25.4 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Weriye C/qaadir Ciise oo war cusub kasoo saaray khilaafkii kala dhexeeyey Wasiir Al-Cadaala

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Weriye Cabdulqaadir Ciise oo Warbaahinta Qaranka u qaabilsan soo tebinta wararka maxkamadda ciidamada ayaa qoraal cusub ka soo saaray khilaafkii uu baraha bulshada horay ugu faafiyey ee kala dhexeeyey madaxda wasaaradda warfaafinta, gaar ahaan Wasiir Al-Cadaala.

Weriye Cabdulqaadir ayaa soo saaray qoraal uu ciwaan uga dhigay “Cudur-Daar” oo madaxda wasaaradda warfaafinta uu ku raali geliyey, isagoo codsaday in laga gudbo wixii dhex maray isaga iyo saaxiibadiisa shaqada.

Cabdulqaadir Ciise ayaa horay u baahiyey muuqaalo iyo qoraalo uu ku weeraray masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiir ku xigeenka warfaafinta Al-Cadaala, waxaana xusid mudan in wixii ka dambeeyey markii khilaafkaasi uu soo if-baxay aan warbaahinta dowladda laga sii deyn warbixinadiisa oo shaqo joojin lagu sameeyey.

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdulqaadir Ciise oo dhameystiran:

Cudur-Daar.

Shaqa kastaahi ee la qabto waxa ay leedahay Dul-duleel iyo cabasho, kala duwanaashahana waa sunna kowni ah, sidaas darteed ayaa nala faray hadii Khilaaf jiro inaan ula laabano kitaabka iyo sunnada.

Sidaas oo kale hadii xeendaabka dowladnimo uu farqi ka Jiro waxaan leenahay heshiisya qoran oo nakala xadeeyo iyo hogaan aan u daba fadhino, waxaan aqbalsanahay toosinta madaxdeyda.

Wax kasto ee na kala gaaray saaxiibadeyda shaqada iyo madaxda wasaaradeyda warfaafinta waan ka garaabayaa, waxaana leeyahay nin wayn oo haftay aan ahee yaan la ii qaban.

Ugu dambayn waxaan ballan-qaadayaa in howlaheyga tabinta ee fariimaha dowladnimada aan Baaqi kusii ahaan doono.

#WarbaahinQaran

Sawirro: Xamsa oo gaaray furimaha dagaalka lacagna siinaya ciidankii laayey Al-Shabaab

0

Buuloxaaji (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda XFS Xamsa Cabdi Barre oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa safar ku tegay deegaano dhowaan laga xoreeyey Khawaarijta Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeer ugu tegay Ciidamada Qaranka iyo Daraawiishta Jubbaland ee ku sugan deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo dhawaan jab xooggan gaarsiiyey Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaaraha oo ciidanka la hadlay ayaa bogaadiyey sida nafhurnimada leh ee Ciidamada Soomaaliyeed ay argagixisada uga xoreynayaan dalka.

Xamsa Cabdi Barre ayaa ku dhawaaqay in dowladdu ay siinayso abaalmarin lacageed oo la guddoonsiinayo ciidamada Birjeex ee ku jabiyey Khawaarijtii ku dhuumaaleysa jirtay deegaannada Jubaland.

“Waad cibaadeysateen maxaa yeelay waxaad layseen kuwii uu suubaneheenu na faray in la laayo oo la burburiyo, waxaad ka farxiseen muslimiinta, waxaad rubadda goyseen Khawaarijtii ay ummadda Soomaaliyeed necbaayeen,” ayuu yiri.

Ra’iisul wasaaraha oo sii hadlayey ayaa yiri, “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in khawaarijta dalka laga xorreeyo oo la tirtiro, in badan oo kamid ah dalka waa laga xaaqay oo ay kamid tahay Buulo-Xaaji”.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in guushan ay ka marqaati kacayso tayada iyo awoodda Ciidamada Soomaaliyeed iyo dadaalka ay dowladdu ku bixinayso dib u dhiskooda.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa xusay muhiimadda ay leedahay garab istaagga iyo wadashaqeynta shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan ciidamada, dowladduna ay deegaannada la xorreeyey geyn doonto adeegyada asaasiga ahaa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka duulaysa in gurmad iyo gargaar deg-deg ah la gaarsiiyo bulshada ku nool deegaannada laga xoreeyo Khawaarijta, ayaa waxa ay hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka SoDMA gaarsiisay raashin 900 oo qoys oo ku nool deegaanka Buullo-Xaaji, taas oo qayb ka ah qorshaha safarka Ra’iisul Wasaaraha ee Jubbaland.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha, ayaa waxaa kamid ah Wasiirro ka tirsan Xukuumadda heer federaal iyo heer dowlad goboleed, Xildhibaanno, taliyeyaasha ciidanka X.D.S, Boliiska iyo haween matalayey ololaha Hooyo u hiili Qaranka oo gaarsiiyey ciidanka sahay dhan 5,340 oo isugu jira buskut, timir iyo kalluun.

Hoos ka eeg sawirrada

 

Maxaa kala qabsaday wasiir Faarax Cabdulqaadir iyo Xildhibaannada BF?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa maanta hortegay guddiga horumarinta adeegga arrimaha bulshada ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo la yeeshay isla xisaabtan adag.

