24.9 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Paetongtarn Shinawatra: Waa tuma ra’iisul wasaaraha ugu da’da yar Thailand?

0

Bangkok (Caasimada Online) – Paetongtarn Shinawatra ayaa jagada ugu sarreysa dalkaas kusoo biirineysa weji cusub, oo da’yar, iyo weliba xubin kale oo awood badan oo ka tirsan qabiilka Shinawatra.

Waa gabadha Thaksin Shinawatra, raysal wasaarihii hore oo kusoo laabtay Thailand bishii August ee sanadkii hore kadib 15 sano oo uu dibad-joog ahaa.

Gabadhan 37-jirka ah ayaa sidoo kale raysal wasaarihii ugu da’da yaraa taariikhda Thailand, waana keliya haweeneyda labaad – tii ugu horreysay waxay ahayd eeddadeed Yingluck Shinawatra.

Paetongtarn oo Thailand looga yaqaanno naaneysteeda Ung Ing, Ms Paetongtarn ayaa caan noqotay markii ay horkacaysay xisbigeeda, Pheu Thai, doorashadii guud ee sanadkii hore.

Waxay noqotay qof caan ku ah ololaha, iyadoo meelaha ay dadku isugu yimaadaan ka hadli jirtay ilaa bisheedii ugu dambeysay oo ay ilmaheeda labaad uurka ku sidda.

Si kastaba qoyskeeda, gaar ahaan hooyadeed Potjaman, oo weli xubin awood leh ka ah Pheu Thai, ayaan dooneyn inay raysal wasaare noqoto, iyadoo ka baqeysa inay u nuglaato faragelinnada sharciga ah ee ku qasbay Ms Yingluck iyo Mr Thaksin inay dibad-joog noqdaan.

Balse xukunka maxkamadda ee aan la fileyn ayaa qaadacay raysal wasaarenimada Srettha Thavisin horraantii toddobaadkii hore. Marka laga reebo Mr Srettha, Pheu Thai wuxuu keliya lahaa labo musharrax raysal wasaare oo u qalmay inay beddelaan.

Ms Paetongtarn ayaa ka mid ahayd, kan kale waa dacwad-oogaha hore ee da’da ah, kaasoo xildhibaannada xisbiga ay aamisan yihiin inuusan tamar u heyn inuu hoggaamiyo ilaa doorashada xigta, ee la filayo inay ku qabsoonto muddo saddex sano ah.

Khibradda ugu weyn ee Ms Paetongtarn ayaa ah inay la shaqeyneysay kooxda hoteellada ee ay leeyihiin reer Shinawatra. Lagama fileyn inay gasho siyaasadda, waxayna keliya Pheu Thai ku biirtay sanadkii 2021.

Inay noqotay raysal wasaare, waxay ka dhigan tahay inay galeyso saaxad siyaasadeed oo adag.

Waxay isu tilmaantaa qof aad u taageersan hanti-wadaagga, qof xornimada bulshada la dhacsan oo si buuxda u taageerta sharciga cusub ee guurka ee Thailand.

Balse erayga ay inta badan dadka ku xusuusan doonaan ayaa ah “gabadha aabbahay”.

Micno ma sameyneyso waxa ay ka qabato dowladda, waxaa mar walba loo arki doonaa inay ku hoos shaqeyneyso amarrada aabbaheed. Mr Thaksin ayaana ah qof aad loogu kala qeybsan yahay.

Kasoo laabashadiisii dibad-joognimada sanad kahor waxay ahayd natiijada kaoso baxday gorgortan xooggan oo lala galay xoogagga asal-raaca ee awoodda leh.

Waxaa ka mid ah militariga, oo afgembiyay labo dowladood oo Shinawatra ay mamaulayeen, iyo kooxo u dhow boqortooyada, oo muddo ka badan 20 sano kasoo horjeeday Mr Thaksin.

Guushii cajiibka ahayd ee xisbiga Move Forwad (Hore u Dhaqaaqa) ay ka gaareen doorashadii hore, ee ku riixay Pheu Thai iyo qabiilka Shinawatra inay markii horreysay kaalinta labaad galaan, ayaa ku qasbay asal-raaca, oo axsaabtooda ayba meelo kasii hoose galeen, inay dib isu eegaan oo xaaladda la qabsadaan.

Isha: BBC

Xamza oo ballan-qaad culus u sameeyay SUDAN xilli ay xaalad adag ka taagan tahay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay sii hayaha safaaradda Sudan ee Soomaaliya, Ammar Ali.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, iyagoo isla gartay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo wadashaqeynta.

Ra’iisul wasaaraha ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga xun yihiin xaaladda ka taagan Sudan.

Waxa uuna xaqiijiyay in dowladda federaalka Soomaaliya ay garab taagan tahay walaalahooda Sudan, iyagoo diyaar u ah inay ka qeyb qaataan dadaallada nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta ee dalkaas.

Sudan ayaa xilligan ku jirta xaalad adag, waxaana socda dadaallo lagu doonayo in dhinacyada isku haya dalkaasi la iskugu keeno miiska wada-hadalka, si loogu soo afjaro dagaalka 16-ka bilood qaatay.

Wada-hadallada nabadeed ayaa la sheegay in uu diiday mid kamid ah dhinacyada dagaallamaya oo ah ciidamada qaranka, halka RSF ay sheegtay in ay gaareen magaalada Geneva ee dalka Switzerland si ay uga qeyb galaan wada-hadallada, iyagoona xaqiijiyay inay ka go’an tahay fulinta rabitaanka shacabka Sudan.

Dhanka kale, ciidamada Sudan ayaa diidan in Imaaraadka Carabta ay goobjoog ka ahaato wada-hadallada, iyagoona ku eedeeyay in ay taageereen ciidanka RSF.

Mareykanka oo dhex-dhexaadinaya wada-hadalada ayaa ku baaqay in Imaaraadka Carabta iyo Masar ay goobjoog ka ahaadaan wada-hadalada.

Si kastaba, muddo dhowr toddobaad ah ayay ciidamada gargaarka deg-degga ah isku dayayeen in ay qabsadaan magaalada, iyagoona tobanaan kun oo rayid ah ku qasbay in ay qaxaan.

Aqriso: DF oo soo saartay bayaan dheer oo looga hadlay wada-hadallada Itoobiya iyo arrimo kale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay bayaan dheer oo ka kooba 30 qodob, kaasi oo looga hadlay arrimo xasaasi ah oo ay kamid yihiin wada-hadallada Itoobiya, heshiiskii Masar iyo safaradii u dambeeyay ee madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah qoraalkan ay soo saartay dowladda oo ay ku sheegtay “warbixinta todobaadlaha ee dowladda federaalka Soomaaliya”, dagaalka Al-Shabaab iyo tallaabooyinkii u dambeeyay ee dowladda ay qaaday.

Hoos ka aqriso qodobada bayaanka;

1. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Kigali kaga qeybgaley caleema saarka Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame oo dhowaan dib loo doortey.

2. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Kigali kulamo gooni gooni ah kula yeeshay Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame iyo Madaxweynaha Kenya William Ruto.

3. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtey kadib booqasho laba maalmood ah ku tagey magaalada Qaahira ee dalka Masar.

4. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kula kulmay Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El Sisi, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

5. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Masar oo heshiis iskaashi oo dhinaca difaaca ah ku kala saxiixday magaalada Qaahira.

6. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khadka teleefonka kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan.

7. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khudbadii Jimcaha kaga hadlay dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee looga saarayo deegaannada kooban ee ay kaga harsan yihiin dalka, kororka dhaqaalaha iyo hirgelinta qorshaha dimuqraadiyeynta iyo hannaanka doorashooyinka dalka.

8. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay saddex dhalinyaro ah oo naftooda u huray badbaadinta dadkii ku dhaawacmay qaraxii kooxaha Khawaarijtu ay ka geysteen xeebta Liido.

9. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay sii hayaha safaaradda Suudaan ee Soomaaliya, Ammar Ali.

10. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa soo xiray Madasha Aragti-wadaagga Soomaaliyeed ee Heritage, taas oo lagu gorfeynayey dejinta qorshaha kobaca iyo casriyaynta dhaqaalaha Soomaaliya deyn cafinta kaddib, iyo ku biirista Suuqa Dhaqaalaha Bariga Afrika.

11. Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa daah-furay madasha horumarka oo looga hadlayay dajinta qorshaha kobaca iyo isbedelka dhaqaalaha dalka ee deyn cafinta kadib.

12. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kormeer ku tagay xarunta qaran ee howlgalada gurmadka deg-dega ah oo hoostagta Hay’adda SODMA.

13. Wadahadaladii Soomaaliya iyo Ethiopia ee ka socday magaalada Ankara ee garwadeenka ay ka tahay Dowladda Turkiga ayaa la soo gabagabeeyay, waxaana lagu balamey wareeg 3aad oo dhici doona bishii September.

14. Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf (Cali Xoosh) ayaa kormeeray dhismaha Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee magaalada Muqdisho oo dhawaan la baneeyay.

15. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Muqdisho kula kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Richard H. Riley, iyagoo ka wadahadley taageerada horumarka dhinaca warbaahinta ee Soomaaliya.

16. Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Cumar Cali Cabdi ayaa kulliyadda Turksom tababar ugu soo xiray saraakiil xigeeno ka mid noqonayo Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo tababar takhasus u aadaya dalka Turkiga.

17. Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir ayaa kormeer ku tagay isbitaalka Erdogan (Ex Digfeer) oo ay yalaan qaar kamid ah dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay weerarkii khawaarijta ee Xeebta Liido.

18. Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir ayaa deeq lacageed ku wareejiyay Guddiga Gurmadka Qaranka ee shacabkii ku dhaawacmay qaraxii Liido ee magaalada Muqdisho .

19. Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Soomaaliya ayaa soo qabanqaabisay kulan wadatashi oo muhiim ah, kaas oo looga hadlay Tiirka Horumarinta Dhaqaalaha ee Qorshaha Isbedelka Qaran.

20. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Xoosh, ayaa kulan la qaatay Safiirka Britain u fadhiya Soomaaliya Mudane Mike Nithavrianakis, iyagoo ka wadahadley arrimah amniga iyo hannaanka doorashooyinka Soomaaliya.

21. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay shirka guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.

22. Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ayaa soo bandhigtay natiijada tartanka 3,000 oo macallimiin cusub ah oo ka hawalgeli doona dugsiyada dalka.

23. Dowladda Masar ayaa magaaladda Muqdisho si rasmi ah dib uga furtey xarunta cusub ee safaaraddeed.

24. Guutada Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa in ka badan 30 Khawaarij ah ku dilay hawlgalo ka dhacay degaannada Yadi iyo Xaliimo Caddey oo hoos taga degmada Badhaadhe ee Jubbada Hoose.

25. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa kormeeray taliska cusub ee loo diyaarinayo Ciidanka Dhulka oo laga hirgelinayo Degmada Hodan.

26. Ciidanka Xoogga Dalka ayaa aagga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud ku dilay ku dhowaad 10 Khawaarij ah, isla markaana cadowga ka furtay hubkii iyo gaadiidkii ay wateen.

27. Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyed Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa booqday xarunta guud ee INTERPOL oo ku taalla magaalada Lyon ee Dalka France.

28. Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa ku guuleystay saddex shahaaddo oo caalami ah oo uu bixiyo ururka caalamiga ah ee ISO.

29. Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa la kulmay madaxa UNDP ee Somaaliya Mr. Lionel Laurens.

30. Horjooge Aaden Raabbi Cabdullaahi oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa isu soo dhiibay guutooyinka Ciidanka Xoogga Dalka ee degaanka Farlibaax oo 45 km galbeed kaga beegan Beledweyne.

Muxuu yahay go’aanka ay DF gaartay ee walaaca xooggan ka muujisay Itoobiya?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya Danjire Nebiyu Tedla ayaa sheegay in Itoobiya ay sii wadi doonto xoojinta dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu xaqiijinayo in ay hesho marin badeed la isku halleyn karo.

Waxa uu soo hadal qaaday wada-hadalladii u dambeeyay ee Itoobiya iyo Soomaaliya ku dhex-maray magaalada Ankara, isagoo sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa isku afgarteen in wejigii saddexaad ee wadahadalka la qabto.

Afhayeenka ayaa sidoo kale ka hadlay howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya, waxaana uu sheegay in Itoobiya ay si dhaw ula socoto xaaladda Soomaaliya.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in dalalka hadda ciidamadooda ay ka mid yihiin ATMIS-ka ay yihiin daneeyayaal muhiim ah oo ay tahay in lagu tixgeliyo, aragtidooda iyo tabashooyinka ay qabaanna ay tahay in la qaato si loo fududeeyo buu yiri in si habsami leh howlgallada loogu wareejiyo howlgalka ATMIS bedelaya.

Waxa kale oo uu muujiyay sida ay Itoobiya u aaminsan tahay in hay’adaha ay khusayso, oo ay ku jiraan Midowga Afrika iyo QM ay tahay in ay hubiyaan sida uu yiri talooyinka lagama maarmaanka ah ee dhammaan dhinacyada ay khusayso oo ay ku jiraan dalalka ku deeqay ciidamada ATMIS.

Sidoo kale in si taxadar leh ciidamo cusub loogu diyaariyo si buu yiri looga fogaado isfaham la’aan aan loo baahnayn iyo xiisad lama filaan ah oo gobolka ka dhacda.

Warkan ka soo baxay Itoobiya ayaa yimid maalmo uun ka dib markii dowladda Soomaaliya ay magaalada Qaahira heshiis dhinaca difaaca ah kula saxiixatay Masar, taasi oo labada madaxweyne ay ku tilmaameen in uu yahay tallaabo muhiim ah oo kor loogu qaadayo amniga iyo xasilloonida gobolka.

DF oo isku dayeysa inay ka hortagto arrin ay deeq bixiyayaashu ka qeyliyeen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wada dadaallo ay meesha uga saareyso leexsashada gargaarka bani’aadannimo, taasi oo ay ka qeyliyeen deeq bixiyeyaasha caalamiga ah.

Madaxa qaybta horumarinta barnaamijyada hay’adda SODMA Dr. Ismaaciil Jimcaale ayaa soo xiray aqoon is weydaarsi ku saabsan dhaqan-gelinta xeerarka iyo siyaasadaha looga hortagayo leexsashada gargaarka bani’aadannimo.

Aqoon-is-weydaarsigani waxaa ka soo qayb-galay la-taliyayaal, howl-wadeenno ka tirasan SODMA, saraakiil ka kala socday ururka qareenada, NGO-yada iyo hay’addaha ka shaqada arrimaha gargaar ka.

