26.4 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Turkiga oo shaaciyay arrin yaab leh oo ay kusoo dhamaaneyso xiisadda Somalia iyo Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa lagu wadaa inay mar kale wada-hadallo uga billowdaan magaalada Ankara ee caasimada dalka Turkiga, halkaas oo ay maalmaha soo socda isugu tegi doonaan wasiirada arrimaha dibadda ee labada dal.

Wada-hadallada oo si rasmi ah u furmi doono todobaadka soo socda ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa xiisadda ka dhalatay heshiiska badda ee ay Itoobiya la gashay Somaliland, kaas oo ay ka carootay dowladda federaalka oo xadgudub ku tilmaamtay.

Labada dhinac ayaa haatan sameeyay isbeddallo, waxaana jiro isku soo dhawaasho ay sidii hore ka sameeyeen Muqdisho iyo Addis Ababa, sida uu shaaciyay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan oo maalmihii dambe waday dadaallo dhex dhexaadin ah.

Hakan Fidan oo shir jaraa’id ku qabtay Istabul waxa uu sheegay inay soo afjarmi doonto xiisadda isla markaana ay kusoo dhammaan doonto galaangal ay Itoobiya u yeelato badda, iyada oo si toos ah ugala macaamileyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

“Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya waxay soo afjarmi doontaa in Itoobiya ay galaangal u yeelato badda iyada oo soo mareysa Soomaaliya ilaa inta Itoobiya ka xaqiijinayso midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya” ayuu yiri Hakan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayad aoo todobaadkii hore wasiirka arrimaha dibadda dalka Turkiga uu booqday magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu kula kulmay ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo uu kula hadlay dhammeynta xiisadda taagan.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay haddii ay Itoobiya doonayso biyaha in ay usoo marto waddo sharci ah, iyadoo ixtiraameysa madax bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo haddii ay aqbasho Itoobiya  caqabad ku noqon doonto Somaliland oo aqoonsi ka dhex raadineysay heshiiska badda.

Falcelin aan caadi ahayn oo ka dhalatay tallaabo uu qaaday Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay hadal kasoo yeeray madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii uu shalay khudbad xasaasi ah ka jeediyay masjid ku yaalla Xarunta Madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay arrinta dhaqaalaha, isaga oo ka jawaabay hadalheyntii jirtay maalmahaan ee Shiidka ama lacag la’aanta oo si weyn loogu faafiyey baraha bulshada.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadka Soomaaliyeed kula taliyey inay ku shukriyaan nimcooyinka rabbi siiyey, isagoo muujiyey kalsooni iyo koboc dhaqaale oo dalku gaaray.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kuwa cabanaya ay yihiin kuwii lacagaha u aruurin jiray Al-Shabaab iyo kuwa kale oo dadka ka caayi jiray baraha bulshda, sida uu hadalka u dhigay.

“kuwa maanta dhaqaale la’aanta ka cabanaya waxay iskugu jiraan kuwii khawaarijta lacagta u aruurin jiray, kii baraha bulshada dadka ka caayi jiray iyo kii wax xadi jiray oo dhammaan wax waaye ama ka yaraadeen wixii soo geli jiray mana ogolin waxaas,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Haddaba arrintan ayaa dhalisay falcelin aan aan caadi ahayn.

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada si caro leh ugu jawaabay madaxweynaha, waxayna ka falceliyeen hadallada kasoo yeeray.

Maxamed Jeelle ayaa yiri “Waxna ma caayno waxna ma amaano waxna ma shaxaadno tuugna ma nihin shiidn30a wa nahaya kaaley sharxaad kale no raadi Madaxweyne”

Maxamuud Cabdiraxmaan “Intaas mashruuc aad sheegtay hadey jiraan maxaa lo mari la’yahy magalada Muqdisho? Celqalow, Barmudo iyo meelo badan la soo koobi karin”.

Ifraax Aadan “Madaxweyne waddanka lacag malahane lacag waddanka so geli shiid ba na helay”.

Maxamed Nuur “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud nama qabato Aflagaado iyo shiid, hadaan nahay canshuur bixiyaaahii dalka, nolosha waa cariiri, waxaana ugu wacan shirkadahaan ganacsiga weerarka ku soo qaaday ee Qandaraasyada loo wada xiray”.

Haadi Maxamed “Madaxweyne dhalinyarada shiidsan ee shaqa la,aanta heyso ina khawariij ku tilmaamto waa qalad”.

Ina Barqash “Waxan maqli jiray nin dhergan nin baahan kama naxo waa sidaan oo kale madaxweynihii wadanka ayaa sidaa u hadlaay”.

Weerar qaraxyo ah oo ka dhacay Beled-xaawo + Khasaaraha

0

Beled-xaawo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar qaraxyo ah oo xalay lagu qaaday saldhigga booliska degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxyada oo ahaa bambaanooyin ayaa waxaa lagu ekeeyay saldhigga, halkaas oo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaar kamid ah askartii ku sugnayd.

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay weerarka, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale, sid ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah

Askariga booliska ah ee dhintay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Bile Hufood, wuxuuna sidoo kale horay usoo noqday guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Beled-xaawo.

Xubnaha weeraray saldhigga ayaa sidoo kale lasoo wariyay inay goobta isaga baxadeen, waxaana haatan soconayo baaritaano ay wadaan saraakiisha laamaha amniga.

Sidoo kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada iyo maamulka degmada oo ku aadan weerarkaasi khasaaraha dhaliyay.

Beled-xaawo ayaa waxaa inta badan weeraro gaadmo ah ka fuliya dagaalyahanada Al-Sabaab, balse ma jiro weli wax war ah oo ay kooxda kasoo saartay weerarkan.

Gedo ayaa kamdi ah meelaha ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab, waxaana sidoo kale ka socda howlgallo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo Daraawiishya Jubbaland.

Fanaanadii Asma Saban oo xalay geeriyootay iyo arrin naxdin leh oo soo yeertay

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Hargaysa ayaa sheegaya in  alat ay magaaladaas ku geeriyootay fanaanadda Asma Xasan Aadan (Asma Saban).

Warar soo baxaya, balse aan xaqiiqo rasmi ah loo heyn ayaa sheegaya in gabadhaasi ay is dal dashay.

Dadka qaar waxay soo weriyeen in aysan is dilin ee maanta uu xanuun ku soo booday, kaasi oo sababay geerideeda.

Fanaanada geeriyootay ayaa ka mid ahayd Kooxda Xidigaha Geeska ee ka dhisan Somaliland.

Ilaa hadda ma jirto cid si rasmi ah uga hadashay geerideeda iyo waxa sababay, maadaama ay iska soo daba dhacayaan warar kala duwan.

Asma Saban ayaa ka mid ahayd fanaaniinta aadka loo jeclaa, iyadoo qaaday heeso badan oo sanadahaan dambe aad loo dhageysto.

Allaha u naxariistee geerida Asma Saban waxaa ka dhashay hadal hayn badan, waxaana lagu wadaa in Kooxda ay ka tirsanayd ee Xidigaha Geeska ay faahfaahin rasmi ah ka soo saari doonaan geerideeda.

Hadal heynta iyo tacsida geerida gabadhaan fanaanada aheyd ayaa saacadihii ugu dambeeyay hareysay baraha bulshada, in kastoo wararka ka soo baxaya ay weli is khilaafsan yihiin.

Dad ku dhow 100 qof oo ku dhintay Brazil kadib markii..

Sao Paulo (Caasimada Online) – Diyaarad kuwa rakaabka qaada ah oo ay la socdeen in ka badan 60 qof ayaa la xaqiijiyay in Jimcihi shalay ay ku burburtay magaalada Sao Paulo ee dalka Brazil, iyadoo ay shilkaasi ay ku dhinteen 61 qof, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha dowladda iyo shirkadda diyaaradda leh.

Diyaaradda oo ka duushay magaalada Cascavel ee gobolka Parana ayaa ku sii jeeday garoonak diyaaradaha caalamiga ah ee Sao Paulo. Waxay ku dul dhacday xaafado la dagganyahay oo ku yaalla degmada Vinhedo oo 80 km u waqooyi galbeed uga beegan magaalada weyn ee Sao Paulo.

Saraakiisha ma aysan sheegin in ay dhibaato soo gaartay dadka deganaa xaafadaha ay diyaaradda ku dul dhacday.

Bayaan kasoo baxay shirkadda leh diyaaraddan ayaa lagu sheegay in ay dhinteen dhammaan rakaabka saarnaa oo gaaray 58 qof iyo shaqaalihi diyaaradda. Ma aysan sheegin magacyada dadka saarnaa iyo in ay ku jireen dadkaasi socoto ajnabi ah iyo in kale.

