25.1 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Xog: Khilaaf xooggan oo ka taagan wasaaradda qorsheynta – Maxaa la isku hayaa?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa banaanka u soo baxay khilaaf xooggan oo ka taagan wasaaradda qorsheynta Soomaaliya, kaasi oo u dhaxeeya masuuliyiinta ugu sarreysa wasaaradda.

Khilaafkan ayaa si gaar ah uga dhex aloosan saddexda masuul ee kala ah wasiirka wasaaradda, wasiir ku-xigeenka iyo wasiiru-dowlaha, kuwaas oo isku haya maamulka wasaaradda, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Khilaafka iyo is qab-qabsiga u dhaxeeya masuuliyiintan oo la tilmaamay inuu mudo si hoose usoo jiitamayay ayaa banaanka yimid kadib markii uu wasiirka qorsheynta Mudane Beene-Beene uu xilkii ka qaaday agaasimaha hay’adda istaatistikadda qaranka Sharmaake Faarax.

Xil ka qaadista uu sameeyay wasiir Beene-Beene ayaa ku timid soo jeedin ay u dhamaayeen xubnaha guddiga sare ee golaha maamulka istaatikada qaranka, kuwaas oo isku raacay in xilka laga qaado.

Guddiga ayaa ku eedeeyay agaasimaha fadhiidnimo shaqo, iyagoo waisirka wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha XFS usoo jeediyay inuu aqbalo xil ka qaadista agaasimaha xafiiska istaatiskida qaranka.

Tallaabada uu qaaday wasiir Beene-Beene ee xilka uga qaaday agaasime Sharmaake ayaa waxaa si cad uga horyimid wasiir ku-xigeenka wasaarada oo sheegay in wasiirka uusan kaligiis awood u laheyn inuu sameeyo xil ka qaadis.

Wasiir ku-xigeenka Maxamed Cabduqaadir ayaa xil ka qaadista agaasimaha ku tilmaamay sharci daro, isaga oo wasiirka ku eedeeyay in uusan ka tala-gelin go’aankan oo ay aheyd inuu kala tashado masuuliyiinta kale ee wasaaradda.

Sidoo kale wuxuu faray in agaasimaha hay’adda istaastitikadda qaranka Sharmaake Faarax uu sii wato shaqadiisa, taas oo ka hor imaneysa xil ka qaadista wasiirka wasaaradda qorsheynta Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, khilaafkan ayaa hadda gaaray xafiiska ra’iisul wasaaraha, waxaana la filayaa inuu ra’iisul wasaare Xamza xal ka gaaro khilaafka mudadda huursanaa ee ka taagan ee ka taagan wasaaradda qorsheynta.

Soomaaliya oo hal shardi ku xirtay Itoobiya si ay ciidamadeeda u joogaan dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shuruud uga dhigtay Itoobiya inay ka laabato is-afgaradkii Somaliland ee badda, si ay ciidankeedu qeyb usii joogaan gudaha Soomaaliya.

Tan ayaa ka dhigan in Soomaaliya ay Itoobiya u ogolaan doonto inay qeyb ka noqoto howl-galka soo socda ee beddelaya ATMIS, haddii ay Itoobiya ka laabato is-afgaradka Somaliland oo xiisad xooggan ka dhex abuuray labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo ka qeyb-galay kulan dadweyne oo su’aallo lagu weydiinayay ayaa si cad u sheegay in Itoobiya aanay ciidankeeda kamid noqon doonin howl-galka cusub ee ATMIS lagu baddelayo haddii ay diido inay dib uga laabato heshiiskii ay la gashay maamulka Somaliland.

Xamza ayaa xusay in dowladda federaalka Soomaaliya ay gudbisay qaraar ka dhan ah xad-gudubka Itoobiya, ayadoo hadda laga sugayo xukuumadda Addis Ababa inay ka laabato haddii ay diiddana ciidankeeda laga saarayo gudaha dalka.

“Haddii Itoobiya aysan ka noqon MOU-da (heshiiskii ay la gashay maamulka Somaliland) ciidankeeda kama mid ahaan doonnaan howl-galka soo socda, haddii ay sii joogaan magac kale ayay yeelan doonaan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Waxa uu intaas ku daray “in haddii aanay ixtiraam u muujin midnimada iyo wada-jirka Soomaaliya in aan Itoobiya laga aqbali doonin in ay kasii mid ahaadaan howl-galka Midowga Afrika ee fasaxa ka heysta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.”

Go’aanka dowladda federaalka ayaa imanaya xilli bisha soo socota ee September loo ballansan yahay in wajiga saddexaad ee wada-hadalka Soomaaliya iyo Itoobiya uu ka dhaco dalka Turkiga, ayada oo uusan weli muuqan wax isku soo dhawaansho ah oo labada dhinaca.

IMAARAADKA oo noqday dalkii labaad ee aqoonsaday…

0

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dalka Imaaraadka Carabta ayaa waraaqaha aqqoonsiga ka guddoomay dublamaasi ay Taliban u magacowday in uu noqdo safiirka Afghanistan ee dalkaasi, sida uu xaqiijiyay sarkaal ka tirsan dowladda Imaaraadka.

Dalkan ku yaalla Khaliijka Carbeed ayaa sidaas ku noqonaya dalkii labaad ee aqqoonsada danjire ay Daalibaan magacowday ka dib dowladda Shiinaha.

Diblomaasiyiinta Daalibaan ayaa ilaa sanadkii hore maamulayay safaaradda Afghanistan ay ku leedahay Abu Dhabi iyo qunsuliyadda ay ku leedahay Dubai, sida ay dublamaasiyiinta shisheeye ku warrameen, inkastoo ay muuqato in dublumaasiyiintaasi aan loo aqbalin sida dublumaasiyiin ka wakiil ah Afghanistan.

Sarkaal ka tirsan Imaaraadka ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in aqbalidda “waraaqaha aqqoonsiga danjirenimo ee safiirka Afghanistan” ay dib u xaqiijinayso go’aanka ay dowladda Imaaraadku ee kaalmeynta Afgaanistaan, oo ay ku jirto mashaariicda horumarinta iyo kuwa dib u dhiska.

Sarkaalku ma sheegin in Imaaraatka Carabta oo ka mid ahaa saddex waddan oo aqqoonsaday dawladdii Taliban ee Afghanistan maamuleysay 1996-2001, ay hadda Taliban u aqqoonsatay dawladda rasmiga ah ee Afgaanistaan.

Ma jirto dowlad si rasmi ah u aqqoonsatay xukuumadda Daalibaan tan iyo markii ay xukunka dib ula wareegtay saddex sano ka hor, iyadoo ilaa hadda uu Shiinaha oo kali ah si rasmi ah u aqbalay warqadaha aqqoonsiga safiirnimo ee danjire ay Daalibaan dalkaasi u dirsatay.

