26.8 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Sawirro: Xasan Sheekh oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Rwanda

0

Kigali (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Jamhuuriyadda Rwanda Mudane Paul Kagame oo uu ka qeyb-galay caleemo-saarkiisa.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah iyaga adkeeyay doorka muhiimka ah ee iskaashiga gobolka uu ka qaadan karo wax ka qabashada caqabadaha iyo la dagaallanka argagixisada.

Madaxweyne Paul Kagam ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyey horumarka ay ka gaartay dhinacyada, amniga, diblomaasiyadda iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale waxa uu ballan-qaaday in Rwanda ay taageeri doonto dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, ee dib usoo kabashada ku jira.

Paul Kagame ayaa Axaddii shalay loo dhaariyay xafiiska madaxweynaha dalkaasi dhaca Bariga Africa shanta sano ee soo socota, ka dib markii uu si aqlabiyad leh ugu guuleystay doorashadii bishii hore.

Kagame oo ah 66 sano jir ayaa helay 99.18% codadki la dhiibtay bishii July, kadib markii ay guddiga doorashada ay tartanka doorashada ka reebeen illaa 8 murashax oo isu soo taagtay doorashada. Xilka cusub ee Kagame ayaa ka dhigan in maamulkiisa Rwanda uu gaari doono ku dhawaad rubuc qarni.

Madaxda reer Galbeed iyo kuwa gobolka ayaa Kagame ku ammaanay sida uu dalka uga soo saaray mushkiladihi ka dhashay xasuuqii sannadki 2094-ki iyo sida uu ugu guuleystay soo jiidashada maalgashadayaasha caalamiga ah ee Rwanda.

Soomaaliya oo ka jawaabtay arrin shaki badan dhalisay oo la xiriirta Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay hadal ay Soomaali badan shaki ka muujiyeen oo wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan uu ku sheegay in marin badeed la siinayo Itoobiya.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac oo kamid ah wafdiga Soomaaliya ee ku sugan Ankara ayaa sheegay in marin badeed aysan aheyn wax ka baxsan ganacsi, isaggoo xaqiijiyay in ay macquul tahay in Itoobiya ganacsi ahaan usoo gaarto baddeena.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in marnaba aanay Soomaaliya ka tanaasuli doonin mowqifkeedii hore ee ahaa dhowrista madax-baannida iyo qaranimada Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in aysan diidaneyn Soomaaliya in ganacsi ahaan looga faa’iideysto badda.

“Dabcan taasi waxay ka dhigan tahay sida xeerarka Qaramada Midoobay ee ‘UKLAS’ dhigayo, wamada aan badda lahayn iyo wadamada dariska la ah ee baddaha leh in ay heshiisyo la galaan oo ay markaasi helaan marin baddeed,” ayuu yiri wasiir Daa’uud oo la hadlay BBC.

Waxa uu intaas sii raaciyay hadalkiisa “Marin baddeed macnaheedu maha wax ka baxsan ganacsi.”

Dhinaca kale, wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in shirka maanta u furmaya Soomaaliya iyo Itoobiya uu noqonayo wejiga labaad ee dadaallada Turkey ku doonayo inuu xal ugu raadiyo xasaradda ka oogan gobolka, kaas oo kasoo hormaray waqtigii loo ballansanaa.

“Waxaan ku xaqiijin karaa in soo dadajinta ay ka timid dadaalada dheeraadka ah ee dowladda Turkiga ay ku dhaqaaqday, oo dhawaan xitaa wasiirkoodii (Fidan) uu tagay Itoobiya, Soomaaliyana xiriiro dhow ay la soo samaynayeen marka waxaa loo arkay muhiin inay tahay in wajiga labaad uu deg-deg u furmo oo laga soo hormariyo toddobaadyo muddadii horrey loogu balamay,” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale wuxuu dowladda Turkiga uga mahad-celiyay dadaalka ay ku bixineyso arrintaan, “Dabcan dadaaallo dheeriya ayaa jira oo Turkigu sameeyey, waana ugu mahadcelinaynaa madaxweynaha Turkiga dadaalladaas dheeraadkaa ee uu sameeyey.”

Sababta ka dambeysa in MASAR ay xilligaan timaado SOOMAALIYA

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la shaaciyay in Masar ay u gudbisay codsi ah in ay ciidankeeda u soo dirto dalka Soomaaliya oo jaarka la ah Itoobiya, si ay qayb uga noqdaan qorshe nabad ilaalin ah.

Midowga Afrika ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ay soo dhaweynayaan codsiga Masar ee ah in ciidamadooda ay u soo diraan Soomaaliya si ay ugu mid noqdaan kuwa nabad ilaalinta.

Ururka ayaa sheegay in marka lagu dhawaaqay in ciidamada Midowga Afrika ee Ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ATMIS, lagu beddeli doono ciidamado cusub oo la yiraahdo howlgalka taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya sanadka 20205-ka.

Shir ay dhawaan yeesheen Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, Masar iyo Jabuuti ayay ku shaaciyeen inay u gudbiyeen codsi ah in ciidamadooda la geeyo Soomaaliya si ay u hoos yimaadaan ciidamadan cusub ee nabad ilaalinta ah.

Labada dal ayaa muujiyay rabitaankooda ah in ciidamadooda loo geeyo Soomaaliya howlo nabad ilaalin ah xilli dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ka baxaan dalka.

Haddii dalabkan Masar la xaqiijiyo, ATMIS-na waqtigeedi howlgaku dhammaanayo sanadka 2024-ka, waxay ka dhigan tahay in ciidamada Masar la geyn doono Soomaaliya bilowga sanadka 2025-ka.

Haddaba, maxaa Al-Sisi ciidamadiisa ugu dirayaa Bariga Afrika? Maxayse diritaanka ciidanka Masar ugu dhigan tahay Soomaaliya, Itoobiya iyo gobolka.

Labada dal ayaa muujiyay rabitaankooda ah in ciidamadooda loo geeyo Soomaaliya howlo nabad ilaalin ah xilli dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ka baxaan dalka.