Dowladda Brazil ayaa sheegtay in la billaabay baaritaan ku aaddan waxa sababay shilka diyaaradda.

Shilkan ayaa ah kii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca dalka Brazil tan iyo sanadkii 2007-dii, markaas oo 199 qof ay ku dhinteen shil diyaaradeed oo ka dhacay magaalada Sao Paulo.

Madaxweyne Xasan oo war culus ka soo saaray dagaalka Al-Shabaab + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta Khudbad jeediyay ayaa ka hadlay dardargalinta dagaalka Khawaarijta, si adeegyada dowladnimada loo gaarsiiyo shacabka u nugul tacadiyada argagixisada, qorshaha dowladda ee Dimuquraadiyeynta iyo doorashooyinka qof iyo cod iyo dhaqaalaha dalka.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa qeybtaan uga hadlay dagaalka ay dowladdu ku qaaday Khawaarijta Al-Shabaab, isagoo sheegay in muhiimadda koowaad uu dagaalku u yahay dowladiisa.

“Umadda Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa dagaalka Khawaarijta weli waa muhiimadeena koowaad, mana istaagin oo waa socdaa, mana istaagayo ilaa dalkaan laga xoreeyo argagixisada,” ayuu khudbadiisa ku bilaabay Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey weerarkii dadka shacabka ah lagu laayey ee caawa oo kale Jimcihii hore ay Shabaab ka geysteen xeebta Liido.

“Gaadmo waa sameeyaan mar kasta oo Khawaarijta waa dhaqankeeda, laakiin aad ayaa looga taxadaraa amniga Muqdisho, waana dhaceysa mararka qaar inay na gaadaan sidii habeen dhoweeto, ayadana intii nooga dhimatay Allaha u naxariisto oo intii nooga dhaawacantay ha u yasiro,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa mar kale cod dheer ugu sheegay shacabka in dagaalkii lagu qaaday Khawaarijta Al-Shabaab uusan joogsa doonin oo mujiimadda koowaad uu dowladda u yahay.

“kuwa maanta dhaqaale la’aanta ka cabanaya waxay iskugu jiraan kuwii khawaarijta lacagta u aruurin jiray, kii baraha bulshada dadka ka caayi jiray iyo kii wax xadi jiray,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay dhaqaale la’aanta la sheegay inay magaalada ka jirto.

Dhaqaale yarida dadka qaar waxay ku macneeyeen inay ka dhalatay lacagihii laga xayiray Al-Shabaab bilihii lasoo dhaafay, maadaama dowladdu dagaal dhaqaale ay ku qaaday kooxda, balse madaxweynaha oo hadal heyntaas ka jawaabay ayaa sheegay in dadka ka cabanaya dhaqaale xumada ay jiraan kuwii lacagaha u kala gudbi jiray argagixisada.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Muqdisho ay sii kobceyso oo hormar xoog leh uu jiro, taasi oo muujineysa in dhaqaalaha dalka uu soo kabanayo, isagoo tusaale u soo qaatay dhismayaasha guryaha, dabaqyada, filooyinka iyo jidadka laamiyada ah ee ka socda Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee waaweyn, sida Kismaayo, Dhuusamareeb, Baydhaba iyo Jowhar.

Hoos ka daawo

Daawo: Xasan Sheekh oo si cajiib ah uga hadlay shiidka ka jira magaalada

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta Khudbad jeediyay ayaa ka hadlay dardargalinta dagaalka Khawaarijta, si adeegyada dowladnimada loo gaarsiiyo shacabka u nugul tacadiyada argagixisada, qorshaha dowladda ee Dimuquraadiyeynta iyo doorashooyinka qof iyo cod iyo dhaqaalaha dalka.

Qormadeena qeybtaan waxaan ku soo qaada doonaa arrinta dhaqaalaha sidii uu uga hadlay madaxweynuhu, isagoo ka jawaabay hadalheyntii jirtay maalmahaan ee Shiidka ama lacag la’aanta oo si weyn loogu faafiyey baraha bulshada.

Ugu horeyn madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed kula taliyey inay ku shukriyaan nimcooyinka rabbi siiyey, isagoo muujiyey kalsooni iyo koboc dhaqaale oo dalku gaaray.

“kuwa maanta dhaqaale la’aanta ka cabanaya waxay iskugu jiraan kuwii khawaarijta lacagta u aruurin jiray, kii baraha bulshada dadka ka caayi jiray iyo kii wax xadi jiray oo dhammaan wax waaye ama ka yaraadeen wixii soo geli jiray mana ogolin waxaas,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Muqdisho ay sii kobceyso oo hormar xoog leh uu jiro, taasi oo muujineysa in dhaqaalaha dalka uu soo kabanayo.

Wuxuu tusaale u soo qaatay dhismayaasha guryaha, dabaqyada, filooyinka iyo jidadka laamiyada ah ee ka socda Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee waaweyn, sida Kismaayo, Dhuusamareeb, Baydhaba iyo Jowhar.

“Kuwiina shiidka ka cabanaya ma arkaan miyaa hormarkaas, aada halkaas ayuu dhaqaalihii idinka jiraa, inkama jiro wado qaldan, dadkeenu ma gaarin sidii aan rabnay, laakiin waxaa jira hormar weyn iyo koboc dhaqaale,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo khudbadaan ka jeediyey masjidka Madaxtooyada salaadii Jimcaha kadib ayaa sidoo kale sheegay in deeqihii caalamku sii jiray Soomaaliya ay sidoodii u socdaan oo hadda uusan jirin dhaqaale dalku lumiyey ama ka xayiran.

“Dadkeenu waa fakhri oo waa ognahay, laakiin hadana dhaqaalaheenu wuxuu kobcay in ka badan 50% weli meeshii aan rabnay ma gaarin, balse tartiib ayaa loo gaarayaa, waana arkeysaan waxa dhismayaal iyo mashaariic dalka ka socda ee yaan la dhageysa wiil yar oo baraha bulshada kasoo qeylinaya,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh.

Hoos ka daawo

Fowsiyo oo taageertay musharax ay is-hayaan midkii ay DF uga reebtay tartanka

0

Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo dhawaan iskaga hartay tartanka doorashada guddoomiyaha ururka Midowga Afrika ayaa si rasmi ah u taageertay musharaxa Kenya.

Fowsiyo oo horey u sheegtay in madaxda sare ee dalka ay kursigan ku dhisayaan musharaxa ay wadato Jabuuti, ayaa markaan sida muuqata u xarko xiratay sidii ay u dhaafin laheyd, iyadoo taageero u muujisay ra’iisul wasaarahii hore ee dalka Kenya Raila Odinga.

Kulan gaar ah oo magaalada Nairobi ku dhex-maray Fowsiyo iyo Odinga ayay kaga wada-hadleen arrimo dhowr ah oo qeyb ka tahay tan doorashada guddoomiyaha Midowga Afrika.

Xildhibaan Fowsiyo ayaa kulankan taageero ugu muujisay Raila Odinga, oo xilligaan kamid ah musharaxiinta ugu cad cad ee kursigaan raadinaya, ayna dowladdiisa garab buuxa ku siineyso sidii uu dhankooda u mari lahaa.

Odinga ayaa ka mahad-celiyay taageerada Fowsiyo oo ayadu kursigan olole xooggan u gashay, waana mid sare usii qaadeysa rejada Kenya ee kursigaan.

“Aad ayaan uga mahad-celinayaa taageerada ay ii fidisay Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf tartanka aan u galay guddoomiyaha AUC” ayuu yiri musharax Raila Odinga.

Tageerada Fowsiyo ay u muujisay Odinga ayaa kusoo aadeysa, xilli ay dowladda federaalka Soomaaliya doorashadaan ku garab taagan tahay musharaxa ay wadato Jabuuti, ahna wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi Maxamuud Cali Yuusuf.

Doorashadan oo dhacaysa bisha February ee sannadka soo socda ayaa waxaa loo diiwaan-geliyay afar musharrax, kuwaasi oo kala ah; Raila Odinga oo u dhashay dalka Kenya, wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti iyo musharixiin kale oo kasoo jeeda dalalka Mauritius iyo Madagascar.

Qodobo ku jira sharciga doorashada oo xujo ku noqonaya Farmaajo iyo Saciid Deni

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa shalay ansixiyay sharciga doorashooyinka iyo midka xisbiyada, kaasi oo billow u ah qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh ee doorasho qof iyo cod ah.

