24.8 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Daawo: DF Soomaaliya oo dalacsiisay saraakiil sameeyay naf hurnimo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka qabsoomtay munaasabad heer sare ah oo lagu dallacsiinayo saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo sameeyay naf hurnimo.

Saraakiishan ayaa qeyb ka ah dhiiri-gelinta saraakiisha ciidanka ee geesiyaasha ah, iyada oo horey dowladda dallacsiin ugu sameysay saraakiil kala duwan, sida uu sheegay wasiirka gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ka hadlay munaasabadda.

Wasiir Jaamac ayaa sheegay in inta uu socday dagaalka Al-Shabaab dalka looga saarayo saraakiil badan la dallacsiiyay kuwa kalena la abaal marin doonaa dhowaan.

“Dagaalka Al-Shabaab dalka looga saarayo saraakiil badan ayaa lagu dallacsiiyay kuwa kale ayaa harsan oo la abaal marin doonaa,” ayuu yiri wasiirka difaaca Soomaaliya.

Saraakiisha, saraakiil xigeennada iyo hoggaannada kala duwan ee ciidanka ayaa lagu abaalmariyay, laguna dalacsiiyay kartida iyo dhabar adayga ay ka muujiyeen dagaalka Shabaab lagula jiro, iyadoo qorshuhuna yahay in kuwa harayna loo sameeyo dallacsiin.

Wasiirka difaaca ayaa sheegay in dallacaaddu ay gaartay dhammaan saraakiisha kale ee howl-gallada ka wado geyiga Soomaaliyeed, kuwaas oo ku sifoobay naf-hurnimo iyo in ay godadka ugu daataan cadowga curyaamisay horumarka dalka iyo dadka, sida uu sheegay.

Dhinaca kale, Taliyaha ciidanka xoogga dalka S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxuddiin oo isna ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in dallacsiintu ay muddo soo socotay ayna sii wadi doonaan abaalmarinta saraakiisha, isagoo xusay in lagu qiimeyn doono karti iyo waajib gudasho.

Sidoo kale, taliyihii hore ee ciidanka XDS S/Gaas Odowaa Yuusuf Raage oo goobta ka hadlay ayaa isna tilmaamay in saraakiisha dallacday ay guteen waajibaadka qaranka ee saaran, ayna taas ku muteysteen abaalmarinta.

Waxa uuna tilmaamay in qaranku uu ogyhay cid kasta oo gudata mas’uuliyaddii ay lahayd ee loo igmaday, ayna maamusi doonto.

Hoos ka daawo muuqaallada

Ganacsiyada Boosaaso oo maalintii labaad xiran + SABABTA

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Waxaa maalintii labaad xiran inta badan xarumaha ganacsiga Boosaaso, iyada oo ganacsatada ay ka cabanayaan lacago xad dhaaf ah oo lagu soo rogay.

Ganacsatada ayaa ka cabanaya canshuur kordhin ay ku samaysay wasaaradda maaliyadda Puntland, xilli ay sheegeen inay xaalado adag ku shaqeeyaan.

Qaar kamid ah ganacsatada Boosaaso ayaa noo sheegay inay cabashadooda ku qotomto canshuur kordhinta wasaaradda maaliyadda, gaar ahaan macaash-macaashka ee laga qaadi jiray xarumahooda ganacsiga.

“Wasaaraddu waxay kordhin ku sameysay canshuurta macaash-macaashka oo bishii joogto nalooga qaadi jiray $19 haddana naloo sheegay in aan bixino lacag dhan $59 dollar, taas oo farqiga u dhaxeeya uu yahay $40 dollar,” ayuu yiri mid kamid ah ganacsatada Boosaaso.

Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda oo ganacsatada qaybtood la kulmeen ayaa loogu goodiyey in ay lacagta bixiyaan oo ay xarumaha furaan haday, taas sameyn waayan xabsiyada la dhigayo waana arin walaac xooggan ku abuurtay ganacsatada.

Tan ayaa culeyska kusii biirinaya ganacsatada Boosaaso oo ayagu ku shaqeeya xaalado adag, waxayna sidoo kale dhibane u yihiin kooxda Daacish, oo ayaduna lacago baad ah ka qaada.

Isku soo wada duubo, Boosaaso oo ah magaalada ugu dhaqaalaha badan maamulka Puntland ayaa muddooyinkii dambe la daala dhacaysa khatarta amni ee kooxaha argagixisada, iyo weliba culeyska dhaqaale ee maamulka Deni.

Maxay Puntland ka tiri $6 Milyan ee dowladda Xasan ay sheegtay inay siisay?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa markii ugu horreysay ka hadlay lacag $6 Milyan ah oo dowladda dhexe ay sheegtay inay siisay maamulka uu hoggaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Ceydiid ayaa beeniyay in lacagtaas ay ka qaateen dowladda Xasan Sheekh, xilli uu wasiir ku-xigeenka maaliyadda uu shaaciyay in lacagtaasi dalab uga yimid Deni ay si cadaan ah ugu shubern khasnadda Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay in lacagaha ay Puntland ka heshay Bangiga Adduunka ay yihiin lacago ay cogsigeeda iyadu gudbisatay, si looga caawiyo kabka  miisaaniyadeeda, balse aysan aheyn mid ay bixiso dowladda dhexe ama ay kasoo shaqeysay.

“Dhaqaalahaasi xiriir lama laha mid ka yimid dowladda federaalka ama ugu yaraan ay kasoo shaqeysay. Waxaaba dowladda (Xasan Sheekh) u xaniban malaayiin dollar oo mashaariic looga fulin lahaa Puntland,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya inay ku fadhiso malaayiin dollar oo wax loogu qaban lahaa reer Puntland, isaggoo sheegay inay doonayso in mashaariicda Puntland laga maamulo Muqdisho, taasina ay tahay sababta labada dhinac isku hayaan.

Wasiir Caydiid ayaa ugu dambeyntiina wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in masuul laga soo doortay Puntland uu been abuur ka sheego deegaankiisa, taas oo uu ula jeedo wasiir ku-xigeenka maaliyadda Soomaaliya oo ah xildhibaan laga soo doortay maamulkaasi.

Wasiir ku-xigeenka maaliyadda Soomaaliya Cabdiqafaar Xaange ayaa dhawaan shaaciyay in madaxweyne Saciid Deni uu dalbaday in lacag dhan $6 Milyan oo caddaan ah si toos ah loogu shubo khasnada maamulka Puntland.

“Wasaaradda Maaliyadda DFS waxay Dawaldda Puntland u wareejisay (fiscal transfer) lacag dhan $6,348,826 ( lix Milyan sedex boqol afartan iyo sideed kun sideed boqol labaatan lix doolar) oo ah kab miisaaniyadeed,” ayuu wasiir Xaange ku yiri qoraal uu soo saaray.

