25.1 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Daawo: Koofi oo Muqdisho ku soo laabtay kana hadlay musuqii lagu maxkamadeeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online)- Agaasimihii hore ee hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Maxamed Aadan Koofi ayaa maanta ku soo laabtay Muqdisho, kadib ku dhowaad labo sano oo dibadda uu ku maqnaa.

Koofi ayaa dalka ku soo laaba waayey maadaama isagoo maqan lagu soo eedeeyey musuq maasuq, wuxuuna muddo deganaa Nairobi, balse maanta ayuu dib ugu soo laabtay Muqdisho, isagoo musharax ah.

Wuxuu si dulmar ah u eedeeyey raggii ku aoo oogay dacwadihii musuqmaasuqa, isagoo la xiriiriyey Al-Shabaab, isla markaana cabsi ka muujiyey inay weli dowladda ku dhexjiraan.

“Difaaca dalka ayaan Xarardheere iyo Ceeldheer uga jirnay markii nala eedeeyey, anagoo uga qeyb qaadanay af, adin iyo abaabul intaba, balse kuwo ka xumaaday halganka ayaa waxaad ogeydeen nagu eedeeyey, waxaana ka xumahay inay weli nagu dhexjiraan,” ayuu yiri Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka Koofi.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa Koofi ka beri-yeeshay eedeymihii musuqmaasuqa, wuxuuna hadda ka mid yahay musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha Galmudug.

Maanta ayaa Koofi si weyn loogu soo dhoweeyey Muqdisho, waxaana loo qabtay kulan weyn oo masuuliyiintii kasoo qeyb gashay ay hadalo ka jeediyeen, kuna guubaabiyeen damaciisa doonista xilka Madaxweynaha Galmudug.

Hoos ka daawo

Taliyaha Booliska oo talaabo cusub qaaday kadib qaraxyadii looga hortegay duleedka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin iyo saraakiil  uu hogaaminayo ayaa galabta kormeer ku tagay deegaanka Ceelasha Biyaha, halkaas oo saakay lagu fashiliyey qaraxyo waaweyn.

Mudooyinkii dambe Ciidamada ammaanka ayaa aagga deegaankaas ka waday howlgalo lagu xaqiijinayo amniga caasimadda Muqdisho iyo deegannada ku teedsan oo bartilmaameed u ah argagixisada.

Taliyaha Ciidanka Booliiska S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa saraakiisha hogaamineysa Ciidamada amniga ku dhiirigeliyay in la dardargeliyo sugidda amniga, iyo inay sii xoojiyaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Taliyaha oo ay kormeerkaan ku wehliyeen guddoomiyaha gobolka Sh/Hoose, taliyaha qeybta guud ee booliska Banaadir, Taliyaha booliska gaarka ah ee Haramcad iyo saraakiisha qaar kamid ah degmooyinka Muqdisho ayaa ku bogaadiyey ciidanka ku sugan aaggaas naf hurnimada ay sameeyeen.

Dhinaca kale, Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa maanta tegay xaafadda Arbacow ee deegaanka Ceelasha Biyaha, halkaas oo ciidanka amniga ay saakay ku fashiliyeen labo gaari oo Khawaarijtu ay ku soo rareen qaraxyo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Muqdisho.

Ciidamada ammaanka oo ka warhelay dhagarta ay Khawaarijtu soo maleegeen ayaa ku guuleystay inay ka hortagaan qaraxyadaas, Taliyaha NISA oo tegay goobihii lagu fashiliyey dhagartii Khawaarijta ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha hoggaamineysa ciidanka ka howlgala aagaas.

Ugu yaraan afar askari iyo labo qof oo shacab ah ayaa ku geeriyootay Qaraxaas, ciidamada geeriyooday ayaa ku guuleystay inay dadka ka badbaadiyaan dhagartii argagixisada, balse intii ay ku jireen howlgalkaas naf-hurnimada ah ayey ku shahiideen halkaas.

Muxuu yahay xanuunka xoolaha Soomaalida ku dhacay ee looga digay dadka

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Deegaano ka mida dhulka miyiga ee gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa laga soo sheegayaa inuu ka jiro xanuun ku dhacaya xoolaha.

Xanuunkaan oo loo yaqaanno Jadeeco Madow, dadka qaarna u yaqaanaan ku habso ayaa maamulka Galmudug waxaa uu sheegay in uu kaga yimid dhanka dalka Itoobiya.

Sida uu BBC-da u sheegay Dr Suleymaan Maxamed Saalax Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Galmudug ahna Dhaqtar bartay daaweynta cudurrada ku dhaca xoolaha Calaamahadaha lagu garto waxaa ka mid ah:

  • Qandho badan iyo tabar darro
  • Dheecaan sanka uu neefka ka sii deynayo
  • Afka oo neefka uu burburayo
  • Shuban iyo neefta oo dhibeysa
  • Dhogorta oo madoobaanesyo
  • Maahsanaan neefka la soo darseeyso

Waxaana jirta in marka uu xoolaha xanuunkan ku dhaco uu neefku toddobaad kadib dhimanayo.

Maxaa sababa xanuunkan?

Sida uu BBC-da u sheegay Dr Suleymaan, xanuunka waxaa la yirahdaa Jadeeca Madow afka qalaadna waxaa lagu yirahdaa Peste des petits ruminants (PPR).

