25.4 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Maxkamadda gobolka Banaadir oo xukun ku ridday gabdhihii TikTok-leyda

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukun ku ridday 9 gabdhood oo kamid ah dhalinyarada isticmaalaha baraha bulshada, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyay u xirnaa ciidamada booliska dowladda Soomaaliya.

Maxkamadda ayaa ugu dambeyn xukun kasoo saartay dacwad loo heystay gabdhahan oo caan ka ahaa barta TikTok, waxaa kamid ah Sihaam Tahliil, Nashaad Nalka, Sacdiyo Galmudug Iftin Model, Aniso Anjalii iyo Farxiyo Zona.

Dhammaantood waxaa lagu soo eedeeyay kicin dadweyne, hurinta dagaal sokeeye iyo faafinta anshax xumo, sida ay horay u sheegtay xeer-ilaalinta guud ee qaranka.

Sidoo kale dacwadda oo dhameysatay heerarkeeda kala duwan ayaa ugu dambeyntii maanta waxaa xukun ka soo saartay maxkamadda gobolka Banaadir, eedeysanayaasha oo ka koobnaa 9 gabdhood ayaa 7 ka mid ah lagu xukumay min 6 bilood oo xabsi ah, halka 2 qabdhood ay maxkamaddu dib ugu celisay xorriyadooda, kadib markii lagu waayey wax dambi ah.

Sidoo kale waxaa jira dhalinyaro kale oo weli xiran, isla markaana ay socoto maxkamadeyntooda, kuwaas oo loo haysto anshax xumo iyo Aflagaado, ayagoo isticmaalaya Baraha Bulshada gaarka ah ee barta TikTok.

Howlgalka ka dhanka ah dhalinyarada baraha bulshada ayaa soo bilowday bishii May, waxaana lagu soo xiray dhalinyaro badan oo ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Hadal-heyn xoogan ayaa sidoo kale ka dhalatay xarigga dhalinyaradan, maadaama ay yihiin kuwii ugu caansanaa TikTok, waxaana badan dadka qaba in la suuliyo dhaqanka ay wadeen ee qabyaaladda ah, kaas oo kicinaya bulsho nabad ku wada degan Muqdisho.

QM oo war culus kasoo saartay shacabkii lagu laayay Liido

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay aya war culus kasoo saartay weerarkii Jimcihii ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaas oo lagu beegsaday dad shacab ah oo u badnaa dhalinyaro ku caweynatat halkaasu.

Ku simaha ergeyga gaarka ah Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan oo qoraal soo saaray ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkaasi, wuxuuna tilmaamay in fal aad looga naxo uu yahay in la beegsado shacab aan waxba galabsan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay murugada la qaybsanayaan qoysaska ehellada ku waayay weerarkaasi, isaga oo ku dhaawaca ahna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

“Xeebta Liido waa meel ay Soomaalidu waqti kula qaataan qoysaskooda iyo asxaabtooda, kuna raaxaystaan bilicda xeebta Soomaaliya. In la beegsado goobtan waa fal laga naxo oo mudan in si adag loo cambaareeyo,” ayuu qoraalkiisa yiri James Swan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in QM ay ku garab taagan tahay dowladd Soomaaliya iyo shacabkeeda dadaalkooda ku aaddan xaqiijinta nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka.

Khasaaraha ka dhashay weerarkan oo qaraxyo ku bilowday, uuna xigay dagaal toos ah ayaa hadda kordha, wuxuuna gaaray 37 qof oo dhimasho, halka dhaawacana uu gaaray illaa 247 qof, kuwaas oo la geeyay qaar kamid ah isbitaallada, sida uu xaqiijiyay wasiirka caafimaadka Soomaaliya Cali Xaaji Aadan oo soo saaray tirakoob cusub oo ay sameeyeen.

Cali Xaaji ayaa tilmaamay dhaawacyada 137 qof dib loogu celiyay guryahooda, kuwaas oo ay fududeyd xaaladooda, halka kuwa kalena weli lala tacaalayo xaaladoodda.

Weerarkii Liido ayaa waxaa lagu beegsaday dad shacab ah oo u badnaa dhalinyaro, kuwaas oo ku sugnaa xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, waxaana qaarkood ay waxyeelo kasoo gaartay qaraxa, kuwa kalena toogasho iyo dagaal ka dhacay halkaasi.

Falcelin xoogan oo ka dhalatay tallaabo ay qaaday Somaliland kadib weerarkii Liido

Hargeysa (Caasimada Online) – Falcelin xoogan ayaa ka dhalatay tallaabo ay xalay qaaday Somaliland oo markii u horreysay ka hadashay weerarkii Jimcihii ka dhacay xeebta Liido ee Muqdisho , kaasi oo lagu laayay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Somaliland ayaa dhambaal tacsi ah u dirtay qoysaska ay dadkoodii kaga dhinteen qarixii xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, iyada oo dhambaalka lagu yiri “dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya.”

Qoraal ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa waxaa dhambaal tacsi ah ugu dirtay qoysaskii 32-kii qof ee ku dhintay qaraxa argagixiso. Sidoo kale wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa tilmaantay “in ay garab taagan tahay xilliyada adag qoysaska iyo dhibaneyaasha rayidka ah ee wax ku noqday weerarkaas.”

Haddaba sidee looga falceliyay:-

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa ka hadlay tallaabada ay qaaday Somaliland, maadaama ay tahay markii ugu horreysay oo war noocaan oo kale ah ay kasoo saarto xaaladda Soomaaliya, waxaana dadka ka bixiyeen aragtiyo kala duwan, iyaga oo badi soo dhaweeyay hadalka Somaliland.