Waxa uu intaas kusii daray wasiirka “Waxaa xusid in madaxweynaha Puntland codsaday in lacagahaas caddaanka (cash) toos loogu soo shubo.”

BIDEN oo soo muuqday isaggoo ilmaynaya xilli uu macasalaameynayay…

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa xalay ka jeediyay furitaanka Shirweynaha Xisbiga Dimoqraadiga ee ka socda magaalada Chicago, khudbad qiiro laheyd oo lagu tiranayo mid kamid ah kuwii ugu danbeeyay ee uu ku macsalaameynayo taageerayaasha dimoqraadiga.

Biden ayaa masraxa soo koray isaga oo ilmeynaya, kaddib marki ay makarafoonka ku soo dhaweysay gabadhiisa Ashley, soo dhaweyntaas oo u muuqatay mid ka ilmeysiisay madaxweynaha 81 jirka ah ee Mareykanka.

Kumannaanka qof ee ku sugan xarunta uu shirk aka socday ayaa u istaagay iyaga oo u sacbinaya kaddibna, ku dhawaaqay “Mahadsanid Joe”.

Biden oo dhinacyo badan ka hadlay ayaa sheegay in Dimoqraadiyiinta iyo taageerayaashooda ay dagaal ugu jiraan ruuxda Ameerica. Wuxuu difaacay dhaxalkiisa waxqabad ee uu uga tagayo Mareykanka, isaga oo tilmaamay in wax badan qaban doono bilaha u haray.

Mar uu ka hadlayay bannaan-baxyada lagu taageerayo Falastiin iyo Gaza ee Mareykanka, ayuu sheegay in kuwa bannaanbaxaya ay gar u leeyihiin, maadaama buu yiri dad badan lagu dilay Gaza.

Go’aanki uu uga haray doorashada isla markaana ku taageeray Kamala Harris ayuu ku tilmaamay, kii ugu wanaagsanaa ee uu sameeyay.

Wuxuu ugu baaqay shacabka Mareykanka in ay doortaan Harris iyo Walz oo ah murashaxiinta xisbiga Dimoqraadiga, isaga oo taasi ku sababeeyay in ay ka dhigantahay difaaca dimoqraadiyadda Mareykanka.

Waxyaabaha kale ee uu ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa, soo galootida, dhaqaalaha iyo arrimaha dibadda.

Biixi oo u hoyday jiidda hore sannad kadib markii ciidankiisa laga saaray Laascaanood

0

Oog (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u horreysay gaaray degmada Oog ee Gobolka Sool, halkaas oo fadhiisin u ahayd ciidanka Somaliland tan iyo 25-kii bishii Agoosto ee 2023-kii dagaalkii u dambeeyey ee ka dhacay Laascaanood.

Muuse Biixi iyo Wefdi uu hoggaaminayey, oo maalmihii u dambeeyey safar ku marayey Gobollada Saaxil iyo Togdheer, ayaa xalay u hoyday degmada Caynaba oo 22 KM u jirta Oog oo fadhiisin u ah Ciidanka Somaliland.

Safarkan Madaxweyne Biixi, oo galay maalintii sagaalaad, waxaa lagu sheegay ujeeddadiisa inay la xiriirto “u diyaargarowga doorashooyinka iyo u kuur gelida xaaladda deegaannada Bariga” xilli ay Somaliland doorashooyinkeeda ka hadhsan tahay muddo ka yar saddex bilood.

Madaxweyne Muuse Biixi, sidoo kalena ah murashaxa Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye ee doorashada 13 November 2024-ka, ayaa dadweynihii uu kula kulmay gobollada iyo deegaannada uu marayey u sheegayey laba fariimood, oo uu sheegay in ay yihiin ujeeddada safarkiisa.

Muuse Biixi, ayaa dhamaan khudbadihii kala duwanaa ee uu ka jeedinayey Berbera, Sheekh, Burco, Oodweyne iyo Caynaba, waxa uu ku sheegay in labada qodob ee ujeeddada safarkoodu uu yahay “in difaaca Somaliland loo midoobo iyo in doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan”.

“Maanta laba koofiyadood ayaan sitaa mid waa ta difaaca qaranka iyo doorashada. Waa labadaa qodob, arrinta waxaanu uga soconaa Somaliland muwaadiniintooda iyo deegaannadoodu intii aan marnay waxay diyaar u yihiin Difaaca dalka.

Waxa aynu wax ku nahay marka aynu talada wadaagno ee aynu ku wada qanacsannahay in aynu sharcigeenna wada ilaalino. Wakhtigii madaxweynaha la ii doortay wuu dhamaaday, waa la kordhiyey, wuu dhamaaday, Madaama mar la kordhiyey, mar labaad sharcigu ma ogolanayo, caqliga saliimka ahina ma ogolaanayo, culaysyo aynu arkaynaa way ina haystaan, dhibaatooyin badan ayaa jira.

Markaa dantu waxay noqotay in aynu sharciga ilaalino, oo doorasho qabano, dalkana difaacno” ayuu yiri madaxweyne Biixi.

Muxuu Muuse Biixi ka yiri dagaalkii Laascaanood sannad kadib?

Waxaa uu markii u horreysay gaadhay degmada Oog oo ah fadhiisamada hore ee ay joogaan Ciidankiisa, tan iyo markii uu dhacay dagaalkii Goojacadde ee keenay in Ciidankaasi yimaadaan Oog, muddo sannad laga joogo.

Madaxweyne Muuse Biixi oo khudbad u jeedinayey Ciidanka Somaliland ee halkaas fadhiisamada ku leh, ayaa sheegay in ciidanku door muhiim ah uga jiraan “ilaalinta nabadgelyada iyo jiritaanka Somaliland”.

“Waxa marag ma doon ah in Ciidanka Qaranka Somaliland yahay bir adag oo afartankii sanno ee u dambeeyey difaacayey dalkooda iyo dadkooda” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Waxa kale oo uu sheegay in “aanu dagaalku dhamaan ilaa guusha la gaadho”, sida uu hadalka u dhigay “Dagaalku ma dhamaado ilaa guusha la gaadho, wax yar oo maalin ku gaadha iyo goob yar oo wax ka dhacaan maaha wax la yidhaahdo waxbaa dhacay. Wuxuu intaa ku daray inay dagaalka sii wadayaan “ilaa la gaadho oo la helo Somaliland oo dhan qaranimadeedii 1960-kii” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi oo la hadlayey Ciidankiisa.

Ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo, ayaa isku hor fadhiya inta u dhaxaysa Deegaannada Oog iyo Guumeys oo isu jira 25 KM, inkasta oo jiiddaha hore ee ay Ciidamadani kala joogaan ay isu jiraan 6 KM, marmar qaarkood halkaas ay ku dhex marto rasaas goos goos ahi.