“Xanuunkan waxaa sababa fayrsas la yirahdo Morbillivirus waxa uuna si khaas ah ugu dhacaa idaha iyo riyo cadka, wuxuu sidoo kale ku dhacaa ugaarta sida Deerada, Biciidka iyo xitaa doofarka Soomaaliya joogo marka cudurkani.”

PPR waxaa markii ugu horreysay1942-kii lagu arkay Côte d’Ivoire, Galbeedka Afrika. Wixii markaas ka dambeeyay cudurku wuxuu ku fiday gobollo waaweyn oo Afrika ah, Bariga Dhexe, Aasiya iyo Yurub. Maanta, in ka badan 70 waddan ayaa halis sare ugu jira qaar badan oo kalena lama oga heerka rasmiga ah ee PPR.

Maxaa hadda keenay inuu aad ugu faafo xanuunkan xoolaha Soomaalida?

“Cudurkan waa cudur faafa, neefta ayayna xoolaha isugu faafiyaan waxa uuna aad ugu dhacaa Idaha iyo Aricadka oo ay Soomaalida aad u dhaqato sababta keentay ayaana ah in aan la koontaroolin maaddaamaa Soomaaliya xadkeeda aysan jirin xakameysa,” ayuu yiri Dr Suleymaan Maxamed Saalax Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Galmudug.

“Caadiyan cudurrada iska tallaabo nidaam loo maamulo ayay leeyihiin kaas oo loo yaqaano Control Transported Disease xadka Soomaaliyana waa iska sii bax oo iska soo gal waxaana xilligaan xagaaga dhaca qabow daran kaas ayaana sii xoojiyay.”

Dr Suleymaan Maxamed ayaa sheegay in xog uruurin ay sameeyeen ay ku ogaadeen in dhammaan deegaanada Galmudug uu ku faafay xanuunkan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ka maamul ahaan ay qaadeen tallaabooyin wax ku ool ah oo la xiriira xanuunka Jadeeca Madow ee faraha ba’an ku haya xoolaha Galmudug.

“Ka maamul ahaan waxaan sameynay daaweyn walow aanan dabooli karin dhammaan baahiyaha Galmudug oo xoolaha ku nool aad ayay u fara badan yihiin, gobollada dariska nala ah sida Puntland iyo Hiiraana waa uu ka jiraa xanuunkan marka wax waan ka qabanay anagoo gaashaneynaa Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.”

Waxa uu sheegay in cudurkan aysan jirin dawo caadi ah oo loogu talagalay laakiin lagu daweeyo daawooyinka antibiyootik la yirahdo gaar ahaan Ceftriaxone, Gentamycin), 5% dextrose, Multivitamins, Meloxicam.

Hase yeeshee sida ugu fiican ee xanuunkan lagu xakameeyo ayaa ah in la tallaalo xoolaha ayuu yiri Dr Suleymaan.

Isha: BBC

Maxay tahay farriinta uu danjiraha cusub ee Shiinaha soo gaarsiiyay Xasan? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku qaabilay madaxtooyada qaanka, danjiraha cusub ee Shiinaha usoo magacowday dalkeenna Mudane Wang Yu.

Madaxweynaha ayaa si rasmi ah uga guddoomay warqadaha aqoonsigiisa safiirnimo danjiraha cusub ee Shiinaha Mr. Wang.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey safiirka cusub sida diirran ee uu u soo bandhigay doonista uu u qabo inuu xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay ahmiyad ay leedahay xoojinta iskaashiga istaraatiijiyadeed ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga iyo amniga.

Safiirka cusub ee Shiinaha Mudane Wang Yu ayaa dhankiisa uga mahad-celiyey shacabka iyo dowladda Soomaaliya soo dhaweynta diirran.

Waxa uuna soo gaarsiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda salaan iyo farriin uu ka siday madaxweynaha dalkiisa mudane Xi Jinping.

Dowladda Shiinaha ayaa kamid ah dowladdaha taageerada siiya Soomaaliya, ayada oo dhowr jeerna ay labada dhinac heshiisyo kala duwan kala saxiixdeen, kuwaasi oo qeyb ka ah horumarinta Soomaaliya.

Ciidanka Itoobiya oo dhaq-dhaqaaqyo cusub ka bilaabay gudaha Soomaaliya

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa maanta dhaq-dhaqaaqyo horleh ka bilaabay gudaha dalka, kuwaas oo si aad ah looga dareemay gobollada ay ka howlgalaan ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in dhaq-dhaqaaqyada ay la xiriiraan bixista ciidamada Itoobiya oo la filayo inay ka wada baxaan dalka Soomaaliya.

Boqolaal ka tirsan ciidamada Itoobiya oo wata gaadiidka gaashaaman ayaa hadda bilaabay inay faarujiyaan saldhigyada ku yaalla gobollada ay ka howlgaan sida Hiiraan, Gedo, Baay iyo Bakool.

Ciidamadan oo qayb ka ah howlgalka ATMIS ayaa hadda hormuud u noqonaya dhimista ciidamada shisheeye ee dhammaanka sanadkan ka baxaya gudaha Soomaaliya.

Bixitaanka ciidamadan waxaa sidoo kale soo dadajisay xiisadda Soomaaliya kala dhexeysa Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska badda ee uu Abiy Axmed la galay maamulka Somaliland.

