26.4 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Senator MARYAN oo dood culus ka keentay xilka loo magacaabay Bashiir Goobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Maryan Faarax Kaahiye oo kamid ah gabdhaha Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa dood adag ka keentay xilka loo magacaabay General Bashiir Goobe oo loo dhiibay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka oo ay horay u lahaayeen haweenka Soomaaliyeed.

Senator Maryan ayaa sheegtay in meesha ay ka baxday xuquuqdii haweenka, kadib tallaabadii uu shalay qaaday ra’iisul wasaare Xamza oo sameeyay magacaabistaan.

Sidoo kale waxa ay isla xiriirisay arrintan iyo kiiskii Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ay sheegtay in horay looga hor istaagay kursiga Midowga Afrika.

“Iyadoo la ogyahay sida looga hiiliyey Xildhibaan Fowsiyo iyo diidmada loo diidey Kursiga Midowga Africa,hadda waxaan la yaabanahay oo caddaalad darro ah in Wasiirka Haweenka Soomaaliyeed loo dhiibo General loo adeegsan karo CIIDANKA XOOGGA DALKA. Aawey Xuquuqdii Haweenka Soomaaliyeed oo laf-dhabarka u ah jiritaanka Dowladnimada?” ayay qoraalkeeda ku tiri Senator Maryan Faarax Kaahiye.

Waxaa kale oo ay sii raacisay “Waxaan aqaan Haween Soomaaliyeed oo dalka iyo dibedda jooga oo ka haysta PhD Arrimaha haweenka,Carruurta iyo xuquuqul Insaanka, maxaa Xilka Wasiirka loogu dhiibi waayey?”.

Hoose ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

HAWEENKU MIYEYSAN AHAYN HAL-DOORKA SHACABKA SOOMAALIYEED?

Fowsiyo Yuusuf Xaaji iyo Kursiga ugu sarreeya ee Midowga Africa iyo Xilka Wasiirka Wasaaradda Haweenka!

Xildhibaanada labada Aqal ayaa Fowsiya siiyey awood buuxda oo ay JFS ku matasho;labada gole ayaa Xildhibaan Fowsiyo u uruuriyey lacag,lagana qaday dhammaan Xildhibaanada Sharafta leh!!

Xildhibaanada Sharafta leh,waxaan weydiiyey aawey awooddii aan Xildhibaan Fowsiyo shalay ku ansixinnay si mug iyo miisaan leh oo aan taariikhda loo arag?

Aawey awooddi Dastuurku inoo oggolaaday ee ah mid lama taabtaan ah?

Aawey sharaftii haybaddii iyo maamuuskii guud ee labada Gole astaanta u ahaa?

Aawey awooddi labada Gole Gudoomiye,Madaxweyne,Ra’iisulwaare iyo Xukuumadiisa ku ansixiyeen?

Xildhibaanada sharafta leh,maanta waxaan taagannahay ISKOYSIKII XAQA IYO BAADILKA lagu kala soocil lahaa,waana waajib ina wadasaaran in aynu awooddeena Dastuuriga ah soo ceshenno.

Kursiga Xildhibaan Fowsiyo loo diiday,maxaa lagu baddashay?yaase awood u leh in uu buriyo Go’aanka Labada Aqal?

DHANKA KALE,,

Shalay waxaa Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul- insanka loo magacaabay Generaal Goobbe!

Iyadoo la ogyahay sida looga hiiliyey Xildhibaan Fowsiyo iyo diidmada loo diidey Kursiga Midowga Africa,hadda waxaan la yaabanahay oo caddaalad darro ah in Wasiirka Haweenka Soomaaliyeed loo dhiibo General loo adeegsan karo CIIDANKA XOOGGA DALKA.

Aawey Xuquuqdii Haweenka Soomaaliyeed oo laf-dhabarka u ah jiritaanka Dowladnimada?

Haweenka Soomaaliyeed maanta waxay mudan yihiin in loo dhiibo Xilka Wasiirka Haweenka,maaddaama shaqadu tahay Daryeelka Haweenka,Carruurta iyo Xuquuqdooda!

In Wasaaradda Haweenka hadda loo magacaabo qof aan aqoon,dareen iyo waayo aragnimo midna u lahayn,waxay tusaale u tahay sida loogu tumanayo xuquuqda Haweenka Soomaaliyeed.

Waxaan aqaan Haween Soomaaliyeed oo dalka iyo dibedda jooga oo ka haysta PhD Arrimaha haweenka,Carruurta iyo xuquuqul Insaanka,maxaa Xilka Wasiirka loogu dhiibiwaayey?

Dowladi waa tan daryeesho shacabkeeda,gaar ahaan Haweenka iyo Carruurta,waana astaamaha lagu faano.

Baarlamanka Turkey oo ansixiyey mooshin ciidamo loogu soo dirayo Soomaaliya

Ankara (Caasimada Online) – Baarlamanka Turkey ayaa ansixiyey mooshin madaxweyne Erdogan awood u siinaya inuu ciidamada badda geeyo biyaha Soomaaliya muddo laba sano ah.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay markii Soomaaliya iyo Turkey ay bishii Febraayo saxiixdeen heshiis iskaashi difaac iyo mid dhaqaale, kaasi oo ujeedkiisu yahay in lagu xoojiyo awoodda difaacca badda Soomaaliya iyo dhismaha ciidan badeed.

Heshiiska ayaa yimid kadib markii Ethiopia ay heshiis la gashay maamulka Somaliland bishii Janaayo, kaasi oo Addis-Ababa lagu siinayo dhul-badeed ay ka sameysato dekad iyo saldhig ciidan badeed. Heshiiska waxaa si xooggan uga horyimid dowladda federaalka Soomaaliya.