Isha: BBC

Qoor Qoor oo deg-deg u soo magacaabay wasiirro cusub kadib is-casilaadii…

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa si deg deg ah u soo magacaabay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Galmudug, kadib markii shalqy galab uu is casilay wasiiru-dowlihii uu magacaabay markii uu xilkaan qabtay afar sano iyo dhowr bilood ka hor.

Maxamed Faarax Xuseen ayaa loo magacaabay wasiiru-dowlaha madaxtooyada Galmudug, kadib markii uu si iskiis ah isku casilay Cumar Shido oo ku dhowaad 5 sano xilkaas hayey.

Sidoo kale Qoor Qoor ayaa digreetadaan ku magacaabay Wasiir ku xigeenka dhalinyarada iyo cayaaraha Galmudug, waxaana xilkaas loo magacaabay Maxamed Cabdi Faarax.

Wasiiru-dowlihii hore ee Madaxtooyada Galmudug Cumar Shido ayaa shalay sheegay in Madaxweyne Qoor Qoor uu is-casilaadiisa hab qoraal ah ugu gudbiyey, isla markaana uu ka aqbalay.

Cumar Shido oo qoraal soo saaray ayaa ka gaabsaday inuu xuso sababta ka dambeysa is-casilaadiisa, isagoo sheegay inuu reer Galmudug u adeegi doono xataa isagoo aan xil haynin.

“Anigoo aaminsan in aan si hufnaan iyo daacadnimo ku jirto ugu adeegay shacabka reer Galmudug, isla markaana ilaaliyey masuuliyadii ballaarneyd ee madaxda Galmudug igu aamineen, waxaan cadeynayaa in aan iska casilay xilka wasiiru dowlaha Madaxtooyada Galmudug,” ayuu yiri wasiir hore Cumar Shido.

Ninkaan oo Qoor Qoor la shaqeynayey tan iyo markii lasoo dhisay xukuumadda Madaxweyne Qoor-Qoor, isla markaana aad ugu dhowaa, aadna uga difaaci jiray baraha bulshada, ayaa hadda ku gaabsaday in sababta is-casiladaan ay isaga u gaar tahay.

Galmudug ayaa gashay waqti doorasho aan kala cadeyn sida ay wax u dhacayaan ama hanaanka doorasho ee la aadayo, 5 sano ayaa u sii dhamaaneysa Qoor Qoor, dadkuna waxay rabaan doorasho, balse isagu wuxuu quud-dareynayaa inuu kursiga sii joogo.

Hoos ka eeg warqadda

Blinken oo riixaya heshiis xabad-joojin oo ka dhaqan gala GAZA

0

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa Isniintii sheegay in Ra’iulwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu aqbalay hindisaha xabbad-joojinta Gaza ee uu soo jeediyay Mareykanka, isla markaana ku boorriyay Xamaas in ay aqbasho heshiiskan.

Blinken oo wariyaasha la hadlay kaddib maalin uu kulamo kala duwan la yeeshay madaxda sare ee Isra’il oo uu ku jiro ra’isulwasaare Netanyahu, ayuu diblamaasigan sare ee Mareykanka sheegay, in in riixidda heshiiskan ay tahay tii ugu wanaagsaneyd isla markaana ay dhici karto in ay noqoto fursaddi ugu danbeysay.

Blinken oo saxafiyiinta kula hadlay Tel Aviv ayaa tilmaamay in Xamas laga doonayo aqbalaadda heshiiska, kaddib marki ay aqbashay Isra’il.

Wuxuu kaloo sheegay in iyada oo la kaashanayo dhex-dhexaadiyaasha ka kala socda Mareykanka, Qatar iyo Masar, ay dhinacyada colaaddu ka dhaxeyso ay dhameystiran ballan-qaadyada heshiiska.

In kasta oo uu Maraykanka rajo ka muujiyay, xafiiska Netanyahuna uu ku tilmaamay kulanka mid wanaagsanaa, haddana Israa’iil iyo Xamaas labaduba waxay muujiyeen in heshiis kasta uu noqon doono mid adag.

Wada-hadallada oo muddo bila ah marna soconayay marna la hakinayay, ayaa u muuqdo in ay dhinacyadu ay ku taagan yihiin mawaaqiftoodi hore. Isra’il ayaa sheegtay in dagaalka Gaza uu ku dhammaan karo burburinta Xamaas, halka Xamaas ay sheegtay inay aqbali doonto oo keliya xabbad joojin joogto ah oo aan ku meel gaadh ahayn.

Waxyaabaha kale ee la isku qilaafsan yahay ayaa waxaa ka mid ah sii joogitaanka ciidamada Israa’iil ee gudaha Qaza, gaar ahaan xuduudka Masar iyo dhaqdhaqaaqa xorta ah ee Falastiiniyiinta ee gudaha dhulkaas.

Sidoo kalena waxaa la isku mari la’yahay qoonsiga iyo tirada maxaabiista Falastiiniyiinta ee ay Isra’il rabto in ay weydaarsato sii deynta dadka ay xamaas iyo kooxaha kale ee Falastiiniyiinta ku hayaan Gaza.

Horjooge Ismaaciil iyo Ilyaas oo muddo kadib usoo gacan galay dowladda kadib markii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Horjooge Ismaaciil Jimcaale Fiidow ayaa maanta usoo gacan galay dowladda kadib markii uu isku dhiibay ciidanka xoogga dalka ee ka howl-gala degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Horjooge Ismaaciil oo kooxda Al-Shabaab ka tirsanaa muddo fog ayaa sheegay inuu adkeysan waayay howl-gallada ay wajaheyso kooxda, isaggoo ugu baaqay saaxiibadiisa kale ee weli baaqiga ku ah kooxda inay iskaga soo baxana.

“Waxaan halkaas kula kulmay ma ahan wax laga sheekeyn karo, rafaad, oon iyo cabsida xooggan ee howlgalka ayaa ahaa kuwa aan halkaas uga jiri waayay, keentayna isa-soo dhiibkeyga, waxaana ugu baaqayaa kuwa weli aanan quusan inay meesha ka soo baxaan,” ayuu yiri Horjooge Ismaaciil oo la hadlay warbaahinta dowladda.

Dhinaca kale, waxaa isla maanta ciidanka dowladda isna isku soo dhiibay Ilyaas oo magaciisa afgarashadu yahay Cali Saciid, kana tirsanaa muddo kooxda Al-Shabaab.

Ninkan ayaa isna isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan ururka 86-aad guutada 77 ee fadhigoodu yahay magaalada Mesagawaa kadib xiriir uu lasoo sameeyay saraakiisha ciidanka xoogga dalka.

