26.4 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Daawo: DF oo xog culus ka bixisay qorshaha ciidamada cusub ee bedelaya ATMIS

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay qorshaha howlgalka 3-aad ee bedelaya ATMIS, kaasi oo bilowga sanadka 2025 ka bilaabanaya Soomaaliya, kaas oo ciidamo ka socda wadamo hor leh ay ka qeyb qaada doonaan.

La-taliyaha amniga qaranka Xuseen Macalin Maxamuud oo maanta u waramay SNTV ayaa sheegay in go’aanka howlgalkaas ay leedahay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in howlgalkaas waqti cayiman aan loo qaban, balse uu socon doono ugu badnaan shan sano, markii ay dalbato dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in lasoo gabagabeynayo.

Sidoo kale waxaa aad u yaraa doona ciidamada ka qeyb qaada doona howlgalkaas, waxaana la qorsheeyey in 10,000 (toban kun) aysan ka badan.

La-taliyaha amniga qaranka wuxuu wareysigaan ku sheegay in ciidankaas ay u howlgeli doonaan si ka duwan ATMIS.

Waxay tegi doonaan furimaha dagaalka, waxayna la howlgeli doonaan ciidamada qaranka, iyagoo saldhigyo ka sameysa doona deegaanada fog fog ee looga baahanyahay ciidamada.

Dowladda Soomaaliya ayaa diyaarineysa ciidamo Soomaali ah oo la howlgeli doona ciidamadaas cusub ee ka socda dalalka shisheeye, kuwaas oo hagi doona howlgalka.

“Markii la ansixiyo go’aanka ay ciidamadaas uga howlgelayaan Soomaaliya, waxaan si gaar gaar ah heshiisyo ula geli doonaa dowladaha ay ciidamadaasi ka socdaan,” ayuu yiri La-taliyaha amniga qaranka Xuseen Macalin Maxamuud.

Hoos ka daawo

Aqriso: Qodobo yaab leh oo ku jira sharciga doorasho ee maanta la ansixiyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Nuqul kamid ah sharciga doorashooyinka ee maanta ay ansixiyeen golaha wasiirada Soomaaliya oo ay heshay Caasimada Online, ayaa waxaa ku jiro qodobo la-yaab leh oo qalalaase siyaasadeed gelin kara dalka.

Sharcigan ayaa dhigaya in guddiga doorashooyinka ay awood buuxda u leeyihiin inay ku dhawaaqan dib u dhaca doorashooyinka, kadib marka ay suurtagali waeydo in doorashooyinka qabsoomi waayan duruufo adag oo jira awgood waqtigii loo cayimay.

Sidoo kale waxa uu qodobka 75-aad ee dib u dhaca doorashooyinka ee sharcigan ku xusan in haddii ay suurtagli weydo in doorashooyinka ay qabsoomaan ay qabsoomaan duruufo adag oo jira awgeed, cidda haysa xilka loo tartamayay ayaa sii haynaysa xilka inta duruufahaas adag laga gudbayo doorashaduna ka qabsoomayso.

Qodobkan ayaa masuulka xilka jooga siin kara waqti dheeraad ah “muddo kororsi” uu kusii joogi karo, waana mid kamid ah qodobada qalalaase siyaasadeed horseedi kara, ayada oo la ogyahay waxa dhici kara haddii madaxweyne muddo xileedkiisu dhamaaday uu iska sii joogo Villa Somalia.

Sharcigan ayaa sidoo kale waxa uu dhigayaa in magaala madaxda dalka ee Muqdisho ay yeelaneyso gole ka kooban 49 xubnood iyo duqa caasimadda iyo ku-xigeenkiisa oo si toos ah oo qarsoodi ah ay u soo dooranayaan cod bixiyeyaasha diiwaan gishan (Vote Registration).

Waxa uuna dhigayaa in degmo kasta oo magaalo madaxda dalka ah ay yeelaneyso gole deegaan iyo duqa degmada oo la soo dooranayo.

“Degmooyinka Caasimadda Muqdisho ayaa yeelanaya labo darajo oo Gole deegaan ah (A) oo noqonaya 15 xubnood, halka darajada (B) ay noqoneyso 11 xubnood gole deegaan ah, taasoo macnaheeda tahay sida ay u kala helayaan darajooyinkaas ay tahay sida ay degmooyinka u kala weyn yihiin.”

Sharcigan oo lagu wado in baarlamaanka loo gudbiyo kadib markii ay maanta ansixiyeen golaha wasiirada Soomaaliya, ayaa uga sii dari kara xiisadda ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka, taas oo meel adag iska taageen madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Maxkamadda G/Banaadir oo baafineysa haweeney loo haysto kiis xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa baafineysa Nadiifo Xasan Cabdiqaadir Cabdulle oo xeer ilaalinta ay kusoo eedeysay kiis xasaasi ah.

Xeer ilaalinta ayaa Nadiifo usoo jeedisay dambiyo ay kamid yihiin lacag dhaqida iyo maalgalinta argagaxisada, sida lagu sheegay warqadda baafinta ee ksaoo baxday maxkamadda gfobolka Banaadir.

“Maxkamaddu waxay baafineysaa kuna wargalinaysaa eedeysane Nadiifo Xasan oo ay dacwad ciqaab ah oo uu dhinac ka yahay ka furan tahay maxkamadda gobolka, uuna kusoo eedeeyay xafiiska xeer ilaaliyaha guud sharciga ka hortagga lacag dhaqista iyo maalgelinta argagixisada.”

Nadiifo ayaa sidoo kale waxaa eedeymaha loo haysto kamid ah “dambi kamid noqosho urur hubaysan oo kasoo horjeeda qarannimada Soomaaliya,” waxaana loo qabtay in muddo soddan maalmood gudahooda ah ay ku hortimaado maxkamadda gobolka.

“Maxkamadda gobolka Banaadir muddo (30) maalmood gudahood ayey fareysaa inay ku hor imaato oo ku eg 07/09/2024 oo ah maalinta Sabti ah, saacaduna tahay: (10:00Am) Subaxnimo, si ay iskaga difaacdo eedda uu kusoo eedeeyay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.”