Nuqul kamid ah sharciga doorashooyinka oo ay heshay Caasimada Online, ayaa waxaa ku jira qodobo xujo ku noqonaya musharrixiinta madaxweyne ee u taagan doorashada soo socota, taas oo meesha ka saareysa in mucaaradka uu aqbalo sharcigan.

Sida uu dhigayo qodobka 36-aad ee shuruudaha doorashada madaxweynaha ee sharcigan waa inuu musharaxa jagada madaxweyne u tartamayaa uu muddo laba sanadood kahor ku noolaa gudaha dalka.

Qodobkan ayaa sida muuqata xujo ku noqonaya madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isagu tan iyo markii uu xilka wareejiyay u wareegay ku nolaanshaha magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Sidoo kale wuxuu sharcigan dhigayaa in musharaxa madaxweyne uu 6 bilood kahor iska casilaa haddii uu haho xil fulin dowladeed, marka laga reebo madaxweynaha xilka markaasi haya.

Qodobkan ayaa isna xujo kale ku noqonaya Saciid Deni, oo doorashadii hore u tartamay xilka madaxweyne isaggoo iska casilin kan Puntland, balse sharcigaan ayaa midaas u diidaya hadda.

“Waa inuu ka tanaasulaa haysashada jinsiyad kastoo kale oo aan aheyn midda JFS, uuna sidoo kale shantii sano ee u dambeysay musharaxnimadiisa horteed aanu ku dhicin xukun ciqaab oo ay maxkamadda awoodda u lihi si kama dambeys ah ugu riday,” ayaa lagu yiri qodobo kamid ah sharciga doorashooyinka.

Waxaa adkaan doonta sida muuqata in musharaxiinta u damaca uga jiro kursiga uu ku fadhiyo madaxweyne Xasan ay aqbalaan sharcigan uu madaxweynaha rabo inuu marsado baarlamaanka, iyaga oo horey meel adag uga istaagay afartii cutub ee dastuurka.

Middan ayaa ka dhigan in dalka uu lugaha la galayo qalalaase siyaasadeed, waxaana isha lagu hayaa halka ay ku biyo shubato arrintaan iyo dhinaca ay dhibcaha siyaasadeed dhankiisa mari doonaan.

Nasrallah oo u goodiyay ISRAEL iyo magaalo halis ugu jirta weerarka IRAN

Tehran (Caasimada Online) – Israa’iil waxa ay isu diyaarinaysaa ciidan ahaan iyo bulsho ahaanba, si ay uga gaashaamato weerarada suurta-galka ah ee uga imanaya ururka Xisbullah ee Lubnaan.

Xiisadda labada dhinac ayaa cirka isku shareertay ka dib dilkii Israa’iil ay u geystaya taliyihii ciidamada Xisbullah, Fouad Shukr.

Israa’iil waxay geysay xudduudda dhanka Lubnaan gantaallada difaaca hawada, waxayna sare u qaadday heerka feejignaanta ciidamadeeda.

Dadwayne badan ayaa laga daabulay magaalooyinka ku yaalla xuudduudda Lubnaan, waxaana dadka si joogta ah loo siiyaa talooyin ku aaddan waxa dhici kara.

Magaalada Haifa, tusaale ahaan, waxaa ka socda diyaar garow aad u wayn waxaa laga sameeyay goob isbatal ah oo xaaladaha degdega ah loogu talagalay haddii lacalla magaalada la soo weeraro.

“Haifa uma diyaarsano iska hor imaad,” hadalka ayey ku cel-celiyaan dad badan oo deggan magaaladaas, oo ay ku nool yihiin ku dhawaad ​​300,000 oo Israa’iiliyiin ah, kuwaas oo 12 boqolkiiba ay yihiin Carabta Israa’iil ayaa ah in aysan dagaal u diyaarsaneyn.

Dadka deeggan halkaas waxaa ka mid ah Yoav Haifa, kaasi oo aaminsan in dowladda iyo ciidamada Israa’iil ay magaalada Haifa u soo jiidayaan in la bartilmaameedsado iyo in ay noqoto xudunta iska horimaadka, isago farta ku fiiqay “dilalkii qorsheysnaa oo israa’iil dhawaan ay fulisay”.

“Bartilmaameed kasta oo lagu sameeyo goobaha kiimikooyiinka waxay khatar ku tahay boqolaal kun oo qof oo deggan,” Yoav ayaa noo sheegay markii aan weydiinnay waxa dadka deggan magaalada ay aad uga walaacsan yihiin.

Waxa uu sheegay in inta badan guryaha Haifa aysan ka jirin hoy ama meelo ammaan ah, isla markaana aysan jirin meel gabaad laga dhigto.

Runtii, qaar badan oo ka mid ah dhismayaal ku yaal Haifa, waa dhismayaal duug ah, mana laha meelo god hoose ah oo loogu talagalay in dadka ay ku gabadaan.

Sagaashamaadkii, ka dib markii uu qarxay waxa loogu yeero Dagaalkii Labaad ee Gacanka 1991, waxaa la soo rogay sharci Israa’iil oo dhigaya in qandaraaslayaasha dhismuha ay xaqiijiyaan in marka ay guriyaha dhisayaan ay ku dhex dhisaan hal qol oo ku yaalla goob hoose oo god ah oo ay dadka gabaad ka dhigan karaan.

Laakiin tiro badan oo guryaha magaalada ah, oo ay ku jiraan kuwa ay deggan yihiin Carabta Israa’iil, ayaan haba yaraatee ku jirin meelo dadka ay gabaad ka dhigan karaan, maadaama la dhisay ka hor inta aan sharcigan la soo saarin.

Wasaaradda ilaalinta deegaanka ee Israa’iil ayaa sheegtay in Haifa ay ka kooban tahay bakhaaro badan iyo warshado loogu talagalay kiimikooyinka halista ah, taas oo walaac weyn ku haysa dadka deegaanka.

Muxuu Xoghayaha Guud ee Xisbullaah ugu hanjabay Haifa?

Haifa waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn Israa’iil, waxayna leedahay meelo badan oo istaraatiiji ah, oo ay ku jiraan saldhigyo ciidan oo muhiim ah, goobaha lagu keydiyo kiimikooyinka batroolka, iyo dekedda dhexe ee magaalada.

Xoghayaha guud ee Xisbullah Xassan Nasrallah ayaa sheegay in laga yaabo in Haifa ay ka mid tahay bartilmaameedyada jawaabta xisbigu ka bixnayo dilkii Israel u geysatay taliyihii militariga Fouad Shukr, kaas oo la dilay todobaadkii hore.

Sida laga soo xigtay goob-joogayaal, Haifa waxay noqon kartaa mid xiisadda sii kordhisa marka loo eego muhiimada istaraatiijiyadeed iyo dhaqaalaha.

Walaaca kale ayaa ah in magaaladan ay aad ugu dhaw dahay xudduudda islamarkaana dhawaan ay Xisbullah soo bandhigeen sawirro dhowr goobood oo istiraatiiji ah.

Sidee ayay Israa’iil ula tacaashay hanjabaadaha Iiraan iyo Xisbullah?

Maalmihii ugu horreeyay ee ka dambeeyay dilkii Shukr iyo Haniyeh, Israa’iil waxay gashay fejignaan ay sugaysay jawaab. Wixii intaa ka dambeeyay waxaa hanjabaad soo saaray, saraakiisha ururka xisbullah oo ku goodiyay in ay weerari doonaan Israaiil.

Iyada oo ay sii socoto xaaladda walaaca iyo cabsida ka dhex jirta Israa’iiliyiinta, ayaa afhayeenka ciidamada Israa’iil waxa shacabka soo hormuuqday ugu yaraan saddex jeer si uu u dejiyo ra’yiga dadweynaha, isaga oo sheegay in aanay waxba iska beddelin tilmaamaha hore ee dadka la siiyay.

Dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay, dad badan oo Israa’iiliyiin ah ayaa buux-dhaafiyay bakhaarrada si ay u kaydsadaan sahayda cuntada aasaasiga ah, kuwaas oo si degdeg ah loogu baahnaan doono haddii ay xiisadda sii kordaho.

Xukuumadda Israa’iil ayaa dhankeeda soo saartay awaamiir ay dadka uga dalbanayso iibsashada baytariyada, iyo xirmooyinka gargaarka degdegga ah, iyadoo la filayo in uu dagaal dhaco.

Isha: BBC

20 sano kadib qaadashadii habka federaalka Soomaaliya – Yaa ku faa’iiday?

Sanadkii 2004-tii ayay ahayd markii lagu heshiiyay in Soomaaliya ay qaadato nidaam federaal ah.

20 sano kaddib qaadashadii nadaamka fadaraalka ee Soomaaliya waxaa muuqda arrimmo badan oo u baahan iftiimin.

