26.8 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Soomaaliya oo laga cabsi qabo inay furin qarsoon u noqoto Itoobiya iyo Masar – Sidee?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa noqon karta garoonka dagaalka ee dalalka isku eryanaya biyaha Webiga Nile.

Dowladda Itoobiya ayaa waayahan si weyn ugu dagaalamaysay in Soomaaliya lagu cadaadiyo inay joojiso tallaabada ay ku dooneyso in ciidanka Itoobiya ka wada baxaan guud ahaan dalka daba-yaqaadda bisha December ee sanadkan.

Waxaase hadda dhinaca kale timid inay Masar aqbashay inay kamid noqoto dalalka ciidamada usoo diraya Soomaaliya, halkaas oo 2025 uu ka bilaaban doono howl-gal cusub oo Midowga Afrika.

Bisha Janaayo 2025 waxaa la daah-furayaa howl-galkii saddexaad oo Midowga Afrika uu ka sameeyo Soomaaliya kadib AMISOM iyo ATMIS. Howl-galkan cusub waxaa loo bixiyay AUSSOM, sida ay 7-dii bishan xaqiijiyeen golaha ammaanka iyo nabadda ee Midowga Afrika.

Durba laba waddan ayaa aqbalay inay howl-galkan ciidan cusub ku biiriyaan, waana Masar iyo Jabuuti.

Imaatinka ciidan ka socda waddanka Masar ee gudaha Soomaaliya keliya ma noqon doonto mowduuc ku eeg Soomaalida ama ciidan nabad ilaalin ah oo dal loo diray, balse waxaa ku xardhan loolan siyaasadeed oo Qaahira iyo Addis Ababa ka dhaxeeya.

Itoobiya waxay haatan jiifta caloosha Soomaaliya, waxaana ciidan ka jooga illaa lix gobol oo kamid ah Jamhuuriyaddii Soomaaliya ee xorowday 1960-kii. Tan iyo 1996 ciidanka Itoobiya ayaa si sharci darro ah marba qeyb uga soo galay Soomaaliya, taas oo sii xoojisay naceybka ay Soomaali badan u qabaan Itoobiya.

Go’aanka ay Masar ku aqbashay inay ciidan usoo dirto Soomaaliya ayuu ka mahad-celiyay golaha ammaanka iyo nabadda ee Midowga Afrika, laakiin dadka siyaasadda gobolka ka faallooda ayaa su’aal culus dul dhigaya imaatinka ciidanka Masar ee gudaha Soomaaliya, xilliga ay kusoo aadeysa oo ah waqti ay xiisadi dhex taallo Soomaaliya iyo Itoobiya, Masar iyo Itoobiya iyo sida ay noqon doonto fal-celinta qarsoon ee ka imaan karta dhanka dowladda Itoobiya.

Falanqeeyayaasha qaar ayaa xasuusinaya Soomaaliya foojignaan xoog leh oo u badan mid sirdoon iyo mid bulsho, sababtana waa inay jiraan dad ka walaacsan inay abuurmi karto furin qarsoon.

Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an sida muuqata inay qaado tallaabo walba oo ay ku difaaceyso dhulkeeda, laakiin ma jiraan wax diidaya in tallaabooyinka qaar aad loo akhriyo oo aan xamaasad lagu darin, loona diyaar-garoobo go’aanka ah inay Itoobiya baxdo Masar-na ay timaado.

Furintan marna waa faa’iido, marna fidno cusub ayay noqon kartaa oo ma sahlana in labo waddan oo milateri ahaan iyo sirdoon ahaanba sidaa u xooggan inay gudaha dalkaaga isku eryadaan.

Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh sida muuqata iyadu waxay xooga saareysa in howl-galkaan cusub dhaqan-gal noqdo, inay Itoobiya meel kusoo xirto iyo inay muujiso in ay ku filan tahay inay ilaaliso dhulka iyo badda Soomaaliyeed, taasina waa arrin muddan in lagu bogaadiyo, balse Soomaalidu waa inay indho intaan ka badan ku eegta marxaladan soo aadan.

Wax badan ka ogow arrimo xasaasi ah oo sababay lacag la’aanta ka jirta Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool magaalada Muqdisho ayaa kor u sheegay in dhaqaale la’aanta iyo busaarada ka jirta caasimadda ay gaartay halkii ugu xumeyd dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay.

Waxay dowladda federaalka ugu baaqeen inay xal u raadiso xaaladda dhaqaale xumada, laakiin sida uu madaxweyne Xasan Sheekh uga jawaabay busaaradda dhalinyarada haysata ayaa caro kale sii abuurtay kadib markii uu shalay ka hadlay Masaajidka Madaxtooyadda.

Dad isugu jira shacab, aqoonyahano iyo siyaasiyiin ayaa madaxweynaha ka dalbaday inuu cudur-daar ka bixiyo ereyadii uu u adeegsaday dhalinyarada ka cabaneysa shiidka iyo shaqo la’aanta.

Weli madaxtooyada kama jawaabin cabashada ka dhalatay sida uu madaxweynaha u naqdiyay cabashada shacabkiisa. Balse waxaa warbixintan kusoo koobeyna lix arrimood oo keentay cabashada dhaqaale ee ka jirta magaalada Muqdisho.

1. Lacagihii wareegi jiray ee argagixisada oo istaagay

Waxaa la qiyaasaya in lacag ku dhow 300 milyan oo dollar oo ay dad isqarinaya ugu shaqeyn jireen argagixisada inay istaagtay kadib markii dowladda daba-gal xoogleh ku bilowday.

Ma ahan in lacagahan gacanta lagu dhigay ee kooxda ayaa la baqday kadibna dhaq-dhaqaaqi ayey joojiyeen. Lacagahan waxay ku jireen ganacsiyada dhulalka, dhismayaasha casriga ah, dhoofka iyo soo dejinta alaabaha, ganacsiyada raashinka iyo meelo kale.

Haddii ay istaagto 300 milyan oo dollar oo wareegi jirtay waa qasab in la dareemo.

2. Qamaarka 1xbet

Si xoog leh oo aan weligeed la arag ayay dhalinyarada Soomaaliyeed u galeen qamaarka. Iyada oo diiniyan iyo dhaqan ahaanba ay aheyd in arrintaan laga hortago, lagana gaabiyay, haddana wixii yaraa ee dhalinyarada sida maalinlaha u heli jirtay waxaa inbadan oo kamid ah looga cunaa qamaarka, gaar ahaan midka ay dhalinyarada Muqdisho aadka u isticmaalan ee loo yaqaano 1xbet.

3. Lacagaha galay halka gacan

Intii ay jirtay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ee ka yimaada dhinaca dowladda waxay galeen hal gacan, oo wixii ay qaatana dibadda ku maal-gashada. Kooxdan lacagaha ku waalan ee dowladda ka tirsan ama gacan saarka la’leh ma haysan wax fursad ah xilligii dowladdii Farmaajo.