Maxkamadda ayaa sidoo kale waxay ku goodisay in ay qaadi doonto dacwada Nadiifo ayada oo maqane ah haddii ay maxkamadda ku hor imaan weyso mudadda loo qabtay.

Xeer ilaalinta ayaa horey sidan oo kale maxkamadda ugu gudbisay shaqsiyaad ku eedeysan lacag dhaqid iyo maalgalinta argagixisada, xilli ay dowladda federaalka Soomaaliya dagaal dhowr jiho ah kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Hubanti la’aanta shirka G/Wadatashiga: Yaa faa’iido ku qaba Xasan mise maamullada?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Saddexdii asbuuc ee u dambeeyay waxaa shaqeyn waayay saddex isku-day oo la rabay in lagu qabto shirka golaha wadatashiga qaran.

Madaxdan muddo xileedka haysan ee maamul goboleedyada ayaa raadinaya inuu qabsoomo shir u fasixi kara inay doorashooyin u gaar ah qabsadaan.

Waxaa kale oo lagu jiraa waqtigii la heli jiray lacagta kabka ah ee ka timaada Bangiga Adduunka, taas oo ay maamul goboleedyada min dhowr milyan ka helaan.

24-kii bishii dhamaatay ee July waxaa la damacsanaa in Muqdisho la iskugu yimaado mana dhicin. Waxaa markale laga fikiray in 3-da August Xamar la iskugu tago, iyaduna ma qabsoomin.

Markale waxaa soo baxday in magaalada Kismaayo la isugu tegaayo, iyaduna hadda ma muuqato. Waxaana dhinaca Jubbaland ka xaqiijinay in uusan jirin shir qorsheysan oo horey looga heshiiyay inuu ka dhaco magaalada Kismaayo, balse hadda kadib laga wada-hadli karo macquul ahaanshihiisa.

Hal kulan oo kamid ah kuwa baaqday waxaa cudur-daartay hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe, laakiin guud ahaan baaqashadani kama dhigna in Xasan Sheekh la meer-meerinayo.

Waxaase dhinaca kale jirta inuu madaxweyne Xasan Sheekh shaqo wato, taas oo la xiriirta dhismaha guddiga doorashooyinka, sharciga doorashooyinka iyo sharciga axsaabta.

Isniintii madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shir ugu yeeray xubnaha xisbigiisa UPD, waxaa kale oo la xaqiijiyay inuu kulanka joogay wasiirka arrimaha gudaha iyo sharci-yaqaanno.

Waxay madaxweyne Xasan iyo kooxdiisa ka wada-hadleen in si deg deg ah loo dhameystiro sharciga doorashooyinka iyo midka asxaabta, loona gudbiyo golaha wasiirada.

Horey golaha wasiirada ayaa u ansixiyay sharciga dhismaha doorashooyinka, waxaana kadib loo gudbiyay baarlamaanka. Haddana waxay madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa u jiheysteen sharcigii doorashooyinka iyo kii axsaabta.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu weli ku dhagan yahay inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah. Maamullada qaar inay isdib dhigaan Xasan uu dantiisa wato waa dibir dhinaca maamullada jirta.

Haddii ay labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya maraan sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka, midka axsaabta iyo kan guud ee doorashooyinka, Xasan Sheekh waa ka xoog badnaan doona halka uu maanta joogo.

Maamul goboleedyada haddii ay dib isku dhigayaan iyo haddii loogu tala-galayba, Xasan Sheekh wuxuu sameystay jidad uu ku gaari karo halka uu usocdo isaga oo shir qaban.

Maamullada raadinaya kabkii World Bank, in doorashooyinka loo fasaxo ama raba in madaxweynaha waxyaabaha qaar si dhab ah loogala heshiiyo iyaga hadda u baahan kulanka.

Xasan Sheekh waa nin weli sharciyad haysta, wixii uu baarlamaanka mariyana lama dhayalsan karo, marwalba oo shirka golaha wadatashiga qaran dib u dhacana waxaa macquul ah inuu hal tallaabo usii qaado in sharciyadda miiska saaran ku adkaado.

Maamullada iyaga ayuu hadda xalkooda ku jiraa inay miiska yimaadan.

Falcelin xooggan oo ka dhalatay tallaabaddii golaha wasiirada ee maanta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta meel-mariyay sharciga doorashooyinka iyo midka xisbiyada, xilli ay si weyn uga soo horjeedan siyaasiyiinta mucaaradka qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh.

Tallaabadan ayaa billow u ah qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh uu haatan ku doonayo inuu ku qabto doorasho qof iyo cod ah, waxaana la horgeyn doonaa baarlamaanka Soomaaliya, si uu isna u ansixiyo.

Meel-marinta labada sharci ayaa waxaa durba ka dhashay falcelin xooggan, ayada oo bulshada Soomaaliyeed ay su’aal ka keeneen sida ay xilligaan dalka uga qabsoomi karto doorasho qof iyo cod ah, ayada oo la ogyahay xaalka amni iyo in aysan jirin tallaabooyin dhab ah oo arrintaan u qaaday dowladda Xasan Sheekh.

Haddaba, sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Cabdiraxmaan Dhamac: “Waddan aan amni lahayn baa doorashadiisa la isku haysta wixii waddanka dhacay cid iskala xisaabtamtay ilaa hadda lama hayo iyo shaqsi shaqadiisa ku waayey, marka in aan dowladnimo jirin sidaas baad ku garanaysaa waddankii amnigiisa cid uu gacan ugu jiro lama hayo oo isla-xisaabtam lama hayo.”

Yuusuf Cabdalle ayaa isna waxa uu yiri “Shaqo fiican ayaa qabateen ra’iisul wasaaraha iyo xukuumaddiisa, halka la joogo hore ha looga sii socdo.”

“Markii afka laga sheegaayo ama qoraal ahaan loo diyaarinaayo waa fududahay, sidoo kale ansixinteedu waa lamid oo waa fududahay laakiin markii la joogo ficil iyo fulinteedu aad ayay u adag tahay, mana muuqato wadadii lagu qaban lahaa xeerarkaan muhiimka ah,” ayuu yiri Cabdicasiis Khayrdoon.

