25.4 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Falcelin xooggan oo ka dhalatay weerarkii lagu dhamaaday ee xeebta Liido

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Facelin xoog leh ayaa ka dhalatay weerarkii qaraxyada ku bilowday ee xalay kooxda Al-Shabaab ku qaaday xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaas oo lagu beegsaday dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Weerarkan ayaa dhaliyay khasaare lixaadleh, waxaana dhimashada ay gaareysaa sodomeeyo qof, halka ay ku dhawaacmeen ku dhowaad 100 kale oo u badan dhalinyaro.

Madax kala duwan oo ay ku jiraan madaxweynayaashii hore ee dalka iyo sidoo kale hoggaamiyeyaasha maamul goboleedka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay weerarkan, waxayna dhammaantood cambaareeyeen falkan, iyaga oo sidoo kale ka tacsiyeeyay.

Sheekh Shariif Madaxweynihii hore ee dowladdkii KMG ayaa yiri “In ay argagaxisadu weerarkan ku soo beegaan habeen Jimco ah ay xeebtu ugu saxmad badan tahay waxay muujinaysaa cadawtooyada ay argagaxisadu u qabaan dadka Soomaaliyeed” .

Maxamed Cabdullah Farmaajo madaxweynihii hore ee dalka “Goobaha nasashada dadweynaha in weerar iyo qarax ay ku beegsadaan argagixisada Alshabaab waxay muujinaysaa cadaawadda, diin la’aanta iyo damiir xumada arxan laaweyaashan caadeystay xasuuqa iyo gumaadka dadka Soomaaliyeed. Baaxadda dhibta gaartay dadkeenna caawa waxaa waajib ah in aan gacmaha isqabsanno oo ugurmanno dhaawacyada iyo ehelada shuhadada, iyada oo gacan la siinayo laamaha caafimaadka iyo amniga”.

Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe “Qalbiyadeenna aad ayuu u gilgilay weerarkii bahalnimo ay argagixisada ka geesatay Liido. Rabbi ha Janneeyo intii ku dhimatay, inta dhaawaca ah Allaha bogsiiyo.”

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre “In ay argagaxisadu weerarkan ku soo beegaan caawa oo kale oo ay xeebtu ugu saxmad badan tahay waxay muujinaysaa cadawtooyada ay argagaxisadu u qabaan dadka Soomaaliyeed. Waxaan ciidamada qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay muujiyaan feejignaan, iskaashi, iyo dadaal dheeri ah, si looga hortago in ay soo noqdaan weerarradan bahalnimada ah”.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa yiri “Weerarka arxan darrada ah ee ka dhacay magaalada Muqdisho oo lala beegsaday dad aan waxba galabsan waxay muujineysaa sida argagixisada gumaadeyso dalkeenna, Allaah waxaan ka baryaa intii geeriyootay in uu jannadii geeyo inta dhaawacana uu u boogga dhayo”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa isuguna yiri “Allaha u naxariisto shacabka ay caawa argagexisadu ku xasuuqeen xeebta Liido, caafimaad degdeg ahna Allaha siiyo inta dhaawaca ah. Muuqaallada laga soo qaaday goobta ay naftii haligayaasha isku qarxiyeen waa kuwo argagax leh oo muujiniyana arxan la’aanta argagexisada iyo sida ay uga arradan yihiin damiirka qofnimo, islaanimo iyo bani’aadanimo”.

Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha weerarkii xeebta Liido + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaca khasaraha ka dhashay weerarkii xooganaa ee xalay ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac tiro badan oo buux dhaafiyay isbitaalla ku yaalla caasimada.

Weerarka oo qaraxyo ku billowday ayaa waxaa lagu beegsaday hoteelka Beach View oo ku yaalla xeebta, waxaana khasaaraha ugu badan uu soo gaaray shacab fara badan oo halkaasi ku sugnaa, maadaama ay Jimco ahayd, xeebtana ay u damaashaad tageen.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkan ku naf-waayay in ka badan 30 qof, halka ku dhowaad 100 kalana ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ubadnaa dhalinyaro ku caweynayay Liido.

Dadka dhintay waxaa ku jira nin iyo xasaaskiis, laba wiil oo walaalo ahaa iyo dad kale oo qaraabo dhow ahaa, kuna sugnaa xeebta xilliga weerarka dhacayay.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay waxa ay sheegtay in ciidamada ammaanka ay soo afjareen weerarkii ay xalay Al-Shabaab ku qaadeenxeebta Liido ee magaalada Muqdisho, waxayna intaasi ku dartay in la toogtay 5 dagaalame oo weerarka fuliyay, halka mid kalena uu is qarxiyay.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in laga hortagay gaari ay ka buuxaan walxaha qarxa oo la doonanay in shacabka lagu dhibaateeyo.

Dhinaca kale guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa saqdii dhexe ee xalay qaar ka mid ah isbitaalada Magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada dadkii waxyeelada kasoo gaaray weerarkii ay xalay kooxda Al-Shabaab ka gaysatay xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis.

Yuusuf Madaale ayaa dul istaagay qaar ka mid ah dhaawacyada, asigoona warbixin ka dhageystay Takhaatiirta la tacaalaya baxnaaninta dhaawacyada. Waxa uu eebe ugu baryay caafimaad deg deg ah inta ay dhibaatada kasoo gaartay weerarkaasi arxanka darnaa, asigoona jannatul fardowsa u rajeeyay dadkii ku dhintay weerarkaasi.

Qaraxyo lagu hoobtay iyo weerar toos ah oo xalay ka dhacay xeebta Liido

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerartay dad shacab ah oo ku sugnaa barxadda weyn xeebta Liido degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho.

Qaraxyo ismiidaamin ah oo loo maleynayo in dad lagu soo xiray ayaa gilgilay barxadda xeebta Liido, waxaana xigay weerar toos ah oo ka bilowday gudaha Hotelka Beach View.

Dad badan ayaa lagu laayey qaraxyada, waxaana lasoo duubay muuqaalada meydad iyo dhaawacyo daadsan banaanka xeebta Liido.

Sidoo kale waxaa muddo socotay rasaas ka dhaceysay gudaha hoteella oo la aaminsan yahay inay ka dhex dagaalameen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Rasaas toos ah iyo banbaanooyin ayaa ka dhacaysay saqdii dhexe ee xalay, ciidamada ammaanka ayaa ka howlgalay sidii ay xaaladda nabad ugu soo dabaali lahaayeen.

Waxaa adkaatay in loo gurmado dadkii dhaawacmay iyo kuwii dhintay oo daadsanaa barxadda weyn ee xeebta Liido.

Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa mar qura xalay aad cirka isugu shareertay, waxaana isbitaallada Muqdisho la dhigay dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay weerarkaas.