Haddii dalabkan Masar la xaqiijiyo, ATMIS-na waqtigeedi howlgaku dhammaanayo sanadka 2024-ka, waxay ka dhigan tahay in ciidamada Masar la geyn doono Soomaaliya bilowga sanadka 2025-ka.

Haddaba, maxaa Al-Sisi ciidamadiisa ugu dirayaa Bariga Afrika? Maxayse diritaanka ciidanka Masar ugu dhigan tahay Soomaaliya, Itoobiya iyo gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, “Danta ugu weyn ee Masar ay ka leedahay gelitaanka Soomaaliya waa dan juquraafiyadeed. Waxay noqon karaa xoojinta Qaahira ee muujinteeda garab istaaga Soomaaliya mid lagu tilmaani karo,” ayuu yiri, isaga oo soo qaatay xiisadda Qaahira kala dhexeysa Addis Ababa ee ku saabsan isticmaalka biyaha Niilka.

Marka laga soo tago khilaafka kala dhexeeya Itoobiya, arrimaha ammaanka ee marinka ganacsiga badda cas oo carqalad kala kulmaya fallaagada Xuutiyiinta, waa sabab kale e oo Masar ku ah culays saaran.

Marka la eego xaqiiqda ah in Masar ay dhaqaale badan ka hesho marinka kanaalka Suweys ee isku xira badda Mediterranean-ka iyo badda cas, sugidda amniga badda cas waa arrin u taal Qaahira.

Khaatumo iyo Maakhir ma isla macaashi karaan mise midkood baa baxaya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Asbuucii lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya lagu soo gunaanaday kulan ay lahaayeen siyaasiyiinta, waxgaradka, aqoonyahanka iyo dhalinyarada kasoo jeeda gobolka Sanaag.

Laakiin magaca kulankooda wuxuu ahaa Maakhir State. Kulankooda waxay ku sheegeen waxa ay rabaan, waxa ay tabanayaan iyo fursadaha u muuqda deegaan ahaan iyo dad ahaan.

Kulanka ay yeesheen reer Maakhir waxay ku sheegeen inay doonayaan in ay noqdaan maamul kamid ah maamulada hoostaga dowladda federaalka Soomaaliya. Maamulkan hadda lama aqoonsana, si caadi ahna ugama jiro deegaanada uu xisaabsanayo, laakiin adeegsiga magacani wuxuu jiraa dhowr sanno.

Waxay hadda saami ahaan ka tirsan yihiin maamulka Puntland. Waxay xoojiyeen dooddooda doonista maamul gaar ah, tan iyo markii ay dowladda federaalka Soomaaliya u carab laad-laadisay Khaatumo, kuwaasi oo illaa hadda si rasmi ah loo aqoonsan.

Inay si gaar ah wax u helaan gobollada Sool iyo Sanaag waa arrin u baahan inay dowladda federaalka Soomaaliya go’an rasmi ah ka gaarto, iyadoo dhinaca kale aan la sahashan karin sida uu go’aankan u saameyn doono maamulka Puntland, oo iyagu sheegta inay labadaan gobol xukumaan, sidoo kalena ay reerahani saami-qeybsi siyaasadeed ku haystaan.

Dhawaan xubno siyaasiyiin ah oo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u tegay, kalana hadlay inuu aqoonsi buuxa siiyo maamulka Khaatumo, waxay sheegeen inuu madaxweynaha ku yiri soo dhameystira shuruudaha aad ku noqon kartaan maamul buuxa, oo loola jeedo inay reer Sanaag soo qanciyaan.

Sida muuqata hadda reerka gobolka Sanaag aqlabiyada ka ah iyagaa raba maamul gaar ah oo la yiraahdo Maakhir State. Haddii aad isweydiinayso ma wada macaashi karaan Khaatumo iyo Maakhir, jawaabtu marna waa haa, marna waa maya.

Mar waa haa, oo haddii ay wada-jir wax ku doonaan waa macquul inay hal maamul oo buuxa isku noqdaan, sidaasna aqoonsi kaga helaan dowladda federaalka Soomaaliya, ugana hoos baxaan maamulka Puntland.

Marna waa maya, oo haddii ay gooni-gooni wax u raadiyaan midkoodna ma heli karo aqoonsi maamul, oo ma buuxin karo shuruudaha.

Hadda waxay u baahan yihiin siyaasiyiinta iyo waxgaradka Khaatumo iyo Maakhir, ama labada reer ee Sool iyo Sanaag aqlabiyada ka ah inay hoos isku warsadaan, fahmaana inay wax ku heli karaan wada-jir, caqliguna ku jiro inay hal calan qaatan oo ay hal maamul noqdaan.

Cali Xoosh oo indhaha soo saaray dhulkii ‘uu qasabka ku baneeyay’ + Qorshaha (Sawirro)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta XFS Cali Xoosh ayaa maanta soo kormeeray dhulka xarunta dhexe ee wasaaradda.

Dhulkan oo ku yaalla degmada Boondheere ee caasimadda Muqdisho, ayuu sidoo kale maanta si rasmi ah ula wareegay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in dhulkaasi dib u dhig laga bilaabayo, kadib markii dhawaan laga saaray dad shacab ah oo deganaa, kadib markii ay u baatay wasaaradda, sida uu sheegay wasiir Cali Xoosh.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa wuxuu u mahad-celiyey dadkii deganaa, ciidamada booliiska, gobolka Banaadir iyo cid kasta oo qeyb ka ahayd in dhulka dib loogu shaqeeyo umadda.

Kormeerka wasiirka ayaa sidoo kale waxaa ku wehliyay Injineero ka socday shirkad dhisi doonta wasaaradda, waxaana la filayaa in dhawaan la bilaabo dhismaha dhulkan, oo noqonaya mid ay ku shaqeyso wasaaradda.

28-kii bishii hore ayey aheyd markii dowladda ay si xoog ah ku baneysay dhulkaan, ayada oo gawaarida cagafta oo ay la socdaan ciidamada ammaanka ay markaas dhinac ka mareen dhismaha ay xeyndaabkaas ka dhisteen dadka laga saaray.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay dadka ka saaraysay dhulka danta-guud, iyada oo ku sheegtay tallaabadan mid lagu howl-gelinayo hay’adihii ku shaqeynayay oo u baahday.