Arrintan ayaa sidoo kale kusoo aadeysa, ayada oo dhowaan Golaha Ammaanka ee QM ay ansixiyeen howlgalka cusub ee beddalaya ATMIS, kaas oo la filayo inuu bilowdo sanadka soo socda ee 2025, waxaana kusoo biiraya Masar oo ay sidoo kale is hayaan Itoobiya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan raadineyso taageero caalami ah, ayada oo skaashi milatari la yeelaneyso dowladaha waa wayn, waxaana ugu dambeeyay heshiisyo difaac oo lala soo galay dowladaha Masar iyo Sacuudi Carabiya.

Taliyaha NISA oo qaaday tallaabo culus kadib qaraxyadii maanta + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda Soomaaliya, mudane Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo la xiriirta qaraxyadii maanta ka dhacay duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Sanbaloolshe ayaa si deg-deg ah ku booqday goobaha ay qaraxyada ka dhaceen oo kala ah degmada Garasbaaley iyo duleedka deegaanka Ceelasha Biyaha.

Taliyaha ayaa kasoo muuqday xaafadda Arbacow ee deegaanka Ceelasha Biyaha, halkaas oo ay saaka ciidamada NISA ku qarxiyeen gaari ay qaraxyo kasoo buuxiyeen Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya

“Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa tegay xaafadda Arbacow ee deegaanka Ceelasha Biyaha, halkaas oo ciidanka NISA ay saakay ku fashiliyeen labo gaari oo Khawaarijtu ay ku soo rareen qaraxyo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Muqdisho” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Sidoo kale Taliye Sanbaloolshe ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha ku sugnayd goobaha ay qaraxyada ka dhaceen, kuwaas oo la wadaagay xogta weeraradii maanta.

“Ciidamada ammaanka oo ka warhelay dhagarta ay Khawaarijtu soo maleegeen ayaa ku guuleystay inay ka hortagaan qaraxyadaas, Taliyaha NISA oo tegay goobihii lagu fashiliyey dhagartii Khawaarijta ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha hoggaamineysa ciidanka ka howlgala aagaas” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Qaraxa ka dhacay dhanka Garasbaaley oo ismiidaamin ahaa ayaa lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen ciidanka NISA waxaana lagu dilay 5 askari, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale, halka qaraxa ka dhacay duleedka Ceelasha aanu gaysan wax khasaare nafeed ah.

Weeraradan qaraxyada ah ayaa kusoo aaday, ayada oo haatan Muqdisho ay ka taaganayd xaalad cabsi ah oo ku aadan weeraro laga digayay inay ka fuliyaan Al-Shabaab.

Saraakiil Sacuudiyaan ah oo qarsoodi ku yimid MUQDISHO + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil milatari oo ka socda Boqortooyada Sacuudiga ayaa gelinkii dambe ee shalay soo gaaray gudaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay gudaha caasimada.

Saraakiishan ayaa markii ay kasoo dageen garoonka Aadan Cadde horay ka bilaabay booqashooyin, waxayna tageen xerada General Gordan oo ah goob oo uu Imaaraadka ku tababaro ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ujeedka booqashada ayaa ahaa mid ay ugu guurgalayeen xaaladda guud ee xeerada, waxaana lagu sheegay in booqashadaas ay ahayd mid indho-indheyn ah oo kaliya.

Sidoo kale waxaa wafdigan saraakiisha ah ee ka socda dalka Sacuudiga ay kulamo la bilaabeen hoggaanka sare ee wasaaradda gaashaadhigga iyo taliska Ciidanka Xoogga dalka, kuwaas oo looga hadlayo xiriirka iyo iskaashiga ay leeyihiin labada dhinac.

Sida ay ogaatay Caasimada Online qorshaha uu wafdigan u yimid Muqdisho ayaa waxaa qayb ka ah hirgelinta heshiis difaac oo ay horay u wada galeen labada dowladood.

Sacuudiga ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee xiriirka wanaagsan laleh Soomaaliya, wuxuuna hadda doonayaa inuu sii xoojiyo iskaashiga dhinaca milatariga ah, kana qayb qaato dhismaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Maraykanka, Turkiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa horay saamayn ciidan ugu lahaa Soomaaliya, kuwaas oo taageero milatari siiya dowladda federaalka oo haatan dagaal adag kula jirta kooxda A-Shabaab

Sacuudiga waxaa sidoo kale lamid ah Masar oo iyadana dhowaan heshiis difaac la gashay Soomaaliya, sidoo kalena usoo direysa ciidamo ku biiraya howgalka cusub ee beddalaya ATMIS oo la filayo in sanadkan dhammaadkiisa ay ka baxdo guud ahaan dalka.

Xamza oo dhagax dhigay xarun wax badan u tari doonto reer Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Bare oo maanta ka qayb-galay munaasabad ka dhacday degmada Boondheere ee gobolka Banaadir ayaa dhagax-dhigay dhismaha xarun wax badan u tari doonto reer Muqdisho.

Xamza ayaa dhagax dhigay laanta bixinta adeegga Baasaboorrada oo laga hirgeliyey degmada Boondheere, taas oo wax weyn ka tari doonta bixinta adeegga ay hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya siiso dadwaynaha Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa munaasabaddan goobjoog ahaa duqa magaalada Muqdisho, qaar kamid ah xubnaha golaha wasiirada xukuumadda Soomaliya iyo shacabka degmada oo soo dhaweeyay dhagax-dhiga xaruntan cusub.

Ra’iisul Wasaaraha oo madasha ka hadlay  ayaa kula dardaarmay howlwadeennada hey’adda in ay si hufan ugu adeeggaan bulshada, isaga oo intaas ku daray in xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in shacabka loo dhaweeyo adeegyada muhiimka ah ee ay u baahan yihiin.

