26.1 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Soomaaliya oo go’aan culus ku dhowaaqday kadib fashilkii ku yimid wada-hadalladii Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale war cusub kasoo saartay xiisadda diblumaasiyadeed ee kala dhexeysa Itoobiya kadib fashilkii dhowaan ku yimid wada-hadallo ay labada dhinac ku yeesheen dalka Turkiga.

Wasiirka gaadiidka duulista hawada xukuumadda Soomaaliya Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal oo warbaahinta kula hadashay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in go’aanka dowladda Soomaaliya aanu wax iska beddali doonin, ayna rabto Soomaaliya in Itoobiya ay ka laabato qaladkeeda, ayna bixiso raaligelin, iyada oo kadib soo mareyso waddada sharciga ah.

“Soomaaliya waxay rabtaa Itoobiya oo ka noqota wixii ay qaribtay, Soomaaliya waxay rabtaa Itoobiya oo raaligelin bixisa waddada sharciga ahna soo marta” ayay tiri.

Sidoo kale waxa ay tilmaamay in cidda qaladka iyo xadgudubka sameysay ay tahay Itoobiya, balse ay rajaneyso inay dib u sixi doonto wixii horay u dhacay.

“Sidaad ogtihiin qaladaadka ay sameysay Itoobiya iyo xagdudubkii ay ku kacday Soomaali waa wada ogtahay waxaan rajeynayaa inay maskaxooda soo noqoto oo ay dambiyada ay galeen dib u tirtiraan” ayay mar kale tiri wasiir Fardowsa Cismaan Cigaal.

Waxaa kale oo ay sii raaciysay “Iyadaa dagaalka soo qaatay, iyadaa jabisay shuruucda caalamiga ah annaga dhankeena wax qalad ah oo ka yimid malaha, waxaana rajeyneynaa inay kasoo baxaan waxaan rabno”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay lagu kala tegay shirkii Ankara ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo soo idlaaday natiijo la’aan, waxaase lagu ballamay in mar kale lagu isugu yimaado wareeg 3-aad oo dhacaya bisha soo socota.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dhinacyada ayaa isku mari waayey qodobo ay kamid yihiin soo afjarida is-afgaradkii Somaliland iyo waxa xigga, iyada oo dowladda federaalka Soomaaliya ay ku adkeysatay mowqifkeeda ku aadan damaca Itoobiya ee badda.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo hoggaaminayay wafdiga dowladda federaalka ee wada-hadalladaasi ayaa sheegay in Soomaaliya ay caddeysay mowqifkeeda ku aadan dhowrista qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu Wasiirku ku tilmaamay lama taabtaan.

DF SOOMAALIYA oo ka digtay cudur halis ah oo lagu arkay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka digtay halista cudurka Daanyeerka (Monkeypox) oo sidoo kale loo yaqaan Busbus, kaas oo kusii fidaya Qaaradda Afrika oo ay ku jiraan dalalka dariska ah.

Qoraalka wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in cudurkan uu yahay fayras laga qaado xoolaha inta badan wuxuuna hadda ka jiraa bartamaha iyo galbeedka Afrika.

Wasaaradda ayaa sidoo kale bulshada Soomaaliyeed uga digtay halista xanuunkan, waxayna siisay talooyin, ayada oo sidoo kale soo bandhigtay caalamadaha lagu garto.

“Muwaadin Xanuunka Monkeypox (Mpox) waa cudur fayras ah oo laga qaado xoolaha inta badan waxa uu ka dhacaa Bartamaha iyo Galbeedka Afrika, hadase waxa uu u muuqdaa mid qatarihiisu sii badanayaan. Muwaadin si aad waxbadan uga ogaato Calaamadaha Mpox iyo waxa uu yahay fadlan ka eeg Poster-ka hoose” ayaa lagu yiri qoraalka

Sidoo kale wasaaradda caafimaadka ayaa dalbaday qofkii arka cudurkaasi ama astaamihiisa in uu si degdeg ah ula soo xiiiro wasaaradda, waxaana dadka looga digay in ay u dhawaadaan qofka uu ku dhaco cudurkaasi.

“Fadlan hadii aad aragto Calaamadaha hoos ku xusan lasoo xiriir Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya” ayaa mar kale lasii raaciyay warsaxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan cudurka uu gaaray dalal ay ku jiraan Kenya iyo Uganda, waxaana jirta cabsi laga qabo in Soomaaliya usoo gudbo.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa hadda sare u qaadaysa dadaallada ka hortagga cudurka furuqa daanyeerka (Mpox) kadib markii Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ay ku dhawaaqday xaalad caafimaad oo degdeg ah oo ka jirta Afrika.

Horjoogihii ugu caansanaa Al-Shabaab-ka gobollada dhexe oo geeriyooday – Xog

0

Jilib (Caasimada Online) – Horjoogihii kooxda Al-Shabaab ugu magacownaa waxa ay ugu yeeraan Xisbada ama Jamhadaha ayaa xalay geeriyooday, sida ilo wareedyo xog-ogaal ah ay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Ninkaas oo ahaa caan, kana soo jeeday degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud waxaa lagu magacaabi jiray Xasan Caweer Cali Mataan.

Horjooge Xasan Caweer ayaa u geeriyooday xanuun muddo ka hayey wadnaha, waxayna saameyntaan ka soo gaartay dhaawac ay horay ugu geysteen ciidanka Qaranka.

Xasan Caweer Cali Mataan ayaa Al-Shabaab ka tirsanaa dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay, wuxuuna caan ka ahaa gobollada dhexe, gaar ahaan Mudug iyo Galgaduud oo uu kasoo jeedo.

Wuxuu ka dhashay beesha Saleebaan ee Habargidir, qof kasta oo reer Cadaado ama deegaanada kale ee Galmudug ku nool waa yaqaan ninkaan, wuxuuna ahaa nin dadka uu yaqaan soo waca oo u hanjaba.

