26.1 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

BOOLISKA oo soo xiray askari fal argagax leh ka gaystay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa soo xiray askari ka tirsan saldhigga degmada Hodan oo shalay fal argagax leh ka gaystay Muqdisho, xilli ay dibad-bax ka dhigayeen qaar kamid ah dhalinyarada ku shaqeysta mootooyinka Bajaajta.

Askariga oo lagu magacaabo Dable Farxaan Axmed Cismaan ayaa baabuur Cabdile ah ku dhuftay Mooto Bajaaj uu watay wiil dhalinyaro ah, wuxuuna ula dhaqmay si ka baxsan bani’aadanimada, taas oo ay ka caroodeen dad badan oo Soomaaliyeed.

Muuqaal ku baahan baraha bulshada ayaa muujinayo darawalka mootada oo dhulka kusii dhacaya, Cabdilaha oo gadaal uga imaanayo mootada, waxaana kadib lasii arkayaa askari soo tagay oo qoray ku qabanaya dhammaan dadkii ku sugnaa goobta.

Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo arrintan soo farogeliyay ayaa sheegay in lasoo xiray eedeysanaha, wuxuuna ballan qaaday in la horgeyn doono cadaaladda, si tallaabo looga qaado.

“Waxaa la xiray D/le Bol Farxaan Axmed Cismaan oo katirsan  Saldhigga Boliiska Hodan, kaasi oo ku lakacay muwaadiniin Soomaaliyeed oo banaanbaxayey fal ka’aradan hab dhaqanka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kazoo baxay Booliska.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay warsaxaafadeedka “Waxaana la horgeydoonaa Maxakamadda Awoodda u leh”.

Dhinaca kale Booliska ayaa digniin kazoo saaray in dibadbax aan sharci ahayn lagu qabto magaalada Muqdisho, waxayna tilmaameen inay ka dhalan karto fowdo dhalisay khasaare kala duwan.

“Waxaana lagu wargalinayaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay ka digtoonaadaan banaanbaxyada aan sharciga waafaqsaneyn ee foodada ah oo ay ka dhalankaraan waxyeeladda nafta iyo hantida ummada Soomaaliyeed ku dhaqan Dalka” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka kazoo baxay Booliska.

Magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxaa shalay isugu soo baxay Bajaajley ka cabaneysay lacago dheeraad ah oo lagu soo rogay, waxaana arrintooda haatan soo farogeliyay maamulka gobolka Banaadir oo guddi u xil-saaray cabashadooda.

Khudbadii Wasiir Fiqi ee wadahadalka Somalia iyo Itoobiya oo tarjuman (Aqriso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo hogaaminaya ergada Soomaaliya ku meteleysay wadahadallada Itoobiya ee ka bilowday Turkiga ayaa galabta jeediyey Khudbad uu kaga hadlay qodobadii ay ka wadahadleen Soomaaliya iyo Itoobiya, Septemer ku balansan kulan kale oo 3-aad.

Hoos ka aqriso khudbadii Wasiir Fiqi oo Tarjuman:

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u soo jeedinaysaa mahadcelin ballaaran Jamhuuriyadda Turkiga oo martigelisay wareegga labaad ee wadahadalada Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhacay Ankara.

Waxaan ku ammaaneynaa taageerada joogtada ah iyo sida daacadda ah ee Turkiga uga go’an tahay in la dhiirrigeliyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Waxaan u mahadcelineynaa Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, iyo dadaallada dawladdiisa ee ay ku go’aansadeen in ay horumariyaan xasilloonida gobolka.

Wadahadalkan wareeggiisa labaad waxaa laga gaaray horumar.

Soomaaliya waxay si adag uga go’an tahay ilaalinta madax bannaanideeda, midnimadeeda iyo wadajirka dhulkeeda.

Madaama aan isku diyaarinayno wareegga saddexaad ee wadahadalada, waxaan ku rajo weynahay in dadaalkeenna uu ku dhammaan doono go’aan kama dambays ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli waa ka go’an tahay in la gaaro natiijo nabadeed oo faa’iido wadaag ah, iyadoo la raacayo sharciga caalamiga ah iyo Heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badda, si loo ilaaliyo karaamada iyo kheyraadka shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan u mahadcelinaynaa Mudane Hakan Fidan, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Turkiga, doorka muhiimka ah ee uu ku lahaa dhexdhexaadinta wadahadaladan, waxaanan diyaar u nahay inaan si dhow u wada shaqeyno, si xal loogu helo xiisadaha gobolka.

Aad ayaad u mahadsan tihiin.

Xasan Sheekh oo ka degay Qaahira iyo qorshe culus oo Masar iyo Somalia ay wadaan

0

Qaahira (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi l uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Safarkan ayaa ku salaysan martiqaad rasmi ah oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka helay walaalkiis Cabdulfataax Al-siisi si ay uga wada-hadlaan xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee Labada dal, iskaashiga difaaca iyo amniga Soomaaliya iyo Masar, danaha wadajirka ah iyo xaaladda gobolka.

Inta lagu guda jiro booqashadan, wafdiga dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo muhiim ah la yeelan doona Madaxweynaha dalka Masar, Mudane Cabdulfataax Al-Siisi iyo mas’uuliyiin kale oo sar-sare oo ka tirsan dawladda Masar.