Sidoo kale waxa uu xusay in hirgelinta xaruntani ay qeyb ka tahay dadaallada Xukuumaddu DanQaran ay ku doonayso in ay kor ugu qaaddo tayada iyo helitaanka adeegyada dadweynaha Soomaaliyeed ay uga baahan yihiin dowladooda.

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa horay sidaan oo kale xarumo uga daah-furtay magaalada Muqdisho, si adeegga loogu dhaweeyey shacabka.

Waxaa sidoo kale dhowaan hay’addu xarun cusub oo laga qaadan doono adeegga Baasaboorka ay ka furtay deegaanka Feerfeer ee gobolka Hiiraan oo dhaca dhanka xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo ah tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday.

Waa kuma ASKARIGA isku dhigay gaarigii ku qarxay duleedka MUQDISHO?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Macluumaad dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar ismiidaamin ahaa oo saaka ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan dhanka degmada Garasbaaley kaas oo gaystay khasaare kala duwan.

Weerarka ayaa waxaa loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay walxaha qaraxa oo Al-Shabaab ay ku beegsatay bar-koontarool oo ay ciidamada NISA ku leeyihiin halkaasi.

Qaraxaan waxaa ku dhintay ugu yaraan 5 askari, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Dadka qaraxan ku dhintay waxaa kamid ah Fahad Salaad Maxamed oo ahaa askari ka tirsan ciidanka Nabad-Sugidda kaas oo sameeyay naf-hurnimo, sida lagu soo xigtay saraakiisha amniga.

Fahad ayaa ahaa darawalka gaarka ah ee taliyaha NISA ee qaybta galbeed, waxaana lasoo wariyay in gaari Cabdi Bile ah oo uu waday uu ku horjaray gaariga siday qaraxa oo doonanay inuu xoog kusoo dhaafo goobta ay ku sugnaayeen ciidamada, waxaana sidaas ku qarxay gaariga, ayada oo marxuumka iyo askar kale ay ku geeriyoodeen goobta.

Wiilkan dhalinyarada ee geeriyooday ayaa lagu amaanay tallaabada geensimada leh ee uu qaaday, ayada oo aad looga hadlay hadal hayo baraha bulshada ee Internet-ka.

Dhinaca kale waxaa jira qarax kale oo ay ka hortageen ciidanka NISA, kaas oo ka dhacay duleedka Ceelasha Biyaha kadib markii ay ciidamadu ka hortageen gaariga kale oo siday qarax.

Weerarkan qaraxa ah ayaa kusoo aadayo, ayada oo Muqdisho ay ka taagan tahay xaalad cabsi ah oo ku aadan weeraro laga digayo inay ka fuliyaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Kooxda reer galbeedka ee deggan Xalane iyo Qaramada Midoobay ayaa mar kale digniin culus kasoo saaray weeraro qaraxyo ah oo ka dhaca magaalada Muqdisho, waxayna sheegeen inay heleen digniin cusub oo ku aadan in caasimada ay ku jiraan gawaari ay ka buuxaan walxaha qarxa, isla markaana la qorsheyneynayo in lagu fuliyo weeraro cusub.

Digniinta ayaa waxaa lagu sheegay in meelaha la bartimaameedsan karo ay ku jiraan baraha koontarool ee laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada, hoteellada ku yaalla caasimada, baraha koontarool ee KM4, waddada Maka Al-mukarama, gaar ahaan Dabka  iyo xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis.

Si kastaba, Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyay wajaheysay xaalad adag oo dhanka amniga ah, kadib markii Al-Shabaab ay kordhisay weeraradeeda, waxaana ugu dambeeyay weerarkii xeebta Liido oo lagu laayay dad badan oo shacab ah oo ku sugnaa halkaas.

Ciidamada NISA oo ka hortegay qarax labaad kadibna…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda, gaar ahaan kuwa NISA ayaa ka hortegay qarax labaad oo la doonayay in lasoo galiyo Muqdisho, kaas oo lagu soo raray gaari ay gacanta ku dhigeen ciidamada kahor inta uusan soo gelin caasimada.

Baabuurka oo ahaa nooca raaxada ayaa lagu qabtay duleedka deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana lagu guuleystay in la qarxiyo, sida ay sheegeen saraakiisha amniga.

Jugta qaraxan ayaa si weyn looga maqlay Muqdisho iyo duleedkeeda, maadaama uu ahaa mid xoogan oo ay kooxda damacsaneyd inay ka fuliso gudaha caasimada.

Waxaa qaraxan ka horreeyay mid kale oo ismiidaamin ahaa oo saaka lagu weeraray xero ciidamo ka tirsan kuwa NISA ay ku lahaayeen degmada Garasbaaley ee gobolka Banaadir.

Qaraxaas oo isna gaari loo deegsaday ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhexeysa xaafadaha Tareedisho iyo Macaani oo ka wada tirsan degmada Garasbaaley ee gobolka Banaadir.

Khasaare kala duwan ayaa lasoo wariyay inuu ka dhashay qaraxa, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo weli wada baaritaano dheeraad ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa durbo sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay aagga degmada Garasbaaley ee gobolka Bamaadir, waxayna sheegtay inay khasaare culus ku gaarsiisay ciidamada dowladda.

Illaa iyo hadda ma jiro faahfaahin dheeraad ah oo ay saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya ka bixiyeen qaraxyadaan maanta ka dhacay duleedka Muqdisho.