Xoolo baad ah ayuu ka qaada jiray dadka ka cabsada hanjabaadiisa, mararka qaarka wuxuu dadka u dhigi jiray dabino ay Shabaab ku dilayaan, maadaama uu kooxda ka ahaa horjooge weyn, waa ninkii Xarardheere geeyey Odayaashii Saleebaan ee markii dambe dowladda u soo gacan galay, kuwaas oo la maxkamadeeyey xabsina lagu xukumay.

Horjooge Xasan Caweer oo muddooyinkaan xanuunsanaa sida xogtaani ay sheegeyso ayaa mar si dhuumaaleysi ah lagu geeyey Hargeysa, halkaas oo lagu soo daweeyey, kadibna waxaa la geeyey degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Ugu dambeyntii xalay ayuu horjooge Xasan Caweer u geeriyooday xanuunkii ka hayey wadnaha ee ilaa Hargeysa loo geeyey, waxaana maanta aad u farxay qof kasta oo yaqiinay ninkaas oo ahaa mid dhib badan oo beegsada qof kasta oo uu yaqaano.

Daawo: DF oo si adag ugu jawaabtay, su’aalna weydiisay Bajaaj-leyda banaan-baxeysa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaadiidka Soomaaliya oo ka soo jawaabtay cabashada dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaaj-ta ee ka howlgasha magaalada Muqdisho ayaa dafirtay eedeymaha ay soo jeediyeen.

Bajaaj-leyda Muqdisho ayaa labo maalmood ku jiray banaanbaxyo ay uga cabanayaan lacago xad dhaaf ah oo ay sheegeen in lagu soo rogay, kuwaas oo lagu sameynayo Leesinka ama ogolaanshaha dowladda ee gaadiid wadista, kaas oo ay sheegeen in qiimihiisu gaaray $300.

Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee XFS Bashiir Macalin Cali oo la hadlay Dalsan ayaa waxaba kama jiraan ku tilmaamay lacagaha ay sheegeen in lagu soo kordhiyey dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaaj-ta.

“Dhalinyaro Leesinku waa $41.5, waxaana qaada wasaaradda Maaliyadda ee wasaaradda gaadiidka ma qaado, ma jirto meel la inku weydii karo lacag intaas ka badan, qofkii dhiibana waa dambiile,” ayuu yiri Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka XFS.

Agaasimaha ayaa dhalinyarada Bajaaj-ta ku shaqeysata ka balan qaaday in ciddii lacag intaas ka badan weydiisa ay talaabo ka qaadi doonto dowladdu, hadalkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo dhalinyaradu ay sheegeen in Leesinka gaadiidka lagu wado uu qiimihiisu gaaray $300, balse Agaasimaha Wasaaradda Gaadiidka ayaa beeniyey taas.

“Waxaan ognahay in bil kasta qof kasta oo Bajaaj wata bishii laga qaado 15 doollar, waxaana qaada maamulka gobolka Banaadir ee wax dowladda federaalka ama wasaaradda gaadiidka quseeya maaha, sidoo kale ma ogin meel lacago ganaax ah looga qaado Bajaaj-leyda, sharcina maaha hadey jirto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka wuxuu sheegay in habayaraatee wax lacag ah aysan ka qaadin gaadiidleyda dhamaan, sidoo kalena aysan jirin cid u soo dacwootay wasaaradda.

“Gadiidleyda oo dhalinyarada mooto Bajaaj-ta ay ugu horeeyaan waxaan ka codsaneynaa inay nala wadaagaan cidda ka dalbatay inay bixiyaan $300 cadeeya meesha aad hadalkaas ka keenteen,” ayuu yiri Agaasime Bashiir Macalin.

Agaasimaha ayaa hoosta ka xariiqay in qof kasta oo gadiid kaxeynaya oo Leesin aan wadan uu yahay dambiile, “Lacag ma qabato wasaaradda gaadiidka, marka waxaan codsaneynaa in Bajaaj-leyda Muqdisho cadeeyaan cidda weydiisatay 300 oo doollar,” ayuu yiri Agaasime Bashiir.

Hoos ka daawo

QOOR-QOOR oo si adag ugu digay musharaxiinta GALMUDUG

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo xalay khudbad ka jeediyay xuska sanad guurada 18-aad ee Galmudug ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan maamulkaas iyo doorashada kusoo socota oo loogu jio loolan aad u adag.

Qoor Qoor ayaa ugu horreynti ku faanay in Galmudug ay gaartay hormar ballaaran, isla-markaana ay door fiican ka qaadatay dagaalka Al-Shabaab, sidoo kale ay wada shaqeyn fiican la leedahay dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada kale ee ka jira waddanka.

Intaas kadib Madaxwweynaha Galmudug ayaa ka hadlay arrinta doorashada, wuxuuna sheegay inay qabanayaan qof iyo cod, isaga oo sidoo kale weerar culus ku qaaday xubnaha mucaaradka ee doonaya inay ka qayb-galaan doorashada soo socota ee ka dhaceysa Dhuusamareeb.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Galmudug ay kasoo gudubtay xilligii awoodda wax lau raadinayay, isla markaana danaha gaarka loogu dhibaateyn jiray shacabkeeda.

“Dadka damaca ka leh siyaasadda xaq-baad u leedihiin inaad damac yeelataan, laakiin waxaa rabaa Galmudug waa kasoo gudubtay xilligii qof dan lihi dantiisa ku dhibaateyn jiray” ayuu khudbaddiisa ku yiri madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Dadka reer Galmudug dal iyo dibad, waa baraarugsan yihiin, waana soo jeedeenaa, dantooda iyo dan darradooda waa yaqaaniin”.

Axmed Qoor Qoor ayaa sidoo kale u digay xubnaha musharixiinta la tartameyso, wuxuuna sheegay in aan laga aqbli dooniin inay hub lasoo galaan Galmudug iyo inay sameeyeen kicin bulsho ama wax kasta oo liddi ku ah nabad-gelyada deegaanka.