Ciidanka ayaa ninka uga hortagay deegaanka Xuseen Cagey, waxa uuna kooxda Al-Shabaab kaga biiray degmada Masaajid Cali Guduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sida uu sheegay.

“Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sare u qaaday howl-gallada ay ku qaadayaan keymaha Khawaarijta ku dhuumaaleysaneyso, taasi oo keentay inay isa-soodhiibaan xubna badan oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad katirsanaa kooxda,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Si kastaba, dagaalka Al-Shabaab oo bilihii dambe uu gaabis ku yimid ayaa xilligaan dardar xooggan ku socda, ayada oo dhawaan la filayo inuu bilowdo wejiga labaad ee dagaalka, oo dhowr jeer uga dib dhacay waqtigiisa.

Horjooge Ismaaciil – isa soo dhiibe Al-Shabaab ah.
Ilyaas – isa soo dhiibe Al-Shabaab ah.

Howlgal cusub oo looga dhawaaqay galbeedka gobolka Sh/Dhexe

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Maamulka HirShabelle ayaa ku dhowaaqay howl-gal cusub oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ka bilaabanaya deegaano ku yaalla galbeedka deegaanada iyo degmooyinka maamulka.

Deegaanada oo weli ku sugan yihiin kooxda ayaa maamulka uu qorsheynayaa in howl-gal qorsheysan lagu qaado, xilli uu dhawaan bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab.

Si loo dardar-geliyo qorshahan waasiirka amniga gudaha HirShabelle ayaa deegaanka Carmooleey oo hoostaga degmada Gamboole ee gobolka Sh/Dhexe ku booqday boqolaal kamid ah ciidamada difaaca shacabka ee dib u xoreynta deegaanada galbeedka HirShabelle ee la magac baxay duufaanta Sheekh Xasan Barsane ee ku sugan deegaanka Carmooleey.

Wasiirka amniga HirShabelle Maxamed Kheyre oo ay wehlinayeen guddoomiyaha baarlamaanka maamulka iyo masuuliyiin kale ayaa la hadlay ciidamada, oo uga warbixiyay howl-galka cusub ee qeybta ka ah kii lagu xoreeyay deegaano badan oo ka tirsan maamulka.

Wasiirka ayaa sheegay in maamulka HirShabelle uu howl-galka galbeedka ku bixin doono dadaalkii uu ku bixiyay howl-galkii lagu xorreeyay degaannada ku yaalla bariga ee deegaannada maamulka HirShabelle.

Guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa isna dhankiisa sheegay in Al-Shabaab ay diidan yihiin horumarka deegaannada ku yaalla galbeedka maamulkaasi, sidaas darteedna ay awood kasta oo ay leeyihiin iskaga celin doonaan cadowga.

Si kastaba, HirShabelle oo ah maamulkii u horreeyay ee uu ka bilowday gulufka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab, ayaa waxaa weli deegaano badan oo ku yaalla galbeedka Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe ku sugan maleeshiyaad ka tirsan Kooxda, kuwaas oo dowladda dhexe iyo maamulka oo kaashanaya shacabka hubeysan ay doonayaan inay ka sifeeyaan kooxda.

Wasiiru-dowlihii madaxtooyada Galmudug oo is-casilay

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha Madaxtooyadda Galmudug ayaa goordhoweyd iska casilay xilkii, isaggoo casilaadiisa hab qoraal ah ugu gudbiyey madaxweyne Axmed Qoor-Qoor.

Cumar Shido oo qoraal soo saaray ayaa ka gaabsaday inuu xuso sababta ka dambeysa is-casilaadiisa, isaggoo sheegay inuu reer Galmudug u adeego doono xataa in haddii uusan xil haynin.

“Anigoo aaminsan in aan si hufnaan iyo daacadnimo ku jirto ugu adeegay shacabka reer Galmudug, islamarkaana ilaaliyey mas’uuliyadii ballaarneyd ee madaxda Galmudug igu aamineen. Waxaan cadeynayaa in aan Iska Casilay xilka wasiiru dowlaha Madaxtooyada.

Wasiiru-dowlaha is-casilay ayaa xilkan hayay tan iyo mudaddii ay dhisneyd xukuumadda madaxweyne Qoor-Qoor, waxayna is-casilaadiisu kusoo aadeysa xilli uu maamulka wajahayo doorashooyin, uuna Qoor-Qoor ku dhowaaqay hanaan doorasho oo mugdi badan ku gadaaman yahay.

Hoos ka aqriso qoraalka;

Waxaan maanta oo ay taariikhdu tahay 19 August 2024 halkaan ku soo gudbinayaa warqada Is-casilaadeyda xilka Wasiiru Dowlaha madaxtooyada Galmudug oo aan hayay mudadii ay dhisneyd Xukuumada Madaxweyne Axmad Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Anigoo aminsan in aan si hufnaan iyo daacadnimo ku jirto ugu adeegay shacabka reer Galmudug, isla markaana ilaaliyey mas’uuliyadii ballaarneyd ee madaxda Galmudug igu aamineen.

Go”aanka is Casilaadeyda oo aan hab qoraal ah ugu gudbiyay madaxweyne Qoor Qoor ayaa waxa uu ku saleysan yahay arrimo aniga ii qaas ah. Waxaana uga mahadcelinayaa Kaabaheygii hore fursada uu ii siiyay inaan u adeego shacabka Galmudug, waxaana ugu adeegi doonaa reer Galmudug aniga oo xil haya ama aan heynin.

Sidaas awgeed, waxaan mar kale cadeynayaa in aan Iska Casilay xilka wasiiru dowlaha Madaxtooyada.

Ugu dambeyn, waxaan u rajeynayaa bulshada reer Galmudug in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasilloonida dhexdooda ah, ayna ka baaqsadaan dagaalada dhiigu ku daatay ee u dhaxeeya beelaha walaalaha ah.

Wabillaahi Towfiiq
Cumar Shido

DF oo ciqaab adag marineysa qofkii ka dhuunta go’aanka ay dhaqan-gelisay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay si rasmi ah magaalada Muqdisho uga hirgashay qaadista canshuurta gadista ee loo yaqaano (VAT), taas oo dhan 5%.

Canshuurtan oo ay ka qeyliyeen shacabka Muqdisho ayey dowladda ku adkeysatay dhaqan-galinteeda, iyadoo soo saartay ganaax culus oo uu muteysanayo qofkii ka dhuunta ama bixin waaya canshuurta iibka.

Wasaaradda Maaliyadda oo soo saartay warqad ay ku faah-faahineyso ganaaxa uu la kulmi karo qofka u hoggaansami canshuur bixinta, si gaar ah ganacstada oo ayaga loo dhex marayo jarista canshuurta 5% ah, taas oo dowladda si toos ah ugala baxeyso koontooyinkooda ganacsi.