La-taliyaha sare ee hay’adda maareynta musiibooyinka u qaabilsan ka hortagga leexsashada gargaarka Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna ayaa sharaxaad ballaaran ka siiyay ka qayb-galayaasha muhiimadda hay’adda SODMA iyo dadaalka dheeraad ah ay ku bixisay in xeerar iyo siyaasado looga hortagayo leexsashada gargaarka bani’aadminimo.

Kulanka ayaa sidoo kale ahaa madal lagaga wada-hadlay oo la isku weydaarsaday sidii loo hirgelin lahaa fulinta siyaasado iyo xeerar adag oo loogaga hortagi karo khataraha leexsashada gargaarka bani’aadminimo, si loo ilaaliyo hufnaanta howlaha samafalka iyo gargaarka, kuwaas oo kala ah:

1- In loo ololeeyo horumarinta iyo hirgelinta siyaasadaha iyo xeerarka looga hortagayo leexsashada gargaarka bini’aadantinimo.

2- Muujinta muhimadda ay leedahay dhaqan gelinta siyaasadaha iyo xeerarka jira si looga hortago leexsashada gargaarka.

3- Dhiiri-gelinta iskaashiga ka dhexeeya daneeyayaasha si loo xoojiyo hufnaanta bixinta gargaarka bani’aadminimo.

Ugu dambeyntiina madaxa qaybta horumarinta barnaamijyada SODMA ayaa adkeeyay muhiimada ay leedahay in la helo wadiiqooyin, xeerar iyo siyaasado ay dowladda Soomaaliya leedahay, kaas oo lagu hago hay’addaha arrimaha gargaarka bani’aadminimo ka shaqeeya, taas oo lagu gaarayo in la helo sharci lagu istaajin karo isdaba marin arrimaha gargaarka ah taas oo muhiim tahay in si sax ah u gaarsiino dadka loogu talagalay.

Golaha Ammaanka oo kordhiyay muddada ATMIS ay joogayaan Soomaaliya + Sababta

0

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee QM ayaa si aqlabiyad leh ku ansixiyay in ciidamada ATMIS ay Soomaaliya sii joogaan waqti dheeraad ah.

Golaha ayaa meel-mariyay qaraarkan oo oggolaanaya in dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ay sii wadaan fulinta howlaha loo igmaday ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ilaa 31-ka December.

Bayaan ka soo baxay golaha ayaa lagu sheegay in safiirka Soomaaliya Abuukar Daahir Cusmaan oo hadlay kadib codeynta uu sheegay in Soomaaliya ay “fahamsan tahay sida ay lagama maarmaanka u tahay in la kordhiyo qaraarka ATMIS-ka illaa bisha December 2024-ka si loo xaqiijiyo habsami u socodka kala-guurka, anagoo buu yiri isku diyaarinayna howlgalka ATMIS ka bacdi ee sanadka 2025-ka.”

“Waa lama huraan in loo guntado taageerada loo baahan yahay ee awoodsiinta Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo ATMIS in ay sii wataan shaqadooda muhiimka ah,” ayuu yiri safiirka.

Waxa uu intaas kusii daray “Dadaalkan wada shaqayneed waa mid muhiim ah innagoo ka shaqaynayna sidii aan ugu gudbi lahayn qaab-dhismeedka cusub ee howlgalka nabad ilaalinta.”

Bayaanka QM ayaa sidoo kale lagu sheegay in danjire Daahir Cismaan uu yiri, “Nasiib darro, waxaan aragnay dib u dhac ku yimid ku dhawaad dhammaan wejiyada dhimista ciidamada. Sidaa darteed, iskudubarid ka dhexeeya wadamada ciidamada ku yaboohay iyo qandaraaslayaasha Qaramada Midoobay ayaa ugu muhiimsan hannaankaan.”

“Wadashaqeyn wax ku ool ah kaliya ma fududeyneyso in si badbaado leh oo habsami leh ay ciidamada nabad ilaalinta u baxaan, laakiin sidoo kale waxa ay yareeynaysaa carqaladaha ka dhalan kara inta lagu jiro marxaladan xasaasiga ah.”

Waxaa la filayaa in codeyntani ay noqoto markii u danbeeysay ee uu Golaha Ammaanku ansixiyo qaraar kordhinaya muddada ay ATMIS ka howlgaleyso Soomaaliya, iyadoo lagu wado in bisha Jannaayo howlaha nabad ilaalinta Soomaaliya uu la wareego howlgal cusub.

Qaraarka qabyada ah ayaa u oggolaanaya dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika in ay sii wadaan in ilaa 12,626 askari oo tuutaha ciidanka xiran oo ay ku jiraan 1,040 boolis ah, ay sii wadaan howlaha nabad ilaalinta ATMIS illaa 31ka Diseembar.

Waxaa kale oo qoraalka looga codsaday Xoghayaha Guud in uu sii wado bixinta xirmada taageerada saadka iyadoo la sii marinayo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).

Waa kuma Fidan: Diblumaasiga Turkiga ee horseedka u ah wada-hadalka Somalia iyo Ethiopia

0

Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, ayaa soo jiitay indhaha caalamka sida weyn ee uu uga dhexmuuqday wada xaajoodyada u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Ethiopia, si xal kama dambays ah looga gaaro xiisadda labada dal, loona gaaro is fahan wax ka beddeli kara mustaqbalka Geeska Afrika.

Hakan Fidan, waa diblomaasi xirfadihiisu ay ku saleysan yihiin awooddiisa uu ku maareyn karo xaaladaha adag. Fidan oo ku dhashay Ankara 1968. Waddadiisa ugu horreysay ee inuu noqdo mid ka mid ah shakhsiyaadka ugu saameynta badan Turkiga, waxay kasoo bilaabatay Ciidamada Qalabka Sida ee Turkiga, halkaas oo uu ka soo shaqeeyay sida sarkaal ka tirsan sirdoonka isgaarsiinta.

Waxbarashadiisa sare ee millatariga waxa uu ku qaatay dibadda, gaar ahaan xilligii uu ka shaqeynayay NATO ee dalka Jarmalka. Intii uu ku sugnaa Jarmalka, Fidan wuxuu ka qaatay shahaadada jaamacadeed ee Maamulka iyo Cilmiga Siyaasadda jaamacadda University of Maryland University College (UMUC).

Markii uu dib ugu soo laabtay Turkiga, Fidan wuxuu sii waday barashadiisa jaamacadda Bilkent University, halkaas oo uu ku dhameystay shahaadada mastarka isaga oo qoray mowduuc ku saabsan “Doorka Sirdoonka ee Siyaasadda Dibadda.”

Wuxuu sidoo kale qaatay Ph.D. isla jaamacaddaas, isagoo diiradda saaray “Diblomaasiyadda Xilligii Macluumaadka: Isticmaalka Tiknoolajiyada Macluumaadka ee Caddeynta.” Shaqooyinkiisa cilmiga ah waxay aasaas u ahaayeen kaalintiisa dambe ee sirdoonka iyo diblomaasiyadda Turkiga.