Qoysas badan oo muddo dheer degenaa dhulka laga saaray ayaa qaarkood sheegay in aanay heysan meelo ay degaan mar haddii dowladda federaalka ay bannaanka uga saartay goobihii ay degenaayeen una baahan yihiin qorshe lagu garab istaagayo.

Maxay tahay madasha laga soo weeciyay Jabuuti ee maanta laga furay Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay madasha horumarinta Soomaaliya, kaasi oo ay ka qeyb-galeen ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac, wasiirro, xildhibaanno iyo aqoonyahanno isaga kala yimid gudaha iyo dibadda.

Madashan oo sanadkaan looga hadlayo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya ee dayn cafinta kadib ayaa socon dootno muddo labo cisho ah, waxaana soo qaban-qaabiyay Machadka Heritage.

Madashan oo sanadle ah ayaa waxay Heritage sanadihii dambe ku qaban jirtay dalka Jabuuti, waxaana hadda loo soo wareejiyay gudaha dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Madaxda qeybta ka ah shirkaan ayaa bogaadiyay madasha, iyadoo aqoonyahanka loo jeediyay inay soo saaran cilmbaarisyo, si loogu gudbiyo go’aan gaarayaasha dalka.

“Qaran jabkii waxaa ka dhaxalnay in Qarankii uu Qaaraamooway. Waxa aan ka dhaxalnay in aynu luminno mataaladdii iyo maamuuskii aynu lahay,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Soomaaliya Bixi Iimaan Cige.

Agaasimaha Machadka Heritage Mursal Saney oo madasha ka hadlay ayaa isna waxa uu sheegay inta uu socdo shirka lasoo jeedin doono illaa 20 cilmi baaris, uuna hadafka yahay in wax lagu biirinayo horu socodka dalkeenna.

“Waxaa la soo jeedin doonaa 20 Cilmibaaris, hadafka laga leeyahay waa in la helo dadka aqoonta u leh dhaqaalaha in ay iswareystaan, si loogu gudbiyo go’aan gaarayaasha dalka,” ayuu yiri Mr. Saney.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah guddoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed oo isna ka hadlay madasha ayaa yiri “Waa in aan ka faa’ideysannaa fursadaha, mas’uuliyiinta waxa ay abuuraan fursadaha, ka culimo ahaan aad ayaan u xiiseeneynaa waxyaabaha nagu soo biiraya.”

Falcelin caadi ahayn oo ka dhalatay xil uu Xamza u magacaabay nin kasoo goostay Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa shalay magacaabay afar agaasime guud oo wasaaradeed kadib wareegto uu soo saaray, waxaana ku jiray ragga la magacaabay Ibraahim Aadan Ibraahim (Nadaara) oo loo magacaabay agaasimaha guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.

Ibraahim Nadaara oo ah nin dhalinyaro ah ayaa Al-Shabaab kasoo goostay bishii August 2016-kii, waxaana magacaabistiisa kala dhalatay falcelin aadan caadi ahayn.

Dad badan ayaa ka horyimid magacaabista ninkan, waxayna su’aalo ka keeneen wasaaradda loo magacaabay oo uu hadda wasiir ka yahay Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo isna ahaa hoggaamiye hore oo kasoo goostay kooxda Al-Shabaab.

Haddaba sidee looga falceliyay magacaabista Ibraahim Nadaar?

Cabdullahi Adan Xerow “Ibraahim Aadan Ibraahim from Al-Shabaab to agaasime dowladeed wasaaradihii dhan Al-Shabaaba ayaa agaasime ka ah”.

Cabdirisaaq Mowliid “Wasaaraddii Awqaafta iyo arrimaha Diinta waxay ka dhigeen halaq galeen subxaanallah”.

Abuukar Xasan ” =Ninkaan markuu Al-Shabaab ka imaanayay waxaan joognay Xamar waxbarasho ayaan ku jirnay hadda asiga waa masuul sare annagana waxaan magaalka ku nahay shaqa la’aan bal is qabadsii hee adba?”.

Cabdullahi Naxar “Waxaan sugnaaba waa xukunka Roobow iyo fulinta Ibrahim Nadaara wallee waxaa ii sawiran iyadoo la kala garan la yahay kumaa dilaya yaase soo fatwooday qoladii duurjoogta ahayd shaqadoodii hadday gudaha ka bilaabmatay”.

Muriidi Siraaji ayaa isna falcelintiisa ku yiri “Wasaaradii arrimaha Diinta Iyo Awqaafta Al-Shabaab ayaa la wareegay”.

Shariif Maxamed Jimcaale “Waa in aan Al-Shabaab ku biiro kadibne kaso goosto si aan xil sare u helo”.

Xildhibaannada kasoo jeeda HirShabelle oo baajiyay kulankii maanta ee BF + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan xasaasi ah oo ay maanta yeelan lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa baaqday, kadib markii ay xaadiri waayeen xildhibaannada kasoo jeedo dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Sababta uu u baaqday kulankan oo kamid ahaa kalfadhigga 5-aad ee Golaha Shacabka ayaa la xiriirtO kooram la’aan, kadib markii ay maqnaadeen inta badan xildhibaannada.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlaamka Cabdullaahi Cumar Abshirow oo soo xiray kulanka ayaa shaca ka qaaday in xildhibaannada aaday HirShabelle dartood uu u baaqday kulankooda, kuwaas oo aanan saxiixin kooramka, wuxuuna tilmaamay inay aadeen xaflad caawa ka dhaceysa magaalada Jowhar ee xarunta Shabeelaha Dhexe.

“Xildhibaanno aad ayaad u mahadsan tihiin, inta maanta soo xaadirtay kooramka intaan waxaa gaarsiiyay xildhibaannadii HirShabelle maanta aaday, sidoo kale guddigii maaliyadda ayaa Nairobi ku maqan siminaar ayuu jiraa” ayuu yiri Abshirow.

Sidoo kale wuxuu ku daray “Shalay waxaan isku ogeyn xildhibaannada HirShabelle aadaayo inay saaka kooramka saxiixaan qayb oo kaliya ayaa ka saxiixday, qaybna ma saxiixin”.

