25.4 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Daawo: Labo nin oo lagu toogtay Kismaayo, kadib fakashadii 4 nin oo Shabaab ah

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa galabta toogatay labo nin oo horay u geystay dilal, kuwaas oo bilowgii sanadkaan lagu xukumay dil toogasho ah.

Qisaastaan la dedejiyey saacado kadib markii xalay rag dil toogasho ah lagu xukumay ay ka baxsadeen xabsi ku yaalla magaalada Gaalkacyo oo ciidamada Puntland ay maamulaan.

Yaasiin Cismaan Colow oo ka tirsanaa ciidamada Jubbaland iyo Maxamed Cabdullaahi Saciid ayaa lagu kala magacaabaa ragga maanta lagu toogtay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Maxamed Cabdullaahi Saciid ayaa bishii 3-aad ee sanadaan aad ugu faafay baraha bulshada isagoo maxkamadda ka hor qiranaya inuu dilay Maxamed-deeq Nuune Saalax oo ku qabsaday boos uu lahaa.

Erayada dareen taabadka lahaa ee ninkaas uu maxkamadda ka hor yiri waxaa ka mid ahaa “Mar dambe ha igu soo celin war hala I toogto, ninkaas anigaa dilay, waxaana ka difaacanaayey hantideyda.”

Dadka qaar waxay xiligaas dalbanayeen in kiiskaan loo fiiriyo si ka duwan sidii hore, maadaama ninkaan odaga ah ee dilka geystay uu muujinayo ciil iyo caloolyow ku kalifay inuu maxkamadda ka dalbado in deg deg loo toogto.

Ugu dambeyntii maanta ayaa tiirka la geeyey isaga iyo nin kale oo hora yuga tirsanaa ciidamada Jubbaland, waxayna toogashadoodu ku soo aaday saacado kadib markii afar Shabaab ah oo dil lagu xukumay ay ka baxsadeen xabsi ku yaalla Gaalkacyo.

12 nin ayaa la sheegay inay xalay xabsiga ka baxsadeen, balse 8 ayaa la qabtay, waxaana la waayey 4 nin oo horay loogu helay Shabaabnimo iyo dilal ay geysteen, kuwaas oo ku xukunaa dil toogasho ah.

Hoos ka daawo

 

Sawirro: Ciidankii Ahlusunna oo gadooday kadib tallaabo ay qaaday DF

0

Huurshe (Caasimada Online) – Ciidamo gadoodsan oo ka tirsan militeriga Soomaaliya ayaa maanta gaaray deegaanka Huurshe ee waqooyiga gobolka Galgaduud, waxaa ka jirta cabsi ku aadan qorshahooda.

Ciidamadaan ayaa ka tirsan Guutada 15-aad ee qaybta 21-aad, waxayna dhowaan ka laabteen magaalada Muqdisho, kadib markii laga jartay xuquuqdooda.

Ciidankaan gadoodsan ayaa wata ku dhowaad 10 gaari oo tigniko ah, waxayna safar dhulka ah maalmo ka hor uga baxeen Muqdisho, iyagoo gaaray deegaanka Huurshe ee gobolka Galgaduud oo dhaca inta u dhaxeysa Dhuusamareeb iyo Caabudwaaq.

Ciidankaan ayaa ah kuwii Ahlu-Sunna ee dowladda Soomaaliya ay qarameysay, balse dhowaan ayey ka gadoodeen qorshe ay wadatay dowladdu, taasi oo sababtay in mushaarka laga jarto.

Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa guutadaan ka soo qaaday Galmudug, waxaana lagu xareeyey xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho, waxaana loo sheegay in qalabeyn iyo dib u habeyn lagu sameynayo.

Maalmo kadib waxaa ciidankii laga dalbaday in qoryo ay la yimaadaan, hadii kale mushaarka laga jaranayo, waxayna sameeyeen gadood ka dhan ah go’aanka Taliska xoogga.

Waxay sameeyeen banaanbax, ugu dambeyntiina waxay isaga tageen Muqdisho, markii ay xaqiiq sadeen in mushaarkii laga jartay, hubkooda ayey ka sii qaateen magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb, waxayna uga gudbeen deegaanka Huurshe oo caawa ay ku sugan yihiin.

Galmudug waxaa ka jirta cabsi la xiriirta in Ahlu-Sunna ay dib u soo noolaato, maadaama ay heystaan fursad ah in ciidamadii daacada u ahaa jiray ay hadda kasoo gadoodeen dowladda, kadib markii laga jartay mushaarka.

Dowladda ayaa ciidankaan si cad ugu sheegtay in mushaarka laga jara doono hadii aysan la imaan qoryo lagu diiwaan geliyo, halka ciidankuna ay ku doodeen in hub aysan heysan, isla markaana looga baxay qorshihii looga keenay Galmudug oo ahaa in la qalabey doono, waxaana bilowday gadood, halka dowladu ay go’aankii ka dhabeysay oo bishaan mushaarkii ka jaratay ciidankaas.

Ciidankaan ayaa qalalaase culus geli kara Galmudug oo hadda gashay xiligeedii doorashada, Ahlu-Sunna ayaa heli karta fursad ay ku gorgortanto, kuna abuurto awood ciidan oo mar kale ka curata deegaanka, hadii deg deg dowladda federaalka aysan u xalin gadoodka ciidanka galabta gaaray deegaanka Huurshe oo fariisin  muhiim ah u ah culimada Ahlu-Sunna, isla markaana u uku aasan yahay Sheekh Yuusuf Direed oo sanad kasta bilahaan oo kale siyaartiisa la dhigo.

Caro xooggan oo ka dhalatay tallaabo ay qaaday dowladda kadib weerarkii LIIDO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maalin uun kadib qaraxii xeebta Liido ku dhowaaqday qaaran aruurin, ayada oo soo bandhigtay akoonadii ugu badnaa ee lacag lagu diri karo.

Akoonnadan ayaa la sheegay inay gacanta ku hayaan guddiga maaliyadda qaran ee qaraxa Liido, oo maalin kadib uuna la dhisay, taas oo si weyn uga careysiisay shacabka Soomaaliyeed.