Xarumaha caafimaadka qaar waxaa adkaatay in la helo dhiig lagu shibo dhaawacyadii dhiig baxay, waxaana baraha bulshada jaam ka dhigay noocyada dhiigga la raadinayo.

Ciidamada Amniga markiiba deg deg u bilaabay hawlgal isugu jira gurmadka shacabkii Khawaarijtu waxyeelaysay iyo soo afjarista Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijtii weerarka soo qaaday.

Weli ma jirto cod shaacisay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas, dowladdu waxay ku howlan tahay xog uruurinta iyo la tacaalidda wixii dhacay, waxaana lagu wadaa in maanta ay shaaciso sidii ay xalay wax u dhaceen.

Maxaa ka jira in Xasan Sheekh ku abaal-dhacay raggii soo dhisay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku jira sanadihii ugu dambeeyey ee xukunkiisa ayaa wajahaya jaha wareer siyaasadeed oo saameysay saaxiibadiis, waxaana ku wareersan raggii soo dhisay oo maanta banaanka ka jooga nidaamkii ay dhismihiisa juhdiga badan ku bixiyeen.

Siyaasadda uu hadda ku shaqeeyo Xasan Sheekh wax badan ayey ka bedelan tahay tii ay saaxiibadiis ku yaqaaneen, sida ay ogaatay Caasimada Online, rag xoog iyo xoolo ku bixiyey sidii Xasan Sheekh uu u qaban lahaa xukunka ayaa hadda qaba tabasho iyo gacan bidixeyn.

Xasan ayaa aruursaday rag badan oo aan kaalin ku laheyn dhismihiisa, isagoo banaanka dhigay, dhegahana ka fureystay kuwii mudnaa inay agtiisa ka helaan mansab iyo maqaam siyaasadeed.

Xubnaha qaar ee xisbigiisa waxaa ka xayiran mashaariic, qaarbaa waayey xilalkii loo dhiibay, qaarkood waxay weli sugayaan in xil loo dhiibo, qaar waxaa u socon waayey talooyin ay Xasan ula yimaadeen, halka iyagoo xil haaya awoodooda hoos loo dhigay.

Siyaasiyiinta cabashada ka qaba xukunka Xasan ee saaxiibadiis ah waxay sheegaan in madaxweynuhu fursad kasta siiyo xigtadiisa, isagoo dhegaha ka fureystay qorshayaasha siyaasadeed ee saaxiibadii soo dhistay, taasi oo ragga qaar ku abuurtay niyad jab iyo in qof dambe aysan dhisin.

Ragga qaar hadii aan magacyadooda xusno, Saabir Shuure wuxuu ku jiray xubnihii dhaqaalaha badan ku bixiyey in Xasan Sheekh la dhiso, waxaana la sheegay in sidii uu rabay aysan waxaba u noqon oo mashaariic badan ay ka xayiran tahay.

Mahad Salaad oo hadda raba xilka Madaxweynaha Galmudug, waxaa diiday oo ka saftay saaxiibadiis oo dalbaday in laga qaado NISA, cadaadiskaas ayaa ugu dambeyntii sababay in Mahad oo aan ku qanacsaneyn laga diro NISA.

Cabdiraxman Odawaa, weli waa banaan-joog wax xil ah kama helin xukuumadda Xasan Sheekh, waxaana ka fursado batay rag banaanka ka joogay halgankii loo galay in odaga la dhiso.

Axmed Macalin Fiqi, inkastoo loo dhiibay wasaaradda arrimaha dibadda, hadana waxaa la daba dhigay oo la sheegay inuu caqabad ka dareemayo wasiiru dowlaha wasaaradaas Cali Balcad oo xigto ay yihiin madaxweynaha.

Inkastoo ragaan xisaab ahaan ay yihiin hal dhinac, hadana waxaa la sheegay in Xasan Sheekh uu hoos u dhigay saameyntooda oo sidii ay filayeen aysan waxaba u noqon, waxaana fursadihii dowladda helay xubno aan bixin juhdi badan iyo kuwa markii hore toos u diidanaa in Xasan mar kale ku soo laabto xukunka.

Meelaha uu jaha wareerka xoogan ka taagan yahay waxaa ka mid ah wasaaradda gaashaandhigga, Xasan Sheekh waxaa la sheegay inuu dhisayo saraakiil ka madax-banaan wasiirka iyo taliyaha xoogga, kuwaas oo durba hoos u dhigay awoodii madaxda wasaaradda iyo taliska sare ee ciidanka xoogga.

Waxaa jira jaha wareer guud, waxaana lagu wareersan yahay qorshaha Madaxweynaha, ma jirto cid sheegan karta milkiyadda dowladda, taasi oo baahisay masuuliyadda, isla markaana fududeysay in wax badan oa qaldamaan dowladda, mararka qaar waxaa muuqata in talaabooyinka uu qaadayo Xasan Sheekh ay fursad siinayaan Farmaajo iyo xubno lamid ah oo la ogyahay heerkii ay gaartay sumcadooda hoggaaminta dowladnimada.

Turkiga oo Instagram ka qaaday tallaabo la xiriirta dilkii Ismaaciil Haniya

0

Ankara (Caasimada Online) – Hay’adda isgaarsiinta ee dowladda Turkiga ayaa Jimcihii xannibtay barta bulshada ee Instagram-ka.

Maamulka Tiknoolajiyada iyo Isgaarsiinta, ee maamusha internetka, ayaa ku dhawaaqay xannibaadda subaxnimadii hore ee Jimcihii, laakiin ma aysan sheegin sababta.

Wargeyska Sabah, oo aad ugu dhow dowladda, ayaa sheegay in isticmaalka bartan in la xannibay ka dib markii shabakadda Instagram ay meesha ka saartay qoraallo ay soo dhigeen qaar ka mida dadka adeegsada ee ku nool dalka Turkiga kuwaas oo muujinayay sida ay uga xun yihiin dilka hoggaamiyaha siyaasadda ee ururka Xamaas, Ismaaciil Haniyah.

Waxay timid maalmo ka dib markii Fahrettin Altun, oo ah agaasimaha isgaarsiinta ee madaxtooyada ahna kaaliyaha madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, uu ku dhaleeceeyay madal ay leedahay Meta inay si ula kac ah uga hor istaagayaan dadka isticmaala adeegyadooda ee ku nool Turkigu inay barahooda soo dhigaan fariimo loogu tacsiyadaynayo hoggaamiyaha la dilay ee Ismaaciil Haniyah.

Si ka duwan xulafadiisa reer galbeedka, Turkigu uma arko Xamaas urur argagixiso. Erdogaan oo aad u dhaleeceeyay dhaq-dhaqaaqa militari ee Israel ka wado Qaza, ayaa kooxda ku tilmaamay “Dagaalyahano xornimo doon ah.”