Abshirow oo hadalkiisa sii wata ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay inay baaqato shaqadii baarlamaanka, xildhibaannaduna ay iska aadeen xaflado iyo dabaal-deg.

“Aad ayaa uga xunahay inay socon wayso shaqadii baarlamaanka oo xildhibaannadii ay maqan yihiin shaqadiina naga baaqatay” ayuu mar kale yiri guddoomiye ku xigeenku.

Si kastaba, ma aha markii ugu horreysay oo uu kooram la’aan u baaqdo kulan ay leeyihiin xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, waana wax markasta dhaco waayadii dambe, ayada oo dhowr jeer arrintaan looga digay xildhibaanada.

Maxay tahay sababta loo soo hormariyay wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya?

Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac oo ka mida waftiga Soomaaliya ee ku sugan Ankara oo wareysi siiyay BBC ayaa sheegay in shirka maanta u furmaya Soomaaliya iyo Itoobiya uu noqonayo wajiga labaad ee dadaallada Turkey ku doonayo inuu xal ugu raadiyo xasaradda ka oogan gobolka.

“Dabcan dadaaallo dheeriya ayaa jira oo Turkigu sameeyey, waana ugu mahad-celinaynaa madaxweynaha Turkiga dadaalladaas dheeraadkaa ee uu sameeyey” ayuu yiri Daa’uud Aweys.

Bishii Luuliyo ee sanadkan oo labada dhinac wadahadalladoodu ka bilowdeen Ankara ayaa is araga xiga loo balamay bisha Semtember wallow waqtigaas laga soo hormariyey.

“Waxaan ku xaqiijin karaa in soo dadajinta ay ka timid dadaalada dheeraadka ah ee dowladda Turkiga ay ku dhaqaaqday, oo dhawaan xitaa wasiirkoodii arrimaha dibadda uu tagay Itoobiya, Soomaaliyana xiriiro dhow ay la soo samaynayeen marka waxaa loo arkay mumiin inay tahay in wajiga labaad uu deg deg u furmo oo laga soo hormariyo toddobaadyo muddadii horrey loogu balamay” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’ud Aweys.

Wuxuu sheegay wasiirku in madaxweynaha Turkigu uu teleefoonka kula hadlay xalay madaxweyne Xasan Sheekh iyagoo ka wada hadlay dadaallada iyo sidii horrey loogu sii ambaqaadi lahaa.

Sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Daa’uud Aweys, shirka ayaa ka sii anba qaadaya halkii horrey loo taagnaa, balse wuxuu ku adkaystay inaysan Soomaaliya marna ka tanaasuli doonin mowqifkeedii hore ee ahaa dhowrista madaxbaannida iyo Qaranimada Soomaaliya.

Itoobiya ayaa horrey u sheegtay inay doonayso inay boos ka hesho badda cas balsse dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer ku celcelisay in Itoobiya ay martay dariiq an ahay kii saxda ahaa sida uu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal u jeedinayey labada aqal baarlamaan ee Soomaaliya.

Dhawaan ayey ahayd markii wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Hakan Fidan oo booqday Addis Ababa uu sheegay in Itoobiy loo ogolaan doonno marin baddd ah.

Xogta kulan xasaasi ah oo Baydhaba ku dhex-maray Laftagareen iyo Qoor Qoor

0

Baydhaba Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo xalay ku hoyday magaalada Baydhaba ayaa kulamo ka bilaabay magaaladaasi, waxayna is arkeen dhiggiisa Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah.

Qoor Qoor ayaa casuumaad uu ka helay madaxweynaha Koonfur Galbeed ku tegay halkaasi, waxaana shalay si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud oo ku yaalla magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

“Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo, kaddib casuumaad oo ka helay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay madaxtooyada Galmudug.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in xalay labada madaxweyne ay yeesheen kulan saacado badan qaatay oo looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Laftagareen iyo Qoor Qoor ayaa si gaar ah uga arrinsaday doorashooyinka kusoo wajahan maamulladooda, uuna dhammaaday muddo xileedkooda, ayna kusoo wajahan tahay doorasho ay tartan adag ku wajihi doonaan, maadaama musharixiin badan ay isku soo taageen xilalka ay hadda ku fadhiyaan.

Xog ay heshay caasimada Online ayaa sidoo kale sheegeysa in Qoor Qoor uu Laftagareen kala hadlay qorshaha dowladda ee ku aadan in dib loo dhigo doorashooyinka maamul goboleedyada, maadaama ay Koonfur Galbeed hadda u diyaar garowday qabashada doorashadeeda oo horay dib uha dhacday waqtigeeda, waxaana lasoo wariyay in madaxweyne Cabdicasiis uu ku adkeystay go’aankiisa qabashada doorashada, waxaase weli wada-hadallada ay sii socdaan.

Sidoo kale ka ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay xafiisyada labada madaxweyne ee ku aadan kulanka ay xalay ku yeesheen madaxtooyada Koonfur Galbeed ee Baydhabo.

Kulankan wuxuu kusoo aaday, xilli xasaasi ah isla markaana xubnaha mucaaradka dalka ay dalbanayaan in la qabto doorashooyinka maamul goboleedyada, maadaama inta badan madaxda hadda joogto uu ka dhamaaday muddo xileedkooda.

Si kastaba, todoobaadkii hore ayay sii laba kaclesay xiisadda doorashada, kadib markii golaha wasiirada ay ansixiyeen sharci doorashooyin qof iyo cod ah iyo kan xisbiyada dalka, kaas oo ay durbo ka horyimaadeen siyaasiyiinta mucaaradka ee ku kacsan dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Al-Shabaab oo soo dishay sarkaal sare oo Kenyaan ah kadib markii…

0

Gaarisa (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay xalay kooxda Al-Shabaab ka fulisay agagaarka magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bare ee dalka Kenya.

Weerarka oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Naani ayaa waxaa lagu beegsaday sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada booliska dalka Kenya, kaas oo goobta lagu dilay.

