24.9 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Daawo: Madaxweyne Xasan oo shaaciyey dadka laga qaadayo canshuurta cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qeyb ka mid ah khudbadiisa uga hadlay cidda ay ku waajibeyso canshuurta cusub ee iibka oo wasaaradda maaliyadda ay sheegtay in qaadisteeda la bilaabayo Axada berri ee 18-ka bishaan.

Madaxweynaha ayaa shaaciyey labo arrin oo caadi ka dhigeysa in loo hoggaansamo go’aanka dowladdu ay ku qaadeyso canshuurtaas, kuwaas oo kala ah:

1 – in canshuurtaan ay horay u bixi jireen ganacsatada Soomaaliyeed “Waxaa maalin kasta la idinka qaadin jiray iyadoo la idin handadayo, waxayna geli jirtay gacno aan aamin aheyn, hadda waxaan ka shaqeynay inaan ku qaadno gacan aamin ah oo System marsiino,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

2 – Nidaamka Marjentiga la yiraahdo ayaa canshuurtaan lagu qaadayaa, “Qof leesin heysta oo ganacsade ah kaliya ayaa isticmaala nidaamkaas, dadweynaha caadiga ah kama go’eyso lacagtaas, EVC lacag aad ku dirtay kama go’eyso,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa balan-qaaday in dadka ku takri falaya awooda dowladnimada uu dadka ka qaban doono, isagoo codsaday in dowladnimada loo hogaansamo oo canshuurta la bixiyo.

“Waa nala kabaa tan iyo markii dib loo soo dhisay dowladnimadeena 3-aad sanadkii 2000, taas waxaan uga bixi karnaa inaad canshuurta bixisaan,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay soo gaartay cabashada ganacsatadu ay ka qabaan dekedda, canshuuraha ama meel kasta oo ay wax ka tabanayaan “Wasiirka Maaliyadda ayey la fariisteen oo cabashada u gudbiyeen, wasiirka kaligiis ma quseyso arrintaan ee hey’ado badan oo dowladda kamid ah ayey ka dhaxeysaa, waxaana lagu dhaqaaqay in wixii qaldan la saxo,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu hayo xogta qaar kamid ah ganacsatadii balanta la soo gashay wasiirka oo abaabulaya rabshado iyo balaayo aan loo baahneyn, sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna ka digay in magaaladaan lala yimaado wax sharciga baal-marsan.

Hoos ka daawo

DF oo Dr. Xuseen Abuukar madax uga dhigtay guddi ka hortagaya cudur halis ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka Dr. Xuseen Abuukar Muxyadiin ayaa loo magacaabay inuu maareeyo arrimaha degdegga ah (Emergency) ee Caafimaadka Dalka Soomaaliya, National Incident Manager-ka dalka for mpox diseases.

Sida aan la socono waxaa wadamada deriska ah ka dilaacay cudurka MPOX, waxaana la aas-aasay koox quburo caafimaad ah oo Agaasime Guud Dr. Xuseen Abuukar Muxyadiin uu hoggaaminayo.

Quburada loo soo xulay howlgalka degdegga ah ee Caafimaadka Qaranka, gaar ahaan ka hortagga iyo xakameynta cudurka dilaacay ee Mpox ayaa ka kooban 19 qof, waxaana hoggaaminaya Agaasimaha Guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka Dr. Xuseen Abuukar.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS ayaa si dhow ula socotay digniin caalami ah oo ay dhawaan soo saartay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, taas oo sheegeysa in cudurka dilaaga ah ee loo yaqaan ‘Mpox’ uu ka dilaacay qaar kamid ah dalalka deriska la ah Soomaaliya.

“Anigoo aqoonsan masuuliyadda weyn ee wasaaradda ka saaran ilaalinta caafimaadka iyo fayo-qabka shacabka Soomaaliyeed, waxaan qoraalkan idiinku soo gudbinayaa in aan idinla socodsiiyo dhismaha Guddiga Gurmadka Caafimaadka Qaranka,” ayaa lagu yiri warqad ka soo baxday xafiiska wasiirka caafimaadka Dr. Cali Xaaji.

Dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee dillaaca Mpok ee dalalka deriska ah iyo ku dhawaaqista WHO ee Xaaladda degdegga ah ee Caafimaadka Dadweynaha ayaa sababtay in deg deg loo soo xulo guddi dhakhaatiir qaran ah oo Agaasimaha Guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka Dr. Xuseen Abuukar uu hoggaaminayo.

“Digniinaha jira waxay muhiim ka dhiganayaan inaan u diyaar garowno khatarta oo firfircoon muujino, si loo maareeyo dhibaatadan caafimaadka dadweynaha ku soo wajahan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Kooxda Maaraynta Dhacdada oo uu hoggaamiyo Maareeyaha Dhacdada Dr. Xuseen Abuukar waxa loo igmaday inay hogaamiso oo isku dubarido dhamaan qorshooyinka u diyaar garowga cudurka Mpox, ka hor inta aan lagu dhawaaqin kiisas dilaacay.

Xanuunkaan cusub ayaa u eg cudurka ay Soomaalidu u taqaano Busbuska, waxaana kiisas cudurkaan laga helay dalal ay ugu horeyso Kenya, waxaana cabsi badan laga qabaa inuu soo gaaro Soomaaliya.

Hoos ka akhriso warqadda 

Daawo: DF oo dhawaaqday go’aan culus oo ka dhashay qorshaha Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa cadeeyey inay fashilmeen wadahadaladii Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku yesheen Ankara, isagoo shaacuiyey go’aan culus oo Soomaaliya ay qaadatay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Itoobiya ay diiday inay aqoonsato madax-banaanida iyo wadajirka Jamhuuriyadda Soomaaliya, isagoo nasiib darro ku tilmaamay arrintaan, una cadeeyey wax bad ama ganacsi ah aysan labada dal ka wadahadli doonin.