Dalka Turkiga ayaa maanta oo Jimce ah laga dhigayaa baroor diiq loo samaynayo hoggaamiyihii siyaasadda ee Xamaas Ismaaciil Haniyah, iyada oo hoos loo dhigayo qayb ahaan calanka dalkaas.

Kadib dilka Ismaaciil Haniya, IRAN oo bilowday qorshe culus oo loogu aargudayo

0

Tehran (Caasimada Online) – Kadib shirqoolkii habeenkii Arbacada lagu dilay madaxii siyaasadda ee Xamaas Ismacil Haniyah, hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa wacad ku maray ciqaab adag iyo aar-goosi ka dhan ah Israel.

Haniyah ayaa la khaarajiyay xilli uu ku sugnaa guri ku yaalla magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iran.

Inkasta oo aysan Israel si toos ah u sheegan dilka Ismacil Haniyeh, haddana Iran iyo Xamas ayaa ku eedeeyay in ay ka danbeyso dowladda Israel. Haniyah ayaa u tahay Iran ka qeybgalka munaasabaddi Talaadadii lagu caleemo saaray madaxweynaha cusub ee Iran.

Iran ma aysan sheegin qaabka ay uga aargudan doonto Israel, hase yeeshee Wargeyska New York Times oo soo xiganaya saddex sarkaal oo ka tirsan Dowladda Iran oo ka dalbaday in aanan la magac-dhabin, ayaa sheegay, in Ayatullah Cali Qamaney uu ciidamada Iran ku amray in ay si toos ah u weeraraan Isra’il.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Israel Banjamin Netanyahu ayaa khudbad si toos ah looga baahiyay telefishannada oo uu u jeediyay shacabka Israel ku sheegay, in Israel ay dharbaaxo kulul ku garaacday xulafada Iran, oo ay ku jiraan Xamas iyo Xisbullah, hase yeeshee marnaba ma uusan soo hadal qaadin magaca Ismacil Haniyah.

Natanyahu ayaa ku hanjabay in ay si adag uga jawaabi doonaan weerar kasta oo lagu soo qaado.

Hadalkan ayaa imanaya xilli aad looga cabsi qabo in dagaalka Bariga Dhexe uu waji cusub yeesho, xilli ay aad u kacsan tahay xiisadda ka taagan gobolka, sida dagaalka Gaza, colaadda xadka Lubnan iyo Israel iyo weerar suuragal ah in Iran ay uga jawaabto dilki Ismacil Haniyah.

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in xaaladda la qaboojiyo, halka Mareykanka uu sheegay in uu ka walwalsan yahay xiisadda sii hureysa ee gobolka Bariga Dhexe.

Hakan Fidan oo ku wajahan Addis Ababa iyo xogta wada-hadallada DF iyo Itoobiya

0

Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa maalinta berri ah booqasho ku tagaya magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Hakan ayaa sida uu qorshuhu yahay la kulmi doona wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Taye Atkse Selassie iyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, xilli ay taagan tahay xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Turkiga ayaa dhex-dhexaadinaya dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya, iyada oo bisha soo socoto ee September loo balansan yahay wajiga labaad ee wada-hadallada labada dhinac, kadib markii wax natiijo lagu gaari waayay kulamo hordhac ah oo labada dhinac la isugu keenay Ankara.

Horraanta bishii hore markii la isugu tegay miiska wada-hadalka dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysatay mowqifkeedii ahaa “in Itoobiya ay ka laabato heshiis beenaadkii ay la gashay Muuse Biixi, si loo guda-galo wada-hadalka.”

Wasiirka arrimaha dibadda Turkey Hakan Fidan oo markaas garbihiisa ay taagan yihiin wasiirrada dhiggiisa ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa sheegay in kulamadu ay sii socon doonaan, dibna la isugu soo laaban doono labada bisha September ee sannadkan 2024.

Dawladda Soomaaliya ayaa mawqif adag ka taagan difaaca madax-bannaanida dalka, waxaana go’aankeedaas oo ay meel walba ka caddeysay loo arkaa inuu caqabad ku noqday Itoobiya, oo cadaadis caalami ah kala kulmay heshiiskii Somaliland.

Heshiiska badda ayaa Itoobiya quus caalami ah geliyay, kadib cadaadiska diblumasiyadeed, taasi oo Itoobiyaanka ku kallifay inay raadiyaan dowlado wada hadashiiya iyaga iyo Soomaaliya.

RUUSHKA oo ciidamo badan looga dilay dalka…

Dakar (Caasimada Online) – Fallaagada gooni u goosadka ee ka dagaalanta waqooyiga Mali ayaa sheegay in ay dileen tobanaan dagaalyahanno ah oo ka tirsan kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Ruushka ee Wagner iyo weliba xubno ka mida ciidamada dowladda, meel u dhow xudduudda Aljeeriya.

Kooxaha gooni u goosadka ah ayaa sheegay Khamiistii shalay in ay dileen 84 dagaalyahan oo ka tirsna kooxda Wagner iyo 47 askari oo ka tirsan ciidamada Mali, ka dib dagaal socday muddo saddex maalmood ah, kaas oo bilaabmay bishii July 25-keedii. Dagaalkan ayaa ka bilawday xero milateri oo ku taalla Tinzaouaten.

Kooxda ayaa sheegay inay jiraan illaa 30 kale oo dhintay ama si xun loo dhaawacay, balse lagu daadgureeyey diyaarado, loona qaaday magaalada Kidal.

Sidoo kale waxay intaas raaciyeen in ay jiraan meydad gubtay oo ku dhex jiray gawaarida gaashaaman iyo kuwa xamuulka qaada.

Azawad waa magaca guud ee dhammaan deegaanada Tuareg Berber, gaar ahaan qaybta waqooyi ee Mali iyo waqooyiga iyo galbeedka Niger. Kooxaha gooni u goosadka ayaa u halgama inay helaan waddan madax banaan.

Isbaheysiga gooni u goosadka ayaa sheegay in ay qafaasheen todobo ka tirsan ciidamada Wagner iyo kuwa dowladda Maali, waxaana ay sheegeen in dagaalka ay ku waayeen sagaal nin.

AFP uma suurogelin inay xaqiijiyaan tirada la soo bandhigay, hase ahaatee Wagner ayaa qiratay inuu jiro khasaare xooggan oo soo gaadhay.

Somaliland oo tallaabo cusub u qaaday aqoonsi raadinta xilli uu socdo qorshe culus

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhowaaqday dhismaha guddi cusub oo loo xil-saaray howlaha aqoonsi raadinta, oo Somaliland in ka badan 30 dunida ka baadi-goobeysay.

