25.4 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

21 sano kadib raggii loo haystay weeraradii Sept. 11 oo heshiis la gaaray Mareykanka

Washington (Caasimada Online) – Ninka lagu eedeeyay inuu maleegayay weeraradii Maraykanka lagu qaaday bishii September 11-keedii ee sannadkii 2001, Khalid Sheikh Mohammed iyo labo ka mid ah raggii la socday ee lagu xiray xabsiga Guantanamo ee Maraykanku ku leeyahay gacanka Cuba ayaa heshiis la gaaray Mareykanka.

Raggan ayaa la sheegay inay qirtaan eedo loosoo jeediyey, iyaga oo ku bedelanaya xabsi daa’in, halka haatan xukunnada lagu soo oogay ay ka yihiin, xukuno dil ah, sida uu baahiyey wargeyska caanka ah ee New York Times Arbacadii, oo soo xiganaya ilo qarsoon oo ka tirsan wasaaradda difaaca ee Maraykanka.

Heshiiska horseeday in Khalid Sheikh Mohamed, Walid bin Attash iyo Mustafa al-Hawasawi, ay qirtaan demb iyada lagu soo oogay, si ay uga badbaadaan in lagu fuliyo, xukun dil ah, ayaa waxaa ansixiyey sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda difaaca ee Maraykanka, sida uu shaaciyey wargeysta the New York Times.

Dhammaan saddexda nin ayaa xabsiga ku jiray tan iyo sannadkii 2003. Khaalid Sheikh Mohamed, ayaa ka tirsanaa ururka al-Qaacida ah oo Maraykanku ku eedeeyay inuu ahaa maskaxdii isku dubaridday weerarradii September 11 ee lala beegsaday Xarunta Ganacsiga Adduunka ee ku taallay magaalada New York iyo weliba wasaaradda difaaca ee Maraykanka oo ku taalla duleedka Washington DC.

“In meesha laga saaro ciqaabta dilka ah, waxaa saddexdan eedaysane ay isku raaceen inay qirtaan dhammaan dembiyada lagu soo oogay, oo ay ku jiraan dilka 2,976 qof ee ku qoran warqadda eedda,” sidaasi waxaa qoraal ku sheegay madaxa dacwad oogaha, Rear Admiral Aaron Rugh, kadib waraaq loo diray ehelada dadkii ku dhintay weerarkaasi, sida uu baahiyey wargeyska New York Times.

Warqadda ayaa lagu sheegay inay suurogal tahay in raggan codsigooda loo gudbiyo maxkamad furan, illaa bilawga toddobaadka soo socda, sida uu wargeysku sheegay.

Wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa Arbacadii shalay sii daysay qoraal ay ku sheegayso inuu jiro heshiis qirasho dembi oo ay gaadheen Khaalid Sheikh Mohamed iyo labada eedaysane ee kale, iyaga oo aan faahfaahinin nooca qiraalka.

Muxuu Sheekh Usuuli ka yiri maqnaashaha Galmudug iyo Koonfur Galbeed ee…?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cismaan Usuuli oo kamid ah culimada caanka ah ee Soomaaliyeed, isla markaana ka qayb-galaya shirweynaha culimada ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda.

Ugu horreyn Sheekh ayaa ka hadlay khilaafka ka dhashay shirka u socda oo ay qaadaceen maamullada Koonfur Galbeed iyo Galmudug, wuxuuna sheegay in arrintaasi laga haboonaa, maadaama shirka uu yahay mid wadatasho ah, loogana hadlayo xaalka dalka.

Sheekha ayaa sidoo kale baaq u diray guud ahaan culimada Soomaaliyeed, wuxuuna ka dalbaday inay u istaagaan bad-baadada dalka iyo inay nasteexaan siyaasiyiinta.

“Siyaasiyiinta Wadanka aan ka badbaadino booskii Ambiyada ayaan kur jirnaa, waxaa arkee Maamul goboleedyo dhahaayo Shirka waa qaadacnay” ayuu yiri Sheekh Usuuli.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in culimada Soomaaliyeed looga baahan yahay midnimo, si looga gudbo khilaafaadka dhexdooda ah.

“War cadow ayaa nagu maqan taarkhdeenna ayaa la beddalayaa annaga waxaan ku mashquulsanahay kaliya Mowliid mala dhigi karaa iyo ma la dhigaayo” ayuu ku daray.

Shirka Muqdisho ayaa waxaa kahor yimid culumada Ahlu Sunna iyo sidoo kale maamullada Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo iyagu sheegay inay gebi ahaanba xiriirka u jareen wasaaradda diinta iyo awqaafta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Qoraalka horay uga baxay Galmudug ayaa waxaa lagu yiri “Wasaaradda diinta iyo awqaafta Galmudug waxay caddeyneysaa in aysan jirin cid ku metasho shirka wadatashiga culimada ee maanta furmay, maamaama aanan waxba kala socon shirkaas. Galmudug waxay ku dhawaaqeysaa inay gebi ahaanba joojisay wadashaqeyntii kala dhexeysay wasaaradda diinta iyo awqaafta dowladda federaalka Soomaaliya, inta lagu heshiinayo qaabka wada shaqeynta”.

Koonfur Galbeed ayaa iyaduna sheegtay in aysan qayb ka ahayn shirka culimada ee uqdisho, isla markaana aanay quseyn qodobada kasoo baxa.

Golaha Wasiirrada oo maanta meel-mariyay heshiis xasaasi ah iyo sharci cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa ansixiyey wax ka beddelka sharciga maareynta qandaraasyada.

Golaha ayaa sidoo kale meel-mariyay heshiis is-afgarad oo ku saabsan iskaashiga arrimaha la-dagaallanka musuq-maasuqa ee u dhaxeeya hay’adaha kor-joogteynta Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya.

Shirka golaha oo uu guddoominayey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa waxa kale oo lagu ansixiyey istaraatiijiyadda qaran ee 2024-2027 ee ka hortagga iyo la-dagaallanka fikirka xagjirka ah ee rabashadaha wata oo ay golaha u soo gudbisay xarunta qaran ee Tubsan.

Golaha Wasiirrada ayaa dhinaca kale ka dhageystay wasaaradaha amniga gudaha iyo gaashaandhigga warbixinno ku saabsan amniga guud ee dalka.