Cabdikariin Jabra: “Doorasho dadban in laga guuro waa dow balse hannaan looga guuro ayaa loo baahanyahay.”

Cali Jaziira ayaa isna waxa uu yiri “Raggaan wasiirada ah ayagu xitee wey ogyihiin in wadanka doorasho qaf iyo cod laga qaban karin laakiin qalbiga umadda Soomaaliyeed ayey ku ciyaarayaan.”

Saadam Muxiyadiin: “Shaqo badan ayay rabtaa in dalkaan ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah ee sida ay wax u socdaan ha la beddelo haddii kale teendhadii baa lagu laaban.”

“Waxaan sugaynaa markaad darbiga soo taabataan oo dhahdaan Saciid Deni hala raadiyo,” ayuu yiri Saadam Baddal Salaad.

Maxamed Xuseen Fidaar: “2026 amaa aragnaa doorasho dadban iyadoo loo laabtay ama qof iyo cod ah oo dad kooban oo la ogyahay qofka ay dooranyaan.”

“Dowladdii oo dhan waxay noqotay mashruuc socda,” ayuu yiri Saalim Soofe oo kamid ah dadka ka fal-celiyay arrintaan

Maxamed Khaliif: ” Madaxweyne walba marku wareero doorasho qof iyo cod ah muxuu isugu xoqa horta.”

Liiska xubnaha u tartamaya kursiga M/Afrika iyo bahdil kale oo ku dhacay Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Afrika ayaa diiwaan-geliyay musharraxiinta u tartamaya xilka guddoomiyaha ururka Midowga Afrika, kaas oo horey ugu hanqal taageysay Soomaaliya.

Doorashadan oo dhacaysa bisha February ee sannadka soo socda ayaa waxaa loo diiwaan-geliyay afar musharrax, kuwaasi oo noqonaya musharrixiinta rasmi ah ee u tartamaya jagadan, kuma jirto Fowsiya Yuusuf Aadan.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya oo kamid ahayd musharrixiintii u horreyay ee sheegay inay jagadan u tartamayaan, rejo fiican ka laheyd ayaa tartankan uga hartay cadaadis uga yimid madaxda sare ee dalka.

Middan oo lagu micneeyay bahdil siyaasadeed iyo dhaawac sumcadeed oo soo gaaray Soomaaliya ayaa waxay madaxda Soomaaliya ku qanceen in musharaxeeda uu booska u banneeyo musharraxa ka socda dalka Jabuuti.

Soomaaliya ayaa muddo nus qarni ah sugi doonto si ay mar kale ay ugu tartanto jagadan.

Musharrixiinta u tartamaysa xilkan ayaa kala ah; Raila Odinga oo u dhashay dalka Kenya, wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf iyo musharixiin kale oo ka soo jeeda dalalka Mauritius iyo Madagascar.

Si kastaba, isla dhacdo middaan lamid ah dowladda madaxweyne Xasan ayaa dhowr bilood kahor diiday inay taageerto Xildhibaan Marwo oo isku sharaxday madaxweynaha baarlamaanka adduunka, laakiin markaas dowladda qiil waxay ka dhigatay inay Tanzania uga beddelatay taageerada xubinnimada ururka bulshada Bariga Afrika.

Golaha Wasiirada oo ansixiyay sharciga doorashooyinka iyo midka xisbiyada

0

Muqdisho (Caasimda Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo uu guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre waxaana goobjoog ahaa inta badan xubnaha golaha.

Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa go’aan looga gaaray sharciyo taabanaya doorashooyinka soo socda oo la rabo inay noqdaan qof iyo cod, wuxuuna golaha u qaaday tallaabadii ugu horreysay, ayada oo weli ay taagan tahay qaylada mucaaradka.

Xubnaha golaha wasiirada ayaa goordhow si buuxda u meel-mariyay sharciga doorashooyinka iyo sharciga xisbiyada, kaasoo billow u ah qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu haatan ku doonayo inuu ku qabto doorashada qof iyo cod ah.

Labadan sharci ayaa sidoo kale la horgeyn doonaa baarlamaanka Soomaaliyeed, si uu u ansixiyo, laakiin waxaa taagan dood xoogan oo caqabad ku noqon karta qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan meel-marinta shuruucdan oo fure u noqon doono doorashada.

Caqabadda ugu wayn waa xubnaha xildhibaanada garabka mucaaradka oo muddooyinkii ugu dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka waday Muqdisho, sidoo kale waxaa iyana indhaha la’iska tiri karin qaylo dhaanta siyaasiyiinta mucaaradka oo mar hore ka furtay Xasan Sheekh.

Dhinaca kale waxaa shirka golaha wasiirada lagu soo qaaday xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan ammaanka, ayada oo warbixinno laga dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, kuwaas oo ka hadlay amniga guud ee dalka iyo dagaalka lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab ee ka socda qaar kamid ah gobollada.

Xubnaha golaha wasiirada ayaa si weyn u bogaadiyay guulaha ay ciidanku ka gaarayaan sifeynta kooxaha Khawaarijta, gaar ahaan guulihii laga gaaray dhinaca Jubbaland.

Ammaanka Villa Soomaaliya oo si weyn loo adkeeyay kadib xaalad soo korortay

0

Muqdisho (Caasimada online) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in haatan si weyn loo adkeeyay amniga xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay soo baxeen digniino ku aadan weeraro horleh oo ay qorsheyneyso kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa ilaalada madaxtooyada ayaa xalay bilaabay dhaq-dhaqaaqyo xoogan oo ay ku sugayaan amniga xarunta Villa Soomaaliya iyo agagaarkeeda, cabsi laga qabo weeraro ay Al-Shabaab ka gaysan karaan halkaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in ciidamada ay xalay dhaq-dhaqaaqyo ka sameeyeen dhammaan waddooyinka gala xaruntan oo ay dagan yihiin madaxda ugu sarreysa ee dalka, waxaana inta badan gaadiidka iyo dadweynaha laga celinayaa aagga madaxtooyada, maadaama ay feejigaan ku jiraan ciidanka amniga.