Ganacsi kasta oo aan u hogaansamin go’aankan waxa uu kulmi doona ganaax maaliyadeed oo isugu jira mid aan ka yareyn ama aan ka badneyn labo kun oo dollar Mareykan ($2,000) xad-gudub kasta oo u sameeyo.

Sidoo kale waxay wasaaradda sheegtay in ganacsadaha u hoggaansami waaya muddo hal maalin ah hanaanka canshuur bixinta iibka uu ku dhacayo ganaax aan ka yareyn shan boqol oo dollar Mareykan ($500).

“Xabsi aan ka yareyn muddo lix bilood ah ama aan ka badneyn afar sano oo la xirayo maamulka sare ee ganacsiga iyo shakhsiyaadka maamula ganacsiga iyadoo loo aqoonsanayo inay galeen dambi ka hor imaanaya maamuIka canshuuraha,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.

Hoos ka aqriso qoraalka wasaaradda;

1- Si waafaqsan Qodobka 36-aad ee Xeer-nidaamiyaha Maamulka Dakhliga waxaa ganacsi kasta ku waajib ah inuu isticmaalo Koonto ganacsi (Merchant Accounts) dhamaan dhaqdhaqaaqyadiisa ganacsi ee iibinta badeecadaha iyo adeegyadda.

2- Ganacsi kasta waxaa laga doonayaa inuu gadis kasto oo uu sameeyo ku daro qiimaha Canshuurta Gadidda (5%), oo ah qiimaha badeecadda ama adeegyadda uu iibinayo.

3- Ganacsi kasta waxaa laga doonayaa inuu ku wareejiyo saraakiisha dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda faah-faahinta koontooyinkiisa ganacsi (Merchant Account Details) ee ka furan shirkaddaha kala gedisan ee lacag-dirista si ay u sameeyaan diiwaangelin iyo xog-keydin.

4- Ganacsi kasta oo aan u hogaansamin inuu dhaq-dhaqaaqyadiisa ganacsi u istic- maalo adeega ganacsiyada loo gaar yeelay (Merchant Accounts), waxaa ku dhacaya Ciqaabahaa soo socda si waafaqsan Qodobka 37aad ee Xeer-nidaamiyaha Maamulka Dakhliga:

Ganaax maaliyadeed oo isugu jira ganaax aan ka yareyn ama aan ka badneyn labo kun oo dollar Mareykan ($2,000) xadgudub kasto oo u sameeyo ama ganaax aan ka yareyn Shan Boqol oo dollar Mareykan ($500) u hogaansanaan la’aan muddo hal maalin ah.

Xabsi aan ka yareyn muddo lix bilood (6 Bil) ah ama aan ka badneyn afar (4 sano) oo la xirayo maamulka sare ee ganacsiga iyo Shakhsiyaadka maamula ganacsiga iyadoo loo aqoonsanayo inay galeen dambi ka hor imaanaya maamuIka Canshuuraha.

Ganacsigii sii joogteeya ku xadgudubka ama aan u hogaansamin isticmaalidda Koontadda Ganacsiga (Merchant Account) Waxaa la xirayaa xaruntiisa ganacsi.

Mareykanka oo shaaciyay fursaddii ugu dambeysay ee dagaalka GAZA – Maxay tahay?

0

Tel Aviv (Caasimada Online) – Xoghayaha arrimaha debedda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in wada-hadalada haatan socdaa inay yihiin isku daygii u dambeeyey ee la doonayo in heshiis xabbad-joojin ah lagaga gaaro dagaalka ka socda marinka Qaza ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Heshiiskan uu gadaal ka riixayo Mareykanka, uuna ku tilmaamay fursaddii u dambeysay ee xal ka gaarisa dagaalka Gaza ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah sii deynta la haystayaasha kala duwan.

“Waxaan joogtaa xilli xasaasi ah – malaha waa tan ugu fiican, amaba isku daygii ugu dambeeyey, ee fursad loo helo in dib loosoo celiyo la haystayaasha, isla markaana lagu gaadho heshiis xabbadjoojineed, taas oo qof walba siinaysa fursad wanaagsan oo lagu gaadhi karo nabadgelyo iyo ammaan waara,” ayuu yiri xoghaye Blinken.

Blinken ayaa Isniintii la kulmay madaxweynaha Israel Isaac Herzog, waxaana lagu wadaa inuu la kulmo ra’iisul wasaaraha Benjamin Netanyahu iyo wasiirka difaaca Yoav Gallant gelinka dambe ee maanta.

Waa safarkii 9-aad ee uu ku tago gobolka tan iyo markii ay colaaddu billaabatay 7-dii Oktoobar ee sannadkii hore.

Wada-xaajoodyo ay gadhwadeen ka ahaayeen Mareykanka, Masar iyo Qatar ayaa ka dhacay magaalada Doha ee dalka Qatar usbuucii hore si ay u soo saaraan nuqulkii ugu dambeeyay ee heshiiska.

Wada-hadaladan ayaa la filayaa in dib looga bilaabo magaalada Qaahira dabayaaqada usbuucan, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda labada dhinac.

Sawirro: Soomaalida dadaashay ee ku nool Yurub oo la abaal-mariyey

0

Schiedam (Caasimada Online) – Munaasabadan lagu abaal marinayey haldoorka bulshada Soomaaliyeed kuwooda ku dhaqan qaraada Yurub, gaar ahaan kuwooda dadaalay ee ka soo dhex muuqaday bulshada ayaa lagu qabtay Magaalada Schiedam ee wadanka Holland.

Abaalmarintan oo ah midii ugu horaysay ee lagu qabto wadamada ku bahoobay ururka Midowga Yurub  ayaa waxaa  soo qaban qaabisay Xarunta Saxaafada iyo wada Hadalka ee Center For Media and Dailogue {CMD}.

Sidoo kale waxaa gacan ka gaysatay Shirkadadaha IBS bank, Alhijra Travel iyo Hayat Market.

Xarunta Saxaafada iyo wada Hadalka ee Center For Media and Dailogue {CMD} waxay abaalmarin siisay 15 qof oo loo doortay inay sameeyeen didaal iyo hal abuur bulshada wax tara.