Khaalid Baashe ayaa yiri “Somaliland oo 30 sano kadib hadda soo fahmaysa muhiimada dibloomaasiyadda!”.

Naciima Ismaaciil “Somaaliland waa gob walee Alle ha unaxariisto intii ku dhimatay dhaawacyadana Alle swt caafimaad taama ha siiyo Aamiin”

Xasan Suleymaan “Damqashadaa nala damqateen waa idinka qabnaa walalayaal maadaama Soomaalinimda naga dhxeyso”.

Maxamuud Sheekh Maxamed “Xamar amxaar baa naga xiga maxaa u tiraahdeen Soomaliya iyo Somaliland waa hal mid”.

Cabdiqaasim Tahliil “Waad ku mahadsantihiin sida aad ula damqateen walaaladiin Soomaaliyeed ee dhibta soo gaartay. Qaranka soomalilaand ha guuleysto.

Sukayna Maxamed “Waxa la isku hayo waxa lays ku yahay baa ka wayn Alle dhibaatada ha idinka dulqaado inta dhimatayna Allah ha unaxariisto dhaawacana Alle ha caafiyo”.

Mascuud Xasan Cumar “Walaalayaal waad mahadsantihiin ummada soomaliyeed tii israacdo Allaha ka dhigo”.

Saraakiil iyo askar loo xiray weerarkii xeebta Liido + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo culus oo la xiriirta weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee Jimcihii ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaas oo lagu laayay dad badan oo shacab ah oo ku sugnaa halkaasi

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo xalay booqday isbitaalka Digfeer oo la dhigay dhaawacyada ugu badan ayaa ka warbixiyay tallaabada ay qaaday dowladda, wuxuuna xaqiijiyay in lasoo xiray dhammaan askartii iyo saraakiishii qaabilsaneyd amniga aagga xeebta Liido.

“Waxaan qaadnay tallaabooyin deg-deg ah oo la iskula xisaabtamayo, dad badan oo la tuhmayo oo ay saraakiil ku jirto ayaa xiran, baaris kalana waa ku jirnaa, waxaana rajeynayaa in aan qaaddi doonno tallaabo adag oo dhinaca amniga ah”. ayuu yiri.

Xamza ayaa sidoo kale dhaawacyada uu booqday u rajeeyay caafimaad deg-deg ah, wuxuuna ballan qaaday in xukuumaddu ay garab istaagi doonto.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in Al-Shabaab markii lagu jabiyey goobaha dagaalka ay bilaabeen beegsiga dhallinyaradii ahaa indhaha iyo mustaqbalkii dalka, kuwaas oo aan siyaasad shaqo ku lahayn, si nabad ahna ugu caweynayey dalkooda,

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqa in falkan uu muujinayo in aysan lahayn diin, dhaqan iyo akhlaaq midna, una taagan yihiin dabargoynta shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa guud ahaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii xoojiyaan garab istaagga ay u fidinayaan ciidamada iyo hey’adaha ammaanka, si loo ciribtiro Shabab gabalkoodii sii dhacayo ee u taagan gumaadka dadka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraa ayaa intii uu booqashadiisa ku guda jiray wuxuu la kulmay qaar ka mid ah dadka ku dhaawacmay weerarka, waxa uu warbixin ka dhageystay maamulka iyo dhaqaatiirka Isbitaalka, isaga oo u muujiyey taageero iyo garab istaag.

Ugu dambeyn wuxuu ku ammaanay ciidamada ammaanka doorkii ay ka qaateen badbaadinta iyo caawinta shacabka ay wax yeelladu soo gaartay.

Al-Shabaab iyo ciidamada DF oo xalay ku dagaalamay duleedka MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo u dhexeeyay kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo xalay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada caasimad aah ee Muqdisho.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab weerar gaadmo ah ku qaadeen saldhigga deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana xigay dagaal toos ah, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan iyo dagaalka xigay oo muddo kooban socday, maadaama ay ahayd xilli habeen ah xog badana aan la heli karin.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga ee ku aadan weerarka Al-Shabaab ay ku qaaday saldhigga deegaanka Ceelasha Biyaha oo dhaca waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada ammaanka ay haatan howlgallo amni xaqiijin ah ka wadaan aagga lagu dagaalamay, waxaana ciidamadu ay baadi goobayaan xubnihii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro gaadmo ah ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee ku yaalla gudaha dalka, waxaana badanaa ka dhasha khasaarooyin kala duwan.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, saacado uun kadib markii weerar lagu hoobtay ay kooxda ka fulisay magaalada Muqdisho, kaas oo lagu beegsaday shacab ku caweynayay xeebta Liido.

Khasaaraha ka dhashay weerarkii xeebta Liido oo kordhay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin cusub oo kasoo baxday dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay inuu kordhay khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ee ka dhashay weerarkii ay Jimcihii Al-Shabaab ku qaadeen xeebta Liido.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Mudane Cali Xaaji Aadan oo faah-faahiyay tirakoob ay sameysay dowladda ayaa xaqiijiyay inuu aad u kordhay khasaaraha, isla markaana dhimashada ay gaartay 37 qof, halka dhaawacana uu gaaray illaa 247 qof oo la geeyay isbitaallada magaalada Muqdisho.

Cali Xaaji ayaa tilmaamay dhaawacyada 137 qof dib loogu celiyay guryahooda, kuwaas oo ay fududeyd xaaladooda, halka kuwa kalena weli lala tacaalayo xaaladoodda.