Lacagaha halka gacan galay ee dibadda loo rarayo waa culeys kale oo magaalada ku yimid.

4. Dowladdii oo shaqo abuur keeni weysay

Nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa weli ku guuleysan inuu curiyo hal mashruuc oo weyn oo shaqo abuur ah, xilli ay sanad walba kumanaan dhalinyaro ah kasoo qalin-jabinayaan jaamacadaha dalka.

5. Ganacsiyada u xirmay canshuuraha xad-dhaafka

Qaar kamid ah ganacsiyada caasimadda ku yaalay ayaa u xirmay saddex jeer oo canshuurta guud la kordhiyay iyo dhowr jeer oo dadka Muqdisho lacago badan oo magacyo kala duwanle la dulsaaray.

Marwalba oo canshuurta la kordhiyo, maamulka gobolka Banaadir iyo shirkadaha qandaraasyada la siiyayna alifaan lacago kale oo joogto ah waa qasab inay ganacsiyada qaar socon waayan, taas oo ka dhigan in dad shaqo haystay ay noqonayaan baagamuudo.

6. Sicir-bararka

Marwalba oo canshuurta la kordhiyo ama lacagaha magacyada badan lagu qaado, ganacsatadu waxay iyaguna lacagtaas dul-saaran shacabka danyarta ah, taas oo iyaduna kamid ah waxyaabaha sii adkeeyay nolosha dadka reer Muqdisho.

Midda toddobaad ee aan ku biriin karno qodobadan waa mashaariicda xayiran.

Lacagaha Muqdisho wareegi jiray waxaa kamid ah lacagaha ka yimaada mashaariicda ay bixiyaan UN-ka, World Bank iyo hay’daha kala ee caalamiga ah ee fadhiga ku leh magaalada Muqdisho.

Balse hadda inta badan mashaariicda waa taagan yihiin, waxaana loo sababeeya tayo xumada xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza.

Toddobadan arrimood oo isbiirsaday ayaa Xamar ku riday shiid iyo shaqo la’aan. Dowladdana waxaa laga rabaa inay culeyska jira qiimeyso kadibna xal raadiso.

DF oo lagula taliyay inay ku adkeysato laba qodob kahor shirka Ankara

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ayada oo lagu wado in maalinta Isniinta ah ay dib u billowdaan wada-hadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku aadan xiisadda ka dhalatay heshiiska badda ayaa waxaa dowladda federaalka loo jeediyay dalab culus oo ku aadan shirka ka dhacaya Ankara oo ay gar-wadeenka ka tahay dowladda Turkiga.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdshakuur Warsame oo qoraal soo saaray ayaa kula taliyay dowladda Soomaaliya inay laba arrimood ay ku wajahdo Itoobiya oo horay xad-gudub ugu gaysatay madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, kadib heshiiskii badda.

“Sidaa daraadeed waa in Dowladda Soomaaliya ay ku adkaysataa; 1- In Itoobiya ay si cad oo aan mugdi ku jirin uga laabato Is-afgaradkii sharci darrada ahaa ee ay maamulka Somaliland la saxiixatay, caddaysana in ay Soomaliland ka mid tahay Soomaaliya. 2- In ay u hoggaansato sharciga caalamiga ah iyo curfiga diblomaasiga ah oo aysan xiriirka diblomaasiga ee rasmiga ah u gacan dhaafin Dowladda Soomaaliya” ayuu yiri Warsame.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dowladda dhexe inay ka digtoonaato taaktikada Itoobiya ee ku dhisan Istaraatiijiyada mugdigelinta, maadaama ay rabto inay hesho deked.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhameystiran:-

Itoobiya iyadaa ku dhiiratay in ay ku xadgudubto madaxbanaannida Soomaaliya. Sidaa daraadeed ma haboonayn in miiska wadahadalka lala fariisto inta ay ka noqonayso xadgudubka, waase dhacdaa in mararka qaarkood ay kula soo gudboonaato huriwayto iyo ku qabatay, laakiin waa in Soomaaliya ka digtoonaato taaktiikada Itoobiya ee ku dhisan Istaraatiijiyada mugdigelinta  (Strategic Ambiguity) iyo farsamada dhagarta (deception tactics).

Sidaa daraadeed waa in Dowladda Soomaaliya ay ku adkaysataa;

1- In Itoobiya ay si cad oo aan mugdi ku jirin uga laabato Is-afgaradkii sharci darrada ahaa ee ay maamulka Somaliland la saxiixatay, caddaysana in ay Soomaliland ka mid tahay Soomaaliya.

2- In ay u hoggaansato sharciga caalamiga ah iyo curfiga diblomaasiga ah oo aysan xiriirka diblomaasiga ee rasmiga ah u gacan dhaafin Dowladda Soomaaliya.

Maadaama waxa miiska saaran ay tahay midnimada iyo wadajirka dhuleed ee qaranka Soomaaliya, dawlada Soomaaliya waa in aysan soo qaadin wax mugdi ku jiro oo fasiraad kala duwan yeelan kara.

Itoobiya maanta teeda ayeysan ka badi karin, wayna ka nugayl badan tahay Soomaaliya oo ah dal isku imaanaya, halka ay iyagu yihiin dal kala tegaya, mana aha in aan aqbalno wax kasta ama cid kasta oo isku dayda in ay inoo hoosaasiso ama loogto.

Erdogan oo taleefoonka kula xiriiray Abiy kahor shirka Ankara

0

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa si laba jibaartay dadaalkeeda ku aadan xal u helidda xiisadda diblumaasiyadeed ee ka dhex aloolsan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska uu Abiy Axmed la gashay maamulka Somaliland.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo arrintsan toos usoo farogeliyay ayaa xiriir khadka taleefoonka ah la sameeyay ra’iisul wasaare Abiy Axmed, isaga oo kala hadlay arrimo xasaasi ah oo ay ugu horreyso xiisadda ka dhalatay heshiiska badda.

Erdogan ayaa shaaca ka qaada in dowladdiisa ay sii wadeyso dadaallada ay ku dooneyso in lagu soo afjaro xiisadda ka dhex taagan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in tallaabooyinka ay qaadayso Itoobiya oo meesha ka saaraysa wel-welka Soomaaliya ee ku aaddan midnimadeeda, madax-bannaanideeda iyo wadajirkeeda dhuleed ay fududeynayaan hannaan wada-hadal oo dhab ah.

Itoobiya ayaa sidoo kale aqbashay inay ka fogaato dhammaan ficillo kasta oo dhaawacaya madax banaanida dhuleed ee Jamhuuriyada Soomaaliya, sida lagu sheegay war kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Turkiga.

Wada-hadalka labada mas’uul ayaa kusoo aaday, kahor shir ay beri oo Isniin a Ankara ku yeelan doonaan wasiirada arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Itoobiya oo dib usii amba qaadaya wada-hadallada u dhexeeya labada dal ee ay garwadeenka ka tahay dowladda Turkiga.