Turkey ayaa horraantii July marti-gelisay wada-hadallo u dhaxeeyey wasiirada arrimaha dibedda Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaas oo aan miro-dhalin. Inkasta oo Itoobiya ay codsatay dhex-dhexaadinta, haddana ilo-wareedyo ayaa sheegay inay ka cago jiiday in horumar laga gaaro.

Arrintaas ayaa wararku sheegayaan in Turkey ay ku qasabtay inay dedejiso fulinta  ballan-qaadka difaaca Soomaaliya iyo ansixinta heshiiska.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Nuur) ayaa sheegay ansixinta mooshinka Baarlamaanka Turkiga ee ah in ciidamo badda loo diro Soomaaliya, ay ka dhigan tahay guul muhiim ah oo laga gaaray hirgelinta heshiiska difaaca iyo dhaqaalaha ee Soomaaliya iyo Turkiga.

“Dadaalka lagu xoojinayo amniga badda, Turkiga iyo Soomaaliya kama shaqeynayaan oo kaliya xasilinta biyaha xeebaha Soomaaliya, laakiin sidoo kale waxay kobcinayaan sida ay uga go’an tahay nabadda iyo amniga gobolka iyo xoojinta dadaallada lagula dagaallamayo argagixisada, burcad-badeedda, ka ganacsiga hubka sharci darrada ah. iyo khataro kale,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.

Tan iyo 25-kii February, 2009-kii, ciidamada badda ee Turkiga waxay ka qayb-qaadanayeen hawl-wadeennada caalamiga ah ee isku-dhafka ah ee la-dagaalanka burcad-badeedda Soomaaliya iyo deegaannada deriska la ah.

Ciidamada DF oo burburin ka sameeyay Boondheere

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa booliska ayaa saaka waabarigii hore howlgal culus ku qaaday degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay ka sameeyeen howlgal burburin ah.

Ciidamada ayaa cagta mariyay xarun ay horay u daganaan jirtay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, taas oo ay muddo dheer daganaayeen dad shacab ah.

Wararka ayaa sheegaya in xalay saq-dhexe ciidamo lagu daadiyay halkaasi, kadibna shacabka lagu amray inay la baxaan alaabtooda, waxaana xigay inay burburin ku bilaabeen gaadiidka cagaf-cagafka ah oo ay wateen ciidamada.

Horay ayaa shacabka deganaa xarunta wasaaradda arrimaha gudaha loogu wargeliyay inay ka guuraan, waxaana jirtay digniino dhowr ah oo la siiyay, balse ma qaadan waxaana saaka mar qura weerar culus ku qaaday ciidamada oo awood u adeegsanayo dadkaasi.

Ujeedka ayaa ah in dhulkan oo ah mid dowladeed loogu adeego shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay dageyso wasaaradda arrimaha gudaha oo iyadu leh dhulkaasi.

Xaaladda goobta ayaa la soo warrinayaa inay haatan kacsan tahay, waxaana ciidamadu ay xireen dhamaan waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa halka ay ku taallo xarunta.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay sidan oo kale u burburisay xaafadda Dab-damiska oo ahayd dhul dan-guud ah, waxaana laga raray shacabkii daganaa halkaasi.

Todobaadkii hore sidoo kale waxaa la burburiyay xaafad kale oo ku taalla deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, kadib markii gabar uu dhalay Maxamed Siyaad Barre loo xukumay dhul ku yaalla halkaas oo ay daganaayeen dad shacab ah, waxaana weli taagan xiisad ka dhalatay burburinta lagu sameeyay halkaas.

Weriye Calinuur Salaad oo laga sii daayey xabsiga iyo dhinacyadii ka shaqeeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee warfaafinta ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Weriye Cali Nuur Salaad ayaa maanta laga sii daayey xabsiga, kadib markii uu dhowaan soo xiray booliska Soomaaliya.

Calinuur Salaad ayaa ahaa Agaasimaha Telefishin lagu magacaabo Dawan, waxayna Caasimada Online ogaatay in maanta uu xoriyadiisa dib u helay.

Booliska ayaa markii lasoo xiray Calinuur waxay ku eedeeyeen “been-abuur, aflagaado iyo wax ay ku tilmaameen anshax-darro” in kastoo aysan soo bandhigin cadeymaha eedeymahaas.

Wariye Cali Nuur Salaad oo maalmihii lasoo dhaafay xirnaa ayaa lagu sii daayey dadaallo aan kala joogsi lahayn oo intooda ugu badan ay wadeen siyaasiyiin, xildhibaano iyo bahda saxaafadda.

Dhinacyadaan ayaa ku baaqayey in Weriye Calinuur lasii daayo booliska oo baahiyey soo qabashada Calinuur ayaa ka aamusay sii deyntiisa.

“Waxaa ku socota baarista Boliiska. Waxaana la horgey doonaa Maxkammada awooda u leh,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir markii lasoo xiray Calinuur.

Calinuur Salaad ayaa maalin ka hor markii la xiray bartiisa TikTok soo dhigay muuqaal uu ku yiri, “Goobaha ay joogaan ciidamada qaranka waxaa lagu iibiyaa Qaad ama Jaad, ciidankuna waxay ku bedeshaan lacagta mushaarka loo siiyo iyo mararka qaar hubkooda.”

Wasiirka gaashaandhigga oo u jawaabay Shariif + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo maanta shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa u jawaabay madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo saaka weerar afka ah ku qaaday dowladda federaalka oo uu ku eedeeyay fashil siyaasadeed iyo mid ciidan intaba.

Jaamac ayaa jawaabtiisa ku sheegay in laga haboonyahay in la siyaasadeeyo arrimaha ciidamada, wuxuuna sheegay inay tahay wax aan la aqbali karin.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidanka Soomaaliyeed ay yihiin geesiyeyaal guul wayn ka keenay dagaal adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

“Saaxiibada siyaasadeed ee siyaasadda dowladda dhaleeceynaya waxyaabo kale ayaa u furan inaan ka wada-hadalno, laakiin lama aqbali karo in Daawada cadeyga ay ka dhigtaan ciidankeena”, ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Subax kasta ma rabno in askariga Soomaaliyeed ee jooga furinta laga mashquuliyo Facebook-ga iyo makarafoonada”.

Wasiirka gaashaandhigga oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay xubnaha mucaaradka inay niyad jabinta ka daayaan ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan furimaha dagaalka, wuxuuna sheegay inay raadiyaan wax kale oo ay ku dhaliili karaan madaxda dalka.

“Waxaan soo jeedineynaa in aan la siyaasadeyn arrimaha ciidamada wiilkaas furinta joogo ma yaqaano mucaarad iyo muxaafad” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Sheekh Shariif wuxuu saaka shirkiisa jaraa’id ku sheegay in hannaanka loola dagaalamayo Al-Shabaa uu khaldan yahay, isla markaana laga garan karo sida loo laayay ciidamada Xoogga dalka, sida uu hadalka u dhigay.

“Hannaanka loola diriraayo Al-Shabaab, haddii uu fiican yahay maxaa ciidamada usoo jabeen? mase la socotaa maanta ciidanka milatariga maanta hal guuto oo dagaalami karta in aysan ku jirin?” ayuu ku jawaabay madaxweyne hore Sheekh Shariif.

Waxaa kale oo uu yiri “Wax badan oo aan rabin inaan halkan ku sheegin dartooda ma rabo inaan kusii socdo ciidanka waa khaldan yahay sida loo maamulay iyo sida loo hoggaamiyay waana sheegeynaa Shabaabna waa kasoo horjeednaa”.

Si kastaba, hadalkan ayaaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dalka ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo lagu xoreeyay dhul ballaaran.

Xamza oo qaaday tallaabo si weyn loo dhalleeceyay xilli uu dalka dagaal ku jiro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cadi Barre oo maanta wareegto soo saaray ayaa qaaday tallaabo culus, isaga oo magacaabay wasiiro cusub oo uu ku jiro General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe) oo loo dhiibay xilka Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

Bashiir Goobe ayaa ah ninka ugu darajo sareeyo saraakiisha ciidanka Soomaaliyeed, waxaana ra’iisul wasaaraha lagu dhaleeceeyay in ninkan ayada oo lagu jiro dagaal u magacaabo wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka oo  magaca uun loo bedalay.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Cali Yare Cali oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa su’aal wayn ka keenay arrintan, wuxuuna ka horyimid in Bashiir Goobe loo dhiibo wasaaraddii ay lahaayeen haweenka.

“Soomaalida nool ninkii la sheegay inuu ugu darajo sarreeyo ee gaaray darajadii AUN sarreeyo guud Maxamed Cali Samatar ayaa loo magacaabay wasiirrada gabdhaha oo ahaa wasaaradda kali ah ee haweenka lahaa. Hadde ogoow marka ninka garbihiisa ay darajada sarreeye guud saarantahay wasiirka haweenka loo magacaabayo dalku wuxuu ku jiraa dagaal” ayuu qoraalkiisa ku yiri siyaasiga caanka ah ee Cali Yare Cali.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Oo hadiiba aan la hureeyn in nin loo magacaabo wasaaradda haweenka almiino maxaa loogu magacaabi waayay kuwii sawiradooda la soo bandhigayay maalmihii la soo dhaafay ee Ahmed-qalanj iyo kuwii lamidka ahaa”.

Cali Yare Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa arrintan ku macneeyay mid nasiib darro ah, isla markaana aan ku habooneyn mas’uul darrajadaas ka gaaray ciidanka Soomaliyeed.

“Waan ayaan-darannahay hadaan cimri ku gaarnay “sarreeye guud isaga oo qudbadeeynaya na leh “annaga oo ah wasaaradda haweenka” ayuu mar kale yiri.

Dhinaca kale waxaa magacaabista Bashiir Goobe iyo xilka loo magacaabay ka dhashay falcelin xoogan oo ay ka sameeyay dadka isticmaala baraha bulshada.

Ismaaciil Maxamed “Wasaaradda haweenka waa laga qurxiyey miyaa? Bashiir Goobe wasiirka qoyska miyaa loogu beddalay?”.

Abdirahiim Cismaan “Ninkii dhammaa ee Janannada Soomaalida ugu darajada sarreeyey wasaaradda qoyska maa shaqo uga dhigteen?, Xukuumad meesha nooma taal wallee”.

Dheyman Xaaji “Wasaaradda haweenka mala boobey? HORMARINTA QOSKA AAAA HAYEELINA”.

Yuusuf Ibraahim Cabdi ayaa isaguna yiri “Wasaaradii Haweenka iyo General raggiy waa jabay Sanadkan”.

Shukri Xaashi “Waa maxay Generaalka wasiirka wasaaradda haweenka loo magacaabay?

Maxaa maanta kala qabsaday Sheekh Aadan Madoobe iyo xildhibaan Cabdisamad?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, kaas oo uu guddoomiyey Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa hareeyay dood xoogan iyo buuq, kadib markii ay is qabteen guddoomiyaha iyo xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud.

Xildhibaanka iyo guddoomiye Aadan Madoobe ayaa waxaa dhex-maray dood culus oo ka dhalatay markii uu Cabdisamad dood ka keenay kooramka baarlamaanka, intaas kadib guddoomiyaha ayaa amray in makarafoonka laga xiro, balse xildhibaanka ayaa diiday.

“Cabdisamad fariiso aniga kuuma fasixin makarafoonka waa fadhiisaneysaa” ayuu ku amray guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Xildhibaan Cabdisamad ayaa iska diiday amarka guddoomiyaha, wuxuuna ku jawaabay  “Adiga makarafoon ayaa kuu furan anigana makarafoon ayaa ii furan, mana fariisanaayo waa inaan u sinaanaa xeer hoosaadka”.