Sidoo kale ciidamada ayaan ogoleyn in gudaha loo galo dhismaha madaxtooyada ama in laga soo baxo, waxayna dadka ku wargeliyaan inuu jiro amar guud oo lagu xadiidayo dhaq-dhaqaaqa laga sameeyo aagga Villa Soomaaliya.

Sababta ugu wayn ee arrintan loo sameynayo ayaa ah kadib digniino kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo lagu sheegay in Al-Shabaab ay mar kale weeraro ka fulin karto gudaha caasimada, gaar ahaan baraha koontarool ee laga ilaaliyo madaxtooyada , hoteellada caasimada, baraha koontarool ee KM4  iyo xeebta Liido.

Qaramada Midoobay waxa ay sheegtay inay heshay digniin cusub oo ku aadan in magaalada Muqdisho ay ku jiraan illaa 5 gaari oo ay ka buuxaan walxaha qarxa, isla markaana la qorsheyneynayo in lagu fuliyo weeraro cusub.

Xafiiska QM ayaa shacabka uga digtay inay tegaan goobahaasi oo ay sheegtay inay suuragal tahay in maalmaha soo socda ay beegsato kooxda Al-Shabaab.

Farriintan digniinta ah ayaa sidoo kale lagu sheegay in xafiiska ay waajib ku tahay inuu mar kasta soo gudbiyo dhaq-dhaqaaq kasta oo shaki abuuri karo, si looga digtoonaado.

Jimcihii lasoo dhaafay ayay ahayd markii weerar xoogan oo lagu hoobtay ay kooxda Al-Shabaab ka fulisay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaas oo lagu laayay dad badan oo shacab ah, una badnaa dhalinyaro ku caweynayay halkaasi.

Waxaa sidoo kale ka horreeyay weerar kale oo lagu beegsaday maqaayadda Top Cofee ee degmada Boondheere, halkaas oo iyana lagu laayay dad badan oo aan waxba galabsan.

Muqdisho: Waddooyin guryo laga dhex dhistay oo la furay + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta dib loo furay waddooyin ku yaalla magaalada Muqdisho, kuwaas oo xirnaa muddo dheer, waxaana si sharci darro ah guryo uga dhistay dad leh dano gaar ah, taas oo keentay inuu xirmo isku socodka deegaanka.

Maamulka degmada Kaaraan oo howlgal culus qaaday ayaa ku guuleystay inuu furo waddooyin ku yaalla gudaha degmadaas oo ay shaqsiyaad gaar ah ay guryo ka dhisteen.

Guddoomiye Faarax Cadaani Maxamed oo howlgalkan horkacaya ayaa sheegay in dhammaan waddooyinka xiran ee degmada  ay furi doonaan, si loo isticmaalo, wuxuuna tilmaamay in xaafadaha qaar aan la geli karin ciriiro xoogan oo ka jira aawgiis.

“Meeshaan aad u jeeddaan malaha meel dab-damiska uu galo, haddii uu guri gubto malaha meel ay Ambalaas soo gasho, haddii uu dhaawac dhaco sida aad arkeysaan waxaa la xirtay guryihii hortooda oo si sharci darro ah loo dhistay” ayuu yiri Cadaani.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Qof kastaa waxaa la rabaa inay sharciga u hoggaansato ninkii waddo ku jiraa waa inuu ka baxaa horay ayaan u sheegnay kii hadda kadib dhisan doonana aan laga ogolaanin”.

Faarax Cadaani oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale digniin u diray dadka weli deggan jidadka dhexdooda, wuxuuna sheegay inay cagta marin doonaan maalmaha soo socda.

“Xaafadda waxaan rabnaa inay qurxoonaato bilicdeeda oo ay waddooyinka furmaan si loo heli karo gaadiidka gurmadka deg-degga ah” ayuu mar kale yiri guddoomiyuhu.

Waxaa sidoo kale tallaabadan soo dhaweeyay shacabka ku dhaqan degmada Kaaraan oo maamulka ku boggaadiyay furista waddooyinka xiran ee degmadaasi.

Si kastaba, maamulka gobolka Banaadir ayaa haatan wada qorshayaal guud oo lagu hormarinayo caasimada, laguna furayo waddooyinka halbowlaha ah ee Muqdisho.

PUNTLAND oo soo saartay digniin culus oo ku wajahan…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa soo saartay digniin culus oo ku aadan roobab xooggan oo saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay degmada Laas-qoray oo ka tirsan gobolka Sanaag ee waqooyiga dalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka Puntland ayaa waxa lagu sheegay in roobabkani ay gaysan karaan waxyeelooyin isugu jiro khasaare nafeed iyo burbur hantiyeed, ayna uga digayaan bulshada deegaanka.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in shacabka deggan gudaha iyo deegaannada hoos yimaada magaalada Laas-qoray looga baahan yahay in taxadar muujiyaan, si ay uga fogaadan khasaaraha ka dhalan kara roobka.

Sidoo kale waxa ay wasaaraddu si gaar ah farriin ugu dirtay dadka deegan xeebaha iyo meelaha biyo mareenka ah, iyada oo ka codsatay inay taxada muujiyaam.

“Waxaan shacabka ku nool nawaaxiga degmada laas-qoray ku wargelinaynaa inay ka fogaadaan xeebaha iyo meelaha biyo mareenka ah ee kuteedsan Laasqoray taxadar dheeri ahna muujiyaan” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda gargaarka iyo maaraynta musiibooyinka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Qoraalka ayaa intaasi kusii daraya “Hadaba waxaa bulshada ku dhaqan degaanada Puntland ku wargelinaynaa inay ka digtoonadaan meelaha biyo mareenka ah miyi, magaalo iyo xeebahaba sidoo kale dhamaan dadka degaanada Puntland dagan ayaa laga codsanayaa inay ogaadaan oo ka digtoonaadan khatarta ka dhalan karta roobabka xooggan oo sii kordhi kara.”

Marka laga yimaado digniinta kasoo baxday maamulka Puntland, ayaa haddane waxaa cabsi iyo xaalad adag ay soo wajahday dadka deegaanka ee ku dhaqan goobaa laga digay.