Labada dhinac ayaa haatan sameeyay isbeddallo, waxaana jiro isku soo dhawaasho ay sidii hore ka sameeyeen Muqdisho iyo Addis Ababa, sida uu shaaciyay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan oo maalmihii dambe waday dadaallo dhex dhexaadin ah.

Hakan Fidan oo shir jaraa’id ku qabtay Istabul waxa uu sheegay inay soo afjarmi doonto xiisadda isla markaana ay kusoo dhammaan doonto galaangal ay Itoobiya u yeelato badda, iyada oo si toos ah ugala macaamileyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayad aoo todobaadkii hore wasiirka arrimaha dibadda dalka Turkiga uu booqday magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu kula kulmay ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo uu kula hadlay dhammeynta xiisadda taagan.

Villa Soomaaliya oo soo jawaabtay: Wadada Shiidka looga baxayo waxay aadaa JILIB

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Villa Soomaaliya ayaa mar kale soo jawaabtay, kadib markii ay hadal-heyn xoogan ka dhalatay khudbadd uu Jimcihii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka jeediyay masjidka Madaxtooyada, taas oo uu uga hadlay cabashada kasoo yeereysa dhalinyarada ee ku aadan shiidka ama lacag la’aanta.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Cali Dige oo qoraal dheer soo saaray ayaa u jawaabay siyaasiyiinta iyo dadka kale ee naqdiyay hadalka madaxweynaha, wuxuna sheegay madaxweynuhu uu kaalinta koowaad kaga jiro kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in waddada shiidka looga bixi karo ay aado degmada Jilib oo ah xarunta ugu wayn ee kooxda Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay haddii la xoreeyo ay ka dhigan tahay in laga adkaaday Shabaab, barwaaqana la helayo.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in 2021-kii ay shaqo la’aanta ay gaartay heerkii ugu sarreeyay, laakiin ay hoos u dhacday 2023-kii, sida uu ku sheegay qoraalkiisa.

Hoose ka akhriso:-

WADADA LOOGA BAXAYO “SHIIDKA” BARWAAQANA LAGU GAARAYO WAXA AY AADDAA JILIB

Xasuusin:

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu kaalinta 1-aad kaga jira kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka 24-kii sano ee lasoo dhaafay madaxdii soo maray dalka. Ma ahan ra’yi ee xogta hay’adaha caalamiga ee dhaqaalaha ayaa ka marqaati kacaya.

Heerka shaqo la’aanta ayaa hoos u dhacay 0.7% intii u dhaxaysay 2012 iyo 2017, taasoo keentay shaqo abuur gaaraya 105,000. Shaqo la’aanta ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay 2021, laakiin waxay hoos u dhacday 0.6% sannadkii 2023, taasoo keentay in 90,000 oo muwaadin ay shaqo helaan (World Bank). Waxaa intaa dheer, in dhaqaalaha guud ee dalka (GDP) uu kor u kacay, maanta waa 4.2, halka uu ahaa 2.4% sannadkii 2022.

Dhaqaaluhu inuu kobco, shaqo la helo, dalku horumaro, Soomaaliya Barwaaqo ah la gaaro waxaa ku hor gudban cadowga 1-aad ee qof walba oo Soomaali ah uu leeyahay oo ah Khawaarijta ku naaxay daadinta dhiiga dadka masaakiinta ah iyo curyaaminta dowladnimada Soomaaliya.

  1. MUHIIMADA 1AAD EE DOWLADA

Muhiimada 1-aad ee Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh waa in dalka laga ciribtiro argagixisada Al-Shabaab. Waxaana yoolkaas laga gaaray guulo waaweyn oo 800 km looga xoreeyay argagixisada. Todobaatan sano jir asaga oo ah ayuu tuute ciidan u xirtay, 70% waqtigiisana waxa uu ku bixyaa sidii loo gaari lahaa Soomaaliya ka madaxbanaan argagixiso.

  1. DAMIIRKA DHALINYARADA KA CABANAYA SHIIDKA

Damiirka dhalinyarada ka cabanaya shiidka haddii calaamad su’aal la saaro ma qalad baa? Jimcihii hore waxa ay argagixisada Al-Shabaab weerar bahalnimo ah ku qaadeen dhalinyaro joogay xeebta Liido oo cid ay danbi ka galeen iyo wax ay galabsadeen aysan jirin.

Waxa ay markale ku xasuusiyeen in aad xukumantahay oo aad la mid tahay walaalka iyo walaasha xeebta Liido lagu xasuuqay. 3 maalmood kadib dareenka ku kiciyay ee shiidka iyo shaqo la’aanta un ku saabsan maxuu yahay? Sida aad u qabto tabashada oo aad xaq ugu leedahay dowladda ayuu dalkaagana waxa uu kugu leeyahay in aad daafacdo balse waxaa ka horeeya naftaada dilka ku xukuman in aad xariga qoorta ugu jira ka saarto.

Haddaba, waxaa ku hortaala labo doorasho:

  1. In aad sii ahaato daawade xukuman
  2. In aad diyaar u noqoto wajihidda waaqica oo aad garab u noqoto halyeeyada naftooda huraya. Mushaar iyo maamuusba waad ka helaysaa, hadii la guuleysto oo ay dhabowdo riyada dib u curashada Soomaaliya waxaa laga yaabaa in aad ka mid noqoto halyeeyada u halgamay dib u xoreynta dalka ee dugisyada lagu baran doono taariikhdooda.

Dab xoogan oo ka kacay suuqa Jowhar + Sawirro

0

Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo saaka ka kacay suuqa magaalada Jowhar ee xarunta HirShabelle, kaas oo gaystay khasaare hantiyeed oo baaxad leh.

Dabka ayaa lasoo warriyay inuu kusii fidayo goobo ganacsi oo suuqa ku yaallay, waxaana aad u yaraa gurmadka la heli karay sida ay sheegeen ganacsatadu.

Qaar kamid ah ganacstada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in burbur xooggan uu soo garay gooba ganacsi oo badan.

Ganacsatada ayaa sidoo kale sheegay in dabka u si gaar ah u sameeyay makiinado lagu shiido Sisinta, isla markaana ay gobteen boqol loor oo Sisin ah oo ay lahaayeen ganasatada suuqa wayn ee magaalada Jowhar.

“Waxa dhacay waa musiibo, waxaana iga gubtay saddex makiinad oo ah kuwa Sisinta lagu shiido iyo boqol loor oo Sisin ah, masiiba rabaani ah ayaa nagu dhacaday” ayay tiri haweeney kamid ganacsatada ku hanti beeshay suuqaasi.