Laakin dad ay Daalibaan xilalka u magacowday ayaa howlo diblumaasiyadeed ka qabta dalal dhowr ah oo uu ka mid yahay dalka deriska ah ee Pakistan.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee ay maamusho Daalibaan ayaa bayaan ay soo saartay galinkii dambe ee Arbacadii ku sheegtay in Mawlawi Badreddin Haqqani loo magacaabay safiir, wuxuuna warqadihiisa aqqoonsiga u gudbiyay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta u qaabilsan arrimaha habmaamuuska.

Somali language course for Arabs concludes in Mogadishu

The Somali Digital Media Academy (SODMA) hosted a closing ceremony in Mogadishu to mark the graduation of the inaugural class of the “Tawasol” program, an initiative designed to teach the Somali language to Arabic speakers. The event was attended by high-ranking officials, including representatives from the Somali Ministry of Education and the Somali Academy of Science, Culture, and Arts, alongside media professionals and other distinguished guests.

The ceremony honored graduates of the course, many of whom are Sudanese and Yemeni professionals working in prestigious sectors such as medicine and engineering in Somalia. These individuals were recognized for their contributions to fostering stronger cultural and linguistic ties between the Arab and Somali communities.

Abdirahman Yusuf Bukhari, Director-General of the Academy, emphasized in his speech that the program’s primary objective is to create a communication bridge between Arab nationals and the Somali community. While the Academy typically focuses on digital media, Bukhari explained that the need to teach Somali to Arabic speakers was so pressing that SODMA felt compelled to address it. He also expressed the Academy’s commitment to collaborating with relevant authorities to expand this initiative, which he described as a significant national effort.

Bukhari announced plans to offer additional courses in the future, aiming to broaden the program’s reach. Participants at the event lauded the initiative, describing it as a pioneering effort that deserves national support.

Dr. Abubakar Haj Khalifa, Director of the Islamic Institutes Unit at the Ministry of Education, commended the initiative and congratulated the graduates. He also acknowledged the roles of Sudan and Yemen in supporting Somalia.

The ceremony concluded with special recognition for the graduates and Mohamed Osman Ibrahim, the director of the “Tawasol” program, who was instrumental in teaching the course and developing its curriculum. Bukhari praised the program as a “remarkable and enriching” experience, expressing pride in the outcomes achieved.

Ethiopian Airlines iyo Flydubai oo qaatay amar ka soo baxay DF oo ku saabsan Somaliland

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Shirkadaha diyaaradaha ee Ethiopian Airlines iyo Flydubai ayaa deg deg u cusbooneysiiyey xogta duulimaadkooda iyagoo raacaya awaamiirta Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya oo ku amartay inay duulimaadkooda Hargeysa ka dhigaan Soomaaliya.

Amarka Hay’adda ayaa u dhignaa in duulimaadka diyaaradahaas oo ahaa “Hargeysa Somaliland, loo bedelo Hargeysa, Soomaaliya” maadaama hawada dalka oo dhan ay maamusho hey’adda duulista rayidka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Isla maanta shirkadaha diyaaradaha Ethiopian Airlines iyo Flydubai ayaa shaaciyey inay u hoggaamsameen amarkaas, isla markaana ay duulimaadyadoodii Hargeysa ka reebeen Somalialnd.

FlyDubai ayaa raacisay Hargeysa, Somalia, halka Ethiopian Airlines ay ku soo koobtay kaliya Hargeysa, inkasta oo aysan caddeyn haddii ay Dowladda Federaalka ku qanci doonto middaas.

Durbadiiba dadka reer Somaliland ayaa ka carooday arrintaan, iyagoo ku andacoonaya in shirkadahaasi ay ku xadgubayaan qaranimada iyo madax-banaanida Somaliland, maadaama ay u hoggaansameen awaamiirta dowladda federaalka Soomaaliya.

“Waxaan aad iyo aad uga xunahay falkii Flydubai iyo Flyethiopian ay ugu xadgudbeen qaranimada iyo sharafta dalkeena, kadib markii ay u hogaansameen go’aamadii iyo awaamiirtii maamulkii Muqdisho ee fashilmay ee ahaa in ay meesha ka saaraan duulimaadyadooda Somaliland,” ayuu yiri mid ka midah dhalinyarada reer Hargeysa.

Hay’adda duulista rayidka Soomaaliya ayaa shalay amarkaan soo saartay, iyadoo shirkadahaas u cadeysay ciqaabta ay muteysa doonaan hadii ay fuli waayaan amarka dowladda federaalka Soomaaliya.

Maamulka Somaliland weli kama hadlin arrintaan, waxaana laga sugayaa go’aanka ay ka qaadanayaan shirkadahaan u hoggaansamay amarka dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo meesha ka saaraya magaca Somaliland oo Hargeysa ka dhigaya magaalo Soomaaliyeed.

Diyaaradda Ethiopian Airlines iyo Flydubai ayaa markii hore ku duuli jiray Hargeysa Somaliland, balse hadda kadib waxay ku duuli doonaan Hargeysa Soomaaliya, taasi oo baabi’ineysa riyadii gooni u goosadka ee maamulka Somaliland.

Hoos ka eeg Amarka DF

Gantaallo lagu garaacay aagagga milatari ee Israel iyo xaaladda oo kasii dareysa

0

Tel Aviv (Caasimada Online) – Xisbullah ayaa dhowr gantaalku tuurtay Golan Heights-ka la heysto kadib markii diyaarado ay weerareen gudaha Lubnaan, iyadoo cabsida dagaalka ay sii kordheyso.

MIlitariga Israa’iil ayaa sheegay inay xalay garaaceen keydka hubka ee Xisbullah oo ku yaalla Dooxada Bekaa. Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in hal qof uu ku dhintay 30 kalena ay ku dhaawacmeen.

Iyadoo ka jawaabeysa, Xisbullah, oo ay Iiraan taageerto, waxay sheegtay inay beegsatay aagag militari oo Israa’iil leedahay oo ku yaalla Golan. Israa’iil ayaa sheegtay in labo guri ay gantaalladu ku dhaceen isla markaana hal qof uu ku dhaawacmay.

Dhanka kale, dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta ee Fatax ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay dishay xubin sare oo ka tirsan garabkeeda hubeysan ee ku sugan Lubnaan si ay dagaal uga cusbooneysiiso gobolka.

Militariga Israa’iil ayaa sheegay in Khalil al-Makdah ay ku dileen duqeymo ay ka geysteen magaalo-dekadeedka koofureed ee Sidon sababo la xiriira inuu matalayay Ilaalada Kacaanka uuna ku lug lahaa agaasinka weerarrada iyo inuu hub geeyo Daanta Galbeed ee la heysto.

Waxaa la sheegay inuu yahay weerarkii ugu horreeyay ee lagu qaado xubin ka tirsan Fatax tan iyo billowgii dagaalka, kaasoo horseeday inay kordhaan weerarrada xadka ka gudba ee u dhaxeeya Israa’iil iyo Xisbullah.