Horay Puntland ayaa waxaa ugu dhuftay roobab dabeylo wata oo khasaarooyin dhaliyay, waxaana kamid ah meelaha ay ku dhufteen magaalada Qardho oo ku taalla meel biyo mareen ah, waxaana labadii sano ee u dambeeyay soo gaaray khasaare kala duwan oo u badan burbur soo gaaray kaabayaashii magaalada, iyada oo dad badani ay ku cayroobeen, kadib markii daadadku ka burburiyeen hantidoodii ay ku tiirsanaayeen.

Ciidanka ATMIS oo wareejiyay saldhig ku yaalla Hiiraan + Sawirro

0

Maxaas (Caasimada Online)  – Taliska howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika ayaa saldhigga Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ku wareejiyay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, taas oo qayb ka ah qorshaha ku aadan bixitaanka ciidamadan oo hadda ku socdo si tartiib ah.

Munaasabad ka dhacday Maxaas ayaa waxaa si rasmi ah saldhigga kula wareegay cutubto ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo qaaday mas’uuliyadda amniga xeradaas.

Warsaxaafadeed kasoo baxay ATMIS waxaa sidoo kale lagu sheegay in wareejinta saldhiggan uu qayb ka yahay wajiga saddexaad ee dhimista ciidamadooda, sidoo kalena saldhiigan uu noqday kii lixaad ee lagu wareejiyo ciidamada Xoogga Soomaaliyeed.

“Hawlgalka ATMIS ayaa saldhigga Maxaas ku wareejiyey Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya, tallaabadan ayaana qeyb ka ah Wajiga Saddexaad ee Ciidan Dhimista ee haatan socdo. Saldhigga oo ku yaalla gobolka Hiiraan waa xaruntii lixaad oo milatari ee lagu wareejiyey ciidanka qaranka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada ATMIS ee Soomaaliya.

,Gaashaanle Sare Bosco Sibondavyi oo mas’uulka qeybta Milatariga ATMIS u qaabilsan arrimaha Saadka oo madasha ka hadlay ayaa ku ammaanay ciidanka ENDF iyo kuwa Qaranka Soomaaliyeed sida ay u ilaaliyeen bulshada deegaanka una xaqiijiyeen amniga gobolka.

Dhankiisa wakiilka ciidanka Xoogga dalka Xiddigle Xuseen Maxamed ayaa mar kale ku celiyey sida ciidanka Soomaaliya ay uga go’an tahay la wareegista mas’uuliyadda amniga iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee haatan ka socda dalka.

Sidoo kale mas’uul ka socday xafiiska UNSOS ee qaabilsan qorshaynta kalaguurka Patrick Duah ayaa madasha ka sheegay muhiimadda doorka UNSOS ee taageeridda qorshaha kalaguurka Soomaaliya ee geeddi socodka nabad dhisidda Soomaaliya.

ATMIS ayaa horay u wareejisay dhowr saldhig oo ku kala yaalla HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, waxaana haatan ka howlgala ciidamada Xoogga dalka.

Ciidamada ATMIS ee haatan baxaya ayaa waxaa beddalaya howlgal cusub oo magaciisa loosoo gaabiyo AUSSOM, kaas oo hoostagi doono isla Midowga Afrika, iyada oo Masar iyo Jabuuti ay noqdeen dalalkii ugu horreeyay ee ciidamo ka yaboohan howlgalkan.

Howlgalka bedeli doona kan haatan jira ee ATMIS ayaa loogu talo galey inuu taageero dedaalada dowladda federaalku ugu jirto la dagalaanka kooxaha Khawaarijta ah iyo xasilinta dalka.

40 qof oo ku dhintay dalka YEMEN kadib markii….

Sanca (Caasimada Online) – Waraka ka imanaya dalka Yemen ayaa sheegaya, in ugu yaraan 40 qof ay ku dhinteen daadad ka dhashay roob mahiigan oo horraanti todobaadkan ka da’ay galbeedka dalka Yemen.

Saraakiisha maamulka Xuutiyiinta iyo shaqaalaha gargaarka ayaa xaqiijiyay tirada dadka ku naf-waayay daadadka, waxay kaloo sheegeen in qoysas daganaa ilaa 500 oo guri oo ku yaalla gobolka Xudeydah la daad-gureeyay, isla markaana waddooyin badan ay biyuhu gooyeen.

Xafiiska Isku-duwidda gargaarka bani’aadannimo ee Qaramada Midoobay ee loo soo gaabdho (OCHA) ayaa Arbacadi sheegay, in ay hey’adaha bah-wadaagta kula ah gargaarka ay billaabeen in ay gargaar u diraan Xudeyda, xilli ay taagan tahay baahi deg deg ah oo ay qabaan qoysaska ay daadadku barakiciyeen.

Gobolka Xudeyda ayaa ka mid ah gobollada ay maamulaan Xuutiyiinta. Waxa uu leeyahay dekadda ugu weyn Yemen, taas oo Xuutiyiintu loo soo marsiiyo hubka uga yimaada Iran.

Masar oo ciidamo u soo direysa Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo ogolaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War-murtiyeed ka soo baxay Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in ururku soo dhoweynayo saameynta howlgal qaabilsan dhinaca xasilinta oo loo bixiyey howlgalka taageerada iyo xasilinta ee Soomaaliya.

Howlgalkaas oo bedeli doona ATMIS ayaa magaciisa loosoo gaabiyaa AUSSOM.

Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyey dalalka Masar iyo Djibouti oo iyagu ku yaboohay in ay ciidamo ku biirin doonaan howlgalkan.

Howlgalkaan oo bedeli doona kan haatan jira ee ATMIS ayaa loogu talo galey inuu taageero dedaalada dowladda federaalku ugu jirto la dagalaanka kooxaha Khawaarijta ah iyo xasilinta dalka.

Howlgalgaas ayaa sidoo kale qeyb ka noqon doona nabadeynta iyo xasilinta goobaha laga xoreeyo Al-Shabaab.