Sidoo kale wuxuu dadka ay xaaladdoodu liidato wasiirku ku sheegay in ay yihiin 11-qof, halka kuwa bukaan jiifka ah ee isbitaalada wali ku jira ay yihiin 64-qof.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in weli uu socdo gurmadka wadda dowladda Soomaaliyeed, isla markaana dhaawacyada culus loo qaadi doono dalka dibaddiisa.

Weerarkii Liido ayaa waxaa lagu beegsaday dad shacab ah oo u badnaa dhalinyaro, kuwaas oo ku sugnaa xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, waxaana qaarkood ay waxyeelo kasoo gaartay qaraxa, kuwa kalena toogasho iyo dagaal ka dhacay halkaasi.

Dowladda Soomaaliya oo tallaabo qaaday kadib weerarkaasi waxa ay tilmaamtay in lasoo xiray askar iyo saraakiil ku sugnayd aaggaas, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo isna xalay booqday isbitaalka Difeer ee Muqdisho.

“Waxaan qaadnay tallaabooyin deg-deg ah oo la iskula xisaabtamayo, dad badan oo la tuhmayo oo ay saraakiil ku jirto ayaa xiran, baaris kalana waa ku jirnaa, waxaana rajeynayaa in aan qaaddi doonno tallaabo adag oo dhinaca amniga ah”. ayuu yiri Xamza.

IRAN oo shaacisay baaritaanka dilkii Ismaaciil Haniya

0

Tehran (Caasimada Online) – Ilaalada kacaanka Iran (IRGC) ayaa sheegay in “Saaruukh meel dhaw” laga soo tuuray goob aan sidaas uga fogeyn guriga martida ee Tehran.

Koox ka tirsan militariga Iran ayaa sheegay in gantaalka uu culeyskiisu ahaa 7kg (16lbs) uuna sababay “qarax xooggan”, oo ay ku dhinteen Haniyeh iyo ilaaladiisa arbacadii la soo dhaafay.

Ilaalada Kacaanka Iran ayaa Israa’iil ku eedeeyay in ay naqshadeeyeen oo ay fuliyeen hawlgalka, balse Israa’iil kama aysan hadlin geerida Haniyeh.

Wargays laga leeyahay dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo Daily Telegraph, ayaa baahiyay in Haniyah lagu dilay bambaanooyin ay qolkiisa ku xireen wakiilo ka tirsan hay’adda sirdoonka Israel ee Mossad.

Iran ayaana been abuur ku tilmaamtay wararkaas, Isagoo soo xiganaya saraakiil Iiraani ah, wargeysku wuxuu sheegay in laba ka mid ah wakiillada Mossad ay galeen guriga martida oo ay walxaha qarxa ku xireen saddex qol. Iiraaniyiinta oo daawaday muuqaallada CCTV-ga ee hawl-wadeennada, ayaa sheegay in labadoodu ka dib dalka ka baxeen ka hor intii aanay qarxin bambooyinka meel ka baxsan Iran.

Wargeyska New York Times ayaa sidoo kale sheegay in Haniyeh lagu dilay walxaha qarxa oo qolkiisa lagu dhex qarxiyay, isagoo sheegay in la sii aasayay labo bilood ka hor. BBC ma aysan awoodin inay xaqiijiso sheegashooyinkan.

Laakiin mas’uuliyiinta Xamaas ayaa BBC-da u sheegay horraantii toddobaadkan in Haniyeh uu horay u joogay isla guriga martida. Waxa uu ilaa 15 booqasho ku tagay Iran tan iyo markii uu noqday madaxa xafiiska siyaasada sanadkii 2017.

Ilaalada Kacaanka iyo dowladda Iran ayaa lagu tilmaamay in ay ku guul dareysteen sugidda amaanka.

Waxaa la xiray tobaneeyo sargaal oo ka tirsan ilalaada kacaanka iyadoona lagu sameeyay shaqo joojin sida ay warisay New York Times.

Si kasta oo ay ahaataba qaabka uu u dhintay Haniyeh, Iran iyo Xamaas labaduba waxa ay wacad ku mareen in ay aargudan doonaan.

IRGC ayaa Sabtidii sheegtay in Israa’iil ay heli doonto “ciqaab adag waqtiga, goobta iyo habka ku habboon”.

Ururka Xisbullah, oo ay Iran taageerto iyo kooxda siyaasadda ee Lubnaan, ayaa sidoo kale wacad ku maray inay ka aargoosan doonto. Mid ka mid ah taliyayaashooda ugu sarreeya, Fu’aad Shukr, ayaa lagu dilay weerar ay Israa’iil qaadday Talaadadii hore.

Ka dib markii hawlgal ay Israel ku dishay IRGC Brig Gen Mohammad Reza Zahedi horaantii sanadkan, Iran ayaa 170 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ah, 30 gantaal oo nooca Cruise-ka ah iyo ugu yaraan 110 gantaal oo ballistic ah u riday dhanka Israel.

Qarax xooggan oo ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in qarax xooggan uu goordhow ka dhacay duleedka magaalada.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ka dhacay degmada Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho.

Illaa hadda faah-faahin rasmi ah lagama hayo qaraxa iyo bartilmaameedkiisa, waxaana lagu soo waramayaa in goobta gaareen laamaha amniga dowladda.

Jimcihii unbey aheyd markii qarax xooggan iyo weerar toos oo xigay ay kooxda Al-Shabaab ka fulisay xeebta Liido, kaas oo galaaftay nolosha dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Al-Shabaab oo dagaal uga socdo gobollada dhexe ayaa waxaa muuqata inay culeys soo saartay magaalada Muqdisho, si ay weli isku muujiso in weeraro ka fulin karto caasimada oo bilihii dambe jawi xasiloon ku jirtay.

Wixii faah-faahin ah isha ku hay Caasimada Online.