Dadka abaalmarintaas la siiyey ayaa kala ah:

Cabdi Nageeye oo loo soo xulay inuu yahay orad yahan ku Guulaysatay Rotterdam Maraton Cabdirizaq Cali Warsam  oo  aas aasay Banigiga Caalamiga ah ee IBS bank Cumar Muunye oo aas aasay Shirkad Samaysa Boorsooyinka Dumarka  Munie Brand Kaadir Gamal oo samyeey Shirkada kadirfod  Kaaha Xale oo Samaysay Shirkada Halane care Cumar Maxamed oo hal abuuray shirkada Baarfuunada ee Yaasalaam Mohamed Bashiir uu boqorka Holland u magacaabay Qunsul sharafeed jooga Soomaaliya AMB Ilyaas Cali Xasan oo aas aasay Arlaadi Media Network Abukar Alwan oo  Sameyey Alhijra Travel Magan Daahir oo ku Guulaysaty Kubada Miiska Hollnad Cali Waare oo noqday shaqsiga ugu mudan ee ka soo shaqeeyey Jaaliyada Soomaalida FSAN Axmed Faarax oo noqday filim sameeye Caalami ah Safiya Rooble oo noqotay Xeer ilaaliye iyo looyar Shukri Xasan Saciid oo aas aastay Iftin Neyruus Macalim oo noqotay looyar heer caalmi ah.

Munaasabadda waxaa ka soo qeybgalay Raíisul wasaarihii Hore ee Dowladii Cabdiqaasin, mudane Maxamed Cabdi Yusuf, Xildhibaanada Golayaashada Deegaanka Netherland, ganacsato, Siyaasiyiin, Dhalinyaro, Haween, dad u dhaqdhaqaaqa bulshada oo ka kala Socday wadamada Ingiriiska, Germany, Sweden, Belguim, Fransiiska iyo Norway.

Gudoomiyaha Xarunta Saxaafada iyo wada Hadalka ee Center For Media and Dailogue {CMD} Cabdullaahi Taajirow ayaa u mahad caliyiyey dadkii ka soo qeybgalay munasabada iyo xubnihii ay xaruntu u dooratay in abaalmarinta la siiyo

Taajitrow ayaa goobta ka sheegay in CMD ay sanad kasta qaban doonto Abaalmarintaan oo kale, lagana dhigi doono mid caalami ah oo lagu tala galo.

Daawo: Bajaaj-leyda oo soo dhaweysay go’aankii kasoo baxay dowladda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah darawalada Mooto bajaajyada ee magaalada Muqdisho ka shaqeysta ayaa si weyn usoo dhaweeyey go’aankii kasoo baxay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumada Soomaaliya.

Go’aanka wasaaradda oo hoos loogu dhigay qiimaha lagu qaato Leysinka ayey si diiran usoo dhaweeeyen wadayaasha bajaajyada ee magaalada Muqdisho oo dhawaan cabasho xooggan ka muujiyey arrinkaan.

Tiro kamid ah dhallinyaradad Mooto bajaajta oo la hadlay warbaahinta ayaa wasaaradda gaadiidka uga mahad-celiyey sida ay uga garaabtay dhibaatada ay ka cabteen darawalada Mooto bajaajyada.

“Wasaaradda gaadiidka aad iyo aad ayey u mahadsan tahay, maadaama codsigii mootaaleyda laga soo jawaabay lagana dhigay lacagta leysinka 106.5 Dollar,” ayuu yiri mid kamid ah mootaaleyda oo la hadlay telefishanka Dalsan.

Mid kale oo kamid ah mootaaleeda ayaa yiri “Ganaaxii 50 dollar ahaa waxaa laga dhigay 5 dollar, halka leysinkii 300 ahaa laga dhigay 106.5 Dollar waa uga mahad-celineynaa wasaaradda gaadiidka.”

Sidoo kale darawal kale oo la hadlay warbaahinta ayaa isna waxa uu yiri “Waa uga mahad-celineynaa wasaaradda gaadiidka sida ay u caawisay dhallinyaradii dhibka ku jiray ee ku fakaray inay dalka isaga tahriibaan”.

Darawal kale oo isna la hadlay telefishinka Goobjoog ayaa agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka Bashiir Macallin Cali Xasan uga mahad-celiyey sida weyn ee uu u garab istaagay dhallinyarada Soomaaliyeed ee dhibka heystay.

Darawalada Mooto Bajaajka ayaa banaan-baxyo cabasho ah ka dhigay wadooyinka magaalada Muqdisho, iyagoo sheegay in aysan awoodin lacag ku dhow $300 oo laga qaado marka la dalbanayo leysinka gaadiidka, taas oo hadda wax laga qabtay.

Halkan hoose ka daawo muuqaallada

XOGTA kiiska Soomaali dil argagax leh ka gaystay JARMALKA

0

Berlin (Caasimada Online) – Nin kamid ah dadka soo galootiga ah ee ku nool Jarmalka, madaxana ka jaray qof uu mindhicirka ka soo riday isagoo nool ayaa ka badbaaday in la musaafuriyo, ayadoo sababtuna tahay dacwad oogayaasha oo aaminsan inuu dib u soo laaban doono.

Mursal Maxamed Siciid oo 24 jir ah wuxu dilay nin ay isku guri deganaayeen oo magaciisa lagu soo gaabiyey Alex K, meel loogu tala-galay inay ku hoydaan dadka aan guryaha haysan, magaalada Regen ee gobolka Bavaria bishii Luulyo 2021.

111 goor ayuu middi ku dhiftay, kahor intii uusan madaxa ka jarin. Markii dambe wuxu Mursal u sheegay dambi baareyaasha inuu iska dhaadhiciyey in ninka ay guriga isla deganaayeen ay ku jireen laba jin oo ay ahayd inuu dilo.

Weerarka ayaa ahaa mid aad u daran, isagoo dhibbanaha marka hore isagoo nool mindhicirka ka soo riday, sida ay warbaahinta jarmalku sheegtay xilligaas.

Mursal ayaa la sheegay in dambigaas uu gaystay maadaama uu iska dhaadhiciyey wax aan jirin oo ay maskaxdiisa u sawirtay inay run yihiin, waxaana la geeyey qayb aad loo ilaaliyo oo ka tirsan isbitaalka degmada Mainkofen ee gobolka Bavaria.

Maamulayaasha socdaalka ee Jarmalka waxay doonayaan inay sida ugu dhakhsiyaha badan ninkaas dib ugu dhoofiyaan Soomaaliya oo uu ka soo jeedo, laakiinse dacwad oogayaasha ayaa ka caga jiidaya in la soo saaro amarka musaafurintiisa, waayo waxay aaminsan yihiin in ninkaas “dambiilaha ah” uu dib ugu soo laaban doono Jarmalka, sida uu qoray wargayska Bild.

Dhowr todobaad ka dib markii uu dilay ninka ay guriga wada deganaayeen, ayuu ninkaas isku dayey inuu ka baxsado qayb si weyn loo ilaaliyo oo ka tirsan isbitaal ku yaalla gobolka Bavaria, isagoo ku dhuuntay meel cunnada lagu kaydiyo.

