24.8 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Daawo: Maxaa kasoo baxay shirkii ka dhacay dekedda wayn ee Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo Wariyeyaasha u qabtay shir jaraa’id ayaa ka warbixiyay shir gaar ah oo ka dhacay dekedda Muqdisho, kaas oo ay isugu yimaadeen madaxda wasaaradda maaliyadda, maamulka dekedda iyo taliyeyaasha Booliska iyo Nabad-sugidda, ayada oo looga hadlay wax ka qabashada cabashooyinka ay dowladda u gudbiyeen ganacsatada Soomaaliyeed.

Biixi Iimaan Cige ayaa shaaca ka qaaday in shirkooda ay diiradda ku saareen dhammaan culaysyadii ay ka cawdeen ganacsatada ee ka jiray dekedda, ayna xalliyeen.

“Culaysyadii ay soo gudbiyeen ganacsatada Soomaaliyeed sidii loo furdaamin lahaa ayaa qaybtii koowaad in la fuliyo ayaan halkan u nimid runtii si aad iyo aad u qurux badan ayay noogu dhammaatay” ayuu yiri wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa tilmaamay in meelaha cabashada laga keenay ay kamid ahayd konteenar jabinta oo lacago lagu qaadi jiray, wuxuuna sheegay in haatan meesha laga saaray.

“Meelaha ugu muhiimsan ee ay ganacsatadu ka cawdeen ee culayska ku haya runtii habsami u socodkii shaqada dekedda ayaa la’iska warsaday,waxaa kow ka ah arimaha la xiriiray konteenar jabinta oo culays uu ka jiray oo sidii loo xallin lahaa meel la’isla dhigay, maanta laga bilaabana aanay ka imaaneyn wax culays ah” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Culaysyadii dhaqaale ee halkaas lagu tuhunsanaa dhammaantood meesha laga saaray”.

Sidoo kale wuxuu wasiirku hoosta ka xariiqay in wadatashi dheer kadib la xaliyay dhammaan cabashooyinkii ay ka qabeen ganacsatada arrimaha ID-ga, balse qaabka loo xaliyay iyo sida uu noqon doono ay dib ka soo sheegi doonaan maamulka dekedda.

Dhinaca kale wasiirka maaliyadda oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in gebi ahaan meesha laga saaray lacagihii laga qaadi jiray gaadiidka ganacsatada u raran ee ka baxa koontaroolada ku yaalla duleedka Muqdisho, sida Ex-koontarool Balcad iyo kan Afgooye.

“Culaysyada jiray ee canshuurta la xiriiray waxaa kamid ah lacagaha laga qaado dadka ganacsatada ah ee gawaarida rarta ee raba inay alaabtooda magaalada kala baxaan ama haka baxaan Ex-koontarool Balcad ama Ex-koontarool Afgooye oo iyagana lacag laga qaadi jiray lacagtaasna waa la joojiyay,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay wasiirku.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, xilli shalay magaalada Muqdisho ay ka bilaabatay qaadista canshuurta libka oo dhan 5%, taas oo keentay cabashooyinka ay haatan soo gudbiyeen ganacsatada oo indhowaanahan diidanaa go’aannada kasoo baxay dowladda dhexe.

Israel 29 qof oo ay carruur ku jirto ku dishay GAZA

Gaza (Caasimada Online) – Ciidamada Israa’iil oo sii wada duqeymaha ay ka wadaan Marinka Gaza, ayaa xalay dilay ugu yaraan 29 Falastiiniyiin ah oo ay ku jireen 5 carruur ah oo mataano ahaa.

Duqeymihi ugu danbeeyey ee Axaddii ayaa ku soo beegmay xilli uu Isra’il gaaray Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken oo marki sagaalaad tagaya Bariga Dhexe, tan iyo marki uu billowday dagaalka Isra’il iyo Xamaas, horraanti bishi October ee sannadki hore.

Isbitaalka Al Aqsa ee Gaza ayaa sheegay, in duqeyn ay ciidamada Isra’il ku bartilmaameedsadeen degmada Deyral Balax lagu dilay hooyo iyo lix carruur ah oo ay dhashay, oo ay ku jireen shan carruur ah oo halmar wada dhashay oo ay da’doodu aheyd 10 jir.

Mohammed Awad Khatab, oo ah awoowga caruurta la dilay ayaa sheegay, in gabadhiisa ay aheyd macallin, carruurtana uu ugu yaraa canug sannad iyo bar jir ahaa.

Duqeyn kale oo cirka aheyd oo ay Isra’il ku qaadday bariga Deyral Balax ayay ku dhishay ugu yaraan afar ruux, sida uu ku soo warramayo wariye ka tirsan wakaaladda wararka AP oo Gaza ku sugan.

Waaxda Caafimaadka Gaza ayaa iyaduna sheegtay, in duqeyn lagu garaacay degmada waqooyi ee Jabaaliya lagu burburiyay dhismo ka koobnaa laba abaartameento, halkaas oo lagu dilay laba nin, iyo haweeney iyo gabadheeda.

Dhanka Bartamaha Gaza, saraakiisha caafimaadka isbitaalka Al-Cawda ayaa sheegay, in sagaal qof lagu dilay duqeyn ay ciidamada Isra’il ka fuliyeen halkaasi, sidoo kale hal qof ayaa lagu dilay duqeyn kale oo loo geystay xerada qaxootiga ee Nuseyraat.

Daawo: DF oo xal kama dambeys ah ka soo saartay cabashadii Bajaaj-leyda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay maanta yeesheen maamulka Gobolka Banaadir, Wasaaradda Gaadiidka iyo tan Maaliyadda ayaa lagu fududeeyey habraacyada qaadashada ruqsadda wadista Mooto Bajaaj-ta ka howlgasha Muqdisho, kadib saddex maalmood oo banaanbax ay dhigayeen dhalinyarada ku shaqeysata Bajaaj-ta.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo garbihiisa ay taagan yihiin duqa Muqdisho iyo wasiirka gaadiidka ayaa qabtay shir jaraa’id oo lagu shaaciyey in la dhimay lacago aad u badan oo laga qaadi jiray Bajaaj-leyda Muqdisho.