Warbixinta ayaa si gaar ah loogu dul istaagay xasillinta iyo guulaha laga gaaray howl-gallada socda ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo maraya marxalad xasaasi ah.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howl-gallo culus oo lagu doonayo Shabaab-ka, si looga saaro deegaanada ay weli ku harsan yihiin, xilli lasoo afmeerayo wejiga koowaad ee dagaalka..

Wejiga xiga ee dagaalka ayaa la filayaa inuu si rasmi ah looga sifeeyo deegaanada ay weli kooxda kaga harsan tahay maamulka HirShabelle iyo Galmudug, ayada oo loo gudbi doono maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo kooxda ku xoogan tahay.

Khilaafka Ahlu Sunna iyo Mukhtaar Roobow oo kasii daray – Maxaa soo kordhay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaafka u dhexeeya culimada Ahlu Sunna Waljamaaca iyo wasiirka diinta iyo awqaafta xukuumadda Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa sii xoogeystay, waxaana arrinta uga sii daray shirka culimada ee haatan ka socda Muqdisho, kaas oo aysan qayb ka ahay Ahlu Sunna.

Sheekh Cabdulqaadir Soomow oo kamid ah culimada Ahlu Sunna ayaa sheegay inay iska diideen ka qayb-galka shirweynaha culimada wuxuuna sababta ku sheegay in la dhaqan-geli waayay qodobo kasoo baxay shirkii hore oo ay ka qayb-gashay Ahlu Sunna.

Sidoo kale wuxuu eedeymo culus u jeediyay wasiir Mukhtaar Roobow oo uu sheegay inuu burburiyay guddigii sare ee culimada, sidoo kalena uu abuuray khilaafaad ka taagan qaar kamid ah masaajidda ay maamulaan Ahlu Sunna oo la’isku haysto.

“Annaga lama shaqeyn karno Mukhtaar Roobow, inta uu wasaaradda joogo lama shaqeyneyno shirkii hore maadaama wixii kasoo baxay la burburiyay wax macno ah masoo kordhineyso inaan hadda tegno shirka socda” ayuu yiri Sheek Soomow.

Sheekha ayaa si cad u sheegay in aanay la shaqeyn karin wasiirka hadda jooga ee wasaaradda diinta iyo awqaafta, wuxuuna ugu baaqay madaxda dalka inay arrintaan soo farogeliyaan si xal loogu helo.

“Ciddii shalay gaalo aa tihiin noo dileysay in bariga haddane hoggaankiina diinta waayey nala yiraahdo nama qabato madaxda qaranka laba sano waan u adkeysaneynay waxaan ka rajeyneynaa inay arrintaasi dib u fiiriso” ayuu mar kale yiri Sheekh Soomow.

Waxaa kale oo uu ku eedeeyay wasiirka inuu xoogga saaray oo kaliya fikirkiisa iyo sidoo kale culimada ku fakirka ah, isla markaana ay meesha ka baxday taladii la wada lahaa.

“Ahlu Sunna Waljamaaca kuma qanacsana wasiir Sheekh Mukhtaar Roobow waxaa moodaa inay ku jirto caadifad oo uu wasiirku xoogga saaraayo inuu isagu fikirkiisa iyo inta ku fikirka uu culimo u yaano, inta kalena aanu u aqoonin” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu yiri “Culimada waxaan leeyahay midnimo halagu dadaalo waxa laga shaqeynaayana ha noqdaano fikirka wasadiga in dadka la gaarsiiyo oo saxda ah”.

DF Soomaaliya oo soo saartay dalab culus oo ka dhan ah Israel kadib dilkii Haniya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xalay soo saartay warsaxaafadeed ayaa si kulul u cambaareysay dilkii loo gaystay Allaha u naxariistee hoggaamiyihii garabka siyaasadda Xamaas Ismaaciil Haniya, waxaana dowladdu ay soo jeedisay dalab culus oo ka dhan ah Israel oo lagu eedeeyay inay beegsatay hoggaamiyahaasi, xilli uu ku sugnaa magaalada Tehran ee caasimada dalka Iran.

Warqad ku qorneyd luuqadda Carabiga oo kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in dilka Ismaaciil Haniya uu ka hor imaanayo shuruucda caalamiga ah, isla markaana uu yahay mid xad-gudub ah oo ay gaysatay Israel.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay in dilkan uu sare u qaado xiisadda culus ee haatan ka jirta bariga dhexe oo laga cabsi qabo inay dagaal isku sii rogto.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay falkii Arbacadii shalay ay Israel ku dishay madaxii xafiiska siyaasadda ee ururka Xamaas Ismaaciil Haniya, Alle ha u naxariistee, oo ka dhacay caasimadda Iran ee Tehran, taasoo xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah iyo bini’aadantinimada, ayaa lagu yiri warqadda.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Soomaaliya waxa ay ka cabsi qabtaa in ay sii kororto xiisadda ka taagan bariga dhexe, taasi horseedi karta xad gudubyo hor leh oo ka dhan ah dadka rayidka ah” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Debadda.

Waxaa kale oo warsaxaafadeedkaa. agu sheegay in dilalka siyaasadda ee ay fulineyso Israel ay sababi karaan rabshado iyo in ay sii kororto Xiisadda ka taagan bariga dhexe.

Dowladda federaalka ayaa u jeedisay beesha caalamka dalab culus oo ku aadan in tallaabo deg-deg ah laga qaado maamulka Israel.

“Beesha caalamku tallaabo degdeg ah ka qaado Israel s loo joojinayo weerarada gardarrada ah ee Gaza iyo ku xadgudubka sharciga caalamiga ah iyo qaraarada Qaramada Midoobay”ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa ugu dambeyntii tacsi loogu direy dowladda Falastiin iyo shacabkeeda iyo qoyska Ismaaciil Haniya iyo saaxiibkiisii  Allaha u wada naxariistee.

Golaha Ammaanka oo war culus kasoo saaray xaalada kasoo korortay bariga dhexe

0

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay dadaallo diblomaasiyadeed oo degdeg ah si looga fogaado isku dhac ballaaran oo ka dhaca bariga dhexe, kulan degdeg ah oo ay yeesheen saacado ka dib markii Mr Haniyeh la dilay.

Madaxa Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa ku tilmaamay xaaladda taagan halis soo korortay. Safiirka Iran ee Qaramada Midoobay ayaa isnah ku tilmaamay fal argagaxiso. Shiinaha, Ruushka iyo Aljeeriya ayaa iyaguna cambaareeyay. Japan ayaa sheegtay in ay ka cabsi qabto in gobolka uu qarka u saaran yahay dagaal dhan walba ah.