Sidoo kale maamulka magaalada Jowhar oo kaashanaya dadka shacabka ah oo gurmad deg-deg ah sameeyay ayaa ugu dambeyn ku guuleystay daminta dabkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, inkastoo burbur aad u xoogan laga dareemayo suuqa wayn ee magaalada Jowhar oo ah halka uu dabka ka kacay.

Laba nin oo aano QABIIL loogu dilay Galgaduud + Magacyada

0

Cadaado (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ay mar kale maleeshiyaad hubeysan xalay ka gaysteen qaybo kamid ah gobolka Galgaduud, kaas oo lagu dilay dad shacab ah oo xahaa xoolo dhaqato.

Dilka ayaa ka dhacay tuulada Baalal-dheer oo hoostagta deegaanka Cadakibir ee gobolkaasi, waxaana gaystay rag hubeysan oo goobta isaga baxsaday.

Weerarka ayaa waxaa lagu dilay laba nin oo lagu kala magacaabi jiray Axmed Wehliye Guure iyo Cabdinuur, kuwaas oo deegaan ahaan kasoo jeeday magaalada Cadaado.

Xaaladda deegaanka ay mashaqadu ka dhacday ayaa haatan kacsan, waxaana laga dareemayaa xiisad kala dhalatay dilka labadaas ruux oo salka ku hayo aano qabiil.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka deegaanka iyo saraakiisha laamaga amniga Galmudug oo ku aadan falkaas dilka ah ee loo gaystay xoolaha dhaqatada.

Waxaa dhacdadan ka horreysay mid kale oo habeen hore ka dhacday Galgaduud, kadib markii labo wiil oo walaalo ahaa aano qabiil darteed loogu dilay deegaanka Oodan ee bariga gobolkaasi.

Sidoo kale waxaa sidan oo kale oo horay Galgaduud loogu dilay macallin Dugsi Qur’aan iyo walaalkiis oo dhaqtar ahaa, waxaa lasoo qabtay raggii dilay oo iyagana toogasho lagu fuliyay.

Si kastaba, dilalka sii kordhaya ayaa dhaawacaya heshiiska nabadda ee dhowaan uun laga gaaray colaad beeleedyada ka taagan gobollada dhexe ee dalka.

ISRAEL oo soo celisay musiibadii Abu Ghraib iyo dunida oo ka aamusan

0

Gaza (Caasimada Online) – Mareegta Middle East Eye maqaal ay qoreen qorayaasha Peter Oborne iyo Lubna Masarweh ayaa waxa uu ciwaankoodu ahaa “Israa’iil waxay soo celisay musiibadii Abu Ghraib, duniduna way iska aamustay.”

Qoraalkooda wadajirka ah, ayaa qorayaashu waxay ku xiriiriyeen muuqaallada naxdinta leh ee muujinaya gabood-falladii ay ciidammada Maraykanku ku dhawaad​​labaatan sano ka hor ka geysteen xabsiga Abu Ghraib ee dalka Ciraaq iyo waxa ka dhacaya xabsiyada Israa’iil ee ku aaddan maxaabiista Falastiiniyiinta ah.

Qorayaashu waxay sheegeen in muuqaallo la mid ah, lagana yaabo in ay kasii daranyihiin, ay ka dhacayeen xabsiyada Israa’iil tan iyo 7-dii Oktoobar, markii uu billowday dagaalka Gaza.

Maqaalka ayaa soo jeedinaya muuqaallada la faafiyay ee toddobaadkan la daabacay, kuwaas oo ay ku tilmaameen “mid laga naxo,” oo muujinaya askarta Israa’iil oo faraxumayn ku haya maxbuus Falastiini ah.

Maqaalku waxa kale oo uu iftiimiyay warbixin ay soo saartay hay’adda xuquuqul insaanka Israa’iil ee B’Tselem, taas oo iftiimisay siyaasadda dawladda ee sida joogtada ah ula dhaqanto iyo jir-dilka maxaabiista tan iyo bilowgii dagaalka.

Maqaalku waxa uu intaa ku daray in warbixinta B’Tselem oo ku salaysan waraysiyo lala yeeshay 55 falastiiniyiin ah oo la xiray tan iyo weerarkii Xamaas ee koonfurta Israa’iil 7-dii October, ay ahayd mid xanuun badan oo dhib badan.

Waxayna warbixintu caddaynaysaa in lagula kacay bahdil, garaacid aan loo meel dayin, hurdo la’aan iyo xadgdubyo kaleo aad u daran.

B’Tselem waxay cinwaan uga dhigtay warbixinteeda “ku soo dhawoow cadaabta,” sida lagu sheegay maqaalka.

Daawo: Fal argagax leh oo ka dhacay Beledweyne iyo xaalad halis ah oo ka taagan

0

Beledweyne (Caasimada Online) –Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay fal argagax ku reebay shacabka, kadib markii rag hubeysan oo tuugo ah oo markii hore taleefanada dhici jiray ay bilaabeen inay kufsadaan gabdhaha yaryar.

Labo gabdhood ayaa xalay lagu kufsaday xaafad ka tirsan Beledweyne, waxaana falkaas geystay rag hubeysan, xaaladda magaaladaas ayaa faraha ka baxday.

Warbaahinta Hiiraanweyn oo ka howlgasha magaalada Beledweyne ayaa soo tebisay cabashada waalidiinta iyo xogta gabdhaha la kufsaday oo ka sheekeeyey sida ay ragaasi u xoogeen iyo xaaladda ay ku jiraan.

Gabdhaha oo warbaahinta u waramay iyagoo wajigooda qarinaya, si mustaqbalkooda aysan waxyeelo u gaarin ayaa sheegay in suuqa adeeg looga diray, balse meel xaafada u dhow ayey uga hor yimaadeen labo nin oo qori wata, kadibna waxay ku bilaabeen jir-dil inay kala jiitaan gabdhaha, ilaa ay ka kufsadeen.

Kufsiga kadib, waxay ka qaateen taleefankii loo dhiibay si adeeg ay ugu soo gadaan reerka, waxayna weydiiyeen Pin-ka, iyagoo ka shubtay lacagtii ku jirtay, gabdhaha waxaa ka muuqda jir-dil xoog leh, waxayna wareysigaan ku muujiyeen xaalad quus ah.

Aabaha iyo Hooyada dhalay gabdhahaan ayaa warbaahinta la wadaagay dareenkooda, ugu horeyn waxay codsadeen cadaalad, waxayna sheegeen in aad loogu tacadiyey gabdhahooda.

Aabaha ayaa sheegay in gabadha qeyn ay jirto 17 sano, halka gabadha yar ay jirto 14 sano, labada gabdhooda waxaa aad loogu tacadiyey mida weyn oo labada ninba ay isku mareen, halka tan yar dhibaateeyeen oo waxaba aysan u reeban.

Hooyada dhashay gabdhahaan ayaa sheegtay inay yihiin masaakiin aan awoodin inay xaqooda raadsadaan, waxayna dowladda federaalka iyo HirShabeelle ka codsadeen in loo soo gurmado oo cadaalad loo raadiyo.