“Meeshaas waxaa ka reeban dadka qaarkii waxa lagu arkay ama dowlad goboleedyada ay hadda kusoo baxeen ama caan ay ku yihiin waxaa ka reeban hub, waxaa ka reeban abaabul dhalinyaro waxaa ka reeban wax u eeg saan saan horay loogu soo daalay oo laga soo gudbay” ayuu mar kale yiri madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Waxaan leeyahay damacaaga loolan iyo baratan iyo inaad waxaad qabaneyso sheegato kusoo bandhigo”

 Hoos ka daawo khudbadda oo dhammeystiran:-

Ra’iIsul-wasaaraha JAPAN oo xilka ka dagaya + Sababta

Tokyo (Caasimada Online) – Ra’iisul-wasaaraha Japan Fumio Kishida ayaa Arbacadii sheegay inuu xilka ka degi doono bisha soo socota, isaga oo eersaday fadeexooyin siyaasadeed iyo sare u kaca maciishada ee Japan oo cirka ku jirtay muddadi saddexda sano ee uu xilka hayay.

Ku dhawaaqista lama filaanka aheyd ee Kishida, ee ah in uusan u tartami doonin doorashada hoggaanka xisbigiisa ee bisha September, ayaa waddada u xaartay in Japan ay yeelan doonto ra’isulwasaare cusub.

Kishida ayaa loo doortay hogaamiyaha xisbiga talada haya ee Liberal Democratic Party kaddibna noqday ra’isul-wasaaraha dalka sannadki 2021. Qofki ku soo baxa xilka hogaamiyaha xisbiga ayaana noqon doona ra’iuslwasaaraha soo socda ee Japan.

Wasiirki hore ee gaashaandhiga Shigeru Ishiba oo markiiba shaaciyay in uu diyaar u yahay hogaanka sare ee Japan, haddii uu helo kalsoonida xisbiga talada haya.

Waxaa sidoo kale xilka ra’isulwasaaraha isu soo taagay, wasiirka arrimaha dibadda Japan haweeneyda la yiraahdo Yoko Kamikawa, wasiirka arrimaha dijitalka Taro Kono, iyo wasiirki hore ee deegaanka Shinjiro Koizumi.

VOA

Farmaajo oo war culus ka soo saaray tacadiga ay DF ku heysto Bajaaj-leyda Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal ka soo saaray dhibaatada heysata dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaaj-ta ee ka howlgasha Muqdisho.

Farmaajo ayaa sheegay in dhalinyaradaas oo banaanbaxyo ka dhigeysay Muqdisho labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay mudan yihiin in la garab istaago.

“Dhallinyarada Soomaaliyeed ee aaminay dalkooda, kuna shaqeynaya duruufaha adag, gaar ahaan xoogsatada Bajaajka, waxay mudan yihiin garab istaag iyo in laga fududeeyo culaysyada iyo canshuuraha ay ka cabanayaan,” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweyne hore Farmaajo wuxuu sheegay in ciidamada dowladda ay rasaas u adeegsadeen dhalinyaradaas, isla markaana ay jiraan qaar dhaawacyo loo geystay, isagoo taasi ku tilmaamay wax laga xumaado oo niyad jebinaya dhalinyaradaan dalkooda ka shaqeysta.

“Dhibaatada iyo dhaawacyada maanta loo gaystay xilli ay Muqdisho si nabad ah ugu soo bandhigayeen cabashadooda waa mid aan la aqbali karin oo niyad jab ku noqonaysa hammiga dhallinyarada Soomaaliyeed ee u istaagay dib u dhiska dalkooda,” ayuu Farmaajo qoraalkiisa ku yiri.

Madaxweynihii hore ee dalka, wuxuu dalbaday in loo gurmado dhalinyarada lagu dhaawacay rasaastii ciidamada qaranka, sidoo kale dowladda ayuu ugu baaqay inay mudnaan gaar ah siiso cabashada ka soo yeertay dhalinyarada.

“Alle waxaan ka baryayaa in uu u booga dhayo dhallinyaradeenna ku dhaawacmay rasaasta maanta lagu wajahay cabashadooda, waxaanna ugu baaqayaa Hay’adaha Dowladda in ay mudnaan siiyaan daryeelka caafimaad ee dhallinyaradan oo nolol-maalmeedkoodu ku tiirsanaa xoogsigooda maalin laha ah,” ayuu yiri.

Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo intii uu xukunka joogay dhegaha ka fureystay dadka reer Muqdisho oo duruufo adag soo maray ayaa hadda hadalkiisa loo arkaa ‘kaar ku xogasho.’

Sawirro: Guudlaawe oo qaaday tallaabo muhiim kadib dabkii baabi’iyey suuqa Jowhar

0

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-gboleedka HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa maanta qaaday tallaabo muhiim ah, isaggoo guddoomiyey shir loogu gurmanayo ganacsatadii ku hanti beelay dabkii ka kacay suuqa magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaas.

Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxweyne ku-xigeenka HirShabelle Yuusuf Dabageed, guddoomiyaha hay’adda SODMA Maxamuud Macalin, waxaana Warbixino looga dhageystay wasiirada arrimaha guddaha, ganacsiga, gargaarka iyo sidoo kale guddiga ganacsatada dhibka gaaray.

Guddoomiyaha hay’adda maareynta masiibooyinka qaranka ee (SODMA) Maxamuud Macalin ayaa kulankaan ka sheegay sababta ay u yimaadeen magalaada Jowhar inay tahay uruurinta xogta musiibadii dhacday iyo qaabkii loo sameyn lahaa gurmad loo dhanyahay.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo goobta ka hadlay ayaa sheegay dadka ku ganacsanayay suuqa hanti-wadaag ay soo gaartay dhibaato weyn oo ay ku ceytoobeen dabkii ka kacay suuqa.

“Dadkii ku hanti beelay suuqa Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar, hadda waa ceyr aan waxba heysan, anaga iyo hay’adda SODMA waxaan u istaagnay in si deg-deg ah loogu gurmado dadkaas, sidoo kale waxaana dalbaneynaa in la garab istaago dadka masaakiinta ah ee ku hanti beelay musiibada,” ayuu yiri madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe.

Dhinaca kale, guddoomiyaha SODMA iyo wafdiga uu horkacayo ayaa booqday suuqa Hanti-wadaag, wuxuuna soo indho-indheeyay baaxada dabkii baabi’iyay hantida ganacsatada suuqaasi, oo uu saameyn ballaaran kasoo gaaray.