Xogta gaari qarax sida iyo ninkii waday oo LIIDO lagu qabtay iyo qorshe halis ah oo fashilmay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa galabta qarxiyey gaari Baraado ah oo lagu soo raray waxyaabaha qarxa, ninkii waday gaarigaas ayaa nolosha lagu qabtay, saacado badan kadibna waxaa la qarxiyey gaarigii, balse waxaa ka dhashay khasaare xoog leh.

Gaarigaas ayaa xalay markii weerarku bilowday ku demay banaanka hore ee hoteellada ku yaalla Xeebta Liido, waxaana rasaas lagu furay ku dhaawacmay ninkii waday oo isagu rabay inuu is qarxiyo, balse qorshihiisii uu fashilmay.

Maanta oo dhan waxaa xireed wadada, maadaama gaarigaas qaraxa uu yaallay, goor dambe oo galabta ah ayaa la go’aansaday in la qarxiyo, waxaana halkaas yaallay gaadiid badan oo xalay looga cararay.

Dhamaan gaadiidkii goobta yaallay iyo guryihii ka agdhowaa goobta qaraxaasi yaalay ayaa burburay oo gubtay, waxaana qaraxaas oo si ku talagal ah loo qarxiyey ku gubatay in ka badan 10 gaari iyo guryo, balse lama soo werin khasaare nafeed.

Muuqaalo maanta laga soo duubay gaarigaas ayaa muujinaya in gudihiisa aysan waxaba ku xireyn, balse qeybta hoose ayaa looga soo rakibay qaraxa, waxaana muuqaalka la soo bandhigay laga arkayaa birweyn oo hoos uga xiran gaariga, taas oo qaraxu ku diyaarsanaa.

Galabta Makhribkii ayuu jawiga goobta caadi ku soo noqday, maadaama xalay dad badan lagu laayey, kadibna looga kala cararay gaariga qaraxa ah ee halkaas yaallay saacado badan, kaas oo ugu dambeyntii galabta la qarxiyey.

Dhimashada dadkii lagu beegsaday xeebta Liido ayaa la sheegay inay gaartay 40 qof, halka dhaawacyado ay gaarayaan in ka badan 70 qof, masuuliyiinta dowladda ayaa maanta gurmad ku tegay isbitaalada, halka dhalinyarada iyo ciidamada xoogga ay shubayeen dhiigooda, si loogu badbaadiyo dhaawacyada dhiigbaxaya.

Shan dhagarqabe oo Shabaab ah ayaa weerarkaas fulisay, mid ayaa isku qarxiyey barxadda hore ee Xeebta Liido, kadibna 3 hubeysan ayaa gudaha u gashay hotelka, iyagoo geysanaya toogasho toos ah, balse goor dambe waxaa dilay ciidamada qaranka ee naftooda hurayaasha ah.

Ninkii 5-aad ayaa nolosha lagu qabtay, isagoo wada gaari Baraado ah oo qarax lagu soo rakibay, kadib markii askari ka shakiyey uu dhaawacay, nolosha ayaa lagu hayaa ninkaas, gaarigiina galabta ayaa halkiisii lagu qarxiyey, markii la ogaaday in aan la furfuri karin.

Khawaarijta Al-Shabaab ayaa qorsheysay in shacabka intii ka badbaada qaraxii ka dhacay xeebta iyo toogashada ka socotay gudaha Hotelka ay ku laayaan gaariga la dhigay banaanka hore ee irida laga galo barxadda Liido, balse qorshahaas oo halis ku ahaa shacabkii badbaaday ayaa ka fashilmay, kadib markii la dhaawacay ninkii waday gaarigaas oo nolosha lagu qabtay.

Somaliland oo qoraal aan looga baran kasoo saartay weerarkii LIIDO

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa markii u horreysay ka hadashay weerarkii xalay ka dhacay xeebta Liido, kaasi oo lagu laayay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Somaliland ayaa dhambaal tacsi ah u dirtay qoysaska ay dadkoodii kaga dhinteen qarixii xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, iyada oo dhambaalka lagu yiri “dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya.”

Qoraal ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa waxaa dhambaal tacsi ah ugu dirtay qoysaskii 32-kii qof ee ku dhintay qaraxa argagixiso.

Sidoo kale wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa tilmaantay “in ay garab taagan tahay xilliyada adag qoysaska iyo dhibaneyaasha rayidka ah ee wax ku noqday weerarkaas.”

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa waxay caddaysay in xukuumadda Somaliland si weyn uga murugaysan tahay weerarka argagixiso ee xeebta Liido ku galaaftay dad aan waxba galabsan oo shacab ah, gaar ahaan dhallinyarada.

Weerarkii xalay oo muujinaya sida bahalnimada ah ee Al-Shabaab uga go’an tahay gumaadka shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu dilay illaa 32 qof, laguna dhaawacay 63 kale.