Isbeddelka Fidan ee ka yimid adeegga millatariga una wareegay dowladnimada rayidka wuxuu ku bilaabmay magacaabistiisa 2003-dii sida Madaxweynaha Hay’adda Iskaashiga iyo Isuduwidda ee Turkiga (TIKA). Shaqadiisa TIKA iyo doorkiisa latalinta dhow ee uu la lahaa Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee xiligaas, Ahmet Davutoğlu, waxay ka dhigeen mid muhiim ah oo ku dhex jira mishiinka siyaasadda dibadda ee Turkiga.

Isbeddelka Fidan ee ka yimid sirdoonka millatari una wareegay diblomaasiyadda waxaa calaamadeeyay magacaabistiisa sanadkii 2010 sida Kaaliyaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka (MİT); isagoo 42 jir ah, wuxuu noqday qofkii ugu da’da yaraa ee xilkaas qabta.

Xilligii uu joogay MİT, wuxuu ku lug yeeshay wadaxaajood qarsoodi ah oo lala galay Xisbiga Shaqaalaha Kurdistaan (PKK). Wada xaajoodyadaas oo loo yaqaan Oslo, waxay ujeedkeedu ahayeen in lagu xalliyo arrinta Kurdiyiinta, balse wuxuu noqday mid muran badan iyo ismaandhaaf siyaasadeed ka dhaliyay gudaha Turkiga.

Doorka Fidan ee sirdoonka Turkiga sidoo kale wuxuu ku lug yeeshay la tacaalidda xaaladdii murugsanayd ee isku daygii afgambiga ee July 15, 2016. Ficilladiisa degdegga ah xilligii afgambiga, kaas oo si toos ah isaga loogu wajahnaa, waxaa lagu ammaanay inay door muhiim ah ka ciyaareen fashilka afgambiga iyo sugidda xasilloonida dowladda Turkiga.

Mudadii uu joogay, wuxuu ku kasbaday sumcad ahaan shakhsi lagu kalsoonaan karo oo ku dhow Madaxweynaha Recep Tayyip Erdoğan, isagoo helay naanaysta “Sir-doonka Erdoğan.”

Bishii June 2023, Fidan waxaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, waana xilkaas oo uu hadda ku hoggaaminayo wadaxaajoodka muhiimka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Habka Fidan ee wadaxaajoodka Soomaaliya iyo Itoobiya wuxuu ahaa mid sabir iyo is-dulqaad leh, isagoo adeegsanaya diblomaasiyadda isku socodka si uu u furo wadaxaajoodka labada dal. Inkastoo cadaadiska xooggan iyo halista wadaxaajoodka u galay inay burburaan, Fidan wuxuu ku dhawaaqay in ay jirto “horumar la taaban karo,” taasoo muujinaysa awoodiisa uu ku dhex socon karo xiisadaha iyo inuu labada dhinacba ku hayo wadaxaajoodka nabadeed.

Istiraatijiyadiisa waxay ka kooban tahay dhaqdhaqaaq feejigan, isagoo ka jawaabaya baahiyaha degdegga ah ee dhinacyada isku haya iyadoo la waafajinayo danaha ballaaran ee Turkiga, gaar ahaan Soomaaliya. Intii uu Madaxweynaha Recep Tayyip Erdoğan xilka hayay, Turkiga wuxuu si weyn u xoojiyay joogitaankiisa guud ahaan Afrika, iyadoo Soomaaliya ay tahay bartilmaameed muhiim ah oo dadaalladaas.

Safaaradda ugu weyn ee Turkiga ee dibadda waxay ku taallaa Muqdisho, waxaana jira iskaashi amni oo la xoojiyay, taasoo muujinaysa qoto dheerida xiriirka ka dhexeeya labada dal. Shirkadaha Turkiga waxay maamulaan kaabayaasha muhiimka ah, sida garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo dekedda, halka shirkadda tamarta ee dowladda Turkiga ay diyaar u tahay inay bilowdo sahminta shidaalka iyo gaaska ee xeebaha Soomaaliya.

Sidoo kale, Turkiga wuxuu qorsheynayaa inuu dhiso dhisme safaaradeed oo loogu talagalay Soomaaliya oo ku yaal Ankara oo qiimaheeda lagu qiyaasay in ka badan $6 milyan.

Sanadkii 2024, Turkiga iyo Soomaaliya waxay kala saxiixdeen heshiisyo taxane ah oo ah dhinaca badda iyo difaaca kuwaas oo xoojiyay iskaashiga millatariga iyo dhigay aasaaska doorka Turkiga ee sugidda biyaha Soomaaliya.

Heshiisyadan waxaa ka mid ah ballanqaadka Turkiga ee ah inuu ka caawinayo Soomaaliya inay horumariso awoodaha baddeeda iyo inay sugto xuduudaha badda, taasoo ah tallaabo istiraatiiji ah oo la jaanqaadaysa danaha muddada-dheer ee ammaanka iyo dhaqaalaha ee Turkiga ee gobolka.

Guusha Fidan ee dhexdhexaadinta muranka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya muhiimaddeedu ma ahan oo kaliya xasilloonida gobolka, laakiin sidoo kale ilaalinta maalgashiyada ballaaran ee Turkiga iyo hubinta in saameynta Turkiga ee Geeska Afrika ay sii xoogaysato.

Xaaladda Soomaaliya ee wadaxaajoodka waa mid xasaasi ah. Dalka oo wali ka soo kabanaya tobanaan sano oo colaado ah, wuxuu u arkaa in wax kasta oo laga gorgortamayo oo ku saabsan midnimada dhuleed ay tahay musiibo mustaqbalkeeda dhibaato ku noqon kara.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, wuxuu si weyn uga soo horjeestay heshiiska is-fahamka, isagoo ka digaya in Itoobiya loo oggolaado inay saldhig ciidan ku yeelato biyaha Soomaaliya ay halis ku noqon karto dalka iyo gobolka intiisa kale.

Isha: HOL

Taliban oo soo bandhigtay awood militari oo cajiib ah + Sawirro

0

Kabul (Caasimada Online) – Xukuumadda Taalibaan ayaa u dabbaal degtay sanadguuradii saddexaad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada xukunka dalka Afqanistaan.

Taliban oo maalintan ugu yeertay “Maalinta guusha” waxay ku soo bandhigeen dhoola tuska hubka Maraykanka uu uga tagay Afqaanistaan.

Taliban ayaa beesha caalamka ka codsatay inay qaadaan waddadii ay kula falgelin lahaayeen kooxda ayna xiriiriir ula yeelan lahaayeen.

Dhanka kale, kooxaha ka soo horjeeda Taliban ayaa ku tilmaamay maalin madow, waxayna ku baaqeen isu soo baxyo mudaaharaad ah oo ka dhacay magaalooyin kala duwan oo caalamka ah.

Xafladda ugu weyn ayaa lagu qabtay saldhigga Bagram oo ahaa saldhigga ugu weyn ee ciidamada Mareykanka iyo NATO ay ku sugnaayeen labaatan sano ee ay ku sugnaayeen dalka Afgaanistaan.

Dublamaasiyiinta Iran iyo Shiinaha iyo wakiilo ka socda wadamada kale ee gobolka ayaa goob joog ka ahaa xafladan.

Wasaaradda Difaaca ee Taliban ayaa dhoolatus weyn ku sameysay hubka noocyadiisa kala duwan ee Mareykanka iyo qaar ka mid ah hubka Ruushka. Tiro ka mid ah hubkan ayay Taliban dayactirtay saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Waxay Talibaan halkaas ku soo bandhigeen hub isugu jira Taangiyo, diyaarado iyo hubka lidka diyaaradaha. Sidoo kale waxay goobta kusoo bandhigeen ciidamo kala duwan.