“Wadahadalkii Ankara waxaan uga soo kala tagnay in Itoobiya diiday inay aqoonsato Soomaaliya inay tahay dal xor ah oo deris la ah, ilaa taas ay ka ogolaatana badna kama hadli karno, ganacsina kama wada hadli doono,” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay difaaci jirtay qawaaniinta caalamiga ah, isagoo mar kale Itoobiya ugu baaqay inay ku soo laabato sharciga iyo qawaaniinta caalamiga ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa nasiib darro ku tilmaamay arrinta Itoobiya, “Waa nasiib darro in dowladda Itoobiya ay ka garaabi la’dahay qaladka ay naga gashay, ma dhaceyso, waana riyo aan rumoobi doonin in Itoobiya ay dhulkeena qaadato ee hadan badeena ku darsato,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Itoobiya ay bilowday daandaansi, balse hadafka Soomaaliya uu yahay in Jamhuuriyadda Soomaaliyeed aan lasoo faro-gelin, hadii wax kasta dhacaan.

“Uma aanaan jawaabin Itoobiya wax kasta oo ay sameysan, hadafkeena ayaan ku taaganahay Turkigu waa dadaaleen, waana u mahad celinaynaa, laakiin xaqeena kama tanaasuli doono,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ka hadlay heshiisyada ay Soomaaliya la geleyso dalalka kale, “Soomaaliya waa xor, cidey doonto oo maslaxadeeda ay ka dhex aragto ayey la heshiinee, danaheena cidii ka hor imaata, anagana danahooda waan ka hor imaaneynaa, waxaan ka shaqeynaa maslaxadeena kaliya,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii Xasan Sheekh ayaa Itoobiya uga digay inay danqiso boogihii Soomaaliya iyo Itoobiya kala gaaray, “Deris inaan ahaano ma aanaan dooran, xuduuda ugu dheer oo aad leedihiin, anaga ayaad nala wadaagtaan ee cadowga aan wada leenahay ha u hiilinina ee ku soo laabta jidka toosan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hoos ka daawo

Daawo: Xasan Sheekh oo jeediyey khudbad uu kaga hadlay 4 qodob oo xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa jeediyey khudbad uu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo xaaladda dalka ku saabsan iyo farriin u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u dul-istaagay cabashada Bajaaj-leyda, arrimaha canshuuraha cusub ee iibka, wadahadaladii Soomaaliya iyo Itoobiya iyo arrimaha doorashooyinka.

Ugu horeyn Madaxweynaha ayaa sheegay in cabashada Bajaaj-leyda Muqdisho ay soo gaartay, isagoo balan qaaday in qabad kasta oo jirta ay dowladdu xali doonto, isagoo dhalinyarada uga digay in lagu soo dhex dhuunto oo dano gaar ah laga dhex fushado.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa ka hadlay canshuurta cusub ee lasoo rogayo, isagoo faahfaahiyey qaabka loo qaadayo canshuurtaas oo horay wax faahfaahin ah aan looga bixin.

“Been ayaa la idiin sheegay nidaamka Marjentiga la yiraahdo ee goobaha ganacsiga lacagta loogu diro ayaa lagu qaadayaa lacagtaan, adduunka waa canshuurta ugu yar ee dal qaado, dadka dhan iyo lacag kasta oo la isku dirayo ma ahan waxa la canshuurayo ee waa iibka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa balan-qaaday in dadka ku takri falaya awooda dowladnimada uu dadka ka qaban doono, isagoo codsaday in dowladnimada loo hogaansamo “Waa nala kabaa tan iyo markii dib loo soo dhisay dowladnimadeena 3-aad sanadkii labadii 2000, taas waxaan uga bixi karnaa inaad canshuurta bixisaan,” ayuu yiri.

Wax kasta oo cabasho ah oo ganacsatada ka timid ayuu sheegay inay soo gaareen, sidoo kalena wasiirka maaliyadda uu la fariistay ganacsatada, isagoo xaqiijiyey in dowladda ay ka go’an tahay in canshuurtaasi la qaado, “Anigoo odagii dalka ah waxaan codkeyga ku biiriyey in canshuurtaas qaadideeda la bilaabo ee walaalayaal nala ogolaada, wixii tabasho ahna dowladdu waa xalineysaa,” ayuu yiri.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa nasiib darro ku tilmaamay arrinta Itoobiya, “Waa nasiib darro in dowladda Itoobiya ay ka garaabi la’dahay qaladka ay naga gashay, ma dhaceyso, waana riyo aan rumoobi doonin in Itoobiya ay dhulkeena qaadato ee hadan badeena ku darsato,” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay difaaci jirtay qawaaniinta caalamiga ah, isagoo mar kale Itoobiya ugu baaqay inay ku soo laabato qawaaniinta caalamiga ah, isagoo shaaciyey wax yaabihii fashiliyey wadahadaladii Itoobiya.

“Wadahadalkii Ankara sababta loogu kala tegay waa in Itoobiya ay weli diidan tahay in Soomaaliya ay tahay dal xor ah oo deriskeeda ah, taas ilaa ay ka aqoonsaneyso bad iyo ganacsi toona kama wadahadli karno, waa nasiib darro in qadiyadaas ay dadka qaar noo fahmeen inaan siyaasad ka dhex raadineyno ee xuquuqdii qarankaan ayaan ilaalineynaa, qof naga dambeeyana ma ogolaa doono ee dowladda Itoobiya miyirku ha u soo laabto,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Hoos ka daawo

Maxay Somaliland ka tiri ciidamada ay Masar usoo direyso Soomaaliya?

0

Qaahira (Caasimada Online)  – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa weerar culus ku qaaday dowladda Masar, isaga oo ka horyimid ciidamada ay usoo direyso Soomaaliya.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Masar ay waligeed kasoo horjeeday qaranimada Somaliland, isaga oo su’aal ka keenay sababta ay ciidamo ugu soo direyso Soomaaliya, uguna gurman waysay walaalaha reer Falasteen ee la gumaadayo.

“Masar la dagaalanka Somaliland inay qaran noqoto ee haddane u dagaalameyso inay Xamar kamid noqoto ee ciidanka usoo direyso horta waxaa uga baahan Rafax inay furto oo deeqda caalamka siinayo walaalaha Falastiin oo aad aragteen waxa ku dhacay ee 40 kun lagu dilay” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Somaliland.

Sidoo kale wuxuu is barbar dhig ku sameeyay Masar iyo Turkiga oo labaduba haatan saaxibo la ah Soomaaliya, isla markaana ka caawiya dhinaca ammaanka.

Madaxweyne Biixi ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamo ay soo dirtay Masar aanay horumar gaarsiin doonin Soomaaliya, wuxuuna tusaale usoo qaatay dalka Yemen oo uu sheegay in Masar ay ciidamo u dirtay xilligii gumeystaha, illaa maantana ay dhibaato ka jirto.

“Waxaan kaloo caddeynayaa dowladda Masar oo dowlad wayn ah in iyada Turkiga ay isku dhaqan yihiin meelo badan waa wada Islaam waa dowlado qaabkooda dhismahooda u baahan yahay inuu wax badan hagaago, haddana Masar inta la hubo meel ay ciidan u dirtay oo tiri waan gargaarayaa waxa ugu horreeyay uguna dambeeyay dalka la yiraah Yemen Mushkiladdii uu ku abuuray lixdankii illaa maanta waa ka taagan tahay Yeman” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Madaxweynaha Somaliland ayaa ugu dambeyn ka digay ciidamada Masar ee Muqdisho la keenayo, wuxuuna sheegay inay dhibaato horleh ka abuuri doonaan.

“Waxaan leenahay ciidanka Masaarida ee la geynaayo Xamar dabka uu ka shidi doono iga qora waa la arki doonaa hee” ayuu mar kale yiri madaxweyne Biixi.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo todobaadkii ay heshiis difaac kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Masar, sidoo kalena labada dal ay isku raaceen in Masar ay ciidamo usoo dirto Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka noqonaya howlgalka cusub ee bedalaya ATMIS.

PUNTLAND oo amartay in aragti lagu toogto saddex nin oo…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa maanta soo saartay go’aan culus oo ka dhan ah saddex nin oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo dhowaan ka baxsaday xabsi ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Sarakaal sare oo ka tirsan maxkamadda ayaa sheegay in raggaas oo hadda la raadinayo ay ku xukumanaayeen dil toogasho ah, isla markaana ay la mid yihiin 10-kii nin ee ka tirsanaa Al-Shabaab ee saaka lagu toogtay fagaare ku yaalla waqooyiga Gaalkacyo.

Sidoo kale wuxuu sarkaalkan amar ku bixiyay in ciidamada ammaanka ay aragtii ku toogtaan saddexda nin ee baxsadka ah, haddii ay meel ku arkaan.

“Laamaha ammaanka Puntland waxaan farayaa in meeshii lagu arko lagu dilo 3 maqane oo kamid ah dadka maanta xukunka dilka ah lagu fuliyay,” ayuu yiri

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Dadka gobolka deggan waxaana ugu baaqayaa wiilashiina Shabaab ka ilaashada, annaga indhaha noo furan qofka soo galaa waan la soconaa”.

Raggan ka baxsaday xabsiga waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaan la ogeyn halka ay jaan iyo cirib dhigeen, waxaana weli soconayo howlgallo lagu baadi goobayo.

Puntland ayaa saaka toogasho wadareed ku fulisay 10 Shabaab ah oo ku xukumunaa dil toogasho ah, kuwaas oo kala ahaa:-

1. Xukmane Xasan Jaamac Maxamed 2. Xukmane Liibaan Aadan Muuse 3. Xukmane Barkhad Cawil Xirsi 4. Xasan Muuse Axmed 5. Xukmane Cabdiqaaliq Warsame Barre 6. Xukmane Cadde Cabdullaahi Maxamed 7. Xukmane Maxamed Cabdisalaan Axmed 8. Xukmane Cabdiraxmaan Faysal Salaad 9. Xukmane Cabdiqani Farxaan Cabdullaahi iyo 10. Xukmane Cabdisalaan Sahal Shucayb.


Maamul goboleedkii ugu horreeyay oo ku gacan seeray go’aanka DF

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa noqday maamul goboleedkii ugu horreeyay ee ka horyimaada go’aanka dowladda federaalka ee ku aadan qaadista cabshuuraha iibka oo ay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ku dhowaaqday inay bilaabi doono maalinta berri ah, taas oo dhan 5%.

Wasaaradda maaliyadda Jubbaland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in aanay qayb ka ahayn tallaabadan,waxayna sheegtay in aan la tashi lagala sameynin.

Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday inay leedahay xeerar iyo nidaam u gaar ah canshuuraha, kaas oo la ansixiyay 2023-kii, isla markaana ay kaas ku dhaqmeyso.

Sidoo kale waxay ganacsatada Jubbaland ku wargelisay in uusan khuseyn go’aanka soo baxay, ayna sidooda u wataan howlahooda ganacsi.

“Wasaaradda maaliyadda Jubaland waxay ogeysiineysaa dhammaan ganacsatada reer Jubaland in aysan khuseyn fulinta warqadda kasoo baxday waaxda dakhliga DFS, sidaas daraadeed waxaan ganacsatada reer Jubaland lagu wargelinayaa inay kusii shaqeeyaan oo kaliya qaababkii canshuur bixinta ee wasaaradda maaliyadda Jubaland ay horay usoo saartay” ayaa lagu yiri go’aanka kasoo baxay maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo Khamiistii dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dhowaaqday in maalinta Axadda ee taariikhdu ku beegan tahay 18/08/2024 ay bilaabaneyso inay dowladda si toos ah u jarato canshuurta iibka.

Canshuurtan oo dhan 5% ayey sheegtay dowladda inay kala baxeyso koontooyinka ganacsi, isla marka uu macluumka uu bixiyo adeega uu iibsanayo, ayada oo lacagta canshuurta iibka lagu dalacayo muwaadiniinta.

Si kastaba, arrimahan aya kusoo beegmaya xilli ay weli dowladda iyo ganacsatada isku fahmi la’yihiin canshuurtan jarashadeeda loo marayo koontooyinkooda ganacsi, taas oo dhinaca kalena culeys horleh ku ah bulshada caasimadda ee aan helin adeeg dowladeed.

Faah-faahinta qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goordhow ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, kaas oo gaystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa si gaar ah uga dhacay goob maqaayad ah oo ku taalla halka loo yaqaano bo Raanabootka oo u dhaw xarrunta degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Ku dhowaad 10 ruux ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxan, kuwaas oo ku sugnaa maqaayadda la qarxiyay, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Weerarkan qaraxa ah ayaa kusoo aadayo, ayada oo Muqdisho ay ka taagan tahay xaalad cabsi ah oo ku aadan weeraro laga digayo inay ka fuliyaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Kooxda reer galbeedka ee deggan Xalane iyo Qaramada Midoobay ayaa mar kale digniin culus kasoo saaray weeraro qaraxyo ah oo ka dhaca magaalada Muqdisho, waxayna sheegeen inay heleen digniin cusub oo ku aadan in caasimada ay ku jiraan gawaari ay ka buuxaan walxaha qarxa, isla markaana la qorsheyneynayo in lagu fuliyo weeraro cusub.

Digniinta ayaa waxaa lagu sheegay in meelaha la bartimaameedsan karo ay ku jiraan baraha koontarool ee laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada, hoteellada ku yaalla caasimada, baraha koontarool ee KM4, waddada Maka Al-mukarama, gaar ahaan Dabka  iyo xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis.

Shacabka ayaa sidoo kale looga digay inay tegaan goobahaasi oo ay suuragal tahay in maalmaha soo socda ay beegsato kooxda Al-Shabaab, sida ay muujineyso digniinta.

Horay ayaa sidaan oo kale looga digay weeraro qaraxyo ah oo ka dhacay Muqdisho, waxaana mar-walba oo ay soo baxaan digniinahan inta badan dhaca weeraro, inkastoo mararka qaar meelaha laga digay aanay ka dhicin ee la beegsado goobo kale.

Itoobiya oo Soomaaliya uga digtay qorshe socda oo qeyb ka tahay Masar

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa markii ugu horreysay si adag uga hadashay arrimo ku aadan howlgalka cusub ee la qorsheynayo in Midowga Afrika uu Soomaaliya ka bilaabo sanadka soo socda ee 2025.

Afhayeenka wasaaraddda arrimaha dibadda Itoobiya oo shir jaraa’id ku qabtay Addis Ababa ayaa soo saaray digniin culus oo la xiriira howlgalkaas, wuxuuna jeediyay in laga fiirsado waddamada kuu biirayo oo ay kamid tahay Masar oo ay haatan is hayaan Itoobiya.

“Soomaaliya dowladdeeda ayaa go’aanka iska leh cidda ay doonto inay la gasho heshiis dhinaca amniga ah sababtoo ah waxay horay heshiis amni ula gashay dowlado kale oo ay kamid ah yihiin Itoobiya Uganda, Kenya iyo Imaaraadka Carabta” ayuu yiri.

Afhayeenku wuxuu hoosta ka xariiqay inay haboon tahay in si aad ah looga fiisado ciidamada cusub ee lagu biirinayo howlgalkan, si looga digtoonaado colaad horleh ka abuuranta gobolka Geeska Afrika.

“Waxaan soo jeedineynaa oo dowladda Itoobiya ay aamisan tahay in lasoo jeediy talada ah in aad looga fiirsado howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ka bilaabanaya sanadka dambe, dalalka ciidamada ku yaboohaya in aad loo fiirsado” ayuu sii raaciyay.

Sidoo kale wuxuu ku goodiyay haddii ay dareemaan halis inay si toos ah usoo farogelin doonaan arrimaha gudaha ee Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray haddii arkaan qatarka kooxda Al-Shabaab in sidoo kale ciidamadooda ay soo geli doonaan gudaha Soomaaliya, si au difaacaan amniga dalkooda.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay taagan tahay xiisad xoogan oo u dhexeyso dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo ka dhalatay heshiiska badda.

Si kastaba, waxaa la filayaa in dhowaan ay dalka ka baxaan ciidamada ATMIS oo ay qab ka yihiin kuwa Itoobiya, waxaan marka la gaaro bisha Jannaayo howlaha nabad ilaalinta Soomaaliya la wareego howlgal cusub oo mar kale hoostagi doono Midowga Afrika

Xildhibaano gudbiyay mooshin culus iyo arrinta ka dambeysa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta mooshin culus oo deg-deg ah u gudbiyay guddoonka sare ee Golaha Shacabka, kaas oo ku saabsan cabashada ka dhalatay canshuurta cusub ee ay soo rogtay dowladda.

In ka badan 10 xildhibaan ayaa saxiixay mooshinkan oo ay ku dalbanayaan in ajendaha kulankooda maanta lagu soo daro arrinta canshuuraha iibka iyo cabashada taagan.

Xildhibaan Cabdirashiid Jilley oo kamid ah xildhibaannada gudbiyay mooshinka ayaa sharxay ujeedkooda iyo waxa ku saabsan yahay mooshinka.

“Waxaan soo jeedineynaa in ajendaha lagu daro in wax la’iska waydiiyo canshuuraha laga cowday iyo xal u raadinta cabashada ganacsatada iyo shacabka” ayuu yiri xildhibaan Cabdirashiid Jilley oo kamid ah xildhibaannada gudbiyay mooshinka.

Sidoo kale xildhibaan Garaad oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in mooshinkan ay ku garab istaagaan shacabka, maadaama ay ka cabanayaan canshuuraha cusub ee ay soo rogtay wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaliya.

“Arrintaan waa arrin dareen bulsho dareenka bulshana wa metalaad dhab ah waxaan filaayaa buuqa ka taagan gobolka Banaadir ee arrimaha ganacsiga quseeya inay tahay arrimo aad dhaliishooda u leh” ayuu isna yiri Xildhibaan Garaad oo kamid ah Golaha.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo Khamiistii dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dhowaaqday in maalinta Axadda ee taariikhdu ku beegan tahay 18/08/2024 ay bilaabaneyso inay dowladda si toos ah u jarato canshuurta iibka.

Canshuurtan oo dhan 5% ayey sheegtay dowladda inay kala baxeyso koontooyinka ganacsi, isla marka uu macluumka uu bixiyo adeega uu iibsanayo, ayada oo lacagta canshuurta iibka lagu dalacayo muwaadiniinta.

Si kastaba, arrimahan aya kusoo beegmaya xilli ay weli dowladda iyo ganacsatada isku fahmi la’yihiin canshuurtan jarashadeeda loo marayo koontooyinkooda ganacsi, taas oo dhinaca kalena culeys horleh ku ah bulshada caasimadda ee aan helin adeeg dowladeed.

Uganda oo dalbatay magdhowga askartii looga dilay Soomaaliya

0

Kampala (Caasimada Online) – Dowladda Uganda ayaa soo soo saartay dalab culus, kahor inta aysan ciidamadeeda kala bixin gudaha Soomaaliya, waxayna sheegtay inay u baahan tahay in lasiiyo magdhowga dhammaan askartii looga dilay gudaha Soomaaliya.

Wiilka uu dhalay Madaxweyne Museveni, sidoo kalena ah Taliyaha Ciidanka Difaaca Uganda General Muhoozi Kainerugaba oo qoraal soo dhigay Twitter-ka ayaa waxa ku sheegay in dowladda Mareykanka ay ka rabaan 100 Bilyan oo dollar, isla markaana ah magdhowga khasaarihii Uganda kasoo gaaray dagaalka uu Mareykanka kula jiro argagixisada Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada difaaca Uganda wuxuu ku dooday in lacagtan ay noqon doono tan ugu yar ee ay ku doonayaan inuu magdhow ahaan u siiyo Mareykanka.

“$100 bilyan oo dollar waa inta ugu yar ee aan ka rabo Mareykanka, wayna bixin doonaan lacag kasta oo magdgaw ah,” ayuu yiri Gneral Muhoozi.

Uganda ayaa ah dalka ugu  ciidamada badan howlgalka ATMIS, waxaana laga dilay askar badan, tan iyo markii ay soo galeen gudaha Soomaaliya.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Maxamed El-Amine Souef ayaa dhawaan u sheegay VOA-da in howlgalka ATMIS uu diwaangaliyay ku dhawaad ​​4,000 oo dhimasho iyo dhaawac ah oo s

Inta badan  askarta Uganda ayaa lagu dilay dagaallo ay la galeen Al-Shabaab, waxaana ugu dambeeyay weerarkii Buulo-mareer oo hal maalin looga dilay ugu yaraan 54 askari, sida ay qiratay dowladda Uganda.

Warkan kasoo yeeray wiilka Museveni ayaa ku soo beegmaya xilli ay haatan sii xoogaysanayso xiisadda u dhaxaysa dalalka Uganda iyo Maraykanka oo aanu wanaagsaneyn xiriirkooda, mana cadda sida uu ku suurageli karo dalabkan culus.

Dagaal duleedka Muqdisho ku dhex-maray Al-Shabaab iyo ciidanka DF Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo xalay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, kaas oo laga helayo faah-faahino dheeraad ah.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab weerar toos ah ku qaadeen saldhig ciidamada Boolis Milataaro ay ku leeyihiin halkaasi, gaar ahaan halka loo yaqaano Arbacow waxaana xigay dagaal foolka fool ah oo dhex-maray labada dhinac.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay inay maqlayeen rasaasta ay is waydaarsanayeen labada dhinac, balse aysan caddeyn karin khasaaraha soo kala gaaray, maadaama ay ahayd xilli habeen ah, xog badana aysan ka heli karin dagaalka.

Saraakiil ka u hadashay laamaha amniga Soomaaliya ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka uga yimid Al-Shabaab, ayna dib u celiyeen xubnaha soo qaaday.

Al-Shabaab ayaa dhankeeda guul ka sheegatay dagaalka, waxayna shaacisay inay khasaare culus gaarsiisay ciidamada dowladda, balse ma shaacin tiro rasmi ah.

Xaaladda ayaa maanta deggan, waxaana deegaanka Ceelasha Biyaha iyo nawaaxigiisa ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS oo howlgallo ka wada halkaasi.

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada ee ku yaalla bannaanka magaalada, halkaas oo ay koontaroolo laga sugo amniga ku leeyihiin ciidamada xasilinta iyo kuwa milatariga Soomaaliya.

Puntland oo toogasho ku fulisay 10 Al-Shabaab ah

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa saaka dil toogasho ah ku fuliyay 10 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo horay loogu riday xukuno dil ah.