Al-Shabaab oo toogasho ku fulisay askar ka tirsanaa JUBBALAND

0

Jilib (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in shalay gelinkii dambe ay Al-Shabaab toogasho ku fuliyeen saddex askari oo ka tirsanaa Daraawiishta Jubbaland oo ay horay ugu qabteen dagaallo ka dhacay gobolkaasi.

Toogashada ayaa ka dhacday fagaare ku yaalla degmada Kamsuuma, waxaana goobta la isugu geeyay dad badan shacab ah, iyada oo sidoo kale ay goobjoog ahaayeen xubno Shabaab ah.

Kooxda ayaa sheegtay in saddexda askari ay horay uga qayb-qaateen dagaallo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan aagga deegaanka Buulo-Xaaji oo dhowaan ay ka dhaceen howlgallo ay guullo waa wayn ka gaareen ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland.

Magacyada saddexda askari ee toogashada lagu fuliyay ayaa waxaa lagu kala sheegay Saciid Cabdow Yuusuf, Maxamed Cabdi Xasan iyo Cabdi Cumar Maxamed, ayada oo kahor toogashadooda ay xukun ku ridday maxkamad hoostaga isla kooxda.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe kordhisay dilalka toogashada ah, waxaana ay horay kooxda sidaan oo kale u dishay askar iyo dad kale oo ay ku eedeysay inay ahaayeen basaasiin ku sugnaa deegaanada ay ka taliso kooxda ee koonfurta iyo bartamaha dalka.

Si kastaba, dhacdadaan ayaa ku soo beegmaya, xilli haatan kooxda ay wajaheyso culays uga imaanaya dowladda Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah oo sare u qaaday howlgallada iyo weerarada cirka ah ee ka dhacaya deegaanada ay joogaan Al-Shabaab.

Xog: Qoor Qoor oo dhibsaday qorshe uu bilaabay Liibaan Shuluq iyo xaalad ka taagan Galmudug

0

Ceeldheer (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Ceeldheer ee hobolka Galgaduud Cabdiraxmaan Axmed Cumar ayaa war culus ka soo saaray safarka uu Galmudug ku marayo musharax Liibaan Shuluq, isagoo ka digay qorshaha ui wato ninkaas.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadka reer Ceeldheer iyo deegaanada hoos taga ay ku jiraan xaalad halgan oo kooxaha Khawaarijta ay isaga xoreynayaan, kuwa iska xoreeyana ay isaga difaacayaan.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Barre ayaa sheegay in qorshaha siyaasiyiintaas uu yahay olole siyaasadeed oo khatar ku ah deegaanka, maadaama dadkaas ay dani ugu jirto inay iskaashadaan oo siyaasadda aysan ku milmin.

“Siyaasiyiintu ma’ahan in olale doorasho ay uga faa’ideestaan arrimaha Ciidanka iyo howlgalada socda, mana ahan wax aan ka yeeli doono, halkaan anaga ayaa ka talina, waxaana madaxweyne ka ah Axmed Cabdi Kaariye, juhdi badan iuo dhiig badan ayaa loo daadiyey Ceeldheer iyo deegaanada hoos yimaada,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Ceeldheer.

Siyaasiga Liibaan Axmed Xasan oo Liibaan Shuluq loo yaqaano ayaa hadda ku sugan degmada Xarardheere, wuxuuna qorsheynayaa inuu safar dhulka ah ku tago Ceeldheer, balse digniin ayaa durba bilaabatay.

Saraakiisha ciidamada deegaanka, guddoomiyaha degmada Ceeldheer iyo xubno kale oo taabacsan Qoor Qoor ayaa toos Liibaan Shuluq ugu sheegay in deegaanka uusan imaa karin.

Maalin ka hor markii Liibaan uu tegay Xarardheere waxaa ka dhalatay xiisad siyaasadeed oo Qoor Qoor uu ka carooday, kadib markii guddoomiyaha degmada Xarardheere uu si cad u sheegay in Galmudug uu ka dhacay muddo kororsi aan loo baahneyn, qasabna ay tahay in deg deg doorasho loo aado.

Shalay Guddoomiyaha Xarardheere Maxamed Yuusuf ayaa raali gelin ka bixiyey hadalkaas, isagoo sheegay in deegaanka uu Qoor Qoor Madaxweyne ka yahay, isla markaana uu qaldamay, balse waxaa la aaminsan yahay in hadalkaas uu ku tashkiiliyey musharax Liibaan Shuluq.

Qoor Qoor ayaa aad u dhibsaday dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee Liibaan Shuluq uu ka wado deegaanada Galmudug, isagoo shalay xilka ka qaaday wasiiru dowlihiisii Madaxtooyada Cumar Shido oo la sheegay in gacan yare uu u yahay Liibaan Shuluq iyo wasiir ku xigeenkii dhalinyarada iyo cayaaraha oo musharax Liibaan ku wehliya safarka uu Xarardheere ku joogo.

Obama oo weerar culus ku qaaday Donald Trump

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynihi ugu horreeyay oo madow ah ee soo mara Mareykanka Barack Obama iyo xaaskiisa Michelle Obama ayaa xalay khudbado ku ruxay hoolka uu ka socdo Shiweynaha Xisbiga Dimoqraadiga ee magaalada Chicago.

Lamaanaha reer Obama ayaa ku boorriyay dadka Mareykanka in ay taageeraan oo ay doortaan murashaxa xisbiga Dimoqraadiga Kamala Harris oo hadda ah madaxweyne ku xigeenka dalka Mareykanka, taas oo doorashada bisha November wajahi doonto madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump.