23 Febaraayo 2004 shirkii Mbagathi ee duleedka magaalada Nairobi ayaa lagu ansixiyey is-beddel lagu sameeyey axdiga KMG ah ay ku dhaqmi doonto dowladda la sameyn doono shanta sano ee soo socota taasoo noqonaysa dowlad federaal ah.

Agoosto 2004 waxaa la doortay Baarlamaan; Aktoobar 2004 wuxuu baarlamankii doortay Madaxweynihii ugu horeeyey ee dowladda fedaraalka Somaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

10-kii Sano ee ugu horreeyay waxaa hirgalay qaab dhismeedka maamul gobaleedyo ku dhisan nadaamka fedaraalka ah ee Soomaaliya, shuruuddu tahay in maamul ka kooban yahay 2 gobol oo buuxa ugu yaraan. Habkan wuxuu yeeshay macne hoos kasoo dhisid oo kor u dhisid ah muuqaalka guud.

Dastuurkii kumeel-gaarka ahaa ee federaalka waxaa markii kowaad lagu xadgudbay markii heshiis siyaasadeed lagu beddelay qaab dhismeedka maamul goboleedyada kaddib markii la dhisay maamul aan buuxin qodobkii lagu dhisayay.

2016-kii waxaa la aas-aasay aqalka sare oo ku yimid habka fedaraalka (Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalku wuxuu matalaa dawladaha xubinta ka ah dawladda federaalka) waana ilaaliyaha federaalka iyo iska haynta dowladaha xubnaha ka ah iyo dowladda federaalka.

20 sano kadib Puntland oo keliya ayaa xaqiijisay laba talaabo oo mihiim u ah nadaamka federaalka ee ku dhisan baahinta iyo daadejinta awoodda iyadoo la dhisay gole degaan oo ay soo xuleen odayaasha 2007-dii.

Sanadkii 2023 iyo sanadkan 2024 waxaa samaysmay goleyaal degaan ay soo doorteen dadku inkastoo la isku qabtay markii hore habka doorashadu golayaasha degaanku u qabsoomeen.

20 sano kadib waxaa muuqata habka fadaraalku inuu magac ahaan u jiro maadaama uusan ka muuqan dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah maamul daadejin dhab ah oo waafaqsan nadaamka federaalka oo maqan awgeed.

Madaxda dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah waa masuuliyad saaran inay dhowraan hannaanka dowlad dhissidda heer qaran iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed isla markaana ay ku dhaqmaan hishiiskii bulsho ee ay ku dhaarteen uguna adeegaan si hufnaan iyo daacadnimo leh.

W/Q: Siyaad Cali Jaamac
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Muqdisho: Haweenay loo haysto dambi culus oo la raadinayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa baafineysa haweenaydii labaad oo muddo 24 saac gudahood, taasi oo loo haysto kiis xasaasi ah.

Haweenaydan oo lagu magacaabo Caasho Macallin Mursal Cali ayey xeer ilaalinta kusoo eedeysay dambiyo culus oo qeyb ka yihiin lacag dhaqid iyo maalgalinta argagixisada, xilli uu dalka ku jiro dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

“Maxkamaddu waxay baafineysaa kuna wargalinaysaa eedeysane Caasho Macallin Mursal oo ay dacwad ciqaab ah oo uu dhinac ka yahay ka furan tahay maxkamadda gobolka, uuna kusoo eedeeyay xafiiska xeer ilaaliyaha guud sharciga ka hortagga lacag dhaqista iyo maalgelinta argagixisada.”

Caasho ayaa sidoo kale waxaa eedeymaha loo haysto kamid ah “dambi kamid noqosho urur hubaysan oo kasoo horjeeda qarannimada Soomaaliya,” waxaana loo qabtay in muddo soddan maalmood gudahooda ah ay ku hortimaado maxkamadda gobolka.

“Maxkamadda gobolka Banaadir muddo (30) maalmood gudahood ayey fareysaa inay ku hor imaato oo ku eg 07/09/2024 oo ah maalinta Sabti ah, saacaduna tahay: (10:00Am) Subaxnimo, si ay iskaga difaacdo eedda uu kusoo eedeeyay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.”

Maxkamadda ayaa sidoo kale waxay ku goodisay in ay qaadi doonto dacwada Caasho ayada oo maqane ah haddii ay maxkamadda ku hor imaan weyso mudadda loo qabtay.

Waa baafintii labaad oo muddo 24 saac gudahood kasoo baxda xafiiska guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir, ayada oo horey baafin u saartay haweenay lagu magacaabo Nadiifo Xasan Cabdiqaadir, oo iyadna loo haysto kiis lamid ah kan Caasho.

Xeer ilaalinta ayaa horey sidan oo kale maxkamadda ugu gudbisay shaqsiyaad ku eedeysan lacag dhaqid iyo maalgalinta argagixisada, xilli ay dowladda federaalka Soomaaliya dagaal dhowr jiho ah kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Sawirro: Ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliya oo sameeyay dhoolatus cajiib ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliya ayaa sameeyay dhoolatus cajiib ah, iyagoo soo bandhigay xirfad sare iyo tababar heer sare ah.

Ciidanka Soomaalida ayaa waxay layligan si wada-jir ah u sameeyeen howl-galka Midowga Yurub ee loo yaqaan (ATALANTA Operations), waxaana loo soo gaabiya (VBSS).

Layligan ayaa ku saabsan sida fatashaadda iyo fuulista maraakiibta laga shakiyay ama kuwa ku lugta leh arrimaha sharci darada ah ee ku xad gudba biyaha Soomaaliya.

Dhoola-tuskan ciidanka badda ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo maareen lahaa qaab xirfadeysan ee ay cidanka ilaalada xeebaha ku fuuli karaan maraakiibta.

Soomaaliya ayaa ku howlan sidii ay u yeelan laheyd ciidamo bad oo awood u leh difaaca biyaha Soomaaliya, xilli ay dhawaan heshiis difaac la saxiixatay dowladda Turkiga.

Baarlamaanka Turkiga ayaa sidoo kale meel-mariyay in Turkiga uu Muqdisho u diro ciidamo, kuwaas oo door weyn ka qaadanaya dhismaha ciidanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa badda, sida ay horey ugu heshiiyeen labada dhinac.

Arrimahan ayaa imanaya xilli uu weli halkiisi yahay khilaafka xooggan ee Soomaaliya kala dhaxeeya Itoobiya, kaasi oo salka ku haya is-afgaradkii uu Abiy Axmed la saxiixday madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, kaasi oo Itoobiya u gacan galinaya qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

A/Madoobe iyo Cabdi Xaashi oo magacaabay guddi ka shaqeynaya…

Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiyaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi ayaa soo magacaabay guddi ka kooban 4 xildhibaan iyo hal senator oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Guddigaan ayaa loo magacaabay inay ka shaqeeyaan oo Soomaaliya ku metelaan qorshe cusub oo bilaabanaya, kuna saleysan saaxiibtinimada ee baarlamaanadda Soomaaliya iyo dalka Luxembourg.

Xubnaha la magacaabay waxa ay kala yihiin:

1-Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar

2-Xildhibaan Suhuur Xaaji Culusow

3-Xildhibaan Dahabo Suusow Maxamuud

4-Senator Seynab Ismaaciil Maxamed

5-Xildhibaan Xiis Xasan Aadan.

Dowladda Soomaaliya oo ku jirta soo kabasho ayaa aad u daneysa inay la saaxiibto dalal kale ee caalamka, waxaana baarlamaanka horay looga xolay guddiyo sidaan oo kale u shaqeeya.

Guddiyadaan ayaa loo xil-saaraa inay ka shaqeeyaan saaxiibtinimada ama iskaashiga labada dal iyo labada baarlamaanka, guddiga ugu shaqada badan waa kan qaabilsan saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Turkiga.

Fursadda uu helay guddigaas waa in danaha labada dal ay aad isku dhexgaleen oo saaxiibtinimada ama xiriirkoodu uu gaaray heerkii ugu sareeyey.

Hoos ka eeg warqadda magacaabidda guddiga:

MUQDISHO yey dhibane u tahay – Arrimo xasaasi ah ka ogow maqaamka caasimada

0

HORDHAC: Qormadan waxay si gaar ah u khuseysaa maggaalada Muqdisho, (Caasimadda Soomaaliya), inkastoo aan si kooban (summary) wax uga taaban doono Dowladihii ka dambeeyay bur-bur kii dowladdii Kacaanka iyo maamul kasta wixii uu kusoo kordhiyay Caasimadda – waa haddiiba uu wax kusoo kordhiyay).