Mar labaad ayuu Mursal isku dayey todobaadkii hore inuu baxsado, isagoo ay u suurto gashay inuu ka dhuunto laba gabdhood oo ilaalinayey, mar uu codsaday in shaleemo uu u daawasho tago

Muddo 8 saac ah ayuu baxsad ahaa, ka hor inta aan la hawl galin 100 askari oo boolis ah, waxayna ka soo qabteen meel dhowr mayl u jirta shaleemada.

Dacwad oogayaashu waxay hadda ka baaraan degayaan in xukunka Mursal ee ah in isbitaalka uu ku xirnaado la laalo si dib loogu celiyo Soomaaliya.

Dacwad ooge Oliver Baumgartner ayaa u sheegay wargeyska Bild qiimaynta guud waa inay ku jirtaa culayska dambiga, khatarta xukmanaha, iyo suurtagalnimada in qofka xukmanaha ah uu dib ugu soo laaban karo Jarmalka.

Taas darteed waxaa lama huraan ah in xisaabta lagu daro in ninkaas uu noqonayo mid xor ah dalkiisa, oo aysan jirin damaanad muujinaysa in si haboon loola dhaqmi doono.

Inkastoo dacwad oogayaashu ay weli ka lug jiidayaan in la saxiixo amarka dib u celinta, ursal wuxuu qoray warqad uu ku sheegayo inuu diiddan yahay in dibl oogu Soomaaliya bishii Febraayo.

Laakiinse wasiirka arrimaha gudaha ee Bavaria Joachim Herrman ayaa su’aal galiyey go’aanka loogu ogolaaday in uu shaleemo aado.

Wuxuu u sheegay wargayska Bild “waxaan bilaabayaa baaritaan dhamaystiran oo ku saabsan sababta uu isbitaalka degmada ugu ogolaaday ninkan aadka u khatarta badan inuu shaleemo aado”.

Mursal Maxamed Siciid wuxuu Jarmalka tegey 2018, isagoo qayb ka ahaa barnaamijka dadka magangalyo doonka ah, ka dib markii uu Soomaaliya ka soo qaxay oo uu Sudan u cararay, ugana sii Gudbay Libya, sida alaga soo xigtay warbaahinta Nius.

Ka dib dilkii foosha xumaa ee ninkaay guriga wada deganaayeen, Mursal wuxuu horeba u gaystay tiro dambiyo ah sida waxyeello jireed, burcadnimo, xatooyo iyo iskuday waxyeello jireed oo aad u daran iyo been-ku-heid adeegyo.

Bishii Febraayo 2021 ayaa lagu xukumay laba sano oo xarig laakinse uusan xabsi galayn, bacdamaa aan la xirin waxaa loo ogolaaday inuu dib ugu laabto halka hoyga u ah dadka aan hoyga haysanoo uu ku noolaa, halkaasoo uu markii dambe ku dilay ninkii ay isla deganaayeen.

Isha: BBC

Khaatumo oo jawaab culus ka bixisay hanjabaaddii Muuse Biixi, kuna dhawaaqday…

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka SSC-Khaatuma ee fadhigiisu yahay magaalada Laascaanood ayaa jawaab culus oo deg-deg ah kasoo saaray hadal kasoo yeeray madaxweynaha Somaliland  Muuse Biixi Cabdi oo hadda booqasho ku maraya qaybo kamid ah Sool, isaga oo ku goodiyay in Somaliland ay sii wadeyo dagaalka.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay inay ka go’an tahay in ay gaaraan guul, si ay dunida uga helaan aqoonsi buuxa.

“Dagaalku waa soconayaa, geediga halganku waa socdaa, mana istaagayo ilaa aan guusha gaarno, guusha Somaliland waxay ku xiran tahay dagaalka, ciidan nagu filan ayaan heysanaa,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Wuxuu intaasi kusii daray in hadafka Somaliland uu yahay guul ama geeri, “Qoladaas Xamar jooga inta ay nagu daba dhegan tahay oo xoriyadii 60-kii aan ka soo ceshaneyno Adeer dagaalku waa soconayaa,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

Intaasi kadib waxaa soo jawaabay Wasiirka Warfaafinta ee SSC Khaatumo Najiib Barkhad Warsame, wuxuuna sheegay inay iska difaaci doonaan weerar kasta oo kaga yimaada Somalilad, isla markaana ay ciidankooda ku filan yihiin difaaca dhulkooda.

Barkhad ayaa hoosta ka xariiqay haddii ay xabad kasoo dhacdo dhanka Somaliland inay dhankooda jawaab deg-deg ah ka bixin doonaan, kana hortagi doonaan Somaliland.

“Waxaan ballanqaadaynaa Bastooladi hadday xagayaga u soo dhacdo, in Burco mooska celin doono,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta SSC-Khaatuma.

Hadalladan kul-kulul ee ay si dhaafsadeen labada dhinac ayaa uga sii daraya xiisadda u dhexeysa SSC-Khaatuma iyo Somaliland oo muddooyinkii dambe daganayd, kadib dagaallo culus oo labada dhinac ku dhexmaray magaalada Laascaanood iyo duleedkeeda.

BF oo soo faro-geliyay xaaladda ka taagan Muqdisho kadib go’aankii DF

Muqdish (Caasimada Online) – Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa u yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa soo farogelisay xaaladda ka taagan Muqdisho ee  ka dhalatay go’aanka dowladda ee canshuurka Iibka

Kulanka ayaa waxaa la horgeeyay mooshin culus oo ku aadan cabashada shacabka iyo ganacsatada, kaas oo ay Sabtidii guddoonka sare u gudbiyeen  xildhibaano kor u dhaafaya 10 oo sheegay in mooshinkooda uu ku saabsan yahay xaaladda soo korortay.

Xildhibaan Faa’iso Maxamed Jayte oo ka hadashay mooshinka la geeyay baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in shacabka gobolka Banadir oo kaliya la beegsaday, isla markaana canshuurta lasoo kordhiyay ay dhibaato ku tahay reer Muqdisho.

Sidoo kale waxa ay soo bandhigtay lacago xad-dhaaf ah oo ay sheegtay in ganacsatada looga qaado dekedda iyo koontaroolo ku yaalla magaalada Muqdisho.

“Shacabkan gobolka Banaadir dhibaatooyinka ay qabaan waxaa kamid ah baabuurka marka uu dekdda ka baxo oo badeecadaha gobollada uu qaado Ex-koontarool waxaa looga qaadaa 188 dollar, siinka dheer waxaa looga qaadaa 80 dollar oo la leeyahay wasaaradda gaadiidka ayaa iska leh busteejooyin loo bixiyay laamo faracyo ah oo mid kasta looga qaado 250 dollar, degmada waxaa looga qaadaa 10 dollar, lacagahaas oo dhan ma galaan wasaaradda maaliyadda” ayay tiri xildhibaan Faa’iso Maxamed Jayte.