Booqashadan ayaa muujinaysa muhiimadda uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud siinayo horumarinta xiriirka Soomaaliya iyo Masar, iyo in labada dal ay guda galaan fulinta iskaashiga dhanka amniga iyo difaaca, si loo wajaho khataraha argagixisada iyo duruufaha gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safarkaan uga yimid dalka Rwanda oo uu kaga qeyb galay caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Paul Kagame oo mar kale dib loo doortay.

Madaxweyne Xasan iyo dhiggiisa Paul Kagame ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah iyaga adkeeyay doorka muhiimka ah ee iskaashiga gobolka uu ka qaadan karo wax ka qabashada caqabadaha iyo la dagaallanka argagixisada.

Madaxweyne Paul Kagame ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyey  horumarka ay ka gaartay dhinacyada, amniga, diblomaasiyadda iyo dhaqaalaha, waxa uuna ballan qaaday in Rwanda ay taageeri doonto dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Safarka kale ee Xasan Sheekh uu ku tegay Qaahira ayaa ku soo aadaya iyadoo Ankara ay ka socdeen wadahadallo in la is hor fariisto ay adkaatay oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, xiriirka Soomaaliya iyo Masar ayey khatar u aragtaa Itoobiya, maadaama danaha ay u heshiinayaa labadaan dal ay ugu horeyso cadaawadda Itoobiya.

Daawo: Somalia, Turkiga iyo Ethiopia oo war culus ka soo saaray wadahadalkii Ankara

0

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in magaalada Ankara lagu soo gabagabeeyay wareeggii labaad ee wadahadalkii u dhexeeyay Somalia iyo Ethiopia oo garwadeen ay ka tahay dowladda Turkiga.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo u waramey warbaahinta qaranka ayaa sheegay in wareeggii labaad ee wadahadalka looga dooday arrimo badan.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay caddeysay mowqifkeeda ku aadan dhowrista qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu Wasiirku ku tilmaamay lama taabtaan.

Waxaa wareeg 3-aad oo wadahadal ah loo balansan yahay bisha September, sida ay shaacisay Dowladda Turkiga.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa uga mahad celiyay Dowladda Turkiga sida masuuliyadda leh ee ay ugu istaagtey xal u helidda xasaraddan ka dhalatey heshiiskii sharci darrada ahaa ee Ethiopia la gashey mid ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya.

Wadahadallada oo soo bilowday Isniintii ayaa waxaa adkaatay in la is hor fariisiyo ergada labada dal, maadaama Soomaaliya ay shuruud ka dhigtay in Itoobiya ay ka laabato heshiiskii ay la gashay Somaliland.

Wasiirrada arrimaha dibadda Soomaaliya, Turkiga iyo Itoobiya ayaa galabta qabtay shir jaraa’id iyagoo faahfaahin ka bixiyey qodobada looga wadahadlay wareegga 2-aad ee wadahadalka.

Hoos ka daawo

Daawo: Soomaali iyo ajaanib qaba cuduro halis ah oo lagu qabtay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Mudane Saalax Xasan Cumar (Saalax Carab) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay dad qaba xanuuno halis ah oo ay soo xirtay Dowladda Hoose ee Xamar, kuwaas oo ka dhex shaqeynayay bulshada Soomaaliyeed.

Saalax Carab ayaa sheegay in waaxda Fayo-dhowrka Dowladda Hoose ay ku guuleysatay inay soo qabteen dad kor u dhaafaya 300 qof oo laga helay cudurada faafa ee halist ah, sida HIV iyo sidoo kale Hepatitis B iyo C, waxayna isugu jiraan dadkaas Soomaali iyo Ajaaniib.

“Hay’adaha u xil-saarnaa hubinta iyo fayo-dhowrka ee dowladda Hoose Xamar waxay ku guuleysteen inay qabtaan dad qaba cudurada faafa HIV iyo Hepatitis B iyo C, kuwaas oo qaarkood si ogaal ah uga shaqeynayay goobaha ay isugu yimaadaan bulshada, qaarkoodna iyaga oo aan ogeyn u adeegaya bulshada, taasi oo halis ku ah bad-qabka muwaadinka Soomaaliyeed” ayuu yiri afhayeenka maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in 35 qof oo kamid ah dadkaas laga helay cudurka HIV-ga, kuwaas oo 31 kamid ah ay yihiin Sooaalia halka 4 kalena ay yihiin Ajaaniib.

Afhayeenka ayaa sidoo kale xusay in dad kale oo gaaraya illaa 300 oo qof lag helay Hepatitis B iyo C oo kamid ah cudurada halista ah ee sida deg-degga ah ku faafa.

“Baarista caafimaadka guud ee la sameeyay waxaa cudurka HIV-ga laga helay 35 qofood oo isugu jiro Soomaali iyo Ajaaniib, sidoo kale waxaa cudurka Hepatitis B iyo C laga helay dad gaaraya 300 oo qof oo isugu jiro Soomaali iyo Ajaaniib”, ayaa mar kale yiri Afhayeenku.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in dalka laga masaafuriyay 4 qof ee Ajaaniibta ah ee laga helay xanuunada, isla markaana dib loogu celiyay dalalkooda.