Xiisadaha ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay kordhay kadib markii Israa’iil ay Beyruut ku dishay taliye sare oo ka tirsanaa Xisbullah, kaasoo ay ku eedeysay inuu 12 carruur ah ku dilay weerar.

Ilaa iyo haatan, in ka badan 530 qof ayaa lagu dilay Lubnaan, waxaana ka mid ahaa 130 rayid, iyo 49 qof oo lagu dilay Israa’iil, ayna ka mid yihiin 26 rayid ah. Ku dhowaad 200,000 oo qof ayaa laga barakiciyay xadka labada dhinac.

Wasiirka Difaaca Israa’iil Yoav Gallant ayaa ciidamada u sheegay Talaadadii in xarunta militariga ay kasoo wareegtay Gaza ayna usoo wareegeyso xadka Lubnaan.

Subixii Arbacada, Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa ku dhawaaqay in diyaarado ay xalay garaaceen tiro keydadka hubka ee Xibsullah ah.

IDF ayaa sidoo kale sheegay inay beegsadeen dagaal-yahannada Xisbullah oo ku sugnaa magaalada xadka koofureed ee Beit Lif.

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in duqeymaha gobolka Bekaa uu ku dhintay ha qof, oo aan magaciisa la sheegin, isla markaana sagaal carruur ah ay ka mid ahaayeen 30-ka dhaawacmay.

Iyadoo ka jawaabeysa duqeymaha, Xisbullah ayaa weerartay saldhigga IDF oo ku yaalla Golan Heights.

IDF ayaa sheegtay in ilaa 50 gantaal laga soo tuuray Lubnaan isla markaana qaarkood ay ku dhaceen deegaanka Katzrin.

Nin 30 jir ah ayaa waxaa dhaawac kasoo gaaray haraaga gantaal markii gurigiisa uu dab qabsaday, sida ay sheegtay waaxda gawaarida degdegga ah ee Magen David Adom.

Taliye xigeenka Taliska Waqooyi ee IDF, Janaraal Alon Friedman, ayaa Xisbullah ku eedeeyay inay beegsadeen 8,000 rayid ah oo ku nool Katzrin.

Xisbullah ayaa sidoo kale sheegtay inay duqeymo kale oo cirka ah ku weerartay saldhigyo milatariga Israa’iil ay ku leeyihiin Amiad, oo u dhow Badda Galilee. IDF ayaa sheegtay in qaar ka mid ah diyaaradaha duqeymaha geysanayay ay aagga kusoo dhaceen, iyagoo aan wax khasaare ah geysan.

Goor dambe shalay, duqeymo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ayaa waxaa lagu dilay Khalil al-Makdah oo Fatax ka tirsanaa xilli uu gaari ku kaxaynayay deegaanka Sidon.

Garabka hubeysan ee Fatax, ee Shuhadada al-Aqsa – oo laanteeda Lubnaan uu madax u yahay walaalkiis, Mounir – ayaa mar dambe xaqiijisay geeridiisa waxayna ku tilmaameen “mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha golaha militariga ee Daanta Galbeed”.

Tawfiq Tirawy, oo xubin ka mid ah Guddiga Dhexe ee Fatax oo ku sugan Ramallah, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in “dilka sarkaal Fatax ka tirsan uu caddeyn u yahay in Israa’iil ay dooneyso hurinta dagaal buuxa oo gobolka ka qarxa”.

Isha: BBC

Daawo: Madaale oo ka horyimid arrin xasaasi ah oo loo ansixiyey wasaaradda maaliyadda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka hor yimid qaraarkii xalay ka soo baxay golaha wasiirrada ee XFS, kaas oo lagu mamnuucay in lacag lagu qaaday magaca dowladda ay ku dhacdo Akoon aan aheyn khasnadda mideysan ee dowladda oo maamusho wasaaradda maaliyadda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ayaa maanta ka hadlay go’aankaas, isagoo sheegay in canshuurta ay qaadaan aysan quseyn tan dowladda dhexe oo maamulka gobolka ay u gaartahay.

Madaale ayaa ku dooday in maamulka gobolka Banaadir ay dadka reer Muqdisho ka rabaan adeegyo muhiim ah, taasi oo khasab ka dhigeysa inay gaar u qaadaan canshuurta.

“Dowladda Hoose ee Xamar, mar weliba canshuurteeda waa mid madax banaan maxaa yeelay wax-qabad ayaa laga rabaa” ayuu yiri Guddoomiye Madaale.

Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay inay muhiim tahay in la bixiyo canshuurta, maadaama aysan dowladdu waxa qaba karin hadii aysan muwaadiniintu noqon canshuur bixiyaal.

Golaha wasiirrada qararka ay soo saareen ayaa toos u mamnuucaya mashaariic uu ku jiri fayadhowrka caafimaadka oo hoos taga maamulka gobolka, sidoo kale qaraarkaan ayaa meelo badan ka saameynaya lacago badan oo soo geli jiray maamulka gobolka Banaadir.

Durbadiiba Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa soo dhaweeyay qaraarkii Golaha Wasiirrada ee ku saabsanaa maareynta canshuuraha iyo dakhliga dowladda, kaas oo xoojinaya hufnaanta iyo isla xisaabtanka maaliyadeed.

Balse duqa Muqdisho ayaa dhibsaday qararkaas isagoo farriin u diray xukuumadda, una sheegay in canshuurta ay gooni u qaadi doonaan, maadaama laga sugayo adeegyo badan oo dadka reer Muqdisho ay helaan, kuwaas oo dhismaha wadooyinka uu ka xusay.

Hoos ka daawo

Xog: Xamsa oo caawa wajihi doona su’aalo dadweyne oo xasaasi ah – Maxaa socda?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa caawa hortegaya shacabka, si su’aalo looga weydiiyo wixii u qabsoomay labadii sano ee xafiiska uu joogay.

Waxaa socota qaban qaabadii ugu dambeysay kulan dadweyne oo dadku ay su’aalo ku weydii doonaan ra’iisul wasaaraha, waxaana jira dad ku sugan gobollada dalka oo toos su’aalo u soo weydii doona inta kulankaasi uu socdo.

Kulankaas ayaa ka dhacaya magaalada Muqdisho, waxaana toos looga daawa doonaa warbaahinta, sida ay xubnaha qaban-qaabinaya u sheegeen Caasimada Online.

Labo sano ayaa u buuxsantay ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre, waxaana caawa u bilaabanaya toddobaadka bandhigga waxqabadka xukuumadiisa.

Sidoo kale maalinta Sabtiga ah ayaa lagu wadaa inuu Muqdisho ka dhaco kulan weyn oo golaha wasiirrada ay ku soo bandhigayaan waxqabadkoodii labada sano.

Kulankaas ayey wasaarad kasta ku soo bandhigi doontaa wixii u qabsoomay, wuxuuna ahaa doonaa mid toos looga daawado warbaahinta, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xukuumadda Xamsa Cabdi Barre ayaa isku aragta inay wax badan u qabsoomeen labadii sano oo ay jirtay, waxaana laga war sugayaa waxa ay soo bandhigi doonaan toddobaadkaan oo barnaamijyo xariir ah ay caawa u bilaabanayaan.

