26.4 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Xildhibaan Hindi ah oo si weyn ugu gefay Soomaaliya

0

Mumbai (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka India oo lagu magacaabo Raghav Chadha ayaa tusaale xun usoo qaatay Soomaaliya xilli uu khudbad ka jeediyay golaha.

Raghav ayaa sheegay in muwaadiniinta India ay canshuurta u bixiyaan sida Ingiriiska oo kale, ayna helaan adeeg liita oo lamid ah kan Soomaaliya.

“Muwaadiniinta India sidii kuwa Ingiriiska ayey canshuurta u bixiyaan, haddana waxay helaan adeeg lamid ah midka dadka ku nool Soomaaliya,” ayuu yiri Raghav Chadha oo si weyn u dhaliilsan adeega ay bixiso dowladda India.

Xildhibaanka oo si weyn u dhaliilsan xadiga canshuurta ay qaado iyo tayada adeegyada ay bixiso ayaa tusaalaha foosha xun usoo qaatay Soomaaliya, oo lagu tiriyo waddamada ay madaxdeedu ka shaqeystaan ee aysan u shaqeyn bulshadooda.

Soomaaliya oo in ka badan 30 sano kusoo jirtay fowdo, nidaam la’aan iyo colaado, ayaa adduunka u noqotay tusaale xun, ayada oo horey sidan oo kale madax kala duwan tusaaleyaal fool xun ugu soo qaateen dalkeenna.

Trump, madaxweynihi hore ee Mareykanka ayaa la xasuusta Trump in Soomaaliya uu horer ugu tilmaamay wadamada ugu halista badan caalamka, islamarkaana ah gunta argagixisada.

Halka Museveni oo ah madaxweynaha Uganda ayaa isna kamid ah madaxda caadiyeystay inay Soomaaliya u soo qaatan tusaalayaasha ugu xun-xun, oo liidid ah. Falalkan aan garowshiyo lahayn ayaa sharaf-dhac ku ah sharafta dowladda Soomaaliya iyo guud ahaan dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Hab-dhaqanka dowladda Xasan Sheekh oo laga digayo inuu caawiyo dhinac halis ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aad u qaabeyso xukunkaaga ayaa dhalin karta jaceyl ama naceyb, kalsooni ama kala shaki bulsho.

Haddii qofka madaxda ah uu la yimaado qorshe xumo, eex siyaasadeed ama qabyaalada qoysaysan dhaxalku waa niyad jab shacab, waxaana dhici karta in dadka si buuxda uga horyimaadan qofka xukunka haysta ama inay taageeraan fikrado kale oo halis ah.

Xasan Sheekh Maxamuud oo xukunka Soomaaliya laba jeer qabtay ayaa weli lagu eedeynayaa musuq, qabyaalad iyo maamul xumo.

Xildhibaan Xuseen Dhagaweyne oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya wuxuu asbuucan ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh iyo maamulkiisa hoggaan xumo, qorshe xumo, cadaalad darro iyo eex.

Wuxuu sheegay in dhaqamadaasi ay yihiin kuwo u daneynaya ama caawinaya argagixisada.

Xildhibaan Dhagaweyne oo kasoo jeeda degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya oo kamid ah goobaha ay weli haysato argagixisada oo wax laga weydiiyay sababta dhulkaasi loo xoreyn waayay ayaa sheegay in sida dagaalka loo hoggaamiyay oo qaldaneyd inay keentay in cadowga laga xoreyn waayo deegaanadaas.

Wuxuu ku baaqay in hoggaanka Xasan Sheekh uu is hagaajiyo si dalka loo hagaajiyo. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ereyo toosin ah ka helay labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, tan iyo markii uu furmay kal-fadhigga 5-aad ee baarlamaanka.

Laakiin Villa Somalia waxay dhaliilahaasi u taqaana duullaan siyaasadeed. Qofkasta oo madax looga dhigo Soomaaliya waxaa laga rabaa cadaalad iyo sinaan bulsho, inuu amaanada ilaaliyo oo xoolaha dadka la boobin iyo in uusan uga sii darin xaalka oo aanay dadka dooran duul qaldan sida argagixisada.

Marka aad soo qaadato ereyada cadaalad, sinaan, ammaano iyo hufnaan maamul oo aad ku fiiriso nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh waxaa kusoo baxaya is-diidooyin badan iyo niyad-jab.

Laakiin madaxweynaha weli wuxuu haystaa waqti uu dalka ku badbaadin karo, niyada shacabka kusoo celin karo, waana haddii uu hagaajiyo maamulkiisa oo eexda iyo musuqa wax laga qabto, mudnaana la siiyo dowlad wanaaga iyo dad isku haynta.

Kamala Harris oo heshay taageero horleh iyo wararkii ugu dambeeyay doorashada

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama iyo marwadii koowaad ee hore Michelle Obama ayaa ku taageeray Kamala Harris doonisteeda Aqalka Cad, taasi oo siisay madaxweyne ku-xigeenka taageerada la filayo balse weli muhiimka ah ee labada qof ee ugu caansan xisbiga Dimoqraadiga.

Taageerada ayaa subaxnimadii Jimcaha lagu shaaciyey muuqaal muujinaya Harris oo aqbaleysa telefon ay u soo direen Barack iyo Michelle Obama, xilli ay dhiseyso dardarta ay ku noqoneyso musharraxa xisbigeeda.

Tani waxay ka dambeysay kadib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu Axaddii ku dhowaaqay inuu ka haray isku daygiisa dib u doorasho, kuna dhowaaqay inuu taageerayo in ku-xigeenkiisa ay la tartanto musharraxa Jamhuuriga Donald Trump.

“Waxaan u wacay in aan ku dhaho, aniga iyo Michelle ma jirto wax nooga farxad badan in aan ku taageerno oo aan sameyno wax walba oo aan awoodno si aan kaaga caawino doorashadan oo aad u gasho Xafiiska Oval,” madaxwaynihii hore ayaa sidaas u sheegay Harris, oo muuqaal lagu muujiyey iyada oo qabaneysa taleefonka.

Michelle Obama ayaa iyana tiri “Kuma soo wici laheyn aniga aan ku dhaheyn, gabadheyda Kamala, aad ayaan kuugu faanaa.”

“Tani waxay noqon doontaa taariikh,” ayey ku dartay.

Harris, oo aqoon u laheyd labada Obama ka hor tan iyo doorashadoodii 2008, ayaa uga mahad celisay saaxiibtinimadooda, waxayna sheegtay inay rajaynayso inay “halkaas gaarto, oo ay waddada hayso” ayna kala qeyb galaan saddex bil oo olole doorasho ah, ka hor 5-ta November.