Ka mid noqoshada Masar ee howlgalkan ayaa ku soo beegmaysa xili ay xiisadi ka dhex taagan tahay Somalia iyo Ethiopia.

Xiisadda labada dal ayaa ka dhalatay heshiis isfaham oo ay Ethiopia la gashay maamulka Somaliland oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Masar iyo Ethiopia ayaan xiriirkoodu wanaagsaneyn, kadib is afgaran waagii ka dhashay sida loo qeybsanaayo biyaha wabiga Nile oo labada dalba mara.

Safarkii 21-ka cisho ee Guudlaawe oo muujiyey rajada cajiibka ah ee soo kabashada dalka

0

Jowhar (Caasimada Online)- 17-July-2024, Safar dhulka ah oo Muqdisho uga bilowday wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo qaatay 21 maalmood oo xiriir ah ayaa 6-dii bishaan Agoosto ku soo dhamaaday caasimada maamulkaas ee Jowhar, wuxuu noqday safar taariikhi ah oo muujiyey guusha laga gaaray soo nooleynta nabadii luntay ee Soomaaliya iyo halganka dalkaan looga xoreynayo cadowga Khawaarijta ah.

Deegaanada HirShabeelle sanado ka hor waxaa adkeed in la isaga safro khatarta Khawaarijta awgeed, laakiin maanta Madaxweynihii ugu sareeyey dadka deegaanadaas ayaa horfariisana bulshada, oo dhageysanaya, aragtida, codsiga, dalabka iyo talooyinka bulshada.

Kadib xoreyntii HirShabeelle soo bilaabay wixii ka dambeeyey May 2022, markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh, bilo kooban gudahoodna lagu guuleystay, waxaa soo noolaatay kalsoonidii amni iyo noloshii bulshada, maadaama dadku ka xoroobeen arxan darradii Khawaarijta.

Safarkii Muqdisho uga bilowday wuxuu madaxweynaha HirShabeelle ku maray Shabeellaha Dhexe: Warsheekh, Raagaceelle, Cadale, Masjid Caligaduud, Aadan-yabaal, Alkowthar, Ceelbaraf, Biyacadde, Miir-taqwo Mahadaay iyo deegaano kale oo muhiim ah,  Hiiraan: Moqokori, Tardo, Mabaax, Xaawo-Gadiid, Gumarre, Ceelqooxle, Mooro-Ari iyo Jalalaqsi, ugu dambeyntiina waxay Madaxweynaha iyo wafdigiisa 21 cisho kadib waqooyi ka soo galeen caasimadda Jowhar.

Deegaan ama degmo kasta wuxuu Madaxweynuhu ka qeyb gelayey kulamo dadweyne oo shacabku si furan su’aalo uga weydiinayeen waxa ay qabaan, isagoo si kalsooni iyo sareexa leh uga jawaab celinayey, hadii shalay dadku codsa jireen in laga xoreeyo oo laga dulqaado cadowga laayaanka ah ee Khawaarijta, maanta waxay ka fikirayaan hormarka deegaankooda, adeeg dowladeed oo bilaash ah, dalaga beeraha iyo iftiinkii waxbarashada ee dam-yiri waayihii Khawaarijta oo hadda lasoo yabyabayo.

Madaxweyne Cali Guudlaawe, inta degmo ee uu tegay 21-kaas maalmood wuxuu ku dhex jiray, dhagaxdhigga mashaariic cusub oo hadda hirgelintooda la bilaabay iyo xarig Jarka kuwo hir-galay, waana talaabooyin cajiib ah muujinaya guulaha taariikhiga ah ee nolosha ay ka gaareen reer HirShabeelle muddo labo sano ah dowladda Soomaaliyeed ay gunta-dhiisha isaga dhigtay, kuna guuleysatay inay dadkaas ka dul-qaado oo ka xoreyso cadowgii jiqayey dhiigooda ee Khawaarijta.

Degmo ama deegaan kasta ee 21-kaas maalmood uu tegay Cali Guudlaawe wuxuu ka xarig-jaray ama ka dhagax-dhigay, Dugsiyadii Tacliinta, Xarumihii Maamulka, Saldhigyadii Booliska, Isbitaaladii adeegga caafimaadka iyo xarumihii Hooyada iyo Dhallaanka MCH, Garoomadii Cayaaraha, Goobihii Garsoorka, Nalalka Cadceeda, Ceelashii Biyaha, Suuqyadii iibka iyo Xanaanada Xoolaha, Buundooyinka looga gudbo togaha biyaha, Suuqyadii Kalluunka, Aargooyinka astaanta u ah magaalooyinka dalka iyo goobo kale dan-guud ah.

HirShabeelle, inta badan Magaalooyinka aan soo tiriyey oo dadka ku nooli ay maanta heystaan neecowda xoriyadda, labo sano kahor waxay ku jireen gumeysiga Khawaarijta, qofka ugu aragtida dheer ayaa lagu hor-gowrici jiray dadka, si loo gumeysto, loomana ogoleyn nolosha xoriyadda badan ee maanta ay ku fekerayaan, iskadaa inay Madaxweyne su’aalaane, dadkani ma arki jirin muuq dowladeed.

Nolosha qurxoon iyo hormarka bulsho ee ka soo ifbaxay HirShabeelle, wuxuu dadka ay deegaanadooda weli joogaan arxan laa-wayaasha Al-Shabaab ku dhiiri-gelinayaa inay kacaan oo dagaalamaan, kolkaas ayey harsa doonaan hooska halgankooda, waxaana marag madoonto ah in qof ama qoys kasta oo maanta u istaagay dagaalka Khawaarijta uu hiil iyo hooba ka heli doono dowladiisa.

Maxay tahay arrinta is-burinaysa ee maanta ay ku dhowaaqday DF?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay go’aanno xasaasi ah oo saameynaya waxbarashada dalka.

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa waxay ku dhowaaqday dib u eegista go’aankii wasaaradda waxbarashada ee 2019-kii, iyadoo wax ka beddel ku sameysay mudadda waxbarasho ee jaamacadaha dalka.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda oo qoddobo kamid ah is-burinayaan ayaa waxaa lagu sheegay in aysan dowladda federaalka aqoonsan doonin shahaado jaamacadeed oo ka yar 4 sanno.