Markii uu Mareykanka ka baxayay afqaanistaan ayaa waxaa uu halkaas uga tagay hub badan oo uu sheegay in qaar badan oo ka mid ah aan la isticmaali karin, balse Taliban ayaa qaar ka mid ah hubkaas dayactiray.

Hafeez Marouf oo ah weriyaha BBC-da oo tagay saldhigga Bagram si uu xafladan uga soo waramo ayaa sheegaya in kumanaan ka tirsan ciidamada Taalibaan iyo dadwayne isugu soo baxay saldhigan si ay u muujiyaan awoodooda ciidan, waxayna soo bandhigeen dhamaan noocyada kala duwan ee hubka fudud iyo kuwa culculus ee ay haystaan ​​kaamaradaha iyo dadka hortooda.

Saraakiil sar sare oo ka tirsan Taliban ayaa iyaguna khudbad ka jeediyay waxayna ku nuuxnuuxsadeen inay doonayaan inay xiriir la yeeshaan caalamka.

Abdul Kabir, oo ah ku xigeenka dhanka siyaasadda ee ra’iisul wasaaraha Taliban, ayaa yiri: “Waxaan dooneynaa xiriir wanaagsan oo aan la yeelanno dhammaan dalalka adduunka”.

Sirajuddin Haqqani, oo ah wasiirka arrimaha gudaha ee Taliban, ayaa sidoo kale yiri: “Waxaan rabaa in beesha caalamka ay si wanaagsan uga faa’ideysato fursadda wanaagsan oo ay qaataan dariiqa isdhexgalka iyo iskaashiga ee Afgaanistaan.”

Tirada dhimashada Falastiiniyiinta oo si weyn u korortay kadib markii ay Israel…

0

Gaza (Caasimada Online) – Dilalka Israel ay ka waddo Gaza ayaa weli sii socda, iyada oo  weerar lagu qaaday guri ku yaal xerada qaxootiga ee Jabalia ee waqooyiga Gaza lagu dilay dhowr qof oo rayid ah oo ay ku jiraan carruur.

Waxaa kale oo jira dhaawacyo badan oo ay geysteen ciidanka Israel,sida ay sheegtay wakaaladda difaaca madaniga ah ee Gaza.

Nin falastiiniyiin ah ayaa la dilay ilaa tobaneeyana waxaa lagu dhaawacay weerar ay fuliyeen dad hubaysan oo Israa’iiliyiin ah oo weerar ku qaaday bulshooyinka Falastiiniyiinta ee ku nool daanta galbeed ee la haysto, iyagoo sidoo kale gubay baabuur iyo hanti kale.

Dhinaca kale, afhayeenka waasaaradda arrimaha dibadda Qatar Majed al-Ansari ayaa sheegay in Jimcaha dib loo bilaabi doono wada-hadallada Israel iyo Xamaas si loo joojiyo dagaalka Gaza.

Dhexdhexaadiyayaasha xabad joojinta Gaza ee Qatar, Masar iyo Maraykanka ayaa soo gabagabeeyay shalay si loo sii ambaqaado xalka dhinacyadaasi iyo in la helo nabad waarta.

Tirada dhimashada Falastiin ayaa gaartay 40,005 qof iyo dhaawaca 92,401, kadib dagaalkii bilowday 7-dii October.

Si kastaba, Ciidamada Israa’iil ayaa weli wada gumaadka shacabka, iyada oo socdaan dadaallo lagu doonayo hoos loogu dhigo xiisadda dagaal ee u dhaxeysa Xamaas iyo Israa’iil, taas oo uu garwadeen ka yahay Mareykanka oo gacan difaac siiya Tel Aviv.

DF oo qorshe culus ka fulisay xuduuda Somalia iyo Ethiopia (Sawirro)

0

Feerfeer (Caasimada Online) – Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Axmed Siciid Maxamed ayaa xariga ka jaray dhismaha bar-xuduudka Feer-Feer ee Gobolka Hiiraan ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeele.

Agaasimaha Guud ee HSJ oo ka hadlay munaasabadda xarig jarka ayaa sheegay in uu dhameystiran yahay guud ahaan qalabkii lagu hubin lahaa dadka ku safraya xuduudka, taas oo qayb wayn ka ah amniga guud ee dalka.

Sidoo kale, waxa uu Agaasimaha Guud sheegay in Hay’addu wado qorshayaal kale oo lagu horumarinayo dhismayaasha bar-xuduudeedyada dalka laga soo galo.

Arrintaan ayaa si weyn uga qeyb qaadaneysa la socodka dhaq dhaqaaqa socdaalka iyo ilaalinta xudduudaha dalka.

Munaasabadda xarig jarka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Bar-xuduudeedka Feer-Feer ayaa kamid ah marinada laga soo galo wadanka, waana bar uu isaga kala gudbo ganacsiga ladabada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya, sida gaadiidka wada badeecadaha kala duwan.

Gaadiidka badeecadaha ka qaada gudaha Soomaaliya iyo kan ka keena gudaha Itoobiya ayaa isaga gudba marinta magaalada Feerfeer ee galbeedka gobolka Hiiraan.

Waa magaalo ku taalla dhulka xuduud beenaadka ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, labada dowladood ayaa ka taliya labada gedi ee magaalada, taasi ayaa muhiim ka dhigeysa in hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ay xarun ku yeelato magaaladaas.

Daawo: Sida loo xaliyey banaan-bixii Bajaaj-leyda ee Muqdisho ka socday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta la shaaciyey in si hordhac ah xal looga gaaray khilaafkii soo kala dhex galay dowladda iyo dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaaj-ta ee ka howlgasha Muqdisho, kadib shir jaraa’id oo lagu qabtay bartamaha wadada weyn ee Maka Al-mukarama.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Yabooh iyo Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir Macalin Mahdi ayaa tegay goobtii ay ku banana-baxayeen wadayaasha Mooto Bajaaj-ta.

Guddoomiye Yabooh iyo Taliye Mahdi oo warbaahinta la hadlay ayaa balan-qaaday in madaxda qaranka ay u gudbinayaan cabashada dhalinyaradaan.

Sidoo kale waxay sheegeen in Bajaaj-leyda ay kula heshiiyeen in banaanbaxyada la joojiyo oo ay shaqeystaan, iyadoo aan waxaba sharci ah la weydii doonin ilaa inta laga xalinayo cabashadooda.

Ciidamadii Taraafikada ayaa laga qaday jidadka Muqdisho, kuwaas oo Bajaaj-leyda weydii jiray Leesinka hadda laga cabanayo qiimihiisa.

Dhalinyarada ayaa ka cabaneysa in qiimaha Leesinka ay dowladu gaarsiisay 300 oo dollar, sidoo kale waxay ka cabteen ganaax ay ka qaadaan ciidamada Taraafikada ah ee jidadka jooga.

Dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaaj-ta oo iska soo saaray guddi gaar ah ayaa balan-qaaday inay u hoggaansami doonaan go’aankii lagu gaaray kulamadii ay la yeesheen madaxda gobolka Banaadir.