Wasiirka ayaa waxaa su’aallo adag laga waydiiyay arrimaha waxbarashada dalka iyo imtixaanaadka qaran ee ay qaado dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale wasiirka ayaa wax laga waydiiyay arrinta Puntland oo iyadu siyaasad ahaan ay kala tageen federaalka, isla markaana ay saameysay wada shaqeyntii labada dhinac.

Mid kamid ah xildhibaannada ayaa waydiiyay wasiirka “Waay arrimaha siyaasadeed oo aan weli dhamaan arday Soomaaliyeed fursaddiisa waxbarasho ugu waayayaa?”.

Wasiir Faarax ayaa ku jawaabay “Arrinta ku saabsan shahaadada la siiyo ardayda Puntland iyo Somaliland waxay lamid yihiin ardayda kale ee jooga qaybaha kale ee dalka, laakiin waxaa caqabad ku ah mas’uuliyiinta maamulladaas oo hortaagan”.

Waxaa kale oo uu dalbaday in fursad loo siiyo wasaaradda waxbarashada inay xafiisyo ka furatoGaroowe iyo Hargeysa, si ay shahaadada halkaas uga qaataan ardayda jooga.

“Waxaan jeclaan lahayn in fursad naloo siiyo in xafiiska wasaarada waxbarashada Garoowe ku yaalla ama Hargeysa ku yaalla la ogolaado in laga bixiyo shahaadada waxbarashada ee dowladda federaalka si aana ardayda ugu dhibaatoonin inuu halkan kasoo doonto” ayuu mar kale yiri wasiirka waxbarashada xukuumadda Soomaaliya.

Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sidoo kale Puntland iyo Somaliland ku eedeeyay in ay culeysyo fara badan saaraan ardayda, ayna ka qaadaan lacago aan laga qaadin ardayda kale ee Soomaaliyeed.

“Nasiib darro dadka mas’uuliyiinta ka ah meeshaas ayaa hor istaagay, intaas waxaa sii dheer iyaga shahaadooyin ayay siiyaan ardayday imtixaanka ayay lacag ka qaadaan oo aan laga qaadin ardayda kale ee gobollada kale jooga, shahaadada ayay lacag ka qaadaan oo aan la qaadin, markaas ayaa laga yaabaa inuu ardayga usii baahdo tii federaalka inuu sii qaato, waxaas oo dhan waxaan aaminsanahay in culeys aanu ka qaadi lahayn ardaygaas maskiinka ah inay tahay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hoose ka daawo:-

Wasiirka difaaca iyo taliyaha xoogga oo booqday deegaanandii lagu jabiyay Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo ay wehlinayaan taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sarreeyya Gaas Ibraahin Sheekh Muxudiin iyo Taliyaha Boliiska Soomaaliyeed Sarreeya Guuto Sulub Axmad Firin ayaa maanta booqday deegaanadii lagu jabiyay kooxda Al-Shabaab ee gobolka Jubbada Hoose.

Mas’uuliyiintan oo qayb ka ah wafdiga ra’iisul wasaare Xamza ee maanta gaaray Kismaayo ayaa galabta tegay deegaanada Buulo-Xaaji iyo Harboole oo dhawaan lagu jabiyay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo isku dayay inay weeraraan halkaasi.

Wasiirka iyo taliyeyaasha ayaa kormeeray xerooyinka ciidamada iyo difaaca hore, iyaga oo dhiirogeliyay ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland ee jilibka u dhigay Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa ay ugu hambalyeeyeen dhammaan taliyeyaasha, saraakiisha iyo ciidanka sida geesinimada leh ee ay isaga difaaceen weeraradii ugu yimid Al-Shabaab.

Waxaa kale oo ay u ballan qaadeen inay heli doonaan garab istaag iyo in laga jawaabo baahiyahooda gaarka ah ee ay qabaan ciidamada labada heer.

Ra’iisul wasaare Xamza oo isna arrintan u tegay Jubbaland ayaa lagu wadaa inuu u tego ciidamadaas, si uu dhiirogeliyo, una booqdo deegaannada la xoreeyay.

Jubbaland ayaa waxaa hadda ka socda howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa maamulkaas oo deegaano dhowr ah looga xoreeyay Al-Shabaab.

Ciidanka Macawiisleyda oo jab culus gaarsiiyay Shabaab

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada Macawiisleyda ay weerar culus ku qaadeen xubno ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa galbeedka gobolkaasi.

Macawiisleyda ayaa beegsaday faiirimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen aagga deegaanka Gamboole, waxaana halkaas ka dhacay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka deegaanka Gamboole Daahir Maxamed Cismaan ayaa sheegay in howlgalka uu ka dhacay tuulada Moora Ciise, isla markaana khasaare culus lagu gaarsiiyay xubnaha Al-Shabaab ee ku sugnaa halkaasi.

Daahir Maxamed Cismaan ayaa sheegay in dagaalkaas lagu jabiyay Al-Shabaab, isla markaana lagu gaarsiiyay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, sida uu hadalka u dhigay.

“Gaari caasi ah iyo mooto ayay ka carareen, waana jiraa khasaare kale oo dhimasho iyo dhaawacba leh, laakiin horay ayay u qaateen” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenku.

