoo tirada hubka la sheegay inuu ka tiro badan yahay bulshada.

BBC ayaa dhowr akoon oo hubka lagu iibiyo ku aragtay baraha internet-ka, iyagoo qiimaha hubka kusoo bandhigaya lacagta Yemen iyo riyaalka Sacuudiga.

Erayada lagu dul qoro hubka ayaa loogu talogalay in lagu soo jiito dadka wax iibsada.

“Farshaxan sarreeya iyo waaran sare,” ayay leedahay mid ka mid ah xayeysiimaha. “Qoriga AK ee Yemen lagu farsameeyay waa dookhaaga ugu sarreeya.”

Muuqaal tijaabo ah, oo la duubay habeenkii, ayaa muujinaya qofka iibinaya oo ilaa 30 wareeg oo rasaas ah ridaya.

Mid kale ayaa bistooladaha nooca Glock ee Pakistan lagu sameeyo ku iibinayay $900.

Xayeysiinadaan laguma qariyo meelaha hubka iyo waxyaabaha sharci-darrada ah lagu soo bandhigo, waxay yaallaan meel la arki karo oo barta X, waxaana arki kara malaayiin qof.

Mar ay arrintan ka hadleysay, ururka aan dowliga ahayn ee fadhigiisu yahay UK ee Tech Against Terrorism ayaa soo saartay waxa ay ugu yeertay codsi deg-deg ah oo ay ujeedisay shirkadaha teknolojiyadda inay ka saaraan waxyaabaha lagu taageerayo Xuutiyiinta ee lagu soo bandhigo internet-ka iyo baraha bulshada.

Isha: BBC

Sawirro: Premier Bank oo markii ugu horreysay dalka ka daah-furay ATM Cash Deposit

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Premier Bank wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqay adeegga cusub ee ATM Lacag Dhigasho (Cash Deposit), oo si gaar ah loogu talagalay in uu macaamiisha siiyo xorriyad buuxda oo lacag dhigashada koontada bangiga ah.

Adeeggan cusub wuxuu u suurto gelinayaa macaamiisha inay si fudud oo ammaan ah ugu shuban karaan lacagtooda waqti kasta oo ay doortaan, maalin iyo habeenba; iyadoo ATM-yadeennu ay u adeegayaan si joogto ah.

Faa’iidooyinka ugu Muhiimsan ee Adeeggan:

Helitaan Joogto ah: ATM-yadeenna ayaa udiyaarsan in la heli karo waqti kasta; si aad lacagtaada ugu shuban karto koontadaada marka aad u baa- hato, iyadoon xilliga loo eegin.

Hufnaan, Ammaan, iyo Degdegsiimo: Adeeggan wuxuu ku siinayaa kalsooni iyo ammaan, iyadoo la adeegsanayo tiknoolajiyaddii ugu dambeysay si lacagtaadu si dhaqso ah ugu gasho koontadaada.

Madaxa Howlaha & ku simaha Maareeyaha Guud ee Premier Bank Mahad Axmed Maxamed ayaa hoosta ka xariiqay faa’iidada adeeggsan isagoo yiri:

“Soo bandhigida adeegga ATM Cash Deposit waa caddeyn buuxda oo muu- jinaysa sida aan ugu heellanahay casriyeynta iyo horumarinta adeegyada bangiga, si aan macaamiisheena u siino adeeg bangi oo dhamaystiran, ammaan ah laguna kalsoonyahay. Sidaas darteed ATM Cash Deposit wuxuu kusiinayaa xorriyad lacag dhigasho 24/7 ah, taasoo si sahlan u daboolaysa baahiyaha bulshada maaliyadeed.”

Maxay yihiin 5-ta guul ee uu R/W Xamza sheegtay inta uu joogo xafiiska?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo xalay ka qeyb-galay kulan dadweyne oo su’aallo lagaga waydiinayey waxqabadka xukuumadda Dan-Qaran oo jirsatay labo sano.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulankaas ku soo bandhigay guullo uu sheegay inay xukuumaddiisu ka gaartay shan dhinac, kuwaasi oo kala ah amniga, dhaqaalaha, garsoorka, adeegyada aasaasiga ah, iyo siyaasadda arrimaha dibadda.