Magaca sarkaalka ayaa waxaa lagu sheegay Deeqow Isaaq Aadan, wuxuuna amniga kala shaqeynayay ciidamada Kenya ee ka howlgala gobolka Waqooyi Bari, gaat ahaan deegaanada u dhow xadka Soomaaliya.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in xilliga la dilayay uu waday howlgal amni xaqiijin ah, waxaana weerar gaadmo ah kusoo qaaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo goobta ku dilay, kadibna baxsaday.

Dhinaca kale ciidamada Kenya ayaa saaka howlgallo ka wada aagga magaalada Gaarisa, waxayna baadi goobayaan xubnaha Al-Shabaab weerarka ka fuliyay halkaasi.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa aad u xumaa amniga gobolkan, waxaana weerar joogta ah ka fulinayay xoogaga Al-Shabaab, kuwaas oo beegsada xarumaha ciidamada iyo gaadiidka dadweynaha, iyaga oo mararka qaar afduub ka gaysta deegaanada u dhow xadka Soomaaliya.

Si kastaba, Kenya oo ka hortageysa dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab ayaa iyadana ciidamo badan soo dhoobtay halkaasi, si ay u xoojiyaan amniga, ugana hortaam weerarada Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay qaraxyo xoogan oo ka dhacay JALALAQSI + Khasaaraha

0

Jalalaqsi (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo xoogan oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay gudaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxyada oo ahaa nooc miinada ee dhulka lagu aaso ayaa midka koowaad wuxuu ka dhacay bar koontarool oo lagu hubiyo gaadiidka galaya magaalada, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamada dadka deegaanka.

Sidoo kale qaraxa labaad ayaa loo dhigay ciidamo gurmad ah oo u socday bartilmaameedka koowaad, waxaana la kacday miino kale, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo deegaanka ah.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxyadan dhimasho iyo dhaawac ku noqday ku dhowaad 10 askari oo kamid ahaa ciidamada Macawiisleyda ee ka howlgala degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Xaaladda ayaa maanta ah mid deggan, waxaana haatan degmadaas howlgallo ka wada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo baadi goobaya xubnihii Al-Shabaab ee ee ka dambeeyay weeraradaasi.

Hiiraan ayaa waxaa weli ka socda guluf ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana degmooyinka gobolkaasi dhaq-dhaqaaqyo ka wada ciidamada huwanta.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale beegsi ku hayso xarumaha ciidamadaasi, waxaana mararka qaarkood ay ku qaadaa weeraro gaadmo ah oo dhaliya khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Si kastaba, Hiiraan oo ay joogaan ciidamo badan oo Macawiisley ah ayaa ah halka uu kasoo bilowday kacdoonka shacab ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waana sababta ay markasta kooxda qaraxyo ula beegsato magaalooyinka waa wayn ee gobolkaas oo hoostaga HirShabelle.

Erdogan oo Xasan kala hadlay arrimo xasaasi ah xili maanta uu furmayo wadahadalka Somalia iyo Itoobiya

0

Ankara (Caasimada Online) –Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna ka wadahadleen xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sidoo kale, labada Madaxweyne ayaa si qota dheer isaga warsaday is bedelada gobolka, guud ahaan caalamka iyo sidoo kale xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Madaxweyne Erdogan ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay iskaashiga Turkiga iyo Soomaaliya, sidoo kale wuxuu madaxweynaha uga warbixiyey sida uu rajeynayo in loo dhameeyo xiisadda Soomaaliya kala dhaxeysa Itoobiya.

“Madaxweynuhu wuxuu ku nuux-nuux saday in Turkiga uu sii wadi doono dadaallada uu ku doonayo in lagu xalliyo xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo rajeynaya natiijada la taaban karo ee ka soo bixi doonta wareegga labaad ee wada xaajoodka Turkigu hoggaaminayo ee lagu dhisayo dib u heshiisiinta labada dal,” ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyey bogga Madaxtooyada ee dowladda Turkiga.

Intii uu socday baaqa labada mas’uul waxay dib u xaqiijiyeen inay ka go’an tahay sare u qaadista iskaashiga ka dhexeeya dalalkooda, gaar ahaan dhinacyada danta labada dal, sida iskaashiga, difaaca iyo horumarinta dhaqaalaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku nuux-nuuxsaday doorka Turkiga ee horumarinta wada-hadallada iyo go’aannada nabadeed, si wax looga qabto caqabadaha ka jira gobolka iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya labada waddan ee walaalaha ah, sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

”Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku celceliyay in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay iskaashi dhaqaale iyo mid horumarineed la yeelato Itoobiya, isagoo si adag u sheegay in iskaashigaas oo kale ay tahay in mar walba la ixtiraamo madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, loona hoggaansamo shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah. Sidoo kale, wuxuu ka faa’ideystay inuu u mahadceliyo Madaxweyne Erdogaan dadaalka hagar la’aanta ah ee uu u galay wax ka qabashada arrintan,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Ankara ee dalka Turkiga uu ka furmo wejiga labaad ee wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya oo dowladda Turkiga ay garwadeen ka tahay.

Turkiga ayaa dadaal badan gelinaya sidii loo soo afjari lahaa xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya oo salka ku haysa is-afgaradkii Somaliland ay Itoobiya ugu saxiixday qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Waxaa magaalada Ankara ku sugan wafdiga labada dhinac ku metelaya wada-hadallada, ayada oo xalay uu halkaasi gaaray wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macalin Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Wada-hadalada bilaabanaya oo garwadeen ka tahay dowladda Turkiga ayaa waxaa si qoto dheer diiradda lagu saarayaa xiisadda ka dhalatay heshiiska badda ee ay Itoobiya la gashay Somaliland, kaas oo ay ka carootay dowladda federaalka oo xadgudub ku tilmaamtay.

Labada dhinac ayaa haatan sameeyay isbeddallo, waxaana jiro isku soo dhawaasho ay sidii hore ka sameeyeen Muqdisho iyo Addis Ababa, sida uu shaaciyay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan oo maalmihii dambe waday dadaallo dhex-dhexaadin ah.

