26.8 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Daawo: Axmed Madoobe oo ka digay qorshe culus oo ay damacsan tahay Shabaab

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo booqasho ku tegay deegaanka Buulo-xaaji oo uu dhowaan ka dhacay dagaal lagu jabiyay Al-Shabaab ayaa dhiirogeliyay ciidamada ku sugan halkaas ee jilibka u dhigay maleeshiyaadkii Khawaarijta ee weerarka soo qaaday.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in jab wayn la gaarsiiyay Al-Shabaab, isla markaana xubno isugu jiro Soomaali iyo Ajaaniib looga dilay dagaalladii ka dhacay Jubbada Hoose.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kooxda ay la kulantay arrin aysan fileyn oo u horseeday guul darro, wuxuuna xusay in jabka gaaray uu ku noqday u-tun wayn oo xanuun badan.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in kooxda ay hadda qorsheyneyso aar gudasho, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in loo diyaar garoobo si ka duwan sidii hore.

“Guusha lama sii daayo hadda waa guuleysanay sow maaha? maydkooda faraha badnaa ee Soomaali iyo Ajanabiba lahaa iyo dhaawacyadooda meel ay gaystaan ay waayeen si aynan u diyaar garoobin ayaan hadda u diyaar garoobeynaa oo sidii ka xoog badan, sababtoo ah qofka marka uu u-tun qabo ee aargusho u socdo iyo marka uu caadi yahay ma isku mid-baa” ayuu yiri madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland.

Waxaa kale oo uu raaciyay “Hadda u-tunbey qabaan aargusho ayay u socdaan taasaa u baahan inaan libinta hantino oo wixii shalay aan ku jirnay aan laba laabno”.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda ku boggadiyay halgankooda, wuxuuna tilmaamay in Soomaali badan ay ka farxiyeen.

“Maanta waxaa sameyseen wax Soomaali idin kaga dayan karto inta dambe aan is raacino, waana idinka war hayn doonaa” ayuu mar kale yiri Axmed Madoobe.

Hoggaamiyaha Jubbaland ayaa sidoo kale dalacsiiyay ciidamada guusha keenay, wuxuuna sidoo kale bilado geesinimo ah guddoonsiiyay saraakiishii ku hoggaamisay dagaalladii adkaa ee ay la galeen maleeshiyaadkii la laayay ee kooxda Al-Shabaab.

Dhowaan ayay ahayd markii ko dhowaad 100 xubnood Al-Shabaab looga dilay weeraro ay ku qaadeen deegaanada Buulo-xaaji iyo Harboole oo ka wada tirsan Jubbada Hoose.

Somaliland oo soo saartay warbixin ka kooban 15 qodob kuna adkeysatay fulinta…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Warbixin xasaasi ah oo kasoo baxday Somaliland ayaa waxaa looga hadlay waxqabadka xukuumadda ee todobaadkii tegay, waxaana warbixinta looga hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan heshiiska bada, doorashada iyo arrimo kale.

Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay ka go’an tahay in dhowaan la hirgeliyo heshiiska badda ee ay la gashay Itoobiya, waxayna ku adkeystay in aan waxba laga beddali doonin.

Sidoo kale waxa ay ka digtay in maraakiibta dagaalka Turkiga ay soo gaaraan xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo la filayo inay soo caga dhigtaan, si loo fuliyo heshiiskii Soomaaliya iyo Turkiga.

Dhinaca kale xukuumadda maamulka Somaliland ayaa sheegtay in safiirkooda Itoobiya laga guddoomay warqadaha aqoonsiga, isla markaana horay loo sii wado xiriirka labada dhinac.

Hoose ka akhriso warbixinta oo dhammeystiran:-

𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐰𝐚𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

  1. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si adag gaashaanka ugu dhufatay in maraakiibta Turkigu ay soo galaan xeebta dheer ee Somaliland.
  2. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay inay ka go’an tahay hirgelinta heshiiskii isfaham ee dhex maray Itoobiya, waxana ay jawaab ka bixisay haddallo ka soo yeedhay dawladda Soomaaliya.
  3. Madaxweynaha JSL, Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ka qaybgalay aas qaran oo Hargeysa loogu sameeyay Alle ha u naxariistee Marxuum Xaaji Cabdi Aw Maxamuud Ismaaciil (Xaaji Cabdi Aw Cadde).
  4. Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa tacsi u diray dadweynaha iyo dawladda Itoobiya oo uu ka tacsiyadeeyay dadka ku dhintay dhul go’ ka dhacay koonfurta dalkaasi oo ay ku naf waayeen in ka badan 157 qof.
  5. Wasaaradda Kalluumaysiga iyo horumarinta Xeebaha Somaliland ayaa magaalada Ceerigaabo ka daah furtay diiwaan-gelinta Kalluumaysatada iyo Gaadiidka Kalluumaysiga dalka.
  6. Agaasimaha guud ee Baanka dhexe ee JSL, Maxamed Qaasim Xuseen,ayaa Hawl-gal ku fuliyay sarriflayaasha aan sharciga u haysan ku ganacsiga suuqa sarrifka ee Wajaale ee Khalkhalka gelinayay suuqaasi.
  7. Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa daneeyayaasha doorashada u soo bandhigay qoddobo ku saabsan hawlqabadka Komishanka iyo qabyada jirta ee la xidhiidha doorashooyinka isku sidkan ee madaxweynaha iyo ururrada siyaasadda ee muddaysan 13ka November 2024.
  8. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku tilmaantay go’aan lagu degdegay tallaabadii Golaha ammaanka ee Qarammada midoobay ay cuna-qabatayntii hubka kaga qaadeen Soomaaliya.
  9. Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse ayaa xadhiga ka jaray Mashruuca Xoolo-naaxinta oo laga Hirgaliyay Deegaanka Balan-baal ee degmada Gar-adag ee gobolka Sanaag.
  10. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Cali Xasan Maxamed, ayaa digniin u diray warbaahinta ka hawlgasha dalka ee  xayaysiisa dhakhaatiirta aan lahayn takhasuska.
  11. Wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in xukuumadda JSL ay sannadkan dabarayso dhammaan 18ka Milyan ee doollar ee ku baxaya doorashooyinka dalka ee muddaysan 13ka November 2024ka, taasi oo kala badh dhaqaalahaasi ay u shubtay komishanka, halka inta kalena kolba qadarka ay u baahdaan ay soo dalban doonaan.
  12. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti sare oo ka socday Hay’adda Caafimaadka adduunka WHO, oo ay horkacaysay madaxa u sareeya Xafiiska WHO ee Somaliland iyo Soomaaliya.
  13. Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Raabi Cabdi Maxamed iyo Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Eng. Mawliid Nuux Ibraahim, ayaa la kulmay saraakiil ka socotay Baanka Horumarinta Africa oo ay hoggaaminayso Madaxa u qaabilsan Mashaariicda Baanku ka wado Somaliland.
  14. Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska JSL Cali Cumar Maxamed ayaa wareegto ku magacaabay guddiga ilaalinta iyo daryeelka carruurta.
  15. Safiirka Jamuuriyada Somaliland ee dalka Itoobiya Amb. Aadan Geeddi Qayaad, ayaa u gudbiyey waraaqihiisa magacaabista (Accreditation Letter),Agaasimaha guud ee hab maamuuska Wasaarada arrimaha dibadda eec dawladda Federaalka Itoobiya Mudane Melaku Bedada Senbeta.

𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚𝐧 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐬𝐨𝐨 𝐮𝐫𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐥𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐨𝐝𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐰𝐚𝐤𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐎𝐋𝐍𝐀.

DANAB oo hub kasoo furatay Al-Shabaab, kadib markii ay…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale maanta howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab waxa ay ka sameeyeen agagaarka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Qoraal kooban oo kasoo baxay taliska ciidamada Xoogga dalka ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ay gudaha u galeen tuulada Xaliimo Cadey oo hoostagta deegaanka Buulp-xaaji, isla markaana ay halkaasi ku dilee xubno badan oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Sidoo kale ciidamada ayaa soo bandhigay hub fara badan oo ay kusoo furteen howlgalkaasi ee ay khasaaraha xoogga leh ku gaarsiiyeen kooxda.

“Ciidanka ayaa intii hawlgalku Socday waxay khawaarijta ka dileen maleeshiyad ka tirsan khawaarijta iyagoona soo bandhigay hubkii ay ka furteen khawaarijta” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska Xoogga dalka.

Danab ayaa sidoo kale cagta marisay dhammaan fariisimihii ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd tuulada uu howlgalka uu ka dhacay, halkaas oo gabaad u ahayd kooxda.

“Ciidanka Kumandooska Danab XDS Gaar Ahaan SMU ayaa Waxay Burburiyeen Goobo ay Gabaad ka dhiganayeen khawaarijta oo ku yaalay Tuulo lagu magacabo Xaliimo cadey oo hoostagta Degaanka Bbuulo-xaaji ee Gobolka Jubadda Hoose” ayaa lasii raaciyay qoraalka.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegeen ciidamada.

Dhowaan ayay ahayd markii deegaanka Buul-Xaaji ay soo weerareen Al-Shabaab, balse lagu jabiyay isla iyagii, isla markaana looga dilay tirada badan, hubnka looga furtay.

Jubbooyinka oo ay weli ku xoogan yihiin maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa waxaa badanaa ka dhaca dagaallo iyo weeraro sababa khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Netanyahu oo khudbad yaab leh u jeediyay Congress-ka

Washington (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo shalay khudbad u jeediyay Koongareeska Mareykanka, ayaa si adag u difaacay dagaalka ay dowalddiisa ka wado Gaza.

Waxa uu wacad ku maray inuu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah Xamaas, inta uu ka helay guul kama danbeys ah, isla markaana uu soo guryo celinayo la heystayaasha Gaza.

Xamaas ayuu ku eedeeyay sii socoshada dagaalka 10 bil jirsaday ee ay Isra’il ka waddo Gaza. Wuxuu weeraray Iran oo uu ku eedeeyay in ay maalgeliso Xamaas, ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan iyo Xuutiyiinta Yemen.

Wuxuu kaloo cambaareeyay dibadbaxayaasha Mareykanka ee mudaaharaadyada ka dhigayay dhawaanahaan xarumaha Jaamacadaha Mareykanka, kuwaas oo uu ku tilmaamay”doqomiin waxtar u yeeshay Iran” isla markaana caawinaya cadawga Israil.

Khudbaddii Netanyahu ee Koongareeska Mareykanka, ayaa waxaan soo xaadirin in ka badan 50 mudane oo ka mid ah mudanayaasha xisbiga Dimoqraadiga ee Koongareeska.

Inti ay khudbadda socotay, ayaa waxaa sidoo kale meel aanan ka fogeyn xarunta Koongareeska ee Capitol Hill ka socday mudaaharaadyo ay ka qeybgaleen kumannaan ruux oo looga soo horjeeday dagaalka Gaza.

Booliska ayaa suntan dadka ka ilmeysiisa ku buufiyay qaar ka mid ah dibad-baxayaasha oo rabay in ay socod ku gaaraan bannaanka xarunta Koongareeska, balse ay booliska u diideen.

Dadkaan ayaa ku qeylinayay erayo ka dhan ah Netanyahu, iyo kuwo ay ku taageerayeen Falastiin, iyaga oo lahaa “Falastiin ha xorowdo”.

Tan iyo marki uu billowday dagaalka Isra’il ee Gaza, ayaa waxaa ay ku dishay ku dhawaad 40 kun oo Falastiiniyiin ah oo u badan dumar iyo carruur.