Qoraal kooban oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu shaaciyay in guddigan oo heer wasiirro ah loo magacaabay aqoonsi raadinta.

“Somaliland waxay maanta tallaabo weyn u qaaday dhanka aqoonsiga caalamiga ah. Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa dhistay guddi heer wasiirro ah oo ka shaqayn doona aqoonsi raadinta,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda oo uu la socdo sawirka madaxda Itoobiya iyo Somaliland oo saxeexaya heshiiskii isfahan ee badda.

Qoraalka ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay ujeedka dhismaha guddigaan oo ah “si loo qaabeeyo loona hirgeliyo dadaallada lagu raadinayo aqoonsi.”

Qoraalkan ayaa imanaya xilli maalmihii lasoo dhaafay uu magaalada Addis Ababa ku sugnaa wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Ciise Kayd, oo la sheegay inuu ka shaqaynayo soo gaba-gabeynta is-fahanka badda ee Somaliland iyo Itoobiya.

Somaliland oo muddo ka badan 30 sano ah raadinaysay aqoonsi caalami ah ayaa u muuqata inay hadda laban-laabayso dadaaladeeda aqoonsi raadinta, xilli ay Itoobiya la saxiixatay is-fahan ay sheegtay inay uga beddelanayso aqoonsi.

Si kastaba, heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ayaa waxaa si adag uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya, oo ayadu gebi ahaanba burisay heshiiskaas, ayada oo dagaal diblumaasiyadeed culus ku qaaday Itoobiya, oo ayadu weli ku dhici la’ aqoonsiga Somaliland.

DIGNIIN laga soo saaray FUUSTO laga shakiyay oo kusoo caariday xeebaha…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Booliska maamulka Puntland ayaa digniin culus kasoo saaray foosto laga shakiyay oo kusoo caariday xeebaha gobolka Mudug.

Booliska ayaa dadka uga digay in aysan u dhawaan fuustadan oo xiran, iyadoo laga shakisan yahay inay ku jiraan waxyaabo sun ah.

Fuustadan ayaa waxay saraakiisha ka shakiyeen in ay biyaha Soomaaliya uga tageen dadka qashinka halista ah ku daadiya baddeenna, taas oo walaaca laga qabo foostadan kor u qaadeysa.

Toddobaadkan ayey foostadu ku soo caariday deegaanka Ilfoxshe oo ku dhow degmada Jariiban oo qiyaastii 900KM magaalada Muqdisho kaga beegan dhinaca waqooyi bari.

“Dadka deegaanka Ilfoxshe iyo kuwa ku dhaqan xeebaha gobolka Mudug waxaa si gaar ah looga digayaa in ay ka fogaadaan konteenaro qariib ah oo laga yaabo in ay ku jirto sun iyo walxaha qarxa,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay booliska Puntland.

Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalka “Khatarta noocaan oo kale ah waxay saameyn kartaa dadka iyo deegaanka.”

Biyaha Soomaaliya oo aysan jirin cid si buuxda ilaalo uga haysa, ayaa la sheega in lagu daadiyo qashinka sunta. Mana ahan markii ugu horeysay oo bulshada ku dhaqan xeebaha ay la kulmaan haamo dul sabeynaya biyaha.

Cudur lagu arkay Kenya oo laga baqayo inuu ku faafo dalal ay Soomaaliya ku jirto

0

Nairobi (Caasimada Online) – Kenya ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee furuqa daanyeerka oo laga helay qeybta koofur-bari ee dalka oo xad la leh Tanzania. Fayraska ayaa laga helay qof ka soo safray Uganda una socday Rwanda isagoo sii dhex marayay Kenya.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in is dhexmarka aadka u sarreeya ee bulshada ee Kenya iyo qeybo kale oo dalalka Bariga Bulshada ka tirsan uu khatar ku yahay inuu cudurka ku faafo gobolka. Waxaa jira walaac sii kordhaya oo ku aaddan in nooca cusub ee dhimashada sababa uu ku faafo Bariga Afrika.

Kiisaska ayaa sidoo kale laga soo sheegay Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo, Burundi iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.

Mpox, oo afka qalaad markii hore loo yaqaannay furuqa daayeerka ayaa ah xanuun uu sababo fayraska monkeypox. Waxaa lagu kala qaadaa taabashada qofka qaba xanuunka. Waxaa sidoo kale la isugu gudbin karaa neefta. Calaamadihiisana waxaa ka mid ah nabro yaryar oo jirka kasoo baxa, dildillaac afka iyo xubinta taranka ah.

Caadi ahaan wuu iska reystaa qofka iyadoo aysan wax dhibaato ah soo gaarin muddo labo ilaa afra toddobaad gudahood ah. Si kastaba, kiisaska adag ayaa u baahan daaweyn gaar ah.

Astaamaha ugu horreeya ee lagu arko bukaanka uu ku dhaco feyraska Monkeybox waxaa ka mid ah qandho, madax-xanuun, murqo xanuun, dhabar xanuun, qarqar iyo daal, sida ay sheegtay waaxda badqabka iyo arrimaha caafimaadka UK.

waxaa kaloo astaamahaas ugu horreeya ee lagu arko bukaanka uu ku dhaco feyraska Monkeybox ama furuqa daanyeerka ka mid ah dhabar xanuun, qarqar iyo daal.

Finan ayaa bukaanka ka soo bixi kara, intoodan badan waxay ka bilowdaan wajiga, ka dibna waxay ku faafaan qaybaha kale ee jirka. Finanka ayaa isbeddela ugu dambeyntii waxay yeeshaan qolof, kaas marka dambe soo hoobta.

Qofka wuxuu ka qaadi karaa qof qabo cudurka, waxaa lagu kala qaadi karaa taabasho, neefsiga , wuxuu gudbaa indhaha, sanka ama afka.

Waxaa kale cudurka laga qaadi karaa qofka marka uu qofka taabto xayawaanka uu ku dhacay feyraska sida Daanyeerka, jiirka iyo dabagalayaasha.

Feyraskan wuxuu la mid yahay feyraska ka dhasha busbuska inkastoo uu xooggaa daran yahay, khubaradana waxay sheegeen in halistiisu ay tahay mid sahlan.

Waxaa cudurkan inta badan lagu arkay meelo fog-fog oo ka mid ah bartamaha iyo galbeedka Afrika, oo u dhow kaymaha ku yaalla halkaas.

Waxaa jira labo nooc oo fayraskan ah oo laga soo sheegay – Galbeedka Afrika iyo Afrikada Dhexe.

Labo ka mid ah bukaanno cudurka qaba ee hore loogu arkay UK ayaa ka soo safray Nigeria, sidaa darteed waxay u badan tahay inay la ildaran yihiin nooca fayraska nooca Galbeedka Afrika, kaasoo ah mid fudud, inkasta oo weli la xaqiijin.