Hakan Fidan oo shir jaraa’id ku qabtay Istabul waxa uu sheegay inay soo afjarmi doonto xiisadda isla markaana ay kusoo dhammaan doonto galaangal ay Itoobiya u yeelato badda, iyada oo si toos ah ugala macaamileyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dadka ku nool Khan Younis oo mar kale lagu amray in ay guuraan

Gaza (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa xalay sii balaarisay amar ay Axaddii soo saartay oo ay ku fartay dadka ku nool magaalada Khan Younis ee koonfurta Marinka Qaza, in ay xaafadahooda isaga baxaan.

Amarkaasi ayaa ku qasbay tobnaan kun oo Falastiiniyiin ah oo u badan qoysas in ay xalay saqdi dhexe ay mugdiga ku dhex barakacaan, xilli ay hareerahooda ka dhacayeen madaafiicda taangiyada.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay weerar ku qaadayaan maleeshiyaad ka tirsan Xamaas oo ay ku sheegtay in ay ku dhuumaaleysanayaan Khan Younus.

Amarka cusub ee daadgureynta dadka ku nool koofyrta Gaza ayaa yimid, maalin kaddib marki ay duqeyn ay ciidamada Isra’il ku beegsadeen xarun iskuul oo ay ku noolaayeen qoysas barakac ah lagu dilay ku dhawaad 100 qof, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka ee Gaza.

Magaalada Khan Younis ee ku taal koonfurta marinka Gaza, tilmaamaha Isra’il ee amraya in dadka ay halkaasi isaga baxaan ayaa dhigeysa, in laga baxo dhammaan degmooyinka, bartamaha, bari iyo galbeedka Khan Younis, taasoo ka dhigeysa mid ka mid ah amaradii ugu weynaa ee Khan Younis dadka looga barakiciyo tan iyo marki uu billowday dagaalka Gaza muddo hadda laga joogo 10 bilood.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in inta badan shacabka Gaza oo ka kooban 2.3 milyan ay ka barakaceen guryahooda, halka inta badan guryahoodii dhulka lala simay.

Saraakiisha Falastiiniyiinta iyo Qaramada Midoobay ayaa sheegay in aysan jirin goobo ammaan ah oo ku taalla Marinka Gaza. Deegaano horay loogu asteeyay in ay yihiin aag ka caaggan madaafiicda Isra’il, sida Al-Mawasi oo ku taalla galbeedka Khan Younis ayay ciidamada Isra’il dhowr jeer madaafiic ku garaaceen, halkaas oo lagu dilay dad badan oo rayid ahaa.

VOA + Reuters

Booliska DF oo soo saaray digniin adag oo 7 qodob ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War-Saxaafadeed digniin ah oo ka soo baxay Booliska Soomaaliya ayaa loo diray Milkiilayaasha iyo Darawalada Gaadiidka ka howlgala magaalada Muqdisho.

Hoos ka akhriso qodobada oo dhameystiran:

Dhamaan Milkiilayaasha iyo Darawalada Gaadiidka Waxaa Lagu Wargalinayaa Arimaha Hoos ku Xusan kuwaas oo kala ah:

1. Waxaa Macnuuc ah in La kaxeeyo ama la wato  Gaari aan wadan Taargo iyo Buuga la haanshaha

2. Waa in ay islahaadaan  Buuga gaariga, Jes-nambarka iyo Taargada hadii ay islahaan waayaan waxaan Laga qaadi doonaa Talaabo Adag

3. Waa in Gaariga kasta uu ka diiwaan Gashan yahay Wasaaradda Gaadiidka islamarkaana uu wadto Dukumintiga xaqiijinaaya in uu bixiyey canshuura

4. ayadoo La raacaayo Qaraarkii ka soo baxay Golaha Xukuumada Waxaa markale la cadeynayaaa in aan la keeni Karin lana buufin Karin Mooto Bajaaj Cusub .

5. Waxaa Mamnuuc  ah  in macluumaadka Mooto bajaaj Noqotey Howlgal Sida  (Xafarka A ama B  ) Jesnambarka  ,Taargad Iyo I W M loo Guuriyo Mooto Kale oo aan Laheyn Macluumaadkaas

6. Waxaa si gaar ah  Loogu Wargalinayaa Milkiilashaada  iyo Howl wadeenada Ku Shaqeysta Mooto Bajaajta  in Aan  Xuduudaha Caasimada laga soo gelin Karin  Mooto Bajaaj laga keenay Gobolada Kale

7. Waxaa la xusuusinayaa cidkasta oo ku Guuldareysata u hoggaan Samida  Awaamiirta Sare ku Xusan in ay la kulmidoonto Talaabooyin Adag Oo waafaqsan Sharciga.

Xamsa oo magacaabay 4 xil oo muhiim ah iyo xubnaha qaar oo …

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa magaacabay Agaasimeyaasha Guud ee afar ka mid ah wasaaradaha xukuumadiisa.

Wasaaradaha la bedelay agaasimayaashooda guud ayaa kala ah Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka iyo Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

Ibraahim Aadan Ibraahim (Nadaara) waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.

Yuusuf Cabdiraxmaan Samatar, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada.

Maxamed Bashiir Cumar, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

Cabdullaahi Jamaal Maxamed, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

Dadka qaar ayaa durba toos u bartilmaameedsaday Agaasimayaasha wasaaradaha diinta iyo qoyska, kuwaas oo siyaabo kala duwan loo dhaliilay.

Ibraahim Aadan Ibraahim (Nadaara) oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa ka mid ah raggii ka yimid kooxda Al-Shabaab, iyadoo horay loo saluugsanaa in Mukhtaar Roobow laga dhigay wasiirka wasaaradda diinta.

Sidoo kale Maxamed Bashiir Cumar ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, haweenka Soomaaliyeed ayaa hoos taga wasaaradaan, balse waxay horay tabasho uga taagneed in loo magacaabay Bashiir Goobe, hadana waxay haweenku sugayaan in gabar loo soo magacaabo, laakiin ma noqon, labadaas boos ayaa si weyn loogu dhaliilay xukuumadda.