Xog: Farmaajo oo helay fursad weyn oo Xasan Sheekh uu dayacay – Maxaa ka socda Qatar?

0

Dooxa (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka faa’iideystay shirkii qurbajoogta Soomaaliyeed lagu qabtay magaalada Dooxa ee dalka Qatar, isagoo la kulmay siyaasiyiin iyo aqoonyahano saameyn leh oo lagu tirinayey dhanka Xasan Sheekh.

Farmaajo ayaa sawirro lasoo galay qaar kamid ah dadka uu ku qaabilay Dooxa, wuxuuna muujiyey in olole dib u doorasho uu sii bilaabay, dadka qaar ayaa la yaabay xubnaha isla soo sawiray Farmaajo oo markii hore aad uga aragti duwanaa.

Arrinta la yaabka leh waa in rag masuuliyiin ah oo aad ugu dhow Xasan Sheekh oo qaarkood ka tirsan xukuumadiisa ay Farmaajo u geeyeen dadka saameynta leh ee Dooxa uu kula kulmay.

Xasan Sheekh ayaa deg deg u lumiyey miisaan siyaasadeed oo culus, taas oo soo dedejisay in Farmaajo uu helo garbo siyaasadeed, iyadoo la xusuusan yahay heerkii uu joogay markii uu Xasan Sheekh uga guuleystay xukunka.

Inkastoo xogtaan aysan aad u soo shaac-bixin, hadana ilo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay inay jiraan siyaasiyiin Xasan Sheekh aad ugu dhowaa oo hadda si hoose ula shaqeynaya Maxamed Farmaajo.

Xasan Sheekh ayaa hadda ku jira sanadkii 3-aad ee muddo xileedkiisa, maalinba maalinta ka dambeysa waxaa soo muuqanaysa in si ogaal iyo ula-kac ah looga maarmayo dhammaan wixii mawaaqif iyo mabaadii ahaa ee shalay lagu ololeeyay ee bulshada laga iibiyay.

Arrinta Dooxa waxay muujineysaa waxyaabaha la filan karo dhowrka bilood ee soo socota, waxaana garabka Xasan Sheekh tartiib uga sii baxaya siyaasiyiin saameyn leh, oo garan waayey cidda qaadaneysa macaashka dowladii ay soo dhisteen.

Madaxweynaha ayaa ku guul-dareystay inuu daadajiyo talada, oo kalsooni siiyo saaxiibadiisa siyaasadda, si kale hadii loo dhigo dadka gorfeeya siyaasadda waxay dowladda Xasan Sheekh ku macneeyeen “xukuumad aan milkiile laheyn” taasi oo muujineysa in aysan jirin cid dareemeysa ‘lahaansho gaar ah’ oo xukunka Xasan Sheekh kalsooni badan ku qabta ama difaacaneysa.

Hoos ka eeg qaar ka mid ah kulamadii uu Farmaajo la yeeshay mucaaradkiisii hore:


Booliska Muqdisho oo soo xiray nin si yaab leh “dhaqankiisa u dooriyey”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir, gaar ahaan Saldhigga degmada Xamar-weyne ayaa soo xiray eedeysane Axmed Suudi Macoow Deeyow 30 jir ah.

Ninkaan ayaa ku eedeysan in uu ku kacay falal liddi ku ah dhaqan Suuban ee Soomaaliyeed, sidoo kalana ‘dooriyay jirkiisa.’

“Waxaa ku socota baarista Booliiska, waxaana la horgey doonaa Maxkamadda awooda u leh” ayaa lagu yiri qoraalkan kasoo baxay Taliska qeybta guud ee Booliiska Gobolka Banaadir.

Ninkaan oo lagu soo sawiray loogada booliska ayaa xiraa Diraca dumarku xirtaan, waxaana u deysan timaha sidii dumarka.

Sidoo kale Axmed Suudi Macoow Deeyow waxaa laga dheehan karaa astaamaha ay ku eedeeyeen booliska, markii la eego muuqaalkiisa, lama yaqaan sababta ku kaliftay inuu xirto diraca dumarku xirto oo lagu soo sawiray.

Booliska Soomaaliya ayaa wada la dagaalan xooggan oo ku saabsan dhaqan dooriska iyo dadka wada, waxaana xabsiga la dhigay dad badan oo eedeysanayaal ah bilihii lasoo dhaafay.

Sidoo kale dadka la xiray maalmihii iyo bilihii lasoo dhaafay waxaa ku jirta dhamaan dhalinyaradii Muqdisho ee baraha bulshada ku baahi jirta dhaqamada aysan jecleysan dadka muslimka ah ee Soomaaliyeed.

Maxkamadda Gobolka Banaadir waxaa ka furan dacwada dhalinyaradii lasoo xiray, waxaana maalmaha soo socda lasoo gabagabeynayaa dacwadda qaar ka mid ah dadka xiran oo u badan gabdho caan ka ah barta TikTok.

Mounting outcry as Somali government ignores demands to release detained journalist

0

Mogadishu (Caasimada Online) – As Ali-nur Salad Hassan spends his third consecutive day in detention, the Somali government continues to defy calls for the release of the journalist.

During the arrest of Hassan, a former BBC journalist, legal procedures were disregarded, his dignity was violated, and the incident reflected a dictatorial approach by the authorities. Hassan was photographed without his consent in a distressing and humiliating manner, at a location typically reserved for those accused of serious crimes such as robbery and murder.

At a press conference in Mogadishu on Tuesday, leaders of the Somali private media condemned the police’s actions. Abdullahi Hirsi, Director of the UK-based Somali TV, Universal, expressed his outrage, saying: “It is a disgrace to the press and the Somali people to treat Ali-nur Salad in such a manner. Justice must be served, and Ali-nur must be granted his freedom.”

Former President Sharif Sheikh Ahmed released a statement on Monday, asserting that the repression of journalists violates both the country’s constitution and international standards. Mr. Ahmed characterized Ali-nur’s arrest as an attempt to silence independent media and intimidate journalists.

Similarly, former Prime Minister Hassan Ali Khayre voiced his concerns on social media, describing the arrest as an effort to suppress the truth and independent press. “Freedom of speech is a constitutional right. The media is essential for government accountability and the implementation of democracy. Arresting journalists damages the government’s credibility,” Khayre said.

Despite the ongoing outcry, the Somali government has not provided any official information regarding the status of Hassan, who previously served in the Prime Minister’s office as an information and public relations officer during PM Hassan Khayre’s tenure.

Somalia remains one of the most dangerous countries for journalists. In April this year, the National Intelligence and Security Agency (NISA) arrested another prominent journalist, Hussein Abdulle, after he published a report exposing NISA, including one detailing expected sackings within the agency. Abdulle was later released on a presidential order as he claimed on his Facebook account post, but without trials.

Abdirahman Abdishakur, a member of the Somali Parliament, described Ali-nur’s arrest as a violation of the constitution and freedom of speech. “It is essential that the government protects the rights of journalists so they can carry out their duties without fear of pressure and intimidation,” said Mr. Abdishakur.

R/Wasaare ku-xigeenka oo guddoomiyey shir aan caadi aheyn + Ujeedka (Sawirro)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Saalax Jaamac ayaa maanta guddoomiyay shir aan caadi aheyn oo eer wasiirro ah.

Shirkan ayaa looga hadlayay qorshaha xasillinta deegaannada laga xorreeyay kooxda Al-Shabaab, xilli uu dhawaan si rasmi ah u bilaabanayo wejiga labaad ee dagaalka kooxda.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu horrayn bogaadiyay ciidammada qalabka sida guulaha wax ku oolka ah ee ay ka samaynayaan furrimaha dagaalka oo ay ugu dambeeyeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland oo dhawaan xoreeyey deegaanno ka tirsan maamulkaas.

Shirkan ayaa lagu soo bandhigay barnaamijka xasilinta iyo howlaha ka qabsoomay deegaannada la xoreeyey kooxda Al-Shabaab.

Waxa sidoo kale lagu soo bandhigay qorshaha wasaaradaha ee ku aaddan deegaanada sidii deegaanada la xoreeyay loo gaarsiin lahaa adeegga dawladnimada sida waxbarashada, cafimaadka iyo adeegyada kale ee aas-aasiga ah.

Howl-gallada dagaal ee ka dhanka ah kooxda ayaa bilowgii hore keenay natiijo wax ku ool ah iyo in kooxda laga fara-maroojiyo dhul baaxad leh oo sanado badan ay ka talinayeen, inkasta oo bilihii lasoo dhaafay uu hoos u dhacay gulufka, wallow uu socdo qorshe dhiig cusub loogu shubayo si ay dowladda usii xajisato libinta dagaalkan.

Ciidamada dowladda ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhiyay howl-gallada qorsheysan ee lagu bartilmaameedsanayo goobaha ay ku sugan yihiin dagaal-yahaanada Shabaab, waxaana dhawaan la filayaa inuu si rasmi ah u bilowdo wejiga labaad ee dagaalka.

Sawirro: Xogta howl-gal culus oo DANAB ay ka fulisay J/Hoose, kuna furatay…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay howl-gal culus oo maanta ciidanka kumandooska Danab ee xoogga dalka ay ka fuliyeen deegaan dhaca gooblka Jubbada Hoose.

Howl-galkan oo ka dhacay tuulo lagu magacaabo Xaliimo-cadey oo u dhow deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay ciidanka ku burburiyeen goobo ay gabaad ka dhiganayeen kooxda Al-Shabaab

Ciidanka ayaa intii howl-galku socday waxay Al-Shabaab ka dileen maleeshiyad badan, sida ay warbaahinta dowladda u shegeen saraakiishii hoggaamineysay howl-galka.

Sidoo kale waxaa howl-galkan ay ciidanak DANAB ku furteen hubkii maleeshiyaadka la khaarajiyay, iyagoo soo bandhigay hubkaasi, oo ay sawiraddiisa baahisay warbaahinta dowladda.

Maalmihii u dambeeyay waxaa deegaanada dhaca gobolka Jubbada Hoose ka socday howl-gallo lagu beegsanayo Shabaab-ka ku sugan halkaasi, ayada oo Isniinta ay dowladda dhexe baahisay in dagaal ka dhacay deegaannada Buulo Xaaji, Baar Sanguuni iyo Harboole ee gobolkasi lagu dilay 81 dagaal-yahaan oo ka tirsanaa kooxda.

Howl-galkaas ayaa ka dambeeyay kadib markii maleeshiyaadka Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidanka xoogga dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ay ku lahaayeen deegaannadaas, kadibna ay ciidanka ku guulaystay inay cagta mariyaan xubnihii weerarka soo qaaday, sida ay baahisay dowladda.

Ciidammadda ayaa howl-galkaas ku furtay hub aad u fara badan oo ay wateen Shababaka, kuwaasi oo ay kamid yihiin qoryaha RPG, BKM, AK47 iyo kuwa kale.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibada caalamka ayaa xaqiijisay inay ka go’an cirib-tirka kooxda Al-Shabaab, xilli dhawaan la filayo inuu si rasmi ah u bilowdo wejiga labaad ee dagaalka oo dhowr jeer uu dib u dhac ku yimid.

Midowga Yurub oo adkeynaya VISA-ha dal ku gal ee Soomaalida

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa soo jeediyay in la adkeeyo tallaabooyinka dal ku galka ee la siiyo muwaadiniinta Soomaalida.

Bayaan uu soo saaray guddiga Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in dhawaan la soo jeedin doono “in dalalka xubnaha Midowga Yurub ay awood u yeelan doonaan inay go’aan ka gaaraan tallaabooyinka la qaadayo.”

Tallaabooyinkan ayaa laga leeyahay dib usoo celinta muwaadiniinta Soomaalida ee sida aan caadiga ahayn ku gaaray dalalkaasi, kuwaas oo aan haysan dukumentiyo sax ah.

Soomaalida ayaa sidoo kale laga qaadi doonaa lacag badan oo fiisaha Midowga Yurub ee loo yaqaano Schengen ah.

Tan ayaa ka dhigan in codsiyada fiisaha Schengen ee Soomaalida lagu qaban doono 45 maalmood gudahood, halka 15 maalmood ee caadiga ah laga qaadanayo dalalka kale.

Qaar kamid ah sharciga fiisaha Schengen ee Soomaalida ayaa laga yaabaa in la joojiyo, oo ay ku jirto suurtagalnimada in laga dhaafo shuruudaha soo gudbinta dukumentiyada caddaynta.

Soomaali badan ayaa sanad kasta iska dhiiba waddamada Yurub kadib markii ay dalalkaas ku tagaan Viisooyin ay ku helaan siyaabo kala duwan.

Dalalka Midowga Yurub ayaa sidoo kale Itoobiya iyo Gambia ka qaatay tallaabooyin adag oo dhanka Viisaha ah.

Mustaf Dhuxulow: Soomaaliya waxaa la keenay fikirkii Afwerki

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo kamid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta warbaahinta kula hadlay afaafka hore ee baarlamaanka ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxda dowladda Soomaaliya.

Xildhibaan Mustaf Dhuxlow ayaa sheegay in dalka uu hadda ku socdo waddadii lagu yaqaanay kaligii talisnimada, isaga oo sheegay dhammaan laga arki karo tallaabooyinka ay qaaday dowladda, sida uu hadalka u dhigay.

Dhuxulow ayaa shaaca ka qaaday in dalka la keenay fikirkii madaxweynaha dalka Eritrea oo kale ee kalitalisnimada, wuxuuna tilmaamay inay ka digayaan.

“Horta haddii aad aragtiin Media la xiraayo, doorasho la diidan yahay iyo dowlad goboleedyada oo la diidan yahay dhaqankaas waxaa iska leh Afwerki, marka lama ogolo in la caburiyo saxaafadda xorta ah inta lasoo qaado oo halkan la keeno fikirkii Afwerki”” ayuu yiri Xildhibaan Mustaq Dhuxulow.

Xildhibaanka ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay iyadu hortaagan tahay doorashooyin ka dhaca maamul goboleedyada, taasna ay tahay caqabad dib u dhigi karta dalka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in cawaaqib xumo laga dhaxli kari, haddii aan waqtigooda lagu qaban doorashooyinka dalka.

“Caalamka haddii doorashooyinka ay waqtigooda ku dhici waayaan waxaa dhici doonta inay ka goostaan taageerayaasha ay siiyaan maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe” ayuu raaciyay.

Waxaa kale oo uu farriin u diray madaxweynaha oo uu ugu baaqay inuu wax ka beddalo jihada siyaasadeed ee uu haatan ku wado dalka.

“Madaxweyne Xasan Sheekh oo nin oday ah 70 jiro ah oo lasoo doortay waxaan ugu baaqayaa inuu wax ka beddalo siyaasaddiisa” ayuu mar kale yiri xildhibaanku.

HirShabelle oo war cusub kasoo saartay ciidamada ITOOBIYA ee soo galay Hiiraan

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha HirShabelle, Cabdiraxmaan Dahir Guure (Karoore) oo u warramay warbaahinta ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan ciidamada Itoobiya ee shalay kasoo tallaabay xadka, isla markaana gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Wasiir Karoore ayaa sheegay inay hayeen xogta ciidamadaas, isla markaana lala soo wadaagay HirShabelle, wuxuuna tilmaamay in ujeedkoodauu  yahay inay galbiyaan ciidamada Itoobiya ka joogay gobolkaas, kuwaas oo qayb ka ahaa howlgalka ATMIS.

“Ciidanka Itoobiya ee kasoo gudbay xadka dhinaca Feerfeer sida annaga nagu soo gaartay warbixinta ku saabsan ciidamadaas in ay ciidankii gobolka Hiiraan ka joogay oo qaarkood ATMIS ay ahaayeen, qaara ay caawinayeen inay guurayaan waqtigiina uu ka dhammaaday in ciidamadaas galbinayaan ayaa warbixinta nagu soo gaaray” ayuu yiri wasiir Karoore.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay HirShabelle lasoo xiriireen, ayna u sheegeen inay baxayaan, isla markaana ay si nabad ah ku marayaan waddooyinka Hiiraan.

“Way nala soo xariireen maamullada deegaannadana way la hadleen oo waxay rabaan inay waddooyinka si nabad ah ku maraan,” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Waxaa kale oo uu raaciyay “Shalay way noo yimideen, maantana haddii ay baxayaan annaga wargelin kale oo gooni a kama rabnee kolley shaqadii ayaa u dhammaatay inay baxaana waa qasab”.

Arrintan ayaa sidoo kale ku timid codis  ay dowladda Itoobiy u soo gudbisay dowladda Soomaaliya, iyadoo dalbaneysa in loo ogolaado in gudaha Soomaaliya ay soo galaan ciidamo Itoobiyaan ah, si ay u gelbiyaan ciidan kale oo Itoobiya ka jooga degmada Maxaas.

Intaas kadib dowladda dhexe ayaa Ciidamada Itoobiya u ogolaatay inay tagaan Maxaas, si halkaas ay uga gelbiyaan 500 oo Askari oo dalka ka bixi doono dabayaaqada bishan.

Si kastaba, Bixitaanka ciidanka Itoobiya ayaa qeyb ka ah qorshaha dhimista ciidanka ATMIS ee jooga Soomaaliya, sida ay cadeysay dowladda Itoobiya.

Daawo: Gudoomiye Madaale oo raali-gelin buuxda ka bixiyay gefkii uu u gaystay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa raalligelin buuxda ka bixiyey “gef uu u gaystay” baarlamaanka, kadib markii uu dhawaan jeediyay hadal ay dhibsadeen qaar kamid ah xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya.

“Xildhibaan Hunguri raadis ah miyuu la tashanayaa Madaxweynaha?. Xildhibaanoow waxa aad siyaasad ku raadineyso ka fikir” ayuu horay u yiri guddooiye Yuusuf Madaale.

Arrintan ayaa dhalisay dood xoogan waxaana kasoo jawaabay qaar kamid ah xildhibaannada, sida Faa’iso Jayte oo dalbatay in baarlamaanka uu tallaabo ka qaado Madaale.

“Madaale hadda waxa uu gaaray inuu Idaacadihii wacdo oo uu baarlamaanka caayo, isaga iyo dad kale ayaa lacag lagu siiyaa inay caayaan xildhibaanada. Xagaa haddii uu da’o lambar 4 afar booyad ayaa la keenaa horta mala geli karo kii kale oo jaayga godad ayaa laga qoday isna lama mari karo, waay uu wax u sheegaa ceebtiisa maba is ogee hoos inuu isku fiiriyo waayay marka uu qof caayaayo” ayay ku jawaabtay xildhibaan Faa’iso Jayte.

Intaas adib waxaa mar kale soo hadlay Duqa Muqdisho wuxuuna sheegay inuu shaki soo kala dhex-galay isaga iyo xildhibaannada “Baarlamaanka shalay iyo darraad shaki ayaa na kala dhex-galay” ayuu yiri.

Yuusuf Madaale ayaa sidoo kale raalligelin buuxda siiyay xildhibaannada Soomaaliyeed ee dhibsaday hadalkii uu horay u yiri.

“Anoo imooshinaal ah ayaa laga yabaa in xoogaa ay wax iga soo baxeen marka waxaan leeyahay ha’iga raalli ahaadaano xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya” ayuu raaciyay.

Waxaa kale oo uu yiri “Nin wax caayo ma’ihi afkeygana ma qabto in xildhibaan Soomaaliyeed aan caayo ama aan wax ka sheego”.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ugu dambeyn ku baaqay in aan la siyaasadeyn arrimaha ciidamada iyo dagaalka adag ee haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Waxaa la rabaa mar kasta inay noo kala soocnaato mucaaradnimada siyaasadeed iyo dagaalka lagula jiro Khawaarijta oo ciidanka Soomaaliyeed u dhimanaayo” ayuu yiri.

Itoobiya oo war culus kasoo saartay hubkii lagu boobay magaalada Caabudwaaq

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay hubkii sharci darrada ahaa ee dhowaan lasoo geliyay gudaha dalka, isla markaana lagu bililiqeystay gudaha degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud.

Afhayeen lagu magacaabo Nebiyu Tedla ayaa tilmaamay  in hubkaasi aanu wax xiriir la laheyn Itoobiya, isagoo meesha ka saaray eeda loo jeediyay dowladdiisa.

Afhayeenka oo la hadlay warbaahinta ayaa xusay in wax shaqo ah aysan ku lahayn arrimaha gudaha ee Soomaaliya, balse ay tahay mas’uuliyad saaran dowladda Soomaaliya oo leh awoodda maamulka hubka, maareyntiisa iyo bixintiisaba.

Nebiyu Tedla ayaa ka gaabsaday mar wax laga waydiiyay in hubkan ay iyagu ka iibiyeen ganacsato ama koox kale, sida horay loogu eedeeyay balse kama jawaabin.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dowladda Soomaaliya oo warbixin diblumaasiyadeed uga hadashay arrinta hubkan ku eedeysay inay gudaha dalka soo gelisay Itoobiya oo xilligan ay kala dhexeyso xiisad ka dhalatay heshiiska badda ee uu Abiy Axmed la galay Somaliland.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay ugu baaqeysaa dowlada Itoobiya in ay ka waantoowdo faragelinta ay ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya oo ay kamid tahay tababarida iyo qalabeynta maleeshiyaad beeleedyada soo gelinta hubka sharci darrada ah” ayay dowladda federaalka ku tiri warbixin ay ciwaan uga dhigtay “Xog bixin diblumaasiyadeed” taas oo ka soo baxday wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Tani waxay dhiirogelineysaa isku dhacyada beelaha iyo abuurista xasillooni darro ku baahda gobolka iyo soo nooleynta argagaxisadasii liiceysa”.

Si kastaba, hubka sharci darrada ah ee lasoo geliyay dalka ayaa dhaliyay walaac xoogan oo gudaha iyo heer caalami ah, maadaama uu u gacan galay shacabka degmada Caabudwaaq.

Daawo: Xiisad lamid ah tii Dab-damiska oo ka taagan magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisad la xiriirta muran dhuleed ayaa mar kale kasoo cusboonaatay magaalada Muqdisho, kadib markii shalay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay burburiyeen dhul ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha oo ay daganaayeen shacab.

Arrintan ayaa dhalisay xiisad lamid ah tii Dab-damiska oo ay horay dowladda Soomaaliya uga barikicsay qoysas daganaa dhukaas oo ah mid dan-guud ah.

Qoysaska haatan laga burburiyay guryahooda ee deganaa Ceelasha Biyaha ayaa la hadlay warbaahinta, waxayna sheegeen in la boobayo dhulkooda, loona gaystay xadgudub wayn oo ay sheegeen inuu uga yimid Koonfur Galbeed iyo dowladda dhexe, sida ay hadalka u dhigeen.

“Waxaan halkan ka caddeynayaa dhibaato aan wanaagsaneyn inay nooga timid ciddii aan maciinsaneynay ee mas’uulka naga ahayd ee dowlad noo ahayd inay dhibaato burburin hantiyeed iyo dil dadeed intaba meesha ka dhacday” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

Cabdikariin Cabdulle Macow oo kamid ah qoysaskan ayaa sidoo kale ku dooday in dhulkan ay ka dhexleen waalidoontooda, isla markaana ay haystaan dukuminta cabirka dhulkaasi.

“Waxaa nagula haystaa dhulkii oo fac ka fac ah oo aan ka dhexalnay Aabaheyn, waxaa noo cabiray Xaaji Axmed Sacuudi” ayuu isna yiri Cabdikariin Cabdulle Macow.

Sidoo kale waxa ay qoysaskani tilmaamay in weerar lagu soo qaaday habeen madow, isla-markaana cagta la mariyay koofafkooda iyo guryihii ay daganaayeen.

“Habeen madow oo sideed saac ah ayaa naloo soo galay waxa nagula dumiyay ma naqaano, wax nagala xukumay ma jirto dhibkaas ayaa nagu dhacay” ayuu yir Cabdullaahi Iidow Caki oo 52 jir ah, kana mid ah dadka laga barakiciyay dhulkaasi.

Xildhibaan Mukhtaar Xasan Saajid oo kamid ah Golaha Shacabka ayaa ka hadlay arrinta dhulkan iyo xiisadda ka dhalatay, wuxuuna farriin u diray Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka, isaga oo su’aal ka keenay waxa soo celiyay dhul boobka haatan socda.

“Waxaan usoo jeedinayaa madaxweynaha Koonfur Galbeed haddii arrinta laguu qariyay ka gaar, maxaa yeelay adigaa u dhaartay, Ilaaheyna wax kaa waydiinayaa” ayuu yiri Saajid.

“Tankale Madaxweynaha qaranka waxaan usoo jeedinayaa ee aan annaga soo dooranay, madaxweyne mar alle markii aad adiga timaado dhulkan lagu soo yaacaayo waa la fahmi la’yahay, dhul jabis iyo dhul boob iyo howlo badan oo horor dhulnimo ah ayaa soo badatay, madaxweyne arrintan sumcadaada ayay taabanee ee wax ka qabto” ayuu mar kale yiri.

Horjoogayaal Al-Shabaab ah oo isku soo dhiibay DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Horjoogayaal sar sare oo muddo dheer ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa haatan isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya, kadib markii ay kordheen howlgallada iyo duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka.

Hoorjoogaha koowaad ee soo galay gacanta dowladda ayaa waxaa lagu magacaabaa Cabdi Maxamed Caraaye, kaas oo uu magaciisa kale ee afgarashada uu yahay (Cabdirashiid), wuxuuna isku soo dhiibay Ururka 26aad, guutada 6aad qaybta 60 aad Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed ee ku sugan degaanka Buula -Mareer ee gobolka Shabeelada Hoose.

Cabdirshiid oo muddo 14 sano ah la shaqeynayay kooxda Al-Shabaab ayaa u qaabilsanaa dhanka maaliyadda, sida uu ku sheegay wareysi uu siiyay warbaahinta dowladda.

Sidoo kale waxaa isna isa soo dhiibay horjooge kale oo lagu magacabo Khaliif Maxamed Cabdi, isla markaana kooxda looga dhex yaqaano Khalid, kaas oo 10 sano ah ka tirsanaa Khawaarijta, wuxuuna isku dhiibay ururka 19-aad ee guutada 3-aad ciidamada Xoogga.

Labada horjooge oo wareysiga laga qaaday waxa ay u sheegeen inay ku qanci waayeen habka ay wax u waddo kooxdaan, isla markaana uu isbeddalay fakirkooda, ayna goosteen inay isaga soo baxaan kooxdaasi.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay inay si wanaagsan usoo dhaweeyeen horjoogayashan, isla markaana ay mari doonaan habraaca loo dajiyay xubnaha kasoo goosta Al-Shabaab.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa kordhiyay beegsiga ka dhanka ah Al-Shabaab oo jab xoogan lagu gaarsiiyay dagaalladii ugu dambeeyay.

Xog: DF oo ogolaatay inay dalka soo galaan ciidan badan oo Itoobiyaan ah + Sababta

0

Maxaas (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa codsi rasmi u soo gudbisay dowladda Soomaaliya, iyadoo dalbaneysa in loo ogolaado in gudaha Soomaaliya ay soo galaan ciidamo Itoobiyaan ah, si ay u gelbiyaan ciidan kale oo Itoobiya ka jooga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Ciidanka Itoobiya ee ku sugan degmada Maxaas Gobolka Hiiraan ayaa qeyb ka ah howlgalka ATMIS waxayna baxayaan maalamaha soo socda.

Dowladda Soomaaliya ayaa Ciidamada Itoobiya u ogolaatay inay tagaan Maxaas, si halkaas ay uga gelbiyaan 500 oo Askari oo dalka ka bixi doono dabayaaqada bishan.

Bixitaanka ciidanka Itoobiya ayaa qeyb ka ah qorshaha dhimista ciidanka ATMIS ee jooga Soomaaliya, sida ay cadeysay dowladda Itoobiya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa warqad codsi ah u soo dirtay dowladda Soomaaliya, iyadoo codsaneysa in ciidankeeda loo ogolaado inay soo galaan gobolka Hiiraan, si ay u gelbiyaan ciidankii horay uga joogay aagga degmada Maxaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa aqbashay codsigaas, maadaama ay soo martay jid sax ah, waxaana ciidanka Itoobiya u suurtagashay inay maanta soo galaan gobolka Hiiraan.