Guddoomiyaha ayaa sidoo klae suuqa kula kulmay qaar kamid ah ganacsatadii ku hantibeelay dabkaas, oo la sheegay inuu sababay in ay baa ba’aan 500 oo goobo ganacsi ah.

Jabuuti oo arrimo xasaasi ah ka shaacisay wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadlay arrimo ku aadan xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya iyo wada-hadallada hadda u bilowday.

Maxamuud Cali Yuusuf ayaa shaaciyay xog cusub oo ku aadan wada-hadallada u socda Addis Ababa iyo Muqdisho, wuxuuna sheegay in dowladdiisa ay horay isugu deyday inay dhex-dhexaadiso labada dhinac, balse aysan dhicin isaga oo sababta ka gaabsaday.

Sidoo kale wuxuu rajo xumo ka muujiyay wada-hadallada Ankara ee markii labaad fashilka kusoo dhammaaday, wuxuuna xusay in aanu Turkuga ku guuleysan doonin xalinta xiisadda ka dhalatay heshiiska badda, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti ayaa carabka ku adkeeyay in xalka uu ku imaan karo in mid kamid ah labada dowladood ee is haya ay ka tanaasusho mowqifkeeda.

“Waxaan isku-daynay in aan wadahadal u qabno Soomaaliya iyo Itoobiya balse ma dhicin mana sheegayo sababta. Turkiga isagana kuma guuleysan doono. Xalka waxa uu ku jiraa in labada dal midkood uu ka tanaasulo mowqifkiisa” ayuu yiri wasiirku.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay lagu kala tegay shirkii Ankara ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo soo idlaaday natiijo la’aan, waxaase lagu ballamay in mar kale lagu isugu yimaado wareeg 3-aad oo dhacaya bisha soo socota.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dhinacyada ayaa isku mari waayey qodobo ay kamid yihiin soo afjarida is-afgaradkii Somaliland iyo waxa xigga, iyada oo dowladda federaalka Soomaaliya ay ku adkeysatay mowqifkeeda ku aadan damaca Itoobiya ee badda.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo hoggaaminayay wafdiga dowladda federaalka ee wada-hadalladaasi ayaa sheegay in Soomaaliya ay caddeysay mowqifkeeda ku aadan dhowrista qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu Wasiirku ku tilmaamay lama taabtaan.

Xogta sarkaal Mareykan ah oo qirtay inuu sir xasaasi ah ka iibinayey dalka…

0

Washington (Caasimada Online) – Waaxda caddaaladda ee Maraykanka ayaa sheegtay in Sarkaal la shaqaynayey waaxda sirdoonka ee ciidamada Mareykanka uu qirtay inuu dal kale ka iibiyay sirta ciidamada.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Korbein Schultz ayaa qirtay eedo lagu soo oogay oo ahaa inuu sirta ciidamada Maraykanka ka iibiyey dalka Shiinaha, sida ay shaacisay waaxda cadaaladda ee Mareykanka.

Schultz ayaa bishii March lagu soo oogay dacwad ah inuu maleegayay inuu gudbiyo macluumaad la xidhiidha difaaca qaranka ee Maraykanka iyo inuu debedda u diro agab iyo macluumaad la xidhiidha arrimaha difaaca isaga oo aan haysan ruqsadda uu ku dhoofin karayey. Sidoo kale waxaa loo haystaa inuu laaluushay qaar ka mida saraakiisha dawladda.

Sarkaalkan oo haystay heerka sare ee ogaanshaha sirta qaranka (top secret clearance) ayaa xidhiidh soke la sameeyey qof ku nool Hong Kong, kaas oo loo malaynayo inuu xidhiidh dhow la leeyahay xukuumadda Shiinaha.

Sarkaalkan ayaa ninkaas kala shaqaynayey in la ururiyo macluumaad ku saabsan sirta ciidamada difaaca ee Maraykanka oo ay ku jiraan macluumaad la xidhiidha xogta qarsoon.

Sidoo kale waxaa macluumaadka sirta ah qeyb ka ahaa agabka xasaasiga ah ee arrimaha difaaca la xidhiidha, iyada oo lagaga bedelanayo, lacag la siinayey sarkaalkan, sida ku cad waraaqda qiraalka ee uu sameeyey.

Sarkaalkan ayaa la siiyey illaa $42,000 si uu xogahan u ururiyo, sida ay sheegtay waaxda caddaaladdu. Waxaa la filayaa in xukunkiisa lagu dhawaaqo bisha January ee soo socota.

Soomaaliya iyo Masar oo kala saxiixday heshiiska difaaca iyo amniga + Sawirro

0

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha dalka Masar Cabdulfataax Al-Siisi.

Shirka oo ka dhacay magaalada Qaahira ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirro ka tirsan labada dowladood, kuwaas oo qeyb ka ahaa wada-xaajoodyadii lagu gaari lahaa heshiisyada muhiimka ah ee iskaashiga difaaca iyo amniga ee Soomaaliya iyo Masar.

Labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah u xaqiijiyay in iskaashiga difaac ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar uu yahay tallaabo muhiim ah oo kor loogu qaadayo amniga iyo xasilloonida gobolka.

Heshiiskan cusub ee difaaca ayaa waxa uu dhabbaha u xaari doonaa iskaashi dhow oo ay yeelan doona wasaaradaha difaaca iyo amniga labada dal ee Soomaaliya iyo Masar.

Sidoo kale waxaa lagu balamay in la fuliyo qorsheyaal wadajir ah oo lagu xoojinayo awoodda difaaca iyo amniga ee Soomaaliya.

Kulanka kaddib, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Cabdulfataax Al-Siisi ayaa qabtay shir jaraa’id oo ay uga warbixiyeen nuxurka heshiiska la gaaray iyo qorshayaasha mustaqbalka ee labada dal.

Labada Madaxweyne ayaa adkeeyey muhiimada ay leedahay xoojinta xiriirka labada wadan ee walaalaha ah iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan, iyagoo ka hadlay arrimo kale oo muhiim ah oo saameyn ku leh gobolka iyo xasilloonida qaaradda.