Hoos ka eeg xubnaha la magacaabay

Dowladda Xasan oo looga digay khiyaano qaran xilli u furmayo wada-hadalka Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Xasan Sheekh ayaa waxaa looga digay inay ku kacaan khiyaano qaran xilli uu magaalada Ankara uu maalinta berri ah ka furmayo wejiga labaad ee wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wada-hadalkan oo uu garwadeen ka yahay Turkiga ayaa la filayaa in lagu soo afjaro xiisadda labad dal ee ka dhalatay is-afgaradkii badda, waxaana isa soo taraya walaaca in dowladda federaalka ay dabac u muujiso damaca Itoobiya, haddii ay ka laabato is-afgaradkii Somaliland.

Maryan Faarax Kaahiye oo ah Senator ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa madaxweyne Xasan Sheekh uga digtay in dowladdiisa ay aqbasho helitaanka badda Soomaaliya.

“Waxaan ka digayaa in maanta Itoobiya lasiiyo Qayb kamida Badda Soomaaliya; waxaan digniintaas u dirayaa Madaxweyne Xasan Shiikh oo u dhaartay Midnimada Shacabka, dhulka, cirka iyo badda Soomaaliya,” ayey Maryan ku tiri qoraal ay soo saartay.

Waxay intaas kusii dartay “Soomaaliya waxaa ku filan Itoobiyo oo ku soo deysa “10 Million Oroma” ah, marka haddaad maanta Itoobiya u oggolaato baddaada u diyaargarow gumeysi iyo xaqiijinta riyaddii Itoobiya ee boqolaalka sano.”

Inkasta oo dowladda federaalka ay meel adag iska taagtay in Itoobiya qaadatay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, haddana waxaa suurta-gal ah in Itoobiya loo ogolaado sidii ay kusoo gaari laheyd biyaha caalamiga ah ama haddii aan si kale u dhigno loo ogolaado deked ay adeegsato.

Hoos ka aqriso qoraalka Senator Maryan

Sida la wada ogyahay, collaadda hadda ka dhextaagan Soomaaliya iyo Itoobiya waa mid ka dhalatay Isafgaradkii Abiye Axmed iyo Muuse Biixi.

Arrinkaas waxaa looga dooday Golaha Wasiirrada Xukuumadda JFS,kaddibna waxaa la geeyey Golaha Shacabka oo go’aan cad kasoo saaray.

Shalay ilaa maanta waxaan maqlayaa Turkey ayaa Heshiis dhex-dhexaadin ah Soomaaliya u keentay,oo Soomaaliya ayaa Itoobiya siinaysa Dhul-badeedkeeda(Saylac). Waxaan la yaabanahay sida fudud ee Madaxda Qaranku u wajahayaan Masiirka Ummadda Soomaaliyeed.

Waxaan ka digayaa in maanta Itoobiya la siiyo Qayb kamida Badda Soomaaliya; waxaan digniintaas u dirayaa Madaxweyne Xasan Shiikh oo u dhaartay Midnimada Shacabka, dhulka, cirka iyo badda Soomaaliya. Waxaan uga digayaa xitaa haddii Itoobiya ka laabato Is-afgaradkii(MOU), waa in aan sinaba looga aqbalin helitaanka Badda Soomaaliya.

Dhanka kale, dib-u-eega Biyo xireenka Wabiga Nile(Grand Ethiopia Renaissance Dam) oo Itoobiya Xoog iyo xeelad ku bilowday 02 April 2011,diiddey in ay Masar iyo Suudaan kala Xaajooto: maanta xaggee xaalku marayaa-intaas Itoobiyo shaqada hoos ayey ka wadatey ilaa ay hadda soo gaartey meel aan waxba laga qaban karin.

Maanta Masar Biyo xireenka ma weerari karto, oo hadday sidaa samayso Masar daadad ayaa qaaday, sidaasna waxaa guuli ku raacda Itoobiya.

Soomaaliya waxaa ku filan Itoobiyo oo ku soo deysa “10 Million Oroma” ah, marka haddaad maanta Itoobiya u oggolaato baddaada u diyaargarow Gumeysi iyo xaqiijinta Riyaddii Itoobiya ee Boqolaalka sano.

Waxaa caqliga salimka ah diidayaa in Turkey oo shalay balan qaadday in ay Soomaaliya ka difaacayso Itoobiya ay maanta ku talinayso Bixinta Badda Soomaaliya!!.

Gunaanadkii, waxaan Madaxweyne Xasan Shiikh uga digayaa in uusan gelin khiyaano Qaran;in uusan Badda Soomaaliya ka iibin Itoobiya;in uusan Itoobiya u oggolaan marin-Baddeedka Soomaaliya.

Xildhibaan sharafta leh ee ku dhaartay Kitaabka, waxaan u soo jeedinayaa in ay fadhiga ka kacaan oo maanta Dalkeena bedbaadshaan; waa taarrikh mugdi gelindoonta jiritaankeena ummadeed.

Shacabka Soomaaliyeed ee qaaliga ah waxaan leeyahay shalay waad diiddeen Is-afgaradkii ee maanta diidda gumeyso iyo in dhulkiina iyo baddiina bilaash lagu bixiyo.

Mar 2-aad, mar 3-aad iyo mar 4-aad, Madaxweyne Xasan waxaan uga digayaa Saxiixidda Qoraal Khiyaano Qaran ah iyo in uu Ummada Soomaaliyeed u horseed Gumeysi-dhuleed!.

RIYADII ITOOBIYA MIYAA RUN KU SOCOTA?

Muqdisho: Xukunka askari si yaab leh u dilay sarkaal saaxiibkiis ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda sare ee ciidamadda qalabka sida ayaa maanta xukun kasoo saartay kiiska Xidigle Maxamed Xasan Maxamed.

Maxamed ayaa loo soo xiray inuu dilay Ex-Xidigle Ridwaan Ibraahim Cabdullaahi oo milatariga ay ka wada tirsanaayen, ahaayeen laba sarkaal oo saaxiib ah.

Falkaas oo dhacay 12-kii May ee sanadkaan ayaa waxaa la sheegay in marxuumka uu u geeriyooday dhaawac daran oo kasoo gaaray bistoolad uu “si kaftan ah” ugu dhuftay Xidigle Maxamed Xasan.