Waxaa kale oo uu yiri  “Waxaa ay hay’adaha garsoorka iyo amniga so xireen milkiile maqaayad oo goobtiisa ganacsi ku qariyay qof Ajnabi ah oo laga helay cudurka HIV-ga, kaas oo hadda ku jira gacanta dowladda”.

Ugu dambeyn wuxuu digniin culus u diray ganacsatada, wuxuuna sheegay in laga rabo inay qaataan shahaadada caafimaadka, sidoo kale shaqaalaha ayaa la faray inay iyaguna qaataan card-ka caafimaadka ee Dowladda Hoose ee Xamar.

FIQI oo war cusub kasoo saaray wada-hadaladdii lagu kala kacay ee ANKARA

0

Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo qoraal kooban soo saaray ayaa faah-faahin ka bixiyay wada-hadalladii Soomaaliya iyo Itoobiya uga socday Turkiga ee maanta kusoo dhammaaday fashilka.

Fiqi oo hoggaaminayay wafdiga Soomaaliya ku metalayay wada-hadalka ayaa sheegay inuu soo dhammaaday wareeggii labaad, balse ma shaacin wax natiijo ah oo laga gaaray.

Sidoo kale wuxuu u mahad-celiyay dowladda Turkiga oo iyada gogosha dhigtay, isla markaana dhex-dhexaadineyso Soomaaliya iyo Itoobiya oo isku hayo heshiiska badda.

“Waxaa soo dhamaaday wareeggii 2aad ee wadahadlka inoo dhexeeyey annaga & dawladda aan deriska nahay. Mahad ballaaran walaalaheen Türkiye oo dadaal weyn bixiyey, gogosha 3aadna dalkooda lagu ballamay” ayuu yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Waxaa kale oo hoosta ka xariiqay in Soomaaliya aanu isbeddalin mowqifkeeda, welina halkiisii uu yahay, illaa Itoobiya ay ka laabaneyso heshiiska ay la gashay Somaliland.

“Soomaaliya mawqifkeedu waa hal mid oo aan aqbalayn “ku qabso ku qadi mayside” ayuu mar kale qoraalkiisa yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dhinacyada ayaa isku mari waayey qodobo ay kamid yihiin soo afjarida is-afgaradkii Somaliland iyo waxa xigga, iyada oo dowladda federaalka Soomaaliya ay ku adkeysatay mowqifkeeda ku aadan damaca Itoobiya ee badda.

Dhinacyada ayaa markale u ballamay in wareeg 3-aad la isugu soo laabto bisha soo socoto ee September, waxaana sidaas mar labaad loogu kala kacay wada-hadaladii xalka loogu raadinayay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, oo dadaal badan uu ka galay Turkiga.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa diidany in toos la isku hor fariisto ilaa inta Itoobiya ay ka laabaneyso heshiis beenaadkii ay la gashay maamulka Somaliland.

Ajaaniib ka tirsan Al-Shabaab oo nolosha lagu soo qabtay

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta nolosha lagu soo qabtay xubno ajaaniib oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kadib howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Farlibaax ee gobolkaasi.

Howlgalka lagu soo qabtay xubnahan ajaaniibta ah oo labo ah, isla markaana uu wehliyo nin kale oo Soomaali ah ayaa waxaa sameeyay ciidanka dowladda iyo Macawiisleyda.

Ciidamada huwanta ayaa soo bandhigay sawirrada ragga ay qabteen, waxayna sidoo kale ku wareejiyeen taliska ciidanka Xoogga dalka ee fadhigiisu yahay Beledweyne.

Guddoomiyaha deegaanka Farlibaax Axmed Aadan Xasan oo isna la hadlay warbaahinta ayaa faah-faahiyay howlgalkaas, wuxuuna u mahadceliyay ciidamada fuliyay ee soo qabtay raggaasi ajanbiga ah iyo ninka Soomaaliga ah ee ka wada tirsanaa Al-Shabaab.

Axmed Aadan waxa uu sheegay in ninka Soomaaliga ah uu iyaga lasoo xiriiray, kadib markii uu kasoo fakaday kooxda Al-Shabaab, kuwa kalena ay soo qabteen ciidamada.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in ciidamada huwanta ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab ee ka socda halkaasi.

“Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka howlgalo ay samayeen ayay labadan nin ee ajnabiga ah kuso qabteen ayagoo wax dhibato ah u geysan, ninka sadaxad waa Somali nala so xariray oo ka so baxsaday Khawarijta asago ka fa’ideysanaya cafiskii uu fidiyay madaxweynaha Soomaaliya, ciidamaduna way sii wadayaan howlgalada ka dhanka ah Shabaab” ayuu yiri guddoomiye Axmed Aadan.

Hiiraan ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay kooxda Al-Shabaab, waxaana weli kasii soconayo howlgallo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Wada-hadalladii Ankara ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo lagu kala kacay + Sababta

0

Ankara (Caasimada Online) – Wada-hadaladii Soomaaliya iyo Itoobiya uga socday magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa mar kale natiijo la’aan ku soo dhamaaday.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dhinacyada ayaa isku mari waayey qodobo ay kamid yihiin soo afjarida is-afgaradkii Somaliland iyo waxa xigga, iyada oo dowladda federaalka Soomaaliya ay ku adkeysatay mowqifkeeda ku aadan damaca Itoobiya ee badda.