Britain waxay ku boorisay xasillooni iyo is-xakameyn, iyadoo ku celisay baaq xabbad joojin degdeg ah oo laga sameeyo Qasa. Maraykanka ayaa ugu baaqay xubnaha Golaha Ammaanka ee saamaynta ku leh Iran “inay joojiyaan inay sii huriyana xaaladda qasan ee ka taagan bariga dhexe.

Dhinaca kale waxaa gelinka dambe ee maanta lagu wadaa in dalka Iran ay ka dhacdo baroor-diiq loo sameynayo madaxii siyaasadda ee ururka Xamaas, Ismaaciil Haniyah oo la dilay Arbacadii shalay. Hoggaamiyaha ugu sareeya Iran, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa tujin doona salaad Janaaso ah ka hor inta aan hogaamiyihii Xamaas loo qaadin magaalada Dooxa ee dalka Qadar, halkaa oo lagu wado in lagu aaso.

Iran ayaa ku eedeysay Israa’iil inay ka dambeysay dilka, waxayna ugu hanjabtay “ciqaab adag” balse ma sheegin qaabka ay uga aargudan doonto Isra’il.

Wargeyska New York Times oo soo xiganaya saddex sarkaal oo ka tirsan Dowladda Iran oo ka dalbaday in aanan la magac-dhabin, ayaa sheegay, in Ayatullah Cali Qamaney uu ciidamada Iran ku amray in ay si toos ah u weeraraan Isra’il.

Si kastaba ha ahaatee, ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa dhankiisa sheegay in dalkiisu uu “dharbaaxo culus” u geystay cadawgiisa maalmihii la soo dhaafay, oo ay ku jirto dilka taliye sare oo ka tirsanaa ururka Xisbullaah kaasoo lagu dilay Lubnaan saacado ka hor weerarkii Tehran.

Waxa uu uga digay Israa’iiliyiinta in “maalmo adag ay soo socdaan”, iyadoo laga cabsi qabo isku dhac ballaaran uu ka dhaco Bariga Dhexe.

Daawo: Xildhibaan dalab culus ka soo saaray xilalka Bashiir Goobe iyo Wasiir Jaamac

0

Muqdisho (Caasimada Online)- Xildhibaan Cabdirisaaq Macalin Ciid ayaa ka hadlay xilka wasaaradda Qoyska ee loo magacaabay Jeneraal Bashiir Goobe, isagoo ku taliyey in lagu bedelo wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Xildhibaanka ayaa soo jeediyey in wasiirka gaashaandhigga la geeyo wasaaradda Qoyska oo hadda loo magacaabay Jeneraal Bashiir Goobe.

Sidoo kale Xildhibaan Ciid ayaa ku taliyey wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur loo soo wareejiyo wasaaradda Qoyska, isagoo ku tilmaamay nin aan qibrad u laheyn arrimaha ciidanka ee loo xilsaaray inuu ka shaqeeyo.

“Adduunka dhan ayaa nala yaaban, ciidankii waxaa loo dhiibay nin aan qibrad u laheyn, halka Jeneraalkii ugu sareeyey ciidamada loo dhiibay wasaaradda haweenka, madaxweynaha hadii ay taladeydu gaarto waxaan leeyahay isku bedel labadaas nin,” ayuu yiri.

Dhinaca kale, Xildhibaan Cabdirisaaq Ciid ayaa si adag uga hadlay dhulka ay dowladdu ka kicineyso qoysaskii deganaa, isagoo ku goodiyey in dhulkii dad masaakiin ah laga kiciyo aysan dowladdu ku nacfi doonin.

“Arrinta dhulka waan ka hadalnay, mooshin waa ka keenay, waxaana ka soo saari doonaa sharciyad adag, ninkii iibsada dhul danguud ah, ha ogaado xukuumadaan waa bixi doontaa tan dambe oo imaa doontana waa ka soo celineysaa,” ayuu yiri Xildhibaan Ciid.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa ka hadlay arrinta dastuurka oo madaxweynuhu uu wato qorshaheeda isagoo sheegay in caqabado deg deg ah ay ka dhasheen, sida in mid kamid ah beelaha uu kula heshiiyey in kursi ra’iisul wasaare ku xigeen labaad uu siinayo, balse beel kale ay ku qabsatay, halka beel kalena ay dalbatay ra’iisul wasaare ku xigeen 3-aad.

“Waxa laga shaqeynayo dowladnimo maaha, maalinkii hubka Caabudwaaq lagu boobay ayaa aragiisa u dambeysay madaxweynaha, waxaa laga rabaa Xasan Sheekh in godka uu galay uu ka soo baxo oo dowladnimadaan qarka ka sii dhaceysa uu badbaadiyo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xildhibaan Ciid.

Hoos ka daawo

Ninkii dilay guddoomiye ku xigeenkii Jaamacadda Bariga Afrika oo la qabtay

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa ugu dambeyn gacanta kusoo dhigay eedaysane Maxamed Abshir Muuse oo dhowaan magaalada Boosaaso ku dilay Allaha u naxariistee guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda Bariga Afrika Khaalid Cali Khaalid Aw-Muuse.

Warsaxaafadeed kasoo booliska Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in soo qabashada eedeysanaha ay ka qayb qaateen odayaasha deegaanka, isla markaana cadaaladda la horgeyn doono.

Sidoo kale booliska ayaa farriin u diray shacabka, wuxuuna ugu baaqay inay soo sheegaan wax kasta oo lid ku ah nabad-gelyada.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka:

01-August-2024 Ciidanka Amniga Puntland oo kaashanaya odayaasha beesha eedaysane Maxamed Abshir Muuse oo Magaalada Boosaaso horay ugu dilay 29-July-2024 Alle ha u naxariistee guddoomiye kuxigeenkii maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda Bariga Afrika Khaalid Cali Khaalid Awmuuse.

Eedaysanaha ayaa gacanta lagu soodhigay 6:00 Subaxnimo waxaana ciidanka amaanka oo kaashanaya odayaasha dhaqanka ku qabteen deegaanka Durduri.

Eedaysanaha ayaa lahorgayn doonaa Maxkamadda awooda uleh qaadista kiiskiisa.

Haddii aad heshid xog ku saabsan falal Amni daro ama aad arragtid wax aad ka shakisan tahay iyo wax walba oo la Xiriira dhaq-dhaqaaqa Amniga Puntland, isla markaana aad ku sugan tahay gudaha dalka.