Halka qodob kale oo ku jiray qoraalka kasoo baxay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya lagu yiri “Wasaaraddu waxay u aqoonsan tahay sanadka aas-aasiga ah ee jaamacadda in heerka koowaad uu yahay ugu yaraan 5 sanno.”

Qoddobadan iska hor imaanayo oo su’aal gelinaya go’aamadda kasoo baxay wasaaradda, ayaa haddana waxay sheegtay in aan marna la aqbali dooni shahaado saddex sanno ah oo heer jaamacadeed.

“Wasaaradda waxay ku wargalinaysaa dhammaan cidda ay khuseyso in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 7-da August 2024 la ogolaaday in la tasdiiqiyo shahaadada saddexda sanno ah ee ardaydii ka qalin-jabisay jaamacadaha dalka, sanad dugsiyeedkii 2023-2024 iyo wixii ka horreeyay.”

Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay wasaaradda

OGEYSIIS

Ujeeddo: Dibu’eegista Go’aankii Wasaaradda Waxbarashada ee 2019

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxa ay ku wargalinaysaa dhammaan cidda ay khuseyso:

1- In laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 07, Agoosto, 2024, la oggolaaday in la tasdiiqiyo shahaadada saddexda sanno ah, ee ardaydii ka qalinjabisay jaamacadaha dalka, sannad dugsiyeedkii 2023-2024, iyo wixii ka horreeyay.

2- In aanan marna la aqbali doonin shahaado saddex sanno ah, wixii ka danbeeyo sannad dugsiyeedka 2023-2024.

3- Dhammaan jaamacadaha dalka waxaa la farayaa in ay u hoggaansamaan fulinta go’aankii Wasaaradda ee soo baxay Maarso, 2019, kaasoo ay ku caddahay inaan la aqoonsan doonin shahaado jaamacadeed oo ka yar 4 sanno.

4- Sidoo kale, iyada oo laga duulayo go’aankii Wasaaradda ee soo baxay bishii Agoosto, 2023, kaasoo lagu soo kordhiyay sannadka aasaasiga ah (foundation year) ee jaamacadda, ay Wasaaraddu u aqoonsanayso in heerka koowaad ee jaamacadda uu yahay ugu yaraan 5 sanno.
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

Fahad oo weerar culus ku qaaday madaxweyne Xasan iyo Saciid Deni

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa si weyn u weeraray madaxweyne Xasan Sheekh iyo Saciid Deni oo uu xilligan ka dhaxeeyo khilaaf siyaasadeed xooggan.

Fahad ayaa waxa uu sheegay in labada nin ay maanta isku hayaan wixii ay horey ugu hayeen xukunkoodii, sida uu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter).

Agaasimihii hore ee NISA ayaa waxa uu ku eedeeyay madaxweyne Deni inuu markasta u nugul yahay shisheeyaha, uuna sidaas darteed ula diriray markii ay xukunka joogeen, uuna tii ku hayo Xasan oo markaas raali uga ahaa, sida uu sheegay.

“Maanta isla hab dhaqankii buu ku samaynayaa dowladda madaxweyne Xasan Sheekh. Deni waa siyaasi u nugul shisheeyaha, kuna hadal adag mar walba qofka walaalkiis ah, mana kala saari karo danta qaranka iyo danta siyaasadda,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Hoos ka aqriso qoraalka Fahad

Saciid Cabdullaahi Deni shalay markii ay dowladdii Madaxweyne Maxamed Farmaajo iyo shisheeyaha isku dhaceen wuxuu la saftay shisheeyaha.

Maanta isla hab dhaqankii buu ku samaynayaa dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh. Deni waa siyaasi u nugul shisheeyaha, kuna hadal adag mar walba qofka walaalkiis ah, mana kala saari karo danta qaranka iyo danta siyaasadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh qudhiisa, shalay markuu Deni shisheeyaha ka raacay maamulkii hore, wuxuu u yaqaanay taas kaarto siyaasadeed.

Laakiin ku dayan meyno oo kama tanaasuleyno mabaadi’da saxda ah ee difaaca dalka iyo u hiilinta qaranka.

Mucaaradnimada lafteedu akhlaaq bay rabtaa

Xamza oo maanta guddoomiyey shir aan caadi aheyn + Ujeedka (Sawirro)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta markale guddoomiyey kulan aan caadi aheyn muddo 24 saac gudahood.

Kulankan oo looga hadlayey u diyaar-garowga shirka caalamiga ah ee COP-29, kaasi oo bisha November lagu qaban doono magaalada Baku ee dalka Azerbaijan.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii Soomaaliya ay ula tagi lahayd COP-29 barnaamijyo cad cad oo wax looga qabanayo saameynta isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay dalkeenna, iyada oo lagu soo bandhigay fursadaha jira iyo caqadaha u baahan in wadajir wax looga qabto.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa kula dardaarmay wasaaradaha uu quseeyo shirka in ay la yimaadaan qorshayaal cad cad oo la taaban karo.

Sidoo kale wuxuu ku boorriyay in ay si wada-jir ah u shaqeeyaan, si Soomaaliya ay uga faa’iidaysato fursadaha uu shirka COP-29 soo bandhigi doono.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya ay u baahan tahay in ay sii xoojiso xiriirka ay la leedahay dalalka iyo hey’adaha caalamiga ah, si ay u hesho taageero ballaaran oo ku saabsan dadaallada lagu xallinayo isbedelka cimilada.

Ugu dambeyntiina wuxuu hoosta ka xarriiqay in shirka COP-29 uu yahay fursad qaali ah oo ay tahay in Soomaaliya ay si buuxda uga faa’iidaysato, si xal loogu helo dhibaatooyinka ay dalkeenna ku yeelatay saameynta ka dhalatay isbeddelka cimilada adduunka.