Dhinacyada ayaa markale u ballamay in wareeg 3-aad la isugu soo laabto bisha soo socoto ee September, waxaana sidaas mar labaad loogu kala kacay wada-hadaladii xalka loogu raadinayay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, oo dadaal badan uu ka galay Turkiga.

Dowladda Soomaaliya ayaa intii uu socday wada-hadalka dooneysa in la keeno hannaan looga laabanayo heshiis beenaadkii badda lagu bixinayey ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ay kala saxiixdeen.

Halka Itoobiya ay dooneysay in la caddeeyo qaab ay uga laaban karaan MOU-gaas iyo waxa loogu bedelayo, si la mid ah tii dowladdii hore markii ay Muqdisho heshiis is faham ku gaareen ra’iisul wasaare Abiy Ahmed iyo madaxneynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo.

Farmaajo iyo Abiy ayaa isku fahmay in afar Dekedood ay maalgashato Itoobiya, kadib booqashadii Abiy Axmed ku yimid Muqdisho sanadkii 2018-kii, balse dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa burburisay heshiiskii Farmaajo.

Diblomaasiyiinta Turkiga ayaa u kala gudbinayay farriimaha, mana jirin wada-hadalo fool ka fool ah oo dhex-maray dhinacyada, kuwaas oo saacado badan kadib kusoo idlaaday natiijo la’aan.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa diidan in toos la isku hor fariisto ilaa inta Itoobiya ay ka laabaneyso heshiis beenaadkii ay la gashay maamulka Somaliland.

Taliye saldhig degmo oo ka bad-baaday isku day dil kadib markii…

0

Guriceel (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya israsaaseyn kooban oo maanta ka dhacday gudaha magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, taas oo u dhexeysay ciidamada ammaanka degmadaasi iyo sidoo kale rag hubeysan.

Shaqaaqada ayaa timid, kadib markii xiisad ka dhalatay dhul ku yaalla Cadaado ay ku baxeen ciidamo uu hoggaaminayay Taliyaha Booliska degmada Cadaado Xuseen Ahmed, waxaana kadib goobta ka dhacday israaseyn oo u dhexeysay booliska iyo ragga hubeysan.

Wararka ayaa sheegaya in dhaawac uu soo gaaray Taliyaha Booliska Cadaado iyo qof kale oo shacab ah, kadib markii haleeshay rasaastii goobta ka dhacday.

Taliyaha ayaa dhaawiciisa loo soo qaaday magaalada Muqdisho, waxaana garoonka Cadaado kasoo sagootiyay maamulka degmada iyo wasiiro ka tirsan Galmudug.

Xaaladda ayaa hadda deggan, laakiin waxaa soconayo dadaallo la doonayo in lagu soo xiro shaqsiyaadkii ka dambeeyay falka lagu dhaawacay taliyaha.

Dhulka la’isku haysto ayaa muddo dheer ay taagneyd doodiisa, waxaana isku haysto dad shacab ah, iyada oo haatan xiisadda ay isku bedashay gacan ka hadal uu dhaawac kasoo gaaray taliyihii Booliska degmada oo meesha u tegay inuu xalliyo xiisadda soo korortay.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah-faahin ah oo mas’uuliyiinta degmada iyo saraakiisha amniga ay ka bixiyeen dhacdan iyo xaalada taliyaha dhaawiciisa loo soo qaaday Muqdisho.

Ciidamada DF oo howlgal ku dilay Shabaab badan, kuwa kalena soo qabtay

0

JKismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgal culus oo maanta lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka oo ay si wadajir ah u qaadeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku yaalla agagaarka magaalada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose.

Qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu faah-faahiyay howlgalkaasi, waxaana lagu sheegay in lagu dilay 30 xubnood oo Al-Shabaab ah sidoo kalena lagu qabtay saddex kale oo nool.

“Howlgal qorsheysan oo saakay Ciidanka Danab ee Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ay ka fuliyeen aagga deegaanka Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu dilay in ka badan 30 Khawaarij ah, halka 3 dhagarqabe nolosha lagu qabtay,” ayaa lagu yiri war kooban oo kaso baxay dowladda Soomaaliya.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga daraamayaa duleedka magaalada Kismaayo oo ay ku sugan yihiin ciidamo badan oo loo diyaariyay dagaalka Al-Shabaab.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalja maanta ka dhacay gobolka Jubbada Hoose, kaas oo ay guul ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Maalmihii u dmabeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa kordhiyay howlgallada ka socda Jubbooyinka, waxayna la wareegeen deegaano muhiim ah oo ay horay ugu sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

MADAALE oo tallaabo u qaaday maqaamka Muqdisho xilli ay taagan tahay xiisad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha hobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay shirka muhiim ah oo looga hadlay maqaanka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Shirkan oo ka qabsoomay aqalka dowladda hoose ee Xamar degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeyb-galay madaxda ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed.

Intii uu socday shirka ayaa wada-tashi dheer looga yeeshay habka loo wajahayo maqaamka caasimadda, xilli ay todobaadkii hore golaha wasiirada ansixiyeen sharciga doorashooyinka dalka, kaas oo aan lagu caddeyn maqaamka rasmiga ah ee Muqdisho.

Shirkan ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay sidii maamulada degmooyinka gobolka Banaadir iyo ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed ay ugu wada-shaqeyn lahaayeen horumarka caasimadda iyo sidii ay gacan ugu geysan lahaayeen.