Waxaa kale oo ay sii raacisay “Dadka gobolka Banaadir ee aan annaga xildhibaannada u nahay ma diidana canshuur dowladnimada Soomaaliya ayada oo dekedda iyo garoonka aysan shaqeynin ay dhiibi jireen canshuur”.

Dhankiisa Xildhibaan Yuusuf Gamaa’diid oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in arrintan lagu beeegsanayo ganacsiga dad gaar ah, si loo baabi’iyo hantidooda.

“Dad gaar ah ayaa ganacsigooda la baabi’inayaa, Malaayiin dollar oo jeebab gaar ah ku dhaca ayaa laga qaadaa ganacsatada oo waraaqihii lagu qaatay la hayo” ayuu yiri.

Gamaa’diid ayaa sidoo kale soo jeediyay in la sameeyo xeer u gaar ah canshuurta, si xal loogu helo cabashada shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

“Arrinkan cabashada ah ee taagan ma’ahan in cashuur laga soo horjeedo, ma’ahan inaan diidanahay ee waa in xeer loo helo Canshuurta” ayuu isna yiri Gaama’diid.

Doodda baarlamaanka ayaa kusoo aadeyso, xilli maalintii labaad uu xiran yahay suuqa Bakaaraha, sababo la xiriira cabasho ay canshuurta iibka ka qabaan ganacstada.

Daawo: Suuqa wayn ee degmada Wadajir oo gubtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab xalay saq-dhexe ka kacay suuqa wayn ee degmada Wadajir, kaas oo dhaliyay khasaare hantiyeed.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dabka uu ka dhashay koronto, isla markaana uu saameeyay maqaayad ku taalla suuqa degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in maqaayadda ay gubatay, isla markaana khasaare hantiyeed uu geystay dabka.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in gurmad deg-deg ah ay sameeyeen maamulka degmada iyo shacabka, kaas oo suurageliyay in laga hortago in dabka uu kusii fido suuqa.

“Dabka saa’id ayuu u holcay xaafadaha oo dhan ayaa laga soo kala baxay wax la sameeyo ayaa la garan waayay, laakiin waa lagu guuleystay markii dambe in la damiyo” ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Telefishinka Shabelle.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Firinjeeradii iyo jikinka oo ay dooradii ku jiraan kulli kulli way halaabeen dabka ayaana baabi’iyay”.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, inkasto saameynta dabkii xalay ka kacay suuqa weyn ee degmada Wadajir si weyn looga dareemayo halkaasi.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii dambe ku soo badanayay dhacdooyinka la xiriira gubashada oo horay uga dhacay suuqyada kala duwan sida Bakaaraha.

Si kastaba, Gubashada suuqyada ayaa marar badan soo laa laabatay, dowladduna ma baarto sababta keenta dabka sanad kasta ugu yaraan hal mar ka kaca suuqa Bakaaraha.

Xaaladda suuqa Bakaaraha oo maanta ka sii dartay iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalintii labaad waxaa xiran goobaha ganacsiga suuqa wayn ee Bakaaraha, sababo la xiriira go’aankii kasoo baxay dowladda ee ku aadan qaadista canshuurta iibka oo shalay ka dhaqan gashay magaalada Muqdisho.

Ganacsatada ayaa weli ka cabanaya go’aanka kasoo baxay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, xilli dowladda ay horay u sheegtay in la xaliyay cabashadii ganacsatada.

Sawirro laga soo qaaday suuqa ayaa muujinaya albaabada oo wada xiran iyo ganacsatada oo bannaanka fadhisa, waxaana qaarkood ay sheegeen in ay ka cabanayaan canshuurta cusub ee la saaray, taas oo dhan 5%.

Xaaladda suuqa ayaa kasii dartay, waxaana la hakiyay dhamman dhaq-dhaqaaqii ganacsi ee ka jiray halkaasi, ayada oo arrintan ay ganacsatada kaga jawaabayaan go’aanka dowladda ee jarista cashuurta iibka.

Mid kamid ah ganacsatada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay dareemayaan culays ay soo saartay dowladda, kaas oo ka dhashay canshuurta cusub ee la saaray.

“Waxaan dareemeynaa inuu culayska nagu sii badanayo, waana arrin aan qaadi karin canshuurta cusub ee lasoo rogay” ayuu yiri mid kamid ganacsatada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Ninka Marchanti lacag ka jaro EVC-gana wuu ka jari karaa sida xaqiiqda ah marka aan ka hadalno”.

Dhinaca kale maamulka gobolka Banaadir oo isna arrintan ka hadlay ayaa ka digay in suuqa uu sii xirnaado, wuxuuna ku goodiyay inuu qaadayo tallaabo deg-deg ah.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xiisadda ka dhalatay canshuurta iibka ee haatan ka taagan magaalada Muqdisho.

Daawo: Muuse Biixi oo ku dhawaaqay inay dagaal la xiriira aqoonsiga Somaliland

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Axaddii gaaray furimaha dagaalka ee xiga dhanka deegaanada SSC Khaatumo, halkaas ciidamada Somaliland ay difaac adag uga jiraan.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay wadi doonto dagaalka ilaa ay ka gaarto guul rasmi ah, isla markaana ay dunida ka hesho aqoonsi.

“Dagaalku waa soconayaa, geediga halganku waa socdaa, mana istaagayo ilaa aan guusha gaarno, guusha Somaliland waxay ku xiran tahay dagaalka, ciidan nagu filan ayaan heysanaa,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Madaxweynaha oo la hadlayey ciidanka xoogga Somaliland ayaa ku amaanay sida ay ugu dhabar-adeygayaan difaaca dalkooda, isagoo u sheegay in dagaalku socon doono.

Wuxuu soo xusuusiyey maalintii lagu laayey Goojacadde, wuxuuna sheegay in ciidan waligiis jebi jiray, isla markaana aysan u jooji doonin guul darro kasta oo soo wajahda.

Wuxuu sheegay in hadafka Somaliland uu yahay guul ama geeri, “Qoladaas Xamar jooga inta ay nagu daba dhegan tahay oo xoriyadii 60-kii aan ka soo ceshaneyno Adeer dagaalku waa soconayaa,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

Madaxweynaha ayaa ciidankaan kula hadlay deegaanka Caynaba, halkaas waxaa ku yaalla saldhigga difaaca bari ee ciidamada Somaliland, kuwaas oo bilo ka hor ku jabay saldhigoodii Goojacadde ee duleedka Laascaanood, kadib dagaal qaraar oo dadka reer Sool ay la galeen.

Hoos ka daawo