25.4 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Soomaaliya oo ka hartay loolanka kursiga Midowga Afrika

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa gebi ahaanba isaga hartay tartanka iyo loolanka loogu jiro kursiga Guddiga Ururka Midowga Afrika, kaas oo ay hadda u tartamayaan 4 waddan oo Afrikan oo doonaya qabashada xilka guddoomiyaha Ururka.

Soomaaliya ayaa waxaa tartankan ku metali lahayd Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, taas oo muddooyinkii u dambeeyay wadday olole ballaaran oo ku aadan damaceeda kursigan, balse waxa ay la kulantay cadaadis ugu dambeyn sababay inay harto.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, illaa afar musharrax oo aysan ku jirin Soomaaliya ayaa haatan isku diiwaan-geliyay doorashada guddoomiyaha Midowga Afrika oo dhowaan dhaceysa, waxayna taasi meesha ka saartay hamigii Fowsiyo ee qabashada xilkaasi.

Sidoo kale diwaan-gelinta xubnaha tartamaya ayaa ku ekeyd shalay oo ay ahayd lixda bisha August oo loo qabtay dhammaan musharrixiinta gobolka ee daneynayo kursiga.

Horay Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa uga hadashay cadaadis ay sheegtay  inuu uga yimid madaxda sare ee dalka, kaas oo ku aadan u tartamideeda kursiga guddoomiyaha Midowga Afrika.

Fowsiyo waxay xilligaas sheegtay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza ay si cad ugu yiraahdeen “iskaga har tartanka, una tanaasul musharaxa Jabuuti ay wadato, inkasta oo Fowsiyo ay qirtay in markii hore uu madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha garab taagnayeen, balse ay gadaal iska beddeleen wax walba si lama filaan ah.

“Bishii May bartamaheedii dhamaadkii shirka Madasha, Muqdisho waxaa ii yeeray madaxweyne Xasan Sheekh, ra’iisul wasaare Xamza iyo afar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada, odayaashaasi waxay ii sheegeen inay isla garteen in aan tanaasulo oo iskaga haro tartaankaas oo waxaas oo olole iyo howl ah usoo galay,” ayey horay u tiri.

Si kastaba, Isla dhacdo middaan lamid ah dowladda madaxweyne Xasan ayaa dhowr bilood kahor diiday inay taageerto Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo isku sharaxday madaxweynaha baarlamaanka adduunka, laakiin markaas dowladda qiil waxay ka dhigatay inay Tanzania uga beddelatay taageerada xubinnimada ururka bulshada Bariga Afrika.

Maxay tahay tallaabada uu qaaday R/W Xamza ee lagu farxay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo xalay guddoomiyay shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha wasiirada ayaa qaaday tallaabo culus oo lagu boggaadiyay, taas oo sidoo kale dhalisay falcelin xooggan.

Xamza ayaa mushaarkiisa bishan ugu deeqay dadkii ku dhaawacmay weerarkii Jimcihii ay Al-Shabaab ku beegsadeen shacabkii ku sugnaa xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, ayadoo sidoo kale dhamaan xubnaha Golaha Wasiirradana ay mushaaraadkooda qayb ka mid ah u jareen gurmadka loo fidinayo dadka ay waxyeelada gaartay.

Golaha ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in ay lacag nus milyan dollar ah xukuumaddu ugu talagashay in la siiyo dadka waxyeelladu ka soo gaartay qaraxaasi, taas oo lagu kordhin doono lacaga gurmadka ee haatan la aruurinayo.

Lacagtan ayaa loogu talagalay in lagu taageero dhaawacyada iyo dib-u-dhiska nolosha dadka ay dhibaatadu soo gaartay weerarkaasi bahalnimo ee lagu xasuuqay shacab aan waxba galabsan.

Haddaba sidee looga falceliyay? 

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa ka falceliyay tallaabadan, iyaga oo inta badan ku amaanay ra’iisul wasaare Xamza.

Xidig Cadde “Ra’iisul wasaaraha waa wanaagsan yahay hadduuba mushaarkiisa bishan u daayey dadkii waxyeelada soo gaartay”.

Maxamed Deeq Xasan Xaraare ayaa isna falcelintiisa ku yiri “Mushaarka Ra, isulwazaaraha waa immisa?”.

Cabdiraxmaan Maxamed “Ra’iisul wasaare waa ogahay daacad baa tahay haddii ay jirto lacagtaa gudigaa u xil-saareyso gacan ku haay dadka qaarna haba u dhiibin”.

Cabdalle Naasir “Waa dowlad mashruuc ah lacagtaas wllhi inaysan gaarayn rag gaar ah baa qadan dabaqyana ka dhisan”.

Muscab Xasan “Lacagta wax ma tartee ee shacabka hadaan amnigooda sugi karin ka taga meesha kuligiin calooshiin ushaqeestayaal baa tihiin

Laba wiil oo walaalo ah oo si arxan darro ah loogu dilay Galgaduud + Sababta

0

Cadaado (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya fal argagax leh oo xalay ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya, kadib markii laba wiil oo walaalo ahaa si arxan darro loogu dilay gobolkaasi.

Weerarka oo ay gaysteen maleeshiyaad hubeysan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Oodan ee bariga gobolka Galgaduud , waxaana lagu beegsaday qoys deganaa halkaas oo deegaan ahaan kasoo jeeda magaalada Cadaado ee isla gobolkaasi.

Maleeshiyaadka ayaa goobta ku dilay laba wiil oo walaalo ahaa, kuwaas oo lagu kala magacaabia jiray Cabdikariin Axmed Carab iyo Cabdinaasir Axmed Carab, waxaana sdioo kale ay dhaawaceen hooyada qoyska iyo carruur kale oo ku sugnaa guriga.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in maleeshiyaadka dilka gaystay ay kasoo jeedaan dhanka deegaanka Xiindheere, isla markaana ay dilka kadib goobta ka baxsadeen, wuxuuna faahfaahiyay sida ay wax u dhaceen.

“Qoyska waxay baraag ku lahaayeen halka ay mashaqdu ka dhacday , halkaasna waxaa ku dhintay laba wiil oo walaalo ah oo ilmo Axmed Carab ah. Sidoo kale hooyadood iyo ilmo kale oo iyagu dhaleen ayaa halkaas ku dhaawacmay” ayuu yiri mid kamid ah deegaanka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintan ay dhaawaceyso heshiis nabadda ee dhowaan un laga gaaray colaad beeleedyada ka taagan gobollada ee dalka.

“Waa mushkilad runtii lagu naafeynayo nabaddii curdunka ahayd ee horay xabad joojinta looga gaaray ee horay heshiiska looga gaaray” ayuu mar kale yiri.

Horay ayaa sidan oo kale Galgaduud loogu dilay macallin Dugsi Qur’aan iyo walaalkiis oo dhaqtar ahaa, waxaa lasoo qabtay raggii dilay oo iyagana toogasho lagu fuliyay.

Maxaa kasoo baxay shirkii aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirada? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo xalay kulan aan caadi ahayn ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ku ansixiyay safiiro cusub oo kor u dhaafaya illaa 10 Danjire, kuwaas oo Soomaaliya uga howlgeli doono caalamka.

Ujeedka magacaabistan ayaa lagu sheegay si loo dhameystito danaha diblomaasiyadeed ee aan ka leenahay dalalka caalamka.

Sidol.kale xubnaha la ansixiyay ayaa waxaa ku jiro laba Qunsul, waxaana ay kala yihiin:- 1. Ibraahim Cumar Sheegow – Safiir, 2. Sheekhnuur Maxamed Xasan – Safiir, 3. Jaamac Xasan Khaliif – Safiir, 4. Dr. Cabdulkhaadir A. Xaashi – Safiir, 5. Fardowsa Maxamed Qanyare – Safiir, 6. Faysal Axmed Salaad – Safiir, 7. Abiib Muuse Faarax – Safiir, 8. Dr. Hodan Cismaan Cabdi – Safiir, 9. Ilyaas Cali Xasan – Safiir, 10. Dr. Sakhawadiin Mustaf Maxamed – Safiir, 11. Maxamed Abuukar Zubeer – Safiir, 12. Cabdinuur Daahir Fiidow – Safiir, 13. Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Indhaguran) – Qunsul Guud, 14. Cabdikariin Axmed Maxamed – Qunsul Guud

Dhinaca kale shirka ay xalay yeesheen golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo hadal qaaday weerarkii argagixiso ee ka dhacay xeebta Liido Jimcihii la soo dhaafay, kaas oo lagu laayay dad badan oo aan waxba laga galabsan.

Golaha ayaa sidoo lale ku dhawaaqay in ay lacag nus milyan dollar ah xukuumaddu ugu talagashay in la siiyo dadka waxyeelladu ka soo gaartay weerarkaasi, halka Ra’iisul Wasaaruhu mushaarkiisa Bishan uu u jaray gurmadka dadka waxyeelladu soo gaartay, iyadoo dhammaan xubnaha Golaha Wasiirradana ay mushaharaadkooda qayb ka mid ah u jareen.

Qorshaha lacagtan ayaa ah mid loogu talagalay in lagu taageero dhaawacyada iyo dib-u-dhiska nolosha dadka ay dhibaatadu soo gaartay weerarkaasi bahalnimo ee lagu xasuuqay shacab aan waxba galabsan. Xukuumadda ayaa qaadday tallaabooyin lagu xaqiijinayo sugidda amniga shacabka.

Weerarkii xeebta Liido ayaa dhaliyay khasaare xoogleh, waxaana lagu laayay dad u badan dhalinyaro oo ku caweynayay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Yaxya Sinwar oo loo magacaabay madaxa siyaasadda Xamaas

Gaza (Caasimada Online) –  Ka dib wadahadallo labo maalmood qaatay oo magaalada Doxa ee dalka Qadar ay ku yeesheen madaxda ururka Xamaas ayey ku dhawaaqeen cidda beddelaysa hoggaamiyahoodii siyaasadda Ismaaciil Haniya oo toddobaad ka hor lagu dilay dalka Iran.

Xamaas ayaa ku dhawaaqday in Yahya Sinwar, inuu noqonayo madaxa guud ee cusub ee Ururka isagoo beddelaya Ismail Haniyeh.

Ninkan ayaa tan iyo 2017kii, waxa uu ahaa hoggaamiyaha kooxda ee gudaha marinka Qasa. Hadda waxa uu noqon doonaa hoggaamiyaha garabkooda siyaasadeed.

Hoggaanka Xamaas ayaa si wada jir ah u doortay Sinwar inuu hoggaamiyo dhaqdhaqaaqa, sida uu BBC-da u sheegay sarkaal sare oo Xamaas ka tirsan.

Goluhu wuxuu si aqlabiyad ah ugu codeeyay in la doorto Sinwar, taasoo mid ka mid ah saraakiisha Xamaas uu BBC-da u sheegay in tani tilmaamayso “farriin ka dhan ah Israa’iil”.

“Waxay dileen Haniyeh, qofka dabacsan ee u furfuran xalalka. Hadda waa inay la macaamilaan Sinwar iyo hoggaanka militariga,” ayuu yiri sarkaalka.

Ku dhawaaqistan ayaa kusoo beegmeysa xili xiisadda bariga dhexe ay cirka isku sii shareereyso, iyadoo Iran iyo xulafadeeda ay ku hanjabeen inay ka aargudan doonaan dilka Haniyeh oo ay ku eedeeyeen Israel. Israa’iil kama aysan hadlin.

Xaaladdo badan ayaa laga hadlay, laakiin ugu dambeyntii, laba magac oo kaliya ayaa la soo bandhigay: Yahya Sinwar, iyo Mohammed Hassan Darwish, oo ah qof aan muuqan oo madax ka ah Golaha Shuurada Guud, oo ah golaha soo saara Xafiiska Siyaasadda Xamaas.

Ka hor dhimashadiisa, Ismaciil Haniyeh waxa ay dublamaasiyiinta gobolku u arkayeen in uu yahay shaqsi wax ku ool ah marka loo eego kuwa kale ee Xamaas ahaana darawalka muhiimka ah ee siyaasadeed ee kooxda.

Ninkan hadda hoggaanka kooxda qabanaya Yaxye Sinwar, waxaa loo arka mid ka mida kuwa ugu xagjirsan Xamaas.

Sinwar ayaa ka mida kuwa ugu sarreeya liiska shaqsiyaadka Xamaas ee Israa’iil aad u doon doonayso.

Hay’adaha ammaanka ee Israa’iil ayaa rumeysan inuu isagu maleegay qorsheynta iyo fulinta weerarradii 7-dii Oktoobar 2023, kaasoo ay

Daawo: Muuqaal murugo leh hooyo dhisme guri ka shaqeysa oo fagaare lagu bahdilay

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Baraha bulshada waxaa maanta aad loogu faafiyey muuqaalka haweeney waayeel ah oo ka shaqeyneysa dhismayaasha guryaha oo nin oday ah uu ku qasbayo shaqada, iyadoo la hadleysa Telefishin.

Wiil weriye ah oo ka socoday Bay TV ayaa si kedis ah ula kulmay Hooyo ka mid ah shaqaale dhisaya guri, bartamaha magaalada Baydhaba, wuxuuna go’aansaday inuu ka qaado wareysi.

Daqiiqado kooban oo wareysigaasi uu socday kadib waxaa goobta yimid ninkii masuulka ka ahaa dhismaha guriga, wuxuuna u gacan qaaday Maamadii oo TV-ga u warameysa, waxayna u carartay dhanka shaqada.

Goobta waxaa ka socday dhisme guri weyn, shaqaalaha dhisaya gurigaas sida caadiga ah wuxuu ahaa rag, balse waxaa ku jirtay haweyneydaan, waana sababta uu weriyuhu u go’aansaday inuu wareysto.

Maamada ayaa wareysigaas ku sheegtay in maalinkii ay dhismahaas ka hesho $5 isla markaana ay ku biilato carruurteeda, markii la yiri “maxaad codsanee” waxay ku jawaabtay inay shaqeysaneyso.

Daqiiqado kooban oo wareysigaasi uu socday kadib, waxaa goobta yimid ninkii masuulka ka ahaa guriga la dhisayo, wuxuuna labada garbood qabtay maamadii, isagoo u tuuray dhinaca shaqada kuna yiri “Shaqeyso waqtiga ha beerdareyne.”

Intaas kadib waxaa baahay muuqaalkii, dadka Soomaaliyeed oo ka carooday sida loo qasbay maamada, duruufta ay ku shaqeyneyso iyo culeyska shaqada ay qabaneyso oo qof haween ah aan looga baran ayaa aad loo falanqeeyey.

Daqiiqado kadib waxaa lasoo duubay muuqaalka ninkii odaga ahaa ee maamada qasbay oo xabsiga loo sii wado, kadib markii lagu dacweeyey ciidamada ammaanka, waxaana lagu xiray saldhigga magaalada Baydhabo.

Hoos ka daawo

Sawirro: Madaale oo hortegay BF iyo arrimo xasaasi ah oo su’aalo laga weydiiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ayaa maanta hortegay guddiga arrimaha gudaha ee golaha shacabka, isagoo wajahay su’aalo adag oo laga weydiiyey xaaladda Muqdisho.

Sidoo kale guddiga ayaa guddoomiye Madaale u qabsaday sababta uu ugu gefay xildhibaanada mucaaradka ku ah xukuumadda oo uu ku tilmaamay kuwo baahan, wuxuuna Madaale mar kale arrintaas galabta ka bixiyey raali gelin.

Sidoo kale, qaraxii dadka shacabka ah lagu laayey ee ka dhacay xeebta Liido ayaa su’aalo laga weydiiyey Madaale iyo dhibaatooyinka kale ee ka jira magaalada.

Xildhibaanada guddigaas ku jira ayaa guddoomiyaha su’aalo badan ka weydiiyey dib u dhaca ka jira caasimada ee dadka reer Muqdisho ay dareemayaan.

Kulankaan waxaa loo diiday warbaahinta wuxuuna ahaa mid ay Albaabadu u xiran yihiin, taasi oo yareysay xogta laga heli karo, warbaahintii u tagtay inay soo tebiso ayaa lagu wargeliyey inay iska laabtaan.

Guddoomiyaha guddiga arrimaha gudaha ee golaha shacabka Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye oo warbaahinta la hadlay markii kulankaasi soo dhamaaday ayaa yiri, “Anaga oo ah Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Maamulada BJFS waxaan la kulanay Wasiirka arrimaha gudaha iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir, kulanka waxaan uga hadalnay weerarkii Khawaarijtu ku qaaday shacabkii ku sugnaa xeebta Liido”.

Guddiga ayaa isla maanta u yeeray wasiirka arrimaha gudaha, sida uu cadeeyey Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye waxaana la weydiiyey su’aalo lamid ah kuwa Madaale la weydiiyey.

Guddoomiye Madaale ayaa xiligaan la kulmaya cadaados adag, maadaama magaalada Muqdisho ay ku nool shahay bulsho badan caqabado badana ay ka jiraan, xiliyada qaraxyadu dhacaan iyo markii Roob da’o waxay Muqdisho gashaa xaalad xasaasi ah, taas oo indhaha bulshada ku soo jeedisa guddoomiyaha.

Shir ay ka maqan tahay PUNTLAND oo ka furmay Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta si rasmi ah uga furmay shir xasaasi ah oo u dhexeeyo dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka, kaas oo looga hadlayo arrimana maaliyadda dalka.

Waxaa kulanka ka maqan oo aan ka soo qayb-galin wasiirka Mlmaaliyadda Puntland oo ka mid ahaa wasiiradii lagu casuumay shirka, balse aa imaan Muqdisho, sababo la xiriira khilaafka weli maamulkan kala dhexeeyo dowladda federaalka, kaas oo saameeyay wada shaqeynta labada dhinac.

Shirkan oo ah kii 22-aad ee wasiirada maaliyadda ayaa waxaa daah-furay wasiie Biixi Imaan Cige, ayada oo ay goobjoog yihiin wasiirada maaliyadda dowlad goboleedyada iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Ujeedka shirkan ayaa ah mid looga wada-tashanayo arrimaha horumarinta dhaqaalaha, hannaanka maamulka maaliyadda dalka, qeybsiga kheyraadka iyo mideynta cashuuraha, taas oo muhiim u ah koboca dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaiya Biixi Imaan Cige oo madasha ka hadlay ayaa soo dhaweyn kadib furitaanka shirka waxa uu dhageystay talooyinka wasiirada dowlad goboleedyada, isga oo uga jawaabay su’aallo la xiriira horumarinta maaliyadda iyo wadashaqeynta labada dhinac.

Sidoo kale waxa uu wasiirku dhankiisa la wadaagay xubnaha ka qayb-galaya shirka horumarada laga gaaray maaliyadda dalka iyo dadaallada horumarineed ee ay hadda waddo dowladda Soomaaliya, taas oo ay ugu horeyso qaadista canshuuraha dalka oo muhiim u ah kobaca dakhliga kasoo xarooda gudaha dalka.

Shirka maanta u furmay dowladda dhexe iyo maamullad dalka ayaa socon doono muddo laba cisho ah, ayada la filayo in beri lasoo xiro, isla markaana laga soo saaro war-murtiyeed.

Si kastaba, dhowaan ayaa lagu wadaa in shir kan ka ballaaran ay isugu yimaadaan madaxda dowladda federaalka iyo hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada, kaas oo ka dhici doono magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Afar nin oo qaraxyo waday oo lagu qabtay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta Ciidamada Hay’adda Nabad-sugidda Soomaaliya ka sameeyeen gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo lagu soo qabtay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada NISA ayaa soo bandhigay illaa 4 nin oo ay sheegeen inay ka tirsan yihiin Khawaarijta, isla markaana ay wadeen qaraxyo xilliga gacanta lagu soo dhigayay.

Qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu faah-faahiyay howlgalkan, waxaana lagu sheeegay in ragga lasoo qabtay ay wadeen miinooyin ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

“Ciidanka Hey’adda Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa howlgal ay magaalada Muqdisho ka fuliyeen waxay ku qabteen afar dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, kuwaas oo waday miinooyin ay qorsheeyeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda federaalka ah es Soomaaliya.

Sidoo kale laamaha amniga ayaa sheegay in raggan la horgeyn doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan, ayna ku wareejin doonaan hay’adaha ku shaqada leh.

Ciidamada dowladda ayaa haatan kordhiyay howlgallada amni xaqiijinta ee ay ka wadaan gudaha caasimada, si looga hortago cabsi laga qabo weeraro ay mar kale Al-Shabaab ka fuliso magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Jimcihii lasoo dhaafay ayaa kooxda weerar ku billowday qaraxyo ka fulisay xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, kaas oo lagu laayay dad u badan shacab, waxaana haatan soo baxaya digniino kale oo ku aadan weeraro kale oo ka dhici kara gudaha caasimada.

War cusub oo kasoo kordhay xukunka gabdhihii TikTok-leyda

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Gabdhihii TikTok-leyda ee ay maalin kahor xukunka ku ridday maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta laga sii daayay xabsiga, kadib markii ay iibsadeen xukuna ku dhacay.

Gabdhaha la sii daayay ee maanta dib u helay xoriyaddooda ayaa kala ah Sihaam Tahliil, Nashaad Nalka, Sacdiyo Galmudug, Iftin Model, Khadro Anjalii iyo Farxiyo Zona, kuwaas oo xukun 6 bilood ah ay ku ridday maxkamadda gobolka Banaadir.

Dhammaantood waxaa horay loogu eedeeyay kicin dadweyne, hurinta dagaal sokeeye iyo faafinta anshax xumo, ayada oo muddooyinkii lasoo dhaafay ku xirnaa xabsiga dhexe.

Bilaal Bulshaawi oo kamid ah dhalinyarada caanka ah ee isticmaasha baraha bulshada ee Internet-ka ayaa xaqiijiyay inay lasii daayay gabdhaha, isla markaana ay iibsadeen xabsiga lagu xukumay.

“Ugu dambeyn dhammaantood waa xor, caawana guryahooda ayay u hoyan doonaan maalmaha soo socdana si toos ah ayaad u wada sheekeysan doontaan gabdhihii waa lasoo daayay sifo sharci ah ayayna kusoo baxeen oo uu u ogolaanaayo dastuurka dalka iyo shuruucdii lagu xukumay” ayuu yiri Bilaal.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Qofka wuxuu xaq u leeyahay in xukunnada noocaan oo kale ah uu iibsan karo waana iibsadeen, iyagana intaas ayay waxay igu filantahay wacyigelin iyo kuwa waana qaadasho”.

Bulshaawi ayaa sidoo kale sheegay in arrintan ay cashir u noqon doonto dhammaan dhalinyarada kale, gaar ahaan kuwa isticmaala baraha bulshada, maadaama uu yimid isla xisaabtan dhab ah, kaas oo muhiim u ah akhlaaqda qofka, dhaqanka iyo diinteenna Islaamka.

“Waxaan rajeynayaa insha allah dadka daawadayaashooda ah inay ku waana qaataan waxyaabaha noocaan oo kale ah, si aysan mar kale noogu soo laaban waxaan u rajeynayaa nolol qurux badan, wanaag iyo cimri dheer oo cibaado leh ayuu mar kale yiri Bilaal Bilshaawi.

Dhinaca kale waxaa jira dhalinyaro kale oo weli xiran, isla markaana ay socoto maxkamadeyntooda, kuwaas oo iyana loo haysto anshax xumo iyo Aflagaado, ayagoo isticmaalaya Baraha Bulshada gaarka ah ee barta TikTok.

Howlgalka ka dhanka ah dhalinyarada baraha bulshada ayaa soo bilowday bishii May ee sanadkan, waxaana lagu soo xiray dhalinyaro badan oo ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Hadal-heyn xoogan ayaa sidoo kale ka dhalatay xarigga dhalinyaradan, maadaama ay yihiin kuwii ugu caansanaa TikTok, waxaana badan dadka qaba in la suuliyo dhaqanka ay wadeen ee qabyaaladda ah, kaas oo kicinaya bulsho nabad ku wada degan Muqdisho.

Digniin culus: Gawaari qaraxyo sida oo ku jiro Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa mar lale digniin culus kasoo saaray weeraro horleh oo ay kooxda Al-Shabaab ka gaysan karto gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay heshay digniin cusub oo ku aadan in magaalada Muqdisho ay ku jiraan 5 gaari oo ay ka buuxaan walxaha qarxa, isla markaana la qorsheyneynayo in lagu fuliyo weeraro cusub.

Digniintan kasoo baxday xafiiska QM ee Soomaaiiya ayaa waxaa lagu sheegay in meelaha la bartimaameedsan karo ay ku jiraan baraha koontarool ee laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada, hoteellada ku yaalla caasimada, baraha koontarool ee KM4  iyo xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis.

QM ayaa shacabka uga digtay inay tegaan goobahaasi oo ay sheegtay inay suuragal tahay in maalmaha soo socda ay beegsato kooxda Al-Shabaab.

Farriintan digniinta ah ayaa sidoo kale lagu sheegay in xafiiska ay waajib ku tahay inuu mar kasta soo gudbiyo dhaq-dhaqaaq kasta oo shaki abuuri karo, si looga digtoonaado.

Horay ayaa Qaramada Midoobay sidaan oo kale uga digtay weeraro qaraxyo ah oo ka dhacay Muqdisho, waxaana mar-walba oo ay soo baxaan digniinahan inta badan dhaca weeraro, inkastoo mararka qaar meelaha laga digay aanay ka dhicin ee la beegsado goobo kale.

Jimcihii ayay ahayd markii weerar xoogan oo lagu hoobtay ay Al-Shabaab ka fuliyeen xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaas oo lagu laayay dad badan oo shacab ah, una badnaa dhalinyaro ku caweynayay halkaasi.

Waxaa sidoo kale ka horreeyay weerar kale oo lagu beegsaday maqaayadda Top Cofee ee degmada Boondheere, halkaas oo iyana lagu laayay dad badan oo aan waxba galabsan.

Magaalada Muqdisho ayaa haatan gashay xaalad adag, kadib markii ay Al-Shabaab kordhiyeen weerarada tooska iyo qaraxyada ay ka fuliyaan gudaha caasimada, iyaga oo beegsada goobo muhiim ah iyo xarumaha dowladda.

Sidee ayuu NISA ugu soo gacan galay horjoogihii ay muddo ku raadjoogtay?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Howl-gal qorshaysan oo ciidamada ammaanka ka fuliyeen gobolka Galgaduud ayaa lagu qabtay Horjooge Idiris Maxamed Sheekh.

Ninkan oo si weyn ugu raadjoogtay hay’adda NISA ayaa hadda ahaa horjoogaha kooxda Al-Shabaab lacagaha baadda ay ugu yeeraan Sakada ee gobolka Galgaduud.

Horjooge Idiris ayaa sidoo kale horay u soo noqday horjoogaha Al-Shabaab ee gobalka Shabeellaha Dhexe, kahor inta aanan kooxda laga xorreyn Guud ahaan Gobalkaas.

Sidoo kale wuxuu ninkaan kasoo howl-galay gobolada Baay iyo Bakool, wuxuuna kamid ahaa shaqsiyaadka ugu dhow Horjoogaha kooxda Al-Shabaab ee Axmed Diiriye

Hay’adaha amniga ee dowladda waxaa ka go’an in ay sharciga horkeenaan danbiilayasha kooxda ah ee ku hawlan waxyeelaynta Shacabka Soomaaliyeed.

Horjoogahan oo muddo ay ku raadjoogtay hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka ee NISA ayaa ugu dambeyn lagu wareejiyay, ayada oo baaris ku bilaabeysa ninkaan.

Dagaalka Al-Shabaab ayaa markale dardar cusub ku socda, xilli uu heer geba-gebo ah marayo wejiga hore ee dagaalka, uuna dhawaan bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka oo ka xoog badnaan doona ka hore.

Xog: Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka dhacaya meel ka baxsan Muqdisho

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaran (NCC) ayaa la filayaa inuu dhawaan ka dhaco magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Shirkan oo lagu waday inuu Muqdisho ka dhaco dhamaadkii bishii hore ayaa waxa uu dhawaan ka furmi doona Kismaayo, kadib dalab ka yimid madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Shirka ayaa horey ugu baaqday dhowr arrimood oo isbiirsaday u baaqday, sida Axmed Madoobe oo shirkan inuu ka soo qeyb-galo uga cudur daartay sababo la xiriira xoojinta howl-galada ka socda deegaanada Jubbaland, kaddib guulihii u dambeeyay ee ciidanka xoogga iyo kuwa Jubbaland ka soo hoyeen dagaalka Al-Shabaab.

Sida wararku sheegayaan shirkan ayaa si weyn ugu xiran mustaqbalka dowlad-goboleedyada muddo xileedkooda dhamaaday oo doonaya in madaxweyne Xasan Sheekh u fasaxo inay doorasho aadaan iyo jaangoynta masiirka Villa Somalia ee doorashada 2026.

Bishan August ayaa noqon doonta bil go’aamin doonta geeddi socodka doorashooyinka isku sidkan ee heer dowlad-goboleed iyo heer federaal.

Arrimaha ayaa imanaya, iyada oo mashruuca doorashada qof iyo cod ee madaxweyne Xasan Sheekh ay caqabado waa weyn ku horgudban yihiin, sida mucaaradka oo aad u diidan qorshaha madaxweynaha.

Xasan Sheekh ayaa ku adkeysanaya in dalka ka dhacdo doorashada qof iyo cod, kadib markii uu baarlamaanka marsaday cutubyo kamid ah dastuurka, oo dhigaya in laga guuray hanaankii doorasho ee hore, wallow ay illaa hadda muuqan tallaabooyin loo qaaday middaasi.

Jubbaland oo gubtay indha-shareerkii u badnaa, soona saartay awaamiir culus

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowlad-goboleedka Jubbaland oo gacanta ku dhigay boqollaal indho shareer ah oo ay xirnaayeen haweenka ku nool magaalada Kismaayo, ayaa meel fagaaro ah ku gubay.

Taliska Booliska magaalada ayaa sheegay inay xabsiga dhigi doonaan ayna  ganaaxi doonaan haweenayda lagu qabto iyada oo xiran indho shareer, sababo la xiriira cabsi laga qabo in kooxda Al-Shabaab ay ku dhex dhuuntaan oo ay weeraro geystaan.

Booliska ayaa la arkayay iyaga oo xaafadaha magaalada Kismaayo ka sameenaya howl-gal lagu mamnuucayo xirashada indho shareerka, iyada oo horay looga soo saaray awaamiir lagu joojinayo xerashada niqaabka haweenka.

Warsame Axmed Geelle oo ah taliyaha ciidanka booliska Kismaayo ayaa sheegay in la soo afjaray niqaabka, isaggoo tilmaamay in hindisahan looga gol leeyahay in laga hortago in dambiilayaasha la baadi goobayo ay ku qariyaan wajiyadooda indho-shareerka.

Maamulka ayaa markale ku celiyay mowqifkeeda ka dhanka ah niqaabka, iyada oo gebi ahaanba Kismaauo laga joojiyay xirashada indho-shareerka matkii taariikhdu aheyd 31 July, 2024, si loo adkeeyo amniga magaalada .

Jubbaland ayaa ka digtay in haweenka lagu qabto niqaabka ama si buuxda u daboolaya wajiyadooda ay la kulmi doonaan ciqaab dhanka sharciga ah, oo ay ku jirto xabsi ama ganaax.

Si kastaba, ciidamada booliska ayaa howl-gallada ka dhanka ah niqaabka sidoo kale ku tegay suuqyada lagu iibiyo, kuwaasi oo ay kasoo aruuriyeen indho-shareer aad u badan, oo qeyb ka ahaa kuwii maanta lagu gubay meel fagaare ah.

Turkiga oo masuul sare usoo direy Muqdisho xilli Fidan ku sugan yahay Addis

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay agaasimaha akademiyadda diblomaasiyadda Turkiga oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas.

Wasiir Fiqi iyo Proff Dr. Mesut Özcan ayaa ka wada-hadlay iskaashiga labada dhinac iyo sare u qaadista tababarada taageerada ah ee diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ka helaan Turkiga.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa dowlada Turkiga uga mahad-,celiyey taageerada ay la garab taagantahay Soomaaliya, isagoo xusay in 15-kii sano ee ugu dambeeyey Turkigu uu tababaray ilaa 80-diblomaasi, haatana uu rajeynayo in la sii horumariyo iskaashiga khibrad wadaagga labada dhinac.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa safiirka Turkiga ee Soomaaliya Alper Aktas, waxaana uu ku soo beegmayaa xilli berri uu Muqdisho ka furmayo tababar la siinayo diblomaasiyiin Soomaaliyeed oo xirfadan ku cusub.

Socdaalka masuulkan sare ee ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa imanaya xilli wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga Hakan Fidan uu ku sugan yahay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Hakan ayaa halkaas ka wada kulamo gogol xaar u ah dhex-dhexaadinta Soomaaliya iyo Itoobiya, isaggoo la kulmay ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Sidoo kale wasiir Fidan ayaa la kulmay dhiggiisa Itoobiya Taye Atske Selassie. Safarkaan ayaa la sheegay inuu qaadan doono dhowr maalmood, wuxuuna door weyn ka qaadanaya xal u helista xiisadda Muqdisho iyo Addis Ababa ee salka ku haysa heshiis beenaadkii badda.

Hakan Fidan ayaa inta uu joogo Itoobiya ka shaqeynaya sidii loo dhex-dhexaadin lahaa labada dal ee Turkiga saaxiibka la yahay, maadaama Turkiga uu aad u daneynayo gobolka Geeska Afrika, uuna dantiisa ka dhex arko Soomaaliya iyo Itoobiya oo heshiis ah.

Dhimasho badan oo ka dhacday Itoobiya kadib markii…

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dhul go’ ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay deegaanka Wolaita ee koonfurta dalka Ethiopia ayay ku dhinteen ugu 13 qof, waxaana la filayaa in tirada dhimashadu ay kor u kacdo, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan deegaanka Wolaita.

Samuel Fola, oo ah maamulaha aagga Wolaita, ayaa sheegay in dad ka badan 300 oo qof laga daadgureeyay degmada Kindo Didaaye, waxaana weli deegaankaas ku sii hadhsan tiro dad ah oo aan la ogayn inta ay le’eg yihiin.

“Carruur ayaa ka mid ah dadka dhintay,” ayuu sheegay Samuel Fola. “Hadda waxaan daad-gureynay in ka badan 300 oo qof, waxaana laga cabsi qabaa inuu dhaco dhul go’ intan ka weyni.”

Gurmad aad u ballaadhan ayaa ka socda deegaanka Wolaita, sida ay sheegayaan maamulka gobolku.

Dhul go’an dhacay Isniintii ayaa u muuqda inuu ka sahlan yahay kii dhacay bishii hore, oo sababay geerida in ka badan 200 oo qof.

Ethiopia ayaa caan ku ah dhul go’yada, xilliyada ay da’ayaan roobabku, waxaana ay dhacaan inta u dhexeysa bilaha July illaa September.

VOA + AP

Mareykanka oo xulafadiisa ku wargeliyay xilliga uu dhici karo weerarka IRAN

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Anthony Blinken ayaa xulafadiisa G7 ku wargeliyay in Washington ay rumaysan tahay in weerarka Iran ay doonayso inay ku qaaddo Israa’iil uu bilaaban karo 24–48 saacadood gudahood.

Sida ay baahisay warbaahinta Axios waxay sheegeysaa warbixinta in dhigiisa dalalkaas uu arrinta kala hadlay ayadoo uu Maraykanku wado dadaallo lagu qaboojinayo xiisadda, loogana hortagayo dagaal buuxa.

Blinken wuxuu u sheegay saraakiishaas uu telefoonka kul hadlay in Iran oo cadaadis lagu saaro inay xuduud u yeesho gulufkeeda ay tahay waddada ugu fiican ee looga baaqsan karo dagaal gobolka ka dhaca.

Wuxuu intaa ku daray in Ameerikaanka uusan ogeyn xilliga rasmiga ah ee weerarka ay Iran qorshaysay uu dhacayo, laakinse uu rumaysan yahay in dhakhsiyo uu u billaaban doono.

Aqalka cad ayaa sheegay in madaxweynaha Maraykanka Joe Biden uu kulan la yeelan doono kooxda amniga qaranka, isagoo kala hadli doona xaaladaha ka soo cisboonaaday bariga dhexe. Wuxuu kaloo la hadli doonaa boqor cabdallaha Urdun sida uu aqalka cad sheegay.

Maraykanku wuxuu kaloo bariga dhexe u diri doonaa cudud ciidan kuwaasi oo difaac noqon doona “si hoos loogu dhigo xiisadda” sida uu aqalka cad sheegay.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaaniga Antonio Tajani wuxuu sheegay Axaddii in wasiirrada arrimaha dibadda ee waddamadaas todobada ah ay ugu baaqeen dhinacyada qaybta ka ah xiisadda ka taagan bariga dhexeinay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara in xiisaddu sii kororto.

Xafiiska xogyahayaha difaaca ee Marykanka Lloyd Austin ayaa hadal laga soo saaray lagu sheegay inuu la hadlay dhigiisa Israa’iil Yoav Gallant fiidnimadii Axaddii.

Wada-hadalkan ayaa salka ku hayay “xaqa ay Israa’iil u leedahay inay iska difaacdo” khatar kasta oo kaga timaada Iran iyo xulafadeeda, iyo talaabooyinka uu maraykanku qaadayo ee uun ku xoojinayo difaaca Israa’iil iyo ciidankeeda ee Gobolka, sida hadalkaas lagu xusay.

Qayb ahaan dadaalka lagu yareynayo dagaal gobolka oo dhan ku baaha, ayaa madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo boqor cabdallaha Urdun waxay ku baaqeen in laga fogaado xiisad milateri oo sii weynaata oo wax kasta oo ay ku kacayso.

Israel Yahom ayaa iyadana soo tebisay in Maraykanku uu ansixiyey shixnad bambooyinka culus ah, kuwaasoo la hakiyey ka hor intii uusan dagaalku qarxin 7 Oktoobar.

Iran waxay sheegtay in aysan doonayn in xiisadda ay ku baahdo bariga dhexe, laakiinse waxay rumaysan tahay in ay ciqaabto Israa’iil, si looga fogaado deganaasho la’aan gobolka soo foodsaarta.

Hadalkan oo ah qoraal uu soo saaray afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran Nasir Kanaani ayaa yimid, iyadoo laga cabsi qabo in xaaladdu ay ka sii darto.

Daawo: Cabdiraxmaan oo sharaxay halistii uu galay isagoo badbaadinaya wiil dhaawac ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Raage oo ahaa wiilkii baraha bulshada lagu faafiyey isagoo badbaadinaya wiil kale oo dhaawac ah habeenkii weerarku ka dhacay xeebta Liido ayaa sharaxaad ka bixiyey sida uu habeenkaas xaalku ahaa.

Cabdiraxmaan ayaa warbaahinta kula hadlay goobtii uu naf hurnimada ku sameeyey ee wiilka uu ka soo badbaadiyey, wuxuuna sharaxay sidii ay ugu suurtagashay tallaabadii la mahadiyey.

Muuqaal laga duubay meel fog ayuu Cabdiraxmaan kasoo muuqday isagoo doonaya dhaawaca wiil looga kala cararay barxadda hore ee xeebta Liido.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in markii uu go’aansaday in wiilkaas uu badbaadiyo ay socotay xabad aan kala joogsi laheyn, maadaama ay dagaalamayeen Shabaab-kii weerarka soo qaaday iyo ciidanka ammaanka.

Wuxuu sheegay in dhabarka iyo jilib ay jug kasoo gaartay, balse uusan u joojin ee uu u bareeray inuu ku dhex ordo xabado dhacaya, kadibna soo qaado dhaawaca.