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli ay markale cirka isku shareertay xiisadda raadinta maqaamka caasimada Muqdisho, ayada oo su’aal laga keenay sababta aan maqaamka caasimadda loogu cadeyn shuruucda dhawaan la ansixiyay.

Guddoomiyihi hore gobolka Banaadir Xasan Muungaab ayaa kamid ah siyaasiyiinta sida weyn qeybta uga ah doodda maqaamka ee xilligaan taagan, isaggoo tilmaamay in xilligeedii la joogo in caasimadda ay hesho metelaad dhab ah.

“Muqdisho waa in ay heshaa maqaam marka hore laga talogeliyay dadka deegaanka, iskuna dheelitiraya xuquuqdooda iyo xaqqa Umadda Soomaaliyeed ee ay caasimadda u tahay, islamarkaana ay heshaa metelaad aqalka sare ah iyo awood fulineed oo mideysan,” ayuu yiri Muungaab.

Sidoo kale waxaa socda dhaq-dhaqaaqa xooggan oo lagu doonayo in metelaad ay yeelato Muqdisho, kaasi oo uu qeyb ka yahay Ugaaska Mudulood, Ugaas Maxamuud oo isagu sheegay in reer Muqdisho ay deg deg uga tashan doonaan masiirkooda.

“Ciddii tashan weydo waligeed ayey ahaan jirtay in loo taliyo,waa ku mahadsan tahay cid kasta oo gacan ka geysatay qodobka 22-aad ee xeerka maanta soo baxay, wan jiifnay waana na toosiyeen,Muqdisho dadka degan ayaa deg-deg uga tashan doona, masiirkeeda waxayna xuquuqda iyo wajibaadka ay kala sinaan doonta gobolada dalka iyadoo la ilaalinayo sharafta iyo karaamada caasimadnimo.”

Al-Shabaab oo maanta weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday saldhiga…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ay saaka dagaal-yahaanno Al-Shabaab ah ku qaadeen saldhig ku yaalla duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Saldhigan oo ay daganaayeen ciidamo dowladda ayaa lagu magacaaba Ilbaq, waxaana weerarkan ay aroornimadii hore ee saaka ku eekeysay kooxda Al-Shabaab kadib xigay dagaal toos ah oo qaatay ku dhawaad hal saac oo xiriir ah, kaasi oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka duuleedka degmada Balcad ku dhex-maray ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab ayaa lasoo sheegaya inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, wallow aan illaa hadda si rasmi ah loo xaqiijin karin.

Saldhiga weerarka ka dhacay ayaa kamid saldhigyada dhawaan ciidamada dowladda ay kala wareegeen ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa dalka Brundi oo muddo aad u dheer ku sugnaan jiray saldhigaas.

Majiro wax war ah oo illaa hadda kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya iyo saraakiisha ciidanka, halka ay kooxda dhankeeda sheegatay in 27 askari ku dishay weerarkan, inkasta oo si madax-banaan loo xaqiijin karin sheegashada kooxda.

Kooxda ayaa mararka qaar weerar gaadmo ah oo xilli hore oo subaxnimada ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda, illaa haddana waxaa muuqata in aan wax laga baran weerarada isku xilliga dhaca ee kooxda ku bartilmaameedsato ciidanka dowladda.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli ay ciidamadu wadaan howl-gallo ka dhan ah kooxda, uuna dhawaan bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka ay ciidamada dowladda iyo shacabka hubeysan iska kaashanayaan ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Somaliland oo war yaab leh soo saartay xilli DF iyo Itoobiya ay ku shirsan yihiin Ankara

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa meel adag iska taagtay wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya uga socda dalka Turkiga, kaas oo salka ku haya soo afjarida is-afgaradkii Addis Ababa ee Somaliland ay Itoobiya ugu saxiixday qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Cali Mareexaan ayaa sheegay in Soomaaliya aanay marnaba heshiis kula gali karin Itoobiya dhul badeed aysan awood u laheyn, taas oo ula jeedo xeebaha Somaliland.

Sidoo kale waxa uu si cad u sheegay in heshiis ay dowladda federaalka Soomaaliya gasho aan laga fulin karin Somaliland, xilli uu magaalada Ankara ee dalka Turkiga uu Soomaaliya iyo Itoobiya uga socdo wada-hadal xal loogu raadinayo xiisadda badda.

“Waa la ogyahay in Jamhuuriyada Somaliland aanay ahayn Soomaaliya, hesiishyo faro badan ayey galaan qoladaa Xamar, weligeedna heshiis ay galeen kama fulin Somaliland,” ayuu yiri wasiir Cali Mareexaan oo la hadlay BBC.

Wasiirka ayaa ku dooday in Soomaaliya ay keliya rabto inay saxeexdo is-afgaradkii ay hore u wada-galeen Somaliland iyo Itoobiya, isaggoo yiri “arrintani waxay markhaati u tahay arrintii aanu in badan sheegnay ee ahayd in dowladda Muqdisho doonayso in ay iyadu saxeexdo.”

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka shanqadhisay in Itoobiya ay u ogolaan doonaan oo keliya heshiis ganacsi, kaas oo lamid ah kan ka dhexeeya Jabuuti iyo Itoobiya ee isticmaalka dekeddaha.