Qiimaha Leesinka ama ruqsada Mooto wadista ayaa laga dhigay 106.5 dollar, sida uu shaaciyey afhayeenka gobolka, halka markii hore ay Bajaaj-leydu ka cabanayeen in la gaarsiiyey $300, taas oo ah lacag aad u badan.

Sidoo kale waxaa la dhimay qiimaha adeegyo kala duwan oo loo sameeyo dhalinyarada bilaabeysa mooto wadista iyo kuwa uu ka lumo sharcigooda, iyadoo loo tilmaamay sida loogu xalinayo culeysaadkooda.

Arrinta ugu muhiimsan ee Leesinka, markii laga soo tago qiimaha la dhimay, waa in la kordhiyey waqtiga dhicitaankiisa, markii hore wuxuu ahaa 3 sano, balse hada waxaa laga dhigay 5 sano.

Arrintaan ayaa ka dhalatay cabasho xoog leh oo dhalinyarada Mooto Bajaaj-ta ka timid, waxaana xalkeeda soo gaaray hey’adaha dowladda oo ay quseyso kuwaas oo kulamo kala duwan ka yeeshay.

Waxaa jira guddi ay soo xulatay Bajaaj-leyda Muqdisho, kuwaas oo door ku lahaa go’aanada la gaaray, waxaana lagu balamay in banaanbax dambe uusan ka dhicin caasimada, Bajaaj-lihii qalad ka gala sharcigana loo ganaaxo.

Sidoo kale, waxaa Bajaaj-lihii sharci la’aan ah ganaaxi kara ciidanka Taraafikada, waxaana la cayimay lacagta ganaaxa oo laga dhigay $5 kaliya.

Hoos ka daawo

Xogta $6 Milyan oo Saciid DENI uu ka qaatay DF xilli uu halkiisi yahay khilaafka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lacag ka badan $6 Milyan oo dollar ka qaadatay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Sida uu shaaciyay wasiir ku-xigeenka maaliyadda Soomaaliya Cabdiqafaar Xaange lacagtan ayaa wuxuu Saciid Deni dalbaday in iyadoo caddaan ah si toos ah loogu shubo khasnada maamulka Puntland.

“Wasaaradda Maaliyadda DFS waxay Dawaldda Puntland u wareejisay (fiscal transfer) lacag dhan $6,348,826 ( lix Milyan sedex boqol afartan iyo sideed kun sideed boqol labaatan lix doolar) oo ah kab miisaaniyadeed,” ayuu wasiir Xaange ku yiri qoraal uu soo saaray.

Waxa uu intaas kusii daray wasiirka “Waxaa xusid in madaxweynaha Puntland codsaday in lacagahaas caddaanka (cash) toos loogu soo shubo.”

Lacagtan ayaa waxay dowladda u wareejisay Puntland mudaddii u dhaxeysay 2 illaa 3-dii July, sida uu sheegay wasiirka, una dhigan sidan;

1. 2-dii July 2024 waxaa la wareejinay $1,353,000.

2. 3-dii July 2024, waxaa bixiyay $3,500,000.

3. Halka lacag dhan 1,495,826 la wareejiyay wakhtiyo kala duwan.

Wadarta lacagahaas ayaa dhan $6,348,826, waxaana lagu sheegay kab miisaaniyadeed oo si toos ah loo gaarsiiyay khasnadda maamulka Puntland, kadib codsi ka yimid Saciid Cabdullaahi Deni.

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay go’aanka ay maanta DF ka dhaqan-gelisay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta dalka si rasmi ah uga hirgashay qaadista canshuurta gadista ee loo yaqaano (VAT), taas oo dhan 5%.

Canshuurtan oo ay ka qeyliyeen shacabka Muqdisho ayey dowladda beddeshay hanaanka tooska ah ee loo jaranayo, ayada oo ka go’aysa lambarada ganacsi ee loo yaqaano Merchant, kadib marka muwaadinka uu wax ka gato dukaan, taas oo lagu dalacayo isla macmiilka wax iibsanaya.

Dadweynaha Soomaaliyeed oo si kala duwan uga fal-celiyay canshuurtan maanta dhaqan-gashay ayaa qaarkood waxay shaki xooggan halka ay aadi doonto lacagtaasi iyo in dib loogu soo celin doono shacabka.

Halka dalalka jaarka ee canshuurta noocaan ah ay adeegyo wax ku ool ah kusoo celiyaan shacabkeed, taas oo muwaadinka ku riixeysa inuu bixiyo lacagtaan oo kusoo laabaneysa, waana midda ay su’aalaha badan ka keeneen dadweynaha.

Haddaba, sidee looga fal-celiyay?

Maxamed Jowhar: Waxa nasiib daro ah in canshurtaas rag gooni ah ka macashayaan aan shacabka lagu soo celin haba yaraatee wax adeeg ah.

“Dalka oo dhan canshuurta ma ka dhaqan gashay mise caasimada ilaa Koonfurta in lagu soo rogay canshuurta 5% ah,” ayuu yiri Aadan Cabdi Warsame.

Cabdalla Cali: “Canshur hala qaado lama diidana shacbka iyo dalka ha lagu celiyo sida in la dhiso waddooyinka nadafadii iyo wixii lamid ah laakiin dad jeebkoda inay ku dhacdo lacagtaas berri waxaa laga su’aala.”

Maxamed Xuseen ayaa isna sidoo kale waxa uu yiri “La kala nasiib badan dalka qaybta aan joogo warkaas lagama hadal hayo xitaa.”

“Canshuurta waxay xalaal utahay qofkii dalka u shaqeeyo ee kow ka yihiin ciidanku wuxuu xaaraan ku yahay xildhibaanada u joogo lacag iyo dano siyaasadeed,” ayuu yiri Cabdullaahi Sheekh Saciid.