Sheekh Aadan Madoobe oo mar kale hadalka qaatay ayaa ku laabtay xeer hoosaadka, wuxuuna sheegay inuu dhigayo in kulanka baarlamaanka uu ku furmi karo laba kooram oo kala ah 139 xildhibaan iyo mar kale oo uu ku furmi karo 184 Mudane, markaas uu jiro qodob xasaasi ah, sida arrinta madaxweynaha, ras’iisul wasaaraha ama dastuurka.

“Kooramka waxaa loo rabaa in baarlamaanka wax cusub uu anisixi karo walaalkey Cabdisamad haddii u dhibaayo socodka BFS ha sheego ” ayuu yiri Aadan Madoobe.

Ugu dambeyntii buuqa ayaa waxaa soo farogeliyay xildhibaannada kale oo guddoomiyaha ku raacay go’aankiisa, kadibna waxaa lasii waday doodda.


Daawo: Ninka ugu sarreeya sirdoonka ITOOBIYA oo lagu dhex arkay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Bashiir Cabdi Ameeriko oo kamid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta shaaciyay xog xasaasi ah oo ku aadan sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Itoobiya, kaas oo si qarsoodi ah ku yimid magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka oo maanta ka hadlay kulankii baarlamaanka ayaa sheegay in dhowaan xerada Xalane gudaheeda uu ku arkay ninka ugu sarreeya sirdoonka Itoobiya, isaga oo tilmaamay inuu dhex lugeynayay gudaha xeradaas oo ay dagan yihiin ajaaniib badan.

Bashiir Ameeriko oo horay usoo noqday taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa shaaciyay inuu ninkan horay u yaqiinay, isla markaana ay mar kulmeen xilligii uu ahaa taliyaha.

“Waxaan xog idin-ku siinayaa maalin dhaweyd aniga oo ku dhex lugeynaayo Xalane waxaan ku arkay ninka ugu sarreeyay mukhaaabaraadka Itoobiya oo aan horay u arkay markii aan taliyaha ahaa” ayuu yiri Xildhibaan Bashiir Ameerico.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Xalane ayuu dhex wareegayaay isaga oo kaligiis ah dad yarbaa daba socday,”.

Waxaa kale oo uu kusii daray in arrintan ay muujineyso mid laga leeyahay dano aad u wayn, isla markaana la doonayo in Soomaaliya ay sii joogaan shisheeyaha, ayna farogeliyaan arrimaheeda gudaha.

“Maxaa keenaayo in sidaan aan kusii jirno? waxaa la rabaa in ATMIS ay sii joogto, UNSOM inay noo keento mashaariicda yaryareyd ee aan ka dhamaaneynin in la yiraahdo garoonkooda iyo dekeddooda ma lagu aamini karo” ayuu mar kale yiri xildhibaanku.

Hadalkan xasaasiga ah ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay is hayaan Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay ka dhexeyso xiisad ka dhalatay heshiiska badda, taas oo sababtay inuu go’o xiriirkii labada dhinac, waxaana xogta uu bixiyay xildhibaanka tahay mid leh walaaceeda, maadaama ay halis tahay in dal aad haysaan uu kusoo diro sirdoonkiisa.

Daawo: Xaalad adag oo ka taagan duleedka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo ay isugu soo baxeen dadweyne careysan.

Dadka isugu yimid Ceelasha Biyaha ayaa ka cabanaya burburin lagu sameeyay guryahooda, kadib amar kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed oo dhawaan la fuliyay, ayada oo cagta la mariyay xaafad ay daganaayeen qoysaska haatan cabanaya.

Shacabka dibad-baxay ayaa xirtay waddada laamiga ah ee marta Ceelasha, waxayna gubeen taayaro, kadibna waxaa faraha ka baxday xaaladda, ayada oo ay goobta tageen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya.

Rasaas ay fureen ciidamada ayaa lasoo wariyay inay waxyeelo kasoo gaartay qaar kamid ah shacabka, sida ay muujiyaan muuqaalo iyo sawirro lagu baahiyay baraha bulshada.

Mid kamid ah odayaasha deegaanka oo goobta dibad-baxa kula hadlay Somali Cable Tv ayaa ka warbixiyay cabashooda, wuxuuna eedeyn u jeediyay madaxweyne Laftagareen.

“Wax la yiraahdo laba dacwado oo gal inta furtay oo la kala qardaay ma jiraan waxaa kale oo intaas dheer dhulkan dukumintigiisa labada goof ee ugu horreeyo waxay wataan 82-adii iyo 89-kii, laba goof oo kalena waxay wataan dhaxal koob” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay Dhulkaas waxaa leh dadka la yaqaano ee reer Iidow iyo nimanka la yiraahdo reer Cabdulle Macow”.

Waxaa kale oo uu xusay in dhulkooda la baneystay, kadibna si qaraabanimo ah loo siiyay dad kale.

Laftagareen wuxuu maamulka Koonfur Galbeed geliyay wax aan sharciga iyo nidaamka midna ku banaaneyn si walaaltinimo ah oo ku hooyonimo ah ayaa wuxuu ku xalaaleystay dhul aad u fara badan oo dadkii lahaa ay dagan yihiin” ayuu mar kale yiri.

Dhulkan oo la burburiyay todobaadkii hore ayaa la sheegay in lagu wareejiyay gabar uu dhalay madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Siyaad Barre, waxaana wareejinta ku sugnaa gudddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo sheegay in dhulkan ay maxkamad soo xukuntay, sidaasna ay ku wareejiyeen.

Shariif: Ciidanka milatariga maanta kuma jirto hal guuto oo dagaalami karta + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka jawaabay su’aal laga waydiiyay sababta ay mucaaradka uga soo horjeedaan guusha dowladda ee dagaalka Al-Shabaab.

Shariif oo si adag uga jawaabay su’aashay ayaa sheegay in hannaanka loola dagaalamayo Al-Shabaa uu khaldan yahay, isla markaana laga garan karo sida loo laayay ciidamada Xoogga dalka, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynihii hore ee dowladda KMG ahayd ee ayaa tilmaamay in maanta aysan jirin hal guuto oo ka tirsan ciidanka Xoogga dalka oo la dagaalami karto Al-Shabaab, taasina ay muujineyso sida loo burbriyay ciidanka Soomaaliyeed.

“Hannaanka loola diriraayo Al-Shabaab, haddii uu fiican yahay maxaa ciidamada usoo jabeen? mase la socotaa maanta ciidanka milatariga maanta hal guuto oo dagaalami karta in aysan ku jirin?” ayuu ku jawaabay madaxweyne hore Sheekh Shariif.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Wax badan oo aan rabin inaan halkan ku sheegin dartooda ma rabo inaan kusii socdo ciidanka waa khaldan yahay sida loo maamulay iyo sida loo hoggaamiyay waana sheegeynaa Shabaabna waa kasoo horjeednaa”.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inay la socdaan qorshe ay wadaan madaxda dalka, isla markaana ay ku sameysanayaan ciidamo gaar ah oo dano ay ka leeyihiin.

“Istarakjarka ciidanka oo la beddalo wuxuu muujinayaa in aan laga shaqeyneynin ciidan inuu dhismo oo laga shaqeynaayo awood gaar ah inay dad gaar ah gacantooda kusoo auurto” ayuu mar kale yiri madaxweynihii hore ee dowladda KMG ahayd ee dalka.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Dalkan Janaraalo ayaa soo xukumeen waqti dheer oo ciidanka gacantooda uu ku jiray dadka waxa ay ku joogi karaan waa cadaalad, nina inuusan ku fikirin inuu ciidan gaar ah diyaariyo hub gaar ah qaato si uu wax gaar ah ugu gaaro arrintaas waxaan u maleynaayay in laga soo gudbay maanta inay muuqato saa saankeeda wax aad iyo aad looga xumaado waayay”.

Hadalkan ayaaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dalka ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo lagu xoreeyay dhul aad u ballaaran.

Arrin aan la fileyn oo kasoo korortay kiiska xildhibaan Abiib

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaannada golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta kulan aan caadi ahayn ku yeeshay magaalada Hargeysa, kaas oo ujeedkiisu ahaa maamuus ka xayuubinta Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf Jaamac oo dacwad culus ay kusoo oogtay xeer-ilaalinta Somaliland.

Kiiska Maxamed Abiib ayaa waxaa kasoo kordhay arrin aan la fileyn, kadib markii soo jeedinta xeer-ilaaliyaha guud uu ka horyimid guddiga joogtada ah ee golaha wakiilada.

Warbixin lala wadaagay xildhibaannada, sidoo kalena loo dusiyay warbaahinta ayaa lagu shaaciyay go’aankka guddiga, waxaana lagu sheegay in soo jeedinta xeer ilaaliyaha ee ku aadan maamuus ka xayuubinta Maxamed Abiib ay tahay mid sharci darro ah.

“Haddaba guddidu iyada oo ka duuleyso asbaabaha kor ku xusay waxay golaha wakiilada u xaqiijineysaa in soo jeedinta xeer-ilaaliyaha guud ee ah maamuus ka xayuubinta Mudane Maxamed Abiib Yuusuf Jaamac ay tahay mid aan sharci ahayn isla markaana ay ka hor imaaneyso mas’uuliyadda xil-gudasho ee mudanayaasha ee ku tilmaaman dastuurka iyo xeer hoosaadka golaha wakiilada xeer.lr.01/2021″ ayaa lagu yiri go’aanka kasoo baxay guddiga golaha wakiilada ee maamulka Somaliland.

Guddiga ayaa sidoo kale xubnaha golaha wakiilada ugu baaqay inay ka dhiidhiyaan arrintan, isla markaana ay cod ku diidaan soo jeedinta xeer-ilaaliyaha guud.

“Sidaas aawgeed waxaannu mudanayaasha golaha usoo jeedineynaa inay nagu raacaan isla markaana ay cod ku diidaan soo jeedinta xeer-ilaaliyaha guud” ayaa lasii raaciyay.

Intaas kadib guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa soo xiray fadhigii aan caadiga ahayn ee guluhu u balansanaa in go’aan lagaga gaadho dacwaddii xildhibaan Maxamed Abiib kadib markii uu goluhu buuxsami waayay kooram la’aan, waxaana lagu ballamay inay dooddu halkeeda kasii soconeyso.

Abiib oo haatan ku sugan Boorama ayaa xeer-ilaalinti waxa ay u heysataa eedaymo ay ku jirto in mas’uuliyiinta ka tirsan Saafaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti uu la kulmay iyo in arrimaha ciidamada Somaliland uu ka hadlay.

Sidoo kale Xildhibaan ayaa horay u tagay dalka Jabuuti dabayaaqadii bishii May ee sanadkan, wuxuuna safarkaas xaqiijiyey maalmo ka hor mar uu warbaahinta la hadlay, isagoo sheegay in Jabuuti uu Passapor ka soo qaatay.

 

Wararkii ugu dambeeyay ciidamada Itoobiya oo uu dagaal culus ku qabsaday….

0

Qansaxdheere (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal qaraar oo xalay ka dhacay degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay, halkaas oo ay isku farasaareen ciidamada Itoobiya ee ku sugan halkaasi iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu yimid kadib markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen ciidamada Itoobiya ee qaybta ah howlgalka ATMIS, waxaana kadib xigay dagaal u dhexeeyay labada dhinac.

Ilo dadka deegaanka ah oo aan la xiriirnay ayaa innoo sheegay in dagaalka uu muddo socday, isla markaana ay maqlayeen dhawaqa hubka ay is waydaarsanayeen labada dhinac, balse aysan caddeyn karin khasaaraha soo kala gaaray.

Saraakiil u hadashay ciidamada Itoobiya waxa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarka uga yimid Al-Shabaab, ayna ka dileen 5 xubnood, kuwa kalena ay ka dhaawaceen.

Sidoo kale Al-Shabaab oo qoraal soo saartay ayaa dhankooda guullo ka sheegtay dagaalka, waxayna sheegeen inay khasaare culus ku gaarsiiyeen ciidamada Itoobiya, ayna u gaysteen dhimaasho iyo dhaawac.

Ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijin kara sheegasha labada dhinac oo warar is khilaafsan kasoo saaray dagaalka, waxaana dhinac kasta uu sheegtay guul.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Itoobiya oo haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wada halkaasi.

Gobollada Baay Bakool ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab, waxaana sidoo kale kus ugan ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS, kuwaas oo iyaguna howlgallo ka sameeyay gobolladaasi.

Sawirro: Saalax Jaamac oo qabtay shir muhiim u ah qorshaha xukuumadda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey Hannaanka Qorista Qorshaha Isbeddelka Qaran iyo Muhiimmadda uu u leeyahay Xukuumadda.

Hannaanka qorista qorshaha isbeddelka Qaran waa geedi-socod muhiim ah oo Xukuumadda ka caawinaya in ay gaarto hadaf-yadeeda sare ee horumarineed ee lagu hagayo horumarinta dalka.

Waxaa la hubinayaa in dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada ay ka faa’iidaystaan qorshahaan, sida lagu cadeeyey bayaan ka soo baxay shirka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in Xukuumaddu ay sii wadayso dadaalka ay ku horumarineyso dalka.

Xukuumadda ayaa adeegsanaysa hannaanka qorshaha isbeddelka Qaran, si loo xaqiijiyo mustaqbal barwaaqo leh oo ammaan ah.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira dardargelinta Guddi hoosaadyadda heer Farsame iyo heer Wasiiro iyo diyaar garowga ku aaddan waxqabadka Xukuumadda oo labo sano jirsatay.

Daawo: SHARIIF oo weerar culus ku qaaday Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo goordhow shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa eedeyn culus u jeediyay madaxweynaha hadda talada haya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu horreyn Sheekh Shariif ayaa soo hadal qaaday xaaladihii ugu dambeeyay ee soo kordhay, sida dagaal beeleedyada iyo hubkii lagu boobay Caabudwaaq, isaga oo ku tilmaamay wax laga xumaado, maadaama ay halis ku yihiin dowladnimada dalka.

Shariif ayaa soo hadal qaaday ammaanka, dagaalka Al-Shabaab, arrimaha ciidamada iyo doorashooyinka dalka, wuxuuna sheegay in dhammaan laga gaabiyay.

Arrinta ciidamada waxa uu tilmaamay inuu socdo qorshe lagu burburinayo ciidanka Xoogga dalka, isla markaana la abuurayo ciidamo gaar ah oo dano laga leeyahay.

“Istarakjarka ciidanka oo la beddalo wuxuu muujinayaa in aan laga shaqeyneynin ciidan inuu dhismo oo laga shaqeynaayo awood gaar ah inay dad gaar ah gacantooda kusoo aruurto” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dowladda KMG ahayd ee dalka.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Dalkan Janaraalo ayaa soo xukumeen waqti dheer oo ciidanka gacantooda uu ku jiray dadka waxa ay ku joogi karaan waa cadaalad, nina inuusan ku fikirin inuu ciidan gaar ah diyaariyo hub gaar ah qaato si uu wax gaar ah ugu gaaro arrintaas waxaan u maleynaayay in laga soo gudbay maanta inay muuqato saa saankeeda wax aad iyo aad looga xumaado waayay”.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka, isaga oo ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu ka gaabiyay inuu dalka u jiheeyo doorashooyin, wuxuuna si gaar ah ugu eedeeyay inuu hortaagan yahay doorashooyinka maamullada.

“Waxaa nasoo gaartay in madaxweynuhu uu ku yiri Madaxda maamul goboleedyada ee xiligu ka dhammaaday iska jooga waxba doorasho ha gelinina, dowlad ka shaqeynaysa danaheeda gaarka ah intee na gaynaysaa?”. ayuu mar kale yiri.

Sheekh Shariif waxa kale oo uu ka hadlay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay in maanta dalka uu joogo meel halis ah, isla markaaa dib loo noqday.

“Amniga waxaan ognahay maanta Shabaab meesha ay joogeen waa ay kasii xoog badan yihiin, ummadda Soomaaliyeed kalsoonidii dhexdeeda taallay waa dhaawacantay” ayuu ku sii daray.

DF oo Ruushka u gudbisay dalab culus oo xaqiijinaya daacadnimada xiriirka Moscow

0

Moscow (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si weyn u danaynaysa in Ruushku uu safaarad rasmi ah ku yeesho magaalada Muqdisho.

Soomaaliya ayaa usoo jeedisay Ruushka in uu safaarad rasmi ah ka furto magaalada Muqdisho, sida laga soo xiganayo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Macallin Fiqi.