Ragga la toogtay ayaa ahaa shabakado isku xirn oo ka tirsanaa kooxaha Al-Shabaab, kuwaas oo ay horay gacanta ugu soo dhigeen ciidamada ammaanka Puntland.

“Maanta magaalada Gaalkacayo waxaa lagu fuliyey xukun dil ah 10 ka tirsan argagixisada Al-Shabaab, kuwaas oo horey maxkamadda sare ee ciidamada ay ku xukuntay dil, kadib markii lagu helay inay geysteen dilal magaalada Gaalkacayo” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay taliska ciidamada Booliska Puntland.

Toogashada oo dhacday abaare sideedii subaxnimo ee saaka ayaa ka dhacday waqooyiga magaalada  Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayada oo warbaahinta loo soo bandhigay sawirrada xubnaha la toogtay oo ku xiran tiirka toogashada.

Dhammaan ragga la toogtay ayaa lag helay Al-Shabaabnimo iyo inay weeraro ka gaysteen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Fulinta xukunkan toogashada ah ayaa waxaa si aad ah u baahiyay warbaahinta, ayada oo laga hadal hayo baraha bulshada, maadaama ay hal mar toogashada lagu fuliyay 10 nin oo ka wada tirsanaa kooxda Al-Shabaab, inkastoo horay sidaan oo kale Puntland toogasho wadareed ugu fulisay xubno ka tirsanaa kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Toogashadan  waxa ay kusoo aaday maalmo uun kadib markii xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ka baxsadeen xabsi ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo ay maamushu Puntland, waxaana ku jiray xubnaha baxsaday kuwo ku xukunaa toogasho.

QM oo digniin horleh kasoo saartay weeraro ka dhaca Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa mar lale ku celiyay digniinta weeraro horleh oo laga cabsi qabo inay kooxda Al-Shabaab ka gaysan karto gudaha gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay heshay digniin cusub oo ku aadan in magaalada Muqdisho ay ku jiraan gawaari ay ka buuxaan walxaha qarxa, isla markaana la qorsheyneynayo in lagu fuliyo weeraro cusub.

Digniintan kasoo baxday xafiiska QM ee Soomaaiiya ayaa waxaa lagu sheegay in meelaha la bartimaameedsan karo ay ku jiraan baraha koontarool ee laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada, hoteellada ku yaalla caasimada, baraha koontarool ee KM4, waddada Maka Al-mukarama, gaar ahaan Dabka  iyo xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis.

QM ayaa shacabka uga digtay inay tegaan goobahaasi oo ay sheegtay inay suuragal tahay in maalmaha soo socda ay beegsato kooxda Al-Shabaab.

Farriintan digniinta ah ayaa sidoo kale lagu sheegay in xafiiska ay waajib ku tahay inuu mar kasta soo gudbiyo dhaq-dhaqaaq kasta oo shaki abuuri karo, si looga digtoonaado.

Horay ayaa Qaramada Midoobay sidaan oo kale uga digtay weeraro qaraxyo ah oo ka dhacay Muqdisho, waxaana mar-walba oo ay soo baxaan digniinahan inta badan dhaca weeraro, inkastoo mararka qaar meelaha laga digay aanay ka dhicin ee la beegsado goobo kale.

Todobaadyo kahor ayay ahayd markii weerar xoogan oo lagu hoobtay ay Al-Shabaab ka fuliyeen xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaas oo lagu laayay dad badan oo shacab ah, una badnaa dhalinyaro ku caweynayay halkaasi.

Waxaa sidoo kale ka horreeyay weerar kale oo lagu beegsaday maqaayadda Top Cofee ee degmada Boondheere, halkaas oo iyana lagu laayay dad badan oo aan waxba galabsan.

Magaalada Muqdisho ayaa haatan gashay xaalad adag, kadib markii ay Al-Shabaab kordhiyeen weerarada tooska iyo qaraxyada ay ka fuliyaan gudaha caasimada, iyaga oo beegsada goobo muhiim ah iyo xarumaha dowladda.

Howlgal lagu beegsaday Al-Shabaab oo ka dhacay BAKOOL

0

Xudur (Caasimada Online) -Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ka sameeyay qaybo kamid ah gobolka Bakool ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Howlgalladan oo laga gaaray natiijo wax ku ool ah ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay guutada 9-aad qeybta 60-aad, kuwaas oo beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Abaanduulaha guutada 9-aad qeybta 60-aad dhamme Cilmi Aadan Isaaq oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ujeedka howlgalladan uu ahaa furista wadada isku xirta magaalooyinka Xudur iyo Qurac Joome oo inta badan ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Dhamme Cilmi Aadan Isaaq ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada dowladda ee howlgalka sameeyay ay cagta mariyeen goobo badan oo ay ku jiraan jidgooyooyin ay kooxda ku lahayd halkaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan howlgalladooda, isla markaana ay Al-Shabaab ka xoreyn doonaan aagga degmada Xudur.

Waddada dheer ee xiriirisa Xudur iyo Qurac Joome ayaa ah wado muhiim ah oo mudo dheer u xirneyd kooxda oo go’doon gelisay deegaanada ku yaalla halkaasi.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Gobollada Baay iyo Bakool ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda dhexe iyo Koonfur Galbeed.

Xogta tirada muhaajiriinta la saadaalinayo inay tarxiilayaan Trump iyo kooxdiisa

0

Washington (Caasimada Online) – Haddii mar kale loo doorto madaxweyne, Donald Trump wuxuu ballan qaaday inuu samayn doono masaafurin ballaaran dadka an ogolaansho sharci ah ku joogaan Mareykanka.