Sidee looga falceliyay fashilka ku yimid wada-hadalladii Somalia iyo Itoobiya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay natiijo la’aan kusoo dhammaaday wada-hadalladii u socday Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhacay magaalada Ankara, kaas oo uu dhex-dhexaadinayay Turkiga, si xal loogu helo xiisadda badda ee labada waddan.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dhinacyada ayaa isku mari waayey qodobo ay kamid yihiin soo afjarida is-afgaradkii Somaliland iyo waxa xigga, iyada oo dowladda federaalka Soomaaliya ay ku adkeysatay mowqifkeeda ku aadan damaca Itoobiya ee badda.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo hoggaaminayay wafdiga dowladda federaalka ee wada-hadalladaasi ayaa sheegay in Soomaaliya ay caddeysay mowqifkeeda ku aadan dhowrista qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu Wasiirku ku tilmaamay lama taabtaan.

Waxaa wareeg 3-aad oo wadahadal ah loo balansan yahay bisha September, sida ay shaacisay Dowladda Turkiga.

Haddaba sidee looga facleliyay?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulsada ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay wada-hadallada fashilmay iyo wareegga 3-aad ee la balamiyay.

Deeq Cali “Wareega 3-aad waxay ila tahay Ethiopia ayaa gaartay guusha labadii kulan ee Ankara ee ila meeraysada ahaa waayo waxay caalamka u tusaysaa in ay wada-hadal ka gali karto bad iyo bari aysan waxba kulahayn oo haday doontana heliba karto sidaas darteed UN-ta iyo AU-da cadaadiska ka daayaan maadama wadahadalba laga gali karo Madaxbanaanida Somalia”.

Maxamed Careys “Aniga waxaan fahmi la ahay waxaan wada-hadal kala galeyno Itoobiyo ugu horeyn markan wada-hadal kala galeyno baddeena taas micnaheeda waxay lamid noqoneysaa aniga fikirkeyga in Itoobiya bada inala leedahay muranna uu inooga dhax taagan yahay”.

Najma Binjadiid “Aad ayu ugu mahadsanyihiin shaqada wanaagsan ee aad soo qabateen sidaasi iyo si ka wanaagsan ayan ka rajeyneynaa,”.

Cabdullahi Muuse “Wareega saddexaad waxa uu noqon doona mid aan Ethiopia kaga guuleysano oo aan ku bururburino heshiiski omalilnd iyo Ethiopia. Somalia badeeddu iib maaha”.

Maxamed Xuseen “Waxaaba qalad ah in wada-hadal lala furo Ethiopia marka hore raaligelin haka bixiso MoU-gii sharci darada ahaan ee ay la gashay maamulka Muuse Biixi markay ka laabatana la yiraahdo bad kuuma haynee Eritrea ka doono bad”.

Ismaaciil Cabdiraxiin “Yaab waayay oo hadda ma baddeena aan wada-hadal iyo dood ka galeeynaa arrintan ma fahmin illaa hadda?”.

Cabdi-deeq Cali “Ereyga wada-hadal mesha ha laga saaro maxaan ka wada-hadleynaa o meesha yaalo ma badda Soomaaliyeed?”.

Maxamed Cali “Ma xadgudubkii cadaa ayaa wareeg labaad iyo sadexaad loo qabtay oo gorgortan baddeena ah!!!!!!”.

 

Daawo: Dibad-baxyada ka socda Muqdisho oo sii xoogeystay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa weli ka soconaya dibad-baxyo rabshada wata oo galay maalintii labaad oo xiriir ah, kuwaas oo ay dhigayaan dhalinyarada ku shaqeysata mootooyinka Bajaajta.

Darawallada ayaa mar kale maanta isugu soo baxay isgoyska KM4, waxayna xirteen waddadaas oo muhiim u ah isku socodka dadweynaha magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxay ku qaylinayeen erayo ka dhan ah madaxda dowladda oo ay ku eedeeyeen inay dhibaato ku hayaan shaqadooda.

Qaar kamid ah Bajaajleyda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ka cabanayaan xaaladda adag ee ka taagan Muqdisho iyo lacag dheeraad ah oo lagu soo rogay.

“In aan dhimano ama dhaqan helno ayaan rabnaa, qof kasta waraaq ayuu la ordayaa” ayuu yiri mid kamid ah dibad-baxayaasha.

Dhinaca kale waxaa goobta uu ka socdo dibad-baxa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Boolis Milataaro oo kala eryaya dibad-baxayaasha, si ay xaaladda u dajiyaan.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo qoraal soo saaray ayaa isna ka hadlay dibad-baxan, wuxuuna ugu baaqay Bajaajleyda inay dhowraan sharciga iyo nidaamka u yaalla dalka.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in shalay ay ballaameen iyaga iyo maamulka gobolka Banaadir, ayna haboon tahay inay sugaan inta laga xallinayo cabashadooda.

“Waxaan ugu baaqaya muwaadiniinta dagan Gobalka Banaadir gaar ahaan kuwa ku shaqeeysta Gadiidka loo yaqaano bajaajta inaad ilaalisaan nidaamka iyo Amniga Caasimada” ayuu yidi guddoomiye Yabooh

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waan balanay shalay waana lagu maqanyahay in cabashadiina laga jawaabo, hanoqon mid loo adeegsado in magaalada fowdo iyo qas laga sameeyo”.

Xog: Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay ganacsatada iyo wasiirka maaliyadda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa shalay ka dhacay kulan dhex maray guddi xul ah oo ka socday ganacsatada magaalada Muqdisho iyo sidoo kale wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Kulankaas waxaa looga hadlay cabashooyin ay mudooyinkan qabeen suuqleyda oo ay ugu danbeysay canshuurta iibka 5% ee dhawaan la so kordhiyay.

Guddiga ganacsatada ayaa waxaa qaabilay wasiirka maaliyadda XFS iyo sidoo kale masuuliyiin dhanka canshuuraha wasaaradda ah, iyadoo ganacsatadu gudbiyeen cabaqadaha badan ee heysta.