Fadlan, La soo xiriir Ciidanka Booliska Puntland oo #Wac 999 haddii aad ka warbixinayso dembi socda ama haddii ku jirto khatar degdeg ah 24/7.

Iran oo wacad ku martay in ay u aar-gudi doonto Haniya

Tehran (Caasimada Online) – Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa Arbacadi shalay wacad ku maray, ciqaab adag iyo aar-goosi ka dhan ah Isra’il, kaddib shirqoolki habeenkii Arbacada lagu dilay madaxii siyaasadda ee Xamaas Ismacil Haniyah, xilli uu ku sugnaa guri ku yaalla magaalada Tehran ee caasimadda Iran.

Inkasta oo aysan Isra’il si toos ah u sheegan dilka Ismacil Haniyeh, haddana Iran iyo Xamas ayaa ku eedeeyay in ay ka danbeyso dowladda Isra’il. Haniyah ayaa u tahay Iran ka qeybgalka munaasabaddi Talaadadi lagu caleemo saaray madaxweynaha cusub ee Iran.

Iran ma aysan sheegin qaabka ay uga aargudan doonto Isra’il, hase yeeshee Wargeyska New York Times oo soo xiganaya saddex sarkaal oo ka tirsan Dowladda Iran oo ka dalbaday in aanan la magac-dhabin, ayaa sheegay, in Ayatullah Cali Qamaney uu ciidamada Iran ku amray in ay si toos ah u weeraraan Isra’il.

Dhanka kale, ra’isulwasaaraha Isra’il Banjamin Netanyahu ayaa khudbad si toos ah looga baahiyay telefishannada oo uu u jeediyay shacabka Isra’il ku sheegay, in Israa’iil ay dharbaaxo kulul ku garaacday xulafada Iran, oo ay ku jiraan Xamas iyo Xisbullah, hase yeeshee marnaba ma uusan soo hadal qaadin magaca Ismacil Haniyah.

Natanyahu ayaa ku hanjabay in ay si adag uga jawaabi doonaan weerar kasta oo lagu soo qaado.

Hadalkan ayaa imanaya xilli aad looga cabsi qabo in dagaalka Bariga Dhexe uu waji cusub yeesho, xilli ay aad u kacsan tahay xiisadda ka taagan gobolka, sida dagaalka Gaza, colaadda xadka Lubnan iyo Isra’il iyo weerar suuragal ah in Iran ay uga jawaabto dilki Ismacil Haniyah.

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in xaaladda la qaboojiyo, halka Mareykanka uu sheegay in uu ka walwalsan yahay xiisadda sii hureysa ee gobolka Bariga Dhexe

Daawo: Taliye Shub “Shabaab dambe oo soo weerara Xabsiga Dhexe waa u diyaar-garownay”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaan (Taliye Shub) ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen hadii weerar dambe uu uga yimaado kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha oo ka qeyb galay xaflad ay ku qalinjebinayeen ciidan ka tirsan Asluubta ayaa sheegay in askar badan uu u diyaariyey weerarada ka imaa kara Al-Shabaab.

“Haddii nala-galo gurmad ma rabno Ciidankii Xabsigaan difaaci lahaa ayaan iridda ku dhisnay, taas la socda, hadii Shabaab noo yimaadaan waan isaga aadnaa,” ayuu yiri Taliye Shub.

Taliyaha ayaa cadeeyey in ciidan kale aysan gurmad uga baahan doonin, balse wuxuu muujiyey in weerarro kale ay Shabaab uga imaa karaan.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidan gaar ah uu u dhisay ciidan irida hore ee ilaga ilaaliyo amaanka Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Kooxda Al-Shabaab ayaa bartamihii bishii hore weerar ka fulisay gudaha xabsiga, kadib markii ay adeegsadeen koox maxaabiis ah.

Maxabiista weerarkaas fulisay waxay aheeyeen 5 nin oo dil ku xukuman, kuwaas oo horay loogu xukumay dil toogasho ah.

Ciidanka ilaaliya xabsiga dhexe ayaa ku guuleystay inay toogtaan shantii nin ee weerarkaas fulisay, iyaguna waxay dileen 3 askari, halka 21 qof oo askar iyo maxaabiis isugu jiray ay ku dhaawacmeen weerarkaas.

Hoos ka daawo

Sawirro: Guudlaawe oo maanta dhagax dhigay mashaariicdii ugu badneyd

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa kormeer shaqo iyo dhagax-dhig ka sameeyay degmada Jalalaqsi.

Kormeerkan iyo dhagax dhigan ayaa waxaa Cali Guudlaawe ku wehlinayayadaxweyne ku-xigeenkiisa Yuusuf Dabageed, qaar ka mid ah golaha wasiirrada, xubno baarlamaanka, guddoomiyaha gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo guddoomiyaha degmada.

Mashaariicdan oo ah kuwii ugu badnaa ee uu dhagax dhigo madaxweyne Cali Guudlaawe, ayaa waxay kala yihiin;

1. Xarunta maamulka degmada

2. Saldhig booliis

3. Suuqyada ganacsiga iyo xoolaha

4. Maxkamadda degmada

4. Dugsi hoose, dhexe (Tardo)

5. Nalalka cadceeda

6. Iskoolka xanaannada carruurta

7. Dayactirka buundada

8. Daah-furka mashruuca taakulaynta bulshada nugul – Social Protection 5,000 oo qofood muddo 2-sanno ah (SCSS2).

Sidoo kale Guudlaawe ayaa kormeeray Isbitaalka Guud ee degmada Jalalaqsi, Garoonka Diyaaraddaha, iyo Buundada waxana uu socod ku maray labada qeyb ee degmada Jalalaqsi.

“Dhammaan mashaariicdaas si dhaqso ah ayay halkan uga fulayaan. Waxaan soo arkay sida uu u shaqeeyo Isbitaalka waana loo dhammeystirayaa agabka ka maqan.”

Degmada Jalalaqsi ayaa ka mid ah degmooyinka ugu taariikhda dheer Gobalka Hiiraan waxana ay degmonimo qaadatay sannadkii 1970-kii.

Waa kuma ninka horay uga shaqayn jiray Somalia ee la wareegay xilka u sarreeya ATMIS?