Waxaan ahay nin ku Xamar ku dhashay, ku koray, wax ku bartay, shaqo ka bilaabay, kasoo shaqeeyay hay’ado kala duwan, soo qabtay jagooyin sare oo kala duwan ilaa heer wasiir. Waxaan ka mid ahay dadka aad uga xanuunsada dhibaatada ay dagaalladii sokeeye u geysteen guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan caasimadda dalka ee Muqdisho.

Dalkan iyo caasimaddiisa waxaa ku dhacay dhibaatooyin aan lasoo koobi Karin oo ay u geysteen Soomaalida lafahaantooda ayna ugu kaalmeeyeen dhibaateyntiisa quwado shisheeye.

Wax badan ayaa laga qoray bur-burka saameeyay Dalka oo dhan sidaas darteed ujeedkeygu ma ahan inaan qormadaan uga hadlo dhibaatadii guud ee Dalka, waxaan si gaar ah uga faalloon doonaa dhibaatooyinka u gaarka ah Muqdisho laga soo bilaabo 1990 ilaa 2024.

Yaa ka dambeeyay bur-burkii Muqdisho bilowgii dagaalladii Sokeeye ee 90-yadii?

Subixii uu Maxamed Siyaad ka baxay Muqdisho, magaaladu 98% way bed qabtay waxaase islmarkiiba bilowday boob, bililiqo, ugaarsi beeleed, dil, burburin hantidii maguurtada ahayd ee Dowladda iyo midii shacabkaba; baabi’in xusuustii Qaranka (National Archives & Records).

Waxaa caasimadda kusoo xoomay dhallinyaro reer miyi ahaa oo siyaabo kala duwan loo soo geliyay Muqdisho; ka dibna si baahsan loogu adeegsaday dagaalladii sokeeye oo wax kasta galaaftay naf iyo maalba; taas oo macnaheedu yahay in bur-burkii Muqdisho uu sababsaday isla dadkii dowladdii Kacaanka ka ceyriyay Muqdisho.

Wixii ka horreeyay sanadihii 1990 – 2000, Muqdisho waxay ahayd meel wax kasta bannaan yihiin, oo ay fowdo baahsan ka jirtay (Total anarchy and violent crimes).

Dowladdii Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed Isla maalintii uu Maxamed Siyaad Barre ka baxay caasimadda, wuxuu guddigii USC ee Muqdisho si deg-degsiimo ah ugu dhawaqay dowlad KMG ah, ayadoo aan laga talo gelin jabhadihii kale ee hubeysnaa, waxayna Madaxweyne u doorteen Cali Mahdi Maxamed.

Ku dhawaadistii Dawladii Madaxweyne Cali Mahdi, waxaa isla markiiba diidmo kala horyimid Jabhadihii kale, gaar ahaan Jen. Maxamed Faarax Caydiid oo hoggaaminanaayay garabkii Farjanno ee USCdii. Waxaa bilowday dagaal dhiig badan ku daatay oo u dhexeeyay dhinacyo kala duwan ee USCdii, Waxaana isla xilligaas sii xoogeystay fowdadii, dilkii, dhacii, bililiqadii oo magac u yaal ka dhigay dowladdii Madaxweyne Cali Mahdi, wax laga qabto iska daayee waxaa xilligaas si naxariis darro ah loogu dhex dagaallamay Muqdisho oo dhiig badan ku daatay, laguna baabi’iyay hantidii maguurtada ahayd, mid dowladeed iyo mid gaar ahaaneed.

Dowladdii Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad 2000-2004

Dowladdii lagu soo dhisay magaalada Carta ee Dalka Jabuuti, oo lagu doortay Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad, waxay guud ahaan soomaalida iyo gaar ahaan dadka degganaa Muqdisho rajo wanaagsan ka filayeen in laga biskoon doono dhibaatadii taagneed oo ay sabab u ahayd Dowlad la’aanta.

Hase yeeshee waxaa rajadaas gaashaanka ku dhuftay qab-qablayaashii dagaal ee Muqdisho, oo horjoogsadey in ay Dalka ka hanaqaaddo Dowladdii Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad; sidaas darteed, muddo xileedkaas waxba kama beddelin xaaladdihii murugada lahaa ee Muqdisho iyo guud ahaan Dalka ay ku sugnaayeen.

Dowladdii Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf Axmed (2004-2008)

October 10 keedi 2004tii ayaa la dhisay dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdullahi Yuusuf oo mar kale dadka iyo dalka ku abuurtay rajo dib u soo kabasho iyo dib u dhis qaranka soomaaliyeed. Dowladdaasu waxay ku guuleysatay in muddo ka badan 10 sano ka dib dalka dib looga maaamulo caasimaddiisa Muqdisho.

Hase yeeshee waxaa si ba’an u majaxaabiyay dagaallo ujeeddo badan lahaa iyo mucaarad oo ugu dambeyntii ku qasabtay inuu xilka ka dego Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf. Sabab kasta ha ahaatee, uma suurtoobin Dowladdii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf in ay wax macno leh ka qabato Muadisho, xag amni iyo guud ahaan arrimaha bulsho-dhaqaale ee Dalka.

Dowladdii Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed (2009-2012)

Jannaayo 30keedii 2009kii waxaa dalka Djibouti lagu soo dhisay Dowladdii Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed oo nasiib u yeelatay inay saldhigato caasimadda oo ay weli ku xoogganaayeen xubnihii Maxaakiimta Islaamiga.

Waxaa si buuxda Muqdisho uga howl galay Baarlamaakii, Xukuumaddii iyo Hay’adihii Garsoorka; hase ahaatee waxaa dagaal ba’an kala horyimid xubnihii muqaawamada islaamiga, ayadoo ay dagaalka qayb ka noqdeen ciidamadii Ethiopia oo garab siinayay Dowladdaas.

Dagaalkaas wuxuu mar kale u horseeday Muqdisho bur-bur hor leh iyo amni la’aan baahsan. Dhanka kale guud ahaan Dalka, waxay dowladdii Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed ka gaartey horumar dhanka dib u heshiisiinta iyo arrimamaha siyaasadda dalka.

Waxaa kaloo ay Dowladdii Madaxweyne Shiikh Shariiif ku guuleysatay in Dalku yeesho Dastuur Ku Meel Gaar ah, kadib shirar badan, iyo dood adag. Dastuurka KMG wuxuu beddelay Axadi Qarameedkii (Transitional Charter) ee lagu ansixiyay Shirkii dib u heshiineed ee Nairobi, waxaa kale 00 ay dowladaas xoogaa horumar ah ka sameysay amniga Muqdisho.

Dowladdii Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ee 1aad (2012-2016)

September 10 keedii 2012kii, waxaa Loo doortay Xasan Shiikh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo si nadaam ah xilka ula wareegay; wuxuu Madaxweyne Xasan Shiikh nasiib u yeeshay inuu hoggaamiyo Dowlad rasmi ah oo ka baxday Ku meel gaarnimadii.

Muddo xileedkaas ee Madaxweyne Xasan waxaa horay loo ambaqaaday horumarna laga gaaray dowlad-dhiska, hirgelinta 4 maamul goboleed iyo guud ahaan dhanka xiriirka caalamiga. Waxaa la qaaday tallaabooyin diblomaasiyadeed oo lagu hormarinaayay danaha Bulsho-dhaqaale iyo siyaasadeed ee Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Hase yeeshee, dhanka Muqdisho amnigeeda iyo maamul wanaageeda wax horumar la taaban karo lagama sameyn xilligaas. Sidii Maamulladii ka horreeyay oo kale, waxay Caasimaddu marti u sii ahayd dayacnaan ba’an oo dhan kasta ah.

Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajo (2017-2022)

Muddo xileedkii Madaxweyne Farmaajo waxaa dowlad dhiskii laga sii ambaqaaday halkii uu Madaxweyne Xasan Shiikh uga tagay.

Waxaa horumar laga sameeyay dhanka dib u dhiska ciidamada amniga, nadaaminta iyo ururinta dakhliga gudaha, horumarinta hannaanka maaliyadeed, bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo guud ahaan waxyaabihii qabyada ahaa ee horay u socday.

Hase ahaatee xaaladda Muqdisho halkeedii ayey taagneed, wax isbeddel horumar ah Muqdisho kuma tallaabsan, gaar ahaan dhanka amniga, bilicda iyo arrimaha bulsho-dhaqaale.

Geba gebo

Muqdisho Waa laga shaqeystaa ee looma shaqeeyo.