Sidoo kale Bajaaj-leyda ayaa shaacisay inay soo gabagabeeyeen banaanbaxyadii socday muddo 3 maalmood ah, isla markaana ay hadda kadib shaqeysa doonaan si nabad ah, xalka cabashadoodana ay ka sugayaan dowladda.

Hoos ka daawo

ITOOBIYA oo ku adkeysaneysa arrin yaab leh oo la xiriirta wada-hadalladii ANKARA

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu xaqiijinayo marin la isku haleyn karo oo dhanka badda, taas oo ay kala jeedo wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya ee Ankara.

Itoobiya ayaa weli ku adkeysaneysa in Soomaaliya ay bixiso wax u dhigma is-afgaradkii Somaliland ay la gashay, si ay meesha uga saarto heshiiskaasi, oo dowladda federaalka Soomaaliya ay meel adag iska taagtay.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya Danjire Nebiyu Tedla oo shir jaraa’id qabtay ayaa carabka ku adkeeyay dadaalka ay Itoobiya waddo ee lagu xaqiijinayo marin badeed la isku haleyn karo, isaggoo dowladda Turkiga uga mahad-celiyay fududeynta wada-hadallada labada dal.

Wuxuu tilmaamay in labada dal ay ku heshiiyeen inay sii wadaan wada-hadalkooda wareega saddexaad ee wada-hadallada, wuxuuna tilmaamay sida ay Itoobiya uga go’an tahay dadaaladda diblumaasiyadeed ee lagu xaqiijinayo in Itoobiya ay soo gaarto badda caalamiga ah.

Wada-hadallada Ankara ee kusoo idlaaday natiijo la’aanta ayaa la doonayay in lagu xaliyo xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana markale loo baahday in la aado wareeg saddexaad oo wada-hadal ah, si xal kama dambeys ah looga gaaro arrintaan.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dhinacyada ayaa isku mari waayey qodobo ay kamid yihiin soo afjarida is-afgaradkii Somaliland iyo waxa xigga, iyada oo dowladda federaalka Soomaaliya ay ku adkeysatay mowqifkeeda ku aadan damaca Itoobiya ee badda.

Dowladda Soomaaliya ayaa intii uu socday wada-hadalka dooneysa in la keeno hannaan looga laabanayo heshiis beenaadkii badda lagu bixinayey ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ay kala saxiixdeen.

Halka Itoobiya ay dooneysay in la caddeeyo qaab ay uga laaban karaan is-afgaradkaas iyo waxa loogu bedelayo, si la mid ah tii dowladdii hore markii ay Muqdisho heshiis is faham ku gaareen ra’iisul wasaare Abiy Ahmed iyo madaxneynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo.

Labada dhinac oo sida muuqata aad u kala fog ayaa markale wuxuu Turkiga ka shaqeynayaa sidii uu isugu soo dhaweyn lahaa, si bisha soo socota ee September ay markale u wada-hadlaan.

Muxuu yahay tababarka heer sare ee maanta laga furay Muqdisho? +Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho tababar heer sare ah looga furay saraakiil ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed, kuwaas oo si gaar ah loo soo xulay.

Tababarkan oo ay fureen wasiiru-dowlaha wasaaradda amniga gudaha Maxamed Xagaa iyo Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska S/guuto Cusmaan Kaniif ayaa waxa uu socon doono muddo.

Saraakiisha ayaa qaadan doona tababar ku saabsan barashada heerarka kala duwan ee hoggaaminta iyo maamulka ciidanka, waxaana tababarku inta uu socdo bixin doona macalimiin ka tirsan booliska iyo bahda cadalaadda.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sanadihii dambe si weyn loo tayeynayay, ayada oo dhowrkii bilood ee u dambeysay ay soo baxeen dafcado cuusb, oo qaarkood ay tababarka ku qaateen dugsiga tababarrada ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye.

Ciidankaas ayaa hadda qeyb ka ah booliska Soomaaliyeed, iyagoona ka qeyb qaadanaya dadaalada lagu xakameynayo dhagarta kooxaha argagixisada ay bulshada Soomaaliyeed u soo maleegaan.

Si kastaba, ciidamada Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa xilligaan dagaal kula jira kooxda Al-Shabaab, ayada oo dowladda sheegtay inuu qorshuhu yahay in muddo kooban lagu soo afjaro kooxda.

Sawirro: Ganacsatada Muqdisho oo qabatay shir jaraa’id oo DF ay uga cabanayaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ganacsatada gobolka Banaadir ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay kaga hadleen caqabado ay sheegeen in ay ka haystaan dowladda federaalka Soomaaliya.

Ganacsatadaan oo badeecadaha kala duwan ee dalka yimaada ay uga soo degaan dekedda Muqdisho ayaa sheegtay in lagu soo rogay canshuuro xad-dhaaf ah.

Sidoo kale ganacsatada maanta isugu timid kulankaas ayaa ka cabatay lacagaha iibka oo wasaaradda maaliyadda XFS ay sheegtay in la bilaabayo 18-ka bishaan Agoosto.

Canshuurta cusub ee iibka ayaa noqoneysa %5, waxayna ku waajibeysa oo laga jaranayaa qof kasta oo wax iibsaneysa.

Ganacsatada ayaa tilmaamay in ay la kulmeen wasiirka maaliyadda Soomaaliya, balse aysan kala soo kulmin wax natiijo ah.

Sidoo kale ganacsatada ayaa sheegay in Wasiirku ku adkeystay in la qaadayo lacagaha iibka, ayna bilaaban doonto 18-ka bishaan Agoosto, waxaana laga diiday in xitaa dib loo dhigo ilaa inta heshiis laga gaarayo.

Qaar ka mid ganacsatada oo warbaahinta la hadlay ayaa baaq u diray madaxda sare ee dalka, iyagoo codsaday in arrinkooda lasoo faragaliyo.

Kulanka ganacsatada ayaa waxaa laga soo saaray war-saxaafadeed, waxayna ka cabanayaan labo arrin oo ah canshuurta iibka ee lagu soo rogayo iyo canshuuro lagu soo rogay badeecadaha uga soo dega dekedda Muqdisho.

Qoor-Qoor oo ku dhowaaqay nooca doorasho ee uu qabanayo xilli ay is-hayaan mucaaradka

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Qoor-Qoor oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka ayaa shaaciyay inuu qabanayo doorasho qof iyo cod ah.

Waxa uu sheegay in shacabka ay xaq u leeyihiin inay soo doortaan madaxdooda, isaggoo ku dooday in Galmudug ay kasoo gudubtay xilligii awoodda wax lagu raadinayay, uuna maamulkiisa qabanayo doorasho dadweyne, ayna shacabka soo dooran doonaan madaxweynaha Galmudug illaa xubnaha ka hooseeya.

Qoor-Qoor oo raadinaya waddo uu markale ugu soo laabto kursiga ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabadda xuska sanad guurada 18-aad ee Galmudug, isaggoo weerarna ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka ee ay is-hayaan.

Dagaalka labada dhinac oo salka ku hayo is riixa doorashada kusoo foodka leh Galmudug ayaa sii laba jibaarmay, wuxuuna Qoor-Qoor sheegay in aan laga aqbli doonin inay hub lasoo galaan Galmudug iyo inay sameeyeen kicin bulsho ama wax kasta oo liddi ku ah nabad-gelyada deegaanka.