Xaaladda magaalada Beledweyne ayaa hadda xumaatay, meel kasta waxaa lagu furtaa taleefoonada shacabka, magaalada waxaa buuxa ciidamo hubeysan oo aan kala amar qaadan, ammaankiina wuxuu noqday masuuliyad wadareed.

Koox hubeysan ayaa xalay magaalada Beledweyne ku dishay guddoomiye ku xigeenkii dhinaca maaliyadda ee maamulka degmada Beledweyne, Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cabdisahal Shuuriye ayaa waxaa lasoo wariyay inay toogasho ku dileen kooxo hubeysan, xilli uu ku sugnaa bartamaha magaalada.

Hoos ka daawo

 

Wafdiga DF ku metelaya wadahadalka Itoobiya oo gaaray Ankara iyo xog soo korortay

0

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa dedejineysa qorshaha heshiiska lagu dhex-dhigayo Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana la gudaha galay kulamadii lagu balansanaa oo laga soo hormariyey waqtigii horay loo qorsheeyey oo ahaa 2-da bisha soo socota ee September.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray mahaalada Ankara ee dalka Turkiga, halkaas oo wadahadalada Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka bilaabanayaan.

Wafdiga dowladda Soomaaliya ayaa casuumad rasmi ah ka helay Dowladda Turkiga, waxayna ka qayb gali-doonaan wareegga labaad ee wadahadalka Soomaaliya iyo Itoobiya, sida lagu cadeeyey qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.

Wadahadalada bilaabanaya waxaa garwadeen ka ah Dowladda Turkiga, sida ay sheegtay Wasaarada arrimaha dibada Soomaaliya, waxaana lagu wadaa inuu magaalada Ankara ka furmo maalinta Isniinta ah ee 12-ka bishaan August.

Wada-hadallada oo si rasmi ah u furmi doono todobaadka soo socda ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa xiisadda ka dhalatay heshiiska badda ee ay Itoobiya la gashay Somaliland, kaas oo ay ka carootay dowladda federaalka oo xadgudub ku tilmaamtay.

Labada dhinac ayaa haatan sameeyay isbeddallo, waxaana jiro isku soo dhawaasho ay sidii hore ka sameeyeen Muqdisho iyo Addis Ababa, sida uu shaaciyay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan oo maalmihii dambe waday dadaallo dhex dhexaadin ah.

Hakan Fidan oo shir jaraa’id ku qabtay Istabul waxa uu sheegay inay soo afjarmi doonto xiisadda isla markaana ay kusoo dhammaan doonto galaangal ay Itoobiya u yeelato badda, iyada oo si toos ah ugala macaamileyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

“Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya waxay soo afjarmi doontaa in Itoobiya ay galaangal u yeelato badda iyada oo soo mareysa Soomaaliya ilaa inta Itoobiya ka xaqiijinayso midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya” ayuu yiri Hakan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayad aoo todobaadkii hore wasiirka arrimaha dibadda dalka Turkiga uu booqday magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu kula kulmay ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo uu kula hadlay dhammeynta xiisadda taagan.

Maxaa ka jira in dowladaha Somalia iyo Iran ay dib u soo celinayaan xiriirkooda?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wadamada Iskaashiga Islaamka ayaa lahjad adag ku dhaleeceeyay Israel, iyaga oo ku dhaliilay tallaabooyin aan wanaagsaneyn sida ay sheegeen oo ka dhan ah weerarka ay ku hayaan shacabka Falastiin iyo ku xad gudubka gobannimada Iiraan.

Kulan ka dhacay Jiddah ayaa wasiirrada arrimaha dibedda ee dalalka Islaamku waxa ay soo jeediyeen in baaro xad-gudubyadii dhacay oo ay ku eedeeyeen Israel.

Bayaan ay sii daysay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu muujiyay sida Waddamada Islaamku uga xun yahiin ku xad-gudubka gobanimada Iiraan, xilli xukuumadaha Muqdisho iyo Iiraan uusan ka dhexeyn xiriir diblumaasi ah.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay shirka wadamada Iskaashiga Islaamka, kaas oo looga hadlay xadgudubka Israa’iil ay ku heyso madaxbanaanida iyo gobanimada dalka Iran, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda.

Shirkaas ayaa 8-dii bishaan ka dhacay magaalada Jiddah ee dalka Sacuudiga, waxayna Soomaaliya iyo dalalka kale ee carabta dalbadeen in la baaro xadgudubyada Israa’iil ay ka geysatay dhulka Falastiin.

War-saxaafadeedka oo ku qoraa luuqada carabiga ayaa wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya waxay ku sheegtay in sidoo kale ay dalbadeen in la baaro xadgudubka uu maamulka Israa’il u geysatay Jamhuuriyadda Iiraan.

Duqeyn ay fulisay ay gudaha Iraan ka fulisay Israa’iil ayaa lagu dilay hoggaamiyihii Xamaas Ismaaciil Haniyeh, waxaana cirka isku shareertay xaaladda bariga dhexe.

Dowladda Soomaaliya oo wax cilaaqaad ah aysan kala dhaxeyn dowladda Iran, isla markaana xiriirka u jartay 2015-kii ayaa hadda ka mid ah wadamada u doodaya ee sida weyn u garab istaagay Iran.

Sidoo kale waxaa jira warar soo baxaya oo sheegaya in xukuumadaha Muqdisho Tehran ay ka fekerayaan inay dib u soo celiyaan xiriirkooda diblomaasiyadeed, inkastoo aysan jirin labada dowladoodba mid si rasmi ah u xaqiijisay arrintaas.

Muxuu yahay go’aanka Xasan Sheekh ee doorasho qof iyo cod ah?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad xasaasi ah u jeediyay dadka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay arrimo ku aadan doorashooyinka dalka, isaga oo ku adkeystay inuu qabanyayo qof iy cod.

Madaxweynaha ayaa si faah-faahsan uga hadlay hannaanka doorasho ee dalka, wuxuuna sheegay in ujeedka dowladda uu yahay in shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay fursad u helaan inay codkooda dhiibtaan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dalka ay ka dhici karto doorasho dadweyne, isla markaana ay muhiim tahay in shacabka ay soo doortaan hoggaankooda.

“Dalka Soomaaliyeed doorasho qof iyo cod ah ayuu galayaa ka noqosho malahan dib uga dhicid iyo ka tanaasulid malahan, dadka soomaaliyeed ayaa codeynaya intii la gaari karo, waxaan rabnaa in dhowr malyan oo Soomaali ah inay codeeyaan oo ay doortaan golaha deegaanka amaba xildhibaanada baarlamaanka, waa suurtogal inay dhowr malyan ay codeeyaan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa kale oo uu raaciyay “Horaan u sheegay nin xoog badan dalkan kama talin karo, sharci xoog badan baa ka talin karo, shuruucda aan hagaajinno oo aan ku kolsoonaano”.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa xusay in dalka uu gaaray guullo waa wayn, isla markaana horumar laga sameeyay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo dhaqaalaha dalka.