Is-afgaradka Somaliland iyo Itoobiya ee xiisada ka dhex abuuray labada dal ayaa dhigayay in Itoobiya ay baddeena ka hesho saldhig ciidan, taas badalkeedana ay Itoobiya aqoonsato Somaliland, taas oo xad-gudub ku ah qarannimada Soomaaliya.

Cumar Cabdirashiid oo uga digay dowladda Xasan in hal arrin ay ka ogolaato Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iiusl wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa ka digay in dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ay aqbasho in Itoobiya ay xuquu ka hesho dhul badeedka Soomaaliya.

Waxa uu si gaar ah uga digay in madaxda Soomaalida ee ku sugan Ankara in heshiis kasta oo lala galo Itoobiya uusan ku jirin ama soo jeedin in Itoobiya ay saldhig ciidan ka sameysato biyaha Soomaaliya.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa sidoo kale waxa uu bogaadiyay dadaalka dowladda Turkiga ay ku dooneyso soo afjarida wuxuu ugu yeeray “gardarada Itoobiya ee ku wajahan midnimada dhuleed ee Soomaaliya.”

“Waxaan bogaadineynaa dadaalka Turkiga waxaana rajeyneynaa in aan aragno soo afjarida gardarada Itoobiya ee ku wajahan midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Laakiin, heshiis aan lala gelayn Itoobiya waa in uu ka dhigan yahay ama micneheedu yahay saldhig ciidan ama xuquuq madax-bannaan oo lagu galo baddeena,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Waxa uu intaas kusii daray “Dowladda federaalka Soomaaliya waa inay raadisaa talo-bixin khubaro ah oo ku aadan wada-hadallada (haatan socda).”

Hadalka ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya, iyadoo shalay uu magaalada Ankara ka bilowday wejiga labaad ee wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo garwadeen ka tahay dowladda Turkiga oo dadaal badan ku bixineysa sidii loo soo afjari lahaa khilaafka u dhaxeeya labada dal.

Turkiga oo dhinacyad isku soo jiidaya ayaa dhawaan sheegay in xiisadda Muqdisho iyo Addis Ababa lagu soo afjari karo in Itoobiya ay galaangal u yeelato biyaha Soomaaliya, iyadoo ixtiraamaysa madax-bannaanida Soomaaliya.

Middan ma diidana Soomaaliya, balse waxay kasoo horjeeda in qeybo kamid ah baddeeda la siiyo Itoobiya, waxa uuna kal hore sheegay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in dowladdiisa aysan diidaneyn in Itoobiya ay baddeena uga faa’iideysato hab ganacsi oo keliya, sida ay Itoobiya usoo gaarto badda caalamiga ah.

ILHAAN CUMAR oo wajaheysa qorshe halis ah – Muxuu yahay?

Minnesota (Caasimada Online) – Guddiga awoodda badan ee galaangalka u sameeya Israa’iil ee loo yaqaanno AIPAC ayaa illaa $100 malyan ku kharash gareynaya sidii ay kuraastooda ku weyn lahaayeen xubnaha loo yaqaanno ‘kooxda’ ee ah siyaasiyiinta horusocodka ah.

Warqad qorshahaas lagu qoray ayaa Ilhaan Cumar oo xisbiga dimuqaraadiga ka tirsan, lagana soo doorto Minnesota, kana mid ah xubnaha aas-aasay ‘kooxda’.

Waxaa la sheegay in Ilhaan tahay bartilmaameedka ugu weyn, ayadoo doorashada hordhaca ah ee xisbiga dhexdiisa ay is wjihi doonaan 13 Agoosto Don Samuels.

Ilhaan iyo xubnaha kale ee ‘kooxda’ ayaa aad u taageera xabbadjoojin laga gaaro dagaalka Qasa, waxayna aad u dhaliilaan Israa’iil.

AIPAC waxay horeba u kharash gareeyeen $14 malyan, ayagoo ka caawinayey George Latimer oo ka tirsan dimoqaraadiga inuu kursiga ka rido Jamaal Bowman oo ka tirsan ‘kooxda’, aadna u dhaliila Israa’iil iyo dagaalkaba. Dhaqaalahaas ayaa Latimer ka caawiyey inuu guul aad u weyn gaaro.

Samuels oo ah siyaasi qunyar socod ah oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga, horena xubin uga soo noqday golaha deegaanaka ee Minneapolis ayaa doorashadii noocan oo kale ahayd ee isreeb-reebka ku guuldarraystay ka dib markii ay 2022 Ilhaan Cumar kaga guulaysatay 2,466 cod.

AIPAC iyo kooxaha kale ee galaangalka u sameeya Israa’iil ee a y ka midka yihiin PAC iyo United democratic project waxay u arkayaan Ilhaan in aan la loodin karin.

“Waxay ila tahay inay ogyihiin in Ilhaan Cumar ay tahay qof aad u adag oo taageero badan gudaha ku leh, taariikh hore oo fiicanna ku leh degmada, kaliya maaha adeegyada la qabto laakiinse sidoo kale hogaanka siyaasadda iyo hindiseyaasha malin kasta caawiya dadka degmada” ayuu yiri Usamah Andrabi oo warbaahinta u qaabilsan Justice democrats oo ah koox taageerta ‘kooxda’.