Xaaladda ayaa haatanah mid aad u kacsan, waxaana ciidamada ay isku fidiyeen deegaanada Daarusalaam iyo Jameeco oo u dhow aagga lagu dagaalamay, iyaga oo sii baacsanaya maleeshiyaadka Al-Shabaab ee laga saaray halkaasi.

Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo la dagaalamaya Al-Shabaab.

Daawo: Xabsi u gaar ah dumarka oo laga hirgaliyay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka hirgaliyay xabsi u gaar ah dumarka lasoo xiro, kaas oo laga furay degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Xabsigan ayaa waxaa sameeyay taliyaha saldhigga degmada Hodan oo qayb u gaar ah gabdhaha kusoo kordhiyay saldhigga uu maamulo ee degmadaasi.

Guddoomiyaha maamulka degmada Hodan, Cali Faxle oo ka hadlay furitaanka xabsigan ayaa soo dhaweeyay in dumarka loo helo meel gooni u ah oo lagu xiro, inta loo sii gudbinayo xabsiyada kale ee dalka ama maxkamadaha awoodda u leh.

“Dumarku waa hooyooyinkeen waa gabdhaheennii waa dadka ugu wanaagsan ee bulshada hooyo iyo aabe u ah, sidaas darteed dumarkaas meel u gaar ah iyaga oo ay istaahilaan in lagu xiro in loo sameeyo waa aragnay, waana ku amaanaa taliyaha saldhigga” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waa laba qol oo waa weyn oo barandadooda leh oo musqushooda u gooni u tahay, si ay gabdhaha u helaan meel u gooni ah oo iyaga kaliya u go’an Dumarka uma quuri karno in ay bannaan joogaan ama roob ku da’o.

Cali Faxle ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dambiyada ugu badan ee la dhaca Hodan ay yihiin dagaallada gacan ka hadalka ee dhex mara dumarka, balse ay hadda u heleen meel lagu xiro haddii lasoo qab qabto haweenkaasi.

Waxaa kale oo uga mahadceliyay booliska sida uu uga shaqeynayo arrimaha bulshada iyo in la xakameeyo dadka gaysta dambiyada kala duwan.

“Hadda degmada Hodan dembiyada ugu badan ee ka dhaca waa dagaallada safmareenka ah ee diriraan haweenka iyo caruurta waxa dhan ay diriraan,, habeenkaas marka lasoo qabto oo 10 dumar ah la’isu keeno meel la geey ayaa la rabaa” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo ayada oo muddooyinkii u dambeeyay ciidamada booliska Soomaaliyeed ay kordheen howlgallada ka socda caasimada oo lagu soo xiray dadkii ugu badnaa oo ay ku jiraan gabdho caan ka ah baraha bulshada ee Internet-ka.

Ciidanka KENYA oo fashiliyay weerar ay Al-Shabaab la damacsanayd…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada ammaanka dalka Kenya ka fuliyeen agagaarka magaalada Gaarisa ee waqooyi bari ee dalka Kenya.

Ciidamada Booliska Kenya ayaa weerar culus ku qaaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo qorsheeyay inay weerar ku qaadaan deegaanka Alango, oo ku teedsan waddada Gaarisa iyo Dhadhaab ee ismaamulka Garissa.

Saraakiil u hadashay laamaha ammaanka Kenya ayaa sheegay inay heleen xogta dagaalamayaashan, kadibna ay ka hortageen weerarka, xilli ay ay isku  diyaarinayay inay qaadaan.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay inay goobta ku dileen laba kamid ah xubnaha Al-Shabaab, kuwa kalena ay baxsadeeen ayaga oo dhaawac ah.

Ciidamada ayaa sidoo kale soo furtay  labo qori oo AK47 ah, sidoo kale 7-majalado, agabka walxaha qarxa iyo agab kale oo kala duwan.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana weli aagga magaalada Gaarisa howlgallo culus oo baaritaano ah ka wada laamaha ammaanka ee dalka Kenya oo baadi goob ugu jiro xubnaha Al-Shabaab ee ka baxsaday goobta.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ay guusha ka sheegteen ciidamada ammaanka ee dalka Kenya.

Inta badan dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa weeraro culus ku qaada gudaha dalka Kenya, iyaga oo beegsada xarumaha ciidamada ee ku yaalla deegaanada u dhow xadka.

R/Wasaare Xamza oo gaaray Kismaayo + Qorshaha

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo ayaa usii gudbi doona deegaanka Buula Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose.

Deegaankan oo hoostaga magaalo xeebeedka Kismaayo ayaa dhawaan kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadden saldhigyada ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland, ayada oo halkaasi looga adkaaday maleeshiyaadka kooxda.

Socdaalka ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale waxaa lagu wadaa inay ka qeyb noqdaan mas’uuliyiin heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, si ay ula kulmaan ciidamada iyo saraakiisha dagaalka la galay Shabaabka.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa kulamo la qaadan doona saraakiisha iyo ciidamada xoogga dalka ee Danab iyo kuwa Daraawiishta dowlad-goboleedka Jubbaland ee ku sugan halkaasi.