Ilo wareedyo ka tirsan ganacsatada ayaa Caasimada Online u sheegay in shirkaas lagu kala tegay gabal dhicii shalay, isagoo ku soo dhamaaday natiijo la’aan.

Ganacsatada ayaa xaqiiqsatay in dowladdu aysan diyaar u aheyn in tabashadooda la xaliyo, waxayna shaki geliyeen inay dhici karaan kulamo dambe oo dhinacyadu isugu yimaadaan, markii la eego natiijada shirkii shalay lagu kala tegay.

Xogaha ayaa tilmaamaya in wasiirka maaliyadda uu ganacsatada ka diiday codsi ku aadanaa in dib loo dhigo waqtiga loo qorsheeyay bilaabidda canshuurta iibka ee laga jarayo iibkasta oo la sameeyo ilaa inta natiijo laga gaarayo wadahadallada.

Ganacsatada ayaa lagu waramayaa in wasiirka maaliyadda ay sidoo kale u gudbiyeen caqabado ka heysta lacago lagu qaado dekadda Muqdisho oo ku dhaca akoonada shaqsiyaad gaar ah, kuwaas oo dhawaan la soo kordhiyay.

Shaqsiyaadkaas ayaa la sheegay in loo xiray adeegyo aan horay u jirin oo alaabaha la soo dejiyo la xiriira, laguna dallacayo lacag horleh oo qiimo koror bulshada ku laabta sameynaya.

Xaaladda ganacsiga Muqdisho waxaa hadda ku furan guux xoog leh, waxayna ganacsatadu u sheegeen wasiirka maaliyadda in loo baahan yahay muddo bulshada lagu fahamsiiyo qaabka bixintana loogu qorsheyo canshuurta iibka.

Ganacsatada la hadashay Caasimada Online ayaa sheegay in codsigooda aysan dheg-jalaq u siin wasiirka iyo kooxdiisa aruurinta maaliyadda u qaabilsan dowladda, isla markaana ay ku rajo xunyihiin inay talo ku yeeshaan qaabka wax u socdaan, maadaama dadka lagu soo rogayo canshuur cusub.

Shacabka Beledweyne oo ciidamo sameystay kadib arrin soo korortay

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaaladda ammaan ee magaaladaas ay faraha ka baxday, kadib markii ay kusoo kordheen kooxo burcad ah.

Habeenadii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaaladan ka dhacay dilal yo dhac loo gaysanayy qaar kamid ah shacabka ku nool halkaasi.

Burcadda ayaa todobaadkan gudihiisa bartamaha magaalada ku dilay Marxuum Cabdisahal Nuur oo ahaa guddoomiye ku xigeekii maaliyadda ee degmada Beledweyne waxayna doonayeen inay ka dhacaan taleefoonka, ayna rasaaseeyeen taas oo sababtay dhaawac markii hore soo gaaray, isaga oo mar dambe u geeriyooday dhaawac gaaray.

Arrintan ayaa keentay in shacabka ku dhaqan xaafadaha Beledweyne ay isku tashadaan, waxayna sameysteen ciidamo Madani ah oo sugo amnigooda, kuwaas oo ka hortagaya burcadda iyo cid kasta oo dhibaato ku ah nabad-gelyada.

Xaafadaa Kooshin iyo Xaawo Taako ayaa lagu arkay ciidamadan gaarka ah, waxayna habeennadii sameeyaan roondo, sida uu sheegay mid kamid ah dadka deegaanka.

“Anaga Askar dowladeed ma nihin, dad shacab ah oo qoryo qaatay ayaa nahay. Qofkii la aqoon ee Xaafada soo galo waan Hubinaa. Dhowr Habeen ayaan Tuugo xaafada ku aragnay waana ka saarnay Alxamdullaahi. Tuugada labo qof ama 1 qof waaye lakiin Anaga 10 qof ayaa nahay ugu yaraan” ayuu yiri Daahir Cismaan.

Xaaladda ammaan ee Beledweyne ayaa maalmihii u dambeeyay aad u liidatay, waxaana ka dhacayay falal ammaan darri oo u badan dhac, dil iyo qaraxyo ay mararka qaar ka fuliyaan dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab.

Beledweyne ayaa xudun u ahayd halka uu kasoo bilowday kacdoonka shacab ee ka dhanka ah Al-Shabaab, haddane waxay weli la daala dhaceysaa xaalado adag.

ILHAAN CUMAR oo mar kale gaartay guul taariikhi ah

0

Washigton (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar ayey mar kale xalay u ahayd habeen adag ka dib muddo bilao ah oo ay orod ugu jirtay inay hesho tigetka mataaladda ee Minnesota ee aqalka Congreska.

Ilhaan Cumar, ayaa difaacatay tartankii doorashada hoose ee Minnesota, sida ay u sheegtay warbaahinta Mareykanka.

Ilhan Cumar oo ah mudane ka tirsan Koongareeska Mareykanka, ayaa marki afraad ku guuleysatay murashaxnimada kursiga ay ku matasho degmada shanaad ee gobolka Minnesota ee xisbiga Dimoqraadiga ee dalka Mareykanka.

Sidoo kale waxa ay tartankan horudhaca ah kula tartamaysay saddex musharax kaas oo lagu go’aamin lahaa musharaxa xisbiga waxana ay hadda noqonaysaa murshaxa xibsiga ee doorashada Novembe

Ilhaan ayaa ka guuleysatay Don Samuels oo la tartamayey ayna isku xibsi yihiin, waa markii labaad oo isku xigta oo Ihaan CUmar ay nin kaga adkaato doorashada is reeb reebka ee kursiga degmada Shanaad ee gobolka Minnesota.

Warbaahinta Maraykanka iyo Soomaalida deggan gobolka Minnesota ayaa si weyn u hadal hayyey doorashadan toddobaadyadii la soo dhaafay iyadoo loo arkayey mid ka mida tartamadii ugu adkee ee mataalada kurisigaasi.

Iyadoo 99% codadka la tiriyay habeenimadii Talaadada, wakaalada wararka ee AP ayaa sheegtay in Ms Omar ay ku guulaysatay 67,524 cod, oo u dhiganta in ka badan 56%.