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee ciidamada ATMIS Janaraal Sam Kavuma ayaa si rasmi ah ula wareegay xafiiska shaqada, isaga oo sheegay in ay in la isku kaashadu sidii loo wiiqi lahaa ururka al Shabaab ee liddiga ku ah amniga Soomaaliya.

Kavuma oo magaalada Muqdisho soo gaaray Axaddii, ayaa waxa uu bogaadin u jeediyay dhamaan ciidamada ka kala yimid wadamada Afrika ee Soomalaiya u jooga hawlgalkaan, kuwaas oo ku guuleystay in ay al Shabab ka xoreeyaan meel badan, sidaas waxaa sheegay milatariga dalka Uganda.

“Taliyuhu wuxuu ku nuux nuux saday sida iskaashigu hoos ugu dhigay awoodda ururka Shabab, Soomaaliyana uguhorseeday in ay horumar ka samayso arrintaan,” ayaa lagu yiri warka ay soosaareen Ciidamada Difaaca Dadka Uganda.

Taliyaha cusub ee ciidamada ATMIS ayaa waxa uu la wareegayaa talada xilli hawlgalka guud ee ATMIS uu taagan yahay heer gaban gabo ah, kaas oo horay loo qorsheeyay in ay ciidamada ay isaga baxaan Soomaaliya dhamaadka sanadkaan, in kasta oo dawladda Soomaaliya ay dhawaan ka codsatay Midowga Afrika in la tartiibiyo qorshaha bixitaanka ciidanka.

“Waxaan ku soo biirayaa kooxda anaga oo doonaya inaan hirgalino in hawlgalkaan loo badalo mid cusub marka la gaaro bisha December ee 2024 ta. Ka hogaamiyaha ATMIS ahaan waxaan aadi doonaa xeryaha miltariga ATMIS,” ayuu yiri Kavuma oo soo xigteen Milatariga Uganda.

Kavuma ayaa waxa uu badalayaa Janaraal Sam Okiding oo ahaa hugaamiyaha ciidamada ATMIS tan iyo bishii May ee sanadkii aynu soo dhaafnay ee 2023 da. Balse mar dambe ayaa waxaa loo magacaabay ku xigeenka Taliska ciidamada difaaca ee dalka Uganda bishii March ee sanadkaan aynu ku jirno ee 2024.

Uganda ayaa waxay ka mid tahay wadamada ay ciidamadoodu joogaan Soomaaliya, iyaga oo ku jira hawlgalka ATMIS ee horay loo oran jiray AMISOM, kaas oo ay qayb ka yihiin wadamada Burundi, Djibouti, Kenya, iyo Ethiopia, waxaana inta badan ka yimaada taliyaasha xukuma ciidamada qaybta ka ah hawlgalkaan.

ATMIS waxaa abuuray Midowga Afrika oo ay la jirtay dalwadda Soomaaliya, waxaana qorshuhu ahaa in ay nabad ilaalin u yimaadaan Soomaaliya.

Waa kuma Samuel Kavuma?

Janaraal Samuel Kavuma, oo si guud dalkiis looga yaqaano Sam Kavuma, waa sargaal sare oo ka tirsan milatariga Uganda.

Horay waxa uu u soo noqday taliye ku xigeed ee Ciidamada Cirka ee Difaaca Dadka Uganda. Balse sanadkii 2021 kii ayaa digreeto uu soo saaray madaxweynaha Uganda waxa uu noqday ku xigeenka Hawlgalka Abuuritaanka Barwaaqada ee dalkaas, waxa uuna xilkaas hayay tan iyo bishii March ee sanadkaan 2024 ta.

Balse waxaa intaas oo dhan ka sii horeeyay in nankani soo noqday taliyaha ciidamada Difaaca Dadka Uganda qaybtooda ku sugneed Soomaaliya ee hawlgalka u joogtay, xilligaas ayaa waxay qayb ka ahaayeen hawlgalkii AMISOM.

Booskaas ayaa waxaa loo magacaabay bishii October ee sanadkii 2014 kii.

Ka hor xilligaas, sanadkii 2011 kii, isaga oo watay darajada Kornayl ayuu Sam Kavuma waxa uu soo hugaamiyay qayb 5-aad ee ciidamada Difaaca Dadka Uganda, oo saldhigoodu uu ku yaalay Wuqooyiga dalka Uganda, balse markii la gaaray sanadkii 2018 kii ayaa waxaa loo dalacsiiyay darajada ciidan ee Gaashaanle.

Janaraal Sam Kavuma ayaa waxa uu hora yuga soo shaqeeyay hawlgallo kan Soomaaliya la mid ah oo laga sameeyay Afrika, waxaana ka mid ah hawlgalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Waxa uu ahaa taliyihii xukumayay ciidamada Midowga Afrika ay halkaas u direen si ay ula dagaalamaan kooxda LRA ee aaggaas kusgnayd.

Soomaaliya ayaa intii uu ku sugnaa waxay sheegtay ATMIS in uu ahaa sargaal khibrad u leh hawlgallada.

Dhanka kale, xilliyo hore ayay ATMIS sheegtay in uu ka soo shaqeeyay hawlgallo ka dhacayay wadamo Afrikaan ah oo ay ka mid yihiin South Sudan, Jamhuuriyada Democratic Republic of Congo, iyo dalkiisa hooyo ee Uganda.

Waxaa kale oo ay sheegeen in uu tababaro xirfadeed oo ay ka mid yihiin kuwa milatariga uu soo qaatay, uuna haysto shahaadada koobaad ee jaamacadda. Dhawaan ayay sheegeen in uu dhameeyay heerka labaad ee jaamacadda.

Isha: BBC

Suuqa BAKAARAHA oo la burburin rabo kadib markii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Xirsi Aadan Roobel oo kamid Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta Wariyeyaasha kula hadlay gudaha magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay xog ku aadan in la burburin rabo suuqa wayn ee Bakaaraha.

Xildhibaanka oo shir jaraa’id ugu qabtay Wariyeyaasha afaafka hore ee xarunta baarlamaanka ayaa shaaca ka qaaday in markii uu soo dhammaaday dhulkii bannaanka ee danta guud loo soo jeestay dhulka suuqa Bakaaraha, sida kawaanada iyo meelaha kale ee danta guud, sida uu hadalka u dhigay.

Xirsi Aadan Rooble ayaa tilmaamay in qorshahan uu horkacayo guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yaboob), wuxuuna hoosta ka xariiqay in dadka suuqa la siiyay digniin ah inay ka guuraan goobahaasi.