Cabdiraxmaan Koronto: “Kaa xoog badni lacagtana isii waxna kugu qaban maayo aan u fahmay dadku canshuur ma diidanee badiilkeeday wayeen ee hadi hal project si sax ah logu qaban laha intas iyo kabadanba way bixn lahayeen.”

Axmed Saciid Cabdulqadir: “Muduharaadkii reer kenya cml aan isku diyaarino ayagaa dan ugu laabane.”

“Dadka canshuurta waa laga qada amaankoda neh lama sugaayo yaab,” ayuu tiri gabadh lagu magacaabo Salma.

Shaafici Cabdi: “Waxaa la isku haysto canshuur qaadista kaliya ma ahan, nidaamka iyo maamulida canshuurta ma yihiin kuwa la isku haleyn karo. Kawaran canshuurtii lagaa qaaday hadeysan kusoo noqoneyn iyadoo ah nidaam dowladeed. Waxaa la dhihi karaa wax ma dhaanto baad is baaro lagaga qaaday!.”

DF oo soo saartay hab raac wax ka bedelaya qiimihii laysanka darawalada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS ayaa soo saartay Habraac cusub oo wax badan ka  badalaya qiimihii hore ee Laysinka Mootada uga bixijiray Darwalada Gaadiidka Bajaajka ku shaqeysta.

Iyadoo maalmihii danbe ay aad isusoo tarayeen Cabashada Dhalinyarada Mooto Bajaaj-ka, isla markaana ay dhigeen Banaanbaxyo waaweyn oo ay kaga cabanayeen in lagusoo rogay Lacago xad dhaaf ah oo looga qaado siyaabo kala duwan.

Wasaaradda Gaadiidka ayaa ka jawaabtay cabashadii Dhalinyarada, iyadoo Agaasimaha Guud ee wasaaradaas uu horeay u sheegay in aysan ka warqabin lacagaha dheeraadka ah ee laga qaado Bajaaj-leyda, ayna tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan ciddii ku xad gudubta dhallinyarada.

Wasiirka wasaaraddda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Fardowsa Cusmaan Cigaal oo ka hadleysay isbadalka la sameeyey ayaa sheegtay in tallaabadaan la qaaday iyadoo la fiirinayo xaaladda dhalinyarada Soomaaliyeed.

“Waxaan kusoo koobnay 106.5 Dollar inay tahay qarashaadka uu Leysinka ku qaadan karo darawalka Mooto Bajaajta waa marka uu darawalka cusub yahay” ayey tiri wasiirka oo la hadleysay warbaahinta.

Wasiir Fardowsa ayaa intaas ku sii dartay “Waxyaabihii kale dhan waa lasoo jaray, caafimaadkii waxbaa laga jaray, iskuulada darawalnimada lagu barto waxbaa laga jaray, CID lacag baa laga jaray, wixii oo dhan 106.5 Dollar ayaa lagu soo koobay”.

Waxay sidoo kale sheegtay in qofka uu Leysinka ka dhaco kaliya laga rabo inuu soo maro caafimaadka Indhaha iyo inuu warqdda dambi la’aanta kala yimaado CID.

Sidoo kale wasiir Fardowsa ayaa sheegtay in qofka uu ka lumo Leysinka kaliya laga rabo inuu warqad kala yimaado saldhigga booliska ee u dhow, haddii la waayo Leysinkana kaliya laga rabo 20 Dollar si mid cusub loogu daabaco.

Sidoo kale agaasimaha guud wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Bashiir Macallin Cali Xasan oo isna saxaafadda ka hadlay ayaa sheegay inay mar walba garab taagan yihiin dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Dhallinyarada waa kuwa waalidiintooda ku quudinaya wixii ay Bajaajta ka shaqeystaan, aniga sideedaba waxaan taageersanahay dhallinyarada, dhallinyarow dalkiina iyo dadkiina ayaad u shaqeysaan, muwaadiniin Soomaaliyeed ayaad tihiin wixii idinka haleysan anagaa idin hor kaceyna, haddii ay banaanbax tahay anagaa idin hor kaceyna, haddii ay sharci tahayna anaa diyaar idiin ah, wixii cabasho ah oo aad qabtaan wasaaradda gaadiidka u soo gudbiya,” ayuu yiri Agaasime Bashiir Macalin.

Sidoo kale agaasimaha ayaa sheegay inaan loo dulqaadan Karin in dhallinyarada leysinka rabto lagu xujeeyo 300 Dollar, isagoo xusay in dhallinyarada aysan aawoodin inay lacag intaas la eg bixiyaan.

“300 Dollar qof dhallinyaro ah oo Maalintii 10 Dollar bajaaj ka shaqeysanayo ma bixin karo, waxaan leenahay dhallinyarow isdajiya culeys walba oo aad la kulanteena waan idinla qaadanay garabkiina ayaana taaganahay, anaga ayaana sharciga geyneyna cidda dulmiga idinku sameysay,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Madaale oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in dhallinyarada ay yihiin 70% dadka Soomaaliyeed isla markaasna ay tallaabo ka qaadi doonaan askarta dhibaatada ku heysa.

“ Askarigii lagu arko isagoo gacma gacmeysanayo dhallinyarada Bajaaj-leyda ciddii uu doono ha ahaadee waa lala xisaabtamayaa, waxaana lala tagayaa maxkamad, mana loo dulqaadanayo, haddii darawalka mootada la qabto isagoo Leysin la’aan ah waxaa ganaaxa laga dhigay 5 Dollar oo kaliya, halkii ay ka aheyd 50 Dollar” ayuu yiri  Madaale.

Hoos ka daawo

 

Xogta kulan dhex-maray Wasiir Fiqi iyo danjireyaashii u badnaa + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta kulan muhiim ahla qaatay illaa 12 safiir oo magacaaban iyo laba qunsul.

Kulankan oo ka dhacay xafiiska wasaaradda ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu wasiirka kula dardaarmay danjireyaasha cusub, oo dhawaan ay ansixiyeen golaha wasiiradda Soomaaliya.