Obama ayaa markiiba weeraray madaxweynihi isaga uga danbeeyay Aqalka Cad, inkasta oo uusan magac dhabin isla markaana yiri:
“Uma baahnin afar sano oo kale oo qallafsanaan, qas iyo qalaanqal ah. Filimkaas horay ayaan u daawannay, waxanana ognahay in taxanuhu uu kasii darnaan doono intaasi,”

Obama ayaa intaasi raaciayay “Ameerica waxay diyaar u tahay cutub cusub. Ameerika waxay diyaar u tahay sheeko wanaagsan. Waxaan diyaar u nahay madaxweyne Kamala Harris.”

Wuxuu khudbaddiisa ku ammaanay madaxweynaha xilka kasii dagayo, Joe Biden oo sidoo kale ahaa madaxweyne ku xigeenkiisii 8-di sano ee Obama.

“Taariikhdu waxay ku xasuusan doontaa Joe Biden inuu ahaa madaxweyne difaacay dimoqraadiyadda waqti ay khatar weyn ku jirtay, waan ku faanayaa inaan ugu yeero madaxweynahayga, laakiin xitaa waxaan ku faanayaa inaan ugu yeero saaxiibkay,” Obama ayaa intaasi kaddib masraxa ku soo dhaweeyay xaaskiisa Michelle, oo iyaduna jeedisay khudbad fadhiga ka kicisay ergooyinka dimoqraadiga ee shirka ka qeybgalaya.

“America, rajadu waa ay soo laabaneysaa,” ayay Michelle Obama tiri, weedhaas oo ah weedh uu odaygeeda Obama ku dhex yiri khudbaddiisi u horreysay ee ololihiisii doorashada sannadki 2008.

Michelle Obama ayaa iyaduna khudbaddeeda ku weerartay Trump, kuna tilmaantay shakhsi doonayo shaqo ay suuragal tahay in ay noqoto shaqo qof madow.
“Aragtidiisa kooban ee dhaw ee uu dunida ka qabo ayaa ka dhigtay mid dareensan in uu khatar ugu jiro jiritaanka laba qof oo howl-karro ah, tacliintoodu ay aad u sarreyso guulo bandanna gaaray isla markaana madow ah.
Waxay kaloo intaasi sii raacisay: “Yaa u sheega in shaqada uu doonayo in uu helo hadda lago yaabo in ay tahay mid ka mid ah shaqooyinka dadka madow.

Trump ayaa mar uu ku jiray ololihiisa doorashadan ka dhawaajiyay, in dadka muhaajiriinta ah ee kasoo tallaabaya xadka, ay rabaan in ay shaqooyinka ka qaataan dadka madow ee Mareykanka.

Shirweynaha xisbiga Dimoqraadiga ee ka socda magaalada Chicago ayaa lagu wadaa in lasoo gaba gabeeyo Khamiista soo socota

Qarax ismiidaamin ah oo saaka ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo goordhow ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan, loona adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhexeysa xaafadaha Tareedisho iyo Macaani oo ka wada tirsan degmada Garasbaaley ee gobolka Bamaadir.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in qaraxa lala beegsaday bar-koontarool oo ku taalla halkaasi, ayna dagan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-sugidda Soomaaliya.

Ugu yaraan 5 askari ayaa ku dhimatay weerarkan, halka ay ku dhaawacmeen 10 kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab ayaa durbo sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay degmada Garasbaaley ee gobolka Bamaadir.

Weerarkan qaraxa ah ayaa kusoo aadayo, ayada oo Muqdisho ay ka taagan tahay xaalad cabsi ah oo ku aadan weeraro laga digayo inay ka fuliyaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Kooxda reer galbeedka ee deggan Xalane iyo Qaramada Midoobay ayaa mar kale digniin culus kasoo saaray weeraro qaraxyo ah oo ka dhaca magaalada Muqdisho, waxayna sheegeen inay heleen digniin cusub oo ku aadan in caasimada ay ku jiraan gawaari ay ka buuxaan walxaha qarxa, isla markaana la qorsheyneynayo in lagu fuliyo weeraro cusub.

Digniinta ayaa waxaa lagu sheegay in meelaha la bartimaameedsan karo ay ku jiraan baraha koontarool ee laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada, hoteellada ku yaalla caasimada, baraha koontarool ee KM4, waddada Maka Al-mukarama, gaar ahaan Dabka  iyo xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis.

Si kastaba, Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyay wajaheyso xaalad adag oo dhanka amniga ah, kadib markii Al-Shabaab ay kordhisay weeraradeed, waxaana ugu dambeeyay weerarkii xeebta Liido oo lagu laayay dad badan oo shacab ah oo ku sugnaa halkaasi.

James Swan oo DF u xaqiijiyey inay been yihiin digniinaha qaraxyada ee laga soo saaro Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Gudaha XFS Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta kulan la yeeshay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan.

Kulankan ayaa lagu falanqeeyay dhowr qodob oo muhiim ah oo la xiriira xaaladda amni ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray cadeynta digniinaha iyo wargelinta Qaramada Midoobay ee la sheego in ay ka soo saarto amniga dalka, gaar ahaan digniinaha qaraxyada ay sheegaan inay Muqdisho ka dhacayaan.

Isweydaarsiga macluumaadka ku saabsan khataraha ay sababi karaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, qaraxyada iyo halista xeebaha, kadib marxaladda kala guurka ee howlgalka ATMIS.