“Maamulka gobolka Banaadir, gaar ahaan guddoomiye ku xigeenka amniga Yabooh wuxuu wadaa in dhulka suuqa Bakaaraha la jajabiyo, sida aad la socotaan dadka suuqa digniin ayaa la siiyay markii dhulka bannaanka uu soo dhammaaday ayaa waxaa loo soo jeestay suuqii Bakaraaha” ayuu yiri xildhibaanku.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaa lasoo arkay kawaanadii iyo dhulkii danta-guud ee suuqa dhexdiisa ahaa sida laamihii iyo meelihii ay canshuurta ku qaadeysay dowladda hoose si dad loo siiyo oo dano leh, maadaamd dhulkii bannaanka ahaa uu soo dhammaaday”

Xildhibaan Xiris Aadan ayaa xusay inay soo gaartay cabashada shacabka suuqa, isla markaana ay tahay arrin aan la aqbali karin, uuna farogelin doono baarlamaanka.

“Arrintaa ma aqbaleyno mana yeeli karno karno, haddii aan nahay baarlamaanka Soomaaliya cabashada dadka ayaa noo timid arrintaas waxa ka shaqeynaayana waa guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir” ayuu mar kale yiri.

Waxaa kale oo uu farriin u diray duqa magaalada Muqdisho oo uu ugu baaqay inuu arrintan soo farogeliyo, si looga hortego burburinta uu sheegay in lagu sameynayo suuqa wayn ee Bakaaraha.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo todobaadyadii lasoo dhaafay ay dowladdu burburisay dhulal dan-guud ah oo ku yaalla gudaha caasimada, kuwaas oo ay deganaayeen dad shacab ah, waxaana kamid ah xeradii Dab-damiska ee degmada Wadajir iyo sidoo kale xaruntii wasaaradda arrimaha gudaha ee degmada Boondheere.

Daawo: Bashiir Goobe oo soo jawaabay: Siyaasaddu meel kasto ayay gashaa

Muqdisho (Caasimada Online)  – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe) oo dhinaca kale ah ninka ugu darajo sareeyo saraakiisha ciidanka Soomaaliyeed ayaa soo jawaabay, kadib markii hadal-heyn xoogan ay ka dhalatay xilka cusub ee loo magacaabay.

Bashiir Goobe oo warbaahinta kula hadlay afaafka hore ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in wasaaraddan oo magac kale leh uu horay uga soo shaqeeyay, isla markaana uu hadda gartay inuu usii adeego qarankiisa.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay siyaasaddu aysan lahayn ujeedo gaar ah, balse ay kula galeyso meel kasto, muhiimadduna ay tahay inaad u adeegto qarankaaga.

“Siyaasaddu meel kasto ayay gashaa qofkii taariikhda siyaasadda Soomaaliya xasuusto wasaaraddan oo magac kale leh horaan uga soo shaqeeyay, meel kasto oo uu qaranka kaaga baahan yahay iyo howl kasta oo markaas lagaaga baahan yahay ayaa soo qabaneysaa” ayuu yiri Generaal Bashiir Goobe.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Qarankan intaan usoo shaqeynayay waxaan soo qabtay xafiisyo badan oo kala duwan oo qiimo badan, haddaba waxaan ka imid wasaaradda howlaha guud ee kama imaan wasaaradda difaaca ama amniga” ayuu kusii daray.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay sharciga naafada qaranka oo ay maanta meel-mariyeen xildhibaannada Soomaaliya, wuxuuna sheegay inuu muhiim yahay dalka.

“Waan ku faraxsanahay wasaaraddan inta aan imid oo aan todobaad gaarin in aan nasiib u yeesho sharcigii naafada qaranka Soomaaliyeed in manta la ansiyxo, waxaan aad uga mahadcelinayaa madaxdii horay wasaaraddan u joogtay ee kazoo shaqeysay sharcigan”

Sidoo kale wuxuu baarlamaanka ku amaanay shaqada ay ka qabteen sharcigan oo ay ugu dambeyn maanta go’aamiyeen in la meel mariyo

“Waxaan aad iyo aad ugu mahadceliyay xildhibaannnada baarlamaanka oo iyaguna howl wayn kasoo gutay sharcigan” ayuu mar kale yiri.

Jawaabta Bashiir Goobe ayaa kusoo aadayeyso, ayada oo falcelin xoogan ay ka dhalatay xilka loo magacaabay, waxaana sidoo kale cabasho ka keenay haweenka Soomaaliyeed, kuwaas oo warqad cabasho ah u gudbiyay ra’iisul wasaaraha Xamza Cabdi Barre.

Cabsi laga qabo dagaal ka dhaca bariga dhexe, kadib dilkii Haniya

Tehran (Caasimada Online) – Hogaamiyihii Xamaas Ismaaciil Haniyeh ayaa subaxnimadii hore ee Arbacada lagu dilay dalka Iiraan, sida ay sheegeen ururka Xamaas iyo xukuumadda Tehran, iyaga oo Israa’iil ugu hanjabay inay uga aargudi doonaan tallaabada ay qaadeen, arrintan ayaa dabka ku sii shidaysa xiisadda sii holcaysa ee gobolka bariga dhexe.

Ciidamada Ilaalada Kacaanka ee Iran ayaa xaqiijiyay geerida Haniyeh, saacado kadib markii uu ka qeyb galay xaflad lagu dhaarinayay madaxweynaha cusub ee dalkaasi, waxaana ay sheegeen in ay baadhayaan dhacdadan.

Ismaaciil Haniyeh oo deganaa dalka Qatar, ayaa ahaa wejiga diblomaasiyadda ee Xamaas, isaga oo ururkaas ku metelayey fagaarayaasha caalamiga ah, gaar ahaan xilligan xasaasiga ah ee uu socdo dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Garabka hubaysan ee Xamaas ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in dilka Ismaaciil Haniyeh in uu ” wax ka bedeli doono wejiga dagaalka”, halka Iran ay sidoo kale wacad ku martay inay ka aargudan doonto weerarkan ka dhacay caasimadeeda.

Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ali Khamenei ayaa sheegay in Israa’iil ay la timi arrimo keenaya in si adag loogu ciqaabo, ayna tahay waajib Tehraan saaran in ay u aarguto hogaamiyaha Xamaas ee lagu dilay caasimadooda.

Ciidamada Iran ayaa horey weeraro toos ah ugu qaaday Israa’iil horraantii dagaalka Gaza.