“Waxay ila tahay inay ogyihiin inay tahay qof khatar ku ah, taa micnaheeduna ma aha inaysan lacag u adeegsanayn xataa haddii ay sidaa tahay” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Ilhaan ayaa horey loogu eedeeyey in ay horay u dhaliishay Israa’iil, arrintaas oo uu ku gacan-sayray xisbiga ay ka tirsan tahay ee Dimuqraadiga.

218 xubnood ayaa u codeeyay in Ilhaan laga saaro guddigaas, halka 211 xubnood ay diideen mooshinkaas.

“Waxaa jira feker ah in aad tahay la tuhunsane haddii aad tahay soogalooti, aad ka soo jeedo qeybo gaar ah oo kamid ah caalamka, ama iyadoo lagu saleynayo midabkaaga ama in aad haysato Diinta Islaamka,” ayay tiri Ilhaan.

Ilhaan Cumar waxay markii afaraad u tartamaysaa in laga soo doorto degmada shanaad oo ah Minneapolis iyo deegaannada ku xeeran.

Ninka la tartamaya Ilhaan, Don Samuels, oo markiisii hore ka yimid Jamaica, taageerada uu ka helayo AIPAC ma cadda inta ay le’eg tahay, laakiin hore ayuu ugu dhaliilay inay Ilhaan ka hortimid oo ka codaysay qorshe cod loogu qaadayey dhaqaale la siin lahaa ciidanka Israa’iil, isagoo arrintaa awgeed ku tilmaamay in ”degmada ay ka dhigtay mid faquuqan oo gooni u go’an”.

Isha: BBC

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine oo weji cusub yeeshay iyo Kyiv oo ku dhowaaqday…

0

Kyiv (Caasimada Online) – Taliyaha ugu sarreeya militariga Ukraine ayaa sheegay in ciidamadiisa ay hadda gacanta ku hayaan dhul gaaraya ilaa 1,000 kilomitir oo isku wareeg oo ka tirsan gobolka Kursk dalka Ruushka.

Waa marki ugu horreysay oo uu sarkaal ka tirsan militariga Ukraine uu si cad uga hadlo duullaanki kediska ahaa ee waji-gabaxa ku noqday Kremlin-ka.

Gen. Oleksandr Syrskyi ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay, in dagaalka uu ka socdo dhammaan jiidaha hore, isla markaana ay ciidanka Ukraine ay hadda xaaladuhu gacanta ku hayaan.

Ku dhawaad hal todobaad kaddib weerarkaasi, ayay ciidamada Ruushka aysan wali bixinin jawaab.

Laakiin madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Isniintii sheegay, in weerarka Ukraine soo qaadday uu yahay isku day ay xukuumadda Kyiv ku dooneyso in ay ku hakiso duullaanka ciidanka Ruushka ee gobolka Donbas.

Wuxuu kaloo intaasi raaciyay in sidoo kale ay Ukraine ku rabto weerarkaasi in ay galangal weyn ku yeelato wadahadallada nabadda ee mustaqbalka, ee laga yaabo in ay wada yeeshaan Ruushka iyo Ukraine.

Arrintan ayaa weji cusub u yeelaysa dagaalka labada dal ee mudadda socday, kaasi oo uu ka dhashay khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo burbur horleh.

FBI-da oo baareysa weerar lagu qaaday TRUMP oo looga shakisan yahay dalka…

0

Washington (Caasimada Online) – Hey’adda Danbi-baarista Gudaha Mareykanka ee loo soo gaabsho FBI ayaa Isniinti shalay sheegtay in ay billowday baaritaan ku aaddan eedaha sheegaya in loo dusay kambuyuutarrada ololaha doorashada Donald Trump kadibna la xaday dukumintiyo xasaasi ah.

Baaritaankan ayaa imanaya maalmo kaddib markii uu olalaha Trump shaaciyay in Iran ay weerar xagga internetka ku bartilmaameedsatay ololahooda

Inkasta oo aysan bixinin faah-faahin dheeraad ah iyo caddeymo muujinaya in Iran ay weerarkaasi ku lug leedahay.

Shirkadda Microsoft ayaa warbixin ay dhawaan soo saartay ku xaqiijiyay in uu dhacay isku day ay wakiillo ajnabi ah ay ku rabeen in ay ku fara-geliyaan ololaha doorashada Mareykanka ee 2024.

Howl-galka Iran ee Qaramada Midoobay, oo arrintan wax laga weydiiyay ayaa beeniyay in ay ku lug leeyihiin.

Si kastaba ha ahaatee, Iran ayaa muddo dheer lagu tuhunsanaa inay wadday ololeyaal ay ku jabsatay xogo dhanka online-ka ah oo yaallay Bariga Dhexe iyo meelo kasii shisheeya.

Tehran ayaa sidoo horay ugu hanjabtay in ay ka aargudan doonto Trump, kadib weerarkii sannadkii 2020-kii lagu dilay Jeneral Qasim Suleymani oo ka tirsanaa saraakiisha sare ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran, weerarkaas oo uu amray madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump.

Xog: Wadahadallada Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka socda Ankara oo maraya meel xasaasi ah

0

Ankara (Caasimada Online) – Wadahadalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka socda magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa meel adag maraya, iyadoo la isku mari la’yahay qodobada qaar.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in la keeno hannaan looga laabanayo heshiis beenaadkii badda lagu bixinayey ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ay kala saxiixdeen.