Weerarkan ayaa muujinaya sida Al-Shabaab ay xooga usoo saareen caasimada, waxaana dhawaan ay ka fuliyeen laba weerar oo si xig-xigay, kaas oo mid kamid ah lagu qaaday xabsiga dhexe halka kan kale lagu beegsaday maqaayad ku taalla degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Falcelin xoog leh oo ka dhalatay tallaabadii uu maanta qaaday Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin xoog leh ayaa ka dhalatay tallaabo uu maanta qaaday madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii uu shir deg-deg ah isugu yeeray laamaha amniga ee dalka, kaas oo daba socday weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee xalay la dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho

Kulankan oo uu goobjoog ahaa ra’iisul wasaaraha dalka Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa ka qayb-galay dhammaan saraakiisha amniga oo uu ugu horreeyo wasiirka amniga gudaha, taliyaha NISA, taliyaha booliska iyo saraakiisha qaabilsan amniga Muqdisho, iyada oo intiisa badan diiradda lagu saaray xaaladdii adkeyd ee xalay dhacday iyo sida looga jawaabi karo, iyada oo madaxweynuhu u tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed, maadaama lagu laayay xeebta liido ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mas’uuliyiinta hay’adaha ammaanka hor dhigay weydiimo ku saabsan sida uu ku dhacay weerarkaasi, qaabka looga gaashaamankaro dhagarta Khawaarijta, iyo habka loogu gurmaday shacabka ay dhibaatadu soo gaartay, isaga oo tacsi u diray dhammaan qoysaska iyo ehellada ay ka dadkii ku baxay weerarkii xalat ka dhacay Xeebta Liido, isla markaana caafimaad degdeg ah u rajeeyey dadkii kale ee  ku dhaawacmay.

Haddaba sidee looga falceliyay?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed oo qoraalka lasoo dhigay bogga Villa Soomaaliya ka falceliyay ayaa sheegay in aan shir loo baahneyn ee madaxweynaha la rabo inuu la xisaabtamo saraakiisha qaabilsan amniga magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Abdalla Axmed ayaa falcelintiisa ku yiri “Waxqabad ataa loo baahanyahay waxii dhacay xalay masuuliyadeeda in la qaado iyo is badal deg deg ah in la sameeyo inta dhimatay Allah u naxariisto inta dhaawacana Allah caafiyo”.

Ismaaciil Saxafi “Madaxweyne laamaha amniga isla xisaabtan dhab la yeelo si loo oggaado cidda fududeysay weerarkii xalay lagu gumaaday shacabka dhalinyarta u badnayd”

Daahir Cabdiraxmaan “Taliyihii ka masuulka ahaa jagboontigii uu xalay qaraxu ka gudbay ayaa cabsi la’aan ku hor fadhiya isaga oo u maleeya in aanu wax khaladaba lahayn,”.

Mubaashar Cabdullahi Muuse “Muxuu kulan la qabto taraa mar dhalinyardiii dhamaaneen?.”

Cali Axmed Xaraare “Xalka waa in laga qaadaa xilka labada talis Nisa iyo Police-kaa”.

Eng Cabdishakuur Maxamed “Shacabka Soomaaliyeed waxay kaa filayaan mudane madaxweyne inaad jawaab lagu qanci karo ka bixiso xasuuqii loo gaystay shacabka aan wadba galabsan ee aad u dhaaratay”.

Cabdirisaaq Wadani “Dalkaan haddaan dhalinyaro loo dhiibeyn waa ahaaday caada qaatayaasha xilka haayana aan tilaab laga qaadin waxa wadanka gadaal u dhigay waa dad cimrigoodii ku soo raaxeystay:.

War cusub oo kasoo kordhay lamaanihii arooska ee ku dhintay weerarkii LIIDO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Saameynta ka dhalatay weerarkii lagu hoobtay ee xeebta Liido ayaa sii xoogeysatay, kaas oo lagu laayay dad rayid ahaa oo aan waxba galabsan.

Dadka ku dhintay weerarkan waxaa kamid ahaa Saciid Macallin iyo xaaskiisa oo aroos ahaa, kuwaas oo xalay kamid ahaa dadkii ku caweynayay xeebta Liido ee Muqdisho.

Marxumka walaalkiis oo la hadlay warbaahinta ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay dilka lamaanahaasi, wuxuua sheegay in gabadha ay ku geeriyootay qaraxa, wiilkana isaga oo ordayay laga toogtay dhabarka, isla markaana lagu dhuftay illaa 7 xabadood.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qoyskan uu ahaa aroos cusub, isla markaana wiilka iyo gabadha ay is guursadeen muddo hadda laga joogo wax ka yar saddex bilood.

“Walaalkey Saciid Macallin geeridii naxtinta lahayd ee xalay ku timid isaga iyo xaaskiisa 90 beri isma qabin oo arooskiisa mardhow ayaan ka qayb-galnay xalay gabarta waxay ku dhimatay qaraxa, wiilkana isagoo usii socdo xeebta ayaa dagaal laga toogtay” ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Aniga ayaa dharka ka furay todobo xabadood ayaa gadaal uga tiilay badda ayuu geli rabyay way toogteen”

Guud ahaan tirada dhimashada ayaa kor u dhaafeysa illaa 30 qof, dhaawacana 100 kale, sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo saraakiisha caafimaadka.

Xaaladda goobta ayaa hadda deggan, waxaana laamaha amniga ay ku guuleysteen inay si nabad ah u qarxiyaan baabuur qaraxyo waday oo way wateen xubnihii weerarka qaaday.

Weerarkii xeebta LIIDO oo muujiyay arrin HALIS AH

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii badanaya falcelinta laga bixinayo weerarkii dhimashada badnaa ee xalay ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaas oo laga bixiyay fasiraad kala duwan maadaama ay Shababa ku beegsadeen shacab badan.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo warsaxaafadeed kasoo saaray falkan argagaxa leh ayaa ku tilmaamay mid baahalnimo ah oo dad rayid ah lagu laayay.

Xamza ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in weerarkan muujinayo sida ay kooxda halis ugu tahay nolosha shacabka Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in ku waaday isir sifeyn.

“Falkii bahalnimo ee ka dhacay xeebta Liido waxa uu muujinayaa hadafka cadawga Khawaarijta in uu yahay xasuuqa, dabar-goynta iyo daadinta dhiigga dadkeenna qiimaha badan ee Soomaaliyeed.” ayuu qoraalkiisa ku yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in falkan uu yahay mid ka baxsan diinta iyo dhaqanka suubban, isla markaana lagu dabargoynayo ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u gurmadaan dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay qaraxa, kuwaas oo u baahan in wadajir loogu istaago gurmadkooda.