Ma jirin wax faallo ah ama sheegasho mas’uuliyadeed oo ka yimid dhinaca Israa’iil, marka laga reebo, in milateriga Israa’iil uu sheegay inay qiimaynayaan xaaladda.

Xoghayaha difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in Washington ay ka shaqayn doonto sidii ay xiisada u qaboojin lahayd balse waxa uu sheegay in Maraykanku uu gacan ka geysan doono difaaca Israa’iil haddii la soo weeraro.

“Uma malaynayo in dagaalku yahay jidka keliya, taas ayaan ku adkeysanayaa, waxaan filayaa in mar walba ay jirto boos iyo fursado diblumaasiyadeed,” ayuu u sheegay suxufiyiinta xilli uu booqasho ku joogay Filibiin.

Qatar, oo xuddun u ah dhexdhexaadinta Xamaas iyo Israa’iil ayaa si adag u cambaaraysay dilka lala beegsaday hoggaamiyaha Xamaas Ismaaciil Haniyah, iyaga oo ku tilmaamay inay tahay tallaabo halis ah oo uga sii daraysa xaaladda.

Turkiga, Shiinaha iyo Ruushka ayaa iyaguna si adag u cambaareeyey tallaabadan.

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa isaguna si adag u cambaareeyey weerarkan.

Golaha ugu sarreeya ee amniga ee dalka Iran ayaa yeeshay kulan degdeg ah, iyaga oo qorshaynaya, tallaabada ugu haboon ee ay qaadi karaan, si ay uga falceliyaan dilka hoggaamiyaha Xamaas ee ka dhacay caasimadooda, sida laga soo xigtay ilo amni.

Dilkan ayaa dhacay wax ka yar 24 saacadood ka dib markii Israa’iil ay sheegtay inay dishay taliyihii Xisbullah oo ay sheegtay inuu ka dambeeyey weerar lagu qaaday buuraha Golan ee ay Israa’iil haysato.

VOA + Reuters

Culimada Soomaaliyeed oo war culus kasoo saaray geerida Ismaaciil Haniyah

0

Muqdisho (Caasimaa Online) – Warsaxaafadeed ay soo saaray Culimada Soomaaliyeed oo haatan shirweyne uu uga socdo magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay dilka hoggaamiyihii Xamaas oo saaka lagu dilay caasimada dalka Iran

Ug horreyntii Culimada Soomaaliyeed ayaa muslimiinta caalamka uga tacsiyeeyay geerida hoggaamiyahii garabka siyaasadda Ururka Xamaas ee Falastiin, Ismaaciil Cabdul Salaam Axmed (Ismaaciil Haniyaha).

Culimada Soomaaliyeed ayaa sidoo kale Alle ugu baryay Ismaaciil Haniyaha in uu Alle Shahaadadiisa ka aqbalo Jannatul Fardowsana uu ka waraabiyo.

Allaha u naxariistee Ismaaciil Haniyaha ayaa ku dhintay xalay duqeyn xagga cirka ah oo ay la beegsatay Isra’iil hoyga uu ka deggenaa magaalada Tehraan xilli uu kasoo laabtay caleema saarka madaxweynaha cusub ee dalka Iiraan Masoud Pezeshkian.

Bayaan isna kasoo baxay Xamaas, ayaa lagu xaqiijiyay in Ismaaciil Haniyah lagu khaarijiyay caasimadda Iran.

Xamaas ayaa sidoo kale ka tacsiyeeysay dilka hogaamiyahooda, iyaga oo bayaankooda ku sheegay in Haniyah lagu dilay weerar ay ku sheegeen in Sahyuuniyadda ay ku qaadday gurigi uu ka deganaa Tehran.

Haniyah, oo ah hogaamiyaha siyaasadda ee ururka Xamaas, ayaa ka tagay Marinka Gaza, sannadki 2019-ki, wixi markaasi ka danbeeyay wuxuu magangalyo ku deganaa waddanka Qatar.

Muxuu yahay shirqoolka ay Itoobiya la damacsan tahay Soomaaliya ee la ogaaday?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo weli ay taagan tahay xiisadda xoogan ee diblumaasiyadeed ee u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa haddana la ogaaday shirqool ay Itoobiya la damacsan tahay dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo la hadlayay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in Itoobiya ay isku dayeyso inay Soomaaliya ka horkeento dalalka dariska ah, iyada oo ka faa’iideysanaya xiisadda haatan taagan ee kasii dareysa.

Fiqi ayaa sidoo kale ku eedeeyay dowladda Itoobiya inay fasiraad qaldan ka bixineyso Soomaaliya, ayada oo la wadaageyo waddamada taageera Soomaaliya, si ay hoos ugu dhigaan taageerada ay haatan siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka oo arrintan si gaar ah ula wadaagay guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka ayaa sheegay in Itoobiya ay u tegtay dalal dhowr ah oo xiriir la leh Soomaaliya, isla markaana ay u sheegtay in dowladda federaalka aysan dooneyn inay wada-hadal la gasho Itoobiya, si xal loogu helo xiisadda ka dhalatay heshiiskii badda.

Ujeedka ay Itoobiya ka leedahay qorshahan ayaa waxa uu ku tilmaamay inuu yahay in Soomaaliya loo arko dal qaldan, kadibna ay waddamada dariska iyo kuwa kale ee caalamka kala laabtaan taageeradooda iyo xiriirka diblumaasiyadeed intaba.

“Waxay doonaysaa Itoobiya in Soomaaliya loo arko inay gardaran tahay oo ay wada hadalka diiddan tahay, kaddibna waddamaas inta ay dhex dhexaad noqdaan ay la laabtaan taageeradii ay siin lahaayeen Soomaaliya,” ayuu yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in weli Itoobiya ay faragelin toos ah ku hayso arrimaha Soomaaliya, iyada oo la macaamileyso maamul goboleedyada dalka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan xiisadda labada wadda ay yeelatay waji cusub, kadib hubkii ka yimid Itoobiya ee lasoo galiyay Galgaduud, kaas oo lagu boobay degmada Caabudwaaq, kadib markii uu gacan galay maleeshiyaad hubeysan iyo shacab.

Sidee looga falceliyay geerida Ismaaciil Haniya?