Xoreynta dalka iyo gaarsiinta nidaamka dowladnimada deegaanadii la xoreeyey ayaa ugu horeeya waxyaabaha ay ku faanto xukuumaddaan, taas oo la wada rumeysan yahay in guulo muhiim ah ay ka gaartay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Heshiisyaddii ugu badnaa oo buray kadib qaraarkii golaha wasiirrada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraarkii xalay ee Golaha Wasiirada ka soo saaray arrimaha canshuuraha iyo dakhliga dalka. Yaa guuleystay, Yaana laga guuleystay?

Iyadoo xalay Golaha Wasiirada XFS uu meel mariyay qaraarka ku saabsan canshuuraha iyo dakhliga dalka ayaa waxaa ka yimid weydiimo kala duwan sida loo kala qaaday arrimo markii hore isku cakirnaa sida dakhliyo shirkado qaadayeen oo ku dhacay koontadooda bangiga, balse Goluhu uu meel mariyay wixii hadda ka dambeeya in lagu shubo Khasnada Mideysan (TSA).

Sidoo kale waxaa Goluhu gebi ahaanba meesha ka saaray ama uu baab’iyay heshiisyo dhawaangal ah oo mid ka mid ah muddo sanad aan shaqeyn.

Waxaa guuldareystay heshiisyadan:-

1- Heshiiska lagu fuliyo adeegyada la socodka koonteenarada ee electrooniga ah (electronic container tracking) oo horay loo galay ayaa muddo sanad ah shaqeyn adeeggan, waana la joojiyay markii uu socon waayay.

2-Heshiiska lagu fuliyo adeega dhaqista
koonteenarada (container cleaning services) oo horay loo galay, heshiiskan oo todobaadyo ka hor ay Wasaaradda Dekedaha ay gashay ayaa inta aan la bilaabin waxaa ka dhashay buuq iyo jahwareer sababi rabay in howlaha Dekedda uu istaago.

3- Heshiiska fayadhawrka ee Dowladda Hoose

Heshiisyadan labo ka mid ah ayaa ahaa mid dhawaanahan la meel mariyay, balse dhaqan gelintiisa ay muran badan ka dhalatay, gaar ahaan shaqsiyaadka qandaraaska la siiyay oo ahaa kuwo iskood macaash doon u ahaa oo ay Mas’uuliyiin shirko kula ahaayeen.

Adeegyada kale ee Golaha Wasiirada inay shaqada sii wadaan, balse lagu xiray in dakhliga ay qaadaan lagu soo shubo Khasnada Mideysan TSA ayaa kala ah:

1- Adeegga SCAN-ka ee Dekedda lagu hubiyo badeecadaha ayaa hoos loo dhigay waxaana qiimaha adeegga laga dhigay 50% iyadoo khidmada ka soo xaroota lagu Qaban ay khasnada mideysan TSA.

2- Quality Control Ama Fayadhowrka Badeecadaha oo markiisa hore heshiiskiisa ay daba socotay World Bank oo halka ay ku dhacdo lacagta laga qaado ganasactada oo ahaa 80 dollar laga qaadi jiray Kunteenarka, isla markaana shirkad shaqsi ku dhici jirtay ayaa xalay qandaraaska laga joojiyey.

Hase ahaatee waxaa loo wareejiyay in ganacsatada shahaadada ka soo qaataan
Shirkada Bureau Veritas oo ah shirkadaha ugu weyn adduunka.

Haddaba Shirkadaas ma aqbali doontaa in shaqsiyad shirkad ay leeyihiin lacag aan dowlada ogeyn usoo shubto ama akoon shaqsi siiso.

Maxeyse dowladda ku leedahay? Maxeyna shaqsiyaadka leeyihiin. Maxeysa shirkada leedahay? Maxaana laga dhimay maadaama shirkado badan la joojiyay ama lacag dhimis lagu sameeyay? Waa su’aallo u yaal Wasiirka Maaliyadda.

3- Guddiga gadiidka oo in muddo ah qaadan jiray lacago tiro badan oo aan shacabka wax badan loogu qaban jirin xalay qaraarkii Golaha wax weyn oo looga bedelay ma jirin, balse lagu soo koobay oo kaliya in Wasaaradda Gaadiidka ay ka soo warbixiso, taasoo macnaheeda tahay ganacsatada wakhtiga haloogu dheereyo, ugu dambeyn muddo kaddib si loo iloobo, taasna waxay caddeyneysaa in jilbaweynta heysato laga cabsaday oo la iska dhaafay.

Isku soo wada duuboo dhammaan arrimihii xalay Golaha Wasiirada soo saareen waxaa u kala bixineynaa Yaa Guuleystay, Yaa Guuldareystay Winners and Losers

1- Container trucking (losers )
2- Container cleaning( losers)
3- SCAN (losers )
4- Faya dhoorka Dowladda Hoose ( losers)
5- Quality Control( Winner)
6- Guddiga Gaadiidelyda. (Winner)

W/Q: Abdiaziz Golfyare

Itoobiya oo soo saartay hadal uga sii dari kara xiisadda Soomaaliya – Muxuu yahay?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in aysan jirin cid ka joojin karta in dhaq-dhaqaaqyo ay ka sameyso gudaha Soomaaliya, xilli uu meel xasaasi ah mareyso xiisadda labada dal.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya Nebiyu Tedla oo dhawaan la hadlay warbaahinta maxalliga ah ee Itoobiya ayaa ku dooday in Itoobiya ay xaq u leedahay inay qaado tallaabo difaac, xitaa haddii ay tahay gudaha Soomaaliya.

“Ma jirto awood joojinaysa Itoobiya in ay tallaabooyinka lagama maarmaanka ah qaadno iyada oo aan cidna ogolaansho weydiisanayn. Itoobiya iyo dowladaha gobolkuna waxay ka wada shaqayn doonaan midaan,” ayuu yiri Nebiyu Tedla.

Waxa uu intaas kusii daray “Ma jirto sabab ay u ogolaan doonto Itoobiya awood kasoo horjeeda danaheeda in ay kasoo dhex baxdo Soomaliya.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in gudaha Itoobiya wax kasoo horjeeda ayna Soomaaliya kasoo dhex bixi karin, taas oo ula jeedo in Shabaab-ka saldhigtay gudaha Soomaaliya uu khatar amni ku yahay Addis Ababa.

Hadalkan ayaa uga sii dari kara xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya oo haatan maraysa meel xasaasi ah, xilli ay fashilmeen laba wada-hadal oo Turkiga garwadeen ka ahaa, kadib markii ay dhinacyadu isfaham ka gaari waayeen arrimaha la isku hayo.