Ugu dambeyn wuxuu tacsi u diray ehellada dadkii ku dhintay weerarkaasi arxan darrada ahaa, isaga oo Alle uga baryay in uu caafimaad siiyo intii ku dhaawacmay weerarkaasi.

Si kastaba, weerarkan ayaa muujinaya sida Al-Shabaab ay xooga usoo saareen caasimada, waxaana dhawaan ay ka fuliyeen laba weerar oo si xig xigay, kaas oo mid kamid ah lagu qaaday xabsiga dhexe halka kan kale lagu beegsaday maqaayad ku taalla degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Maxaa loo qabtay shacabkii ay xalay dhibaatada soo gaartay? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa haatan wadda gurmad ballaaran oo loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee xalay ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaas oo dad badan lagu dilay.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xarunta gurmadka Qaran ku shir guddoomiyay kulan kooban oo looga hadlay sidii loo laba jibaari lahaa u gurmashada dadka Shacabka ahaa ee xalay cadowgu ku beegsadey xeebta Liido

Sidoo kale waxaa kulankan goobjoog ka ahaa wasiirka caafimaadka, guddoomiyaha hay’adda SoDMA, wasiiro iyo xubno kamid ah gudiga arrimaha bulshada Baarlamaanka.

Saalax Axmed Jaamac oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in gurmadku u socdo sidii loogu tala galay wixii soo kordhana la wadaagi doonaan Bulshada Soomaaliyeed.

”Isbitaalada waa in si lacag la’aan ah ay ku daaweeyaan dadka ku dhaawacmey weerarkii Xalay, intii laga maarmi waayo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bixineysa” ayuu yiri ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka.

Dhinaca kale waxaa xaalad adag ay ka jirtaa isbitaallada la dhigay dhaawacyada sida Isbitaalka Digfeer, iyada oo maamulka uu farriin deg-deg ah u diray shacabka Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in isbitaalka ay ka jirto dhiig la’aan, maadaama la geeyay dadkii ugu badnaa ee xalay kusoo dhaawacmay weerarkii Liido.

Dhiiggaga la la’yahay ayaa waxaa kamid ah 0- , A-, B-,  A+ iyo  B+ oo uu maamulku dalbaday in si deg-deg ah looga caawiyo, si loo badbaadiyo dhaawacyada.

“İsbitaalka Recep Teyyip Erdoğan wuxuu ku wargelinayaa dadweynaha Soomaaliyeed in loo baahanyahay noocyada dhiigagan: 0- , A-, B-,  A+ iyo  B+” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Waxaa  si naxariis leh la idinkaga codsanayaa in qofkii dhiigiisu yahay noocyada aan soo sheegnay  uu si deg deg ah u yimaado Isbitaalka. Fadlan soo gaar isbitaalka oo dhiigaaga ugu deeq walaalka, walaasha Soomaaliyeed ee ubaahan”.

Madaxweyne XASAN oo tallaabo deg-deg ah qaaday kadib weerarkii Liido + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh oo tallaabo deg deg ah qaaday kadib weerarkii xalay lagu dhammaaday ee ka dhacay xeebta Liido ayaa kulan deg-deg ah isugu yeeray dhammaan sarakaasha amniga dalka.

Kulankan oo uu goobjoog ahaa ra’iisul wasaaraha dalka Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa ka qayb-galay dhammaan saraakiisha amniga oo uu ugu horreeyo wasiirka amniga gudaha, taliyaha NISA, taliyaha booliska iyo saraakiisha qaabilsan amniga Muqdisho.

Intiisa badan waxaa shirkan deg-degga ah diiradda lagu saaray xaaladdii adkeyd ee xalay dhacday iyo sida looga jawaabi karo, iyada oo madaxweynuhu u tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed, maadaama lagu laayay xeebta liido ee magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeed laga soo saaray shirka ayaa u qornaa sidatan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyey kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen laamaha Amniga dalka, kaasi oo hay’adaha ammaanka looga dhageystay warbixin ku saabsan weerarkii argagixisadu ku qaaday shacabka Soomaaliyeed ee ku sugnaa xeebta Liido, qasaaraha ka dhashay iyo qorshaha lagu xaqiijinayo amniga caasimadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mas’uuliyiinta hay’adaha ammaanka hor dhigay weydiimo ku saabsan sida uu ku dhacay weerarkaasi, qaabka looga gaashaamankaro dhagarta Khawaarijta, iyo habka loogu gurmaday shacabka ay dhibaatadu soo gaartay, isaga oo tacsi u diray dhammaan qoysaska iyo ehellada ay ka shahiideen shuhadadii ku baxay weerarkii ka dhacay Xeebta Liido, isla markaana caafimaad degdeg ah u rajeeyey dadkii ku dhaawacmay.

“Innaa Lillaahi Wa Inna Ileyhi Raajicuun. Weerarkii bahalnimada ahaa ee argagixisadu ku qaadeen xeebta Liido waxa uu muujinayaa arxan darrada Khawaarijta iyo yoolkooda oo ah in ay meel kasta ku gumaadaan shacabka Soomaaliyeed. Dowladda waxaa ka go’an in ay ka ciribtirto guud ahaan dalka kooxdan dhiigyacabka ah.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay dhameystirka guusha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada ay ku xiran tahay taageerada iyo wadashaqeynta shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, isla markaana ay u midoobaan sidii dalka looga cirib tiri lahaa Khawaarijta.