“Guddoomiye MADAALE ayaa fatwooday in LIIDO la qarxiyo oo dhahay…”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Faa’iso Maxamed Jayte oo kamid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta la hadashay Wariyeyaasha ayaa eedeyn culus u jeedisay guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Faa’iso Jayte ayaa sheegtay in Madaale uu hadda kahor Fatwo kasoo saaray xeebta Liido, isla markaana uu sheegay inuu ka socda fisqi xoogan, kadibna uu xigay weerarkii Jimcihii lasoo dhaafay lagu qaaday ee lagu laayay dadka badan.

“Heer waxaa la marayaa dadkii dadka mas’uulka ka ahaa oo nabad-galyadooda iyo hantidooda iyaga lagu aamninay ay dhahaan fisqi ayaa meesha ka socda oo Gudoomiyihii gobolka fatwooday in Liido la qarxiyo oo dhahay fisqi ayaa ka jira waa wax laga xumaado” ayay tiri Xildhibaan Faa’iso Jayte.

Sidoo kale waxa ay xildhibaannadu sii raacisay Meel bannaan ah oo barxad ah oo la’isugu yimiday oo la’isku wada jeedo fisqiga ka socdo muxuu yahay?.

Xildhibaan Faa’iso Jayte oo hadalkeeda sii wadata ayaa xukuumadda ku dhaliishay banaan-bixii Isniintii ka dhacay xeebta Liido, waxayna tilmaamay inuu mid digasho ah, isla markaana dano gaar ah laga lahaa, sida ay hadalka u dhigtay.

“Waxaan rabaa inaa cambaareeyo banaanbixii lagu sheegay in looga banaan baxaayo dhibaatadii Liido ka dhacday, iyada oo dadka banaanbaxaayay ay ahaayeen shaqaalaha rayidka oo lagu yiri haddii aan banaanbixi weysaan waxaa la’idinka joojinayaan xuquuqdiina oo mushaar ma haleysiin” ayuu hadalkeeda kusii dartay xildhibaanadda.

Ugu dambeyn xildhibaanadda ayaa ugu baaqday shacabka Muqdisho inay sameeyaan kacdoon, isla markaana ay ka dhiidhiyaan dhibaatooyinka joogtada ah ee lagu hayo.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo saameyn xoogan uu ka dhashay weerarkii xeebta Liido, kaas oo dhaliyay shaki oo laga muujiyay sida ay Al-Shabaab ku gaareen halkaasi, maadaama ay ka sokeeyaan baro koontarool oo lagu hubiyo gaadiidka.

Ciidamo cusub oo loo diyaariyay Muqdisho kadib weerarkii Liido + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay ciidamo cusub oo loo diyaariyay inay sugaan amniga Muqdisho, waxaana tallaabadan ay kusoo aaday maalmo uun kadib weerarkii lagu dhammaaday ee ka dhacay xeebta Liido.

Ciidamadan oo ka tirsan booliska Soomaaliya waxaa maanta tababar usoo xiray wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi  Sheekh Ismaaciil (Fartaag), kadib munaasabad ka dhacday xarunta taliska ciidanka Booliska.

Waxaa sidoo kale munaasabadda ciidamada tababarka loogu soo xirayey wasiirka ku weheliyey Taliye ku-xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Maxamed Cabdullahi Kaniif iyo saraakiil kale oo ka tirsa ciidanka Booliska Soomaaliya.

Sidoo kale ciidamada tababarka loo soo xiray ayaa kamid noqonayo Booliska gaarka ah ee Haramcad oo qeyb ah ciidanka xasillinta caasimadda.

Taliska booliska ayaa sheegay in ciidamadan ay qaateen tababar sare oo ku aaddan amniga iyo xasillinta caasimada, si ay u xaqiijiyaan amnga guud, ugana hortagaan weerarada Al-Shabaab iyo qaraxyada mararka qaar ka dhacay gudaha Muqdisho.

Wasiir Fartaag oo madasha ka hadlay ayaa ciidamada cusub ku boggaadiyay dadaalka ay muujiyeen muddadii ay ku jireen tababarka, isaga oo kula dardaarmay in ay kaalintooda ka qaataan xaqiijinta amniga caasimadda.

Muqdisho ayaa haatan gashay xaalad amni, kadib bilo ay ka caaganayd falalka ammaan darrida ah, waxaase mar kale dib weeraradeeda u bilowday kooxda Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa beegsatay xarumo muhiim ah, sida Liido, Maqaayadda Top Coffee ee degmada Boondheere iyo saldhiga dhexe, waxaana ka dhashay khasaarooyin xoogan.

Daawo: BF Soomaaliya oo buuq kadib ansixiyay sharci xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee  Muqdisho ayaa ansixiyay sharciga shaqada Soomaaliya oo ay usoo gudbisay xukuumadda dalka.

Xubnaa baarlamaanka oo horay doodo kala duwan uga yeeshay xeerkan aya maanta ugu dambeyn ansixiyay, waxaana jira inta ay socotay codeynta xildhibaannada qaar ay buuq sameeyeen, kaas oo kadib uu maareeyay guddoonka sare ee Golaha Shacabka.

“Mudanayaasha sharafta leh waxaan ka codsaneynaa inay fariistaan si uu natiijada u sheegay guddoomiyuhu” ayuu yiri Habdhowraha baarlamaanka Soomaaliya”

Dhankiisa guddoomiye Aadan Madoobe oo soo farogeliyay buuqa ayaa yiri “Aan is dhageysano xildhibaanno hala fariisto, waddada baneeya oo kuraastiina fariista”.

Intaas kadib guddoomiyaha ayaa ku dhowaaqay natiijada codeynta la sameeyay oo gacan taag ahayd, waxaana sharcigan ogolaatay illaa 138 mudane, halka uu ka aamusay hal dhibaan, waxaa sidoo kale diiday afar mudane oo kale.

“Kooramkeena wuxuu ahaa 143, hal qof waa aamusay, afarna waa diideen 138-na waa ogolaadeen, sidaas daraadeed waa ansax sharciga shaqada iyo shaqaalaha” ayuu yiri guddoomiy Sheekh Aadan Madoobe oo kadib si deg-deg ah usoo xray kulanka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay lahaa doodo xasaasi ah oo ku aadan sharciyo iyo heshiisyo ay usoo gudbisay xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza.