25.4 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Madax muhiim u ahaa Al-Shabaab oo usoo gacan galay ciidanka dowladda (Sawirro)

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxii maaliyadda kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Mudug ayaa usoo gacan galay, sida uu shaaciyay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Ninkan oo lagu magacaabo Cabaas Shiikhdoon ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka booliska Soomaaliyeed ee ka howl-gala degmada Hobyo iyo deegaanada hoostaga.

Cabaas ayaa saraakiisha ciidanka u sheegay in kooxda Al-Shabaab uu uga biiray degmada Xarardheere, sida uu warbaahinta dowladda uu la wadaagay taliyaha booliska Hobyo L/Xidigle Maxamed Cadceed.

Horjoogahan ayaa dadka shacabka ah kooxda uga aruurin jiray lacago iyo xoolo baad ah, ayada ciidamada dowladda ay mar ku dhaawaceen duleedka deegaanka Xinlebi ee gobolka Mudug.

Ninkaan ayaa sheegay inuu u adkeysa waayey xaaladda ay ku jiraan kooxda Al-Shabaab ee duurka fog ku dhuumaaleysanaya, sida lagu yiri warbixin ay baahisay warbaahinta dowladda.

Cabaas ayaa u suurta-gashay inuu xiriir lasoo sameeyo saraakiisha ciidamada dowladda, iyadoo looga hortegay aagga deegaanka Caad.

Ninkan ayaa kamid noqonaya horjoogayaal dhowr ah oo tan iyo markii uu billowday dagaalka Al-Shabaab isu soo dhiibay ciidanka dowladda, ayada oo dhawaan la filayo inuu bilowdo wejiga labaad oo lagu wado inuu ka adkaan doono kii hore, oo kooxda looga xoreeyay deegaano iyo degmooyin ay sanado badan ka talinaysay.

Dowladda oo qaaday tallaabo halis galin karta shaqada dekedda Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo lacago horleh loogu kordhinayo ganacsatada Soomaaliyeed ee wax kala soo dega dekedda Muqdisho.

Wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka nadda ay siisay qandaraas shirkad lagu magacaabo Total Cleaning Services, taasi oo qabaneysa howsha dhaqida iyo nadiifinta konteenarada kasoo dega dekedda.

Arrintan ayaa culeys ku ah ganacsatada wax kala soo dega dekedda Muqdisho oo markii hore dhib ku qabay canshuuraha aan xadka laheyn ee laga qaadayay, oo ay qeyb ka tahay canshuuraha dhinaca faya-dhowrka iyo scan-ka dekedda.

Culeyskan ku soo kordhay dekedda Muqdisho ayaa loo arkaa inay keeni karto in ganacsatada kala soo dega shixnadaha inay u weecdaan dekedaha kale ee dalka, ayada oo maalintii shalay dekeda Boosaaso ku soo xirtay markabkii u horreeyay oo siday shixnad ganacsi oo konteenar ah.

Iyadoo horay ay u jirtay in ganacsatada koonfurta Soomaaliya alaabaha ganacsi kala soo degaan dekedda Boosaaso oo ay soo gaari jirtay illaa magaalada Jowhar.

Horey wasaaradda maaliyadda ayaa kordhisay canshuuraha kala duwan ee laga qaado ganacsatada wax kala soo dega dekeda Muqdisho, midaasi oo si weyn uga qeyliyeen ganacsatada, waana tallaabaddii labaad ee halis galin karta inay haawato dekedda Muqdisho.

Si kastaba, haddii ganacsatada ay ka guuraan dekedda Muqdisho ayaa waxaa iska cad in wasaaradda maaliyadda Soomaaliya aysan heli doonin canshuurtii ay qaadi jirtay dekedda, taasi oo macnaheeda tahay in la bixin waayo lacagihii mushaarka ee dowladda.

Ku dhowaad 8 kun oo Haween oo cabasho u gudbiyay XAMZA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Haweenka Soomaaliyeed ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo deg-deg ah, kadib markii ay waayeen xilka wasiirka haweenka oo uu maalin kahor ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u magacaabay General Bashiir Goobe.

Warqad cabasho ah oo ay soo saareen dhaqdhaqaaqa Sinnaanta ee Jandarka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin ku dhowaad 8 kun oo haween ah ayaa la gudbiyay ra’iisul wasaaraha, taas oo ay gabdhaha uga cabanayaan guud ahaan kuraasta ay waayeen.

Qoraalkan ayaa sidoo kale la ogeysiiyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna haweenka ku ku muujiyeen in cabashooda la xiriirta magacaabistii ugu dambeysay ee wasaaradda haweenka ee loo dhiibay General Bashiir Goobe.

Haweenka Soomaaliyeed ee gudbiyay cabashadan ayaa ku dooday in markii hore xukuumadda DanQaran ay ka ahaayeen 12%, haddase ay ka yihiin 9%, waxaana waayeen labo kursi oo uu ku jiro kursigoodii gaarka ahaan wasiirka haweenka.

“Ra’iisul Wasaare, annaga oo ah Dhaqdhaqaaqa Somali Gender Equity Movement oo loo soo gaabiyo SGEM, Guddiga Golaha Sare iyo xubnahiisa oo ku dhawaad 8,000 oo haween Soomaaliyeed oo mar kasta u taagan ilaalinta xuquuda haweenka waxaan ka soo horjeednaa, cambaareyneynaa, aadna uga xunnahay jagooyinka haweenka Soomaaliyeed oo markii horeba hooseeyey in qaar badan si xawli ah rag loogu beddelayo” ayaa lagu yiri qoraalka ay direen haweenka Soonaaliyeed ee cabashada ah.

Sidoo kale waxa ay nasiib darro ku tilmeemay in rag la siiyo jagooyinka ay ku fadhiyeen gabdhaha, taas oo hoos dhigtay qoondada loo qorsheeyay haweenka.

“Mudane Ra’iisul Wasaare, waxaa nasiib darro ah in Golaha Wasiirada oo ka kooban 75 xubnood ay markii horeba 9 kaliya (12%) haween ahaayeen, maalintii shalayna ay haweenku lumiyeen hal wasiir iyo hal wasiiru dowle oo ay hadda hoos ugu dhaceen 7 (9%)” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Illaa iyo hadda jagooyinka ay ku fadhiyeen haween Soomaaliyeed oo rag la siiyey waxaa ka mid ah:-

Wasiiradda Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Wasiru Dowlaha Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga, Taliye ku Xigeenka Ciidamada Booliska, Xisaabiyaha Guud, Gudoomiye ku Xigeenka Bangiga Dhexe, Ku Xigeenka Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha,iyo Agaasimaha Maaliyadda ee Wasaarada Beeraha aheydna sii hayaha Xoghayaha Guud”.

“Ra’iisul Wasaare, waxaa kale oo jira in labo haween ah laga hor-istaagay in ay u tartamaan jagooyinka caalamiga ah ee Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika iyo Madaxwaynaha Baarlamaanka Adduunka” ayaa lasii raaciyay qoraalka.

Waxaa kale oo ay haweenku ay si toos ah u dalbadee in xubnaha Xildhibaannada ee dowladda federaalka ay u magacaabayso Ururka Bulshada Bariga Afrika in laga siiyo 4 xubnood 9-ka Mudane, maadaama ay hoos u dhacday tiradii ay ka haysteen dowladda dederaalka, sida ay hadalka u dhigeen.

“Waxaa soo jeedineynaa talooyinka soo socdo: In jagooyinka haweenka laga qaaday loogu beddelo kuwo u dhigma iyo in ka badan si loo helo isku-dheelitirnaasho, cadaalad iyo dowlad loo dhanyahay. In 9-ka xildhibaan ee loo magacaabi doono Bulshada Bariga Afrika ay ugu yaraan 4 haween noqdaan.” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka SGEM.

Reer Muqdisho oo runta loo sheegay kadib arrin yaableh oo banaanka usoo baxday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka qayn-galay kulan dood ah oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan canshuuraha dalka, isaga oo runta u sheegay reer Muqdisho.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaca ka qaaday inay been tahay erayada kasoo yeera qaar kamid ah dadka Muqdisho ee ah in canshuurtooda ay cunaan dad kasoo jeedo gobollo kale, wuxuuna dooddaas ku tilmaamay mid uun lasoo dhoo dhoobay.

Xildhibaanka ayaa xusay in shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir ay iyaga cunaan inta badan wixii ay lahayd Soomaali, maadaama xaruntii dalka ay tahay Muqdisho.

“Reer Banaadir hadal aan in badan ka maqlay ayaa jiro inay iska dhaafaana ay u fiican tahay waxaynaa la cunaa, wixiina cid cunto malaha, idinka ayaa waxa Soomaali cuntiin. Qof kasta waxa ay ku leedahay Banaadir waxeeda la cunaa war waxiiina wax cuno maleh” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Horta halis ka daayo ceeb waayay annaga ayaa waxa nagala cunaa dalka hantidiisa annaga ayaa haysano”.

Siyaasigan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in lacag hal bilyan ah ay ku baxdo caasimada, taas oo ka imaada hay’ado kala duwan iyo mashaariicyada horumarinta.

“Saddex boqol oo xildhibaan oo hoteello deggan waayay dadka idin la joogo horta siyaasad marka la yiraahdo 1 biliyan ayaa ku baxda Xamar oo ay bixiyaan AMISOM, UNSOM, safaaradaha ajnabiga ah ee jooga, ama mashaariicda horumarinta” ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in kaliya ay Muqdisho u baahan tahay inay yeelato maamul lasoo doorto, si looga gudbo guddoomiye lasoo magacaabay.

“Doodda saxda ah waxaa waayay magaaladan inay yeelato Maayar lasoo doortay iyo hoggaan la doortay,” ayuu sii raaciyay.

Arrinta maqaamka Muqdisho ayaa sidoo kale soo hadal qaaday, wuxuuna sheegay in madaxweyne Xasan ay ceeb ku tahay inuu soo laabashadiisa uu ka gaabiyo arrintaasi.

“Waa ceeb in madaxweyne Xasan Sheekh inta xukunka kusoo laabtay magaaladan oo aan maqaam lahayn uu ka tego, mana ah in nin qabiil kale uu joogo inaan dhahdo magaalada waxay u baahantahay maqaam” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Maxay ka shaqeynayaan ciidanka Turkigu u soo dirayo Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyey mooshin ka yimid madaxweyne Erdogan, kaasoo askar milateri ah loogu daabulayo Soomaaliya muddo laba sano ah, si ay gacan uga gaystaan amniga, gaar ahaan la-dagaalanka argagixisada iyo khataraha kale, sida ay labada dal ku wada gaareen heshiis iskaashi difaac ah.

Mooshinka oo uu saxiixay madaxweyne Racep Tayyip Erdogan ayaa waxa uu sheegayaa in Turkigu uu ciidanka Soomaaliya u fidinayo tababar, kaalmo iyo talo muddo 10 sano ah, si loo xaqiijiyo amniga, deganaanshaha iyo dib u qaabaynta ciidanka qaranka.

Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyey mooshinkaas oo ka yimid madaxweyne Erdogan, kaasoo askar milateri ah loogu daabulayo Soomaaliya, sida ay qortay warbaahinta ku hadasha afka dawladda Turkiga wuxuu mooshinkaan iftiiminayaa in tan iyo 2009 ay milateriga Turkigu si firfircoon uga qayb qaadanayeem taageerada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo burcad-badeedda iyo falalka argagixiso ee gacanka cadmeed, meelaha ka baxsan xeebaha Soomaaliya, sida badda Arabiya iyo gobollada u dhow-dhow.

“Hadafka ayaa la jaanqaadaya qorshaha horumarinta amniga Soomaaliya ee lagu qaatay shirkii amniga ee Soomaaliya ee Turkiga uu ku martigeliyey New York 12 Diseembar 2023, waxaana looga gol leeyahay in Soomaaliya mustaqbalka dhow si buuxda u qaaddo mas’uuliyadda amnigeeda” ayaa lagu yiri qoraalka warbaahinta Turkiga.

Cabdirashiid Xaashi oo agaasime ka soo noqday machadka Cilmibaarista ee Heritage, horena cilmi baaris ugu sameeyey arrintan ayaa sheegay in heshiiskii amniga ee dhawaan dhex maray Soomaaliya iyo Turkiga iyo isku soo dhawaanshaha labada dal ee dhowr iyo tobankii sano ee u dambeeyey uu fursad weyn siinayo ganacsatada Turkiga iyo guud ahaan dowladda Turkiga oo Afrika ka soo geli karta Soomaaliya.

“Xiriirka labada dal markii uu billowday waxaan ahaa cilmi baare, Turkiga 2011 waan waraystay, ganacsatadooda waxay igu yiraahdeen ‘waxaan rabnaa in Soomaaliya ay noqoto halka aan Afrika ka soo galayno, maadaama aan haysano badeecad ka jaban tan Yurub, kana tayo fiican tan Shiinaha’ maadaama Soomaaliya ay xilligaas dhibaato ka jirtay, markii aan u baahannayna ay noo yimaadeen, hadana ay xerada ugu weyn ku leeyihiin Soomaaliya in ay ciidanka nala dhisaan, baddana nala waardiyeeyaan, cid uga xanaaqi karta ma jirto,” ayuu yiri Cabdirashiid Xaashi.

Ciidanka Turkiga ee imaanaya Soomaaliya wuxuu Cabdirashiid Xaashi oo u waramay BBC ku xiray sida ay noqon doonaan danaha istaraatijiyadeed ee Turkigu uu ka leeyahay Soomaaliya, isagoo carrabka ku dhuftay in Soomaaliya ay ka codsatay inay ‘in badda looga difaaco cadowga iyo qulqulatooyinka kale’ isla markaana uu horay u jiray heshiis dhaqaale oo labada dal ka dhaxeeya.

Maadaama dhanka Turkiga laga ansixiyey heshiiskii labada dal, horayna baarlamaanka Soomaaliya uu u ansixiyey, waxaa hadda bilaabanaya dhaqan-gelintiisa, waxaana Soomaaliya ku soo wajahan maraakiib dagaal iyo kuwo baaritaan ku sameynaya shidaalka ceegaaga badda Soomaaliya.

Sidoo kale ciidamada Turkiga ayaa imaadoona dalka toddobaadyada iyo bilaha soo socda, waxayna saldhigyo ka sameysa doonaan gudaha badda, beriga iyo xeebaha, sida dhulkii Iskuul Buuluusiya ee Muqdisho oo dhowaan qabuurihii ku aasnaa laga soo fagay.

Sidoo kale waxaa jira saldhigyo kale oo xogaha hordhaca ah ay sheegayaan in ciidamada Turkiga ay ka sameysa doonaan Hobyo, Kismaayo, Baraawe, Seylac iyo goobo kale oo istiraatiiji ah oo laga ilaali karo badda Soomaaliya.

Sidoo kale ciidamada Turkiga waxay ka qeyb qaada doonaan dagaalka Al-Shabaab, si gaar ah duqeymaha, tababarrada oo markii horaba socday iyo daboolidda baahiyaha militeri ee ciidamada Soomaaliya ay wajahayaan.

Mid kamid ah duuliyeyaashi hore ee Somali Airline oo geeriyooday

0

Ottawa (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa xalay dalka Canada ku geeriyooday Axmed Cilmi Guure, oo ka mid ahaa duuliyyeaashi hore ee shirkadda Somali Airline, kaas oo muddo ku xanuusanaa halkaasi.

Axmed Cilmi guure, ayaa sidoo kale ahaa aas-aasaha Website-ka Hiiraan Online, waxaana geeridiisa ay aad u qabsatay baraha bulshada ee Soomaalida.

Marxuumka ayaa ifka kaga tagay xaas, todoba carruur ah iyo laba carruur ah oo ay usii dhaleen.

Hoose ka akhriso taariikh nololeedkiisa:-

Axmed Xaaji Cilmi Guure  waxa uu ku dhashay magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, sanadkii 1956. Noloshiisii hore waxaa uu kusoo qaatay magaalada Beledweyne.

Marxuumku waxa uu waxbarashadiisa badi kusoo qaatay magaalada Muqdisho. Intii  uu ku jiray waxbarashadiisa, Axmed Xaaji Cilmi Guure waxaa lagu soo tababaray duuliye diyaaradeed xarunta caanka ah ee Lufthansa Aviation Training Centre oo ku taal magaalada Bremen ee dalka Jarmalka. Markii uu dalka dib ugu laabtay wuxuu ka howlgalay shirkaddii diyaaradaha ee Somali Airlines.

Geesinimadiisa iyo degenaanshihiisa waxaa la tijaabiyay 1991-kii markii diyaarad uu ka raacay Muqdisho kuna socotay Jabuuti lagu afduubtay dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya, taasoo uu si nabad galyada ah uga soo dajiyay diyaaradaas garoonka diyaaradaha ee Luuq, iyadoo aysan jirin wax dhibaato ah oo soo gaaray rakaabkii saarnaa. Waxayna daliil u ahayd xirfadiisa iyo deganaanshiyihiisa.

Dagaalkii sokeeye ee dalka, Axmed iyo qoyskiisii waxay u guureen dalka Canada 1992, halkaas oo uu kasii bilaabay waxbarashadiisa cilmiga kombuyuutarka ee kuliyada Algonquin ee Ottawa, isaga oo aakhirkii boos ka helay shabakadaha Nortel, wakhtigaas oo ah meesha ugu saraysa ee warshadaha isgaadhsiinta ee Canada.

1999kii, ayuu Axmed arkay fursad in uu qaaradaha iskugu xiri karo, iskuna soo dhawaynayo qurba-joogta Soomaaliyeed. Waxaana uu aas aasay shakabada Hiiraan Online, taasoo uu dhidibada ugu taagay Ottowa, July 1, 1999.

Waxay ahayd tallaabo waqtigeedii kusoo aadday, waxayna holbowle u noqotay Madal lagu soo bandhigayay shirkii Nabadda Soomaaliya ee 2000 ee lagu qabtay magaalada Carta ee dalka Jabuuti.

Sidoo kale riyadiisa ah in uu dib u yagleelo Somali Airlines ayaa ku kaliftay inuu sanadkii 2019 uu shahaadada Master-ka ee Maamulka Hawada ka qaato Jaamacadda Coventry, waxaana aqoontiisa aqoonsatay Wasaaradda Gaadiidka ee Soomaaliya, isagoo la taliye sare ka noqday, isagoo si hagar la’aan ah uga shaqeynayay hiigsigiisa

Ciidamada Bir-jeex oo khasaare culus gaarsiiyay Al-Shabaab

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo gelinkii dambe ee shalay ciidamada Guutada Bir-jeex ee Daraawiishta ka sameeyeen dhul howdka ah ee ku yaalla gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa weerar culus ku qaaday galbeedka deegaanka Buulo-xaaji, halkaas oo ay ku beegsadeen saddex xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo qayb ka ahaa weerarkii ay todobaadkii soo qaadeen xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Qoraal kooban oo laga soo saaray howlgalkan ayaa waxaa lagu sheegay in la dilay 2 xubnood mid kalena la dhaawacay, kadibna lasoo qabtay.

Sidoo kale ciidamada ayaa soo furtay hubka ay wateen xubnahaas oo ku dhuumaaleysanayay meel u dhow deegaanka Buulo-xaaji ee gobolka Jubbada Hoose.

“Geesiyaasha Guutada Bir-jeex ee ciidanka Daraawiishta Jubbaland waxa ay meel howd ah oo dhinaca galbeed ka xigta deegaanka Buulo-Xaaji ka heleen sadex dhagar qabe oo hubaysan oo qeyb ka ahaa weerarkii ay ku jabeen kuwaas oo waayahaanba ku dhuumanayay howdka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale wuxuu qoraalka intaasi kusii daray “Waxaa u-suuragashay in labana ay khaarijiyaan midna ay dhaawac ku qabteen kaas oo hadda lagu hayo goob caafimaad oo ciidamada gaar u ah, sidoo kale hubkii ay wateena waa laga furtay”.

Xaaladda ayaa sidoo kale maanta kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga magaalada Kismaayo oo ay ka socdaan howlgallo culus.

Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee guulaha ka sheegteen ciidanka Daraawiishta Jubbaland.

Maalmihii u dambeeyay waxaa Jubbooyinka ka dhacayay dagaallo xoogan oo khasaare culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku xoogan gobolladaasi.

Turkiga oo ka fakirayo inuu gudaha u galo ISRAEL

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Axaddii shalay sheegay, in laga yaabo in Turkiga uu gudaha u galo Isra’il, si la mid ah sidi ay horay uga sameeyeen Liiniya iyo Nagorno-Karabakh, balse ma uusan faah-faahin nuuca ay noqon doonto faragelinta uu soo hadal qaaday.

Erdogan, oo si aada u dhaleeceeya duullaanka ay Isra’il ku qaadday Gaza, ayaa hadalkaan jeediyay xilli uu ka hadlayay horumarka uu dalkiisa ka sameeyay wax soo saarka qalabka difaaca.

“Waa inaan aad u xoog banaanno si aysan Israa’iil wax yaabahan lagu qoslo uga sameyn Falastin. Sidi aan u galnay Liibiya iyo Karabakh, waxaa dhici karta inaan si la mid ah iyaga ku sameyno,” Ayuu Erdogan u sheegay mudanayaal ka tirsan xisbigiisa AK oo uu kula kulmay magaalada uu asal ahaan kasoo jeedo ee Rize.

Erdogan ayaa intaasi ku daray “in aysan jirin sabab aysan taasi u sameyn karin, balse ay tahay in ay awood muujiyaan si ay tallaabadaasi u qaadaan.
Wakiillada xisbiga AK Party ayaanan ka jawaabin faah-faahin arrintan ku aadan oo ay weydiisay wakaaladda wararka ee Rueters, Israa’iil ayaa iyaduna aanan wax war ah kasoo saarin arrintan.

Madaxweyne Erdogan u muuqday in uu tixraacayay faragelinti uu horay Turkiga uga sameeyay Libya iyo gobolka Nagorno-Karabakh ee ay isku heystaan Azerbaijan iyo Armenina.

Sannadki 2020-ki, Turkiga ayaa ciidamo millatari ah u diray Libya, si ay u taageeraan dowladda uu caalamka aqoonsanyahay ee Libya.

Turkey horay ayay u beenisay in ay si toos ah uga qeybgashay howlgallada millatari ee ay ciidanka Azerbaijan ka sameeyeen gobolka Nagorno-Karabakh sannadki hore, balse marki danbe sheegtay in ay dhan walba ka taageertay Azerbaijan sida tababarka milatariga iyo saanadaha millatari.

Madaxweyne XASAN oo shir xasaasi ah u furay Culimada Soomaaliyeed + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Muqdisho ka furay Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed, kaas oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda diinta iyo awqaafka ee dowladda Soomaaliya.

Shirweynaha Culimada oo la qabanayo sanadkiisa labaad ayaa waxaa ka qeyb galaya Culimo Soomaaliyeed oo isaga kala timid dalka iyo dibaddiisa.

Sanadkan ayaa waxaa shirka diiradda lagu saarayaa midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed, waxaana Hal-ku-dhig looga dhigay (Soomaali mid ah).

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud oo furitaanka khudbad dheer ka jeediyay ayaa ugu baaqay cuilmada Soomaaliyeed inay midoobaan, isla markaana ay qaataan kaalintooda wacyigelinta ee ku aadan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa shirka ka hadlay culimo kala duwan oo ku jiro guddoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo sheegay in shirkooda ay uga hadli doonaan arrimo xasaasi ah, ayna kasoo saari doono go’aanno wax ku ool ah.

“Shirkani waa shirkii ay culimadu run isugu sheegi lahayd ummaddana run loogu sheegi lahaa”” ayuu madasha ka yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Shirkii culimada ayaa sanadkii hore waxaa lagu bogaadiyey howgallada xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab sidoo kale Culimada ayaa isku raacay in dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta uu yahay Jihaad, ayna tahay in laga wada qayb-qaato.

Si kastaba, shirka ayaa hadana sanadkan kusoo aaday, ayada oo weli dalka uu ku jiro marxalad dagaal, isla markaana deegaanno badan laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.

Shaqo joojin lagu sameeyey madixii ciyaaraha fudud ee Somalia oo Paris u jooga shaqo xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudiga fulinta ee ciyaaraha fudud ayaa kulan ay yeesheen waxaa ka soo baxday in shaqo joojin lagu sameeyo guddoomiyihii ciyaaraha fudud ee Soomaaliya Faarax Cali Macalin.

Guddoomiye Faarax oo hadda howlo shaqo u jooga dalka Faransiiska  gaar ahaan caasimaddiisa Paris, ayaa shaqada laga joojiyey kadib markii ay arrintiisa ka fariisteen xubno guddi ah.

Faarax Cali Macallin oo ku sugan Paris ayaa u waramay idaacadda VOA, wuxuuna kq jawaabay xil ka qaadista lagu sameeyey, sidoo kale wuxuu faahfaahin ka bixiyey  sida ay howlaha ciyaaraha Olombikadu uga socdaan magaalada Paris iyo ka qeybgalka Soomaaliya ee ciyaarahaasi.

Guddoomiye Faarax ayaa sheegay in isagoo shaqo ku maqan ay inqilaabeen xubno ka tirsan guddiga, balse wuxuu ku dooday in sharciga ay ku shaqeeyaan uusan dhigeyn sida ay wax u dhaceen, isagoo tallaabadii shaqada looga joojiyey ku tilmaamay dhabarjebin ku tahay dadaalka Soomaaliya ay ku bixineyso inay natiijo ka gaarto ciyaaraha Olonbikada ee Paris ka socda.

Mustaf Cabdicasiis Maxamed ayaa laga dhigay sii hayaha guddoomiyaha xiriirka ciyaaraha fudud oo sidoo kalena ah ku xigeenka guddoomiyaha guddiga.

Xiriirka ciyaaraha fudud ee Soomaaliya ayaa ciyaartoy u diray magaalada Paris ee dalka Faransiiska, halkaas waxay uga qeyb gelayaan ciyaaraha caalami ah ee Olombikada, ku simaha guddoomiyaha ayaa la weydiiyey sida lagu soo xulay ciyaartoydaan iyo howlaha horyaalla.

Guddoomiyaha shaqada laga jooyey ee Faarax Cali Macalin ayaa hogaaminaya ciyaartooyda Soomaaliya ee ka qeybgaleysa ciyaaraha Olombikada ee Paris ka dhacaya.

Hoos ka dhageyso wareysigiisa

Daawo: DF oo maxkamadeyneysa Agaasime loo heysto maal-gelinta Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa bilowday maxkamadeynta nin agaasime ka ahaa mid ka mid ah wasaaradaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, kaas oo loo heysto inuu la shaqeeyey Khawaarijta Al-Shabaab.

Ninkaas oo lagu magacaabo Cabdinuur Fooley ayaa loo heystaa inuu akoon u furay kooxda Al-Shabaab oo u soo dhexmartay nin ay qaraabo yihiin, balse hadda uusan garaneyn meel uu jiro.

Guddoomiyaha Maxkamadda Salax Dabaan ayaa su’aalo adag weydiiyey Agaasimaha lasoo taagay maxkamadda, balse wuxuu ku guul dareystay inuu iska furto kiiskaan adag ee uu ku jiro.

Cabdinuur ayaa xitaa garan waayey abtiriska ninka uu sheegay inay qaraabo yihiin oo Akoon uu uga furay Salaam Bank.

Dowladda ayaa ogaatay in akoonkaas la marsiiyey lacag badan oo Shabaab ay leeyihiin, ayaa Baydhaba ka soo qabatay Agaasime Cabdinuur oo maxkamadeyntiisu ay ka socoto Muqdisho.

Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa eedeysanaha weydiiyey halka uu ku nool yahay ninka uu akoonka u furay ee qaraabada ay yihiin, wuxuuna ku jawaabay in markii ugu war-dambeysay uu ganacsi ku leeyahaa deegaan hoos taga degmada Diinsoor ee gobolka Bay.

Sidoo kale waxaa la weydiiyey magaca ninka uu akoonka u furay ee qaraabadiisa uu ku sheegay, balse wuxuu garan waayey magaca dhameystiran iyo halka ay qaraabo ka noqdeen.

Maxkamadda ayaa la horkeenay cadeymo sawirro wata oo muujinaya nin agaasime Cabdinuur uu qaneecadiisa ku furay akoonkaas ay Shabaab lacagaha ku shubteen, balse maanta uusan garaneyn ninkii uu u furay.

Agaasime Cabdinuur Fooley waxaa weli socota maxkamadeyntiisa, waxaana suurtagal ah in maalmaha soo socda mar kale la hor keeno maxkamadda, sidoo kale waxaa soo bixi kara xukun adag oo Cabdinuur uu ku muteysa karo kiiskaan xasaasiga ah.

Dowladda Soomaaliya dhinacyada ay kala dagaalameyso Al-shabaab waxaa kamid ah dhanka maaliyadda, waxaana aad loo baacsadaa akoonada ay lacagaha dhigtaan, dadka u fura, dadka lacagaha ugu dira iyo dadka ay lacagaha u dhiibtaan, sidaan oo kale ayaa marar badan maxkamadaha dalka loo horgeeyey loona xukumay dad lagu helay inay la shaqeeyeen Al-Shabaab.

Hoos ka daawo

GUUDLAAWE oo loo diiday inuu tego degmo ka tirsan Hiiraan xilli uu bareeray

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa waxaa soo baxeysa in loo diiday inuu booqdo degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Macawiisleyda Maxaas ayaa lagu soo waramayaa inay Cali Guudlaawe u diideen inuu booqdo degmada, xilli uu socdaal ku marayay gobolka Hiiraan.

Bishii May ee sanadkan ayey aheyd markii sidan oo kale hogaamiyaha HirShabelle looga hor istaagay inuu galo Beledweyne, oo laga dhisay Hiiraan State.

Waxaa muuqata in dib u istaadhmay guuxii reer Hiiraan ee maamulkiisa, kadib markii ay sheegeen in nidaamkii lagu dhisay iyo hanaanka awood-qeybsiga wax laga bedelay.

Arrintan ayaa imaneysa xilli Cali Guudlaawe uu safar ku marayay deegaanada maamulkaas, isaggoo maalin kahor gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, xilli Hiiraan laga diidanaa xukunka Cali Guudlaawe.

Safarka uu ku tegay Moqokori waxaa ku wehliya madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle Yuusuf Dabageed oo kasoo jeeda gobolka Hiiraan, halkaasi oo si weyn ugu soo dhoweeyeen guddoomiyaha iyo shacabka degmada.

Beesha Xawaadle oo degta Moqokori iyo inta badan deegaanada kale ee gobolka Hiiraan ayuu madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe ku dhiiraday inuu hortago, balse hadda waxaa muuqata inuu wajahayo caqabada diidmada maamulkiisa.

Beesha Xawaadle ayaa diidan gabi ahaanba inay kasii mid noqdaan maamulka HirShabelle, waxayna kol sii horeysay ku dhawaaqeen maamul kale oo ay ugu magac-dareen Hiiraan State.

Si kastaba, Xiisadda maamulka Guudlaawe iyo reer Hiiraan ayaa gaartay heer ay diideen in maamulka HirShabelle canshuurta ka qaado gobolka, inkasta oo maamulka uu waddo dadaallo uu rabo inuu hoos ugu dhigo xiisadda, kuwaasi oo u socon la’ sida muuqata.

Puntland oo soo qabatay ninka loo haysto dilka macalin reer Boorama

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska gobolka Mudug ayaa gacanta ku soo dhigay eedaysane loo haysto dilka macalin reer Boorama.

Taliska ciidanka booliska ayaa sheegay in ninkan lagu soo qabtay howl-gal ay ciidamada ka sameeyeen sameeyeen degaanka Seemade oo ka tirsan degmada Jariiban.

“Ciidanka Booliska gobolka Mudug ayaa howlgal ay sameyeen gacanta kuso dhigey eedaysane dil ka gaystay deegaanka Seemade degmada Jariiban ee gobolka Mudug,” ayaa lagu yiri qoraalka taliska booliska gobolka Mudug

Eedaysane Axmed Maxamuud Maxamed ayaa loo haystaa in uu Jimcihii 26-ka July dil u geystay marxuum Macallin Xamae Muuse Ducaale, oo kasoo jeeda gobolka Awdal, gaar ahaan Boorama, sida ku cad qoraalka taliska booliska gobolka.

“Eedaysanahan oo lagu magacaabo Axmed maxamud maxamed ayaa Maalinkii Jumcaha ee 26 July. Dil ugaystay Allaha unaxariistee Marxuum Macalin Xamse muse Ducale,” ayaa markale lagu yiri qoraalk kasoo baxay booliska.

Waxa uu intaas kusii daray “Eedaysanaha ayaa hada ku jira gacanta ciidanka Booliska waxaana lageeyay Xabsiga dhexe ee magalada Galkacyo.”

Taliska ayaa ugu dambeyntiina u mahad-celiyay ehelka eedaysaha iyo odayaasha deegaanka oo door muhiima kulahaa soo qabashada eedaysanaha kuna gacan siiyay ciiddanka booliska.

Somaliland oo shaacisay inay gacanta ku dhigtay shaqsiyaad si weyn loo raadinayo

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay inay gacanta ku dhigtay shaqsiyaad si weyn loo raadinayay oo ka tirsan Xuutiyiinta Yemen.

Somaliland aya qaar kamid ah warbaahinta dibadda la wadaagtay in ciidankeeda ammaanka ay gacanta ku dhigeen shaqsiyaadkaasi oo si weyn uu uraadinayay Mareykanka.

Raggan la sheegay inay qabatay Somaliland ayaa lagu magacaaba Waal Muhamad Saed iyo Haji Omar Ahmed, sida uu qoray wargeyska Intelli Times ee laga leeyahay Israel, soona xiganaya saraakiisha amniga maamulka.

Labadan nin ayaa la sheegay inay caan ku lahaayeen ka ganacsiga hubka sharci darrada ah iyo taageerada kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaalama qaybo kamid ah bariga dhexe iyo Afrika.

Si madax-banaan looma xaqiijin karo sheegashada Somaliland ee inay gacanta kusoo dhigeen shaqsiyaadkan sida weyn loo raadinayo, maadaama aysan jirin meel uu maamulka kusoo bandhigay raggaas.

Sidoo kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dalalkii raadinayey raggaasi oo Mareykanku ugu horreeyo.

Tallaabadan ayaa durba loo arkaa mid saamayn ku yeelan doonta ammaanka gobolka maadaama Xuutiyiintu awooddaan inay duqaymo la beegsadaan gacanka cadmeed.

Si kastaba, arrintaan ayaa imaneysa xilli uu Imaaraadka Carabta ka walaacsan yahay hantida ka taalla Berbera iyo saamaynta ka dhan karta tallaabooyinka Somaliland ku soo jiidanayso indhaha caalamka, oo ay qeyb ka tahay sheegashadan.

Xiisadda Ruushka iyo Mareykanka oo kasii dareysa iyo Putin oo digniin soo saaray

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Mareykanka uga digay in haddii Washington ay gantaallada riddada dheer geyso Jarmalka, in Ruushkuna uu gantaalladaas kuwo la mid ah dhigi doono masaafo laga weerari karo danaha reer Galbeedka.

Maraykanka ayaa sheegay bishan July 10-keedii in uu bilaabi doono inuu geeyo dalka Jarmalka hub casri ah oo kala duwan oo ay ku jiraan gantaalada riddada dheer marka la gaadho sanadka 2026.

Khudbad uu Putin u jeediyay badmaaxayaal ka kala socday Ruushka, Shiinaha, Aljeeriya iyo Hindiya oo lagu xusayey maalinta ciidammada badda ee Ruushka oo lagu qabtay magaalada St. Petersburg, ayuu Putin wuxuu si toosa ugaga digay Maraykanka, inuu dib u bilaabayo nooc ka mida waxyaabihii dhaliyey qalaalisihii dhacay xilligii dagaalka qaboobi uu socday.

“Wakhtiga ay qaadan karto in dhulkeena lagu soo weeraro, marka la adeegsanayo gantaalladaasi, waxay qaadan karaysaa illaa 10 daqiiqadood, waxaana dhici karta in mustaqbalkana lagu rakibo hub nukliyeer ah” ayuu yiri Putin.

Putin oo ciidamadiisa u diray dalka Ukraine sannadkii 2022-kii ayaa dagaalkan ku tilmaamay qayb kamid ah halganka taariikhiga ah ee uu la galay reer galbeedka, kaas oo uu ku sheegay inay Ruushka bahdileen ka dib markii Midowgii Sofiyeeti uu burburay sannadkii 1991-kii, iyaga oo ku soo xad-gudbaya, ayuu yiri xayndaabka ammaanka ee Moscow.

Diblomaasiyiinta Ruushka iyo Maraykanka ayaa sheegay in xiriirka diblomaasiyadeed ee Maraykanka iyo Ruushku inuu marayo halkii ugu hoosaysay, xataa marka la bar-bardhigo xilligii uu dhacay qalalaasihii gantaallada ee Cuba, ee sannadkii 1962-kii.

Labada dhinac ayaa waxaa hadda loogu baaqay inay kubadda dhulka dhigaan oo ay qaadaan tallaabooyin xiriirkooda kor loogu qaadayo.

DF iyo wakiillada caalamka oo shir muhiim ah ku yeeshay Muqdisho + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka qabsoomay kukan xasaasi ah oo looga hadlayo tallaabada xigta ee dowladda ee deegaanadii laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.

Shirkan oo uu guddoomiyay ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa diirada lagu saaray isku dubarridka barnaamijka xasilinta.

Shirkan oo looga arrinsanayo horumaradii laga sameeyey barnaamijka xasilinta ee dawladdu hoggaamiso, kaasi oo lagu gaarsiiyo adeegyada bulshada, maamul-dhiska, amniga iyo caddaaladda deegaannadii dhowaan laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab.

Shirkan ayaa sidoo kale lagu falan-qeynayaa u diyaar-garowga wejiga labaad ee hawl-gallada dib-u-xoreynta ee ka socda qaybo kamid ah dalka.

Wasiirka arrimaha gudaha Cali Xoosh oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dowladda ay deegaano badan gaarsiiyeen barnaamijka xasillinta oo muhiim u ah deegaannada la qabtya.

“Barnaamijka Xasilinta waxaan gaarsiinay deegaanno badan oo cadowga laga xoreeyay, waxaana taas ku mahadsan Ciidanka Qaranka,” ayuu yiri wasiir Xoosh.

Dhinaca kale, guddoomiyaha hay’adda SODMA Maxamuud Macallin oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay barbar socdaan barnaamijka xasillinta gargaar gaarsiinta shacabka ku nool deegaannada la xoreeyay

“Waxaan si xoog leh uga shaqeynay deegaannadii la xoreeyay innaga oo gaarsiinay caawinaad dadka rayidka ah taas oo qeyb ka ah barnaamijka xasilinta,” ayuu yiri guddoomiyaha SODMA.

DF oo lagu booriyay ‘ka laabashada’ sharci xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu booriyay in ay ka laabato hindise sharciyeedka warfaafinta, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay xiriirka caalamiga ah ee saxafiyiinta (IFJ).

IFJ oo si weyn uga hortimid sharcigan ayaa sheegtay in uu saameyn ku yeelan karo xaqa macluumaadka, uuna ka hor imaanayo halbeegyada caalamiga ah, oo ay ku jiraan sharciga AU ee helitaanka macluumaadka iyo sidoo kale dastuurka kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya.

“Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waa in ay ku dadaasho in ay sameyso dib u eegis dhameystiran si loo waafajiyo Hindise Sharciyeedka Hab-dhaqanka Wanaagsan ee Nidaaminta (GRPs),” ayaa lagu yiri bayaanka IFJ.

Qoraalkan ayaa sidoo kale waxaa looga digay in hadddii la ansixiyo sharcigan uu wiiqi doono xorriyada warbaahinta Soomaaliya.

“Hadii hindise sharciyeedka warfaafinta ee rasmiga ah loo ansixiyo qaabka uu hadda yahay, waxa uu si weyn u wiiqi doonaa xoriyada xogta iyo daah-furnaanta Soomaaliya, taasi oo awood u siineysa sirta dowladda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa kale oo lagu yiri “Waxaa suuragal ah in uu sare u kaco musuq-maasuqa iyo ku takri falka awoodda. Qodobbada sharciga ah ee aan caddayn waxay caqabad ku noqon doonaan isla-xisaabtanka waxayna dhaawacayaan kalsoonida ay Soomaaliya ku qabi karto saaxiibada caalamka.”

Ku-xigeenka xoghayaha guud ee IFJ Tim Dawson ayaa sheegay in sharciga warfaafinta ee rasmiga ah sida uu yahay uu ka dhigan yahay khatar weyn oo ku wajahan xoriyadda macluumaadka iyo dowlad wanaaga Soomaaliya.

“Waxaan ka codsaneynaa dowladda Soomaaliya in ay si degdeg ah uga laabato sharcigan oo ay dib u eegis ku sameyso si loo gaarsiiyo heerarka caalamiga ah,” ayuu yiri Dawson.

Waxa uu intaas kusii daray “Ilaalinta xuquuqda macluumaadka waxay muhiim u tahay ilaalinta mabaadi’da dimoqraadiyadda iyo kobcinta kalsoonida shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamkaba. Isbeddelladan la’aantood, Soomaaliya waxay halis ku yihiin dowlad wanaagga iyo hirgelinta dimoqraadiyadda.”

Horey ururka suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ugu adkeystay in hindise sharciyeedka uu noqon karo mid aan si cad loogu tix-galin karin dejinta siyaasad loo dhan yahay, taasi oo wiiqeysa qiyamka asaasiga ah ee dimoqraadiyadda, iyo wax ku oolnimada sharciga.

Imaaraadka Carabta oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta xiriirka Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Isu Tegga Imaaraadka Carabta ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ay ku xoojineyso xiriirka Soomaaliya, waxaana maanta xafiis cusub oo muhiim u ah xiriirkaas ka furtay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Safiirka Imaaraadka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Axmed Jumca Rumeythi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay xarunta bixinta dal ku galka, taas oo hadda kadib dadka Soomaaliyeed ay ka qaadan doonaan visaha.

Danjire Axmed Jumca Rumeythi ayaa shaaca ka qaaday in furitaanka xaruntan ay kamid ka tahay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, ayna ka go’an tahay inay sii hormariyaan iskaashiga ka dhexeeya labada dhinac.

Xaruntan cusub ayaa waxa waxa ay noqonaysaa qunsuliyaddii ugu horreysay oo Imaaraadka Carabta ka furo magaalada Muqdisho tan iyo burburkii dalka kadib.

Imaaraadka ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee haatan xiriirka wanaagsan la leh dowladda federaalka, wuxuuna xiriirka sii ballaartay kadib dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee 15-kii May sanadkii 2022-kii.

Dowladda Imaaraadka ayaa Soomaaliya ka taageerto dhinacyada dhaqaalaha, bani’aadanimada iyo ciidamada, waxayna saldhig ku leeyahay magaalada Muqdisho, kaas oo ay joogaan saraakiil sar sare oo tababaro siiya ciidamo ka tirsan dowladda.

Booliska Muqdisho oo war culus kasoo saaray dhulkii la burburiyay ee Boondheere

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgal burburin ah oo ay ciidamada ammaanka saaka ka sameeyeen degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Cabdifitaax ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay la wareegtay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha oo ku taalla degmada Boondheere, si loogu shaqeeyo dadweynaha Soomaaliyeed, maadaama ay dageyso wasaaradda arrimaha gudaha.

“Waxaan rabaa inaan u sheego bulshada Soomaaliyeed xarunt wasaaradda arrimaha JFF ee ku taallay degmada Boondheere agagaarka Jubba ay lahayd wasaaradda arrimaha gudaha oo ahayd xarun loogu adeegi jiray bulshada in saaka ay la wareegtay dowladda Soomaaliyeed” ayuu yiri afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale afhayeenka ayaa xusay in dib loo dhisayo xaruntan, isla markaana uu diyaar yahay mashruucii dib loogu hirgelin lahaa xarunta wasaaradda, si ay u shaqeyso.

Afhayeenka ayaa sidoo kale u mahadcliyay shacabkii daganaa dhulkan saaka la burburiyay, kuwaas oo ugu dameyn laga raray xarunta oo muddo ay daganaayeen.

Dhinaca kale afhayeenka Booliska ayaa digniin u diray dadka weli degan dhulka danta guud, wuxuuna sheegay in looga baahan yahay inay ka guuraan, isaga oo ugu baaqay inay lamid noqdaan shacabka saaka oo uu tilmaamay inay si nabad ah ku guureen.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay sidan oo kale u burburisay xaafadda Dab-damiska oo ahayd dhul dan-guud ah, waxaana laga raray shacabkii daganaa halkaasi.

Todobaadkii hore sidoo kale waxaa la burburiyay xaafad kale oo ku taalla deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, kadib markii gabar uu dhalay Maxamed Siyaad Barre loo xukumay dhul ku yaalla halkaas oo ay daganaayeen dad shacab ah, waxaana weli taagan xiisad ka dhalatay burburinta lagu sameeyay halkaas.

Waa kuwee 4 wasiir ee hoos loo dhigay awoofdooda?

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Xildhibaan Saadaq Cabdullahi Cabdi oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday xukuumadda DanQaran ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Xildhibaanka ayaa si gaar ah eedeyn culus ugu jeediyay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, wuxuuna sheegay inay awood tir ku sameeyeen wasaaradaha muhiimka ah ee dowladda.

Saadaq ayaa shaaca ka qaaday in la cuuryaamiyay 4 wasaaradood oo kala ah amniga, gaashaandhigga, arrimaha dibadda iyo maaliyadda, waxana uu tilmaamay in wasiirada la hoos geeyay shaqsiyaad kale iyo shirkado, kuwaas oo qabanayo shaqooyinka muhiimka ah ee wasaaradahaasi, sida uu hadalka u dhigay.

“Wasaaradaha qaranka, gaar ahaan kuwooda muhiimka ah sida gaashaandhigga iyo amniga, maaliyadda iyo arrimaha dibadda oo ay ahayd in qaranka loogu adeego waxaa laga qaaday awoodihii ay lahaayeen waxaana laga dhex abuuray awoodo kale oo qarsoon sida hay’ado iyo wakiilo idman” ayuu yiri xildhibaan Saadaq Cabdullahi Cabdi.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Waxaa kale oo oo jira shirkado qandaraaslayaal ah oo shaqadii wasaaradahaas la wareegay, waxayna galeen heshiisyo amni oo qarsoodi ah oo golayaasha dowladda aan la keenin”

Xildhibaanka oo hadalkan ka jeediyay baarlamaanka dhexdiisa ayaa sheegay in wax shaqo ah aysan heyn wasiirada qaar, isla markaana aysan heyn wax maamuliyad ah, balse kaliya ay ku magcaaban yihiin wasaaradaha ay joogaan.

“Madaxda wasaaradaha waxa ay maamulaan qolfoof maran maamul ahaan iyo maaliyad ahaanba” ayuu mar kale yiri xildhibaanku.

Horay ayaa eeddaan oo kale waxaa u jeediyay xubnaha mucaaradka oo sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu isku soo koobay awooddii dalka oo dhan.