Waxaa kaalinta labaad galay Don Samuels, oo horay uga tirsanaan jiray golaha deegaanka ee magaalada Minneapolis, kaasoo sidoo kale si dirqi ah Ilhaan ugu adkaatay sanadkii 2022-kii.

Ku dhawaqista guusheeda ka dib Ilhaan Cumar oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in guusha ay gaartay ay u ahyad guul weyn oo ay ku faraxsan tahay.

“Waa guul aan rajaynayey intii aan rajaynayey in ka badan ayey noqotay, doorasho adag ayey ahayd waxkasta ayey isku dayeen ilaah ayaa noo fududeeyey.”ayey tiri Ilhaan.

Waxay si gaara ugu mahadcelisay Soomaalidii u soo baxay si ay ugu codeeyaan. Ilhaan, ayaa sheegtay inay in tani tusinayso in dadkii ka soo horjeeday ay ka badnaayeen kuwii doonayey.

DF oo wafdi culus u dirtay Jowhar kadib dhibaatadii ka dhacday + Video

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wafdi culus oo ka socda dowladda Soomaaliya, isla markaana uu hoggaaminayo guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka ee SoDMA, Maxamuud Macallin ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Maxamuud Macallin oo wafdigiisa ay qayb ka yihiin hay’ado caalami ah ayaa waxaa garoonka magaaladaas kusoo dhaweeyay madax ka tirsan maamulka HrShabelle.

Guddoomiyaha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in u jeedka safarkooda uu la xiriiro qiimeynta dabkii xooganaa ee maalin kahor ka kacay suuqa wayn ee Jowhar, wuxuuna booqday goobaga gubtay.

“Dabcan waa xaalad xanuun badan, waana xaalad soo noq noqtay waxaana garanay inaan soo aragno marka hore sida ay wax yihiin, waana ogtihiinoo waxaan la taacaleynay qaraxiii ka dhacay Liido” ayuu yiri guddoomiyaha hay’adda SoDMA.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay jawaab ka bixin doonaan musiibadaasi, isla markaana ay garab istaagi doonaan ganacsatadii ku hanti beeshay dabkaasi.

“Waxa jiro waxaan ku arki doonaa indhaheyna, kadib ayaan tallaabo qaadi doonaan, si aan uga jawaabno baahiyaha jira” ayuu mar kale yiri guddoomiyuhu.

Dabka ayaa si gaar ah u sameeyay makiinado lagu shiido Sisinta, waxaana gobtay boqol loor oo Sisin ah oo ay lahaayeen ganasatada suuqa wayn ee magaalada Jowhar.

Suuqan ayaa horay sidaan oo kale ugu gubtay, waxaana madaxweynaha HirShabelle oo goobta tegay isla maalinta ay dhibaatada dhacday uu sheegay in la baarayo waxa soo cel-celiyay gubashada suuqa Hnatiwadaag ee magaalada Jowhar

R/Wasaare Xamza oo si xun u weeraray siyaasiyiinta mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay arrimo ku aadan hadal-heynta ka dhalatay cabashada dhalinyarada ee ku aadan shiidka ama lacag la’aanta.

Xamza ayaa sheegay in madaxda hadda tallada haysa oo uu ugu horreeyo madaxweynaha ay waxbadan u galeen dhalinyarada Soomaaliyeed, isla markaana ay 30-kii sano ee lasoo dhaafay ay wax ka qabteen waxbarashadooda iyo horumarkooda.

“Madaxda dowladdaani oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha JFS iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waxaa ka dhexeeya xiriir aad u adag oo soo jireen ah, waxay madaxdaani ku suntan yihiin Aaabeyaal ay u yihiin dhalinyarada Soomaaliyeed” ayuu yiri Xamza.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale si xun u weeraray, uguna jawaabay xubnaha mucaaradka ee sida wayn u naqdiyay khudbad uu Jimcihii lasoo dhaafay madaxweyne Xasan Sheekh kaga hadlay cabashada dhalinyarada iyo shaqo la’aata ka jirta dalka

“Dhalinyarada Soomaaliyeed lama siri karo lama qaldi karo siyaasi bar go’ ah ma qaldi karo, been ma u sheegi karo” ayuu ugu jawaabay siyaasiyiinta mucaaradka.

Waxaa kale oo uu yiri “Maanta siyaasadda dadka ku jiraan ama muxaafad ha noqdaano ama mucaarad ha noqdee qof maanta dhashay ma’aha 30-kii sano ee ina soo dhaaftay dalkan maxaa laga qabtay? nin weliba wixii uu qabtay iyo wixii uu dhalinyarada Soomaaliyeed u galay ayaa rabnaa in lagu xisaabtamaa”

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay inay muhiim tahay in la ogaado xaqiiqada, runtana laga sheego taariikhda iyo qof kasta waxa uu soo qabtay.

“Waxaan rabnaa xaqiiqada iyo runta in la sheeg waxaan rabaa in aan lagu khaldamin dhallinyarada Soomaaliyeed” ayuu mar kale yiri Xamza Cabdi Barre.

TRUMP oo wacad ku maray arrin saameynaysa Soomaali badan oo galay Mareykanka

0

Washington (Caasimada Online) – Donald Trump ayaa ka hadlay soo galootiga sharci darrada ah iyo isku dayga dil ee isaga ka dhanka ah mar uu wada hadal shucuur ka muuqatay uu kula yeeshay Barta X Elon Musk.

Mr Trump ayaa mar kale sheegay in uu qaadi doono masaafurkii ugu ballaarnaa ee taariikhda Mareykanka haddii uu madaxweyne noqdo bisha November.

Madaxwaynihii hore ee Mareykanka Trump ayaa u sheegay Musk in markii uu madaxweynaha ahaa uu dhisay boqolaal mayl oo darbi ah si uu u ilaaliyo xudduudda koonfureed.

Trump ayaa u muuqday inuu u weecday arrinta socdaalka, mid ka mid ah arrimihiisii ​​ololaha ee ugu muhiimsanaa ee ka caawiyay in uu ku guuleysto doorashadii 2016-kii.