Xamza ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay si guul leh uga hortagtay kooxda Al-Shabaab, iyada oo fulisay hawlgallo ciidan oo lagu xoreeyey in ka badan 215 goobood oo kala duwan oo ku yaal gobollada Soomaaliya.

Howl-galladan ayaa si weyn hoos ugu dhigay falalkii argagixisadu ay geysan jireen ee lagu xasuuqi jiray shacabka Soomaaliyeed, waxaana la curyaamiyey ilihii dhaqaalaha iyo tiknaloojiyadda ay kooxdaasi ku tiirsanayd.

Sidoo kale wuxuu dul istaagay guusha weyn ee ay xukuumadda ka gaartay arrimaha dhaqaalaha, isagoo xusay in lagu guuleystay in dalkeenna laga dulqaado $4.5 bilyan oo dayn ah, kaddib markii la dhammeystiray hannaankii dayn cafinta. Wuxuu intaa ku daray in dakhliga dalka uu kordhay 25%, taas oo kaalin weyn ka qaadatay koboca dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumaddu ay meel-marisay sharciyo iyo siyaasado muhiim ah oo la xiriira, caddaaladda iyo garsoorka, isagoo sidoo kale tilmaamay in la xoojiyay la dagaalanka musuqmaasuqa iyo lacag dhaqista.

Tallaabooyinkan ayaa abuurtay kalsooni dheeraad ah oo ay dadweynuhu ku qabaan nidaamka garsoorka dalka, sida uu sheegay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Waxa kale oo uu sheegay in xukuumaddiisa ay ka shaqeynayso sidii dalkaan looga hirgelin lahaa doorasho qof iyo cod ah, iyada oo la diyaariyey shuruucdii doorashooyinka, una gudbisay labada gole ee Baarlamaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay guulaha la xiriira in Soomaaliya ay ku biirtay ururka auuqa dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika (EAC), taas oo suurta gelinaysa fursado dhaqaale iyo ganacsi.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay in laga qaaday dalkeenna cunaqabateyntii hubka ee saarneyd iyo in aan hananay kursiga Golaha Ammaanka ee QM.

Ugu dambeyntiina wuxuu ballan-qaaday in xukuumaddiisu ay sii wadi doonto dadaallada ay ugu jirto horumarinta iyo nabadda Soomaaliya.

Somalia oo Uganda u gudbisay dalab muhiim u ah Soomaalida kuna dhibanayeen

0

Kampala (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bilowday dadaal ay wax uga qabaneyso dhibaatada Soomaalida ku haysata dalkaas iyo sidoo kale caqabadaha ay la kulmaan kuwa u safraya.

Sii-hayaha safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda Cabdiladiif Maxamuud Cali oo kulan kula qaatay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee Uganda Gen. Jeje Odongo Abubakar, ayaa hordhigay dalab muhiim ah.

Mudane Cabdiladiif ayaa wasiirka u sheegay in ay jiraan caqabado lasoo gudboonaaday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda ku nool, taas oo ay ka mid tahay in hay’adda socdaalka dalkaas ay dhowr jeer xir-xireen muwaadiniin Soomaaliyeed oo Kampala ku nool iyagoo ku sababeeyay in aanay sharci deganaasho ku joogin dalka.

Sida la ogyahayna in muddo labo sano ku dhaw waa xiran tahay xaruntii laga diiwaan gelin jiray dadka qaxootiga soo galootiga ah, iyadoo kaarka qaxootiga qofka haystaa uu la mid yahay isagoo sharci deganaasho leh oo kale, Soomaalida badankeeda ayaa ku jooga dalka Uganda aqoonsiga qaxootiga, sidaas darteed sii-hayaha ayaa codsaday in arrintaas wax laga qabto.