Itoobiya ay dooneysa in la caddeeyo qaab ay uga laaban karaan MOU-gaas iyo waxa loogu bedelayo, si la mid ah tii dowladdii hore markii ay Muqdisho heshiis is faham ku gaareen Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed iyo Madaxneynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo.

Farmaajo iyo Abiy ayaa isku fahmay in afar Dekedood ay maalgashato Itoobiya, kadib booqashadii Abiy Axmed ku yimid Muqdisho sanadkii 2018-kii, balse dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa burburisay heshiiskii Farmaajo.

Diblomaasiyiinta Turkiga ayaa u kala gudbinaya farriimaha, ma jirto wada hadalo fool ka fool ah oo ilaa hadda labada dhinac dhex maray.

Wadaxaajoodka ayaa saacado badan qaatay, walina wax is afgarad ah lama gaarin, dowladda Turkiga waxay ku dadaalaysaa in is-faham guud ay kala dhex dhigto labada dhinac oo heshiis lagu yahay.

Wasiirka arrimaha dibadda Hakan Fidan ayaa hoggaaminaya diblomaasiyiinta Turkida ah ee dhex dhexaadinaya ergada ka kala socota Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya ayaa diiday in toos la isku hor fariisto ilaa inta Itoobiya ay ka laabaneyso heshiis beenaadkii ay la gashay maamulka Somaliland.

 

Daawo: RW Xamsa oo qaaday tallaabo cajiib ah oo dhiirigelisay dhalinyarada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saddex dhallinyaro ah oo naftooda u huray badbaadinta dadkii ku dhaawacmay qaraxii kooxaha Khawaarijtu ay ka geysteen xeebta Liido.

Dhallinyaradan ayaa wakhti halis ahaa ku dhiirraday in ay dhabarkooda ku qaadaan oo badbaadiyaan dadka waxyeellada soo gaartay ee dhaawaca ahaa oo dhulka yaalay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhallinyaradan ku ammaanay geesinimadooda, isaga oo ku tilmaamay halyeeyo qaran oo tusaale u ah dhallinyarada Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladdu ay mar walba garab taagan tahay dhallinyarada u taagan difaaca iyo badbaadinta bulshada, waxaana uu ku dhiirrigeliyey in ay sii wadaan dadaalkooda.

“Waxaad xilli adag muujiseen geesinimo iyo in aad caawisaan dhallinyaro walaalahiin ah oo xaalad adag ku jiray, idinka oo khatar u galiyey naftiinnaa, dadkiinana u shaqeeyey, runtii shaqada ay qabteen waxa soo jiidatay dhammaan ummadda Soomaaliyeed, Xukuumadda DanQaran waxa ay idinku abaalmarinaysaa geesinimdiina oo aad ku muteysateen billad iyo shaqaalaysiin.”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ayuu tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu in uu ka dhaxeeyo xiriir dhow oo aan la siyaasadeyn karin, isla markaana xukuumaddu mudnaanta koowaad la siinayo dhallinyaradu sidii ay u heli lahaayeen shaqooyin iyo wax walba oo ay dalkooda uga baahan yihiin.

Waxa uu intaas ku daray in dhallinyarada Soomaaliyeed ay yihiin lafbartii dalkan, dowladduna ay gacan buuxda ku siinayso sidii ay horumuud ugu noqon lahaayeen ummadda Soomaaliyeed.

Dhallinyaradii ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha taageerada iyo dhiirrigelinta xukuumadda, iyaga oo ballan qaaday in ay sii wadi doonaan ka shaqeynta danta guud iyo badbaadinta dadka Soomaaliyeed.

Hoos ka daawo

Sawirro: Xasan Sheekh oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Rwanda

0

Kigali (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Jamhuuriyadda Rwanda Mudane Paul Kagame oo uu ka qeyb-galay caleemo-saarkiisa.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah iyaga adkeeyay doorka muhiimka ah ee iskaashiga gobolka uu ka qaadan karo wax ka qabashada caqabadaha iyo la dagaallanka argagixisada.

Madaxweyne Paul Kagam ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyey horumarka ay ka gaartay dhinacyada, amniga, diblomaasiyadda iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale waxa uu ballan-qaaday in Rwanda ay taageeri doonto dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, ee dib usoo kabashada ku jira.

Paul Kagame ayaa Axaddii shalay loo dhaariyay xafiiska madaxweynaha dalkaasi dhaca Bariga Africa shanta sano ee soo socota, ka dib markii uu si aqlabiyad leh ugu guuleystay doorashadii bishii hore.

Kagame oo ah 66 sano jir ayaa helay 99.18% codadki la dhiibtay bishii July, kadib markii ay guddiga doorashada ay tartanka doorashada ka reebeen illaa 8 murashax oo isu soo taagtay doorashada. Xilka cusub ee Kagame ayaa ka dhigan in maamulkiisa Rwanda uu gaari doono ku dhawaad rubuc qarni.

Madaxda reer Galbeed iyo kuwa gobolka ayaa Kagame ku ammaanay sida uu dalka uga soo saaray mushkiladihi ka dhashay xasuuqii sannadki 2094-ki iyo sida uu ugu guuleystay soo jiidashada maalgashadayaasha caalamiga ah ee Rwanda.