Si kastaba, safarka ra’iisul wasaaraha ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada xoogga iyo kuwa Jubbaland ay kooxda Al-Shabaab ka xoreeyeen deegaano dhowr ah oo dhaca inta u dhaxeysa Kismaayo iyo Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Maxaa maanta looga hadlay shirweynaha culimada Soomaaliyeed? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalintii labaad galay shirweynaha labaad ee culimada Soomaaliyeed oo ka socda magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlayo “sidii loo heli lahaa Soomaali mid ah.”

Shirweynaha culimada oo ay ka qeyb galayaan culimo Soomaaliyeed oo dalka iyo dibaddiisa isaga kala yimid ayaa sanadkan diiradda lagu saari doonaa midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed.

Sheekh Yuusuf Cali Caynte oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ajendaha ugu weyn ee kulankoodu uu yahay in laga tago khilaafaadka umadda Soomaaliyeed, loona soo jeesto sidii loo joojin lahaa dhiigga daanaya, lagana shaeeyo masaalixda guud ee dalka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in doorka culimada ee kaga aaddan midnimada iyo isu soo dumidda umadda Soomaaliyeed uu yahay mid weyn, wuxuuna rejo ka muujiyay in ay natiijo wanaagsan kasoo bixi doonto.

Madaxweyne Xasan oo shalay furay shirweynahan ayaa culimada ku adkeeyey in ay xoojiyaan wacyi-gelinta ku wajahan marin habaabinta argagixisadu ay ku wadaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo dambiyada ay ku galayaan magaca diinteenna suubban.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xasuusiyey culimada dal iyo dibadba isaga yimid, daraasadda ay soo saartay xukuumaddu ee caqabadaha iyo dhibaatooyinka dib u dhigay xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed oo ay ka mid tahay argagixisada, dowlad-nugaylka, goonni u goosadka iyo khataraha bulshada, uuna ku adkeeyey in ay xoojiyaan kaalinta ay ka qaadanayaan arrimahaas.

Dowladda hoose ee Xamar oo 34 sano kadib bixineysa adeeg si weyn loogu baahna

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa daah-furay dib-u-howlgelinta adeegyadii hore ee dad-Dhigidda dowladda hoose ee Xamar, taasi oo muddo 34-sano ah aan loo qaban shacabka.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in shacabka ay hada kadib heli doonaan adeegyadii loogu bartay waaxda dad-dhigidda dowladda hoose ee Xamar oo ay ka mid tahay diiwaan-gelinta caruurta ku dhasha isbitaalada, helida shahaadada guurka iyo shahaadada furiinka.

Tan ayaa qeyb weyn ka qaadaneysa gaarista diiwaan-gelin sax ah oo ay yeeshaan shacabka Soomaaliyeed, taasi oo muddo 34-sano ah aan loo qaban shacabka.

“Qof kasta oo mas’uul ah marka uu meel yimaado waxa uu leeyahay Yool, Istaraatiijiyaddeyda waxaa kamid ah in la helo adeegyada Bulshadu u baahan tahay, warqadda qoyska waxa ay ahaan jirtay ama Adduunka ka tahay wax qoyska la nool maalinta uu dhasho ilaa maalinta uu ka dhimanayo,” ayuu yiri Yuusuf Madaale.

Sidoo kale waxa uu sheegay in nikaaxa iyo furiinka kahor burburkii uu ahaa mid maxkamad loo aado, si aanay dayac ama mas’uuliyad darro uga dhicin ubadka qoyska, isaggoo tusaale usoo qaatay carruurta darbi-jiifka ah iyo kuwa lagu tuuro waddooyinka qaar, oo uu sheegay in aysan sidaas ahaan laheyn haddii ay jiri laheyn arrintaan.

“Waxaan soo marnay marka aad rabtid in aad kala tagtaan gabadh aad qabtay in Maxkamad la tago oo furiinku ma fududeyn mana lagu degdegi jirin, waxyaabaha dayaca carruurta darbi-jiifka ah u wacan waxaa sababa in warqadda nikaaxa iyo furiinka la’aantood,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiye Madaale.

Dowladda hoose ee Xamar ayaa waxaa horyaalla bixinta adeegyo badan oo baahiyo gaar ah u qabaan bulshada, dad qaar ayaa soo jeediyay in iyada oo la eegayo dhaqaalaha dalka iyo xaaladaha gaarka ah in la dabciyo qiimaha ku baxaya adeegyadan.

Sirdoonka S/Land oo shaaciyay inuu qabtay rag ka tirsan NISA oo howlgal ka fulinayay…

0

Boorama (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka Somaliland ee NIA ayaa sheegtay inay qabatay xubno ka tirsan hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka ee NISA.

Xubnahan oo laba ah ayuu sheegay sirdoonka Somaliland in falal qorshaysan loogu talo-galay inay ka fuliyaan magaalada Boorama ee gobolka Awdal, kuwaasi oo Muqdisho laga soo direy.

Qoraal kooban oo kasoo baxay hay’adda sirdoonka Somaliland ee NIA ayaa waxaa lagu yiri “NIA waxa ay gacanta ku dhigtay koox ka tirsan NISA oo howl-gallo looga soo diray Muqdisho ku saabsan inay qas ka abuuraan Somaliland iyo dilal qorshaysan gaar ahaan Boorama.”

Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalkan oo lasoo dhigay barta X (ex-Twitter), “Laba ka mid ah xubnahaas waa la xiray, halka lix kalena lagu dabo jiro.”