Dad ku sugan Hiiraan ayaa Caasimada Online u sheegay inay arkeen ciidamo aad u badan oo lagu qiyaasay 6,000 oo askari oo wata gaadiid dagaal, kuwaas oo u gudbay dhanka Maxaas.

Shaki badan ayaa ku geedaaman arrintaan, in 500 oo askari ay soo doonaan ciidan aad u badan oo gelbinaya ayaa abuurtay shaki weyn, arrintaan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya aysan heshiis aheyn oo dagaal diblomaasiyadeed oo adag ay galeen, mid toos ahna ay qarka u saaran yihiin.

Sawirro: Ciidamada DF oo jab kale gaarsiiyay Al-Shabaab, kana soo furtay HUB

0

Xudur (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya in maanta dagaal culus oo khasaare lagu gaarsiiyay Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool oo hoostaga maamulka Koonfur Galbeed.

Dagaalka ayaa u dhexeeyay ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan guutada 9-aad iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Abagbeeday oo ka tirsan gobolka Bakool, kadib markii ay weerar culus ku qaadeen ciidamada dowladda.

Qoraal kooban oo kasoo baxay taliska ciidanka Xoogga dalka ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkan jab wayn lagu gaarssiyay Al-Shabaab, isla markaana laga dilay xubno sar sare.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeeda lagu sheegay in ciidamada sameeyay howlgalka ay hub kasoo furteen kooxda, kuwaas oo ay ku jiraan Qoryaha BKM iyo AK47.

“Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 9-aad waxay howlgal qorsheysan ay ku dileen xubno sare oo ka tirsan Aragagaxisada. Abagbeeday oo qiyaas 20km dhanka beri kaga beegan Magaalada Xuddur ayaa isku hor imaad dhex maray ciidamada iyo argagaxisada waxayna ciidanka ay soo furteen hub ay ka mid yihiin Qoryaha BKM iyo AK47” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay Taliska Xoogga dalka.

Weerarkan ayaa waxaa ka horreeyay mid kale oo maalin kahor ka dhacay duleedka Kismaayo, kaas oo isna khasaaro ba’an lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadib markii lagu jabiyay weeraro ay ku soo qaadeen deegaano dhowaan laga wareegay oo ku yaallla gobolka Jubbada Hoose.

Ku dhowaad 100 xubnood ayaa looga dilay dagaalkaasi, kuwaas oo maydadkooda laso bandhigay, sidoo kale waxaa laga furtay saanad ciidan, sida ay sheegtay dowladda

Gobollada dalka ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Tirada dhimashada dhul go’a Itoobiya oo korortay

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dalka Itoobiya, waxaa korortay tirada dadka ku dhintay laba dhul go’ oo Axaddii iyo Isniintii ka kala dhacay gobolka Koofureed ee dalkaasi dhaca bariga Africa.

Saraakiisha Dowladda Itoobiya ayaa sheegay in tirada meydadka laga soo saaray dhoobada hoosteeda ay kor u dhaafeen 229 qof, walina laga cabsi qabo in ay jiraan tobnaan kale oo ku aasan dhoobada.

Kassahun Abayneh oo ah afhayeenka maamulka degmada Gofa ee ismaamulka Gobolka Koofureed ee Itoobiya, ayaa wakaaladda wararka ee Reueters u sheegay in roobab mahiigaan ah oo Axaddii da’ay ay sababeen dhul go’a khasaaraha dhaliyay.

Madaxda Waaxda Misoobiyinka Qaran ee magaalada Gofa, Markos Melese ayaa isna Rueters u sheegay, in in ay wali helayaan meydad hor leh isla markaana aysan garaneyn xilliga ay jooji doonaan howlaha gurmadka.

Khasaaraha xooggiisa ayaa dhacay Isniintii, kaddib marki dad gurmad ahaan ugu yimid badbaadinta dhibanayaashi ku waxyeelloobay dhul go’i Axaddii, uu ku dul habsaday dhul go labaad.

Ra’isulwasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa sheegay in uu aad uga xumaaday khasaaraha ba’an ee soo gaaray dadka, isaga oo intaasi raaciyay in ay goobta u direen saraakiil heer federal ah, si loo yareeyo saameynta masiibada.

Isha: VOA

Sawirro: Xasan Sheekh oo la kulmay xubno ka socda beesha caalamka – Muxuu kala hadlay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Mama Keita oo ka tirsan UNECA iyo Mr. George Conway, ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay (DSRSG) oo ay weheliyaan khubaro caalami ah.

Wada-hadallada dhexmaray Madaxweynaha iyo masuuliyiintaan ayaa diiradda lagu saaray wajiga saddexaad iyo kan ugu dambeeya ee geeddi-socodka horumarinta Hiigsiga Qarniga ee 2060 (CV2060) iyo qorshaha istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya, si loo gaaro heerka dakhliga dhexe ee 2060-ka.

Madaxweynaha ayaa ku nuuxnuuxsaday in CV2060-ku uu noqon doono aasaaska qorshaha isbadalka qaranka iyo qorshayaasha xiga ee dhexe iyo kuwa waaxaha ilaa 2060.

Kulankaas waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa xubno ka socday golaha dhaqaalaha qaranka Soomaaliya.

Hiigsiga qorshaha qaran ee sanadka 2060-ka waa mid baaxad leh, sida ay marar badan sheegtay dowladda Soomaaliya.

Shirar looga hadlayo qorshahaas iyo sida dalkoo barwaaqo ah lagu gaari lahaa sanadka 2060-ka ayaa ka dhacay qaar kamid ah dalalka caalamka, kuwaas oo Soomaaliya ay ka qeyb gashay.

Soomaaliya oo ka mid ah dalalka soo koraya ayey quburadu sheegaan in muhiim uu u yahay qorshaha hormarka ah ee dunidu hiigsaneyso sanadka 2060-ka .