Tehran (Caasimada Online) – Waxaan hadda soo baxaya falcelinno kala duwan oo ka imaanaya dalal uu ka mid yahay Ruushka, kadib dilkii caasimada Iran loogu gaystay hoggaamiyihii Ururka Xamaas Ismaacil Haniyah.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa dilka Haniyah ku tilmaantay “dil siyaasadeed oo aan gebi ahaanba la aqbali karin”, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda ee Ria.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee dalkaas, Mikhail Bogdanov, ayaa sheegay in dhimashada hoggaamiyaha Xamaas “ay horseedi doonto xiisad hor leh”.

Dhanka kale, wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa sidoo kale cambaareysay wax ay ku tilmaamay “dilka ceebta ah ee ka dhacay Tehraan”, iyadoo bayaan ay soo saartay oo lagu baahiyay wakaaladda wararka ee Reuters ku sheegtay “in dilka looga gol leeyahay in lagu faafiyo dagaalka Qasa laguna gaarsiiyo heer gobol”.

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas wuxuu dhankiisa ku tilmaamay dilka Ismaaciil Haniyah fal “fuleynimo ah oo halis ah”.

Waxa uu sidoo kale ugu baaqay Falastiiniyiinta “inay midoobaan, oo ay is dejiyaan una adkeystaan ​​wejiyada gumeysiga Israa’iil” sida lagu sheegay bayaan ay baahisay wakaalada wararka ee Wafa.

Dilka hogaamiyihii ugu muhiimsanaa Xamaas Ismaaciil Haniyah ayaa gobolka qarka u saaraya dagaal loo dhan yahay si ka duwan sidii hore, sida uu BBC-da u sheegay Nader Hashemi oo ah barafasoor daraasaadka bariga dhexe ka dhiga jaamacada Georgetown.

“Tani waa arrin weyn,” ayuu yiri. “Waxaan u maleynayaa inay sidoo kale saameynayso xiisadda Lubnaan sababtoo ah dhowr saacadood ka hor Israa’iil waxay isku dayday inay disho hoggaamiye sare oo ka tirsan Xisbullaah oo ku sugan Koonfurta Beyruut, .

Wuxuu sheegay in markii hore malo-awaalku ahaa ahaa in Iran iyo Xisbullah aysan daneyneynin xiisadda sii sii kordhaysa.”Laakiin dilka Haniyah ayaa kor u qaaday xisaabaadkaas”, ayuu raaciyay hadalkiisa.

Dowladda Iran ayaa hadda u muuqata in ay haysto tallaabo kasta oo ay sare ugu qaadi karto khilaafka kaatan gobolka.

Wararkii ugu dambeeyay qarax ka dhacay Ceeldheer + Khasaaraha

0

Ceeldheer (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta qarax xoogan uu ka dhacay duleedka degmada Ceeldheer oo ay ku sugan yihiin ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ah.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lasoo wariyay inuu si gaar ah uga dhacay deegaanka Gawaan oo hoostaga degmadaasi, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan hal qof, ayada oo uu ku dhaawacmeen mid kale, sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka.

Qofka dhintay ayaa ahaa wiil dhalinyaro ahaa oo caan ka ahaan degmada Ceeldheer, waxaana lagu magacaabi jiray Aways Cali Guure (Butugeey), waxaana wararka intaasu ku daray qaraxa uu haleelay gaari ay la socdeen dadkaasi shacabka ah.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamada deegaanka oo soo qaaday maydka wiilka dhalinyarada ah iyo qofka dhaawac ah oo haatan lagu dabiibayo degmada Ceeldheer.

Macawiisleyda ayaa sidoo kale howlgallo culus ka bilaabay aagga degmadaasi, si ay uga hortagaan weeraro kale oo ay soo abaabulaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee horay looga qabsaday Ceeldheer iyo deegaano kale oo dhacay gobolka Galgaduud.

Xaaladda ayaa hadda deggan, waxaana ciidamada ay wadaan dadaallo lau xaqiijinayo amniga, maadaama marar qaar waddooyinka ay ka dhacaan qaraxyo miino.

Al-Shabaab ayaa inta badan soo abaabusho weerarada noocaan oo kale ah, waxayna ku beegsataa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed & kuwa deegaanka ee Macawiisleyda.

Cali Guudlaawe oo shaaca ka qaaday inuu qabanayo doorasho qof iyo cod ah

0

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) oo haatan socdaal ku marayo deegaano ka tirsan Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan maamulkaasi.

Cali Guudlaawe oo gaaray degmada Jalalaqsi aya kaga dhawaaqay inay HirShabelle ka qabanayaan doorashooyin qof iyo cod ah oo shacabka ay ka qayb-galayaan.

Sidoo kale wuxuu shacabka degmadaas ku amaanay sida ay u xaqiijiyeen amniga, taasi beddalkeeda waxa uu sheegay inay gaarsiin doonaan doorashooyin qof iyo cod ah.

Waxaa kale oo uu ballan qaada in bulshada ay u sameyn doonaan mashaariic hormarineed oo waxtar u leh dadka iyo deegaankaba.

Dhinaca kale madaxweynaha HirShabelle ayaa weerar afka ah ku qaaday mucaaradka kasoo horjeeda, wuxuuna tilmaamay in kaliya ay wax kusoo Facebook, sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii aad sidaan amniga u xaqiijiseen ballan waxaa ah inaan annaguna mashaariic fara badan oo ay Ummadda ku faraxdo inaan keeno dadka Facebook-ga wax ku qoraayo waxaan leenahay waxaan arkeena waxa aad keentaan, annagana waxaan qabano ayaa la arki doonaa, bulshada qof iyo cod ayay tagee” ayuu yiri madaxweynaha HirShabelle.

Waxaa kale oo uu bulshada HirShabelle uga mahadceliyay sida ay ugu soo dhaweeyeen deegaanadii uu booqday oo ka kala tirsan Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, wuxuuna intaasi kusii daray in dadaalladiisa horumarineed uu kasii wadi doono halkaasi.

“Guud ahaan Ummadda ku nool HirShabelle waa u mahadcelinayaa, gaar ahaan degmada aan ku suganahay ee Jalalaqsi, waana ku mahadsan tihiin sida aad noo soo dhaweyseen” ayuu mar kale yiri madaxwyene Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli xaalado adag ay ka jiraan HirShabelle, sida arrimaha ammaanka oo sidii la rabay aan ahayn, khilaafaad dhanka maamulka ah, waxaana la is weydiinayaa sida uu go’aankiisa uga dhabeyn karo Cali Guudlaawe.