“Shacabka Soomaaliyeedow walaalayaal argagaxisada Khawaarijta ah ma kala jecla shacab iyo dowlad, dhammaanteenna waxaan agtooda ka nahay cadaw ay baneysteen dhiigooda. U midooba ciribtirkooda, garab u noqda ciidamada Qaranka oo soo sheega kuwa dhexdiinna ku dhuumanaya”.

Madaxweynaha ayaa xusay in Khawaarijtu doonayso in weerarada nuucaan oo kale ah ay ku argagax galiyaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay ku qarinayaan jabka is-dabajoogga ah ee ay Ciidamadeenna Qalabka Sida ugu geysanayaan furimaha dagaalka, waxa uuna faray laamaha amniga dalka in ay feejignaan dheeraad ah u yeeshaan weerarada gaadmada ah ee Argagixisadu ku waxyeeleyso shacabka Soomaaliyeed.

Qarax kale oo lagu hoobtay oo SHACAB lala eegtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta qarax miino oo khasaare xoogleh gaystay uu ka dhacay deegaanka Gololeey oo hoostaga degmada Balcad ee gobolkaasi.

Qaraxa ayaa haleeyay gaari ay la socdeen dad shacab ah oo ka yimid magaalada Jowhar, kuna soo jeeday Muqdisho, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxan ay ku dhinteen ugu yaraan illaa 7 qof, waxaana ka badbaaday hal qof kale, sida ay ku warrameen ilo wareedyadu.

Sidoo kale waxaa gubtay oo gebi ahaan basbeelay gaariga la qarxiyay, taas oo keentay in maydadka qaar la kala garan waayay maadaama ay gubteen.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka HirShabelle iyo kan degmada Balcad oo ku aadan weerarkaasi lagu xasuuqay shacabka la socday gaariga la qarxiyay.

Waddadda xiriirisa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ayaa waxaa marar badan sidaan oo kale uga dhacay qaraxyo la geliyay waddada, ayna ku dhinteen dad ku safrayay halkaasi, waxaana badanaa weeraradaas ka dambeysa kooxda Al-Shabaab.

Qaraxan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xalay weerar lagu dhammaaday uu ka dhacay xeebta Liido, kaas oo lagu xasuuqay shacab ku sugnaa xeebta, kadib markii xubno ka tirsan Shabaab ay beegsadeen halkaasi oo ay ku yaallaan hoteello iyo goobo muhiim ah.

Xaaladdii ugu xumayd oo ka taagan Isbitaallada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib weerarkii xooganaa ee xalay ka dhacay xeebta Liido oo ku taalla degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir ayaa waxaa xaalad gashay magaalada caasimada ah ee Muqdisho oo laga dareemayo saameynta weerarkii xalay.

Isbitaallada Muqdisho oo la gaarsiiyay dhaawacyadii ugu badnaa ayaa ah halka ugu daran oo laga soo sheegayo xaaladaha adag, waxaana tiro beel noqday dhaawacyada.

Maamulka Isbitaalka Digfeer oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa farriin deg-deg ah u dira shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in isbitaalka ay ka jirto dhiig la’aan, maadaama la geeyay dadkii ugu badnaa ee xalay kusoo dhaawacmay weerarkii Liido.

Dhiiggaga la la’yahay ayaa waxaa kamid ah 0- , A-, B-,  A+ iyo  B+ oo uu maamulku dalbaday in si deg-deg ah looga caawiyo, si loo badbaadiyo dhaawacyada.

“İsbitaalka Recep Teyyip Erdoğan wuxuu ku wargelinayaa dadweynaha Soomaaliyeed in loo baahanyahay noocyada dhiigagan: 0- , A-, B-,  A+ iyo  B+” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Waxaa  si naxariis leh la idinkaga codsanayaa in qofkii dhiigiisu yahay noocyada aan soo sheegnay  uu si deg deg ah u yimaado Isbitaalka. Fadlan soo gaar isbitaalka oo dhiigaaga ugu deeq walaalka, walaasha Soomaaliyeed ee ubaahan”.

Dhinaca kale isbitaalka Kalkaal ayaa isna war soo saaray, wuxuuna maamulku sheegay in si bilaash ah uu ugu adeegayo dhaawacyada u baahan gurmadka deg-degga ah.

“Qeybteena Gargaarka Deg-dega ah (Emergency department) Ayaan si bilaash ah ugu adeegeynaa dhaawacyada nasoo gaaray” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray maamulka.

Isbitaalkan waxaa sidoo kale la dhigay ku dhowaad 70 ruux oo isugu jira dad qaba dhaawacyo culus iyo kuwo fudud, sida ay sheegeen howlwadeennada isbitaalka.

Weerarkii xalay ka dhacay Liido ee lagu dhameeyay shacabka ayaa dhacay xilli ay dad badan ku sugnaayeen xeebta, maadaama ay ahayd Jimco oo ah maalin nasasho.

Daawo: BOOLISKA oo war culus kasoo saaray weerarkii LIIDO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo maanta shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa faah-faahin ka bixiyay weerarkii xooganaa ee xalay ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ayaa sheegay in weerarkan lagu laayay dad shacab ah oo aan waxba galabsan, wuxuuna xaqiijiyay in lagu dilay 32 qof, laguna dhaawacay 63 kale.

“Guud ahaan waxaa goobtaasi ku geeriyooday dad rayid ah oo tiradooda kor u dhaafeyso 32 qofood, waxaana ku dhaawacmay dad kale oo isugu jiro dhaawac culus iyo mid fudud oo gaaraayo 63 ruux” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliya.

Cabdifataax Aadan Xasan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ciidamada ammaanka uu ka dhintay hal askari, mid kalena uu ka dhaawacmay intii uu socday howlgalka, waxaana sidoo kale uu xusay in la toogtay 3 nin gudaha u gashay hoteelka Beach View.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la fashiliyay gaari siday waxlaha qarxa, isla markaana ciidamada ammaanka ay qabteen isaga oo dhaawac ah ninkii waday baabuurka.

Afhayeenka ayaa intaasi kusii daray in weerarkan uu muujinayo sida ay Al-Shabaab u beegsaneyso shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku baaqay in meel looga soo wada jeesto.

“Arrintan waxay farriin cad u tahay bulshada Soomaaliyeed oo aan leeyahay wax innoo haray ma jiro Khawaarij taargadkooda ma’ahan shaqsi dowlad u shaqeeya ee maanta waxa ay u socdaan inay isir sifeeyaan macaga Ummadda Soomaaliyeed” ayuu raaciyay.

Weerarkan ayaa muujinaya sida Al-Shabaab ay xooga usoo saareen caasimada, waxaana dhawaan ay ka fuliyeen laba weerar oo si xig xigay, kaas oo mid kamid ah lagu qaaday xabsiga dhexe halka kan kale lagu beegsaday maqaayad ku taalla degmada Boondheere.

Goobjooge arkay ninkii isku qarxiyay xeebta LIIDO oo xog cusub bixiyay + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Macluumaad dheeraad ah ayaa waxaa lag helayaa weerar ku billowday qaraxyo oo xalay kooxda Al-Shabaab ku qaaday xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan hoteelka lagu magacaabo Beach View ee Muqdisho.

Weerarka ayaa dhacay xilli ay dad badan oo shacab ah ku sugnaayeen halkaasi, maadaama ay ahayd Jimco, isla markaana xeebta loo tago damaashaad iyo nasiino.

Wiil dhalinyaro ah oo goobjoog uu ahaa weerarka, isla markaana xilliga uu dhacayay ku sugnaa xeebta Liido ayaa xog cusub ka bixiyay musiibadii halkaasi ka dhacday, wuxuuna tilmaamay inuu arkay ninka is qarxiyay ee beegsaday hoteelka iyo shacabkii ku sugnaa.

“Annaga oo taagan ayuu qaraxu dhacay indhaheyga waxay qabteen, iyaga oo hoteelka sii galaayo, nin ayaa sidoo kale iridda taagnaa askariga ayaa kusoo cararay kadibna wuu istaabtay jaakad ayuu watay ninka” ayuu yiri goobjoogaha.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in dad badan ay ku dhamaadeen goobta, isla markaana ay in muddo ah waayeen gurmad iyo gaadiid ay ku qaadaan dhaawacyada.

“Ilaaheybaa mahad iska leh aniga waxba ima gaarin laakin dadkii waa baaba’een, wayna go’go’een” ayuu mar kale yiri wiilka dhalinyarada ah ee ka badbaaday weerarkii xalay.

Maydad iyo dhaawacyo dhulka daadsan ayaa la arkay kadib weerarka, waxaana muuqaalada laga helay goobta ay muujinayaan khasaare baaxad leh.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ugu dambeyn ciidamada ammaanka ay soo afjareen weerarkii xooganaa ee xalay Al-Shabaab ku qaadeen hoteel ku yaalla Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Dowladda federaalka ayaa shaaca ka qaaday in la toogtay 5 dagaalame oo weerarka fuliyay, halka mid kalena uu is qarxiyay.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in laga hortagay gaari ay ka buuxaan walxaha qarxa oo la doonanay in shacabka lagu dhibaateeyo.

Weerarkan ayaa muujinaya sida Al-Shabaab ay xooga usoo saareen caasimada, waxaana dhawaan ay ka fuliyeen laba weerar oo si xig xigay, kaas oo mid kamid ah lagu qaaday xabsiga dhexe halka kan kale lagu beegsaday maqaayad ku taalla degmada Boondheere.

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in lasoo afjaray weerarkii xalay ee Liido

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay soo afjareen weerarkii xooganaa ee xalay Al-Shabaab ku qaadeen hoteel ku yaalla Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Dowladda federaalka ayaa shaaca ka qaaday in la toogtay 5 dagaalame oo weerarka fuliyay, halka mid kalena uu is qarxiyay.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in laga hortagay gaari ay ka buuxaan walxaha qarxa oo la doonanay in shacabka lagu dhibaateeyo.

Weerarkan ayaa sidoo kale dhaliyay khasaaro tiro badan oo soo gaaray shacabkii ku sugnaa xeebta Liido oo xalay u Jimceystay halkaasi.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka:

Ciidamada Ammaanka ayaa goor dhow soo afjaray weerar ay kooxaha Khawaarijta kusoo qaadeen shacab ku caweynayey xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa toogtay 5 Khawaarij oo ahaa dhagarqabeyaashii weerarka soo qaaday halka dhagarqabe kalena uu naftiisa ku haligay xeebta Liido ayadoo qaraxaasina uu saameeyey shacabkii xeebta ku caweynayey.

Taliska Qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in weerarkii Argigixiso ay Ciidammadu soo af jareen goor dhow islamarkaana ay dadkii ugu badnaana ay Ciidanku soo bad baadiyeen.

Dhinaca kale Ciidammada ammaanka ayaa fashiliyey gaari walxaha qarxa ay Khawaarijtu kusoo diyaarsadeen si ay Shacabka Caasimadda ugu wax yeeleeyaan. Waxaana ciidammada ay gacan ka geysteen in dhaawacyada loo gurmado oo isbitaallada la geeyo.