Ruushka oo 40 sanno kahor Muqdisho ku lahaa adeegga diblomaasiyadeed ee ugu weyn gobolka geeska Afrika iyo halka kaliya ee ku taalla badweynta Hindiya ee safaarad uu ku lahaa ayaa dhowaan soo bandhigay inuu doonayo sare u qaadista xiriirka Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii bishii May ee sannadkan uu Muqdisho soo booqday safiirka Ruushka ee Soomaaliya Danjire Mikhail Golovanov, kaasi oo aan degganayn magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Xukuumaddaha Muqdisho iyo Moscow ayaa muddooyinkii dambe waday dadaallo xoojinayo xiriirka labada dhinac, oo aan horumar weyn sameyn wixii ka dambeeyay markii kacaanku xiriirka u jaray Midowga Sofiyet 45 sano kahor.

Wixii markaas ka horreeyay Ruushka wuxuu xiriir dhow kala dhexeeyay Soomaaliya, iyada oo loo arkayay in uu yahay dalka ugu saameynta weyn ee qeyb libaax leh ku yeeshay dhismaha ciidankii burburay ee Soomaaliya.

Xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka ayaa u muuqda mid soo noqonaya, iyadoo bishii Maarso ee sanadkii hore uu wasiirka arrimaha dibeda ee Soomaaliya booqday Ruushka markaas oo kulan dhowr maalin qaatay kula yeeshay xukuumadda Moscow.

Sidoo kale Ruushka ayaa markaas ku dhawaaqay in dalkiisu diyaar u yahay in uu ciidamada Soomaaliya ku taageero qalab militari oo ka caawin kara dagaalka lagu la jiro kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, dalabka cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya u gudbisay Ruushka ayaa wax badan ka tari doona xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya Muqdisho iyo Moscow.

Daawo: Dharbaaxo kale oo ku dhacday Al-Shabaab kadib…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo Daraawiishta Jubbaland ee howlgallada ka wada gobolka Jubbada Hoose ayaa mar kale dharbaaxo kulul ku dhuftay kooxda Al-Shabaab, kadib howlgal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay aagga deegaanka Harboole ee gobolkaasi.

Ciidamada huwanta ayaa ka hortegay isku day kale oo ay doonayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab inay kusoo weeraraan deegaanka Harboole ee gobolka Jubbada Hoose.

“Khawaariijta oo isku dayay in ay weerar ku qaadaay Deegaanka Harboole ayaa sake markale Geesiyaasha Danab iyo kuwa Jubaland u dhigay cashar aysan kaso kabsan karin” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay taliska ciidamada Xoogga dalka.

Sidoo kale waxaa howlgalkan oo ka dhacay meel 12 KM u jirta deegaanka Harboole ayaa waxaa lagu dilay 7 xubnood oo ay ku jiraan horjoogayaal sar sare, sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysay howlgalka.

Waxaa kale oo ay ciidamada soo furteen hubkii ay wateen xubnaha la dilay, kaas oo loo soo bandhigay warbaahinta, isla markaana lagu baahiyay baraha bulshada.

Dhinaca kale madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo dhiirogelina ciidamada ayaa haatan ku sugan degmada Afmadow, isaga oo ku gaaray safar dhulka ah.

Axmed Madoobe ayaa waxaa soo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmada, isaga oo mid mid u gacan qaaday dadweynahii soo dhaweeyay.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa u tagay Degmada Afmadow dardar galinta howlgalada ay wadaan Ciidamada Jubaland iyo Ciidamada Xooga dalka kuwaas oo guulo wax ku ool ah laga gaaray maalmahii lasoo dhaafay.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Al-Shabaab lagu laayay dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Buulo-xaaji, kadib markii ay weerar kusoo qaadeen magaaladaas oo horay ay uga qabsadeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland.

Itoobiya oo u baroor-diiqeysa dadkii ugu badnaa oo uga…

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa shalay ku dhawaaqday saddex maalin oo baroor-diiq qaran ah, kadib markii la xaqiijiyay in 257 qof ay ku dhinteen laba dhul-go oo Axaddi iyo Isniintii ka dhacay koofurta Itoobiya.

Bayaan kasoo baxay baarlamaanka Itoobiya ayaa lagu sheegay in baroordiiqda loo sameynayo dhibanayaasha ay billaabmeyso maanta oo Sabti ah.

Guddiga Maareynta Masiibooyinka ee Itoobiya ayaa isna sheegay in ay si wanaagsan u socdaan howlaha samatabixinta iyo gargaarka bani’aadannimo.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa kuw arrantay, in guryaha dadki ku dhintay masiibada ay buuxiyeen dad murugeysan, si ay uga qeyb galaan ama u wadaacaan boqollaalka qof ee la meydadkooda laga soo saaray dhoobada hoosteeda.

Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Isku-duwidda Arrimaha Bani’aadannimada ee loo soo gaabsho OCHA, oo soo xiganeysa saraakiisha deegaanka ayaa sheegtay, in duufaanno ka dhashay roob xooggan uu sababay dhul go’a ka dhacay tuulada yar ee Kencho Shacha Gozdi.

Waxay ka digtay in tirada dhimashada ay sii kordhi karto.

Waa tiradi ugu badneyd oo dhul go’ ugu dhimata dalka Itoobiya, iyada oo ay wali sii socdaan howlaha gurmadka.

Jabuuti iyo Faransiiska oo kala saxiixday heshiis militeri oo xasaasi ah

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo dhiggiisa Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku heshiiyey in dib loo cusboonaysiiyo iskaashiga dhanka difaaca ee labada dal, kadib wadahadallo laba sano socday.

Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Faransiiska, waxay saxiixeen heshiis ku saabsan dib u habeynta heshiiska difaaca oo ay ku mideysan yihiin Faransiiska iyo Jabuuti.

Heshiiskan oo lagu saxiixay madaxtooyada Fransiiska ayaa ah mid quseeya qaabkii loo maareyn lahaa 1,500 oo askari oo Faransiis ah oo fadhigoodu yahay dalka yar ku yaalla bariga Afrika.

Heshiiskan ma aha mid cusub ee waa heshiis ay labada dowladood dhowr mar oo hore dib u soo cusbooneysiiyay.