Musharaxa xisbiga Jamhuuriga ayaa ku andacoonaya isaga oo aan soo bandhigin cadaymo muujinaya in soogalootiga ay ku imaanayaan “si waali ah” ayna ka kala imaanayaan dhammaan caalamka dafihiisa.

“Waxaa jira malaayiin qof oo imanaya bil gudaheed, waxay iska dhigaysaa sidii inay wax samaynayso,” ayuu yiri, isaga oo ka hadlaya Kamala Harris. Waxa uu ku andacoonayaa in ay jiraan 20 milyan oo muhaajiriin sharci-darro ah oo ku sugan Mareykanka.

Waxaa uu Trump sheegay in dadka si sharci darada ah ku soo galaya Mareykanka ay qarakood yihiin dad dambiilayal ah sida uu hadalka ud higay.

Suurtagal maaha in si sax ah loo ogaado tirada soogalootiga sharci darrada uga soo galay Maraykanka xadka koonfureed intii lagu jiray wakhtigii Madaxweyne Biden ee xafiiska, laakiin xogta rasmiga ah ayaa muujinaysa tiro ka yar intii uu Trump sheegay.

Waxaa jiray 10.5 milyan oo muhaajiriin sharci darro ah oo ay la kulmeen saraakiisha fulinta ee Maraykanka, iyada oo in ka badan 8 milyan oo ka mid ah ay ka gudbeen xadka koonfureed.

Waxaa xusid mudan in ay dhici karto in lala kulmo isla qof isku dayaya in uu ka gudbo xadka dhowr jeer.

Tani waa koror weyn oo guud ahaan afartii sano ee Donald Trump, sidoo kale waa tiradii ugu sareysay ee laga diiwaan geliyo maamul kasta oo Mareykan ah.

Tan iyo markii Biden uu soo saaray xeerar horraantii bishii June ee xaddidayay xuquuqda dadka ka soo gudbaya xuduudda si ay magangelyo u codsadaan, tirada dadka lagu soo qabtay iyaga oo si sharci darro ah uga soo gudbaya xadka koonfureed aad ayay hoos ugu dhacday.

Ciidamada Ilaalada Xuduudaha ee Maraykanka ayaa ku dhawaad ​​57,000 oo soo galooti ah ka qabtay xadka bishii july – taasi oo ahaa tiradii ugu hooseeyay ee la diiwaan geliyo tan iyo Sebtembar 2020.

Tirada ayaa aad hoos ugu dhacday bishii December, markaasoo ku dhawaad ​​250,000 oo muhaajiriin ah lagu qabtay iyaga oo ka gudbaya xadka.

Trump ayaa hadalka ka sheegay Wareysiga oo laga sii daayay barta X, waxaana marti galiyay milkiilaha X Elon Musk.

Maalqabeenka ugu taajirsan adduunka ayaa taageeray Trump inuu noqdo madaxweyne wuxuuna ka qeyb qaatay dadaallo dhaqaale loogu uruurinayey xisbiga Jamhuuriga.

Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo Kamala Harris, oo Trump kula loolamaysa Aqalka Cad, ay mowjad xamaasad leh ka waday warbaahinta Mareykanka.

Tan iyo markii Joe Biden uu ka degay xilka musharraxa Dimuqraadiga, Harris waxay qabatay isu soo baxyo waaweyn oo xiriir ah oo waxaana barbar taagnaa Tim Walz oo ay us oo xulatay xigeen in uu u noqdo.

Iyadoo wax ka yar saddex bilood ay ka harsan tahay doorashada 5 November, labada musharax ayaa waxay isku dayayaan inay qeexaan ololahooda doorashada.

Warbixintan waxaa qeybo kamid ah laga oo xigtay BBC.

BOOLISKA oo soo xiray askari fal argagax leh ka gaystay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa soo xiray askari ka tirsan saldhigga degmada Hodan oo shalay fal argagax leh ka gaystay Muqdisho, xilli ay dibad-bax ka dhigayeen qaar kamid ah dhalinyarada ku shaqeysta mootooyinka Bajaajta.

Askariga oo lagu magacaabo Dable Farxaan Axmed Cismaan ayaa baabuur Cabdile ah ku dhuftay Mooto Bajaaj uu watay wiil dhalinyaro ah, wuxuuna ula dhaqmay si ka baxsan bani’aadanimada, taas oo ay ka caroodeen dad badan oo Soomaaliyeed.

Muuqaal ku baahan baraha bulshada ayaa muujinayo darawalka mootada oo dhulka kusii dhacaya, Cabdilaha oo gadaal uga imaanayo mootada, waxaana kadib lasii arkayaa askari soo tagay oo qoray ku qabanaya dhammaan dadkii ku sugnaa goobta.

Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo arrintan soo farogeliyay ayaa sheegay in lasoo xiray eedeysanaha, wuxuuna ballan qaaday in la horgeyn doono cadaaladda, si tallaabo looga qaado.

“Waxaa la xiray D/le Bol Farxaan Axmed Cismaan oo katirsan  Saldhigga Boliiska Hodan, kaasi oo ku lakacay muwaadiniin Soomaaliyeed oo banaanbaxayey fal ka’aradan hab dhaqanka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kazoo baxay Booliska.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay warsaxaafadeedka “Waxaana la horgeydoonaa Maxakamadda Awoodda u leh”.

Dhinaca kale Booliska ayaa digniin kazoo saaray in dibadbax aan sharci ahayn lagu qabto magaalada Muqdisho, waxayna tilmaameen inay ka dhalan karto fowdo dhalisay khasaare kala duwan.

“Waxaana lagu wargalinayaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay ka digtoonaadaan banaanbaxyada aan sharciga waafaqsaneyn ee foodada ah oo ay ka dhalankaraan waxyeeladda nafta iyo hantida ummada Soomaaliyeed ku dhaqan Dalka” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka kazoo baxay Booliska.

Magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxaa shalay isugu soo baxay Bajaajley ka cabaneysay lacago dheeraad ah oo lagu soo rogay, waxaana arrintooda haatan soo farogeliyay maamulka gobolka Banaadir oo guddi u xil-saaray cabashadooda.