“Dalkeennu waxa uu maanta joogaa meel ka wanaagsan halkii uu shalay taagnaa, mar walba markii ka dambeysii waa uu sii sodcay, waxayna maanta maraysa in maalgeshi loo yimaado Soomaaliya” ayuu mar kale khudbaddiisa ku yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Khamiistii lasoo dhaafay ayaa tallaabadii ugu horreysay ee qorshaha Villa Soomaaliya ay qaadeen golaha wasiirada, iyaga oo ansxiyay sharciga doorashada iyo kan xisbiyada dalka, kaas oo la filayo in loo gudbiyo Baarlamaanka.

Xisbiga SHARIIF oo war culus kasoo saaray tallaabadii uu qaaday Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka falceliyay jawaabtii uu madaxweynaha ka bixiyay cabashada kasoo yeertay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku aadan shaqo la’aanta.

Xisbiga Himilo Qaran ayaa si adag u cambaareeyay hadalka madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana qoraalka lagu sheegay inuu gef ku yahay dhalinyarada Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu xisbiga intaasi kusii daray in hadalka Madaxweynaha uu dhiiro-gelinayo in dhallinyaradu ay ka tahriibaan dalka.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran:-

WAR SAXAAFADEED.

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu aad uga xun yahay una canbaaraynayaa hadalkii aan munaasabka ehayn ee kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud kaas oo  uu ka jeediyay Masaajidka Madaxtooyada.

Madaxweynuhu wuxuu gef qayaxan kula kacay dhallinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan kuwa ku nool Muqdisho. Dhallinyaradu waxay ka cabanayaan, shaqo la’aan taasoo sababtay inay adkaato sidii dhallinyaradu ay ku heli lahaayeen nolosha aasaasiga ah ee qofku u baahan yahay, waana xaqiiqo aan la inkiri karin xaaladda guud ee dhaqaalaha waddanku meesha uu marayo.

Madaxweynaha iyo xukuumaddiisu waxay ku fashilmeen inay fuliyaan ballanqaadyadii tirada badnaa  ee madaxweynuhu dhallinyarada uu u sameeyay iyo dhammaan ummada Soomaaliyeedba oo ay ka mid ahyd shaqo abuurka, waxaana ayaan darto ah in  Madaxweynaha ay la noqotay in xalku ku jiro inuu dhallinyarada sharaftooda uu ku xad-gudbo oo ku sifeeyo wax aan u qalmin.

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu u arkaa inaysan mudnayn dhallinyaradu in loo qaybiyo saddexda nooc ee Madaxweynuhu u qaybiyay. Dhallinyaradu waa mustaqbalkii dalka waana hantida ugu qaalisan ee waddankaani  leeyahay.

Xisbigu wuxuu u arkaa in hadalka Madaxweynu dhiirri gelinayo in dhallinyaradu ka tahriibaan waddanka. Waxaa  kaloo hadalka Madaxweynaha laga dheehanayaa in dhallinyaradu ay ku biiraan argagixisada, taas oo ka dhigan niyad jabin iyo mustaqbalka dhallinyarada oo mugdi la geliyo.

Xisbigu wuxuu usoo jeedinayaa Madaxweynaha inuu raalli gelin ka bixiyo hadalka jaa’ifada ah ee uu ku sifeeyay dhallinyarada Soomaaliyeed. Madaxweynuhu waa inuu fahmaa shacabka dareenkooda ee uusan qiyaas ka qaadan oo kaliya xaaladdiisa dhaqaale iyo tan xukuumaddiisa oo kaliya.

Ugu danbeyn xisbigu wuxuu dhalinyaradda soomaaliyeed u soo jeedinayaa in ay laba jibaaraan dadaalka ay ugu jiraan hormarinta dalkooda iyo kaalinta ay ku lee yihiin dib u dhigiska dalka, una adkaystaan duruufaha adag ee ay ku noolyihiin. Xisbigu wuxuu u rajaynayaa dhalinyarada soomaaliyeed mustaqbal dhow oo ifaya.

War cusub oo kasoo kordhay geerida Fanaanada Asma Saban

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Hargeysa lagu aasay fanaanada Asma Xasan Ismaaciil oo ku caan ahayd Asma Saban oo ka mid ahayd faaniinta Xiddigaha Geeska ee ka dhisan Somaliland.

Sida uu sheegay abwaan Maxamed Siciid Cabdilaahi Xarago, marxuumadda ayaa shalay gelinkii denbe ku geeriyootay magaalada Hargeysa ee caasimada ee maamulkaasi.

“Way caafimaad qabtay, wax xanuuna ahna ma qabin waa mowtul qafle ‘geeri deg deg ah’, waana u ducaynayaa haddaan nahay bahda xiddigaha geeska “ ayuu yiri abwaan Xarago.

Guddoomiyaha kooxda xiddigaha geeska Cabdiweli Ibraahim Furinle ayaa isguna BBC u sheegay in Asma ahayd mid ka mid ahayd xiddigaha kooxda.

“Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida ku timo Asma, kaalinteeda kooxda waxay ahayd heesaa, kaalin fiican yeyna kaga jirtay kooxda” ayuu yiri Furinle oo la hadlayay BBC da.

Dhinaca kale maqalka geerida ka dib baraha bulshada ee Soomaalida waxaa ku faafay war sheegaya in marxuumadu is dishay.

Ehellada marxuumadda ayaa dhankooda sheegay in warkaasi yahay mid been abuur ah, aysana qoyska garanayn ujeedka ay ka lahaayeen dadka ku faafiyay baraha bulshada.

“Wax alle iyo wax ka jiraa ma jirto warkaas, geerida iyo waqtiga qadarta ayaa u yimid” ayuu BBC da u sheegay aabaheed Xassan Ismaaciil Saban.

Ehelku waxay intaa ku dareen in iyaga oo ku mashquulsan geerida dhacday ay maqleen warka lagu baahiyey baraha bulshada.

Allaha u naxariistee geerida Asma Saban waxaa ka dhashay hadal hayn badan, waxaana tacsida geerida gabadhaan fanaanada aheyd ay si weyn u qabsatay baraha bulshada.

Dagaal culus oo ka dhex-qarxay ciidamada DF iyo Macawiisleyda

0

Xarardheere (Caasimada Online)  – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda uu ka dhacay gudaha degmada Xarardheere, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka oo goordhow istaagay ayaa lasoo wariyay inuu socday muddo kooban, isla markaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in dagaalka uu dhex-maray Ciidamada Ilaalo Qaran iyo kuwa dadka deegaanka, kadib isfaham-waa soo kala dhex-galay, waxaana mar qura rasaas ay ka bilaabatay bartamaha magaalada, taas oo sababtay khasaaro.

Inta la xaqiijiyay ugu yaraan hal qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay israsaaseynta laba dhinac, halka ay ku dhaawacmeen afar askari oo dha dhinacyadii dagaalamay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana maamulka degmada Xarardheere uu sheegay in ciidamadii dagaalamay dib loogu celiyay xeryahooda.

Degmadan ayaa kamid aheyd meelihii ugu dambeeyay Al-Shabaab, waxaana haatan ay fariisin u tahay ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka ee la diriraya Al-Shabaab.

Inta badan isku dhacyada ciidamada dhexdooda ah ayaa kusoo laa laabta gudaha magaalooyinka waa wayn ee dalka, waxaana badanaa ka dhasha khasaare kala duwan.

KHEYRE oo Xasan ka dalbaday inuu raali-gelin ka bixiyo gefkii u geystay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo qoraal soo saaray ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya inuu u gefay dhalinyarada, isaga oo ka dalbaday inuu raalli-gelin ka bixiyo hadal uu shalay jeediyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jimcihii khudbad ka jeediyay masjidka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka hadlay arrinta dhaqaalaha, isaga oo ka jawaabay hadalheyntii jirtay maalmahaan ee Shiidka ama lacag la’aanta oo si weyn loogu faafiyey baraha bulshada.

“Kuwa maanta dhaqaale la’aanta ka cabanaya waxay iskugu jiraan kuwii khawaarijta lacagta u aruurin jiray, kii baraha bulshada dadka ka caayi jiray iyo kii wax xadi jiray oo dhammaan wax waaye ama ka yaraadeen wixii soo geli jiray mana ogolin waxaas,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Xasan Cali Kheyre oo qoraal soo dhgay bartiisa Twitter-a ayaa shaaca ka qaaday in hadalkaas uu gef ku yahay dhalinyarada oo uu tilmaamay inay cabireen oo kaliya duruufta ay la daala dhacayaan iyo shaqo la’aanta baahsan ee haatan haysata.

Waxaan Madaxweynaha ugu baaqayaa in uu dhallinyarada ka raalligeliyo gefka iyo ijaafada uu kula kacay, si masuuliyad iyo xilkasnimo lehna u dhegeysto codka dhallinyarada, kana jawaabo dayaca iyo duruufaha xanuunka badan ee ay ka cabanayaan” ayuu qoraalkiisa ku yiri ra’iisul wasaarihii hore ee dalka.

Hoos ka akhriso jawaabta Kheyre:-

Dhallinyaradu waa kuwii shacabka Soomaaliyeed ka korqaaday heeryadii gumeysiga ee dalka u horseeday xurriyadda iyo midnimada, lafdhabarna u ahaa hayaanka dowladnimada, waligoodna u taagnaa dhismaha iyo horumarka dalka, maantana ku sugan furimaha dagaalka si ay u ciribtiraan khawaarijta.

Dhallinyaradu marti kama aha Soomaaliya ee waa milkiilayaasha dalka iyo madaxda mustaqbalka dhow. Halkii ay dowladdu rajo iyo shaqo-abuur u sameyn laheyd markii ay cabireen duruuftooda iyo shaqo la’aanta haysa, waxaa nasiibdarro ah in Madaxweynaha Dalku ku tilmaamay in ay yihiin dad baadda u aruuriya argagaxisada, shaxaad iyo borobogaandana lacago ku heli jiray.

Waxaan Madaxweynaha ugu baaqayaa in uu dhallinyarada ka raalligeliyo gefka iyo ijaafada uu kula kacay, si masuuliyad iyo xilkasnimo lehna u dhegeysto codka dhallinyarada, kana jawaabo dayaca iyo duruufaha xanuunka badan ee ay ka cabanayaan.

Madaxweyne XASAN oo si weyn loogu dhagan yahay kadib tallaabadii shalay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal dheer soo saaray ayaa u jawaabay madaxweynaha oo shalay khudbad ka jeediyay masjidka madaxtooyada, taas oo uu kaga hadlay shaqo la’aanta dhalinyarada.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay inuu kasoo baxay masaajidka, isla markaana uu yimaado fagaare lagula doodi karo.

Sidoo kale wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay hadallada kasoo yeeray madaxweynaha ee uu ugu jawaabay dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Muqdisho oo haatan ka cabanayo shiid ama lacag la’aan aad u baahsan.

“Waan ka xaalmarinayaa dhalinyarada sida jees jeeska ah ee uu Madaxweynuhu uga jawaabay dareenka ay kaga cawdeen baagamuudada iyo busaaradda shaqo la’aanta” ayuu qoraalkiisa ku yiri siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hoose ka akhriso qoraalka oo dhameystiran:-

Madaxweynaha haddii uu dood qabo ama uu ka jawabaayo mid loo qabo waa in uu yimaado goob uu siyaasigu kula doodi karo, dhalinyaradu su’aalo ku waydiin karaan ee ma aha in uu maalin walba Masaajidka kaligii ka soo garnaqsado. Siyaasadu waa dood, su’aalo, dabagal iyo jawaab celin, Masjidkuna waa goob cibaado oo wanaaga la iska faro, xumaanta la iskaga reebo, midnimada iyo wadajirka ummada laga dhiirageliyo.

Tan kale, waxay ahayd Madaxweynuhu in uu ka haldo xasuuqii xeebta Liido, masuuliyaddii la gabay iyo go’aannadii laga qaatay iyo kaalinta bulshada kaga aadan.

Waan ka xaalmarinayaa dhalinyarada sida jees jeeska ah ee uu Madaxweynuhu uga jawaabay dareenka ay kaga cawdeen baagamuudada iyo busaaradda shaqo la’aanta. Waxaad xaq ugu leedihiin Madaxweynaha in uu runta idinkaga sheego si tawaaduc leh sababaha keenay shiidka iyo shaqo la’aanta ba’an ee dalka ka jirta, waxa uu ka qabanayo, isagoo idiin bidhaaminaya hiigsi iyo yididiiladii looga baxo.

Ma ahayn in uu dafiro in aad intiina badan shaqo la’aan tihiin, waxay ahayd in uu wax ka qabto fursadaha shaqo ee tirada yar ee Dowladdu bixiso ee lagu helayo garab eexeedka iyo musuqa. Waxay ahayd in uusan isdiidsiinin hoos u dhac ku yimid ganacsigii dalka, gaar ahaan dhulka, ka dib markii ay madaxda xukuumada qiimo jaban ku xaraashayso dhulkii dawlada, in uusan inkirin in canshuurta xaddhaaf ah iyo adeega khidmo ee la isku naasnuujinayo ay irdaha u xireen ganacsigii yaryaraa, karti la’aan, musuqa iyo dhacdhac ka raadintana ay hakadeen mashaariicdii ka imaanaysay deeqbixiyayaasha caalamiga ah, lacagihii laga dhacay dawladana lagu maalgashaday dalka dibadiisa.