Heshiiska difaaca ayaa markii ugu horreysay la saxiixay 1977-kii markaasoo Jabuuti ay xorriyadda ka qaadatay Faransiiska , waxaana dib loo cusbooneysiiyay 2011-kii.

Dalku waxa uu ku yaalaa meel ka soo u dhaw dalka Yemen, una dhow badda cas, halkaas oo qayb weyn oo ka mid ah ganacsiga caalamiga ah ee Aasiya iyo Galbeedka uu mara.

Ciidamada Faransiiska ayaa dhawaan xiray saldhigyo ciidan oo ku yaala Mali iyo Niger ka dib afgambiyo militari oo ka dhacay labada dal, laakiin marnaba ma dhicin su’aal ah inay ka tanaasulaan Jabuuti, oo ah saldhigga ugu weyn ee Faransiiska ee dibadda.

Heshiiskan iskaashiga militari ee Jabuuti iyo Faransiiska ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan ay dalalka Soomaliya iyo Turkiga ay ka saxiixdeen heshiis iskaashi militari ah.

Dalka Jabuuti oo ah dal yar oo xasilooni ay ka jirto Islamarkana ku yaalla gobol ay daganaashiyo la’aan ka jiro ayaa waxaa saldhigyo militari ku leh dalal kala duwan.

Jabuuti waxa ay martigelisaa saldhigga milatari ee ugu weyn ee Maraykanku ku leeyahay Afrika, Camp Lemonnier, kaas oo ay ku nool yihiin in ka badan 4,000 oo shaqaale ah oo badankood ay askar yihiin.

Daawo: Cali Guudlaawe oo u bareeray inuu hortago reer Hiiraan oo diidan maamulkiisa

0

Moqokori (Caasimada Online) –Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa safar ku maraya deegaanada maamulkaas, wuxuuna maanta gaaray degmada Moqokori ee Gobalka Hiiraan, waxaana xusid mudan in Hiiraan laga diidanaa xukunka Cali Guudlaawe.

Safarka uu ku tegay Moqokori waxaa ku wehliya Madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle Yuusuf Dabageed oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan, waxaana si weyn u soo dhoweeyey Guddoomiyaha iyo shacabka degmada Moqokori.

“Sida aad la socotaan waxaan degmo ka dhignay Moqokori, kadib markaan ka xoreynay Khawaarijta, waadna u dhabar adeygteen miraha dowladnimada ee aad guraneysaan,” ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Maalmihii lasoo dhaafay Cali Guudlaawe ayaa socdaal shaqo ku marayay degmooyin ka tirsan Gobalka Shabeellada Dhexe, waxaana uu uga sii gudbay Gobalka Hiiraan, halkaas oo tabasho xoog leh ay ka jirto.

Madaxweynaha ayaa mudada uu joogo degmada Moqokori waxa uu xariga ka jari doonaa mashaariic horumarineed oo ay ka hirgelisay Dowladda Goboleedka Hirshabeelle, waxana uu ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay degmada Moqokori.

Beesha Xawaadle oo degta Moqokori iyo inta badan deegaanada kale ee gobolka Hiiraan ayuu Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe ku dhiiraday inuu hortago.

Beesha Xawaadle ayaa diidan gabi ahaanba inay kasii mid noqdaan maamulka HirShabeelle, waxayna kol sii horeysay ku dhawaaqeen maamul kale oo ay ugu magac-dareen Hiiraan State.

Cali Guudlaawe ayaa qorsheynaya in safarkaan uu ku tago degmooyin kale oo muhiim ah oo beesha Xawaadle ay degto, sida Beledweyne, Maxaas, Buulburde, degmooyin iyo deegaano kale, waxaana safarkaan madaxweynaha ku riixaya ku xigeenkiisa Cali Guudlaawe.

Hoos ka daawo

Sawirro: Axmed Madoobe oo maanta ku safray waddo halis ah, gaareyna…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta ku safray wadada isku xirta magaalooyinka Kismaayo iyo Afmadow.

Wadadan oo dhawaan ay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland isku fureen, kana sifeeyeen Shabaab-kii ku sugnaa ayaa maanta waxaa maray Axmed Madoobe booqasho ku tagay Degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose.

Qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmada ayaa madaxweynaha kusoo dhaweeyay bartamaha Magaalada isagoo mid mid u gacan qaaday dadweynahii soo dhaweeyay.

Madaxweynaha ayaa u tagay degmada Afmadow dardar-galinta howl-galada ay wadaan ciidamada Jubaland iyo ciidamada xooga dalka, kuwaas oo guulo wax ku ool ah laga gaaray maalmahii lasoo dhaafay.

Maalin kahor ayey aheyd markii uu madaxweynaha Jubbaland booqasho ku tegay deegaanka Buulo-xaaji oo uu dhawaan ka dhacay dagaal lagu jabiyay Al-Shabaab, isaggo dhiirogeliyay ciidamada ku sugan halkaas ee jilibka u dhigay dagaal-yahaanada kooxda ee weerarka soo qaaday.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in jab wayn la gaarsiiyay Al-Shabaab, islamarkaana xubno isugu jiro Soomaali iyo Ajaaniib looga dilay dagaalladii ka dhacay Jubbada Hoose. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kooxda ay la kulantay arrin aysan fileyn oo u horseeday guul darro.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in kooxda ay hadda qorsheyneyso aar-gudasho, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in loo diyaar garoobo si ka duwan sidii hore.

Sidoo kale wuxuu hoggaamiyaha Jubbaland dalacsiiyay ciidamadii guusha keenay, isaggoo bilado geesinimo ah guddoonsiiyay saraakiishii ku hoggaamisay dagaalladii adkaa ee ay la galeen maleeshiyaadkii la laayay ee kooxda Al-Shabaab.