1-Arrimaha siyaasadeed (Maqaamka Muqdisho)

Laga soo bilaabo dowladdii lagu dhisay Nairobi 2004tii, waxaa Dowladnimada Soomaaliyeed lagu saleeyay Axdi Qarameedkii lagu ansixiyay shirweynihii dib-u heshiineed ee Nairobi (Transitional National Charter) oo ay qodobbadiisa ka mid ahaayeen in Muqdisho loo yeelo maqaam gaar ah. Markii loo guuray Dastuurka KMG ah waxaa isna lagu qeexay Maqaamka Muqdisho.

Mas’uuliyaddaas waxaa dusha loo saarey Golaha Shacabka. Haddaba, su’aashu waxay tahay “maxaa loo hirgelin la’yahay qodobkaas dastuuriga ah ee ku saabsan Maqaamka Caasimadda?.” Jawaabtu waxay tahay in madaxdii isaga dambeeyay maamulka Dalka laga soo bilaabo 2004tii halkii ay fulin lahaayeen qodobka Maqaamka Muqdisho ay ka door bideen in Maamul Kasta madaxdiisu u magacaabaan Gobolka Banaadir (Muqdisho) shakhsi u adeega danahooda siyaasadeed iyo dhaqaale.

Waxay ka baqaayeen in haddii ay Muqdisho maqaam gaar ah yeelato, ay dhaceyso in Soomaalida deggan dooranayaan madaxdii iyo maamulkii hoggaamin lahaa, meeshaasna ay ku waayaan ku daneysigii wejiyada badnaa ee siyaasad-bulsho-dhaqaale ee Muqdisho. Arrintaan waxaa Dowladahaas ugu kaalmeynayey xilli kasta reer Annagaa Leh (qayb ka mid ah) oo ka baqaya in maamulka sare ee Muqdisho/GB lagula tartamo hadii lakala qaado Duqa Magaalada Muqdisho iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

2-Laamaha kala duwan ee dowladda ee salshigtay Muqdisho (Golaha Shacabka, Aqalka Sare, Xukuumadda iyo Garsoorka)

Muddo kor u dhaafeysa 20 sano ayay dowladihii kala dambeeyay iyo heerarkooda kala duwan (Gole Shacab, Aqal Sare, Gole Fulin iyo Garsoor), waxay ku howl gelayeen Magaaladda Muqdisho.

Waxaase ayaan darro nogotay in 275 xubnaha Golaha shacabka, 54 Xubnaha aqalka sare, 70 ama ka badan xubnaha Golaha wasiirrada oo isugu jira (wasiirro, wasiirro ku xigeenno, iyo wasiirru-dowlayaal) oo in ka badan 95% degaan ahaan ku uruureen aagga Madaxtooyada iyo hoteello u dhow Xalane/airport ka.

Xubnahaas 3-da Qaybood ah ee kor ku xusan waxay isugu jiraan:

a) Qayb dibad joog ah (Diaspora) oo ku soo biiray qaybaha kala duwan ee maamulka sare iyo dhexe; qolooyinkaan intooda badan waxay u dhaqmaan sida ajaanib usoo shaqo tagay Soomaaliya, oo markay waayaan xilka si deg-deg ah dib ugu laabta dalalki ay dibad joogga ku ahaayeen.

Inta ay dalka joogaanna dhaqaalihi ay xalaal ama xaaraan ku helaan ma geliyaan Muqdisho ama gobalada kale ee dalka, waxayse u dhoofiyaan dibada, guryo kama dhistaan Muqdisho, wax horumar ah oo kalena kuma soo kordhiyaan, xataa kharashka ku baxa inta ay joogaan xamar waxaa laga bixiyaa dakhliga kasoo xarooda Magaalada Muqdisho.

b) Waxaa jira qayb kaloo ka mid ah madaxda sare ee Dowladda Dhexe muddo 15 sano ka badan ka tirsanaa (golayaasha iyo garsoorka) oo aan xataa 1 (hal) sandaqad ka dhisan ama ka iibsan Muqdisho, oo dakhliga ay helaan u xawila gobollo Dalka ka mid ah.

Qaybtaan waxaa ku jira koox markay waayaan jagada si deg-deg ugu dhoofa gobollada ay ka soo jeedaan, oo markay tagaan qirta in ay dambi ahayd kamid ahaanshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, cafisna weydiista madaxda gobollada ay tageen. Waa wax wanaagsan in la camiro gobollada dalka, hase yeeshee meesha aad magaca, maamuuska iyo dhaqaalaha ka heshay, in aan hanti lagu yeelan haba yaraatee, waa wax lala yaabo.

3-Maamulka loo magacaabo Muqdisho (Gobolka Banaadir)

Laga soo bilaabo Dowladdii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf, waxaa mar kasta loo magacaabayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duga Magaalada, dadka sheegta inay Muqdisho leeyihiin (reer Annagaa leh).

Hase ahaatee qofka la magacaabayo looma fiiriyo waaya aragnimaddiisa maamul, aqoontiisa, karti iyo hufnaantiisa, looguma talo galo inuu wax ka qabto dhibaatooyinka baaxadda weyn ee haysta Caasimadda iyo shacabka deggan, balse waxaa saldhig looga dhigaa qofka loo magacaabayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir inuu si hoose uga soo jeedo reer Annagaa leh, inuu yahay qof u adeegaya danaha gaar ahaaneed ee Madaxda Dowladda dhexe iyo tiisa kaliya, inuu si indho la’aan iyo dhega la’aan ah u fuliyo awaamiirta iyo rabitaanka madaxda dowladda sax iyo khalad, inuu dakhliga laga ururiyo dadka deggan Muqdisho aan wax loogu qaban bulshada, inuu dakhligaa ku wareejiyo ciddii uu u tilmaamo Maamulka Sare, ha ahaato lafahaantooda ama ciddii kale ee lagu naasnuujinayo, amaba ay Madaxda Maamulka Gobolku leexsadaan.

Waxaa shacabka Muqdisho oo 99% deris la ah saboolnimo, amni darro, ciriiri iyo dhibaato ay ku qabaan maritaanka waddooyinka. Intaa waxaa u dheer in markii ay wax uga baahdaan xafiisyada Gobolka Banaadir amaba kuwa Dowladda Dhexe lagu xujeeyo bixinta lacago laaluush ah.

Ku takrifalka shacabka kaliya ma aha ee waxaa si aan xishood lahayn loogu takrifalaa hantida maguurtada ah oo ay Hay’adaha Dowladda Dhexe iyo Gobolka Banaadir ku lahaayeen Muqdisho; hantidaas maguurtada ah waxaa qaybsada shakhsiyaad ku bahoobay boobka hantida ka dhexeysa umadda Soomaaliyeed ee taalla Caasimadda.

Waxaa intaas uga sii daran cadaalad darrada taal xafiisyada garsoorka, gaar haan qeybta madaniga, oo ula dhaqma shacabka Muqdisho iyo soomaalida kaleba si aan inta badan ku saleysneyn garsoor caadil ah. Waxaa la arkey hanti maguurta ah oo milkiyaddeedu saxantahay oo sanooyin badan ku jirtay iska dabawareeg oo kolba dhinac loo xukumo.

Qaabkaa gurracan oo ay ku timaado magacaabista Guddoonka Gobolka Banaadir, waxaa kasii daran qaabka loo magacaabo Ku-xigeennada Guddoomiyaha iyo Guddoomiyeyaasha 20ka degmo ee Gobolka Banaadir.

Magacaabista mas’uuliyiintaan looma xulo dad wax qabad laga doonayo, waxaa lagu keenaa qaab qaraabo kiil ah, qancin shakhsiyaad xiriir la leh Madaxda sare, waxaa lagu laaluushaa siyaasiyiin ama Guddoonka Gobolka ayaa keensada qaraabadiisa.

Lama soo koobi karo dhibaatooyinka haysta Soomaalida deggan Caasimadda waxaase laga xusi karaa shaqgo la’aan baahsan oo lagu qiyaasi karo 85%, lacago lagu sheego canshuur (mid gobol iyo mid federal) iyadoo inta badan aan lagu saleyn qaab sharci ah 00 soo maray hay’adaha Fulinta iyo sharci dejinta.

Madaxda jaangoysa canshuuraha kama warhayaan ama dan kama laha xaaladaha liita ee nolosha shacabka. Markaan si gaar ah u fiirinno sida canshuurta looga qaado guryaha ku yaal Muqdisho, waxaa loola dhaqmaa qaab ka baxsan nadaam maamul iyo qadarin la’aan.