Kulanka isku-xirka amniga ee FGS-ATMIS-UN-AAIA iyo Warbixin ku saabsan barnaamijka wadajirka ah ee booliska.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa iska fogeeyey in uu soo saaro warbixinno iyo digniino la xiriira amniga Soomaaliya, kuwaas oo muwaadiniinta looga digayo khataro amni in ay ku soo wajahan yihiin goobo la cayimay.

Fariimahaan ayaa lagu arkaa baraha bulshada, balse hadda Qaramada Midoobey ayaa iska fogeysay, inkastoo aan weli la cadeyn cidda soo saarta digniinahaas.

Wasiirka Amniga Cabdullahi Fartaag ayaa sidoo kale uga digay shacabka Soomaaliyeed inay aaminaan farriimaha noocaan ah ee lagu marin habaabinayo bulshada, laguna khal khal gelinayo amniga dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

Wasiir Fartaag ayaa hoosta ka xariiqay in amniga dalka uu yahay mid xasaasi ah, loona baahan yahay in dhammaan dhinacyada ay si taxaddar leh uga shaqeeyaan.

ITOOBIYA oo jawaab ka bixisay talaabo u qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Aadan Faarax Ibraahim oo ah madaxweyne ku xigeenka Xisbiga Barwaaqo ee haya talada dalka Itoobiya ayaa jawaab ka bixiyay hadal dhowaan kasoo yeeray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo sheegay in Itoobiya ay kasoo horjeedo qaranimada Soomaaliya, xilli uu ka hadlayay wada-hadalladii ka dhacay Turkiga.

Aadan Faarax oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa ka falceliyay hadalka madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna tilmaamay inuu ku noqday mid fajac ah, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne ku xigeenka xisbiga Barwaaqo ee Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in hadallada madaxweyne Xasa Sheekh ay gef iyo meel dhaca ku yihiin shacabka deegaanka Somalida ee Itoobiya.

“Waxaa maalmahan fajac iyo yaab nagu noqday hadallada ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaliya, hadalladaas oo aan ka turjumayn waaqica dhabta ah ee maanta jira iyo tagtadii shalay ee halganka Shacabka Deegaanka Soomaalida midnaba, hadalladaasi waxay gaf iyo meel ka dhac ku yihiin shacabka Degaanka Soomaalida” ayuu yiri Aadan Faarax.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya ay wadaagaan xuduud dheer, isla markaana  shacabka labada dal ee xiga dhanka xuduudda ay yihiin dad walaalo ah oo wadaaga dhaqan, diin iyo isir.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in haatan Itoobiya ay ku nool yihiin dad badan oo Soomaaliyeed oo u qaxay kadib burburkii dowladdii dhexe, isla markaana nolol iyo waxbarasho ay ku haystaan waddanka Itoobiya.

Aadan Faarax Ibraahim ayaa ugu dambeyn ugu baaqday madaxda Soomaalida inay ka shaqeeyaan horumarka shacabkooda iyo adkeynta a walaaltinimada labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Si kastaba, hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli halkeeda ay tahay xiisadda diblumaasiyadeed ee u dhexeysa Addis Ababa iyo Muqdisho, taas oo ka dhalatay heshiiska badda ee uu ra’iisul wasaare Abiy Axmed la galay maamulka Somaliland.

Yaa la siiyaa canshuurta ay qaado DF Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo maanta ka qayb-galay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xiisadda ka dhalatay arrinta canshuuraha ee ka taagan magaalada Muqdisho.

Faarax Cabdulqaadir ayaa shaaca ka qaaday in bixinta canshuurta ay muhiim u tahay dowladnimada iyo horumarka dalka, wuxuuna ugu baaqay muwaadiniinta inay bixiyaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale sharraxaad ka bixiyay halka ay ku baxdo canshuurta ay hadda qaado dowladda dhexe, wuxuuna sheegay in la siiyo askarta, macallimiinta, sidoo kalena wax looga qabto horumarka dowladnimada dalkeenna.

“Askarteenna canshuurtaa la siiyaa, macallimiinteenna canshuurtaa la siiyaa waxa dadka loo qabanayo canshuurta waayay dowladnimo ma jiri karto, dalkana ma haysan karno haddii aan canshuur la bixinin” ayuu yiri wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Qofka aan rabin inuu canshuurta bixinin waa inuu ogaadaa dalka inuu dayacan yahay, haddii u dayacmana dhaxal nooma harayo”.

Wasiir Faarax Sheeh Cabdulqaadir oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in xukuumadda uu ka tirsan yahay ay ku howlan tahay qorshayaal ballaaran oo lagu hormarinayo dalka, isaga oo soo hadal qaaday doorashooyinka qof iyo codka ah ee haatan ay ku guda jirto dowladda.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in mardhow ay dhici doonto in codadka laga raadsado dadweynaha, isla markaana rabitaanka shacabka uu guuleysan doono.

“Waxaan rabnaa in siyaasiyiinta ay idin soo raadiyaan oo madaxda idinka idin soo raadiso oo guryaha albaabadooda la’idinku soo garaaco oo idin dhahaan codka isii waan ku baryaa wax fiican ayaan qabanayaa waa ila xisaabtamee” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Ugu dambeyntii wixuu yiri “Meesha ugu horreyso ee doorashadaas laga qabanaayo waa gobolka Banaadir iyo degmooyinkiisa, waa inaan u diyaar garowno isbeddalka soo socda”.