Kiiskii saddexaad wuxuu ahaa shaqaale caafimaad oo la sheegay in fayraska uu ka qaaday mid ka mid ah bukaannada.

Ma jirto wax dawo ah oo lagu talagalay feyraska Monkeybox laakin waa laga hortagi kari karaa in uu fido.

Tallaalka ka hortagga busbuska ayaa la xaqiijiyay inuu 85% waxtar u leeyahay ka hortagga feyraska monkeypox , mararka qaarkoodna waa la adeegsan karaa tallaalkaas.

Feyraska Monkeybox waa caabuq naadir ah kaas oo dadka badankiis ay ka soo kabtaan dhowr toddobaad gudahood, sida ay sheegtay waaxda qaran ee arrimaha caafimaadka UK ee NHS.

Isha: BBC

Madax sare oo XAMAAS oo la shaaciyay dilkiisa maalin uun kadib khaarijinti Haniya

Tel Aviv (Caasimada Online) – Millatariga Israel ayaa shalay sheegay in duqeyn cirka ah oo ay bishi hore ku bartilmaameedsadeen batamaha Gaza ay ku dileen Maxamed Deyf oo ahaa madaxa garabka hubeysan ee ururka Xamaas.

Warkan ayaa imanaya maalin kaddib markii magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iran lagu khaarijiyay madaxii siyaasadda Xamaas, Ismacil Haniyah.

Bayaan kasoo baxay millatariga Israel ayaa lagu sheegay in qiimeyn dhanka sirdoonka ah ay ku ogaadeen in Maxamed Deyf uu ku dhintay duqeyn ay diyaaradaha dagaalka Israel ka fuliyeen aagga magaalada Khan Younis 13-ki bishi July.

Israel waxay ku eedeysay Deyf in uu ahaa maskaxdi ka danbeysay weerarki ay Xamaas ku qaadday koofurta Israel 7-dii bishi October ee sannadki hore.

Weerarkaas oo ay Israel sheegtay in looga dilay ilaa 1,200 oo qof, sidoo kalana ay Xamaas ku soo afduubatay boqollaal kale oo Isra’iiliyiin ah.

Xamas wali ma xaqiijin mana beenin dilka madaxii garabka millatariga, Maxamed Deyf.

Duqeyntii ay Israel ku sheegtay in ay ku dishay sarkaalkaasi ayaa waxaa sidoo kale lagu dilay in ka badan 90 qof oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jireen dumar iyo carruur.

Turkiga oo qaadaya tallaabaddii u horreysay ee shidaal qodista Soomaaliya

0

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa qaadeysa tallaabaddii ugu horreysay kadib heshiiskii shidaal qodista Soomaaliya, ayada oo Soomaaliya usoo direysa markabkeefa sahminta.

Turkish Petroleum oo ah shirkad ay dowladda Turkiga leedahay ayaa lagu wadaa inay toddobaadyo gudahood Soomaaliya usoo dirto markabka Seismic Oruc Reis, si u bilaabo sahminta saddex baloog oo dhowaan laga siiyay xeebaha Soomaaliya.

Wasiirka Tamarta ee Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa shaaciyay in Turkiga markabkan uu Soomaaliya usoo diri doono horraanta October ee sanadkaa, si uu helo xogta seismic ee 3D ee dhulka saliidda iyo gaaska ee gudaha Soomaaliya.

Bayraktar ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in sahanka 3D uu socon doono muddo bilo ah.

Maraakiibta taageerada oo ay ku jiraan kuwa badda ayaa raaci doona markabka Oruc Reis inta uu ku jiro socdaalka Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah heshiis ballaaran oo dhex-maray Ankara iyo Muqdisho, kaasi oo qeyb ka ah difaaca badda iyo tababarada muddo labo sano ah, si loo xaqiijiyo gelitaanka saddex goobood oo sahaminta badda ah.

Heshiiskan ayaa sidoo kale wuxuu xaquuq qaas ah u siinayaa Turkiga inay hydrocarbon oo ah shidaal iyo gaaska dabiiciga ah ka baarto kadib kasoo saarto saddex aag oo kiiba yahay 5-kun kilomitir oo isku wareeg ah.

Labada ka mid ah aagagga ayaa waxay 50 kilimitir loo galayaa badda, halka mid ka mid ahna uu gudaha badda loo aadayo ilaa 100 kilomitir.

Xasan Sheekh oo shaaciyay arrin ay ku xiran tahay midnimada Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo xalay casho sharaf ku maamuusay culumaa’udiinka ka qayb-galay shirweynaha labaad ee culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa la dardaarmay culimada.

Madaxweynaha ayaa soo dhoweeyay war-murtiyeedka ka soo baxay shirweynaha culumaa’udiinka, isaga oo kula dardaarmay in ay xoojiyaan midnimada dhexdooda ah, si loo helo midnimo Soomaaliyeed oo waarta.

Madaxweynaha ayaa uga mahad-celiyay culumaa’udiinka sida midnimada leh ee ay dowladda ugu garab istaageen ilaalinta Diinta, dhaqanka suuban iyo nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Waxa uuna ku booriyay in ay adkeeyaan doorkooda ku aaddan jiheynta ummadda, adkaynta dowladnimada, horumarinta dalka iyo wacyi galinta bulshada.

“Culumaa’udiinka Soomaaliyeed waa hoggaamiyaasha ummadda waxaana la idinka sugayaa in aad dadka u jiheysaan dariiqa nabadda, amniga iyo dowladnimada. Nabad, midnimo iyo horumar ay dadka Soomaaliyeed gaaraan waxa ay ku xiranyihiin in la helo culumaa’udiin Soomaaliyeed oo mid ah,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa culumaa’udiinka ku adkeeyay xoojinta dadaalkooda ku qotoma la-dagaallanka Khawaarijta iyo ka hor tagga afkaaraha qaldan ee ay faafiyaan.

Sidoo kale wuxuu ku booriyay isku soo dhoweynta bulshada Soomaaliyeed ee ku kala irdhowday colaadaha sokeeye.

Mareykanka iyo Ruushka oo sameeyay arrin taariikhi ah – Maxay tahay?

Moscow (Caasimada Online) – Maraykanka iyo Ruushka ayaa is-weydaarsaday in ka badan 20 maxbuus oo ay iska kala hayeen qaarkoodna laga sii daayay xabsiyo ku yaalla Yurub, taasoo ka dhigtay is-weydaarisigi ugu ballaarnaa oo ay labadan dal sameeyaan tan iyo burburki Midowgii Sofiyetka.