Sida ay shaacisay wakaaladda wararka AP, Harris ayaa horey u xaqiijisay taageerada ergo ku filan kahor Shirweyaha Qaran ee Dimoqraadiga oo 19-ka August ka dhacaya Chicago.

Guddiga Qaran ee Dimoqraadiga ayaa qaban doonaa codeyn hab fogaan arag ah taasi oo la filayo in ka hor 7-da August ay xaqiijiso in Harris ay noqoto musharraxa rasmiga ah ee xisbiga.

DF oo mamnuucday in Soomaaliya la keeno…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in aan dalka la keeni karin daawooyinka loo isticmaalo maandooriyaasha, kuwaasi oo muddooyinkii dambe soo badanayay.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka Maxamed Xasan ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay sidii loo joojin lahaa daawooyinka aan laheyn nidaamka iyo habraacyada sharci ee ay wasaaradda ugu tala-gashay qaabka ka ganacsiga adeegyada daawooyinka.

“Haddii waddo qaldan dalka lagu soo geliyo daawo qaldan waxaan ku qasbanahay in aan wax ka qabanno halista ay wajahayaan dadkeenna,” ayuu yiri wasiirka, oo hoosta ka xariiqay in ganacsiga dawooyinka ay noqdaan kuwo waafaqsan sharciyada dalka.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in laga waantoobo iibka daawooyinka aan tayada laheyn, kuwa dhacay iyo maandoooriyaasha intaba, “ha laga digtoonaado daawooyinka liita iyo kuwa sida qaldan loo isticmaalo.”

Wasiirka oo ka qeyb-galay kulanka todobaadka warbaainta qaranka ayaa dhanka kale waxa uu tilmaamay in lagu baxay dowlad ahaan cudur la sheegay in uu ka dillaacay gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasi oo loo yaqaanno cudurka Gowracatada.

Waxa uu sheegay in cudurkaasi ay illaa hadda u dhinteen laba ruux, halka laga daaweynayo illaa 21 qof, isaggoo calaamadooyinkiisa uu ku tilmaamay dhuun xiran, beef qabatoow iyo tabar-yari.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in adeeg caafimaad oo buuxa laga hirgeliyay deegaanadii laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ay dowladda dib u dayactir ku sameysay isbitaallo muddo xirnaa, lana gaarsiiyay gawaarida caafimaad ee qalabkooda u dhameystiran yahay.

Villa Somalia oo xog ka bixisay ciidamo cusub oo Turkiga usoo dirayo Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Xasan Sheekh oo faah-faahin ka bixiyay ciidamada Turkiga usoo dirayo Soomaaliya ayaa sheegay inay daba socoto heshiiskii difaaca ee dhawaan gaareen labada dal.

Xuseen ayaa sheegay in ciidamada Turkiga ee Muqdisho imaanaya ay door weyn ka qaadanayaan dhismaha ciidanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa badda, sida ay horey ugu heshiiyeen dhinacyada.

“Ciidamada imaanaya waa ciidamadii badda noo dhisi lahaa, oo heshiiskii dhaqaale ee la kala saxiixday fulinteeda qeyb ayey ka tahay,” ayuu Xuseen Macalin ku yiri wareysi uu siiyay VOA.

Waxa uu intaas kusii daray “Qaabka ay u hawl-gali doonaan, sida ay u hawl-geli doonaan iyo goobta ay ka hawl-geli doonaan waa wax aan weli la guda-gelin, laakiin in heshiiskii la bilaabo oo la hirgeliyo si howshii dhaqaale iyo milatari isku mar bilowdaan.”

Ciidankan oo la sheegay inay milatariga ka imaan lahaayeen ayuu madaxweynaha Turkiga u jeediyay in loo daabulo si ay u caawiyaan maraakiibta sahanka shidaalka ka sameynaysa Soomaaliya.

Inkasta oo bilowgii sanadkaan heshiis wayn ee difaac iyo dhaqaale ay wada saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga, ayaa haddana dhawaan waxay dowladda federaalka Soomaaliya heshiis baaris shidaal ah la saxiixatay dowladda Turkiga.

Heshiiskan ayaa dhigaya in Turkiga uu shidaal ka baari doono saddex aag oo ku yaalla gudaha biyaha Soomaaliya, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadol.

Heshiiskan ayaa wuxuu xaquuq qaas ah u siinayaa Turkiga inay hydrocarbon oo ah shidaal iyo gaaska dabiiciga ah ka baarto kadib kasoo saarto saddex aag oo kiiba yahay 5-kun kilomitir oo isku wareeg ah, sida uu sheegay wasiirka Tamarta iyo Macadanta ee dalka Turkiga Bayraktar.

Labada ka mid ah aagagga ayaa waxay 50 kilimitir loo galayaa badda, halka mid ka mid ahna uu gudaha badda loo aadayo ilaa 100 kilomitir.

Si kastaba, Turkiga ayaa sida uu qorshuhu yahay bisha Sebtember ee sanadkan samayn doona sahaminta shidaalka goobihii lagu heshiiyey inay shaqada shidaalka ka qabtaan Soomaaliya.

Somaliland oo ogolaatay arrin ay muddo diidaneyd oo la xiriirta SSC-Khaatumo

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa markii u horreysay shaacisay inay diyaar u tahay in wada-hadal la furto hoggaanka gacanta ku haya Laascaanood, kaas oo salka ku haya maxaabiistii lagu kala qabsaday dagaalkii labada dhinac.

Wasiirka arrimaha guddaha Somaliland Maxamed Kaahin oo la hadlay BBC ayaa ku dhowaaqay arrintaan, isaggoo sheegay in xukuumadiisu ay diyaar u tahay in wadaxaajood laga furo arrinta maxaabiiista.

“Somaliland maxaabiista meel fiican ayay ka taagan tahay, markastana waxay diyaar u tahay si nabad-galyo ah oo aan shuruudo lahayn in arrinta maxaabiistaa dhinacyadu uga wada-hadlaan,” ayuu yiri wasiir Kaahin.

Sidoo kale wuxuu xusay in wada-hadalka dhinacyada ay wax ka bilaaban yihiin laakiin ay wali qabyo badani ku jirto, sidaas darteedna aan la sheegi karin waqti rasmi ah oo xal laga gaari karo arrinta maxaabiista, oo muddo ku kala xiran Hargeysa iyo Laascaanood.

Somaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa maxaabiis ku kala qabsaday dagaalkii Laascaanood, illaa haddana ma jiro wada-hadal rasmi ah oo lagula kala wareegayo maxaabiista, marka laga imaado daadallada hoose ee Somailand shaacisay.

Horey, SSC-Khaatumo ayaa shuruud uga dhigtay sii deynta maxaabiista Somaliland ee gacanta ku hayaan illaa inta laga gaarayo heshiis nabadeed buuxa, mana cadda inay taas aqbashay xukuumadda Somaliland.

Somaliland ayaa dhankeeda dhowr jeer SSC-Khaatumo ku eedeysay in si arxan darro ah ula dhaqantay maxaabiista gacanta ku hayaan, halka taasi bedelkeeda ay SSC sheegtay in maxaabiistaas si wanaagsan loola dhaqmo, iyada oo u ogolaatay inay booqato hay’adda ICRC.

La-taliyaha madaxweynaha: Somalia kuma tala-galeyso in dalkeeda loo difaaco ee…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – La-Taliyaha amniga qaranka Xuseen Macalin oo ka hadlay heshiisyada difaaca ee Soomaaliya la gasho dalalka saaxiibka la’ah ayaa si cad u sheegay in dowladda marnaba ku tashaneyn in dalkeedda loo difaaco ee ay dooneyso sidii loogala shaqeyn lahaa middaasi.

Xuseen Macalin oo wareysi siiyay VOA ayaa meesha ka saaray in uu jiro qorshe ay dowladda Masar ciidamo ugu soo direyso Soomaaliya, isaggoo sheegay in xukuumadda Qaahir ay ka qeyb qaadaneyso sidii ciidamada Soomaaliya lugahooda ugu istaagi lahaayeen.

“Qorshe Soomaaliya ay ciidamo noogu soo direyso majirto, heshiisyada difaaca waa heshiisyo regular ah oo dowladdaha saaxiiabada nahay la wada galno. Soomaaliya kuma tala-galeyso in dalkeeda loo difaaco,” ayuu yiri La-taliyaha amniga qaranka.

“Muhiimka waxay tahay dalalka aan la saaxiibayno waxaa kula saaxiibaynaa in kartidii Soomaaliya lagu difaaci lahaa qeyb ka noqdaan oo ciidamada Soomaalida ay u difaacan lahaayeen Soomaaliya.”

Dhawaan golaha wasiirada Soomaaliya ayaa ansixiyay heshiiska difaac ee ay wada gaareen dalalka Soomaaliya iyo Masar, xilli ay taagan tahay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, oo sidoo kalena ay is-hayaan Masar.

Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ayaa tan iyo markii uu soo baxay is-afgaradka badda ee Itoobiya iyo Somaliland oo ah xad-gudub ka dhan ah Soomaaliya garab istaag weyn u muujisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Dowladda Masar ayaa sida muuqata heshay garabka Soomaaliya, maadaama ay labada dal noqdeen isku cadow, kaasi oo ah dowladda Itoobiya. Masar iyo Itoobiya ayaa isku haya biyo xireenka wabiga Nile, ayaga oo ku sigtay inay xaaladoodu gaarto gacan ka hadal.

Fahad oo Xasan Sheekh u jeediyey eedeyn yaab leh oo PUNTLAND ku saabsan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee hey’adda NISA Fahad Yaasiin ayaa soo saaray qoraal uu ku dhaliilay Xasan Sheekh oo ka aamusay doorashooyinka ka socda Puntland, maalmihii lasoo dhaafay Puntland waxaa ka dhacay doorashooyinka golaha deegaanka oo hanaan qof iyo cod ah loo qabtay.

Fahad Yaasiin ayaa su’aal ka keenay sababta Xasan Sheekh oo ku celcelinaya in doorasho qof iyo cod ah uu qabanayo uu uga aamusan yahay doorashooyinka ka socda Puntland oo hanaan qof iyo cod ah ku socda.

Hoos ka akhriso qoraalka uu Fahad Yaasiin ku dhaliilay Xasan Sheekh:

Madaxweyne Xasan Sheekh, laba sanadood iyo dheeraad oo uu xukunka joogo wuxuu meel walba iyo goor walba la taagan yahay dalka waxaan ka hirgalinayaa doorasho qof iyo cod ah.

Shacabka iyo maamulka Puntland waxay qabsadeen doorasho qof iyo cod ah, haddana, Madaxweynaha dalka waa u quuri la’yahay reer Puntland hambalyo iyo boogaadin inuu hawada u mariyo.

Waxaan rabaa doorasho qof iyo cod ah inay dalka oo dhan ka qabsoonto, haddana Puntland uma ogoli, haday qabsadaanna kuma boogaadinayo oo waan ka aamusayaa!

Madaxweynaha Jamhuuriyadda waa inuu is waafajiyo hankiisa iyo hadafkiisa.

Villa Somalia oo shaacisay sida keliya ee ciidanka Itoobiya kusii joogi karaan dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – La-Taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin Maxamuud ayaa shaaciyay sida keliya ee ciidanka Itoobiya uga sii mid ahaan karaan howl-galka Midowga Afrika, oo gudaha Soomaaliya ay xilligaan ku joogaan.

Xuseen ayaa sheegay in ciidanka Itoobiya ay dalka kusii joogi karaan, ayada oo xukuumadda Abiy Axmed ka laabato xad-gudubka ay kula kacday Soomaaliya, taas oo ka dhigan “ka laabashada is-afgaradkii badda ee Somaliland.”

La-taliyaha amniga qaranka oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa waxa uu si cad u sheegay in ciidanka Itoobiya ay Soomaaliya sii joogi karin inta ay weli dowladda Itoobiya ku taagan taha heshiiskaasi, oo si weyn uga carootay dowladda federaalka Soomaaliya.

“Inta is-afgaradka xaaranta ahaa ay dowladda Itoobiya ku taagan tahay qeyb kama noqoneyso ciidanka Afrikaanka ah ee howl-galka gali doono,” ayuu yiri La-taliyaha amniga qaranka Xuseen Macalin.

“Laakiin go’aankaas wuxuu isku beddeli karaa inay ka noqdaan howshaas. Howsha ka noqoshadeeda iyo dadaalkeeda waa howl socota oo dowladda Turkiga ay dhex-dhexaadinteeda wado, haddii lagu guuleysto inta uusan waqtiga naga dhamaan fursad ayay u heli doonaan in ay nabad ilaaliyaal noqdaan.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay go’aankan si rasmi ah ugu wargelisay dhinacyada ay khuseyso ee Itoobiya, ayna weli furan tahay xal ka gaarista arrintaas.

“Inta ay khuseyso rasmi ahaan waa ogyihiin, laakiin waqti howshaas lagu xaliyo ayaa weli furan,” ayuu yiri Xuseen Macalin oo sheegay in weli ay Itoobiya haysato fursad ay uga mid noqon karto howl-galka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa si weyn usii kala fogaaday kadib heshiiskii 1-da Janaayo ee sanadkaan ay magaalada Addis Ababa ku gaareen ra’iisul wasaare Abiy Axmed iyo madaxweyne Muuse Biixi, kaasi oo Itoobiya loogu saxiixayo qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, midaasi oo ganafka ku dhufatay dowladda dhexe, maadaama uu xad-gudub ku yahay madax-banaanida iyo midnimada dalka.

Tirada dhimashada ee dhul-go’ii Ethiopia oo sii korortay

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaysa tirada dadka ku dhintay dhul-go’ii ka dhacay dalka Ethiopia.

Sida ay shaacisay Qaramada Midoobay tirada dhimashada ayaa haatan kor u dhaaftay illaa 257, waxana lagu qiyaasayaa inay gaadhi karayso illaa 500 oo qof.

Kooxaha gurmadka deg-degga ah ayaa weli wada baadigoob iyo sidii ay u heli lahaayeen dad ka badbaaday masiibadan.

Waxaana goobta mashaqadu ka dhacday soo gaadhay kumanaan qof, kuwaas oo ay qaarkood adeegsanayaan gacmahooda ama qalab yaryar oo ay ku qodayaan dhulka.

Solomon Tsoma ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in 13 qof oo ka mida qoyskiisu inay ku geeriyoodeen dhul-go’an, oo ay ku jiraan toddoba caruura oo uu adeerkiis uu dhalay, wuxuunta intaas ku daray inay heleen meydadka 12 ka mida.

Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNOCHA ayaa sheegtay in tirada dhimashadu ay kor u sii socoto ayna gaadhi karto illaa 500 oo qof.

Khasaaraha xooggiisa ayaa dhacay Isniintii, kadib marki dad gurmad ahaan ugu yimid badbaadinta dhibanayaashi ku waxyeelloobay dhul go’i koowaad uu ku dul habsaday dhul go labaad.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa sheegay in uu aad uga xumaaday khasaaraha ba’an ee soo gaaray dadka, isaga oo intaasi raaciyay in ay goobta u direen saraakiil heer federal ah, si loo yareeyo saameynta masiibada.

Diyaaradaha dagaalka Ruushka oo lagu arkay xuduudda Mareykanka

Washington (Caasimada Online) – Maraykanka ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Ruushka iyo Shiinuhu inay ku soo dhowaadeen xuduudda hawada sare ee Maraykanka gaar ahaan agagaarka xeebaha gobolka Alaska.

Xoghayaha difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin ayaa u sheegay saxaafadda in wararka sheegaya in diyaaradaha Ruushka iyo Shiinaha ee lagu arkay meelo u dhow xeebaha Maraykanku in aanay ahayn wax lala yaabo, islamarkaana aanay haatan jirin khatar deg-deg ah oo ay ku hayaan amniga Maraykanka.

Xoghayaha ayaa sheegay inay leeyihiin awood ciidan oo ku filan oo ay ku ilaalin karaan ammaanka Maraykanka.

Waxa uuna intaas ku daray inay si dhow ula socdeen diyaaradahan, islamarkaana ay ka hortageen ciidamada Maraykanku, taas oo muujinaysa in ciidamada Maraykanku ay heegan ku jireen.

Waxa uu sheegay in haddii diyaaradaha Shiinaha iyo Ruushku ay mustaqbalka dhow sameeyaan duulimaadyo kuwan la mid ah, in ciidamada Maraykanku ay diyaar u yihiin.

Taliska difaaca hawada sare ee Maraykanka ee qaabilsan dhinaca woqooyi ayaa Arbacadii la wadaagay masuuliyiinta Maraykanka, inuu jiro dhaqdhaqaaq ay wadaan diyaaradaha Ruushka iyo Shiinuhu.

Taliska difaaca hawada sare ayaa sheegay inay dabagal ku sameeyeen labada diyaaradood, kuwaas oo ku soo xadgudbay aagga aqoonsiga difaaca hawada ee Maraykanka ee ADIZ.

Somaliland oo digniin adag u dirtay Turkiga kadib qorshe culus oo soo kordhay

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somalilanad ayaa digniin u diray dowladda Turkiga oo qorsheyneysa inay Markab u soo diraan xeebaha Soomaaliya, kaas oo ilaalinaya sidoo kale sahmin shidaal ka samey doona badda Soomaaliya, sida ku cad heshiiskii dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Heshiiska ay ka carootay Somaliland ayaa dabo-socday is-afgaradkii Somaliland iyo Itoobiya ay galeen bilowgii sanadkaan, kaas oo qeyb ka mid ah badda Soomaaliya loogu saxiixay Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin oo wareysi siiyay BBC ayaa ka hadlay qorshaha Turkiga ee Soomaaliya ayaa yiri, “Dowladda iyo Shacabka Somaliland raali kama ahan dhaqdhaqaaqa Turkiga ee Soomaaliya.”

Wasiirka ayaa uga digay Turkiga in badda Somaliland ay soo galaan, “Talaabo ayaan qaadi doonaa hadii Turkigu ku soo xadgudbo badeena, hadhow ma yeeli doono Soomaaliya ayaa na qaladay,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in shuruucda caalamiga ah ay la tiigsa doonaan Dowladda Turkiga, hadii aysan ka waantoobin dibindaabyada Somaliland ee dowladda federaalka ay kala shaqeyneyso, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale Wasiirka ayaa ka hadlay weerar kooxda Xuutiyiintu ay ku qaadeen markab Soomaaliya u rarnaa oo dib ugu noqday Dekeda Berbera.

“Anagu waxaan ku dadaalnay oo ku guuleysanay in badeena amnigeeda aan sugno, khatar badan hadda ma jirto waxaana rajeynaa in dhibaato aysan ka dhici doonin biyaha Somaliland,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Kaahin.

Somaliland ayaa u muuqata inay cabsi badan ka muujineyso maraakiib ay dowladda Turkiga u soo direyso badda Soomaaliya, qeybaha ugu daran ee Itoobiya ay ka ilaali doonaan waa badda Somaliland, maadaama qeyb kamid ah loo saxiixay Turkiga.

Wasiirkii Soomaaliga ahaa ee waardiyaha ka noqday dalka Mareykanka

Nairobi (Caasimada Online) – Burburkii dowladdii dhexe ee dalka, dadka Soomaaliyeed waxay waayeen waxkasta oo ku tiirsanaa dowladnimada sida sumacadii, aqoonsigii dibloomaasiyada iyo xurmadii ummadnimo ee dadyowga dunidu u hayeen.

Dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay waxay meesha ka saareen maqaamkii iyo mansabkii uu lahaa qof xil hayey waxkastana waxay u ekaadeen jaantaa rogan iyo in qofkastaa naftiisa la baxsado.

Madaxdii dowladdii kacaanka ee xukunkeedu burburay waxay darrajo ahaan la mid noqdeen intoodii badnayd dadkii shacabka ahaa ee ka cararay colaadda iyagoo qoysaskoodii ula firxaday dalalka dunida iyo kuwa dariska la ah Soomaaliya.

Qaar iyaga ka mid ahaa madaxdii dowladaas ayaa dalal ay saaxiib la ahaayeen ka lehay deganaansho siyaasaddeed iyo magangalyo bini’aaddanimo.

Dadka xilkii iyo xasaanadiii ay lahaayeen aysan dalalkii qurbaha ee ay tageen waxba ugu goyn waxaa ka mida guddoomiyihii ururada shaqaalaha Soomaliyeed oo isaga iyo saaxiibadiis badani ay degganaansho ka heleen dalka Maraykanka.

Wasiirkii waardiyaha noqday

Dhammaadkii sagaashamaadkii, isaga oo ku maqan aqoon kororsi waxbarasho oo ku joogay dalka Maraykanka ayaa dalku galay xaalad fowdo ah iyo dagaalo sokeeye ah.

Maxamed Faarax Ciise Gaashaan, wuxuu ka mid ahaa masuuliyiin ka tirsanaa dowladdii Kacaanka ee uu hogaaminayey Jeneral Maxamed Siyaad Barre kuwaas oo waxbarashada heerka labaad u aaday jaamacad ku taalla dalka Maraykanka.

Isagoo ku guda jira waxbarashadiisa Jamacadeed, qorshihiisu yahay inuu dib ugu soo laabto Soomaaliya ayuu qarxay dagaalkii sokeeyee ee dalka bilowgii sagaashameyadii

Wuxuuna ka dib ku nagaaday Maraykanka isagoo xoogga saaray sida uu BBC-da u sheegay inuu shaqo helo si qoyskiisii oo Soomaaliya ku sugnaa uu wax u taro.

“Waxaan bilaabay inaan shaqo raadsado, arjigaygii ayaan u kala diraa tobbanaan meelood oo an shaqooyinka ka codsanayey, warqadahayga codsiga waxaan ku qoraa dhammaan waxaan xilal soo qabtay, aqoontayda iyo waayo aragnimadayda, muddo sanad ah ayaan dirayey codsiga cidna iima soo jawaabin” ayuu yiri Gaashaan.

Wuxuu sheegay in markii muddadaas uu waayey wax jawaaba oo laga siiyo dalabkii shaqo doonka in maalin danbe uu nin Ajnabi ah oo madax ka ahaa meelo uu shaqo doontay uu tusiyey CV-giisa balse uu kala kulmay jawaab la yaab lahayd.

“Ninkii intuu saa u eegay warqadahaygii codsiga shaqada ayuu igu yiri qofna leh aqoontaan iyo waayo-aragnimadan, mushaarkiisu waa 80 kun oo dollar aniguna ma hayno xitaa anigu ma qaato, wuxuu intaa ii raaciyey waxaa tahay “Over Qualified” ayuu intaas raaciyey.

Gaashaan, wuxuu sheegay in maalintaas k adib uu beddelay nidaamkii uu u dalbanyey shaqooyinka oo uu ka dhigay inuu kaliya bowsaday luuqada Ingiriiska oo uu meesha ka saaray xilalkii, aqoonti iiyo waayo-aragnimadiiba.

Wuxuu tilmaamay in codsigii danbe shaqada ku codsaday uu ahaa mid ku siman xoogsi ka dina uu helay jawaab uga timi laba shirkadood oo dalab shaqo uu u dirsaday.

Waxaa markan soo aqbashay xarun laga dukaamaysto oo doonaysay qof ka mid noqda waardiyaasha xaruntaas.

“Waxay igu yiraahdeen waardiyaan ku haynaaye ee ma qaadanaysaa, haa ayaan ugu jawaabay waana qaatay, imtixaan yar ka dib waxaa ka iii qaatay shaqadii, waxaa lay xiray shaati cad iyo surweel madow, waxaana lay dhiibay raadyaha lagu xiriiro ee hallow hallowga la yiraahdo” ayuu yiri Maxamed Faarax.

Wuxuu sheegay in isagu ku faraxsanaa shaqadiisa balse u maalin isagoo ku sugan halkii uu waardiyaha ka ahaa ay isha ku dhufatay gabar taqaanay bargii uu wasiirka ka ahaa dowladdii kacaanka

“Alla ba’ayeey ma wasiirkayagii baa sidan alle u galay ayey tiri gabdhii ayuu yiri Gashaan. “Waan u yeeray ka dibna waxaa u sheegay inaan shaqadayda raali ku ahay oo anigu dalbaday ee ay iska tag oo adeegato ”ayuu BBC-da u sheegay Maxamed Faarax.

Wuxuu intaa raaciyey inuu shaqadaas waardiyanimo ku shaqanayey muddo halsano ah.

Arrinta la yaabka leh ayaa ah in wali wasiir hore Maxamed Faarax, uu wali hayo surweelkii uu shaqada waardiyaha ku bilaabay oo gurigiisa yaalla sida uu BBC-da u sheegay

Xilalkii uu ka soo qabtay dowladdii kacaanka

Maxamed Faarax Ciise oo loo yaqaan Gaashaan , wuxuu ka mid ahaa dhalinyaradii dugsiyada sare ee Talyaanigu maamulayey ka baxay intii ay jirtay dowladdii rayidka ahayd basle ku indha qaaday dowladdii kacaanka ee militarigu hogaaminayey oo sanadkii 1969-kii afgambiga ku qabsaday dalka

Sida uu BBC-da u sheegey Gaashaan, wuxuu ka mid ahaa dhalinyaro si xamaasad leh u soo dhaweysay ciidamada markii ay xukunka la wareegeen.

“Caleemo qoyan ayaan ku soo dhaweynay kacaanka bilowgiiba, waayo waxaa iska jirtay waxyaabo loo tirinayey dowladdii rayidka ahayd” ayuu yiri Gaashaan.

Bilowgiiiba toddobaataneeyadii Maxamed Faarax, wuxuu sheegay inuu ka mid ahaa dadkii la oran jiray kaadiriinta ee ku biiray ololayaashiii kacaanka ee hanuuninta.

Sanadkii 1977-dii, shirweynihii ururada shaqaalaha ayaa Gaashaan, loo doortay guddoomiyaha guddiga kormeerka iyo baarista ee ururka shaqaalaha Qaraka.

“Waxyaabaha an ka faa’iiday muddadaas an xilkaa hayey waxay ahayd inaan tagay dhammaan 192 degmo ee Soomaaliya” ayuu yiri Gaashaan.

Sanadkii 1984-tii, Maxamed Faaax Ciise, wuxuu ka mid noqday wasiiradii dowladdii kacaanka ee xiligaas la magacaabay isagoo noqday wasiir xigeenka wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya xilkaas oo uu hayey sanad iyo dheeraad.

Wuxuu sheegay in sidoo kale muddaas sanada uu ahaa kusimaha wasiirka markii wasiirkii wasaaradda dib loogu yeerey golaha sare sare ee kacaanka

Xilligaas uu wasiir xigeenka ka ahaa wasaaraddda Caafimaad waxaa wasaaradda wasiir ka ahaa allaha u raxmadee Jeneral Cabdalle Maxamed Faadil.

Kadibna waxaa loo wareejiyey wasaaradda Maaliyada ee Soomaaliya isagoo noqday wasiir xigeenka wasaaradda muddo laba sano ahaa markaas oo wasaaaradda maaliyada Soomaaliya uu wasiir xilligaas ka ahaa Cabdulaahi Caddow.

Bilowgii siddeetamadkii ayuu sidoo kale noqday wasiir xigeenka wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada xiligaas oo wasaaraddaas uu wasiir ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Isagoo safar shaqo ku jooga Talyaaniga ayaa isku shaandayn lagu sameeyey golihii wasiirada ayaa xilka looga qaaday.

Shirweynihii shaqaalaha, dhamaadki 1985-tii ayaa Maxamed Faarax Ciise loogu doortay guddoomiyahii ururada shaqaalaha xilkaas oo uu haye yilaa burburkii dalka.

Maxamed Faarax Ciise, waxa kale oo uu soo noqday xildhibaan golihii shacabka xilligii dowladii militarga sideetameeyadii.

Intii dalka Soomaaliya ku jiray dibu dhiska wuxuu Gaashaan wasiiru dowle ka noqday xukuumadii Puntland ee uu madaxeynaha ka ahaa Cabdirixmaan Faroole.

Isha: BBC

Xasan Sheekh ma isfuran doonaa oo dad ma usoo xiri doonaa fadeexadda hubka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa meel adag iska taagay hubkii sharci darrada ahaa ee dhawaan lasoo galiyay gudaha Soomaaliya, kaas oo ganacsi ahaan loo rabay xilli ay dalka ka aloosan yihiin colaaddo qabiil.

Kiiska hubkaan oo Villa Somalia ku dul wareegsanaya ayaa xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya hoos u dhigeen farriimihii isbari-yeelida ahaa ee kooxda madaxweyne Xasan Sheekh ee sida weyn loo tuhunsan yahay.

Xildhibaannada Galmudug kasoo jeeda ee baarlamaanka Soomaaliya ku jira ayaa badi hoosta ka xariiqay inuu hubkani ahaa mid ujeedadiisa aheyd mid amniga lagu dhaawaco, laguna raadiyo kuraas siyaasadeed.

Waxay xildhibaannada qaar bogaadiyeen reerka hubka gacanta ku dhigay. Laba arrimood ayey xildhibaannada hoosta ka xariiqeen;

1. Inuu hubka galay gacan aamin ah

Mudaneyaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya waxay qaarkood sheegeen in hubkaan la rabay inay umadda isku leysay, qaarna laga iibiyo argagixisada, laakiin nasiib wanaag ay arrintaas ka hortagtay beesha degta waqooyiga gobolka Galgaduud.

Bogaadin ka sakow waxaa reerka hubka la wareegay loogu baaqay inay ka ilaaliyaan gacmihii markii hore soo iibiyay iyo argagaxisada labadaba. Tani waxay si weyn ganafka ugu dhufaneysa farriimihii dowladda ee horey ula xiriiray hubka iyo hadalkooddii ahaa maleeshiyaadka.

2. Inuu madaxweyne Xasan Sheekh ku qasban yahay inuu dad isku furto

Xildhibaannada waxay sheegeen in aan arrintaan looga baxsan karin waraaqo iyo guddiyo magac u yaal ah. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa oo arrinta hubkaan dhib badan ka maraya ayaa loogu baaqay inay ficil la yimaadan oo ugu yaraan maxkamad la soo taago dadkii howshaan ku lugta lahaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalmahan lasoo warinaayay inuu si weyn ugu jahwareersan yahay arrinta hubka. Mar wuxuu ka fikirayaa inuu dad usoo xiro arrintaan, marna waxay kooxdiisa qaar soo jeedinaysa in arrintaan farsamo hoose lagu xaliyo.

Laakiin culeyska caalamiga ah ee ka dhashay arrintaan ayaa laga yaaba inuu Xasan Sheekh ku qasbo inuu dad isku furto ayey leeyihiin dadka sida dhow ula socda xaaladda hubkan sharci darrada ah.

Kiiska hubkaan oo fadeexad abuuray ayey dowladda tiro dhowr jeer ah uga hadashay qaabab is-burinaya. Laakiin shacabka, dadka haya xogta hoose ee hubkaan iyo beesha caalamka midna sida muuqata weli kuma qancin farriimahaas. Maantana golaha shacabka ee baarlamaanka ayaa sii xoojiyay in aan farsamooyin hoose looga baxsan karin fadeexaddan.

Golaha Wasiirada DF oo ansixiyay heshiis cusub oo lala galay Imaaraadka Carabta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah kulankoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay arrimo muhiim ah.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, waxaana goobjoog ahaa ku xigeeniisa Saalax Axmed Jaamac iyo inta badan golaha soo xaadiray shirka maanta.

Ugu horreyn golaha wasiirada Soomaaliya ayaa meel-mariyey heshiis afgarad ah oo u dhexeeyo Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Shirkadda Dekedaha ee Abu-Dhabi Ports Group oo laga leeyahay dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale golaha wasiirrada ayaa kulankooda maanta ku ansixiyey Xisaab Xirka Hey’adaha Dowladda ee sanad Maaliyadeedka 2023, kaas oo si faah-faahsan u qeexaya hannaanka loo isticmaalay iyo habraacyadii kala duwanaa ee uu soo maray xisaab xirka.

Intaas kadib golaha ayaa warbixin ku saabsan dagaalladii horraantii Bishan Luulyo ka dhacay Degmeda Luuq waxa uu ka dhageystay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo kamid ahaa wafdi ay dowladdu halkaas u dirtay, iyada oo Xukuumadda DanQaran oo kaashanaysa dowlad goboleedka Jubbaland ay ku guulaysatay Xabbad joojin iyo in dhibkii dhacay wadahadal lagu xalliyo.

Golaha ayaa sidoo kale Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ka dhageystay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka iyo dagaalka lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab ee ka socda qaar kamid ah gobollada.

Xubnaha golaha wasiirad ayaa si weyn u boggaadiyay guulaha ay ciidanku ka gaarayaan sifeynta kooxaha Khawaarijta, gaar ahaan guulihii laga gaaray dhinaca Jubbaland.

Dhowaan uun ayay ahayd markii Al-Shabaab soo weeraray deegaanada Buulo-xaaji iyo Harboole lagu gaarsiiyay jab xoogan , isla markaana looga furtay hub iyo saanad ciidan.

SOMALILAND oo aqoonsi cusub heshay kadib codeyn Arbacadii shalay ka dhacday…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ee gooni isu-taagga ayaa haatan helay aqoonsi cusub, kadib codeyn ka dhacday magaalada Liverpool ee dalka Ingiriiska, taas oo noqotay magaaladii ugu horreysay ee dalkaasi ee ku dhowaaqda aqoonsiga Somaliland.

Golaha Deegaanka Liverpool ayaa Arbacadii sheegay in ay Somaliland u aqonsadeen “dal madax bannaan” kadib markii goluhu cod u qaaday.

Sida ay warisay warbaahinta maxalliga ah golaha ayaa marka hore ka dooday mooshinka aqoonsiga maamulka Somaliland, waxaana dood dheer kadib ay u codeeyeen in Somaliland u aqoonsadaan dal ka madaxbannaan Soomaaliya inteeda kale.

Horay waxa loo xasuustaa magaalooyinka Sheffield, Cardif City oo Wales ka tirsan in sidaan oo kale ay u aqoonsadeen Somaliland.

Qurba-joogta ugu badan ee Somaliland ayaa ku nool UK, kuwaas oo badanaa ka shaqeeya sidii ay golayaasha magaalooyinka ay joogaan uga ololayn lahaayeen Somaliland oo muddo 33 sano ah raadineyso ictiraaf.

Arrintan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah isla markaana muddooyinkii u dambeyay ay Somaliland dadaalkii ugu xooganaa gelisay aqoonsiga ay muddada dheer raadineyso oo xittaa ay bad uga bedalatay Itoobiya, sida ay horay u shaaciyeen madaxda maamulkaas.

Dhaqaajinta heshiiska ayaa weli socota, waxayna Somaliland ka dooneysaa Itoobiya aqoonsi, ayadoo shalay  ay uugu dambeysay warqadaha aqoonsiga laga guddoomay safiir ay Somaliland sheegtay inuu u fariisan doono magaalada Addis Ababa.

“Safiirka Jamuuriyada Somaliland ee dalka Itoobiya Amb. Aadan Geeddi Qayaad, ayaa u gudbiyey waraaqihiisa magacaabista (Accreditation Letter),Agaasimaha guud ee  hab maamuuska  Wasaarada arrimaha dibadda eec dawladda Federaalka Itoobiya Mudane Melaku Bedada Senbeta” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Somaliland.

Si kastaba, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa kasoo horjeedda damaca Somaliland oo halis ku ah midnimada iyo wadajira ummadda Soomaaliyeed.

DF oo shaacisay goorta ay dhacayaan doorashooyinka maamul goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadashay arrimaha doorashooyinka ee dalka, gaar ahaan kuwa maamul goboleedyada waxayna shaacisay goorta ay dhacayaan doorashooyinkaas.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo khudbad ka jeediyay shirka qurbejoogta ee magaalada Dooxa ayaa sheegay in haatan dalka uu aadayo doorashooyin, isla- markaana ay noqonayaan kuwa ay ka qayb qaataan shacabka.

Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in doorashooyinkaas lagu bilbaabi doono kuwa maamul goboleedyada dalka, ayna dhacayaan dhammaadka sanadkan 2024-ka.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in qorshuhu yahay in la qabto doorashooyinka dowladaha hoose, si ay shacabka usoo doortay hoggaamiyeyaasha deegaankooda.

Xukuumadda Soomaaliya ayuu tilmaamay inay qaaday tallaabooyinkii ku haboonaa ee doorashooyinkan, isla- markaana la diyaariyay sharciyadii lagu hagi lahaa.

“Todobaadkan sharcigii doorashooyinka iyo sharcigii xisbiyada waa la dhammeeyay horay-baa la rabaa inay usii socdaan waxaan rajeyneynaa sanadkan aakhirkiisa dowladihii hoose iyo dowlad goboleedyadii iyo dowladda dhexaba inay doorashooyinkaas noqdaan kuwo dadka u siman yihiin qof walbaa codkiisa aan la metaleyn” ayuu yiri Fiqi.

Dhinaca kale waxa uu tilmaamay in wax badan laga qabtay amniga dalka, sidoo kale guul laga gaaray dagaalka Al-Shabaab, kuwaas oo muhiim ah doorashooyinka dalka.

“Amniga waxaa la xoreeyay 400 oo kiilo mitiri ka dheer, darraad baad arkeyseen kooxihii Khawaarijta oo inta soo weeraray ciidamadii Jubbaland sida loo galay waad aragteen’ ayuu mar kale yiri wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dalka ay ka taagan tahay xiisad wayn oo siyaasadeed, isla markaana hoggaanka dowladda federaalka lagu eedeeyay inay iyagu hortaagan yihiin qabsoomidda doorashooyinka maamullada dalka oo dib loo dhigay.


Sawirro: Aadan Madoobe iyo Shacbaan oo tegay guriga Sheekh Xiddig kadibna…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo ay wehliyaan hab-dhowraha golaha shacabka iyo xildhibaano ayaa tacsi ugu tagay ehelada iyo xerta Allaha u naxariistee marxuum Sheekh Cusmaan Xiddig.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa ehelada, qoyska, xerta Sheekha iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida marxuumka, waxa uuna saxiixay buuga tacsida Allaha u naxariistee Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud.

Sidoo kale, ku-simaha guddoomiyaha ahna guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare BJFS Cali Shacbaan Ibraahim ayaa isna tacsi ugu tagay qoyska AUN Sheekh Cusmaan Xiddig.

“Guddoomiye Cali Shacbaan ayaa saxiixay buuga tacsida, wuxuuna marxuumka alle uga baryay in uu jannatul Fardowsa ka waraabiyo samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada, culumaa’udiinka iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Sheekh Cusmaan Xiddig,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddoonka baarlamaanka.

Sidoo kale guddoomiye Cali Shacbaan waxaa wehliyay wasiirka wasaaradda amniga XFS, xubno ka tirsan Sanatarrada Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya iyo xoghayaha guud.

Sheekh Cusmaan Xiddig, waxa uu muddo ka badan 40 sano ahaa daaci iyo macallin ka shaqaynayey fiidinta diinta Islaamka habeen hore ayuu ku geeriyooday Muqdisho oo shalay meydkiisa lagu aasay.

Dadka Soomaaliyeed iyo qaar kamid ah culimada dunida Islaamka ayaa si weyn uga tacsiyeeyey geerida Sheekh Cismaan Xiddig, dadka yaqaana Sheekha ayaa ku tilmaamay inu ahaa “maktabad soconaysay.”

Sheekh Cusmaan Xiddig ayaa muddo dheer lagu yaqiinay soo saarista kutub kala duwan oo ku saabsan culuumta kala duwan ee Islaamka iyo wacyiga nololeed ee Soomaalida.

Kutubta uu qoray Sheekh Cusmaan Xiddig oo aad u badan waxaa inta badan laga helaa jaamacado ku yaalla dalalka Islaamka, gaar ahaan jaamacada Axqaaf oo ku taalla dalka Yemen, sidoo kale dalka Ciraaq ayaa ka mid ah wadamada laga akhristo kutubta uu qoray Sheekh Cismaan Xiddig.

Sawirro: Dhacdo argagax leh oo Borama ka dhacday kadib markii ilmo yar lagu riday…

0

Boorama (Caasimada Online) ― Ciidamada Dab-demiska maamulka Somaliland oo gurmad deg-deg ah sameeyay ayaa soo bad-baadiyay ilmo yar oo musqul lagu riday.

Ciidanka ayaa waxa ay ku guuleysteen in ilmahan yar ay ka soo samata-bixiyeen musqusha isagoo mayd ah, waxaana ay geeyeen Isbitaalka weyn ee Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Sidoo kale ciidamada ayaa farriin culus u diray shacabka Somaliland waxayna ka codsadeen inay lasoo xiriiraan, haddii ay dareemaan xaalad halis ah.

Ciidamada Dam-demiska ayaa qoraal ay kaga waramayaan sida u dhacay howl-galkaasi samato-bixintu waxay soo dhigeen bartooda Facebook-ga, wuxuuna u dhignaa sidan:-

“Boorama- Ilmo yar oo Musqul lagu Riday oo Ciidamada Dabdemisku Musqul ka soo saareen isagoo Mayda.

Ciidanka Dab-demiska Boorama ayaa lagu soo wargeliyay gurmadka Ilmo yar oo lagu Riday Musqul kuna taalla Xaafada Jarka ee degmada Sheekh Cabdisalaan.

Ciidanka ayaa ka hawlgalay sidii ilmahaas looga soo saari lahaa Suuliga, waxaana ciidanku Maydka Ilmahaa yar ka soo saareen Musqushaas.

Kadib ciidanka Dab-demiska ayaa Ilmahaas yar Maydkiisii geeyay Cisbitaalka weyn ee Magaalada Boorama.

Ciidanka dab-demiska wuxuu uga digayaa dadka falalka noocana ku kaca in sharciga la marin doono kana waantoobaan falalkaa arxan daradda ah.

Hadii aad la kulanto masiibo dab soo wac lambarka gurmadka degdega ah ee 990 shirkadaha Telesom/ Somtel.”.

Eritrea oo dalkeeda ka mamnuucday diyaaradda Ethiopian Airlines + Sababta

0

Asmara (Caasimada Online) – Dawladda Eritrea ayaa joojisay duulimaadyaladii diyaaradda shirkadda Ethiopian Airlines ay ku tegi jirtay caasimadda dalkaas ee Asmara.

Maamulka Hay’adda Duulimaadka Rayidka ee dalka Eritrea ayaa waxa uu mamnuucay duulimaadyada diyaaradda Ethiopian Airlines, waxaana warkaan lagu daabacay wargeyska dawladda Eritrea ee Hadas.

Sida lagu sheegay warka ay soo saareen maamulka Hay’adda Duulista Rayidka ee Eritrea, sababta ay u mamnuuceen diyaraadda Itoobiya ayay ku sheegeen, in diyaaradda Itoobiya Airlines ay ‘xadgudub abaabulan kula kacday rakaabka Eriteriyaanka ah ee raaca diyaaradooda’.

Eedeymaha ay Eritrea u jeedisay shirkadda doyaaradaha ee Ethiopian Airlines waxaa ka mid ah ‘Xatooyo boorsooyinka ah, waxyeelayn, dib u dhac aad u dheer, xoolo lumin aan magdhaw lahayn, sicirka tikidhada oo si aan la macnayn karin cirka la gaarsiiyo iyo sharci darrooyin kale oo muwaadiniinta Eritrean-ka ay arkeen.’

Sidoo kale Dawladda Eritrea waxay sheegtay in marar badan ay dhinacyada ay quseyso arrintaan ay isku dayeen inay dhibaatooyinka ay sheegteen rakaabo wax ka weydiiyaan maamulka shirkadda Ethiopian Airlines, iyaga oo xiriir la sameeyay, balse in aysan ka helin haba yaraatee wax jawaab ah.

“Marar badan ayaan xusuusinay diyaaradda Ethiopia Airlines in ay xaliyaan dhibatooyinka aan kor ku xusnay, laakiin wax natiijo ah kama aysan dhalan,” ayaa lagu yiri warka ay soo saartay Hay’adda Duulista Rayidka ee dowladda Eritrea.

Hay’adda ayaa sheegtay in wixii ka dambeeya 30-ka bisha September uu dhaqan gelayo go’aankan lagu mamnuucay diyaaradda Ethiopia Airlines, inkastoo dowladda Eritrea ay mamnuucday diyaaradda Ethiopian Airlines, hadana diyaaradda ayaa iibineysa tikidho diyaareed oo ah 31-ka September.

Dhankeeda dowladda Eritrea ayaa macaamiisha dalkaas u dhashay ee shirkadda ku wargelisay inay joojiyaan la macaamilka shirkadaas wixii ka dambeeya 20-ka September.

Duulimaadyada Ethopian Airlines ay ku tagto Asmara markii laga soo tago, waxaa jira shirkado diyaaradeed oo kale oo duulimaadyo ku taga caasimadda dalkaas ee Asmara, waxaana kamid ah Saudi Arabian, Turkish Airlines iyo Egyptian Ailines, kuwaas oo dhamaantood si joogta ah u taga Asmara.