Waxaa si caadi ah u dhaca, in gori caaradiis lagu kaxeysto dad guriga ugu jira kiro ama marti ku ah amaba waardiye ka ah, ayadoo la heli karo in milkiilaha guriga hadduu bixin waayo canshuurta maxkamad lagu dacweeyo ee laga qaado canshuurtii iyo ganaax la jira, halkii ay tacadi loo geysan lahaa dumar, carruur, waayeel iyo dad aan waxba ka khuseeyn bixinta canshuurta. Waxaad mooddaa in markii ay jirto baahi lacageed oo deg deg ah lagu qamaamo shacabka ay noloshii ku adkaatay.

Waxaa is weydiin leh, maxaa lagu tilmaami karaa shacabka waxaas oo dulmi, tacadi iyo ku takrifal dhan kasta ah lagu haayo ee u hoganayo, oo weliba ku dhawaaqayo Muqdisho Annagaa leh.

Sow caqliga caadiga ah sheegi maayo in qofku waxaa uu leeyahay dhibka ka dhowro, xannaaneeysto, diidana in lagu tacadiyo. Isma qaban karaan annagaa leh Muqdisho iyo haddana u damqan meyno dhibaatada sida joogta ah loogu haayo.

Waxaa in la xuso mudan, in reer Annagaa leh ay yihiin dad jecel dib u dhiska qaranka, wada jirka ummadda Soomaaliyeed iyo jiritaan Dowlad Soomaaliyeed, raallina ka yihiin in Muqdisho ahaato caasimadda Soomaaliya oo ka dhexeysa Soomaali oo dhan.

Waxaa amaan iyo bogaadin mudan laamaha amniga (Booliska iyo Nisa) ee ka howl gala Magaalada Muqdisho; gudashada waajibaadkooda waxay kala kulmaan dhibaatooyin aan la qiyaasi Karin sida: dil, dhaawac iyo dhaqaale xumo.

Waxaa wax qabadkooda qiimeyn kara qofkii Muqdisho joogay xilligii fowdada ee sagaashameeyadii. Xoogaaga xasilloonida ah ee ka jira Muqdisho waxay ku timid dulqaadka iyo naftooda hurinimada.

Waxaa iyana amaan mudan dhamaan Ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Muqdisho oo ayadoo lagu jiro xaaladaha aan soo xusnay u dhabar adeygay, qayb muuqatana ka qaatay camiraadda magaalada iyo horumarinta ganacsiga.

Waxaa xusid mudan in wixi ka horreyey Dowladdii Kacaanka ee 21-kii Oktoobar 1969, ay Muqdisho ahayd hal (1) degmo oo ka koobnaa xaafado.

Talo soo jeedin

1- In Golaha Shacabku sida ugu dhaqsiyaha badan u soo saaro Sharci qeexaya Maqaaamka Caasimadda.

2- In ay Dowladda Dhexe ku tallaabsataa meel marinta iyo hirgelinta sharciga Maqaamka Muaqdisho.

3- In la abaabulaa doorashada Golaha Maamulka Muqdisho oo asaguna dooranaya Duga Magaalada.

4- In laga guuraa nadaamka guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Duqa magaalada, maadaama labaduba ay khuseeyaan hal magaalo oo ah Muqdisho. Mas’uuliyadda maamulka Muqdisho waxay ku wareegeysaa Golihii la doortay iyo Madaxda ay u xulaan maamulka.

5- In Gudoomiyeyaasha degmooyinka ay shacabka degmooyinkaas degan soo doortaan.

W/Q: Abdullahi Ahmed Afrah
[email protected]
Wasiirki hore ee ganacsiga ee DKMG iyo guddoomiyihii Bank horumarinta

War ka cusub wada-hadallada Israel iyo Xamaas kadib dilkii Haniya

Gaza (Caasimada Online) – Israel ayaa oggolaatay in 15-ka Agoosto dib loo bilaabo wadahadaladii xabad joojinta Gaza, sida ay dalbadeen dhex-dhexaadiyeyaasha Mareykanka, Qatar iyo Masar, sidaasina waxaa sheegay xafiiska ra’iisul wasaaraha Benjamin Netanyahu xilli xiisadda dagaal ka qarxa gobolka ay cirka isku shareertay.

Hay’adda difaaca madaniga ah ee Qaza ayaa sheegtay in ka badan 18 qof duqaymo ay ciidanka Israel ku qaadeen laba dugsi maalintii Khamiistii, iyadoo Iran-na ay ku eedaysay Israel inay doonayso in ay dagaal ku faafiso bariga dhexe.

War-murtiyeed ay si wadajir ah Khamiistii u soo saareen hoggaamiyeyaasha Masar, Qadar iyo Mareykanka ayay ku casuumeen dhinacyada is haya in ay dib u bilaabaan wada-hadallada 15-ka Agoosto kuwaasi oo ka dhacaya Doha ama Qaahira “si isfaham looga gaaro qeybaha aan wali la isla garan oo loo bilaabo hirgelinta heshiiska iyada oo aan dib loo dhigin”.

Heshiis guud ayaa “hadda miiska saaran, oo kaliya tafaasiisha fulintiisu” ay dhiman tahay in la gabagabeeyo, iyadoo dhexdhexaadiyayaashuna ay “diyaariyeen in ay soo bandhigaan soo jeedinta heshiiska kama dambaysta ah” si loo xalliyo arrimaha harsan, ayay yiraahdeen.

Xafiiska Netanyahu ayaa sheegay habeenkii xalay in Israa’iil ay 15ka Agoosto u diri doonto koox wada xaajoodyaal ah “goobtii lagu heshiiyo si loo soo gabagabeeyo tafaasiisha fulinta heshiiska”.

Heshiiska la filayo in colaadda lagu hakiyo ayaa waxaa ka mid ah sii deynta la haystayaasha ee Gaza iyo in kor loo qaado gargaarka la gaarsiiyo Gaza.

Faah-faahinta weerar argagixiso oo lagu fishiliyay dalka…

Vienna (Caasimada Online) – Wiil 19 jir ah oo u dhashay Austria kaasi oo loo xiray eed ah in uu doonayay in uu weeraro bandhig faneed ay magaalada Vienna ku qaban lahayd fannaanadda Taylor Swift ayaa si buuxda u qirtay qorshe uu maleegayay.

Ninkan ayaa sheegay inuu rabay in uu dhiig badan ku daadiyo weerarkaasi, sida uu shir jaraaid ka sheegay agaasimaha hay’adda amniga guud ee Austria Franz Ruf.

Ruf ayaa intaa ku daray in wiilkan dhallinyada ah uu ku dhaartay in uu daacad u yahay hoggaamiyaha kooxda Daacish wuxuuna gurigiisa oo ku yaal magaalada Ternitz ku haystay kiimikooyin, baangado iyo aalado si uu isugu diyaariyo weerarka

Eedeysanaha ayaa qorsheynayay weerar halis ah oo ka dhan ah dad lagu qiyaasay 20,000 oo taageereyaasha fanaannadda Tyler Swift, kuwaasi oo lagu waday in ay isugu yimaadaan bannaanka garoonka Ernst Happel ee Vienna, ayuu yiri madaxa sirdoonka qaranka Omar Haijawi-Pirchner.

Labo kale oo dhallinyaro u dhashay Austria oo da’doodu kala tahay 17 iyo 15 ayaa la xidhay Arbacadii sababo la xiriira qorshaha weerarka.

Barracuda Music oo soo qabanqaabisay bandhig faneedka ayaa sheegtay in ay joojisay saddexdii bandhig oo ay Swift ku qaban lahayd Vienna, iyadoo kiiba ay tikidhadiisa iibsadeen ilaa 65 kun oo qof.

Taageerayaasha, oo qaar badan oo ka mid ah ay ka soo safreen meelo ka fog fog Vienna ayaa ka xumaaday baaqashada bandhig faneedka laakin sheegay in fahamsan yihiin sababta loo baajiyay.

Daawo: DF oo shaacisay in Masar ay dalbatay inay ciidamo usoo dirto Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Masar ay dalbatay inay ciidamo u soo dirto Soomaaliya, maadaama uu socdo qorshe lagu diyaarinayo howlgalka 3-aad ee bedelaya ciidamada ATMIS oo dalka joogay in ka badan 10 sano.

La-taliyaha amniga qaranka Xuseen Macalin Maxamuud oo maanta u waramay SNTV ayaa xaqiijiyey in Masar ay soo gudbisay codsigaas, balse go’aanka aqbalaada laga sugayo dowladda Soomaaliya.

“Masar iyo Jabuuti waxay kulankii Midowga Afrika ay uga tashanayeen qorsheynta howlgalka cusub uga dhawaaqeen inay diyaar u yihiin inay ka qeyb noqdaan oo Soomaaliya ciidamo u soo doraan, laakiin dowladda Soomaaliya ayaa go’aan ka gaareysa wadamada ay ciidamadu ka imaa doonaan,” ayuu yiri Xuseen Macalin Maxamuud.