Heshiiskan caalamiga ahaa oo ay ku lug lahaayeen dhowr waddan, ayuu Ruushka kusoo daayay Evan Gershkovich, oo ah saxafi u shaqeeya wargeyska The Wall Street Journal iyo Paul Whelan oo Maraykan ah, iyo Vladimir Kara-Murza, oo ka mid ah dadka sida weyn u naqdiya Putin, balse heysta deganaashaha Mareykanka.

Maxaabiista ay Moscow sii deysay ayaa waxaa sidoo kale ku jirta, Alsu Kurmasheva oo ah wariye u shaqeysa warbaahinta Radio Free Europe/Radio Liberty, oo mataan la ah VOA. Alsu ayaa isku heysata dhalashada Ruushka iyo Mareykanka.

Oleg Orlov, oo ah rug-caddaa muddo u ololeynayay xuquuqda aadanah Ruushka iyo Ilya Yashin, oo si aada u diiday duulaanka Ruushka ee Ukraine ayaa ka mid ahaa dadka laga sii daayay xabsiyada Ruushka.

Dhanka Ruushka, maxaabiista loo sii daayay waxaa ka mid ahaa Vadim Krasikov, oo sannadki 2021-ki lagu xakumay dalka Jarmalka, kaddib marki lagu eedeeyay inuu xaddiiqad ku taallo magaalada Berlin ku dilay, sarkaal horay uga tirsanaa jabhaddii Jeejniya ee Ruushka. Vadim ayaa lagu xakumay xabsi daa’in.

Ruushka waxaa kaloo loo gacan geliyay saddex nin oo ku jiray xabsiyada Mareykanka oo uu ku jiro Roman Seleznev, oo ku eedeysnaa inuu hadda ka hor usoo dhacay kambayuutarrada dowladda Mareykanka. Slovenia, waxay sii deysay laba nin oo ku eedeysnaa jaajuusnimo.

Norway, ayaa sii deysay cilmi-baare Ruush ah oo ku eedeesnaa basaasnimo, halka Poland ay fasaxday nin ku eedeesnaa howlo jaasuusnimo ah.

Dhammaan maxaabiista ay dhinacyada is weydaarteen ayaa waxaa fududeysay Dowladda Turkiga, waxana lagu kala wareegay dadkaasi gudaha magaalada Ankara.

Madaxwenaha Mareykanka Joe Biden ayaa is weydaarsiga maxaabiista ku sheegay mid ku yimid heshiis adag. Wuxuu kaloo tusaale awood badan ku sheegay sababta ay muhiim u tahay in saaxibbo lagu yeesho dunida.

“Ismaaciil Haniya markuu arkay calanka Soomaaliya waa noo yimid wajiga ayuu naga dhunkaday”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaaradda macdanta iyo batroolka ee dowlad goboleedka Galmudug Cabdulqaadir Maxamed Siciid (Jantalmaan) ayaa soo bandhigay qiso cajiib ah oo dhacday mar uu dalka Turkiga kula kulmay Hoggaamiyihii Xarakada Xamaas Ismaaciil Haniya ayaa shalay Israa’iil ay ku dishay duqeyn ka dhacday dalka Iiraan.

Wuxuu sheegay in maalin iyagoo jooga Ankara lagu casuumay kulan loogu duceynayay shacabka Falastiin oo ay abaabushay dowladda Turkiga, Wasiir Jantalman wuxuu sheegay in kulankaas ay isku arkeen, kuna sheekeysteen isaga iyo hoggaamiye Ismaaciil Haniya.

Wasiir hore Cabdulqaadir Jantalmaan oo ka sheekeeyey kulankii ay la qaateen Ismaaciil Haniya wuxuu yiri, “Aniga iyo wasiir kuxigeen ka socda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo markaas ku sugneyn Turkiga gaar ahaan Istanbul ayaa naloosoo diray mas’uuliyiintii wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ee madaxweyne Erdogan u wakiishay qaban qaabada kulanka, sidaas ayaana uga qayb galnay.”

Wasiirka oo wareysigaan siiyey BBC ayaa sheegay in dowlad kasta oo islaami ah oo kulankaasi kasoo qayb gashay loo diyaariyay miis gaar ah oo uu suranyahay calanka dalka ay ka socdaan, sidaana ay ku fariisteen halkii loo diyaariyay ee calanka Soomaaliya uu suraa.

“Waxaan fadhinay miiska afaraad, waxaana mar qura albaabka kasoo galay Ismaaciil Haniya iyo madaxweyne ku xigeenka Turkiga, maadaama madaxweyne Erdogan uusan fiidka hore kulanka joogin, kadib Ismaaciil Haniya waxa uu si kedis ah isha ugu dhuftay calanka Soomaaliya, wuxuu soo dhaafay misaskii kale oo dhan, waana uu noo yimid,” ayuu yiri Wasiir hore Cabdulqaadir Jantalmaan.

Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “Madaxdii la socotay Ismaaciil Haniya waa ay fariisteen oo keligiis ayaa noo yimid, laabta ayuu na geliyay, waxaana uu naga dhunkaday sujuudda, waxa uu nagu yiri miyaad i raaci kartaan? Waan raacnay inagoo labo ah, wuxuuna na geeyay halka uu yaallo makaroofanka.”

Intaas kadib wasiirku waxa uu sheegay in Ismaaciil Haniya uu labada gacmood qabtay labadooda wasiir ee ka socday Soomaaliya oo kor u taagay isaga oo yiri, “Caawa waxaa inoo marti ah Sharaftii Muslimiinta”, isaga oo kala jeeda Soomaaliya, sidoo kale waxa uu yiri “Soomaaliya waa walaalo qalbiga, dhiigga iyo laf ahaantaba inoo ah”.

Sidoo kale Ismaaciil Haniya ayaa yiri “Soomaalidu waa dad aan jecelnahay, waana dadka kaliya ee ku mideysan taageerada Falastiin shacab iyo xukuumadba oo noo bannaan-baxa, salaadda janaasadana noo tukada, waliba iyagoo ay dhibaato badan ay heysato, waana dad aan qalbiga ka jecelnahay oo aan qalbiga ka ognahay.”

Intaas kadib madaxweyne ku xigeenkii Turkiga ayaa istaagay oo sacbiyay, waxaana la kacay dhammaan masuuliyiintii kulanka kasoo qayb gashay oo iyagana bogaadiyay taageerada ay dadka Soomaaliyeed u hayaan reer falastiin, sida uu wareysigaan ku sheegay Wasiirkii hore Macdanta iyo Batroolka Galmudug Cabdulqaadir Jantalmaan.

Kulankii ducada ayaa soo idlaaday, Ismaaciil Haniya ayaa fadhigoodii ugu yimid labadii masuul ee Soomaaliya ka socday, isaga oo yiri “ha iga teginina waan sheekeysaneynaa.”