Intii uu kulanka socday, wasiir Fiqi ayaa wuxuu safiirrada magacaaban iyo labada qunsul guud xog-waran ka siiyay howlaha muhiimka ee ay u xil-saaran yihiin.

Sidoo kale wuxuu u sheegay in ay u howl-galaan sare yeelidda danaha qaran ee Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka caalamiga, iyada oo laga filayo in wax la taaban karo ay ku soo kordhin doonaan dadaallada diblumaasiyadeed ee dalka.

Wasiirka ayaa u rajeeyay xubnahani magacaaban in ay ku guulaystaan, kana soo dhalaalaan waajibaadka loo igmaday, isaga oo ku dhiirri-geliyay in howlaha ay u qabtaan si wadannimo, naf-hurnimo, daacadnimo iyo hufnaan leh.

Ugu dambeyntiina waxa uu carabaabay kalsoonida uu ku qabo awooddooda in ay ku matalaan Soomaaliya si wax-galnimo leh oo gacan ka gaysanaysa kor u qaadidda sumcadda dalka.

Safiirradan iyo labada qunsul ayaa 6-dii bishan waxay kalsooni buuxda ka heleen golaha wasiirada, waxayna danjireyaashan dalkeena uga howlgali doona dibedda si loo dhameystiro danaha diblumaasiyadeed ee Soomaaliya ka leenahay caalamka.

Wada-hadallada Somalia iyo Itoobiya oo qarka u saaran ‘burbur kama dambeys ah’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa wajahayA inay si kama dambeys ah u burburaan, kadib laba jeer oo Ankara ay ku fashilmeen kulamo wada-hadalsiin oo Turkiga uu garwadeen ka ahaa.

Wada-hadalladan ayaa ka fashilmay dhanka Itoobiya, sida uu sheegay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo meel adag iska taagay in heshiis uu dhex-mari karo xukuumadda Addis Ababa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Itoobiya ay diiday inay aqoonsato madax-banaanida iyo wadajirka Jamhuuriyadda Soomaaliya, isagoo nasiib darro ku tilmaamay arrintaan, una cadeeyey wax bad ama ganacsi ah aysan labada dal ka wadahadli doonin.

“Wada-hadalkii Ankara waxaan uga soo kala tagnay in Itoobiya diiday inay aqoonsato Soomaaliya inay tahay dal xor ah oo deris la ah, ilaa taas ay ka ogolaatana badna kama hadli karno, ganacsina kama wada hadli doono,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu nasiib darro ku tilmaamay arrinta Itoobiya, isagoo Addis Ababa ugu baaqay inay ku soo laabato qawaaniinta caalamiga ah.

“Wada-hadalkii Ankara sababta loogu kala tegay waa in Itoobiya ay weli diidan tahay in Soomaaliya ay tahay dal xor ah oo deriskeeda ah, taas ilaa ay ka aqoonsaneyso bad iyo ganacsi toona kama wadahadli karno, waa nasiib darro in qadiyadaas ay dadka qaar noo fahmeen inaan siyaasad ka dhex raadineyno ee xuquuqdii qarankaan ayaan ilaalineynaa, qof naga dambeeyana ma ogolaa doono ee dowladda Itoobiya miyirku ha u soo laabto,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Waxa uu intaas kusii daray “Waa nasiib darro in dowladda Itoobiya ay ka garaabi la’dahay qaladka ay naga gashay, ma dhaceyso, waana riyo aan rumoobi doonin in Itoobiya ay dhulkeena qaadato ee hadan badeena ku darsato.”

Tan ayaa ka dhigan inay sii fogaan karto in waqti dhow ay heshiis gaaran Soomaaliya iyo Itoobiya, oo xiisadda xooggan ka dhex aloosan tahay, taasi oo salka ku haysa is-afgaradkii Addis Ababa ee Somaliland ay Itoobiya ugu saxiixday qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Si kastaba, dowladda Turkiga oo dadaal badan ku bixineysa sidii ay xal u gaari lahaayeen labada dal ayaa juhdi badan gelinaya wada-hadalsiinta labada dhinac ayaa illaa hadda muuqan dabac labada dhinac ah, ayada oo Itoobiya ay ku dhagan tahay is-afgaradkii Somaliland haddii wax u dhigma loogu bedelayn.

Canshuurta iibka oo maanta si rasmi ah uga dhaqan-gashay Muqdisho xilli laga gadooday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si rasmi ah dalka uga hirgashay qaadista canshuurta gadista ee loo yaqaano (VAT).

Canshuurtan oo ay ka qeyliyeen shacabka Muqdisho ayey dowladda beddeshay hanaanka tooska ah ee loo jaranayo, ayada oo ka go’aysa lambarada ganacsi ee loo yaqaano Merchant.

Ganacsatada ayaa lacagta canshuurta iibka ku dalaceysa muwaadinka, kadibna marka uu isla marka dhaco iibka dowladda ayaa lambarka ganacsadaha ka jaraneysa xadiga canshuureed ee uu wax ku iibsaday.

Inkasta oo hanaanka ay dowladda u jaraneyso canshuurta ay sheegtay inay tahay mid ganacsatada ka go’aysa, haddana culeyska waa mid shacabka ku dhacaya, maadaama ayaga lagu dalacayo canshuurtan oo dhan 5%.

Qiimaha lagu bilaabay canshuurtan ayey dowladda sheegtay ah inuu yahay kan ugu yar waddamada geeska Afrika, taas oo ay ku tilmaamtay mid “ay dowladda ugu turayso shacabka Soomaaliyeed” oo kasoo kabanaya duruufo qalafsan oo muddo dheer ay kusoo jireen.

Dhinaca kale, waxaa maanta xiran ganacsiyada Muqdisho qaarkood, ayada oo ganacsatada ku ganacsada suuqa Bakaaraha ay albaabada u laabeen ganacsiyadooda, kadib markii ay cabasho xooggan ka muujiyeen canshuurta ay dowladda maanta dhaqan-galisay.

Dowladda iyo ganacsatada ayaa horey ugu kala kacay kulamo looga hadlay canshuurtan, oo culeys kale sii saareysa shacabka Muqdisho oo laga qaado lacago loo sameystay magacyo kala duwan, xilli ay lacag la’aan baahsan soo wajahday caasimadda.

Daawo: Amar kasoo baxay madaxda dalka oo ka dhaqan-galay Boondheere

Muqdisho (Caasimada Online)  – Waxaa xalay degmada Boondheere ka dhaqan-galay amar kasoo baxay madaxda sare ee dalka, kaas oo ku aadan in la dadargeliyo howlaha sugidda amniga Muqdisho, waxaana ka dhacay howlgal culus oo amni xaqiijin ah.

Howlgalkan oo ay iska kaashadeen ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad-sugidda ayaa waxaa laga fuliyay waddooyina iyo dhammaadan xaafadda degmadaasi.

Guddoomiyaha Boondheere Mudane Cabdullaahi Xasan Sheekh Cabdi oo qayb ka ahaa howlgalka ayaa ka warbixiyay, wuxuuna sheegay inay u guur galayeen xaaladda guud.

“Waxaan qabanay howlgal amniga lagu xaqiijinaayo guud ahaan degmada Boondheereoo ay iska kaashanayaa maamulka degmada Boondheere, taliska saldhigga degmada iyo taliska nabad-sugidda ee degmada, waxaan u kuugaleynay xaaladda guud iyo goobaha ganacsiga annaga oo wareysaneyno” ayuu yiri guddoomiye C/laahi Xasan Sheekh Cabdi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in howlgalka uu qayb ka ahaa fulinta amarka kasoo baxay madaxda sare iyo duqa Muqdisho ee ku aadan xaqiijinta amniga magaalada Muqdisho.

“Ujeedka waxa uu ahaa inaa fulino amarkii kasoo baxay madaxda sare iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ah in la dardargeliyo howlaha amniga lagu xaqiijinaayo caasimada ay qayb ka ahayd” ayuu mar kale yiri guddoomiyuhu.

Waxaa kale oo uu farriin u diray shacabka degmada Boondheere oo uu ugu baaqay inay ciidamada ammaanka kala shaqeeyaan nabad-gelyada iyo xasiloonida guud.

“Runtii bulshada reer Boondheere waa dad aad u jecel nabadda iyo dowladnimada, waxaana ku adkeyneynaa inay la shaqeeyaan ciidamada amniga” ayuu kusii daray.

Boondheere ayaa kamid ah meelaha ay dhowaan ka dhaceen weerarada qaraxyada ah, waxaana la beegsaday maqaayadda Top Coffee oo ku taalla degmadaasi, halkaas oo lagu laayay dhalinyaro ciyaaro ku daawanayay maqaayadda, xilliga la weeraray.

Blinken oo tegaya Tel Aviv, si uu Israel ugu cadaadiyo hal arrin

0

Tel Aviv (Caasimada Online) – Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa lagu wadaa inuu maanta oo Axad ah gaaro Israa’iil.

Socdaalkan ayaa qeyb ka ah dadaalka diblumaasiyadeed ee Washington ay ku dooneyso in xabad joojin laga gaaro dagaalka Gaza, taasi oo haddii lagu guulaysto soo afjareysa dagaalka 10-ka bilood jirsaday ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Safarka 10-aad ee dublamaasiga ugu sareeya Mareykanku uu ku tagayo gobolka, tan iyo markii uu dagaalku billowday bishii Oktoobar ee sannadkii hore.

Waxay sidoo kale ku soo beegmaysa maalmo ka dib markii Mareykanku uu soo bandhigay hindise isku dhafan oo dhexdhexaadiyeyaasha isugu jira Maraykanka, Qatar iyo Masar ay rumeysan yihiin in lagu soo gaabin karo farqiga u dhexeeya dhinacyada is haya.

Saraakiisha Maraykanka waxay tibaaxayaan inay jirto rajo cusub oo ah in caqabadaha laga gudbo, laakiin sidoo kale ay weli jiraan qodobo shaqo u baahan.

Dhanka kale xoghaye Blinken ayaa la filayaa inuu la kulmo ra’iisal wasaaraha Israa’iil iyo saraakiil kale.

Haddii aan guul laga gaarin wadahadaladan, waxay u muuqdaan inay gobolka ku soo riixayaan inuu cagaha la galo dagaal baahsan.

Iran ayaa ku hanjabtay inay ka aargoosan doonto Israa’iil kadib dilkii Hogaamiyihii Xamaas Ismail Haniyeh oo lagu dilay Tehran 31-kii July.

Afhayeenka BOOLISKA oo raalli-gelin ka bixiyay gefkii uu gaystay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan oo soo saaray warsaxaafadeed ayaa raalligelin buuxda ka bixiyay gef uu dhowaan u gaystay Wariyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho, kaas oo sababay in warbaahinta joojiso wada shaqeyntii Booliska.

Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa qoraalkiisa ku raalli-geliyay Wariyeyaasha Muqdisho, gaar ahaan wardoonayaasha oo isaga tabasho ka keenay, una gudbiyay taliska Booliska.

“Waxaan raalli-galin buuxda ka bixinayaa Tabashooyinka Wariyayaasha iyo Warbaahinta ay ka howl-galaanba ee Muqdisho ka qabeen qeybta Warfaafinta ee Boliiska gaar ahaan Xafiiska Af-hayeenka Boliiska Soomaaliyeed” ayuu yiri afhayeeenka ciidanka Booliska.

Arrintan ayaa sidoo kale ku timid kadib kulamo dhex-maray labada dhinac oo la’iskula gartay in dib loo soo celiyo wada shaqeyntii warbaahinta iyo booliska Soomaaliya.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

Waxaan raalli galin buuxda ka bixinayaa Tabashooyinka Wariyayaasha iyo Warbaahinta ay ka howl-galaanba ee Muqdisho ka qabeen qeybta Warfaafinta ee Boliiska gaar ahaan Xafiiska Af-hayeenka Boliiska Soomaaliyeed.

Warbaahintu waa tiir ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee dalka jiheeya waxayna door muuqda ka qaadtaan nabadda iyo baraarujinta bulshada,Sidaas awgeed waxaa bogaadinayaa doorkoodaas islamarkaana ugu baaqay inay sii laba jibaaraan howsha baaxadda leh ee dadka iyo dalka u hayaan.

Kulama noo Socdey Maalmihii Lasoo Dhaafey Ayaan ku lafa gurney wixii Qaladaad ah ee jirey  waxaana ugu mahadcelinayaa  sida qiimaha leh ee ay u aqbaleen inay Lashaqeeyaan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed  .tabashadoodina wax laga qabtey  intii karaankeena aheyd ,

Guddiga Wariyayaasha matalaayey ayaa dhankooda aqbalay raalli-galinta waxayna ballan-qaadeen inay sii xoojinayaan wada shaqeynta

Wada Shaqeyn wacan

Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Bakaaraha kadib go’aankii DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa gebi ahaan albaabada la’isugu soo laabay ganacsiyadii suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, sababo la xiriira canshuurta cusub ee ay soo kordhisay dowladda Soomaaliya ee maanta dhaqan-geleysa.

Ganacsatada ayaa weli cabasho ka muujinayo go’aanka dowladda ee la xiriira jarista canshuurta iibka oo dhan 5%, taas oo ay sheegeen inay culays ku tahay.

Sida ay ogaataya Caasimada Online ganacsatada oo ka jawaabaya go’aanka dowladda ayaa iyaguna isla qaatay inay xiraan ganacsigooda, si loo xalliyo cabashadooda.

Mid kamid ah ganacsatada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay dareemayaan culays ay soo saartay dowladda, kaas oo ka dhashay canshuurta cusub ee la saaray.

“Waxaan dareemeynaa inuu culayska nagu sii badanayo, waana arrin aan qaadi karin canshuurta cusub ee lasoo rogay” ayuu yiri mid kamid ganacsatada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Ninka Marchanti lacag ka jaro EVC-gana wuu ka jari karaa sida xaqiiqda ah marka aan ka hadalno”.

Dhinaca kale Madaxweynaha oo xalay la hadlay dadweynaha ayaa shaaciyey labo arrin oo caadi ka dhigeysa in loo hoggaansamo go’aanka dowladdu ay ku qaadeyso canshuurta iibka ee ay soo rogtay wasaaradda maaliyadda dalka , kuwaas oo kala ah:

1 – in canshuurtaan ay horay u bixi jireen ganacsatada Soomaaliyeed “Waxaa maalin kasta la idinka qaadin jiray iyadoo la idin handadayo, waxayna geli jirtay gacno aan aamin aheyn, hadda waxaan ka shaqeynay inaan ku qaadno gacan aamin ah oo System marsiino,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

2 – Nidaamka Marjentiga la yiraahdo ayaa canshuurtaan lagu qaadayaa, “Qof leesin heysta oo ganacsade ah kaliya ayaa isticmaala nidaamkaas, dadweynaha caadiga ah kama go’eyso lacagtaas, EVC lacag aad ku dirtay kama go’eyso,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Xogta kulankii ganacsatada iyo DF ee xalay ka dhacay Villa Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Macaluumaad dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan gaar ah oo u dhexeeyay dowladda Soomaaliya iyo ganacsatada, kaas oo xalay ka dhacay Villa Soomaaliya, waxaana guddoomiyaya ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Kulankan oo ay goobjoog ahaayeen wasiirka maaliyadda Biixi Iimaan Cige iyo wakiilo ka socday ganacsatada gobolka Banaadir ayaa diiradda lagu saaray cabashada ka dhalatay canshuurta iibka ee ay haatan soo rogtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo Warbaahinta la hadlay ayaa faah-faahiyay kulanka, wuxuuna sheegay inay isfaham buuxa ku gaareen xukuumadda iyo ganacsatada.

Biixi Iimaan Cige ayaa shaaca ka qaaday in lagu heshiisyay in dowladdu wax ka qabato culaysyada ay sheeganayaan ganacsatada, ayna soo bixi doonaan qaraaro xal u ah arrintaasi.

“Waxaa lagu heshiiyay in cabashadii iyo culaysyadii ay ganacsatadu soo tabiyeen ay dowladdu lasoo wadaageen ay dowladdu si deg-deg deg ah u xaliso, waxaana dhawaan soo bixi doono qaraaro dowladeed oo dhammaan cabashooyinkaas lagu furdaaminay” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo kulanka kadib la hadlay Wariyeyaasha.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in lagu heshiiyay in canshuurka iibka la qaado, isla markaana ay sideeda ku dhaqan gasho maanta oo ah 18/08/2024.

“Waxaan dhanka kale iyadana la’isku afgartay canshuurta gadista ee dowladdu mudeysay maanta in la qaado, iyadana is afgarad laga gaaray sidii ay dowladda u muddeysay ay ku bilaabanto” ayuu mar kale yiri wasiiri Biixi Iimaan Cige.

Sidoo kale wuxu sii raaciyay “Shirka guul ayuu kusoo dhammaaday labada qaddiyadood ee meesha taallay waa la’isla fahmay in cabashada ganacsatada la xalliyo oo meel la saaro iyo canshuurta inay sideeda u bilaabato”.

Daawo: Xasan Sheekh oo shaaciyey is-bedel ku yimid dagaalka Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay qeyb ka mid ah khudbad dheer oo uu jeediyey kaga hadlay dagaalka dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta ah, isagoo cadeeyey in dagaalkii uusan joogsan, balse uu isbedelay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in qorshihii dagaalka uu is bedelay, isagoo tusaale u soo qaatay howlgallada ka bilowday Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo labadii sano ee lasoo dhaafay aysan wax dagaal ah oo ciidamada dowladdu qaadeen uusan ka dhicin.

“Dagaalkii labo sano ka hor soo bilowday ee Khawaarijta walaalayaal waa socdaa, hadii la idin yiri dagaalkii waa joogsaday waa been, dagaalku maanta ayuu intii hore kasii xoog badan yahay, dhulkii lagu dagaalamayey iyo dabeedacihiisu waa is bedeleen, nooca dagaalkuna waa is bedelay,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dagaalka lasii balaariyey, “Meel kasta ayuu dagaalku ka socdaa, dowladaan ajandeheeda koowaad waa dagaalka Khawaarijta waana socdaa, waxaana idiin xaqiijinayaa inuu socon doono ilaa Khawaarijta laga adkaado, ma istaagin, mana daciifin, maanta ayaan ka awood badanahay maalintii aan soo bilownay,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa cadeeyey in uusan ka walwaleyn in Shabaab ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ka guuleystaan “Waan gaareynaa guusha, qofkii walwal muujiya wuxuu macna tirayaa wiilka Soomaaliyeed ee xoreynta dalkaan dhiigiisa u huray,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadka faafinaya dacaayadaha ka dhanka ah ciidanka iyo dagaalka ay shalay tageen dhulkii la xoreeyey ee wiilashada Soomaaliyeed ay u shahiideen, taasi oo u muuqatay inuu ugu jawaabayo Sheekh Shariif oo shalay joogay deegaanka Burka Derin ee Sh/Dhexe oo ka mid ah deegaanadii la xoreeyey.

Hoos ka daawo

Howlgal khasaare culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo ka dhacay Baay + Sawirro

0

Buurhakaba (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta howlgal culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka degmada Buurhakaba, kaas oo ay iska kaashadeen ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo kuwa dadka deegaanka.

Howlgalka lagu beegsaday fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Jameeco oo qiyaastii 25 KM u jira Buurhakaba, waxaana lagu gaarsiiyay khasaare culus, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale taliyaha ciidanka Daraawiishta degmada Buurhakaba Sandheere Xasan Aadan oo hoggaaminayay howlgalkan ayaa xusay in weli howlgalka uu sii socdo, isla markaana ay cagta mariyeen fariisimo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Baay.

Shalay ayaa sidaan oo kale ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ugaa sameeyay qaybo kamid ah gobolka Bakool ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas laga gaaray natiijo wax ku ool ah, waxaa si gaar ah u fuliyay guutada 9-aad qeybta 60-aad oo beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Howlgalladaas ayaa si gaar ah loogu furay waddada dheer ee xiriirisa Xudur iyo Qurac Joome oo ah wado muhiim ah oo mudo dheer u xirneyd kooxda oo go’doon gelisay deegaanada ku yaalla halkaasi.

Ku dhowaad 100 qof oo lagu dilay dalka SUDAN

Khartoum (Caasimada Online) – Millatariga Sudan iyo dad goob-joogayaal ah ayaa Sabtidi sheegay, in malleeshiyo ka tirsan xoogagga dagaalka kula jira ciidamada Sudan ay cagta mariyeen tuulo ku taalla bartamaha Sudan, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 85 qof.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sudan ayaa lagu sheegay, in rag hubeysan oo ka tirsan xoogagga RSF ay dhammaadki bishi Julay iyo todobaadki hore, ay weerar xoog leh ku ekeeyeen deegaanka Galgani oo ka tirsan gobolka Sennar ee bartamaha Sudan, halkaas oo ay ka geysteen gabood-fallo isugu jiray dil, kufsi, bili-laqo iyo qarbudaad.

Warbixinta ayaa sheegeysa, in kooxdani ay dab qabad siiyeen tuulada, kaddib marki ay dadka deegaanka iska caabiyeen isku day ay malleeshiyadni ku rabeen in ay ku afduubtaan dumar iyo gabdho yar yar.

Kooxda RSF, dhowr jeer ayaa horay loogu eedeeyay in ay xasuusq, kufsi iyo danbiyo kale oo gurracan oo ka dhan ah bani’aadannimada oo ay kula kaceen rayidka Sudan, tan iyo marki uu billowday dagaalka sokeeye, bishi April ee sannadki hore.

Daawo: Madaxweyne Xasan oo shaaciyey dadka laga qaadayo canshuurta cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qeyb ka mid ah khudbadiisa uga hadlay cidda ay ku waajibeyso canshuurta cusub ee iibka oo wasaaradda maaliyadda ay sheegtay in qaadisteeda la bilaabayo Axada berri ee 18-ka bishaan.

Madaxweynaha ayaa shaaciyey labo arrin oo caadi ka dhigeysa in loo hoggaansamo go’aanka dowladdu ay ku qaadeyso canshuurtaas, kuwaas oo kala ah:

1 – in canshuurtaan ay horay u bixi jireen ganacsatada Soomaaliyeed “Waxaa maalin kasta la idinka qaadin jiray iyadoo la idin handadayo, waxayna geli jirtay gacno aan aamin aheyn, hadda waxaan ka shaqeynay inaan ku qaadno gacan aamin ah oo System marsiino,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

2 – Nidaamka Marjentiga la yiraahdo ayaa canshuurtaan lagu qaadayaa, “Qof leesin heysta oo ganacsade ah kaliya ayaa isticmaala nidaamkaas, dadweynaha caadiga ah kama go’eyso lacagtaas, EVC lacag aad ku dirtay kama go’eyso,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa balan-qaaday in dadka ku takri falaya awooda dowladnimada uu dadka ka qaban doono, isagoo codsaday in dowladnimada loo hogaansamo oo canshuurta la bixiyo.

“Waa nala kabaa tan iyo markii dib loo soo dhisay dowladnimadeena 3-aad sanadkii 2000, taas waxaan uga bixi karnaa inaad canshuurta bixisaan,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay soo gaartay cabashada ganacsatadu ay ka qabaan dekedda, canshuuraha ama meel kasta oo ay wax ka tabanayaan “Wasiirka Maaliyadda ayey la fariisteen oo cabashada u gudbiyeen, wasiirka kaligiis ma quseyso arrintaan ee hey’ado badan oo dowladda kamid ah ayey ka dhaxeysaa, waxaana lagu dhaqaaqay in wixii qaldan la saxo,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu hayo xogta qaar kamid ah ganacsatadii balanta la soo gashay wasiirka oo abaabulaya rabshado iyo balaayo aan loo baahneyn, sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna ka digay in magaaladaan lala yimaado wax sharciga baal-marsan.

Hoos ka daawo

DF oo Dr. Xuseen Abuukar madax uga dhigtay guddi ka hortagaya cudur halis ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka Dr. Xuseen Abuukar Muxyadiin ayaa loo magacaabay inuu maareeyo arrimaha degdegga ah (Emergency) ee Caafimaadka Dalka Soomaaliya, National Incident Manager-ka dalka for mpox diseases.

Sida aan la socono waxaa wadamada deriska ah ka dilaacay cudurka MPOX, waxaana la aas-aasay koox quburo caafimaad ah oo Agaasime Guud Dr. Xuseen Abuukar Muxyadiin uu hoggaaminayo.

Quburada loo soo xulay howlgalka degdegga ah ee Caafimaadka Qaranka, gaar ahaan ka hortagga iyo xakameynta cudurka dilaacay ee Mpox ayaa ka kooban 19 qof, waxaana hoggaaminaya Agaasimaha Guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka Dr. Xuseen Abuukar.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS ayaa si dhow ula socotay digniin caalami ah oo ay dhawaan soo saartay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, taas oo sheegeysa in cudurka dilaaga ah ee loo yaqaan ‘Mpox’ uu ka dilaacay qaar kamid ah dalalka deriska la ah Soomaaliya.

“Anigoo aqoonsan masuuliyadda weyn ee wasaaradda ka saaran ilaalinta caafimaadka iyo fayo-qabka shacabka Soomaaliyeed, waxaan qoraalkan idiinku soo gudbinayaa in aan idinla socodsiiyo dhismaha Guddiga Gurmadka Caafimaadka Qaranka,” ayaa lagu yiri warqad ka soo baxday xafiiska wasiirka caafimaadka Dr. Cali Xaaji.

Dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee dillaaca Mpok ee dalalka deriska ah iyo ku dhawaaqista WHO ee Xaaladda degdegga ah ee Caafimaadka Dadweynaha ayaa sababtay in deg deg loo soo xulo guddi dhakhaatiir qaran ah oo Agaasimaha Guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka Dr. Xuseen Abuukar uu hoggaaminayo.

“Digniinaha jira waxay muhiim ka dhiganayaan inaan u diyaar garowno khatarta oo firfircoon muujino, si loo maareeyo dhibaatadan caafimaadka dadweynaha ku soo wajahan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Kooxda Maaraynta Dhacdada oo uu hoggaamiyo Maareeyaha Dhacdada Dr. Xuseen Abuukar waxa loo igmaday inay hogaamiso oo isku dubarido dhamaan qorshooyinka u diyaar garowga cudurka Mpox, ka hor inta aan lagu dhawaaqin kiisas dilaacay.

Xanuunkaan cusub ayaa u eg cudurka ay Soomaalidu u taqaano Busbuska, waxaana kiisas cudurkaan laga helay dalal ay ugu horeyso Kenya, waxaana cabsi badan laga qabaa inuu soo gaaro Soomaaliya.

Hoos ka akhriso warqadda 

Daawo: DF oo dhawaaqday go’aan culus oo ka dhashay qorshaha Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa cadeeyey inay fashilmeen wadahadaladii Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku yesheen Ankara, isagoo shaacuiyey go’aan culus oo Soomaaliya ay qaadatay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Itoobiya ay diiday inay aqoonsato madax-banaanida iyo wadajirka Jamhuuriyadda Soomaaliya, isagoo nasiib darro ku tilmaamay arrintaan, una cadeeyey wax bad ama ganacsi ah aysan labada dal ka wadahadli doonin.

“Wadahadalkii Ankara waxaan uga soo kala tagnay in Itoobiya diiday inay aqoonsato Soomaaliya inay tahay dal xor ah oo deris la ah, ilaa taas ay ka ogolaatana badna kama hadli karno, ganacsina kama wada hadli doono,” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay difaaci jirtay qawaaniinta caalamiga ah, isagoo mar kale Itoobiya ugu baaqay inay ku soo laabato sharciga iyo qawaaniinta caalamiga ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa nasiib darro ku tilmaamay arrinta Itoobiya, “Waa nasiib darro in dowladda Itoobiya ay ka garaabi la’dahay qaladka ay naga gashay, ma dhaceyso, waana riyo aan rumoobi doonin in Itoobiya ay dhulkeena qaadato ee hadan badeena ku darsato,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Itoobiya ay bilowday daandaansi, balse hadafka Soomaaliya uu yahay in Jamhuuriyadda Soomaaliyeed aan lasoo faro-gelin, hadii wax kasta dhacaan.

“Uma aanaan jawaabin Itoobiya wax kasta oo ay sameysan, hadafkeena ayaan ku taaganahay Turkigu waa dadaaleen, waana u mahad celinaynaa, laakiin xaqeena kama tanaasuli doono,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ka hadlay heshiisyada ay Soomaaliya la geleyso dalalka kale, “Soomaaliya waa xor, cidey doonto oo maslaxadeeda ay ka dhex aragto ayey la heshiinee, danaheena cidii ka hor imaata, anagana danahooda waan ka hor imaaneynaa, waxaan ka shaqeynaa maslaxadeena kaliya,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii Xasan Sheekh ayaa Itoobiya uga digay inay danqiso boogihii Soomaaliya iyo Itoobiya kala gaaray, “Deris inaan ahaano ma aanaan dooran, xuduuda ugu dheer oo aad leedihiin, anaga ayaad nala wadaagtaan ee cadowga aan wada leenahay ha u hiilinina ee ku soo laabta jidka toosan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hoos ka daawo