Rasumaalka ugu muhiimsan ee uu hoggaamiye heli karo waa in shacabkiisu aamino, dalna hadal iyo muran laguma hoggaamiyo, ee ficil iyo habdhaqan ayaa tusaale loogu noqdaa.

Sida muuqata, Madaxweynaha waaqaca xiriir lama laha, isaga iyo bulshaduna way kala bariyeen, dadka ka agdhow ee ay ahayd in ay runta u sheegaana, malaha way kula dhici waayeen, ama dantooday ka muraadsadeen.

PUNTLAND oo soo qabatay mid kamid ah Shabaabkii ka baxsaday xabsiga Gaalkacyo

0

Gaalkacyo (Caasimada Online)  –  Ciidamada ammaanka ee Puntland, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa maanta gacanta kusoo dhigay mid kamid ah xubnihii kooxda Al-Shabaab ee todobaadkii hore ka baxsaday xabsiga waqooyiga magaalada Gaaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Barkhad Cawil Xirsi oo ku xukunanaa dil toogasho ah ayaa lasoo qabtay, ayada oo la abaal-mariyay ciddii soo sheegtay, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Booliska Puntland.

“Ciidanka Booliska Puntland ayaa gacanta ku dhigay Barkhad Cawil Xirsi oo ka mid ahaa afar maxbuus oo kafakaday xabsiga Galkacyo, kuwaas oo ahaa danbiilayaal dil sugayaal ah kana tirsanaa shabakad argagixiso ah oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo horayna u dilay haldoor badan oo kamid ahaa Gobalka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa qoraalka la sii raaciyay “Ciidanka Booliska Puntland ayaa abaal mariyay ciddii keentay xogta dilaaga argigixisada ah ee Barkhad Cawil Xirsi.”

Puntland ayaa sidoo kale weli baadi goob ugu jirto saddex kale oo weli baxsad ah, kuwaas oo horay dilal uga gaystay gobolka Mudug.

Xubnaha la baadi goobayo ayaa kal ah: 1- Abdiqani saleeban Jama (Sayloor), 2- Abdulahu Faysal Xuseen (Abuujonge) 3- Abdirahman Awal Maxamed (Siigayste).

“Qofkii nalawadaaga xogtooda iyo meel ay kusuganyihiin waxa uu abaal marin u helayaa lacag dhan 20,000 iyadoo aan cidna ogaan xogtiisa gaarka ah Nagalasoo xiriir 5540000
Nagalasoo xiriir 431444, Nagalasoo xiriir 5500000” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Tirada guud ee ka baxsatay xabsiga Gaalkacyo ayaa ahayd 12  maxabuus, waxaase isla markii lasoo qabtay 8 xubnood halka maanta lasoo qabtay mid kale, ayada oo saddexda kalena ay hadda ku daba jiraan ciidamada Puntland.

Sidan oo kale sannado kahor ayay xubno Shabaab ah uga baxsadee xabsi kuyaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo, maxaabiistaas qaarkood ayaa la toogtay halka kuwa kalana la qabtay, waxaana jiray kuwa kale oo baxsaday oo dib ugu laabtay Al Shabaab.

Guddoomiye ku xigeenkii Beledweyne oo la DILAY

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay toogasho ka dhacday gudaha magaalada Beledweyne lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii dhinaca maaliyadda ee maamulkaasi degmadaasi.

Marxuumka oo lag magacaabi jiray Cabdisahal Shuuriye ayaa waxaa lasoo wariyay inay toogasho ku dileen kooxo hubeysan, xilli uu ku sugnaa bartamaha magaalada.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxda dishay guddoomiye ku xigeeka ay doonayeen inay ka dhacaan taleefoonka, ayna rasaaseeyeen taas oo sababtay dhaawac markii hore soo gaaray, isaga oo mar dambe u geeriyooday dhaawac gaaray.

Sidoo kale ragga dilka gaystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana haatan socda baaritaano dheeraad ah oo ay wadaan laamaha ammaanka Beledweyne.

Guddooiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye oo war soo saaray ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuumka, wuxuuna faray laamaha amniga inay gacanta kusoo dhigaan dambiilayaashoa oo goobta isaga baxsaday.

Cabdisahal Shuuriye ayaa dhaa wiil dhalinyaro ah oo firfircoon, isla markaana si wayn looga yaqaanay xaafadaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Xaaladda ammaan ee Beledweyne ayaa maalmihii u dambeeyay aad u liidatay, waxaana ka dhacayay falal ammaan darri oo u badan dhac, dil iyo qaraxyo ay mararka qaar ka fuliyaan dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab.

Beledweyne ayaa xudun u ahayd halka uu kasoo bilowday kacdoonka shacab ee ka dhanka ah Al-Shabaab, haddane waxay weli la daala dhaceysaa xaalado adag.

 

Turkiga oo shaaciyay arrin yaab leh oo ay kusoo dhamaaneyso xiisadda Somalia iyo Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa lagu wadaa inay mar kale wada-hadallo uga billowdaan magaalada Ankara ee caasimada dalka Turkiga, halkaas oo ay maalmaha soo socda isugu tegi doonaan wasiirada arrimaha dibadda ee labada dal.

Wada-hadallada oo si rasmi ah u furmi doono todobaadka soo socda ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa xiisadda ka dhalatay heshiiska badda ee ay Itoobiya la gashay Somaliland, kaas oo ay ka carootay dowladda federaalka oo xadgudub ku tilmaamtay.

Labada dhinac ayaa haatan sameeyay isbeddallo, waxaana jiro isku soo dhawaasho ay sidii hore ka sameeyeen Muqdisho iyo Addis Ababa, sida uu shaaciyay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan oo maalmihii dambe waday dadaallo dhex dhexaadin ah.

Hakan Fidan oo shir jaraa’id ku qabtay Istabul waxa uu sheegay inay soo afjarmi doonto xiisadda isla markaana ay kusoo dhammaan doonto galaangal ay Itoobiya u yeelato badda, iyada oo si toos ah ugala macaamileyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

“Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya waxay soo afjarmi doontaa in Itoobiya ay galaangal u yeelato badda iyada oo soo mareysa Soomaaliya ilaa inta Itoobiya ka xaqiijinayso midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya” ayuu yiri Hakan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayad aoo todobaadkii hore wasiirka arrimaha dibadda dalka Turkiga uu booqday magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu kula kulmay ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo uu kula hadlay dhammeynta xiisadda taagan.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay haddii ay Itoobiya doonayso biyaha in ay usoo marto waddo sharci ah, iyadoo ixtiraameysa madax bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo haddii ay aqbasho Itoobiya  caqabad ku noqon doonto Somaliland oo aqoonsi ka dhex raadineysay heshiiska badda.