Sidoo kale Cabdiraxmaan ayaa sheegay in dhaawaca wiilkaas uu geeyey laamiga hore, gaar ahaan meel u dhow dabaqa Cali Mahdi, halkaas oo booliska Soomaaliya ay ka qaadeen.

Cabdiraxmaan ayaa intaas ku sii daray in wiilkii dhaawaca ahaa ee uu badbaadiyey uu ku booqday isbitaalka Jazeera ee magaalada Muqdisho, isla markaana uu soo bartay ehelkiisa.

Wuxuu sheegay in horay uusan u garaneyn wiilkaas, balse uu ka naxay markii uu arkay isagoo dalbanaya in la badbaadiyo oo gacanta haatinaya, sidaasna uu u soo aaday iyadoo xabaduhu u dhacayaan si darandoori ah.

Wiilka dhaawaca ah ayaa dhiig baxayey, sida wareysigaan uu ku sheegay Cabdiraxmaan, sidoo kale wuxuu cadeeyey in muuqaalkaas in laga duubayo uusan ogeyn ee baraha bulshada u uku arkay.

Dadka Soomaaliyeed ayaa aad ugu mahadceliyey wiilkaan uu muujiyey geesinimo iyo dareen islaamnimo, maadaama uu kooxo manaxayaal ah oo toogasho fulinaya uu ka soo badbaadiyey wiil dhaawac ah oo dhiig baxaya, dhulkana ka kici waayey.

Hoos ka daawo Muuqaalka Cabdiraxmaan Raage

Israel oo Gaza ku celisay meydadkii ugu badnaa iyo shaki xooggan oo dul hoganaya

Gaza (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa dib u celisay maydadka in ka badan 80 Falastiiniyiin ah oo ay ku dishay weerarada milatari ee ay ka waddo Gaza tan iyo bishi October, iyadoo duqeymo ay Isniintii iyo Axaddii ka fulisay koofurta Gaza ku dishay ilaa 18 Falastiniyiin ah.

Yamen Abu Suleymaan, oo ah maamulaha Adeegga Gurmadka Rayidka ah ee Khan Younis ee koonfurta Gaza, ayaa sheegay in aysan kala cadeyn in meydadka ay ciidamadu ka soo qodeen qabuuraha iyo in ay yihiin “maxaabiis la jir dilay kaddibna la laayay.

Wuxuu kaloo sheegay in ciidanka Isra’il aysan siinin xog ku saabsan magacyada, dadka iyo heybta, arrintaas oo uu ku tilmaamay danbi dagaal.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale sheegay in ay baaritaan ku sameyn doonaan meydadka si loo ogaado waxa sababay dilkooda, ka hor inta aanan loo sameyn aas wadareed.

Isra’il wali kama aysan hadlin meydadka ay ku wareejisay saraakiisha caafimaadka ee Falastiiniyiinta Koofurta Gaza.

Dhanka kale, duqeymo ay ciidamada Isra’il Isniinti iyo Axaddi ka horeysay degmada Khan Younis ayay ilaha caafimaadka xaqiijiyeen in ay ku dhinteen ilaa 8 ruux. Millatariga Isra’il ayaase sheegay in weerarkaasi ay ku khaarijiyeen Abdulfatax Zureyci oo ay ku sheegeen in uu ka tirsanaa qeybta hubka ee Xamaas.

Saraakiisha caafimaadka Falastiiniyiinta ayaase ku sheegay Zureyci inuu ahaa wasiir ku xigeenka maaliyadda ee maamulka Xamaas ee Gaza.

Daawo: Labo nin oo lagu toogtay Kismaayo, kadib fakashadii 4 nin oo Shabaab ah

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa galabta toogatay labo nin oo horay u geystay dilal, kuwaas oo bilowgii sanadkaan lagu xukumay dil toogasho ah.

Qisaastaan la dedejiyey saacado kadib markii xalay rag dil toogasho ah lagu xukumay ay ka baxsadeen xabsi ku yaalla magaalada Gaalkacyo oo ciidamada Puntland ay maamulaan.

Yaasiin Cismaan Colow oo ka tirsanaa ciidamada Jubbaland iyo Maxamed Cabdullaahi Saciid ayaa lagu kala magacaabaa ragga maanta lagu toogtay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Maxamed Cabdullaahi Saciid ayaa bishii 3-aad ee sanadaan aad ugu faafay baraha bulshada isagoo maxkamadda ka hor qiranaya inuu dilay Maxamed-deeq Nuune Saalax oo ku qabsaday boos uu lahaa.

Erayada dareen taabadka lahaa ee ninkaas uu maxkamadda ka hor yiri waxaa ka mid ahaa “Mar dambe ha igu soo celin war hala I toogto, ninkaas anigaa dilay, waxaana ka difaacanaayey hantideyda.”

Dadka qaar waxay xiligaas dalbanayeen in kiiskaan loo fiiriyo si ka duwan sidii hore, maadaama ninkaan odaga ah ee dilka geystay uu muujinayo ciil iyo caloolyow ku kalifay inuu maxkamadda ka dalbado in deg deg loo toogto.

Ugu dambeyntii maanta ayaa tiirka la geeyey isaga iyo nin kale oo hora yuga tirsanaa ciidamada Jubbaland, waxayna toogashadoodu ku soo aaday saacado kadib markii afar Shabaab ah oo dil lagu xukumay ay ka baxsadeen xabsi ku yaalla Gaalkacyo.

12 nin ayaa la sheegay inay xalay xabsiga ka baxsadeen, balse 8 ayaa la qabtay, waxaana la waayey 4 nin oo horay loogu helay Shabaabnimo iyo dilal ay geysteen, kuwaas oo ku xukunaa dil toogasho ah.

Hoos ka daawo