Arrinta labaad ee uu sii-hayaha safaaradda ka hadlay ayaa ahaa in hay’adaha waxbarashada dalka Uganda looga baahan yahay inay dhaqan-geliyaan Barotokoolada wadamada ururka dhaqaalaha iyo iskaashiga dalalka Bariga Afrika (EAC) ee khuseeya arrimaha waxbarashada si ardayda Soomaaliyeed u helaan xuquuq la mid ah ardayda ee dalalka Bariga Afrika.

Sidoo kale Sii-hayaha ayaa wasiirka ka codsaday in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee imanaya dalkan Uganda ay dalkugal-ka (Visas) ka qaataan airport-ka iyo xuduudaha dalka markay soo gaaraan oo laga dhaafo dalabka Visa-ha si loo fududeeyo isu socodka dadka labada dal.

Ugu dambeyntii sii-haye Cabdiladiif Maxamuud ayaa wasiirka u sheegay in ay diyaar u yihiin fulinta heshiisyadii labada Wasaaradood ay horay u gaareen ee xagga tababarada diblumaasiyiinta iyo karti dhiska shaqaalaha, taas oo qeyb ka ahayd isfahmkii (MoU) horay ay u kala saxiixdeen labada dal.

Sidoo kalena wuxuu sii-hayuhu la socodsiiyay wasiirka in shirka guddiyada wadajirka ah ee labada dal (Joint Permanent Commission) wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee DFS ay qaban-qaabadiisa waddo laguna qaban doono magaalada Muqdisho bisha Oktoobar ee nagu soo aadan 2024.

Dhankiisa Wasiir Gen. Jeje Odongo Abubakar, ayaa sheegay in labada arrin ee kala ah Visa la’aanta iyo arrinka ah in ardayda Soomaaliyeed loola tacaamulo sida kuwa ka yimaada wadamada ururka dhaqaalaha iyo iskaashiga Bariga Afrika ay tahay laba arrimood oo ay xaq u leeyihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sidoo kale balan-qaaday in la fulin doono isfahamyadii horey ay u kala saxiixdeen labada wasaaradood oo ay ku jirto iswaydaarsiga khibradaha iyo tababarada diblomaasiyadeed ee shaqaalaha arrimaha dibadda labada dal, dhawaanna ay soo saari doonaan qorshaha fulinta barnaamijkaan.

SSC-Khaatumo oo digniin culus kasoo saartay qorshe uu BIIXI u tegay SANAAG

0

Laascaanood (Caasimada Online) – SSC-Khaatumo ayaa digniin culus kasoo saartay safar maalmihii lasoo dhaafay uu madaxweynaha Somaliland uu ku marayay qeybo kamid ah Sanaag.

Bayaan uu soo saaray hoggaanka sare ee maamulka KMG ee SSC-Khaatumo ayaa socdaalka Muuse Biixi lagu sheegay inuu yahay mid daan-daasi iyo colaad cusub uu kaga hurinayo deegaanada maamulkooda.

“Maamulka Khaatumo waxa uu si buuxda ula socdaa dhaq-dhaqaaq kasta oo uu qaado horjoogaha Somaliland,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay SSC-Khaatumo.

Khaatumo ayaa sidoo kale caddeysay inay dooneyso xasiloonida gobolka, balse ay marwalba u diyaarsan tahay difaaca deegaanadeeda iyo iska dhicinta cid walba oo ku soo xad-gudubta.

“Maamulka wuxuu markasta u taagan yahay astaan nabadeed iyo xasillooni ka hanaqaadda Geeska Afrika, balse ciddii kusoo xad-gudubya deegaannadiisa waxay la kulmi doonaan jawaab culus.”

Khaatumo ayaa madaxda dowladda federaalka iyo beesha caalamka ku wargelisay colaad hurin ay sheegtay inuu ka shaqeynayo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, taas oo reebi doonta cawaaqib xumo aan la mahdin.

Tan ayey sheegtay inuu masuuliyadeeda qaadi doono madaxweyne Biixi oo maamulka KMG ee Khaatumo uu ku tilmaamah “dagaal ooge”, sida lagu yiri qoraalka kasoo baxay hoggaanka sare.