Wasiir Jantalmaan waxa uu sheegay inay israaceen Ismaaciil Haniya, isagoo gacanta ku dhegan ayuu galay qol yar, waxaana qolka ku jiray madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Hoggaamiyihii Xamaas Ismaaciil Haniya ayaa madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan u sheegay in labadani masuul ay yihiin walaalaha Soomaaliya.

“Madaxweynaha Turkiga waa uu noo istaagay oo waxa uu yiri, Soomaaliya waa walaalo aad u macaan oo afar boqol oo sano aan saaxiib nahay, kadibna halkaas ayaan ku sheekeysannay inteennii goonida isula soo baxday iyo Madaxweyne Erdogan,” ayuu yiri wasiir Cabdulqaadir Maxamed Siciid (Jantalmaan).

Bayaan ay soo saartay Xarakada Xamaas ayaa lagu xaqiijiyey in Sheekh Ismaaciil Haniyeh lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday hoyga uu ka deggenaa caasimadda Iiraan ee Tehran, kadib markii uu ka qayb galay xafladdii caleema saarka madaxweynaha cusub ee Iran Masoud Pezeshkian.

Dowladda Soomaaliya ayaa safka hore uga jirta dalalka ka tacsiyeeyay dilka Ismaaciil Haniya, waxaana xusid mudan in dadka Soomaaliyeed ay marar badan dhigeen dibad-baxyo lagu taageerayo shacabka Falastiin, loogana soo horjeedo duqaymaha ay Israa’iil ka wado Qasa.

Sidoo kale culimada Soomaaliyeed oo afar maalmood uu shir sanadle ah Muqdisho uga socday ayaa tacsi ka soo saartay geerida Sheekh Ismaaciil Haniya, hoggaamiyihii Xamaas oo ahaa wadaad ahlu diin ah oo xaq u dirir ah.

Sawirro: Xasan Sheekh oo arrimo xasaasi ah kala hadlay waxgaradka Beesha Karanle

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaiya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay waxgaradka Beesha Karanle oo isugu jiray Siyaasiyiin, Odayaal dhaqan, Ganacsato iyo Haween.

Kulanka Madaxweynaha iyo Beesha waxaa diiradda lugu saaray qobo ay ka mid yihiin sidii loo dardarginlahaa dagaalada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda gobollada Galguduud iyo Mudug oo ay beeshu dagto.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay in Khawaarijta jab xoog leh loo geystay, dhawaana lasoo afjari doono joogitaankooda gobollada dhexe.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa kulankaan ka sheegay in ay ka go’antahay in dalka laga hirgaliyo doorasho qof iyo cod ah, si shacabka Soomaaliyeed ay qeyb uga noqdaan ka go’aan gaarista arrimaha masiiriga ah ee dalkooda.

Waxgaradka beesha Karanle ayaa soo dhaweeyay dadaallada Madaxweynaha, iyagoo ka balan qaaday in ay garab ku siinayaan dadaal kasta oo Khwaarijta dalka looga xoreynayo.

Waxgaradka beesha Karanle ayaa si gaar ah ugu riyaaqay hirgalinta qorsha Madaxweynaha ee doorashada qof iyo codka ah ee uu balan-qaaday marar badan.

Waxgaradkii la kulmay madaxweynaha ayaa u sheegay inay ku dhiban yihiin qaar badan oo ka mid ah siyaasiyiinta ku metesha dowladda, gaar ahaan baarlamaanka, isla markaana ay xal muhiim ah u arkaan inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Xubnaha la kulmay Madaxweynaha waxay u cadeeyeen in hadii uu dalka ka hir-geliyo nidaam doorasho oo qof iyo cod ah ay fursad u helayaan in ay soo doortaan siyaasiyiin si dhab ah ugu metesha dowladda oo wax tar u leh dadka iyo deegaanka laga soo doortay.

Daawo: RW Xamsa oo soo xiray shirkii culimada Soomaaliyeed iyo bayaan ka soo baxay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirwrynaha 2-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho, kaasi oo socday muddo afar maalmood ah, waxaana looga hadlay qodobo muhiim u ah dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Shirkaan waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ee dowladda federaaka Soomaaliya, wuxuuna qabsoomay sanadkii labaad, iyadoo la isugu keenay mashaa’ikhda ugu waaweyn culimada Soomaaliyeed oo ka kala yimid dibadda iyo gobollada dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay shirka, wuxuuna ka jeediyey khudbad uu ku soo bandhigay caqabadaha ku xeeran dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo adkeeyey in culimadu ay xoojiyaan wacyigelinta ku wajahan marin habaabinta argagixisadu ay ku wadaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo dambiyada ay ku galayaan magaca diinteenna suubban ee Islaamka.

Afartii maalmood ee shirweynahaan uu ka socday magaalada Muqdisho, waxay culimada Soomaaliyeed isku weydaarsadeen talooyin wax tar u leh dalka, dadka iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya, waxaana gabagabadii laga soo saaray war-saxaafadeed.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa ugu dambeyntii soo xiray shirweynaha labaad ee culimada Soomaaliyeed oo qabsoomay sanadkii labaad oo xiriir ah.

“Khataraha ugu waaweyn ee ina horyaalla waxaa ugu horreeya Khawaarijta, waxa ay khatar ku yihiin caqiidada, dhaqaalaha, bulshada, wax-soo-saarka iyo jiritaanka umaddaan, argagixisadu waxa ay hoggaamiyaan jahliga, diin xumada iyo dhaqan xumada, meeshii ay ku raaggaanna waxaad ku arkaysaa ummad burburtay oo dhaqan iyo hoggaamin lahayn. Culumada Soomaliyeed waxaan ka rabnaa in ay sameeyaan naf-hurnimo oo ay kiciyaan bulshada, naguna hoggaamiyaan dagaalka lagula jiro cadowga khawaarijta ah,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre.

Dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto Khawaarijta Al-Shabaab waa 3 jiho oo kala ah diinta, dhaqaalaha iyo kan tooska ah oo ciidanka xoogga Soomaaliya ay gobollo badan uga nadiifiyeen argagixisada.

Shirkii kan ka horeeyey waxay sanadkii hore culimada Soomaaliyeed ka soo saareen fatwo ka dhan ah kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana loo aqoonsaday Khawaarij ay culimadu cadeysay in dhiigooda in la daadiyo oo maalkooda la furto, dalkana laga xoreeyo ay banaantahay, taas oo dad badan ku dhiiri-geliyey inay iska xaadiriyaan furimaha dagaalka, si ay ugu jihaadaan Khawaarijta.