Madaxda HirShabelle oo buux dhaafiyay xafiiska R/W Xamza + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda HirShabelle oo uu gu horreeyo madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada ayaa maanta tegay xafiiska ra’iisul wasaaraha, halkaas oo uu ka dhacay shir looga hadlayay xaaladda maamulkaasi.

Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac, waxaana gooboog ahaa inta badan xubnaha golaa wasiirada iyo guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka ee SoDMA.

Ujeedka shirkan ayaa ahaa mid diiradda lagu saarayay xasilinta deegaannada laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab ee ku yaalla Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Mas’uuliyiina HirShabelle iyo xukuumadda ayaa si gaar ah uga arrinsaday  sidii adeegyada aasaasiga ah loo gaarsiin lahaa, loona qiimayn lahaa mashaariicda ka socota deegaannada Hirshabelle.

Sidoo kale waxaa shirka lagu lafa-guray muhiimadda barnaamijka xasillinta iyo wax-ka-qabashada baahiyaha dadka Soomaaliyeed ee iska dulqaaday culeyska Khawaarijta.

Madaxweynaha Hirshabelle oo madasha ka hadlay ayaa warbixin ka siiyay Xukuumadda safarkii uu dhawaan ku soo maray inta badan degaannada Hirshabelle oo sida uu sheegay ahaa u-kuur-gelidda xaaladda dadka degaannada la xoreeyey.

Dhankiisa Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS ayaa xusay in Xukuumaddu ahmiyad wayn siinayso sidii dadkaas u heli lahaayeen adeegyada aasaasiga ah, sida waxbarashada, caafimaadka, biyo nadiif ah iyo dhismaha maamulka degmooyinka iyo laamaha amniga.

HirShabelle ayaa kamid ah meelaha Al-Shabaab lagu jabiyay wajigii koowaad ee dagaalka, waxaana laga xoreeyay deegaano iyo degmooyin waa wayn oo ka tirsan maamulkaasi.

DENI oo arrimo xasaasi ah la wadaagay Beesha Caalamka + Sawirro

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Deni oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa kulamo xasaasi ah ka wada halkaasi.

Deni ayaa maanta guddoomiyay shir ballaaran oo u dhexeeyay Puntland iyo Beesha Caalamka, kaas oo looga hadlay xaaladda dalka iyo arrimaha Puntland.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa safiirada beesha caalamka ee uu la kulmay la wadaagay warbixin ku aadan horumarka ka socda Puntland gaar ahaan amniga, horumarinta dhaqaalaha, arrimaha bulshada , dimuqraadiyadda iyo fursadsiinta dhallinyarada iyo haweenka, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay soo saartay madaxtooyada Puntland.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhameystiran:-

Nairobi: 20 August 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Dowladda Puntland iyo Wakiillada Beesha Caalamka iyo deeq-bixiyeyaasha oo maanta ku qabsoomay Nairobi.

Wakiillada beesha caalamka iyo deeq-bixiyeyaasha ka qeybgalay Shirka ayaa kala ah : UN, Midowga Europe, Canada, Germany , UK, Sweden , Netherlands, Finland, Denmark, Norway , Switzerland, France , USAID, World Bank iyo African Development Bank.

Dowladda Puntland Ayaa la wadaagtay Beesha Caalamka , horumarka ka socda Puntland gaar ahaan Amniga, horumarinta dhaqaalaha, arrimaha bulshada , dimuqraadiyadda iyo fursadsiinta dhallinyarada iyo Haweenka.

Sidoo kale Dowladda Puntland waxay beesha caalamka kala hadashay xoojinta wada shaqeynta ka dhexeysa Puntland iyo deeq-bixiyeyaasha iyo in la hubiyo in deeqaha Beesha Caalamku ay si siman u gaaraan dadka loogu talagalay.

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa dhinacooda Puntland ugu hambalyeeyay hirgelinta hanaanka dimquraadiyadda Puntland soona dhoweeyay xoojinta wada shaqeynta.

Madaxweynaha waxaa kulanka kala qeybgalay xuhno ka mid ah Golaha Xukuumadda , La-taliyeyaal Madaxweyne , Wakiilka Puntland ee Kenya iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay duleedka Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed maanta ka dhacay deegaan hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed ayaa ka dhacay deegaanka Bidhaan Dheer oo  dhow caasimada Dhuusamareeb, waxaana uu socday muddo ka badan saacad.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhashay muran dhul ku yaalla halkaas oo ay isku haystaan labada beelood ee dagaalamay.

Ku dhowaad 5 qof ayaa ku dhintay dagaalkan, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaas ka badan, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa isugu jiro dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah, waxaana kamid ah nabadoon Cabdiweli Daahir Tooxow oo dhintay, isaga oo dadaallo dhex-dhexaadin ah ka waday halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana goobta lagu dagaalamay ciidamo dheeraad u dirtay Galmudug, si ay u kala dhex-galaan maleeshiyaadka dagaalamaya.

Dhinaca kale colaad tan lamid ah ayaa waxa ay ka taagan aagga degmada Balanballe iyo dhanka deegaanka Qaayib oo dhaca bariga gobolka Galgaduud, halkaas oo ay isu hayaan maleeshiyaad beeleedyo indhowaanahan ku dagaalamayay halkaasi.

Galmudug ayaa haatan wajaheyso xaalad adag oo ka dhalatay colaad beeleedyada kasoo cusboonaaday gobollada dhexe oo saameyn ku yeeshay bulshada deggan halkaasi.