Sidoo klae waxa uu kusoo aadayaa xilli Soomaaliya ay meel adag iska taagtay in Itoobiya ay qeyb ka noqoto howl-galka cusub ee Midowga Afrika, kadib marka uu dhamaado bixitaanka ciidamada howl-galka ATMIS oo qeyb ka yihiin kuwa Itoobiya.

Sababta ugu wayn go’aankaas ayaa waxay tahay in khilaaf xoogga uu ka dhaxeeyo labada dawladood ee dariska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Sababahana waad garaneysaan xaaladda iyo xiriirka dawladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed ay hadda maanta la leeyihiin Itoobiya ayeysan suurtagal noqonaynin in ay ma aragtay cidamadaas Itoobiya ay Soomaaliya sii joogaan,” ayuu bishii June shaaciyay Xuseyn Macallin oo ah La-taliyaha amniga qaran ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xeeladeystay iyo xujo labaad oo hortaalla

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Inay madaxda u jawaabto shacabkooda waa nooc kamid ah dhaqamada wanaagsan ee hoggaanka casriga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo shacabka caasimadda ayaa fooda isdaray asbuucan kadib markii ay dadka u adkeysan waayeen culeyska dhaqaale ee caasimada ka jira, canshuuraha xad dhaafka ah, lacagaha shirkadaha gaarka ah lagu guranayo iyo dhibaatada lagu hayo bajaaj-leyda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isku-dayay bilowgii hore inuu inkiro dhibaatada dhaqaale ee taalla caasimadda iyo caqabadaha ay ka cabanayaan bulshada.

Laakiin inkiraadiisi ayaa la kulantay fal-celin shacab oo uusan fileyn, waxaana xigay banaanbaxyo iyo shaqo joojintii ganacsatada suuqa Bakaaraha.

Xasan Sheekh ayaa lagu qasbay inuu dib u saxo qaladaadkii ku jiray laba farriin oo uu kaga hadlay culeyska dhaqaale ee caasimadda.

Sixidu waxay u baahatay inay noqoto shaqo ficil ah, wuxuuna madaxweynaha sida muuqata ku qancay in aanay dadka hadal cidlo ah ku dageynin.

Laba tallaabo oo Xasan Sheekh iyo nidaamkiisa ay qaadeen 48 saac ee lasoo dhaafay ayaa madaxweynaha ka dejisay culeyskii ka taagna magaalada Muqdisho.

Mid waa arrinta bajaaj-leyda, midna waa cabashadii ganacsatada ee la xiriirtay dekedda magaalada Muqdisho.

Lacag 115 dollar ah oo sharci darro aheyd ayaa laga dulqaaday bajaaj-leyda, lacagahaas ayaa ku dhici jiray akoono iyo jeebabka shaqsiyaad gaar.

Culeyskii ka jiray dekedda magaalada Muqdisho ayaa laga gaaray is-afaham, ayada oo ganacsatada suuqa Bakaaraha ay bilaabeen inay dib u furaan goobahooda ganacsiga.

Intii ay jirtay xiisaddan madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lumiyay shacbiyad xoog leh, waxaana kooxdiisa si aan qarsooneyn ay ugu soo qanacday inay mucaaradka qaar ka faa’iideysanayaan carrada shacabka, madaxweynuhuna uu sii wiiqmi doono haddii uusan tallaabooyin qaadin.

Tallaabooyinka hadda la qaaday marna waa badbaada danyarta marna waa badbaadada Xasan Sheekh, laakiin midda muhiimka ah ee u baahan in aad loola socdo waa dhaqan-galka go’aamada hadda soo baxay.

Dadka qaar ayaa aaminsan in go’aamadan lagu daminayo xaaladda, balse maalmo kadib ay wax walba halkoodii ku laaban doonaan.

Laakiin dadka ay arrintan sida gaarka ah u damqineyso waxaa laga rabaa inay isha ku hayaan dhaq-dhaqaaqa fulinta go’aamadan oo haddii uu xaalka halkii hore ku laabto waxaa lagu qasbanaan doonaan in deg-deg loo diido, maadaama ay yihiin culesyo aan la qaadi karin iyo ballan ka baxyo.

FIQI oo shaaciyay xog cusub oo ku saabsan wada-hadallada Somalia iyo Ethiopia

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan halka ay marayaan wada-hadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wasiir Fiqi ayaa shaaca ka qaaday xog cusub oo ku aadan wada-hadalladan, isaga oo hoosta ka xariiqay in wax kasta ay ka socon waayeen dhinaca Itoobiya oo uu sheegay inay weli adkeysaneyso damaca ay ku dooneyso biyaha iyo dhulka Soomaaliya, taasina aysan dhici doonin.

Fiqi ayaa xusay in Soomaaliya aysan marnaba ka tanaasuli doonin mowqifkeeda ku aadan ilaalinta madax banaanida dalka, ayna wada-hadalladan socda u aqbaleen xiriirka iyo saaxibtinimada kala dhexeysa Turkiga oo dhex-dhexaadinayo Muqdisho iyo Addis Ababa.

“Wadahadallada dhex-dhexaadinta ah ee Turkiga ka dhex wado Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaan u aqbalnay xiriirka xooggan oo aan la leenahay Turkiga iyo Aduunka arko in Soomaaliya ay diidaneyd wada kasta oo sax ah” ayuu yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in wareegga soo socda uu ka soo baxo xal ku saleysan ixtiraamka shuruucda caalamiga ah.

“Waxaan rajeynayaa in wareegga soo socda (wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya) uu ka soo baxo xal ku saleysan ixtiraamka shuruucda caalamiga ah,” ayuu yiri wasiir Fiqi oo rejo wanaag ka muujiyay wada-hadallada soo aadan xilli ay fashilmeen labadii kulan ee hore.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan rabaa in aan caddeeyo in Soomaaliya ay ganacsi ahaan u furan tahay oo kaliya heshiisyada faa’iidada leh ee lala galo Itoobiya. Ma ogolaan doono in badda lagu galo qaab ciidan iyo mid madax banaan, sidoo kale ma ogolaan doono joogitaan ciidan oo waqti dheer iyo mid gaaban ah”.

Si kastaba, xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska badda ayaa gaartay meeshii ugu xumeyd, waxaana si weyn looga dareemay gobolka, mana jiro illaa iyo hadda wax isku soo dhawaasho ah oo ay sameeyeen labada dal oo ku aadan xiisadda dhex taalla.

Gaari ay la socdeen dad shacab ah oo lagu gubay MUDUG – Yaa gubay?

0

Camaara (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya koonfurta gobolka Mudug ayaa sheegaya in deegaanka Dhaankalle oo qiyaastii 7 km u jira  Camaara lagu gubay gaari xamuul ah oo ay la socdeen dad shacab ah, kadib markii ay waddada u galeen Al-Shabaab.