Hoos ka daawo Bayaanka laga soo saaray shirka

Sawirro: Xil wareejin maanta ka dhacday xarunta wasaaradda difaaca

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta munaasabad ka dhacday xarunta wasaaradda difaaca dalka xilka ugu kala wareejiyey wasiiru-dowlaha cusub ee wasaaradda gaashaandhigga iyo kii hore.

Wasiiru-dowlaha cusub ee wasaaradda Cumar Cali Cabdi ayaa xilka si rasmi ah ugala wareegay wasiiru-dowlihii hore ee wasaaradda Cabdinuur Daahir Fiidow.

Wasiir Cabdulqaadir ayaa ku ammaanay wasiiru-dowlihii hore ee wasaaradda gaashaandhigga Cabdinuur Fiidow shaqadii wanaagsanayd ee uu soo qabtay inta uu xilka hayay.

Wasiirka ayaa sidoo kale wuxuu wasiiru-dowlaha cusub u rajeeyay in uu si hufan u guto waajibkiisa shaqo ee cusub.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa kula dardaarmay dhammaan howl-wadeennada wasaaradda in ay si dhow ula shaqeeyaan wasiiru-dowlaha cusub, islamarkaana ay si daacadnimo iyo daah-furnaan leh ugu adeegaan Qaranka.

Maalmo kahor ayey aheyd markii uu ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre uu Cumar Cali Cabdi u magacaabay wasiiru-dowlaha wasaaradda gaashaandhigga.

Cumar Cabdi ayaa kamid ahaa illaa afar xubnood oo cusub oo kusoo biiray golaha wasiiradda xukuumadda federaalka Soomaaliya, waxaana magacaabistiisu imaaneysa xilli xasaasi ah oo dalka ku jira dagaal.

Waa kuma ninka loo saadaaliyo inuu beddelo Haniya ee geerida ka badbaaday?

Tehran (Caasimada Online) — Dhaqdhaqaaqa hubaysan ee Xamaas ayaa waayay hoggaamiyahoodii garabka siyaasadda Ismaaciil Haniyah kaas oo ku dhintay gantaal ku dhacay guri uu ka daganaa magaalada Tehran ee caasimada dalka Iiraan.

Ninkan ayaa door muhima ku lahaa siyaasadda Xamaas, wuxuuna inta badan udub dhexaad u ahaa siyaasadda dibada ee kooxda. Dhimashadiisa ayaa sii kordhisay xiisadda u dhaxaysa Israa’iil iyo Xamaas.

Waddamada caalamka ayaa durba dalbaday is xakamayn deg dega iyadoo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kulan gaara ka yeeshay xaaladda Bariga Dhexe kulankaas oo ay dalbatay dalka Iiraan.

Ilo wareedyo Xamaas ah ayaa sheegay in Khaalid Mishcal, la filayo in loo doorto hoggaamiyaha ugu sarreeya ee kooxda si uu u beddelo Ismaail Haniyeh.

Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas Khaliil al-Hayya, oo fadhigiisu yahay Qatar, isla markaana madax ka ahaa wada-xaajoodyada Xamaas ee wada-hadallada tooska ah ee Qasa kula yeeshay Israa’iil, ayaa sidoo kale suurtogal u ah hoggaanka maaddaama uu yahay mid ay jecel yihiin Iran iyo xulafadeeda gobolka.

Shaac bixii iyo sumayntiii Khaalid Mishcal

Khaalid Mishcal, oo loo saadaalinayo inuu yahay hoggaamiyaha cusub ee Xamaas, ayaa caan ka noqday caalamka sannadkii 1997-kii, ka dib markii wakiillada sirdoonka Israa’iil ay ku dureen sun taas oo loo arkay isku-day dil oo qorshaysan.

Mishcal ayaa mareyey wado dhexdeed markii wakiilada Musaad ay la eegteen inay sunta ku buufiyaan.

Dadka looga shakisan yahay inay dilka geysteen ayaa waxaa gacanta ku dhigay booliska dalka Urdun.

Netanyahu, oo markaas ku jiray xilligiisii ugu horreeyay ee ra’iisul wasaaraha, ayaa lagu qasbay inuu wareejiyo daawada sunta ah, waxayna dhacdada Mishcal aal u rogtay geesi ka mid ah iska caabinta Falastiiniyiinta.

Dadka looga shakisan yahay inay dilka geysteen ayaa waxaa gacanta ku dhigay booliska dalka Urdun kadib markii Meshaal lagu duray sunta wadada dhexdeeda. Netanyahu, oo markaas ku jiray xilligiisii ugu horreeyay ee ra’iisul wasaaraha, ayaa lagu qasbay inuu wareejiyo daawada sunta ah, waxayna dhacdada Khaalid Mishcal ka dhigtay halyey geesi ah.

Weerarkaas isku dayga dil ah ayaa la sheegay inuu uu amray ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa ka careysiisay boqorkii Urdun ee xilligaasi Xussein Xussei.

Boqor Xuseen, ayaa ku goodiyey in uu ka baxayo heshiiskii nabada ee u dhaxeeyey dalkiisa iyo Israa’iil haddii aysan ka laaban ficiladaas.

Israa’iil ayaa ogolaatay dalabka boqorka iyadoo sii daysay hoggaamiyihii Xamaas Sheekh Axmed Yaasiin, balse toddobo sano kaddib ayaa Israa’iil ku dishay Qasa.

Israa’iil iyo xulufadeeda galbeedka ayaa Xamaas u arka urur argagixo oo halis ku ah jiritaanka Israa’iil.

Xidhiidhka Mishcal iyo Iran ayaa ahaa mid xumaaday kadib markii uu hore u taageeray kacdoonkii Muslimiinta Sunniga ahaa ee 2011-kii lagaga soo horjeeday Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-asad.

Israa’iil ayaa dishay ama isku dayday in ay disho dhowr hoggaamiyeyaal iyo hawl-wadeenno Xamaas ah tan iyo markii la aasaasay kooxdan 1987-kii xilligaas oo uu socday kacdoonkii ugu horreeyay ee Falastiiniyiinta oo lagaga soo horjeedo qabsashada Daanta Galbeed iyo Qasa.

Meshaal waxa uu udub dhexaad u ahaa hogaanka sare ee Xamaas ilaa dabayaaqadii 1990-meeyadii.

Khaalid Mishcal ayaa waxa uu diiday fikradda heshiis nabadeed oo joogto ah oo lala galo Israa’iil balse waxa uu sheegay in Xamaas, oo sagaashamaadkii iyo 2000-aadkii u soo dirtay Israa’iil dad is-qarxiyey, ay aqbali karto dawlad Falastiiniyiin ah oo ka dhisan Daanta Galbeed, Marinka Qaza iyo Bariga Quddus inay noqoto xal ku meel gaadh ah. xabbad joojin muddo dheer ah.

Isha: BBC