Tallaabadan ayay dadka qaar ku tilmaameen mid macaash looga sameynayo dhibaatada soo gaartay dadkii ku waxyeeloobay weerarkii bahalnimada ahaa ee kooxda Al-Shabaab ku eekeysay xeebta Liido.

Guddiga maaliyadda qaran ayaa dhankooda sheegay in qaarankan uu qeyb ka noqonaya taakullada dadkii ku waxyeloobay qaraxii Liido, ayada oo dadka ay ka horyimaadeen in shacabka dhibaateysan dib lacag loo weydiiyo halkii ay aheyd in dowladda kafaalo qaado daaweyntooda.

Haddaba, sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Maxamed Taagane: “Qof shilin idiin soo direyso ma jirto ee magaca umada Soomaaliyeed aduunka deemaha looga soo qaado ku celiya umada.”

Mahad America ayaa isna waxa uu yiri “dowlad muwaadiniinteeda canshuur ka qaadaysa laakiin aan awoodin in ay daryeel Ccaafimaad u fidiso haddii dhib soo gaaro!.”

“Qof laga qaaday toddoba nooc oo canshuur ah, miyaad caawimaad waydiiseen,” ayuu yiri Cabdiqani Jaamac Ciise.

Xuseen Cumar: “Waala dhiman aah ka cabsado maalin kasto gurmad lacag aruurin haku jirine ka horta sameeya dadale kale la imaado fadlan.”

Cabdullaahi Xasan Cali: “Qaraab tag Qaran!. Hal Account soo kuma filneen, haddiiba gurmad Qaran tahay, mise sheekada waa waxba yey na dhaafin! Midig ka Dhaw, Bidix ka dhaw.”

“Bes naga dhaha damiirkeena intaan kadib ma yeelaayo calyadaan. Aan kala xishoono,” ayuu yiri Cabdirashiid Muxumed Cali.

Laba qodob oo luf-luf siyaasaddeed aysan ka dhex raadin karan mucaaradka Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Argagixisada waxay dishay in ka badan 30 qof oo shacab ah, waxayna dhaawaceen illaa 200 oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah habeenkii Jimcihii lasoo dhaafay.

Waa culeys xoog leh, laakiin ma ahan markii koowaad, labaad, saddexaad ama xitaa markii 10-aad oo ay argagixisada tiro intaan le’eg ama ka badan ka disho umadda Soomaaliyeed.

Culeyskan tixanaha ah eeddiisu waa inay marwalba ku dhacda cidda xukunka joogta ee shaqada amniga mas’uulka ka ah.

Laakiin midda aan la aqbali karin waa in siyaasad laga dhex raadiya dhibaatada gaartay shacabka Soomaaliyeed, iyada oo laga dhigaayo fursad lagu mucaarado madaxweyne Xasan Sheekh iyo nidaamkiisa.

Iyada oo ay jiraan qaladaad badan oo dowladda dhexdeeda ah oo lagu mucaaradi karo Xasan Sheekh iyo nidaamkiisa, haddana dhinaca kale waxaa jira labo qodob oo lama taabtaan ah oo laga dhex raadin karin luf-luf siyaasadeed.

1. La-dagaalanka argagixisada

Kooxdan oo culeyskeeda uu 15 jirsaday waxay dishay tobanaan kun oo shacab Soomaaliyeed ah, waxay hortaagan tahay nabadda iyo noloshada umadda Soomaaliyeed.

Dagaalka lagula jiro ee xaqa ah ma lahan af mucaarad iyo mid muxaafid, wuxuuna leeyahay hal albaab oo ah in dowladda lagu garab galo, lala toos-toosiyo oo shacab iyo siyaasina loo midoobo dagaalka.

Marka mucaaradnimada laga hadlayo wadada aada dhinaca la-dagaalanka argagixisada waa xiran tahay.

2. Kiiska Itoobiya

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu muddo xileedkiisi hore dagaal biyaha la xiriira kula jiray dowladda Kenya, isaggoo sheegashadii Nairobi geeyay maxkamadda cadaaladda adduunka, illaa markii ugu dambeysa ay Soomaaliya ku adkaatay kiiskii badda ee kala dhaxeeyay Kenya.

Maantana waxay Xasan ula taalla Itoobiya, taas oo iyaduna soo damaacisay qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya. Waa macquul inay wax ka qaldan yihiin sida ay dowladda u wajaheyso arrinta Itoobiya, laakiin iyada oo la siyaasadeyn dowladdda tallo waa lagu biirin karaa, waa qofka ay ka tahay toosin iyo qarankaagu ha adkaado.

Balse jidkaana waa xiran yahay haddii laga fikiraayo kalluumeysi siyaasadeed, oo waxaa dhici karta in adigoo isleh Xasan Sheekh ku xumee arrinta Itoobiya in si aanad fileyn ugu dhacdid afka Yaxaaska.

Madaxweyne Xasan Sheekh wax badan oo lagu mucaaradi karo ayuu farqaha ku haystaa, laakiin labadan qodob ee la-dagaalanka argagixisada iyo arrinta Itoobiya waa in aan la siyaasadeyn oo aan laga dhex raadin dhibco dhimasho noqon kara.

Wararkii ugu dambeeyay ee dibad-baxayaal caraysan oo weeraray masaajido ku yaal UK

London (Caasimada Online) – Tirada dadka loo xiray rabshadaha ka dhanka ah socdaalka ee ka socda guud ahaan England iyo Waqooyiga Ireland ayaa gaartay ugu yaraan laba boqol iyo konton.

Rabshadaha ayaa ka dhashay dil toddobaad ka hor loo geystay saddex gabdhood oo dhallinyaro ah.

Xog si khaldan loogu baahiyey internetka ayaa dhalisay rabshadaha kadib markii dilkaas loo tiriyey inay gaysteen dad soogalooti ah, taas oo sii hurisay carada sii fiday.

Masaajido iyo huteel oo ay degenaayeen magangalyo-doon oo ku yaalla magaalooyinka Rotherham iyo Tamworth ayaa dad badani oo ka mid ahaa kuwa dibadbaa dhigayey ay weerareen.

Shaqaalihii huteelka iyo dadka deggan, oo qaarkood magan-gelyo-doon ah, ayaa “argagaxay”, laakiin wax dhaawac ah lama soo sheegin, sida ay booliisku sheegeen.

Mid ka mida huteelada oo ku yaalla Tamworth, Staffordshire, boolisku waxay sheegeen inay la tacaaleen “falalka tuuganimada ah, balse hal askari ayaa boolisku sheegeen inuu dhaawac soo gaaray kadib markii dadka dibad-baxayey ay ku tuureen waxlo kala duwan iyagoo jajabiyey daaqadaha.”

Ra’iisul wasaaraha UK, Keir Starmer, ayaa dhaleeceeyay khalkhalka ka dhashay dibadbaxyada isagoo sheegay inay ka danbeeyaan koox tuugo ah oo midigta fog ah, wuxuuna sheegay in kuwa ku lugta leh ay wajihi doonaan sharci adag..

Dowladiisa ayaa kulan deg deg ah yeelan doonta maanta oo isniin ah kaas oo looga hadlayo xaaladda taagan

Ra’iisul wasaaraha ayaa wacad ku maray inuu sameyn doono “wax kasta oo ay ku qaadaneyso in kooxahan sharciga la horkeeno” mar uu khudbad u jeedinayay shacabka.

“Dadka ku nool dalkan waxay xaq u leeyihiin inay nabad qabaan, haddana waxaan aragnay bulshooyinka muslimiinta ah oo la bartilmaameedsaday iyo weerarrada masaajidda,” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu.

Wuxuu intaa raaciyey in “bulshooyinka kale ee laga tira badan yahay ee la takooray, salaanta Naasiga ee dariiqyada lala istagay, weerarida booliska, rabshadaha ay dhinac socdaan hadalada cunsiyada leh, markaa maya, kama fogaan doono inaan ugu yeero waxa ay tahay: tuuganimada midigta fog.”

Aqalka number 10 ee looga arrimyo UK, ayaa lagu wadaa inuu ka qabsoomo shirka Cobra, kaas oo ah mid si gaara looga hadlayo xaaladda ka taagan dalkaasi. Shirkaas waxaa isugu yimaada wasiirada dowladda ,booliska, nabag-sugida iyo madax kale ee ku taxaluqda arrintan

Kulanka Isniinta ee guddiga gurmadka ayaa looga gol leeyahay in dowladda ay ka siiyaan warbixin ku saabsan shaqaaqooyinkii dhacay dhammaadka todobaadka iyo jawaabta maalmaha soo socda. Waxay ka koobnaan doontaa wasiirro iyo wakiillo boolis ah.

Booliiska ayaa ka jawaabay dibadbaxyo rabshado wata oo ka dhacay Tamworth, Middlesbrough, Bolton, Hull iyo Weymouth, iyo qaybo kale oo UK ah.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska arrimaha gudaha ee UK ,ayaa lagu sheegay in masaajidada si weyn loo ilaalinayo taas oo qayb ka ah qorshaha cusub , waxaa kaloo qoraalka lagu sheegay in ciidamada deg deg loo diri doono si ay dib ugu soo celiyaan sidii logu cibaadaysan laha goobaha cibaadada sida ugu dhow uguna dhaqsaha badan.

Sida ay sheegeen booliska South Yorkshire, magaalada Rotherham, ugu yaraan toban bilays ah ayaa ku dhaawacmay mid ka mid ah ayaa miyir beelay ka dib markii mudaaharaadayaal ka soo horjeeda socdaalka ay ku tuureen alwaax.

Xoghayaha arrimaha gudaha Yvette Cooper, ayaa ugu yeertay muuqaallada “mid laga naxo” waxayna sheegtay in booliisku ay taageero ka helaan dowladda si ay u qaadaan “tallaabada ugu adag”.

Booliska Manchester, qaybta 60AA, ayaa soo saaray amar dadka magaalada looga dalbanayo inay “ wajiga ka qaadaan gafuur xirka si loo aqoonsado”

Rabshadaha ayaa daba socday dhacdooyin la mid ah oo rabshado ka dhacay Southport, Belfast, Hartlepool, Hull, Liverpool, Stoke-on-Trent, Nottingham, Sunderland iyo meelo kale horaantii isbuucaan.

Isha: BBC

C/ladiif Sanyare oo war culus kasoo saaray Shabaabkii ka baxsaday xabsiga Gaalkacyo

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka hadlay maxaabiis ka tirsanayd Al-Shabaab oo xalay ka baxsatay xabsi ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kaas oo ay gacanta ku hayso Puntland.

Tirada maxaabiista baxsatay ayaa ahayd 12, laakiin waxaa la soo qabtay 9 kamid ah raggaasi, kadib howlgal ay qaadeen ciidamada ammaanka maamulka Puntland.

Ragga baxsaday oo ka tirsanaa Argagixisada ayaa waxaa qaarkood ay ku xukunaayeen dil toogasho ah, halka kuwa kalena ay ku xukunaayeen xabsi daa’in, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xildhibaanka oo si kulul uga hadlay arrintan ayaa nasiib darro ku tilmaamay in maxaabiis saddex sano kahor dil lagu xukumay ay xabsiga ka baxsadaan, ayada oo kaliya ay u harsan tahay in la qisaaso.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay wuxuu soo jeediyay in lala xisaabtamo ciddii ka dambeysay inay baxsadaan maxaabiistaas oo horay dhibaatooyin uga gaystay magaalada Gaalkacyo.

“Waa wax aad looga xumaado, in gacan kudhiigle 3sano kahor dil lagu xukumay, oo ay u harsantahay in la qisaaso, uu xabsiga kabaxsado, waxaan rajaynaya cidii u kaalmaysay gacan kudhiiglayasha in cadaalada lahorkeeno,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Sanyare.

Dhinaca kale ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa baadi-goob ugu jiro saddexda maxaabiis ee la la’yahay, waxaana socda howlgallo lagu raadinayo xubnahaasi.

Shakhsiyaadka baxsaday ee loo haysto in ay ka tirsan yihiin kooxaha argagixisada ah ayaa horay wareysi laga qaaday ku sheegay in ay magaalada ku dileen dad kala duwan oo ay ku jiraan mas’uuliyiin dowladeed, sidoo kalena ay gaysteen weeraro qaraxyo ah.

Si kastaba, Xildhibaan Cabdiladiif ayaa waxaa walaalkiis Marxuum Axmed Muuse Nuur (Sanyare) oo ahaa guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland qarax ugu dilay kooxda Al-Shabaab, waxaana kadib xilkaas la wareegay isaga, inkastoo markii dambe uu iska casilay, kadibna loo doortay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Daawo: MUQDISHO oo farriin culus dirtay maanta kadib xasuuqii LIIDO

Muqdisho (Caasimada Online) – Dibad-bax ballaaran oo ka dhan ah maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo ay soo qaban-qaabisay dowladda Soomaaliya, waxaana ka qayb-galaya boqolaal dadweyne ah iyo shaqaalaha dowladda.

Banaan-baxan oo ah mid ballaaran ayaa waxaa looga dhiidhinayay weerarkii dadka badan lagu laayay ee Jimcihii kooxda Al-Shabaab ku qaaday xeebta Liido.

Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda, xubno kamid ah maamulka gobolka Banaadir iyo shacab isaga kala yimid xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa isugu tegay xeebta Liido oo ah halka uu ka dhacay xasuuqa lagu laayay dad badan oo aan waxbka galabsan.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo goobta kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in isku soo baxaan uu farriin u diray kooxda Khawaarijta oo uu ku eedeeyay inay usoo jeesatay beegsiga shacabka Soomaaliyeed.

“Maanta shacabka halkan isugu yimid ee dhalinyarada u badan waxay muujineysaa oo ka tarjumeysaa farriina ay rabaan inay u diraan Khawaarij, farriinta ay u dirayaan waxay tahay inay u sheegaan dalkan iyo dadkan iyagu inay iska leeyihiin” ayuu yiri Yabooh.

Sidoo kale wuxuu hadalkiisa intaasi sii raaciya “Kooxa Khawaarijtu uma socon madax iyo ciidan ee waxa ay u bareereen leynta shacabka”.

Dhankiisa wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Barre oo xeebta Liido kula hadlay Wariyeyaasha ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin inay kacaan, kana dhiidhiyaan ficilada Al-Shabaa

“Haddii aan nahay mas’uuliyiinta Dowladda waxaan la dareen nahay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka dhiidhinaya ficilada Khawaarijta” ayuu isna yiri wasiir Barre.

Kooxda Al-Shabaab ayaa Jimcihii si cadowtinimo ah u beegsatay dhalinyaro ku caweyneysay xeebta Liido, waxayna u dhigeen dabin adag oo qaraxyo iyo weerar toos ah isugu jira.

Dad badan ayey dileen dhimashada ayaa gaartay 40 qof iyo dhaawacyada todobaatameeyo kale, inkastoo la fashiliyey gaari ay ku soo rareen waxyaabaha qarxa oo la aaminsan yahay in dadka inta ka soo badbaada xeebta uu ku baabi’i rabay laamiga.


Xubno Shabaab ah oo DIL ku xukumanaa oo xabsi ka baxsaday

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay xubno maxaabiis ah oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ka baxsadeen xabsi ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo, kaas oo ay maamusho Puntland.

Maxaabiista oo fursad heshay ayaa la sheegay inay ka fakadeen xabsiga, waxaana tiradooda lagu sheegay 12 maxbuus oo horay dil iyo xabsi daa’in loogu xukumay.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay innoo sheegay in ciidamada ammaanka oo durbo ka helay arrintan ayaa sameeyay howlgal ka daba tag ah, waxayna soo qabteen 9 kamid ah maxaabiistii Al-Shabaab ee ka baxsaday xabsiga waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale ciidamada ayaa baadi-goob ugu jiro afar kale oo la la’yahay, waxaana socda howlgallo lagu raadinayo xubnahaasi oo qatar ku ah amniga Gaalkacyo.

Shakhsiyaadka baxsaday ee loo haysto in ay ka tirsan yihiin kooxaha argagixisada ah ayaa horay wareysi laga qaaday ku sheegay in ay magaalada ku dileen dad kala duwan oo ay ku jiraan mas’uuliyiin dowladeed, sidoo kalena ay gaysteen weeraro qaraxyo ah.

Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay wax hadal ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka Puntland oo ku aadan maxaabiistaasi baxsatay.

Arrintan ayaa waxaa durbo ka dhashay walaac xoogan iyo eedeymo loo jeedinayo saraakiisha iyo hoggaanka gacanta ku haya xabsiga ay ka baxsadeen xubnahaasi.

Sidan oo kale sannado kahor ayaay xubno Shabaab ah uga baxsadee xabsi kuyaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo, maxaabiistaas qaarkood ayaa la toogtay halka kuwa kalana la qabtay, waxaana jiray kuwa kale oo baxsaday oo dib ugu laabtay Al Shabaab.

Xog: Sidee Al-Shabaab ku tageen xeebta Liido?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo weerarkii lagu dhammaaday ee Jimcihii lasoo dhaafay kooxda Al-Shabaab ay ka gaysatay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, xilli ay ku sugaan dad badan oo rayid ah.

Weerarkan oo qaraxyo ku billowday, kadibna uu xigay dagaal toos ah oo ay fuliyeen xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa dhaliyay su’aallo iyo shaki xoogan oo ku aadan sida kooxda ugu suuragashay inay gaarto goobtaasi oo si weyn loo ilaaliyo amnigeeda.

Xildhibaan Cali Xaaji oo ah guddoomiyaha guddiga cadaaladda ee Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Somali Cable Tv ayaa shaaciyay xog ku aadan weerarkaasi, wuxuuna qiray inay caddahay in ragga weerarka gaystay meesha la geeyay, loona fududeeyay inay ka gudbaan dhammaan baraha koontarool ee ka horreeyo xeebta Liido.

Cali Xaaji ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladdu lafteeda ay wax badan ka ogtahay arrintan, balse loo baahan yahay isl xisaabtan ah dhab ah.

“Wax cirka kasoo dhacay ma’ahan waa bashar caadi ah oo inta lasoo kaxeeyay la keenay weeye kadibna waxaa la yiri howsha waa halkaanee wata. Dowladdu ma oran karno ma oga qof oran karaa arrintaana ma jiro” ayuu wareysiga ku yiri Xildhibaan Cali Xaaji.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Inuu intuu iska yimaado meel qof kasta uunan tagi karin oo anoo xildhibaan ah aanan tagi karin oo baaritaan la’aan cidna tagi karin intuu inan yar oo Argagixiso ah iska yimaado isaga oo jeebadaha bam kasoo buuxsaday inuu waxa uu doono sameeyaa wax dowladda ka indho la’dahay ma’ahan”.

Xildhibaanka oo sii hadlaya ayaa ku baaqay in maxkamad lasoo taago cid kasta oo ku lug yeelataa weerarkan, sidoo kalena xilalka laga qaadaa saraakiisha dayaca sameeyay.

“Dowladda waxaa laga doonayaa ciddii xisaabtaas qaadan lahayd oo shaqadeedii ku waayi lahayd oo loo maxkamadeyn lahaa ayaa dowladda looga fadhiyaa” ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu ku daray  “Arrintan waa wax miiska saaran oo dowladdu warkeeda hayso bis dowladda waxaa looga fadhiyaa inay caddeyso oo dadkii dayacaaddaas xagooda ay ka timid maxkamad iyo in garsoor la helo ayaa loo baahan yahay” .

Hoose ka daawo:-

PUNTLAND oo gacanta ku dhigtay hub iyo shabakaddii lahayd + Sawirro

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee PMPF oo kaashanayaa kuwa sirdoonka maamulkaasi ayaa howlgallo qorsheysan ka sameeyay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Ciidamada ayaa howlgalladan ku beegsaday kooxo ay Puntland sheegtayinay gacan saar la leeyihiin Argagixisada oo ku howlanaaa falal liddi ku ah amniga magaaladaasi.

Warsaxaaradeed kasoo baxay taliska PMPF ayaa waxaa lagu sheegay in kooxda lasoo qabtay ay ahayd shabakad isku xiran oo isugu jiro Soomaali iyo Ajaaniib, kuwaas oo muddo lagu daba joogay, sida uu sheegay taliska.

“Ciidamada sida gaar ka ah u tababaran ee PMPF oo kaashanaya Hay’adda Sirdoonka Puntland ee PISA ayaa hawlgal ay ka sameeyeen Boosaaso gacanta ku dhigay shakhsiyaad ka tirsan shabakado gacansaar la leh Argagixisada oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib, kuwaas oo lagu soo qabtay walxaha qarxa iyo hubka culus” ayaa lagu yiri warsaxafaadeedka.

Sidoo kale ciidamada ammaanka Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay hub tiro badan, qaraxyo iyo hoobiyeyaal ay lahayd shabakadda lasoo qabtay, waxaana kamid ah hubka la helay budada laga sameeyo walxaha qarxa, miinooyin, bambooyinka gacanta, hoobiyayaal iyo agabyo kale

“Kooxahan gacanta lagu dhigay ee qaybta ka ah Shabakado lagu raadjoogo ayaa lagu qabtay noocyada kala duwan ee hubka culus, Budada laga Sameeyo walxaha Qarxa, Miinooyin, Bambooyinka gacanta, Hoobiyayaal iyo agabyo kale” ayaa mar kale lagu yiri.

Puntland ayaa sidoo kale u mahadcelisay bulshada deegaanka oo ay sheegtay inay ciidanka ka gacan siiyaan fashilinta dhagarta kooxdaasi laga hortegay.

Marar badan ayaa sidaan oo kale ciidamada Puntland waxay usoo qabteen hub tiro badan iyo xubno ka tirsan kooxaha Argagixisada ee ku sugan deegaanada maamulkaasi.

R/wasaaraha Bangladesh oo is-casishay kadibna dalka ka baxday + Sababta

Dhaka (Caasimada Online) – Raiisal Wasaaraha Bangladesh Sheikh Hasina ayaa is-casishay, waxayna ka carartay dalkeeda.

Tallaabadan ayey Hasina ku dhaqaaqday xilli ay dalkaas ka socdaan mudaharaado rabshado wata, oo ah kuwii ugu xumaa ee dalkaas soo mara muddadii uu jiray.

Taliyaha ciidamada General Waker-Us-Zaman oo khudbad ka jeediyay taleefishinka ayaa sheegay in Hasina oo 76 jir ahi, ay ka baxday dalka, lana soo dhisi doono dowlad ku meel gaar ah.

Warbaahinta dalkaas ayaa ku soo waramaysa in Sheikh Hasina ay dalka kaga dhooftay diyaarad milateri, waxaana raacday walaasheed.

Sheikh Hasina ayaa u jihaysatay dhinacaas iyo gobolka West Bengal ee dalka Hindiya, kaas oo ku yaalla xuduudda ay Hindiya la wadaagto Bangladesh, inkasta oo warar kalena ay sheegayaan inay ku jihaysan tahay gobolka Tripura ee ku yaalla woqooyiga Hindiya.

Muuqaallada taleefishinada ayaa muujinayay kumannaan qof oo ku soo qul qulaya waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Dhaka iyagoo aad u faraxsan oo qaylinaya isla markaana sita hal-ku-dhegyo kala duwan.

Sidoo kale kumanaan qof ayaa xoog ku galay guriga rasmiga ah ee Hasina.

Dibad-bax wayn oo maanta ka dhacaya MUQDISHO + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa abaabuleysa banaanbax weyn oo maanta ka dhici doona magaalada Muqdisho, kaas oo bilaaba doona saacadaha soo socda ee saaka, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Banaanbaxa maanta dhacaya ayaa looga dhiidhinayaa xasuuqii ay Khawaarijta Al-Shabaab habeen ka hor u geysatay dad shacab ah oo ku sugnaa xeebta Liido.

Dowladda ayaa qorsheysay in dibad-baxaas uu ka dhaco qeybo badan oo ka mid ah magaalada, balse ugu dambeyntii la isugu tago xeebta Liido oo ah halkii dadka lagu laayey.

Shaqaalaha dowladda ayaa maanta lagu war geliyey inay maanta soo xaadiraan xarumaha ay ka shaqeeyaan, si loogu jiheeyo goobaha loo qorsheeyey in dibadbaxayaashu isugu tagaan oo xeebta Liido ay ugu horeyso.

Koox dhalinyaro ah oo wasiirka dhalinyarada uu hoggaaminayo ayaa shalay isugu tagtay isbitaalka Madiina, kuwaas oo dhiig u shubay dadkii dhaawacmay, kadibna waxay la hadleen warbaahinta.

Dhalinyaradaas ayaa sheegay iyagoo careysan in wixii ka dhacay Liido aan laga aamusi karin, iyagoo iclaamiyey banaanbax weyn oo berri ay dhigayaan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa habeen hore si cadowtinimo ah u beegsatay dhalinyaro ku caweyneysay xeebta Liido, waxayna u dhigeen dabin adag oo qaraxyo iyo weerar toos ah isugu jira.

Dad badan ayey dileen dhimashada ayaa gaartay 40 qof iyo dhaawacyada todobaatameeyo kale, inkastoo la fashiliyey gaari ay ku soo rareen waxyaabaha qarxa oo la aaminsan yahay in dadka inta ka soo badbaada xeebta uu ku baabi’i rabay laamiga.

Ninkii waday gaarigaas ayaa la dhaawacay, kadibna waxaa lagu qabtay nolosha, iyadoo shalay galab si ku talagal ah loo qarxiyey, inkastoo uu gubtay gaadiid badan oo goobta looga cararay habeenkii weerarku dhacay.

Hakan Fidan oo Addis Ababa ka wada qorshe ku saabsan xiisadda Somalia iyo Ethiopia

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga Hakan Fidan ayaa shalay gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, isagoo halkaas kula kulmay ra’iisul wasaare Abiy Axmed, sidaas ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Turkiga.

Dawladda Turkiga waxay sheegtay in safarkaan uu qayb ka yahay qorshaha dhex-dhexaadinta ah ee dawladda Turkiga ay ka dhex wado Soomaaliya iyo Itoobiya, si xal loogu helo khilaafka ka dhex dhashay labada dal ee salka ku haya heshiis beenaadii badda ee Itoobiya la saxiixatay Somailand.

Sidoo kale wasiir Fidan ayaa la kulmay dhiggiisa Itoobiya Taye Atske Selassie, safarkaan ayaa la sheegay inuu qaada doono dhowr maalmood.

Sida ay sheegtay wasaaradda arimaha dibadda ee dowladda Itoobiya, Turkiga ayaa waxa uu kala hadlay arimo ay ka mid yihiin khilaafka kala dhaxeeya Soomaaliya iyo guud ahaan xaaladda gobolka Geeska Afrika.

Twitterka ra’iisul wasaaraha Itoobiya war lagu daabacay ayaa lagu sheegay in wasiirka arrimaha dibadda Turkiga iyo Abiy ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, waxaana xusid mudan in Soomaaliya ay garab ka raadineyso Turkiga si looga difaaco hadii Itoobiya awood adeegsato.

Bishii June waxaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga wadahadal uu Turkigu garwadeen ka ahaa ayaa la qorsheeyey in dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku yeeshaan, balse farsamooyin la isku fahmi waayey oo salka ku haaya khilaafka badda ayaa sababay in wadahadalkaasi fashilmo.

Kadib markii ay fashilmeen wadahadaladii la rabay inay ka furmaan Ankara, waxay dhinacyadu isku raaceen in ay kulan kale Ankara ku yeeshaan 2-da bisha soo socota ee September.

Bulshada caalamka ayaa waxay bogaadisay doorka ay dawladda Turkigu ka ciyaarayso u kala dabqaadista Soomaaliya iyo Itoobiya oo markii dib loo eego tariikhdooda ay dhexmareen dagaalo adag oo lagu hoobtay.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan inta uu joogo Itoobiya waxaa la sheegay inuu ka shaqeynayo sidii loo dhex dhexaadin labada dal ee Turkigu saaxiibka la yahay, sidoo kale Turkiga oo aad u daneeya gobolka Geeska Afrika ayaa dantiisa ka dhex arka Soomaaliya iyo Itoobiya oo heshiis ah.

R/wasaare Xamza oo Maxamed Fatiir u magacaabay xil muhiim ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa u magacaabay Maxamed Isaaq Ibraahim (Fatiir) inuu noqdo agaasimaha guud ee bulshada bariga Afrika (East African Community).

Soomaaliya ayaa si rasmi ah loogu ogolaaday inay ku biirto daladda bulshada bariga Afrika bishii November ee sanadiii aanu soo dhaaafnay.

Waxaa xusid mudan in madaxweyne Xasan Sheekh uu markaas ku sugnaa magaaladda Caruusha ee Tanzania, halkaasi oo looga dhawaaqay ku biiritaanka Soomaaliya ee ururkan.

Dalalka xubnaha ka ah EAC ayaa kala ah; Kenya, Uganda, Rwanda, Burundi, South Sudan, Tanzania, iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo iyo Soomaaliya oo ah xubintii ugu dambeysay sidaasna ay ku noqotay xubintii 8-aad ee urur-goboleedkan.

Ku biirista Soomaaliya ee urur-goboleedka bulshada bariga Afrika ayaa ah mid ay faa’iido weyn ka heli doonto bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan fursad ganacsi iyo suuq weyn oo ay ka faa’iideystaan dadka Soomaaliyeed.

Urur-goboleedkaan oo xaruntiisu tahay magaalada Caruusha ee dalka Tanzania dhismay sanadkii 2000-kii kadib heshiis ay gaareen shan kamid ah 8-da dal ee uu hadda ka kooban yahay.

Suudaanta Koonfureed ayaa xubinnimada EAC heshay bishii September 2016, halka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ay ururkan ku biirtay bishii April 2022-kii.

“Waxaa la gaaray xilligii RUNTA la isku sheegi lahaa, lana WAJAHI lahaa…”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo markale ka hadlay weerarkii bahalnimada ahaa ee Jimcihii ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday xeebta Liido, oo ay ku laysay shacab badan oo aan waxba galabsan ayaa sheegay in la taagan yahay xilligii dhabta la wajihi lahaa.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay inta ay kuwo la fikir ah ku sugan yihiin caasimadda, ayna ka tirsan yihiin dowladda iyo ganacsatada dalka uusan joogsaneyn gumaadka shacabka, ayna tahay in runta la iskaga sheego dadkaasi Shabaab kalkaalka ah.

“Soo ma habboona in aan dhabta wajahno, runtana iskaga sheegno kuwo la fikirka ah ee Masaajida ka khudbeeya, ama mansabka dowladeed haya, kuwa ganacsatada sheegta ee taageera,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxa uu intaas kusii daray “Kuwo karti darrida noogu baylihiya ee xilalka dowlada ka macaasha iyo kuwo hoggaan xumida noogu hoosaasiya sow ma ahan in aan runta iskaga sheegno.”

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Toddobaadkii hore argagexisada boqol ka badan ayaa looga dilay furinta dagaalka ee Jubbaland, iyaguna xalay ayey ka aarguteen shacabkii xeebta Liido u soo neecawsi tegey.

Waa fulayaal ka been-sheega in ay shisheeye soo duulaay iyo dowlad garabsiinaysa la diririyaan, waxaase mudan in aan su’aalo iska waydiino sababaha sahlay in ay argagexisadu sanado badan nagu dhex noolaato?.

Waxaa jira dalal kale oo hortaya iyo ka dibkeemba argagexisadu heshay, balse ka lug baxay oo maanta nabad iyo ammaan ah.

Soo ma habboona in aan dhabta wajahno, runtana iskaga sheegno kuwo la fikirka ah ee Masaajida ka khudbeeya, ama mansabka dawladeed haya, kuwa ganacsatada sheegta ee taageera ama canshuurta siiya, kuwo karti darrida noogu baylihiya ee xilalka dawlada ka macaasha iyo kuwo hoggaan xumida noogu hoosaasiya.

Sanbaloolshe, Sulub iyo Madaale oo la iskugu yeeray – Kadib maxaa xigay? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah isugu yeertay hay’addaha amniga, kadib weerarkii Jimcihii ka dhacay xeebta Liido.

Kulanka oo looga hadlay amniga Muqdisho ayaa waxaa iskugu yimid hay’adaha amniga heer federaal iyo maamulka gobolka Banaadir, kaas oo ka qabsoomay xarunta taliska booliska Soomaaliyeed.

Kulankaan ayaa waxaa shir-gudoominayay wasiirka amniga Sareeye-guuto Cabdullahi Shiekh Cismaan Fartaag, waxaana ku wehlinayay taliyaha ciiidanka booliska S/guuto Sulub Axmed Firin, agaasimaha NISA Cabdullahi Maxamed Sanbalooshe iyo Guddoomiyaha gobolka Yuusuf Madaale.

Inta badan kulanka intuu socday waxaa lagu dheeraaday xaalada amniga ee caasimadda iyo sidii loo sii xoojin lahaa, si aysan markale uga dhicin wixii Jimcihii ka dhacay xeebta Liido, kaas oo lagu laayay dad badan oo shacab ah oo aan waxba galabsan.

Weerarkii xalay oo muujinaya sida bahalnimada ah ee Al-Shabaab uga go’an tahay gumaadka shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa ku naf waayey illaa 37 qof, halka dhaawacana uu gaaray illaa 247 qof oo la geeyay isbitaallada magaalada Muqdisho.

Dowladda ayaa weerarkan durba usoo xirtay dhammaan saraakiishi qaabilsaneyd amniga aagga xeebta Liido, waxaana socda baaritaanno ku aadan sida kooxda ugu suurta-gashay inay gaaran halkaasi.

Si kastaba, weerarkan ayaa muujinaya sida kooxda Al-Shabaab ay xooga usoo saartay caasimada, ayada oo dhawaan ka fulisay weeraro isxig-xigay, kaas oo mid kamid ah lagu qaaday xabsiga dhexe halka kan kale lagu beegsaday maqaayad ku taalla degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Xalka keliya ee la gudboon reer MUQDISHO kadib weerarkii xeebta LIIDO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Argagixisada waxay habeen hore dad badan oo Soomaaliyeed ku laayeen xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Dhaawacyada weerarkan ka dhashay ayaa buux dhaafiyay goobaha caafimaadka ee caasimadda, isbitaallada ayaa dalbanayay gurmad guur. Dadka la laayay waxay 100% ahaayeen dhalinyaro.

Waxay ku jireen saacadihii dambe ee Jimcaha oo ah maalin nasiino. Waxay dhalinyaradan fiidsanaysa ahaayeen dareen moog, waxay carafsanaayeen udgoonka badda, laakiin kuwo arxan laawayaal ah oo dhiigga muslimka u carfaayo ayaa qaraxyo iyo rasaas dhinac walba kala dhacay.

Argagixisada waa dhibaatada ugu weyn ee taalla Soomaaliya, inta ay jiraan nabad laguma fiidsan karo, inta ay argagixisada jirto nabad kuma shaqeysan kartid, inta ay jirto badqab kuma dareemaysid goob walba oo aad ka joogto Soomaaliya.

Inta ay argagixisada jirto dalka ma heli karo maalgashi caalami ah, inta ay argagixisada jirto amni lagu faano ma jiri karo, xasuuquna joogsan maayo.

Argagixisada hal luuqad ayay fahmaan waana iska dhicin, waa in loola dhaqmaa sida ay u dhaqmaan. Shacabka maanta nool ee ka badbaaday xasuuqyadii hore ee kooxda ballan uma haystaan inay ka bad-baadayaan dhibaatooyinka ay weli maleegayso argagixisada.

Laakiin waxaan dhamaanteen awoodna in aan fadhi lagu sugin oo laga hortago, loo midoobo dagaalkooda, la garab istaago ciidanka dowladda, qof walba oo uu soo sheego meesha uu ku arko argagixiso, midkii awooddana uu qabto, waana in dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada qof walba ku biiriya wixii uu awooddo xoog, xoolo, xog iyo xikmad.

Dhowr jeer ayay kooxda fulisay xasuuq lamid ah midkii habeen hore ka dhacay Liido, laakiin waxay isku sheegaan marwalba inuu dhintay damiirkii shacabka Soomaaliyeed oo aanay jirin shacab kacaya oo ka hor imaanaya oo hubka u qaadanaya inay soo afjaraan.

Dadka Soomaaliyeed ee maanta nool waxaa la gudboon in aan cid gaar ah lagu haleynin dagaalka argagixisada, oo xasuuqii xalay ka dhacay Liido uu noqdaa kii midnimada, oo qof walba uu bixiyaa wixii karaankiisa ah si uu xasuuqii xalay u noqdo midkii u dambeeyay.

Waa in aan xaaladahan oo kale siyaasad laga dhex raadin, ciidanka la caawiya oo cadowga meel looga soo wada jeestaa.

Dalkan sidan laguma fiirsan karo, dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka Muqdisho degana waxay xaq u leeyihiin nolol middaan ka wanaagsan, waxayse ku imaaneysa in shaqo badan la qabto, loona midoobo la-dagaalanka argagixisada.

Faah-faahinta qarax xooggan oo maanta ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax maanta ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ka dhacay degmada Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa la sheegay in lala eegtay gaari ay wateen ciidanka xoogga dalka, kaasi oo waday shidaal. Waxaana lasoo warinayaa waxyeello kala duwan oo ka dhalatay qaraxa, taas oo si rasmi ah loo xaqiijin.

Jimcihii unbey aheyd markii qarax xooggan iyo weerar toos oo xigay ay kooxda Al-Shabaab ka fulisay xeebta Liido, kaas oo galaaftay nolosha dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Weerarkaas ayaa waxaa ku naf waayey illaa 37 qof, halka dhaawacana uu gaaray illaa 247 qof oo la geeyay isbitaallada magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijisay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

Dowladda federaalka ayaa sidoo kale weerarkaan usoo xirtay dhammaan saraakiishi qaabilsaneyd amniga aagga xeebta Liido, waxaana socda baaritaanno ku aadan sida kooxda ugu suurta-gashay inay gaaran halkaasi.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab oo dagaal uga socdo gobollada dhexe ayaa waxaa muuqata inay culeys soo saartay magaalada Muqdisho, si ay weli isku muujiso in weeraro ka fulin karto caasimada oo bilihii dambe jawi xasiloon ku jirtay.

Maxkamadda gobolka Banaadir oo xukun ku ridday gabdhihii TikTok-leyda

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukun ku ridday 9 gabdhood oo kamid ah dhalinyarada isticmaalaha baraha bulshada, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyay u xirnaa ciidamada booliska dowladda Soomaaliya.

Maxkamadda ayaa ugu dambeyn xukun kasoo saartay dacwad loo heystay gabdhahan oo caan ka ahaa barta TikTok, waxaa kamid ah Sihaam Tahliil, Nashaad Nalka, Sacdiyo Galmudug Iftin Model, Aniso Anjalii iyo Farxiyo Zona.

Dhammaantood waxaa lagu soo eedeeyay kicin dadweyne, hurinta dagaal sokeeye iyo faafinta anshax xumo, sida ay horay u sheegtay xeer-ilaalinta guud ee qaranka.

Sidoo kale dacwadda oo dhameysatay heerarkeeda kala duwan ayaa ugu dambeyntii maanta waxaa xukun ka soo saartay maxkamadda gobolka Banaadir, eedeysanayaasha oo ka koobnaa 9 gabdhood ayaa 7 ka mid ah lagu xukumay min 6 bilood oo xabsi ah, halka 2 qabdhood ay maxkamaddu dib ugu celisay xorriyadooda, kadib markii lagu waayey wax dambi ah.

Sidoo kale waxaa jira dhalinyaro kale oo weli xiran, isla markaana ay socoto maxkamadeyntooda, kuwaas oo loo haysto anshax xumo iyo Aflagaado, ayagoo isticmaalaya Baraha Bulshada gaarka ah ee barta TikTok.

Howlgalka ka dhanka ah dhalinyarada baraha bulshada ayaa soo bilowday bishii May, waxaana lagu soo xiray dhalinyaro badan oo ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Hadal-heyn xoogan ayaa sidoo kale ka dhalatay xarigga dhalinyaradan, maadaama ay yihiin kuwii ugu caansanaa TikTok, waxaana badan dadka qaba in la suuliyo dhaqanka ay wadeen ee qabyaaladda ah, kaas oo kicinaya bulsho nabad ku wada degan Muqdisho.

QM oo war culus kasoo saartay shacabkii lagu laayay Liido

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay aya war culus kasoo saartay weerarkii Jimcihii ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaas oo lagu beegsaday dad shacab ah oo u badnaa dhalinyaro ku caweynatat halkaasu.

Ku simaha ergeyga gaarka ah Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan oo qoraal soo saaray ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkaasi, wuxuuna tilmaamay in fal aad looga naxo uu yahay in la beegsado shacab aan waxba galabsan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay murugada la qaybsanayaan qoysaska ehellada ku waayay weerarkaasi, isaga oo ku dhaawaca ahna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

“Xeebta Liido waa meel ay Soomaalidu waqti kula qaataan qoysaskooda iyo asxaabtooda, kuna raaxaystaan bilicda xeebta Soomaaliya. In la beegsado goobtan waa fal laga naxo oo mudan in si adag loo cambaareeyo,” ayuu qoraalkiisa yiri James Swan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in QM ay ku garab taagan tahay dowladd Soomaaliya iyo shacabkeeda dadaalkooda ku aaddan xaqiijinta nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka.

Khasaaraha ka dhashay weerarkan oo qaraxyo ku bilowday, uuna xigay dagaal toos ah ayaa hadda kordha, wuxuuna gaaray 37 qof oo dhimasho, halka dhaawacana uu gaaray illaa 247 qof, kuwaas oo la geeyay qaar kamid ah isbitaallada, sida uu xaqiijiyay wasiirka caafimaadka Soomaaliya Cali Xaaji Aadan oo soo saaray tirakoob cusub oo ay sameeyeen.

Cali Xaaji ayaa tilmaamay dhaawacyada 137 qof dib loogu celiyay guryahooda, kuwaas oo ay fududeyd xaaladooda, halka kuwa kalena weli lala tacaalayo xaaladoodda.

Weerarkii Liido ayaa waxaa lagu beegsaday dad shacab ah oo u badnaa dhalinyaro, kuwaas oo ku sugnaa xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, waxaana qaarkood ay waxyeelo kasoo gaartay qaraxa, kuwa kalena toogasho iyo dagaal ka dhacay halkaasi.