Gaariga oo uu noociisu ahaa Biijii ayaa kusii jeeday dhinaca magaalada Gaalkacyo, waxaana sidoo kale uu siday raashin, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Dadka shacabka ah ee baabuurka la socday ayaa lasoo wariyay inay goobta ka baxsadeen, markii ay ka war heleen inay kusoo wajahan yihiin xubnaha Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in maleeshiyaadka Al-Shabaab ee jidka u galay baabuurkaas ay dab qabad siiyeen, kadibna ay isaga dhaqaaqeen halkaasi.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo madaxda Galmudug oo ku aadan falkaasi lagu gubay gaariga sidan raashinka.

Camaara ayaa waxaa weli agagaarkeeda ku sugan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo inta badan weeraro gaadmo ah ku qaada fariisimaha ciidamada ee ku yaalla gobolka Mudug.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa howlgallada ka socda Galmudug ay u muuqdeen kwua hakaday, taas oo fursad siisay maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan gobollada dhexe.

Arrinta kale ee culayska leh ayaa ah in deegaanadaas ay dib uga qarxeen dagaal beeleedyo lagu eedeeyay inay sii horineyso koxoda Al-Shabaab.

Rag halis ah oo lagu qabtay MUQDISHO, kadibna laga helay….

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Maxamed Axmd Diiriye (Yabooh) oo wareysi siiyay Telefishinka Soomaali Cable ayaa ka hadlay arrimo la xiriira ammaanka Muqdisho iyo howlgallada ka socda.

Yabooh ayaa si gaar ah uga warbixiyay rag halis oo uu isaga gacanta kusoo dhigay xilli uu marayay waddo kamid ah magaalada Muqdisho, kuwaas oo uu sheegay in ay sawir ka qaadayeen xarun dowladeed oo ku taalla gudaha caasimada.

Guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir ayaa sheegay in raggaasi ay ahaayeen laba nin oo watay mooto, isla markaana uu ka daba yimid, iyaga oo ku howlan sawirka xerada oo uusan carab baabin, kadibna waxa uu tilmaamay inay ka shakiyeen oo ay waydiiyeen su’aallo dheeraad ah.

“Daraad aniga oo meel socda ayaa waxaan ka daba imid laba nin oo mootada laba Lugaaleyda ah saaran oo meel darbi ah sawiraayo waan istaajinay taleefannadii iyo wixii ayaa laga qaaday waa la fiiriyay wixii ay sawirayeen ayaa la fiiriyay maxay ahaayeen waxaad sawiriseen ayaan ku iri? waxay dheheen waan iska sawireynay, meesha ay sawiraayeen waxay ahayd xero dowladeed” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga.

Intaas kadib waxa uu hoosta ka xariiqay inay raggaasi ku wareejiyeen hay’adaha amniga si loogu sameeyo baaritano dheeraad ah, si loo hubiyo waxa ay yihiin.

“Aniga iskama sii dayninee waan soo waday meel ay hay’adaha amniga joogeen ayaan keenay waa la baaray waxaa la arkay inay halis ahaayeen markii dambana waxaa lagu wareejiyay dadka ku shaqada leh” ayuu mar kale yiri Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh).

Guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka oo hadalka sii wata ayaa xusay in baaris dheer kadib raggan laga helay sawirrada askar, dhar ciidan iyo bistoolado.

“Kadib baaris dheer waxaa taleefanooda laga sii helay wax badan askar ayaa laga helay, dhar askar ayaa laga helay, bistoolado ayaa laga helay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu yiri “In qofka meel joogo la waydiiyo oo la yiraahdo maxaa qabaneysay? wax colaad ah ma’ahan, mana aha wax qalqal-gelin ah”.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka dhacayay weeraro ay soo abaabushay kooxda Al-Shabaab, haddana sidaas oo ay tahay waxaa ka socda howlgallo ay iska kaashanaayaan ciidamada Booliska, Nabad-Sugidda iyo kuwa Xasilinta caasimada.

Sawirro: Barnaamij noociisu ku cusub yahay dalka oo ajaanib badan lagu baray Afkeenna

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Barnaamij noociisu ku cusub yahay dalka ayaa waxaa ajaanib badan lagu baray Afkeenna Hooyo ee Soomaaliga, kaasi oo kaalin mug leh ka qaadatay Akaademiyadda SODMA.

Akaadeemiyadda Somali Digital Media Academy (SODMA) ayaa tababar muddo saddex bilood ah socday u soo gaba-gabeysay qaar kamid ah jaaliyadaha Carabta ee ku nool Soomaaliya, kuwaas oo la barayay asaasiyaadka luqadda Soomaaliga.

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qeyb-galay mas’uuliyiin ka kala socday wasaaradda waxbarashada iyo akadeemiyada cilmiga dhaqanka iyo fanka Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale.

Dhammaan xubnihii goob jogaa ka ahaa madasha ayaa boogaadiyay shaqada ay qabatay akadeemiyada SODMA, maadama ay barnaamijka sameysay uu yahay midkii ugu horeeyay ee laga sameeyo dalka, kaasi oo ah in luuqada Afka Soomaaliga lagu baro dadka ajaanibta ah.

Tan ayaa kaalin mug leh ka qaadaneysa isdhex-galka bulshada Soomaaliyeed, maadaama ay u hayaan howlaha kala duwan sida; isbitaalada iyo Jaamacadaha ku yaalla dalka.

Barnaamijkaan oo loogu magacdaray TAWAASUL ayaa waxa uu ujeedkiisu yahay in luuqadda Soomaaliga lagu baro waalalaha Carbeed ee dalkeena ku soo badanyay sanadihii dambe.

Dhinaca kale, Akadeemiyada SODMA oo ah xarun lagu barta culuumta Saxaafadda Dijitaalka ah ayaa soo kale dhowaan bilaawday barnaamij loogu magic daray (Bayaan) kaasi oo luuqada carabiga lagu barayo dadka daneynaya, waxaana barnaamijka bixinaya macalimiin u dhashay dalka Sudaan.

Isku soo wada duubo, Akadeemiyada SODMA ayaa soo saartay dhallinyaro badan oo ay bartay xirfadaha muuqaal toobista iyo sameyntooda iyo culuumta la xariirta Saxaafadda Dijitaalka ah.

Dagaal culus oo ka dhex qarxay ciidanka K/Galbeed iyo maleeshiyaad hubeysan

0

Wanlaweyn (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyay ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad hubeysan uu ka qarxay deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii saaka ciidanka Koonfur Galbeed ay weerar ku qaadeen maleeshiyaad hubeysan oo ku sugan deegaanada Yaaqbariweyne iyo Kaba Hirig oo hoostaga degmada Wanlaweyn, waxaan xigay dagaal toos ah.

Ujeedka howlgalka ay qaadeen Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay inay uga hortagayaan isbaarooyin ay maleeshiyaadkaas soo dhigteen aagga lagu dagaalamay, kuwaas oo ay saraakiisha sheegeen in lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah.

Labada dhinac ayaa inta uu socday dagaalka isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, mana cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee soo kala gaaray.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u aad kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa aagga deegaanka Yaaqbariweyne oo ay isku aruursanaa labada ciidan.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa bilaabay in ka barakacaan goobaha lagu dagaalamayo, si ay uga fogaadaan waxyeelada kasoo gaarta dagaalka ka qarxay halkaasi.