Howlgalkaas ayaa Soomaaliya ka bilaabanaya horaanta sanadka 2025-ka, waxaana go’aankiisa loo daba fariisa doonaa dowladda Soomaaliya, sida la rijeynayo wax badan ayuu uga duwanaa doonaa kan hadda shaqeeya ee ATMIS.

La-taliyaha amniga qaranka wuxuu sheegay in howlgalkaas waqti cayiman aan loo qaban, balse uu socon doono ugu badnaan shan sano, markii ay dalbato dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in lasoo gabagabeynayo.

Sidoo kale waxaa intii hore ka yaraa doona ciidamada ka qeyb qaada doona howlgalkaas, waxaana la qorsheeyey in 10,000 (toban kun) aysan ka badan.

La-taliyaha amniga qaranka wuxuu wareysigaan ku sheegay in ciidankaas ay u howlgeli doonaan si ka duwan ATMIS.

Waxay tegi doonaan furimaha dagaalka, waxayna la howlgeli doonaan ciidamada qaranka, iyagoo saldhigyo ka sameysa doona deegaanada fog fog ee looga baahanyahay ciidamada.

Dowladda Soomaaliya ayaa diyaarineysa ciidamo Soomaali ah oo la howlgeli doona ciidamadaas cusub ee ka socda dalalka shisheeye, kuwaas oo hagi doona howlgalka.

“Markii la ansixiyo go’aanka ay ciidamadaas uga howlgelayaan Soomaaliya, waxaan si gaar gaar ah heshiisyo ula geli doonaa dowladaha ay ciidamadaasi ka socdaan,” ayuu yiri La-taliyaha amniga qaranka Xuseen Macalin Maxamuud.

Hoos ka daawo

DF iyo maamullada oo ku heshiiyey 5 qodob oo masiiri ah iyo Puntland oo ka maqan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirkii Wasiirada Maaliyadda ee heer Fadaraal, Heer Dowlad-Gobolood iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kaas oo socday muddo sadex cisho ah, iyadoona diiradda lagu saaray qodobo muhiim u ah horumarinta hannaanka maaliyadda iyo wadashaqaynta guud.

Dood dheer kadib, madashu waxa ay isku raacday warmurtiyeed ka kooban 5 qodob oo ay wadajir u saxiixeen Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige oo ah Guddoomiyaha Madasha iyo Wasiirada Maaliyadda Dowlad-Goboleedyada kala ah Jubbaland, Hirshabeelle, Koofur-Galbeed, Galmudug iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

              Qodobada lagu heshiiyay

1) 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐊𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐌𝐢𝐢𝐬𝐚𝐧𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 (𝐁𝐮𝐝𝐠𝐞𝐭 𝐒𝐮𝐩𝐩𝐨𝐫𝐭):

Si waafaqsan heshiiskii Wasiirrada ee shirkii 18-aad, ee ku saabsanaa wadaagga deeqaha, waxa lagu heshiiyey in lagu saleeyo wadaagga kabka miisaaniyadda Sanad Maaliyadeedka 2024, si waafaqsan tilmaamaha heshiiska.

Waxa sidoo kale la isla qaatay in lagu dabaqayo dajinta Miisaaniyadda Sannadka 2025.

2)𝐐𝐚𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐋𝐚𝐦𝐛𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐂𝐚𝐧𝐬𝐡𝐮𝐮𝐫 𝐁𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 (𝐋𝐀𝐂):

Kulanku wuxuu ka dhegeystay Guddoomiyaha Guddiga Farsamada ee Fadaraaleynta Maaliyadda (IGFFTC) soo jeedintii Guddiga fadhigiisii 16aad, warbixintaas oo lagu faah-faahiyey Aqoonsiga Canshuur bixiyaha iyo qaabka uu noqon karo. Kulanku wuxuu isku raacay soo jeedintii Guddiga Farsamada, taas oo ah in hirgelinta Lambarka Aqoonsiga Canshuur bixiyahu (LAC) noqdo 12 god, (12 digit) oo muujinaya nooca canshuur bixiyaha (shakhsi/ganacsi/hey’ad), heerka dowladda, lambar taxane ah ee nidaamka danabeysan ee la adeegsanayo uu abuurayo iyo lambar lagu hubinayo.

3)𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐞𝐞𝐪𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐥𝐨𝐨 𝐟𝐢𝐝𝐢𝐧𝐚𝐲𝐨 𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐨𝐬𝐞:

Warbixin iyo soo jeedin Mashruuca RCRF oo xiganaya soo jeedintii Guddiga Farsamada ee shirkii Kigali, kulanku wuxuu bogaadiyey ansixiyeyna dhammaan shuruudaha iyo habraacyada la xariira maamulidda deeqaha Dowladaha Hoose ee la soo bandhigay. Kulanku wuxuu isku raacay in la xoojiyo tayada shaqo ee Dowladaha Hoose si loo xaqiijiyo isticmaalka lacagta si sax ah, iyadoo laga kaalmeeynayo habsami u socodka shaqada mashruuca iyo bixinta adeegyada bulshada.

4)𝐐𝐨𝐫𝐦𝐨 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝𝐤𝐢𝐢 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐲𝐚𝐝𝐢𝐢 𝐌𝐚𝐬𝐮𝐮𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐤𝐡𝐥𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐬𝐭𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐰𝐨𝐨𝐝𝐚𝐡𝐚:

Kulanka waxaa looga warbixiyey halka uu marayo Qormo Siyaasadeedkii Heshiisyadii Mas’uuliyadaha Dakhliga iyo Asteynta Awoodaha Adeegga heerarka dowladaha, kaas oo Madasha Wadatashiga Qaranku (NCC) hore go’aamo uga gaaray December 2022 iyo Maarso 2023.

Falanqeyn dheer kadib, kulanku wuxuu bogaadiyey dadaalka Guddiga Farasamada, ayadoo sidoo kalena kulanku bogaadiyey soo jeedintii Guddiga Farsamada ee ahayd in Maamul kastaa gudihiisa kasoo baaraandegaan, soona gudbiyaan aragtidooda bisha October ee Sanadka 2024.

5) 𝐌𝐮𝐬𝐭𝐚𝐪𝐛𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜𝐚 𝐑𝐂𝐑𝐅-𝐈𝐈𝐈:

Kulanku wuxuu ka dhagaystay soo jeedin ku aadan hannaanka cusub ee mashruuca RCRF-III u saacidi doono DXDF sanadka soo socda, taas oo isbedel ku imaan doono habraacyadii hore. Dowlad Goboleedyadu waxay qoondada mushaar bixinta u wareejin doonaan qaabka shuruudda ku xiran ee loo yaqaano PBC.

Waxaa la isku waafaqay in shir arinkaan u gaar ah la qabto si loo falanqeeyo caqabadaha ku imaan kara fulinta hawshan.

Daawo: DF oo xog culus ka bixisay qorshaha ciidamada cusub ee bedelaya ATMIS

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay qorshaha howlgalka 3-aad ee bedelaya ATMIS, kaasi oo bilowga sanadka 2025 ka bilaabanaya Soomaaliya, kaas oo ciidamo ka socda wadamo hor leh ay ka qeyb qaada doonaan.

La-taliyaha amniga qaranka Xuseen Macalin Maxamuud oo maanta u waramay SNTV ayaa sheegay in go’aanka howlgalkaas ay leedahay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in howlgalkaas waqti cayiman aan loo qaban, balse uu socon doono ugu badnaan shan sano, markii ay dalbato dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in lasoo gabagabeynayo.

Sidoo kale waxaa aad u yaraa doona ciidamada ka qeyb qaada doona howlgalkaas, waxaana la qorsheeyey in 10,000 (toban kun) aysan ka badan.

La-taliyaha amniga qaranka wuxuu wareysigaan ku sheegay in ciidankaas ay u howlgeli doonaan si ka duwan ATMIS.

Waxay tegi doonaan furimaha dagaalka, waxayna la howlgeli doonaan ciidamada qaranka, iyagoo saldhigyo ka sameysa doona deegaanada fog fog ee looga baahanyahay ciidamada.

Dowladda Soomaaliya ayaa diyaarineysa ciidamo Soomaali ah oo la howlgeli doona ciidamadaas cusub ee ka socda dalalka shisheeye, kuwaas oo hagi doona howlgalka.

“Markii la ansixiyo go’aanka ay ciidamadaas uga howlgelayaan Soomaaliya, waxaan si gaar gaar ah heshiisyo ula geli doonaa dowladaha ay ciidamadaasi ka socdaan,” ayuu yiri La-taliyaha amniga qaranka Xuseen Macalin Maxamuud.

Hoos ka daawo