“Dadka daneynaya doorashada ololaahaga ku soo bandhigo baratan iyo waxaa aad qaban karto, laakiin yaan la isku dayin wax ka dhan ah amniga dalka iyo waxaa ka reeban hub iyo saasaan hore loogu soo daalay,” ayuu yiri Qoor-Qoor.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan leeyahay damacaaga loolan iyo baratan iyo inaad waxaad qabaneyso sheegato kusoo bandhigo.”

Dhawaaqa kasoo yeeray madaxweyne Qoor-Qoor ayaa qeyb ka ah qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh ee doorashooyinka dalka. Xasan ayaa ku adkeysanaya in dalka uu ka hirgelinayo doorasho qof iyo cod ah, ayada oo golaha wasiirada ay dhawaan ansixiyeen sharciga doorashooyinka iyo kan xisbiyada.

Mucaaradka ayaa si weyn uga soo horjeeda qorshahan oo muddo kororsi siiyay madaxda dowlad-goboleedyada, oo iyagu laftigooda ku howlan sidii ay markale u boobi lahaayeen doorashooyinka, si ay ugu soo laabtan xukunka.

Sababta rasmiga ah ee loogu kala kacay wada-hadalladii Soomaaliya iyo Itoobiya

0

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa markale dib uga guratay inay ka laabato is-afgaradkii ay 1-dii bishii Janaayo ee sanadkaan ay la gaareen hoggaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Shir hal maalin loo qorsheeyay ayaa laba maalin qaatay, iyada oo dood adag ay ka dhacday magaalada Ankara ee waddanka Turkiga.

Labada wafdi ee Soomaaliya iyo Itoobiya isma soo horfadhiisan, waxaana u kala dab-qaadeysay wasaaradda arrimaha dibadda ee waddanka Turkiga.

Itoobiya waxay ku dhaganeyd ballan uu Turkiga qaaday oo aheyd in Soomaaliya ogolaan doonto inay Itoobiya siiso qaab ay kusoo gaari karto biyaha caalamiga ah ganacsi ahaan.

Waxay dalbadeen Itoobiyaanka in nuqulka soo baxaya lagu caddeeyo inay illaa gudaha biyaha Soomaaliya fasax buuxa u haystaan inay shaqooyinkooda ku qabsadaan, taas oo xitaa mustaqbalka ka badan karta ganacsi.

Wafdiga Soomaaliya waxaa hoggaaminayay wasiirka arrimaha dibadda Danjire Axmed Macallin Fiqi, kaas oo la xasuusto inuu wareegii hore ee wada-hadallada wax badan dhinac iskaga riixay, haatana si taas lamid waxaa la xaqiijiyay inuu wasiirka diiday in la isku lifaaqo ka noqoshada Itoobiya ee is-afgaradka iyo ogolaanshaha ah inay Soomaaliya bixiso go’aan ay Itoobiya kusoo gaareyso badda.

Qoraal uu faafiyay wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Danjire Fiqi waxa uu ku sheegay in Soomaaliya aanay ogolaan doonin qorshaha Itoobiya ee ah “ku qabso ku qadi meyside”.

Xogaha dheeriga ah ee shirka waxay sheegayaan inay Itoobiya aad ugu dhagan tahay inuu is-afgaradkii Muuse Biixi wax u dhalo, kadibna ay bixiyaan cudur daar, kuna dhawaaqan ka noqosho, laakiin iyada oo aan waxba loogu beddelin uma socdaan jidka ka noqoshada iyo cudur-daarka.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa haysta cadaadis xoog leh oo ka imaanaya shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo dalbanaya in is-afgaradka lagu beddelan bad bixin.

Soomaaliya waxay ku dooday in Itoobiya marka hore sameyso ka noqosho iyo cudur daar kadibna lasoo celiyo cilaaqadkii labada waddan oo waayadan xumaa, kadibna ay labada waddan sii amba-qaadan sida lagu gaari karo in ganacsi ahaan loo kala faa’iideysto.

Dowladda Turkiga ayaa la sheegay in xooga ka carootay sida ay labada waddan usoo aqbaleen wareeg labaad oo wada-hadal ah, iyada oo midkoodna uusan kasoo dabcin halkii uu taagna wareegi hore.

Wada-hadallada ayaa kusoo dhamaaday natiijo la’aan, laakiin waxaa lagu ballamay in la isku soo laabto wareeg saddexaad bisha soo aadan ee September, kaas oo ka dhici doona waddanka Turkiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo muddo xileedkiisi hore si fiican u wajahay Kenya oo isku deyday inay qaadato qeyb kamid biyaha Soomaaliya ayaa haddana markale u muuqda inuu mowqifyo ad-adag ku wajahayo Itoobiya, oo iyaduna soo damaacisay qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya.

Albaab aan badda ka galno hana la siiyo, waa damac labaad oo ay curisay Itoobiya, inay Soomaaliya diidayna waxaa loo arkaa is-difaacid muuqata.

DF oo shaacisay maalinta ay bilaabaneyso inay jarato canshuurta iibka ee laga qeyliyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in maalinta Axadda ee taariikhdu ku beegan tahay 18/08/2024 ay bilaabaneyso inay dowladda si toos ah u jarato canshuurta iibka.

Canshuurtan oo dhan 5% ayey sheegtay dowladda inay kala baxeyso koontooyinka ganacsi, isla marka uu macluumka uu bixiyo adeega uu iibsanayo, ayada oo lacagta canshuurta iibka lagu dalacayo muwaadiniinta.

“Wasaaradda ayaa ku guuleysatay in nidaamyadda badeecootinka iyo adeegyadda lagu kala gato ee loo yaqaano koontooyinka ganacsiyadda (Merchant Accounts) si toos ah uga jarato canshuurga wakhtiga ay dhaceyso kala gadasho kasto oo ay sameynayaan ganacsiyadda iyo macaamiishoodu,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.

Wasaaradda maaliyadda ayaa sidoo kale waxay sheegtay in lacagaha canshuurta ah ee sida tooska ah uga jaraneyso ay ku dhaceyso khasnadda dhexe ee dowladda.

“Wasaaradda waxay ku wargelinaysaa dhamaan ganacsiyadda kala gedisan in laga bilaabo taariikhdu marka ay tahay 18-ka Agoosto, 2024 ay qaan-sheegad kasto oo ay macaamiishoodu alaa ku gadanayaan ay ku dadaan 5% oo ah qiimaha canshuurta gadida, si looga baaqsado in ganacsadaha lacagtii uu amaabta ku gatay ay uga go’do canshuur ahaan.”

Sidoo kale waxaa lagu yiri bayaanka “Si taas lamid ah waxaa la ogeysiinayaa macaamiisha ganacsiyadda iyo muwaadiniinta in wasaaraddu si toos ah u dhaqan-gelin doonto qaadida canshuurta gadida.”

Maalmo kahor unbeyd aheyd markii ganacsatada caasimadda iyo wasiirka maaliyadda ay ku kala kaceen kulan looga hadlayay jarista canshuurta iibka.

Kulankaas oo looga hadlay cabashooyin ay mudooyinkan qabeen suuqleyda oo ay ugu danbeysay canshuurta iibka 5% ee dhawaan la so kordhiyay, ayuu wasiirka maaliyadda ku gacan sayray in dib loo dhigo waqtiga loo qorsheeyay bilaabidda canshuurta iibka ee laga jarayo iibkasta oo la sameeyo ilaa inta natiijo laga gaarayo wada-hadallada.