Colaaddan ayaa maalmihii u dambeeyay ka taagneyd gobolka, waxaana xiisaddan ay ahayd mid soo taagnayd bilihii lasoo dhaafay, taas oo haatan isku beddashay gacan ka hadal.

Mas’uuliyiinta kasoo jeeda deegaannada lagu dagaalamay ayaa iyaguna horay ugu eedeeyay Koonfur Galbeed inay dhibaato ka wada halkaasi, ayna iska dhici doonaan, waxayna ku doodeen in ciidamada deegaanka ku sugan halkaas ay u joogaan la dagaalanka Al-Shabaab.

Shabeelaha Hoose ayaa waxaa haatan ka taagan xiisado xoogan, waxaana ay ahayd dhowaan markii sidaan oo kale loogu dagaalamay degmada Qoryooley ee gobolkaasi.

DF oo ITOOBIYA ku eedeysay dilka 20 kun oo Soomaali ah iyo burburinta…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, isaga oo ka jawaabay hadallo kasoo yeeray mas’uuliyiinta Addis Ababa.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in mas’uuliyiinta Itoobiya qaarkood ay isku dayayaan in ciidamadooda ay si qasab ah ku joogaan gudaha Soomaaliya, iyaga oo ku doodaya in uu dhiig badan kaga baxay muddada ay joogeen dalka, maadaama ay qayb ka yihiin ATMIS.

Axmed Macallin Fiqi ayaa ganafka ku dhuftay in aysan suuragelin karin arrintaasi, isaga oo xusay in ciidamada Itoobiya ay qudhooda gacan ka geysteen dilka in ka badan 20 kun oo Soomaali ah sanadihii u dhexeeyay 2007-2008, sidoo kalena ay burburiyeen hanti dadweyne, ayna sababeen barakaca 800 kun oo qof.

“Waa jiraan Ciidamo Itoobiya iyo guud ahaan howlgalka ATMIS uga dhintay dagaalka lagula jiro Khawaarijta balse taas micnaheedu ma ahan aan baddaada iyo dhulkaaga qaato, intaas waxaa ka badan inta nooga dhintay si dalka looga xoreeyo gumeysiga” ayuu yiri Fiqi.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan arkaynaa in mas’uuliyiin Itoobiyaan ah ay isku dayayaan in ay ciidamadooda qasab ku sii joogaan Soomaaliya, kuwaasi oo u dhaqmaya sidii ciidan aan ka tirsaneyn howlgalka ATMIS, taasina sax maaha, go’aanka dalalka kamid noqonaya howlgalka cusub ee Soomaaliya wuxuu u yaalla dowladda Federaalka”.

Waxaa kale oo uu wasiirka arrimaha dibadda intaasi kusii daray in aysan jirin wax gooya qiimaha wadajirka dhuleed iyo badeed ee Soomaaliya, hadii ay tahay maal ama dhiigba.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhowaan madaxweyne ku xigeenka Xisbiga Barwaaqo ee haya talada dalka Itoobiya Aadan Faarax Ibraahim uu sheegay in Itoobiya ay dadaal badan gelisay amniga Soomaaliya, ayna askar uga dhinteen, isaga oo sidoo kale xusay in labada waddan ay wadaagaan xuduud dheer, isla markaana shacabka labada dhinac ee xiga dhanka xuduudda ay yihiin dad walaalo ah oo wadaaga dhaqan, diin iyo isir.

Si kastaba, arrimaha ayaa kusoo beegmaya iyada oo weli halkeeda ay tahay xiisadda diblumaasiyadeed ee u dhexeysa Addis Ababa iyo Muqdisho, taas oo ka dhalatay heshiiska badda ee uu ra’iisul wasaare Abiy Axmed la galay maamulka Somaliland.

Wararkii ugu dambeeyay madaafiic lagu garaacday duleedka MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Onine) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha weerar culus oo loo adeegsaday madaafiic oo xalay dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ku garaaceen xaafado dhaca duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Madaafiicda oo ahaa kuwa is daba joog ah ayaa lala beegsaday xaafadaha Macaani, Siinka Dheere iyo qaybo ka mid ah deegaanka Ceelasha Biyaha, halkaas oo maalmihii u dambeeyay howlgallo amni xaqiijin ah ka wadeen ciidamada ammaanka ee dowladda.

Weerarkan ayaa dhacay xalay shaq-dhexe, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in mar qura ay hurdada kasoo tooseen, kadib markii ay ku bilowdeem madaafiic xoogan.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, mana jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dhacdooyinkan.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobaha la duqeeyay ku sugan ciidamada NISA iyo kuwa Boolis Milataaro oo iyaguna saaka dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay halkaasi.

Waa weerarkii labaad ee muddo 24 saac gudahood ay kooxda Al-Shabaab ka fulineyso duleedka Muqdisho, waxayna ahayd isla shalay markii xaafadaha haatan lagu garaacay madaafiicda ay ka dhaceen laba qarax oo mid kamid ah ciidamada ay fashiliyeen, halka kan kale oo ahaa ismiidaamin lagu beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-sugidda.

Ugu yaraan 5 askari ayaa lagu dilay goobta, halka lagu dhaawacay tiro kale oo intaasi ka badan, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya.

Si kastaba, weeraradan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Muqdisho ay ka taagan tahay xaalad adag oo dhanka amniga ah, kadib markii ay Shabaab ay kordhiyeen weerarada caasimada.

GOLAHA WASIIRRADA oo soo saaray qaraar xasaasi ah oo ku saabsan…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo xalay yeeshay kulan caadi aheyn oo uu guddoominayey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa soo saaray qaraar muhiim ah.

Qaraarkan oo ku saabsan canshuuraha, gaar ahaan mamnuucidda in dakhli dawladeed lagu shubo ama Lagu hayo koonto nangi ee aan ahayn khasnadda mideysan (TSA)

Golaha wasiirrada ayaa meel-mariyay qaraarka qodobadiisu hoos ku qoran yihiin:

Qodobka 1: Joojinta in dakhli dawladeed lagu shubo ama lagu maareeyo koonto bangi oo aan ahayn khasnada mideysan (TSA).

1. Sida ku cad Qodobka 2(1)(r) iyo Qodobka 4-aad ee Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019, dhammaan dakhliga Dawladda Federaalka Soomaaliya waa in lagu shubaa, laguna maamulaa Khasnadda Mideysan oo keliya (TSA).

2. Si waafaqsan Qodobka 4(2) iyo Qodobka 42(4), waxaa mamnuuc ah in dakhliga Dawladda lagu qabto ama lagu hayo koonto bangi oo aan ahayn Khasnada Mideysan (TSA).