Sirdoonka Somaliland ayaa ku daba jira xubno kale oo ka tirsan hay’adda NISA oo howl-gallo loogu soo direy Somaliland, kuwaas oo qeyb ah ka ah xubnaha la qabtay, sida ay sheegtay NIA.

Sirdoonka Somaliland ayaa sidoo kale farriin u direy bulshada reer Somaliland, “ciidanka sirdoonka Somaliland waxay ku baaqayaan haddii falal iyo ashqaas laga shakiyo in lagu soo wargeliyo.”

Hay’adda sirdoonka Somaliland ayaa bilihii u dambeeyay soo xirtay kooxo iyo dad lagu eedeeyay inay qorshaynayeen falal lidi ku ah amniga ay ku naalooto Somaliland, kuwaas oo ay qeyb ka ahaayeen ajaanib.

Golaha Aqalka Sare oo loo gudbiyay dalab culus oo la xiriira khilaafka DF iyo Puntland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya Cali Yuusuf (Cali Xoosh) ayaa golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka ka dalbaday inay soo fara-geliyaan khilaafka dowladda dhexe iyo maamulka Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay in Aqalka Sare laga doonayo in arrinta dowlad-goboleedka Puntland door fir-fircoon ka qaataan, maadaama si toos ah u metalaan dowlad-goboleedyada, si xal loogu helo tabashada ay qabto dowlad-goboleedkaas.

“Puntland way carootay iskumana aanay dayin oo caro ayay ku maqan tahay ee Aqalka Saroow naga hormara idinka hala idin aqbalo,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha oo hortegay golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya

Khilaafka madaxweyne Xasan Sheekh iyo Saciid Deni oo loo rogay mid u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamulka Puntland ayaa salka ku haya dano shaqsi ah, iyada oo labada nin ay aad u kala fogaadeen tan iyo markii la magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, oo la sheegay inuu Deni si weyn u daneynayey.

Sidoo kale waxaa xiisadda uga sii darey tallaabooyinkii u dambeeyay ee Villa Somalia, oo ayadu baarlamaanka marsatay cutubyo kamid ah dastuurka, oo loo dhigay sida ay rabto, kuwaasi oo meesha ka saaraya hanaankii hore ee doorashooyinka dalka.

Puntland ayaa tan iyo markaas sheegtay inay si madax-banaan u dhaqmeyso inta laga dhameystirayo dastuurka ku-meel gaarka ah ee Soomaaliya, ayada oo eedeymo dhowr ah u jeedisay dowladda federaalka.

Inkasta oo ay socdaan dadaallo ay wakiiladda caalamka ku doonayaan in miiska wada-hadalka la isugu keeno madaxweyne Xasan Sheekh iyo Saciid Deni, haddana ma jiro illaa hadda wax isku dhowaansho ah oo labada dhinac ah.

TRUMP oo si xun u weeraray Ilhaan Cumar isaga oo qof kale u dan lahaa

0

Washington (Caasimada Online) – Musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee Donald Trump ayaa markale u muuqday inuu isku khalday labada gabdhood ee xisbiga Dimuqraadiga ee kala ah Ilhaan Cumar oo laga soo doorto Minnesota iyo Rashida Tlaib oo laga soo doorto Michigan.

Labadan gabdhood ee Congress-ka ku jira, oo labaduba ah labadii haween ee Muslim ahaa ee ugu horreeyay ee taga Congress-ka, ayaa ah aas-aasayaasha xubnaha “Squad”, oo ah koox aan rasmi ahayn oo xubno ka tirsan Aqalkaasi samaysteen sannadkii 2019.

Khudbaddiisii habeenkii Sabtida ayuu Trump ku khalday dhacdooyinka ku lug lahaa Tlaib, Ilhaan Cumar, isaga oona xilligaa yidhi, “Ilhaan Cumar, waxa ay ka soo qayb gashay hadal aan jeedinayey markii ugu horreysay ee aan tartamayey, waxa ay ka mid ahayd dhegeystayaashii.”

Waxa uu intaas kusii daray “Xilligaas way qaylinaysay, waxa aanan idhi ‘waa ayo qofkani’ saw waa isla qoftii waalan ee aan habeen kasta hadda hadalkeeda daawado.”

Trump ayaa ku eedaynaya in hore ay u taageeri jirtey haddana ay isaga ka soo horjeeddo.

Waxa uu ku celceliyay dadkii isku soo baxay, “Anigoo qudbad jeedinaya, dad badan ayaanu joognay, way kacday oo qaylisay, waxaan ku idhi naagtaasi waa waalan tahay, way waalan tahay”.

Qaybta hadalkaas ee Trump ayaa aad loogu baahiyey barta X, ee hore u ahaan jirtay Twitter, iyada oo isticmaalayaashu uu ka mid yahay Acyn, oo ah tifaftire sare oo ka tirsan warbaahinta bidixda u janjeedha ee MeidasTouch, ayaa muujiyey in Trump uu ku jahawareeray oo uu isku khalday labada haween ee Congress-ka ka wada tirsan.

“Ma hubo in uu halkan ula jeeday qof kale,” Acyn ayaa qortay.

Dhanka kale, Trump ayaa mar sii horeysay ku sifeeyey Ilhaan Cumar inay tahay taageere “argagixisanimo’, wuxuuna ku andacooday inay “neceb tahay Maraykanka”.

Trump ayaa inta badan dhaliilo kala duwan u jeediya kooxdaas haweenka ah.

Waxaana aad loo xasuustaa 2019 mar uu farriin xilligaas ku soo qoray barta Twitter isaga oo ku dooday inay “ku noqdaan oo ay gacan ka geystaan hagaajinta gebi ahaanba qaran jabnimada iyo dembiyada laga gelayo meelihii ay ka yimaadeen.”

Faallooyinkiisaas ayaa kiciyay waagaas dad isugu soo baxay North Carolina oo ku dhawaaqayay “dib u celiya!” una jeeday in masuuliyaantaas dalka laga saaro.

Xubnahan haweenka ah ee garabka bidix, oo tan iyo markaa sii ballaadhanayey oo haatan gaaraya sagaal, ayaa aad uga soo horjeeda Trump iyo hadalladiisa.

Sannadkii 2020, Ilhaan Cumar waxa ay Trump ku tilmaantay hadal u dhignaa “Kaliya maaha cunsuri, laakin waa cunsuri isir-nacayb ku jiro, sababta oo ah kama soo horjeedo dadka dalkan yimid, kaliya wuxuu ka soo horjeedaa soo galootiga aniga oo kale ah”.

Dibad-baxayaal careysan oo u daatay saldhigyo milatari oo ISRAEL leedahay

Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa ku baaqay in xaaladda la dejiyo kaddib markii dibadbaxayaal ay ku jiraan siyaasiyiinta midigta fog ay xoog ku galeen laba saldhig oo milatari.

Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu “si adag u cambaareynayo” rabshadaha. Dibad-baxayaasha ayaa ka careysnaa xariga loo geystay askar lagu eedeeyay inay si xun ula dhaqmeen maxbuus Falastiini ah.

Warbaahinta Israa’iil ayaa ku warameysa in maxbuuska Falastiiniga ah ay faraxumeeyeen ciidamada Israa’iil.

Israa’iil ayaa beenisay eedeymaha kooxaha xuquuqul insaanka ee ku aadan in dagaalyahanada Xamaas ee gacanta u galay ciidamada Israa’iil ay la kulmaan tacadiyo loogu gaysto xabsiga.

Koox ka tirsan ciidamada kaydka Israa’iil ayaa lagu soo waramayaa in ay hubkooda dhiibeen kadib markii la xiray, waxaana ay diideen in ay sii wataan shaqadooda.

Dhinaca kale, Israa’iil ayaa isku diyaarineysa inay jawaab deg-deg ah ka bixinayso weerar dhinaca cirka ah oo ay ku eedeysay ururka Xisbullah ee ka dhisan Lubnaan.

Xisbullah ayaa iska fogaysay masuuliyadda weerarkan oo lagu laayey illaa 12 caruur ah, kaas oo ka dhacay dhulka ay Israa’iil haysato ee ku yaalla buuraha Golah Heights.

Diyaaradaha dagaalka ayaa bilaabay inay duqeeyaan Koonfurta Lubnaan, iyaga oo sheegaya inay qaadayaan weeraro aargudasho ah, hase ahaatee Israa’iil ayaa intaas ku daraysa inay weli qorshaynayso jawaab xooggan.

Daawo: Odawaa oo si adag uga jawaabay eedeymo xasaasi oo DF loo jeediyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Xuseen Odawaa oo maanta hadal ka jeediyey kulanka golaha shacabka ayaa si adag uga jawaabay eedeymaha maalmihii lasoo dhaafay ka imaanayye xildhibaanada mucaaradka ah oo ku wajahnaa madaxweynaha iyo xukuumadiisa.

Odawaa ayaa soo qaatay dhowr qodob oo ay ka mid yihiin hadaladii xildhibaanadu ka dheheen hubkii lagu boobay Caabudwaaq iyo xildhibaankii sheegay in maalin ka hor uu Muqdisho ku dhex arkay, gaar ahaan xerada Xalane Taliyaha sirdoonka Itoobiya.

“iyadoo shan maalin kahor 150 Kooxda Al-Shabaab ay Ciidamada Qaranka iyo kuwa Jubbaland ay Jubbada Hoose ku dileen, in rag madax ah inta soo istaagaan ay yiraahdaan Guuto Ciidan ah oo dagaalami kartaahi majirto, Ciidanka ma qabato taasi,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa.

Odawaa ayaa xildhibaanada u sheegay in warka ay sheegayaan ay masuuliyadi ka saaran tahay, isagoo tusaale u soo qaatay sida xildhibaanada qaar ay uga hadleen arrinta hubka.

“Xildhibaanka waxaa laga rabaa xogta uu hayo ee uu hubo inuu sheego, wixii malo ahna hadii uusan sugi karin inta laga hubinayo inuu cadeeyo in uusan hubin, shalay xildhibaan ayaa halkaan ka sheegay in taliyaha Nabad sugidda Itoobiya uu Muqdisho ku arkay, warku hadii uu iska dheh noqdo adiga shakhsiyadaada ayuu wax u dhibayaa,” ayuu yiri Xildhibaan Odawaa.

Xildhibaanka ayaa sheegay in arrinta hubka guddi soo baara loo xil-saaray, isla markaana ay cadaatay in si sharci darro ah uu dalka ku soo halay.

“Dowladda waa laga qaaday cunaqabateyntii hubka, waxayna awoodaa in si sharci ah ay hub u soo iibsato, wasaaradda gaashaandhigga ayaa u xil-saaran arrintaas, ma jirto sabab dowladda loogu eedeeyey ama loogu tuhmo inay hubkaas laheyd,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Xildhibaan Odawaa ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay hubka ku faani jireen, balse maanta la weysan yahay cidii laheed hubkii lagu boobay Caabudwaaq, isagoo qiray in khatar uu bulshada ku yahay hub aad u badana uu ahaa.

Cabdiraxmaan Odawaa ayaa guddoomiyaha golaha shacabka ka dalbaday in xoogga la saaro arrinta xaqiiqo raadinta, iyadoo la kaashanayo xukuumadda iyo dowlad goboleedka Galmudug, si guddiyada la diro ay warbixin dhameystiran uga keenaan arrinta hubka.

Hoos ka daawo

Xasan Sheekh iyo Erdogan oo caawa labo qodob oo xasaasi ah ka wadahadlay

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Erdogan.

Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay kor u qaadista iskaashiga istiraatijiyadeed ee u dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah.

Madaxweynayaasha ayaa si gaar ah uga wadahadlay arrimaha tamarta iyo difaaca oo labada dal ay si gaar ah uga wadashaqeynayeen waayihii dambe.

Madaxweyne Erdogan ayaa xaqiijiyay in Turkigu uu garab taagan yahay midnimada dhuleed, midnimo iyo dadaallada ku saabsan halganka Soomaaliya looga xoreynayo argagixisada.

Baarlamaanka Turkiga ayaa maalin ka hor ansixiyey heshiiskii labada dal, horayna baarlamaanka Soomaaliya uu u ansixiyey, waxaa hadda bilaabanaya dhaqan-gelinta heshiiskaas, waxaana Soomaaliya ku soo wajahan maraakiib dagaal iyo kuwo baaritaan ku sameynaya shidaalka ceegaaga badda Soomaaliya.

Sidoo kale ciidamada Turkiga ayaa imaadoona dalka toddobaadyada iyo bilaha soo socda, waxayna saldhigyo ka sameysa doonaan gudaha badda, beriga iyo xeebaha, sida dhulkii Iskuul Buuluusiya ee Muqdisho oo dhowaan qabuurihii ku aasnaa laga soo fagay.

Sidoo kale waxaa jira saldhigyo kale oo xogaha hordhaca ah ay sheegayaan in ciidamada Turkiga ay ka sameysa doonaan Hobyo, Kismaayo, Baraawe, Seylac iyo goobo kale oo istiraatiiji ah oo laga ilaali karo badda Soomaaliya.

Sidoo kale ciidamada Turkiga waxay ka qeyb qaada doonaan dagaalka Al-Shabaab, si gaar ah duqeymaha, tababarrada oo markii horaba socday iyo daboolidda baahiyaha militeri ee ciidamada Soomaaliya ay wajahayaan.

Daawo: Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo si yaab leh ula taliyey Madaxweyne Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo maanta warbaahinta kula hadlayey bannaanka Xarunta Golaha Shacabka ayaa sheegay inuu Madaxweynaha siinayo talo walaaltinimo.

Dhuxulow ayaa sheegay in labadii sano ee lasoo dhaafay talo bixinta wixii qaldama uu si khaas ah u siinayey Madaxweynaha, balse hadda la gaaray xili talada bannaanka lagu siiyo banaanka.

“Madaxaweyne masaajidka inta ka istaagtid dadka wacdi ha usoo dirin, adigaa hadda u baahan in lagu wacdiyo, adigaa la rabaa in lagu toosiyo, adigaa la rabaa in tusaallooyin lagu siiyo, adaa la rabaa in wadaadadu talo ku siiyaane, dadka masaajidka haka wacdin,” ayuu yiri Dhuxulow.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa madaxweynaha ugu baaqay in talada dalka oo kaligiis uu isku koobay uu dhulka dhigo, “Madaxweyne dhulka dhig talada dalka, in lagu toosiyo ayaad u baahan tahay,” ayuu yiri.

Xildhibaan Dhuxulow ayaa dowladda ka codsaday in ganacsatada loo fududeeyo in mashaariicda dalka ay kala socodsiiyaan.

“Ganacsatada haloo cadaalad falo, yeysan jirin cid gaar ah oo u dhaxeysa madaxda iyo ganacsatada oo muhiim u ah dalka,” ayuu hadalkiisa ku sii daray xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow.

Saxaafadda ayaa Xildhibaan Mustaf weydiisay sababta uu u weerarayo Madaxweynaha kaligiis oo xukuumadda iyo madaxda kale uusan ula hadleyn.

Xildhibaanka ayaa ku jawaabay, “Anaga hada ayaan bilownay inaan kor wax u sheegno, madaxa ugu sareeya ayaan saxeynaa, yaryarka weli ma aanaan gaarin, kuwaas taladoodu waa dambeysaa ee hadda qorshaheenu waa inaan toosino hoggaanka ugu sareeya.”

Hoos ka daawo

 

DF oo xog cusub ka bixisay hubkii lagu boobay Caabudwaaq

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in hubkii sharci darrada ahaa ee dhowaan lagu bililiqeystay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud uu muddo yaallay deegaanno dhaca dhinaca Itoobiya

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka & dib-u-heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya Cali Yuusuf (Cali Xoosh) oo maanta hortagay golaha aqalka sare ee baarlamaanka oo su’aallo laga weydiiyay hubkaan, ayaa sheegay in dad ganacsato ah ay halkaasi ku hayeen muddo.

Hubkan ayaa maalmo lagu hayay deegaanno dhaca dhinaca Itoobiya, ayada oo markii dambe ganacsatadii gacanta ku hayay ay usoo gudbiyeen gudaha Soomaaliya, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hubkaasi u gacan galay reerka Caabudwaaq degen, ayna dowladda u dirtay halkaasi wasiirka amniga si wax looga weydiiyo arrintaasi, si hoos loogu dhigo walaaca ka dhashay hubkaasi gacanta u galay dadka shacabka.

Dhinaca kale, Wasiir Cali Xoosh ayaa ka jawaabay su’aallo laga weydiiyay dagaal beeleedyada, doorashada dadweynaha, aqoonsiga muwaadinka iyo kuwo kale oo quseeya howsha wasaaraddiisa u xilsaaran tahay.

Waxa uu sheegay inay door muuqda ka qaadatay wasaaradda sidii loo kala dhex-geli lahaa beelaha walaalaha ah ee dirirtu dhex-martay, islamarkaana ciidamo kala dhex-gala goobihii ay ku dagaalameen ama isku horfadhiyaan.

“Wasaaradda waxay kaashataa duubabka dhaqanka iyo dowlad-goboleedyada si loo helo awood mideysan oo si wada-jir ah looga hortagi karo (dagaal beeleedyadaasi),” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha oo sheegay in xal u helista arrintaan u kaashadaan dhaqanka.

SSC-Khaatumo oo beenisay arrin ay shaacisay Somaliland – Maxay tahay?

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka KMG ee SSC-Khaatumo ayaa beeniyay inuu wada-hadal kula jiro Somaliland ama uu la furayo, sida ay dhawaan shaacisay xukuumadda Somaliland.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta SSC-Khaatumo Najiib Barkhadle oo la hadlay warbaahinta ayaa meesha ka saaray arrintaasi, isaggoo sheegay in aysan wax wada-hadal la fureyn Somaliland.

Waxa uu si cad u sheegay in maamulkooda uusan hadda ku tala jirin in Somaliland lala furo wada-hadal la isku weydaarsanayo maxaabiis, sida ay warbaahinta u sheegtay Somaliland.

“Wax wada hadal ah kulamo jirno Somaliland, haddana kuma talo jirno, Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin gooni u goosad ayaan u aqoonsanahay, maxaabiisna ma is dhaafsan karno,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Khaatumo Najiib Barkhadle.

Sidoo kale wuxuu masuuliyiinta Somaliland ku eedeeyay inay ku howlan yihiin dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ku doonayaan in ay ku soo weeraraan deegaannada SSC-Khaatumo.

Maamulka KMG ee hadda ka taliya magaalada Laascaanood ayaa gacanta ku haya maxaabiis ay ku qabteen dagaalladii u dhaxeeyay iyaga iyo Somaliland, kuwaasi oo iskugu jira askar iyo saraakiil ciidan.

Somaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa maxaabiis ku kala qabsaday dagaalkii Laascaanood, illaa haddana ma jiro wada-hadal rasmi ah oo lagula kala wareegayo maxaabiista, marka laga imaado daadallo hoose oo dhawaan ay shaacisay Somailand.

Arrin cusub oo kasoo korortay nin ay sodohdiis ku dishay Boosaaso

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidanka booliska ee gobolka Bari ayaa gacanta kusoo dhigay haweenay dil u geysatay wiil dhalinyaro ah oo ay soddoh u aheyd.

Ninkan oo u dhintay dhaawac ay soddohdiis ugu geysatay tooreey ayaa lagu magacabi jiray Maxamed Cabdi Bille, wuxuuna qabay gabadheeda haweenayda dishay.

Lama oga sababta ka dambeysa falkaan, hase yeeshe warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu jiray khilaaf qoyska dhexdiisa ka taagna, ayada oo haweenaydan la sheegay inay doonaysay in loo furo gabadheeda oo xaamilo aheyd.

Haweenaydan loo haysto dilka ayaa waxaa hadda gacanta ku haya booliska gobolka Bari, oo kiiskan durba baaristiisa bilaabay.

Taliska ciidanka booliska ee gobolka Bari ayaa sheegay in haweenayda tooreyda ku dishay wiilka ay soddohda u aheyd “ay qiraal ku tahay dilka marxuumka.”

Dilkan ayaa kusoo aadaya xilli isla maanta magaalada Boosaaso lagu dilay Khaalid Cali Khaalid oo ahaa gudoomiye ku-xigeenkii maamulka iyo maaliyadda ee Jaamacadda Bariga Afrika.

Khaalid ayaa la sheegay inay dilkiisa geysteen dablay ku hubaysnaa hubka fudud, kuwaas oo illaa hadda haybtooda la aqoon. Laamaha amniga magaalada ayaa sheegay inay ku raadjoogaan kooxda dilka geysatay.