Si kastaba, tallaabadan ayaa imaneysa xilli ay weli dowladda iyo ganacsatada isku fahmi la’yihiin canshuurtan jarashadeeda loo marayo koontooyinkooda ganacsi, taas oo dhinaca kalena culeys horleh ku ah bulshada caasimadda ee aan helin adeeg dowladeed.

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay tallaabadii uu xalay qaaday FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xoogan ayaa ka dhalatay tallaabo uu xalay madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo si adag uga hadlay xiisadda ka taagan Muqdisho, gaar ahaan cabashada dhalinyarada Bajaajleyda.

Farmaajo ayaa sheegay in dhalinyaradaas oo banaanbaxyo ka dhigeysay magaalada Muqdisho labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay mudan yihiin in la garab istaago.

“Dhallinyarada Soomaaliyeed ee aaminay dalkooda, kuna shaqeynaya duruufaha adag, gaar ahaan xoogsatada Bajaajka, waxay mudan yihiin garab istaag iyo in laga fududeeyo culaysyada iyo canshuuraha ay ka cabanayaan,” ayuu yiri Maxamed C/laahi Farmaajo.

Haddaba sidee looga falceliyay tallaabada Farmaajo?

Maxamed Jaamac “Siyaasiga Soomaaliga ah wuxuu u heysta shacabka Soomaaliyed kuwo halmaam badan, waxna kala ogeyn kuwii shalay kabahoodii ku duugtay dhalinyaro Soomaaliyed maaheyn miyaa?

Luqmaan Cusmaan “Mahadsanid madaxwayne waxaan kuu rajeneynaa soo laabasho 2026, insha allah”.

Hanad Cabdisalaan “Adi maa dhalinyaro nolol iyo wanaag u ogol Alle naguma kaa soo celiyo sidaad noo dhaaftay ahow,  Xasana qaati bilaah ka taaganahay adigase waba kasii liidatay waaba xasuuqday adiga dhalinyarada”

Nasteex Xamdi Maxamuud “Madaxwayne xaqiiq weeye in la garab istaago weeye dhalinyarada Soomaaliyeed”.

Cabdiraxmaan Axmed Muuse “Adiga Daljirka Dahsoon isbaarada kuu tiilay miyaa saas u hadlaa?

Maxamed Ibraahim “Mahadsanid madaxweyne dalka adiga ayuu kuu baahanyahay ee soo noqo, Insha allaah adoo nabad ah”.

Nuur Axmed “Madaxweyne waad ku mahadsantahay garab istaagga aad innoo sameeysay, dhalinyarada Soomaaliyeed wey kuu ogsoonyihiin hiilkaaga”.

Maxaa kasoo baxay shirkii u socday DF iyo dowlad goboleedyada? + Sawirro

0

Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle waxaa ka qabsoomay shir u dhexeeyay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, kaas oo isugu yimaadeen wasiirka dowladda dhexe iyo wasiirada beeraha maamullada dalka.

Shrka ayaa waxaa guddoomyay madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), waxaana lagu gorfeynayay Tacbashada Beeraha iyo Isbeddelka Cimilada.

Cali Guudlaawe oo madasha khudbad ka jeediyay ayaa soo jeediyay in xal loo helo caqabadaha ay wajahaan beeraleyda Soomaaliyeed oo ay ugu horreyso fatahaadaha.

“Waa in xal-waaro loo helo fatahaada webiga si uu u badbaado wax-soo-saarka Beeraleyda. Waxaan rajeynayaa dhammaan arrimahan inuu meesha ka saaro mashruuca Sabbuun.” Madaxweyne Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Sidoo kale inta oo socday shirka ayaa waxaa looga hadlay xal u helida fatahaaddaha soo laa laabtay Webiga Shabeelle, ka hortaga cayayaank, iyo in sare loo qaado iibgeynta dalagyada ka baxo dalka.

Wasiirka Beeraha Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka warbixiyay safarkiisa Jowhar wuxuuna yiri “Anigoo weli wada socdaalkii xoojinta Tacbashada Beeraha iyo la qabsiga Isbedelka Cimilada waxaan galabta tegay Jowhar, Xarunta Dawlad Goboleedka Hirshabele, Magaalo ku suntay dib-u-dhiska Dawladnimada Soomaaliya”

Dhankiisa Wasiirka Wasaaradda Beeraha HirShabeelle ayaa ka hadlay caqabadaha ay wajahaan Beeraleeyda gobolka Shabeelaha Dhexe, oo la daala dhacaya xaalado adag.

Gabagabadii wasiirada beeraha ee isugu tegay Jowhar ayaa la kulmay iskaashatooyinka beeraleyda gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay ka dhageysteen cabashooyinkooda ku aadan wax soo saarka beeraha, maadaama u jiro gaabis xagga tacbashada ah.

Soomaaliya oo go’aan culus ku dhowaaqday kadib fashilkii ku yimid wada-hadalladii Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale war cusub kasoo saartay xiisadda diblumaasiyadeed ee kala dhexeysa Itoobiya kadib fashilkii dhowaan ku yimid wada-hadallo ay labada dhinac ku yeesheen dalka Turkiga.

Wasiirka gaadiidka duulista hawada xukuumadda Soomaaliya Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal oo warbaahinta kula hadashay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in go’aanka dowladda Soomaaliya aanu wax iska beddali doonin, ayna rabto Soomaaliya in Itoobiya ay ka laabato qaladkeeda, ayna bixiso raaligelin, iyada oo kadib soo mareyso waddada sharciga ah.

“Soomaaliya waxay rabtaa Itoobiya oo ka noqota wixii ay qaribtay, Soomaaliya waxay rabtaa Itoobiya oo raaligelin bixisa waddada sharciga ahna soo marta” ayay tiri.

Sidoo kale waxa ay tilmaamay in cidda qaladka iyo xadgudubka sameysay ay tahay Itoobiya, balse ay rajaneyso inay dib u sixi doonto wixii horay u dhacay.

“Sidaad ogtihiin qaladaadka ay sameysay Itoobiya iyo xagdudubkii ay ku kacday Soomaali waa wada ogtahay waxaan rajeynayaa inay maskaxooda soo noqoto oo ay dambiyada ay galeen dib u tirtiraan” ayay mar kale tiri wasiir Fardowsa Cismaan Cigaal.

Waxaa kale oo ay sii raaciysay “Iyadaa dagaalka soo qaatay, iyadaa jabisay shuruucda caalamiga ah annaga dhankeena wax qalad ah oo ka yimid malaha, waxaana rajeyneynaa inay kasoo baxaan waxaan rabno”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay lagu kala tegay shirkii Ankara ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo soo idlaaday natiijo la’aan, waxaase lagu ballamay in mar kale lagu isugu yimaado wareeg 3-aad oo dhacaya bisha soo socota.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dhinacyada ayaa isku mari waayey qodobo ay kamid yihiin soo afjarida is-afgaradkii Somaliland iyo waxa xigga, iyada oo dowladda federaalka Soomaaliya ay ku adkeysatay mowqifkeeda ku aadan damaca Itoobiya ee badda.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo hoggaaminayay wafdiga dowladda federaalka ee wada-hadalladaasi ayaa sheegay in Soomaaliya ay caddeysay mowqifkeeda ku aadan dhowrista qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu Wasiirku ku tilmaamay lama taabtaan.