Ololahiisa ayaa bixiyey jawaabo kala duwan oo ku saabsan qorshaha saarida, ninka uu ku xigeenkiisa u magaacabay JD Vance, ayaa bixiyey hal tiro intii uu ku jiray waraysi uu todobaadkan siiyey warbaainta ABC.

“Aan ku bilowno hal milyan,” ayuu yiri, taasi waa meesha Kamala Harris ay ku guuldaraysatay, kadibna halkaas ayaan ka dhaqaaqi karnaa,” ayuu yiri Trump.

Laakiin xitaa isku soo baxyada ololaha Trump iyo madalada ay ka hadlaan waxaa ka muuqdo calaamo laga akhrin karo “musaafurin tiro badan ah.”

Khubarradu waxay sheegayaan inay jiraan caqabado sharaci iyo caqabado kale oo la taaban karo oo ay wajihi kraan masaafurinta dad badan.

Tirakoobkii ugu dambeeyay ee ka soo baxay Waaxda Amniga Gudaha iyo Cilmi baarista Pew, ayaa tilmaamaya in ay jiraan ku dhawaad 11 milyan oo muhaajiriin sharci darro ah oo hadda ku nool Mareykanka, tiradaas oo ku sugan dalkaas tan iyo 2005tii.

Badankoodu waxay deggan yihiin muddo dheer ah – ku dhawaad afar-meelood meel ayaa dalka joogay in ka badan toban sano.

Soo-galootiga dalka ku jooga bilaa sharci waxay xaq u leeyihiin inay helaan nidaam cadaalad ah, oo ay ku jirto dhageysi maxkamadeed ka hor intaan la saarin.

Kororka ba’an ee masaafurinta waxay u badan tahay inay keenayso balaarin lagu sameeyo nidaamka maxkamada socdaalka, taas oo ay hareeyaan dib u dhacyo.

Inta badan dadka soogalootiga ah ee horeyba u joogay dalka waxay galaan nidaamka masaafurinta iyagoo aan la kulmin wakiilada Socdaalka iyo Dhaqangelinta Kastamka, laakiin waxay soo maraan sharci fulinta maxalliga ah.

Sawirro: Sheekh Shariif oo soo gabagabeeyey qorshe culus oo sanad ka hor uu bilaabay

0

Cadale (Caasimada Online) – Waxaa deegaanka Burka Derin ee degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe lagu soo gabagabeeyay gogosha nabadeed ee deegaankaas la dhigay sanad ka hor.

Gogoshaas ayaa lagu heshiisiinayay beelo walaalo ah oo horay ugu dagaalamay aagga degmada Cadale ee gobolka Sh/Dhexe.

Gogoshaan Nabadeed oo uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed oo ay wehliyeen duubabka Dhaqanka Mudullood.

Waxaa halkaan la fadhiyey in ka badan hal sano, waxaana go’aan looga gaaray colaada labada beelood ee lagu dhex dhigay heshiis rasmi ah.

Gabagabadii gogoshaan waxaa lagu gowracay suman iyo sumeyn oo loogu magac daray Axdi iyo Duco.

Sheekh Shariif iyo waxgaradka Mudullood ayaa ku balamay in la xoojiyo heshiiskaas oo uu dhaqan galo.

Sheekh Shariif ayaa kulankii ugu dambeeyey ee gogoshaas lagu soo xiray ka sheegay in caloodii dadka badan lagu dilay ee deegaanadaas ka jirtay loo xiray ku dhowaad 100 oday dhaqameed.

Odayaasha la xiray ayaa loo heystaa rag dhowr jeer fashiliyey heshiisyo la gaaray oo dilal geystay, kuwaas oo laga doonayo inay soo qabtaan, maadaama ay dhaqan ahaan u metelaan.

Sawirro: Qoor Qoor iyo Wasiir Gaadiidka oo xarigga ka jaray garoon lagu dhisay qorshe cajiib ah

0

Balanbal (Caasimada Online) –

Madaxweyanaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa maanta gaaray magaalada Balanbale ee gobolka Galgaduud.

Qoor Qoor iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS Fardowso Maxamed Cigaal ayaa xarigga ka jaray garoonka diyaaradaha degmada Ballanballe.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay bulshada reer Balanbale isku tashiga ay ku dhisteen Airport-kan.

Sidoo kale Madaxweyne Qoor Qoor ayaa bulshada reer Balanbale ka ballan qaaday in maamulkiisu uu la dhameystiri doono waxyaabaha ka dhimman.

“Markasta waxaa inoo muhiim ah isku tashi, waana in aan kamaarano gacmo aan kuweena aheyn, reer Balanbale waxay muujiyeen deeqsinimo iyo isku xirnaan, dhamaan reer Galmudug-na waa ku caan isku tashiga,” ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

Balanballe Airport, laguma dhisin lacag ka timid qasnadda dowladda ama dhaqaale ka yimid caalamka ee waxaa lagu dhisay dhaqaale ay iska uruuriyeen dadka reer Balanbale oo isugu jira Qurbajoog, Qoraxjoog iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaankaas.

Dadka reer Balanbale waxaa muddo dheer ragaadiyey colaado sokeeye iyo adeeg la’aan dowladeed, waxayna gaadiid ugu safri jireen si ay diyaarad u helaan Guriceel ama Caabudwaaq oo misaafo dheer u jira, balse hadda waxay toos uga baxeen dhibaatadii ka heysatay safarada cirka ah.

 

Paetongtarn Shinawatra: Waa tuma ra’iisul wasaaraha ugu da’da yar Thailand?

0

Bangkok (Caasimada Online) – Paetongtarn Shinawatra ayaa jagada ugu sarreysa dalkaas kusoo biirineysa weji cusub, oo da’yar, iyo weliba xubin kale oo awood badan oo ka tirsan qabiilka Shinawatra.