3. Si waafaqsan Qodobka 4(3) ee Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019, dakhliga Dawladda Federaalka waxa ku jira dhammaan lacagaha ay qabtaan hay’adaha Dawladda, iyo sidoo kale dhammaan lacagaha lagu soo ururiyo magaca hay’ad Dawladeed, ama midka Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin balse aan ku xaddidnayn dhammaan canshuuraha, khidmadaha iyo ganaaxyada kala duwan ee loo ururiyo si waafaqsan shuruucda iyo xeerarka kala duwan ee dhaqan-galka ah.

Qodobka 2-aad: Hay’adda dowladda mas’uulka uga ah dakhli ururinta

1. Sida ku cad Qodobka 8(2) ee Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019, Wasaaradda Maaliyadda ayaa ah hay’adda kaliya ee u xilsaaran ururinta, maareynta iyo la socodka dhammaan noocyada kala duwan ee dakhliga Dowladda Federaalka Soomaaliya.

2. Iyada oo aan waxba loo dhimayn doorkooda bixinta adeegyada Dawliga ah, dhammaan hay’adaha kale ee Dawladda, ha ahaadan rayid ama ciidan, waxaa ka mamnuuc ah, inay si iskood ah u ururiyan ama u maareeyaan dakhliga Dawladda, oo ay ka mid yihiin balse aan ku ekayn dhammaan canshuuraha, khidmadaha iyo ganaaxyada kala duwan.

Qodobka 3-aad: Dejinta Tacriifadaha

1. Si waafaqsan Qodobka 6(b) iyo Qodobka 108 ee Sharciga Maamulka Dakhliga, 2019, Wasiirka Maaliyadda oo kaliya ayaa awood loo siiyay dejinta iyo wax-ka-bedelka dhammaan tacriifadaha saldhiga u ah noocyada kala duwan ee dakhliga Dawladda oo ay ka mid yihiin balse aan ku ekayn tacriifadaha dhammaan canshuuraha, khidmadaha iyo ganaaxyada kala duwan.

2. Iyada oo aan waxba loo dhimayn doorkooda dhaqan-gelinta iyo fududaynta bixinta noocyada kala duwan ee dakhliga Dowladda, dhammaan hay’adaha kale ee Dawladda, ha ahaadan rayid ama ciidan, waxaa ka mamnuuc ah dejinta iyo wax-ka-bedelka dhammaan tacriifadaha saldhiga u ah noocyada kala duwan ee dakhliga Dawladda oo ay ka mid yihiin balse aan ku ekayn tacriifadaha dhammaan canshuuraha, khidmadaha iyo ganaaxyada kala duwan.

3. Iyadoo u-hoggaansamaysa Qodobka 6(b) iyo Qodobka 108 ee Sharciga Maamulka Dakhliga, 2019, Wasaaradda Maaliyaddu waa in ay sahan dhamaystiran ku samayso dhammaan tacriifadaha hadda jira ee la xiriira ilaha kala duwan ee dakhliga Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo hubiyo in dhammaan tacriifadahaas, oo ay ku jiraan kuwa canshuuraha, khidmadaha, iyo ganaaxyada, ay la socon kara xaaladaha dhaqaale ee Dalka.

Qodobka 4: Dib-u-eegista Heshiisyada iyo Qandaraayadda aan waafaqsanyn Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019 iyo Sharciga Iibka ee Qaranka 2016.

1. Si loo hubiyo u hogaansanaanta qodobbada sharciga islamarkasna looga hortago khataraha maaliyadeed ee ka dhalan kara, waa in dhammaan heshiisyada saamaynta maaliyadeed leh ee dhaqan-galka ah ee sharciga baalmarsan la waafajiyaa Sharciga Iibka ee Qaranka, 2016, iyo Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019.

2. Dhammaan heshiisyada caalamiga ah ee saamaynta maaliyadeed leh ee Dawladda Federaalka Soomaaliya kula jirto shirkadaha shisheeye waa in dib u eegis lagu sameeyo lana waafajiyo sharicga marka wakhtigoodu dhammaado kahor inta aan la cusboonaysiin.

3. Wasaaradda Maaliyadda waxaa la farayaa in ay hortabin siiso si joogta ahna u bixiso kharashaadka ka dhasha heshiisyada Dawladdu kula jirto shirkadaha gaarka loo leeyahay si looga fogaado ganaaxyada sharci ee ka imaan kara.

4. Qararkan waxaa lagu baabi’iyay dhammaan heshiisyada hoos ku xusan:

(b) Heshiiska lagu fuliyo adeegyada la socodka koonteenarada ee electrooniga ah (electronic container tracking) oo ay horay loo galay.

(t) Heshiiska lagu fuliyo adeega dhaqista koonteenarada (container cleaning services) oo horay loo galay.

(j) Heshiiska fayadhawrka ee Dowladda Hoose.

Ukraine oo weerarkii ugu weynaa oo cirka ah ku qaaday Ruushka – Sidee wax u dhaceen?

Kyiv (Caasimada Online) – Ukraine ayaa Arbacadii shalay ku weerartay caasimadda Ruushka ee Moscow illaa 11 diyaaradood oo ah nuuca aanan duuliyaha laheyn, kuwaas oo uu Ruushku sheegay in difaacooda cirka uu burburiyay dhammaan diyaaradahaasi.

Dowladda Ruushka ayaa qirtay in weerarkaasi uu ahaa mid ka mid ah weeraradii ugu weynaa ee ay ciidanka Ukraine ku bartilmaameedsadaan Moscow, tan iyo markii uu billowday dagaalka Ukraine bishii Febraury ee sannadki 2022-ki.

Dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine oo in muddo ahba dhinacyadu isu adeegsanayeen madaafiicda goobta, diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn, iyo duqeymo cirka ah, isla markaana ka socday tuulooyinka iyo dhulka howdka ah ee bariga Ukraine, ayaa 6-di bishan August waji kale yeeshay, kaddib markii ay Ukraine ciidamo u dirtay gobolka Kursk ee bariga Ruushka dhanka xadka Ukraine.

Wasaaradda difaaca Ruushka ayaa ku warrantay in difaacooda cirka uu dhulka soo dhigay ilaa 45 diyaaradood oo ah nuuca daroonka loo yaqaanno ee dhulka laga hago.

Diyaaradahan ayaa waxaa ku jiray 11 xabbo oo lagu weeraray Moscow, halka 23 lagu diray gobolka xadka ku yaalla ee Bryansk, lix lagu weeraray gobolka Belgorod iyo shan diyaaradood oo lagu kala weeraray gobollada Kaluga iyo Kursk.

Ruushka ayaa dhanka kale horumar ka sameynaya bariga Ukraine, halkaas oo ay ciidamadiisu hadda gacanta ku hayaan ilaa 18 boqolkiiba, waxay sidoo kale dagaal adag kula jiraan ciidamo ka tirsan Ukraine oo weeraray gobolka Kursk ee Ruushka.

Weerarkaas ayaa noqday kii ugu horreeyay oo uu Ruushka lagu qaado tan iyo dagaalkii labaad ee dunida.