Baaris dheer kadib xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiisaskan, fadhiyo kala duwan kadibna maxkamadda darajada koowaad ayaa xukun ka soo saartay 24 bishii May ee sanadkaan, balse xeer ilaalinta ayaa markaas racfaan ka qaatay xukunkaasi.

6-dii bishaan August, maxkamadda sare ee ciidamadda qalabka sida oo aqbashay dalabkii racfaanka, iyada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

Xidigle Xoogga Maxamed Xasan Maxamed ayey maxkamadda sare ku xukuntay inuu bixiyo boqol neef oo geel ah oo ah magta marxuum Ex-Xidigle Xoogga Ridwaan Ibraahim Cabdullaahi iyo sidoo kale labo sano oo xabsi ciidan ah.

Ninkan ayaa sida la sheegay aad ugu fara ka ciyaari jiray hubka saaxiibadiisa shaqo wadaagta yihiin, ayada oo marqaatiyaashi la keenay maxkamaddana ay sheegeen in bistoolada uu Maxamed ku dhuftay Ridwaan oo ahaayeen sarkiil saaxiib ah uusan iska hubin in qasnada ku jirtay iyo inkale, ayada oo markii hore qasnadu ku jirin, balse gadaal cid gelisay la garan waayey.

Muuse Biixi oo si adag ugu jawaabay Turkiga xilli uu soo afjarmayo heshiiski badda

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si adag uga hadlay dadaaladda uu Turkiga ku doonayo inuu meesha uga saaro heshiiskii badda ee Somaliland iyo Itoobiya.

Heshiiskan oo xad-gudub ku ahaa madax-banaanida Soomaaliya ayaa xilligan u muuqda mid soo afjarmaya, ayada oo wejiga labaad ee wada-hadallada xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya uu Ankara ka furmayo maalinta berri ah.

Muuse Biixi ayaa gef ku tilmaamay in Turkiga uu soo faro-geliyo arrimaha Somaliland, isaggoo sheegay in marnaba aysan aqbaleyn in Soomaaliya la hoos geeyo, ayna yihiin dal madax-banaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Shalay waxaa jaraa’idka caalamka kusoo baxay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga oo arrimaha Somaliland soo faro-geliyay oo yiri waxaan ku talinayna in Itoobiya ay Somaliland usoo marto Xasan Sheekh, taasi waa gaf qarannimada Somaliland, taasina aqbali mayso Somaliland,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waxa uu intaas kusii daray “Wasiirka waxaa u sheegaya taas waxay lamid tahay in aad tiraahda qoraxdii ayaa galbeed kasoo baxday, suurtoobi meysana in Somaliland looga taliyo Xamar.”

Hadalka Muuse Biixi ayaa imanaya xilli uu socon waayey qorshaha is-afgaradkii Addis Ababa loogu rogayay heshiis rasmi ah, iyada oo lagu wado in Itoobiya ay si xeeladeysan uga laabato gebi ahaanba heshiiskaasi oo Somaliland ay sheegtay inay ku beddelaneysay aqoonsi.

Si kastaba, dowladda Turkiga ayaa si laba jibaartay dadaalkeeda ku aadan xal u helidda xiisadda diblumaasiyadeed ee ka dhex aloolsan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska uu Abiy Axmed la gashay maamulka Somaliland.

Xogtii u dambeysay wada-hadallada berri Ankara uga furmaya Somalia iyo Ethiopia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalinta berri ah lagu wadaa in magaalada Ankara ee dalka Turkiga uu ka furmo wejiga labaad ee wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya.

Turkiga ayaa dadaal badan gelinaya sidii loo soo afjari lahaa xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya oo salka ku haysa is-afgaradkii Somaliland ay Itoobiya ugu saxiixday qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Waxaa magaalada Ankara ku sugan wafdiga labada dhinac ku metelaya wada-hadallada, ayada oo xalay uu halkaasi gaaray wasiirka arrimaha dibadda iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Wada-hadalada bilaabanaya oo garwadeen ka tahay dowladda Turkiga ayaa waxaa si qoto dheer diiradda lagu saarayaa xiisadda ka dhalatay heshiiska badda ee ay Itoobiya la gashay Somaliland, kaas oo ay ka carootay dowladda federaalka oo xadgudub ku tilmaamtay.

Labada dhinac ayaa haatan sameeyay isbeddallo, waxaana jiro isku soo dhawaasho ay sidii hore ka sameeyeen Muqdisho iyo Addis Ababa, sida uu shaaciyay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan oo maalmihii dambe waday dadaallo dhex-dhexaadin ah.

Hakan Fidan oo shir jaraa’id ku qabtay Istabul waxa uu sheegay inay soo afjarmi doonto xiisadda isla markaana ay kusoo dhammaan doonto galaangal ay Itoobiya u yeelato badda, iyada oo si toos ah ugala macaamileyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

“Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya waxay soo afjarmi doontaa in Itoobiya ay galaangal u yeelato badda iyada oo soo mareysa Soomaaliya ilaa inta Itoobiya ka xaqiijinayso midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya” ayuu yiri Hakan.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa kahor furitaanka shirka khadka telefoonka kula xiriiray ra’iisul wasaare Abiy Axmed, isaggoo kala hadlay wada-hadallada maalinta berri ah ka furmaya Ankara.

Erdogan ayaa xaqiijiyay in dowladdiisa ay sii wadeyso dadaallada ay ku dooneyso in lagu soo afjaro xiisadda ka dhex taagan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Itoobiya ayaa iyadna dhankeeda aqbashay inay ka fogaato dhammaan ficillo kasta oo dhaawacaya madax banaanida dhuleed ee Jamhuuriyada Soomaaliya, sida lagu sheegay war kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Turkiga.

Isku soo wada duubo, wada-hadallada labada dhinac ayaa isha lagu hayaa, waxaana lagu wadaa in dhinacyadu ay heshiis ku gaari doonaan in laga laabto is-afgaradkii Somaliland, iyada oo Itoobiya loo ogolaanayo inay hab ganacsi kusoo gaarto biyaha caalamiga ah oo deked laga kireeyo.