Waa gabadha Thaksin Shinawatra, raysal wasaarihii hore oo kusoo laabtay Thailand bishii August ee sanadkii hore kadib 15 sano oo uu dibad-joog ahaa.

Gabadhan 37-jirka ah ayaa sidoo kale raysal wasaarihii ugu da’da yaraa taariikhda Thailand, waana keliya haweeneyda labaad – tii ugu horreysay waxay ahayd eeddadeed Yingluck Shinawatra.

Paetongtarn oo Thailand looga yaqaanno naaneysteeda Ung Ing, Ms Paetongtarn ayaa caan noqotay markii ay horkacaysay xisbigeeda, Pheu Thai, doorashadii guud ee sanadkii hore.

Waxay noqotay qof caan ku ah ololaha, iyadoo meelaha ay dadku isugu yimaadaan ka hadli jirtay ilaa bisheedii ugu dambeysay oo ay ilmaheeda labaad uurka ku sidda.

Si kastaba qoyskeeda, gaar ahaan hooyadeed Potjaman, oo weli xubin awood leh ka ah Pheu Thai, ayaan dooneyn inay raysal wasaare noqoto, iyadoo ka baqeysa inay u nuglaato faragelinnada sharciga ah ee ku qasbay Ms Yingluck iyo Mr Thaksin inay dibad-joog noqdaan.

Balse xukunka maxkamadda ee aan la fileyn ayaa qaadacay raysal wasaarenimada Srettha Thavisin horraantii toddobaadkii hore. Marka laga reebo Mr Srettha, Pheu Thai wuxuu keliya lahaa labo musharrax raysal wasaare oo u qalmay inay beddelaan.

Ms Paetongtarn ayaa ka mid ahayd, kan kale waa dacwad-oogaha hore ee da’da ah, kaasoo xildhibaannada xisbiga ay aamisan yihiin inuusan tamar u heyn inuu hoggaamiyo ilaa doorashada xigta, ee la filayo inay ku qabsoonto muddo saddex sano ah.

Khibradda ugu weyn ee Ms Paetongtarn ayaa ah inay la shaqeyneysay kooxda hoteellada ee ay leeyihiin reer Shinawatra. Lagama fileyn inay gasho siyaasadda, waxayna keliya Pheu Thai ku biirtay sanadkii 2021.

Inay noqotay raysal wasaare, waxay ka dhigan tahay inay galeyso saaxad siyaasadeed oo adag.

Waxay isu tilmaantaa qof aad u taageersan hanti-wadaagga, qof xornimada bulshada la dhacsan oo si buuxda u taageerta sharciga cusub ee guurka ee Thailand.

Balse erayga ay inta badan dadka ku xusuusan doonaan ayaa ah “gabadha aabbahay”.

Micno ma sameyneyso waxa ay ka qabato dowladda, waxaa mar walba loo arki doonaa inay ku hoos shaqeyneyso amarrada aabbaheed. Mr Thaksin ayaana ah qof aad loogu kala qeybsan yahay.

Kasoo laabashadiisii dibad-joognimada sanad kahor waxay ahayd natiijada kaoso baxday gorgortan xooggan oo lala galay xoogagga asal-raaca ee awoodda leh.

Waxaa ka mid ah militariga, oo afgembiyay labo dowladood oo Shinawatra ay mamaulayeen, iyo kooxo u dhow boqortooyada, oo muddo ka badan 20 sano kasoo horjeeday Mr Thaksin.

Guushii cajiibka ahayd ee xisbiga Move Forwad (Hore u Dhaqaaqa) ay ka gaareen doorashadii hore, ee ku riixay Pheu Thai iyo qabiilka Shinawatra inay markii horreysay kaalinta labaad galaan, ayaa ku qasbay asal-raaca, oo axsaabtooda ayba meelo kasii hoose galeen, inay dib isu eegaan oo xaaladda la qabsadaan.

Isha: BBC

Xamza oo ballan-qaad culus u sameeyay SUDAN xilli ay xaalad adag ka taagan tahay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay sii hayaha safaaradda Sudan ee Soomaaliya, Ammar Ali.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, iyagoo isla gartay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo wadashaqeynta.

Ra’iisul wasaaraha ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga xun yihiin xaaladda ka taagan Sudan.

Waxa uuna xaqiijiyay in dowladda federaalka Soomaaliya ay garab taagan tahay walaalahooda Sudan, iyagoo diyaar u ah inay ka qeyb qaataan dadaallada nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta ee dalkaas.

Sudan ayaa xilligan ku jirta xaalad adag, waxaana socda dadaallo lagu doonayo in dhinacyada isku haya dalkaasi la iskugu keeno miiska wada-hadalka, si loogu soo afjaro dagaalka 16-ka bilood qaatay.

Wada-hadallada nabadeed ayaa la sheegay in uu diiday mid kamid ah dhinacyada dagaallamaya oo ah ciidamada qaranka, halka RSF ay sheegtay in ay gaareen magaalada Geneva ee dalka Switzerland si ay uga qeyb galaan wada-hadallada, iyagoona xaqiijiyay inay ka go’an tahay fulinta rabitaanka shacabka Sudan.

Dhanka kale, ciidamada Sudan ayaa diidan in Imaaraadka Carabta ay goobjoog ka ahaato wada-hadallada, iyagoona ku eedeeyay in ay taageereen ciidanka RSF.

Mareykanka oo dhex-dhexaadinaya wada-hadalada ayaa ku baaqay in Imaaraadka Carabta iyo Masar ay goobjoog ka ahaadaan wada-hadalada.

Si kastaba, muddo dhowr toddobaad ah ayay ciidamada gargaarka deg-degga ah isku dayayeen in ay qabsadaan magaalada, iyagoona tobanaan kun oo rayid ah ku qasbay in ay qaxaan.